32.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Dhageyso: Kenya oo raali galin buuxda ka bixisay xarigii qunsulka Soomaalida

Nairobi (Caasimada Onine) – Labo toddobaad ayaa laga joogaa markii dowladda Soomaaliya ay u yeeratay safiirkii ka joogay agaalada Nairobi, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), arrintaas ayaa ka dambeesay markii ciidanka Kenya ay xirayn bishii horre diplomaasi ka tirsan safaaradda Soomaalida ee Nairobi.

Isagoo u warramayay idaacadda Bar-Kulan ayuu sheegay in dowladda Kenya ay raalli gallin ka bixisay xarigga qunsulka Kenya u fadhiya Nairobi Siyaad Maxammuud Shire.

“Waxaan ku maqnaa Muqdisho magaalada madaxda Soomaaliya, waxaan dowladda Soomaaliya warbixin ka siinaayay xaaladda Soomaalida ku dhaqan Kenya, dowladda waxa ay sheegtay ina y ka xuntahay xarigga qunsulka Soomaaliya”

Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo maanta dib ugu laabtay Nairobi
Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo maanta dib ugu laabtay Nairobi

“Dowladda Soomaaliya waa ay aqbashay dowladda Kenyana raalli galin ayey soo bixisay, annigana shaqadeyda ayaab dib ugu soo laabtay” ayuuu yiri.

Waxaa la weydiyay in uu ka warqabo xaalada ay ku sugan yihiin Soomaalida lagu xiray dalka Kenya, wuxuu sheegay in ay ka war qabaan oo dowladda ay sheegtay in ay aad uga xun tahay dhibtaada lagu hayo Soomaalida.

Mar wax laga weydiiyay saameynta uu xiriirka labada dal ku yeelan karo xarigga qunsulka ayuu xusay in aysan jirin wax saameyn ah oo arrintaasi ay yeelan karto, maadaama ay raaligelin bixisay Kenya.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aaney ka hadlin dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii balse markii qunsul muddo kooban la xiray ay hadashay.

Halkan ka dhageyso safiirka

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Diyaarad milateri oo KENYA leedahay oo ku burburtay gudaha Soomaaliya

Ceel-Waq (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee aannu ka helnay diyaarad militeri oo ku burburtay dalka degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, ayaa sheegaya in uu ku dhintay mid ka mid ah labada duuliye ee saarnayd diyaaradda.

Xog badan lagama hayo sidda ay u soo dhacday diyaaradda, balse dadka deeganka waxa ay lee yihiin diyaaradda ay markii ay soo dhaceysay waxay burburisay dhowr gurri oo ku yaalla Ceelwaaq.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya diyaaradda oo ay la socdeyn 15 qof oo uu ku jiray duuliyaha geeriyooday.

Waxa ay lee yihiin wararka qaar diyaaradda waxa ay ku socotay Nairobi, warar kale waxa ay lee yihiin diyaadda markaas ayey soo dagaysay.

Ilaa 14 askari oo la socday diyaaradda ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmayn diyaaradda ku burburtay Celwaaq oo ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Diyaaradda waxaa laga lee yahay dalka Kenya, waxaana askarta dhaawaca la geeyay Isbitaalka Ceelwaaw oo hadda lagu daweenaayo.

Kenya ilaa hadda kama hadlin diyaaradda Militeri ee ku dhacday xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya ciidamo ayaa ka jooga koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

GAAS iyo ku-xigeenkiisa oo GACANTA isula tagay kaddib khilaaf soo baxay.

Garoowe (Caasimada Online)- Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho, ayaa maanta oo Isniin ah baahisay war ku saabsan in uu jirro khilaaf ka dhexeeya madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkiis Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey.

Muxuu ku saleysan yahay khilaafka?

Sidda ay sheegtay Idaacadda warkan aan ka soo xiganay khilaafka wuxuu billowday markii madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu Bangi uu lee yahay maamulka Puntland ka soo saaray lacag badan balse aan la sheegin cadadkeeda, taasoo loogu talagalay in mushaar ahaan loo siiyo shaqaalaha maamulka Puntland, lacagtaas lama siin ilaa hadda shaqaalaha meel ay ka baxdana lama oga siddaas waxaa leh Idaacadda.

Sawirkan waa sawirkii laga qaaday markii uu Gaas dib ugu laabtay Garoowe markii uu ka soo laabtay Itoobiya iyo Yemen
Sawirkan waa sawirkii laga qaaday markii uu Gaas dib ugu laabtay Garoowe markii uu ka soo laabtay Itoobiya iyo Yemen

Lacagtan ayaa la bixiyay intii uu maqnaa Gaas oo uu safar dalalka Itoobiye iyo Yemen uu ku tagay, waxaana markii uu soo laabtay dhacay labo kulan oo mid ka mid ah gacanta la isula tagay.

Kulankii koowaad wuxuu dhacay Sabtidii toddobaadkan, waxaana labada mas’uul ay is weydiiyeen sababta keentay iyadoo bisha May ay mareyso 12 in shaqaalaha maamulka Puntland aan mushaaraad la siin lacagtii loogu talagalayna laga soo saaray bangiga.

Kulankaas horre waa la isku is afgaran waayay waana lagu kala booday, shaley oo Axad ah ayaa haddana uu kulan kale dhex maray labada mas’uul oo wuxuuba gaaray meel qaraar oo gacanta ayaa la isula tagay, sidda ay lee yihiin ilo u warramay Idaacadda aan warkan ka soo xiganay.

Marka laga soo tago warkan ay baahisay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho, ma jirto cid kale oo xaqiijisay in uu jirro khilaaf soo kala dhex galay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa.

