27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

SIILAANYO oo uu xaalka ku xun yahay iyo awood uusan ogeyn oo soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maalmahab ka taagan xiisad siyaasadeed taasoo ka aloosan xibsiga talada haya ee Kulmiye.

Arrintan ayaa daba socota markii uu khilaaf uu soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxammuud Siilaanyo iyo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Khilaafkaas wuxuu sabab u noqday in uu xisbiga labo garab noqdo isla markaana labo musharrax uu yeesho kuwaasoo ku dhawaaqay in ay u taagan yihiin doorashadda soo socota.

Haddaba Axadii shaley madaxweyne Siilaanyo ayaa xilkii ka qaaday wasiirka ganasiga Maxamed Cabdullaahi Cumar oo horrey u ahaa wasiirka arrimaha dibedda, waxaana xilkaas loo magacaabay Dr. Maxamed Qaasim Cumar.

Khilaafka ka dhex jirra xisbiga Kulmiye ayaa noqday mid aad looga hadalhayo guud ahaan maamulka Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa.

Haddaba maanta oo Isniin ah waxaa shir jaraa’id qabyay guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi isagoona ku dhawaaqay liiska guddida fullineed oo xisbigaasi yeelanayo, Guddi hore ayaa shirguddoonka shirweynihii kulmiye ay ku dhawaaqeen, arrintan ayaa sawir cad u ah halka uu taagan yahay khilaafka xisbiga Kulmiye iyo sida la isugu midiyo soo feesanaayo

Guddigan oo ka kooban 36 xubnood waxaa ku yar masuuliyiinta maamulka Somaliland ee ka dhex muuqday guddidii fulinta ee shirguddoonkii shirweynaha Kulmiye kal horre ay ku dhawaaqeen, sidda uu lee yahay wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa.

Waxaa ku jirra guddiga wasiirkii horre ee arrimaha dibedda, Maxamed Cumar, waxaana ay kala yihiin sidda:

1. Dr. Xuseen Maxamed Xoog
2. Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
3. Eng. Cabdiqaadir Iiman
4. Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)
5. Bulbul Cabdi Madoobe
6. Axmed Cabdi Xuseen
7. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
8. Carab Nuur Xandule
9. Fu’aad Aadan Cadde
10. Garayaqaan Maxamed Jaamac
11. Maxamuud Ismaaciil Xasan (Badde)
12. Jaamac maaxamuud Cigaal
13. Shariif Abokor Dhuux-yare
14. Cabdinajax Siyaad Cabdi
15. Maxamed Cabdi Iskeerse
16. Canab Cumar Ileeye
17. Maxamed Faarax Xirsi
18. Maxamed Cadbillaahi Cabsiiye
19. Baashe Yuusuf Axmed
20. Xildh. Maxamuud Jaamac Warfaa
21. Dr. Axmed Cumar Maax
22. Ilhaan Maxamed Jaamac
23. Ibraahin Aadan Qaalib
24. Axmed Xuseen Oomane
25. Cumar Sh. Maxamuud (Cumar-yare)
26. Mahdi Xuseen Caddare
27. Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi
28. Prof. Cabdi Cali Jaamac
29. Sahal Cali Cartan
30. Maxamed Muuse Ibraahin (Buuni)
31. Cali Siciid Raygal
32. Xildh. Cali Maxamed (Cali Barre)
33. Axmed Aw Cabdi Shaacir
34. Dalays Shire Faarax
35. Aniisa Nuur Cigaal
36. Sahra Maxamed Xuseen(Basbaaso).

Si kastaba, waxaa isna hadlay xoghayaha xisbiga Kulmiye Xasan Siciid oo uu garab fadhiyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo 23 guddidii fulinta, wuxuuna ku dhawaaqay in shirweynihii golaha dhexe ee Kulmiye dhacayo Billowga bisha Juneee sannadkan.

Markii uu arrintan ku dhawaaqayay ma aaney joogin guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi iyo taageerayaashiisa.

khiaafkan soo dhex galay xisbiga Kulmiye waxaa laga yaabaa in uu wax yeelo u gaarsiyo wadahadallada u socda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Jabuti oo soo bandhigtay muuqaalada wiilkii & gabahii is-qarxiyey (Sawirro)

Djibouti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti, ayaa soo bandhigtay muuqaalada 2 ruux oo ay u aqoonsatay kuwii weerarada ismiidaaminta ka geystay Magaalada Djibouti, iyadoo lala beegsaday maqaaxi ay fadhiyeen dad u badan Reer Galbeed.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, ayaa Warbaahinta u soo bandhigay muuqaalada laga qaaday labadaan ruux, kadib weerarka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti, ayaa wuxuu sheegay inaysan weli aqoonsan dalka ay ka soo jeedaan labada xubnood ee weerarka fulisay, iyadoo uu diiday in lagu eedeeyo in ay Soomaali yihiin

Wuxuu xusay in ay wadaan baaritaano ku aadan dadkaasi, isla-markaana ay helayn sawirada wiilka iyo gabadha geystay ismiidaaminta, laakiin aan weli la garanayn dalka ay ka soo jeedaan.

Waxaan jiin cid weli si rasmi ah u sheegatay masuuliyada weerarka ismiidaaminta ah ee markii ugu horeysay ka dhacay Magaalada Djibouti, taariikhda inta ay xuseyso.

Si kastaba ha-ahaatee weerarkaan, ayaa waxaa ku dhintay 3 ruux, oo 2 ka mid ah ay yihiin kuwii geystay, iyadoo midka kalana uu u dhashay dalka Turkiga, halka 15 kalana ay ku dhaawacmeen.


djidji1

Lixdii Jiis ee is-cuskatay (Hardanka ka dhaxeeyay Xasan iyo Xildhibaanada)

Xiligii Dowladii Umawiyiinta ayuu Xujaaj Bin Yuusuf  waxa uu isku wada  ahaa Wasiirka Gaashaandhiga, Siyaasada, Maamulka & Macalinimada ( Minister of Defense, Policy, Administration and Teacher)  Jagooyin faro badan ayuu isku hayay xujaaj xiligaasi.

