29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

NICHOLAS KAY oo shaaciyey mowqfika beesha caalamka ee XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) –Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ahshir jaraa’id wadajir ugu qabtay, wakiilka gaarka ah ee xoghaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nick Key iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda dhismaha nabadda, Judy–Cheng Hopkins.

Danjire Key ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex galay xubno ka mid ah baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inta uu ogyahay in aysan jirin wax culeys ah oo beesha caalamka ay ku hayaan madaxweynaha isagoona intaas ku daray in xilligan aaney munaasab ahayn in madaxweynaha laga dalbado in is-casilo.

Mr. Key ayaa carabta ku adkeeyay in uu galabta la kulmi doono xubno ka tirsan xildhibaannada dalabka u soo jeediyay madaxweynaha kuwaasoo ka socdsaday in ay la kulmaan isaga, balse wuxuu intaas raaciyay in uusan aqoonin wax yaabaha ay kala hadli doonaan kulankooda.

Key ayaa ku celceliyay in albaabkiisa uu furan yahay diyaarna uu yahay in uu qaabilo cid kasta, maadama uu yahay wakiilka QM ee Soomaaliya.

Wuxuu kale oo uu sheegayin  beesha caalamka aysan madaxweynaha ku caddaadin doonin in uu is-casilo sidda uu yiri, islamarkaana ay taageersan tahay in madaxweynaha howshiisa uu guto.

Key ayaa beeniyay beesha calamka in ay dooneyso in xilka laga qaado madaxweynaha, wuxuuna xusay in aysan macquul ahayn in madaxweyne kale la doorto ka hor 2016-ka.

Dhinaca kale, kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda dhismaha nabadda, Judy–Cheng Hopkins ayaa ka warbixisay safaro ay ku tagtay magaalooyinka Kismaayo iyo Xuddur, waxaan ay sheegtay in magaalooyinkaas ku soo arkay xaalado kala duwan.

Waxa ay ku dhawaaqay lacag kor u dhaafeysa 10o milyan oo dollaarka Maraykanka taasoo loogu talagalay in wax looga qabto xaaladda dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasan Sh iyo xildhibaanada ku kacsan oo kulmay iyo xog sheegeysa in…..

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno dhawaan ku shiray magaalada Muqdisho oo gaaraya 133-xildhibaan ayaa maanta qaar ka mid ah tagay xarunta Villa Somalia, waxaana ay halkaas geeyeen QORAAL rasmi ah oo ay madaxweynaha kaga dalbadeen in uu is-casilo.

Xildhibaannada maanta tagay Villa Somalia waxaa ka mid ah, Cabduqaadir Cosoble iyo wasiirkii horre ee arrimaha gudaha Cabdi Samad Macallin Faarax.

Qoraalka loo gudbiyay madaxweynaha waa mid tallo soo jeedin ah oo la doonayo in uu ka tago xafiiska.

Madaxweynaha waxaa la sheegay in uu aqblay warqadda loo keenay, laakin wax jawaab ah ma uusan bixin siddaas waxaa noo sheegay ilo ku sugan Villa Somalia.

Si kastaba, xildhibaannada maanta u geeyay warqadda madaxweynaha uga dalbanayaan in uu iscasilo ayaa mid la mid ah maanta loo gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka wuuna ka aqbalay.

Waxaa jirra warar is khilaafsan oo ku aadan warqadda loo dhiivay Jawaari in ay ku qoran tahay mooshin iyo in kale.

Waxaa lee yahay warqadaas wax mooshin ah kuma qorna waa tii ay dhawaan soo bandhigayn xildhibaannada ku shiray Muqdisho isla markaana ay ku qoran yihiin xildhibannada soo gud biyay tallada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasan Sheekh oo si cajiib ah u hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud, ayaa la hadlay xildhibaannada baarlamaanka ee ka dalbaday in uu is-casilo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qiimeeyo wax yaabaha ay qabatay dowladiisa muddada ay jirtay.

xasa

“Anniga madaxweyne ka ahaan waxaan rabaa in la qiimeeyo wax yaabaha ay qabtay dowladda iyo hey’adaheeda iyadoo mid mid loo eegayo laakin aan la siyaasadeynin, wixii u baahan isbadal waan sameeneynaa” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha wuxuu qiray in ay jiraan dad doonaya in qalqal siyaasadeed ay ka abuuraan dalka oo danno gaar ah leh sidda uu yiri.

Madaxweynaha wuxuu kaloo sheegay Soomaaliya in ay ka soo baxday jiho kale isla markaana ay u socto jiho kale oo dowladnimo ah.

“Waxaa jirra dad marka ay ogaadaan in laga soo baxay jidkii dhibka badnaa ee dowlad la’aanta looga jiheestay jidkii dowladnimmada iyo horrumarka dad ka cabsada ayaa jirta, waxaan lee nahay dadkaas oo qabsada gacantaas horrumarka ku socota” ayuu yiri Xasan.

Marka la eego sidda loo soo dhaweeyay madaxweynaha iyo sidda uu hadlay waxaa ka muuqata kalsooni buuxda in uu ka adkaan karo xildhibaannada doonaya in uu is casilo.

Xasan Sheekh wuxuu shaley ku lugeeyay inta u dhexeysa taaladda daljirka Daahsoon ilaa madaxtooyada halkaasoo dadweyne fara badan uu kula hadlay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud waxaa cad in ay ku soo furmayn culeys cusub isagoo horrey culeyso kale heestay, ma cadda sidda uu isaga moosi doono dabeesha cusub ee la soo daristay.

