29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Mid ka mid ah odayaasha ugu caansan Hawiye oo taageeray casilaada Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Malaaq Cali Malaaq Colow Malaaq Showri oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, islamarkaana ah malaaqa Xamar iyo Xamar Daye ayaa si diiran u soo dhaweeyay bayaankii qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ay ku dalbadeen in madaxweynaha uu is-casilo.

Malaaqa oo kasoo jeeda beesha madaxweynaha ee Muddulood, gaar ahaan Mataan Cabdulle, ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, waxaana uu faahfaahiyey dhaliilaha dhankooda ay u hayaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, ee uu ku taageerayo is-casilaaddiisa.

Malaaq Cali, ayaa farta ku fiiqay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku sifoobay wax qabad la’aan, abuuritaanka Dagaal beeleedyo iyo isagoo ku fashilmay balan qaadyadii uu hore u sameeyay.

Malaaqa ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya waxa loo yaqaano Nin Jecleysi, isagoona Tusaale u soo qaatay Abtigiisa waa siduu hadalka u dhigaye oo uu u magacabay Wasaaradda arrimaha gudaha isagoo dhanka kalena sheegey in nin Beertiisa Balcad ku taala waardiye ka ah uu u magacaabo Guddoomiyaha degmada balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Malaaqa, ayaa ku bogaadiyay xildhibaanadii soo jeediyay inuu Madaxweynuhu is casilo inaysan maraba ka noqon dalabkooda, islamarkaana ay ku adkaystaan sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Madaxwyne Xasan Sheekh.

Si kastaba waxa tan iyo markii ay soo shaac baxday arrintan isa soo tarayay taageerada iyo talooyinka loo soo jeedinayo Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ee soo abaabulay barnaamijkan Madaxweynaha Xilka looga qaadayo.

Halkan ka dhageyso Malaaqa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Bannaanbaxyo lagu taageerayo Xasan Sh. oo Muqdisho ka dhacay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca ah ka dhacay bannaabaxyo ballaaran oo lagu taageeraayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loogana soo horjeeday is-casilaadda loo soo jeediyay madaxweynaha.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku suganaa goobta dibad-baxa uu ka dhacaydaljirka daahsoon ayaa soo sheegay in dibadbaxa ay ka soo qaybgalayn dadweyne aad u fara badan.

“Boqolaal qof oo u badan dumar iyo carruur watana sawirka madaxweynaha ayaa buux dhaafiyay laga soo billaabo garoonka diyaaradaha Muqdisho ilaa iyo daljirka daahsoon, waxaana ay wataan boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah xildhibaannada soo gudbiyay dalabka is-casilaada, waxaana dadweynaha ay ka kala yimaadeen 16-ka degmo ee ku yaalla Muqdisho” siddaas waxaa soo sheegay wariyaha Caasimada Online.

Ammaanka goobaha dibadbaxa ay ka dhaceyn ayaa lagu arkayay ciidamo ammaanka sugaya.

Yaa soo qaban qaabiyay bannaanbaxa?

Sidda ay lee yihiin saraakiil ku sugan goobta bannaanbaxa, waxaa soo qaban qaabiyay bannaanbaxa maamulka gobalka Banaadir oo waxaa goobta lagu akyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir.

Dibadbaxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta uu dalka dib ugu soo laabtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ku soo kala maray waddamada Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo: Gaas oo qunsuliyad PUNTLAND ka codsaday madaxda WADDANKA…

Garowe (Caasimada Online) – Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa dowladda Yemen ka codsaday inay qunsilyadka furato magaalada Garowe, islamarkaana weydiistay in Puntland ay u ogolaato inay qunsuliyad ku yeelato magaalada Sanca ee caasimada dalkaas.

Gaas, ayaa sheegay in taasi au muhiim u tahay xiriirka labada dhinaca iyo wax uu ugu yeeray “danaha ka dhaxeeya laba dhinac”.

Waa astaan kale oo muujineysa dhibka Somalia haysta iyo caqabadda federaalka, ayada oo gobol kasta uu dhinac u ordayo, iskuna dayayo inuu sida dal oo kale ula macaamilo dalalka caalamka.

Halkan ka daawo Gaas

Xog iyo fallanqayn: Baaqa iscasilaadda MADAXWEYNAHA, dareen cusub oo ku soo kordhay waddanka Soomaaliya

Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa Faallo dheer ka qortay siyaasadda cusub ee ku soo korartay Soomaaliya, is casilaada laga dalbay madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaanno 100 kor u dhaafayo ayaa soo jeediyay baaq ah in madaxweyne Xasan Sheekh u soo jeediyay inuu is casilo.

Hadaba maxay yihiin xildhibaanadaas? Dhibaato intee la eg ayay arrintas ku soo kordhin karrtaa xaaladda Soomaaliya ee cakran?