Xujaaj waxa  uu diyaarin ugu jiray Ciidamo  xoogan oo ay yeelato Dowladii islaamka si loo helo ciidan Tiro & Tayaba leh, iyo in Diinta Islaamka la gaarsiiyo meelo aad u fog – fog oo aysan  weli diintu gaarin, si loo  hirgaliyo hanaan wanaagsan ee Dowlada islaamku ay yeelato, Dowlada islaamu arimahaasi iyo kuwa lamidka ahba si loo xaqiijo  waa  in ay hasho ciidamo  faro badan oo howshaasi uqabta  Dowlada islaamka.

Xujaaj isagoo hadafkiisa ka duulayo  ayuu wuxuu bilaabay amaro ad-adag oo ah in ay  Dadku is diiwaan geliyaan, ayna ka qayb qaataan howlaha ciidanka iyo kuwa arimaha bulshada.

Amaradii Xujaaj waxay saameen weyn ay ku yeesheen Magaalooyinkii ugu waa waynaa Wadanka Ciraaq, sida Magaalada Kuufa & BASRA Dadkii qaar baa fikradihiisii si dhaqso ah u mucaaraday inta badan Dadku way uriyaaqeen fikradihii Xujaaj waxayna qayb ka noqdeen Ciidankii la diyaarinayay, inyar mooyaane oo mucaarad ah Qolooyinka Mucaaradka noqday ayaa bilaabay in ay jilaafeeyaan qorshihii uu waday Xujaaj Bin Yuusuf.

Xujaaj howshiisii ayuu sii waday isagoo xooga saaray arrimaha Ciidanka, Maamulka , Waxbarashada, Dadka qaar waxay ku biireen Ciidankii jiray, qaarna waxay noqdeen inay waxbarshada ka qayb qaatan qaarna maamulka iyo dhismaha wadanka ayay ka qayb qaateen.

Intii Mucaaradka noqtayna waxay noqdeen  qaar warar been abuur ah faafiya , durbaba waxay bilaabeen inay habeen madoow ay isaga guuraan Magaalooyinkii waa waynaa iyagoo utalaabayo dhanka  kale ee ka soo horjeeday muslimiinta.

Dadkii lugooyada iyo Dacaayda ka dhanka ah Xujaaj waday ayaa qaybo ka mid ah  waxay ku wada balameen  meel  Magaalada  Basra  banaankeeda oo xoogaa ka baxsan magaalada,  halkaasi  ayay habeenkii isugu iman jireen dadka raba inay ka guuraan Xukunka Xujaaj iyo Magalooyinka Basra & Kuufa  si ay safarkaa dheer isugu weheshadaan.

Habeen habeenada ka mid ayaa waxaa  Barsa Banaakeeda ku kulmay Lix Nin oo aan is aqoonin  waana habeen madoow oo gudcur ah way isa salaameen  wayna is waraysteen  waxayna ka wada hadleen safarkaa dheer  waxay isku sheegeen  Magacyadooda iyo Qabiiladooda,Isku Qolo ayay wada noqdeen lixda nin  waana Qolada Xujaaj uu ka dhashay  ee AL-Thaqafi.

lixda Nin  intaa kolii  ay is waraysteen ayay  waxay ku tashadeen in markuu waagu uu baryi rabo in ay dhaqaajiyaan, habeenka inta yare ee ka harsana  ay seexdaan, lixda Nin waxaa meesha keenay oo ku soo tuuray Tolkooda,  Lixdooda waa Lix Nin oo dhib badan madax adag, lixdooduna  waa waa wada Curyaan,  in ay curyaamiin yihiina isuma aysan sheegin waxay isku sheegeen oo kaliya Magacyadooda & Qolooyinkooda.

Markuu waagu baryi rabay  ayaa mid  soo  toosay  ul uu sitay  cuskaday, mid labaad ayaa isana soo toosay waxaa uu cuskaday kii taagnaa ilaa kii lixaad ka soo tooso way is wada cuskadeen weli xoogaa waagu si fiican uma usan beryin weli xoogaa mugdi ah  ayaa jirro, markuu waagu si wanaagsan ubarayay bay waxay is arkeen in ay yihiin Curyaamiin is Cuskatay oo aanan la hayn wax tabar ah oo ay ku safraan oo ay ku xumeeyaan xukuumadii Xujaaj, oo ay yihiin  Lix Jiis ee is cuskatay

Ciidamdii Xujaaj ayaa ka warhelay in Lix Nin oo jiisas ah la qayaanay oo magaalada  Tuulada udhow ay tolkooda ku soo tureen  oo ay  isku Cuskanyihiin oo aysan haysan awood ay ku sii safraan ama ay Dib ugu soo laabtaan Magaalada Basro , Xujaaj Ciidankiisu waxa uu ku amaray in Lasoo caawino loona keeno si uu uga waraysto waxay dhacay.

Lixdii Curyaan ee ku Qolada ahaa Xujaaj wuu soo horfariistay waxay nodeen kuwa uu  Garanayo waxay wada ahaayeen Reer Taif, Hal meel bay wax ku soo wada barteen  waxay kuwada noolaayeen wadanka SucuudiArabiya Magalada Taif ee uu ku dhashay xujaaj

Xujaaj waxaa uu waraystay Ragii Lixda ahaa ee Curayaamiinta uuna wada Garanayo Magaacayadooda iyo wajiyadooda  sababta ku kaliftay in ay Mucaaradaan oo ay uga cararaan Magaalada iyagoo Curyaamiin ah isagana ay macriifo yihiin weliba ay iskuna Reer ay yihiin, waxay ugu jawaabeen waxaan ahayn ku ogaa xiligii Magacaadu uu ahaa  Kulayb,

Xujaaj intaanu  noqon Macalin Dhiga Quraanka  magaciisii hore waxaa uu ahaa Kulayb, wuu iska badalay Kulayb waxa uuna labaxay Xujaaj oo hadda loo yaqaano,Xujaaj Magaciisii hore waxa uu ahaa Kulayb, Kulayb  waa  magaciisa sax ah ee  loogu waqlalay .

