31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Ciidanka Itoobiya oo Baladxaawo isaga baxay iyo dagaallo laga cabsi qabo

Balad-xaawo (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Buul-xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad collaadeed, kaddib markii ciidankii Ethiopia ee magaalada joogay ka baxayn.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Shabaakadda Caasimada Online, in ciidanka Ethiopia ee magaalada ku sugnaa isaga baxayn xaley, waxaana magaalada isku hor fadhiya labo ciidano oo kala taageersan maamulka gobalka Gedo iyo Axmed Madoobe.

Ciidanka Ethiopia ayaa la sheegay in ay dib ugu laabtayn magaalada Doolow oo markii horre ay ka yimaadayn.

Xog badan lagama hayo sababta keentay in ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa Baladxaawo dib ugu laabtayn Doolow maadama magaalada ay isku hor fadhiyaan labo ciidan oo ka tirsan dowladda.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Buuloxaawo ka billowday barakac xooggan, waxaana la sheegayaa in shacabkii magaalada ku noolaa ay aadayn dhinaca iyo Mandheera.

Shaley ayey ahay markii labada ciidan ee isku horfadhiya Buulo-Xaawo ku dagaallamayn halakas, waxaana dalkooda ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxkamadeynta madaxda dalka Kenya oo ay warar cusub kasoo kordheen

Nairobi (Caasimada Online) – Dacwadda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ee Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto iyo ninka la eedeeysan Joshua Arap Sang ayaa dib u bilaaban doonto Arbacada maanta ah (14-ka May), kadib dib u dhac kooban si loogu oggolaado xeer-ilaalinta wakhti ay ku keento markhaati, sidaana waxa sheegay Capital FM-ta Kenya.

Maxkamadaynta ayuu qorshuhu ahaa in dib loo bilaabo Isniintii kadib fasaxeedii saddexda todobaad ahaa ee ciid-diimeedka Easter-ka, laakin dib ayaa loo dhigay kadib markii ay xeer-laalintu ku guul-darreeysatay in ay maxkamadda horkeento markhaatigii.

Ruto ayaa Nairobi ka tagi doona Talaadada oo aadi doona The Hague taas oo waafaqsan shuruudaha iCC-da ee ah in uu soo xaadiro shanta maalmood ee ugu horreeya kadib fasaxa iyo “in uu shakhsi ahana u joogo marka ay dhibanayaashu soo gudbinayaan dacwooyinkooda”.

Maxkamadda ayaa filaysa in ay dhageeysato marag-furka markhaatiga P0028, oo sida ay sheegayso xeer-ilaalinta haya ‘xog hoose’ taas oo loo isticmaalay in lagu xaqiijiyo dacwooyinka loo haysto Ruto. Xeer-ilaalinta ayaa horay u sheegtay in dhageeysiga marag-furka markhaati P0028 uu qaadan doono bil.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

 

ARRIMO XASAASI ah oo lugaha la galay R/W Cabdi Weli iyo mas’uul xog bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin hore leh, ayaa xog cusub ku biiriyey shakigii horey looga qabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ahaa inuu maleeshiyo beeleedyo hubeeyey, dhowr gobolna colaad ka hurinayo, isaga oo u daneenaya maamulka Axmed Madoobe.

Culima’udiinka Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu ku lug lee yahay, dagaalada soo noq noqday ee ka dhacaaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Afhayeenka Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Al-qaadi), ayaa ku waramaaya in Ra’iisal Wasaaraha uu si toos ah ula saftay Maamulka KMG ah ee Jubba, sida horey ay u sheegeen mas’uuliyiin kale..

Afhayeenka, ayaa intaa raaciyay in Maamulka Jubba iyo Ra’iisal Wasaaraha, ay C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) u wakiisheen in uu dagaal ka ooggo buu yiri Degmada Beled Xaawo.

Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq, ayaa sidoo kale sheegay Ra’iisal Wasaaraha markii ugu dambeysay ee uu tagey Magaalada Addis Ababa, in ay isku soo arkayn C/rashiid Janan, isla-markaana uu Itoobiya ugu baaqay in ninkaasi la taageero.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Xuseen, ayaa qeexay maalmo ka hor in diyaarad hub u siday C/rashiid Janan ay ka caga dhigatay Degmada Doolow, si uu dagaal kaga geysto buu yiri Degmada Beled Xaawo.

