32.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Video: Cali Khalif oo taageeray olalaha ay ina-reerihiisa ka wadaan Muqdisho

Buuhoodle (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Khaliif Galayr ayaa taageeray baaqa ka yimid xildhibaanno ku baaqay in Madaxwaynaha dawladda Soomaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud uu is-casilo.

Caasimada Online horey ayay u sheegtay in Galayr iyo koox qaswadayaal ah oo u badan hal reer, kuna adeeganaya kuwa kale oo aan maskaxdooda saliim ahayn ay isku dayayaan inay ridaan madaxweynaha, sababo qabyaaladeed dartood.

Cali Khaliif Galayr waxa uu sheegay inuu taageersanyahay mooshinka laga keenayo Xasan Sheekh Maxamuud isagoona xusay dhammaan qodobada lagu soo eedeeyay Dawladda uu Hoggaamiyo inay yihiin ku rasmi ah.

Wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay xaq u leeyihiin inay mooshin ka keenaan madaxweynaha haddii uu gudan waayo waajibaadkii markii hore loo igmaday, isagoona xusay in hadduu madaxweynaha si dhab ah howshiisa u wadanayo ay tahay mid qalad ah in laga hor yimaado.

Halkan ka dhageyso Cali Khaliid Galeyr.

 

Video: Odayaasha beelaha Hawiye iyo wixii Hargeysa kala kulmeen (Daawo)

Waxaa maalmahan ku sugan magaalada Hargeysa Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, kuwaasi oo bilaa casuumaad u tegay Hargeysa, hase ahaatee si diiran loogu soo dhoweeyay.

Maxamed Xasan Xaad oo hoggaaminaya waxgaradkan ayaa meesha ka saaray warar sheegayay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud uu soo diray, balse wuxuu qiray in iskood isu soo xil qaameen si ay u indha indheeyaan nabadgelyada iyo xaalada Somaliland.

Wafdigan ka socda Muqdisho ayaa waxay la kulmeen 48 oo ka kooban Isimada, Garaadada, Suldaano iyo waxgaradka Somalilandm, waxayna labada dhinac isdhaafsadeen ra’yi ku aadan labada shacab iyo sida la isugu soo dhowaan karo.

Suldaan Yuuusuf Muxumad Xiiray oo ah afhayeenka guud ee Salaadiinta Somaliland ayaa sheegay in si sharaf leh ay ula kulmeen waxgaradkan ka yimid Muqdisho, isagoo sheegay in waxyaabihii ay ka wada hadleen ay kow ka tahay in biyo kama dhibcaan tahay midnimada Somaliland, balse wixii kale ee walaalnimo ah laga hadli karo.

Suldaan Yuusuf Xiireey ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, xisbiyada siyaasadda iyo baarlamaanka.

LACAG ka timid 2 dhinac oo la farqayo iyo xildhibaaano lasoo jebiyey (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda shirar iska soo horjeedo oo looga hadlaayo baaqa loo soo jeediyay madaxweynaha ee ah in uu casilo, xilli lagu dagaalamayo xildhibaannada lacag qaatayaasha ah.

Shirarkan waxaa gar wadeen ka ah xildhibaanno taageersan madaxweynaha iyo kuwa ka soo horjeeda, si xiisad siyaasadeedka cusub ay dhinaca ugu dhacdo.

Qaar ka mid ah xildhibaannadii soo jeediyey in madaxeynaha is-casilo, ayaa iminka diyaarinaya mooshin ay si rasmi ah u geeyeen baarlamanka Somalia, inkasta oo taasi aysan sharci ahayn.

Hase yeeshee xildhibaanada taageersan madaxweynaha, ayaa isku dayaya inay soo jebiyaan kuwaas, waxaana la sheegay in xildhibaanno dhowr ah ay kusoo biireen dhinaca madaxweynaha.

Xildhibaanada mooshinka wada, ayaa la sheegay inay lacag ku farqayaan hoteelada, ayada oo malaayiin dollar la sheegay inay ka timid Puntland iyo dowladda Kenya, oo arrintan qeyb ka ah, si qorshaheeda Kismaayo usii socdo.

Dad badan oo gorfooye siyaasadda Soomaaliya, ayaa aaminsan in arrintan cusub ee ka dhex tafatay madaxweynaha iyo xildhibaannada ay dib u dhac ku keeni karto hiigsiga 2016-ka ee la rabo in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho ay dadka soo doortaan cidda ay rabaan.

