29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

R/W SOMALIA oo si toos ah ula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga kadib markii..

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa galabta lagu soo bandhigay wax qabadka dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

Waxaa ka qeybgalay daah furka ra’iisal wasaaraha xukuumadda,Cabdiweli Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan dowladda, sidoo kale waxaa joogay safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya iyo xildhibaanno Turkiga ah oo maanta dalka soo gaaray.

Intii ay socotay xafladda waxaa si toos ah u wadahadlay ra’iisal wasaarayaasha Soomaaliya iyo Turkiga.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwelu Sheekh Axmed ayaa warbixin ka siiyey dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdoğan howlaha baaxada leh ee ay dowaldda Turkigu ka wado dalka Soomaaliya.

“Waxaan ugu horrayn salaamayaa Ra’iisul Wasaaraha Turkiga iyo Shacabkiisa oo si deeqsinmo leh ugu soo guramaday Soomaaliya xiligii ay ugu baahida badnayd, shacabka Soomaaliyeedna maahan kuwo waligood ilaawaya gacantii ay Dowlada iyo Shacabka Turkiga u fidiyeen. Gar gaarkiinu kuma ekayn dhinaca ban’adanimada kaliya, ee waxaad dib u dhis ku sameeyseen kaabayaashii dhaqaalaha oo Shacabka Soomaaliyeed xasuusanayo sidii ay Muqdisho ahaan jirtay iyo hada bilicda ka muuqata. Waxaana marlaabad idinka tacsiyadaynayaa masiibadii ka dhacaday dalka Turkiga todobaad ka hor,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Wali

Ugu danbayntii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Turkiaga dayactirka iyo qalabaynta balaaran oo ay ku sameeyeen Isbitaalka Digfeero, Iskoolada, iyo qaar ka mid ah Xarumaha Dowladda.

Turkiga waa dowladda kaliye ee sida hagar la’aaneed Soomaalida u garab taagan, waxaana ay magaalada Muqdisho ka wadaa mashaariic faradan oo dalka lagu horrumarinaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxay ka hadleyn Geelle & Madoobe?

Djibouti (Caasimada Online)-Magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti waxaa maalmahan ku sugnaa wafdi ka socda maamulka KMG ah ee Jubba, waxaana ay kulamo la qaateyn madaxda dalkaas iyagoona booqday goobo muhiim ah oo dalka ku yaalla.

Wafdiga waxaa hoggaaminaya Axmed Madoobe waxaana la socda xubno ka tirsan maamulkiisa.

Waxa ay kulamo la qaateyn madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle oo ka soo laabtat safar uu ku maqnaa dalka Maraykanka.

Xog badan lagama hayo wax yaabaha ay ka hadleen marka laga reebo saxafadda oo loo sheegay in ay ka hadleen xiriirka u dhexeeya Jabuuti iyo maamulka KMG ah ee Jubba iyo xaaladdaha guud ee Soomaaliya oo labada dhinac ay wax iska weydiiyeen.

Axmed Madoobe iyo xubnaha la socday ayaa sidoo kale booqday goobo muhiim ah oo ku yaalla dalkaas waxaana ka mid ah dekedda Jabuuti.

Axmed Madoobe ayaa booqasho ku marayay waddamo ku yaalla gobalka oo wuxuu horrey u joogay

Halkan ka daawo sawirrada kulamada uu Axmed Madoobe la qaatay madaxweynaha Jabuuti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Xildhibaanno ka socda dalka Turkiga oo Muqdisho u yimid sidii ay Favori…

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray wafdi xildhibaanno ah oo ka socda dalka Turkiga.

Wafdiga ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdish, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada golle ee dowladda.

Wafdiga ka socday Turkiga ee yimid Muqdisho waxaa hoggaaminaayay guddoomiyaha guddiga xiriirka saaxibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya, u qaabilsan dalkiisa Haliil Urur.

Wafdiga ayaa markii la soo dhaweeyay waxa ay kulan is xog wareysi ah ku qaateyn iyaga xildhibaannada dowladda Soomaaliya isla gudaha garoonka, waxaana dabadeed loo galbiyay xarunta Villa Hargeysa oo uu deggan yahay afhayeenka baarlamaanka.

Wafdigan ayaa la sheegay in ay magaalada Muqdisho u yimaadeen siddii xildhibaannada diiddan shirkadda Favori ee maamusha garoonka ay dib uga laaban lahaayeen go’aankooda oo ay shirkadda ugu oggolaab lahaayeen in ay sii wadato shaqada ay hadda heyso.

Dhawaan ayaa baarlamaanka Soomaaliya wuxuu diiday in shirkadda Favori ee laga lee yahay dalka Turkiga ka shaqeyso garoonka Muqdisho, waxaana ay xukuumadda ka codsadeen in ay dib loo eego heshiiska lala galayt shirkaddan.

Turkiga ayaa mashaariic horrumarineed ka wada Soomaaliya, waaana dal ay ka go’an tahay in uu ka qeybto dib u dhiska iyo horrumarka Soomaaliya.

