31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Oday 85-jir ah oo baroortay markii uu ka mid noday dadka ku xiran..

Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaya dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool Kenya, waxaana xabsiyada dalkan buux dhaafiayay maxaabiis u badan Soomaali.

Dadkaas waxa ay isugu jiraan, carruur, haween, dhallinyaro iyo dad waayeelo ah oo ay ku jiraan dad xanuunsan.

BBC-da ayaa saakay wareysatay oday Soomaali ah oo da’diisa ku sheegay 85 sano oo ku xiran xabsi ku yaala Nairobi, sugayana in loo musaafuriyo Soomaaliya.

Odaygan oo magaciisa ku sheegay Cabdi Maxamed Cali ayaa sheegay in muddo ah uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla Nairobi isagoona tilmaamay in uu ka soomay cuntada sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay oo kale in uu Kenya u yimid siddii uu ula kulmi dhakhtar joogay isla markaana uusan indhaha waxbo si fiican uga arkin.

Waxaa la weydiiyay sidda lagu qabtay, wuxuu sheegay isagoo raba in uu ku laabto Kampala oo markii horre uu ka yimid in la qabtay oo xabsiga ladhigay.

Mar uu ka warramayay xaalada xabsiga iyo Soomaalida ku xiran, wuxuu tilmaamay in xaalad aad u xun ay ka jirto goobta oo ay ku jiraan dumar iyo carruur qaar xanuusanaya.

Wuxuu madaxda dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay si degdeg ah uga saaraan xabsiga ay ku jiraan oo ay dib ugu celiyaan dalkooda.

Odayga ayaa baroortay oo hiin ayuu qabsaday markii la wareesanaayay wuxuuna ku celceliyay in xaalad xun ay ku sugan yihiin isaga iyo maxaabiista Soomaalida ee ku xiran dalka Kenya.

Waa dhibaato kale oo la soo daristay Soomaalida ku nool Kenya, waxaana arrintaas laga sugaaba dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato oo ay muwaadiniinteeda wax u tarto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Tarsan: Go’aanka BF Somalia waa mid cunaqabateyn ku ah Muqdisho kaliya

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii gobalka Banaadir Maxammuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa caawa ka hadlay go’aankii maanta baarlamaanka Soomaaliya ku diideen shirkadda Turkiga maamusha garoonka diyaaradaha ee Favori.

Tarsan ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid lagu cunaqabateenaayo uun magaalada Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in sharciga baarlamaanka uusan caqabad ku noqon horrumarka caaasimada Muqdisho.

Duqii horre ee Muqdisho, Tarsan oo caawa la hadlaayay Idaacad maxali ah oo ku taalla Muqdisho ayuu sheegay haddii shirkadda Favori ay joojiso shaqada ay ka heyso garoonka oo ay aado garoonka Hargeysa awood ma u lee yihiin baarlamaanka in ay joojiyaan shaqadaas ” Wuxuu yiri “Maya”

“Xildhibaannada baarlamaanka waa in sharciyada ku cadaadin Muqdisho oo kaliye, haddii shirkadda Favori joojiso howlaha garoonka oo ay tiraahdo waxaan ballaarin ku sameenayaa garoonka Hargeysa ama dekedda Berbera kama hadli karaan, ma ahan in sharciga baarlamaanka kaliye lagu dhibaateeyo Muqdisho uun” ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa baaq u diray xildhibaannada baarlamaanka isagoona ku yiri ” Yaan shirkaddaha ajaaniibta ee dalka u yimid lagu ciqaabin qaladaadka ay sameeyeen wasiiradda, waa in lakala ogaadaa khasaaraha iyo faa’idada ka dhalan karta, waayo marka shirkad dhaqaalaheeda wadata oo dalka timid la niyad jabiyo ma dhaceyso in markale ay ku dhiirato inay dib ugu soo laabato dalka” ayuu yiri Tarsan.

Guddoomiyihii horre ee baarlamaanka, ayaa ku taliyay in danta dalka ay ku jirto in shirkadaha ajnebiga loo fudeeyo howlaha ay dalka ka qabanayaan sidda uu yiri.

“Anniga waxaan aaminsanahay in shirkado ajnebi ah dalka la keeno waayo Mareykanka iyo Britain oo ah dowlado hor maray waxa ay soo kireestaan shirkado ajnebi ah, khibrad iyo waayo aragnimo ayaa laga bartaa” ayuu yiri Tarsan.

Hadalka Tarsan ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta xildhibaannada baarlamaanka ay cod aqlabiyad leh ku diideen heshiiska dowladda Soomaaliya ay lagashay shirkadda Turkiga laga lee yahay ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Kenya oo warkeeda caddeysay: Xafiis ayay Somaliland ka furaneysaa Nairobi, Kenya-na Hargeysa ayey ka furaneysaa

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya, ayaa shaaca ka qaaday in xafiis diblomaasiyadeed ay ka furan doonto magaalada Hargeysa ee Caasimada maamulka Somaliland ee waqooyiga Somalia.

Tallaabadan ayaa timid ayada oo maamulkaasi uu beri u dabaal dagayo sanadguuradii 23-aad ee kasoo wareegtay, markii ay madaxbanaani kaga dhowaaqeen Somalia.