Haddii uu warkan xaqiiqo noqdo, ma ahan waa ugub ku ah khilaaf soo kala dhexgala madaxda Soomaalida, waxaana ugu dambeeyay khilaafkii soo kala dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisal wasaarihii horre Saacid, oo aaqirkii meesha laga tuuray.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: VILLA Hargeysa oo la isugu tagay iyo mooshinley oo shirar gaar ah wada

Muqdisho (Caasimada Online) – Fadhigga baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dib u dhacay, kaddib markii labo xildhibaan kaliya ay soo xaadirayn.

Waxaa lagu waday in maanta mudanayaasha baarlamaanka ay cod u qaadaan shirkadda Favori ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo in laga doodo mooshin shaley laga keenay wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka, Cabdullaahi Goodax Barre.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha keenay in uu dib baaqdo fadhigga baarlamaanka, balse xildhibannada qaar ayaa u sheegay Caasimada Online in uu jirro khilaaf ka dhexeeya guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada, kaasoo salka ku haya mooshinka laga keenay wasiirka arrimaha gudaha iyo shirkadda Favori.

Kulamo ka socda Villa Hargeysa

Dhinaca kale, xarunta Villa Hargeysa oo ku dhex taalla xarunta madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaa ka socda kulamo ay lee yihiin xildhibaannada qaar kuwaasoo ka arrinsanaya mooshinka laga keenay wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka.

Guddoonka baarlamaanka ayaa saluugsan xildhibaannada mooshinka ka daba wada wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka oo dhawaan uun hor yimid baarlamaanka kana jawaabay su’aallo badan oo la weydiiyay.

Si kastaba, marka loo eego xildhibannada baarlamaanka sidda ay wax u wadaan iyo qorshaha hor yaalla waa kaaf iyo kala dheeri.

Waxaa laga rabaa in ay dalka u horseedaan in ay dhacdo doorasho rasmi ah, lana dhammeestiro dastuurka qabyada ah sidoo kale la soo saaro shuruuc caalami ah, balse wax qabadkooda wuxuu noqday mooshin uun in la keeno.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DF oo degdeg ugu yeertay odayaasha Hawiye ee Hargeysa ku sugan kadib…

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah dib ugu soo laabytay qaar ka mid odayaal dhaqameedyo booqasho ku joogo maalmahan deegannada Somaliland.

Odayaasha dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa tiradooda lagu sheegay 21-oday dhaqameed, waxaana odayaasha soo laabtay ka mid ah Maxamed Xasan Xaad.

Odayaashan oo u tagay Somaliland, siddii ay kulamo iyo barasho u yeelan lahaayeen salaadoonta iyo iyo odayaasha kale ee halkaas ku nool ayaa la sheegay in ay khilaaf xooggan ay ka dhex abuurayn siyaasiyiinta reer Somaliland.

Sidda qorshaha uu ahaa odayaashan waxaa la rabay in ay ka qaybgalaan xuska 18-ka May oo ah markii uu maamulka Somaliland ku dhawaaqay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991-dii.

Odayaashan oo ka yimid Koonfurta Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waaxa ay booqasho ku tagayn magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Odayaashan yaa diray?

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya odayaashan cidda dirtay, waayo maamulka Somaliland wuxuuba lee yahay annaga waxaa nahay dal madax banaan mana dooneyno is dhex gal iyo in dib loo soo celiyo Soomaliweyn.

Si kastaba, arrintan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland uga yaraan waxbay ka ogyihiin balse ilaa hadda kama hadlin.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland waxaa hadda u socda wadahadallo balse mid kasta wuxuu lee yahay dan gaar ah.

Tusaale, dowladda Soomaaliya waxa ay rabtaa in dib loo soo celiyo midowgii labada gobal ee Waqooyi iyo Koonfur oo dib loo yagleeyo Soomaaliweyn, halka Somaliland ay rabto in labada dhinac ay ku noolaadaan darisnimo iyo Soomaaliya aqoonsato maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Xog: Xasan oo wadnaha farta-ku-haya (Maxaa keenay socdaalka Kampala?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa xog cusub ka heshay socdaal deg deg ah oo madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh uu shalay ugu amba baxay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Ilo-xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweynaha uu walaac xooggan ka qabo shir la sheegay in beesha caalamka ay mas’uul ka tahay oo dhowaan mar kale lagu qaban doono magaalada Kampala.

Shirka oo ay beesha caalamka kula shireyso ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed, ayaa la sheegay in looga tashan doono ama wax looga weydiin doono xaaladda Somalia.

Kulankii madaxweyne Xasan iyo Yuweri Musefani
Kulankii madaxweyne Xasan iyo Yuweri Musefani

Sida ay lee yihiin ilo-wareedyada Caasimada Online, Shirka laguma casuumin lagumana war-gelin dowladda Somalia, taasina waxa ay walaacisay Xasan Sheekh, oo markii horeba culees uu ka haystay dhinaca xldhibaanada baarlamanka.

Waxa uu madaxeynaha Uganda kala hadli doonaa sida ay wax u socdaan iyo mowqifka dhabta ah ee beesha caalamka ay ka qabto dowladdiisa.

Inkasta oo wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay uu horey u sheegay in beesha caalamka aanay madaxyweynaha ku cadaadineyn is-casilaad, haddana waxaa lau warramayaa in Xasan weli walaacsan yahay.