Al-qaadi ayaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya dusha ka saaray in uu masuuliyadeeda qaadi doono, wixii dhiig ah ee ku qubto dagaalada Degmada Beled Xaawo iyo gebi ahaanba Gobolka Gedo, haddii kalana uusan faraha kala bixin waxa uu ka wado buu yiri Gobolka.

Al-qaadi, ayaa Ra’iisal Wasaaraha ugu yeeray in uu dib u heshiisiin u qabto Ummada uu ka soo jeedo, kana daayo buu yiri inay hubka isku qaateen, isna dilaan dhexdooda.

Tan iyo markii Cabdi Weli uu booqday Kismaayo, waxaa soo baxayey shaki ku saabsan inuu beelo gaar ah la saaxiibay, islamarkaana uu deegaano ka mid ah Jubbooyinka, Gedo iyo Shabeelaha Hoose ka huriyey colaado, isaga oo si gaar ah hub ugu qeybiyey maleeshiyo beeleedyo.

Baarlamanka Soomaaliya, ayaan weli ka hadal waxna ka weydiin ra’iisul wasaaraha Soomaaliya arrimo beeleedyada uu lagaha la galay.

Dhinaca kale Dagaalkii ka dhacay Degmada Beled Xaawo, ayaa sababay dhimashada 12 ruux iyo dhaawaca tiro kaloo intaa ka badan, iyadoo ay jiraan guryo dhowr ah oo ku gubtay Beled Xaawo, intii uu dagaalku ka sii soconaayay.

Dad badan, ayaa ka cararay guryahooda intii ay xabadu ka soconeysay Degmada Beled Xaawo iyo goobaha kale ee ku dhow dhow.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Soomaalida Kenya ku nool oo si gooni ah loo takooro kaddib markii Kenya…

Nairobi (Caasimada Online) – Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Nairobi ayaa soo sheegaya in Soomaalida ku dhaqan halkaas ay la kulmayaan dhibaatooyin waaweyn, waxaana hadda ugu darsamay marka ay basaska raacayaan in la weydiiyo ID Card ama warqaddo caddeenaya in uu heesto sharci, haddii laga waayo lama qaado.

“Basaska loo yaqaano Mataatuuga ee ka dhex shaqeeya gudaha Nairobi, waxa ay billaabayn in ID Card ama warqaddo sharci ku weydiiyaan inta aadan baska korin, marka aad soo korto adoo leh sharci xittaa waxa si gaar ah indhaha kuugu eegaya dadka kale ee ajnebiga ah gaar ahaan Kenyaanka, kuwaasoo ku arka in aad is qarxin rabto” ayuu yiri wariyaha halkaas noo jooga.

Basaska ka dhex shaqeeya Nairobi
Basaska ka dhex shaqeeya Nairobi

Waxaa la weydiiyay goorta ay arrintan soo billaabatay, wuxuu sheegay in labadii bil ee la soo dhaafay basaska dadweynaha ay billaabeen in aysan qaadan qof aaney wadan Aqoonsi ama ID Card.

Waa dhibaato kale oo la soo daristay Soomaalida ku dhaqan Nairobi, kuwaasoo waayahan la kulmaayay xarig, jirdil iyo xitaa in la musaafuriyo.

Ma jirto cid ilaa hadda ka had leysa dhibaatada lagu hayo Soomaalida Kenya, dowladda Soomaaliya waxaad moodaa mid ka gaabsatay dhibaatada lagu hayo muwaadiniinteeda.

Waxaa jirta in haween dhowr ah oo ku jiraan kuwa xaamilo ah in dabaq laga soo tuuray markii laga waayay lacag laaluush ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: Mataano gacmaha is haysta oo ku dhashay dalka Mareykanka

0

Gobolka Ohaio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ku dhashay laba gabdhood oo mataano ah kuwaas oo gacmaha is haysta.

Dhacdadan ayaa ka yaabisay caalamka, waxaana hadal haya warbaahinta caalamka Muuqaalka Mataanahaani isheesta gacmaha oo markii ugu horeeyay lagu arkay Wadanka Mareykanka ee nala daawo muuqaalkooda..

