27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Muddo hal bil oo 1,900 oo Soomaali laga soo tarxiilay waddanka Sacuudiga

Jidda (Caasimada Online)-Hey’adda socdaalka muhaajiriinta adduunka ee loo soo gaabiyo IMO ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in ay kordheen tirade dadka Soomaalida ee sidda qasabka laga soo celiyo dalka Sacuudiga.

Warbixin ay soo saartay hey’adda ayaa lagu sheegay in bishan oo kaliye si qasab ah looga soo celiyay 1913 qo.

Guud ahaan tirade sidda qasabka loo soo celiyay ayaa gaaraya ilaa 3 kun oo qof tan iyo bishii December.

Si kastaba, hey’adda ayaa ugu baaqday dowladda Sacuudiga in ay joojiso tarxiilka ay ku heyso Soomaalida ku nool dalkeeda.

Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka ay ku nool yihiin Soomaali badan oo ka carartay dalkooda tan iyo sannadkii 1991-dii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: DFS oo xaalka uu ku xun yahay kuna fashilantay balanqaadyadii hore

0

Warbixin kooban oo wax badan oo qarsoon lagu kashifay taas oo ka hadleysa Xaalada amni daro iyo fashilka Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo la sheegay in ay ku fashilantay waxyaabihii ay balan qaaday oo idil.

Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waxyaabaha uu ka hadlaya iyo sida uu wariyaha ku tusinaya waxyaabaha dowlada Somalia ay ku fashilantay iyo sida hada xaalku yahay soo ma’ahan Xaqiiq dhab ah oo haatan taagan ee nala daawo adaa wax badan oo aadan ogeyn ogaan doonee.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA.

 

XOG: Caalin oo u taagan xilka wasiirka ammaanka iyo C/Weli oo la kulmaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay soo qaban qaabisay beesha uu ka soo jeedo madaxweynihii horre ee Galmudug, Maxamed Axmed Caalin.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Safari ayaa waxaa looga hadlay siddii Maxamed Axmed Caalin loogu magacaabi lahaa wasiirka ammaanka qaranka Soomaaliya maadama ay isku qabiil yihiin wasiirkii horre Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ilo xog ogaal ah oo ka qeybgalay kulankaas ayaa u sheegay Caasimada Online, in kulanka ay ka qeybgaleen siyaasiyiin, xildhibaanno iyo odayaal dhaqameedyo kuwaasoo isku raacay in Caalim uu beeshooda u noqdo wasiirka ammaanka maadama ay iyaga lee yihiin xilkaas, sida ay sheegeen.

Dhinaca kale, ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhawaan u safar ku tago Puntland, isagoona halkaas kulamo kula soo qaadan doono madaxda maamulka Puntland iyo madaxweynihii horre ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo hadda ku sugan Garoowe.

Tan iyo markii uu is casilay wasiirkii horre ammaanka qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed waxaa beesha Habar Gidir ay lahaayeen wax garadkooda iyo siyaasiyiintooda kulamo looga hadlaayo cidda lagu badalaayo wasiirkaas, maadama dowladda wax lagu qeybsaday nidaamka 4.5.

Caalin waa qof noocee ah?

Maxamed Axmed Caalin wuxuu la soo shaqeeyay dowladihii dalka soo maray isagoona muddo 20 sanno ka tirsanaa hey’addaha nabad sugida Soomaaliya.

Caalin wuxuu madaxweyne ka soo noqday maamulka Galmudug, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa saxiixayaashii qariirada Roud Mapka ee looga baxay xilligii KMG ah ee dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SAWIRRO: 1,500 oo askar Dumar ah oo DF Somalia u diiwangashan (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin dheer oo ay qortay wakaalada wararka AP, ayaa looga hadlay askar dumar ah oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wixii ka dambeeyay sannadkii 2011-ka waxaa kordhaayay askarta dumarka ah ee ku biiraya dowladda kuwaasoo hadda lagu arkayo magaalada Muqdisho.

Ilaa 1,500 oo askari oo dumar ah ayaa ku jirra ciidamada Soomaaliya oo lagu qiyaaso 20,000 oo askari sidda ay lee yihiin saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dumarkan ku jirra booliska ayaa lagu arkayaa waddooyinka Muqdisho iyagoo dhabarka uu u saaran yahay qoriga AK47.

Sacdiyo Nuur waa 28-jir waxay sheegtay in ninkeeda iyo qoyskeeda ay ka dideen inay difaacdo dalkeeda oo waxay rabaan bey tiri in aan gurigga iska joogo.

“Seygayga, Qoyskeyga iyo qof wala wuxuu doonayaa in aan joogo guriga oo aan shaqeynin.”ayey tiri.

“My husband, family and everyone wanted me to stay at home! It didn’t work for me.” – See more at: http://hiiraan.com/news4/2014/May/54900/female_soldiers_join_the_army_ranks_in_somalia.aspx#sthash.mNIToRlS.dpuf
“My husband, family and everyone wanted me to stay at home! It didn’t work for me.” – See more at: http://hiiraan.com/news4/2014/May/54900/female_soldiers_join_the_army_ranks_in_somalia.aspx#sthash.mNIToRlS.dpuf

Waxaa ku jirra dumarkan kuwa in muddo ah ku soo jiray ciidamada booliska Soomaaliya balse wixii ka dambeeyay burburkii shaqada waa ay iska dhaafeen balse dhawaan ayey ku soo laabteen, waxaa kaloo jirra kuwa cusub oo ku soo biiray oo tababbar uu u socdo.

Sadiya Nur,

Waxay qabtaan howgallada ciidamada booliska qabtaan, waxay waardiyeeyaan xarumaha muhiimka sidda baarlamaanka, madaxtooyada, garoonka diyaaradaha, dekedda iyo saldhigyada iyagoona ka qeyb qaata howgallada laga sameeyo xaafadaha gaar ahaan marka la baarayo dumarka.

Marka la weydiiyo howsha ay hayaan waa ay ku faraxsan yihiin balse waa kuwa aad u cabsada oo meelaha qaar ma aadi karaan haddii ay aadaanna waxay qaataan niqaab ama indho shareer si aan loo aqoonsan.

Halkan ka daawo sawirrada haweenka booliska Soomaaliya

2014528635368810733911528femalearmy

2014528635368810859106413femalearmy22014528635368810983394270femalearmy3

2014528635368811115611319femalearmy4

2014528635368811295697315femalearmy5

2014528635368811419567679femalearmy6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasan oo xusay Ethiopia una sheegay inay ka wanaagsan yihiin Soomaalida

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay xus Muqdisho loogu sameeyey wax loogu yeeray Itoobiyada cusub.

