31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

NICHOLAS KAY oo sheegay in hal arrin laga doonayo DFS iyo shacabkeeda

Muqdisho (Caasimada Online)-Dood cilmiyeed ay soo qaban qaabisay machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa maanta oo Khamiis ah lagu qabtay waxaana su’aallo lagu weydiiyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key.

Waxaa su’aalaha weydiinaayay khubaro kala duwan oo la socda siyaasadda dalka iyo howsha uu hayo xafiiska UNPOS ee QM hoosta kaasoo muddo sannad hadda ka shaqeenaya dalka.

Marka horre Mr Key ayaa ka hadlay bal wax yabaha u qabsoomay xafiiska uu madaxda ka yahay ee UNSOM, wuxuuna sheegay in mudda ay jirayn ay door ku lahaayeen wax yaabo horrumar ah oo dalka ka dhacay sidda in maamulada qaar iyo dowladda la heshiisiiyo.

Wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda looga baahan yahay in la yimaadaan tallaabooyin horrumar ah oo lagu gaari in sannadka marka uu yahay 2016-ka doorasho ay ka dhacdo dalka.

Doodda ay Heritage Muqdisho ku qabatay
Doodda ay Heritage Muqdisho ku qabatay

Markii uu hadalka dhammeestay danjire Key, waxaa la weydiiyay su’aallo dhowr ah oo ay ka mid tahay xiriirka isaga iyo Somaliland, wuxuu sheegay in Somaliland loo diiday oo uusan tagi karin markii arrimi siyaasadeed ay soo baxayn balse ma uusan faah-faahin.

Wuxuu ka hadlay howgallada ka socda dalka ee la doonayo in looga xorreeyo wuxuu muujiyay in UNSOM ay door ka qaatay taageerada AMISOM iyo ciidanka dowladda.

Waxaa kaloo la weydiiyay in dalka ay ka dhaci karaan doorasho marka laga gaaro 2016-ka, wuxuu sheegay marka hadda la eego sidda wax loo wado iyo wax yaabaha dhimmaan in aaney suuragal noqon doonin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Abwaanad caan ah oo ka yabsatay Soomaalida Stockholm

0

Abwaanad Dhoofo Khaliif oo Boqolaal Soomaalida ku nool Magaalada Stockholm ka yaabisay xaflad soo dhaweeyn ah oo loogu sameeyay Magaaladaasi kadib markii ay sheegtay arin ka yaabisay Hooyooyinka Soomaalida ee kaligood nool ama loo yaqaano Singel Mother-ka.

Hadaba Muuqaalkani ayaa aad kaaga qoslin doono ee nala daawo ayadoo muuqaalkani aad ka dheehan karto nolosha dhabta ah ee ka jirta Sweden iyo sida ay familada soomaalida u nool yihiin.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Axmed Madoobe oo wafdi sare u diray Buulo-Xaawo iyo xog la helay ujeedka

Doolow (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Doolow ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas galabta ay gaarayn wafdi ballaaran oo ka socda maamulka Jubbooyinka.

Wafdiga waxaa hoggaaminaaya madaxweyne ku-xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Gen Cabdulaahi Ismaacil Fartaag, waxaana ay Doolow u tagayn siddii ay damin lahaayeen xiisad ka taagan degmada Balad-xaawo.

Wararkii ugu dambeeyay ee caawa naga soo gaaray Doolow ayaa sheegaya in wafdiga ay kulamo la lee yihiin maamulka iyo saraakiisha ciidanka Degmada, waxaana ay kala hadlayaan siddii loo ogaan lahaa wax yaabaha sababta u ahaa xiisadda ka taagan halkaas.

Dhinaca kale, Waxaa Ceelwaaq ka ambabaxay wafdi uu hoggaaminaayo abaabduulaha ciidamada dowladda ee Jubbooyinka iyo Gedo, Korneel Cabaas, wuxuuna isna qeyb ka yahay dadka doonaya in la damiyo colaadda ka aloosan Baladxaawo.

Sidoo kale Garbahaareey waxaa isna gaaray wasiirka gaashandhigga xukuumadda, Maxamed Cali Xaamuud, waxaana uu ku wajahan yahay Buulo-xaawo si uu uga qeyb qaato daminta colaadda ka taagan magaaladaas.

Magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo waxaa maalin ka hor ka dhacay dagaal khasaaro dhimmasho iyo dhaawac geestay, waxaana dagaalladaas uu ka dhexeeyay ciidamo kala taageersan maamulada Doolow iyo Baladxaawo.

Dad badan ayaaa aaminsan in dagaalka Buuloxaawo ay ku lug lee yihiin maamulka KMG ah ee Jubba, kaasoo taageero siiay maamulka Doolow.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xildhibaannada wada mooshinka ka dhanka ah Favori, yaa soo laaluushay?

Shirkada SKA oo horey u maamuli jirtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si qasab ahna Xukuumadii hore ee R/Wasaare Saacid uga wareejisay Maamulida Garoonka Diyaaradaha ayaa hada qarash badan ku bixineysa sidii Baarlamaanka u eryi lahaa Shirkada Favori ee hada gacanta ku heysa Maamulida Garoonka .

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo xaqiijiyay in Shirkada SKA ay ku dadaaleyso sidii meesha looga saari lahaa Shirkada laga leeyahay Dalka Turkiga ee Favori taa oo kala wareegtay SKA maamulida Garoonka Aadan Cadde kadib heshiis ay la gashay Xukuumadii hore.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada waxaa hor yaala cod ay u qaadayaan in Shirkada Favori ay sii maamusho Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magalaada Muqdisho iyo in shirkadaasi laga eryo Howlaha ay garoonka kawado.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo lacago kasoo qaaday Shirkada SKA iyo meelo kale ayaa wada qorshe ay Xildhibaanada uga dhaa dhicinayaan in garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde laga wareejiyo Shirkada laga leeyahay Dalka Turkiga ee Favori.

Bulshada Qeybaheeda kala duwan ayaa kasoo horjeeda in Shirkada Favori oo balan qaaday in dib u dhis casri ah ku sameeneyso Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde in laga joojiyo shaqada , waxa ayna tilmaameen in arintaasi laga yaabo in ay saameyn ku yeelato Mashaariicda Dowlada Turkiga ka fulineyso Magaalada Muqdisho.

Shirkada SKA ee horey looga wareejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa dadaal badan iyo qarash ku bixisay sidii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde looga wareejin lahaa shirkada laga leeyahay Dalka Turkiga lamana oga go’aanka ugu dambeeya ay Baarlamaanka ka qaadan doonaan Shirkada Favori ee maamusha Garoonka Aadan Cadde.

Isha: Allbanaadir

DF oo ka war-heshay qorshe Kenya ay ka damacsan tahay HARGAYSA (XOG)

Nairobi (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga carootay go’aan la sheegay in ay dowladda Kenya ku gaartay inay xafiis diblomaasiyadeed ka furato magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka Somaliland.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa cadadkiisii doraad baahiyay in sababta ay dawladda Somaliya ugu yeeratay safiirkeedii Kenya joogay Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), oo markii hore loo fasirtay inay la xiriirto xarig loo gaystay diblomaasi safaaradooda ka tirsan, ay hadda cadaatay in sababta loogu yeeray ay ahayd caro ay dowladda Soomaaliya ka qaaday laba xafiis oo ay dawladda Kenya ka furanayso magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland iyo magaalada Kismaayo ee maamulka Jubba, iyadoon waxba lagala socodsiin.