Xoghayaha guud ee arrimaha dibedda Kenya Dr. Kibicho Karanja, ayaa arrintan xaqiijiyey, waxaana uu sheegay in xukuumadda Nairobi ay ansixisay in xafiis diblomaasiyadeed laga furo Hargeysa.

Dr. Kibicho Karanja
Dr. Kibicho Karanja

“Waa run inaan xafiis diblomaasiyadeed ka furaneyno Hargeysa, waxaana sidoo kale u ogolaannay Somaliland inay xafiis ka furato Nairobi, laakiin tani lama macno ah qunsuliyad diblomaasiyadeed” ayuu yiri Dr. Kibicho.

Waxa uu sheegay in furitaanka xafiisyo xiriiriya labada dhinac ay la macno tahay in la isku soo dhoweeyo labada shacab.

Dowladda Somalia, ayaa horey cabasho uga muujisay tallaabada Kenya, ayada oo ka walaacsan in tani ay xiriir diblomaasiyadeed dhalin karto mustaqbalka, sida ay Caasimada Online horey u werisay.

“Waan u sheegnay dowladda Somalia arrintan, waxaana u caddeynay inaan Somalia u aqoonsanahay hal dal oo kaliya” ayuu yiri Kibicho.

“Ma jiro wax muran ah oo arrintan ka taagan, waayo waan kala hadalnay mas’uuliyiinta dowladda Somalia” ayuu sii raaciyey.

Maamulka Somaliland ayaa Dr. Maxamed Jaamac u magacaabay inuu noqdo wakiilka Somaliland u fahdin doono Nairobi, waxaana uu soo dhoweeyey tallaabada xukuumadda Kenya.

Dowladda Somaliaa weli si shaacsan ugama hadal arrintan, waxaana tallaabada cusub ee Kenya ay muujineysaa is-beddelka siyaasadeed ee Kenya ee ku wajahan Somalia, saddexdii sano oo ugu dambeysay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

 

Dhageyso: Prof. Cali Khaliif Galayr oo ka hadlay weerar ay ku qaaday S/Land

Buuhdoole (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay weerar maanta lagu qaaday isagoo ku sugan meel ku dhow Laasacaanood.

Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in uu muddo seddax toddobaad ku sugnaa deegannada Saaxdheer iyo Buuhoodle, isagooan yiri waxaan halkaas u tagnay shirar la rabay in maamulka Khaatumo ay ku qaban rabeyn lahaayeen Taleex.

Wuxuu sheegay haddii maamulka Somaliland uu lee yahay maamulka Khaatumo shirar ma qabsan karaan oo aayahooda uga tashan karin, waa gardarro qaawan.

Wuxuu arrin fashil ah ku tilmaamay sirdoonka Somaliland haddiiba ay lee yihiin Cali Khaliif Galeyr ayaa joogay Tuulada Saaxdheer oo 90km u jirta dhinaca koonfur galbeed ee magaalada Laasacaanood.

Wuxuu sheegay inuu mar horre ka soo tagay tuuladaas oo uu hadda joogo deegan u dhow Taleex oo xittaa raadkooda iyo shaqn qartooda ma maqlin wax qarsan ma ahan” ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay sababta uu joogo deegannada u dhow Laasacaanood?

Wuxuu sheegay in maalmahan uu ku sugnaa isaga iyo odayaal kale deeganno hoostaga maamulka Khaatumo, oo ay halkaas kulamo kula yeelanaayeen wax garadka ku dhaqan si looga soo dhex xulo ergooyinka ka qeybgalaya shirka maamulka Khaatumo ee la rabo in dhawaan lagu qabto Taleex.

Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in maamulka Khaatumo ay ka horreeyaan maamulada kale ee ka dhisan dalka kuwaasoo dhaqaale badan ka hela beesha caaalamka balse Khaatumo waa dad isku tashada” ayuu yiri

Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr ayaa lagu eedeeyay in uu ka waday deeganandaas isku dir iyo nabadgalyo darro sidda uu maamulka Somaliland sheegay maanta.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Galayr ee BBC

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Taleex

[email protected]

Xildhibaannadii horumarka Muqdisho diidanaa oo maanta guuleystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah cod aqlabiyad leh ku didday shirkadda laga lee yahay Turkiga ee Favori taasoo maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cadee ee Muqdisho.

Fadhigga maanta oo buuq badan uu hareeyay, waxaa dhowr jeer la waayay tiro sax ah oo u codeysa mooshinka laga keenay shirkadda Favori waxaana markii dambe guddoonka amray in la xiro dhammaan albaabada xarunta baarlamaanka si xildhibaannada jooga aaney u bixin.

Kulanka waxaa maanta joogay 139- mudane, waxay 124 ka mid ah u codeeyeen in shirkadda Favori dalka laga saaro, 13-mudane ayaa u u codeeyay in shirkadda howlaha ay ka heyso garoonka uu yahay mid dalka wax u taraya, waxaa kaa aamusan labo mudane, siddaas waxaa sheegay afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo shir guddoominaayay kulanka.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa amar ku bixiyay in dowladda ay dib u eegis ku sameeso heshiiska lala galay shirkaddan Favori maadama markii horre heshiis qaldan lala galay, sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaannada diiday shirkadda Favori, ayaa isugu jira kuwa diidan horumarka Muqdisho iyo kuwa ay shirkadda SKA lacag soo siisay.