Xildhibaanada baarlamanka ee dalbaday inuu is-casilo, ayaa sugaya illaa toddobaad, ka hor inta aan mooshinkiisa si toos ah loo horgeyn baarlamanka, maadaama loo qabtay inuu laba toddobaad isku casilo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Xog: Xildhibaano cusub oo Mudullood ah oo doonaya is-casilaadda Xasan Sh

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kordhay xildhibaannada ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda beesha Mudullood ee doonaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu is-casilo.

Horey waxaa u caddeeyey inay doonayaan is-casilaadda Xasan, 3 xildhibaan oo kala ah Cabdulqaadir Cosoble, Cumar Finish iyo Cabdulqaadir Macalin Nuur, oo kasoo kala jeeda saddexda jilib ee Abgaal ugu weyn, Harti-Abgaal, Wacbuudhan iyo Wacaysle.

Xog cusub oo soo gaartay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in xildhibaanada Mudullood ee doonaya is casilaadda Xasan ay gaarayaan 12, ayada oo 9 ka mid ah ay yihiin Abgaal.

Xildhibaanada badankood waxaa la sheegay inaysan ku qanacsaneyn sida Xasan Sheekh wax u wado, sidaa darteedna ay door bidayaan is-beddel.

Waxyaabaha lagu eedeeyey waxaa ka mid ah waxqabad la’aan deegaanada beesha iyo hurinta colaad beesha dhexdeeda ah, sida ay sheegeen xubno xog ogaal ah oo la hadlay Caasimada Online.

Xasan Sheekh, ayaa la sheegayaa inuu isku dayayo inuu kasbado taageerada xildhibaanada beeshiisa, balse illaa iyo hadda ay ku adkeysanayaan is-casilaaddiisa.

Sida xubno ku sugan Villa Somalia ay xaqiijiyeen waxa ay tani walaaca kusii kordhisay madaxweynaha, oo aaminsan in haddii mooshinkiisa uu gaaro baarlamanka, ay adkaan doonto inuu bad-baado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

XOG: JAWAARI oo u dhow inuu miiska soo saaro madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa lagu warramayaa inuu ka fekerayo inuu madaxweyne Xasan miiska u saaro xidlhibaannada si ay cod ugu qaadaan iyo in kale.

3 maalmood ka hor, ayaa guddoomiyaha waxaa la gaarsiiyey warqaddii is-casilaadda looga dalbaday madaxweynaha, kadib markii uu la kulmay 42 xildhibaan oo ka mid ah kuwa diidan madaxweynaha.

Sida xubno ku dhow Jawaari ay u sheegeen Caasimada Online, waxaa cadaadis ku haya xildhibaannada mucaaradka ah oo doonaya in arrinta Xasan baarlamanka uu ka doodo.

Jawaari, weli waa uu ka caga jiidayaa arrintan, waxaana uu ka war sugayaa in xildhibaannada iyo madaxweynaha ay xal gaaraan, si looga baaqsado cod loo qaado madaxeynaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah xalka lasoo jeediyey uu yahay in wasiirada isku shaandheyn lagu sameeyo, daaqadana laga saaro kuwa Damu-Jadiid, si Xasan u bad baado.

Waxa uu Jawaari ugu yaraan sugi doonnaa illaa toddobaad dheeri ah, waxaana xubno ku dhow ay lee yihiin haddii xal la gaari waayey waxa ay u badan tahay inuu arrinta Xasan baarlamanka u furo ayna ka doodaan.

Dastuurka Soomaaliya, waxa uu qabaa in haddii madaxweynaha ay soo eedeeyaan xldhibaanno ay arrintiisa gasho maxkamadda dastuuriga ah ee dalka, sidaa darteedna ma cadda sida uu Jawaari arrintan u waafajin karo sharciga.

Si kastaba dad xog ogaal ah waxa ay lee yihiin, dastuurka Soomaaliya sidii la doono ayay xildhibaannada u macneeyaan, sidaa darteedna la yaab ma noqon doonto haddii Xasan iyo xildhibaannada ay isku arkaan baarlamanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Meydka gabar Somali ah oo laga cabsi qabo in lagu gabo CHINA

Beijing (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Shiinaha ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay arrin aad looga xumaado.

Waxa ay ahayd markii dowladda Shiinaha ay sheegtay in lagubi doono meydka haweeney Soomaali ah oo dalkaasi horaantii bishan ku dhimatey, haddii aan waddanka dibeddiisa degdeg loogu qaadin.

Muna Maxamed Xaashi waxay u dhimatey xanuun dhinaca caloosha ah oo ku yimid xilli ay uur lahayd.

Maxamed Xasan Axmed oo ah ninka qabay haweneyda geeriyooday ayaa Idaacadda VOA-da u sheegay in loo shegeay in laga rabo lacag lacag gaareysa 35kun oo dollaar haddii ay rabaan in la siiyo meydka xaaskiisa.

Wuxuu kaloo sheegay in ay heestaan uun 11kun oo dollaar kaliya,

Wuxuu ummada Islaamka gaar ahaan kuwa Soomaalida ka codsaday in ay ku caawiyaan siddii xaaskiisa looga badbaadin lahaa in la gubo meydkeeda.

Mar uu ka hadlaayay sidda uu xanuunka xaaskiisa ugu dhacay, wuxuu sheegay in xaaskiisa oo uur afar bil leh uu caloosha biyo ka galay markii dhakhtar la geeyay oo la baaray in loo sheegay in uu ka dhacay xanuun caloosha ku dhaca oo ah TP.

Dalka Shiinaha haddii qof ajnebi ah ku geeriyooda waxaa dhacda in la gubo.