24

IMG_0749

IMG_0976

603688_1429881303937319_8714976746366151155_nCaasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyey Villa Somalia iyo xildhibaanno lasoo jebiyey (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia, oo shalay ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa xalay kullamo xasaasi ah waxa ay isaga iyo saaxiibadiis siyaasadeed ku qaateenxarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Waxaa kullanka looga hadlay sidii ay u wajihi lahaayeen xaaladda cusub ee soo korartay kadib markii xubno xildhibaanno ah oo gaaraya 130, oo isugu jira kuwa lacag la siiyey iyo caadifad qabiil ay hayso ay dalbadeen is-casilaadda Xasan Sheekh.

Sida xubno ku sugan Villa Somalia ay u sheegeen Caasimada Online, waxa ugu muhiimsan ee kullanka looga hadlay, ayaa ah in la aqoonsado dhammaan xildhibaannada dalbaday is-casilaadda madaxweynaha, si loo ogaado fikradahooda iyo sababta ay is-casilaadda u rabaan, marka laga soo tago wixii ay saxaafadda u sheegeen.

“Waxaa la isku dayayaa in la kala ogaado xildhibaannada is-casilaadda u dalbaday ajendooyin siyaasayeed iyo kuwa la rumeysan yahay inay kuwaas iska raaceen un, ayaga oo lacag doon ah” ayaa laga soo xigtay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia.

Waxaa la rumeysan yahay in ujeedada qorhahan uu yahay in xildhibaanada la kala jebiyo, oo kuwa lacag doonka ah gooni loo saaro, taasi oo yareyn karta xildhibaanada mucaaradka ah, suurta gelin kartana inaysan awood u yeelan inay ridaan madaxweynaha.

Qorshaha is-casilaadda, ayaa waxaa soo abaabulay xildhibaanno u badan beelaha Kablalax oo lacag badan faruqaya, ayada oo ay ku adeeganeyso dowladda Kenya, sababo la xiriira arrinta Jubbooyinka.

Madaxweynaha ayaa la rumeysan yahay inuu haysto taageerada xildhibaanno la mid ah kuwa codsaday is-casilaadda, waxaana warbixinno cusub ay sheegayaan in qaar ka mid ah kuwii dalbaday is-casilaadda oo aan tiradooda la shaacin ay hadda fikirkooda beddeleen.

Dhinaca kale dhowr xildhibaan ee Hawiyaha ah ee lagu adeeganayo, ayaa hadda la sheegay inay is-ceybsanayaan, oo xittaa qoysaskoodii ay kala kulmeen mucaaradnimo iyo naceyb, kadib markii la ogaaday inay u adeegayaan xildhibaanno diidan horuamrka iyo nabdda magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Beesha MUDULLOOD oo go’aan adag ka soo saartay qaswadayaasha dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelweynta Mudullood, ayaa go’aan iyo baaq adag kasoo saartay xaaladda cusub ee kusoo korartay siyaasadda dalka Somalia, iyo qaska cusub oo ay wadaan xildhibaanno u adeegaya dano beeleed, oo isku dayaya inay qaranka dumiyaan.

Bayaan kasoo baxay Golaha Wacyi-Gelinta Beelaha Mudullood, oo si gaar ah ugu socday Ugaaska iyo Imaamka Mudullood, Aqoonyahanka Mudullood, Haweeynka Mudullood iyo Bahweynta Mudullood, ayaa lagu cambaareeyey xubnaha qaska wada oo ay sidoo kale ku jiraan xildhibaanno Mudullood ah oo lagu adeeganayo.

“Dhambaalkaan wuxuu ku saabsan yahay in Mudullood uu garwaaqsado in duullaan xoog leh lagu soo qaaday, kaasi oo ay wadaan jufooyin dhowr ah oo aan magacyadooda mar kale ku shaacin doonno meesha arrintu mudan tahay. Laakin dhambaalkaan wuxuu si gooni uga hadlayaa garaad laaweyaal lagu adeegto oo kala ah CABDULQAADIR COSOBLE iyo CUMAR FINISH oo loo adeegsanayo fulinta himilooyinka gurracan oo ay QASWADAYAASHA maleegayaan si loo hakiyo habaasna lagu shubo horumarka aadka u baaxadda weyn ee ka socda Muqdisho” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaanka oo Caasimada Online lasoo gaarsiiyey.

“Haddaba, Mudullood waxaa la gudboon inay meel uga soo wada jeestaan dagaal aan loo kala harinna ku qaadaan QASWADAYAASHA kor ku xusan iyo kuwa soo adeegsaday loolana dhaqmo sida ay mudan yihiin oo ah cadaw raba ummadda oo dhan inay baabi’iyaan, wax dowlad la yiraahdana ay ka dhismin Soomaaliya… Mudulood hurdada ka kac”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaannada beelo gaar ah oo xalay shirqool ku diyaarinayey Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ayaa waxaa xalay ka dhacayey kullamo gooni gooni ah, oo ay lee yihiin qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka Somalia ee doonaya in la rido madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada xalay kullamada ku lahaa qaar ka mid ah hoteelada Muqdisho, ayaa u badnaa kuwa beelaha daarood, gaar ahaan kuwa Kablalax, si ay taageero badan ugu raadiyaan dadaalkooda ka dhanka ah madaxweyne Xasan.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay soo baxday in qaar ka mid ah 130-kii xildhibaan ee saxiixay warqaddii is-casilaadda looga dalbay madaxweynaha ay ka laabteen go’aankooda.