Shirkadda laga lee yahay Turkiga ee Favori ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa muddo siddeed bilood laga joogo waxa ay kala wareegtay shirkad kale oo lagu magacaabo SKA, waxaana heshiis la gashay xukuumadii horre ee Saacid.

Shirkadda ayaa laga doonayay in ay dib u dhis iyo dayactir xooggan ku sameeso garoonka muddo kooban, balse tan iyo markii uu soo baxay in shirkadda lagu kacsan yahay waxaa hakad ku yimid howlihii shirkadda garoonka ay ka heesay.

Si kastaba, waxaa soo baxay warar xaqiiqo ah oo ku aadan cidda ka dambeesa in shirkadda Favori dalka laga mamnuuco, waxaana arrintaas lacag badan ku bishi shirkadii horre ee SKA taasoo la sheegay in lacago laaluush ah siisay xildhibaannada doodda ka keenay shaqada ay shirkadda ka heyso garoonka Muqdisho.

Turkiga waa dowladda kaliye ee si hagar la’aaneed wax u tartay umadda Soomaaliyeed iyo dalkooda, balse waxaa jirra waddamo dhaliilsan arrintaas oo lugooyo la damacsaan Soomaalida mar kasta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SOMALILAND oo weerar ku qaaday Cali Khaliif si dirqi ahna uga baxsaday

Laasacaanood (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in ay ciidamo u direen deegan u dhow magaalada Laasacaabood ee gobalka Sool, halkaasoo la sheegay in uu ku sugnaa xildhibaan Cali Khaliif Galeyr.

Afhayeen u hadlay maamulkaas, ayaa BBC-da u sheegay in Cali Khaliif Galeyr uu ka waday tuulada Saaxdheer oo 90km u jirta Laasacaanood isku dir iyo nabadgalyo darro sidda uu hadalka u dhigay,isagoona intaas ku daray in u jeedkooda uu ahaa siddii ay ku soo qaban lahaayeen.

Wuxuu sheegay oo kale in uu ka baxsaday markii baabuur uu la socday ay raacdeesteen balse aaney soo qaban.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Khaatumo ama Cali Khaliiif Galeyr qudhiisa.

Xildhibaan Cali Khaliif ayaa maalmahan ku sugnaa Buuhoodle iyo deeganno uu maamulo maamulka Khaatumo.

Ciidamada Somaliland ayaa weli ku sugan tuulada Saaxdheer ee u dhow Laasacaanood mana cadda qorshaha xigga ee ay damacsan yihiin maadama uu si dirqa ah uga baxsaday Cali Khaliif Galeyr.

Waa markii ugu horreysay oo Somaliland ay weerar ku qaado Cali Khaliif Galeyr oo ah siyaasi ka soo jeeda deegannada Buuhdoole iyo Laasacaanood.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MADAXWEYNAHA vs XILDHIBAANNADA (Warbixin uu diyaariyey Yusuf Garaad)

Qarannimada Soomaaliya waxaa ku yaalla dakharro badan. Haddii Soomaali oo dhami ay u istaagto lama hubo in ay ku guuleysan karto badbaadinteeda. Sidaas ay tahay qaar badan oo naga mid ah ayaa si ula kac ah ama ogaal la’aan ah uga shaqeynaya waxyaabo lid ku ah Qarannimada.

Maanta halis weyn waxaa ku jira habsami u socodka Howlaha Qaranka Soomaaliyeed iyo weliba jirtaanka hey’adaha Federaalka ugu sarreeya.

Waxaa u sabab ah khilaafka Madaxweynaha oo aqool xumadiisu u keentay in mudanayaal boqol kor u dhaafay ay ka dalbaan in uu is casilo iyo isaga oo aan u diyaar ahayn in sida ay doonayaan uu u yeelo.

Arrintan oo aad mooddo in in badan oo wax ka tari lahayd ay isku fiirsanayaan, qaar kalena ay ka arkaan fursad ay lacag iyo dano kale oo shakhsi ah uga gaaraan ayaa ah mid horseedi karta khatar aad u weyn. Waxaa imaan karta in Baarlamaanku u laba u kala qeybsamo oo uu markaa gudan waayo waajibaadkiisa.

IsgoysMudanayaasha Baarlamaanka waxaa ila habboon in si kasta oo ay u weyn tahay dhaliisha ay Madaxweynaha iyo Wasiirrada ku dhow dhow ay u qabaan, ay habboon tahay in ay marka hore uga digaan falalka aan iyaga u cuntamin. Ka hor inta aanay u gudbin isku day xil ka qaadis.

Hadda oo xilligaa laga soo gudbayna, waxaa ila habboon in ay talada ku darsadaan, in ay dalbaan tallaabo kasta oo wax lagu sixi karo oo ka sokeysa in Madaxweynaha xilka laga qaado.

Madaxweynaha waxaan xasuusin lahaa in aanuu cadow u arag Xildhibaannada ka soo horjeeda. Waxaan Madaxweynaha xasuusin lahaa in Baarlamaankani uu yahay kii isaga ku doortay 190 cod. Welibana Madaxweyne xilka haya ka weecday oo isaga door biday.

Markaa Madaxweyne waxaa hubaal ah in xildhibaannadani ay ka biyo diiddan yihiin siyaasadaada oo ama qaldan ama aad ku guul darreysatay ama aad quursatay in aad iyaga u fasirto xilligii ay ku habbooneyd, si aad uga baaqsato tan manta ku haysata.

