28.3 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Madoobe oo Muqdisho gaaray kadib..

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa galabta soo gaaray madaxweynaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed, Madoobe Nuunow Maxamed.

Ilo xog-gaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, in Madoobe Nuunow ay u yeertay dowladda Soomaaliya isla markaana arrimo badan lagala hadli doono inta uu joogo Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa si dhab ah u sheegtay in aysan aqoonsaneen maamulka lixda gobal ee looga dhawaaqay Baydhabo dhowr bil ka hor.

Si kastaba, xog badan lagama hayo imaatinka Madoobe Nuunow Maxamed oo soo gaaray Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin imaatinka Madoobe Nuunow Maxamed.

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhisan labo maamul mid waa lix gobal midna waa seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Isbadalka cusub ee Muqdisho

0

Bilicda Magaalo Madaxdaa Caasimadda ee Muqdisho waxeey isku badashay muuqaal iyo jawi kale kadib Dib u dhis xoogan iyo horumar baaxad weyn leh oo si xowli ah uga soconaya waayihii u dambeeyay.

Hadaba Muuqaalka Muqdisho iyo sida uu maanta yahay hadaad daawato waxaa hubaal ah in aad xusuus iyo qiimo darteed la ilmeyneyso ee nala daawo muuqaalkii u dambeeyay ee Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

Maleeshiyo taabacsan Axmed Madobe oo dagaal ku qaaday Baladxaawo

Balad-xaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya maleeshiyaad kala taageersan Axmed Madoobe iyo Ahlu Sunna.

Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhintay in ka badan 10 – kalena waa ay ku dhaawacmayn dagaalka oo muddo socday sidda ay lee yihiin dad goobjoogayaasha.

Dagaalka oo istaagay waxaa kala dhex galay labada dhinac ciidamada Ethiopia ee ku sugan degmada Baladxaawo.

Guddoomiyaha degmada Gedo, Maxamed Cabdikaliil ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalka uu soo qaaday guddoomiyaha Doolow Cabdirashiid.

Kaliil wuxuu kaloo sheegay in xaley degmada ay soo galayn ciidamo xooggan oo wata hub culus.

Wuxuu sheegay in dagaalka ay dowladda ay ka warqabto maadama ciidamada soo gashay degmada Baladxaawo lagu soo tabbabarray degmada Doolow.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu saamayn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadidka magaalada Baladxaawo waxaa kaloo uu xiran goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda magaalada.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay Baladxaawo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Dowladdaha Somalia iyo Ethiopia oo khilaaf cusub uu soo dhex galay

Sanaca (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in uu jirro khilaaf cusub oo soo kala dhex galay dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Muxuu khilaafka salka ku hayaa?

Sidda ay lee yihiin ilo ku dhowdhow Villa Somalia, khilaafkan cusub oo aan soo shaacbixin ayaa billowday markii dowladda Ethiopia uu ka xumaatay hab dhaqan ay la timid dowladda Soomaaliya iyo ballamo looga baxay.

Lama shaacin ballamaha ay sheegeneyso Ethiopia inay dowladda Somaliauga baxday.

Khilaafka waxaa kaloo ka mid ah shir dhawaan ka dhacay magaalada Baxar daar oo looga hadlaayay ammaanka qaarada in lagu casuumay kaliye madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasoo matalayay Soomaaliya oo calanka ayaa hor yaallay, arrintaas dowladda Soomaaliya waa ay ka carootay.

Si dhab ah arrintan uma soo shaac bixin, balse waxaa la lee yahay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya hadda waa uu xumaaday.

Magaalada Addis Ababa waxaa dhawaan ku kulmay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaraha Itoobiya, waxaana la sheegay in ay ka hadleen arrimaha khilaafka ee soo kala dhex galay labada dowladood.

Ethiopia waxa ay ka mid tahay waddamada ciidamada u soo diray Soomaaliya kuwaasoo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

IMG_01841

IMG_0225

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Sawir xog badan ka bixiyey qorshe ay wadaan Faarax C/Qaadir iyo Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeed cusub oo uu sameeyey Amiin Caamir, ayaa muujinaya in Faarax Cabdul Qaadir iyo Cabdi Kariin Guuleed oo ah laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Cabdi Weli iyo kooxda Damu-Jadiid inay wadaan qorshe la dooonayo in xilka looga qaado taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed General Saacid, xilli xaaladda ammaan ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay sii xumaaneyso.

4_MAY_2014

 

Xisbiga ODM oo ku baaqay in ciidanka Kenya laga soo saaro Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online)-Xisbiga mucaaradka Kenya ODM ayaa dowladda ka codsaday in ciidamada ka jooga Soomaaliya laga soo saaro si loo badbaadiyo dalka.

Wargeyska the Stander ee ka soo Nairobi ayaa qoray Isniinta maanta ah, in xisbiga Orange Democratic Movement ( ODM) ay doonayaan ciidamada Kenya ka jooga Soomaaliya in la soo saaro.

Sii hayaha hoggaanka ODM, Anyang’ Nyong’o ayaa shegeay in boqolaal qof oo Kenyan ah ay nafsadooda u waayeen tan iyo markii Kenya ay u dirtay ciidamo dalka Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sarkaalkan ku baaqay in la joojiyo tababbarka la siinaayo ciidamada Soomaaliya ee lagu tababbaraayo dalka Kenya.

Wuxuu dowladda weydiistay in bal ay ka warramaan sababta ciidamadooda ay u joogaan Soomaaliya dadkoodana loogu dhammeenaayi dalkooda.

“Anniga door ayaa naga saaray dalkeena, Kenya dhibaato waaweyn ayaa ka soo gaartay Soomaaliya intaas ayaana nagu filan, balse waxaan dowladda ka codsaneynaa in sidda ugu dhaqsiyaha badan ciidamadeena ayka soo saaraan Soomaaliya, ma rabno in qoysaskeena ay dadkooda ku waayaan” ayuu yiri Nyong’o.