Caasimada Onine

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Qorshe halis ah oo laga shaki qabo in Cumar C/rashiid uu Muqdisho u yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa waxa uu maalmo ka hor uu soo gaaray Magaalada Caasimada Muqdisho, ka gadaal markii uu ka soo amba baxay Magaaalda Nairobi.

Cumar C/rashiid Cali iyo xubno kale oo uu ka mid yahay C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa lagu arkay Hotel Diplomacy, oo dhowaan laga hirgeliyay Magaalada.

Raggaan oo horey loogu eedeeyay in ay xusulduub ugu jiraan iibinta qayb ka mid ah Badda Somaliya, ayaa waxay booqashadooda Magaalada Muqdisho ku soo aadeysaa, xilli Baarlamaanka Somaliya la horkeenay Hindise Sharciyadeed ku aadan Badda Somaliya.

Axadii shalay ahayd, ayaa Ajandaha Baarlamaanka lagu soo diray in looga doodo, dib u eegis lagu sameeyo Xeebta dheer ee Somalia, hase ahaatee waxay Xildhibaanadu diideen in laga hadlo arrimaha Badda.

Wararka ayaa sheegaya in Cumar Cabdirashiid uu Muqdisho yimid sidii uu u saameynlahaaxildhibaanno badan oo saaxiib la ah, kana mid ah kuwa sida aadka ah u taageera gardarrada Kenya ee qeybo ka mid ah Somalia

Cumar Cabdirashiid ayaa saaxiib dhow la ah dowladda Kenya, waxaana isaga iyo xildhibaanno ay ka mid yihiin Cabdirashiid Xiddig ay aad uga shaqeeyaan danaha Kenya ee Somalia.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu sheegay inaysan marnaba aqbali doonin, in dib u eegis lagu sameeyo amaba wax laga bedelo Qariirada Badda Soomaaliya.

Mudanahaan wuxuu kaloo sheegay in Badda Soomaaliya ay Qariiradeedu ahaan doonto sidii ay ahayd 1982-kii, oo markaasi ay isbedel ku sameysay sida uu sheegay Dowladdii Dhexe ee Somaliya.

Xildhibaan Cabdalla Boss Axmed oo sidoo kale ka tirsan xubnaha Baarlamaanka, ayaa wuxuu isna ka digay in fara-gelin lagu sameeyo nashqada ay iminka u sameysan tahay Xeebta Soomaaliya, oo mar kale laga cabsi qabo in Cumar Cabdirashiid uu ku howlan yahay.

Dowladaha Kenya iyo Norway, ayaa horey loogu eedeeyay inay dhabarka ka riixayaan, qorshaha lagu doonaayo in wax looga bedelo Badda Somaliya, si Kenya ay u heshay qayb ka mid ah.

Dadka reer Muqdisho, ayaa waxay qaarkood bilaabeen inay hadalhayaan imaanshiyaha Magaalada Muqdisho ee Cumar C/rashiid & C/raxmaan C/shakuur iyo tallaabada Baarlamaanka lagu horkeenay qodobka Badda ku aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Abaalkii ay reer Muqdisho u galeen DF iyo sida loogu abaal guday waa CIIL

Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, waa caasimaddi dalka, waa fadhigii xukuumadda (Seat Of Government), waxay ugu weyn tahay magaalooyinka geyiga Soomaalidu degto oo idil.

Waxaa deggan dad lagu qiyaaso 2 milyan inkastoo uusan jirin wax tirakoob sugan oo laga haayo. Dadaalkii Maamulka G.Banaadir uu ku doonaayay qoridda dadka iyo bixinta warqadaha aqoonsioga waxaa is-horistaagay Baarlamaanka oo baaba’shay nidaam soo bilaawday sannadkii 1954tii, si aan loo ogaan cidda magaalada amxaarka Xamar soo galo iyo inamada u dhashay.

Reer Muqdisho waa kuwa bixiyo canshuurta Dowladdu ku bixiso mushaarka xubnaha Baarlamaanka, kana soo xeroodo Garoonka Diyaaradaha Aaadan Cadde, dekedda Muqdisho iyo ganacsatada Gobolka Banaadir.

Sidaa darteed, Reer Muqdisho waa kuwa qura oo gutay waajibkii uu qaranka ku lahaa. Hase yeeshee, ay ka maqan tahay wixii xuquuq ah oo ay mutaysteen.

Shacabka Gobolka Banaadir waa kan keliya oo aan wax dooran karin, laga horistaagay in uu soo doorto madaxdiisa, una taliyaan rag loo soo magaabay, halka gobollada kale loo oggolaaday inay maamulkooda dhistaan.

Xubnaha Baarlamaan oo haatan maraayo bartankii xilligii ay xilka wadeen (midterm) waxay ku guuldarraysteen inay go,aan ka gaaraan maqaamka caasimadda dalka, haddana, arrintaasi qorshaha uguma jirto 2-da sanno ee u hartay, dadka Muqdishana waxay u afduuban yihiin waa ayaga oo tuuladii laga soo magacaabay u doodaayo, dafiraayana xuquuqda 2 milyan iska indhatiraayo.