Xubnaha ololaha ballaaran wada waxaa ka mid ah Xldhibaan Xiddig, Xasan Abshir iyo kuwa kale, oo sida la sheegay ay ka go’an tahay inay taageero u helaan qorshaha ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya.

Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in xildhibaannadan ay sidoo kale xiriiro la sameeyeen Puntland iyo Kismaayo, si qorshahan loo sii dhaqaajiyo.

Wararka ayaa sheegaya in toddabaadkii hore ay Muqdisho ku heleen lacag mallaayin dollar ah, si ay codad ugu iibiyaan qorshaha ka dhanka ah madaxweynaha Somalia.

Ujeedada xildhibaanada beelaha Kablalax ayaa lagu sheegay inay doonayaan in marka madaxweynaha Somalia la rido lagu beddelo nin ayaga ku hayb ah, waaba haddii ay ku guuleystaan’e.

Dad badan oo Muqdisho ku sugan, ayaa carro xooggan ka muujieyy carqaladda cusub oo ay xildhibaanadan ku hayaan dowladda iyo madaxweynaha Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa lagu ridi karaa madaxweynaha? (Qorshe beeleed fashil & fadeexad ah)

Tan iyo markii magaalada Muqdisho ay kaga dhawaaqeen xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo  tiradooda lagu sheegay 130 in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud uu xilka isaga dago, waxaa soo baxayay  baaqyo kala duwan oo lagaga jawaabayey dhawaqa xildhibaanadaasi ka yimid.

Shabakadda Caasimada Online, ayaa soo uruurisay dhowr ka mid ah aaraa´da arrintan ay ka qabaan  shaqsiyaad waxgarad ah, waxaana aragtidoodu tahay siddatan:-

Maxéd Xassan Buurane, Muqdisho-Soomaaliya

275-ta xildhibaan ee baarlamaanka ku jira horta ma ogyihiin waajibaadka ay xambaarsan yihiin.? Haddii ay ku dhaqmayaan waxa dastuurka ku qoran, arrinta ah madaxweynuhu ha is casilo waa arrin aan dastuurka meelna ka soo gelin. Madaxweynaha Soomaaliya waxaa lagu ridi karaa oo keliya Qiyaano Qaran,  waxyaaba ay u soo daliishadeen xildhibaanada waa shaqadii laga rabay dowladda, iyaga ayey aheyd in ay dardargeliyaan la xisaabtanka xukuumadda, wax ka qabashada ammaanka, la dagaalanka muqus-maasuqa IWM. Madaxweynuhu waa astaanta Qaranka.

C/qaadir Xassan Cibaar,  London-UK

Madaxweynaha waxaan leeyahay dheg ha u dhigin hadallada ka soo yeeray xildhibaanadaas. Xildhibaanadu iyaga ayaa Astaantii Qaranka u gefay waa iyaga in la maxkamadeeyo, waxey wasaqeynayaan beelihii u soo magacowday xildhibaanimada.

Fardowsa Xaashi Siciid,  Geneva-Switzerland

Ragga mashrcuucan soo qaatay waxey kala yihiin Guure oo beesha Xawaadle ka soo jeeda, Kabaweyne oo H/gidir metelaya &  Cosoble oo Abgaal ah. saddexdooda waxaa gadaal ka soo riixaya kuwii horay ugu fashilmay in ay carqaladeeyaan dowladda Soomaaliya ee qaswadayaasha loo bixiyey oo kala ah; Puntland, Jubbaland & dowladaha Kenya & Itoobiya oo basiin ku sii shubaya mushkilada Soomaaliya,  waxey iska soo hormariyeen nimankaan oo ay yiraahdeen wax noo sii qasa, shacabka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo waxaa looga baahan yahay in ay u midoobaan sidii ay dowladooda u difaaci lahaayeen, meelna uga soo wada jeesan lahaayeen daba-dhilifyadda.

Cabdirashiid Yuusuf Xassan,  Muqdisho-Soomaaliya

Kuwa hadda meelaha ka qeylinaya waa dad socod barad ku ah siyaasadda, waana shaqsiyaad been loo sheegay oo la yiri haddaad ridaan Xassan Shiikh waxaad noqoneysaan Madaxweyne,  waxaana ka mid ah Cabduqaadir Cosoble, waxaa la ilowsan yahay in ay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo la qorsheynayo in xilkan loo magacaabo, ha ogaadaan kuwaas marka doorasho ay timaado baarlamaanka ayaa codeynaya, doorashadii u dambeysayShiikh Shariif wuxuu iska dhaadhiciyey inuu guuleysanayo waxaana ku dhacday dibirtii la ogaa.

Feysal Qaaje,  Muqdisho-Soomaaliya

C/qaadir Cosoble waxaa dhegta loogu sheegay adigaa dumaalaya xilka, waxaa laga dhaadhiciyey maadaama Soomaaliya ay ku jiro xaalad gumeysi oo dowladihii ciidamada ku deeqay ay faragelin ku hayaan masiirka ummaddan iyaga oo isticmaalaya shaqsiyaad caada-qaatayaal ah, waxaa uu Cosoble aaminay in Xassan Shiikh uu beddeli doono waase nin riyoonaya. Beelaha ay shaqsiyaadkaasi u dhasheena waa ku fahmeen waxeyna leeyihiin magaceena ha wasaqeyninee dhagar qabayaal ayaad tihiin tuugadaas idinka oo keligiin ah ku biira qaswadayaasha