Kenya ciidamo ayaa ka jooga Soomaaliya kuwaasoo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Kenya tan iyo markii ciidamo ay dirtay Soomaaliya, waxa ay la kulmeysay qaraxyo iyo dilal waxaana ugu dambeeyay qaraxyadii xaley ka dhacay Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Maamulka Cabdiweli Gaas oo ka cabsi qaba qorshaha maamulkii FAROOLE

Garoowe  (Caasimada Online) – Maamulka Puntland, ayaa u digay xubno ka tirsan maamulkii horre ee Faroole oo la sheegay in qorshooyin iyo qalqal siyaasadeed ay ka wadaan qaybo ka mid ah deegannada Puntland.

Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr Saadiq Eenow oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ay wadaan xubno ka tirsan maamulkii Faroole.

Wuxuu sheegay in marnaba aaney oggolaan doonin in qalqal siyaasadeed laga abuuro deegannada Puntland, isagoona intaas ku daray ciddii lagu arko in tallaabo adag laga qaadi doono.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in Puntland hadda uu ka arrimiyo maamulka Cabdiweli Gaas cid kale oo laga yeelaayo in ay qas ka abuuraan deegannada Puntland ma jirto ayuu yiri.

Hadalka wasiirka caafimaadka Puntland, Dr. Saadiq Eenolw ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulkii horre ee Faroole ay ka wadaan magaalooyin ku yaalla Puntland kulamo siyaasadeed oo ka dhan maamulka Cabdiweli Gaas.

Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay maamulkii horre ee Faroole oo ku aadan eedeemaha loo soo jeediyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

 

Qiso cajiiba oo uu qoray Sheikh Shibli: Ayaan darane Cali C/Sacuud Maxamed “Xeydarah” Taliyaha 2-da aag miyaa?”

Qeybtii 4aad

–          Waxaan qormadan 4aad ku soo qaadanaynaa qiso aad u yaab badan oo aad ila wadaagi doontaan qeybaheeda kala duwan ee aan soo bandhigi doono.

–          Waxaan ka codsanayaa aqristaha in uu iigu dulqaato dheerarka qisadan oo hadii laba jeer la kala qoran kala dhantaalmaysa, haddii la is raaciyo hal marna dheeraanaysa kase fiican in ay kala dhantaalanto.

Qissada Oo Qodobaysan:

  1. Cali C/Sacuud Maxamed ” Xeydarah”: Waa nin Masar u dhashay, hadana ku nool meel  Maraykanka kamid ah.
  2. Aabihii ayaa ahaa sarkaal ciidamda, waxyna taasi fursad u siisay in uu helo waxbarasho tayo leh, waxuu si fiican ugu hadli jiray luqadaha Carabiga, English-ka, French-ka & Cibriga (Luqadda Yuhuuda), waxay arrintaasi siisay mudnaan gaar ah iyo in uu fursado banda helo.
  3. Waxuu ku biiray ciidamada Masar, waxuu kamid ahaa ciidamo Marakanku si gaar ah u tababaray, waxaana loo diyaariyay ilaalinta mas’uuliyiinta iyo dublamaasiyiinta.
  4. Waqtigii la dilay Anwar Al-Saadaat 1981, waxuu tababar u joogay Maraykanka, xerada ciidamda ee “Fort Bragg” kadib markii uu qabsaday Xusni Mubaarak  ayuu kamid noqday saraakiil yar yar oo laga saaray shaqadii ciidamada 1984, ayagoo looga shakiyay fikir Islaami ah hase ahaatee lama xirin.
  5. Waxuu shaqo ka helay hay’adda ilaalinta nabadgalyada garoonka diyaaradaha ee Qaahira oo ay dawladu leedahay, waxuuna ka shaqeeyay waqti, waxaase markii danbe laga saaray shaqadii asaga oo laga shakiyay lamase xirinmarkan kalena.
  6. Waxuu la xiriiray sanadkii 1984 safaaradda Maraykanka ee Qaahira waxuuna u gudbistay in uu la shaqeeyo hay’adda CIA, hadday baareen waxaa uga digay hay’adda nabadsugida Massar oo siiyay xaaladda ay ka aaminsan yihiin Xeydarah, laakiin waxaa iska dhaga tiray CIA-da oo ayaduba taqiinay Xeydarah, waxaana qaatay laanta u joogta Germany oo sidaas ayuu ku tagay Germany.
  7. Waxaa loo diray in uu soo basaaso xarun Masjid ah oo taageersanaa XizbullaahLubnaan, waxaana dhacday in uu isu sheegay qoladii loo diray,waxaa warkiisaas soo tabiyay basaas kale oo ku dhex qarsoonaa, shaqadiina waa laga saaray, waxay dawaladda Maraykanku ku dartay liiska dadka laga shakisan yahay ee ay tahay in la iska ilaaliyo.
  8. 6/9/1985: Waxuu ka degay garoonka Kennedy ee Maraykanka, asaga oo ku jiray liiska aan soo sheegnay, hadana waxaa ka caawiyay galitaanka CIA-da sidaasna waxuu ku galay Maraykanka.
  9. Waxuu Xeydarah ku sii bartay diyaaradda gabadh Maraykan ah, xoogaa dhawr todobaad ah kadibna way is guursadeen, sidaasna waxuu ku helay deganaansho ku danbeeyay in uu qaato jinsiyadda 1989-kii asaga oo wali ku jira liiska adadka laga shakisan yahay.
  10. 15/8/1986: Waxuu codsi gaystay in uu ku biro ciidamada Maraykanka, waana la aqbalay, waxuu muujiyay adadayg badan tababarkii, waxaa lagu qaatay darajada Saajin, waxaa la geeyay xeradii Fort Bragg ee uu ku soo tababartay 6 sano kahor asagoo ah askari Masar ka socda.
  11. Waxuu Xeydarah kamid noqday ciidamda gaarka ah ee loo yaqaano Marine Corps oo badda & barrigaba ka dagaalami kara, waxuuna ka soo qeyb qaatay dagaalo maraykanku ku galay meelo kamid ah qaaradda America.
  12. 1987: Waxuu ka qeyb galay dhoolatus ay wada sameeyeen ciidamda Masar & Maraykan oo ka dhacay saxaraha Siinaay, waxaana markale ka digay dawlada Masar , waxaana laga saaray ciidamadii gaarka ahaa laakiin ciidamda guud ayaa loo daayay in uu kamid ahaado.
  13. 1988: Waxuu u sheegay ninkii madaxa u ahaa in uu doonayo fasax uu ku aado Afghanistan, fasaxii wuu siiyay laakiin waxuu uga digay aaditaanka Afghanistan oo culays ku keeni karaya dawladda Maraykanka maadaama uu yahay askari, hase yeeshee wuu iska dhagatiray waxuuna ka soo bixiyay tababar xeryaha Al-Qaacida, haduu soo laabtay ma qarin shaqadii uu soo qabtay, waxaana warbixin ka gudbiyay madaxiisii laba jeer hase yeeshee waxba lagama soo qaadin !!!.
  14. 1989: Waxuu tababar siiyay Abuu-Khaalid & Saciid Nasiir oo uu baray hubka sida loo isticmaalo, waxuuna guriga Saciid Nasiir ku kaydiyay xogo muhiim ah oo uu ka soo xaday Ciidamada Maraykanka & tababaradooda, waxuuna isaga baxay ciidamadii markii uu qaatay jinsiyadda Maraykanka.
  15. 5/11/1990: Saciid Nasiir ayaa dilay (Mira Kahn)  oo kamid ahaa Culimada Yuhuudda aadna u taageeri jiray dawladda Yuhuuda, waxaana la qabtay Saciid Nasiir, waxaa laga helay gurigiisa xogtii uu ku qarsaday Xeydarah hase yeeshee waxba lama dhihin !!!.
  16. 1990: Isla sanadkii ayuu Xeydarah gaystay codsi xafiiska FBI-da si uu turjubaan ugu noqdo, waraysi kadib waxaa loo qaatay basaas qarsoon.
  17. 1/3/1991: Waxaa gurigiisa lagu dilay nin la dhihi jiray Mustafa Shalabi oo ahaa reer Masar, ayna is wadaado kale oo uu ku xirnaa Xeydarah, waxaana lagu tuhmay Xeydarah in uu ku lug lahaa, hase yeeshee waxba lama dhihin!!.
  18. 1991 – 1993: Waxuu tababaro ka soo bixiyay xeryaha Al-qaacida ee Sudan, Afghanistan  &  Pakistaan, waxuu ka qeyb qaatay ilaalinta amaanka Bin Laaden, waxuuna ku soo laabtay Maraykanka.
  19. June 1993: Waxuu ku sugayey garoonka diyaaradaha ee Canada nin kala qeyb qaatay ilaalinta Bin Laaden (Xusaaam Marzuuq), waxaa la qabtay Xusaam oo watay Passaport been ah, waxaana lala qabtay Xeydarah, laakiin markii lala xiriiray FBI-da ayaa la siidaayay !!!.
  20. Haddii uu shaqadii ku soo laabtay waxaa waraystay ninkii madaxa ka ahaa, asagana waxuu u sheegay dhamaan shaqooyinkii uu soo qabtay & tababaradii uu soo bixiyay !!!.
  21. Waxaa laga soo diray wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon 2 nin oo khubara ah si ay ula yeeshaan waraysi gaar ah, markii ay waqti danbe dalbatay FBI waraysigii waxay Pentagon sheegtay in ay tirireen oo aanay wax kayd  ah ka haynin waraysigii !!!.
  22. 1993 & 1994: Waxuu Tagay NairobiKenya, waxuuna ka qeyb qaatay sahan lagu samaynayay safaaradda Maraykana ee dib laga qarxin doono, waxuuna 1994 kula kulmay Nairobi AbuuXafs Al-Masri ( Muxamed Caadif) oo ahaa madax ciidamada Al-Qaacida, waxaa aad uga sheekeeyay Faazuul xasuus qorkiisa ( الحرب على الإسلام).
  23. 1994: Waxaa guriisa tagay FBI-da oo raadinaysa asaga oo jooga Nairobi ayay u soo sheegtay xaaskiisii in deg deg loo doonayo, kadibna waxuu aaday Maraykan waxuuna u sheegay shaqada uu ka qabaney Nairobi & kuwii horeba.
  24. Waxaa la qabtay nin la dhihi jiray Wadiic Al-Xaaj, waxaana gurigiisa Nairobi laga helay telefoonada Bin Laden & Xeydarah taas oo keentay in FBI-du ka shakido kaalinta uu kaga jiro ururadan !!!.
  25. 1997: Waxaa kulan casha ah la yeeshay FBI-da waxuuna qiray in uu siiyay tababaro Al-Qaacida, In ay Al-Qaacida ku lug lahaayeen ciidamdii Maraykanka ee lagu laayay Muqdisho-Somalia, in uu jeclyahay Bin Laden, in uu la dagaalamayo Maraykanka oo yahay cadowga islaamka, hadana waa iska daayeen !!!.
  26. 7/8/1998: Waxaa la qarxiyay safaaradihii Maraykanka ee Narobi & Daarassalaam, waxayna gashay FBI guriga Xeydarah oo ay ka heshay caddaymo tilmaamaya kaalinta uu ku lahaa diyaarinta qarxintaas & xogo kale oo muhiim ah.
  27. Xeydarah waxuu isku dayay in uu u safro Qaahira, waxaana lagu qabtay garoonka diyaaradda, waxaa la geeyay Maxkamad, waxuuna sheegay xogo muhiim ah oo keentay in la geeyo xabsi qarsoodi ah.
  28. 20/10/2000: Waxuu ka hor qirtay maxkamad heer federal ah in uu qeyb ka ahaa dhibaataynta Maraykan & kalintii uu ku lahaa qaraxintii safaaradaha, waxuuna dhagaysigii ku dhamaaday saacad gudaheed.
  29. Qaadigii kuma dhawaaqin xukunkii ee waxuu u dib dhigay fadhi kale, fadhigii kale wali ma dhicin ilaahaddana file-kii waa daboolan yahay asaga oo shaabadaysan, mana ahan xaalad caadi u ah maxkamadaha Maraykanka.
  30. Tan iyo intii waqtigaas ka danbeysay waxuu kala shaqeeyaa FBI-da si loo saadaaliyo meelaha ay Al-Qaacida & ururada la hadafka ah beegsan karaan.
  31. Magaca Cali Maxamed ( Xeydarah) meelna kagama qorna xabsiyada heer federal ee Maraykanka, sida uu wadanka ku joogana lama yaqaan oo waa la qarinayaa, ma jiro go’aan maxkamadeed oo ku dhacay.
  32. Waxaa dhici karta in la sii daayo, magacana loo badalo, kadibna la dejiyo meel aamin ah oo qarsoon.