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

SAWIRRO: Kenya oo qorshe cusub soo dejisay kadib markii ay ku fashilantay isku daygii qunsuliyadda KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Kenya oo sanadihii ugu danbeeyay si weyn faraha ugula jirtay arrimaha Gudaha Somalia ayaa waxaay keentay qorshe cusub kadib markii u fashilmay qorshihii ay Qunsuliyad aan lagu wargalin dowlafda somalia uga furan lahayd Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Qorshaha Cusub ee Kenya hada la timid ayaa waxaa uu yahay in Kenya ay Isticmaasho Magaca Urur Goboleedka IGAD oo asagu sanadihii ugu danbeyay noqday urur ay ku qarabtaan Kenya iyo Ethiopia.

af1Maalmo ka hor waxaa Magaalada Kismaayo soo gaaray Wafdi la sheegay in ay IGAD yihiin balse ahaa 4 Diplomacy oo Kenyan ah oo 3 ka mid ah ay ahayeen xubnihii horay Magaalada Kismaayo u soo booqday ayago ku socda Magaca Qunsuliyada Kenya ee Kismaayo halka mid u ahaa Maxamed Cabdi Afeey oo asaguna Kenyan ah balse urur Goboleedka IGAD u qabilsan arrimaha Somalia, waxaana jiray xubin shanaad oo ka socday waddanka Ethiopia.

Sida ilo xog ogaal ah ay ino xaqiijiyeen Kenya ayaa Xafiis ka furatay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo waxaana Xafiskaasi u noqonaya mid labo waji loogu shaqeeyo.

af21- Xafiiskan ayaa waxaa uu ku furan yahay Magaca Urur Goboleedka IGAD waxana waqtiyada ay wufuuda IGAD timaado Kismaayo lagu soo dhaweyn doona xafiskaan.

2- Marka laga soo tago waqtiga koobaan ee wufuuda IGAD ay ku sugan yihiin Kismaayo waxaa inta kala Xafiiskaan ku shaqaysan doona wakiilo ay Kenya u soo magacaabatay Kismaayo kuwaas oo iskugu jira Diplomasiyiin iyo xubno ka socda Sirdoonka Waddanka Kenya.

Ujeedada ugu badan ee Xafiiskaani ay Kenya ka leedahay ayaa waxaa lagu sheegay in Xafiiskani uu diyaariyo in shan sano ka dib Gobollada Jubboyinka loo diyaariyo in siyaasad ahaan ay ka go’aan Soomaaliya.

af3Waxaa is-weydiin mudan sababta IGAD xafiis uga furaneyso Kismaayo, haddii uusan ahayn qorshe Kenya. Maxaa xafiiska IGAD diiday in laga furo Muqdisho, illeen ayadaa caasimadii Soomaaliya ah’e.

Dowlada Somalia ayaa ka jiifta qorsheyaasha ay Kenya ku damac santahay in qayb ka mid ah waddanka Somalia lagu dhigo kuwo siyaasad ahaan qeyb ka ah Kenya.

Isha: Kismaayo24

 

Danjire America oo bixiyey xog cusub oo ku saabsan xirirka Somalia & Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Sida uu qoray wargeyska Christian Science Monitor, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya aaney waxbo soo kordhineynin joogitaankoodana uu faa’ido u lahayn Soomaalida.

Siddaas waxaa yiri danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), wuxuu kaloo shegeay in xiriirka ka dhaxeeyay dowladaha Kenya iyo Somalia uusan xilligan ahayn mid wanaagsan sidaas darteedna uusan arag sabab ciidanka Kenya ay usii joogaan gudaha Somalia iyagoo wata magac nabad ilaalineed.

” Ma jirto wax xiriir ah oo ka dhexeeya labada waddan…Uma arki in ciidanka Kenya in ay u soo joogaan dalka iyagoo wata magac nabad ilaalineed,” sidaas waxaa yiri danjire Maxamed Cali Ameeiko.

Ma cadda wax yaabaha ku kalifay in uu sheego danjire Ameeriko oo shaley uun dib ugu laabtay Nairobi kaddib markii labo toddobaad ka hor ay u yeertay dowladda Soomaaliya, iyadoo markaas jawaab ka dhigeysa xariggii diplomaasi ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Nairobi.

Danjiraha wuxuu shaley saxaafadda u sheegay in dowladda Kenya ay raalli galin ka bixisay xarigii qunsulkii safaaradda.