Sidaa darteed Reer Muqdisho waxaa laga dhigay dad aan waajibaadka iyo xuquuqdaba aan la sinnaynin dadka gobolada kale ee dalka sida ku cad qodobka 11 faqraddiisa (1) ee dastuurka. Waana laga reebay ka-qayb-galka siyaasadda sida ku cad qodobka 22 F.(20 oo ah xaqa muwaadin u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto.

Awoodda is-xukunka waxay ka bilaabataa, kuna dhammaataa shacabka, asaga oo u adeegsanaaya awoodda ah in mar kasta oo loo baahdo uu hay,addaha  iyo wakiillada shacabka ku oogi karo la xisaabtan sida ku cad qodobka 46aad ee dastuurka F (1) kaasoo ay ay xubnaha Baarlamaanka ku xadgudbeen.

Waa wax lala yaabo in xubnaha Baarlamaanka ay xukuumadda ku eedeeynayaan inaysan dalka habka federaalka ka hirgelinin, ayagoo ku guuldarraytay inay go,aan ka gaaraan maqaamka caasimadda dalka 2 sanno kaddib markii xildhibaano loo soo magacaabay, sidaasina ku dudsinaayo xaqa reer Muqdisho u leeyihiin in la doorto ama ay wax doortaan.

Dad faraban waxay isweyddinayaan Yaa xubnaha Baarlamaanka kula xisaabtamaayo ku-xad-gudubka dastuurka?

W/Q: Axmed Moxamed Axmed

Soomaaliya oo noqon doonta dal diimo badan looga dhaqmo sanadka 20…..?

2050 Soomaliya ma noqon doontaa wadan diimo badan looga dhaqmo?

Taariikhda ay soo mareen wadamo dhawr ah oo Africa ku yaala iyo dunida meelo ka tirsan oo dagaalo soo maray, waxaa isla markiiba kuu soo baxaya raadad aad u foolxun oo ay reebeen ciidamadii wadamadaas galay sida CONGO, SOUTH SUDAN iyo kuwo kale.

Waxaa kaloo wax laga baran karaa guumeystayaashii raadadka ay uga tageen wamadii ay haysteen.

Wadamadaas waxa ay ka dhaxleen ciidamadii nabad ilaalinta ahaa raadad aad u foolxun sida illmo aabo la’aan ah, dumar la kufsaday oo ay ku dhaceen isla hadal ama cudurada maskaxda iyo dalkii oo lagu beeray diimo aan horay uga jirin iyo dhaqamo kale.

Wadanka Soomaaliya waxaa hada ku sugan sida aan ka soo xigtayhttp://amisom-au.org/ 22,126 askari waxaana tiradaas lagu sheegay inta qabta dharka ciidan ee AMISOM kuma xusna tirada ciidmada kale ee aan qabin dharka ama la hawl gala sida kuwa caafimaadka iyo shaqaalaha xafiisyada iwx.

Ciidamadaan ku jooga shaatiga AMISOM waxa ay soo galeen sanadkii 2007 oo hada laga joogo mudo dhan 8 sano.

Waxeyna sii joogi doonaan inta laga heli doono ciidamo lagu halayn karo amaanka Soomaaliya taas oo ilaa hada aan muuqan ama aanba wadadeedii lahayn.

Dadka ugu dhalmada badan Africa waxaa lagu qiyaasaa Askariga iyo Darawalka.

Hadaba tirada 22,126 askari oo lagu dhuftay 10 sano oo hada ay joogeen iyo 20 sano oo kale oo ay sii joogi doonaan 22,126*30sano= 663 780/2= 331 890 kun oo cunug ayey uga tagi karaan Somaliya oo aabe la’aan ah waxeyna ku imaan karaan Kufsi,cabsi galin ama mid dhaqaale.

Hadaba wadamadii ay ciidamadu ka baxeen oo illmo badan ay uga tageen ciidmadii joogay ayaa waxaa la wareegay Hay’adaha xaquuqu insaanka kuwaas oo ku xanaaneeya xeryo khaas ah halkaas oo lagu carbiyo, kuwa Soomaliya waxa ay mari doonaan isla wadadaas.

Tiradaan iyo mid kaloo soo bixi kartaba waa tiro aad u badan waxa ayna keeni kartaa in mustaqbalka fog Somaaliya oo ah wadan 99.99% muslim sunni ah in laga helo group haysta diimo kale oo leh awood muuqata lana xaqiri karin iyagoo isla markaasna gacan ka heli doona wadamada dariskaa ee haysta diimaha kala duwan iyo kuwa caalamka taas oo u sahli doonta wax badan.

Gunaanad

Waxaa haboon in tanaasul ay soomaalida dhexdoodu isku sameeyaan inta goori goor tahay.