Maxuu ahaa Cali C/Sacuud Maxamed “Xeydarah”:

Waxaa laga dhiibtay 2 aragti oo kala  duwan waxa lagu tilmaami karo shaqada uu hayay ninkan:

1)      Aragtida 1aad: Waxuu ahaa nin la shaqeeya Jihaadiyiinta, Maraykankana siray oo basaasay.

Waxaa sidaas sheegay Maraykanka sida lagu faafiyay baraha internet-ka, waxaana lagu magacaabay (Triple Cross: Bin Laden’s Spy in America ), waxaad ka daawataa aragtidaas halkan: https://www.youtube.com/watch?v=tLWJgKUOj78

Waxaa sidoo kale aragtidaas qaba Fazuul Al-Qamarayi oo ku sheegay xasuus qorkiisa, waxuuna ku saleeyay in uu yaya nin Muslim ah, in uu shaqadaas ka tagay iyo in ay ka muuqatay daacadnimo badan.

2)      Aragtida 2aad: Waxuu fulinayey shaqo uu maraykan-ku raali ka yahay oo dadka kale ayuu basaasayay.

Waxaa sidaas qaba Mustafa Xaamid Abul-waliid Almasri sida uu ku sheegay kitaabkiisa (صليب في سماء قندهار) oo ku saleeyay dhawr arrimood:

  1. Waxuu ahaa sarkaal shaqaale ah, oo dhawr jeer inta soo safray hadana shaqadii ku noqday, mana dhici karto in aan la ogayn waxa uu qabanayey.
  2. Tababarada uu ku bixinayey Afghanistan (sida afduubka dadka iyo diyaaradaha) waxay ka waynaayeen baahida ka jirtay xilligaas Afghanistan, waana u diyaarin marxalad soo socota.
  3. In dhaqanka Maraykanku yahay in dhibaatada la abuuro, kadibna khatarteeda la buunbuuniyo, kadibna qiima qaali ah lagu beeciyo sidii looga badbaadi lahaa.

Is Waydiin

  1. Waxaa la isku raacay in uu labada dhinacba la shaqayn jiray ee midkee ayuu daacad u ahaa?!!!
  2. Maxay CIA ugu fududaysay galitaanka wadankooda asaga oo ku jira liiska dadka khatarta ah shaqadiina ka eriday?!!!
  3. Asaga oo ku jira liiskaas, CIA-na shaqada ka cayrisay maxaa ciidamada gaarka ah loogu ogolaaday ?!!!
  4. Asaga oo liiskaas ku jira, danbiya kalena lagu hayo sida dilka Yuhuudiga, xogo muhiim ah oo la xaday iwm maxay hadana u qaadatay FBI-du?!!!.
  5. Asaga oo lagu qabtay Canada maxay FBI-du uga soo daysay?.
  6. Sidee ku dhacday in uu labada dhinacba ka noqdo madax ama sarkaal sare? Taliyaha labada aag ma la dhihi karaa?

Waxaa horay loo yiri:

1)      Hashu maankayga gadaye ma masaar ayay liqday?

2)      Allahayow adigaa yaqaanna hebal ee ma runtiibaa?

3)      Maxaa tuug shaafii qaadi?

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamuud Shibli 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Virus dilaa ah oo dilaacay lagana digay & talooyin ku socda wasaaradaha DF

Bismillaah, waxaa bilihii ugu dambeeyay dhibaato badan ku hayay umadaha daga bariga dhexe gaar ahaan dalka Sacuudiga Fayras (virus) dilaa ah oo loogu magacdaray coronavirus, fayraskan oo heerka dhimashada uu sababo lagu qiyaasay ku dhawaad 30% daka uu ku dhaco, ayadoo meelaha qaar ey dhimashadu gaartay in kabadan 75% ayaa wuxuu billaabay in uu ku fido dunida inteeda kale ayadoo wadamada qaar ey billaabeen dajinta qorshooyin caafimaad oo looga hortagayo Fayraska korona.

Fayraska Korona wuxuu sababaa xaalad halis ah oo loogu magacdaray Middle East Respiratory Syndrome (MERS) oo lagu yaqaano calaamado la xariira neef-mareenka sida qunfac, curnaan, san-biyood, neefta oo qofka ku yaraata, feera xanuun, feebaro ama xumad, iyo sidoo kale hawlgabka kelyaha (kidney failure).

Fayraska Korona waxaa lagu kala qaadaa hawada, fursada in laga badbaadane kama badna surtagalnimada in loo geeriyoodo, sidaa darteed ayaa wadamada aduunka waxey bilaabeen kahortaga halista Fayraskan, laakin dalka Soomaaliya yaa umaqan?

Dalka Soomaaliya wuxuu xiriir dhaw la leeyahay boqortooyada Sacuudiga oo uu cudurku ka dillaacay ilaa iyo hadane uu u geestay dhibaatada ugu badan, maalin kasta waxaa u kicitima boqortooyada kanasoo laabta dhowr duulimaad oo sida boqolaal Soomaali ah, hal bukaan oo kamid ah rakaabka boqolaalka ah ee maalin kasta kasoo daga garoomada dalka ayaa halis galin kara nolosha kumanaan muwaadiniin Soomaali ah, waxaa igu dhaliyay qeylo-dhaantan hordhaca ah baqdinta aan ka qabo in hadii cudurkan uu dalka soo galo aanan la awoodi doonin in la xakameeyo sababo laxariira liidnaanta adeegyada caafimaad ee dalka, sidaa darteed ayaan warbixintan kusoo jeedinayaa talooyin kuwada socda sadaxda jaho ee ey quseyso arintan, wasaarada caafimaadka, waaxda socdaalka, iyo wasaarada arimaha dibada.