Si lama filaan ah ayay xildhibaano tiradoodu kor u dhaafeyso 100 oo ku shiray Hotel Saxafi ee magaalada Mugadishu war ay ka soo saareen shirkooda waxay ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu iska casilo Madaxtinimada, iyaga oo arrintaasi sabab uga dhigay sida ay warkooda ku caddeeyeen in uu ku fashilmay dhammaan balanqaadyadii uu barlamaanka hortiisa ka sheegay doorashadii madaxtinimada ka hor.

Baaqa xildhibaanada oo 14 qodob ka kooban ayay xildhibaanadu faahfaahin ka bixiyeen waxyaabaha uu madaxweynuhu ku fashilmay, waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen, arrimaha ammaanka , oo ay tilmaameen in uu aad uga hooseeyo sidii uu ahaa intii aanu xukunka la wareegin Madaxweyne Xasan Sheekh.

Arrimaha dib u heshiisiinta, dib u dhiska hay’adaha dowladda, sida dhismaha Garsoorka, guuddiyadii qaran ee dastuurku dhigayey, maamul gobaleedyada iyo hay’adihii maamulka lacagta ayay sheegeen in uu aad ugu guul darreystay madaxweynuhu.

Culays cusub oo soo wajahay Xasan Sheekh
Culays cusub oo soo wajahay Xasan Sheekh

Beesha caalamka

Inkasta oo madaxwenuhu ilaa hadda war rasmi ah arintaan ka soo saarin haddana waxaa xaqiiq ah in ay tahay dhibaato siyaasadeed oo hor leh oo culus oo ku soo korartay madaxweynaha oo ladaalaa dhacayey dhibaatooyin baaxad weyn oo aad ay ugu adkeed in uu wax ka qabto.

Waxaana codsiga iscasilaada madaxweynuhu ku soo beegmay xilli ay beesha caalamku si aada indhaha ugu hayso xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa dibna loogu dhisi lahaa hay’adihii dawladda isla markaasina ay ku sugnaayeen magaalda Mugadishu wafdi beesha caalamka ka socday oo shir la lahaa ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh iyadoo isla markaasina madaxeynuhu uu booqashu rasmi ah ku joogey dalka imaaraadka Carabta oo howlo dib u dhis ah ka wada Soomaaliya.

Waxaa warar lagu kalsoonyahay ay sheegayaan in mdaxweyne Xasan Sheekh in uu aad uga xumaaday hadalka ka soo yeeray qaar kamid ah xildhibaanadii doortay in kayar laba sono ka hor iyagoo hadalkoodana ku soo beegay xilii uu dalka dibadda uga maqanyahay.

Lama oga sida madaxweynuhu uga jawaabi doono dhibaatadaan ugubka ku ah oo aan la fileynin xiligaan.

Maxay doonayaan xildhibaanadu

Marka lamilicsada magacyada xildhibaanada baaqaan soo jeediyey, waxaa durba laga dheehanayaa in ay isugu jiraan; xildhibaano, jagooyin kawaayey xukuumadda cusub ee Cabdiweli Sheekh, kuwo markii horaba ka soo horjeedey Xasan Sheekh, sida xildhibaanada ururka Islaax ugu jira barlamaanka iyo kuwii taageerayey Sheekh Shariif oo muddaba aad uga careysnaa sida Xasan sheikh iyo saaxiibadiisa siyaasadeed ee Dam-Jadiid wax u maamulayaan.

Waxaa iyaguna meesha ka muuqda xildhibaano ka soo jeeda gobollada Bay iyo Bakool oo aad uga careysan sida Madaxweynuhu u maamulay maamul u sameynta gobaladaasi oo dadkoodu u kala qaybsameen lix gobal iyo seddex gobol maamulo ku salaysan.

Xildhibaano ka caraysan xil ka qaadistii Saacid ayaa la sheegayaa inay qayb ka yihiin ololaha ka dhanka ah madaxweynaha
Xildhibaano ka caraysan xil ka qaadistii Saacid ayaa la sheegayaa inay qayb ka yihiin ololaha ka dhanka ah madaxweynaha

Xildhibaano ka careysan xil ka qaadistii Ra’iisalwasaarihii hore Cabdi Shirdoon Saacid ayaa iyaguna ka dhex muuqda kuwa hormuudka ka ah baaqaan, rag damac madaxtinimo leh ayaa iyaguna si buuxda uga qaybqaadanaya ololaha ka dhanka Madxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee in kasta laga yaabo in dadweyne badan ay laqabaan xubnahaan barlamaanka dareenkooda wakiilna ay shacabka ka yihiin, haddana, waxaa dadka u kuur gala siyaasdda Soomaaliya ku dhaliilayaan xildhibaanda in goobtii ay ahayd in hadladaan ay ka soo jeediyaan ay garab mareen oo sidii xisbiyo mucaarad ah ama siyaasiyiin aan gole lahayn oo kale ay u dhaqmeen, waayo waxaa la isweydiinayaa sababta ay baarlamaanka dareenkooda u geyn waayeen iyagoo kor u dhaafaya 100 xildhibaan.

