29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Dhageyso: DF oo ku dhowaaqday inuu dhammaaday khilaafkii Puntland

Garowe (Caasimada Online) – Khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Somalia iyo maamulka Puntland, ayaa u muuqda mid meesha ka baxay, haddii la tixraao hadal kasoo yeeray wasiir ka tirsan dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Wasiirka qorshaynta DF Siciid Cabdilaahi Dani oo ka mid ah masuuliyiintii ka qayb galay shirka beesha caalamka iyo Puntland ku dhexmaray magalada Garowe ayaa cadeeyay inuu wanagsan yahay xiriirka Puntland iyo DF.

Waraysi gaar ah ayuu Dani ku sheegay inuusan hadda jirin wax khilaaf ah oo labada dhinac u dhaxeeya taasana ay daliil u tahay inuu xiriirku wanaagsan yahay imaanshihiisa magalada Garowe.

Waxa uu sheegay Somalia inay hal dal tahay isla markasna uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya.

Madaxwaynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyey madaxda DF inay wax ka badal ku sameeyeen dastuurkii Somalia balse Dani ayaa qaba in xiriirku uu hadda yahay mid wanaagsan.

Halkan ka dhageyso hadalka Dani

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay wax kasta oo ay Puntald iyo DF isku hayaan in loo mari doono qaab dastuuri ah islamarkaasna lagu dhamaynayo, balse waxaa muuqda in si hoose ay labada dhinaca u wada socdaan maadama wasiirka qorshaynta uu sheegay inay wada shaqayni ka dhaxayso hadda.

24-ka bishaan ayaa lagu wadaa in uu Garowe soo gaaro wasiirka koowaad ee xukumadda DF Cabdiwali Shiikh Axmed kaasoo kulamo la qaadan doono madaxda Puntland iyo Shacabka.

Wali madaxda Puntland kama aysan hadlin arrintaan kasoo yeertay wasiirka qorshaynta DF Siciid Cabdilaahi Dani oo sheegay iyaga iyo Puntland ay wada shaqeeyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

Jawaari oo maanta qaatay go’aan adag

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in la ganaaxayo 15 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka kuwaasoo aaney ka soo qeybgalin kulamada baarlamaanka.

Isagoo ka hadlaayay fadhi uu lahaa baarlamaanka Soomaaliya, ayuu Jawaari sheegay in wixii maanta ka dambeeya aan laga yeeli doonin xildhibaannada in ay ka maqnaadaan kualamada baarlamaanka maadama shaqooyin culus ay hor yaallaan.

Wuxuu sheegay in xildhibaanka ka maqnaada kulamada baarlamaanka laga jari doono mushaarkiisa oo marka dambe digniin la siin doono sidda uu yiri.

Waa markii ugu horreysay oo ganaax lacageed la dul dhigay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo lagu eedeeyay in aysan ka soo qeybgalin kulamada baarlamaanka.

Waa caado ay lee yihiin xildhibaannada baarlamaanka oo kama soo qeybgalaan kulamada baarlamaanka oo waxay yimaadaan uun marka mooshin uu yaallo ama arrin xasaasi ah laga hadlaayo.

Xildhibaannada qaar ayaa sidoo kale sameeya marka ay subaxii horre yimaadaan xarunta waa ay is diiwaangaliyaan oo dib ayey ka noqdaan iyagoo fadhiga ka qeybgalin oo waxa ay isku diiwaangaliyaan in ay joogeyn.

Waxaa jirra xildhibaanno badan oo ka maqan dalka iyo kuwa dano kale leh oo aan ka soo qeybgalin fadhiyada baarlamaanka, taasna waxay caqabad ku tahay shaqooyinka laga rabo baarlamaanka ka hor 2016-ka.

Caaasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Nichalas Key oo arrimo nexdin leh ka sheegay Somalia iyo QM oo berri uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nichalas Key ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya, isagoona arrimo naxdin leh sheegay.

Key ayaa berri lagu wadaa in uu qadka Vidio-ga kala hadlo QM, isagoo ku sugan Muqdisho, wuxuuna ka warbixin doonaa xaalada Soomaaliya iyo khilaafka madaxweynaha iyo xildhibaannada soo kala dhex galay.

Wuxuu u sheegay BBC-da in Soomaaliya ay mareyso xaalad khatar oo uu ka cabsi qabo in 2016-ka ay doorasho ka dhacdo dalka marka loo eego sidda ay wax u socdaan.

Wuxuu ammaanay horrumar laga gaaray dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo dib u dhiska balse wuxui carabka ku adkeeyay in khilaafka soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo xubno ka tirsan baarlamaanka isagoona yiri arrintaas waa dib u dhac hor leh.

Wuxuu sheegay baarlamaanka in ay doonayaan in ay meesha ka tuuraan madaxweynaha ama qeyb ka mid ah, taasna waxa ay markale dib noo xasuusineysaa 2013- oo khilaafka madaxda uu dhacay taasoo waqti badan uu ku lumay.

Wuxuu ka digay haddii khilaafka madaxweynaha iyo xildhibaannada baarlamaanka uu cirka isku shareero in ay taasi muujineyso dib u dhac ku yimaada howlaha laga rabo in ay dowladda qabato ka hor 2016-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Gaas oo guddoomiyay shirweyne ay ka qeybgaleyn Beesha caalamka iyo DFS

Garoowe (Caasimada Online)-Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaa maanta oo Arbaca ah ka dhacay shirweyne hal maalin socday kaasoo ay ka qeybgaleyn beesha caalamka.

Shirkan oo uu guddoominaayay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaa ka qeybgalay wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya, Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, wakiilo kale oo ka socda Yurub, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

Sidda uu soo sheegay shirka waxaa looga hadlay xaalada Soomaaliya iyo baahiyaha ka jirra Puntland sidda ammaanka, ladagaalanka burcad-badeeda, garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo horrumarinta adeegyada Bulshadda.

Shirka intii uu socday waxaa la isla soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashada la rabo in dalka ka dhacdo sannadka 2016-ka.

Intii uu shirka socday waxaa la adkeeyay ammaanka goobta uu shirka ka socdo, oo waxaaba la arkayay ciidamo ajnebi ah, waxaa kaloo la hakiyay gaadidka iyo dadweynaha caaddiga ah.

Shirka waxaa kaloo ka qeybgalay labo wasiir oo ka socday dowladda fedaraalka Soomaaliya, kuwaasoo kala ah wasiiradda Qorsheenta iyo Waxbarashadda, waxaana la sheegay in shirka ay u matalayeen dowladda fedaraalka Soomaaliya sidda uu sheegay madaxweyne Gaas.

Markii uu shirka soo dhammaaday waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay madaxweynaha maamulka Puntland, Gaas iyo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michele Cervone.

Madaxweyne Gaas ayaa shegay in beesha caalamka ay u sheegeyn siddii loo tageeri lahaa Puntland iyo in si madax banaan loo siiyo waxybaaha loogu talagalay ee aan gacan seddaxaad loo soo marsiin oo uu kala jeeday dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale in ay shirka ku soo bandhigeyn wax yaabaha Puntland ay qabatay iyo wax yaabaha u harsan.

Danjire Cervone ayaa sheegay Midowga Yurub iyo dhammaan dowladahga kale ee wada shaqeynta la leh Puntland in ay ku faraxsan yihiin horrumarka ay gaartay Puntland isagoona yiri waxaan sii wadi doonaa taageerada aan sii neyno.

Madaxweynaha Puntland ayaa soo bandhigay wax yaabaha uu qabtay maamulkiisa sidoo kale wuxuu beesha caalamka ka codsaday in door ka qaataan dib u dhiska Puntland oo kaalmada loogu talagalay Soomaaliya la soo gaarsiiyo Puntland.