Waxaa kale oo iyaduna suurta gal ah in ay kaaga xun yihiin waxyaabo ay ahayd in aad wax qabato oo aad ka baaqsatay.

Xusuusnow Madaweyne in xildhibaannadu ay yihiin kuwii ku doortay.  Waanan hubaa in aad qiran tahay in ay xilka kaa qaadi karaaan hadday dariiq qaanuunka waafaqsan ay u maraan. Laakiin xataa hadday ku guuleysan waayaan in ay xilka kaa qaadaan, laakiin ay caddaato in aqlabiyadda Baarlamaanku ay ku diiddan tahay, waa mid wiiqyesaa awooddaada Madaxweyne. Maaddaama adiga xilkaaga iyo dantaadu ay tahay in hey’adaha Fedraalka oo dhami ay shaqeeyaan, kulana shaqeeyaan. Xafiiskaagana waxaa dul fuuli doona calaamtu su’aal weyn oo dadka Madaxiisa ku sawiran.

Waxaad Madaxweyne maanka ku haysaa in aad dalka oo dhan iyo hey’adaha dalka oo dhan aad adigu mas’uul ka tahay. Baarlamaanka aqlabiyaddiisu hadday ku diidaan, laakiin aanay gaarin tiradii codka kaa qaadi lahayd, waxay taasi aad u wiiqeysaa welibana ay su’aal gelineysaa sidii aad xilkaaga ku gudan lahayd.

Ugu dambeyn Madaxweynaha waxaan xasuusin lahaa in mudanayaasha Baarlamaanka aan midna la soo xasuusan doonin magaciisa, laakiin dhaawac kasta oo soo gaara hey’adaha Qaranka iyo dib u dhac kasta oo dalka ku yimaada in cidda la xasuusan doono, mas’uuliyaddeedana qaadi doonta ay tahay Madaxweynaha.

Xilligani waa xilligii Madaxweyne Xasan Shiikh. Haddii aad Baarlamaankii ku doortay ka shaqeysan weydo, haddii aad dagaal la gasho, iyo haddii aad is afgarad la gaartaba taa ayaa lagugu qiimeyn doonaa. Waxaan jeclaan lahaa in aan xusuustaada dib u celiyo ololihii 2012 ee aad ku guuleysatay. Sidaaaad u xodxodatay xildhibaannada soo xusuuso, ooh ore noo dhaqaaji.

Waxaan kuugu duceynayaa in Ilaaheey kugu hago, kuuna sahlo waddada ay dantu ugu jirto Soomaaliya.

FG

Waxaan u mahadcelinayaa al fannaan, farshaxan Amin Amir, oo saacado kooban gudahood iigu soo sameeyay sawirka sare, ka dib markii aan anigu ka codsaday.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Lacag Cabdi Weli uu Axmed Madoobe siiyey oo khilaaf ka dhex abuurtay DF

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ayaa waxaa ka bilowday muran ku adan lacag Ra’iisul Wasaaraha Somalia u ka bixiyay qasnada Dowlada Somalia.

Lacagta Ra’iisul Wasaaraha u ka bixiyay qasnada dhexe ee Dowlada ayaa waxay ahayd 500,000 (Shan boqol oo kun) oo dollar waxaana lacagtaani loo diray 3 bari ka hor Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Lacagtaan ayaa waxaa laga qaba waal wal ah in ay si huriso colaadda ka tagan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo waxaana masuliyiin ka tirsan Barlamanka Somalia ay sheegen in ay Gudomiyaha Barlamanka Somalia u gudbiyeen in Ra’iisul Wasaaraha Somalia wax laga waydiyo sababta uu lacagtaasi ugu diray garab ka mid ah garabyada isku haya Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.

Cabdi Weli, ayaa la sheegay inuu ku dooday in lacagta uu ku bixinayo wax uu ugu yeeray shirarka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Kismaayo, balse waxaa jira shakiyo kale iyo xog taas ka duwan.

Marka laga soo tago muranka ay lacagtaasi ka dhex dhalisay xubnaha golaha barlamanka Somalia ayaa waxaay lacagtaasi dab ku sii shiday xiriirka Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo dhawaanahanba ahaa mid aanan wanagsanayn, waxaana labadaani mas’uul ay isku afgaran wayeen kulan kooban oo habeen hore dhex maray ka hor inta aanay ka qeyb galin xafladdii 15-kii May, markaasi oo wejigooda laga dheehan karay khilaaf.

Xasan iyo Cabdi Weli oo muujinaya in xaalku aan saxsaneyn
Xasan iyo Cabdi Weli oo muujinaya in xaalku aan saxsaneyn

Warar kale ayaa sheegaya in lacagta loo kala qaybiyay labo qaybood ayada oo qeyb ka mid ah uu qaatay Axmed Madoobe, halka qeybta kalena Gen. Fartaag uu qasnadda ku ritay.

Maxay lacagtaasi ku kala baxaysaa?

1- Lacagta la siiyay Axmed Madoobe ee 300 oo kun ah waxa ay inteeda badan ay ku baxaysa Dhismaha Ciidamada iyo sugida Ammaanka ayado lacagta qaybteeda ugu badan ay noqon doonto mid loo qondeeyo Ciidamo tababar ku qaatay Dagmada Dhoobleey lana rabo in loo raro Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo waxaana Ciidamadaasi lagu qaadi doona Diyaarado.

