29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Safaaradda Turkiga ee MUQDISHO oo caawa la weeraray iyo xog sheegeysa..

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in caawa fiidkii bambo gacameed lagu weerarray safaaradda Turkiga ay ku lee dahay Muqdisho.

Ma cadda khasaaraha ay geesatay bambaanada lagu tuuray safaaradda oo aad loo ilaaliyo.

Markii bambaanada lagu tuuray kaddib waxaa nawaaxiga safaaradda laga maqlay rasaas xooggan siddaas waxaa noo sheegay goobjoogayaal.

Ma jirto cid ka hadasha weerarka caawa lagu qaaday safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Waxaa sheegis mudan in ammaanka safaaradda aad loo ilaaliyo wixii ka dambeeyay markii la weerarray sannadkii horre oo xitaa shaqaale Turki lagu dilay dhismo ku dhow safaaradda oo la weerarray.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ma runbaa in FARMAAJO uu ku baaqay is-casilaadda madaxweyne Xasan Sh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa uu mantay ka hadlay waarar ay soo dabaceen warbaahinta afka somaliga ku hadla kaas oo tibaxayay in Farmaajo uu ku baqay in Madaxweyne Xasan Sheikh Iscasilo.

Sida ay tabisay warbaahinta somalida waxaa la sheegay in Farmaajo uu bogiisa Twitter ka soo dhigay Fariin uu ugu baqayo Madaxweyne Xasan Sheikh in uu is casilo xilka uu hada hayo Maadama u wax ka qaban wayay xaalada wadanka.

Balse warkaasi waxaa si adag u beeniyay Raisalwasaarihi hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo waxana uu sheegay mudane Farmaajo in usan ba lahay Twitter .

Farmaajo ayaa waxaa uu ugu baqay dadka Magaciisa ku furta Acountiyada Twitter ka iyo Facebook ga in ay ka waantoobaan waxaa ay samaynayaan.

Farmaajo ayaa waxaa uu intaasi ku daray in usan wali ka hadlin baaqa ay soo jeediyeen xildhibanada garaya 130 ka ee Madaxweyne Xasan loga dalbaday in uu is casilo xilka uu u hayo ummada Somaliyeed.

Ugu dabeyn Raisalwasaari hore ee Somalia Mudane Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo waxaa uu ugu baqay Shacab somaliyeed in ay ilaashadan hay,adaha qaranka ee hada u dhisan kuwaas oo dhismahoodi u ku baxaay qarash iyo dhig aad u badan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa looga hadlay kullankii Xasan Sh iyo beesha caalamka ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay xaflad ka dhacday xarunta AMISOM looga arrimiyo ee Xalane.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu halkaas kula kulmay saraakiil ka socda beesha caalamka gaar ahaan kuwa deeq biyaasha.

Madaxweynaha waxaa kaloo uu ka qaybgalay xaflad lagu xusaayay maalinta Yurub oo 9-ka bisha May sannad kasta adduunka oo dhan laga xuso.

Waa markii labaad oo maalintan laga xuso magaalada Muqdisho, mana cadda sababta looga xusay iyo cidda mas’uul ka ah in kastoo dowladda itaalkeeda uu ku xiran yahay reer galbeedka.

Madaxweynaha wuxuu kaloo kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay oo uu ka mid tahay Nicholas Key, wuxuuna kala hadlay siyaasadda cusub ee dalka ku soo korartay.

Madaxweynaha iyo saraakiisha QM ayaa si weyn uga doodday sababta keentay in xildhibaanno kor u dhaafaya 100 ay madaxweynaha ka soo gudbiyaan warqad ay kula talinayaan in uu is casilo maadama sidda ay yiraadeen uu ku guul darreestay wax yaabaha loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa shaley kulan la qaatay xildhibaanno gaaraya 41-mudane kuwaasoo uu ka guddoomay warqad ay ku dalbanayeen in uu is-casilo.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Nicholas Key ayaa shaley si rasmi ah u caddeeyay in beesha caalamka aaney madaxweynaha ku caddaadineynin in uu xilka ka dago.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Magacyada, beelaha & qorshaha 8-da xildhibaan ee wada mooshinka Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa billaabay olole ka dhan ah madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud si xilka looga qaado.

Haddaba Caasimada Online, ayaa daba gal ku sameysay kooxda hormuudka u ah xildhibaanadan, iyo beelaha ay kasoo jeedaan iyo sidoo kale ujeedada mid kasta uu lee yahay. 

1 – Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali

  • Xiligii Doorshada wuxuu xildhibaanku sheegay inuu codadkii uu helay wareega 1-aad oo ahaa 28 cod uu ku wareejiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in Madaxweyne Xasan  uu ka filayey inuu siin doono lacagtii ka gashay ololihii doorashada, lacagtaas oo uu sheegay inaan weli waxba laga siinin.
  • Xildhibaan Cabdulqaadir wuxuu sheegay in shirkad uu wax ku lahaa oo lagu magacaabo Deeqo oo shidaalka siin jirtay diyaaradaha Garoonka Muqdisho yimaada laga dhigay tartan furan haatana shirkad kale la siiyey. Sidoo kale Xildhibaanku wuxuu aaminsan yahay in Beesha Warsengeli xilalkii iyo ilihii dhaqaalaha ee ay maamuli jireen Xiligii R/W Cali Geedi iyo Madaxweynihii hore Shariif inay hoos u dhacday. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Wuxuu sidoo kale olole u galay in loo magacaabo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, oo uu ku fashilmay.
  • Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble wuxuu aaminsan yahay in Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Beesha uu kasoo jeedaba (Waceysle) dalka hogaamin Karin, uuna isaga beel ahaan (Harti Abgaal)  iyo shaqsi ahaanba uga fiican yahay inuu dalka hogaamiyo, arintaas oo siyaasiyiin iyo Xildhibaano dalka degenaanshihiisa diidaya dhegta ugu sheegeen.

2 – Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan

  • Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kasoo jeeda Asharaaf, Digil iyo Mirifle wuxuu ku riyoodaa in Mar loogu yeero Madaxweynaha Koofur Galbeed ee 3-da gobol si uu taas u gaarana wuxuu aaminsan yahay in ay caqabad ku yihiin Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari si uu taas u gaarana wuxuu geed dheer iyo geed gaabanba u korayaa in Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Meesha laga Saaro, sida ilo-wareedyo ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.
  • Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aden ayaa aaminsan in dhowaan fadeexaadii  siyaasadeed ee kula soo dhacday Baydhabo mar uu booqasho ku tagay oo aheyd in markii ugu horeysay ee Beel weynta Digil iyo Mirifle ay si cad u diideen siyaasadda Shariifka iyo inuuba gudaha usoo galo Magaalada Baydhabo uusan gacan fiican ka helin Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, sidaa daraadeedna wuxuu ka shaqeynayaa in Madaxweynaha isagana la dhaawaco, siyaasiyan, dadkiisana laga horkeeno.