Xasan oo ay wehliyeen guddoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad, ku-xigeenka Ra’isul Wasaaraha Ridwaan Xirsi Maxamed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo xubno kale ayaa maanta xarunta safaaradda dowladda Ethiopia ay ku leedahay magaalada Muqdisho uga qeybgalay munaasbaad lagu weyneynayay 23 guuradii kasoo waregatay markii xilka laga tuuray xukunkii Mingiste ee ka arimin jiray dalka Ethiopia 23 sanno kahor.

Munaasabdan ayaa maanta oo kale si weyn looga dabaaldegaa dalka Ethiopia, islamarkaana Qowmiyadaha reer Ethiopia waxa ay u aaminsanyihiin maalin ku weyn, maadama ay ugu magacdareen Itoobiyada cuusb wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii xiligaasoo ay aheyd markii uu xukunka qabtay Ra’isulwasaarihii geeriyooday ee Meles Zanawi.

Xasan Sheekh Maxamuud oo goobta ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyay shacabka iyo dowladda Ethiopia Maalinta Qaran oo ay xusayaan, waxaana uu muujiyey in Soomaalida ay ka liittaan Ethiopian-ka, marka la eego midnimada.

Xasan ayaa yiri “Maanta waxaan kala soo qeyb galnay safiirka iyo diblomaasiyiinta safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya xafladda ay ugu dabaaldegayaan 28-ka May oo ay ku magacaabeen maalintii guusha, maalintii guusha waxa ay ahayd maalin taariikhda Ethiopia wax badan ay isbadaleen, Itoobiyada cusub ee maanta ay dhalatay, waa maalintii ay Ethiopia ay ku guuleysatay sideetan iyo dhowr qowmiyadood iyo boqol milyan dad ka badan in la isku hayo, oo hal dowladda, hal calan iyo hal Xukuumad oo leh hal siyaasad inay yeeshaan, howl sahlan ma ahayn, intaasi oo qowmiyadood oo luuqadahooda kala duwanyihin, kala diin ah, kala dhaqan, in intii la isu keeno oo hal Qowmiyad laga dhigo howl sahlan ma ahayn, waxay nooga baahantahay waxyaabo badan oo aan ku daysan karno, dhibka loo maray intaas in la sameeyo uma baahnin anagga, ma qabno dhibkaas, qowmiyado kala duwan, kala dhaqan ah, kala diin ah, kala muuqaal ah, xataa in la isku hayaa, haddii ay suurta gal tahay in lagu guuleysan karo, anagoo Soomaali ah 100% isku diin ah, isku dhaqan ah, isku muuqaal ah, isku luuqad ah, wax walba isaga mid ah, in aan noqon wayno Qowmiyad mid ah, waa ducfi ummadda Soomaaliyeed ay leedahay, waana ka baxnay markaan Ilaah idinkiis”

Si kastaba waxaa is-weydiin mudan waxa madaxda Soomaalida ka galay u dabaal degga munaasabad ceynkan oo kale ah oo dad iyo dal kale u gaar ah?

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog cusub: Khilaaf ka dhex jira Xasah Sh iyo C/Weli (Maxaa la isku hayaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa muujinaya in uu jirro khilaaf ka dhex aloosan madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud iyo ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka?

Sidda ay lee yihiin ilaha warkan laga soo xigtay khilaafka ayaa ka dhashay markii madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha isku qabteen isku shaandheen la rabo in lagu sameeyo golaha wasiiradda xukuumadda iyo qorshe cusub oo uu wato ra’iisal wasaaraha.

Labada nin ayaa isku qabtay qorsho uu rabo ra’iisal wasaaraha oo ah in uu xilka ka qaado lix wasiir oo xiriir dhow la leh Xasan Sheekh oo uu ka mid yahay Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Arrintaas waxaa gaashanka u daruuray madaxweynaha oo ra’iisal wasaaraha u sheegay in uusan taaban wasiiradaas maadama uu dhawaan is casilay wasiirkii amniga oo xiriir dhow la lahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada nin ayaa kulanka ay yeesheen uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan waxaana muuqata in uu khilaafkan uu cirka isku shareeri karo haddii aan labada nin mid tanaasulaad muujin.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha uu khilaaf ka dhex dhesho in kastoo khilaafkan uu hadda u muuqdo mid bannaaka u soo baxay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa doonaya in loo madax baneeyo in uu soo xulo wasiiradiisa isla markaana xukuumadiisa uu ku soo daro wajiyo cusub.

Madaxweynaha ayaa horrey u ballan qaaday in uu dhici doono isbadal xooggan maadama dhinaca ammaanka uu fashil xooggan ku yimid, waana tan keentay in uu is casili wasiirkii horre ee amniga Cakbdiariin Xuseen Guuleed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Horumarka iyo isbadalka cusub ee lagu sameeyay Dekeda Muqdisho

0

Dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho oo si weyn isku badashay kadib dib u habeyn xoogan oo lagu sameynayay maalmihii u dambeyay ayadoo hataan la soo gaba gabeeyay howlihii ka socday sida uu xaqiijinaya Maareeyaha Dekada Muqdisho.

Hadaba Aqristoow nala daawo muuqala cusub oo ku tusinaya Horumarka iyo Isbadalka cusub ee ka dhacay Dekeda Magaalada Muqdisho ayadoo haatan si weyn isku badashay bilic ahaan iyo muuqaal ahaanba ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Faah-faahin: Taliyihii ciidamada xogga Soomaaliyeed oo maanta la qarxiyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya taliyaha ciidamada Militariga Soomaaliya Gen. Dahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) oo saaka ka badbaaday qarax loo dhigay.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay oo ahayd haweeney goobta ka agadhaweyd halka dhaawacyo ay jiraan balse cid ila hadda xaqiijisay ma jirto.

Janaraal Daahir Aadan Cilmi ayaa qaraxa lagula eegtay meel ku dhow wasaaradda gaashandhigga ee Soomaaliya, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Waxaa goobta tagay saraakiil iyo ciidamo fara badan kuwaasoo baaritaan ka billaabay.

Dhinaca kale, shir jaraa’id oo uu qabtay taliyaha ciidanka booliska degmada Hodan, Korneel Maxamed Cabdulaahi ayuu ku sheegay in taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed in uu bad qabo kana badbaaday qaraxa lagu weerarray kolanyada uu la socday.

Wuxuu kaloo taliyaha xusay in ay wadaan baaritaan bal siddii lagu soo qaban lahaa cidda ka dambeesa qaraxa lagu weeerarray taliyaha ciidanka xooga dalka, Gen Indha-Qarshe.