2- Lacagta 200 oo kun ah ee gacanta loo galiyay Gen. Fartaag ayaa ayadana waxaay inteeda badan ku baxaysaa kala furfurka Ciidamada Ahlusunna Waljamaca ee Gobolka Gedo iyo Maamulka Gobolka Gedo iyo sidi Calanka Maamulka Jubba loga taagi lahaa Dagmoyinka Balad Xaawo iyo Luuq.

Lacagtaan ayaa waxaa sido kale lagu kasban doona Odayaasha dhaqanka Gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta gobolka Gedo ee anan Mowqifkoodu fogeyn.

Lacagahaan badan ee soo galay garab ka mid ah garabyadii isku hayay Siyaasada Gobolada Jubboyinka ayaa waxaay sababi karaan dagaal faraha loga gubto oo ka dhaca qaybo ka mid ah Gobolka Gedo.

Isha: kismaayo24

XOG: Gen. Fartaag oo loo diiday in uu galo Buuloxaawo iyo xog sheegeysa…

Baladxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan xiisad kaddib markii maamulka Ahlu Sunna ee halkaas ku sugan ay diiddeen in ay magaalada soo galaan wafdi uu hoggaaminaayo madaxweyne ku-xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Afhayeenka Ahlu Sunna ee Koonfur Galbeed, Sheekh Maxamed Isxaaq Al-Qaadi ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in maamulkooda uu go’aansaday in ay wafdiga ka yimid Kismaayo aaney imaan karin Baladxaawo.

Wuxuu sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ka dambeeyo dagaallada ku soo laablaabtay Baladxaawo maadama uu hubeeyay maleeshiyaadka ka yimid Doolow.

Arrintan waxa ay keentay in wafdiyo kalala baxay, Muqdisho, Ceelwaaq iyo Kismaayo in ay soo gali la’yihiin magaalada Baladxaawo oo dhawaan uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo ka wadatirsan dowladda.

Dhawaan waxaa Garbahaareey gaaray wafdi ka socda dowladda fedaraalka waxaana hoggaaminaya wasiirka gaashandhigga Gen Maxamed Xasan Xaamuud balse wafdigaas waxa ay weli aaney galin Baladxaawo mana cadda sababta ay u gali la’yihiin magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Nicholas Kay iyo wafdi gaaray Jowhar

Jowhar (Caasimada Online)- Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaa maanta oo Sabti ah gaaray wafdi uu hoggaaminaayi wakiilka gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicholas Kay.

Wafdiga ayaa la sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada johar waxaana hadda kulan ay albaabada u xiran yihiin kula jira mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha dhexe, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Jowhar.

Sidoo kale waxa ay la kulmi doonaan qeybaha bulshada, kuwaasoo ay kala hadli doonaan xaaladda guud gobalka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan xarunta Jowhar.

Wafdiga danjiraha waxaa ku jira mas’uuliyiin ka socda hay’adaha UNICEF, UNDP, UNOCHA iyo FAO sida uu Bar-kulan u xaqiijiyay sarkaal ka mid ah Qaramada Midoobay oo ku sugan Jowhar.

Danjiraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka kubbadda cagta ee xaafadda Kulmis ka dejisay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah (helicopter), waxaana loo sii gudbiyay xarunta Xiriirka Shaqaalaha oo horay loogu sii diyaariyay.

Ammaanka Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalad gaaray ciidan gaar ah oo ka yimid Muqdisho kuwaasoo ka qeyb qaadanaya uun sugidda ammaanka wafdiga ku sugan magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Duulimaadyada tooska ee YURUB illaa Muqdisho oo kordhay (Yaa ku biiray?)

Duulimaadyada tooska ah ee isaga kala gooshaya magaalooyinka Yurub qaarkood iyo magaalada Muqdisho, ayaa sii kordhaya.

Shirkada Diyaarada Fly Olympic ayaa kusoo kordhisay Duulimaadyo Dheeri wadanka Somalia si ay ugu fududaato safarkooda Soomaalida ku nool waddamada Europe ee haysta sharciyada yar.

Shirkaddan oo horey u billowday duulimaadyo isaga kala gooshaya Muqdisho, Stockholm iyo London ayaa waxa ay shaacineysaa in ay kusoo kordhisay Duulimaad cusub oo ah Athens, caasimada Greece ilaa Mogadishu, oo ah non-stop.

Dadka ku nool wadamada Norway, SWEDEN, DANMARK, HOLLAND iyo dhamaan wadamada kale ee Europe waxaa ay ku kulmi doonaan Athens kadib waxaa ay ka raaci doonan diyarada kale ee aadeysa Mogadishu.

Sidoo kale waxaa aad loo jabiyay qiimaha ticket-ka lagu tagayo Somalia, Haddii aad Sweden Ka baxeyso oo aad Tageyso Mogadishu Qiimaha waa inta u dhaxeysa 7000Kr ilaa 9500 oo lacagta Sweden ah.