3 – Xildhibaan Cabdulqadir Cali Cumar

  • Wuxuu tabanayaa in Agaasimihii Madaxweynaha Kamaal Guutaale, oo ay kasoo wada jeedaan beesha Saleebaan ee Habar-Gidir xilka laga qaaday laguna badelay wiil kasoo jeeda Beesha Madaxweynaha oo lagu magacaabo Taabit.
  • Sida ay sheegeyso xogta Caasimada Online, xildhibaanku wuxuu ku doodayaa in Gudoomiyanimada Degmada Xamarweyne oo laga qaaday beesha Saleemaan, isla markaana aan laga siinin Gudoomiye ku xigeen, iyadoo ku xigeenada la siiyey Beelo kale,  Sidoo kale inaan Beesha Saleemaan laga siinin gudoomiye ama ku xigeeno degmooyinka kale ee Muqdisho intii ay horey ku xigeenada ka ahaayeen.
  • Xildhibaanku wuxuu ku doodayaa in balan qaad ahaa wasiiru dawlaha Madaxtooyada oo Madaxweyne Xasan Sheikh uu horey ugu balan qaaday beesha Saleemaan uu uga baxay, isaga oo Madaxweynaha Beesha ku eedeeyey in Xiligii Riditaanka Raisul wasaarihii hore Dr Saacid aysan beeshu gacan ka geysan.
  • Xildhibaanku wuxuu ku doodayaa In xuquuqdii guud ahaan beesha Habargidir gaar ahaan Saleemaan inuu ku tuntay Madaxweyne Xasan Sheikh, taageerada beesha u heysayna uusan tixgelin, xuquuqdoodiina uu dhaafsiiyey.
  • Xildhibaanku wuxuu tabanayaa Xubinta Wasiirnimo ee Beesha Habargidir aan xildhibaanada iyo waxgaradka Beesha lagala tashan, jagadaasna la siiyey nin firqo diineed kasoo jeeda oo lagu Magacaabo Cabdikariin, shaqsigaas oo aan aqoonin amni, dalkana geliyey dib u dhac weyn, sida dad ku dhow ay u sheegeen Caasimada Online.

4 – Xildhibaan Cumar Finish

  • Xildhibaan Cumar Finish wuxuu rabay in Degmada Wadajir Gudoomiye looga dhigo wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Qoondhe, arintaas oo uu Xildhibaanku ku fashilmay.
  • Xildhibaan Cumar Finish oo markii uu ku guuldareystay in wiilka uu adeerka u yahay Axmed Daaci lagu bedelo u sheegay Axmed Daaci inuusan xilka wareejin, taas oo Axmed Daaci ku gacan seyray si sharf lehna uu xilka u wareejiyey, sida ay horey u werisay Caasimada Online.
  • Xildhibaan Cumar Finish wuxuu ku doodayaa in Beesha Daa’uud Wacbuudhan ay ku yar tahay 3 degmo in laga siiyo magaalada Muqdisho, ayna tahay in looga badiyo.

5 – Xildhibaan Sanyare

  • Xildhibaan Sanyare wuxuu ka soo jeedaa Puntland wuxuuna u joogaa Xamar inaan Caasimada Dalka degin, Kanbaniyada Turkigana laga joojiyo shaqooyinka dib u dhiska Garoonka, Jidadka iyo Dekeda Muqdisho.
  • Xildhibaan Sanyare wuxuu aaminsan yahay in Hogaaminta Dalka ay leedahay Beesha Majeerteen, suurtagalna aysan ahayn in Dawlad Majeerteen uusan Madaxweyne ama Ra’iisul wasaaraha ka ahayn aysan shaqeyn, fikirkaas oo uu taageero uga heysto Maamulka Puntland, sida ay dhowr jeer kashiftay Caasimada Online.
  • Xildhibaan Sanyare oo la sheego inuu Mushaar labaad ka helo Puntland inuu u joogo Muqdisho in Xamar laga ilaaliyo siyaasad degan, sidoo kalana is fahanka laga ilaaliyo siyaasiyiinta reer Muqdisho.
  • Xildhibaan Sanyare wuxuu aaminsan yahay Magacaabida Gen Muungaab ee loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banadir, lana hoos keenay Laamaha amniga Gobolka Banaadir ay suura gal tahay in ay keento Muqdisho oo nabad ah, Muqdisho oo nabad ahna ay keeni karayso in Muqdisho Xisaabtanto, lana timaado in ilaha dhaqaalaha (Dekedaha, Garoomada, Canshuuraha) Gobolada Soomaaliya dhaqaalaha lagu wadayo DF Soomaaliya la isku darsado, sida ay dhowr jeer kashiftay Caasimada Online.

6 – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig

  • Xildhibaan Xidig wuxuu kasoo jeeda beesha Ogaadeen, wuxuu aad u taagersan yahay Maamulka KMG ah Juba ee Axmed Madoobe hogaamiyo, wuxuu doonayaa in Xaalada siyaasadeed ee Caasimada Muqdisho laga ilaaliyo degenaanshaha si aan dawladu ugu mashquulin in ay codsato in lagu wareejiyo Maamulka Dekeda iyo garoonka Kismaayo.
  • Xildhibaanku wuxuu dhaqaale badan ka helaa Hogaamiyaha KMG ah ee Juba si aan baarlamaanka DF Soomaaliya loo horkeenin heshiiskii lagu aqoonsaday MKG ah ee Juba, wuxuuna markasta kiciyaa xasarad taabanaysa siyaasiyiinta Muqdisho.
  • Xildhibaan Xidig wuxuu mushaar labaad ka qaataa maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda Kenya, wuxuuna difaac uga jiraa in Heshiiskii dawladu ku aqoonsatay MKG ah Juba la horkeeno Baarlamaanka,  xildhibaanka dantiisu waxaa weeye inuu xasarad iyo qalaanqal joogto ah lagu haayo Madaxweynaha, Wasiirka amniga iyo Wasiirka arrimaha Gudaha, si dawladda looga mashquuiyo arimaha Kismaayo.