Dhinaca kale, sida ku cad qodobka 92-aad ee dastuurka Somalia, madaxweynaha waxaa xil looga qaadi karaa kaliyaa in maxkmadda sare ee dalka dacwad laga geeyo, sidaa darteedna waxaa is-weydiin mudan sida xulufada qas-wadayaasha ay mooshin u geyn karaan baarlamanka Somalia

Dhibaatada cusub oo ay wadaan xildhibaanada ka yimid Puntland iyo kuwa taageersan Axmed Madoobe, oo ay ka mid yihiin Xiddig, Xasan Abshir iyo Maxamed Cabdi Yuusf ,  ayaa lagu macneeyey in lagu carqaladeynayo horumarka iyo nabadda Muqdisho ay ku tallaabsatay, oo ay aad u dhibsadeen iyo in nin ayaga ku reer ah xilka madaxweyne loo dhiibo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Xildhibaanno shaqo ka dhigtay mashruuca jeebka ii buuxi (Motion)

0

Xildhibaanadii Dhawaan ku dhawaaqay in ay hor geeynayaan Golaha Baarlamaanka mowshin ay uga dalbanayaan Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Mahamuud in uu xilka ka dago taasoo ay kaga dhawaaqeyn Magaalada Muqdisho asbuucii hore.

Muuqaal wata Warbixin Cajiib ah oo laga diyaariyay Xildhibaanada shaqada ka dhigtay had iyo goor Mowshin ka dhan ah Hogaanka sare ee dalka ee nala daawo Warbixintaan kaa qoslin doonta ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Bannaabax lagu taageerayo Xasan Sh oo iminka Muqdisho ka socda

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka billowday dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo hadal dhawaan ay sheegayn qaar ka mid xildhibaannada baarlamaanka kaasoo ahaa in uu madaxweynaha is-casilo.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, oo ku sugan Muqdisho, ayaa soo sheegaya in dibad baxa oo ka dhici doono garoonka kubadda cagta Koonis ee degmada Cabdicasiis la filaayo in ay ka soo qaybgalaan kumanaan qof oo ka kala yimid dhammaan degmooyinka gobalka Banaadir.

Dibadbaxa lagu tageeraayo madaxweynaha ayaa la sheegay in loo xiray waddooyin dhowr ah oo ku yaalla Caasimada, waxaana halkaas lagu arkayaa ciidamo fara badan.

Sidda ka muuqata qaban qaabada dibadbaxa waxaa soo abaabulay maamulka gobalka Banaadir,waxaana la filayaa in ay ka soo qaybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu xilka ka dago maadama uu ku guuldarreestay wax yaabihii uu ballan qaaday markii la dooranaayay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso Guuleed iyo Xasan oo isku kalsoon: Xildhibaanada mooshinka si fudud ayaa loo kala furdaamin karaa

London (Caasimada Online) – Wasiirka ammaanka qaranka xukuumadda Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay sidda uu arko xildhibaannada madaxweynaha ka codsaday in uu casilo.

Wasiirka oo marti u ahaa barnaamijka Matida Makarafoonka ee ka baxa VOA-da ayaa sheegay in uu arko tallaabada ay sameeyeen xildhibaannada mid iska fudud oo la xallin karo sidda uu yiri.

Wasiirka wuxuu sheegay in wixii u baahan badal in macquul ay tahay in la badalo laakin madaxweynaha oo dhan in la dhaho is casil in ay tahay mid aan sahlanayn.

Wuxuu sheegay in markii arrintaas ay dhaceysay uu isaga soo aaday safarka dalka Ingiriiska balse marka uu ku laabto Muqdisho uu wax badan kala furdaamin doono.

Wasiirka waxaa la weydiiyay in isaga iyo madaxweynaha oo ay hal xisbi ka tirsan yihiin in lagu dheggan yahay oo la lee yahay waad ku fashilantayn qorshihii la idinka rabay oo ay ammaanka ugu horreeyay.

Wasiirka wuxuu sheegay in uuysan aaminsanayn in xisbi ama koox kaliye ay dalkan wax ka qaban karto, fikradaasna ay tahay mid laga haboon yahay sidda uu yiri.

Wasiirka waxaa la weydiiyay oo kale in isaga xittaa uu ku fashilmay dhinaca ammaanka, wuxuu sheegay in wax badan ay ka qabtayn dhinaca ammaanka sidda uu yiri,

Muxuu ka yiri qarixii Villa Somalia lagu qaaday?