Hadaba si aad uga faa’iideysato diyaaradan tooska u tagi doonta Mogadishu iyo qiima dhimista dhanka ticket-ka fadlan la xariir ama Booqo webka www.flyolympic.se/booking

SWEDEN: 0046 (8) 24 84 80
UK: 0044 (0)20 3695 2020

Hadii aad Dooneyso qeybta Soomaalida fadlan wac si laguua caawiyo

Ahmed 46 (0)707 65 4698

Bashiir 46 (0)700065000

Video: Oday Somali ah oo sheegay in 2 nin ay weerar qaniinyo kusoo qaadeen

0

Dhacdo cajiib ah oo ka dhacday magaalada Durban ee dalka Koonfur Africa taas oo aheyd Dhacdo yaab leh, waxaana Lasoo Bandhigay oday soomaliyeed oo Laysku dayey In La Cuno.

Wariye Deeq Darajo oo soo Wareystey Odaygaasi Soomaaliyeed, Wuxuuna soo bandhigay meelaha laga Qaniinay, iyo Sidoo kale waxa goobtaasi ka dhacay, Arintaan ayaa noqotay mid aad looga hadal hayo magaalada Durban ee ay ka dhacday Arintaani ee nala daawo adaa yaabi doonee.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

 

Muxuu A/Madoobe ka doonay Jabuti?

Kismaayo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba, Axmed Maxmaed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka amabaxay magaalada Kismaayo isagoona ku wajahan dalka Jabuuti.

Sidda la sheegayo Axmed Madoobe wuxuu casuumaad ka helay madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle oo isna safar ugu maqan dalka Maraykanka.

Xog badan lagama hayo wax yaabaha ay ka hadli doonaan labada nin balse waxaa warar lagu kalsoon ay muujinayaan in Axmed Madoobe uu kala hadli dooni Ismaacil Cumar siddii dowladiisa ay taageero u siin lahayd maamulka KMG ah ee Jubba.

Axmed Madoobe waxaa la socday xubno ka tirsan maamulkiisa.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa hadda u muuqda mid ka madax banaan dowladda fedaraalka Soomaali si iskiina uu xiriir ula galaayo dalalka dariska ah.

Axmed Madoobe ayaa horrey ula kulmay madaxda dalka Itoobiya iyo Kenya kuwaasoo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Kenyatta oo ka hadlay wixii ka dhacay dalkiisa si aad ahna u qeylo-dhaamiyey

Nairobi (Caasimada Online)- Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada isagoona ka warbixiyay qaraxyada galabta ka dhacay Suuqa Gikomba ee ku yaalla Nairobi.

Ugu yaraan 1o qof ayaa la sheegay in ay ku dhintayn labada qarax ku dhawaad 100 qof waa ay ku dhaawacmeyn sidda ay lee yihiib booliska.

“Argixisada ma dhalin Kenya waa kuwa jirra adduunka oo dhan sidda Nigeria iyo Afghanistan, waa kuwa weerarray London, New York, Boston, Kabul iyo meelo kale oo caalamka ah waa in loo mi doobaa siddii loola dagaallami lahaa” ayuu yiri Kenyatta.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in marnaba aaney argagixisada Kenya u oggolaan doonin in dalkooda qalqal galiyaan wuxuuna sheegay in laga adkaan doono.

Mr. Kenyatta ayaa sheegay in la adkeen doono ammaanka Kenya.

Dhinaca kale, wuxu madaxweynaha baaq u diray beesha caalamka isagoo yiri ” Kenya waxa ay u baahan tahay garab istaag maadama ay mareyso xaalad halis ah”

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay tilmaamay tallaabada reer galbeedku muwaadiniintooda uga baxsanayaan dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Madaxweyne Xasan oo ku dhowaaqay in uu xilka iska casili doono haddii….

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud, ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay khilaafka kala dhexeeya isaga iyo xubno ka tirsan baarlamaanka, isagoona si cad ah u sheegay haddii xildhibaannabada baarlamaanka ee ka soo horjeeda ka gar naqsadaan oo ay wax yaabaha ay ku eedeenayaan ay noqdaan kuwa sax ah in uu xafiiska baneenaayo.

Madaxweynaha oo xaley ka hadlaayay xaflad lagu maamuusaayay sannad guurradii ka soo wareegtay aas-aaskii ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL oo lagu qabtay Villa Somalia, ayaa sheegay in haddii warqadda loo keenay ee ahayd in uu casilo haddii wax yaabaha lagu eedeeyo sax noqdaan in uu ka dagaayo xafiiska.

“Xildhibaannada sharrafta leh ee dhawaan ii keenay warqadda, walaaca ay qabaan haddii uu sax yahay oo uu annaga iyo quseeyo waxaan diyaar u ahay in aan meesha ka baxo haddii ay jiraan cid kale oo ay ku socoto waxaan diyaar u nahay in aan meesha ka saarno, laakin ma rabno in dalkan uusan meesha ka dhaqaaqin, 20-kii billood ee la soo dhaafay wax badan oo noo qabsoomay ayaa jirta, wax badan oo aan qaban karnay oo aan ka gaabinay waa ay jiraan, wax badan oo noo dhimman waa ay jiraan, laakin horrey aan u wadno dalka, waayo bisha January ee soo socda waxaa u buuxsami doonta 25-sanno in aan dowlad la’aan ahayn” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha wuxuu kaloo sheegay in uu diyaar u yahay in uu la fadhiisto xildhibaannada ku kacsan si meesha looga saaro khilaafka meesha yaalla.