7 – Xildhibaan Cabdulqaadir Macalin Nuur

  • Xildhibaankani wuxuu kasoo jeedaa Beesha Waceysle, wuxuu doonayey in loo magacaabo Wasiiru Dawlaha madaxtooyada, taas oo uu ku hungoobay.
  • Xildhibaan Cabdulqaadir Macalin Nuur oo aad uga dagaalamay in Madaxweyne Xasan   Sheikh soo galo Baarlamaanka xiligii xulida Baarlamaanka, isaga oo booska xildhibaanimo u rabay Cabdiraxmaan Sheikh Xuseen Goley oo ka mid ahaa Xerta Macalin Nuur, arintaas oo Xildhibaan Cabdulqaadir ku guul dareystay, ilaa haddana dagaalkaasi ku jiro, sida ay Caasimada Online ka war-hayso

8 – Xildhibaan Mahad Cawad

  • Xildhibaan Mahad Cawad oo kasoo jeeda beesha Dir/Sure ayaa dhaqaale ka hela  siyaasiyiinta diidan horumarka Muqdisho, wuxuuna inta badan baarlamaanka keenaa mooshinada caqabada ku ah horumarka Muqdisho, Xildhibaan Cawad ayaa kamid ah xildhibaanada ku qanacsan inaysan Xamar degin, dhaqaalaha Xamar kasoo baxana loo qeybsado 5 beelood ama wasaarado beelahaas metelaya, aana marna laga hadlin dhaqaalaha Dekedaha iyo Garoomada kale ee Soomaaliya, sida ay dhowr jeer kashiftay Caasimada Online.
  • Xildhibaan Mahad Cawad ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu u eg yahay nin dhaqaale ku soo qaatay in dhamaan Kanbaniyadda Turkiga iyo Mashaariicda Dalka Turkiga ka wado Muqdisho in tushuush lagu furo ama Baarlamaanku joojiyo, sida Kanbanigii balan qaaday dib u dhiska Dekeda Muqdisho, Kanbaniga haatan gacanta ku haaya Garoonka Muqdisho oo balan qaaday dib udhis balaaran inuu ku sameyn doono garoonka Muqdisho.
  • Xildhibaan Mahad Cawad ayaa la shegayaa inuu ka mid yahay siyaasiyiinta aaminsan in Beesha Hawiye la isugu keeno Muqdisho, Muqdishana laga dhigo meel shirko lagu yahay,  Koofurtana laga soo barakiciyo isaga oo qeyb ka ah siyaasadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli uu ku doonayo in Kooxda Kaanbooniyiinta Gacanta loo geliyo Gobolada Jubada Hoose, Jubadda Dhexe iyo Gedo, sidoo kalana Gobolada Bay, Bakool iyo Sh/hoose gacanta loo geliyo Kooxda Shariif Xasan, sidoo kalana madaxweynaha xilka laga qaado ama laga dhigo Madaxweyne maqaarsaar ah oo aan awood lahayn.

Qeybta daba-galka ee Caasimada Online

Muqdisho, Soomaaliya

[email protected]

Video: Shacabka MUQDISHO oo markii ugu horeeyay ka hadlay Isbadalka….

0

Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho oo markii ugu horeeysay muddo 23 sano kadib ka hadlay Dareenkooda ku aadan isbadalka ka dhacay Gobolka Banaadir.

Muuqaalo kala duwan oo laga soo duubay 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo isbadalka Xoogan ee ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho nala daawo Bilic qurux badan oo laga soo duubay muqdisho iyo Dareenka Shacabka oo aad ka heli doonto wax yaabo badan.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

15 Qodob oo sabab u ah Horusocod la’aanta Dowladaha Somalia soo mara

Inkastoo ay inta badan Bulshada Soomaaliyeed dhaliilo kala duwan u jeediyaan Madaxweynaha Jamhuuriyada, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isulwasaaraha iyo gabi ahaan Madaxda ka kala shaqeyso Xarumaha DFS, ayaa waxan go’aansaday in DFS gaar ahaan Madaxda sare u ifiyo halka ay bulshadu ka cabaneyso.

Ruux waliba oo wadani ah xilli waliba waxa uu Dowlada u jeediyaa dhaliil maadaama sida uu isagu jecelyahay aysan dowladu wax u wadin, balse Daraaso aan ku sameynay sababta keentay in Bulshadu ay ka cabato Dowlada ayaa ah isku dhexyaac iyo la xisaabtan la’aan ka dhex jirta Xarumaha DFS waxaana kamid ah Qodobada soo socda.

1- Xafiisada Dowlada oo aan ka socon wax shaqo ah iyo shaqalaha ka shaqeeyo oo Ehel u noqday xulashada Qabiilka.

2- Shaqsiyaad aan laheyn aqoon iyo Taariikhba oo lagu maamuusay Xafiisyada Dowladda gaar ahaan kuwa Qaranka Halboolaha u ah.

3- Daacadnimada, aqoonta, Xirfada oo laga hormariyay Qabiilka oo la qarameeyay.

4- Faragalinta iyo maamul aan Khibrad loo laheyn oo aabo iyo hooyo u noqday Qaranka.

5- Dhalintii aqoonta laheyn oo la baal-maray iyo Damiin aan magaciisa qorikarin oo gacanta loo galshay xafiisada ugu waaweyn Dowlada.

6- Koontarool la’aan ka jirta Xarumaha Dowlada oo dhaqan ka noqotay Xarumaha.

7- Anaa dhahay iyo amarkeyga hala qaato oo talada dalka habdhaqan looga dhigay.

8- Inna ayaa tahay oo Qarankii bur-buriyay

9- Qaladkii dhaca oo aan dib loo saxin

10- Diiwaan-galinta dhacdooyinka Dowlada ugubka u ah, Kulamada, waxqabadka iyo Heshiisyada ay Dowladu gashay oo daaqata laga saaray.

11- Madaxda iyo shaqaalaha oo aan kala amar-qaadaneynin.

12- Xisaab-xir iyo la xisaabtanka Madaxda Xafiisada oo lumay.

13- Madaxda Dowlada oo is hilmaansiisay Musuqyada ka dhex jira Xafiisyada iyo Codka shaqaalaha oo aah u hooseeyo ”Codka shaqaalaha iyo xuquuqdooda oo aan la ilaalin”

14- Codsiyada shaqaalaha Cusub oo lagu ilaabo sanduuqyada iyo shaqaale aan leysla Ogeyn oo la qaato.

15- Madaxda sare DFS oo aan la tashan ama la hadlin shaqaalaha, taasina waxa ay keeneysaa in Madaxda xafiisada ay is dib-mariyaan dhaqaalaha IWM.

Ugu dambeyntii, 15-kaasi qodob waxa ay tusaale u yihiin dhibaatooyinka qaar ee DFS ka heysta dhanka Horumarka iyo Xafiisada, Waxan qodobadaasi raacinayaa Gabay gaaban oo WADANI ah oo ay tirisay Aamina Cali Maxammad (Carkow), waxa uuna Khuseeya Madaxda Dalka gaar ahaan Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa uuna ku bilaabanayaa sida tan:-