Maah maah soomaaliyeed ayaa ahayd : Markaan xoog hayeyna talo ma hayn markaan talo hayeyna xoog ma hayn.

W/Q: Said Qaas

Wixii aragti celin ah igala soo xariir
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

VIDEO: Is-beddel weyn oo MUQDISHO laga dareemayo xilliyada habeenkii

0

Magaalo Madaxda Caasimadda ee Muqdisho oo laga soo duubay muuqaal si weyn ku soo jiidanayo kaas oo laga soo qaaday Bartamaha Farasmagaalaha Magaalada oo isbadal xoogan uu ka jiro.

Muuqaalkani hadii aa daawato waxaa isleedahay Muqdisho goormee bay sidaan isku badashay waxaana hubaal ah in magaalada ay isweyn muuqeeda isku badalay ee nala daawo Muuqaalkaan Cusub.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Sawir qosol badan: Sida uu Cali Khaliif Galayr uga baxsaday ciidamada S/Land

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr, ayaa 17-kii bishan waxaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia, oo uu ka baxsaday sida la sheegay kadib markii uu cararay inta aysan soo gaarin deegaankii uu ku sugnaa.

Amiin Caamir, ayaa sawir gacmeed qosol leh ka sameeyey orodkii Cali Khaliif isaga oo u bixiyey Cali Bile.

18_may_2014

Warbixin: Dadka reer Muqdisho oo ku waabariistay arrin aaney jecleesan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka saakay naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan howgallo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, ayaa soo sheegaya in howgallo dad badan lagu qabqabtay ay saaka ka socdaan xaafaddo ku teedsan degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa sheegay in uu arkay ciidamo guryaha galaya oo soo qabqabanaya dad u badan dhallinyaro.

Lama oga wax yaabaha uu salka ku hayo howgallada saakay ka socday magaalada Muqdisho.

Waxaa istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka degmooyinka howgallada ay ka socdaan, siddoo kale waxaa xiran goobaja ganacsiga iyo waxbarashadda ee ku yaalla halkaas.

Ciidamada ayaa xaley saqdii dhex tagay xaafadaha ay howgallada ka wadaan mana cadda wax yaabaha ay u jeedkooda yahay iyo cidda ay raadinayaan toona.

Marka siddan oo kale howlgallo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM uga sameeyaan Muqdisho, waxaa dhibka ugu badan ka soo gaartaa ardayda, dadka xanuunsan iyo shaqaalaha kuwaasoo dhibaato kala kulma siddii ay u aadi lahaayeen goobahooda.

Hey’addaha amaanka ilaa hadda kama warbixin wax yaabaha uu salka ku hayo howgalka saakay ka socda Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Xasan Sheekh oo ina-adeerkiis u magacabay xil uu ka qaaday nin kasoo jeeda beelaha laga tira badan yahay.

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida.

Wareegto laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu soo magacaabay C/raxmaan Maxamed Tuuryare, kaa oo ku heyb ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sdia xubno ku sugan Villa Somalia ay u sheegeen Caasimada Online.

Wareegtadan, oo saxaafadda laga qariyey, ayaa xilka looga qaaday Liibaan Cali Yarow, Gudoomiyihii Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida, iyadoo uu xilkaan soo haayay sanadihii ugu dambeeyay.

Ninka la magacaabay, ayaa horey u soo noqday Madaxii Dembi Baarista ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Madaxii Tababarada ee Ciidanka Nabad Suggida ee Soomalaiya, balse xilkaasi laga ceyriyey.

C/raxmaan Tuuryare, ayaa gacanta loo geliyay warqada lagu soo magacaabay, si aynaan dadku hadhow Madaxtooyada ugu dhaleecayn in Madaxweynaha Somaliya, uu nin kasta oo xilka laga qaadaayo ku soo bedelo ragga ku heybta ah.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Liibaan Cali Yarow oo ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay loo arkay, inaanu xilkaasi sii hayn karin, sida dad ku dhow Xasan Sheekh ay sheegeen.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida, ayaa waxay kuu sheegayaan in nin aan baran Shuruucda Militariga qabin karin xil ku aadan Militariga amaba haddii uu noqonaayo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida, marka hore ay sharuudu tahay in uu soo qabto xilalka hoose ee Maxkamada.

C/raxmaan Tuuryare oo Hay’adda Nabad Suggida uun la soo shaqeeyay, ayaan wax shaqo ah ku lahayn Militariga, iyadoo sidoo kalana aanu aqoon durugsan u lahayn Sharciga Maxkamada.

Liibaan Cali Yarow oo muddo fog ku soo jiray Garsoorka Ciidanka Qalabka Sida, ayaa inta aanu noqon Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida, waxa uu horey u soo noqday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida.

Madaxtooyada waxaa lagu eedeeyay in si masuq maasuq leh ay ku soo magacawday C/raxmaan Maxamed Tuuryare, taasina ay muujineyso sababta aan loo shaacin Wareegtadiisa.