Cali Jaamac (Cali yare) Gaalkacyo-Soomaaliya

Cosoble, Guurre & Kaboweyne waxaa laga dhiganayaa baldoosar siyaasadeed oo la doonayo in jidka lagu fasho, waxaa jira rag tarbuunka fadhiya oo ciyaarta kor kala socda oo doonaya in ummaddan ay iyagu soo baaba’do, kuwa aaminsan haddii Xassan Shiikh uu meesha ka baxo idinkaa ku soo baxaya riyo ayey ku jiraan, waxaan oran lahaa tafaraaruqa iyo kursi ku daneysiga iska daaye ee meel uga soo wada jeesta inaad ummaddiina wax u qabataan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Sirdoonka SOMALIA oo laga helay xog xasaasi ah iyo xaaladda oo mareysa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo dhowr bilood kadib, ayaa waxaa soo xoogeystay khilaaf hareereeyay Hogaanka sare ee Taliska Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka, iyadoo ay isa soo tarayaan wararka la xiriira khilaafaadka ka dhex tolan Saraakiisha sar sare ee Nabad Suggida.

Khilaafaadkaan, ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo Ku Xigeenadiisa oo 3 xubnood gaaraaya.

Tani, ayaa ka dambeysay ka gadaal markii General Bashiir Maxamed Jaamac lagu eedeeyay in uu isku koobay Xafiiska Shaqada, iyadoo Xarunta Nabad Suggida aan lagu arag muuqa Ku Xigeenada Taliyaha Nabad Suggida.

General Bashiir Goobe, ayaan wax wada shaqayn ah kala dhaxayn Ku Xigeenadiisa, taa oo qayb ka noqotay fashilka xagga ammaanka ah ee ka jira Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Caasimada waxay caan ku noqotay inaan gacanta lagu soo dhigin, oo Sharciga aan la horkeenin ragga falalka ka baxsan ammaanka ka geysanaaya, sababo ku aadan xagal daacin ka dhex jirta Hogaankii Sirdoonka ee Qaranka.

C/salaan Yuusuf Guuleed, Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo Maxamed C/laahi Xaamud, oo ah Ku Xigeenada Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida, ayaan ka hawlgelin Xarunta Nabad Suggida ee Magaalada Muqdisho.

Marka Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida uu u amba baxaayo dalalka dibadaha, ayaa waxa uu Ku Sime ka sii dhigtaa Kaaliyaha Taliyaha Nabad Suggida Gaashaanle Khaliif Axmed Ereg, oo ehel la ah Wasiir Guuleed.

General Goobe oo Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, ku wehlinaaya booqashada uu ku jooggo Magaalada London, ayaa waxaad mooddaa in Ku Xigeenkiisu uu u aqoonsan yahay Ereg.

Khilaafaadka ba’an ee ka dhex aloosan Taliska sare ee Nabad Suggida, ayaa waxaa marar kala duwan la gaarsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo laga soo xigtay in uu wax ka qaban doono.

Jananka ugu sareeyo Nabad Suggida oo xiriir dhow la leh Wasiir Guuleed, ayaa waxaa la sheegaa in Wasiirku uu Madaxweynaha gaarsiiyo ammaan ku aadan Bashiir Goobe, in si weyn u beegsanaayo nabadiidka.

Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo C/salaan Yuusuf Guuleed oo ku dhow dhow Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa jirta baaq uu labadaba u jeediyay, oo ah in ay samraan, oo ay dulqaataan intii muddo ah.

General Bashiir Goobe, ayaa xilliyada qaar la macaamila Maxamed C/laahi Xaamud, kaa oo leesla dhex maro in mararka qaar uu ka soo dhoweysto Cabdalla Cabdalla Maxamed & C/salaan Yuusuf Guuleed.

Ilo muhiim ah, ayaa sheegay in ay cirka isu shareertay wada shaqayn la’aanta ka dhaxeysa xubnaha ugu sareeya Taliska Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka, tiiyoo natiijadeeda laga dareemay Caasimada, oo lagu beegsanaayo Xubnihii Golaha Shacabka matalaayay.

Dadka qaarkii, ayaa su’aal iska weydiinaaya waxa indhaha uun looga daawanaayo khilaafka u dhaxeeya Taliskii Sirdoonka ee Soomaaliya, loogana shaqayn la’yahay, sidii leeskugu soo dhowayn lahaa amaba loo kala diri lahaa.

Si kastaba ha-ahaatee khilaafaadka ka dhex aloosan Saraakiisha sar sare ee Nabad Suggida, ayaa la dhihi karaa waxay qayb ka tahay, tallaabada ay Xildhibaanada Baarlamaanka, Dowladda Xasan Sheekh ugu dhaliilayaan mid fashilmatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

80 qof oo KENYA ku dhintay kaddib…

Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan 80 qof ayaa dhintay Kenya tobonaan dheeri ahna way indha beeleen ama way xanuunsadeen kadib markii ay cabeen khamri sumeeysan oo loo maleeynayo in uu ku dhex qasmay walxo kiimikaal, sidaana waxa Arbacadii (7-dii May) wariyay AFP.

Xarunta Dhexe ee Qaranka ee Howlgallada Musiibooyinka Kenya ayaa hadal ay soo saartay ku sheegtay in 80 qof ku dhinteen afar degmo, taas oo tiradii hore ee dhimashada kor u qaadday kadib markii ay dhibanayaashu kordheen.

Ilo wareedyo isbitaal ayaa sheegay in tobonaan kale la dawaynayo.