Waa markii ugu horreysay oo Puntland ay qabato shirweyne intan la eg oo ay ka soo qeybgalen wafuud caalami ah tan iyo sannadkii 2012-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

DF Somalia oo wadahadallo la fureysa Xisbul Islam si Xasan Dahir Aweys loo..

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, in dhawaan magaalada Muqdisho uu ka dhici doono kulan lagu dhex dhexaadinaayo dowladda Fedaraalka iyo ururkii burburay ee Xisbul Islaam.

Kulankan waxaa kaloo looga hadli doonaa mustaqbalka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hadda u xiran dowladda Soomaaliya.

Yaa u matalaya DF Somalia iyo Xisbul Islaam?

Dowladda Soomaaliya ergada u matali doonta shirkan waxaa hoggaaminaya wasiirka amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed dhinaca xisbul Islaam waxaa hoggaaminaya Muuse Caraale oo ka mid ahaa madaxdii Xisbul Islaam, sidda ay lee yihiin ilaha warkan noo sheegay.

Sidoo kale waxaa shirkan looga hadli doonaa xarigga Xasan Daahir Aweys oo muddo sannad ah dowladda u xiran.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka socday kulamo looga hadlaayo shirkaas dhexmaraya dowladda Soomaaliya iyo ururkii burburay ee Xisbul Islaam.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan wadahadallada u furmaya iyaga iyo Xisbul Islaam.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka NairobI

[email protected]

VIDEO: Dukumentari laga sammeeyay Hooyoyinka ubadkoodu is qarxiyeeyn

0

Muuqaal Dukumentari ah oo laga sameeyay Hooyooyin badan oo ilmahooda isku qarxiyeeyn Wadanka Somalia ayagoo ka tagay Wadamo badan oo kala duwan ayagoo ka sheekeynaya sida ay wax u dhaceyn.

Barnaamijkaan oo murogo badan iyo naxdin aad ka dheehan karto hooyo indhaheeda ilmo in ay soo dhaafeyn ka sheekeyneysa qaabkii Ubadkooda looga dhaadhiciyay sida ay isku qarxiyeyn ee nala daawo muuqalakani dukumentariga ah.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

 

KENYA oo xabsiga dhigtay WASIIR iyo xildhibaan ka tirsan DF SOOMAALIYA

Nairobi (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online aya ogaatay in booliska Kenya ay xabsiga dhigeyn wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo mudane baarlamaan.

Wasiirka la xiray oo lagu magacaabo Saalim Caliyow Ibrow waa wasiirka xanaanada xoolaha,dhirta iyo daakha ee xukuumadda Soomaaliya, halka xildhibaanka la xiray lagu magacaabo Caadil Sheegow Sagaar.

Labadan mas’uul ayaa waxaa kaloo lala xiray xaasaskooda iyo carruurtooda siddaas waxaa Caasimada Online u xaqiijiyay Cabdisataar Xasan Cali oo horrey u ahaa diplomaasi ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Nairobi.

Maxaa lagu sheegay sababta loo xiray?

Sidda ay lee yihiin ilaha warkan aan ka soo xignahay waxaa mas’uuliyiintan ka tirsan dowladda fedaraalka laga soo qabtay hotel ay ka daganaayeen Nairobi, waxaana ay heesteen baasabooro aan sharci ahayn.

Waxaa kaloo la lee yahay arrimaha loo heesto dowladda Soomaaliya waxbo kama qaban karto oo waxay u taallaa dowladda Kenya.

Mas’uuliyiintan, xaasakooda iyo carruurtooda ayaa la soo qabtay xilli howgallo ciidanka Kenya ay ka wadeen Nairobi.

Waa markii labaad oo dowladda Kenya ay xirto mas’uuliyiin ka tirsan dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Horrey ciidanka Kenya waxa ay u xireyn qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya Siyaad Maxammuud Shire balse waa la sii daayay dhow saac kaddib.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii uu falkaas dhacay u yeeratay safiirkeeda, in kastoo muddo labo toddobaad oo uu ku sugnaa Muqdisho dib ugu laabtay Nairobi markii la sheegay in ay raalligalin ay ka bixisay Kenya xariga diplomaasiga safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Safaararadda Soomaalida ee Kenya oo xiriir aan la sameenay ayaa arrintan ka gaabsatay, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka NairobI

[email protected]

Xog: Xasan Sheikh oo billaabay qorshe lagu beddelayo xildhibaanno badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Somalia ayaa wado qorshe uu ku xaqiijinayo in mar dambe xilkiisa aysan shaki gelin xildhibaanno mucaarad ah oo mooshin soo diyaariya.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan kulan Qarsoodi ah oo si gooni gooni ah ula qaatay 50 odeyaal Dhaqameedyo ka tirsan odayaashii soo xulay Baarlamaanka haatan jira isagoo isku dayaya inuu ka dhaadhiciyo qorshe ay kusoo xulayaan Xildhibaano cusub oo kamid noqonaya Baarlamaanka Somalia.

Madaxweynaha ayaa doonaya in isaga uu u keeno rag taageersan, ayaguna ay ansixiyaan si xildhibaanno looga dhigo.

Odayaasha Dhaqanka ayaa lagu warramay in inta badan ay ka biyo diideen soo jeedinta qorshaha uu xasan Sheekh watay ee ahaa in la badalo Xildhibaano ay horey u soo xuleen Odayaashaan laguna badalo Mudanayaal cusub oo taageersan Xasan Sheekh Maxamuud.

Odayaasha Dhaqanka ee sida gaarka ah ugu hor yimid Qorshaha uu watay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kamid ah Maxamuud Cali Ugaas iyo Iimam Maxamed Yuusuf kuwaas oo uu kala hadlay inay badalaan mudanayaal haatan ka tirsan xildhibaanada Somalia.

Prof.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u dalbaday in xubinimadooda laga xayuubiyo Xildhibaanada kala ah C/qaadir Cosoble iyo Cumar Finish kuwaas oo hormuud u noqday loolanka la doonayo in Xilka looga rido Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada xildhibaanba waxa ay ku beel yihiin madaxweynaha oo waa Abgaal.

Nabadoon Maxamuud Cali Ugaas iyo sii hayaha Xilka iimaamka Maxamed Yuusuf ayaa si cad ugu hor yimid qorshahaan uu Xasan Sheekh soo jeediyay ee uu ku rabo in ay biloow u noqdaan Odayaal Dhaqameedyo loo soo jeediyay inay badalaan Xildhibaano haatan shaqeeyo oo ay ku badalaan kuwo cusub.

 

Midnimada iyo qarannimda Somalia oo qatar ku jira kadib markii DF Somalia..

Ka dib markii lagu hungoobay rajadii laga qabay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu majaraha u hayo ninka lagu magacaabo Xasan Sheekh, Ayaa waxaa soo badanayo fikiradaha taageerayo gooni-isutaagga Somaliland,Kawaas oo ka imaanayo Soomaalida gaar ahaan dadka reer Koonfureedka ah,Waxaana tusaale kuugu filan sida looga qeyb galayo 18 May.Maalin madow iga dheh

Tan iyo markii lagu dhawaaqay Maamulka Somaliland muddo haatan laga joogo dhowr iyo Labaatan Sano, Waxa ay Siyaasiyiinta reer Somaliland iyo taageerayaashooda dadaal dheer ugu jireen sidii ay u heli lahaayeen ictiraaf laakiin nasiib wanaag ma jiro dal ilaa Maanta aqoonsaday Maamulkaasi ama xitta olole ugu jira ictiraaf raadintooda.