Wargeyska ayaa xusay inay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan raysal wasaarahooda Cabdiweli Sheekh Axmed uu dowladda Kenya u qoray dhambaal uu kaga dalbanayay in la tixgeliyo. Laakiin wargeysku muu raacin wax jawaab ah oo ay dawladda Kenya ka bixisay, balse wuxuu tilmaamay in jariiradu isku dayday inay la xiriirto wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed, si wax looga weydiiyo xafiiska ay Kenya ka furanayso magaalada Hargeysa, taasina aanay suurtogelin, waxaanu tilmaamay inuu sidoo kale xiriiro la sameeysay saraakiil kale, kuwaas oo iyaguna ka gaabsaday inay ka hadlaan, xaasaasiyada ay arrintani leedahay darteed.

Hadalkan la sheegay inuu qoray wargeyska ka soobaxa dalka Kenya ayaa ku soo aadaya iyadoo Safiirka soomaaliya u qaabilsan dalka Kenya danjire maxamed Cali Ameeriko uu doraad sheegay in dowladda Kenya jawaab rasmi ah ka bixisay xariggii qun sulkii soomaaliya ee ay ciidamada Kenya xireen.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

XOG cusub oo laga helay lacag XASAN Sheikh uu siiyey xildhibaano diidanaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya xildhibaanno 33 gaaraya oo horey ay Caasimada Online u sheegtay inay ka laabteen dalabkoodii ahaa is-casilaadda madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo-xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweynaha Somalia uu xildhibaannadaas midkiiba ku aamusiyey lacag gaareysa 20 kun oo dollar, si ay u joojiyaan cadaadiska ka dhanka ah isaga.

Madaxweynaha Somalia, oo sidan oo kale u laaluushay xildhibaannadii riday ra’iisul wasaare Saacid, ayaa la sheegay inuu qaaday tallaabadan isaga oo rumeysan in haddii aan si deg deg ah loo laaluushin xildhibaanada ay badan karaan, taasi oo keeni karta in xilka laga qaado.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale ay jiraan xildhibaanno gaaraya illaa 20 oo madaxweynaha uu la ballansan yahay toddobaadkan, si ay ayaguna u qaataan lacag taas la mid ah, ugana tanaasulaan dalabka is-casilaadda.

Lacagta sidan loogu tagrifalayo, waa tii umadda Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa.

Madaxweynaha oo aad uga walaacsan cadaadiska cusub ee soo food saaray, ayaa dhinaca kale shalay qaabilay odayaashii soo xulay xildhibaannada, isaga oo ka codsaday inay la hadlaan xildhibaanada una sheegaan in ay tanaasulaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XASAN Sh. ma u qalmaa fursad labaad?

10-kii September 2012-kii, ayey Xildhibaanadda Barlmaanka cusub ee Federalka Somalia waxay cod aqlabiyad leh ku doorteen Prof. Xasan Sheekh Maxamuud Calasow inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Tartankii Doorashadda oo ay isaga iyo Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed isugu soo hareen ayaa waxaa lagu xusuustaa inay tahay Habeen Taariikh Qaran leh, maadaama la doortay Madaxweyne cusub.

Jawiga magaalladda Muqdisho iyo kan Madasha Barlamaanka wax ku dooranayeen waxa ka jirtay Jawi Nabadeed oo farxad ku sidkanayd, waxayna dadku si laabsan ugu farxeen Doorashadda Qaranka ee ka dhacayso gudaha caasimadda dalkeenna ee Muqdisho.

Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo uu nasiibku ka hiiliyey ayaa kasbaday inay Xukuumadiisii si nabadgeliyo xambaarsan ku wareejiyaan Maamulkii Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu horey uga mid ahaa Hawlwadeennaddii Ururadda Bulshadda Rayidka iyo Bare Jaamacadeed ayaa lagu han weynaa inuu Kartidiisa Aqoonyahanimo la kaashan doono sidii uu Ummadda ugu horseedi lahaa Dowlad-wanaag, Nabad iyo Mustaqbal Aayatiin xambaarsan.

Laakiinse, Doorashadiisa ayaa noqotay mid Ummadda u jiheynayso Wadiiqo gudcur oo Aayatiin-xumo xambaarsan.

Maalgashi Mashaariic lama abuurin, Ganacsatadda Soomaalida iyo kuwa Shisheeyaha ma haystaan Dhiirigelin iyo Damanaadqaad, waxayna Hay’adaha Maaliyadda Dowladda ka badin waayeen inay Dakhliga Dekedda iyo Airporka ku takri-falaan, canshuurtiina noqotay hanti dhaxal u ah Madaxda iyo Hawlwadeennadda Xafiisyadda iyo Hay’addaha lagu naas-nuujiyo.

Dalku waxa uu gundaha la sii galay dagaallo iyo amni-xumo, iyo shaqo la’aan baahsan, waxaana sara kac ku yimid Qiimaha Maciishadda, iyo hoos-u-dhac ku yimid Shillinka Soomaaliga oo ah Lacagta Qarankeenna.

Xeeldheerayaasha ayaa qiimeyn silloon ku asteeyey muddada uu Madaxweyne Xasan hayinka u hayo Dowladda Federalka, waana arrin aan garowshiyo lahayn in uu Madaxwynuhu fulin waayo Ballanqaadkiisii uu ku awr-kacsanayey si mar uun loo doorto.

Xildhibaano miisaan ku dhex leh Barlamaanka Federalka ayaa dareen Qaran ka dhawaajiyey labo isbuuc ka hor, kadib, markii ay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqeen inuu iska casilo xilkaasi.

Talo-soo-jeedinta Xildhibaanadda ayaa lagu tilmaamay mid lagu soo beegay xilligii loo baahnaa, maadaama caburnaan siyasaadeed, shaqo la’aan, Nin Tooxsi, Walaahow Bulsho iyo amni-xumo baahsan ka jiraan dalka.

Xildhibaanadda Talada-soo-jeediyey ayaa tooshka ku ifiyey Waxqabad La’aanta Madaxweynaha iyo inuu ku fashilmay ballanqaadkiisa 6-da tiir ee dhalanteedka sii noqonayo.

Beer-laxawsiga Siyaasadeed, Casuumaad kharaj siyaasadeed “ISBEESO POLITIKO”, Warbaahino lala galo Qandaraasyo aysan ku buunbuunin Karin Tal-soo-jeedinta Xildhibaanadda, abaabulka Dibadbaxyadda lagu ayidiyo Madaxweynaha ayaa muujinayso Fashilka Siyaasadeed ee Madaxweynaha Qaranka.

Kala-qoqobka Xildhibaanadda iyo in dhexdooda buuq laga dhex furo ayaa u muuqata mid aan lagu aamusin Karin Xildhibaanadda Mooshinkaasi soo abaabulay oo iyagu Bulshadda ka muteystay Magac iyo Haybad iyo in lagu sharfo Waddaniyiin u daacad ah Qarankooda.

