27.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Danjire Key oo Golaha Ammaanka QM u sheegay arrimo la xiriira Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Ergayga gaarka ee ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Key ayaa ka digay xaaladda Soomaaliya, isagoona sheegay in hiigsiga 2016-ka aaney la gaari karin marka loo eego sidda ay wax u socdaan.

Key ayaa Khamiistii u xog warramay golaha ammaanka Qaramada Midoobay isagoo ku sugan Muqdisho oo qadka Vidio-ga ayuu ka hadlaayay.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qabatay wax yaabo badan oo mahadiyo balse wuxuu ka dardaarwariyay sidda ay wax u socdaan iyo khilaafka cusub ee ka soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo xildhibaannada baarlamaanka kaasoo dib u soo celin kara khilaafkaadka ragaadiyay madaxda dowladda.

Waxa uu ka digay xaaladda siyaasadda, ammaanka iyo bini’aadinimada ee Soomaaliya isagoona tilmaamay in ay jiraan ifafaalo aan fiicneen oo muuqda.

Key ayaa xusay in ra’iisal wasaaraha cusub tan iyo markii uu yimid xafiisak uu qabtay arrimo badan balse siddii la rabay aaney wax socon.

Mr. Key ayaa xusay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in dhaqangaliso dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla isla markaana horseed u noqdo siddii doorasho xor ah ay uga dhici lahayd dalka.

Wuxuu kaloo sheegay in loo baahan yahay in la dardargaliyo nidaamka fedaraalka ee la rabo in dalka oo dhan laga dhaqangaliyo.

Danjire Key ayaa golah amamanka QM u sheegay in uu yahay qof rajo fiican leh oo saadaalinaya wanaag islamarkaana uu rabo Soomaaliya in ay horrey u sii socoto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DADKA laga soo tarxiilay KENYA oo la ogaaday tiradooda waxaana ku jirra..

Nairobi (Caasimada Online)-Warbixin cusub oo ay soo saartay maanta oo Jimco ah hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa  looga hadlay Soomaalida laga qabqabtay Kenya ee dib loogu celiyay Soomaaliya.

Warbixinta hey’adda ayaa lagu sheegay in 359 qof oo Soomaali ah oo si sharci-darro ah ku joogtay dalka Kenya dib loogu celiyay dalkooda tan iyo horaantii bishii April ee sanadkan, xilligaas oo uu billowday howgalka Usalama Watch oo ku saabsan ammaanka Kenya.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in saddex qof oo ka tirsan dadkii la masaafuriyay ay haysteen warqadaha aqoonsiga ee ay bixiso hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Hay’adda ayaa sheegtay in 20-kii bishan May ee aynu ku jirno dowladda Kenya ay magaalada Muqdisho dib ugu celisay 98 qof oo ay ku jiraan 12 carruur ah, iyadoo aan la wargelinin hay’adda UNHCR.

Leyla cli Caddow, waa Soomaali ay booliska soo xireen, waxaana ku jirtaa xabsi ku yaalla Nairobo iyadoo xanuunsan
Leyla Cali Caddow, waa Soomaali ay booliska soo xireen, waxaana ku jirtaa xabsi ku yaalla Nairobo iyadoo xanuunsan

Gerry Simpson oo ah Cilmi baarre ka tirsan hay’adda Human Rights Watch una qaabilsan daraaseynta arrimaha qaxootiga ayaa sheegay in sharci buuxo aanay ahayn in si khasab ah dadka loogu celiyo Soomaaliya, halkaas oo uu sheegay in ay suuragal tahay in ay dadku kala kulmaan halis ay ka mid tahay in la jirdilo ama loo gaysto dhibaatooyin kale.

Gerry ayaa intaas ku daray in masaafurinta dadka ee lagu celinayo goobaha aan xasilloonayn ee Soomaaliya ay muujinayso in aanay ku wanaagsanayn xuquuqdooda iyo ammaankooda.

Sarkaalka ayaa xusay in dowladda Kenya looga baahan yahay in ay u oggolaato qof walba oo la masaafurinayo in uu iska difaaco tallaabada lagu masaafurinayo ama uu magan-gelyo dalbado.

Hay’adda UHNCR ayaa sheegtay in dalka Kenya laga masaafuriyay 83 qof 9-kii bishii April ee sanadka, 91 qof oo kalena la masaafuriyay 17-kii April, halka 87 qofna ay Kenya masaafurisay 3-dii bisha aan ku jirno ee May, iyadoo 98 qof la masaafuriyay isla 20-kii May, kuwaas oo dhammaantood dib loogu celiyay Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

C/WELI oo la saftay garab ka mid ah…

Beledxaawo (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu Sunna ee gobalka Gedo ayaa ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in uu la saftay dhinac ka mid ah maleeshiyaad ku dagaallamay degmada Beledxaawo.

Shiikh Cabdirisaaq Maxamed (Al Ashcari) oo ka mid ah madaxda Ahlu Sunna ee gobalka Gedo ayaa ra’iisal wasaaraha ku eedeeyay in uu la saftay mid ka mid ah kooxaha ku dagallaamay Beledxaawo isagoona intaas ku daray in taasi ay sharraf darro ku tahay xilka uu hayo.

Ashcari ayaa xusay in xaqiijin karaan ra’iisal wasaaraha in uu la saftay garabyadii ku dagayaallamay Beledxaawo oo xittaa dhaqaale iyo hub uu siiyyay sidda uu hadalka u dhigay.

Marka laga soo tago hadalka Ashcari waxaa soo baxayay in ay jiraan warar sheegaya in uu raa’iisal wasaaraha taageersan yahay.

Maleeshiyaadka ku dagaallamaya Beledxaawo waxay qaar badan ka yimaadeen Kismaayo oo waxaa taageersan Axmed Madoobe, waxaana la doonayay in ay qabsadaan Garbahaareey oo ay ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda iyo maamulka Ahlu Sunna.

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa ku sugnaa magaalada markii ay arkeen khilaafka ka dhex aloosan labada ciidan waa ay ka baxey magaalada oo waxay dib ugu laabteen Doolow.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ciidamada AMISOM oo lagu qarxiyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in kolanyo ay la socdeen ciidamada AMISOM in lagu qarxiyay deeganka Ceelasha biyaha ee duleedka Koonfureed ee Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in arkayn mid ka mid ah kolanyada ciidanka AMISOM oo qaraxa uu haleelay iyo askar ku dhaawacantay balse ma sheegin faah-faahin kale.

Qaraxa kaddib ciidamada AMISOM ayaa furay rasaas xooggan, taasoo aan wax yeelo gaarsiin balse cabsi iyo khalkhal ku abuurtay dadka deeganka.

Ciidamada AMISOM ayaa isku gadamaaday goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana ay wadaan baaritaano.

Ma jirto cid ka hadashay qaraxa oo ahaa miinada kuwa dhulka lagaliyo oo ka dhacay deeganka Ceesha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxweyne Xasan Sheekh oo aaday Kaanfur Afrika & ujeedka socdaalkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud, ayaa goordhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoona ku wajahan dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa la sheegay in ay ka qeybgali doonaan caleema saarka madaxweynaha Koonfur Afrika Jakob Zuma, kaasoo dhawaan ku guuleystay doorasho dhawaan ka dhacday dalkaas.

Madaxweynaha sidoo kale wuxuu kaloo la kulmi doonaa jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.

Waxaa kaloo madaxweynaha lagu wadaa in uu la kulmo madaxda dalka Koonfur Afrika, isagoona kala hadli doonaa xiriirka u dhexeeya labada waddan.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali badan, kuwaasoo ganacsi ku leh dalkaas balse dilal joogto ah ayey markasta kala kulmaan dadka dalkaas ku nool.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Xasan Sheekh oo u shaah iyo sheeko tagay baararka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay ku caweeyay Jazeera Hotel, oo ku yaala Degmada Wadajir ee Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa si kedis ahayd kaga dul dhacay dadkii ku caweynaayay Hotel Jazeera, iyadoo la arkaayay isagoo la sheekeysanaaya tiro dad ah, oo siyaabooyin kala duwan kuraas iyo miisas ugu fadhiyay.