Xujaaj waa uu Qoslay markaasuu yiri ma intaas aqoontaas hore aad ii laheydeen miyaa idinku kaliftay  in aad iga carartaan idinkoo weliba ah Curyaamiin

Lixdii curyaan ayaa hadlay oo waxay yiraahdeen jagooyinka oo dhan adigaa  wada qaatay intii hartayna waxaad siisay kuwa kugu fikir ah waxa yar ee harayna  waxaad ku  qancisay reer Basra

Xujaaj waxa uu ku yiri curyaamiintiina  Dowladayda waxba kama qaadaysaan,

Curayaamiiniina waxay yiraahdeen  Dowlaadaadu  sidaan jiis unahay bay iyaduna  ay jiis uhaanaysaa,  waxba ma noqon kartid  adigoo anagoo lixda jiis ah oo aadan na qancin!!!!!,

Xujaajna waxaa uu yiri  la arki doonee !!!!!!!, sidaas ayayna ku kala tageen Xujaaj iyo Lixdii Jiis

Hadaba aqristoow miyaanan la dhahi Karin Baarlamaanka Somaaliya kuwa hadda Xasan Sheikh  leh ha is casilo  in ay lamid yihiin Lixda Jiis ee is Cuskatay ee xujaaj ku Reerka noqday

Xasan Sheekhna miyaan la dhihi Karin waa Xujaajka cusub sababtoo ah awooda Dalka oo dhan inteeda badan isagaa qaatay intii hartayna waxaa uu udhiibay xisbiga Damjadiid.

Baarlamaanku waa Lixdii  Jiis ee is cuskatay,  Xasana waa Xujaajka Cusub ee Somaliya

W/Q: Maxamed Adkeeste

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Nabadgelyo Guuleed: WQ Yusuf Garad

Marka hore waan u hambalyeynayaa Wasiirka Amniga, Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo  is casilay. Waan ogahay Cabdikariim sida uu shaqqadiisa u jeclaa iyo sida ay isugu dubba dhacsanayd marka laga reebo in Soomaalidu ay aad dhaliilsanayd howshiisa.

Waxaan ugu hambalyeynayaa in danta guud darted iyo Ammaanka dalkeena uu isu casilay.

Madaxweynuhu wuxuu Twitter ku soo qoray in la arki doono lana dareemi doono isbeddel jawaab u ah dhacdada maanta.

Haddii la rabo in taas laga dhabeeyo, isbeddelkuna u noqdo mid raad reeba, waxaa iga talo ah in xilkaas aan qabiil uun lagu bixin, ee la soo xulo mas’uul howsha ka bixi kara.

Xataa qabiilka lagama waayayo rag ammaanka aqoon wanaagsan u leh, welibana mar dhow ammaanka dalka madax ka ahaa.

Isbeddelku waa inuusan ku saleysnaan yaan meesha ku buuxinnaa ama isaga aammusinnaa, waa in uu ku saleysnaado yaa ka bixi kara?

Taas oo haddii la suurta geliyo anigu aan shakhsiyan u sacbin doono, isla markaana aan taageeri doono.

Haddii cid ka sii aqoon badan la helana waa in isbeddel ka ballaaran hal Wasiir oo kaliya la sameeyo.

Islamarkaana waa in laga fekero in isbeddel ka weyn Wasiirka oo keliya lagu sameeyo heykalka Amniga dalka.

Cabdikarim kartidiisa iyo xiriirka kala dhexeeya Madaxweynaha, waxaan rajeynayaa in uusan u shallaayi doonin xilka uu ka tegey.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Video: Aqoonyahanno wasiirada DFS ceebeeyey “Ma qori karaan Somaliga”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad dhowaan ka dhacday Muqdisho, oo Jaamacadda SIMAD ay qabatay, ayaa looga hadlay luuqadda  Soomaaliga iyo sida ay iminka usii dhumeyso.

Dadkii goobta ka hadlay oo u badnaa aqoonyahanno, ayaa sheegay in xubnaha dowladda Somalia ay qeyb ka yihiin ms’uuliyadda luuqadda sii lumeysa.

Waxa ay sheegeen in xittaa wasiirada dowladda Somalia ay iskula xiriiraan luuqadda English-ka sababta oo ay tahay ma qori karaan luuqadda Soomaaliga, waxaana uga fudud English-ka.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

“GUULEED WUU SOO LAABANAYAA”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Isbaheysiga nabadda Soomaaliyeed  Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan Xilka uu baneeyay Wasiirkii arrimaha Amniga ee dawladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdullaahi ayaa shaki ka muujiyay is casilaadaas isagoona hoosta ka xarriiqay inuusan marnaba aaminsanayn in Siyaasadda dalka uu ka maqnaanayo Cabdikariin Xuseen Guuleed, islamarkaana uu dib ugu soo laaban doono xukuumadda.

Cabdullaahi Shiikh ayaa xusay in ay tani tahay mid la doonayo in dadweynaha loogu geedi guuro iyo Barlamaanka lana tusiyo in Wasiirkii uu is casilay si xukuumaddu u qariso sida ay ugu guul daraystay wax ka qabashada amniga Dalka.

“Guuleed waa soo laaban doonaa, isaga oo xil kale huwan” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in is casilaaddaas wax ay soo kordhinayso ayan jirin inta uu madaxweynaha joogana xaalladu ahaan doonto mid aan waxba iska bedelin waa siduu hadalka u dhigaye.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa intaa ku daray in bayaankii madaxweynaha Soomaaliya loogu soo jeediyay in xilkaas uu iska casilo uu si cad u diiday sidaa darteedna wasiir meesha ka baxa iyo taliye wax qaban karaaba aysan jirn intuu Xasan Sheekh taliyaha guud ee ciidamada uu yahay.