Wasiirka waxaa la weydiiyay ilaa hadda wax yaabaha ay ka qaybtayn qarixii ka dhacay Villa Somalia.

Wuxuu sheegay in waxbadan laga qabtay arrintaas oo dad loo soo xiray isla markaana xog badan lahayo sidda uu yiri.

Wasiirka wuxuu ka hadlay socdaalka uu ku joogo London isagoona muujiyay in dowladda Ingiriiska ay dowladda Soomaaliya ku taageerto dhaqaale, tababbar iyo qalab.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xildhibaanno cadow ku ah Muqdisho oo u dhow inay ku guuleystaan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah soo gabagabeeyyay dood muddo dheer ay ka lahaayeen heshiiska xukuumadda Soomaaliya ay la gashay shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, Favori.

Xildhibaanno ayaa soo jeediyay in shirkaddan dalka laga ceyriyo, ayaga oo ku dooday in ayada oo aan soo marin baarlamaanka ay ka shaqo billowday dalka.

Ololahan ayaa waxaa wada xildhibaaanno kasoo jeeda Puntland iyo Jubbooyinka, oo ay aad u dhibeyso horumarka shirkadaha Turkiga ay ka sameynayaan magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shir guddoominaayay ayaa sheegay in maanta cod la gallin karin shirkadda Favori maadama kooramka uusan buuxsanayn, wuxuuuna sheegay in la soo gabgabeeyay doodda shirkadda Vavori, isla markaana berri lagu kala bixi doono in ay dalka ku sii shaqeyo iyo in kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xusay in berri cod loo qaadi doono lee shirkadda Favori sidda uu yiri.

Doodda shirkadda Favori ee dalka Turkiga ayaa hortaalay baarlamaanka muddo toddobo bil, ilaa haddana wax xal ah lagama gaarin.

Shirkadan waxaa heshiis la gashay xukuumadii horre ee Saacid, waxaana laga doonayaa in ay dib u dhis iyo naqshad cusub saarto garoonka diyaaradda Muqdisho muddo kooban, hase yeeshee taasi waxaa dhibaato u arka xildhibaanno cadow ku ah Muqdisho.

Arrinta yaabka leh ayaa ah, shirkaddan oo Muqdisho iyo dalkaba horumar u horseedday halkii looga mahadnaqi lahaa, haddana weli dood iyo dacwad laga qabo horumarkaas.

Qorshaha xildhibaanadan ayaa ah in dhammaan shirkadaha Turkiga laga saaro Muqdisho, hase yeeshee xildhibaanno badan ayaan ku baraarugesaneyn sirta cadowga Muqdisho wadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog dheeri ah iyo muuqaal aan farxad ka muuqan oo laga helay kullankii R/W Cabdi Weli, Madoobe iyo Maxamuud

Muqdisho (Caasimada Online)- Warar dheeri ah, ayaa laga helayaa kullan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo hoggaamiyaha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed iyo ku xigeenkiisa, Madoobe Nuunow Maxamed iyo Maxammuud Sayid Aadan ku dhex maray Muqdisho.

Kulanka mas’uuliyiintan saxaafadda waa laga qariyay, sidda ka muuqda sawirka waa la isku khilaafka ugu yaraan qoddobada lagu soo qaatay, oo waxaaba Madoobe Nuunow ka muuqda in uu ka dhacay hadalka ra’iisal wasaaraha oo uu saluugsan yahay.

Madoobe Nuunow Maxamed iyo Maxammuud Sayid Aadan, toddobaadkii horre ayey soo gaarayn magaalada Muqdisho iyagoona ka yimid Baydhabo.

Dowladda Soomaaliya waa ay diiddan tahay in ay aqoonsadto maamulka lixda gobal ee looga dhawaay Baydhabo, waayo maamulkan wuxuu sheeganayaa lix gobal oo ay ku jiraan Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana halkaas ka dhisan maamul kumeel gaar ah oo Jubba la dhaho.

Ilaa hadda shirkan dhex maray ra’iisal wasaaraha iyo madaxda maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed ayaa saxaafadda loo soo bandhigin wax yaabaha looga hadlay.