Maamulkan midnimo diidka ah,Ayaa waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii loo ictiraafi lahaa, Isagoo kaalmeysanayo dalal cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed,Waxa uuna garaacay albaaab kasta oo uu u arkaayey in uu ku caawin karo aragtidooda guracan ee ah kala dhaantaalidda midnimada iyo wadajirka Wadanka laakin Ilaahay Mahaddi dalna ma dhageysan calaacalkooda foosha xun.Wallee Sayidka run sheeg.

Maadaama aysan Caalamka u muuqan kala duwanaansho dhanka Diinta,Midabka,Dhaqanka iyo Luuqadda,Waxa ay taasi keentay in la waayo wadan aqoonsado ama xitta u ololeeya gooni-isutaaggooda laakiin waxaa hadda muuqanayo is badal weyn ka dib markii ay Soomaalidu dabacday dhib badan ka dib,Islamarkaana ay ogolaatay in loo taliyo.

Ka dib markii ay saaxada soo galeen Siyaasiyiin aan lahayn khibrad iyo han sareeya, Islamarkaana ay fashilmeen dowladihii laga dhisay Koonfurta oo ay ku jirto midda hadda jirta,sidoo kalena ay daaleen Shacabkii Soomaaliyeed, Ayaa waxaa soo baxayo Siyaasiyiin iyo Oday dhaqameedyo ku baaqayo in la fasaxo Somaliland Islamarkaana la ictiraafo,Waxaana tusaaale u soo qaadan karnaa Odayaashii reer Koonfureedka ahaa ee booqday deegaanada uu ka taliyo Maamulka Somaliland.

Ka dib markii ay Dowladda Federaalku ka baxday Ku-meelgaarkii, Islamarkaana la doortay Madaxweynaha hadda jira Xasan Sheekh,Ayaa waxaa la filaayey in ay wax badan is badali doonaan gaar ahaan amniga iyo siyaasadda laakiin nasiib daro waxa dhacday waxa ay Soomaalidu u taqaanno ka daroo dibi dhal, Waana sababta keentay in ay soo baxaan dad reer koonfureed ah oo ku baaqayo in la ictiraafo Somaliland.

Waxa Iyadana arimaha sii xumeeyey nidaamka federaalsim-ka, kaas oo noqday mid sii kala qoqoba dalkii, waxaana tusaale kuugu filan waxyaabaha ay sameynayaan Maamulada Puntland,Jubaland,Galmudug,Ahlu-sunna iyo Koonfur galbeed,Kuwaas oo u dhaqmayo sida dowlado ka madax banaan Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo Xasan Sheekh.Wallee hadaan sidaan ku moodno kuuma sabcineyn.

Karti xumida haysata guud ahaan Siyaasiyiinta Soomaalida gaar ahaan kuwa hadda majaraha u hayo Dowladda Federaalka iyo wada shaqeyn la’aanta kala dhaxeysa Maamul goboleedyada,Waxa ay fursad siisay Maamulka Somaliland in uu u dhaqmo sidii dal madax banaan halka ay ahayd in la cadaadiyo lagana soo xiro albaab kasta oo la awooda si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Dalka laakiin naiib daro taasi ma dhicin.

Hadaba arimo badan oo isu tagay dartood, sida karti xumida haysata ninka hogaamiya Dowladda Federaalka oo aad mooddo in aysan qiimaba la lahayn midnimada iyo wadajirka Dalka iyo ku mashquulidda ay Soomaalidu ku mashquushay maamul goboleedyada,Waxa ay keentay in ay soo baxaan codod badan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanibba,Kuwaas oo ku baaqayo in la ictiraafo Somaliland,Taasoo suurtagal ka dhigi karta hadday sii socoto in la aqoonsado Maamulkaasi.

Maadaama ay Somaliland qarka u saran tahay in la ictiraafo, Iyadoo ka faa’iideysaneyso karti xumida haysata Madaxda hogaamisa Dowladda Federaalka sida Madaxweynaha,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha, Sidoo kalena ay sii yaraanayaan dadka Wadaniyiinta ee u taagan maslaxada guud. Hadaba muxuu ku danbeyn doonaa dalka Soomaaliya ? maxaase dhici doona haddi la aqoonsado Somaliland ?

Horta Ilaahay baa garanayo waxa dhici doona laakiin marka aad fiiriso faragelinta lagu hayo dalka iyo waliba sida ay u dhaqmayaan dadka Soomaaliyeed,Waxaa ii muuqato in la aqoonsan doono Somaliland ka dibna ay raaci doonto Puntland oo hadaba u dhaqmeysa sidii dal madax banaaan,Waxaana tusaale kuugu filan hadaladii ka soo baxayey ninka hogaamiya Maamulka Puntland,Kaas oo uu sheegay in ay Qunsuliyad ka furanayaan dalka Yemen,Halka inta soo hartayna ay noqonayaan maamulo yar yar oo ay kor ka maamulaan dalalka dariska ah sida Itoobiya iyo Keny oo kale.

Haddaan u soo laabto maxaa dhaci doona haddii la aqoonsado Somaliland, Sidoo kalena ay Puntland dhinac u istaagto,Kolay Anigu waxa ay ila tahay in ay Sedex arimood mid dhici doonaan,Waxa ayna kala yihiin Sedexdaas arimood :-

1-In uu Koonfurta ka dilaaco kacdoon Islaami ah sidii kii Maxaakimta oo kale ka dibna uu ku fido qeybaha kale ee dalka

2-In uu dhasho urur wadani ah sidii SYL oo kale ka dibna uu ku faafo dal iyo dibadba.

3- iyo in ay Soomaalidu ogolaato in uu dalku kala gogo’o ama uu sii ahaado sida uu hadaba yahay Somalilandna la ictiraafo .

Waa laga yaaba dhinaca kale in ay Soomaalidu heshiiso laakin marka aad fiiriso sida ay wax u socdaan hadda, iyo sida ay u sii yaraanayaan dadka daneynaya danta guud,Waxa ay u muuqataa in lagu kala tagay dalkan oo aan dib loo arki doonin dal Soomaaliyeed oo mid ah, Islamarkaana ay ka jirto dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh. Alla Soomaali ma sidan baa u danbeysay ?

Qowm ma qaadin wadada ay hayno illaa hadduu qaado waxaa ku dhaco waxa Maanta nagu dhacay, Hadaba hadday jiraan dad Soomaali ah oo ay ku jirto wax yar oo Soomaalinimo ah, Islamarkaana ka naxayo dalkan iyo dadkan,Waxaan soo jeedinayaa hal talo oo aan is leeyahay waa midda kaliya ee na hortaallo Maanta, waa haddaan dooneyno Sharaf iyo Karaamo,Waxa ayna taladaasi tahay midda soo socoto:-

1-In la dhiso xisbi wadani ah sida SYL oo kale,Kaas oo u istaaga badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed inta ay goori goor tahay

Haddii la dhiso xisbigaas loona dhiibo dad wadaniyiin ah sida Farmaajo oo kale,Waxaan aaminsanahay in la badbaadin karo dalkan qarka u saran in uu baaba’o.

W/Q:Abdullahi Ibrahim Cumar
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Duuliimaad Toos ah: Yurub illaa Xamar

Shirkadan Flyolympic oo ah shirkad ka shaqeysa wadama dhowra oo caalamka ayaa waxaa ay dhawantan kusoo dartay Duulimaad Toosa ay ku tagi doonto wadanka somalia magaala madaxdiisa muqdisho iyadoona Rakabka ka qaadi doonta dhaman wadamada europé.