Ugu dambayntii ayuu guddoomiyaha Is-baheysiga nabadda uu ku celiyay baaqiisii ahaa in madaxweyne Xasan Sheekh iyo guruubkiisaba ay meesha ka baxaan markaasi oo laga yabo in is bedel dalku uu sameeyo maadaama ay ku guul daraysteen balan qaadkoodii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xasan Sh. oo Muqdisho ku laabtay iyo magacyada SARAAKIIL xilalka weynaya (Dhageyso shirka jara’id ee Xasan Sh)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayay, ayaa waxay goor dhow ku soo laabteen Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigiisa, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii labadii maalmood ee ugu dambeysay ay booqasho ku soo jooggeen Koonfur Afrika.

Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo qaybaha bulshada, ayaa wefdiga Madaxweynaha Somaliya si qurux badan leh ugu soo dhoweysay Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta shir jiraa’id u qabtay kaga hadlay xaalada dalka iyo weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa tacsi u diray Ehaladii dadkii ku geeriyooday weerarkii Baarlamaanka,isagoona Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku amaanay sida geesinimada leh ay kaga qeyb qaateen weerarkii shalay.

Wuxuu bogaadiyay iscasiladii xalay uu ku dhawaaqay Wasiirkii amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya, isaoona tilmaamay inuu qeyb yahay isbadalada uu balan qaaday.

Halkan ka dhageyso Madaxweynaha

Xalay, ayay ahayd markii Madaxweynaha Somaliya uu Wasiirkii Amniga Qaranka ku cadaadiyay in uu si deg deg ah isku casilo, markii Dowladdiisii loo arkay in ay fashil cagta saartay.

Dhinaca kale Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Taliyaha Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, Jeneraal C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, Jeneral Bashiir Axmed Jaamac (Bashiir Goobe) lagu wadaa inay saacadaha soo socda is-casilaan, ama xilka laga qaado.

Wararka sugan ee aynu helayno ayaa sheegayo haddii ay Taliyayaashaaasi is-casili waayaan ugu dambeyn maanta inuu Madaxweynuhu soo saari doono Wareegto uu xilalka kaga xayuubinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u qorsheysan  inuu Kulamo Khaas ah la yeesho Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo haatan Ku-simaha Madaxweynaha ah iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed Mohamed.

Madaxweynaha waxa kaloo oo uu  Kulan la yeelanayaa Guddiga Amniga Qaranka, iyadoo kulankaasi noqon doono mid xasaasi ah oo ay dhici karto inay Mas’uuliyiin badan oo Guddigaasi ka mid ah xilalkooda ku waayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

C/Weli oo aqbalay iscasilaada Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ka aqbalay Wasiirkii Amniga Qaranka iscasilaadiisa, isagoona ku tilmaamay in ay tahay talaabo geesinimo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amaanay Wasiirka Amniga Qaran mudane Cabdikarin Xusein Guled inuu ahaa muwaadin si dhab ah ugu adeegayey shacabka Soomaaliyeed

“Waa ka aqbalay iscasilaadiisa wasiirka amniga qaranka, Waxaana uu ahaa muwaadin u shaqaynayey sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen ammaan, waxaana ka rajaynayaa in uu la sii shaqayn doono dowladda, si looga fa’iidaysto khibradiisa shaqo, ayuu yiri RW Cabdiwali

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale xusay in ay xukuumaddu wado baaritaan lagu ogaanayo wixii shalay dhacay iyo sidii ay u dhaceen, cid kasta oo masuuliyadaas wax ku yeelatana si dhab ah loola xisaabtami doono.
Ugu danabyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu dhakhso u soo magacaabi doono shakhsigii badali lahaa Wasiirka amniga qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Isbeddelada Muqdisho ee 2014

0

Magaalo Madaxda Dalka Somalia ee Muqdisho waxaa sanadkaan 2014 ka dhacay Isbadalo dhowr nuuc ah oo ugu weyn tahay in Bilicda Magaalada Muqdisho si weyn isku badashay.

Muuqaalo kala duwan oo ku tusinaya Isbadaladii ugu weynaa ee Sanadkaan 2014 ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku farxad gelinaya sida Muqdisho ay maanta tahay iyo sidii ay ahaan jirtay ee nala daawo Muuqaalkani xiisaha leh.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Video: Kenya oo aqoonsatay S/Lanad

Hargeysa (Caasimada Online) – Kenya, ayaa dhowaan sheegtay inay xafiis diblomaasiyadeed ka furaneyso magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia, ayada oo sidoo kalena u ogolaatay Somaliland inay xafiis ka furato Nairobi.

Waxaa shalay magaalada Hargeysa gaaray wafti ka socda dowaldda Kenya, si ay xafiiskaasi siyaasadeed u furan.

Ayaga oo saxaafadda la hadlaya, ayaa waftigii Kenya waxaa afkooda kasoo baxay wixii ay Kenya qarineysa oo ahaa inay dal ahaan u aqoonsan tahay Somaliland, taasi oo qeyb ka ah siyaasadda gurracan ee luggooyada Somalia.

Diblomaasi ka mid ahaa waftiga Kenya ayaa laba mar ku dhowaaqay in Somaliland ay dal tahay, isaga oo tixraacaya wax uu ugu yeeray “Xiriirka labada dal”.

Halkan ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Taagerayaasha SNM & SSDF oo fuliyey balanqaadyadii ay la galeen xabashida‏

Labadan Jabhadood waa SNM iyo SSFD,Waxa ay ahaayeen Labadii Jabhadood ee ugu horeeyey ee u gala Mamulkii Xabashida si ay u ridaan Dowladdii markaasi jirtay ee Kacaanka,Waxa ayna Labadan Jabhadood fureen albaab halis ku ah Umadda Soomaaliyeed, Kaas oo aan la furin Iyaga hortood ilaa Maantana furan.Danbi qaran iga dheh.