Madaxweynaha ayaa ka biyo-diidsan Talo-soo-jeedinta, wuxuuna Xildhibaanadda La-taliyey ku tilmaamay kuwo Fikirkooda Siyaasadeed u madax-bannaan, laakiin Madaxweyne waxa uu xaqiraad aan loo meel dayin ku hor-joogsaday codka Xildhibaanadda.

Madaxweynaha waxa uu malaha illaabay in Xildhibaanadda maanta kula talinayo inuu xilka ka dego inay yihiin kuwii Saldannadda uu maanta fadhiyo u doortay.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Talada Xildhibaanadda waa mid muqadas ah, waxaana habboon Madaxweyne inaad ka fekerto waxa kaaga hirgalay 6-dii Qoddob ee aad Ummadda ugu ballanqaaday inaad wax ka qaban doonto iyo waxay Xildhibaanadda Waddaniyiinta kuu qoonsadeen, kuuguna baaqeen inaad Xilka ka degto, si Madaxweyne wax qaban kara loo doorto, illayn Fashil haddii uu yimaado, Masiirka Ummadda ayaa ka miisaan culus.

Dareenka Taagan iyo Su’aalaha u baahan in jawaabahooda dhabta ah la fahmo.

Dareenka Shacbiga oo ruxay talo-soo-jeedinta Xildhibaanadda Waddaniyiinta ee Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu is-casilo.

Ma dhab baa Ololaha lagu doonayo in lagu aamusiyo Talo-soo-jeedinta Xildhibaanadda dhabta ka hadlay ?

Yaa la siiyaa Kharaj-siyaasadeedka ee lagu qaldayo Mujtamaca, laguna doonayo in lagu shiiqiyo Talada Wanaagsan ee Xildhibaanadda Waddaniyiinta ee u danqaday dadka iyo dalka hooyo ?

Yaa mudan Danta Madaxweynaha iyo Aayaha Qaranka?

Ma dhab baa inuu Madaxweynuhu ku fashilmay taabagelinta lixda qoddob ee tiirka u ahaa Ballanqaadkii uu ku dhawaaqay habeenkii loo doortay Xilkaasi ?

Madaxweynuhu oo rumeysaninay Xildhibaanaddii isaga dooratay u madax-bannaan yihiin oo keliya aragtidooda siyaasadeed?

Ayada la eegayo dhammaan arrimahaas, Madaxweyne Xasan Sheekh ma u qalmaa inuu xilka sii hayo, oo fursad labaad la siiyo>

 

SAWIR: FAARAX C/Qaadir “Damu-Jadiid waa ay isaga kalsoon tahay mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeed cusub oo uu sameeyey Amiin Caamir, ayaa hogaamiyaha kooxda Damu-Jadiid iyo ninka uu Xasan Sheekh dhageysto, Faarax Cabdul Qaadir waxa uu ku muujinayaa in kooxdiisa haysata talada dalka Soomaaliya ay isku kalsoon tahay inaan Xasan Sheekh la ridin, haddii la ridana uu ku beddeli doono Wasiirka amniga Cabdikariim Guuleed>

15_may_2014 copy

MUQDISHO oo lagu qabtay arrin lagu farxo oo dadka soo xasuusisay in…

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacday xaflad ballaaran oo lagu maamuusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.

Munaasabadda oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaa khudbad ka jeeyayay ra’isulwasaare Cabiweli Sheekh Axmed,isaga oo ka hadlay ahmiyadda ay 15-ka May u leedahay ummadda Soomaaliyeed iyo doorka ay dhalinyaradu ka qaadan karaan horumarka dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ballan qaaday in xukuumadiisa ay wax ka qaban doonto shaqo la’aanta ka jirta dalka gar ahaan Muqdisho.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, ayaa soo sheegaya in xafladda si weyn looga dareemay magaalada oo dhan maadama lagu arkayo dhallinyaro xiran calanka Soomaaliya iyo fannaanado ay ku qoran yihiin magaca SYL.

Waxaa lagu wadaa in munaasabadaha lagu weyneenaayo maalinta SYL ee 15ka May in maanta oo dhan ay magaalada ka socon doonto, iyadoona kolkan ku soo aaday maalin fasax oo ardayda ay fasax ka yihiin iskiuulka iyo Jaamacadda.

Ururkii gobonimo doonka ee SYL ayaa la aasaasay sannadku marka uu ahaa 1943-dii waxaana maanta laga joogaa 71-sanno.

Ururkan ayaa door muhiim ah ka soo qaatay in Soomaaliya ay madaxbanaani ka hesho gurmeestihii Faransiiska, waxsaana laha aas-aaskiisa 18-dhallinyaro ah kuwaasoo u istaagay in door ka qaataan siddii ay heeryada gumeystaha u qaadi lahaayeen dalkeena.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu diyaar garowday sannadkan munaasabadda 15-MAY oo ah maalin loo asteeyay dhallinyaradda Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SOMALILAND oo ka faa’iideysaneysa karti-xumida haysata XASAN SHEEKH

Maamulka Somaliland ee ka taliya Waqooyiga Soomaaliya, sida Gobollada Waqooyi Galbeed, Togdheer, Awdal iyo qeybo ka mid ah Gobolada Sool iyo Sanaag waxaa dhismahiisa iska kaashaday Siyaasiyiintii hogaamineysay Jabhaddii SNM iyo qaar ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Awdal iyo Sanaag.

Siyaasiyiintii ka dambeesay dhisida Maamulka Somaliland gaar ahaan Beesha Isaaq ayaa ku celceliya in dhibaato xoog leh loo geystay Beeshaasi, Sidaa daraadeedna ay go’aansadeen in ay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale. Waxa ay sheegeen in si xun loola dhaqmay dadka reer Waqooyiga ah, islamarkaana aan si cadaalad ah loo qeybsan awooddii dalka maadaama midowgii uu u dhaxeeyey Labadii qeybood ee isutagay ee Koonfur iyo Waqooyi.

Doodda ay qabaan Walaalaheena reer Waqooyi, gaar ahaan Beesha Isaaq ee ah in ay dhibaato xoogan u geysatay Dowladdii Dhexe ee Militariga iyo in aan si cadaalad ah loo qeybsan awooddii dalka midowgii ka dib, ayaa ah arin ay qirsan yihiin Soomaali badan oo aan Anigu ka mid ahay, waana sababta looga aamuso habdhaqanka foosha xun ee ay sameeyaan Maamulka Somaliland, sida in ay dad ku xirxiraan Magaalooyinka ay maamulaan, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa sidii ay ula dhaqmeen Waftigii ka socday Dowladda Federaalka ee transit-ka ku ahaa Madaarka Hargeysa.

Aamusnaanta ay Dowladda Federaalka ka aamusan tahay ficilada xun xun ee ay geystaan Maamulkan, ayaa fariin khaldan u dirtay Siyaasiyiinta taageersan Maamulkaas ilaa ay Maanta ku dhiiradeen in ay yiraahdaan waxaan qabsaneynaa dhammaan deegaanada loo yaqaanay Somaliland ee uu Ingriisku haystay. Isbalaarinta ay Wadaan Maamulka Hargaysa ayaa abuuri karta dhibaato aad u weyn hadaan Maanta laga hortagin.