Hadaba si looga faaideysato fursadan cusub ee shirkada flyolympic ayaa waxaa lagu war galinayaa somalida Dagan wadamada europe iney Gabaawsi yihiin boosaska diyaarada waqtiyada ugu horeeya ee duuli maadka muqdisho,

Sidoo kale waqtiyada soo socda waxaa kor ukici doona qiimaha tigidka oo hada ah mid aad ujaban.

Si aad jaaniskan oga faaideysato fadlan inala soo xariir ama booqo webkeena www.flyolympic.se ama soo wac telphonada hoos kaaga muuqda,

Waxaad kaloo nagu soo booqan kartaa xarunteena weyn ee kutaala airabodka arlanda stockholm sweden .

Sidoo kale sawirada kuu muuqda qaarkood waa xafiska shirkada flyolympic ee kuyaala airaborka Arlanda stockholm sweden.

Sweden 0046 (8) 24 84 80
UK: 0044 (0)20 3695 2020

Hadaad ubahan tahy qeybta Somalida in aad sigooniya ula xariirto Fadlan wac telphonada hoose

Ahmed 46 (0)707 65 4698
Bashiir 46 (0)700065000

E-mail: [email protected]

Book Online:www.flyolympic.se

Address: Arlanda Airport, SkyCity.
Box 146.
190 46 Arlanda.
Stockholm/Sweden

 

 

SAWIRRO: Muungaab oo farxad geliyay qoys 23 sano laga haystay gurigooda

Todobaadyo kadib markii uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab uu ku dhawaqaaday In ay bilaabatay xiligii la isu celin lahaa hantida Maguurtada ah ee la kala haysto ayaa waxaa dib gurigeeda u heshay Hooyo Soomaaliyeed oo mudo 23 sano laga haystay gurigeeda.

Amarkan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Gen. Muungaab ayaa waxaa fulintiisa bilowday Maxkamadda Gobolka, iyadoo tallaabadii ugu horeysay lagu qaaday guri 23 sano xoog lagu haystay, kaasoo ku yaal degmada Heliwaa.hooyo-heshay-gurigeeda-1

Guddomiyaha degmada Hiliwaa Maxamed Axmed Xaashi  Qoslaaye iyo Taliyaha ciidanka Booliska degmada Gaashaanle Khaliif Ilkacase ayaa hoggaaminayay howlgalkaan dib loogu celinayay qoyska laga haystay guriga.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada  Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa dhawaan ku dhawaqaaday In muwaadin Soomaaliyeed aan si qasab ah looga heysan karin hantidiisa, isagoo ku dhawaaqay guddi u xilsaaran xalinta khilaafaadka dhulka ku saabsan.hooyo-heshay-gurigeeda-2hooyo-heshay-gurigeeda-3hooyo-heshay-gurigeeda-4hooyo-heshay-gurigeeda-5

Siyaasad & dhaqan isku dhiban: Oday-dii iska hadlay & maamulkii eedoobay

Tan iyo markii ay is qoorqooraysteen Soomaalida & waxa aanu siyaasad u fahamnay, balse ah qabyaalad dhar huudhay ah loo xiray wuxuu xaalkeennu iska ahaa kacaa kuf, karaamo la’aan iyo kala shaki dhexdeenna ah.

Taasna waxaa keenay isku walaaqitaanka arrimihii reeraha oo iyagu aalaaba ku salaysan aragti gaaban oo aan dhaafsiisnayn danaha reerka iyo ceelka ay ciddu cabto ayaa waxaa usoo shaqa tegey nin isku sheegaya inuu ka shaqaynayo danta beesha iyo beesha oo iyadoo aan hadalkiisa u bandhigin waaqaca muuqda ee jira iyo sida ay cadaalad u tahay in umaddii kale ee Islaamka ahayd ee Soomaaliyeed laga sad bursado iska xambaarsada waxa uu been hawaaskan dabadhikifki ugu sheekeeyay, kaasoo sida la hubo aan beelna waxba ugu maqnayn.

Haatan oo aan taagannahay nus-qarni wax ka badan oo aan haysanno xornimo-beenaadkii naloo idmay 1960-kii Somalia waxay taagan tahay meeshii ugu liidatay ee ay abid ku arki lahayd xitaa riyada nooceeda calwasaadka (nightmare) la yiraahdo.

Dhibaataduna maaha oo qura maqnaanta hannaan dhexe oo caqli & cilmi, xikmad & xeerin ku dhisaalan oo umadda isu duma, balse waa inay ku dhowaad wada baaba’een tiirarkii bulshada sida horseedkii (elites) oo si uun ula kala safan safafka sumaysan ee is diiddan maadaama uu saameeyay sabaadka Somalia.

Waxyaabaha aan inta badan ka badbaadin ama haddii ay ka badbaadeen aan doorkoodii qaadanin waxaa ka mid ah aqoon yahan oo isu bedeley agoon-yahan, oday dhaqameedyadii oo ay qaarkood noqdeen oday-doqomeedyo, xildhibaannadii oo isu bedeley xil-dhuuqaanno iyo indheer garadkii oo haatan ah indaran-garad.

Dabaaldeggii 18-ka Maajo oo ku began maalintii ay Somaliland sheegatay inay ka go’day Somalia inteeda kale ayaa waxaa kasoo korortay dhacdo ugub ah.

Waloow aan laftayduba maamulkaasi ugu hambalyaynayo nidaamka iyo isfahamka ay ku dhaliyeen nabadda ay haystaan, misana waxaa qof kasta oo waxgarad ah oo meel dheer ka fikirayaa uu ogsoon yahay in Soomaaliyi ay hilib geed saaran oo halis u bandhigan noqon doonto maalinta ay u kala googo’da imaarado yar yar sida uu cadowgu jecel yahay, balse ah cashar aysan fahamsanayn dadka oo cajalad cidaysi ah lakala geliyay.

Waxaa hadaba jiray odayaal sheegay inay kasoo baqooleen magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia kuwaasoo aysan dad badan oo Soomaaliyeed aysan fahmin ujeedka ay lahaayeen, cidda soo dirsatay, sababta loosoo diray, inay iskood iskaga socdeen, in Hargaysa casuuntay iyo waxa ay soo kordhin lahaayeen intaba!

KHALAD DHAQANKII LAGA GALAY!

Si kastaba ha ahaatee, odayadii oo ay intoodii waawaynayd mar sii horraysay dib ugusoo laabteen Muqdisho waxaa ka haray goosin sii joogtay magaalada Hargaysa, halkaasoo uu ka dhacay 2 khalad oo ay labada dhinac sameeyeen oo midna laga galay siyaasadda midna dhaqanka laga galay, kadib markii la isku walaaqay.

Midka dhaqanka haddii aan ku horreeyo tan iyo maalintii ay odayadu Hargaysa tageen, waloow ayba ahayd inay ka cudur daartaan la kulanka dhinacyada siyaasadda, waxay la kulmeen xisbiyadda siyaasadda iyo maamulka Siilaanyo.

Balse markii aad eegto mid ka mid ah kulamadaasi sida midkii UCID oo ay saxaafaddu joogtay iyo erayadii odayada loo jeedinayay, waxaad moodaysay in odayada oo sida muuqata cid ay metelaan aysan jirin xitaa lagu xushmayn waayay inay yihiin odayaal dhaqameed marti ah oo mudan in intaa lagu qadariyo haddii wax kale la waayo, axsaabta mucaaradka ah oo imaanshiyaha odayada hadaf siyaasadeed ka baarayay ayay qaarkood xitaa soo jeediyeen in si dhaqse ah ”dalka” looga eryo taasoo kasoo horjeedda dhaqanka iyo caadada suubban ee Soomaaliyeed.