Waxaa jirra warar sheegaya in uu qaraxa ka dhashay khasaaro xooggan balse xog badan lagama hayo.

Taliyaha oo xilliga la weerarray ku sii jeeday xarunta wasaaradda gaashandhigga ciidamada xooga dalka ayaa qaraxa ka bad baaday, balse waxaa jirra ciidamo ku wax yeeloobay qaraxa.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid halis ku jirra waayo shaley ayey ahayd markii koox hubeysan ay ku toogteen isgoyska mashquulka badan ee KM4 madixii ammaanka shirkadda diyaaradaha Turikh Airline, waxaa ka sii horeeyay weerarkii Sabtidii lagu qaaday xarunta baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

DF Somalia oo shaacisay sababta ay u qaadacday shirka ay qabaneyso Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta ay ku qaadacday shir lagu waday in uu shaley ka furmo Nairobi kaasoo ay soo qaban qaabisay dowladda Kenya loogana hadlaayo siddii qoxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya dib loogu celin lahaa Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkaas ay u qaadeen kaddib markii ay arkeen Kenya in ay ka baxday heshiis seddax geesood ahaa oo horrey u gaareen isla markaana aysan ka soo bixin hirgallinta heshiiskaas.

Wasiir Beyle ayaa xusay in shirka dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ee Kenya uusan  waafaqsaneyn heshiiskii ay wada gaareen dowlaha Soomaaliya, Kenya iyo hey’adda Qaxootiga adduunka UNHCR, kaas oo dowladda Kenya ku waajib yeelayey in ay si bini’aadannimo iyo masuuliyad leh ula dhaqanto qaxootiga Soomaalida, hasa  yeeshee dowladda Kenya arrintaasi ay jabisay.

“Waxaa masuuliyad darro aheyd  sida ay Kenya uga qeyb qaadaneysay habka loo soo celinayo qaxootiga, maadaama ciidammada dowladdaasi ay ku kaceen gabood fallo iyo ficillo ka baxsan bini’aadannimada, balse arrintaas waxba uma dhimi doonta xiriirka iyo wada shaqeynta kale ee labada dowlddood ka dhaxeysa” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay  in dowladda Soomaaliya waajib buuxa uu ka saaran yahay sidii loo ilaalin lahaa muwaadiniinta ka joogta dadka Kenya ee magan-galyada weydiistay, waxa uu intaa raaciyey in lagama-maarmaan ay tahay in la helo waddo kale oo xal loogu raadiyo habka dib u celinta Soomaalida Kenya.

Waa tallaabadii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay qaado tan iyo markii uu billowday raafka iyo dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Somaliland, Puntland & Jubba oo lagu casuumay shir lagu karaamo tirayo DF laguna xaqiray Muqdisho, Xagee?

Magaalada Stockholm ee waddanka Sweden, ayaa waxaa ka dhacaya shir looga hadlayo qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya looga hirgelin lahaa mashaariic dhinaca hormarinta ah, iyadoo shirkan oo ay soo qabanqaabisay dowladda Sweden uu qeyb ka yahay natiijadii ka soo baxday  shirkii Bruxell ee Hiigsashada cusub (New deal) oo  lacagihii Soomaaliya loogu deeqay loo jeexay qorshe cusub oo lagaga maarmayo in lacagahaasi kaash ahaan loo siiyo madaxda Soomaalida.

Taas beddelkeedana waxaa dalal badan ay hadda billaabeen in waddan walba lacagta uu ugu deeqay Soomaaliya ku maalgeliyo shirkaddo dalkiisa ka dhisan si ganacsatada & shirkadaha waddankaas ey u qaataan qandaraasyadda Soomaaliya laga hirgalinayo, waxaana leysku xirayaa Ganacsatada Sweden iyo kuwa Soomaaliya si ay uga wada shaqeeyaan mashaariic horumarineed.

Iyadoo aan lagu wargelin dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa shaqsiyaad ka socda maamulada Somaliland, Puntland & Maamulka KMG ah ee Jubba, loo qeybiyey shaqsiyaad kaga soo qeybgalaya shir Sweden lagu qabanayo.

Waxa ay tani mar kale caddeyn u tahay sida caalamka uu uga shaqeynayo kala qeybinta Somalia, ayada oo dowladda federaalka iyo maamul beeleedyada dalka ka jira si isla mid ah loola macaamilayo, taasi oo sharaf dhac ku ah DF.

Jubbooyinka: Waxaa kaga qeybgalaya 2 Ganacsato oo beesha Ogaadeen ey soo dirsadeen & Wasiirka madaxtooyada C/qani oo Majeerteen ah.

Puntland waxay soo dirsatay Wasiirka Qorsheynta iyo Ganacsato, balse sheekada waxaa loo badalay in niman kale oo ganacsato ah oo ku nool Sweden inay hogaamiyaan shirka dhamaantoodna ka soo jeeda Puntland iyadoo lagu darayo kuwa ka imaanaya Puntland.

Somaliland: Ganacsatadooda iyo Wasiiro ayeey soo dirsatay.

Muqdisho: Waxaa ka imaanaya wefdi ka kooban hal wasiir, waxaana la hor istaagay in ay shirka yimaadaan shirkadaha waaweyn ee ka jira magaalada Muqdisho.

Beesha Kablalax ee Sweden joogta waxaa shirka ka qeybgalaya Bashiir Amaan, Axmed Salantuna, Cabdi yare Salaad, Burhaan Oreboro, Cabdinaasir iyo 12 nin oo uu ka keensaday Africa waxuu coonayey in Visa laga iibiyo safiirka Horn African Bernald Green ciqaamado ayaa loo sameenayaa iyaga iyo xaasaskooda.

Shirka: Wafuuda imaaneysa waxaa la siiyay visa-yaal dhamaantood waa la gatay, waxaana lagu kala gatay lacag gaareeysa 30,000 oo dollar middiiba, dadka iibsadayna waxay kala joogaan amaba ka kala imaanayaan Dubai iyo (Somalia, Itoobiya, Jabuuti, Zambia East africa) waxaan visooyinkan loo bixiyay in la siiyo ganacsatada Soomaaliya si aayaha Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka ay uga hadlaan looguna xiro shirkadaha waa weeyn ee dalka Sweden. Dhamaan waxa iibinaya visayaasha waa Puntland iyo Somaliland.

Dhinaca kale waxaa jira qorsho kale oo ah ganacsatada imaaneysa shirka waxay gadanayaan guryo laga siinayo lacag dhan $20,000 waxayna qaadanayaan daganaasho abadiyan ah iyaga iyo xaasaskooda iyo caruurtooda , waxayna guryahaas ka gadanayaan waqooyiga fog ee sweden iyo meelo lama dagaan ah balse iyaga waxaa looga soo qaatay lagana soo dhaadhiciyay inay baxshaan lacag gaaraysa $ 300,000 sidaasna ay ku helayaan guryo iyo degnaasho abadiyan ah.