Waxaan ku talinayaa qorshahan ka kooban labada qodob:

1. Ayadoo la raacayo mar kasta adeega “Corona map” ee uu hirgaliyay ururka caafimaadka aduunka WHO, in Safaarada Soomaalida uga furan dowlad kasta ee uu cudurku gaaray, gaar ahaan Sacuudiga, ku waajib yeesho muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya in ey ku laabtaan dalka iyo ajaaniibtaba warqad caafimaad oo cadeyneysa in muwaadinkan ama ajnabigan uusan xambaarsaneyn Fayraska Korona, islamarkaane shirkadaha duulimaadyada lagu waajib yeelo in eysan qaadin axad aanan heysanin warqad caafimaad oo safaarada ama qunsuliyada magaaladiisa eysan tiimbareynin. Qorshahan waxaa mustaqbalka loo ballaarin karaa guud ahaan cudurada fida sida ey safaaradaha aduunkuba sameeyaan.

2. In gudaha dalka laga hirgaliyo wacyigalin guud oo laxariirta cudurkan iyo calaamadaha lagu garto, islamarkaane sheybaarada Soomaalida loo sameeyo aqoon-korosi la xariira Fayraskan.

Talooyinkan kor ku xusan waxey ilatahay in eysan adkeyn hirgalintooda, waxaan ka warhayaa in qunsuliyadaha iyo safaaradaha Soomaalida intooda badan ey haawanayaan islamarkaane eysan laheyn howl ey qabtaan, hadaba hadii ey jiraan howlo noocan ah oo muhiim u ah bulshada, maxaa diidaya in safaaradaha iyo qunsuliyadahane loogu shaqo abuuro, bulshadane wax loogu qabto?

W/Q: Dr.Axmed Xalaal

U dhaq-dhaqaaqe arimaha caafimaadka bulshada

[email protected]

SAWIRRO iyo XOG CUSUB: Qaraxyadii ka dhacay NAIROBI oo illaa 60 qof ay…

Nairobi (Caasimada Online) – Wariyaha Caasimada Online ee Nairobi, ayaa soo sheegay in labo qarax ay ka dhacayn magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimmatay in ka badan 60 kalena waa ay ku dhaawacmayn waxaana ku jirra carruur.

Qaraxyada ayaa lagu weerarray basaska dad weynaha ee adeegsada waddada Thika Road.

Qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in ay khatar tahay xaaladooda.

Labada qarax waxa ay ka dhacayn waddada weyn ee Thika, gaar ahaan afaafka horre ee hotel the Bluesprings Hotel kan labaad wuxu ka dhacay Kasarani.

Dadka dhaawaca ayaa loola cararay isbtaalada Kenyatta National Hospital iyo Ruaraka Uhai Neema Hospital.

Dadka dhintay waxaa xaqiijiyay , Dr. Antonio Milito oo ku sugan Ruaraka Uhai Neema Hospital oo la geeyay dhammaan dadka ku wax yeeloobay qaraxyada.

Wuxuu sheegay in labo qof ay ku dhin 60 kalena ay ku dhaawacmayn, dadkaas waxaa ku jirra 20 kale oo dhaawacooda caafimaad uu yahay halis.

Qaraxyada xalay ka dhacay Nairobi ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeenkii xaley uun ay ahayd markii qaraxyo seddax ah ay ka dhaceyn magaalada Mombasa ee xeebta dalka Kenya.

Kenya ayaa la kulmeysay weerarro xoog badan wixii ka dambeeyay markii ciidamo u direen Soomaaliya sannadkii 2011-ka.

na 1na 2na 3na 4na 5

Caasiamda Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: Dhibaato xanuun leh oo Somali tahriibayaal ah ku qabsatay Australia

Dhalinyaro Soomaali ah oo dhacdo naxdin iyo murugo leh ay ka qabsatey xeebaha dalka Australia ka dib markii ay isku dayeen inay qaxooti ahaan ku galaan dalka Australia ayaa markii ugu horeysay waxay ka sheekeeyeen sida naxariis darada ah ee ay ula dhaqmeen ciidamada ilaalada bada ee dalkaas Australia.

Falka lagu la kacay Dhalinyaradaasi ayeey sheegeen in la garaacay islamarkaana gacmaha looga gubay bir kulul loona diiday inay musqul galaan waxaa ka arki kareysaa Muuqaalkani oo murugo badan aad ka dheehan karto ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

SAWIRRO: R/Wasaare C/Weli oo caawa Muqdisho ku qabtay kulan degdeg ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho ayaa goordhow soo sheegay in caawa magaalada Muqdisho uu ka dhacay kulan degdeg oo looga hadlay ammaanka caasimada oo faraha ka sii baxaya.

Kulan oo ka dhacay xarunta taliska booliska ee Gen Kaahiye, waxaa ka qaybgalay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Axmed Sheekh iyo wasiirka ammaanka qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo saraakiil kale.

Kulanka wuxuu ahaa mid albaabada xiran oo saxaafadda banaanka ayey ka joogtay.

Markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay taliyaha ciidanka booliska Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid), wuxuu sheegay in kulanka looga hadlay xaalada ammaanka Muqdisho iyo siddii la isaga wareesan lahaa xaalada dalka.

IMG_05851Wuxuu sheegay in booqashada ra’iisal wasaaraha ay la xiriirtay siddii loo xoojin lahaa caasimada Muqdisho oo dhawaanahan ay ka dhacayn qaraxyo iyo dilal.

Kulankan ayaa ku soo beegmay iyadoo shaley magaalada Muqdisho uu ka dhacay labo qarax oo mid ka mid ah lagu dilay xoghayihii horre ee gobalka Banaadir Cabdikaafi Hilowle Cismaan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa mar uu shaley ka hor hadlaayay baarlamaanka sheegay ammaanka in xukuumadiisa ay siineyso ahmiyada ugu weyn.