Inkasta oo ay xaq u lahaayeen Siyaasiyiintii horkacaysay Labadan Jabhadood ee ahayd in ay ka dhiidhiyaan dulmigii iyo xaq daradii ay sameyn jirtay Xukuumaddii Kacaanka hadana waxa ay ahayd cali xumo iyo garasho la’aan in ay u galaan dowlad cadow ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waayo waxay talaabadani keeneysay dhibaato ka weyn middi laga cabanayey,Waana middi uu qiray marar badan Cabdulaahi Yuusuf.

Inkastoo Dowladdii Kacaanku ay xaq u lahayd, in ay difaacdo dalka kana hortagto wax alaale iyo wixii dhibaato abuurayo, hadana ma ahayn in ay xoog u isticmaasho dadkeedii sidoo kalena ay burburiso Magaalooyinkii, waayo waxa ay ahayd in ay tanaasul la timaaddo Islamarkaana ay ogolaato in la wadaago talada Dalka, si looga hortago dagaallo sokeeyo iyo khilaafaad siyaasadeed laakiin nasiib daro taasi ma dhicin, Waxaana eeddaas iska leh raggii markaasi majaraha u hayey Dowladda markaasi jirtay sida Maxamed Siyaas Barre oo kale.

Waxa ay rabtaba ha noqotee,Waxa ay labadan Jabhadood iyo taageerayaashooduba u galeen Maamulkii Xabashida si ay ula dagaalaan Dowladdii Maxamed Siyaad Barre,Waxa ayna ugu danbeyn heleen Saldhigyo ciidan iyo qalab Militari intuba si ay u bilaabaan dagaalkoodii,Taasoo ugu danbeyn u suurtagashay in ay ridaan Dowladdii Soomaaliyeed Iyagoo adeegsanayo hubkii Xabashida.Waxaa Iyagana garab socday Labadan Jabhadood Jabhado kale sida SPM,USC iyo SDM.

Khaladaadkii iyo is fahamwaaagii u dhaxeeyey Siyaasiyiintii Soomaalida ee markaasi jirtay, Waxa ay fursad weyn (Golden Chance) ah u noqotay Maamulkii Xabashida oo halis ugu jiray in uu ku baxo gacantii Dowladdii Soomaaliyeed ee markaasi jirtay haddaysan u soo gurman Dowladdihii Shuuciga ahaa sida Ruushka oo kale,Waxaana daliil noogu filan dharbaaxidii ay Soomaalidu geysatay dagaalkii 77.

Maadaama aysan Xabshidu ku dhicin iskacaabinta dadka Soomaaliyeed Iyagoo mid ah sababa badan oo jira dartood,Waxa ay in mudda ahba raadin ugu jirtay sidii ay u heli lahayd Soomaali mucaarad ah si ay ugu adeegsato duminta Dowladdii xoogga badneyd walibana tayada fiicneyd laakiin nasiib daro, Waxa ay ugu danbeyn Xabashidu heshay Siyaasiyiin Mucaarad ah oo ay ugu horeeyeen Siilaanyo,Cabdullaahi Yuusuf iyo rag kale oo badan,Kuwaas oo dowrmuuqda ku lahaa dhismaha Labadan Maamul Goboleed ee kala ah Somaliland iyo Puntland. Balan la fuliyey dheh

Maadaama ay dunidu ku salaysan tahay waxa loo yaqaano give and take, Waxa ay Xabashidu kula heshiisay Labadan Jabhadood heshiisyo kala duwan siduu qiray Cabdulaahi Yuusuf mar uu u waramayey Tv Universal,Waxa uuna Cabdulaahi Yuusuf sheegay in ay Xabshidu la gashay heshiis qarsoodi ah Jabhaddii SNM,Kaas oo ujeedadiisu ahayd in ay goostaan gobolada Waqooyi marka ay qabsadaan deegaanadaasi.Waxa uuna heshiiskaasi ahaa heshiis laga qarinayey Saraakiishii SSDF-ta. hoos ka daawo wareysiga Cabdulahi Yuusuf.

Halkan ka daawo Wareysigii Universal Tv ay la yeesheen Cabdulahi Yuusuf

Siduu cadeeyey Cabdulaahi Yuusuf, Waxa ay dhowr jeer u bandhigeen Saraakiishii SNM in ay wada dhistaan urur weyn oo la dagaalamo Dowladdii Kacaanka laakiin taasi waxaa diiday islamarkaana ka horyimid Siyaasiyiintii SNM oo sheegay in ay saxaayaan khaladkii la galay 60, taas oo ay ula jeedeen Midnimaddii 60-kii.Marqaati kacaasi uu sameeyey Cabdulaahi Yuusuf, ayaa meesha ka saarayo hadalada ay Siyaasiyiinta reer Somaliland ku qaldaan ra’yi caamka dadka Soomaaliyeed.Markaan hadalka soo koobo, dhinaca Soomaalida oo ay horboodayeen Siyaasiyiintii SNM iyo SSDF, Waxa loo xilsaaray in ay ridaan Dowladdii Soomaaliyeed, Islamarkaana ay burburiyaan dalka siday sameeyeenba halka dhinaca Xabashidana loo xilsaaray bixinta taakuleynta iyo siyaasadda.Hadaba ma fuliyeen taageerayaashii SNM iyo SSDF balanqaadkii ay la galeen Xabashida markay qabsadeen deegaanadii ay ka soo jeedeen ?Jawaabtu waa haa waayo taageerayaasha SNM, waxa ay ku dhawaaqeen gooni-isutaag halka kuwa SSDF-na ay ku dhawaaqeen mudda ka dib waxa loo yaqaano Federaalism oo intuba ku soo biyo shubanayo hadafkii ay Xabshidu u taageereysay Jabhadahan oo ahaa inaanan mar danbe la helin dowlad Soomaaliyeed xoog leh,taasoo mar kale la loolanta Xabashida.Taageerayaasha Jabhadda SNM, Ayaa wali ku socda wadadii ay isku ogaayeen Xabashida ee ahayd kala dhantaalidda midnimada iyo wadajirka dalka, Iyagoo adeegsanayo farsamooyin lagu burburiyey wadamo mid ahaa sida Sudan oo kale,Waxa ayna u badan tahay in la aqoonsado Maamulka Somaliland Iyadoo laga faa’iideysanayo karti xumida iyo waayo aragnimo la’aanta haysata Kooxda maamusha Villa Soomaaliya.