Da’ada gabay baryahan faadumooy waanigaan dayine
Dar Ilaahay Waa taan u nacay dihashadiisiiye
Xalay buu daruuraha samada iiga soo dagiye
Dirir hooray oo kale cirkoo diiqalyada keenay
Ama duunyadoo curatay baan wada da’aayaaye
Bal durduurta Waa taad in badan iga dalbayseene
********************************************
Durbaankii colaadaad baryahan dib u tumaysaane
Darxumada halaagii ka dhacay dagalka soomaali
Dadkii guuray daarihii burburay duunyadii le’atay.
Dumar iyo duqow iyo caruur dacatigii gaadhay.
Nin kastoo damiir lihi qalbigu wuu damqanayaaye
Dagaaladii sokeeyiyo war hooy yaan dib loo noqone
*********************************************
Dagaaladii sokeeyiyo ma rabo dib u xusuustoode
Dulmi iyo xumaan iyo ma rabo doco-docayn jaane
Dowlad baa inoo dhalatay iyo hoos dalaalimo e
Dabkaa noo baxaayaa shacbigu wuu ku diirsadaye
Ka ilaasha dood iyo dagaal yaan dib loo noqone
****************************************************************
Dowladnimadu waa damal harliyo doogga oo kale ee
Waa daruur hilaacdiyo xareed lagu dabaashaayee
Dugsi bay inoo wada tihiyo aqal daroof weynee
Xagal daacinteeduna ka daran duni gadoonkeedee
Ka ilaasha dood iyo khilaaf yaan dib loo noqonee
****************************************************************
Dastuurkiyo nidaamkeey bulshadu dooratooy dhigatay
Dantayadu waxay tahay inaad wada daryeeeshaane
Hadii uu midkiin diido oo daanta ula leexdo
Kii kalena uu dacal ku dhego doontu wey dagiye
Dictatoor ma fiicnee tashiga wadar ha loo daayoo
Ka ilaasha dood iyo khilaaf yaan dib loo noqone
****************************************************************
Madaxweyne diirrane ayaan baaq u dirayaaye
Mid yar oo dardaaranna waan ugu daraayaaye
Duhurkii dharaartii markaad codadka doonaysay
Niyadii laguu doortay oon waliba duugoobin
Farxadiyo damaashaadkii baan kula dul joognaaye
Fursad dahabiyaad haystaa Daa,imkeen magane
Daadihi kalsoonida shacbiga wadarta kuu duubtay.
Ha dayicin kalsoonida shacbiga adi ku soo doortay.

FG. Gabaygan waxaan tirisay Aamina Cali Maxammad (Carkow), waxayna ka tirisay Xaaladaha Siyaasadeed, Qabyaaladeed ee ka soo cusboonaaday Somalia, xillayadii aanu helnay dowladda joogtada ah ee uu hogaaminayo madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, oo halkii aanu filaynay inay arrimahu sii hagaagaan aad mooddo inay dib u caga taagleeyeen. Waxaana Gabayga loogu magac daray ” Yaan Dib Loo Noqone”.

W/Q. Weriye:- Anwar Bakhiit
Email:- [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sawirro: Gaas oo ku laabtay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta oo Jimco ah dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isagoona ka soo laabtay safari uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Yemen.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe, waxaana ka qaybgalay soo dhaweyntiisa masu’uuliyiin uu hor kacaayay madaxweyne ku xigeenka Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey , Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Cabdiweli Gaas ayaa markii uu tagay Garoowe wuxuu la hadlay saxaafadda, wuxuuna ka warbixiyay safarka uu ku tagay waddamada Itoobiya iyo Yemen.

IMG_2493

Madaxweynaha mar uu ka hadlaayay shirkii looga hadlaayay ammaanka ee ka dhacay Bahar Daar, wuxuu yoro “Shirkii TANA Form ee looga hadlaayay arrimaha amaanka dalalka Africa ee ka dhacay Magaalada BAHAR-DAR ee dalka Ethiopia, waxa uu ahaa shir muhiimad weyn ugu fadhiya Puntland, waxaana kasoo baxay waxyaalo muhiimu ah xasilinta amaanka dalak ku yalla gobolk iyo dhamaan Africa”

Mudane Gaas ayaa sidoo kale ka warbixiyay kulamdii uu lasoo qaatay madaxda sare ee Dawladda Yemen.

“Madaxda sare ee Dawladda Yemen si wanaagsan ayay noo soo dhoweeyeen, waxaanu ka wada hadalnay in xiriirka labada dhinac la adkeeyo, isla markaana lala dagaalamo arga-gixisada iyo burcad badeeda oo iyaga laftooda dhibato ku haya, si wanaagsan ayaanuna isula qaadanay arrintaas” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa saxaafadda waxa weydiisay sidda uu arko socdaalka wasiirka caafimaadka Somaliland Xagla-toosiye uu ku joogo magaalada Buuhoodle, wuxuu yiri wax la aqbalaayo ma ahan “Buuhoodle waxa ay ka tirsan tahay Puntland”
IMG_2427

IMG_2486

IMG_2487

IMG_2429

IMG_2438-1IMG_2696

IMG_2696-1

IMG_2700

Caasimada Online

Xafiiska Warark Garoowe

[email protected]

Baroorta Orgiga ka weyn: Mooshinka Xasan: Qabiil u cuqdadeysan mid kale

Sheekooyinka ka soo cusboonaaday Somalia maahan wax cusub oo hadda bilowday, balse waa wax soo taxnaa oo marba heer soo maray. Waa arrin ay ku mashquulsanaayeen siyaasiyiin ka soo jeedda beelaha Daarood oo aan marna raali ka noqoneen haku xukuno Hawiye sababtana ay tahay wax iska cad oo qof kasta uu fahmi karo.

Runta marka aan isu sheegnana Soomaalidu waa dad sideedaba eed sheeg badan, oo hadba ka waddanka xilkiisa qabtaa uu la kulmayo dhib iyo eedo fara badan. Bal dib u fiiri madaxdii dalka soo martay, mid aan wax laga sheegin oo la dhibaateyn ma lahan, haddana marka mid kaloo cusub yimaado si sahalbaa loo iloobaa kii hore, waxaa kawaanka la saaraa kan hadda xilka haya. Waxaan maraynaa heer Maxamed Siyaad Barre aan ku tilmaamno inuu ahaa nin muwaaddin ah oo aad u wanaagsan innagoo wada og dhibkii uu dalka u gestay ay u sabab noqotay waxa Somalia ka dhacay.

Dalkan waxaa ka dhacay wax lagu tilmaamo dhul gariir aad u weyn kaasoo u baahan in si tartiib tartiib ah loo farsameeyo loona dhoodhoobo. Waxaase dhoodhoobkaas had iyo jeer aan raalli ka noqoneen kuwa aan dantooda gaarka ah meesha ku jirin, ha ahaato mid shaqsi amaba mid reer. Tan ugu daran oo ah in koox ka soo jeeda hal beel ay istusaaleeyeen in dhaqdhaqaaqa ka socda Muqdisho iyo isbeddelka ay u arkeen in koox kaliya ay qayraadkii dalka gooni u qabsatay, oo ay ku takri falaan. Uma arkaan in dhibka dhacay si tartiib tartiib ah loogu gudbi karo, uma arkaan Muqdisho iney tahay caasimaddii waddanka una baahan in waxyaabo badan laga qabto inta aan loo gudbin magaalooyinka kale ee yar yar. Muqdishoo hagaagtaa waxay horseedeysaa in ay hagaagaan magaalooyinka kale oo ay madaxda u tahay. Haddiise wanaagga loo arko in madaxweyne Xasan Sheikh uu si gaar ah uu u naasnuujinayo waa wax aan u maleynayo in aysan macquul ahayn.