Muxuu ka yiri Imaaraadka Carabta in ay isaga diiddan yihiin?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud, ayaa si cad ah u beeniyay warar ay qorayn Websit-yada oo ah in dowladda Imaaraadka Carabta ay dhaqaale siisay xildhibaannada madaxweynaha ka dalbaday in uu is-casilo,kuwaasoo doonaya in madaxweynaha meesha laga saaro ama la dumiyo dowladda fedaraalka.

Wuxuu sheegay in warkaas uu been yahay oo waxbo aaney ka jirin sidda uu hadalka u dhigay isagoona intaas ku daray in Imaaraadka Carabta ay dalka ka wadaan mashaariic horrumarineed oo dalka anfacaya.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay weli meel sare uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo xubno ka tirsan baarlamaanka kuwaasoo doonaya in madaxweynaha meesha laga saaro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Xubno Damu-Jadiid ah oo si qarsoodi ah ula shiray SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Xisbiga PDP ahna Ergayga gaarkaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safaro qarsoodi ah ku tegay magaalada Hargeysa ee Somaliland sida ku cad muuqaalo iyo xog aan helnay.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Talada Somalia hayo {PDP} Saadad Mohamed Ali ayaa Magaalada Hargeysa shirar qarsoodiya kula leh Wasiiro ka tirsan Maamulka Somaliland.

sad2Lama oga Saadad Mohamed Ali iyo Wasiirada Somaliland waxay ka wada hadlayaan hase yeeshee safarkiisa ayaa ku beegan xilli ila wareedyo muhiima xaqiijiyeen in Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji Cali socdaal qarsoodiya ku tegay Muqdisho, dhowr maalmood ka hor.

sad1Ergayga ka socda Xisbiga Peace and Development Party wuxuu bishoo April safar ku tegay Garowe,wuxuuna halkaas kula kulmay Madaxweyne Cabdiwali Gaas.

sad3Sida muuqato Somaliland waxay gashay heshiis qarsoodiya oo ay kaga laabatay qadiyadii hore looga mamnuucay in Siyaasiyiinta Dowladda Somalia ka tirsan booqan karaan degaanada maamulka Somaliland.

sad4Saadad oo qabiil ahaan u dhashay beesha Raxanweyn wuxuu ka mid yahay Kaadiriinta sare ee Urur diimeedka Damujadiid, wuxuuna sidoo kale ka mid yahay Saraakiisha Nabadsugida Dowladda gaar ahaan guutada sida Amniyaadka u tababaran ee Ruuxaanta loo yaqaan.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

“C/Weli Gaas haddii uu cabasho qabo ha yimaado Xamar” Waxaa sidaas yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdullaahi Quuri oo ka mid ah qurba joogta Soomaalida, si weynna ugu dhuun-daloola arrimaha Soomaaliya, oo aragtidiisa ka dhiibanayey hadal ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Cabdullaahi Cumar (Cameey) oo sheegay in weli uu halkiisii yahay khilaafkii ka dhexeeyey Puntland & Dowladda Federaalka ayaa ku tilmaamay hadalkaasi doc-doceyn ay Puntland ku dooneyso in sed-bursi aaney xaq u laheyn ay kaga hesho dowladda Soomaaliya, wuxuuna Madaxda dowladda ugu baaqay inay hadaladaasi aaney dheg u dhigin.

Dr. Quuri, wuxuu sheegay in qoddobada ay ku doodeyso Puntland in ay isku afgaran laýihiin dowladda inuu yahay qoddobo shaki lagu gelinayo jiritaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo Puntland ay dooneysa in hab qoraalka qoddobkaasi loogu qoray dastuurka in laga dhigo in caasimada Muqdisho laga wareejin karo, wuxuuna qorshahaasi ku tilmaamay mid riyo ah.

“Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho gorgortan ma galeyso, waana astaanta Qaranka, maba laga wadahahadli karo. keliya waxaa ka wadahadli kara Soomaali isu tagtay oo afti inta iska qaaday meel kale u codeeya, laakiin qabiil keligiis inta meel istaago inuu yiraa caasimada ha la bedelo wax la qaadan karo ma ahan, R/wasaaruhuna waa in uusan ku kaadsoomin” ayuu yiri Quuri.

“C/weli Gaas haddii uu cabasho qabo waa in uu isagu Xamar yimaado oo sida madaxda maamulada kale loo qaabilo, dowladda ha naga deyso in ay noo sanduuleyso maamul ka mid ah maamulada Soomaalida, maamulkaas oo ah maamul qabiil ku saleysan. R/wasaare C/weli Sh. Axmed Maxéd haddii uu booqasho ku tagayo Soomaaliya oo Puntland na ay ka mid tahay meelaha uu ku tegayo waa wax suurtageli kara, laakiin meesha ay ka leedahay Puntland dowladdu heshiiskii bey inooga baxday inooma imaan karto, halkaas shaki weyn baan ka qabnaa, heshiisyadaasna waa kuwa dhaawacaya ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Cabdullaahi, wuxuuna intaa ku daray in xilligii uu R/wasaaraha ka ahaa xukuumadda (Cumar C/rashiid) inuu jiray heshiis marin habaabin ahaa oo markii dambe na lagu qalday R/wasaare Saacid, oo uu baarlamaanku laalay.