Dhinaca Puntland markaan fiirino, Waxa ay ahaayeen kuwa muddaba is qarinayey waayo ma ahayn kuwa u cadeystay sida taageerayaasha SNM-ta oo kale laakiin waayadan danbe, waxa ay bilaabeen taageerayaasha SSDF gaar ahaan ninka madaxda ka ah Maamulkooda ee la yiraahdo Cabdiwali Gaas in uu u dhaqmo sida in uu madax ka yahay dal ka madax banaan Soomaaliya, waxaana tusaale noogu filan hadaladii iyo safaradii uu ku kala bixiyey dalalka Itoobiya,Yemen iyo Jabuuti.

Tusaale ahaan hadaad u fiirsato kalimaadka ay isticmaalaan Siyaasiyiinta Puntland marka ay ka hadlayaan Maamulkooda Markii hore waxa ay dhihi jireen Maamulka Puntland, Mudda ka dib, Waxaa la badal Maamulka Puntland, Waxaana lagu badalay Dowladda Puntland,Hadana waxaa la marayaa dalka Puntland iyo Qunsuliyado ayaan furaneynaa.Of course waxaa la fulinaya balanqaadkii Xabashida lala galay.

Inkastoo ay ka soo baxeen taageerayaasha SNM iyo SSDF balanqaadyadii ay la galeeen Xabashida dhowr iyo Labaatan Sano ka hor hadana wali waxaan kala cadeyn, Waxa ay sameyn doonaan taageerayaasha USC,SDM/RRA iyo SPM/RASKAANBOONI, kuwaas oo hadaba ay Shirar uga socdaan Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo,Waxaana jawaabta u deyn doonnaa Maalmaha iyo Sanadaha soo socda.

Hadaba haday cadeysteen taageerayaasha SNM-ta, Islamarkaana ay fuliyeen balanqaadkii ay la galeen Xabashida ee sababta u ahaa in la caawiyo, Maxay u cadeysan la’yihiin taageerayaasha SSDF-ta oo ay ugu dhawaaqi la’yihiin gooni-isutaag  ?.

Hadaba waxaan kula talinayaa taageerayaasha SSDF ee qiiqa isku qarinayo,Kuwaas oo aad mooddo inaanan la fahamsaneyn makriga ay u maleegayaan Umadda Soomaaliyeed talada soo socota:-

1-In aad cadeysataan sida Somaliland oo kale, kuna dhawaaqdaan in aad ka go’aysaan Soomaaliya inteeda kale si la idin caawiyo Islamarkaana aad u farxad gelisaan Xabashida iyo kuwa lugooyada ku hayo Umadda Soomaaliyeed.

W/Q: Abdullahi Ibrahim Cumar
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Maleeshiyo Raaskambooni ah oo isaga baxay Kismaayo una goostay dhinaca..

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Halkaasi ay Shalay ilaa Xalay isaga baxeen Ciidamo ka tirsan Maleyshiyaadka Raas Kaamboon.

Ciidamadan oo Boqolaal gaaraya, oo Hub & Gaadiid Dagaal wata ayaa isaga baxsaday Maleeshiyada Raas Kambooni, kadib markii Axmed Madoobe uu Saraakiishoodii Xilka ka qaaday oo kuwa isaga ku Beel/Heeb ahna u dhiibay.

Wariye ku Sugan Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Maleyshiyaadkaas qeybtoodii ugu Dambeysay ay Xalay ka baxeen Magaalada, waxaana ay gaareen Deegaan lagu magacaabo Qandal oo qiyaastii 5km u jirta Kismaayo.

Ma ahan Ciidamadii ugu goreeyay ama ugu danbeeyay ee kasoo goosta Maleeshiyada Raas kambooni ee Axmed Madoobe, waxaana jiray Tiro dhowr ah oo tan iyo 2014 kasoo baxay Safka hore Dhibaatada lagu hayo Shacabka Kismaayo.

Amaanka Magaalada waxaa maalmihii ugu Dambeyay halis muuqata ku ahaa Maleyshiyaadka Axmed Madoobe & Ciidamo gadoodsan oo sheegay in si aan Cadalad ahayn kula dhaqmeen Horjoogayaasha Axmed Madoobe.

Wararkii ugu Dambeeyay ayaa sheegaya in baqdin xoogan ay ka jirto Magaalada Kismaayo, taasi oo la xiriirta Weeraro ay Magaalada kusoo qaadaa Ciidamada ka goostay Maleeshiyada Raas Kambooni.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Cali Khaliif Galeyr & C/Weli Gaas oo ku wada sugan Qardho (Maxaa socda?)

Qardho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in magaalada Qardho ee gobalka Karkaar uu gaaray maanta xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Khaliif Galeyr ayaa la sheegay in uu ka qeybgali doono caleema saarka ama caano shubka boqorka Daarood ee Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Cali Khaliif iyo odayaal ka yimid dhinaca Khaatumo ayaa la sheegay in ay gaareen magaalada oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in magaalada uu ku sugan yahay madaxweynaaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas oo isan gaaray maanta magaalada Qardho.

Waxaa kaloo magaalada gaaray wafdi ka socday maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe.

Xafladda caleema saarka boqorka Daarood ayaa maalinta berri ah dhaceysa, waxaana magaalada ku sii qulqulaya salaadiin fara badan oo ka yimid dhulka Soomaalida ay degto.

Waa markii ugu horreysay oo xildhibaan Cali Khaliif Galeyr uu tago Puntland gaar ahaan magaalada Qardho.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay magaalada oo ay ku sugan yihiin wafuud caalami ah iyo dadweyne fara badab oo ka yimid dalka iyo dibedda.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa noqonaya boqorka 34-aad ee Daarood.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Xildhibaan Cumar Finish oo ka hadlay weerarkii xarunta BF iyo dhaawaciisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish) oo ka mid ahaa xildhibaannadii maanta ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay xarunta baarlamaanka ayaa sheegay in dhaawiciisa uu ahaa mid fudud.