Qaar ayaa soo kacay iyaga oo indha la’ kadib markii uu seexiyay cabitaanka, sidaana waxa sheegay saxaafadda maxalliga ah, halka qaar kalena ay si tartiib tartiib ah u luminayaan aragga. Qaar ka mida dhibanayaasha ayaa ka cabanaya calool xanuun ba’an, arag xumo iyo awood yari guud.

“Waxan isku dayaynaa in ogaanno halkii uu ka yimid khamrigan,” ayay tiri afhayeenka bilayska Zipporah Mboroki. “Waxa socda baaritaanno waxana la qaadi doonaa saamiyo si loo hubiyo halka iyo sida loo diyaariyay.”

Ma cadda in dhimashada oo dhami ay ka timid hal khamri, laakiin dhibanayaasha ayaa ka yimid laba magaalo oo ku dhow Nairobi, iyo sidoo kale qaybo kale oo ku yaal bartamaha iyo bariga dalka.

Meelaha qaar khamriga waxa laga gatay baarar ruqsado leh, halka qaar kale laga gatay wadooyinka, ayay sheegeen mas’uuliyiintu.

Khamrada lagu sameeyo degaanka, oo inta badan laga sameeyo galleeyda iyo masagada la qamiiriyay, ayaa waxa aad u isticmaala saboolka, maaddaama ay qiime ahaan aad uga jaban tahay khamriga sida sharciga loo sameeyo loona iibiyo. Qaar ka mida dhibanayaasha ayaa cabitaanka dhigay isbitaallada ka bixiyay lacag gaaraysa illaa $0.30, sida ay sheegayso warbaahinta maxalliga ah.

John Mututho, oo ah madaxa Hay’adda Qaranka Kenya ee u Ololeeynta La-dagaallanka Ku-talax-tagidda Khamriga iyo Maandooriyaha, ayaa sheegay in hay’addiisu ay bilayska kala shaqaynayso sidoo loo soo heli lahaa shabakadda warshadaha iyo qaybiyayaasha khamriga sumaysan.

“Waa in tallaabooyin la qaadaa, dadkuna waa in ay qaataan mas’uuliyaddooda, bilaysku qaban mayo shaqadiisii,” ayuu yiri. “Waa musiibo in ay dhintaan dad intaa tiro le’eg; waxa ay ahayd arrin laga hortagi karay.”

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Somalia oo la cabsanayo (Halis cusub)

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo Somalia ku saabsan ayaa sheegeysa in inkastoo horumar laga dareemayay Somalia sanadihii dhowaa, hadana adankaasi uusan weli ka bixin mushkiladii heysatay.
 
Isbaheysi ay leeyihiin in ka badan 20 hay’adood oo kuwa gargaarka ah ayaa sheegaya in in badan oo ka mid ah mujtamaca somaliyeed ay musiibo qarka u saaranyihiin.

Warbixintan oo loogu wanqalay – Risk of Relapse: – Somalia Crisis Update oo macneheedu yahay halis ay Somalia ugu jirto inay dhibaatadii ay ka soo kabaneysay ay dib ugu noqoto – iyo wararkii ugu dambeeyay ee mushkiladda wadankaasi ka taagan – ayaa lagu sheegay – in xaaladaha wanaagsan ee hadda ka muuqda Somalia aysan ka dhigneyn guul laga gaaray mushkiladii wadankaasi la degtay.
 
Warbixintu waxey sheegtay in xaaladda nolol maalmeedka caadiga ah ee dadka ay tahay mid sii xumaaneysa.
 
Warbixinta waxaa lagu sheegay in ku dhawaad sadex malyuun oo qof oo Somali ah ay ku suganyihiin mushkilad bani aadnimo.
 
50,000 oo caruur ah ayey sheegtay warbixintu inay nafaqo darro ba’an heyso, in ka badan hal malyuun ay bara kac uga maqanyihiin guryahooda.
 
Tiradan ayaa marka la fiiriyo, waxey aad uga wanaagsantahay sidii ay xaaladu horey u aheyd , laakiin warbixintu waxey leedahay, ma haboona in horumarka lagu cabiro – heer aan gaarsiinen – heerka nolosha ee bani aadamku uu xamili karo .

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawirka Kenyan lagu dilay PUNTLAND

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas xaley lagu dilay macallin Kenyan ah oo wax ka dhigaayay Machadka Fishing International of College.

Kenneth Mwanga, ayaa la dilay xilli uu ka soo baxay xiisad uu dhigaayay, isagoona ku sugnaa bannaanka machadka, dabley ayaa toogtay isla markiina waa ay baxsadeen.

SAWIRKA KENYAN xalay lagu dilay PUNTLAND
SAWIRKA KENYAN xalay lagu dilay PUNTLAND

Yacquub Maxamed Cabdalle, waa guddoomiye ku-xigeenka degmada Gaalkacyo, wuxuu saxaafadda u sheegay in ragga toogtay macallinka reer Kenya in ay baxsadeen balse ay wadaan baaritaano ku aadan siddii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiilayaasha.

Wuxuu sheegay in meydka macallinka loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.

Macallinkan oo laga keenay Kenya ayaa la geeyay Puntland bishii September sannadkii 2013-ka, xilligaas oo machadka la furay, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Gaalgacyo.

Bishii April ayaa nin hubeysan wuxuu garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ku toogtay labo nin oo caddaan ah oo u kala dhashay Britain iyo Norwey, kuwaasoo u shaqeenaayay QM.

10-kii sanno ee la soo dhaafay waxaa Somaliland iyo Puntland ku qulqulaayay Kenyan fara badan kuwaasoo wax ka dhiga iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla halkaas, waxaa kaloo jirra kuwa u shaqeeya hey’addaha gargaarka.