Horumarka ka socda Muqdisho waxaa eedo badan lagu gaarsiiyey ha’ado u guntaday in ay wax ka beddelaan muuqaalka caasimadda. balse looguma simane eedo kulul iyo aflagaaddo ayaa loo daba dhigay meeshii laga rabay in ay u mahad celiyaan shaqadaas ay ka qabteen caasimadda. Waxay u arkeen in caasimadda Muqdisho aysan ahayn caasimaddooda ayna doorbideen in tuulooyin kale loo wareejiyo dhismayaashaas iyo horumarkaas. Ma lihi qalad ma jiro balse qalad weyn oo aad loo buunbuuniyaa waqtigan ma jirro. Madaxweynaha wuu qaldami karaa wuuna qaldamay marar badan balse in ay gaarto waxa hadda ay wadaan qaar ka mid xildhibaanada maahan xal haboon xiligan aadka u xasaasiga ah.

Bal si fiican u fiiriya ragga horboodayo mooshinkaan, hal hal u soo qaata oo mid kasta si fiican u taxliiliya sababta ku qasabtay arrintan. Waa mid dano qabiil wada sida runta ah oo aaminsan in laga sadbursaday dhinac kasta, iyadoo waliba ay jirto oo xaqiiqa ah in iyagu sadbursi aan caadi ahayn ay ku hayaan dalka. waxay aad u dardareen jahawareerna ku rideen madaxda dalka iyo hay’adaha caalamiga ah taasoo aad mooddo in ay ku guuleesteen. waxay maanta mareysaa in guddoomiye maamul gobol oo sida uu doono u dhaqmo isagoo gaaray in uu waddan kale madaxdiisa ugu sareysa uu kulan la qaato waliba ka codsado in safiir ay ka furtaan dalkaas. Ka waran haddii guddoomiye gobol oo reer koonfur ka soo jeeda uu sidaas sameyn lahaa maba sameynayaane. Waa dad dhib meel kasta iyo waqti kasta u taagan haddana adiga kugu eedeynaya in aad tahay dhib wade weyn.

Runta waa ay caddahay oo sida ay wax u socdaan waa loo wada jeedaa, Xasan Abshir Faarax/ Cali Khalif- Gaandi- Juriile- Mohamed Cabdi Yusuf oo wacad ku maray in aysan raalli waligood ka noqoneen in madaxweyne Hawiye ka soo jeeda uusan marna hoggaamin dalka. maahan mid hadda bilaabatay balse waxay ka soo bilaabatay dalka dibaddiise oo kulamo uu hogaaminayey Cali Khalif Galeyr uu meel kasta u maray in Xasan Sheikh uusan sii wadin hoggaanka dalka. Waxay kaloo soo urursadeen kuwa iyana ka xanaaqsan madaxweynaha oo la jaan qaadi kara mucaaridnimada. Runta waxay tahay wuu qaldamay madaxweynaha Somalia oo meeshii laga filayey kama uusan soo bixin wuxuuna ku sifoobay dabacsanaan iyo wax kasta laga sameestay haba ugu badnaadaan baadda ay ku hayaan beelaha daarood oo ka qaylo dheeraaday kuwa la mid ka ah oo ay isku xuquuqda yihiin. Waa dad xarfaan ah oo wacad ku maray in jid kasta ay u maraanba ay ka go’antahay in ay dalka Somalia mid iyaga ka mid ah ay xukumaan, caasimaddana dhinacooda loo wareejiyo. Haddii aysan taas dhicin ay dabka shidmay ay gaas ku sii shibi doonaan.

W/Q: Abdi Abdulle (Run sheeg)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Sawiro: Xasan oo laga taageray B/weyn

Beledweyne (Caasimada Online)-Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaa maanta oo Jimco ah ka dhacay bannaanbax lagu taageeraayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud loogana soo horjeedo dalabka la weydiistay ee ah in uu is casilo.

Dibad-bax-lagu-tageraa-madaxweyne-xasan-shiikh-11

Boqolaal qof oo u badan dhallinyaro, odayaal, dumar iyo carruur ayaa ka qaybgalay bannaabaxa waxaana ay sitayn sawirka madaxweynaha iyagoona ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ka dhan ah madaxweynaha.

Dad weynaha bannaabaxayay ayaa diddanaa baaqa xildhibaannada baarlamaanka ay u soo jeediyeen madaxweynaha ee ah in uu is casilo waxaana ay la haayeen waa fursad la siiyaa madaxweynaha muddada u harsan.

Ilo xog ogaal ayaa u sheegay Caasimada Online, in bannaanbaxa uu soo qaban qaabiyay maamulka gobalka Hiiraan.

Bannanbax noocan oo kale ayaa shaley ka dhacay magaalada Jowhar oo looga soo horjeedo baaqa loo soo jeediyay madaxweynaha ee ah in uu is casilo.

Dibad-bax-lagu-tageraa-madaxweyne-xasan-shiikh-2Dibad-bax-lagu-tageraa-madaxweyne-xasan-shiikh-4

Dibad-bax-lagu-tageraa-madaxweyne-xasan-shiikh-5

Dibad-bax-lagu-tageraa-madaxweyne-xasan-shiikh-8

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Yaa ku caan baxay WAX-QABAD la’aan: Xasan, C/Weli mise xildhibaannada?

Bismillah

Waxaa iga yaabiyay rag sheeganaaya iney matalaan umada soomaaliyeed oo hadana qarankii laga rabey iney horumariyaan luga gooynaaya? Maalin dhaweyd ayay aheyd markii rag xildhibaano ah iney isku imaadeen oo dheheen waxaan rabnaa inuu madaxweeynaha is-casilo maxaa yeeley shaqadii loo igmadey muukasoo bixin. Suaal, qodobada aad soo saarteen oo madaxweeeynaha ku dhaliileysaan ma asagaa laga rabaa mise xukuumada iney kasoo baxdo?

Xildhibaano barlamaanka kamid ah ayaa yiri madaxweeynaha ayaa naga dalbadey inaan cayrino R.W Saacid maxaa yeeley waan isfahmin weyney, su’aasha laga rabey inaa weydiinsaan soo ma aheyn ma umada Soomaaliyeed baad ushaqeeynaa mise madaxweeynaha? soona adinkii dhahaayay Saacid anagaa shaqo laantiis uridnay oo xataa ceebtiina udiideen inuu barlamaanka horyimaado oo idiin sharaxo waxey xukuumadiisa soo qabatey? Taas waxaa kasii darin waxaad sameyseen bil kadib waxaad ansixiseen xukumadii Cabdi Wali oo ay ku jireen wasiiradii aad ku dhaliilineyseen shaqo yaraan. Adinka ma waxaad rabtiin marba inaad dhinacaad rabtiin qaranka u leexisiin mise sanad kasta inaad madaxda wadanka badashiin?