In imaatinka odayadan kaar siyaasadeed loo adeegsado  halkaasi kuma harin oo odayadii waxaa lagu cadaadiyay inay kasoo qaybgalaan ‘xuska’ 18-ka May oo ah maalin ka horjeedda midnimada umadda walaalaha ah ee Soomaaliyeed, iyadoo ay dad badan oo dhaqanka Soomaaliyeed u dhuun daloola ay dareensan yihiin inuu maamulku ku fududaaday arrintaasi 2 sababood midoodba:

1 – Waa mare odayadani saamayn siyaasi ah kolleeyba malaha, go’aan siyaasi ahna ma gaari karaan, oo haddii ay xitaa yiraahdaan Somaliland baan aqoonsanaynaa meel ay ka socodsiin karaani majirto oo ma laha sharciyad siyaasadeed oo taa u saamaxaysa.

2 –  Marka 2-aad sida ay sheegteen waa oday dhaqameedyo sidaa daraadeed waxay ahayd in lagu ixtiraamo arrintaasi oo uun lagala hadlo wixii dhaqan khuseeya ee aan loo yeerinin waxyaabo iyaga ka waawayn ama aysan waxba ka bedeli karin.

KHALAD SIYAASADDII LAGA GALAY!

Haddii aan usoo dego khaladka ay siyaasadda ka galeen odayadu waxay ahayd inay qaarkood sheegeen inay aqoonsadeen Somaliland oo ay dowlad madax bannaan ka dhigeen, taasoo u muuqata riyo soo jeed ah, maadaama aysan jirin sabab u fasaxaysa iyo awood uu oday dhaqameed dal ku ictiraafo, muhiimaduna maaha ka hadlidda fikirkaaga ee waa inaad fiiro dheer u yeelataa waxa aad awood iyo sharciyad u leedahay iyo waxa aanad u lahayn (tusaale ahaan woqooyi waxaa buuxa dad doonaya midnimada Somalia, halka koofur laga heli karo haba yaraatee dad ogol inay Somaliland go’do).

Sidoo kale isku walaaqitaanka siyaasadda, dhaqanka iyo qabyaaladda waa sababta ugu ballaaran ee ay Soomaalidu ula jaanqaadi la’adahay hanaan dowli ah oo hufan.

‘’Anigoo reer hebel ah, oo reer hebel kasii ah waxaan aqoonsanayaa wadan hebel’’ waxaad is waydiin kartaa muhiimadda ay leedahay inuu qofku abtirsado hadiiba uu xubin ka yahay guurti dhan oo Soomaalida koofureed ka socota oo midaysan iyo waxa uu abtirsi soo kordhin lahaa maadaama uusan qofkani cidna wakiil ka ahayn – Illaa naftiisa mooyee?

Waa uun wax lagusii qaybinayo qooysaska Soomaaliyeed oo iyagoo aan ilaa maanta ogayn waxa ay rasmiyan kala qabaan misna kala qoqoban oo qabta uun isku haya, taasoo keentay in qoomam kale oo aysan qaraabo la ahayni u kala gar qaadayaan.

Dhanka kale magaalada CAABUDWAAQ oo dhacda qalbiga dalka Somalia, ahna magaalo lagu yaqaanno wadaniyad iyo Soomaali jacayl ayaa waxaa iyadna ka dhacday wax ay dad badani la yaabeen, kadib markii lagusoo bandhigay xidigtii madoobayd ee lagu diidanaa midnimada umadda Soomaaliyeed iyadoo weliba gawaari fara badan loosoo rigeeyay (xusuusnoow ma diidani horumarka gobolkaasi oo waa ku waajib qof kasta oo Soomaali ah inuu hambalyeeyo, balse midnimada ayaa ka caano badan kala go’itaanka).

Waxaan hadaba ka codsanaynaa dowladda Somalia inay maamulka Caabudwaaq arrintaas sharraxaad ka bixiya ku tiraahdo, waayo waa arrin halis ah in goob ku taalla bartamaha Somalia laga dhiirigeliyo kala go’itaanka umadda Soomaaliyeed.

GEBAGEBADII…

Waxaan usoo jeedinayaa umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan dadka waxgaradka ah in dalka laga badbaadiyo ceelka dheer ee ay Soomaalida lafteedu u qodayso iyadoo aan arkayo markii ugu horraysay taariikhda inay jiraan dad Soomaaliyeed oo nooc walba leh oo dagaal rasmi ah kusoo qaaday jiritaanka & wada jirka umadda Soomaaliyeed.

Waxaan arkayaa niman daba dhilif ah oo lagu geed qaadayo laguna qabsanayo Somalia, waxaan soo xusuustay khiyaanadii LAURENCE AL CARABI oo Carabtii markii hore ka raariday inay la dagaallamaan khilaafadii Cusmaaniyiinta si ay dowlad midaysan u dhistaan, balse markii dambe oo Turki baxay maxaa dhacay, in Carabtii la qabsado oo la adoonsado, in la qaybiyo, in FALASTIIN Yuhuud hadiyad ahaan loo siiyo iyo in la dilo aragti kasta oo qoowmi ah oo ay xitaa dib iskugu sheegan karaan.

Ujeedka cadowgu waa in marka hore Somalia loo kala jarjaro imaarado yaryar deetana la qabsado oo la qaybsado, haddii aan xitaa la qabsanina laga dhigto dalal yar oo aan tabar iyo talo lahayn oo loo taliyo (satellite states), dadoow aan ka hortagno caqliyadda haatan soo baxday ee oranaysa ”Inaan midnimo wanaag kula noolaado qof Soomaaliyeed waxaan ka xigaa ihaano iyo adoonsi aan u galo Kenya iyo Amxaaro”.

Midka reer hebel baa wax noqonaya cajalka lagu gelinayoow, midka yaysan reer hebel wax noqonin dagaal ugu jiroow, midka aad jeebka buuxsatid umadda u jikaarayoow, midka maalin qaad loo qaaday khalad taariikhi ah u gelayoow, midka kursi jacayl dalka u kala jarjarayoow, midka fikrad khaldan umaddii u qarxinayoow, ogoow Soomaalidu waa hal qoowmiyad oo ama way wada jiraysaa ama way wada jabaysaa ee dooro jidkii kuu jiscin roon.

Soomaalidu waa dad qura

Soowraca sinjigiyo afkaba

In kala soocsoocantiyo

Soohdimo kala celinaayiyo

Malaha waxay kala sitaan

XaajiWaxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: [email protected]

Gothenburg, Sweden

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xasan Sh oo aqoonsaday maamulka 6-da gobal ee Madoobe Nuunow (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online)- Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in madaxweynaha Soomaaliya uu aqoonsaday maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed, kaasoo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Beydhabo.

Ilo wareedyo kala duwan oo la hadlay Caasimada Online, ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha uu la kulmay Madoobe Nuunow Maxamed iyo Maxamed Cabdikaliil oo madaxweyne iyo ku-xigeen u ah maamulkaas.

Kulankaas oo ka dhacay Villa Somalia, waxaa sabab u ahaa in uu dhac xildhibaanno madaxweynaha u ballan qaaday in ay ka laaban doonaan baaqa ay soo saareyn ee ah inuu is casili balse waxaa madaxweynaha shuruud looga dhigay in uu aqoonsado maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha ma rabin maamulkan lixda gobal, balse cadaadis kaga yimid xildhibaanno ku kacsan ayuu u oggolaaday, balse waa culeys kale oo madaxweynaha ku soo furmay.