Ma cadda dilka macallinka Kenyaanka ah in uu ku lug lee yahay dhibaatada iyo tacadiga lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

Video-ga qaabkii uu wiilka Soomaaliga ugu dhuuntay taayarka diyaaradda oo lasoo bandhigay (Muuqaal yaab leh)

Waaxda Duulimaadyada Hawaii, ayaa soo bandhigtay Muuqaal cusub oo laga duubay, wiilkii Soomaaliga ahaa ee ku safray Taayarka Diyaarada Hoosteeda.

Muuqaalkan lasoo bandhigay, ayaa waxaa ka muuqanaya wiilka Soomaaliga ah oo ku wareegeeysanaya Jaranjarada Diyaarada, kadib markii oo kasoo degay.

Wiilkan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo “Yaxye Cabdi” islamarkaasna ah 15 sano jir, ayaa ka bad baaday safarkaas Halista ahaa oo qaatay mudo 5 saacadood ah.

Saraakiisha Duulimaadka Hawaii, ayaa sheegay in wiilkaan uu si wanaagsan u qabsaday Taayarka Diyaarada Hawaii-bound Boeing 767, kadib markii ay Diyaarada kacdayna uu suuxay.

Saraakiisha Caafimaadka ee Gacanta ku haysa wiilkan, ayaa sheegay inuu doonayay inuu Gaaro Hooyadiis oo ku nool Soomaaliya, isagoo moodayay in Diyaarada kusii jeedo Soomaaliya.

Xaalada wiilkan, ayaa hada soo roonaaneysa, iyadoo saraakiisha danbi baarista Mareykankana ay doonayaan ineey su’aalo weeydiiyaan.

Halkaan ka daawo muuqaalka:

Sawirro: Siilaanyo: “Xasan Sh. waa nin ku cusub siyaasada oo dhallinyaro ah”

Hargeysa (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa maanta oo Arbaca ah jeediyay khudbadii afaraad ee dastuuriga ahayd taasoo uu jeediyay labada golle ee baarlamaanka Somaliland.

Wuxuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo xiisadda ka taagan degmada Taleex ee gobalka Sool.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa labada golle u qaybiyay buugaag ay ku qoran yihiin dhammaan heshiisyadii Somaliland iyo Soomaaliya ee ka dhacay London, Dubai iyo Turkiga.

Khudbadda madaxweyne Siilaanyo ayaa qaadatay 22-daqiiqo, waxaana,wuxuu labada golle baarlamaanka ee kala ah guurtida iyo wakiiladda ka codsaday in wixii la qaatayn ah ay meel mariyaan wixii kale ee wax u dhimmaya qarannimada in ay ka saaraan.

1511011_562474010533123_2530572691405355790_n

Siilaanyo oo u jawaabay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan ka hadlay xiisadii ka taagneed Taleex, isagoona Xasan Sheekh sheegay in dowladiisa ay door ku lahayd daminta xiisadaas oo ay ku dagaallami lahaayeen Puntland Somaliland, si toosna uu isaga xiriir u la sameeyay madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland.

Siilaanyo waxaa kaloo uu weerar ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud isagoona ku tilmaamay nin dhallinyaro ah oo siyaasadda ku cusub.

“Waxaan maalmahan aad warbaahinta aad kala socotayn hadal uu shegeay madaxweyne Sheekh iyo in aan warqaddo iyo xiriir uu noo dhexeeyo, haddii uu wax qabad ka dhigtay warqaddii tahniyadda ee aan u diray, ma jirto wax igu qasbaya in Xasan Sheekh aan kala hadalno xudadaha waddankeena, kaliye waxaa noo dhexeeya wadahadal adduunyada ay noo dhexeey, waxaan lee yahay si nabad galyo ma u baqoolnaa”

Wuxuu yiri oo kale:- “Madaxweynaha Soomaaliya wuu ku cusub yahay siyaasadda waa dhallinyaro, waa nasiib darro arrintaas in uu ku hadaaqay”

Baaq uu u diray beesha caalamka

Madaxweyne Siilaanyo ayaa baaq u diray beesha caalamka isagoona yiri waa in aad aqoonsataan Somaliland, iyadana waxa ay idiin ballan qaadeysaa in ay idin kala shaqeyso la dagaallanka argixisada iyo burcad-beeda ee ka dilaacday Soomaaliya.

“Beesha caalamku waxaan diyaar la nahay in la wadaagno danaha la lee yahay sidda ammaanka, la dagaallanka burcad-badeeda iyo argagixisada” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay madax banaanidda Somaliland iyo jihada siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ku socoto ay tahay mid ku salaysan ictiraaf raadinta Somaliland.

“Illaahay mahaddii, Somaliland waa Dawlad ku timi rabitaanka bulshada, dadkeedu aqoonsanyahay, dadkeedu illaashanayo, buuxisay dhamaan shuruudihii dawladnimo, waa hubaal dunidu way inala macaamishaa, waanay ina ixtiraamtaa balse inama aqoonsan weli”ayuu yiri Siilaanyo.

Muxuu ka yiri xiisadda ka taagan Taleex?

Mar uu ka hadlaayay xiisadda ka aloosan Taleex wuxuu carabka ku adkeeyay in Taleex uu hadda ku sugan yahay wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).

Wuxuu sheegay Taleex in ay ka mid tahay dhulka Somaliland cid laga yeelaayo in aaney jirin.