Marka sadexaad, waxaa barlamaanka horyaala afar iyo toban sharci oo ubaahan inla ansixiyo oo wax shuqulba iska saarin sey u egtahay, maxaa yeeley arrimo macno aan ku fadhin baad ku mashquusheen shaqadiinina waad ilowdeeen. Intee sharci baad ansixiseen sanad iyo barkii aad jirteen? Shan maka badna. Markaas baad cid kale ku tilmaameysiin shaqo gaabis. Adinka yaa idinla xisaabtami?, maxaa yeeley xaqiiqo ahaan waddankii iyo shacabkiisi waad ilowdeen. Haddii xaqiiqo idin ka tahay xildhibaanimada, maad ka hadashaaan Soomaalida Kenya lagu dhibayo, shacabka biyo la’aanta la dhimanaaya iyo difaaca sharafta wadankeena oo mar kasta lagu tilmaamo hoyga argagaxisada iyo gaajada markaas baan idinku tilmaameynaa dad na matala.

W/Q Eng. Mahad Farah
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Moshin ciidanka Kenya looga saarayo Somalia oo la horgeynayo Baarlaman..

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa waxa uu sheegay inay wadaan Mooshin ay ugudbin doonaan Gudoonka Baarlamaanka dalkaasi kaasi oo ku aadan in ciidanka Kenya ka jooga Somaliya in laga saaro.

Mr Ronald Toni oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Mooshin uu ka gudbin doono sida uu udoonayo Askarta Kenya ee howlgalka AMISOM katirsan in laga saaro Somaliya.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay inay joogitaanka ciidankooda gudaha Somaliya ay dalka Kenya ka abuurtay Nabad gelyo Xumo magaalooyinkeeda ka dhaca hadii ay sii joogaana ay xaalada Amni xumo ay kasii dari doonto.

Hadalka Xildhibaankaan ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweyne Kuxigeenka Kenya William Rutto ayaa sheegay inaysan ciidankooda Kusugan Somaliya aysan kala bixi doonin.

Halkaan ka dhageyso War uu kasoo diray Nairobi Maxamed Xaaji Xasan Abuukar oo ka tirsan idaacadda Kulmiye ee Muqdisho

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Madaxweynaha iyo beesha caalamka oo maanta ku kulmaya Muqdisho (Xog)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Jimcaha maanta waxaa lagu wadaa in uu shir kaga qaybgalo Xarunta Xalane, oo ku taal Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha, ayaa qaabili doono Saraakiil ka socoto Wadamada Soomaaliya ka caawinaaya Barnaamijka New Deal, oo ah mid uu Caalamku Somaliya ku gaarsiinaayo sanadka 2016-ka.

Caalamka, ayaa horey u soo jeediyay in sanadka 2016-ka ay Doorasho dadweyne ka qabsoomto Soomaaliya, iyadoo markaasi laga shaqayn doono dhameystirka Dastuurka, dhaqangelinta Federalism-ka, samaynta Maxkamad Dastuuri ah iyo Dhismaha Guddiga Adeega ee Garsoorka.

Ilo muhiim ah, ayaa sheegay Wasiiro ka tirsan Xukuumada, in ay Madaxweynaha Soomaaliya ku wehlin doonaan kulanka ka dhici doono Xalane.

Wasiirada ku wehlineysa kulankaan, ayaa waxaa laga xusi karaa Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federalism-ka C/laahi Goodax Barre, Wasiirka Cadaalada & Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska Nadiifa Maxamed Cismaan.

Isha: Dhacdo

Xildhibaan sheegay hal sabab oon loo weydiisan karin Xasan Sh is-casilaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Somaliya, ayaa waxa uu sheegay in wax Sharci daro ah uu yahay, in Madaxweynaha Somaliya lagu khasbo in uu is casilo.

Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar, ayaa sheegay haddii Xildhibaanada Baarlamaanka ay doonayaan in meesha ka saaraan Madaxweynaha, ay ahayd in ay sharciga dalka u dagsan usoo maraan.

Waxa uu sheegay in aynaan jirin Guddigii Adeega ee Garsoorka iyo Maxkamad Dastuuri ah, oo lagu kala bixi lahaa, sidaasi daraadeedna aan Madaxweynaha loo soo jeedin karin in uu is casilo.

Xildhibaanka waxa uu ku baaqay cidii dooneyso in ay daaqada ka saarto Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, looga baahan yahay in ay marka hore u hogaansato Sharciga.

Qoraal laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha, ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaanada in uu diyaar u yahay in uu la fariisto qof kasta oo ra’yi qaba kana dhageysto islamarkaana qaato ra’yi walba oo wax dhisaya. Madaxweynaha ayaa markale u sheegay Xildhibaanada qaar ee u yimid in ay shalay iyaga oo idil soo doorteen maantana diyaar u yahay, haddii la soo maro wadada saxda ah ee uu Dastuurkeena tilmaamaayo.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maroodigu Takarta saran ma arkee ka kale Takarta saran buu arkaa !!!!

Baarlamaanka soomaaliya oo wakiil ka ah shacabka soomaaliyeed oo dhan waxa ay qaar kamid ahi talo ugu soojeediyeen madaxweynaha soomaaliya Mudane. Xasan sheekh Maxamuud in uu iska casilo xilka madaxweynenimo ee uu hayo. Haddaba su’aasha isweydiinta mudan waxa weeye, ma Xasan Sheekh baa ku fashilmay in uu dalka ka saaro dhibaatada haysata mise baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqday mid gabay doorkii uu ku lahaa talada dalka?

Tan labaad, hal shaqsi wax kasta oo dhiba oo uu layimaado waa la xalinkaraa laakiin 275- xubnood oo calooshooda u shaqaystayaal ah yaa arintooda si hawl yar wax uga qabankara?

Golaha shacabku waa mid ku dhisan rabitaanka bulshada ay wakiilka ka yihiin, kuwaas oo masuul ka ah in ay gudbiyaan dareenka shacabweynaha Soomaaliyeed una gutaan xilkooda si ay ku dheehan tahay aqoon, karti dheeraad ah, daacadnimo iyo hakrasho la’aan balse baarlamaanka Soomaaliya taa waxa uu u qaatay badelkeeda waxa uu ka shaqeeyaa, ilaaliyaa danaha dadyaw shisheeye tusaale haddii shacabweynaha Soomaaliyeed soo jeediyaan in uu is casilo mid kamida madaxda sare ee dalku dhag jalaq looma siiyo waxuuna dalabkaasi noqdaa hal bacad lagu lisay, laakiin haddii dalalka deriska la ah Soomaaliya ay dalbadaan waxaad arki xubnihii baarlamaanka oo bir la orod ah.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa hareeyey qabyaalad iyo nin jeclaysi, gudasho la’aan waajibaadka saaran iyo inay meel kasta u galaan sidii ay u heli lahaayeen xoogaa laaluusha iyagoo samaynaya dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo guracan.