Siyaasiyiinta reer Somaliland gaar ahaan kuwooda taageersan gooni-goosadka, ayaa ku eedeysanaa markii hore siyaasaddooda kala goynta dalka, ayaa hadda waxa ay bilaabeen in ku duulaan deegaano aan laga taageersaneyn qadiyadda Somaliland, iyagoo adeegsanayo kuwa colooshooda u shaqeystayaal ah oo ka soo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag.

Dhibaatada, caburinta iyo dhul balaarsiga ay sameynayaa Maamulka Somaliland, Ayaa mudaba soo jiitameysay, iyagoo ka faa’iideysanayey Siyaasad xumida haysata Dowladda Federaalka waana sababta igu kaliftay inaan maqaalkan qore si aan u garab istaago dadka reer Sool iyo Sanaag ee ku mintidayo Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed. Waxaana leeyahay ku mintida Midnimada iyo Wadajirka dalkan sidaad Shalayba ugu mintideen la dagaalankii Gumeystaha.

Maamulka Somaliland iyo taageerayaashiisa ayaa sameynaya Maanta wixii ay Shalay ka cabanayeen ee ahaa dulmi, caburin iyo layn dad aan danbi lahayn, Hadaba sideebay suurtagal u tahay in aad sameyso wixii aad Adiguba Shalay ka cabaneysay? Maamulka Siilaanyo ayaa ka faa’iideysanayo karti xumida haysata Xasan Sheekh, waana sabab ay ugu duulayaan deegaano aan laga taageersaneyn gooni-isutaagga Somaliland si ay u qabsadaan dhul ballaaran inta aan la gaarin 2016.

Waxaa runtii wax lala yaabo ah in aysan ka hadlin Culimada ku nool deegaanada uu ka taliyo Maamulka Somaliland dhibaatadu uu gaysanayo Maamulkan uu hogaamiyo Siilaanyo, waxaana loo qaadanayaa aamuskooda in ay raali ka yihiin dulmiga iyo gardarada uu sameynayo Maamulka mar hadaysan ka hadlin dulmigaasi, waana Masuuliyad ay dayaceen Culimadaasi haddii Rabbi yiraahdana lagula xisaabtami doono.

Waxaa Iyadana wax laga xumaado ah, in aysan Dowladda Federaalka uga hadlin sidii la rabay faragelinta iyo duulaanka uu Maamulka Siilaanyo ku hayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag ee aaminsan Midnimada iyo Wadajirka Wadanka Soomaaliya, waxaanse yaableh waxa looga hadli la’yahay gardarada ay wadaan kuwa kala dhantaalayo Midnimada iyo Wadajirka Wadanka mase jirtaa qadiyadd ka muhiimsan Midnimada Wadanka?

Waxaa Iyadana aan aad ula yaabay, Sida ay uga aamuseen Siyaasiyiinta Soomaalida iyo Maamulada ka jira dalka sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed khudbaddii uu Siilaanyo ka jeedieyey Shirkii Xisbiga Kulmiyo, taas oo uu kaga hadlay Midnimada dalka, waxa uuna Axamed Siilaanyo hoosta ka xariiqay in aysan dib danbe ula midoobeynin Soomaaliya inteeda kale. Anigu waxa aan garan la’ahay waxa ay u taagan yihiin Maamul goboleedyadan iyo waxa loo dhisay mar hadaysan ka hadlaynin waxyaabaha ka dhacayo dalka.

Guud ahaan dadka ku nool gobolada ay maamulaan Maamulka Somaliland, gaar ahaan dadka reer Awdal, Sool iyo Sanaag waa inay ku mintidaan Midnimada iyo Wadajirka Wadanka, waayo waa masuuliyad waajib ku ah Qof kasta oo Wadani ah. Waxaan leeyahay reer Khaatumo inkasta oo aad ku jirtaan marxalad adag oo ay dhinacyada idinka saaran yihiin Labo Maamul oo qatar ku ah Soomaaliweyn iyo himaladeeda, hadana hiddo iyo dhaqan baad u leedihiin difaaca Soomaalinimada iyo wadajirkeeda insha alaahu taariikhduna wey idin xusi doontaa siday Shalayba u xustay Daraawiish iyo dadkii taageerayba.

Taariikhdu ma xusto mana qorto jaajuus iyo dabadhilif intuba, waxaana tusaale noogu filan Daraawiish iyo dadkii taageeray, kuwaas oo Maanta lagu daraaseeyo wanaagoodii goobaha Waxbarshada, halka aan marna magacooda la xusin kuwii u shaqeyn jiray Gumeystaha ee Umadda lugoyn jiray, waxaa tusaale Labaad ah dadkii u soo halgamay Xornimada iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed sida SYL oo kale.

Waxaan soo jeedinaya talooyinkan hoos ku Qoran oo aan isleeyahay waa wax ku ool:

  1. Waxaan u soo jeedinayaa Culimada ku hoos nool Maamulka Somaliland in ay u sheegaan Siyaasiyiinta reer Somaliland qiimaha ay u midnimadu u leedahay Umadda Soomaaliyeed, islamarkaana ay uga digaan Maamulka cawaaqibta ka dhalan karta gardarada iyo duulaanka uu ku hayo deeganada Khaatumo.
  2. In ay qaataan Cuqaasha iyo Salaadiinta reer Somaliland doorkooda ku aadan Umadda Soomaaliyeed ee cadowgu dhinac kastaaba ka cunayo islamarkaana ay ka shaqeeyaan Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.
  3. In ay joojiyaan Maamulka Somaliland gardarada iyo dulmiga uu ku hayo dadka Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda kala goynta dalka gaar ahaan dadka ku nool gobolada Awdal,Sool iyo Sanaag
  4. In ay joojiyaan Siyaasiyiinta reer Somaliland jahawareerinta ay ku hayaan jiilasha soo koroyo ee ay ku beerayaan naceybka iyo colaadda dadkooda, islamarkaana ay ka tanaasulaan gooni-isutaagga iyo kala qeybinta dalka.
  5. In ay Siyaasiyiintu reer Somaliland ogolaadaan in ay Somalidu si dhab ah u wadahadasho islamarkaana la dhiso dowlad dhexe oo xoog leh oo ku taagan shuruuc adag..

Cabdullahi Ibrahim
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Video: KENYA oo soo rogtay sharciyo cusub oo ka dhan ah Soomaalida Islii

0

Dowlada Wadanka kenya ayaa war aan farxad gelin Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Wadankaasi soo saaray kadib Cabsi dhinaca amaanka wadankaasi soo wajahday awgeed oo loo soo saaray arimo caqabad ku ah Soomaalida ku nool wadankaasi.