Sidoo kale Madoobe Nuunow iyo Maxammuud Sayid Aadan waxa ay la kulmi doonaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulan seddax geesood ah oo dhex martay Raysal wasaaraha, Madoobe Nuunow iyo Maxammuud Sayid Aadan
Kulan seddax geesood ah oo dhex martay Raysal wasaaraha, Madoobe Nuunow iyo Maxammuud Sayid Aadan

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Ra’iisul Wasaare CABDI WELI oo tagaya Garoowe iyo warar sheegaya…

Garoowe (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay dhawaan tagi doonaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Garoowe ayaa soo sheegay in qaban qaabada soo dhaweynta ra’iisal wasaaraha ay ka billaabatay magaalada Garoowe.

Muxuu ra’iisal wasaaraha ka doonayaa Garoowe?

Sidda cad xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe ma uusan wanaagsanayn tan iyo xilligii Faroole uu xilka hayay, balse isbadal ka dhashay Puntland ayaa horseed u noqday in labada dhinac ay isku soo dhawaadaan.

Ra’iisal waasaaraha ayaa la sheegay in socdaalkiisa Garoowe ay qayb la tahay in uu dib u soo celiyo xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, waxaana uu kulamo la soo qaadan doonaa madaxda maamulka Puntland.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha booqashadiisa Garoowe ay qayb ka tahay uun socdaallo uu maalmihii dambe ku marayay qaybo ka mid ah dalka.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay waxaana meel kasta la dhigay ciidamo xooggan.

Maamulka Puntland ilaa hadda kama hadlin booqashada ra’iisal wasaaraha xukuumadda ku tagaayo Garoowe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Xog: Xasan oo Lataliye u magacaabaya Prof. Cali Maxamed Geedi + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu la-taliyihiisa gaarka ah u magacaabo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Geedi la filayo inuu madaxweynaha kala taliyo arrimaha siyaasadda.

Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in Geedi iminka uu soo degay Villa Somalia, lana filayo in magacaabistiisa lagu dhowaaqo, marka xiisadda siyaasadeed ee iminka kacsan ay degto.

Cali Maxamed Geedi oo si aad ah u macaaradsanaa madaxweynaha tan iyo markii la magacabay, ayaa waxa ay labadooda isu soo dhowaadeen bishii February, markii si lama filaan ah loo arkay Geedi oo garoonka Muqdisho kusoo dhoweynaha madaxweynaha.

Geedi iyo Xasan: 16-kii February 2014
Geedi iyo Xasan: 16-kii February 2014

Lama yaqaan is-beddelka siyaasadeed ee ku yimid mowqifkii aadka u adkaa ee uu Prof. Geedi horey uga qaatay madaxweynaha Somalia.

Waxaa sidoo kale marka lasoo sawiray Prof. Geedi oo Muqdisho kusoo dhoweynaya madaxweynaha, markii uu dib ugu soo laabtay toddobadii bishan, xilli xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay dalbadeen inuu is-casilo.

Geedi iyo Xasan 7-dii May 2014
Geedi iyo Xasan 7-dii May 2014

Wixii sheekadan kusoo kordha ha moogaan Caasimada Online: Isha Wararka Sugan.

Xafiiska baaritaannada Caasimada Online

Muqdisho, Soomaaliya

[email protected]

Weli ma booqatay Websetkaan caanka ah ee dib u habeeynta lagu sameyay

0

Waxaa lagu wargelinaa Aqristayaasha Shabakada Caalamiga ah ee  Balcad.com oo muddo 12 sano ka badan howlaheeda ay soo socdeyn in dib u habeyn xoogan lagu sameeyay dhanka wararka iyo Xogta Qarsoon ee ay caan ku aheyd in muddo ah.

Maamulka Shabakada Balcad.com waxuu u sheegayaa Aqristayaasha Balcad.com in ay ka heli doonaan shabakada Balcad.com Wararkii ugu dambeeyay ee dalka iyo Arimaha Siyaasada, iyo Xaalada Guud ee Dalka.

Hadaba Booqo Shabakada www.balcad.com

RIIX SI AAD U BOOQATO HALKAAN RIIX:

 

 

Dastuurka Somalia iyo sida xilka looga qaadi karo MADAXWEYNAHA (QODOB cajiib ah oo ku jira oo naga yaabiyey)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu is-casilo, ayaga oo ku eedeeyey wax qabad la’aan.