Isagoo ku sugan xarunta Xalane oo lagu daweynaayo ayuu VOA-da u sheegay in uu caafimaad qabo oo isagoo socda uu yimid Isbitaalka.

Mar la weydiiyay sidda uu u dhaawacmay, wuxuu sheegay in baabuurkii isku qarxiyay ilinka horre ee dhismaha baarlamaanka firirkiisa uu ku dhaawacmay oo gacanta iyo qeybo ka mid ah jirkiisa ay wax yeelo ka soo gaartay.

Waxaa la weydiiyay marka isaga laga soo taago oo dhaawacmay in ay jiraan xildhibaanno kale oo wax ku noqday weerarkaas, wuxuu tilmaamay in xildhibaan Saciid Dheero la dhaho oo ay isku meel ku dhuunteen uu isna uu ku dhaawacmay weerarka.

Dhinaca kale, xildhibaan Cabdalle Boos Axmed ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay weerarka balse ma jirto cid ilaa hadda xaqiijin kara.

Weerarkii maanta lagu qaaday xarunta baarlamaanka ayaa soo gaaray 2:30pm oo waxaa tan iyo xilligaas la maqlayay rasaas iyo qaraxyo xooggan oo ka dhacaya gudaha xarunta baarlamaanka.

Inta badan dadka wax ku noqday weerarkii maanta waxay u badnaayeen askar ka tirsan dowladda in kastoo la arkayay ciidamo AMISOM oo dhaawac soo gaaray.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Fadeexad musuq-maasuq oo cusub oo kusoo baxday Dowladda Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa sheegtay in la musuq-maasuqo Lacagaha Deeqda ah ee Caalamka ku taageero Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidaasi darteedna ay Bangi si gaar ah loo leeyahay ay ku dirayaan Lacagta.

Heikki Eidsvoll Holmås, oo ah Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee Dowladda Norway ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya uu yahay dal leh Taariikh modow oo Musuq-maasuq ah, gaar ahaan Madaxda Dowladihii ugu danbeeyay & tan hadda jirta, iyadoo arintaasina keentay in Caalamka uu ka kalsooni baxo.

Wuxuu sheegay in Dowladiisa Todobaadkii tagay ay Lacago Mushaar ah oo loogu tala galay 380 Shaqaalaha Dowladda Fedaraalka ah ay u marsiiyay PriceWaterhouseCoopers (pwc), oo ah Bangi laga leeyahay dalka dibadiisa oo Muqdisho ka shaqeeya.

“Bangiga Dhexe & Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa la degay Musuq-Maasuq Baahsan oo dhici karta in Mushaarka aan ugu talo galnay Shaqaalaha Dowladda in la lunsado, markii taasi si aysan u dhcin waxaana ku dirnay Lacagta Baniga PriceWaterhouseCoopers,” ayuu yiri Mr. Holmås.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in inta ay Dowladda Federaalka ah ka samaynayso Hay’addo Maaliyadeed oo si hufan ay Deeqaha Lacagta ah usoo marin doonaan Bangiyo ku yaalla dalka Dibadiisa oo gaasriiya Gacanta loogu talao galay Lacagta.

“Todobaadkii lasoo dhaafay waxa ay Lacag Mushaar ah usoo dirnay 380 Shaqaale oo u shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo ay ka howlgalaan Wasaaradda Maaliyadda & Xafiiska Xisaabiyaha Guud, waxaana hadda kadib si Toos ah u bixin doonaan Mushaarka Shaqaale gaaraya 380 Qof,” ayuu yiri Wasiiraka.

“Dowladda Soomaaliya waa inay dib usoo ceshataa Sumcadeed & Kalsoonida Caalamka si Dee-bixiyaasha ay u taageeraan oo Lacagaha loogu shubo Bangigeeda Dhexe, iyadoo aan laga baqeyn Musuq-Maasuq,”ayuu yiri Heikki Eidsvoll Holmås.

Norway, waxa ay kamid tahay dalalka Safka hore uga jira Wadamada Taageera Dowladda Federaallka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Xog: Mooshinkii Xasan Sheekh oo soo laba kacleeyey & siyaasiyiin culus oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmihii u dambeeyay uu shiiqey ama uu hoos u dhacay kaddib markii la kala fur furay Xildhibaanadii doonayay in Madaxweynuhu is-casilo, ayaa waxaa mar kale billowdey ololaha ay xildhibaanadu ku doonayaan in gebi ahaanba Madaxweynuhu meesha ka baxo.

Hoteelada magaalada Muqdisho ayaa mar kale waxaa dib uga billowdey kulamo iska soo hor jeeda oo ay halkaa ka wadaan Xildhibaanada Barlamaanka ee taageersan Madaxweynaha iyo kuwa ka soo hor jeeda.

Xildhibaanadan madaxweynaha ka soo hor jeeda ayaa waxa ay wadaan diyaarinta Mooshin ka dhan ah madaxweynaha si ay baarlamaanka u hor geeyaan halka xildhibaanada kalena ay isu diyaarinayaan sidii ay uga hor tegi lahaayeen mooshinka ay wataan xildhibaanadan.

Xildhibaanadan Mooshin diyaarinta ku jira ayaa sheegaya in Seddax u dalool hal dalool loo baahan yahay markii mooshin la diyaarinayo taasoo micnaheedu yahay in 94 xildhibaan la helo. Xildhibaanadan ayaa sheegaya in iminka ay haystaan illa 84 xildhibaan, islamarkaana ay sugayaan xildhibaano kale oo dibadda ka imaanaya.