Madaxweynaha, ayaa dadka weydiinaayay su’aalo la xiriira ammaanka Magaalada Muqdisho iyo aragtidoodu ku aadan, sidii loo xoojin lahaa amniga Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Hotel Jazeera waxa uu ka mid yahay goobaha lagu hoydo ee ugu ammaanka badan Magaalada Muqdisho, iyadoo ay amnigiisu suggaan Ciidan si gaar ah loogu talla galay.

Maamulka Hotel Jazeera, ayaa xiriir dhow la leh Madaxtooyada, waxaana degan dad u badan Qurbo Joog, kuwaa oo Hotelka marti ugu ah Madaxda Dowladda, oo dejiyay.

Waa kormeerkii 2-aad oo Madaxweynaha Somaliya uu ku sameeyo qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, xilli habeen ah.

10374466_10203624364388350_3495252959594351594_n

6702_10203624363508328_1299480754449348631_n

10345538_10203624364108343_6864897339649015486_n

10336662_10203624364588355_3650619940025655373_n

1908300_10203624363708333_3892167230511995427_n

10320327_10203624364468352_4961749568819479622_n

xs2

xs3xs4

 

Xog: Cabdi Weli oo socdaalki Puntland ka baaqday kaddib cadaadis xooggan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa ka baaqday socdaal uu ku imaan lahaa Puntland ka dib markii ay soo baxeen cadaadisyo cusub.

Cabdi Weli, oo doonayey inuu ka qeyb galo caleemo saarka wax loogu yeeray boqorka Daarood, ayaa aad loogu dhaleeceeyey siyaadiisa cusub ee qabyaaladeysan, kuna xiran Puntland iyo Jubaland.

Xubno ku dhow Cabdi Weli ayaa Caasimada Online u sheegay in ra’iisul wasaaraha lagula taliyey in socdaalkan uu dhaawici karo magaciisa.

Labo jeer oo hore ayuu socdaal uu Cabdiwali Shiikh ku iman lahaa Puntland ka baaqday taasoo dhabar jab wayn ku ah madaxwaynaha Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo u diyaar garoobay qaabilaada wafdiga uu Cabdiwali Shiikh hoggaaminayo.

Magalada Garowe waxaa ku sugay wasiiro ka socda DF oo ay ka mid yihiin wasiirka qorshaynta iyo wasiirka tacliinta sare waxayna degan yihiina aqalka madaxatooyadda iyadoona wararka la helayo ay sheegayaan inay labada dhinac wada hadleen.

Wasiirk qorshaynta DF Siciid Cabdilaahi Dani, ayaa sheegay inuu wanagsan yahay xiriirka Puntland iyo DF taasoo meesha saaraysa khilaafkii labada dhinac u dhaxeeyay.

Arrint sid wayn loo hadal hayo ayaa ah sababta uu dhowrka jeer uga baaqday Ra’iisul wasaraha Somaliya socdaalka uu Puntland ku imaan lahaa, iyadoona lala socda socdaalo is-dabo joog ah oo uu Cabdiwali Shiikh ku tagay deegaano ka tirsan gobalada Koonfurta iyo magalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

RAGGIINA lisa idinkuna RAAXAYSTA!!

Layli loogu magac daray Layliga Kegel (Kegel Excercises) baa ahaa kii ugu horreeyey ee gacan la mahadiyay ka geystay siday haweenku ku gaari lahaayeen heer biyabbax. Waxaa Layligaasi lagu tiriyaa inuu kamid ahaa horumarradii ugu muhiimsanaa ee uu gaaray Cilmiga Jinsigu, waxaana markii hore loo isticmaali jiray daaweeynta dadka ay kaadidu ka fara baxsato ee aan suuliga gaarsiin karin.

Waxaa jira saddex muruq oo ku yaal sinaha hoostooda kuwaasi oo kantaroola godka saxarada, godka cambarka iyo kaadi mareenka. Shaqada murqahaasi waxa weeye miirid, majuujin iyo joojin kolka uu qofku kaadinayo ama saxaroonayo. Mar hadday murqahaasi dabcaan, ma awoodaan inay kaadi mareenka u xiraan sidii looga baahnaa, qofkuna isagoon isogayn bay kaadidu ka baxsataa. Haddaba Layliga Kegel waxa looga gollahaa inuu xoojiyo murqahaasi si ay hawshooda habsami ugu gutaan.

Muruqa Gumaarka oo isagu kamid ah saddexdaasi muruq ee aynu soo sheegnay, waxa hawsha uu ka qabto kaadi mareenka u dheer isaga oo kantaroola cambarka naagta. Haweenka saddex dalool oo dalool in kayar ayuun buu muruqa gumaarkoodu xooggan yahay una shaqeeyaa sidii laga filayey. Iyadoo ay taasi jirto, bay misna tirada haweenka qaba kaadi baxsadku ay aad u yartahay. Kolka uu muruqa gumaarku adag yahay waa uu isku laablaabmaa oo isku majuujismaa, kana dhigaa cambarka mid adag oo wada seed ah, arrintaasi oo lagama maarmaan ah kolka la doonayo galmo laga dhergo, haddiise uu muruqaasi dabacsan yahay cambarku awood ma laha uu ku majuujismo oo ku laablaabmo, geedka ninkana ku liso.

Haddaba kolka uu cambarku ballaaran yahay muruqa gumaarkiisuna dabacsan yahay, geedka ninku ma yeelanayo awooddii ciriirinta iyo lisanka lagama maarmaanka u ahayd galmo lagu wada raaxaysto, haddiise muruqaasi adag yahay, kolka geedka ninku ku lismo ayuu sii kacaa oo kordhiyaa majuujiskii iyo lisankii, sidaasina haweeneydu ku gaartaa istiin iyo gariir kan ugu sarreeya.
Xoojinta awoodda muruqa gumaarku waxa ay haweeneyda u suura gelisaa:

1- U adkaysiga Dhalmada.
2- Xukumista kaadida.
3- Yaraynta dhabar xanuunka.
4- Kordhinta raaxada galmada (iyada iyo ninkeeda labadaba).

Layliga Kegel ee lagu xoojinayo muruqa cambarku waxa uu leeyahay faa’iidooyin la hubo, ma dhib badna barashadiisu, mana daaliyo haweeneyda xilliga galmada. Waxaa weliba intaa dheer isaga oo gacan ka geysta inay sinaha, gumaarka, iyo godka hoose ee xubinta taranku ku toosnaadaan halkii loogu talagalay, sidaasina haweeneyda ay fooshu ugu fududaato xilliga dhalmada oo aanay iyada iyo uurjiifkuba dhibaato kala kulmin.

Dumarka bartay Layliga Kegel wuxuu u leeyahay faa’iidooyin ka badan caafimaad iyo nabad-ku-dhalid. Waxay dumarkaasi si ulakac ah u kordhisan karaan istiinka iyo macaanta galmada, waase hadday Layliga u bartaan sida soo socota:

Haweenku intooda badan awood bay u leeyihiin inay xukumaan muruqa gumaarka, wuxuuse uga baahan yahay inay si fiican ugu fiirsadaan uguna feejignaadaan. Waxaan hore u soo sheegnay in shaqooyinka muruqa gumaarka ay kamid tahay inuu kantaroolo kaadida. Haddaba kol hadday haweeneydu awoodi karto inay joojiso burqadka kaadideeda, taa micneheedu Waxa weeye in muruqii gumaarku majuujismay oo isku uruuray. Aan idin xusuusiyo inay jiraan murqo kale (waa taynu hore usoo niri murquhu waa saddex) oo tamar daran kuna jira afka kore ee cambarka oo iyaguba kaadida sidaasi si la’eg u celin kara. Si ay taa meesha uga saarto waa inay haweeneydu kolkay kaadshayso labadeeda lugood intii karaankeed ah kala fogeysaa, kolkaasi oo celinta kaadidu ay u baahanayso dadaal iyo awood dheeraad ah, awooddaasi oo isku soo uruurinaysa muruqa gumaarka. Taa lafteeda dumarka badankiisu wuu yeeli karayaa, ha yeeshee hadda faa’iido kaadi joojin ka weyn bay haweeneydu huwantahay, oo ah inay sidaa ku baranayso waxa uu yahay muruqa aynu ka hadlaynaa, lana socon karto kolka uu isku soo duubmayo oo uu majuujismayo, haddii ay dhowr maalmood sidaa yeeshana waxay kasbataa khibrad, waxaanay awood u yeelataa inay waqti kasta muruqaasi majuujiso oo isku dhuujiso, iyada oo weliba tababarkii kaadi joojinta halkii kasii wadata.