Haddii xildhibaannadu ay doonayaan in madaxweynaha xilka laga qaado, waxa ay tahay inay u maraan habka sharciga ah, ayaga oo eegaya siyaabaha madaxweynaha xilka looga qaadi karo, ee dastuurka ku cad.

Kadib markii ay Caasimada Online dib u eegtay dastuurka Somalia, waxa ay ogaatay in waxyaabihii xildhibaannada ay ku eedeeyeen madaxweynaha aan xilka looga qaadi karin gebigoodba.

Waxaa madaxweynaha xilka looga qaadi karaa kaliya marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xad-gudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad qodobka 92-aad, farqada 5-aad ee dastuurka Somalia.

Sidaa darted, maadaama aysan xildhibaanada ku eedeyn madaxeynaha arrimahaas kor ku xusan, ma jirto wax xil ka qaadis ah oo lagu sameyn karo.

Waxaa kale oo taas kaba xiiso badan in haddii la doonayo in madaxweynaha xilka laga qaado ay taasi tahay in dacwadiisa ay dhageysto maxkamadda sare ee dalka, islamarkaana sida ra’iisul wasaaraha oo kale aan madaxweynaha mooshin laga geyn karin baarlamanka.

Haddaba halkan hoose ka arag qodobka dastuurka ee xil ka qaadista madaxweynaha. 

Qodobka 92aad. Maxkamadeynta iyo Maamus-Ka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka

(5) Xil-ka-qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soo jeedin kara Golaha Shacabka marka lagu eedeeyo khiyaano-qaran, xadgudub culus oo Dastuuri ah ama ku-xad-gudub sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(6) Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa golaha horkeeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay.

(7) Haddii ay go’aamiso maxkamadu inay eedayntu sal sharci leedahay, saddex dalool labo ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha xilka ka qaadaya.

(8) Haddii Madaxweynaha xilka lagaga qaado si waafaqsan faqradaha 1 ilaa 3 ee qodobkan, waxaa xilka madaxweyninimo la wareegaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Qeybta sharciyada ee Caasimada Online

Muqdisho, Soomaaliya

[email protected]

Xog: Xildhibaannada mooshinka wada oo laga saaray Hoteellada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee wada olalaha ka dhanka ah madaxweynaha Somalia, ayaa lagu amray inay ka baxaan hoteelada magaalada Muqdisho, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, hoteelada ugu caansan magaalada kuna yaalla goobaha ugu nabad-galyada badan, ayaa qaatay go’aankan ayaga oo u cabsanaya ammaankooda.

Milkiilayaasha hoteelad qaar, ayaa lagu warramay inay hanjabaadyo ka heleen beelaha dega Muqdisho, oo si aad ah u taageersan madaxweynaha una sheegeen in haddii aysan ka saarin hoteelladooda xildhibaanno dhowr ah oo magacyadooda loo sheegay in dadweyne carreysan ay soo weerari doonaan.

XIldhibaanada hoteelada laga saaray oo gaaray in ka badan 60, ayaa la sheegay inay degeen hotel uu saami ku lee yahay Cabdulqaadir Cosoble Cali, oo ka mid ah xildhibaanada ku kacsan madaxweynaha.

Cosoble, oo kasoo jeeda beesha Warsangeli Abgaal, ayaa u carrooday madaxweynaha markii uu waayey in loo magacaabo maamulka gobolka Banaadir.

Arrintan cusub, oo ay ku dhaqaaqeen dadka deggan Muqdisho, ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah, oo ka hortagi karta in xildhibaanada lacagta ku shaqeeya ay ku takri falaan xilalkooda, ayna mar walba dumiyaan dowlad kasta oo dalka soo marta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada Baarlamanka SOMALIA oo ganaaxyo la kulmi doona haddii…

Muqdisho(Caasimada Online) – Xilli maanta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanka uu soo saaray digniin dhibeysa xildhibaanada kalfadhiyada ka maqnaada.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo shir gudoominayay kulankii maanta ayaa ku dhawaaqay go’aanadaasi oo taabanaya xildhibaanada aan inta badan soo xaadirin kalfadhiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha barlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan ayaa sheegaya in ganaaxyo ay la kulmayaan xildhibaanada hadda kadib haddii ay barlamaanka ka maqnaadaan, maadaama ay soo dhowdahay doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo 2016.

Wuxuu sheegay in xildhibaankii maqnaada muddo 30 maalin ah ama bil uu la kulmi doono ganaax dhaqaale oo gaaraya shan meelood seddex meel dhaqaalaha uu ka qaato baarlamaanka.