Waxaa wax aad loo qariibsada ah in baarlamaanka Soomaaliya uu noqday mid u adeega danaha dawlado aan wax dan ah u haynin dalkeena iyagoo eegaya daño shaqsi ama qabiil kaas oo duleeyey dalkeena. Waa caddahay in baarlamaanka Soomaaliyeed aanu Xasan sheekh u rideyn daño Soomaaliyeed iyo xitaa mid ay iyagu u arkaan in uu wax kabadali karo xaalada murugsan ee dalka balse waxaa lagu raali galinayaa cadaw dibada ka ah Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay ku raaxaystaan huteelo waaweyn iyaga oo ku suga mushahaaraadka xaaraanta ah ee aan ummadda waxba lagaga celin waa gudashada waa jibaadka saarane, mana la xisaabtamaan xukuumada lakin marka teleefan uu ka soo dhaco qabiil ku sheegooda amaba ay xiriir la soo sameeyaan dawladaha madaxa kaga taagan qaranimada soomaaliya si loo carqaladeeyo hanaanka dawladnimo loogana leexiyo hilinkii lahayey ayaa ay hambabaraan oo hal aan loo fadhiyin meesha keenaan taasna waa ceebta xildhibaanada.

Gunaanad, Soomaaliya waxa ay isku laynaysaa kursiga uu haatan ku fadhiyo Xasan Sheekh, kaas oo loo arko janno camal. Haddaba si looga baxo dhibkaas loona nacsiiyo kuwa ku ordaaya xilkaas baabi’iyeyna Soomaaliya waa in salka loo dhigaa oo madaxweyne kastaa dhamaystaa xilli mudeedkiisa(term).

W/Q: Rufaaci Xaaji Khaliif
Lascaanood-Somaliya
Email: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Somaliland oo odayaal reer Muqdisho ah bareysa sida nabad loogu noolaado

Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa ka warbixiyay odayaal iyo ganacsato kor u dhaafaya 50 oo gaaray magaalada Hargeysa kuwaasoo ka yimid magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo la hadlay saxaafadda ayaa xaqiijiyay in odayaal dhaqameed ka socda Muqdisho ay soo gaarayn magaalada Hargeysa, isagoona ujeedkooda ku tilmaamay in la baraayo qaabka ay Somaliland ugu guuleesatay in ay nabadeeyo deegannada ay ka arrimiso lana soo celiyo nidaamka maamulnimo.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in odayaal dhaqameedku la soo dhaweeyay oo ay durba kulamo la billaabayn salaadiinta iyo boqorada reer Somaliland.

Waa markii ugu horreysay oo maamulka Somaliland uu faah-faahin ka bixiyo odayaal dhaqameed ka tagay Muqdisho oo Arbacadii gaaray magaalada Hargeysa.

Marka laga soo tago hadalka wasiirka ee ah in odayaasha yimid Hargeysa la baraayo qaabka ay Somaliland nabadda iyo dowlad wadaaga ugu nooshahay, haddana waxaan ilaa war laga heynin dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo odayaal ka tagay Muqdisho ay gaaraan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland tan iyo markii Somaliland ku dhawaaqay madaxbanaani iyo in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1991-dii.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo oo toddobaadkan jeediyay khudbadii afaraad tan iyo markii uu xilka qabtay wuxuu yiri ma jirto wax na isku keen xiran Somalia iyo annaga oo uu ka waday Somaliland.

Siddee loo soo dhaweyay odayaasha?

Inta badan Somaliland waa ay xirxirtaa dadka ka yimaada Somaliland xittaa haddii yihiin kuwa u dhashay deegannada ay maamusho, laakin odayaashan si weyn ayaa loo soo dhaweeyay mana cadda wax yaabaha ku hoos qarsan howshan cusub.

Warar ay heshay Caasimada Onlne ayaa sheegaya in arrintan ay ka dambeeso beesha caalamka, gaar ahaan waddamada Ingiriiska iyo Turkiga oo saaxib dhow la leh Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Madaxweyne XASAN SHEEKH oo soo saaray war cusub kaddib markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa looga hadlay kulankii uu galabta madaxweynaha la qaatay qaar ka mid ah xildhibaannadii dhawaan ku shiray Muqdisho ee soo saaray baaqa ay uga dalbanayeen in uu is-casilo.

War-saxaafeedka oo nuqul ka mid ah ay heshay Caasimada Online, ayaa lagu sheegay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, in uu galabta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah Xildhibaannadii Baarlamaanka ee bayaanka soo saaray.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka guddoomay Xildhibaanadda Bayaanka ay ku soo jeediyeen ra’yigooda. Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaannada in uu aad u qadarinayo ra’yiga qof kasta oo Soomaali ah ha ahaado siyaasi ama shacab.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaannada in uu diyaar u yahay in uu la fariisto qof kasta oo ra’yi qaba kana dhageysto islamarkaana qaato ra’yi walba oo wax dhisaya. Madaxweynaha ayaa u sheegay Xildhibaannada qaar ee maanta u yimid in ay shalay iyaga oo idil soo doorteen maantana diyaar u yahay haddii la soo maro wadada saxda ah ee uu Dastuurkeenna tilmaamayo.

Ugu dambeyntii, war-saxaafeedka ayaa lagu yiri madaxweynaha ayaa ku baaqay in la ilaaliyo shuruucda dalka iyo dhaqanka Dowladnimada laguna ilaaliyo Dowladnimada dhaxdeedada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xildhibaannadii la kulmay madaxweyne Xasan Sh. oo bixiyey xog xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddi ka kooban 41-mudane oo ay iska dhex xusheen xildhibaanno kor u dhaafaya 130 ayaa maanta u tagay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay gacanta u galiyeen warqad si rasmi ah ay ugu qoran tahay tallo soo jeedin ah in uu xafiiska banneeyo.

Xildhibaannadaas waxaa ka mid Cabdiladiif Sanyare, wuxuu sheegay in madaxweynaha ay la kulmeen una sheegeen tallooyinka ay u hayaan oo ah in uu xilka ka dago.

“Bayaankii aan soo saaarnay labo maalin ka hor annagoo ah 115-xidhibaan oo ahaa madaxweynaha in uu iscasilo ayaa madaxweynaha ugudbinay, waxaan ku hormarnay markii guddoomiyaha baarlamaanka kadibna waxaan u gudubnay madaxweynaha, wuxuuna nagu yiri waa ra’yigiina jawaab waan idinka soo siin doonaa, warkan horrey waan u maqalanay markale waan maqli doonaa,wuxuu nagu yiri idinka i doortay markii horre laakin sharciga soo marra oo mooshin ka dhiga” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dalabkooda uu yahay in madaxweynaha uu ka dago xilka maadama uu ku guul dareestay arrimaha nabad galiyo iyo heykalka dowladnimo.