Halkan Hoose ka dhageyso Wareysiga

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

35 xildhibaan oo ka laabtay dalabkii is-casilaadda + 22 sheegay in laga been abuurtay + Magacyada qaar & xog kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo maalmahaan ka socdeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda ayaa la sheegayaa in 35 xildhibaan ka noqdeen soo jeedintii ahayd in Madaxweynaha Soomaaliya is casilo. Sidoo kale 22 Xildhibaan ayaa sheegay in magacooda laga been abuurtay oo aysan kamid ahayn xildhibaanada qorshahaas horboodayey.

Mooshin ka laabashadaan ayaa timid kulamo is dabajoog ah oo maalmihii lasoo dhaafay xildhibaanadu la yeelanayeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya. Xildhibaanada ka laabtay mooshinkii dhaleeceynta ahaa ee loo soo jeediyey Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdulqadir Macalin Nuur, Xildhibaan Cumar Finish, Xildhibaan Cabdulkadir Hashi, Xildhibaan Cabdi Hashi, Prof Dhalxa iyo Xildhibaano badan oo kale. Sidoo kale Xildhibaan Sanyare oo kasoo jeeda Puntland ayaa la sheegayaa inuu wadahadal kula jiro Xukuumada Soomaaliya.

Xildhibaanadaan isa saxay ayaa kusoo aadeysa xili manta Magaalada Muqdisho hareeyeen banaanbaxyo ballaaran oo lagu taageeraayo Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo horumarka Caasimada Muqdisho. Shiribkii Maanta ee Banaanbaxa ayaa ahaa ” MADAXWEYNE MUUNGAAB AA LAGA MASEYRAY ASAA MOOSHINKAAN LA KEENAY”

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa kusoo badanayey xildhibaano qaswadayaal ah oo u muuqanayey inay ka shaqeynayaan dib u dhaca dalka Soomaaliya. Mooshinada baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqday kuwa saameeya kaliya Caasimada Muqdisho.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey Shirkada SARACEN international ka joojiyey inay ka hawl gasho Magaalada Muqdisho, balse shirkadda SARACEN markii laga joojiyey Magaalada Muqdisho waxaa looga yeeray Maamulka Puntland oo ay haatan ka hawl gasho, iyada oo shirkada SARACEN u tababrtay Maamulka Puntland Ciidan gaaraya 4000 oo askari, ciidankaa oo loogu yeero Ciidanka Badda ee Puntland. Shirkada SARACEN ayaa qalabeysay Ciidanka Badda Puntland iyadoo qalabka ay siisay ay ku jiraan diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Shacabka Muqdisho ayaa aad uga xumaaday in Baarlamaan ka kooban Soomaaliya oo dhan, gobolada inta badan xildhibaanadu kasoo jeedaana dawladu maamulin dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba in haddana Baarlamaanku isku arko Baarlamaan deegaanka Muqdisho metela. Shacabka Muqdisho ayaa sheegay in Baarlamaanku uu noqdaa mid u dhaxeeya Soomaaliya balse aysan suuragal ahayn in Muqdisho iyo Gobolada aan lahayn maamul matela loo arko meel banaan oo aan dad laheyn, lagana hor istaago horumarka, sidoo kalana la beegsado Masuuliyiinta Soomaalinimada aaminsan oo Goboladoodii ku marti geliyey dhamaan qabaailka Soomaaliya.

Shacabka Muqdisho ayaa u sheegay Baarlamaanka in Federaalku Micnihiisu aheyn in hal gobol culeys la saaro, horumarka loo diido, halka gobolada kale ay sameynayaan horumar. Muqdisho kama bedelna Nairobi oo ah Caasimada Kenya, ahna Gobol ka mid ah 47-da gobo lee Federaalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Madaxda gobolka Banaadir iyo shacabka oo ku damaashaday Liido

0

Madax ka tirsan Dowlada Somalia & Shacabka Muqdisho oo hal goob kuwada damaashaadaya oo ah xeebta Liido taas oo sabab u ah isbadalka cusub ee ka dahcay dalka iyo sida ay Shacabka uga hadlayaan Damaashaadka ay la qaadanayaan qaar ka mid ah Madaxda Dalka.

Muuqaal ku tusinaya sida ay u faraxsan yihiin shacab la damaashaadaya Madax ka tirsan Dowlada ayaa waxuu ku tusinayaa isbadalka xoogan ee ka dhacay dalka iyo sida jawiga Muqdisho uu yahay ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Meydka Turkish laga helay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa galabta laga helay meydka muwaadin u dhashay dalka Turkiga, kaasoo la sheegay in uu ku dhacay badda.

Guddoomiyaha degmada Xamar-Jajab oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ninkan uu si ka dis ah ugu dhaca badda xilli uu ku sugnaa dhismo Isbitaal oo ay dowladda Turkiga ka dhiseeso agagaarka iskuul buliisiyo ee degmada Xamar-Jakab.

Nasiib darro isla markiiba waa loo gurman waayay muwaadinka Turkiga, maadama aaney meesha badda laga gali karin, balse goordambe ayaa meydkiisa oo ay badda soo ceyrisay laga xeebta Liido.

Waa muwaadinkii ugu horreeyay ee Turki ah oo ku dhinta xeebaha Soomaaliya, tan iyo markii Turkiga Muqdisho yimid sannadkii 2011-ka.

Dowladda Turkiga mashaariic aad u ballaaran ayey ka wadaa magaalada Muqdisho, waxaana ka jooga shaqaale aad u fara badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Ciidanka Kenya oo dabaq ka soo tuuray haweeney Soomaali ah

Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaya dhibaatada iyo tacadiyadda lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Kenya gaar ahaan xaafadda Islii ee Nairobi.