Shirkan waxaa wada qaban qaabadiisa ninka magaciisa la yiraahdo Per Lindgärde kana tisan wasaarada arrimaha dibedda sweden waaxdeeda africa waana safiir iyo la taliye guud, emailkiisana waa [email protected]

Per Lindgärde ayaa hada laftiisa waxa uu ku jiraa olole uu ku raadinayo guryo uu ka iibiyo ganacsatada imaanaysa shirka si ay u qaataan daganaasho abadiyan ah oo uu isagu iibinayo.

Dhinaca kale shirkan waxaa ka horeeyay shir ka dhacay 09- 10- 11 bishii april 2014 waxuuna ka dhacay magaalada Dubai ee dalka isu taga imaaraadka carabta, shirkaas oo loogu gogol xaarayay shirka 10 jun ka dhacay stockhol sweden waxaan hogaaminaysay shirkaas gabadha lagu magacaabo Cecilia Leideman Bäck oo ah project manager-ka shirkaan weeyn.

Shirkaan 10 jun ka dhacayo stockholm waxaa kasoo qeybgalaysa weriyaha weeyn ee idaacada caalamiga ah BBC Sainab Badawi.

Shirkan ayaa waxaa si hayb sooc ah looga reebay dhamaan shirakadaha iyo ganacsatada waa weeyn ee ka shaqeeya Mudisho iyo gobolada kale ee konfureed.

Waxaa shirkan lagu naas-nuujinayaa oo kaliya qeybo gaar ah oo ka mid ah Somalia, ayada oo xaqiiqdu tahay in horumarka ka jira Muqdisho uu aad uga baaxad weyn yahay qeybaha kale ee Somalia, ayada oo hantida taalla Muqdisho iyo shirkadaha ka jira ay ka qanisan yihiin dhammaan qeybaha kale ee Soomaaliya marka la isku geeyo.

Waa muhiim in dhammaan qeybaha Somalia laga qeyb geliyo shirka sida Puntland iyo Somaliland, laakiin waxaa wax aad loola yaaba ah in shir looga hadlayo fursadaha ganacsi ee Soomaaliya aan lagu casuumin ganacsatada Muqdisho.

Hoos ka akhriso ducumintiyada shirka:

Rev 2. 2014-03-27

Conference on business opportunities in Somalia, 10-11 June
DRAFT AGENDA

8.30-9.00 Registration
9.00-9.50 Opening session
Welcome speech by Ms. Ewa Björling, Minister for Trade (10 min)
Speech by Representative of the Government of Somalia (10 min)
Speech by Representative of the Government of Somaliland (10 min)
Speech by Representative of the Government of Puntland (10 min)
Speech by Representative of the Government of Juba (10 min)
9.50-10.00 Comments/Questions
Presentation on Somali business opportunities
Presentation by Business Sweden (10 min)
Presentation by AFN Consulting (10 min)
10.20-11.00 Refreshment break
Case studies
11.00-11.15 Presentation by Saab (15 min)
11.15-11.30 Presentation by company from Somalia or Somaliland or… (15 min)
11.30-12.00 Panel discussion on successful investments/business environment
Participants: Saab, Somali company and Somalia Chamber of Commerce and Somaliland Chamber of Commerce.
12.00-12.15 Introduction of Breakout sessions
12.15-14.00 Networking lunch
14.00-15.45 Breakout sessions
Group I: ICT/Telecom/Banking & Finance
Group II: Energy (solar/wind/oil & gas)
Group III: Infrastructure/Construction/Transport/Security Health care/Life
Science
Refreshments will be served
16.00-16.30 Plenary session
Key findings/reports from the breakout session
16.30-16.45 Somali business woman – Success story
17.00-17.15 Concluding remarks by …
17.30-19.00 Reception

Draft – Somali business opportunities

A Somali trade and investment conference: Stockholm, Sweden 10 June 2014

Purpose

Highlighting business opportunities 
that are emerging across Somalia. The conference will also provide a platform where current constraints to trade and investment can be addressed and the ways to overcome them can be made visible.

Providing a platform for new business-partnerships to evolve that will benefit Somali and Swedish business and ultimately Somali society.

Acknowledging the potential that private and non-public actors have, and the important role they should play, in contributing to prosperity, development, state building and job creation.

  1. Context

The situation in Somalia, which has long been ravaged by war, is more hopeful than for many years. There are now greater chances than for quite some time for Somalia to take the path towards long-term peace and stable state-building. Investor confidence is growing, and new opportunities for business are emerging across Somalia. The Somali diaspora have been key drivers of this development, and will continue to have an important role in supporting economic regeneration. The recent positive developments also provide opportunities for other investors who have not earlier operated in the Somali market.

Somalia’s recovery will require long-term and substantial assistance from the international community. Issues of job creation, economic growth and private sector development will be at the core of Somali recovery, reconstruction and sustainable development.The new Swedish development cooperation strategy for Somalia 2013-2017 concentrates on supporting Somali long-term reconstruction, with focus on human security and subsistence, democracy and human rights, as well as on health and gender equality. The Strategy also focuses on initiatives to promote the diaspora’s opportunities to contribute to Somalia’s reconstruction.

To seize the current opportunities, and to prepare for future engagement, the Ministry for Foreign Affairs will host a day-long Somali trade and investment conference on 10 June 2014. 

  1. Background

The security environment has generally improved and the political situation is cautiously promising and continuously progressing. These processes provide a window of opportunity to explore a broader engagement with Somali society. Trade, investment and business can present mutually beneficial gains that transcend divisions and unify previously unfamiliar actors. The business community furthermore has a strong interest in strengthening the capacity of the state and contributing to a secure, stable and dynamic society. Job creation will provide opportunities for Somalis who are currently experiencing unemployment and disenfranchisement. Socially responsible business practice would contribute to building and strengthening institutions and is in the best of interest to the entirety of Somali society and its Swedish partners.

Trade, enterprise and innovation are not new phenomena, but rather they form a tradition in the Somali territories. The entrepreneurialism is demonstrated by recent growth in business despite a seriously challenging political and security climate. One testimony to this growth is the telecommunications sector, where a multitude of operators are active and some of the cheapest mobile phone tariffs in the world are present. As the environment is presently changing in the right direction, the business opportunities and progress will increase accordingly.