Drs. Marry Ford oo ku takhasustay Cilmiga Ummulisanimadu waxay leedahay: (Kolka aad baratid majuujinta muruqaasi, wixii markaa ka dambeeya kaagama baahna wax awood ah oo ka badan indhaha ood isku qabatid kalana qaaddid, waxase loo baahan yahay in halka jeer ay muruq majuujintu socoto muddo aan ka yarayn laba sakan).

Kol hadday haweeneydii baratay kantaroolka muruqa gumaarka, waa inay aroortii intaanay sariirta ka toosin majuujisaa 5 – 10 jeer, waqtigaasi oo ay muruq majuujintu sahal tahay. Sidoo kale mar kasta oo ay kaadshayso waa inay samaysaa layligaasi. Haweeneyda uu layligu u hor leeyahay waxaa lagula talinayaa inay ku billowdo lix fadhi, halkii fadhina ay samayso toban majuujis, sidaasina waxay ku samaysaa lixdan majuujis maalintii. Waxaa laga yaabaa inuu layligaasi qofka ula muuqdo wax dhib badan, kol haddiise aynu ogaanno in halkii majuujis aanu qaadanayn wax ka badan laba sakan, halkii fadhina labaatan sakan, layliga oo idilna laba daqiiqo maalintii, markaa haweeney kastaa way samayn kartaa bay ila tahay.

Haweeneydu waxay u baahan tahay siddeed usbuuc si ay u qaybto Layliga Kegel. Usbuuca saddexaadba way dareemi kartaa horumarka la taaban karo ee ay ka gaartay raaxada galmada kana dhashay layligaasi. Waa inaanay joojin layliga ilaa iyo inta koorasku ka dhammaanayo, isticmaashaana mar kasta oo ay kaadshayso ama galmo ka qaybqaadanayso. Waqtiga galmada, waa inay si ulakac ah isugu qabataa oo u majuujisaa muruqa inta lagu jiro hordhaca galmada, taasi oo hadhowto kolka cambarka iyo geedka ninka la’is geliyo, sahal ka dhigaysa inuu iskii isu majuujiyo.

Muruqa gumaarka oo laga qaybgeliyo galmadu, waxa uu shaqada cambarka ka dallacsiiyaa qaabbile aan waxba qaban una dallacsiiyaa ka qaybgale isagu goobta maamula.

Gunaanadkii iyo gebagebadii, waxaa dumarka uurka leh lagula dardaarmayaa inay sameeyaan Layliga Kegel dhalmada kahor, si uu u xoogeysto kanaalka cambarku, una barto siduu iskii isugu uruursan lahaa uguna kala bixbixi lahaa, kala baxbaxaasi oo keenaya inay haweeneydu si fudud ku dhasho. Sidoo kale waa inay Layliga samaysaa dhalmada kadib, si muruqii gumaarku uu awooddiisii iyo shaqadiisii u soo ceshado.

W/D: Sabriye Macalin Muuse.

Madaxweyne Xasan Shiikh: Eedeysane aan dembi lahayn. W/Q Axmed Calasow

Xasan Sh. Maxamuud waa eedeysane aan wax dembi ah lagu hayenin, dembiga kaliya uu galay waa inuu Somali Madaxweyne u naqday.  Waxaan soo xasuustay sheeko aan beri akhriyay oo ku tiilay buugaag Ingiriiska laga barto oo ay lahaayeen mid ka mid ah bicthadi kaniisadihi ka fuary dugsiga degmada Mahaday, kuwaasoo magalada Xamar ku lahaa dusgi lagu barto af-Ingiriiska.  Sheekada oo kooban waa sida soo socota:

Oday iyo will yar uu dhalay ayaa galay safar iyagoo dameer wata, odagi ayaana dameerka koray..markey muddo socdeen ayeey la kulmeen dad kale kuwaasoo ku yiri odagii: war isku xishoo oo wiilka yar dameerka saar, adigana iska lugeey.  Sidii ayey yeeleen. Muddo kaddib ayey dad kale ka hor yimaadeen oo ku ceebeeyay wiilkii: war aabahaa oo lugeynaya ayaad adigi dameerka saran tahay.

Markaaseey ka degeen oo waa fikireen waxayna go’aansadeen in labadooduba ay dameerka koraan..markey xoogaa socdeen ayey dad kale la klulmeen illeen waa dad safar ah..markaasaa lagu yiri war isku xishooda ee dameerka masikiinka ah ka dega.  Odagi iyo willkiisi waa fikireen : dameerki markuu odagu koray lagu ceebee, markuu wiilki korayna sidoo kale, markey isla koreena kaba daran..waxay go’aansadeen in dameerkaba ay qaadaan waana sameeyeen.

Iyagoo dameerki sida ayey qolooyin kale la kulmeen, markaasaa la yiri: war ma waalateen, dameerka waa la koraa ee isaga lama xambaaro ( put the donkey down)…haddaba yaa haaya dariiq dadka eedooda looga badbaadi karo?

Madaxweyne Xasan Sheikh waa sidi nin madax u noqday dad wada dhar la’…markuu yimid ayuu shaatigi iska siibay isagoo fulinaya oraahdi ahayd “ meeshaad tagto sey u taal aa loola yaal”

Markaasey dadki ku keceen iyagoo dhahaaya Madaxweynihi waa dhar dhigtay. Waana ceeboobay!!! markaasuu yiri oo idnkuba dhar ma sidatiine.  Jawaabtoodu waxay noqotay annagu waxaa nahay barlamaanki iyo madaxdi gobollada!!!..marka annaga ha nagu dayan!!!

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa haysta waa taa oo kale, meel uu uga badbaado eedeyn waa la waayay.  Tusaale gaaban: Xasan Daahir Aweys waa dembiile mujrim ah oo ummadda ka galay gabood-fallo aad u waaweyn oo isgu jira dil, qaxin,burburin hanti iyo nabadgelyo la’aan..haddii la xiro dadbaa dacwo qaba haddii la daayana qaar kalaa soo baxaya…kaa waxaa ka daran  qaar dalki oo dhan iib geeyay oo wax alla wixii muqaddas noo ahaa ku iibsaday in iyaga lagu magacaabo ama loogu yeero Madaxweyne..waxayna gobannimo ka doorteen inay kaba qaad u noqdaan Kenya iyo Ethiopia.  Kuwa aan sheegeyno waxaa ugu daran oo diyaar u ah inay Somali oo dhan halaagan oo ay dilaan kuwa ku nool dalka woqooyigiisa iyo koofur galbeed. Madaxda gobolladaa seddaxda ah waxay diyaar u yihiin in nin Kenyaan ama Ethiopian ah ay u sajuudaan haddii madaxweyne looga soo dhigo oo ay gunnimo ka doortaan goboannimo dadkooduna ay u sacaba tumaayaan iyagoo u arka halyeeyo..waayoo mahmaahdi Talyaniga waxay ahayd (Ogni popolo ha il suo geverno). Shacab walba dowladda uu mudan yahay ow helaa.