Labo habeen ka hor waxaa xaafadda Islii, gaar ahaan dhismo ku yaalla section 3 Piafravka dhacday arrin aad murugu u leh, taasoo ah markii ciidamada ammaanka Kenya aydabaqa shannaad si xoog ah uga soo tuurayn haweeney Sooomaali ah.

Hooyo Farxiyo Axmed Yarow, oo dhashay shan carruur ah ayaa la sheegay in laga soo tuuray daba shannaad dhismo ay daganeed, xilli ciidamada ammaanka Kenya ay howgallo ka wadayn xaafadda Islii.

Hooyo Farxiyo Axmed Yaroow oo labo habeen ka hor ciidanka Kenya ay soo tuurayn dabaq
Hooyo Farxiyo Axmed Yaroow oo labo habeen ka hor ciidanka Kenya ay soo tuurayn dabaq

Dhaawac aad halis u ah ayaa soo gaaray haweeneyda dabaqa la soo tuuray, waxaana la dhigay Isbitaalka Al-Amin ee Eastleigh, halkaasoo hadda lagula tacaalayo dhaawaceeda.

Sidda ay sheegayn dhakhaatiirta la tacaaleysa dhaawaca soo gaaray haweeneydan, waxay ogaadeen in gacanteeda seddex meel ay ka jabtay, garabkana uu kala baxey, balse sideeda kale ee guud way wanaagsan tahay.

Si kastaba, waa dhacdadii seddaxaad oo nooceeda oo kale ay ka dhacdo Kenya tan iyo markii uu billowday raafka lagu hayo Soomaalida ku nool Naiorbi.

Labadii mar ee horre, labo habeen ah oo ay ku jirto mid xaamilo ah ayaa ka dhacay dabaqa sedddaxaad gurrigooda iyagoo markaas ka cararay booliska, balse hooyo Farxiyo si qasab ah ayaa looga soo riday.

Waxaa sheegis mduan ma jirto cid wax ka qabatay dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool Kenya.

Hooyo Farxiyo Axmed Yaroow oo labo habeen ka hor ciidanka Kenya ay soo tuurayn dabaq
Hooyo Farxiyo Axmed Yaroow oo labo habeen ka hor ciidanka Kenya ay soo tuurayn dabaq

 

Hooyo Farxiyo Axmed Yaroow oo labo habeen ka hor ciidanka Kenya ay soo tuurayn dabaq
Hooyo Farxiyo Axmed Yaroow oo labo habeen ka hor ciidanka Kenya ay soo tuurayn dabaq

Sawirradan waxaa nagu caawiyay Saciid Xasan Anteeno

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Muxuu ku saleesan yahay SOCDAALKA danjire Affeey uu ku tagay KISMAAYO?

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maanta oo Axad ah gaaray wafdi ka socda urur goboleedka IGAD.

Sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo, waxaa wafdiga hoggaaminaayey ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey.

Wafdiga ayaa la sheegay markii ay tagayn magaalada in ay kulan la qaatayn  mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Kulanka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaa looga hadlay qoddobo ay ka mid yihiin  dhismaha Baarlamaanka maamulka Jubb iyo dhameystirka barnaamijkii dib u heshiisiinta Jubbooyinka.

Markii uu kulanka soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hdlay, madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubba Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), wuxuuna sheegay in wafdiga ay ka wada hadleen siddii IGAD ay maamulka  gacan uga siin lahey dhismaha ciidammada, nabadgelyada, dib u heshiisiinta iyo xafiis IGAD ay ka furato Kismaayo.

Fartaag ayaa intaas ku daray in la isku afgartay waxyaahihii ay ka wada hadleen, wixii hadda ka dambeeyana ay ka dhur-sugayaa in laga hirgeliyo qodobada laga xaajooday.

Danjire  Maxamed Cabdi Afeey ayaa isna sheegay  in urur-goboleedka IGAD uu dardargelinayo wada-shaqaynta kala dhexeysa maamulka Jubba, si kor loogu qaado nabadda iyo horumarka.

Wafdiga tagay Kismaayo waxaa ka mid ahaa danjiraha dowladda Ethiopia u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil ka socda xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MUUNGAAB oo farrin adag maanta u diray xildhibaanada ku kacsan Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Xuseen Muungaab ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka ee madaxweynaha u soo jeediyay in uu is casilo in ay ka laabtaan go’aankaas oo ay dalka badbaadiyaan.

Muungaab oo la hadlaayay boqolaal qof oo isugu soo baxay gegida cayaaraha ee Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in la badbaadiyo dalka.

“Dowladda waa lala xisaabtami karaa,madaxweynaha waa la eedeen karaa xildhibaannada dhaliil waa ay soo gudbin karaan, laakin xilligan in wax la dumiyo kuma talineyno, teeda kale baaqa madaxweyne ha dhaco laga soo saaro hotel Saxafi, waxa ay rajo beel ku rideysaa umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Muqdisho, waxaana aydhaawaceysa dhinac amni iyo dhinac dhaqaale” ayuu yiri Muungaab.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay xildhibaannada in ay maslaxadda dalka ay fiiriyaan oo ay ka laabtaan baaqa ah in uu madxweynaha is casilo.

Muungaab wuxuu tilmamaay in loo baahan yahay isbadal balse xildhibaannadu arrintooda aaaney noqon wax in la dumiyo uun.