“Heshiiskaasi wuxuu ahaa kii uu Cumar C/rashiid soo saxiixay ee uu baarlamaankana uu ku gacan seyray. Qaladkii uu ku dhacay Ex. R/wasaare Saacid wuxuu ahaa markii uu u saxiixay in Puntland ay leedahay wax allaala wixii Soomaaliya loogu talogalay 25%, waxaan u soo jeedineynaa in dowladdu ay arrintaasi si mug leh kaga fiirsato, Yaa Soomaali tiriyey oo yiri “Puntland waxey Soomaaliya ka tahay 25%” ayuu yiri Cabdullaahi Quuri.

“Maamul goboleedyadu waxaa kuwa ka tarjumaya danaha qabiilkooda, dowladduna waxey madax ka tahay waddanka oo dhan, maamul ka mid ah maamul goboleedyada inay dowladda u hanjabaan waxey liidnimo ku tahay dowladda, waana in dowladdu aaney ka hoos qaadin hadalada ka soo yeeraya maamulkaas” ayuu yiri Dr. Quuri, wuxuuna xusay in maamuladu ay isku daysan karaan, oo mid hadalka ka soo yeera uu kan kale la iman karo, isaga oo ugu baaqay doorka dowladdu inay tahay in hannaan cadaaladeed in ay kula dhaqanto Gobolada dalka oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaanno diyaarinaya mooshin DF loogu wareejinayo dekedo muhim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay diyaarinayaan mooshin lagula xisaabtamayo maamulada ka jirta dalka, gaar ahaan Puntland, Jubba-land & Galmudug si dowladdu ula socota miisaaniyada dhaqaale ee ka soo xaroota dekadaha & garoomada ay maamulaan maamuladaasi.

Xildhibaan Jaamac Cabdullaahi wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dhaqaalaha soo gala maamuladaasi in dowladda dhexe ey waajib ku tahay in iyadu ay maamusho, loona qeybiyo maamulkaasi & dowladda dhexe.

“Dekadda Boosaaso dowladda Talyaaniga ayaa dhistay, waxaanna loo dhisay Qaranka Soomaaliya. Hal qabiil ayaa siduu doono u maamusha. Dekadda Boosaaso waxey canshuurtaa badeecad kasta oo Soomaaliya gees ka gees u socota, lacagtaas maxey Puntland uga soo xareyn weyday Qasnada Qaranka.? Iyadoo la ogyahay xildhibaanada ka soo jeeda Puntland mushaarka ay qaataan in dowladdu ay ka bixiso canshuurta ka soo xaroota dekadda & Garoonka Muqdisho” ayuu yiri Xildhibaan Jaamac, wuxuuna intaa ku daray in Wasaaradaha ku shaqada leh Federaalka ay baarlamaanka ka sugayaan in ay hor keeneen qorshaha miisaaniyadeed ee maamuladaasi.

“Haddii maamuladu aaney kala shaqeyn dowladda isu dheelitirka miisaaniyada, waxaan kula talinayaa Ganacsatada badeecooyinka ka soo dagsanaya dekadaha hoostaga maamulada in ay Xamar u soo wareegeen ama dekado macmal ah sameystaan.” ayuu yiri Xildhibaan Jaamac, wuxuuna xusay in canshuurtu halbowle u tahay wax ka qabashada adeegyada bulshadda oo caafimaadka & waxbarashadu kow ka tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

NICHOLAS KAY oo sheegay in hal arrin laga doonayo DFS iyo shacabkeeda

Muqdisho (Caasimada Online)-Dood cilmiyeed ay soo qaban qaabisay machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa maanta oo Khamiis ah lagu qabtay waxaana su’aallo lagu weydiiyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key.

Waxaa su’aalaha weydiinaayay khubaro kala duwan oo la socda siyaasadda dalka iyo howsha uu hayo xafiiska UNPOS ee QM hoosta kaasoo muddo sannad hadda ka shaqeenaya dalka.

Marka horre Mr Key ayaa ka hadlay bal wax yabaha u qabsoomay xafiiska uu madaxda ka yahay ee UNSOM, wuxuuna sheegay in mudda ay jirayn ay door ku lahaayeen wax yaabo horrumar ah oo dalka ka dhacay sidda in maamulada qaar iyo dowladda la heshiisiiyo.

Wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda looga baahan yahay in la yimaadaan tallaabooyin horrumar ah oo lagu gaari in sannadka marka uu yahay 2016-ka doorasho ay ka dhacdo dalka.

Doodda ay Heritage Muqdisho ku qabatay
Doodda ay Heritage Muqdisho ku qabatay

Markii uu hadalka dhammeestay danjire Key, waxaa la weydiiyay su’aallo dhowr ah oo ay ka mid tahay xiriirka isaga iyo Somaliland, wuxuu sheegay in Somaliland loo diiday oo uusan tagi karin markii arrimi siyaasadeed ay soo baxayn balse ma uusan faah-faahin.

Wuxuu ka hadlay howgallada ka socda dalka ee la doonayo in looga xorreeyo wuxuu muujiyay in UNSOM ay door ka qaatay taageerada AMISOM iyo ciidanka dowladda.

Waxaa kaloo la weydiiyay in dalka ay ka dhaci karaan doorasho marka laga gaaro 2016-ka, wuxuu sheegay marka hadda la eego sidda wax loo wado iyo wax yaabaha dhimmaan in aaney suuragal noqon doonin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]