Somali galbatay dowlad dambena ma noqoneyso. 

W/Q: Axmad Calasow

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Muungaab oo oggolaaday KAXDA in ay degmo tahay markii uu ogaaday in…

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Xuseen Muungaab ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah u aqoonsaday degmada KAXDA isagoona ka laabtay go’aan uu horrey u gaaray oo ahayd in uu didday degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Kaxda, Cabdiweli Yuusuf Cumar, oo caawa la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in guddoomiyaha gobalka Banaadir uu maanta u yeeray isagoona u sheegay in degmada Kaxda ay tahay degmo ka mid ah 17-degmo ee ka dhisan Muqdisho.

Wuxuu sheegay oo kale in uu Muungaab ku yiri soo shaqo gal hadda oo imow xafiiska maamulka gobalka Banaadir oo ka soo qeybgal kulamada ay lee yihiin guddoomiyaasha degmooyinka gobalka.

“Maanta oo Khamiis ah waxaa ii yeeray guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, wuxuuna iigu hambaleeyay in degmada Kaxda ay tahay degmo buuxda oo ka mid ah degmooyinka Muqdisho, waxaana uu igu yiri hadda kaddib soo shaqo gal oo imow xafiiska” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Kaxda.

Mar uu la weydiiyay sababta Muungaab uga laabtay go’aankii uu ku diidday degmada Kaxda kal horre?

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan hadlay uu sheegay in degmada Kaxday shuruudaheeda ah in ay degmo tahay ay ku xiran tahay wasaaradda arrimaha gudaha, isla markaana wasaaradda ay soo gudbisay in Kaxday ay tahay degmo Buuxisay shuruudihii laga rabay marka siddaas ayaa keentay in Muungaab uu ka laabto go’aankiisa” ayuu yiri Cabdiweli Yuusuf Cumar.

Si kastaba, waxaa jirtay in culeyso ballaaran oo la saaray madaxweynaha iyo wasaaradda arrimaha gudaha si Kaxda loogu aqoonsado degmo jirta oo mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Arrintaas waxaa waday xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda beesha degta degmada Kaxda kuwaasoo xittaa ku hanjabay in dowladda ay kala laaban doonaan aqoonsiga iyo taageerada ay u hayaan haddii aan Kaxda degmo loo aqoonsan.

Degmada Kaxda ayaa waxaa degmo u aqoonsaday madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed, balse markii uu Muungaab xulka qabtay wuxuu caddeeyay in degmooyinka gobalka Banaadir ay yihiin 16-degmo isla markaana wax Kaxda la dhaho aaney jirin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxweynaha maamulka 3-da gobal oo Muqdisho yimid iyo R/W Cabdi Weli iyo Nicholas Kay oo uu sheegay….

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray madaxweynaha maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed, Maxamed Cabdinuur Madeer.

Wasiiro, xildhibaanno iyo dadweyne ay isku beel yihiin Madeer ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

Markii la soo dhaweeyay, kaddib ayuu saxaafadda uga warbixiyay safarka uu ku yimid Muqdisho.

Wuxuu sheegay in uu casuumaad rasmi ah uu ka helay ra’iisal wasaaraha xukuumadda, Cabdiwelu Sheekh Axmed iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somali Nick Key.

Wuxuu sheegay oo kale in la kulanka ra’iisal wasaaraha iyo Mr. Key ay fursad u tahay maamulkiisa oo ay xoojineyso awoodiisa.

Waxaa horrey magaalada Muqdisho u joogay wafdi kale oo uu hoggaaminaayo Madoobe Nuunow Maxamed oo ah hoggaamiyaha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed, kaasoo isna ka dhisan magaalada Baydhabo.

Beydhabo waxaa ka dhisan labo maamul oo iska soo horjeeda, mana cadda wax yaabaha uu salka ku hayo imaashiyaha Muqdisho hoggaamiyaasha labadaas maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Buubaa oo shaaciyey waxa ay beesha caalamka ay ka aamisan tahay DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Ismaaciil Hure Buubaa, ayaa ka hadlay sida Dowladaha caalamka ay ula dhaqmaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dalka Soomaaliya uu ka baxay KMG oo ay iminka ka jirto Dowlad aan KMG aheyn.

Ismaaciil Hure Buubaa, ayaa sheegay in caalamka Soomaaliya uu ula dhaqmo sidii in weli ay ku jirto KMG, balse caalamka weli si wanaagsan uusan udareemin in dalka Soomaaliya ay ka baxday KMG oo ay ka jirto Dowlad ku dhisan Dastuur KMG ah, waxaana uu intaasi hadalkiisa ku daray in madaxda Dowladda si miisaan leh aysan udareensiin caalamka in KMG laga baxay.

Ismaaciil Hure Buubaa oo horay usoo noqday Wasiirka arimaha Dibada Soomaaliya wuxuu tilmaamay in Dowladda Soomaaliya looga fadhiyo inay culeys saarto caalamka oo ku aadan in dalka uu ka baxay KMG, shaqadaasina laga rabo Madaxweynaha dalka.

Wuxuu kaloo sheegay Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa sababta uu caalamka ula dhaqmayo in Soomaaliya ay weli KMG ay ku jirto ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa kala qeybsan oo aan ka fekerin aayahooda.

Dhibaatada haysata Soomaalida ayaa wuxuu ku tilmaamay inay tahay qabiil oo ay kala qeybsan yihiin Soomaalida dhan hadii qabiilka aysan ka tanaasulina ay dhici doonto dhibaato weyn oo uu sheegay in Soomaaliya ay kusoo socoto.

Dowladda hada ka jirta Soomaaliya ayaa ku tiirsan kaalmada kala duwan ee ka timaada Beesha caalamka, mana muuqata in Soomaaliya sanadahaan dhaw ay ka maarmi doonto kaalmada Beesha caalamka, xilli Soomaaliya ay leedahay dhul weyn oo wax soo saar leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiirkii ay DF u dirtay shirkii Garowe oo qiyaano qaran sammeeyey (Dhibka lagu hayo Muqdisho oo weli socda)

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta Dawladda Federaalka Soomaaliya Saciid Cabdullahi ayaa shalay mar uu la tagay Deeq bixiyayaasha Caalamka Magaalada Garoowe ee caasimada u ah Maamulka Puntland waxa uu sheegay in Deeq bixiyayaasha Caalamka si toos ah ugala xiriiraan baahidooda Dawladda Puntland.

Waa qiyaano qaran, balse dowladda Xasan Sheekh ee hurudada ah aysan ka war-hayn.

Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullahi oo kasoo Jeeda Puntland ayaa ka dhigyeysa wasiirada Dawladda Federaalka kuwo uun metela Magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee Soomaaliya oo aan ka ahayn Somaliland, Puntland iyo MKG ah ee Juba.