SAWIRRO: Odayaashii Hargeysa tagay oo aqoonsaday maamulka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online)-Qaar ka mid ah odayaashii dhaqanka ee ka tagay Koonfurta ayaa Somaliland u aqoonsaday sidda dal madaxbanaan oo ah Soomaaliya oo kale.

Odayaashaas ayaa maanta ka qeyngalay xaflad lagu maamusayay 23-sanno guuradii ka soo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Qaar ka mid ah odayaashaas ayaa si rasmi u aqoonsaday Somaliland in ay tahay dal madax banaan maadama ay indhahooda ku arkeen horrumarka iyo nabadgalyada ay ku tallaabsadeen.

DSC_0094

Waxaa ka mid ah Suldaan Cabdicasiis Cumar Beyle iyo Axmed Maxammuud Barre, waxa ay sheegeen in ay matalaan Soomaaliya siddaas darteed markii ay arkeen sidda Somaliland horrumar u gaartay in ay mudan yihiin in loo aqoonsado dal madax bannaan oo xor ah

“Caalamka waxaan u sheegeynaa in Somaliland ay mudan tahay in ay tahay dal xor oo aqoonsi la siiyo” ayuu yiri mid ka mid ah labada oday dhaqameed oo ka mid ah odayaasha ka qeybgalay xuska 18-ka May oo dhinaca bidix ka fadhiyay Axmed Siilaanyo madaxweynaha mamaulka Somaliland.

Sidoo kale Odayaal dhameedka ka soo jeed Somaliland ayaa ka codsaday madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha in ay aqoonsadaan Somaliland maadama odayaashii dhaqanka ee ka socday Koonfurta ku dhawaaqeeyn in ay Somaliland tahay dal madax bannaan oo xor ah.

Waa markii ugu horreysay oo odayaal ka socda Koonfurta Soomaaliya ay ka qeybgalaan xuska 18-ka May oo laga xuso Somaliland oo dhan.

Si kastaba, Somaliland ayaa tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni isku taag sannadkii 1991-dii waxaa ay raadinayeen aqoonsi balse illaa hadda ma helin.

DSC_0159

DSC_0174

DSC_0195(1)

IMG_0301

IMG_0430

IMG_0629

IMG_0629

IMG_0654

IMG_0656

IMG_0850

IMG_0899Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

KENYATTA oo uu xannuunku taabtay !!

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladiisa ay ku dadaali doonto sidii ay usoo ceshan laheyd kalsoonidii dadka dalxiisayaasha ay ku heysteen amaanka dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in wasaarada dalxiiska ee dalka Kenya ay bilaabi doonto dib u eegis ku aadan sidoo loo abuuri lahaa in ajaaniibta ay gaaraan dalkaasi Kenya, iyadoo ay ugu wacan tahay dhanka amaanka.

“Arintaan ma ahan mid ku diirsan suuqyada Shisheeye, aan si wadajir ah isu kaashano aan sameyno soo jiidasho dalxiisayaasha ah oo aan wax ka badalno amaanka”sidaasi ayuu yiri madaxweynaha dalka Kenya.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha dalka Kenya in dhamaan dadka ku dhaqan dalkaasi looga baahan yahay inay u midoobaan amaanka dalkaasi oo aan kaliya ciidamada lagu eegan, sida uu hadalka u dhigay.

Dowlada Britain ayaa qoraal maalmo ka hor kasoo baxay waxaa looga digay dadka dalkaasi u dhashay inay ku safraan magaalooyinka dhanka xeebaha ah sida Mombasa iyadoo laga baqayo weeraro amni daro oo ka dhaca.

Sidoo kale dowladaha US, Australia iyo France ayaa soo saaray digniintaasi la mid ah , iyadoo laga duulayo saameyn muwaadiniinta wadamadaasi kasoo gaari karta amno darada goobaha loo dalxiis tago.

Arinta madaxweynaha dalka Kenya uu ka dhawaajiyay eek u aadan inay wax ka badalayaan amaanka dalkaasi Kenya si ay usoo jiitaan dalxiisayaasha ayaa kusoo aadaya iyadoo dalxiisayaal badan ay isaga baxeen dalkaasi Kenya oo u badan dalxiisayaal u dhashay UK.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

DAAWO VIDEO: Jidadkii dib loo dhisay ee MUQDISHO oo bacaad uu buuxiyey

0

Dowladda Walaalaha Turkiga, ayaa dhowaan dib u dhis ku sameysay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan waddooyinka ku yaalla meelaha ay xafiisyada dowladda ku badan yihiin.

Waddooyinkii dib loo dhisay, ayaa waxaa hadda soo buuxiyey bacaad xooggan, oo qarinaya bilicda jidadka, xilli maadaama magaalada Muqdisho iminka dabeylo xooggan ay ka socdaan. Waxaa sidoo kale jidadka qaarkood kasoo buuxsamay qashin.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Goodax oo badbaaday iyo Guuleed oo Mooshin cusub laga soo gudbiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow codka kalsoonida siiyay wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka, Cabdullaahi Goodax Barre.