Maamulkan lixda gobal waxaa ka mid ah deegannada uu sheegto Jubbooyinka iyo Gedo oo uu ka dhisan yahay maamul KMG ah oo dowladda aqoonsatay.

Madoobe Nuunow iyo Maxamed Cabdikaliil waxa ay horrey kulan ula qaateyn ra’iisal wasaaraha balse kulankaas wax natiijo ah kama soo bixin.

Sidoo kale waxaa magaalada Beydhabo ka dhisan maamul seddax gobal kaasoo dowladda ay taageersan tahay.

Haddii warkan uu xaqiiqo noqdo waxaa muuqata in dowladda Xasan Sheekh ay lugaha la gashay arrin dhibaato u horseedi doonta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Sida XASAN SH. uu ku qanciyey xildhibaanada iyo arrin muujisay ceeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shalay ku shiray sida la sheegay 130 xildhibaan kuwaasoo sheegay in ay taageersan yihiin madaxweynaha kana soo horjeedaan dalabka qaar ka mid ah xildhibaannada u soo jeediyeen in uu is casilo.

Tiradaas oo dadka qaar ay sheegeen in xittaa 100 aysan dhameyn xildhibaanada, ayaa haddana Go’aanka xidhibaanada waxa uu yimid, kadib markii madaxweynaha iyo kooxdiisa Dam-Jadiid ay dadaal dheer oo qarash badan uu ku baxay ay sameeyeen, si ay u qanciyaan xildhibaanada.

Kulanka oo ka dhacay Hotel Jazeeera, ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaanno ku saxiixnaa baaq shantii bishan ay soo saareyn xildhibaano tiradooda lagu sheegay 129 kuwaasoo madaxweynaha ka dalbaday in uu is casilo maadama uu ku fashilmay sidda ay yiraahdeen wax yaabii laga rabay in uu qabto labadii sanno ee la soo dhaafay.

Xildhibannadaas waxaa ka mid ah Prof Maxamed Cumar Dalxa,Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare),Cabdiraxmaan Xaaji Ibbi iyo Cabdiweli Maxamed Qanyare Afrax,waxaana ay ugu horeeyeen xildhibaannadii madaxweynaha ka dalbaday in uu is casilo, waxa ay goobta ka sheegeen in ay ka laabteyn go’aankooda isla markaana ay doonayaan in uu madaxweynaha sii wado shaqadiisa.

Waxa ay sheegeyn oo kale in uu madaxweynaha qaldami karo oo bini’aadin yahay iyagoona intaas ku daray in uu madaxweynaha mudan yahay in la siiyo fursad si uu dimuquraadiyad iyo nabad u gaarsiin lahaa dalka ilaa 2016-ka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xildhibaankiiba lagu qanciyey lacag gaareysa 20 kun oo dollar, oo laaluush  ah si ay u joojiyaan mucaaradnimadooda.

Go’aanka ay xildhibaanada ku tunaasuleen, ayaa yimid maalin kadib markii ay Caasimada Online shaacisay in madaxweynaha uu nin ina-adeerkiisa ah u magacaabay xil uu ka qaaday nin kasoo jeeda beelaha laga tira badan yahay  Halkan ka aqri

Taasi ayaa mar kale caddeysay caddaalad darrada iyo eexda Xasan Sheekh, waxaana go’aanka xildhibaanada uu muujinayaa inuusan ku saleysneyn dal wax u qabasho balse ay doonayeen un lacag.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan ka shifay kulankii ka dhacay Hotel Jazeera iyo cidda ka qeybgashay oo saxda ah (Maxaa lagaa qariyey?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la ogaaday tirade saxda ah xildhibaannadii shaley ku shiray Hotel Jazeera ee dhahay waxaan ka laabanay baaq ay horrey u soo saareen xildhibaanno kor u dhaafaya 100 kuwaasoo madaxweynaha ka codsaday in uu is-casilo.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanayare) oo la sheegay in uu ka mid ahaa xildhibannada ku shiray Hotel Jazeera ayaa beeniyay in uu ka qeybgalay kulankaas isla markaana ay joogeyn 115-kii xildhibaan ee shantii bishan madaxweynaha ka codsaday in uu is casilo.

Wuxuu sheegay xildhibaannada shiray in ay u badan yihiin wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno oo waxa ay ilaal sanayaan kursigooda ayuu yiri.

“Xildhibaannada ku shiray Hotel Jazeera waan ognahay oo 58 mudane oo 33 ka mid ah ay yihiin wasiiro mana ku jiraan 115-kii xildhibaan ee soo saaray warqadda Baaqa, ee dadka yaan been loo sheegin” ayuu yiri xildhibaan Sanyare.

Xildhibaannka wuxuu kaloo sheegay in aysan ka laaban go’aankooda ah in uu madaxweynaha is casilo isagoona muujiyay in aysan jirin cid ka hor imaan karta rabitaankooda.

Waxaa muuqata khilaaf iyo is xulufeysi ka dhex billowday baarlamaanka Soomaaliya,waxaana muuqata in madaxweynaha uu helay taageero badan oo ku aadan baarlamaanka kuwaasoo hadda labo ukala jabsan.

Tan iyo markii ay soo baxeen in madaxweynaha lagu kacsan yahay, waxaa magaalada ka billaabatay olole ay wadeyn Damjadiid iyo xildhibaanno dhaqaale doon ah kuwaasoo rabay in madaxweynaha uu badbaado.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ammaan-darrida iyo cabsida Nairobi ka jirta darteed oo QM ay go’aansatay in..

Ammaanka xafiidyada Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi ayaa la adkeeyay kaddib weerarro argagixiso oo ka dhacay caasimadda Kenya.

Agaasimaha Xafiisyada Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi Sahle-Work Zewde ayaa sheegtay in la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka xafiisyadooda oo ay ku jiraan xadeyn dheeraad ah oo lagu sameeyay gelitaanka xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leedahay xaafadda Gigiri ee magaalada Nairobi.

Waxay tilmaantay in sidoo kale la xaddidayo gelitaanka gawaarida ee xafiisyadaas.

Sahle ayaa sidoo kale sheegtay in dhammaan shaqaalaha, hay’adaha iyo barnaamijyada ka howlgala xafiisyada Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi loo sameeyay gaadiid gaar ah, si loo muujiyo howlgal mideysan.

Maareeyeyaasha shaqada ee xafiisyada UN-ka ayay u soo jeedisay in shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala xafiisyada Nairobi la siiyo waqti ku habboon shaqada, xiriir joogto ah iyo in la tifaftiro shaqada la qabto toddobaadkiiba mar.

Sahle-Work ayaa xustay in Kenya ay ku soo badanayaan weerarrada argagixisada, kuwaas oo dhacayay bilooyinkii u dambeeyay.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 70 kalena way ku dhaawacmeen labo qarax oo Jimcihi lala beegsaday Bas ka mid ah kuwa dadweynaha iyo dukaan ku yaalla suuqa Gikomba ee magaalada Nairobi.

Dowladaha Maraykanka,  Australia iyo Britain ayaa Khamiistii la soo dhaafay soo saaray digniin la xiriirta socdaallada lagu tago dalka Kenya, xilli dowladda Britain ay boqollaal qof oo dalxiiseyaal ah oo u dhashay waddankeeda u sheegtay in laga daad-gureyn doono magaalada xeebta ah ee Mombasa kaddib markii ay soo baxeen hanjabaado la xiriira weerarro argagixiso oo ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya.

SAWIR cusub oo muujiyey siduu xaalka uga wareersan yahay madaxweyne….

Hargeysa (Caasimada Online) – Odayaal la sheegay inay ka tageen Koonfurta Somalia oo tagay magaalada Hargeysa, ayaa la shaaciyey in wax loogu yeeray aqoonsi ay siiyeen maamulka aqoonsiga uu madax-maray ee Somaliland.