Si kastaba, hadalka safiirka wuxuu muujinayaa in xiriirka Kenya iyo dowladda Soomaaliya uu xilligan yahay mid aad u xun.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Odayaashii soo xulay BFS oo ka shiray sida laga yeelayo madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ku shirsan odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka, waxaana ay ka dooddayaan sidda laga yeelayo baaqa ka soo baxay qaar mid ah mudanayaasha baarlamaanka, kaasoo ku saleysnaa in uu iscasilo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Odayaashan oo ku shiraya xarunta Villa Sudan ee ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa la sheegayaa in ay isku khilaafsan yihiin sidda laga yeelayo baaqay xildhibaannada, qaar badan oo odayaasha ayaa soo jeediyay in ay saxan yihiin xildhibaannada oo loo baahan yahay in madaxweynaha is casilo maadama uu ku fashilmay wax yaabaha laga rabay in uu qabto labadii sanno ee la soo dhaafay.

Sidda qorshaha uu ahaa, odayaashan maanta ayaa la rabay in ay la hadlaan saxaafadda, iyagoona soo saari bayaan cad oo ku aadan go’aanka xildhibaannada balse khilaaf iyaga soo dhex galay ayaa saxaafadda loo sheegay in dib loo dhisay shirka jaraa’id saxaafaddana waa lakala diray.

Maxaa sabab u ah in odayaasha ay is khilaafaan?

Labo arrin ayaa sabab u ahayd in odayaasha ay isku khilaafaan, waa midda koowaad, waxaa jiray odayaal badan oo taageersanaa baaqa ka soo baxay xildhibaannada ku kacsan madaxweynaha kuwaasoo ku maqnaa Hargeysa balse maanta yimid markii looo shegeay in la taageeray madaxweynaha.

Arrinta labaad ee jirta waxa weeye iydoo odayaasha qaar badan ay la kulmayaan cadaadis ka imaanaya dhinaca madaxweynaah iyo xittaa xildhibaannada ay soo doortayn.

La arki doonee waxa ka soo baxa odayaasha ku shirsan Muqdisho ee ka dooddaya baaqa ka soo baxay xildhibaannada baarlamaanka ee ku aadan in uu madaxweynaaha Is-casilo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Arag DOCUMENT-gii Is-casilaada looga dalbaday XASAN SHEEKH (Dhammaan magacyada iyoo saxiixa xildhibaanada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa heshay warqaddii xildhibaanno kor u dhaafaya illaa boqol ay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uga dalbadeen inuu is-casilo.

Waxaa warqadda ku yaalla dhammaan magacyada xildhibaanada doonaya is-casilaadda madaxweynaha iyo saxiixooda.

Waxaa sidoo kale ku qoran dhammaan qodobadii 14-ka ahaa ee madaxweynaha Somalia lagu eedeeyey loona sababeeyey dalabka is-casilaadda.

Halkan ka arag warqadihii ay heshay Caasimada Online

mooshin1mooshin2mooshin3mooshin4mooshin5mooshin6mooshin7mooshin8mooshin9mooshin10mooshin11mooshin12mooshin13

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

FAROOLE oo wixii aamusanaadaba ka hadlay arrimo xasaasi & hal arrin oo…

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynihii horre ee maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxammuud Faraale, ayaa beesha caalamka u sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jirro in dalka oo dhan laga hirgaliyo nidaalka fedaraalka sidda uu yiri.

Faroole oo lagu casuumay in uu Jaamacadda Rome (3) ku ee dalka Talyaaniga,ayaa ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, isagoona sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jirro kaliya nidaamka fedaraalka.

Axmed Faarax Idaajaa oo ka mid ah aqoonyahannada lagu casuumay munaasabadaas, ayaa VOA-da u sheegay in goobta ka sheegay in Soomaaliya aaney xal ugu jirin nidaama fedaraalka oo ah mid dibedda looga keenay.