Wuxuu digniin u jeediyay xildhibaanada kale ee caadeystay inaan ka maqnaadaan kalfadhiyada baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo ku aadan inay ka fakaraan dhaqaalahooda.

Ugu dambeyn wuxuu gudoomiyaha uu ka dalbaday gudiyada kala duwan ee baarlamaanka Soomaaliya inay la xisaabtan dhab ah ku sameeyaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

KASHIFAAD: Wiilka Faroole oo qasri ka gatay Ethiopia + Australia oo ceyrisay

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Curudka Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo lagu magacaabo Maxamed C/raxmaan oo haysta dhalashada dalka Australia ayaa dib ugu noqon waayay magaaladii uu ka yimid ee Melbourne markii xukunka lagala wareegay Aabihiis, wuxuuna guri lagu tilmaamay qasri uu ka iibsaday magaalada Dira-dhabe ee dalka Itoobiya.

Sababta dowladda Australia ay ugu hor istaagtay inuu ku noqdo ayaa la xaqiijiyay in ay tahay danbi la xariira arrimo qoys, waxaana laga mamnuucay inuu galo dalkaasi.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole
Maxamed Cabdiraxmaan Faroole

Lacag fara badan oo cadadkeeda aan naloo xaqiijin ayuu guri kaga iibsaday Dira-dhabe, halkaasi oo uu deegaan ku noqday.
Maxamed C/raxmaan ayaa intii uusan Aabihiis Puntland ka noqon Madaxweyne wuxuu magaalada Melbourne kaga shaqeysan jiray Taksi, balse kasoo tegay ka hor inta uusan xilka Madaxweynenimo qabin aabihiis.

Maalmahan ayaa Idaacadda iyo bogga Garoweonline ee milkiyadiisa uu leeyahay ayaa mucaaradnimoa cusub ku billaabay maamulka cusub ee Cabdiweli Gaas, halka markii uu Aabihis xilka hayay u shaqeyn jiray sidii Wargeyskii Kacaanka ee Xiddigta Oktoobar.

Maxamed Faroole wuxuu ahaa qofka kaliya ee awoodii maamulkaa Puntland gacanta ugu jirtay xiligii uu aabihiis ahaa Madaxweynaha, waxaana la sheegay in hantidii ugu badneyd ee Maamulka Puntland la rabay markii laga guuleystay aabihiis inuu wareejiyo aysan dhicin la wareejiyo.

Isha: Warfaafiye.com

Muqdisho: Ciidamo banaanbax dhigay

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maata ka dhacay dibad bax ballaaran oo ay dhigayn ciidamo dhawaan dowladda ay ka ceyriysay shaqada.

Ciidamadan ayaa sheegay in ay khatar ku jirto nafsadooda oo aaney heesan meel ay ku badbaadaan.

Waxa ay eedeen u soo jeediyeen wasaaradda gaashandhigga dowladda iyo taliyaha ciidanka oo ay sheegeyn in ay mas’uul ka yihiin iyagoo shaqeenaya in la ceyriyo lana keensado dad si qabiil ah loo keenay.

Ciidamadan oo ay ku jiraan dumar ka qayb qaatay dagaalladii 1977-dii ka dhex maray Itoobiya iyo Sooomaaliya ayaa kulan la qaatay guddiga difaaca baarlamaanka, waxaana ay uga warbixiyeen xaaladda ay ku sugan yihiin.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo madax u ah guddiga difaaca ee baarlamaanka ayaa shegeay in qaabka loo eryay ciidamadaas ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana uu baarlamaanka arrintaas kulan ka qaadan doono.

Ciidamada la eryay ayaa dowladda ay sheegtay in ay u badan yihiin kuwa howlgab ah iyo kuwa shaqooyin kale heesta, marka si booskooda loo daboolo loo baahday in ciidamo kale la qorto.

Caaasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Guuleed oo ka hadlay xiriirka Kenya

London (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Qaranka dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada London, ayaa BBC-da u warramay kadidb markii uu hadal ka jeediyay xarunta daraasaadka ee Catham House.

Wasiirka wuxuu ka war bixiyay guud ahaan xaaladda amniga dalka iyo dedaalada dowladda ay ku tallaabsatay muddada ay jirtay.