1506760_562474093866448_1601109739440558875_n

10177972_562473867199804_7949785288036293827_n

10259901_562474923866365_3250638099927045782_n

10294362_562473870533137_3690884662760658557_n

1797387_562474800533044_6658862058829681077_n

1013877_562474350533089_1261651840984294140_n10303965_562474410533083_3280575890570430243_n

10308563_562473847199806_5665619391991479153_n

10313585_562474730533051_7613641170070847452_n

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Video: Gabar wariye ah oo Muqdisho ay ku qabsatay dhacdo xanuun leh

Wariye Nasad Bashir Axmed oo ka mid ah Wariyayaasha ka howl gala Idaacada Radio Muqdisho waxeey ka sheekeyneysaa Dhacdo halis ah oo ay la kulantay kadib markii kooxo hubeeysan oo gaaraya 7 ruux oo soo weeraray guriga ay ku nooleyd.

Gabadhani Wariyaha oo indhaheeda ilmo ay ku soo istaagtay ayaa ka sheekeyneysa dhacdo aad u xanuun badan oo kaa ilmeysiineysa sida ay uga badbaaday isku dayga dil ee la la damacsanaa ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

Congress-ka Mareykanka oo ansixiyey sharcigii ugu muhiimsanaa Somalida

Washington DC (Caasimada Online) – Aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa sharciga horumarinta xawaaladdaha, kaasi oo u sahli doono dadka cusub ee Maraykanka inay lacago u diraan eheladooda dibedda joogta.

Sharcigan ayaa waxaa loo gudbin doonaa aqalka Senate-ka, si ay u meel-mariyaan, waxaana haddii ay meel mariyaan saxiixi doona madaxweyne Barack Obama.

Sharcigan ayaa khafiifinaya shuruucda lagu maamullo shirkaddaha xawaaladdaha, wuxuuna horseedi donaa in bangiyada Maraykanka ay dib u bilaabaan addeegii ay joojiyeen ee ay siin jireen shirkaddaha xawaaladdaha Soomaalida ee gobolka Minnesota.

Haddaba, sharcigan, iyo wuxuu uga dhigan yahay Soomaalida Maraykanka, ayaa waxaa laga wareystay Maxamud C/raxmaan Beene-Beene, oo ah madaxa Rugta Ganacsiga Soomaalida Minnesota, oo la hadlay VOA-da

Halkan ka dhageyso wareysiga

War ka farxin doona Soomaalida dalka Kenya oo maanta la soo saaray (Aqri)

Nairobi (Caasimada Online) – Sida ay qorayn Jaraa’iidka ka soo baxa dalkan Kenya, maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku amartay wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku in uu joojiyo qorshaha dadka qaxootiga ah ee magaalooyinka jooga dib loogu celinayo xeryaha qaxootiga, ilaa laga dhageysanayo dacwad ay dad qaxooti ah soo gudbiyeen.

Garsooraha maxkamadda sare ee Kenya, David Majanja ayaa soo saaray amarka, kaddib markii uu helay dacwad ay soo gudbiyeen sagaal qof oo ka wakiil ah shan boqol oo qof oo qaxooti ah oo sheegay in ay maalgashi xooggan ka sameysteen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Dadka qaxootiga ah ayaa caddeeyay in ay dowladda Kenya soo dhoweyn wanaagsan u sameysay sanadkii 2006, laguna boorriyay in ay maal-gashadaan Kenya.

Dadka dacwadda gudbiyay ayaa ku doodaya in hirgelinta wareegto ka soo baxday wasiirka arrimaha gudaha iyo sii socoshada howlgalka lagu magacaabay ‘Usalama Watch’ ay halis ku yihiin xuquuqda ay u leeyihiin in ay sameeyaan dhaqdhaqaaq iyo in ay lahaadaan hanti sida uu qabo dastuurka dalka u yaalla.

Samow Muumin Maxamed oo ka mid ah dadka dacwadda gudbiyay ayaa tilmaamay in amarka dib-u-celinta dadka qaxootiga ah uu ka hor-imaanayo dastuurka Kenya, sharciyada ku saabsan qaxootiga iyo xeerarka caalamiga ah.

Dadka dacwadda gudbiyay ayaa sheegay in qorshaha dib loogu celinayo qaxootiga aan lagu tixgalin qoysaska carruurta leh, dadka sababo caafimaad u jooga Kenya, dadka ganacsatada ah ee dhaqaalaha dalka soo galiya iyo dadka xaaladaha qaxootinnimo ee gaarka ah qaba.

Dacwadda ayaa la dhageysan doonaa 27-ka bishaan May, iyadoo ay goobjoog noqon doonaan dhammaan dadka ay khuseyso.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Marka: Cabdi Weli oo qarax la kulmay

Marka (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay kulamo la qaateen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa ku gaaray magaalada Marko safar dhanka hawada ah, iyadoo ay kasii horeeyeen masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Markii wafdiga gaareen kadib magaalada Marko waxaa bartamaha magaalada ka dhacay qarax ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya, waxaana la sheegay inay aheyd mid wadada lagu aasay.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay xaafada Ruuziya ee magaalada Marko, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka magaalada Marko.