“”Anniga waxaan goobta ka sheegay in Soomaaliya aaney xal ugu jirin nidaamka fedaraalka, oo ah mid dibadda looga keenay, laakin waxaan iri waan aaminsanahay in maamul hoosyada in loo madax baneeyo cid kasta,laakin madaxweynihii horre ee Puntland Faroole, oo isaga ka mid ah dadka aaminsan mab da’a fedaralka ayaa goobta ka sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jirro fedaraal oo xittaa Somaliland siddaas ayaa dib loogu celin karaa” ayuu yiri Idaajaa oo ah qoraa Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay oo kale Idaajaa, in beesha caalamka ee goobta joogtay aad u dhexeyn khudbadaha goobta laga soo jeediyay ee ku saabsanaa arrimaha Soomaaliya.

Faroole ayaa ka mid ahaa dadkii u ololeeyay in Soomaaliya laga hirgaliyo nidaamka fedaraalka oo hadda la dhihi karo Soomaalida wuxuu u horseeday dhib kale iyo colaad hor leh.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Roma

[email protected]

Video: Shacabka degmada Hodan oo isu xilqaamay nadaafada degmadooda

0

Shacabka ku nool Magaalada Caasimadda ee Muqdisho ayaa si weyn isku badalay hamigooda dhanka horumarka Bilicda iyo kan Nolosha kadib isbadal xoogan oo ka biloowday Magaalada Muqdisho, ayada oo shacabka ay billaabeen olole nadaafadeed.

Qaar ka mid ah Shacabka ku nool Degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan Hodan ayaa isugu soo baxay degmadaas, ayaga oo ka shaqeynaya qaadista qashinka, kadib roobab xooggan oo ka da’ay magaalada kuwaas oo is-beddel aan wanaagsaneyn sammeeyey.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Puntland oo war cusub kasoo saartay xiriirka go’an ee ayada iyo DF Somalia

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Cameey) oo wareysi gaar ah siiyay Talafishanka Somali Chenel ayaa ka hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid tahay xiriirka iyaga iyo dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe uu weli uu go’an yahay siddii uu go’ay markii uu xilka hayay Faroole sidda uu yiri.

Wuxuu tilmaamay in dowladda dhexe ay isbadal ku sameesay qoddobo dhowr ah oo ku yaallay dastuurka KMG ee dalka, taasna waxa xiriirka ay goosaday dowladii horre ayuu yiri.

“Mowqifka Puntaland isbadalay ma jirto, waxaama meesha ka baxay Faroole iyo Cabdisamad, waxaana yimid Cabdiweli Gaas iyo annigoo ah madaxweyne ku-xigeenka, balse dowladii kale waa ay dhisan tahay Puntland waa siddii, waa in la ogaadaa siddii uu go’ay xiriirka annaga iyo dowladda dhexe uu yahay siddii, waayo waxa ay waxay qoddobo badan ka badalayn dasuurka wax kalena waa ay ku soo darayn”ayuu yiri En Cameey.

Mar uu ka hadlaayay wadahadallada u dhexeeya Somaliland iyo dowladda dhexe, wuxuu sheegay in Puntland aaney marnaba aqoonsan doonin wax kasta oo ka soo baxa ilaa inta laga qaybgalinaayo shirarkaas.

Si kastaba, hadalka ka soo yeeray madaxweyne ku-xigeenka Puntand ayaa ku soo aadaya iyadoo la islahaa xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe wuu ka wanaagsan siddii maamulkii horre, maadama Gaas uu ahaa ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, ilaa hadda kama hadlin hadalka ka soo baxay madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Xog: Xasan oo dhaafi la’ xildhibaanada Hawiye (Cadaadiska oo sii kordhaya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada ka soo jeeda Beelaha Hawiye, ayaa weli diidan in ay taageeraan Dowladda, iyagoona ku goodiyay in horey u sii amba qaadi doonaan qorshaha xilka looga qaadayo Xasan Sheekh.

Madaxweynaha iyo wasiiro ku xulufo ah, ayaa dhowaanahan kullamo gooni gooni ah la qaadanayey xildhibaannada beelaha Hawiye, si ay ugacan siiyaan madaxweynaha ugana laabtaan dalabka is-casilaadda.

Sida ay dad xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, dhammaan dadaalladaas waa ay guul darreysteen waxaana inta badan xildhibaannada Hawiye ay doonayaan in Xasan Sheekh meesha ka baxo.