Maxaa keenay in ay ku shiraan gole aan golihii loogu talo galay ahayn?

Dadka qaar ayaa isweydiinaya ma waxaa deeqi waayey xildhibaanada oo ku yaraaday kursigii baarlamaanka markaasi ayey u soo dhigteen shaqadii ururada macaardka iyo siyaasiyiinta aan kuraasta haysan.

Marka meel la iska dhigo eedeymaha Xasan Sheekh ay xubnahani u soo jeediyeen saxnimadooda iyo qaladkoodaba, haddana waxaa cad oo aan qarsoodi ahayn in Madaxweyne Xasan Sheekh, sida dad badan ay sheegayaan in ay ku hingoobeen rajadii ay ka qabeen, hasayeeshee dadka madaxweynaha ku dhaw dhaw ayaa iyaguna sheegaya in madaxweynuhu uu aad u dadaalayo laakiin ay jiraan dhibaatooyin ka tan badan oo u baahan in siwada jir ah loo xaliyo.

Baaqa xildhibaanada ayaa u muuqada in aad loo soo dhaweeyey loona hadal hayo iyadoo islamarkaasina loo soo jeedinayo dhaliil badan xildhibaanada naf ahaantooda.

Sikastaba ha ahaatee, tani waa xiisd siyaasadeed oo cusub oo dareen leh oo Soomaaliya ku soo korartay loona baahanyahay in si wada jir ah ay Soomaalidu isaga kaashadaan si looga gudbo dhibaatada Soomaaliya haysata.

Waxaa kaloo xusud mudan, waxaa la arki jirey baarlamaan xukuumadda dhaliil u soo jeediyo oo la xisaabtamo laakiin waa maxay sababta xildhibaanadu aaney u xusin xukuumadda oo iyadu mas’uul ka ah howlaha lagu eedeeyey madaxweynauhu in uu ku guul dareystay wax ka qabadkooda?

Suaalahaasi iyo kuwo kaleba jawaabahooda maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa.

W/Q: Yuusuf Xasan

BBC SOMALI

Xagla-toosiye oo u hanjabay GALAYR

Buuhdoole (Caasimada Online) – Wasiirka caaafimaadka maamulka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo hadda ku sugan magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer ayaa ka hadlay qorshaha uu halkaas u joogo isagoona hajabaad u jeediyay xildhibaan Cali Khaliif Galeyr.

Ugu horeyn wuxuu sheegay safarkiisa in uu ku qotomo siddii ugu kuur gali lahaa xaaladda guud ee degmada Buuhoodle oo ka tirsan deegannada uu gacanta ku haya maamulka Somaliland.

Mar uu ka hadlaayay booqashada uu Buuhoodle isna ku joogo xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ayuu sheegay wasiir Xagla-toosiye in aan laga yeeli doonin Cali Khaliif in uu dad weynaha reer Buuhoodle ku fushado danihiisa siyaasadeed ee u gaarka ah isla-markaana Buuhoodle aanay noqonayn dhagax la isku tuur-tuuro oo cid walba danteeda ku gaarto.

Wuxuu yiri “Cali khaliif waa nin deegaanka u dhashay,magaaladiisana jooga, cid oran karta magaalada ka baxna ma jirto, laakiin ka oggolaan mayno Cali Khaliif siyaasaddii isaga dantiisa ku saabsanayd, Buuhoodle-na noqonmayso dhagax la isku taago oo uu qofku ku gaaro dantiisa, balse hooyadii baa joogta oo uu soo booqday, una malayn maayo inuu sameeyo dhaqdhaqaaq keeni kara nabadgelyo darro”

Wuxuu sheegay oo kale in magaalada uusan immaanin dagaal in uu ka dhaliye ee u yimid dadka reer Buuhoodle kuwaasoo uu sheegay in ay yihiin kuwa uu isaga u dhashay.

Xagla-toose ayaa tilmaamay in magaalada Buuhoodle ay ugu dambeesay markii uu heshiiska la gaaray madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Si kastaba, hadalka Xagla-toose ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay uu xildhibaan Cali Khaliif Galery socod ku maray waddooyinka Buuhoodle, waxaana uu weerar ku qaaday maamulka Somaliland iyo wasiir Xagla-toosiye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Buuhoodle

[email protected]

Maxaad qorshaha R/WASAARE C/WELI ee maanta kala socotaa? (Warbixin)

Marka (Caasimada Online) – War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay goordhow ka ambabixi doonaan magaalada Muqdisho iyagoona ku wajahan magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Marka ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online, in maanta oo Arbaca ah la filaayo in ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu soo gaaro Marka.