Fadhigga maanta oo ay joogeyn 144 mudane, waxaa codka kalsoonida siiyay wasiirka 115 mudane halka 18 ay oggolaadeen in wasiirka meesha laga saaro maadama uu ku fashilmay wax yaabaha laga rabay 11 ayaa ka aamusay.

Xuldhibaannada wasiirka codka kalsoonida siiyay ayaa sheegay in wasiirka loo baahan yahay in la saxo oo wixii qalad ah loo sheego balse aaney lagu degdegin in xilka laga qaado.

Wasiirka oo isaga xitaa ku sugan kulanka xildhibaannada ayaa cod saday in mooshinka laga keenay cod loo qaado si uu ukala ogaado in uu badbaadayo iyo in kale.

Wasiirka oo labo mar la hadlay xildhibaannada oo markii horre wuxuu codsaday in codka kalsoonida la siiyo markii dambana wuxuu sheegay in uu wax ka badali doono dhaliilaha loo soo jeediyay isagoona intaas ku daray in uu gartay qaladaadka meesha ay ka jiraan.

Dhinaca kale, xildhibaannada baarlamaanka ayaa guddoonka baarlamaanka u gudbiyay mooshin laga keenay wasiirka ammaanka qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana la filayaa in laga dooddo oo kaddib cod loo qaado.

Sidda ka muuqatay wasiirka oo joogay kulanka maanta waxaa uu u muuqday mid baadi doono waayo wax walwal ah kama muuqan, siddaas waxaa oo soo sheegay wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan xarunta baarlamaanka.

Dad badan ayaa aaminsanaa haddii uu wasiirka badbaado in uu badbaadi doono madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda ay ku kacsan yihiin xildhibaanno fara badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa loo fasiran karaa aamusnaanta beesha caalamka ee xaalka Xasan Sh?

Guux-siyaasadeed iyo Olole Mooshin Xil-ka-qaadista Madaxweyne iyo Isqabqabsiga Hoose ee Siyaasiyiinta ma aha xaallad ugub ku ah Siyaasadda dalkeenna, maadaama horey loo soo arkay Isqabqabsi noocaasi iyo Loolan Siyaasadeed oo isku beddelay dagaal u dhexeeyo Beelo Soomaaliyeed.

Waayihii adkaa iyo dagaalladdii lagu riiqmay ee ka dhashay Murankii Siyaasadda iyo Loolanka Madaxtinimadda ee Siyaasiyiinta ugu tunka weynaa sannadihii 90-aadkii ayaa ahaa dhacdo xanuun badan oo u baahan in cashar laga qaato.

Laakiinse Siyaasiyiinta Jiilkan iyo kuwii Dowladihii KMG midnaba ma laha Garasho Tanaasul iyo Fulinta Ballanqaaadyadda Waxqabadka ee Beer-laxawsiga jaranjaradda Xilka iska noqotay.

Xildhibaanadda Barlamaanaddii hore iyo kuwa haatan ayaa iyagana marka muddo la joogo soo jeediya Talooyin, si loo turxaan bixiyo qaladaadka Hoggaanka Sare ka jira.

Laakiinse, Talo-soo-jeedintaasi ayaa inta badan loo arkaa mid Ujeedo-siyaasadeed laga leeyahay ama Nacayb-shaqsiyadeed, waxaana inta badan ka dhasha Buuq iyo isqabqabsi iyo in ugu dambeyntii Xildhibaanadda ku kala qeybsamaan Mooshinka Danta Qaranka ku jirto.

Dowladihii KMG marka uu Khilaaf ka dhex dhaco Madaxda Sare waxaa loogu yeeri jirey dalalka deriska, halkaasi oo loogu soo kala garqaadi jirey, waxayna ku khasbanaayeen inay fuliyaan Heshiis kasta oo ay Dowladaha deriska iyo Beesha Caalamka go’aamiyaan.

Beesha Caalamka ayaa ka mideysnaa Fulinta Heshiis kasta, iyadoo Siyaasiyiinta ka hor-yimaada Heshiisyadaasi lagu tilmaamay inay yihiin Qas-wadayaal (Spoilers), isla markaana loogu goodin jirey in Safaradda laga xayirayo, loona arkayo Dembiile-dagaal.

Laakiin, xaalladda xilligan sidaas ma aha, mana jirto Dowlad ama Urur-gobaleed Caalami ah oo Aragti ka bixiyey qaabka ay u arkaan Talo-soo-jeedinta Xildhibaanadda ku baaqay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh is-casilo.

Tan iyo markii ay Xildhibaanadda soo bandhigeen inuu Madaxweynuhu is-casilo, wax war ah kama soo bixinin Beesha Caalamka, gaar ahaan Maraykanka, Britain, EU-da, AU-da, IGAD iyo dalalka deriska.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Beesha Caalamka lug ku leedahay Hindisaha Xildhibaanadda ku baaqay inuu Madaxweynuhu is-casilo, waxaana la hadal-hayaa inay Beesha Caalamka doonayaan Isbedel ku imaan kara iyadoo Sharciga loo marayo.