Inkastoo Dawladda Federaalka baarlamaankeeda iyo wasiiradeedu ka kooban yihiin dhamaan qabaa’ilada Soomaliya, ayaa haddana dhaqanka xukuumadda Federaalka oo uu kamid yahay wasiirka qorsheynta uu si cadaan ah u sheegayo in Puntland oo uu kasoo jeedo uusan metelin, baahideedana la weydiiyo, deeq bixiyayaasha Caalamkana si toos ah u taageeraan. Cadaalad daradaas ayaa Soomaaliya ka dhigeysa in Gobolada qaarna dadkoodu metelo oo Caalamku toos u taageero halka Gobolada qaarna ay metelayaan masuuliyiin Dawladda Federaalka oo kasoo jeeda goboladaas Caalamku tooska u kaalmeynayo, Gobolada aan dadkooda wax la weydiinin oo Dawladda Federaalku metesho waxaa kamid ah Gobolka Banadir, Sh/dhexe, Sh/Hoose, Bay, Bakool, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka Qorsheynta ayaa Garoowe ka sheegay in Khilaafka Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya Dhamaaday, khilaafkaas oo Puntland horey ugu sheegtay inuu ku saleysnaa:-

1- Baarlamaanka Federaalka oo wax ka bedelay qodobo kamid ah Dastuurka Federaalka Soomaaliya. Inkastoo Puntland leedahay Dastuur ka madax banaan kan Dawladda Federaalka, Xukuumad, Baarlamaan, Garsoor, Banki dhexe, Canshuur, Ciidan iyo Booliis aan hoos tegin Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa su,aasha isweydiinta lihi waxaa ay noqonaysaa Saameynta uu ku yeelan karo Dastuurka Federaalku maadama uusanba quseynin, una dhaqanto sida dawlad ka madax banana Soomaaliya. Dastuurka Puntland ayaa dhigaya in Puntland magacaabi doonto guddi is waafajiya Dastuurka Puntland iyo Kan Soomaaliya Marka Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya uu noqdo mid shacabku u codeeyay.
2- In Puntland laga siiyo qeybteeda Kaalmada Caalamku siiyo Soomaaliya. Balse Kaalmada Caalamku siiyo ayaanba lasoo marsiinin dawladda Federaalka, iyadoo xaqiiqdu tahay in Kaalmada Caalamka loo simo Dawladda Federaalka Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland, taas oo ay cadeyn u tahay Barnaamijka Waxbarashada ee Go 2 School iyo Barnaamijka Caafimaadka EPHS-ka oo uu dhowaan ku dhawaaqay bilaabashadiisa Raisul Wasaare Cabdiweli, Barnaamijka oo guud ahaan Soomaaliya loo qorsheeyay 9 gobol ayaa Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya laga Bilaabayaa 3 Gobol (Banaadir, Galgaduud iyo Gedo), halka Puntland-na laga Bilaabay 3 Gobol (Bari, Nugaal iyo Mudug) halka Somaliland laga Bilaabay 3 Gobol.

Sida haatan u shaqeyso Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah Cadaalad Daro aad u weyn oo lagu sameynayo qaar kamid ah qabaa’ilada iyo Gobolada Soomaaliya maadaama Go,aanada, Maamulida iyo Metelaada Dawladda Federaalku saameynayso oo kaliya qaar kamid gobolada Soomaaliya.

Isku soo wada duube Dawladda magac u yaalka ee Federaalka Soomaaliya ayaa noqotay mid uun ku habsatay Magaalada Muqdisho dhaqaalaheeda iyo Maamulkeedaba, arintaas oo ay haatan muuqanayso in Muqdisho isugu yimaadeen Xildhibaano iyo xubno Xukuumad goboladoodii meel soo dhigtay oo helay Magaalo cidlo ah oo aan dad laheyn. Xildhibaanada Federaalka iyo Xukuumada ayaa ku qanacsan inay iska Maamushaan Canshuuraha iyo dhaqaalaha Muqdisho oo aysan jirin cid weydiineysa inay shacabka wax ugu qabtaan sida Mushaaraadka Isbitaalada, Iskuulaadka iyo waxyaalaha kale oo muhiimka u ah nolosha dadka Muqdisho oo canshuurta laga qaado.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xukuumada Somalia oo qorsheysay in dalku amni noqon iyo BF oo ansixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Gen. Maxamed Sheikh iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Gen. Indhaqarshe oo ahaa masuuliyiintii laga sugayey inay dalka Soomaaliya u dhisaan Ciidamo Xoog oo dalka ka ilaaliya cadawga dibadda iyo gudaha ayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka hor sheegay in hadda aysan jirin Ciidan Xoog oo shaqeynaya oo gacantooda ku jira.

Ciidamada Xooga Dalka ee haatan jira ayay sheegeen in markii tababarada loo soo xiro ay inta badan u kala baxaan qaab qabiil, kalana raacaan masuuliyiinta dawladda ku qabiilka ah, qaar gobolada kala aadaan, una dagaalamaan qabiiladooda. Ciidamada Xooga Dalka oo dibadda iyo Dalka gudihiisa lagu tababaro ayay sheegeen in markii la tababaro oo la hubeeyo kadib kala firdhadaan inta badan, amni darada dalkana qeyb ka noqdaan.

Ciidamada ayay sheegeen in qeybi joogto Muqdisho iyo Labada Shabelle, Qeybna Bay iyo Bakool, Qeybna Jubadda Hoose iyo Gedo, qeybna Hiiraan iyo Galgaduud, ciidamadaas oo ay sheegeen in qaab beeleed u kala qeybsan yihiin, aysana jirin qeyb u gudbi karta qeybta kale. Ciidamada ayay sheegeen in ninkii dhawacma uu beeshiisa ka sugayo daaweyntiisa, sidoo kalana kii dhinta aan la daryeelin agoonta uu ka tago.

Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka oo sanadkaan loo ansixiyey lacag ka badan 50 Milyan Doolar ayaan sheegin isbedel cusub oo ay ku sameynayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, isbedelkaas oo ciidamada ka dhigaya ciidamo mideysan, tababar fiican leh, amar iyo kala danbeyn ku shaqeynaya, ahna ciidan dalka ka ilaaliya cadawga dibadda iyo kan gudaha.

Warbixinada Wasiirka iyo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka ayaa ahaa in sida uu haatan u dhisan yahay ciidanku iyo sida uu u shaqeeyaba ay dalka kusii kordhineyso amni xumada, Fowdada iyo kala danbeyn la,aanta taasoo ka dhigaysa in Xukuumada Soomaaliya iyo wasaaradda Gaashaandhigu qorsheeyeen in dalka iyo dadka Soomaaliyeed-ba aysan helin amaan iyo kala danbeyn, Sidoo kalana dhageysiga warbixintaan murugada laheyd iyo wax ka qabad la,aanta baarlamaanka Federaalka oo u ansixiyey dhowaan lacag ka badan 50 Milyan Doolar Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa ka dhigeysa Baarlamaanka mid qeyb ka ah in Dalku helin amaan iyo kala danbeyn.

Lacagtaan ka badan 50-ka milyan Doolar ayaa noqoneysa mid ku dhamaata inta badan Jeebka Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka iyo Saraakiisha Saadka, Lacagtaan oo bishii Noqoneysa in ka badan 4 Milyan Doolar ayaa Mushaar, Saad, qalabeyn u noqon karta ciidan ka badan 10 kun oo askari oo bishiiba qaata min 300 Doolar, Sidoo kale Ciidanka Xooga ayaa wadamo Caalamka ah ka hela lacag ka baxsan Miisaaniyadda la qorsheeyay oo ah nus kamid ah mushaaraadka Ciidamada magac ahaanta u jira

Xiliyadii hore Ciidanka Xooga waxaa lagu dhisi jiray iyadoo ciidanka la qaadanayo lagu xulan jiray dhirirka, Caafimaadka, da’da iyo wixii lamid ah iyadoo ciidanka kamid noqoshadiisa lagu tartami jiray, Xiliyadii danbe xiligii dawladda ayaa dhalinyarada laga qafaali jiray Magaalooyinka, Tuulada iyo Baadiyahaba iyadoo ciidamada lahaayeen xerooyin kala duwan, amarka iyo kala danbeyntuna aad u shaqeyn jirtay, Mushaarka iyo Raashinka ciidankana la xaqiijin jiray, sidoo kalana ciidanku lahaa sharci ciqaabeed adag oo lagu fuliyo qofkii ku xadgudba shaqadiisa, jabiyana amarka iyo kala danbeynta.

Wasiirka Gaashaandhiga oo Baarlamaanka hor keenay heshiis difaac oo uu sheegay in Dawladda Soomaaliya la gashay dalka Talyaaniga ayaan la ogeyn waxa heshiiskaani kusoo kordhinayo helitaanka Ciidamada Xooga Dalka oo Soomaaliya yeelato. Heshiiskaan oo markii ugu horeysay la arkay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya iyo Saraakiil Talyaani ah oo Baabuur tobaneeyo ah, Tuute iyo Kabaha Ciidamada ku wareejinaya Raisul wasaaraha Soomaaliya iyo Taliyayaasha Ciidamada.