Xog badan lagama hayo tagitaan ra’iisal wasaaraha Marka, basle waxaa wararka aannu heleyno sheegayaan in ra’iisal wasaaraha uu kulamo la qaadan doono maamulka iyo shacabka ku dhaqan magaalada isagoona u kuur gali doonna xaallada guud ee magaalada.

Warar hordhac ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay isbadal ku sameeso maamulka hadda ka jirra Kismaayo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa maalmahan safaro ku kala marayay magaalooyinka dalka, waxaana safarkii ugu dambeeyay muddo toddobaad ka badan ku joogay Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MUUQAALKA xildhibaannada dalbaday is-casilaadda oo la shaaciyey (Video)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan shalay werinay, Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Somalia oo gaaraya illaa 133 xildhibaan, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu is-casilo, sabab ay ku sheegeen inuu ku fashilmay howlihii loo igmaday.

Sida ay sheegeen xildhibaannada dalabkan keenay, is-casilaadda ayaa waxaa u doonayaan sababo la xiriira in madaxweynaha uu ku fashilmay talada dalka.

Haddaba waxaan iminka idiin soo gudbineynaa muuqaalka xildhibaanadan oo video ah.

Daawo Sawirrada: Gen. Muungaab oo sammeeyay tallaabo la bogaadiyo

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Gen Xasan Xuseen Muungaab, ayaa galabta xafiiskiisa degmada Heliwaa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nick Key.

Waxa ay ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay ammaanka caasimada Muqdisho iyo isbadalka uu wado maamulka gobalka Banaadir.

Kulanka waxaa kaloo goobjoog ka ahaa dhammaan 16- guddoomiye degmo ee gobalka Banaadir.

Markii uu soo dhammaaday kulanka waxaa saxaafadda la hadlay guddoomiye Muungaab iyo Nick Key.kay bun

Muungaab iyo Nick Key oo buuneesanaya
Muungaab iyo Nick Key oo buuneesanaya

 

1511056_758014540885836_6397258647781871111_n

“Waxaan ka hadalnay dib u dhiska magaalada iyo caqabadaha na hor yaalla, wuxuu noo ballan qaaday in uu naga caawin doono, kulankeena wuxuu ku dhammaaday guul iyo is-afgarad” ayuu yiri Muungaab.

Muungaab ayaa sheegay in uu Key kala hadlay xoojinta maamulkiisa iyo Qaramada Midoobay isagoona sheegay in ay si weyn uga hadleen arrimaha ammaanka.

Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee QM Nick Key ayaa isna sheegay in uu ku faraxsan yahay in la kulmo Muungaab iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir iyo in uu soo booqdo xarunta cusub ee gobalka Banaadir ee degmada Heliwaa.

Waa tallaabadii ugu horreysay oo Muungaab sameeyay isagoona beesha caalamka tusay in la soo booqon karo degmada ugu ammaanka daray Muqdisho oo ah Heliwaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG AH: Dab ka kacay BAKAARO

Muqdisho (Caasimada Online)-War uu goordhow noo soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho, dab xooggan ayaa ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay wariyaha halkaas noo jooga in dabka uu ka kacay mid ka mid ah bakhaarada ku yaalla suqa isla markaana uu baabi’iyay.

Maamulka gobalka Banaadir ayaa markiiba soo gaaray goobta uu dabka kacay kuwaasoo ku guulaystay dabka in ay damiyaan isla markaana uusan ku faafin bakhaaradda kale ee ku yaalla suuqa.

Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dabka caawa ka kacay suuqa Bakaaraha, oo ah suuqa ugu weyn koonfurta iyo Soomaaliya.

Maamulka degamda Howlwadaag ayaa hadda wada baaritaan ay uga gun lee yihiin siddii lagu ogaan lahaa sababta ka dambeesa dabka in uu ka kaco bakhaarka ku yaalla Suuqa Bakaaraha.

Ma markii ugu horreysay oo dab uu kaco xilli habeen ah oo Suuqa Bakaaraha balse waa kii ugu khasaaraha badan marka loo eego dababkii horre uga kici jiray suuqa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SAWIR qosol leh oo muujinaya xaalka Xasan Sh. kadib dalabkii IS-CASILAAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Farshaxamiiste Amiin Caamir, ayaa sawir gacmeed qosol badan ka sameeyey mooshinka kusoo fool leh madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii xildhibaanno kor u dhaafaya 100 ay shalay codsadeen inuu iska-caliso xilka uu hayo, ayaga oo ku eedeeyey inuu ku guul darreystay howshii loo igmaday.