Arrintan ayaa cadaadiska kusii kordhineyso madaxweynaha oo markii horeba ay diidanayeen xildhibaannada beelaha Daarood iyo Digil iy Mirifle badankood.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu codsanayo in mar un cadaadiskan laga gaabiyo, uuna sameyn doono is-beddel weyn
Waxaa laga soo xigtay inuu sheegay in Dowladda ay ka fogaan doonto waxyaabaha keeni kara culeys markale kaga yimaada Xildhibaannada Baarlamanka.

Saraakiisha ka hawlgasha Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha Somaliya uu diyaariyay qorshayaal dhowr ah, oo uu ku muujinaayo isbedelka Dowladdiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro muujinaya wixii XASAN Sheikh loogu soo sheegay Kampala, Uganda

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedyo cusub oo uu soo saaray farshaxamiiste Amiin Caamir, ayaa muujinaya xog ku saabsan kulankii madaxweyne Xasan Sheekh uu magaalada Kampala kula qaatay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni.

Waxaa sidoo kale sawir gacmeedyada ay muujinayaan cadaadiska xooggan ee saaran madaxweynaha Somalia, oo xildhibaannadii qaranka ay ka dalbanayaan is-casilaad.

Halkan hoose ka arag

12_MAY_201410_MAY_2014 copy

CABDI WELI oo damacsan magacaabis muran badan dhallin doonta (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay dad xog ogaal ah ayaa muujinaya in maalmihii ugu danbeyay Xafiiska Raisalwasaraha Somalia ay ka socotay qaban qaabo ku adan  safar uu dhawaan  Raisalwasaraha Somalia ku tagi doono Magaalada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa waxaay intaasi ku darayaan in wafdi hordhac u ah Ra’iisal wasaraha Somalia in ay gaareen gobolka Gedo kuwaas oo u sii gogol xaari doono  boqashada uu RW somalia ku iman doono Magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Safarka Ra’iisal wasaraha ayaa la sheegay in uu iskugu jiro labo qaybood  ayado qaybta kowaad ay tahay dib u heshisiin laga dhex sameyo dhinacyadii ku dagaalamay  Balad Xaawo  halka qayba labad lagu sheegay  dhisme Maamul heer gobol ah oo uu u dhisayo Gobolka Gedo .

Sida uu warka sheegayo, Cabdi Weli Sh Axmed ayaa waxa uuu Gudoomiyaha Gobolka Gedo u magacaabi rabo Siyaasiga Hilowle Adan Maxamuud.

Siyaasiga Hilowle Adan Maxamuud ayaa ka soo jeeda Gobolka Gedo waxaana dadka badankiisa ay ku barteen ka hadalka arrimaha Jubboyinka iyo difaacida Maamulka Axmed Madoobe, ee tacaddiyada bani aadannimo ka wada Kismaayo.

Ilo- xog ogaal ah ayaa sheegay in u jiro mushaarax kale oo loo badinayay in loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Gedo, balse hada rajadiisu ay soo yaraatay ka dib marka Maamul Goboledka Puntland iyo Axmed Madoobe ay Ra’iisal wasaare Cabdiweli u so gudbiyeen in u magacaabo  Hilowle Adan Maxamuud oo ay  labadaasi dhinacba xulufo yihiin…

Ma cada Gudomiyaha Gobolka Gedo  Maxamed Cabdi Kaliil sida uu u aqbali doono  Magacabista  Gudomiyaha cusub ee Gobolka Gedo  ayado heshiiskii Adis Ababa uu dhigayo in Gudomiyaha Gobolka Gedo  Maxamed Cabdi Kaliil aan la badali karin inta uu Axmed Madoobe joog

Magacaabistan ayaa waxaa sidoo kale aad uga soo horjeeda beesha Sade, oo aaminsan in Hilowle uu taageero u yahay dacaddiyada Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo sawirrada: Diyaarado militeri oo ka degay Bosaso (Dalkee ka socdeen)

Boosaaso (Caasimada Online) – Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, waxaa ka degtay diyaarad militeri oo Faransiisku leeyahay, waxaana la socda ciidamo gaar ah.

Sidda ay lee yihiin mas’uuliyiinta maamulka Puntlad, waxay ka mid yihiin ciidanka reer Yurub ee EUNAVFOR oo la sheegay in ay burcad badeed la dagaallamayaan.

Puntland waxay ka mid tahay deegannada ay ku xooggan yihiin burcad-badeeda in kastoo ay hadda sii dhammanaayaan dhallinyaradaas Soomaalida ah.