Ugu dambeyn, xildhibaannkan ayaa sheegay si la mid ah warqadda ay ku wareejiyeen madaxweynaha ay iyana u dhiibayn guddoomiyaha baarlamaanka iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Siddoo kale, xildibaan Cabdulqaadir Xaashi, ayaa isna soo dhigay bartiisa bulshadda qoraal uu uga hadlaayo kulankii maanta ay la qaatayn, Madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Wuxuu yiri “Maanta waxaan anagoo ah afartan iyo kow Xildhibaan oo ay wakiisheen 116 Xildhibaan oo saxiixay dalabkii Madaxweynaha J. F. Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamud loogaga codsanayey inuu isu casilo maslaxadda dalka awgeed, gudoonsiiney nuqullo rasmi oo dalabkaas lagu sababeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Ka dib, waxaan shan Xildhibaan. oo ahaa guddi kooban oo loo xilsaaray inay arrintaan u gudbiyaan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Nicholas Kay aan ugu tagnay xafiiskiisa halkaasoo aan ku guddoonsiiney nuqul rasmi ah oo dalabkaas ah. Waxaan ka codsanay inuu gaarsiiyo beesha caalamka. Saddexda mas’uul ba si fiican ayay noo qaabileen. Madaxweynuhu wuxuu yiri, “Xaq baa u leedihiin, adinkaana isoo doortay, wixii iiga aadan dalabkiinana waa idinla soo socodsiinayaa”. Nicholas Kay wuxuu yiri, “Xaq baa u leedihiin inaad eedaysaan Madaxweynaha ama xukuumadda, waxaa darsayaa eedeymaha walow aan saxaafadda wax uga arkay horay, wixii mudan in lala wadaagana waan la wadaagayaa si degdeg ah.” Guddoomiyaha Baarlamaanku isna si wanaagsan buu nooga gudoomay wuxuuna u yeeray TVga Qaranka markuu guddomayey nuqulkiisa.
Anaga rabitaankayagu ma aha in wax la burburiyo, ama geedi socodka dawladnimada Soomaaliya dib si caqli xuma ah loogu celiyo. Waxaa weeye in Madaxweynuhu saxo khaladaad is biirsaday oo dhinacyo badan ah oo iyagu laftoodu qaranimadii Soomaaliya dib u dhac laga maarmi karey oo baaxad leh ku keenay. Haddii Madaxweynuhu wax sixi karana cadow kuma ahin. Hayeeshee waxaa la rabaa wax qabad dhab ah.

Si kastaba, waxaa muuqata in ay jirto guux siyaasadeed oo ka taagan dalka, taasoo laga cabsi qabo haddii aan wax laga qaban in ay u gudbi karto baarlamaanka, kuwaasoo hadda ku kala qaybsan baaqa loo soo jeediyay madaxweynaha.

Dad badan ayaa aaminsan haddii aan wax laga qaban arrintan cusub in ay abuuri karto khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex gala madaxda dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Beesha Sade oo caddeysay mowqifka ay ka qabto mooshinka Xasan Sheekh

Cabud-waaq (Caasimada Online) – Ayada oo maalmo ka hor  koox xildhibaano ah oo garaya 100 ay keeneen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa soo baxaya  dareemo kala duwan oo laga muujiyay  mooshinkaasi.

Beesha Sade oo ka mid ah Beelaha  ugu sameynta badan Somalia aya mooshinkaasi shaki badan ka muujisay waxaayna ku sheegtay mid  lagu doonayo in lagu burburiyo hay’adaha  kooban ee maanta qaranka Somalia u dhisan.

Suldan Axmed  Garbacune  oo ka mid ah Suladiinta Beesha Sade oo asago ku sugan  magaalada Cabudwaaq warbaahinta la hadlayay, ayaa waxaa uu sheegay in mooshinka laga keenay Xasan Sheikh Maxamuud u yahay mid  lagu burburinayo  qaranka Somalia, islamarkaana beesha Sade ay ka siman tahay inaysan marnaba taageerin.

Suldanka  ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Xildhibaanada 100 ka ah ee Maqaayada Saxafi hotel Qadada laga siiyay ay iskugu jiran 3 qaybood

1 – Suldanka waxaa uu sheegay in Qaybta kowaad ay tahay xildoon  waxana ay rabaan ayu yiri in ay jagada kala wareegan Madaxweyne Xasan Sheikh ama Dowlada saami loga ogolado.

2 – Qaybta labaad ayuu suldaanka ku sheegay in ay yihiin  qayb rabta in loo fuliyo dano siyaasadeed oo ay wataan sida in lo aqoonsado maamul goboleed iyo  arimo  kale oo badan.

3 – Suldaanka ayaa qaybta sadexaad ku sheegay kuwa ugu liita waxaana uu sheegay in kuwaasi waxa socda aysan ka warqabin ee ay hoolka qado u soo raadsadeen iyo shilimaad  jeebka logu  shubo.

Ugu danbeyn Suldaanka ayaa waxaa uu  ugu baqay in shacabka Somaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan  wax alaale iyo wixii wax u dhimi kara  hay,adaha qaranka ee hada dhisan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

VIDEO: Robabkii ka da’ay Muqdisho oo wax weyn ka badalay Bilicdii Magalada

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo si weyn looga dareemay Raxmada alle oo aad loogu diirsaday kadib Roobab xoogan oo si weyn uga da’ay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo Qasaaro Naf iyo maalba leh oo ay geesteyn roobabkaasi.

Muuqaalo kala duwan oo ku saabsan Bilicda Magaalada Muqdisho oo wax weyn iska badaleyn ayaan jaceyl nahay in aan idiin la wadaagno kadib Qasaarooyinka ay geesteyn Roobabkaasi mahiigaanka ahaa ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Jawaari oo gacanta loo geliyey moshin lagu dalbanaayo is-casilaada Xasan Sh

Muqdisho ( Caasimada Online) – Xildhibaanno gaaraya 115-mudane ayaa maanta oo Khamiis ah ku wareejiyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari mooshin lagu dalbanaayo madaxweynaha in uu is-casilo.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la sheegay in uu aqbalay mooshinka la soo gudbiyay islamarkaama uu ka qabtay xildhibaannada keenay.

Xildhibaannada mooshinka keenay ayaa ka codsaday guddoomiyaha baarlamaanka in uu mooshinka saxaafadda si loo arko tirada iyo magacyada ku saxiixan mooshinka.

Dhinaca kale, xildhibaannada soo gudbiyay mooshinka maanta ayaa sheegay in hadda ku wajahan yihiin xarunta Villa Somalia, halkaasoo ay kula kulmi doonaan madaxweynaha si ay ugu gudbiyaan warqad ay ku dalbanayaan in is casilo si loo badbaadiyo dalka.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo jooga Muqdisho ayaa soo sheegaya in xildhibaannada mooshinka soo gudbiyay ay ka go’an tahay siddii uu meel mari lahaa dalabka ay soo jeediyeen.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo looga hadlaayo mooshinka laga keenay madaxweynaha waxaana arrintaas ay saameesay fadhiyada baarlamaanka.

Ma jirto faah-faahin intaas dheer oo la helaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]