5_MAY_2014

 

Sawirro: Cali Khaliif Galeyr oo maanta arrin cusub ka sameeyay BUUHOODLE

Buuhoodle (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer ayaa sheegaya in halkaas maanta uu socod ku maray xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo hadda hadda ku sugan.

Cali Khaliif ayaa ku dhex lu geeyay waddooyinka magaalada, halkaasoo uu kula hadlay dadweyne fara badan siddaas waxaa ku soo warramaya wariyaha Caasimada Online ee Buuhoodle.

Hadallada uu sheegay wax ka mid ah in uu weerar ku qaaday maamulka Somaliland, wuxuu kaloo beeniyay in magaalada Buuhoodle ay ku kulmeen isaga iyo wasiirka caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Xagale-toosiye .

Cali Khaliif Galeyr oo ku dhex lugeeyay Buuhdoole
Cali Khaliif Galeyr oo ku dhex lugeeyay Buuhdoole

 

10295723_1508741936020442_2586272480351873981_n

Wuxuu sheegay in haddii ay hadlayaan Somaliland iyo Khaatumo aaney dooneynin in la soo diro qof u dhashay deegannada uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo.

Cali Khaliif wuxuu kaloo sheegay in dhawaan magaalada Buuhoodle uu ka furmi doono shirkii seddaxaad ee maamulka Khaatumo kaasoo looga arrinsan doono arrimaha maamulka.

Wuxuu dadweynaah ugu baaqay in aysan wax baqdin leh aysan gallin isla markaana ay taageeraan maamulkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Buuhdoole

[email protected]

MUQDISHO: Kulamo xasaasi oo looga hadlaayo is-casilaadda madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa ka billowday kulamo gaar gaar ah oo ay lee yihiin xildhibannada baarlamanka Soomaaliya, kuwaasoo ka arrinsanaya go’aan shaley ay soo saarayn oo ku saabsan in madaxweynuhu is-casilo.

In ka badan 130 xildhibaan ayaa shaley si wadajir u soo saaray baaq ay sheegayn in ay la qabaan guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nick Key.

Xildhibaannadan ayaa ka arrinsanaya haddii uu madaxweynaha diddo baaqa loo soo jeediyay tallaabada ay qaadi karaan.

Waxa ay lee yihiin madaxweynaha haddii uu diiddo waxaan soo rogi doonaa mooshiin ka dhan deetana waxaa la isla tagi doonaa golaha baarlamaanka.

Caasimada Online ayaa ogaatay in qorshaha ka dhanka madaxweyne Xasan Sheekh in ku wehliyaan xildhibaannada siyaasiyiin iyo shakhsiyaad kale kuwaasoo la wada olaha xildhibaannada baarlamaanka.

Kulamada ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada si weyn looga dareemayaa, waxaana uu saameyn ku yeeshay fadhiga baarlamaanka oo aaney ka soo qaybgalin xildhibaanno badan.

Dhinaca kale, waxaa maanta shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay siyaasiga Cabdulaahi Sheekh Xasan, wuxuuna ugu baaqay xildhibaannadii shalay shiray inay mooshin u badalaan dalabkoodi ku aadana inuu is casilo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu kaloo sheegay in ay muuqato raadadka wax qabad la’aan ee dowladda Xassan Shiikh Maxamud , waxa uuna ugu baaqay Madaxweynaha dalka in uu u dhaga nuglaado baaqa xildhibaannada baarlamanka qaar ay u direen.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay madaxweynaha oo dalka ka maqan hadda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhinacyada ku lugta leh mooshinka ka dhanka ah XASAN SHEEKH iyo sida ay wax u socdaan (Xog Xasaasi ah)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Somalia oo gaaraya illaa 133 xildhibaan, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu is-casilo, sabab ay ku sheegeen inuu ku fashilmay howlihii loo igmaday.

Sida ay sheegeen xildhibaannada dalabkan keenay, is-casilaadda ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Nocholas Kay.

Caasimada Online ayaa ogaatay in arrinta ku saabsan ku lug lahaanshaha Kay ay tahay mid xaqiiq ah, ayna sidaas qabaan beesha caalamka oo dhageysanayana talooyinka dalalka deriska ah.

Ilo-doblomaasiyadeed, ayaa Caasimada Online u sheegay inuu jiro dadaal muddo dheer ay wadeen dalalka Kenya iyo Ethiopia, oo la doonayo in Xasan Sheekh meesha looga saaro, ayna ka dhaadhiciyeen beesha caalamka.

Labadan dal ee ciidanka ay ka joogan Somalia, ayaa ka ashatakooday in madaxweynaha aysan is-fahmi Karin, lana shaqeyn karin, sidaa darteedna ay doonayaan inuu xafiiska ka tago.