Amiin Caamir oo wixii dhacaba ku cabira sawir gacmeedyadiisa cajiibka ah ayaa sawir ku muujiyey arrintan qosolka badan.

20_MAY_2014 copy

18-ka MAY & maanka dhalinyaradeyda

Aniga, Waxaan ku Indha-furtay kuna garaadsaday Muqdisho iyadoo aanay Dowladi jirin. Soomaaliduna Toban Magac iyo Maamullo is diidan ku kala hoos jirto. Waxaanse Sheeko ku hayaa inay Dadkaasi is diidani Berri ahaayeen Walaalo Is-jecel, oo Wiil Hargeysa ka yimid Gurigeena oo Xamar ah Marti ku ahaan jiray, Reerkeenuna si wanaagsan u soori jireen.

Wax badan ayeey Dhagteydu maqleysay illaa iyo Maalmihii Yaraanteyda, Dhawaq Hargeysa kasoo yeeraya oo Cod dheer ku sheegaya inay Magaaladaasu noqotay Xubin iskeed u shaqaynaysa oo ka go’day Jidhkii Jamhuuriyadda Soomaalida. Koofurna waxaan ka maqli jiray Dhawaq kaas diidaya oo leh Jidhka Jamhuuriyaddu sinaba uma kala go’ayo illaa uu God wada galo mooyee.

Waxaa ii gaar ahaa, Aragti, Caqli, Ujeed, iyo wax kasta oo Qof Bani Aadam ahi aanu Qof kale la wadaagi karin, intabana waxay llaa iyagoon Garaad fiican lahayn arkayeen wax ka duwan waxa ay Dad badan oon Gu’ wadaag nahay arki kareen. Waxaan rumeysnaa inay Umadda Soomaaliyeed Wada-jirka iyo Isjacaylkii hore ee Sheekada igusoo gaaray haduu Dhab ka ahaa mar un Wanaaggaas lasoo noqon doonto. Waxaana sidoo kale iga dhaadhacsanaa in wax kastoo Soomaali Dhexdeeda ka dhaca ee xumaan ah ay u dan tahay Cadawga Soomaaliyeed Cid kastuu ahaadaba.

Markii iigu horeysay waxaan Hargeysa tagay Sanado badan ka hor, Dharaar cad baan Cagta dhigay Magaalo aan illaa Maalintaan dhashay ku maqlayay inay Dadka joogaahi yihiin kuwo Soomaalinimadu uga dhigantahay Cudur Dilaa ah oo in laga hortagaa mudan. Aragtideyda oo intaasba ka duwanayd baase i kaalmeysay, oo waloow aan Hadalkii Mudada Dhagaheyga kusoo dhacayay wali sii dhadhansanayay, hadana marna kuma qancin in Qof Diir, Diin, iyo Dadnimaba ila wadaago uu Dhibaato ii geysanayo.

Intii aan goobayay Gurigii aan ku jeeday, waxaan yar fariistay meel Maqaaxi ah oo ku taala Goob markaan Xasuusteyda dib u celiyo aan maleynayo inuu Magaceedu ahaa Xera-owr (Hadii aan Magaca qalday iga raali ahaada, Mar qura ayaan Magaalada tagay kumanasoo raagine). Anigoo Indhaha taag-taagaya sidii Ruux cabsanaya, ayaan ugu dambeyn ku dhiiraday inaan la hadlo Nin meel agteyda ah marayay, oo aan warsaday halka laga helayo Gaari Bas ama Taksi aan ku tago Xaafaddii Ujeedkeygu ahaa.

Lama filaanku wuxuu noqday, inuu Ninkii si hagaagsan ii tilmaamay, isagoon waliba waxbana Dan ka yeelan Qaab-Dhawaaqa Luuqadeyda Soomaaliga. Waxaanse ilaabin koleey Kaftanba ka ahaato inuu Ninku markuu igasii dhaqaaqaya igusoo tuuray Ereyo ay ka mid ahaayeen (Ilma Malaaq baad tahay miyaa oo Muqdisho ka yimid?).

Intaas waxaa ii dheereyd, in Magaalada Maalmihii aan joogay oo aad u koobnaa aan is baranay, Saaxiibba isku dheer oo Sheekadu isugu baxdana noqonay Dhalinyar Reer Hargeysa ah. Hadaladii aan ka xasuusto ee ay igu oran jireenna waxaa ka mid ahaa (Waxaan nahay Walaalo loo kala sheekeeyay. Waxaanse guuleysan doonnaa marka aan inagu wada sheekeysano).

Casharada aan Hargeysa kasoo bartay, waxay sii xoojiyeen Aragtideydii aan illaa yaraanta qabay ee ahayd inaanay Soomaalidu Dad is-neceb aheyna, Dano shisheeye isu keen diidayaan!

Ugu dambeyn, waxaan ka hadlayaa, waxa ay Indhaheygu arkayaan, Dhagaheyguna maqlayaan, oo ah Faallooyinka ay Dhalinyar Reer Koofureed ahi ka bixinayaan Maalinta Maanta ah oo Dhalinyarada Waqooyiga u ah Maalin qiima badan.

Aan cadeeyo Aragtideydee, anigu ma qabo in Soomaalidu ay Kala go’ ku liibaanayso. Mana ku taamayo inaan ku noolaado Duni ay Soomaalidu ku liidantahay si ka badan sida ay iminka u liidantahay, waayo hadii Dalkii qura ee Shantii Soomaaliyeed ka haray uu sii kala go’o, waa hubaal inaynu ka dhiganaaneyno Caruurtii Walaalaha ahayd ee wada-jirkooda Cadawgu uga waabtay, markii midba meel lagu weecshayna ay sahlanaatay in geddigood la wada wiiqo.

Waxaanse rumeysanahay in Is-jacayl iyo is amaanid un Dadku isugusoo dhawaan karaan. Hadii ay Doodaadu noqoto Muqdisho ayaa ka wanaagsan Hargeysa, waa hubaal in Wiilka Hargeysana lasoo ban-baxayo Aragti taada ka duwan oo uu Magaaladiisa kaga sara marinayo midaada.

Bani Aadamku marnaba ma ogolaado YASMO iyo Dulinnimo, waana waxa ay Dadyow badan Dhiiggooda ugusoo daadiyeen si ay isaga daafacaan Duleysi iyo Dacdaro lala maaganyahay. Marka Soomaalida Maanta kala qoqobantay, waxa kaliya ee ay dib isugusoo eegi karto Indho walaalnimo iyo is-daneyn leh, waxay tahay iyadoo Kooxiba Kooxda kale Waji furnaan iyo wanaajin u muujiso.

Hadii Wiilka Hargeysa joogaa uu Waalidiintiisa kasoo maqlay Sheekooyin gebigood Dhiig iyo Dhibaato Koofur iyo iyagu wadaageen ka hadlaya ah, waxaa arrintaas runteeda iyo Beenteedaba cadeyn kara Wiilka Koofur jooga, oo haduu Maanta Nacayb ku qaabilo Walaalkiis Hargeyso tusaale u noqonaya wixii Aabaha Koofureed laga aaminsanaa ee Cadaawadda ahaa. Labadii Walaalo ee Shalay noolaa haduu Dabcigoodu kala geeyay, Inagu Maanta Dad kale oo Ilahay Falkooda kula xisaabtamayo ayaan nahay, Nolosha Maanta jirtaana samaan iyo xumaanba inagey inoo taal, markaa aynu sameyno wax ka duwan wixii ay Odayaashii hore faleen.