Balse waxaa in la sheego mudan, xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo fara badan oo ajnebi ah kuwaasoo sheega in ay la dagaallamaan burcad-badeeda Soomaalida balse waxaa xaqiiqo ah in ay xaalufin ku sameeyaan wax yaabaha badda ku jira isla markaana ay sun ku daadiyaan.

Ma jirto cid la xisaabtanto ciidanka ajnebiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Arag sawirka diyaarad militeri oo ka degtay BOOSAASO
Arag sawirka diyaarad militeri oo ka degtay BOOSAASO
Arag sawirka diyaarad militeri oo ka degtay BOOSAASO
Arag sawirka diyaarad militeri oo ka degtay BOOSAASO

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

[email protected]

Kenya oo loogu baaqay in ay jiijiso xarigga iyo tacaddiyada Soomaalida

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay soo afjarto xarigga iyo dhibaateynta lagu hayo dadka Soomaalida ee ku nool dalkeeda.

Warbixin ay soo saartay HRW maanta oo Talaado ah, ayaa looga hadlay dhibaatada joogtada ah ee ay la kulmaan qoxootiga ku nool Kenya gaar ahaan Soomaalida

Human Rights Watch waxay sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ay bar-tilmaameedsanayaan bulsho goonni ah, ayna dhibaateyn iyo midab-takoor u geysanayaan dad aan waxba galabsan, iyagoo marmarsiyo ka dhiganaya ammaanka qaranka.

Warbixinta hay’adda ayaa lagu xusay in ciidanka Kenya ay weerareen guryo, iyo dukaamo, ayna bililiqeysteen taleefanno nooca gacanta ah, lacag iyo waxyaabo kale, isla markaana ay xireen suxufiyiin, shaqaale hay’adeed iyo dad heysta dhalashada dalka Kenya.

Madaxa Afrika ee hay’adda Human Rights Watch, Daniel Bekele ayaa sheegay in howlgallada ka socda Kenya ee billowday 1-dii bishii April ay yihiin kuwo wax u dhimaya xuquuqda aasaasiga ee dadka Kenyaanka ah, qaxootiga iyo shisheeyaha kale, isla markaana uusan waxba kusoo kordhineyn sugidda ammaanka.

Hay’adda waxay ka dalbatay dowladda Kenya in hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ay awood buuxda u siiso maareynta arrimaha qaxootiga,oo ay ku jiraan kuwa xiran, kuwa magangelyo-doonka ah iyo qof kasta oo doonaya badbaado isagoo dhibaato ka cararaya, iyagoo aan dhammaantood loo eegeyn xilliga ay soo galeen Kenya.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in uu howlgalka si gaar ah u saameyay Soomalida, dadka Soomaali Kenyaanka ah iyo muslimiinta kale ee ku nool xaafadaha Islii, South C iyo magaalada Mombasa ee dalka Keny.

Hey’addu waxaa kaloo ay sheegtay in jiraan labo dumar ah oo dhintay in ay socdeeyn howgalka Usalama Watch, waxaana ka mid ah haweeney laga tuuray baabuurta booliska, sidoo kale waxaa jirra gabar yer oo hooyadeed intii la xiray iyadana ay ku dhimmatay waddada sidda lagu sheegay warbixinta HRW.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan oo xog cusub ay kusoo korartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan xukumadda Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay xildhibaanada ku kacsan Xasan Shiikh Maxamuud u dajin lahaayeen waxana jira kulamo lala qaatay xildhibaanada oo lagu qaboojinayo is-casilaada ay dalbadeen.

Wasiirka Cadaalada DF Faarax Cabdiqaadir Maxamed oo ah hogaamiyaha Damu-Jadiid ayaa siyaabooyin kala duwan u qaabilay Xildhibaano badan waxaana uu kala hadlay inay tanaasulaan.

Wasiirka Wasaarada Amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Axadii dib kaga soo laabtay safar uu muddo 5 cisho ah ugu maqnaa Magaalada London ayaa waxa uu gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay uu kulamo kala duwan la qaadanaayay Xildhibaanada ku dhaliilay Dowladda inay fashilmatay muddo 18 bilood kadib.