Wasiirka wax yaabah la weydiiyay waxaa ka mid ah bal sidda uu arko dhibaatada Soomaalida Kenya lagu lagu hayo.

Wuxuu sheegay in ay aad uga xun yihiin isla markaana dowladda Kenya kala hadleen siddii loo badbaadin lahaa Soomaalida dalkeeda ku nool.

Wuxuu sheegay wasiirka in dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya ay lee yihiin hal cadow loona baahan yahay in ay iska kaashadaan siddii looga takhalusi lahaa, isagoona intaas ku daray in ay labada dal ay lee yihiin iskaashi in ay is weedaarsadaan xoggaha dhinaca ammaanka, oo wax yaabaha khatarta ayey iska kaa shaadaan.

Waxaa la weydiiyay sidda uu arko xariggii loo geestay qunsulka Soomaaliya ee Kenya, wuxuu tilmaamay in dowladda tallaabadii ay qaaday ahayd markii ay u yeertay danjiraha Soomaaliya ee Kenya si su’aallo looga weydiiyo qaabka loo xiray qunsulka.

Wasiirka wuxuu ka hadlay wax yaabaha uu ku saleesnaa booqashadiisa London,wuxuu xusay in uu la kulmay madax ka tirsan dowladda Ingiriiska iyo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan London.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

[email protected]

Video: Nairobi: Wiil Soomaali sujuu ah oo bas uu raacay looga kala cararay

0

Mohamed waa Wiil Soomaali Sujuu ah oo ku dhashay Wadanka Kenya waxuu la kulmay dhacdo cajiib ah oo ka yaabisay kana sheekeyay sida ay ugu dhacday kadib markii Bas uu raacay looga kala cararay.

Dhacdadani oo si weyn looga hadal hayo Tv-yada Wadanka kenya ayaa waxaa laga wareestay wiilka Soomaali Sujuuga ah ee ay ku dhacday iyo sida ay u dhacday dhacadadaasi ee nala daawo adaa yaabi doonee.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Safaaradda Turkiga ee MUQDISHO oo caawa la weeraray iyo xog sheegeysa..

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in caawa fiidkii bambo gacameed lagu weerarray safaaradda Turkiga ay ku lee dahay Muqdisho.

Ma cadda khasaaraha ay geesatay bambaanada lagu tuuray safaaradda oo aad loo ilaaliyo.

Markii bambaanada lagu tuuray kaddib waxaa nawaaxiga safaaradda laga maqlay rasaas xooggan siddaas waxaa noo sheegay goobjoogayaal.

Ma jirto cid ka hadasha weerarka caawa lagu qaaday safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Waxaa sheegis mudan in ammaanka safaaradda aad loo ilaaliyo wixii ka dambeeyay markii la weerarray sannadkii horre oo xitaa shaqaale Turki lagu dilay dhismo ku dhow safaaradda oo la weerarray.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ma runbaa in FARMAAJO uu ku baaqay is-casilaadda madaxweyne Xasan Sh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa uu mantay ka hadlay waarar ay soo dabaceen warbaahinta afka somaliga ku hadla kaas oo tibaxayay in Farmaajo uu ku baqay in Madaxweyne Xasan Sheikh Iscasilo.

Sida ay tabisay warbaahinta somalida waxaa la sheegay in Farmaajo uu bogiisa Twitter ka soo dhigay Fariin uu ugu baqayo Madaxweyne Xasan Sheikh in uu is casilo xilka uu hada hayo Maadama u wax ka qaban wayay xaalada wadanka.

Balse warkaasi waxaa si adag u beeniyay Raisalwasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo waxana uu sheegay mudane Farmaajo in usan ba lahay Twitter .

Farmaajo ayaa waxaa uu ugu baqay dadka Magaciisa ku furta Acountiyada Twitter ka iyo Facebook ga in ay ka waantoobaan waxaa ay samaynayaan.

Farmaajo ayaa waxaa uu intaasi ku daray in usan wali ka hadlin baaqa ay soo jeediyeen xildhibanada garaya 130 ka ee Madaxweyne Xasan loga dalbaday in uu is casilo xilka uu u hayo ummada Somaliyeed.

Ugu dabeyn Raisalwasaari hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo waxaa uu ugu baqay Shacab somaliyeed in ay ilaashadan hay,adaha qaranka ee hada u dhisan kuwaas oo dhismahoodi u ku baxaay qarash iyo dhig aad u badan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]