Bal adiga is tijaabi,Qof Cadawgaaga ah oo inuu kula dagaalo doon-doonaya, kaga hortag Dabacsanaan iyo Nabad-doonnimo, waxaa la arkaa inuu ku dhiiran waayo Dilkaaga, maxaa yeelay Nafta Aadamiga waxaa la xiriira Sheydaanka oo Xumaan iyo Dhibaata un ku baaqa, iyo Malaa’igta Alle oo waxa wanaagsan doonta. Mar kasta oo Colaad iyo Is-nacayb yimaado waxaa sahlan inuu Sheydaanku Shaqadiisa gutto, marka Nabad iyo Naxariis la wadaaganna, waxay Naftu ku qanceysaa deganaan iyo Daacadnimo.

Intii ay Magaalada Muqdisho iiga wanaagsanaan lahayd Hargeysa, waxaa ii haboon inay Labadooduba ii wanaagsanaadaan! Maxaa yeelay Muqdisho oo aniga ii wanaagsan, balse Wiilka igu Afka, Dhaqanka, Diinta iyo Degelka ah ee Hargeysa jooga uga dhigan Halaq-galeen lagu hoogay, Wanaagaasu waxba ma dooriyo!!.

Dadkani hadii ay Berya hore ahaayeen Walaalo wax walba wadaaga, waxaan arkayaa inuu Nacayb iyo Faquuq kala geeyay, ee Dhalinyarooy aan Dhabbihii hore ka leexano, oon dayano Tub kale oo inoo toosisa Taladii Shalay xumaatay.

W/Q: MOHAMED ABDULLAHI DHAALEEY

Mogadishu-Somalia

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Muuqaal: Jaaliyadda Sade ee Holland oo ka hadlay dagaalkii Beled-Xaawo

Shir ay isugu yimaadeen gudiga beesha Sade ee wadanka Holland oo ka dhacay magaalada The Hague ayaa waxaa looga hadlay dagaalka dhawaantan ka dhacay magaalada Baledxaawo iyo xiisada wali halkaasi ka taagan.

Guddoomiyaha beesha Sade Drs, Xamza Shiikh Xuseen “Hanoolaato”  oo shirka furtay ayaa waxay ku dheeraatay muhiimadda ay nabada u leedahay dadka walaalaha ah ee wada dhashay. Waxaana ay ayaandarro ku tilmaantay dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada halbowlaha u ah dhaqaalaha gobolka Gedo ee Baledxaawo.

Drs Xamza Sh Xusein Hanoolato

” Waxaana ugu baaqayaa walaalaha dagaalka isku horfadhiya inay dagaalkaasi degdeg u joojiyaan oo wixii khilaaf ah wadahadal ku dhameystaan. Lama joogo xilligii la hurin lahaa dagaalka ehelka ee waxaa la joogaa xilligii dadka la isku soo aruurin lahaa oo nabadooda laga shaqeyn lahaa ” ayey tiri Drs, Xamza Shiikh Xuseen.

Shiikh Ahmed Dhagaxtuur oo ah nin dhallinyaro ah islamarkaana si weyn u kala yaqaan magaalada Baledxaawo ayaa sheegay in magaaladaasi aysan mudneyn xilligan iyo xilliyo hore midna dagaal sokeeye inuu ka dhaco. Waxaana uu ku dheeraaday waxa ay diinta islaamka ka qabto dilka qof islaam ah oo aan waxba galabsan.

Col Cabdinasiir dhalo

Col, Abdinaasir Dhalo oo ka mid ah jaaliyadda Sadde ee kulankan uga yimid dalka Jarmalka ayaa waxaa uu ka hadlay taariikhda inta dagaal ee uu usoo joogay inay ka dhaceen magalaadaasi Baledxaawo. Waxaana uu si gaar ah u xusay ilaa 6 dagaal oo galaaftay nolosha dad walaalo ah, isagoona ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay xabada joojiyaan oo ay u turaan dadka shacabka ah.

Bidix: Mahad Shire, midig: Ali Kawaan

Cali Kawaan oo ka mid ah madaxda guddiga beesha Sade ee Holland ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay inay ugu baaqayaan dagaalkaasi kuwa wada inay shuruud la’aan ku joojiyaan, taasi oo uu sheegay inay dhabaha u xaareyso nabadii oo la soo celiyo iyo ka hor taga dhiig kale oo daata.

Col Cabdiweli Xuuke Jamac

Col abdiweli Xuuuke oo ka mid ahaa Saraakiishi hore ee Somalia ayaa asagana dhankiisa in nabad lagu soo dabaalo  dagaalada ka socd balad xaawo waxaana uu intaasi ku daray in  ka jaaliyad ahaan ay garab istaagayaan cidwalba oo nabada ka shaqaynaysa.

Dahir Ali Kamiin  ayaa dhankiisa sheegay in dagaalka Baledxaawo uu ku noqday lama filaan isaga iyo Soomaalida kale, waxaana uu sheegay in xilli lagu jiray nabadeynta gobollada dalka Soomaaliya oo dhan aan loo fadhiyin dagaal laga bilaabo Baledxaawo. Waxaana uu si gaar ah baaq ugu diray dhallinyarada gobolkaasi deggan oo uu sheegay inay ka fogaadaan hub in la isugu dhiibo.

Dahir Ali Kamiin

”  Dhallinyarada ayaan baaq u dirayaa waxaana leeyahay ka fogaada in hub la isugu kiin dhiibo, maxaa yeelay mustaqbalkiina ayaa ku lumaya dagaal sokeeye iyo mid kalaba” ayuu yiri Dahir Ali Kamiin oo intaasi ku daray.

” Tan iyo burburkii gobolka Gedo waxaa ka jiray hadba laba garab oo la isku hubeeyo si ay dagaal uga ridaan Gedo.Bal is weydiiya waxa laga dhaxlay dagaaladii hore ee dhexmari jiray garabyadii hore?. Sidaasi oo kale ayaan u arkaa labada garab ee dagaalka hadda ka wada Baledxaawo ee ha ka fiirsadaan foolxumada laga dhaxli doono” ayuu yiri Dahir Ali Kamiin.

Mahad Shire iyo Col, Ibrahim Canjeex ayaa dhankooda baaqa u diray dadka dagaalka ka wada Baledxaawo. Waxaana ay sheegeen in dagaal wiil ku dhinto mooyee inuusan dagaal wiil ku dhalan.

Sh Axmed Dhagax Tuur

Gandhaale Sare  Ibrahim Canjeex

sade

Ali Dahir Ciid,
Delft, Holland.

Halkan ka daawo warkaasi oo muuqaalka oo laga si dayay Tv ga caalamiga ah ee HCTV

Hoobiyeyaal lagu asqeeyey MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay in ka badan afar kalena waa ay ku dhaawacmeyn hoobiyaal caawa lagu garaacay degmooyin ku yaalla magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online, in ay degmada Boondheere ku soo dhaceyn ilaa seddax hoobiye kuwaasoo mid ka mid ah ay ku dhimmatay haweeney ku sugneed gurigeeda oo ku yaalla meel ku dhow wasaaradda arrimaha gudaha.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ka agdhawaayeen Suuqa Maanabooliyo oo u dhow degmada Boondheere.

Ilaa hadda ma cadda goobaha laga soo tuuray hoobiyaasha caawa lagu garaacay Muqdisho iyo halka uu bartilmaameedka ahaa.

Ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay hoobiyaasha caawa laga maqlay Muqdisho.

Falalka ammaan darri ee caasimada ayaa waayahan soo kordhaayay, waxaana ugu dambeeyay qarixii galabta lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii horre ee dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Xamar Jajab.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]