Interest in Somali business has been voiced by the Somali diaspora in Sweden and by Swedish companies alike. Following similar interest the UK organised a Somali trade and investment conference on 8 May 2013. A similar event was organised in Nairobi later the same month.

  1. Limitations

There are however constraints that needs to be alleviated, mainly related to security, infrastructure and the limited capacity of legal and government structures. The conference will make it possible to address such issues directly and specifically related to business. It should also be noted that the Swedish government currently advises against all travels to Somalia. Still, the conference can significantly advance the purposes articulated earlier. The Somali business potential will be showcased and future possibilities for trade and investment will be explored and promoted. The conference should be seen as a first step in a process that will be adjusted taking into consideration future developments in Somalia.

  1. Participants

The main participants will be the diaspora business community; Swedish companies; representatives from Swedish authorities, The Federal Government of Somalia, Somaliland, Puntland and Juba Interim Administration and people from the business community in Somalia. Participants from a variety of sectors are desirable, both representatives from sectors that are attractive to Swedish industry, as well as representatives from sectors that can provide relevant information about the Somali business climate. The representation of Somali businesswomen is particularly important to highlight the role of women in the emerging Somali economy.

  1. Programme

The preliminary schedule for the day will feature a joint session in the morning with keynote speakers addressing Somali development and business opportunities in a general and comprehensive manner. After lunch participants will be able to attend sessions with particular focus on different sectors or themes. To conclude the day the participants will gather together once more to reiterate and share the lessons learned from the day. Despite the array of potentially interesting discussions and presentations time will allocated in the programme for networking and match-making.

  1. Priority sectors for the conference

The event will highlight sectors with particular potential to attract interest and investment. The subsequent sectors constitute some areas with potential and great shared interest between Somali and Swedish participants.

1. Information and communications technology is an already strong business sector that is central to Somali growth and the fulfilment of a service based economy. The promise of the sector is evidenced by strong recent private-sector led growth. The progress is driven by a strong demand for telecom technology and a variety of related innovative services. Mobile solutions are used for money transfers. Money-remittances and informal banking systems are the lifeline for many Somalis. Swedish companies have extensive knowledge, skill and experience in the field and there are great potential for opportunities of investment and exchange between Swedish and Somali business communities.

2. Energy. The oil and gas sector a significant potential but has suffered from problems with investor protection and the security situation. Increasing numbers of international companies are now targeting the industry and there are high hopes to get revenues from the sector. Renewable energy solutions present viable commercial prospects. Wind energy could become a great source of energy on the longest coast-line on the African continent. Somalia is furthermore ideally placed to utilize solar energy.

3. Infrastructure, construction, transport and security. Construction is at high demand after decades of destructive conflict. Indeed, Mogadishu is currently experiencing a construction boom. It is a sector with great shared interest among public and private actors as well as Swedish and Somali business communities. The old ports are being reinvigorated and new ports are being built. The increased trade through the ports will have spill-over effects on the transportation industry with the increase in goods moving through the territories.

4. Health care/Life Science. The stated intention is to move away from the emergency-level health provision that has been the norm in the Somali territories for many years to more mainstream, national health systems. Sweden offers some of the best health care and elderly care in the world. Swedish life science companies are global leaders in their field. There is a great potential for opportunities of investments and exchange between Swedish and Somali business communities.

DHAGEYSO: R/W C/WELI oo beeshiisa dhabar jebiyey (Xildhibaano qeyliyey)

Markii ugu horraysay waxaa banaanka usoo baxay khilaaf u dhexeeya xildhibaanada Beesha Sade iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, waxaana khilaafkaan uu yimid kaddib markii arrimaha siyasaadda ee ka jira gobolka Gedo ay ku kala aragti duwanaadeen.

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanadu waxay ku dhaleeceeyeen qaabka ay Xukuumaddu u wajahday arrimaha ka jira magaalada Beledxaawo isla markaana ay waxay ugu baaqeen waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ay mataal inaysan wax talo ah ku lahayn arrimaha deegaanka ka soconaya.

Xildhibaan Muuse Shekh Cumar oo kamid ah xubnaha golaha baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Gedo oo isagoo ku hadlayay afka Xildhibaanada beesha Sade ayaa sheegay inuu albaabka ka xirtay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya kaddib markii ay dhawr jeer isku dayen inay kala hadlaan arrimaha Doolow iyo Beledxaawo.

“Waxaan halkan uga soo jeedinayaa qeybaha bulsho weynta SADE Mareexaan inaan uga jawaabo su’aal ay is weydiinayaan taas oo ah sababta ay Xildhibaanada beesha SADE ee ku jira baarlamaanka ay uga dhex muuqan waayeen wafuuda kala duwan ee ka kala yimid Kismaayo iyo Muqdisho ee u yimid gobolka Gedo xal uhelida dagaalo dhawaan ka dhacay degmada Balad-xaawo, kuwaas oo dhex maray wiilal walaalo ah oo isku ciidan ah, isku deegaan ah, isku dhiig ah oo hal cadow lahaa balse ay siyaasad iska hor keentay” ayuu yiri Xildhibaan Muuse.

Xildhibaanka oo ka hadlayay arrinta dhex martay Xildhibaanada beesha Sade iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xirtay albaabada, wuxuu diiday xitaa inuu qabto taleefoonada xildhibaanadiisa, wuxuu diiday qaabilaada iyo wada tashiga arimaha siyaasada iyo deegaanka, wuxuuna indhaha iska tirey xiisadaha ka taagan gobolka Gedo iyo doorka Xildhibaanada ay ku matalayaan shacabka ee ahaa inay iyagu garwadeen ka noqdaan xasilinta iyo nabad ku soo dabaalida deegaanada ay matalaan iyo sidii ay Xukuumada uu Ra’iisul wasaaraha kayahay ay door muhiim ah uga qaadan laheyd soo celinta nabada, dibu dhiska maamulada heer degmo iyo gobol iyo inay hay-adaha dawlada ka howlgalaan deegaanada gobolka gedo islamarkaana ay shacabka gobolka degan arkaan iskuulo iyo jaamacado, isbitaalo la dhisayo, ceelal la qodayo, arday loo qaadayo deeqo waxbarasho, askar loo dirayo koorsooyin ciidan oo dibada ah iyo dayactrika  kaabayaasha dhaqaale ee gobolka sida dhismayaasha wadooyinka burbursan iyo sare  uqaadida wax soosaarka beeraha iyo xoolaha”

Muuse Sheekh Cumar ayaa sheegay arrintaan inay ka siman yihiin Ra’iisul Wasaarayaashii beesha Sade ee muddooyinkaan soo maray balse ay tani kamid tahay dhacdooyinka u baahan in loo qeexo bulsho weynta Sade ee aragtida badan ka haysan waxna kala socon arrimaha siyaasada ee Ra’iisul Wasaare Cabdiwali.