Waxaa wax lala yaabo ah in arrimaha ay isku qabteen DF iyo dalalka deriska ay tahay “Sidii aan doonno aan dalkaaga ka yeesho iyo kayeelan meysid”.

Waxaa sidoo kale jira dadaallo caalami ah oo ay sameeyeen siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland iyo kuwa taabacsan maamulka Jubba ama ku beel ah, oo ka dhan ah madaxweynaha, ayada oo ay muuqato in Xasan Sheekh iyo beeshiisaba looga adkaaday dagaal siyaasadeedkii dalka.

Sida ay Caasimada Online horey u sheegtay dhowr bilood ka hor, waxaa jira qanacsanaan la’aan beesha caalamka ah oo ku wajahan madaxwenaha sababo dhowr ah dartood, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, arrintii bankiga dhexe, amni xumada Muqdisho iyo madaxweynaha oo siyaasadda ka go’doomiyey Soomaalida kale marka laga reebo kooxdiisa.

Wasiiro ay waxqabad la’aantooda banaanka taal, ayaa magacaabistooda uu madaxweynaha ku qasbay ra’iisul wasaaraha oo muddo ay u xayirneyd golihii wasiiradiisa.

Markii Xasan Sheekh la doortay waxa uu helay taagaeerada beesha caalamka, ayada oo shirkii New Deal loogu ballan qaaday hal bilyan oo euro, balse illaa iyo hadda soo ma gaaarin wax la taaban karo, ayada oo Yurubta ay muujiyeen shaki.

Inkasta oo Xasan Sheekh uu sameeyey qaladaad dhowr ah, oo uusan maqlin tallooyinka waxgaradka iyo shacabka marka laga reebo kooxdiisa, waxaa haddana muuqata in siyaasadda Somalia ay caalmka u gacan geliyeen dalalka deriska.

Gardarrada Kenya iyo Ethiopia iyo gumeysigooda cusub, ayaa waxaa garab siinaya beesha caalamka, waana taas waxa keenay in Xasan Sheekh waqtigiisa hadda gebo gebo yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF: Baaritaan kadib waxaan ogaanay in qunsulka la sheegay in Kismaayo uu..

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa shir aan caaddi ahayn ku yeeshay golaha wasiirradda xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa shirka looga hadlay qusulka Kenya la sheegay in ay u soo magacowday Kismaayo, dagaalka ka qarxay Balad-xaawo iyo warbixin laga dhageestay safiirka Soomaaliya ee Kenya oo dhawaan Muqdisho soo gaaray kaddib marki loo yeeray.

Markii uu kulanka soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka xukuumada, Ridwaan Xaaji Cabdiweli, wuxuuna sheegay in baaritaan la sameeyay la ogaaday in uusan jirin wax qunsul ah oo Kenya u soo magacowday Kismaayo.

Wuxuu sheegay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ay xiriir la smaeeysay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya si ay wax uga weydiiso qunsulka la sheegay in loo soo magacaabay Kismaayo, wuxuu afhayeenka sheegay in aaney jirin wax qunsul ah oo la soo magacaabay.

Wuxuu sheegay warkaas in ay buunbuuniyeen uun saxaafadda ee uusan jirin wax qunsul ah oo Kenya u soo magacowday Kismaayo.

Dhinaca kale afhayeenka xukuumadda wuxuu kaloo sheegay in ra’iisal wasaaraha uu ku baaqay in si degdeg loo joojiyo dagaalka ka dhacay Baladxawo, isagoona sheegay inay xukuumadda si adag ula xisaabtami doonto cidda ka dambeysa dagaalka halkaas ka dhacay.

Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa dagaalka ka dhacay Beled-Xaawo ku tilmaamay mid nasiib-darro ah, wuxuuna sheegay inuu ka xun yahay dhibaatooyinka soo gaaray shacabka degmada Beled-Xaawo.

Xukuumadda ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto dagaalka ka dhacay halkaas oo dhowr qof ay ku dhinteen, kuwa kalena ay ku dhaawacantay.

“Waan ka xunahay dhibaatooyinka soo gaaray shacabka ku nool magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa dhinacyada dagaalku u dhexeeyo in si shuruud la’aan ah dagaalka ku joojiyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

“Waxaan mar labaad ku baaqayaa in la joojiyo dagaalada ay ku wax yeeloobayaan shacabku, Waxaana xasuusinayaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso in Soomaaliya ay mareyso marxalad cusub oo ku salaysan nabad iyo wadatashi, taas oo looga soo gudbay xiligii Colaadaha, ayna hiigsaneyso mustaqbal wanaagsan iyo horumar”.