Hadalkani ka soo yeeray Dowalda Kenya ayaa ah in qof aan sharci wadan uusan raaci karin Basaska nuuca BL-ka ah ee ka dhex shaqeeya gudaha wadanka taas oo dhibaato ku ah Soomaalida ku nool Wadanka Kenya ama Xaafada Islii oo badi anan heysan wax sharci ah ee nala daawo arintani caqabada ku ah Soomaalida reer Islii.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Magacyada & beelaha 16ka gudoomiye ee degmooyinka Gobolka BANAADIR

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhameestiray isbadalka lagu sameenayay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoona maalin kahor xilka uu la wareegay Gudoomiyihii ugu dambeeyay ee ka harsanaa 16-ka Degmo .

Hadaba waxaan halkan idinkugu soo gudbin doonaa sida ay u kala qaateen Degmooyinka Qabaa’ilada loo tiriyo Gobolka Banaadir iyo Magacyada Gudoomiyaasha Cusub ee Degmooyinka Gobolka Banaadir

Halkan ka Aqriso Magacyada iyo Qabiilada Gudoomiyaasha

1-Axmed Xasan Yalaow, Degmada–Kaaraan (Abgaal)

2- C/fataax Nuur Cali, Degmada Shibis (Abgaal)

3-Cismaan Maxamed Cadaawe, Degmada Yaqshiid (Abgaal)

4- Qaasim Cabdullahi Xasan, Degmada Boondheere (Abgaal)

5-Aadan Maxamed Cumar, Degmada Dharkeenley (Abgaal)

6- Axmed Cabdulle Afrax, Degmada Wadajir (Abgaal)

7-Cismaan Muxudiin Cali, Degmada Cabdi Casiis (Abgaal)

…………………………………………………………………………………………………..

8-Axmed Cusmaan Dhoore, Degmada Xamar Jajab (Habar Gidir)

9-Yaasiin Nuur Ciise Degmada, Wardhiigley (Habar Gidir)

10- C/Qaadir Cali Kulane Degmada, Hodan (Habar Gidir)

11- Maxamed Axmed Xaashi, Degmada Hiliwaa (Duduble)
………………………………………………………………………………………….

12- Ciise Maxamuud Guure, Degmada Dayniile (Murusade)

13- Axmed Nuur Cabdi Siyaad, Degmada Howl-wadaag(Murusade)
………………………………………………………………………………………………..

14-C/Qaadir Maxamed C/Qaadir (Carab), Degmada Xamar weyne (Reer Xamar)

15- Saciid Cabdi Qaadir Saciid, Degmada Shangaani (Reer Xamar)
………………………………………………………………………………………………..

16-Maxamed Muumin Maxamed Gudoomiyaha Degmada Waabari (Xawaadle)

Isha: Allbanaadir

Warbixin: Xasan Sh oo xal ka raadiyey odayaasha xilli is-casilaad laga sugayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud,ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay odayaasha soo doortay xildhibaannada baarlamaanka isagoona kala hadlay arrimo xasaasi ah.

Madaxweynaha ayaa odayaasha dhaqanka ku ammaanay doorkii ay ka soo qaatayn dhismaha dowladda uu hoggaamiyo, isagoona kala hadlay xaaladda dalka iyo siyaasadda soo cusboonaatay.

Madaxweynaya ayaa la sheegay in uu odayaasha kala hadlay khilaafka u dhexeeya isaga iyo xildhibaannada baarlamaanka kuwaasoo dhawaan ka dalbaday in uu is-casilo kaddib markii sidda ay sheegayn uu ku guuldarreestay wax yaabihii laga rabay.

Waxaa la sheegayaa in uu madaxweynaha ka codsaday odayaasha dhaqanka in ay iska soo dhex xulaan guddi loo tababbarro marka uu khilaaf uu soo kala dhex galo madaxda dowladda.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay odayaasha in loo baahan yahay in ay soo bartaan sidda loo xaliyay khilaafaadkii ka dhacay waddamo ku yaalla Afrika

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn odayaasha ugu baaqay dowladiisa iyo dalka si dalka aaney uga dhicin khalkhal siyaasadeed.

Si kastaba, Odayaasha dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku khilaafsan sidda laga yeelayo baaqa loo soo jeediyay madaxweynaha ee ah in uu is-casilo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sarkaal Ahlu-Suna ahaa oo lagu dilay..

Luuq (Caasimada Online)-War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in caawa lagu dilay degmada Luuq ee gobalka Gedo sarkaal ka tirsan Ahlu Sunna.

Kooxo hubeysan ayaa toogtay guddoomiyihii maxkamadda Ahlu Sunna ee Luuq, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Dhagaxlaqe.

Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in ay baxsadeyn sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, dilka sarkaalkan Ahlu Sunna in uu la xiriiro dagaalka ka socdo Buulo-Xaawo.

Dagaalka ka socda Buulo-xaawo ayaa la sheegay in uu dhexeeyo maleeshiyaad kala taabacsan Ahlu Sunna iyo maamulka degmada Doolow.

Ma jirto cid ka hadashay dilka sarkaalka Ahlu Sunna ee lagu dilay caawa degmada Luuq.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Lacagta Shilin Somaliga oo ka yaabisey dhaqaalyahannada adduunka, Sabab?

Muddo hadda laga joogo 23 sano ayaa dawladdii dhexe ee Soomaaliya dhacday, hay’adihii dhaqaalaha iyo maaliyaddu burbureen, sharcigii iyo kala dambeeyntiina suuleen. Haddana lacagta shilin Soomaaligu weli way shaqaysaa, waana firfircoon tahay . Waa arrinta ka yaabisey aqooynyahannada dhaqaalaha adduunka oo soo jiidatay dareenkooda. Daraasado, qoraallo iyo dood-cilmiyeed xiiso badan ayaa ka socda jaamacadaha iyo bogagga internetka adduunka qaarkood. Waxaa la isweeydiinaya maxay tahay sababta suurtogelisey in lacag dawladdeedii dhacday 23 sano ka hor oo weliba la been-abuuray ay weli wareegto oy wax goyso? Maxaase darsi ah oo laga baran karaa? Mise loo heli karaa qiil ku salaysan culuunta dhaqaalaha?

Waxaan qoraalkan uga golleeyahay in aan ardayda jaamacadaha Soomaaliya, siiba qaybaha dhaqaalaha, ku dhiirri geliyo in ay ka qaybqaataan dood-cilmiyeeddan. Waa mawduuc ku habboon in laga diyaariyo daraasadda ama buugga qalin jebinta (thesis).

Dib u milicsi kooban ee taariikhda lacagta

Taariikhda lacagtu waa ka qotodheer tahay mid halkan lagu soo koobi karo. Waxay soo martay waayo, heerar iyo habab kala duwan illaa la soo gaaray sannadkii 1880 . Waa xilligii adduunkoo idil uu ka hirgalay habka dahabka ku saleeysan (Gold Standard) oo xeerinayey in dawlad kasta oo habkaas qaadatay ay qiimaha lacagteeda ku salayso tiro go’an oo dahab ah, isla markaasna ballanqaaddo in ay lacagteeda xaashida ah u beddeleyso dahab (lacag adag) mar allaale iyo markii laga codsado. Tusaale ahaan, geniga Ingiriisku wuxuu waagaas u dhigmay 113 grain oo dahab ah. Taas oo micnaheedu yahay in qofkii haysta hal geni oo xaashi ah loogu beddeleyo dahab dhan 113 grain markuu codsado.