Xildhibaanadan mooshinka gadaal ka riixaya ayaa sheegay in ay sugayaan xubno muhiim ah oo ay ka mid tahay xaaska Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Caasha Xaaji Cilmi iyo Cali Khaliif Galayr, kuwaasoo si weyn uga soo horjeeday weligoodba Madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba waxaa haatan dib u soo laba kacleeyay mooshinkii laga diyaarinayay Madaxweynaha oo maalmihii la soo dhaafay si weyn hoos ugu dhacay iyadoo dhinaca kalena xildhibaanadan ay raja ka qabaan in ay ku soo biiraan xildhibaanno kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Sawirro cusub: Ma aamini doontid sida bilicda Muqdisho ay isu-beddeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Bilicda magaalada Muqdisho, ayaa maalinba maalinka ka danbeysa isa soo tareysa, iyadoo magaalada hada ay u muuqaneyso mid soo ceshaneyso bilicdii ay lahayd 23 sano kahor.

Inkastoo bilicda iyo dib u dhiska magaalada si guud u wada saameyn, ayaa hadana qeybaha ay sida tooska ah u maamusho DF, waxaa kajira dib u dhis xoogan iyo ganacsi.

Dowlada Turkiga ayaa qeyb weyn ku leh dib u dhiska Magaalada, sida dib u dhiska wadooyinka muhiimka ah iyo Xaruumaha waxbarashada.

muqmuq2muq4muq5muq8muq9muq10muqdishomuqdisho-ganacsimuq11

KENYA OO HESHIIS UGA BAXDAY DFS

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka baxday heshiis saddex-geesood ahaa ee ay wada saxiixdeen ayada, dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda qaxootiga ee UNHCR, kaas oo dhigayay inaan si khasab ah lagu celin qaxootiga Soomaalida.

Tan iyo markii uu billowday howlgalka ammaanka horraantii Abriil, Kenya waxay Soomaaliya u masaafurisay 359 qof oo Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jireen saddex qof oo qaxootinnimo u diiwaangashanaa.

Dadkii ugu dambeeyay ee ay masaafurisay oo ka koobnaa 98 qof, waxaa ku jiray 12 carruur ah.

Hay’adda u doodda xuquuqda bini’aadamka ee Humar Rights Watch ayaa si kulul u cambaareysay tallaabada ay Kenya kula kacayso qaxootiga Soomaalida.

“In dad loo masaafuriyo goobo ay colaad ka jirto waxay muujineysaa tixgelin la’aanta xuquuqdooda iyo bad-qabkooda,” ayuu yiri Gerry Simpson oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Huma Rights Watch.

Sida ay sheegtay UNHCR, dadkii la celiyay May 20 waxay xabsiyada ku jireen 10 ilaa 30 maalmood.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Xildhibaan ka tirsan BF oo ugu baaqay DF inay ku dayato Somaliland, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Maxamed Cumar Dalxa, oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Somaliya, ayaa wuxuu ku baaqay in Dowladda Soomaaliya, ay ku dayato Somaliland.

Xildhibaanka, ayaa sheegaaya inaanay Dowladdu xiriir wanaagsan la lahayn shacabkeeda, isla-markaana aynaan shacabku ka qayb qaadan dadaalada Dowladdu ku dooneyso, in ay nabad ugu soo dabaasho dalka.

Wuxuu soo hadalqaaday Xukuumada Somaliland iyo sida ay shacabkeedu ula shaqeeyaan, iyadoo uu ku baaqay in Dowladda Soomaaliya ku dayato Somaliland, si ay xasilooni ugu soo dabaasho Deegaanada ay ka arrimiso.

Sidoo kale wuxuu sheegay Hay’adaha ammaanka ee Somaliland in ay wada shaqayn la lee yihiin shacabka, isla-markaana ay la socdaan dhaq dhaqaaqa shakhsi kasta, oo gudaha u soo gala Magaalooyinka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, ayaa soo jeediyay Dowladda Somaliya inay la timaado ficil dhab ah, oo ay joojiso in Warbaahinta oo kaliya ka sheegto wada shaqayn kala dhaxeyso shacabkeeda.

Xildhibaan Dalxa oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaaladda Muqdisho, ayaa Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ugu yeeray in ay dadaal muujiso, isla-markaana ay kasbato kalsoonida shacabkeeda.

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Dalxa, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli Madaxda Dowladdu ay Warbaahinta oo kaliya ka sheegaan, in uu xiriir aan jirin kala dhaxeeyo shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Danjire Key oo Golaha Ammaanka QM u sheegay arrimo la xiriira Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergayga gaarka ee ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Key ayaa ka digay xaaladda Soomaaliya, isagoona sheegay in hiigsiga 2016-ka aaney la gaari karin marka loo eego sidda ay wax u socdaan.

Key ayaa Khamiistii u xog warramay golaha ammaanka Qaramada Midoobay isagoo ku sugan Muqdisho oo qadka Vidio-ga ayuu ka hadlaayay.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qabatay wax yaabo badan oo mahadiyo balse wuxuu ka dardaarwariyay sidda ay wax u socdaan iyo khilaafka cusub ee ka soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo xildhibaannada baarlamaanka kaasoo dib u soo celin kara khilaafkaadka ragaadiyay madaxda dowladda.

Waxa uu ka digay xaaladda siyaasadda, ammaanka iyo bini’aadinimada ee Soomaaliya isagoona tilmaamay in ay jiraan ifafaalo aan fiicneen oo muuqda.

Key ayaa xusay in ra’iisal wasaaraha cusub tan iyo markii uu yimid xafiisak uu qabtay arrimo badan balse siddii la rabay aaney wax socon.

Mr. Key ayaa xusay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in dhaqangaliso dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla isla markaana horseed u noqdo siddii doorasho xor ah ay uga dhici lahayd dalka.

Wuxuu kaloo sheegay in loo baahan yahay in la dardargaliyo nidaamka fedaraalka ee la rabo in dalka oo dhan laga dhaqangaliyo.

Danjire Key ayaa golah amamanka QM u sheegay in uu yahay qof rajo fiican leh oo saadaalinaya wanaag islamarkaana uu rabo Soomaaliya in ay horrey u sii socoto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]