Ugu dambeyn afhayeenka xukuumadda ayaa xusay in golaha wasiiradda uu xog warramay safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Wuxuu in safiirka uu ka warbixiyay xariggii bishii horre loogu geestay Nairobi qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Danjire Ameeriko ayaa sidoo kale la sheegay in ka warbixiyay xaalada qoxootiga Soomaalida ee ku nool Nairobi iyo sidda uu saamayn ugu yeeshay howgalka NABADDA.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xildhibaannada oo sheegay talaabada xigta oo ay qaadayaan kaddib dalabkii is-casilaadda madaxweyne Xasan Sh.

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisamad Macallin Faarax, oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ee doonaya in uu iscasilo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xog ka bixiyey sababta mooshinka loo keenay.

Isagoo la hadlaayay Idaacad maxalli ah oo ku taalla Muqdisho , ayuu sheegay in madaxweynaha uu ku guul darreestay lixdii tiir ee ballan qaaday dowladiisa in ay ku shaqeynto markii la doortay.

Wuxuu sheegay ammaanka Muqdisho markii madaxweynaha la dooranayay uu ahaa mid aad u sareeya oo lix saac habeenimo la doortay balse maanta duhurkii cad Muqdisho aadan gaariga kuwadan Karin oo isaga toddobo saac la isku dayay in la dilo oo lagalay madaxtooayda.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha in talada dalka uu gacanta ugaliyay shakhiyaad kooban oo isagu awood uma lahan kaligiis in uu go’aan gaaro” ayuu yiri.

Waxa la weydiiyay haddii uu madaxweynaha diddo baaqa loo soo jeediyay tallaabada ay qaadanaayan,wuxuu carabka kua dkeeyay in sidda sharciga ay ula dhaqmi doonaan oo ay mooshin ka keeni doonaan.

Ugu dambeyn, wasiirkii horre ee arrimaha gudaha iyo amniga wuxuu madaxweynaha ka codsaday in uu oggolaada baaqa loo soo jeediyay isla markaana uu iscasilo si dalka iyo dadka loo badbaadiyo, labada sanno ee dhimman loo dhiibo qof ku haboon oo gaarsiin doorasho ka dhacda dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

AXMED MADOOBE oo lagala hadlay doorashadda 2016-ka ee Soomaaliya

Kisamayo (Caasimada Online)- Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maanta gaaray wafdi ay hoggaaminayso Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda dhismaha nabadda, Judy–Cheng Hopkins.

Wafdiga waxaa garoonka magaalada Kismaayo ku soo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba iyo saraaiisha ciidanka AMISOM ee ku sugan halkaas.

Mrs. Judy-Chen Hopkins waxaa socdaalkeeda ku weheliya ku-xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Fatiha Serur, waxaana loo qaaday dhanka xarunta madaxdooyada ee maamulka, siddaas waxaa ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo.

Mrs. Judy–Cheng Hopkins waxa ay hadda kulamo la lee dahay hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam iyo ku-xigeenkiisa jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.

Kulanka wax yaabaha sidda weyn looga hadlay waxaa ka mid ahaa doorashadda 2016-ka ee la rabo in ay ka dhacdo Soomaaliya oo dhan, xaalladda ammaanka Kismaayo oo u muuqata mid faraha ka baxday iyo dardargelinta adeegyada horumarineed ee bulshada.

Wafdiga oo dib ugu laabtay Muqdisho ayaa intii ay ku sugnaayeen waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada oo la dhigay ciidamo fara badan.

Haweeneydan ayaa shaley magaalada Muqdisho kula kulantay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Kismaayo oo laga soo sheegay dhacdo kale oo naxdin leh & warar sheegaya…

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas xaley lagu dilay ganacade.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online in dilka uu ka dhacay xaafadda Via Afmadow, ee magaalada Kismaayo.

Kooxda dilka geestay oo ku hubeysnaa baastoolado ayaa la sheegay in goobta ay ka baxsadeen.

Ninka la dilaya ayaa la sheegay in uu iibin jiray qaad oo magaalada aad ayaa looga yaqaanaa.

Dilka kaddib waxaa gaaray goobta maleeshiyada maamulka KMG ah ee Jubba kuwaasoo howgallo tan iyo xaley ka wada xaafaddaha magaalada Kismaayo.

Dilkan ka dhacay Kisamayo wuxuu ugu dambeeyaa dilal dhowr ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo tan iyo markii maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe magaalada la wareegay.

Dhawaan Axmed Madoobe wuxuu isbadal ku sameeyay taliska nabad sugida magaalada, waxaana arrintaas looga gun lahaa in wax laga qabto falalka ammaan darri ee magaalada ka taagan balse waxbi isma badalin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maraykanka oo saldhigga ugu weyn Afrika ka furanaya waddanka Jabuuti

Washington DC (Caasimada Online)-Dowladaha Maraykanka iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis 10 sanno ah oo ku aadan in Maraykanka saldhigga ugu weyn Afrika uu ka furto dalka Jabuuti.