“Waxay Xildhibaanada beesha SADE la kulmeen reysal wasaare cabdiweli labo jeer oo qura intii loo magacaabey xilka reysal wasaare, waxaana lakulaney ka hor intaysan dhicin dagaaladii balad xaawo iyo kadib labadaba waxaana ka codsanayney inuu xildhibaanada udiro gobolka gedo si aan uga gudano waajibaadkeena dastuuriga ee aan kumatalno shacabka SADE iyo deegaanadiisa haday tahay gedo, jubooyinka iyo gal-gaduud islamarkaana uga qeyb qaadano xalinta xiisadaha kajira degmada balad xaawo iyo dhisida maamulka gobolka gedo iyo degmooyinkiisa, balse wuu diiday dalabkii xildhibaanada, wuxuuna door biday inuu hawshii xildhibaanada kala tashado dad kalo oo uu ku maalgeliyay” ayuu markale yiri Muuse Sheekh Cumar.

“Waxaan doonaynaa inaan idiin cadeeyo in xildhbaanada beesha SADE aysan marnaba raali ka aheyn iska hor keenida shacabka iyo wiilashii ku wada jirey halka difaac ee gobolka gedo in laga dhex abuuro qilaaf siyaasadeed oo kusaleysan dano shaqsi.Xildhibaanada beesha SADE waxey aaminsan yihiin dhamaan wiilasha kudhintay iyo kuwa ku dhaawacmey dagaalkii balad xaawo inay ka dambeeyeen shaqsiyaad xambaarsan ujeedooyin siyaasadeed, islamarkaana lala xisaabtami doono qof kasta oo qeyb ka qaata dhibaatada shacabkiisa.Waxaan baaq nabadeed u dirayaa taageerayaasha maamulka juba, ururka ahlusuna waljameca iyo maamulka gobolka gedo gaar ahaan heer degmo iyo gobol intaba in laga wada shaqeeyo nabada, horumarka iyo wadajirka deegaanka iyo sidii gobolka gedo uga soo kaban lahaa burburka iyo dibu dhaca islamarkaana uu ula tartami lahaa gobolada kale ee dalka soomaaliya”.

Ugu danbayn Xildhibaanka ayaa sheegay inay gaari doonaan magaalada Doolow si ay uga qeyb noqdaan heshisiinta dhinacyada is haya isagoo geesta kale dhiirigeliyay baaqyada nabadeed ee wadaan dadka deegaanka iyo dawladda Ethiopia.

Waa markii ugu horraysay ee khilaaf u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Xildhibaanada beesha Sade uu banaanka usoo baxo, iyadoo dhawaan kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo dhex maray Xildhibaanada iyo Ra’iisul Wasaaraha lagu kala kacay.

Halkan ka dhageyso xildhibaanka oo wareysi siiyey k24

 

Muxuu yahay shirka ka socda Doolow oo ay ka qeybgalayaan DF iyo Jubba?

Doolow (Caasimada Online) – Magaalada Doolow ee gobalka Gedo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlaayo daminta colaad ka taagan degmada Buulo-xaawo, taasoo u dhexeysa maleeshiyaad kala taageersan dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay dowladda fedaraalka Soomaaliya, waxaa ka qeybgalaya ergooyinka socday labada dhinac ee dagaallamay dowladda Soomaaliya, Itoobiya iyo Ahlu Sunna.

Shirkan oo saxaafadda loo diidday ayaa la sheegay in la doonayo siddii nabad loo dhex dhigi lahaa labada dhinac ee ku dagaallamay Buulo-xaawo.

Waxaa kaloo wararka naga soo gaaraya Doolow ay sheegayaan in shirka loo diidday garab ka mid ah dhinacyadii ku dagaallamay Buulo-xaawo in kastoo wakiilo ay u joogaan.

Dhinaca maamulka Axmed Madoobe waxaa shirka u matalaya madaxweyne ku-xigeebka Gen Cabdulaahi Ismaacil Fartaag, dhinaca Ahlu Sunna Cabdi Barre Cabdi oo ah guddoomiye xigeenka gobalka iyo Sheekh Maxamed Isxaaq Al-Qaadi oo ah Afhayeenka Ahlu Sunna ee gobalka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale taliyaha ciidamada xooggan ayaa ku sugan Doolow, waxaana dhammaan ay sheegeen in loo baahan yahay in markale aysan soo laaban colaada ka taagan Buulo-xaawo taasoo khasaaro dhimmasho iyo dhaawac geesatay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Xasan Sh. oo la kulmay Goobe iyo Saacid iyo wax aan la fileyn oo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa siyaabooyin kala duwan waxa uu ula kulmay Madaxda Nabad Suggida iyo Booliska, xilli la sheegay in aynaan wada shaqayn ka dhaxeen.

Madaxweynaha, ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), iyadoo uu ka dhageystay Warbixin ku aadan arrimaha ammaanka.

Madaxweynaha, ayaan Bashiir Goobe ku soo hadal qaadin waxyaabo ku aadan in uu is casilo, iyadoo uu ku booriyay in uu dardar-geliyo shaqada uu xilligaan uu Dowladda Soomaaliya u haayo.

Dad badan ayaa ka filayey Xasan Sheekh in kadib markii la weeraray xarunta baarlamanka iyo Villa Soomaaliya uu beddeli doono saraakiisha dhinaca amniga qaabilsan, hase yeeshee taasi iminka ma muuqato.

Waa astaan kale oo muujineysa in saaxiibtinimada iyo danta gaarka ah ay ka weyn yihiin tan qaranka.

Ilo muhiim ah, ayaa Caasimada Online u sheegay inaanu Madaxweynuhu xilligaan Bashiir Goobe weydiisan in uu xilka iska casilo, taa bedelkeedana uu ku booriyay in uu hawshiisa sii wato, intii muddo ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliya, ayaa qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C/xakiin Daahir Saacid, sidoo kalana wuxuu ka dhageystay Warbixinta la xiriirta ammaanka.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa General Saacid ka codsaday in uu xoojiyo shaqada ku aadan xaqiijinta ammaanka, isla-markaana ay Ciidamada Boolisku sameeyaan roondooyin lagu suggaayo ammaanka.

Tani, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli la sheegay inaanay wax macno leh samayn doonin is casilka Wasiirkii Wasaarada Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, bacdamaa ay wada shaqayn ka dhaxeysa.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in Guuleed iyo Faarax iyo Xaasaska Xasan ay ishortaageen in labadan mas’uul xilka laga qaado. Halkan ka aqri warbixintaas iyo sababta

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF Somalia oo qaadacday ka qeybgal-ka shir ay Kenya qabaneyso, Sabab?