20140504_173235

20140504_173030

20140504_202548

20140504_174237Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Mas’uulkii ugu horeeyay ee Muungaab uu magacaabo oo xilka iska casilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa galabta shir jaraa’id ku qabtay afhayeenka maamulka gobalka Banaadir, Cabdibaasid Maxamed Cabdiraxmaan.

Wuxuu sheegay in uu xilkaas iska casilay kaddib markii uu la shaqeyn waayay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Xuseen Muungaab.

Wuxuu kaloo sheegay afhayeenkii horre in tan iyo markii loo magacaabay xilkaas in uusan shaqeynin oo uu markasta rabay in uu iska casilo xilka loo magacaabo laakin uu maanta go’aansaday in uu shaqada katago.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha sababay in uu iscasilo afhayeenkii gobalka Banaadir oo xilkaas hayay muddo bil ah.

Afhayeenkii gobalka Banaadir oo galabta is casilay
Afhayeenkii gobalka Banaadir oo galabta is casilay

Muxuu isku casilay?

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in uu jiray khilaaf ka dhexeeyay Muungaab iyo Cabdibaasid, kaasoo salka ku haya markii guddoomiyaha gobalka Banaadir uu u didday in Kaxda uu u aqoonsado degmo.

Arrintaas ayaa waxa ay keentay in culeys ballaaran uu afhayeenka kala kulmo beeshiisa taasoo tiri waa kuu sharraf darro in aad la shaqeyso nin diidday degmada iyo dadka aad ka soo jeedo.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Muungaab ilaa hadda kama hadlin iscasilaada afhayeenkiisa.

Beesha Shiikhaal ayaa Muungaab ku eedeeyay in uu si gaar ah ula dagaalsan yahay, maadama degmada Kaxda uu diiddan yahay, dhowr jeedna guddoomiyihii degmadaas ka ceyriyay kulamada maamulka degmooyinka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xagla-toosiye oo gaaray Buuhoodle & xiisad cusub oo magaalada ka taagan

Buuhoole (Caasimada Online) – Wararka naga soo garaya magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer ayaa sheegaya in halkaas uu maanta gaaray wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka caafimaadka ee maamulka Somaliland Suleymaan Ciise (Xagla-toosiye).

Safarka uu ku tagay Xagla-toosiye Buuhoodle horrey looma sii shaacin oo waxaa la ogaaday uun markii uu tagay isaga iyo wafdiga la socda siddaas waxaa ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Togdheer.

Xog badan lagama hayo socdaalka Xagla-toosiye uu ku tagay Buuhoodle, waxaana socdaalkiisa uu ku soo beegmay xilli magaaladaas ay ku sugan yihiin siyaayiin uu ka mid yahay xildhibaan Cali Khaliif Galeyr .

Si kastaba, magaalada waxaa laga dareemayaa saan-saan colaadeed oo ku aadan dagaal markale dhex maray Somaliland iyo Khaatumo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan ka hadlay xiisadda ka aloosan labada maamul ayaa sheegay in wadahadallo la xiriira colaadaha ka taagan deegaannadaas ay dowladda Soomaaliya la gashay maamullada Somaliland iyo Puntland, si loo yareeyo khatar shacabka ka soo gaarta dagaallo halkaas ka dhaca.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay gacan ka geesatay daminta xiisadda Buuhoole iyo Taleex wuxuuna sheegay in uu la hadlay madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Buuhoodle

[email protected]

Video: Isbadalka ka dhacay magaalada MUQDISHO kadib sanado dagaal ah

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo Sanaddo badan oo burbur iyo dagaal soo qaadatay ayaa waxaa mar qura is badalay muuqaaladani is xig xiga ee leh naxdinta badan iyo ugu dambeyntii sida ay magaaladu isku badashay oo ah si cajiib ah.

Muuqaaladani waa sanadihii u dambeeyay iyo sida ay aheyd Magaalada Muqdisho iyo sida ay tahay maanta waa wax aan maskaxdaadu qaadan karin ee nala daawo kadibna nala wadaag fikirkaada sida aad u aragtay isbadalka Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

 

 

 

“DFS ma mamusho dekadaha Kismayo, Berbera & Bosaaso” sidaas waxa yiri

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka dekeddaha xukuumadda Soomaaliya, Yuusuf Macallin Baadiyow ayaa maanta oo Axad ah hortagay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isagoona la weydiiyay su’aallo dhowr ah.

Wasiirka su’aalaha la weydiiyay waxaa ka mid ahayd bal in uu caddeeyo xukuumadda dekeddaha ay maamusho iminka.

Wasiirka wuxuu caddeeyay dowladda Soomaaliya in ay maamusho kaliye dekedda weyn ee Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in dekeddaha Kismaayo, Berbera iyo Boosaaso aaney hoos imaan dowladda Soomaaliya.

Dekadda weyn ee Muqdisho
Dekadda weyn ee Muqdisho

“Wasaaradeydu waxa ay maamushaa uun hal dekedda oo ah dekedda Muqdisho, dekeddaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo annaga maamulno, balse xiriir kale ayaan leenahay, xittaa ma naqaano lacagta ay qaataan”ayuu yiri wasiirka.

Seddexda dekad ee uu sheegay wasiirka in aysan maamulin waxay kala yihiin Kimaayo oo ay gacanta ku hayaan maamulka KMG ah ee Jubba, Berbera oo maamulka Somaliland ayaa gacanta ku haya, dekedda seddaxaad waa Boosaaso waxaana gacanta ku haya maamulka Puntland.

Xitaa dhaqaalaha ka soo xarooda waxaa maamusha oo leh maamulada halkaas ka arrimiya.

Maalmahan xildhibaannada baarlamaanka waxa ay su’aallo weydiinayeen qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Kullanka Gaas & madaxda Yemen

Sanaca (Caasimada Online) – Wakaalada wararka Yemen ee Saba ayaa qortay in madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu maanta la kulmay madaxdaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dalka Yemen.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa markii horre la kulmay ra’iisal wasaaraha Yemen, Mohamed Salem Basindwa, waxaana ay ka hadleen xiriir ka dhexeeya labada dhinac iyo inay lee yihiin danno gaar ah oo ka dhexeeya.