Baarlamaanka Soomaaliya oo warbixinadaan Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka dhegaystay ayaan ku dhaliilin Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka xilka ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed oo ay kasoo bixi waayeen, ama soo jeediyaan xil ka qaadista masuuliyiintaan sheegay inaan laga sugeynin ciidan Xoog shaqeynaya, sidoo kalana masuuliyiintaani lama imaan qorshe hufan oo lagu dhisayo ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Taliyayaashii Ciidamada iyo abaanduuliyayaashii Ciidamada sida Gen Geele, Gen Carfiid, Gen Diini, Gen Dhegabadan ayaa qaarna is casileen qaarna xilalka laga qaaday sababo aan la ogeyn, Ciidanka Xooga Dalka ayaa haatan maraya xiliyadii uu ugu liitay sidii Taliyaha Ciidamada uu u noqday Gen Indhaqarsho. Taliyayaashii Guutooyinka Ciidamada ee kala ahaa Gen Cagey, Gen Saneey, Gen Caanood ayaa dhamaan laga dhigay Hawl gab iyadoo aan la ogeyn sababta ka danbeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog ku saabsan socdaalka CABDI Weli ee Puntland iyo Xasan Sh oo shalaayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh ayaa la sheegayaa inuu 24-ka bishan u safri doona Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo uu kasii horeeyo Wasiirka qorsheynta Saciid Cabdullahi ayaa la sheegayaa in ujeedada safarkiisa ay qeyb weyn ka tahay Caleema saarka ama Caana shubka Boqorka Daarood oo lagu muransan yahay jiritaankiisa. Beesha Majeerteen ayaa dooneysa iney dib usoo celiso hogaaminta Boqortooyada Daarood oo ay sheegto iney iyadu hore u lahaan jirtay.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo la sheegay inuu horey u ahaa Gudoomiye ku xigeenka Beesha Daarood ee Geeska Afrika ayaa la sheegayaa inuu dhowaanahaan ahaa mid u muuqanayey qancinta beelaha kale ee Daarood inkastoo Beesha Sade oo uu isagu kasoo jeedo uu ku sameeyay dhabar jab xoogan isaga oo dagaalo lagu hoobtay ka abuuray Magaalada Beled Xaawo, sidoo kalana qeybihii isku hayey Kismaayo u kala hiiliyey isaga oo hal Koox shir uu ku sheegay dib u heshiisiin uga furay Magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo maalmahaan saxaafadda aad uga soo muuqanayey isaga oo ka qeyb galaya shirar hay,ado Caalami ah, sidoo kale booqanayey Garoomada Ciyaaraha, Xeebta Liido, Xarumaha Dawlada iyo qaar kamid ah Gobolada dalka ayaa la sheegayaa in kasoo muuqashadiisa saxaafada aysan soo kordhin haba yaraatee wax horumar ah.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli ayay muuqaneysaa inuu yahay mid kamid ah Ra’iisul wasaarayaashii ugu liitay ee soo mara dalka Soomaaliya waxqabad ahaan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa inuu shalaay ka joogo riditaankii xukuumadii Saacid, sidoo kalana waxaa la sheegayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay ka joogo inuu Goonjeex ka doortay Cabdiweli.

Cabdi Weli ayaa u muuqda iminka nin si degdeg ah usoo celin doona khilaafyadii ay caanka ku ahaayeen madaxda Dawladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

R/W Cabdi Weli & seedigiis oo iibsaday beeshooda (Qorshaha 24-ka bishan)

Waxaa magaalada Qardho ka socda qabanqaabada caleema saar nin lagu sheegay inuu boqor u yahay DAAROOD, taasi oo  weyn uga soo horjeedaan beelaha Sade, Awrtable iyo Leelkase.

Burhaan Muuse oo ay wataan Abdiwali Gaas iyo Cadde Muuse inay ka dhigaan boqor Daarood ayaa waxaa xitaa kasoo horjeeda qoyska hoose ee uu ka dhashay wiilkaasi, kadib  markii Cumar Muuse oo shalay la hadlay warbaahinta Kismaayo24.com uu sheegay inuusan walaalkiis aheyn BOQOR DAAROOD.

Haddaba Abdiwali Gaas oo arrintaasi meel marinteeda dadaal badan ugu jiray ayaa waxaa uu ku guuleystay inuu R/W Abdiweli Shiikh Ahmed iyo seedigiis Maxamued Ugaas Xaashi ay kasoo qeybgalaan caleema saarka Burhaan Muuse, taasi oo lagu doonayo in lagu qariyo diidmada beesha SADE arrintaasi ka muujisay.

Ra’iisul wasaare Abdiwali Shiikh oo tan iyo markii uu xilkan qabtay la soo baxay siyaasad u janjeerta maamulada Jubba iyo Puntland si aysan kursiga ugu qabsan ama haddii ay is qabtaan Madaxweyne Xasan Shiikh uu uga helo hiil dhaqaale iyo mid siyaasadeed ayaa waxaa uu haadaan ka tuuray doorkii siyaasada iyo dhaqanka beesha SADE ay laheyd.

Abdiweli iyo Seedigiis

Waxaana uu sidoo kale ilaaway inay beelaha SADE iyo Kablalax ka dhexeeyaan loolan soo jireen ahaa oo salka ku hayey siyaasada iyo dhaqanka hadba cidda hoggaanka u qabaneysa. Taasi oo iminka u muuqata mid wax weyn ay iska badeleen tan iyo markii uu siyaasada Soomaaliya cirka uga soo dhacay Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa laba jeer oo hore loo diiday inuu booqdo Puntland waxaana markii uu tagay Kismaayo uu rabay inuu ku xijiyo Garowe sida ballantu aheyd waxaase ka baxay Abdiwali Gaas oo galay safar aan horey meesha ugu jirin. Markii uu soo laabtay ayuu mar kale damcay inuu Ra’iisul wasaare Abdiwali Shiikh Ahmed tago Garowe isaga oo wacay Abdiwali Gaas laakiin waxaa ka raacay jab kale oo uu ku dhigay ninka ay magaca wadaagaan ee Puntland xukuma.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa si cad warbaahinta ugu mariyey inaysan madaxda dowlada imaan karin deegaanadooda tan iyo inta la xalinayo khilaafkii kala dhexeeyey, taasi oo aheyd farriin uu Gaas uga hortegayey booqashada Abdiwali Shiikh Ahmed.

MAXAA HADDA KEENAY INUU TAGO PUNTLAND?

Markii uusoo baxay khilaaf weyn oo ka taagan caleema saarka boqorka DAAROOD oo aan waligiisba la dooran islamarkaana ah mid ay beesha MAJEERTEEN iska sheegtaan ayaa laga fakaray muuqaal culus sidii loogu raadin lahaa.

Waxaana soo baxday in diidmada beesha SADE lagu damin karo Ra’iisul wasaare Abdiweli Shiikh Ahmed oo yimaada caleema saarkaasi islamarkaana horey usoo kaxeysto Maxamed Ugaas Xaashi oo qaba gabar la dhalatay Ra’iisul wasaaraha, waxaana uu Maxamed Ugaas Xaashi uu ku qaraabta sheegashada magaca ugaaska Sade oo uusan aheyn.

Sawirkan waa: Maxamed Ugaas Xaashi iyo xaaskiisa Sahro Shiikh Ahmed oo la dhalatay Ra'iisul wasaare Abdiweli.

Maxamed Ugaas Xaashi oo ah shaqsi dhaqaale ku shaqeeya ayaa dalbaday markii hore inuu toos ula hadlo Abdiwali Gaas, iyaddoo markii lala hadal siiyey uu ka dalbaday dhaqaale dhan 50,000 Dollar inuu siiyo islamarkaana uu aqbalayo inuu Burhaan Muuse u yahay boqorkii Daarood!!! Abdiwali Gaas oo nin aad ugu dheereeya qiyaanada ayaan waxba ka diidin oo u sheegay inuu siinayo marka uu Qardho soo gaaro.