Hadalka Muungaaab ayaa daba socda markii maanta dadweyne fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobalka Banaadir ay qaybgalayn dibad bax ballaaran oo ka dhacay garoonka cayaaraha ee Banaadir ee degmada Cabdi Casiis, waxaana dalkaas ay taageersanaayeen madaxweynaha iyagoona ka soo horjeeday xildhibaannada ku baaqay in uu madaxweynaha is-casilo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: XASAN oo looga yeeray Kampala

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa galabta u amabaxay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in loo yeeray oo uu halkaas kulmi doono madaxweynaha Uganda iyo qaar ka mid ah wakiiladda caalamiga.

Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan xafiiska madaxweynaha ayaa Caasimada Online u shegeay in madaxweynaha uu la kulmi doono madaxda dalkaas.

Uganda waa dalka ciidanka ugu badan ku deeqay howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Bixitaanka madaxweynaha ee dalka Uganda ayaa ku soo beegmay iyadoo uu jirro khilaaf cusun oo soo kala dhex galay xubno ka tirsan baarlamanka iyo madaxweynaaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Iscasilaada Xasan oo laga tanaasulayo iyo qorshe cusub oo la keenay (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo kala duwan ayaa noo sheegay in ay jiraan isbadal la rabo in lagu sameeyo golaha wasiirradda xukuumadda Soomaaliya, si meesha looga saaro dalabka is-casilaadda ee xildhibaanno ka tirsan baarlamanka ay u jeediyeen madaxweynaha

Muxuu yahay qorshaha socda?

Waxaa la ogaaday in uu jiro qorshe is-beddel xooggan loogu sameenaayo  hey’adda fulinta oo ah gollaha wasiirrada.

Sidda ay lee yihiin ilaha warkan noo sheegay waxaa laga yaabaa in isbadal uu ku dhaco wasiiradda ammaanka iyo garsoorka Cabdikariin Xuseel Guuleed iyo Faarax Sheekh Cabduqaadi oo ah labada garab ee madaxweynaha, inkasta oo ay macquul tahay in Guuleed un uu is-beddelka saameeyo oo Faarax sii joogo, maadaama wasaaradda amniga dhaliilo badan loo jeediyey.

Maxa yihii xildhibaannada baaqa is-casilaada madaxweynaha u soo jeediyay?

Xildhibaannada madaxweynaha ku kacsan yahay waa ay kala qaybsan yihiin kuwa waa kuwisii meesha ka saaray xukuumadii horre ee Saacid, oo waxa ay doonayaan in xil laga siiyo xukuumadda cusub ee Cabdiweli, kuwa waa kuwa ka soo horjeeday in meesha laga saaro xukuumadii horre,waxaa kaloo ku jirra kuwa qaswadayaal ah oo ku shaqeeya uun lacag.

Haddaba si loo qanciyo baahiyaha ay lee yihiin xildhibaannadan waa in ugu yaraan uu dhacaa isbadal meesha ka saari kara in madaxweynaha xilka laga tuuro loona qanciyo xildhibaannada qaylo dhaaminaya, sida ilo-wareedyada ay lee yihiin.

Beesha caalamka door intee la eg ayey ku lee dahay arrintan?

Qorshahan oo ah mid aan weli la isku raacin, balse lasoo jeediyay, ayaa waxaa gadaal riixaya xafiiska Nicholas Kay, balse madaxweynaha waa ka caga jiidayaa, isaga oo aminsan in xildhibaanada mucaaradka uu ka guuleysan karo.

Beesha caalamka aad ayey uga xuntahay khilaafka cusub ee soo baxay, waayo iyagu waxa ay lee yihiin dowladda muddo sannad iyo bar ayaa ka soo luntay oo sannadkan 2014-ka hala qabto shaqadii la rabay in la qabto saanadkii hore, sidaa darteedna madaxweyne is-casilaa xal kuma jiro.

Beesha caalamku waa tan dhaqaalah ugu badan siisa dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay rabtaa in sannadka marka uu yahay 2016-ka in doorasho ay ka dhacdo Soomaaliya oo dhan.

La arki doonee isbadalka dhaca maalmaha soo socda, maadama ay soo korartay siyaasad cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog cusub oo ku saabsan mooshinka Xasan + C/Weli oo tuhun uu soo galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa xalay kullan gaar ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, xilli ay xiisad siyaasadeed weli ka dhex jirto dowladda Soomaaliya.

Kullanka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli, ayaa lagu sheegay mid wada tashi ah, oo ku saabsanaa is-casilaadda xubno ka mid ah baarlamanka Soomaaliya ay ka dalbadeen madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa jira warar sheegaya in ra’iisul wasaaraha uu xiriir dhow la le yahay qaar ka mid ah xildhibaanada wada mooshinka sida Xiddig iyo Xasan Abshir Faarax, taasna ay tahay sababta uu madaxweynaha ugu yeeray.

Si kastaba ra’iisul wasaaraha waxa uu madaxweynaha u xaqiijiyey inuu dhinaciisa ka galayo dagaalka siyaasadeed ee dowladda kaga imanaya xildhibaanada.

Inkasta oo maalmihii dhowaa uu ra’iisul wasaaraha xulufo la ahaa Jubba iyo Puntland, haddana waxaa xaqiiq ah in haddii madaxweyne Xasan Sheekh xilka ka dego, ay taas la macno tahay in isagana uu ka degayo, taasi oo qasab ka dhigeysaa inuu dagaalka dhinaciisa kagalo.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale la sheegay inuu xidlhibaanno dhowr ah oo kuwii mucaaradka ka mid ah ka dhaadhiciyey inay fikirkooda beddelaan, taasi oo dhabar jab weyn ku ah xulufada Xiddig, Xasan Abshir iyo Shariif Xasan..