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaadacday ka qeybgalka shir looga hadlaayo qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool kaasoo ka dhacaya magaalada Nairobi.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aaney ka qeybgali doonin shirka Kenya ay ku qabaneyso Nairobi.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya laguma caddeen sababta dowladda u qaadacday shirkaas oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan hey’addaha Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.

Kenya ayaa martigalisay qoxootiga ugubadan caalamka kuwaasoo ka soo ka cararay dagaalladii ka socday Soomaaliya 20kii sanno ee la soo dhaafay.

Horrey dalalka Kenya, Soomaaliya iyo hey’adda qoxootiga Qaramada Midoobay ee UHNCR ayaa ku heshiiyay in qoxootiga Soomaalida ee ku jirra xeryaha qoxootiga gobalka Waqooyi Bari ee Kenya.

Shirkan ayaa lagu waday in uu qabsoomo maanta oo Talaado ah balse waxaa muuqata in uu jirro Khilaaf xooggan oo ka dhex jirra dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay Kenya dirtay warqad cabasho ah oo ay uga hadleeyo dhibaatada lagu hayo muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Weerarkii lagu qaaday xarunta BF oo lala xiriirshay arrin siyaasadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Is-baheysiga Nabadda Soomaaliyeed Cabdullahi Sheekh Xasan, ayaa shaaca ka qaaday in weerarkii lagu qaaday xarunta baarlamanka Soomaaliya laga yaabo inuu ahaa mid siyaasadeysan.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, ayaa sheegay inay tahay arin su’aalo la iska weydiiyo waxa kusoo beegay weerarka xilli xildhibaanno ka tirsan baarlamanka ay codsanayaan in madaxweynaha is-casilo, islamarkaana madaxeynaha uu dalka ka maqnaa.

Waxa uu sidoo kale soo bandhigay dhowr qodob oo kale oo shaki muujin kara, loona baahan yahay baaritaan caalami ah.
Halkan ka daawo xogta uu bixiyey Cabdullahi Sheekh Xasan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Beelaha Habargidir oo loolan ugu jira xilkii Guuleed iyo Guuleed oo aan quusan si kalena usoo laaban kara

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo uu is-casilay wasiirkii amniga Soomaaliya Cabdi Kariim Guuleed, ayaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Somaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed, waxa uu hadda codsiyo ka qabanayaa shaqsiyaad kasoo jeeda beesha Habar-Gidir oo xilkan doonaya.

Waxaa soo baxaaya warar is burinaaya oo sheegaya ninka qaban doono booska banaan ee Wasiirka Amniga Qaranka, beeshii uu ka imaan lahaa, maadaama ay Dowladdu ku dhisan tahay awood qaybsi xagga beelaha ah.

Mar sii horeysay waxaa soo baxaayay in uu soo noqon doono Wasiirkii Amniga ee xilka iska casilay, laakiin loo dhiibaayo Wasaarad kale, Wasaaradiisiina uu la wareegaayo Wasiirka Gaashaandhiga General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud. Inkastoo ay soo baxayn warar kale oo ka duwan.

Guuleed oo saaxiib dhow la ah madaxweynaha, kana tirsan Damu-Jadiid ayaa olole ugu jira in wasaarad kale loo dhiibo, maadaama uu ku fashilmay tii amniga.

Wararkii ugu dambeeyay ee arrintaan ku aadan, ayaa sheegaaya in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu soo magacaabi doono shakhsi ka soo jeeda Beesha Sacad (Habargidir).

Taliyaha Waaxda Dembi Baarista ee CID General Saciid Axmed Kadiye, ayaa waxaa la sheegayaa in uu dadaal ugu jiro in loo magacaabo Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka ee Soomaaliya.

Taliyihii hore ee nabad-sugidda Axmed Macallin Fiqi oo isna beesha Sacad kasoo jeeda ayay wararku sheegayeen in xilkan loo wado, balse waa uu beeniyey.

Sidoo kale beelaha kale ee Habar-Gidir, ayaa iyagana dadaal ugu jira wasaaraddan banaan sida Cayr iyo Saleebaan.

Madaxweynaha iyo beesha Saleebaan ayaa dhowaanahan isku fiicneyn, markii agaasimaha madaxtooyada laga qaaday Kamaal Guutaale, waxaana jira warar sheegaya in laga yaabo in xilkan uu ku xaal mariyo.

Sidoo kale beesha Cayr, oo dadaal u gashay xilkan markii loo dhiibayey Guuleed, ayaa rumeysan inay tahay markeedii.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayay ku xiran tahay go’aanka lagu soo magacaabaayo shakhsiga noqonaaya Wasiirka Wasaarada Amniga ee Soomaaliya, inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya uu kaalin ku lee yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Shariif Xasan oo Muqdisho ku qabtay kulan lagu taageeray madax…

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka qeybgalayen wasiiro, xidhibaanno, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda, waxaana lagu taageerayay maamulka seddaxda gobal ee Koonfur Galbeed ee dhawaan lagu dhisay magaalada Baydhabo.

Sidda ka muuqata sawirrada kulan wuxuu ahaa mid lagu taageerayo madaxweynaha maamulka seddaxda gobal Maxamed Xaaji Cabdinuur, oo ay dhinaca Hooyada walaalo ka yihiin guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdigan ayaa muddo toddobaad ah ku sugan Muqdisho, waxaana ay kulamo la lee yihiin madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nick Key.

10291055_1482001782033460_268739272403080996_n

Mar loo eego wafdigan sidda loo soo dhaweenaayo iyo sidda loo buun buuninaayo waxaad moodaa in dowladda iyo QM ay taageersan tahay maamulkan seddaxda gobal.

Si kastaba, waxaa iyana Muqdisho ku sugan wafdi kale oo uu hoggaaminaayo Madoobe Nuunow Maxamed oo ah madaxweynaha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhisan labo maamul oo iska soo horjeedo, dowladda ayaana ku weerartay balse arrimo ka waaweyn ayaa hadda dowladda ku soo furmay.

1377105_1482001765366795_713011890728916023_n

10390920_1482001768700128_1345076525576352307_n

10311823_1482001772033461_7145109312307797144_n

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Soomaalida nawaaxiga Washington DC oo casho sharaf u sameysay FIQI

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool nawaaxiga Washington DC ayaa casho sharaf u sameeyey Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Mudane Cabdulxakiim Maxamuud Xaaji Faqi oo hore uga tirsanaa jaaliyadda.