Ahmed Madoobe ayaa sidan oo kale dhaqaale ku siiyey xilligii la dhisayey maamulka Jubba si uu u muujiyo inay dhaqanka SADE joogaan, waxaana markii maamulkaasi uu dhistay Ahmed Madoobe uu lacagtii ka jartay Maxamed Ugaas Xaashi kaasi oo isaga soo cararay Kismaayo, kadibna bilaabay dacaadayeenta maamulkii uu horey daba-dhilifka ugu ahaa.

Ugaaska beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ku sugan gobolka Gedo iyo Suldaanka guud ee beelaha Daarood Suldaan Abdicasiis Suldaan Cumar daad Suldaan Beyle oo ladabuba ku hadlay afka SADE ayaa sheegay inaysan matelin dhaqanka SADE Abdiwali Shiikh Ahmed iyo seedigiis, wixii ay la tagaana Qardho ay tahay sheeko labadadooda qoys ku kooban.

R/W Abdiwali Shiikh ayaa waxaa lagu eedeynayaa inuu ku lug leeyahay dagaalkii Baledxaawo isaga oo la sheegay inuu dhaqaale ku bixiyey dagaalkaasi, waxaana sidoo kale uu beesha sade uga hiiliyey maamulka gacan ku rimiska ah ee Ahmed Madoobe.

Qaladka ugu weyn ee taariikhdiisa danbe raadka ku reebi doonta ayaa ah marka uu ka qeybgalo caleema saarka Qardho taasi oo bar madow ku ah xilka uu hayo iyo beesha uu ka dhashay oo aan waligeed aqbalin  kana qeybgelin caleema saarada ay sameystaan beesha Majeerteen.

24 bishan ayaa loo ballansan yahay inay xaadir labadan nin ku a haadaan magaalada Qardho. Taasi oo haddii ay ka dhabeeyaan noqoneysa darajadaadii ku wareeji nin kale.

Isha: Kismaayo24.com

Xildhibaan ka tirsan DF SOMALIYA oo lagu xiray Kenya oo ka hadlay xarigiisa

Nairobi (Caasimada Online)-Wararkeennii shaley waxaan ku sheegnay in ciidamada ammaanka Kenya ay xireen wasiirka xanaannada xoolaha, dhirta iyo daakha ee xukuumadda Soomaaliya, Saalim Caliyow Ibrow iyo xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka.

Haddaba waxaa mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho la hadlay xildhibaan Caadil Sheegow, wuxuuna beeniyay in la xiray balse wuxuu caddeeyay in carruurtiisa la xiray kaddib markii ciidamo boolis ah ay gurriga ugu yimaadeen.

Wuxuu kaloo sheegay in markii dambe la soo daayay carruurtiisa markii booliska la tusiyay sharciga ay heesteen.

Xildhibaanka ayaa caddeeyay in gurriga uu ka deggan yahay Nairobi laga qabqabtay dad u fara badan oo Soomaali ah.

Mar la weydiiyay xaaladda uu ku soo arkay markii uu carruurtiisa xabsiga kala soo baxayay, wuxuu sheegay in uu soo arkay dad uu fara badan oo ay ku jiraan carruur kuwaasoo maalo badan ku xiran xabsiga.

“Anniga maxaan u qaban karaa, haddii aan carruurteeda soo watay, safaaradda Soomaalida ee Kenya ayaa wax u qaban weysay annigoo xildhibaan uun ah intee ayaan joogaa” ayuu yiri.

Xildhibaan Caadil ayaa la weydiiyay in xaqiijin karo in la xiray wasiirka xanaanada xoolaha ee xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in uusan ka hadli karin arrintaas oo uu ka gaabsanaayo.

Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay wararka ku saabsan in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya lagu xiray dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Inaan sheego ma rabinee sheekaan ku keenay!. Qalinkii BASHIIR CALI XUSEEN

Madaxa meel ka sii sarreysa oo la salaaxo in aysan jirin, waa muran ma doonto aan marqaati loo raadineyn, tanise waa far muuqid macquul ah iyo xaqiiq isu meerin ma huraan ah ee bal maanka la kaasho, maxaad ka ogtahay falalka qaran diidnimada ah ee beryahan ay dadka qaarkii ku mashquuleen ee u eg afgenbiga maja xaabinta ah ee dib noogu celinaya halkii uu ka soo billowday qaran burburkii dalka ku dhacay!?. Waxaan maqli jiray “Ma anaa waalan mise cadan baa laga heesayaa?”.

Waxa ay xan fara badani inoo sheegeysaa, in ay siyaasiyiin caan ihi u ololeynayaan wax ka beddelka soohdimaha Soomaaliyeed ee badda iyo berrigaba leh, si ay shisheeye dhaxalka soomaaliyeed ugu hibeeyaan, iyaguna ay halkaasi sandareerto yar oo dibna maris ah uga helaan. Taa waxaa la mid ah oo aan dhismo qaran u hiillineyn, kuwa isku howlaya in ay shirkadaha dalka dhisaya ee xilligii xumeyda aheyd inoo soo gurmaday in ay abaalkooda eryid ugu beddelaan, kaasoo ah mashruuc meel kale laga soo afuufayo … Allaahu akbar, labada daan ku daaqso sow dhimbilo dab ah liqliq maaha?, ma anaaba kuu warramay. Xaalku maba sahlanee, dadkani masuuliyadda sheeganaya dhiiggii ( S Y L ) xagguu ka maray?. ( Inaan sheego ma rabine sheekaan ku keenay?).

Ciidamadii qaranka ee amniga lagu aaminay oo millatari, Boliis iyo nabad sugidba leh, ayey jidka u taalla isbaaro khasab ah oo danyarta lacag looga qaato, waa yaabe, haddii ay sidaa tahay, yaa leh mas’uuliyadda nuucaas ah, yaa looga dacwoonayaa, xaggeese loo ciirsanayaa?, sow masaajidkii oo ay qeylo ka yeertay maaha? Allow sahal amuuraha ( Inaan sheego ma rabine sheekaan ku keenay!).

Waxaa la yiri, ninkii lacag lihi waa jaamici shahaaddadii uu rabo heli karo, maxaa yeelay imtixaannada jaamacadaha dibadda ayaa lagu soo saxaa gaar ahaan khartuum, Nairobi iyo Addis-ababa, sidaa darteed lacag baad la baxeysaa qof aqoon yahan ah baa imtixaanka magacaaga kuugu galaya, markaa adoo soomaaliya dhex jooga ayaad shahaaddo qaadaneysaa Dr, baana lagu dhihi doonaa, khatar iga dheh, waxaanba ka yaabay malyuun baa sannadkii soo qalin jabinaya aan shaqo loo heyn, xasha ma anaaba kuu warramay ( Inaan sheego ma rabine sheekaan ku keenay!).

Tuba tukalaa ka sii darane ma rumeysaneysaa haddii aad maqasho, ganacsatadii maal qabeenka aheyd ee dhaqaalaha lagu tabayay iyo siyaasiyiintii caanka aheyd ee soomaaliya laga wada yaqiinnay, ayaa kaarar fara badan oo barakacayaasha wax looga qaato iyo bushash ku leh magaalada muqdisho iyo hareeraheeda, sidoo kalase ma ogtahay in ay barakacayaasha qudhooda intii xoog leh ay beerahooda soo fashaan carruurta iyo xaasaskuna ay kaararka ku sii dhaafaan iyaga oo bushashkooda deggan, taana waa afka labadiisa daan ku daaqso ee ma ila dareemi kartaa? Wallee muqdishaay inta uu dhaqankaasi jiro maato meel ku urursan iyo bushasha kaa ma dhamaadaan waa yaab iyo anfariir horumar diid ah ( Inaan sheego ma rabine sheekaan ku keenay).