Wasiirka oo Xildhibaanada qaarkood ku booqday Hoteelada Magaalada Muqdisho ay ka degan yihiin ayaa waxa uu kala hadlay waxa keenay inay buuq ku furaan Dowladda xilli ay Madaxdu qabaan in Dowladdu ku shaqeyneyso marxalad adag.

Sidoo kale waxaa jiray kulamo uu madaxweynaha Soomaaliya uu la qaatay qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ka hor inta uusan u safrin magaalada Kampala.

Ilo lagu kal soonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay in qaar ka mid ah xubanaha baarlamaanka oo gaaraya illaa 33 ay ku qanceen kulamdaan gaar gaar ah ee lala qaatay ayna badaleen mowqifkoodii ahaa inay ridaan dowlada, hase yeeshee intooda badan ay ku gacan seereen. Waxaa jira sidoo kale in xildhibaanno cusub ay kusoo biireen mooshinka, taasi oo kuwii la qanciyey waxba kama jiraan ka dhigeysa.

Waxaa wararku ay sheegayaan in xildhibaanada weli diidan madaxeynaha ay tiro ahaan ku filan yihiin inay dhaqaajiyaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa jira ayaa la leeyayay xildhibaano wali ku adkaysanaya arintaan kuwaasi oo madaxweynaha iyo wasiirada ku dhow dhow ay la qaadanayaan kulamo kala duwan.

130-xildhibaan oo ka tirsaan baarlamaanka DF oo isugu jira in ka badan Shan kooxood oo koox kasta ay leedahay dan gaar ah ayaa madaxweynaha u soo jeediyay inuu is casilo ka dib markii ay sheegeen in dowladu ay ku fashilantay howlihii ay balan qaaday dhamaantood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DAAWO: Hooyadii ay ciidamada Kenya dabaqa kasoo tuureen muuqalkeda

0

Ciidamada arxan laawayaasha ah ee Kenya ayaa si arxan daro ah ula dhaqmay hooyo Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah Wadanka kenya kadib markii ay ka soo tuureyn dabaq ka kooban shan biyaano.

Muuqaalka Hoyadaan oo Saxaafada loo soo bandhigay ayaa aad uga naxeysaa sida ay ula dhaqmeyn Ciidamada Kenya ee waayadaan raafka ku ahya Soomaalida Qaxootiga ku ah wadanka kenya ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Dhageyso: Kenya oo raali galin buuxda ka bixisay xarigii qunsulka Soomaalida

Nairobi (Caasimada Onine) – Labo toddobaad ayaa laga joogaa markii dowladda Soomaaliya ay u yeeratay safiirkii ka joogay agaalada Nairobi, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), arrintaas ayaa ka dambeesay markii ciidanka Kenya ay xirayn bishii horre diplomaasi ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Nairobi.

Isagoo u warramayay idaacadda Bar-Kulan ayuu sheegay in dowladda Kenya ay raalli gallin ka bixisay xarigga qunsulka Kenya u fadhiya Nairobi Siyaad Maxammuud Shire.

“Waxaan ku maqnaa Muqdisho magaalada madaxda Soomaaliya, waxaan dowladda Soomaaliya warbixin ka siinaayay xaaladda Soomaalida ku dhaqan Kenya, dowladda waxa ay sheegtay ina y ka xuntahay xarigga qunsulka Soomaaliya”

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo maanta dib ugu laabtay Nairobi
Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo maanta dib ugu laabtay Nairobi

“Dowladda Soomaaliya waa ay aqbashay dowladda Kenyana raalli galin ayey soo bixisay, annigana shaqadeyda ayaab dib ugu soo laabtay” ayuuu yiri.

Waxaa la weydiyay in uu ka warqabo xaalada ay ku sugan yihiin Soomaalida lagu xiray dalka Kenya, wuxuu sheegay in ay ka war qabaan oo dowladda ay sheegtay in ay aad uga xun tahay dhibtaada lagu hayo Soomaalida.

Mar wax laga weydiiyay saameynta uu xiriirka labada dal ku yeelan karo xarigga qunsulka ayuu xusay in aysan jirin wax saameyn ah oo arrintaasi ay yeelan karto, maadaama ay raaligelin bixisay Kenya.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aaney ka hadlin dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii balse markii qunsul muddo kooban la xiray ay hadashay.

Halkan ka dhageyso safiirka

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]