Waxa ay ka hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, gaar ahaan deegannada Puntland iyo guulaha ay ka gaarayn nabadda.

Intii kulanka socday, ra’iisal wasaaraha Yemen wuxuu dib u cusbooneesiyay Yemen taageerada ay siineyso Puntland kuwaasoo looga gun lee yahay in la gaaro ammaan iyo horrumar.

Dhinaciisa madaxweynaha Puntland, Dr. Cabdiweli ayaa ammaanay doorka Puntland ay ka qaadaneyso ammaan iyo horrumar ka dhacda Soomaaliya iyo in muhiim uu yahay xiriirka ka dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay kulanka inta uu socday, labada dhinac ay isla soo qaadeen siddii loola dagaallami lahaa burburcad badeeda ka dilaacday gacanta caddan kuwaasoo ka dhashay dowlad la’aantii ka jirtay Soomaaliya 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland, ayaa la kulmay madaxweynaha Yemen, Abdu Rabbu Mansour Hadi, waxa ay ka hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Yemen, gaar ahaan Puntland.

Waxa ay labada nin ka hadleen xoojinta xiriirkaas ka dhexeeya.

Madaxweynaha Puntlanda muddada afarta cisho ee uu joogayo Yemen wuxuu kulamo la qaadan doonaa wasiirrada dallkan, kuwaasoo uu kala hadli doono wax yaabaha ay ka hadleen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

During the meeting, the two

CALI KHALIIF Galeyr oo banaanka soo dhigay shirqool uu Gaas u maleegayo..

Buuhoodle (Caasimada Online)-Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ayaa gaaray magaalada Buuhoodle ee gobalka Togdheer, isagoona ka hadlay arrimo badan.

Cali Khaliif wuxuu eedeen culus u jeediyay madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isagoona ku eedeeyay in uu wado qorshe uu ku duduminaayo maamulka Khaatumo State.

Wuxuu sheegay Cali Khaliif in madaxweynaha Puntland markii uu qabanaayay xilka loo arkaayay qof wax badan ka qaban doona arrimo badan balse wuxuu caddeeyay in Cabdiweli Gaas uu noqday qof raba in la dudumiyo maamulka Khaatumo.

“Cabdiweli Cali Gaas markii uu xafiiska qabanayay waxaa loo arkayay nin fiican oo wax soo kordhinaya, laakin wuxuu billaabay arrin cadaawad ah, adduunyada maanta wax qarsoon ma jiraan, wuxuu Ethiopia ku yiri “Khaatumo waa meel halaq marayn ah, lagana maamulo cadaawada Itoobiya, wax qarsoomaya ma ahan” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

“Waan la soconaa Ethiopia wuxuu la tagay, qadiyadda uu la tagay Kallinka shannaad oo ah in Khaatumo ay tahay meel fitno ah, warkaas waxbo kama jiraan” ayuu yiri markale Cali Khaliif Galeyr.

Wuxuu dhinaca kale eedeen u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladiisa Soomaaliya oo uu yiri waxbo uma qaban dadka reer Khaatumo.

“Isimida iyo cuqaasha Khaatumo waa kuwii ugu horreeyay ee aqoonsaday madaxweynaha markii la doortay ee u tagay, laakin waxbo nooma tarin dowladda iyo madaxweynaha” ayuu yiri.

Cali Khaliif Galeyr ayaa xusay in Buuhoodle lagu qaban doono shirkii seddaxaad ee Khaatumo State, kaasoo looga arrinsanaayo aayaha maamulka Khaatumo, wuxuu ku baaqay in shirkaas laga soo qaybgalo.

“Garaadadu waa kuwa halkan jooga, reer Khaatmo waa qabiil kaliya ee doortay madaxweynaha una tagay markii l doortay, balse siddii aan u taageernay nooma uusan taageerin isaga iyo dowladiisa” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Cali Khaliif Galeyr ayaa sidoo kale eedeen u jeediyay maamulka Somaliland, isagoona ku eedeeyay in ay doonayaan dhul ballaarsi iyo daan-daansi ay ka sameenyaan dhulka uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo State, “cid ka yeeleso ma lahan” ayuu yiri.

CaasimadaOnline

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Xiisad siyaasadeedka aadan ogeyn ee todobaadkan ka jira dalka Soomaaliya

KAFTANKA SIYAASADDA TODOBAADKA

Waa sheeko siyaasadeed taxane ah oo sawir guud ka bixineysa marxaladda siyaasadeed ee uu dalka marayo.

Jimcaale: Waxaan fahmi la ahay ujeedada ay ka leeyihiin raggan dowladnimada ku ciyaaraya ee aan waxba kala jecleyn oo tooda keliya ay u caddahay. wallee Soomaali tiih baa ku dhacay. Madaxweynihii wuxuu u dhaqmayaa sidii nin ka taliya Villa Somalia oo kale, magacii dowladnimada waxaa laga dhigtay mashruuc  dhaqaale un lagu uruursado. Soomaaliya xaalkeedu waa cidna uma maqna, ceelna uma qodna.

Jaamac: Ninyahow qof keligii wuu riyoon karaa, laakiin waxaad moodaa Soomaali oo dhan in ay riyo ku jirto saqiir & kabiir. mid Kenya kabo qaad u ah, mid Itoobiya u shaqeynaya, ummad iyagii la isku imtixaanay oo feylaha is goynaya, maxaa dhayi kara oo daawo u noqon kara xaaladda Soomaalida haysata.?

Jimcaale:  Maxaa loo waayey dad caafimaad qaba oo ummadan badbaadiya, Soomaali yaa inkaaray.? Habeen dhoweyto mar aan TV-ga daawanayey waxaan la yaabay dad waaweyn oo inta meel maxfal ah soo istaaga qabiil difaacaya.