Sida aad ka war qabtaanba askariga ka tirsan ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed hadduu khaldamo ama uu wax dilo dharaar cad baa la maxkamadeeyaa lana toogtaa, dhagar qabayaashana iyaga oo qiranaya oo leh anaa dilay iyo sidaasaan u dilay ayaan haddana tiirka la soo taageyn, qaarkoodna waxaaba la sheegay in xabsiga dhexe laga sii daayay, intaa waxaaba sii dheer Janankii sii deynta ku lug lahaa oo maxkamadi ay xabsi daa’in ku xukuntay ayaa la cafiyay darajadiisiina loo soo celiyay, markaa sidee bey isu la shaqeynayaan isaga iyo kuwii qaranka daacadda u ahaa ee isaga denbiga ku soo oogay amaba maxkamadeeyay?, tanina waa wax jira laakinse (Inaan sheego ma rabine sheekaan ku keenay!).

Intaasoo dhibaata ah ee aan kor ku soo sheegay, waxaa dhaliyay oo aabo iyo hooyaba u ah « musuqa iyo damaca iimaan ka baxa ah ee ku saleysan cantuugo weynida iyo laba daan ku daaqsiga qaran diidnimada ah» haddaba taasi waxaa wax ka beddeli kara oo kaliya mas’uulka leh astaamahan soo socda:-

Geesinimo dulqaad leh,

Dagaal waddaniyad leh

Howlkarnimo daacad ah

Daaqsinimo eex la’aaneed

Damiir iyo dal jacayl leh.

Intaasoo dhan ka dabadeed

Dantu wadajir weeyee

Aan u wada duubanno

Howl iyo daryeel qaran

Haddii kale dadow hee…..

Qalinkii:- 

Bashiir Cali Xuseen.

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Cesho Ilintaada: 12-ka Sawir ee dunida ugu saameynta badan uguna cajiibsan

Aqristayaasheena sharafta lahoow, waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa 20ka Sawir ee dunida ugu saameynta badan, kuwaasoo ka ilmeeysiiyay Malaayiin qof.

Sawirada qaarkood, ayaa ah kuwo aad u xanuun badan markad ragto, kuwaasoo kugu beeraya Caloolyoow iyo tiiraanyo.

Waa wiil 2 sano jir ah oo Cunto siinaya Hooyadiis oo Gacmoole ah
Waa wiil 2 sano jir ah oo Cunto siinaya Hooyadiis oo Gacmoole ah
Daanyeer ka murugeysan laabtna ku haya Canugiisa oo dhintay
Daanyeer ka murugeysan laabtna ku haya Canugiisa oo dhintay
Ritana Teodoro oo ah 25-jir, waxay ka murugeysntahaay lana ooynee Hooyaded oo 6 sano kahor ay masaafuriyeen madaxda Mareykanka, waxay ku xiranthay meel go’doon ah xuduudk Arizona
Ritana Teodoro oo ah 25-jir, waxay ka murugeysntahaay lana ooynee Hooyaded oo 6 sano kahor ay masaafuriyeen madaxda Mareykanka, waxay ku xiranthay meel go’doon ah xuduudk Arizona
Waa 85 kamid ahaa askartii hore ee Ruushka, waxa uu kaligiis ka haray asxaabtiisi hore
Waa 85 kamid ahaa askartii hore ee Ruushka, waxa uu kaligiis ka haray asxaabtiisi hore
Eeygaan waxaa loogu yeeraa “Liao”, waxa uu ka bad baaday dhul gariirkii Brazil ka dhacay 2011, waxa uu garab fadhiyaa Qabriga Saaxiibkii lahaa
Eeygaan waxaa loogu yeeraa “Liao”, waxa uu ka bad baaday dhul gariirkii Brazil ka dhacay 2011, waxa uu garab fadhiyaa Qabriga Saaxiibkii lahaa
Waa mid kamid ah Caruurta ka bar bar dagaalanta MUCAARADKA Syria, waana 6 sano jir
Waa mid kamid ah Caruurta ka bar bar dagaalanta MUCAARADKA Syria, waana 6 sano jir
Mid kamid ah askarta Turkiga oo jab rooti ah ku ihaaneeysanayo Caruur macluul hayso, sanadka 1915
Mid kamid ah askarta Turkiga oo jab rooti ah ku ihaaneeysanayo Caruur macluul hayso, sanadka 1915
Sawir qaadahaan ma’uusan ogeyn in ay tahay talaabadii ugu danbeysay noloshiisa, kadib markii uu toogtay sidaad sawirka ka argtaan dhinaca bidix ee Sawirka
Sawir qaadahaan ma’uusan ogeyn in ay tahay talaabadii ugu danbeysay noloshiisa, kadib markii uu toogtay sidaad sawirka ka argtaan dhinaca bidix ee Sawirka
Waa Muslimiinta Hindiya kuwooda aan waxbo haysn, oo Cunto loogu qeybinayo masjid ku yaal Delhi Maalin Iid Ah
Waa Muslimiinta Hindiya kuwooda aan waxbo haysn, oo Cunto loogu qeybinayo masjid ku yaal Delhi Maalin Iid Ah
Waa ruux iska soo tuuray dabaqa 88aad mid kamid ah Daarihii Mataanha Mareeykanka ee la qarxiyay sanadkii 2001
Waa ruux iska soo tuuray dabaqa 88aad mid kamid ah Daarihii Mataanha Mareeykanka ee la qarxiyay sanadkii 2001
Mid kamid ah macalimiinya Hindiya oo meel Buundo hoosteeda ah darsi ku siinaya dhalinyaro aan Hooy lahayn
Mid kamid ah macalimiinya Hindiya oo meel Buundo hoosteeda ah darsi ku siinaya dhalinyaro aan Hooy lahayn
Hooyo jiran oo Sariir saaranoo arooska Wiilkeeda si Live ah kala socota SKYPE-ka
Hooyo jiran oo Sariir saaranoo arooska Wiilkeeda si Live ah kala socota SKYPE-ka

 

Dhageyso: DF oo ku dhowaaqday inuu dhammaaday khilaafkii Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Somalia iyo maamulka Puntland, ayaa u muuqda mid meesha ka baxay, haddii la tixraao hadal kasoo yeeray wasiir ka tirsan dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Wasiirka qorshaynta DF Siciid Cabdilaahi Dani oo ka mid ah masuuliyiintii ka qayb galay shirka beesha caalamka iyo Puntland ku dhexmaray magalada Garowe ayaa cadeeyay inuu wanagsan yahay xiriirka Puntland iyo DF.

Waraysi gaar ah ayuu Dani ku sheegay inuusan hadda jirin wax khilaaf ah oo labada dhinac u dhaxeeya taasana ay daliil u tahay inuu xiriirku wanaagsan yahay imaanshihiisa magalada Garowe.

Waxa uu sheegay Somalia inay hal dal tahay isla markasna uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya.

Madaxwaynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyey madaxda DF inay wax ka badal ku sameeyeen dastuurkii Somalia balse Dani ayaa qaba in xiriirku uu hadda yahay mid wanaagsan.

Halkan ka dhageyso hadalka Dani

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay wax kasta oo ay Puntald iyo DF isku hayaan in loo mari doono qaab dastuuri ah islamarkaasna lagu dhamaynayo, balse waxaa muuqda in si hoose ay labada dhinaca u wada socdaan maadama wasiirka qorshaynta uu sheegay inay wada shaqayni ka dhaxayso hadda.

24-ka bishaan ayaa lagu wadaa in uu Garowe soo gaaro wasiirka koowaad ee xukumadda DF Cabdiwali Shiikh Axmed kaasoo kulamo la qaadan doono madaxda Puntland iyo Shacabka.

Wali madaxda Puntland kama aysan hadlin arrintaan kasoo yeertay wasiirka qorshaynta DF Siciid Cabdilaahi Dani oo sheegay iyaga iyo Puntland ay wada shaqeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]