Heshiiskan ayaa lagu dhawaaqay markii shaley aqalka cad ee Maraykanak ay ku kulmayn madaxweynayaasha Jabuuti iyo Maraykanka Ismaacil Cumar Geelle iyo Brack Obama.

Maraykanka ayaa hadda saldhigiisa ugu weyn Afrika wuxuu ku yaalla dalka Jermalka, in kastoo uu saldhig weyn ku lee yahay Jabuuti haddana waxaa la sheegay in qorshahan ay fursad weyn u noqon doonto dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa mar uu ka hadlaayay heshiiska labada dowladood, wuxuu sheegay in Jabuuti ay fursad weyn u tahay in saldhigga Afrika loo soo guuriyo isagoona sheegay in arrintaas shaqooyin iyo tababbarro ay ka heli doonaan dhallinyarada reer Jabuuti.

Dhinaca kale, intii uu socday kulanka labada madaxweyne waxaa jiray dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay afaafka horre ee Aqalka Cad, waxaana halkaas isugu soo baxay mucaaradka Jabuuti, kuwaasoo watay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle.

Dadkan ayaa isaga yimid gobalada Maraykanka iyo dalka Canada, waxaana ay sheegeen in madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle uu dalka ku hayo maamul adag oo ah dikteetar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington 

[email protected]

Geelle oo shaaciyey arrin ku saabsan Somalia oo Obama uu ku yiri maanta

Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta kula kulmay Madaxweyne Barack Obama xafiiskiisa Oval ee ku yaal Aqalka Cad, waxaana labada madaxweynaha wax yaabaha ay ka hadleen meel sarre ugu jirtay arrinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa markii uu soo dhammaaday kulankaas wuxuu la hadlay saxaafadda, wuxuuna sheegay in Obama uu u soo jeediyay in Soomaaliya sidan looga roonaado, wuxuuna yiri haddii aan la dhisin ciidanka Soomaaliya wax qabsoomayo 2016-da ma jiraan.

Ismaacil Cumar Geelle ayaa sidoo kale u sheegay in madaxweyne Obama uu u sheegay Soomaaliya in ay u baahan tahay ciidankeeda in loo tababbaro lana siiyo qalab ku filan si ay isaga celiyaan cadowga la dagaallamaya.

“Madaxweynaha Maraykanka waxaan u sheegnay in loo baahan yahay in wax laga badalo sidda hadda loo taageero dowladda Soomaaliya, haddii la rabo isbadal”

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Maraykanka oo Washington ku kulmay
Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Maraykanka oo Washington ku kulmay

10308294_10152112795788553_1463350584114185485_n

10245313_10152041884262611_8902735718163930187_n

10268530_10152041884062611_1775431656647465767_n

10277559_10152041884162611_310545650067413272_n

10296737_10152041884367611_5599013053446440193_n

10294421_10152041883957611_801752369619194150_nWaxaa la weydiiyay madaxweynaha Jabuuti doorka ciidankooda ay ku lee yihiin howgalka Midowga Afrika, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku deeqeen ilaa kun askari.

“Ilaa kun askari ayaan garab dhignay nabadda Soomaaliya, waxaa naga go’an in aan sii wadno taageerada aan siineyno ciidamada Soomaaliya, laakin ma ahan in ay sii joogi doono halkaas oo aan sii fadhiisaneyno” ayuu yiri madaxweyne Ismaacil Cumar.

Wuxuu sheegay oo kale in madaxweynaha Maraykanka ay kala kulmeen ballan qaad ah in ay sii wadi doonaan tababbarida iyo garab istaaga Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in ciidamo Maraykan ay ka qayb qaataan howlaha tababbarka.

Waxaa la weydiiyay madaxweynaha Jabhuuti sidda uu arko ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo la dhaho waxaa u fiican Jabuuti maadam ciidankasta uu lee yahay danno gaar ah.

Wuxuu muujiyay in ciidankooda ay ka go’antahay siddii nabad ay ku dhallan lahayd Soomaaliya balse uusan ka hadlin ciidaamda kale qorshaha ay lee yihiin oo waa uu ka gaabsaday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

Madoobe oo Muqdisho gaaray kadib..

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa galabta soo gaaray madaxweynaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed, Madoobe Nuunow Maxamed.

Ilo xog-gaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, in Madoobe Nuunow ay u yeertay dowladda Soomaaliya isla markaana arrimo badan lagala hadli doono inta uu joogo Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa si dhab ah u sheegtay in aysan aqoonsaneen maamulka lixda gobal ee looga dhawaaqay Baydhabo dhowr bil ka hor.

Si kastaba, xog badan lagama hayo imaatinka Madoobe Nuunow Maxamed oo soo gaaray Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin imaatinka Madoobe Nuunow Maxamed.

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhisan labo maamul mid waa lix gobal midna waa seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]