Qaraxa ayaa sidoo kale la sheegay inuu sababay dhaawaca askar kale oo ku sugnaa goobta qaraxa, waxaana askartaasi booliska ah ay kamid ahaayeen ciidamo ilaalinayay amaanka maadaama ra’iisul wasaaraha uu gaaray magaaladaasi.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha dalka Cabdi Welli Sheikh Axmed Maxamed ayaa booqday isbitaalka magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Muxuu yahay mowqifka Xasan Sh ee ku aadan dalabka is-casilaadda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku gacan seeri doona dalabka xildhibaanada korka u dhaafaya boqolka ee ku aadan inuu is-casilo, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Ilo ku dhow madaxtooyada Somalia, ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu ku qoslay baaqa ku aadan is-caslaadda, islamarkaana uu ku gacan seeray, ayna ka go’an tahay inuu xilka sii hayo.

Madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu maanta soo gaaro magaalada caasimadda ah, islamarkaana uu si rasmi ah u shaaciyo go’aankiisa, ayada oo abaabul ay wadaan xildhibaanno isaga taageersan.

“Madaxweynaha waa uu diiday dalabka kuwa fowdada wada, waxaana jira kuwa ayaga ka badan oo isaga taageersan” ayuu yiri qof isaga ku dhow oo Caasimada Online la hadlay, balse aan dooneyn in la magacaabo, sababo la xiriira xaaasiyadda warkan.

Si kastaba waxa uu qiray in uu jiro walaac ku aadan tirada xildhibaannada dalbaday is-casilaadda ee gaaraya 133, taasi oo madaxweynaha sida la sheegay lama filaan ku noqotay.

Dhinaca kale dadaallo xooggan, ayaa ka socda Villa Somalia, ayada oo madaxtooyada ay billowday qorshe lagu kala jebinayo xildhibaanada dalbka is-casiladda keenay.

Xildhibaanada ku shiray Muqdisho Isniintii, ayaa isugu jira kuwa kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool oo Xasan Sheekh ugu carreysay arrinta maamullada la isku qabsaday ee gobolladaas, kuwa Daarood oo caadiaf qabiil u ridaya iyo kuwa aan badneyn oo Hawiye ah oo jeebka loo buuxiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muqdisho: Siyaasiyiin Hawiye ah oo ku biiray dalabka is-casilaadda Xasan Sh

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan ee baalaha Hawiye,ayaa ku biiray dalabka xildhibaanno ka tirsan baarlamanka ay ku doonayaan in madaxweynaha Somalia uu is-casilo.

Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabadda iyo Dumuqaraadiga Soomaaliya Cabdulahi Sheekh Xasan oo shir Muqdisho ku qabtay ayaa waxa uu taageeray Go’aankii shalay ay soo jeediyeen tiro ka mid ah Xildhibaanada Baarlaamnka Soomaaliya oo ka dalbaday in uu is casilo Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud.

Cabdulahi Sheekh Xasan waxa uu ku ammaanay mudanayaashii tallaabada qaaday oo uu ku tilmaamay in ay yiihiin kuwo dalka iyo dadka ka naxaya islamarkaana u dulqaadan waayay dhibaatadda dalka ka jirta, waa sida uu hadalka u dhigay.

Cabdullahi Sheekh Xasan waxa uu ka codsaday Baarlamaanka Soomaaya inay keenaan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya si meesha looga saaro, waxa uuna intaa ku daray in dalka uu ku jiro dhibaato Xoog leh oo u baahan in hadda wax laga qabo, maadaama uu carabka ku dhuftay in aysan jirin Dowlad wax ka qaban karta dhibka, waa sida ay isaga la tahay’e.

Cabdullaahi Sheekh Xasan, ayaa kasoo jeeda beesha Wacbduuhan Abgaal, gaar ahaan Daa’uud.

Xildhibaanada codsaday is-casilaadda madaxweynaha waxaa ka mid ah kuwa Hawiye ah, sida Cabdul Qaadir Cosoble oo Abgaal ah iyo Cabdisamad oo Habar-Gidir ah iyo kuwa kale, taasi astaan u ah in xaalka Xasan uu xun yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Mid ka mid ah odayaasha ugu caansan Hawiye oo taageeray casilaada Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Malaaq Cali Malaaq Colow Malaaq Showri oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, islamarkaana ah malaaqa Xamar iyo Xamar Daye ayaa si diiran u soo dhaweeyay bayaankii qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ay ku dalbadeen in madaxweynaha uu is-casilo.

Malaaqa oo kasoo jeeda beesha madaxweynaha ee Muddulood, gaar ahaan Mataan Cabdulle, ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, waxaana uu faahfaahiyey dhaliilaha dhankooda ay u hayaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, ee uu ku taageerayo is-casilaaddiisa.

Malaaq Cali, ayaa farta ku fiiqay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku sifoobay wax qabad la’aan, abuuritaanka Dagaal beeleedyo iyo isagoo ku fashilmay balan qaadyadii uu hore u sameeyay.

Malaaqa ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya waxa loo yaqaano Nin Jecleysi, isagoona Tusaale u soo qaatay Abtigiisa waa siduu hadalka u dhigaye oo uu u magacabay Wasaaradda arrimaha gudaha isagoo dhanka kalena sheegey in nin Beertiisa Balcad ku taala waardiye ka ah uu u magacaabo Guddoomiyaha degmada balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Malaaqa, ayaa ku bogaadiyay xildhibaanadii soo jeediyay inuu Madaxweynuhu is casilo inaysan maraba ka noqon dalabkooda, islamarkaana ay ku adkaystaan sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Madaxwyne Xasan Sheekh.

Si kastaba waxa tan iyo markii ay soo shaac baxday arrintan isa soo tarayay taageerada iyo talooyinka loo soo jeedinayo Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ee soo abaabulay barnaamijkan Madaxweynaha Xilka looga qaadayo.

Halkan ka dhageyso Malaaqa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]