Dhinaca kale, sida ku cad qodobka 92-aad ee dastuurka Somalia, madaxweynaha waxaa xil looga qaadi karaa kaliyaa in maxkmadda sare ee dalka dacwad laga geeyo, sidaa darteedna waxaa is-weydiin mudan sida xulufada qas-wadayaasha ay mooshin u geyn karaan baarlamanka Somalia

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Sababta keentay in 3 Xildhibaaan oo Abgaal ay ku biiraan qaswdayaasha

Waxaan rabaa inaan Nimankan Saddexda ah iftiimiyo Ujeedooyinka ay Madaxweynaha Diidmadiisa ka doonayaan, waxaanan soo qaadanayaa Hadalo iyaga qudhooda ay sheegeen oo Dad iyaga ku dhaw aan kasoo xigtay, iyo waliba Sirro qarsoon oo xog-ogaalku iigu sheegay inay Sabab u yihiin Mucaaradnimada Dadkan.

Waxaase la yaab leh nimanka Qasawadaasha ah sida ay u soo xusheen sadaxdaan nin oo ka soo kala jeeda sadaxda Jilib ee Beesha Abgaal ugu tunka weyn.

1-Cumar Finish Wacbuudhan
2-Cabduqaadir Macalin Nuur Waceysle Abgaal
3- iyo Cabduqaadir Cosoble Harti Abgaal

1. Cumar Finish: Wuxuu ku jiray Hogaamiya Kooxeedyadii Dalka burburkiisa sababta weyn u ahaa, wuxaana uu ku soo shaac baxay dagaalkii sokeeyaha ehel wadaaga ahaa ee xasuuqii degmada Madiino kaasoo kumanaanka Shacabka ah lagu laayey Waqtiga dheerna hor taagnaa Dowlad dhalata.

Inuu Baarlamaanka soo galo waxaa kaalmeeyay Waqtigii markaas jiray iyo is-jiid jiidkii la wada ogaa ee Madaxdii Dowladii tan ka horeysay ka dhex jiray, oo ku kaliftay Mas’uul kastoo Dowladaas ka tirsan inuu ku dadaalo siduu Xubno badan ugu yeelan lahaa Baarlamanka, isagoo ka duulaya inaan hadhoow looga cod badin Doorashada Madaxweynaha oo ay Madaxdaasu intooda badan u sharaxnaayeen.

Cumar Finish oo qaabkaas kusoo galay Baarlamanka, ma uusan garan Shaqsiyadiisa, mana ku dadaalin inuu bal Sumcadiisa Xilliga soo socda wanaajiyo, ee uu Siyaasadda Dalka dhanka wanaagsan ugu adeego, iskana dhaqo Ceebta iyo xumaanta kasoo raacday Maalmihii Maliishiyaadka. Balse taas badalkeeda wuxuu iminka Shaarka u siibtay inuu Dowladda burburiyo, Madaxweynahana diidmo qayaxan oo aan Sabab muuqata lahayn uga horyimaado.

Dad arrintiisa la socda, waxay ii sheegeen inuu Cumar danaynayay in Gudoomiyaha Degmada Wada-Jir oo Axmed Daaci laga qaaday loo dhiibo Shaqsi uu isagu watay, balse markii taas ay suurtoobi wayday ayuu Cumar ka hor yimid Madaxweynaha iyo Dowladaba. Waa yaabe ma wuxuu mooday in Dowladdu ay tahay sidii Maamuladii Maliishiyaadka hoos imaanayay ee uu Cumar ka tirsanaa?

Waxaa kaloo la ii sheegay, in Cumar dhowr jeer oo uu doonay inuu Madaxweynaha Hoygiisa ugu tago, laga horjoogsaday, loona sheegay inuu Madaxweynuhu Howl qaran ku jiro. Arrintaas ayuuna Mudane Finish ka carooday una go’aansaday inuu Mucaaradnimo lasoo baxo.

2. Cabdulqadir Cosoble Cali: Wuxuu Baarlamaanka ku soo galay laaluush aan xadkiisa la shaacin balse aad u tiro badnaa kuna kala aamusiyey jufadiisa lacago aan xad laheyn, Siyaasadda wuxuu Magac muuqda kusoo yeeshay markii Doorashadii dhawayd ee uu Madaxweyne Xassan kusoo baxay ka qayb galay, wuxuuna ahaa ninii loo adeegsaday dhabar jibintii ugu weynayd ee Dowladdii Sheekh Shariif.

Waqtigii hore, Cabdulqadir wuxuu ka tirsanaa Raggii Dekeddii Ceel-Macaan xoogga ku heystay oo Rag isaga heybtiisa ah ay iska Maamulan jireen, taasoo uu lacago badan ka heli jiray oo aan xisaab laheyn sidoo kale waxaa uu lunsaday lacago badan oo dhanka UNDP ay laheyd, wuxuuna Baarlamaanka u galay si aan loola xisaabtamin.

Dad Cabdulqadir Cosoble ku dhaw ayaa ii sheegay, in dhawaan uu ku fashilmay in Shirkad uu isagu leeyahay oo Supreme la yiraa ay sii wadato Howlo ay Gacanta ku heysay oo la xiriiray bixinta Arrimaha Logistic-ada Dekedda Muqdisho, gaar ahaanna Shidaalka iyo waxyaabaha kale ee AMISOM iyo Hey’ado kale oo Dowladda Ood-wadaag la ah ay u baahanyihiin.