Habkii Dahabku wuxuu burburay dagaalkii koowaad dhexdiisii markay dawladihii dagaalamayey kharash badan u baahdeen, dabadeedna suuqa soo galiyeen lacag farabadan oo aan loo hayn dahab daboola. Dagaalkii ka dib, in badan ayaa la isku dayey in la soo celiyo habkaas, waase lagu guuldarreystay. Gebi ahaan, wuxuu habkaasi hannaanka lacagaha adduunka ka baxay bishii Agoosto 1971 markii Madaxweeyne Nixon uu doollarka Maraykanka ka xarig-furay dahabka dhibaatadii dhaqaale ee dagaalkii
Fiyetnaam (Vietnam) ka soo gaartay awgeed. Lacag iyo dagaal isu daranaa. Innagaba shilinkeenna loogama horrayn dagaalkii Itoobiya.

Habkii Dahabka raadkiisii weli wuxuu ka muuqdaa geniga Ingiriiska. Bal u fiirso, geniga ama lacagta Ingiriiska o idil waxaa ku dul qoran oraahdaan: “I promise to pay the bearer on demand the sum of” oo ah: “Waxaan ballanqaadayaa inaan siiyo markuu codsado qofka sita xaashidan tiro dhan” oo waagii hore ahayd tiro dahab ah; haddase waa wixii xaashidu kuu goyso (fadlan fiiri sawirka kore).

Habkii Dahabka hadalhayntiisii weli ma dhammaan. Sida la xusuusto, murashixii Xisbiga Jamhuuriga ee madaxweeynenimada Maraykanka Ron Paul wuxuu u oloneeynayey in dib loo soo celiyo Habkii Dahabka.

Lacagta ma dawlad baa socodsiisa?

Ka dib markii Habkii Dahabku burburay, lacagtii waxay ku soo hartay xaashi (paper money) aan waxba ku tiirsaneyn sida dahab ama shay kale oo qiimo leh oo saldhig u noqda. Haddaba su’aal da’ weyn oo la isweydiiyey ayaa waxay ahayd, maxaa dadka ku khasbay in ay hantidooda, maalkooda iyo muruqooda dhaafsadaan xaashi la xardhay oo iyadu naf ahaanteeda (xaashiyahan) aan lahayn qiime ama nafac u gaar ah (intrinsic value); Su’aashas si looga jawaabo, waxay aqoonyahannadii dhaqaalaha ee hore soo bandhigeen aragti la yiraahdo “Chartal Theory of Money” ama aragtida lacagta ee xaashida ku dhisan”. “Chart” waa xaashi afka Laatinka. Aragtidaasi waxay qabtaa in waxa lacagta xaashida ah socodsiinaya ayan ahayn dahab iyo qalin ay ku xiran tahay, balse ay tahay dawladda oo amartay in lacagtaas lagu bixiyo canshuuraha. Maadaama bixinta canshuurtu tahay khasab, waxaa iyana khasab noqoneysa in lacagtaas xaashida ah la isticmaalo oo ay dhaqan gasho. Teeda kale, lacagtu waxay qiime ku sii yeelanaysaa dawladda oo sharciyeysay in wixii deyn ah oo la isku leeyahay in lagu bixiyo lacagtaas (legal tender). Waxa kale oo weheliya, dawladda oo lacagtaas ku bixineysa kharashkeeda oo sidaas suuqa ku soo gelineysa. Aragtidaas waxaa amminsanaa aqoonyahanno waaweyn oo uu ka mid ahaa aabbihii culuunta dhaqaalaha Adam Smith.

Aragtidaas kore waxaa buriyey oo bar-kuma-taal ka dhigay shilin Soomaaliga oo 23 sano soconayey iyadoo ayan jirin dawlad awood leh oo lacagta soo saariddeeda iyo maamulkeeda xukunta. Oo waa yaabe, haddayan dawladi jirin maxaa shilinka wada? Muxuu ula dhici waayey dawladdiisii? Muxuu suuqa uga bixi waayey? Waa tan arrinta xiisaha badan dhalisey. Waxaa la isweydiiyey oo hadday dawladda Maraykanku dhacdo, doollarku ma socon doonaa?

Waxaan halkan hoose ku so qaadayaa sababihii loo arkay in ay socodsiinayaan shilinkaSoomaaliga.

Shilinku ma isagaa iskiisa isaga socda?

Aqoonyahannada qaarkood oo shilinka-Soomaaliga ka faallooday waxay cuskadeen aragti loogu yeeray “ Inertia of Historical Acceptance” oo qabta in oggolaanshaha lacagta xaashida ahi ay iskeeda isaga socoto oo ay salka ku hayso taariikhda. Haddii si kale loo dhigo, lacagtu waa wax dadku ku soo dhaqmeen, u barteen, qaayibeen; sidaas ayeyna ku soconeysa, waxna iska beddeli mayaan haddii aan la helin xoog ka horyimaadda oo dooriya. Tusaale ahaan: maalintii dawladdii Soomaaliyeed dhacday lacagtii xaashida ahayd ee maalintaas socotey ayaa dabcan la isticmaalayey. Sababtoo ah maalintaas, maalintii ka horraysey ayaa lagu dhaqmayey, sannadkii ka sii horraysay ayaa sidoo kale la isticmaalayey, dawladdii hore ayaa laga dhaxlay, tii ka sii horraysay ayaa laga soo gaaray, sidaas ayeyna ku soconaysaa illaa inta laga la helayo xoog ka horyimaadda oo joojiya. Taasina weli ma dhicin.

Aragtidan, waxaa la dhihi karaa waxbaa ka jira. Waxaa daliil loo soo qaadan karaa lacagtii “N”da ee Cali Mahdi soo saaray ee hirgeli waydey. Waxa arrintaas sabab u ahayd, malahayga lacagtaas oo naqshad ahaan ahayd mid ku cusub suuqa oo aan horey loogu baran.

Shilinku ma dawlad sugaa?

Su’aal kale ayaa la isweydiiyey? La garay lacagtii dawladdii hore ka tagtay, maxaase loo aqbalay tii la been abuuray ee ka dambeysey?

Aqoonyahannada arrintan wax ka qoray waxay ku micneeyeen sababta lacagtii hore iyo tan been-abuurka ahba loo aqbalay in ay tahay bulshada Soomaaliyeed oo mar kasta ka rajo qabtay in dawlad la dhiso, dawladdaasina dib-u-habayn ku samayso habka lacagta, islamarkaasna la wareegto lacagta suuqa ku jirta nooc kasta ha ahaatee.

Ra’yigan naftiisu waa mid meesha ku jira. Waayo tan iyo 1991kii, waxa jirey dadaalo iyo shirar isdaba jog ah oo dawlad lagu yagleelayey ama lagu ridayey. Waxaa kalo aragtidaas xoojinaya qorshe ay dawladdii Shiikh Shariif ka tagtay oo ku saabsan lacag xaashi ah oo lagu daabacay dalka Suudaan, looguna talagalay in lagu beddelo lacagta kunka shilin ee hadda socota, haseyeeshee loo waayey awood dawladeed oo lagu fuliyo.