Jaaliyadda Soomaaliyeed waxay si diirran u soo dhoweeyeen Wasiirka iyagoo ku ammaanay hawshii uu dalka u soo qabtay muddadii uu xilka hayey.

Mudane Faqi, wuxuu ka warbixiyey horumarka uu dalka ku tallaabsaday sannadihii dambe ee dhinacyo badan taabanayey isagoo aad u muujiyey rajo weyn inay ka jirto dalka iyo mutaqbalka Somalia.

Wuxuu kaloo wasiirku ka hadlay caqabadaha dalka ka jira oo uu sheegay in looga gudbi karo isku duubni iyo midnimo wuxuuna ku guubaabiyey Jaaliyadda inay taageeraan dalkooda, islamarkaana ay dib ugu laabtaan, si ay u maal gashtaan ama ay uga faa’iideeyaan aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda.

Ugu dambeyn, mudane Faqi wuxuu ka jawaabay su’aalo badan oo ay weydiiyeen jaaliyadda.

Sawirrada Kullanka

cas1cas2cas3cas4cas5cas6

SIILAANYO oo uu xaalka ku xun yahay iyo awood uusan ogeyn oo soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maalmahab ka taagan xiisad siyaasadeed taasoo ka aloosan xibsiga talada haya ee Kulmiye.

Arrintan ayaa daba socota markii uu khilaaf uu soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxammuud Siilaanyo iyo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Khilaafkaas wuxuu sabab u noqday in uu xisbiga labo garab noqdo isla markaana labo musharrax uu yeesho kuwaasoo ku dhawaaqay in ay u taagan yihiin doorashadda soo socota.

Haddaba Axadii shaley madaxweyne Siilaanyo ayaa xilkii ka qaaday wasiirka ganasiga Maxamed Cabdullaahi Cumar oo horrey u ahaa wasiirka arrimaha dibedda, waxaana xilkaas loo magacaabay Dr. Maxamed Qaasim Cumar.

Khilaafka ka dhex jirra xisbiga Kulmiye ayaa noqday mid aad looga hadalhayo guud ahaan maamulka Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa.

Haddaba maanta oo Isniin ah waxaa shir jaraa’id qabyay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isagoona ku dhawaaqay liiska guddida fullineed oo xisbigaasi yeelanayo, Guddi hore ayaa shirguddoonka shirweynihii kulmiye ay ku dhawaaqeen, arrintan ayaa sawir cad u ah halka uu taagan yahay khilaafka xisbiga Kulmiye iyo sida la isugu midiyo soo feesanaayo

Guddigan oo ka kooban 36 xubnood waxaa ku yar masuuliyiinta maamulka Somaliland ee ka dhex muuqday guddidii fulinta ee shirguddoonkii shirweynaha Kulmiye kal horre ay ku dhawaaqeen, sidda uu lee yahay wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa.

Waxaa ku jirra guddiga wasiirkii horre ee arrimaha dibedda, Maxamed Cumar, waxaana ay kala yihiin sidda:

1. Dr. Xuseen Maxamed Xoog
2. Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
3. Eng. Cabdiqaadir Iiman
4. Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)
5. Bulbul Cabdi Madoobe
6. Axmed Cabdi Xuseen
7. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
8. Carab Nuur Xandule
9. Fu’aad Aadan Cadde
10. Garayaqaan Maxamed Jaamac
11. Maxamuud Ismaaciil Xasan (Badde)
12. Jaamac maaxamuud Cigaal
13. Shariif Abokor Dhuux-yare
14. Cabdinajax Siyaad Cabdi
15. Maxamed Cabdi Iskeerse
16. Canab Cumar Ileeye
17. Maxamed Faarax Xirsi
18. Maxamed Cadbillaahi Cabsiiye
19. Baashe Yuusuf Axmed
20. Xildh. Maxamuud Jaamac Warfaa
21. Dr. Axmed Cumar Maax
22. Ilhaan Maxamed Jaamac
23. Ibraahin Aadan Qaalib
24. Axmed Xuseen Oomane
25. Cumar Sh. Maxamuud (Cumar-yare)
26. Mahdi Xuseen Caddare
27. Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi
28. Prof. Cabdi Cali Jaamac
29. Sahal Cali Cartan
30. Maxamed Muuse Ibraahin (Buuni)
31. Cali Siciid Raygal
32. Xildh. Cali Maxamed (Cali Barre)
33. Axmed Aw Cabdi Shaacir
34. Dalays Shire Faarax
35. Aniisa Nuur Cigaal
36. Sahra Maxamed Xuseen(Basbaaso).

Si kastaba, waxaa isna hadlay xoghayaha xisbiga Kulmiye Xasan Siciid oo uu garab fadhiyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo 23 guddidii fulinta, wuxuuna ku dhawaaqay in shirweynihii golaha dhexe ee Kulmiye dhacayo Billowga bisha Juneee sannadkan.

Markii uu arrintan ku dhawaaqayay ma aaney joogin guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi iyo taageerayaashiisa.

khiaafkan soo dhex galay xisbiga Kulmiye waxaa laga yaabaa in uu wax yeelo u gaarsiyo wadahadallada u socda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Jabuti oo soo bandhigtay muuqaalada wiilkii & gabahii is-qarxiyey (Sawirro)

Djibouti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti, ayaa soo bandhigtay muuqaalada 2 ruux oo ay u aqoonsatay kuwii weerarada ismiidaaminta ka geystay Magaalada Djibouti, iyadoo lala beegsaday maqaaxi ay fadhiyeen dad u badan Reer Galbeed.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, ayaa Warbaahinta u soo bandhigay muuqaalada laga qaaday labadaan ruux, kadib weerarka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti, ayaa wuxuu sheegay inaysan weli aqoonsan dalka ay ka soo jeedaan labada xubnood ee weerarka fulisay, iyadoo uu diiday in lagu eedeeyo in ay Soomaali yihiin

Wuxuu xusay in ay wadaan baaritaano ku aadan dadkaasi, isla-markaana ay helayn sawirada wiilka iyo gabadha geystay ismiidaaminta, laakiin aan weli la garanayn dalka ay ka soo jeedaan.

Waxaan jiin cid weli si rasmi ah u sheegatay masuuliyada weerarka ismiidaaminta ah ee markii ugu horeysay ka dhacay Magaalada Djibouti, taariikhda inta ay xuseyso.

Si kastaba ha-ahaatee weerarkaan, ayaa waxaa ku dhintay 3 ruux, oo 2 ka mid ah ay yihiin kuwii geystay, iyadoo midka kalana uu u dhashay dalka Turkiga, halka 15 kalana ay ku dhaawacmeen.


djidji1