Aamusnaanta Diplomaasiyadeed ee Beesha Caalamka ayaa muujinaysa inay Dowladaha Caalamka ku qanacsan yihiin Talo-soo-jeedinta Xildhibaanadda ka tirsan Barlamaanka Federalka Somalia.

Dowladaha Caalamka waxay iska ilaalinayaan haddii ay ka hadlaan ama talo ka dhiibtaan Mooshinka Is-casilaadda Madaxweynaha in taasi horseedi karto in lagu cambaareeyo inay faragelin ku hayaan Arrimaha Gudaha ee Somalia iyo in Fowdo Siyaasadeed mar kale ka dillaacda Somalia.

Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ee ka biyo-diidsan Fikirka Jaallayaashooda ku baaqayo inuu Madaxweyne Xasan Sheekh is-casilo ayaa iyagana galaangal-siyaasadeed ugu jira sidii Mooshinkaasi loo laali lahaa ama daaqadda looga tuuri lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog cusub: Barre Hiirale oo dagaal ku ah Kismaayo iyo warar sheegaya in…

Kismaayo (Caasimada Online) – Deeganka Goobweyn oo 8km u jirra Kismaayo, waxaa shalay shir ku yeeshay Saraakiil ciidan iyo odayaal taageersan Corneel Barre Aadan Shire Hiiraale, waxaana ay soo saareyn go’aan ah in ay dagaal ku qaadaan maleeshiyaadka Axmed Madoobe ee ku sugan Kismaayo iyo kuwa ku duulay degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo.

Afhayeenka Barre Hiraale, Cabdirashiid Macallin Gaas oo la hadlay Idaacad ku taalla Muqdisho, ayaa sheegay in shalay deeganka Goobweyn uu ka dhacay shir socday muddo saacado ah kaasoo looga arrisanaayay gardarada qaawaan ee Axmed Madoobe uu ku hayo dadka Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay in saraakiisha ku shiray Goobweyn ay isku raaceyn in ay ku duulaan Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan maamulka Axmed Madoobe.

Waxaa la weydiiyay in ay dagaallami lahaayeen in ay wadahadal lagalaan maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe, wuxuuna sheegay in dhowr jeer ay ku baaqeyn wadahadal balse ay iyaga diideyn.

Dhinaca kale, Waxaa magaalada Muqdisho ku shiray odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Jubbooyinka waxaana eedeen culus u soo jeediyeen IGAD iyo dowladda Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in ay la saftayn Axmed Madoobe.

Siyaasiga Axmed Faarax Ducaale, oo ka mid ah ragga ka hadlay kulanka ayaa wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afeey ku eedeeyay in la safrtay Axmed Madoobe oo isu qabiil yihiin.

Wuxuu kaloo sheegay in xukuumadda ra’iisal wasaare Cabdiweli la safartay Axmed Madoobe oo gacanta ku haya magaaalda Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Xildhibaanad laga soo doorto Gaarisa oo xaqiijisay tuhunkii dad badan ay ka qabeen Axmed Madoobe (Dhageyso)

KIsmaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanad Shukri Xasan Guure, oo ah gabar kamid ah baarlamanka Kenya, lagana soo doorto magaalada Gaarisa, ayaa caddeysay in dadka iminka maamula Kismaayo ee maamulka Jubba ay yihiin dad ka yimid halka ay ayada laga soo doortay.

Horey ayaa shacabka Kismaayo, waxa ay uga cabanayeen in Axmed Madoobe iyo maleeshiyadiisa aanay ahayn dad magaalada u dhashay, balse kusoo duulay.

Hadalka Shukri ay u jeedisay xubno ka mid ah maamulkaas, ayaa iminka caddeynaya arrintaas.

Shukri ayaa tiri “Aniga Gaarisa ayaa la iga soo doortaa, waxaana isoo doortay dadka reer Jubbaland ee kibaandhaha qaba ee maanta Kismaayo jooga, qaar badan ayaan wajiyadooda garanayaa hadda oo horteyda fadhiya”.

Shukri waxay sheegtay in Gaarisa iyo Jubbaland ay isku mid yihiin.

Gabadhaan waxa ay ka hadashay kulan lagu soo dhaweynayay hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Halkaan ka dhageyso codka

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Axmed Siilaanyo: Soomaaliyey tashada annagu waanu tashanay mar hore”

Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhiig in ay u daadiyaan siddii Somaliland ay u noqon lahayd dal ka madax banaan Soomaaliya.

Isagoo maanta dadweyne fara badan kula hadlayay Fagaaraha Xorriyadda ee magaalada Hargeysa halkaasoo si weyn looga xusay markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni isku taag oo ay ka soo wareegatay 23-sanno, ayuu sheegay in dadka reer Somaliland ay tashadeen sidda uu hadalka u yiri.