Armaa loo baahnaa in Shilinka la been abuuro?

Fikradahaas aqoonyahannadu soo jeediyeen waxaan ku dari lahaa laba arrimood oo suurtageliyey in lacagta xaashida ah ee 1000ka shilin ay suuli weydo: waxaa jirtay baahi dadku u qabeen lacag sarrif ah oo loo adeegsado ganacsiga iyo kharashyada yaryar. Sida la og yahay, ganacsiga iyo hawlaha waawayni waxay ku socdaan doolarka Maraykanka. Haseyeeshee, lama heli karo doolar sarrif ah sida 1; 5; 10; 25 senti iwm. Haddaan sarrif la heli Karinna waxaa xayirmaya dhaqdhaqaaqa ganacsiga yaryar oo ay ku tiirsan yihiin bulshada inteeda badan ee danyarta ahi. Dhankaas haddii laga eego 1. waxaa la oran karaa lacagta been-abuurka ahi waxay dabooshay adeeg muhiim ah oo loo baahnaa, sharciyaddeedu si kastaba ha ahaatee. Xagga sarrifka, waxaa hadda qayb weyn ka qaatay teleefoonka lacagta lagu shubo oo fududaysey ganacsiga yaryar oo aad moodid inuu shilinka suuqa ka saari doono

Taariikh hore intaan gumeystaha Talyaanigu la wareegin xeebta Banaadir, waxaa aaggaas ka socon jirey lacagtii loo yiqiin Maria Theresa oo qalin (silver) ahayd oo joogtay halka doolarku maanta joogo. Waxay ahayd lacag qiime leh oo loo isticmaali jirey hawlaha waaweyn. Xitaa diyada ayadaa lagu bixin jirey markaan geel la kala qaadaneyn. Waxaa kaloo suuqa wareegi jirey lacag ka samaysan macdan raqiis ah oo Cumaan iyo Sansibaar laga keenay oo la oran jirey Beeso oo sarrif ahaan loo isticmaali jirey sida shilinSoomaaliga (halkii Maria Theresa = 150 beeso). Sida hadda shilinku uga yaabiyey aqoonyahannada adduunka ayaa arrintaasina uga yaabisey saraakiishii Talyaaniga ee talada Xamar la wareegay sannadkii 1905.

2. Waxaa jira xad aanay dhaafi karin kuwa lacagta daabaca oo xakameeynaya hawlgalkooda. Xadkaasi waa kharashka daabacaadda xaashida 1000 shilin. Markii lacag badan oo been abuur ah suuqa la soo geliyo waxaa aad hoos ugu dhacaya heerka sarrifka shilinka illaa uu gaaro heer qiimaha xaashi-lacageedda ee kunka shilin (face value) uusan dabooli karin kharashka daabacaaddeeda. Waxaa markaas istaagaya daabacaadda lacagta. Ka dib markii muddo la joogo waxaa xogeysanaya heerka sarrifka shilinka. Sarrifku, sida la ogsoon yahay, wuxuu ku xiran yahay dalabka (demand) iyo bandhigga (supply) lacagaha. Waxaa jirta in doolar badani dalka ka soo galo jaaliyadaha dibedda, dhoofinta, deeqda shisheeye, burcad-badeedda iwm. Haddii aan markaas shilin cusub la soo gelin suuqa, kii horena duugoobo oo googo’o, waxaa xoogeysanaya sarrifka shilinka. Markii taasi dhacdo, waxaa soo noqoneysa faa’iidadii laga helayey lacagta been abuurka ah, oo dhiirigelinaya in lacag cusub la daabaco illaa uu sarrifku mar kale aad hoos ugu dhaco. Haddaan tusaale u soo qaato, markii heerka sarrifka doolarku gaaro 1USD = 30,000 ShSo. waxaa istaagaya dabacaaddii lacagta sababtoo ah Kun shilin waxay u dhigantaa 3 senti oo lacagta doolarka ah. Saddex sentina waa kharashka ku baxaya xaashida uu ka samaysan yahay kunka shilin oo weliba aan lagu darin kharashka rarka, dejinta iyo ammaanka lacagta.

Waa xeer xukuma lacagta. Haddii sheyga lacag ahaan loo isticmaalayo aan si xad dhaaf ah loo soo saari Karin oo uu jiro wax xayiraya ama tashiilaya soo saariddiisa, sheyegaasi wuxuu yeelanayaa qiime, wuxuuna helayaa kalsooni. Xayiraaddu waxay ku imaan kartaa kharashka daabacaadda oo aan isbixinayn sida shilinka ku dhacday, ama xilkasnimada dadka maamula lacagta, ama shayga lacagtu ka samaysan tahay oo macduun ah sida dahabka. Si kastaba ha ahaatee, mar haddii uu jiro xayndaab ilaalinaya soo saaridda lacagta, waxa hubaal ah in lacagtaasi yeelaneyso qiime. Waa taas sababta ugu weyn ee shilinku uu u dhiman waayey. Si xayndaabkaas looga gudbo, dawladaha aan xakameeyn Karin sicirbararku waxay alaaba kordhiyaan “Zero”yinka lacagta. Bil matal, Zimbabwe waxay mar soo saartay xaashi boqol tirilyan oo Zimbabwe doolar ah (100,000,000,000, 000). Waxaa xusuus mudan in doolarkii Zimbabwe qarxay. Hadda waxaa dalkaas laga isticmaala lacago qalaad sida US dollar, Euro, Yuan iwm. Iiraan oo iyana cunqabateyntu curyaamisey waxay qorsheyneysa in ay daabacdo xaashi 200,000 oo Riyaalka dalkaas ah. Dawladda Soomaaliya waxa Iyana la sheegay in ay soo waddo xaashi-lacageed 50,000 shilin ah.

Gabagabo

Arrimaha Soomaaliyeed oo idil ayaa ka yaabiyey adduunweynaha. Waxa weliba ka sii yaabiyey lacagta shilin-Soomaaliga oo burisey qaaciidooyin dhaqaale oo soo jireen ahaa. Uma maleyn kartid xiisaha arrintaasi abuuurtay iyo doodadah ay ka dhex aloostay aqoonyahannada dhaqaalaha qaarkood. Waxaan rajeynayaa in qoraalkani ku dhiirri geliyo jaamacadaha tirada badan ee Sooomaaliya ka jiraa in ay iyaguna ka qaybqataan dood-cilmiyeeddaan.

W/Q Maxamed Dalmar
Email:[email protected]
——————
Maxamed Dalmar waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo ahaa Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, islamarkaana barre ka ahaa kuliyadii Dhaqaalaha ee Jaamacada Soomaaliyeed. Dalmar waxa uuu ka faaloodaa arimaha dhaqaalaha oo uu ku soo qoro degelkan WardheerNews.

DAAWO Wareysi: GAAS: $40 Million oo qaan ah buu nooga tagay FAROOLE

Garowe (Caasimada Online) – Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi dheer siiyey Telefishinka Puntland ayaa ka hadlay caqabadaha ay la kulmeen markii ay xilka qabteen iyo waliba safaradiisii ugu danbeeyey.