Cabdulqadir oo ka careysan Fursadaas Ganacsi ee Shirkadiisa laga horjoogsaday, ayaa door biday inuu Jalaafo la doon doono Madaxweynaha si Dowladdaba looga taqaluso. Ma Dan gaar ah buu Dantii guud ee uu Dibutaatiga u ahaa ku diiday? waxaa kaloo kaaga daran waxaa lagu beer laxaawsaday, in baarlamaanku isaga dooran doonaan oo uu kursiga Xasan ku fariisan doono , markaas kadibna uu dalka iyo dadka siduu doono ka yeelan doono.

3. Cabdulqdir Macalin Nuur: Wuxuu Siyaasadda kusoo xoog yeeshay Maalmihii Lixda Qof ee Saxiixayaasha Roadmap-kii Siyasadda Soomaaliya lagu saleeyay la sameynayay. Shariif Sheikh Axmed oo Madaxweynihii Dalka ahaa waqtigaas ayaa Sabab kasta oo ku kaliftaba, Cabdulqadir Macalin uga yeeray Yurub, si isagoo Magaca Ehlu Sunna Wal-Jameeca wata uu Saxiix ugu yeesho Aayaha Dalka.

Cabdulqadir waxaa dhalay Wadaadkii caanka ahaa ee Dariiqooyinka Suufiyada qiimaha wayn ku lahaa, waa Sheikh Macalin Nuur Maxamed Siyaad.

Waxay Dadka Cabdulqadir ku dhaw xaqiijiyeen, in Dano Ganacsi oo laga horjoogsaday dartood uu Madaxweynaha u diidayo. Gaar ahaanna waxaa la hubiyay in Baabuur kuwa aan Xabaddu Karin ah oo uu Cabdulqadir doonayay inuu Dekedda Muqdisho kalasoo baxo si uu Ganacsi uga sameeyo, ay Dowladdu ka hor joogsatay, maxaa yeelay Baabuurta aanay Xabaduhu Karin ma haboona in Suuqyada lagu iibiyo, waxayna tahay inay Madaxda Dalku un u isticmaalaan fududeynta Howlaha Qaranka.

Hadii Suuqa la geeyana waxaa hubaal ah in Kooxaha isqarxiya ay soo adeegsanayaan oo iyagoo in Xabad lagu dhufto aan ka baqayn ay si Nabad ah Xarumaha Dowladda ulasoo galayaan.

Mar kale oo Cabdulqadir Dad la sheekeystay aan xooraansadayna, waxay ii sheegeen inuu aad uga careysanyahay Madaxweynaha Qaranka oo uu Dhowr jeer Telfoonka ka wacay balse uu Jawaab ka waayay!! Waa su’aale, hadii Telfoonka lagaa qaban waayo, ma waxaad iloobeysaa Mas’uuliyaddii kaa saarneyd ilaalinta Danta Dalka iyo Dadka oo ah inaad Dowladnimada dhismaheeda ku dadaasho intii aad dumin lahayd?

Qaswadaasha ayay fursad u noqotay danaha gaarka ah ee sadaxdaani xildhibaan ee Abgaal, waxaana loo adeegsaday in ay deegaankooda iyo dadkooda duleystaan.

Iskusoo wada duube, Cid kasta oo Caqli leh way u muuqataa in Diidmada Madaxweynaha ay ka dhalatay Dano gaar ah oo ka horjeeda Danta guud. Hadii Madaxweynuhu Dhaliil leeyahayna, Dadkoo dhami way garanayaan inaanu isaga kaliya Dhaliisha dusha u ridaneyn, ee Xildhibaanada iminka wax diidaya qudhooda ay Eedeysanayaal yihiin, maxaa yeelay Sharciga Dalka iyagaa Awoodda ugu xoogan siiya, hadii ay wax toosin doonayaanna ma dhici karto in laga horyimaado. Markaa in Sanad iyo dhowr Bilood wax muuqda la qaban waayo, waa Ceebta Xildhibaanada, ee maaha kaliya Ceebta Madaxweynaha ama tan Golaha Wasiirada.
Wixii hada ka dambeeya, Shacabku waa inuu il gaar ah ku eegaa Xildhibaanada iyo tallaabooyinka ay qaadanayaan, waana in aan la ogolaan inuu Dalku kusii jiro Xaaladihii burburinta iyo Qas-abuurka ee lagusoo gubtay.

 

BFS oo maanta qaadaya tallaabo lagu curyaaminayo horumarka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta laga yaabaa in meesha ka saaraan shirkadda Favori ee laga lee yahay dalka Turkiga, taasoo dhismo iyo dib u casriyeen ka wada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Isaaq Fannax, oo ka mid ah xildhibannada doonaya in meesha laga saaro Vavori ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay saakay in 98% xildhibaannada aaney u codeyn doonin shirkadan in ay dalka ka sii shaqeyo, wuxuu sabab uga dhigay in shirkaddan howlaha ay wadato uu ka weyn yahay mashruuca garoonka ay ku dhiseeso sidda uu yiri.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shaley sheegay in maanta oo Axad ah xildhibaannada baarlamaanka ay cod u qaadi doonin shirkadda Vavori in ay dalka ka shaqeyso iyo in kale.

Doodda ku saabsan shirkadda Turkiga ee Favori oo ay heshiis la gashay xukuumadii horre ee Saacid ayaa sotay muddo toddobo bil, taasoo maalin meel soo gaartay laakin shaley ayaa la soo gabagabeeyay.

Shirkaddan wax badan ayay u qabatay Muqdisho, gaar ahaa garoonka diyaaradaha oo ay dib u casriyeyn ka waddo, hase yeeshee waxaa mooshin ka keenay xildhibaanno horumarka Muqdisho dhib u arka.

Faah-faahinta warkan sidda ay u dhacdo codbixinta loo qaadayo shirkadda Vavori kala soco wararkeena dambe in shaa allah