Wuxuu sheegay oo kale in madaxbanaanida Somaliland ay tahay biyo kama dhibcaan in mardambe aan la soo celin doonin midow dhex mara Koonfur iyo Waqooyi

“Dowladda iyo dadka aan madaxweynaha u ahay waa ay tashadeen ee ilaawa idinkuna duca qabayaal isku tashada,ee idiinma soo socdaan, aanna kal eed la’aano si gobeedna aan u wada noolaano” ayuu yiri Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale ka digay in dib loo abuuro cadaawadii dhexmartay Koonfur iyo Waqooyi,isagoona intaas ku daray in dowladiisa ay diyaar u tahay in ay sii wado wadahadallada u dhexeeya dowladda fedaraalka iyo maamulkiisa.

Dhinaca kale, waxaa guud ahaan maanta si weyn looga xusayaa magaalooyinka Somaliland xuska 18-ka May oo ah markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, sidaas oo ay tahay haddana weli Somaliland ma helin ictiraaf rasmi ah in kastoo nabadgaloyo iyo maamul wanaag uu ka jiray deegannada uu maamulkaas ka arrimiyo 23-kii sanno ee colaada ka socotay Koonfurta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

BFS oo cod u qaadaya MOOSHIN iyo tijaabo ku socota madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah la filayaa in uu ka dooddo mooshin ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka Cabdullaahi Goodax Barre.

Shaley ayey ahayd in baarlamaanku uu ka doodo mooshinka balse waxaa xildhibannada baarlamaanka ay waqti galiyeen siddii shaqada looga joojin lahaa shirkadda Turkiga laga lee yahay ee maamusha garoonka diyaaradaha.

Wasiir Goodax shaley wuu joogay fadhigga baarlamaanka, waxaana aan la ogeyn sidda ay codbixinta u dhici doonto.

Wasiirka waaba lagu dhagnaa waayahan oo waxaa loo heestaa in uu iskiis u magacaabay guddoomiyaal gobal iyo degmo taasoo xittaa uusan la socodsiin xukuumadda uu ka tirsan yahay siddaas waxaa ku dooddaya xildhibaannada mooshinka keenay.

Waa tijaabo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh

Dad badan oo la socda siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan haddii uu meesha ka baxo wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka oo ku dhow madaxweynaha in ay tijaabo u tahay in madaxweynaha laga guuleystay oo isaga ama wasiiradda ku dhow in ay mooshinka xigga laga keeni karo.

Madaxweynaha oo lagu kacsanaa maalmahan hadda waxaa muuqata in uu hadda ka guuleystay xildhibannada ku kacsan kuwaasoo uu siyaabo kala duwan u qanciyay.

Wasiirka tallaabada uu ku dhaqaaqay waxaa ka dambeeyay madaxweynaha oo isaga ayaa ku amray ayaa la lee yahay in uu magacaabo qaar ka mid ah guddoomiyaasha gobalada iyo degmooyinka dalka.

Haddii uu ka badbaado wasiirka mooshinka laga keenay maanta, waxaa hubaal ah in xibsiga madaxweynaha ee Damjadiid ay ku guuleysteen qorshahooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Oday 85-jir ah oo baroortay markii uu ka mid noday dadka ku xiran..

Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaya dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool Kenya, waxaana xabsiyada dalkan buux dhaafiayay maxaabiis u badan Soomaali.

Dadkaas waxa ay isugu jiraan, carruur, haween, dhallinyaro iyo dad waayeelo ah oo ay ku jiraan dad xanuunsan.

BBC-da ayaa saakay wareysatay oday Soomaali ah oo da’diisa ku sheegay 85 sano oo ku xiran xabsi ku yaala Nairobi, sugayana in loo musaafuriyo Soomaaliya.

Odaygan oo magaciisa ku sheegay Cabdi Maxamed Cali ayaa sheegay in muddo ah uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla Nairobi isagoona tilmaamay in uu ka soomay cuntada sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay oo kale in uu Kenya u yimid siddii uu ula kulmi dhakhtar joogay isla markaana uusan indhaha waxbo si fiican uga arkin.

Waxaa la weydiiyay sidda lagu qabtay, wuxuu sheegay isagoo raba in uu ku laabto Kampala oo markii horre uu ka yimid in la qabtay oo xabsiga ladhigay.

Mar uu ka warramayay xaalada xabsiga iyo Soomaalida ku xiran, wuxuu tilmaamay in xaalad aad u xun ay ka jirto goobta oo ay ku jiraan dumar iyo carruur qaar xanuusanaya.

Wuxuu madaxda dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay si degdeg ah uga saaraan xabsiga ay ku jiraan oo ay dib ugu celiyaan dalkooda.

Odayga ayaa baroortay oo hiin ayuu qabsaday markii la wareesanaayay wuxuuna ku celceliyay in xaalad xun ay ku sugan yihiin isaga iyo maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalka Kenya.

Waa dhibaato kale oo la soo daristay Soomaalida ku nool Kenya, waxaana arrintaas laga sugaaba dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato oo ay muwaadiniinteeda wax u tarto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]