Gaas oo ka waramay safaradii uu ku tagay gobalada uu maamulka Puntland ka kooban yahay, ayaa sidoo kale ka hadlay xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ee gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Gaas ayaa sheegay in Dowlada Puntland fulin doonto waxa Dastuurkeeda ku qoran ee ah difaacida dadka iyo dalka Puntland.

Dhaqaalaha Puntland

Gaas ayaa sheegay in wakhtigii ay qabteen xilka ay la wareegeen deyn badan oo ay ka tagtay xukuumadii ka horeysay, deyntaasi oo gaareyso 40 milyan oo dollar oo ka maqneyd khasnada Dowlada, arrinta ayaa saameyn ku yeeshay hawlo badan oo ay dowladiisa qorsheenaysay inay qabato.

“…Meesha markaan nimid dhaqaale ma oolin 40 milyan oo deyn ah baan ugu nimid…” ayuu yiri Gaas oo ka jawaabayey su’aal la xariirta qaban qaabada shirweynaha dib u sixida siyaasada Puntland ee lagu wado in la qabto bisha soo socota ee June.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka codsaday shacabka Puntland inay bixiyaan canshuuraha si dakhliga dowlada uu u noqdo mid lagu kabi karo adeegyada Bulshada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in hada ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u fulin lahaayeen 4 arrimood oo muhiim ah:

Isbedal lagu sameeyo Amniga Puntland
Isbedal lagu sameeyo Cadaalada Puntland
Shaqo Abuuris iyo Wax soo saarka dalka
Dib u dhiska iyo Maalgelinta Kaabayaasha Dhaqaalaha

Gaas oo ka hadlay safaradii uu ku tagay gobalada Puntland ayuu sheegay inuu kusoo arkay baahi badan iyo waxa ay rabaan shacabka Puntland, isagoo sheegay in wax badan ka qaban doonaan baahida kajirta dhamaan gobalada dalka.

Halkan ka daawo Wareysiga oo dhameystiran:

Daawo Video: Isbadalka & Horumarka ka socdo Magalada Muqdisho maanta.

0

Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka soconayaa horumaru dhinacyo badan leh marka loo fiiriyo Sanadihii ugu dambeeyay, ayadoo sanadkaan Magaaladu ay ku soo badanayaan magaalada wax yaabo aan horay looga aqoonin.

Muqdisho maanta bilic ahaan iyo Muuqaal ahaan wax weyn ayaa iska badal dhanka ganacsigana magaalada waxaa lagu arkayaa isbadal dhinacyo badan leh ee nala daawo Muuqaalkii ugu dambeeyay & Muuqaalka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

XAMAR: Xaawo Jeesto oo geeriyootay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho,waxaa maanta oo Arbaca ah lagu aasay fannaanada weyn ee Xaawo Yuusuf Cali (Xaawo Jeesto), oo ka mid ahayd fannaaniinta muddo dheer fanka ku soo jirtay.

Marxuumada ayaa la sheegay in ay u geeriyootay xanuun in muddo hayay, gaar ahaan waxaa madaxa uga dhacay xanuunka Kansarka, kaasoo waxbo looga qaban waayay dalka gudihiisa, sidda ay lee yihiin ehelkeeda.

Allaha ha u naxariisto fannaanada ayaa ka tirsanayd 35-sanno kooxda ONKOD ee ciidanka Asluubta Soonaaliyeed, waxana muddooyinkii ugu dambeesay ku biirtay kooxda Qeylo dhaan ee fadhigooda uu yahay London.

Waxaa la sheegay in marxuumad Xaawo Jeesto ay ahayd guddoomiyaha Qeylo Dhaan ee Muqdisho.

Marxuumadda ayaa la sheegay in aaney waxbo dhalin sidda ay lee yihiin ehekeeda.

Marxuumadda waxaa lagu aasay qabuuro ku yaalla dugsiga tababarka ciidanka booliska ee Jeneraalka Kaahiye.

Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha Caasimada Online waxa ay tacsi gaar ah u dirayaan ehelkii iyo asxaabtii ka baxday marxuumad Xaawo Jeesto, waxaana ay lee yihiin kitaabkeeda midig allaha ka siiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Turkiga oo warbixin cusub ka bixiyey kaashka uu siiyo Dowladda Somalia

Wasiirka arimaha Dibada dowlada Turkey Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in la’aanta kaabayaasha bangiga Soomaaliya ay lama huraan ka dhigtay in dhaqaalaha gargaarka ay si toos oo kaash ah u siiyaan dowlada Soomaaliya.

Ma jiro wax adeeg bank oo ka jira Soomaaliya,sidaasi ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Turkey, isagoo sheegay in dowladiisa bil kastaa ay ugu deeqdo dowlada Soomaaliya 4.5 Milyan oo doolar, waxii ka dambeeyay sanadkii 2013.

Wuxuu sheegay wasiirka arimaha dibada Turkey in taasi ay kaga gol leeyihiin mashaariicda kala duwan oo ay ka fulinayaan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dhaqaalahaasi uu ku dhaco gacanta dowlada.

Ma jiro dhaqaale kale oo gargaar ah oo aan Siino Soomaaliya marka taasi laga reebo , sidaasi ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Turkey.

Dhaqaalaha ayuu sheegay inay ku dhacaan gacanta masuuliyiinta dowlada iyadoo loo marsiinayo safaarada dowlada Turkey ay ku leedahay dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dhaqaalahaasi ay si toos ah kaga soo baxdo bangiga dhexe ee dowlada Turkey.

“DHaqaalahaasi waxaa bixintooda goob joog ka ah hogaamiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, wasiirka arimaha gudaha iyo maaliyada Soomaaliya, saxiixooda ayaana lagu bixiyaa” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka arimaha gudaha ee Turkey.

Caasimada Online

Xafiiska Istanbul

[email protected]

Ciidanka Itoobiya oo Baladxaawo isaga baxay iyo dagaallo laga cabsi qabo

Balad-xaawo (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Buul-xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad collaadeed, kaddib markii ciidankii Ethiopia ee magaalada joogay ka baxayn.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Shabaakadda Caasimada Online, in ciidanka Ethiopia ee magaalada ku sugnaa isaga baxayn xaley, waxaana magaalada isku hor fadhiya labo ciidano oo kala taageersan maamulka gobalka Gedo iyo Axmed Madoobe.

Ciidanka Ethiopia ayaa la sheegay in ay dib ugu laabtayn magaalada Doolow oo markii horre ay ka yimaadayn.

Xog badan lagama hayo sababta keentay in ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa Baladxaawo dib ugu laabtayn Doolow maadama magaalada ay isku hor fadhiyaan labo ciidan oo ka tirsan dowladda.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Buuloxaawo ka billowday barakac xooggan, waxaana la sheegayaa in shacabkii magaalada ku noolaa ay aadayn dhinaca iyo Mandheera.

Shaley ayey ahay markii labada ciidan ee isku horfadhiya Buulo-Xaawo ku dagaallamayn halakas, waxaana dalkooda ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]