Jaamac: Aniga waxa maskaxdeydu ay qaadan la’dahay waxeey tahay,  sida ay u dhaqmayaan in badan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo meherad ka dhigtay laaluush, musuq-maasuq & in ay difaacaan maamulada beelaha ku dhisan ee ay ku adeeganayaan Kenyaanka & Itoobiyaanka. Maxaa loo waayey iyaga oo ka doodaya wax dan & maslaxad  u ah shacabka. Kuwa xildhibaannada na looga dhigay waa dad markiidii hore ee la soo xulayey ku yimid qaab xaaraan ah, laguna soo xulay hadba sida ay u kala liitaan.

Jimcaale: Ma maqashay  nin Sacuudiyaan ah oo Kenyaan-ku ay xireen in Sacuudigu ay ku dhawaadeen inay safaaradeedii kala baxdo Kenya. Ka waran kumanaanka kun ee Kenya xabsi ciqaabeedka ugu jira & Madaxweynaheenii oo aad mooda inuu u dhaqmayo qaab calooshiis la ciyaar iska qoslaya.?

Jaamac: Ummad haddii hogaanku ka qaldamo waa in la helaa dad mideysan oo ay daacad ka tahay badbaadada dalkooda, oo dhexda u xirta sidii ay hogaanka ama u sixi lahaayeen ama u dhihi lahaayeen naga hor-wareeg. Midnimo wax lagu waayey tafaraaruq laguma heli karo.

Jimcaale:  Ninyahow adduunka maanta waxa ka dhacaya waa la socotaa, 14-kii sanno ee u dambeeyey adduunka wax weyn baa iska bedelay, muslimiintii baa la isku imtixaanay, wixii gaaladii ay ka xishoonayeen in ay kugula kacaan ayaa muslimkii uu kugu sameynayaa, Soomaalidiinii iyaga oo ajnabi kuwii ugu liitay u adeegaya ayeey is laynayaan.

Jaamac:  Soomaali xaalkeedu ma dhawee waxba haysku mashquuline ka daneyso.

Jimcaale: Walaaloow siddeen uga daneystaa.? Annagii waan mustaqbal-beelnay, ubadkeenii sidoo kale, waxaan is leenahay war bal Soomaali haddii ay sidan ku sii socotaa jiritaankeedii baa baabaįya.

Jaamac: Haddaan ku weydiiyo adigoo raali ah,  Walaaloow Puntland waxaaba la yiraa waa dad halgankii xornimo qaadashada Soomaaliya ka soo qeybqaataye, maxey tahay dadkan madaxda ka noqda ee mar walba horay iyo gadaal Itoobiya ugu soo socdaalaya.? waxeeyba u adeegayaan dadkii xorriyadeena diidanaaye.?

Jimcaale: Sheekada la leeyahay waa halgamayaal waa iska  huu-haa la doonayey in dadka maskaxdooda sida naastarada loogu duubo, in warkaas uu been yahay waxaad ka garan kartaa, dadkii aan xorriyadeena ka ilaalineynay ayeey u sujuudayaan oo ay leeyihiin  maxaan idiin qabanaa.? sheekada la leeyahay waa dadkii xornimada u soo halgamay ha nalaga xiro.

Jaamac: Maxaa dhacay madaxweynaha maamulka Puntland hadduu la shiro R/wasaaraha Itoobiya maxaa ku jaban.? Puntland waa dad Soomaalinimo halkeeda ha joogtee gurigoodii hagaagsaday oo ay ilmahoodii iskuul u tagayaan.

Jimcaale: Ma waxaad mooday in ay dan & maslaxad Soomaaliyeed u tegayaan Addis.? Waxey  adeegayaal u yihiin Itoobiya, waxeyna u tagaan Itoobiya in ay amar ka soo qaataan bes, waa duleysi. Maxey ka wadahadli karaan baad is leedahay C/weli Gaas &  Itoobiya.? waxa uu kala shiri karo ma jireyso, waa dowladdii fedraalka Itoobiya, Puntland na  waa maamul goboleed, teeda kale, kuwa u sacbinaya ee shacabka & saxaafadda-ah ee naawilaya Madaxweynaheena,  ha ogaadaan madaxweynahooda inuu yahay shaqaale u shaqeeya Itoobiya.

Jaamac: Aniga waxey igula quman tahay is eed-eed maanta Soomaali wax u tari maayee, Itoobiyana haddii tegitaankeeda la yiraa qof aan u tegin ma jirtee, in Soomaali danteeda aqoonsato waa muhiim oo qofka Soomaaliga ah uu aamino kan kale ee walaalkii ah, la iskana daayo danaha waqtiga gaaban ah.

Jimcaale: Taas iigu kaadiye, ninyahow ninkii Muungaab ah waaba nin aan waxba isku faleyn oo xishood laheyn, Tarzan baa dhaamey oo la qaataa. Ka waran 16-kii degmo wuxuu ku taxay Hawiye.  Daarood, Isaaq, Digil & Mirifle iyo beelaha kale iyagu gobolka wax kuma lahan miyaa.?

Jaamac: Waa runtiis, wuuna ku saxan yahay taas, adigu bal waxaan ku weydiinayaa nin Muqdisho ka soo jeeda  maamulka Boosaaso wax ma ka noqon karaa.?  Mase la socotaa hantida dekadda Muqdisho ka soo xeroota  in mushaar lagu siiyo xildhibaanada & Wasiirada Puntland. Hantida dowladda federaalka Soomaali oo dhan ayaa  cunta, kii Boosaaso ka soo baxayna iyaga keliya ayaa cuna, aniga tan aan liqi la’ahay waa taas.

Jimcaale: Sideed u aragtaa in Kenya ay qunsul u soo magacowdo Jubbooyinka.?

Jaamac: Kenya kuma ekeysan doonto in ay Guddoomiye soo magacowdee, waxaa xigi doono inaad mar dhow maqashid iyadoo la leeyahay dadka Gobolada Jubbooyinka & Gedo degan waxey u codeeyeen in ay Kenya ku biiraan taas ha sugi waayin.

Jimcaale: Taas ILLAAHEY nama gaarsiiyo. Waxaan aaminsanahay in Soomaali danteeda u midoobi doonto, kana guuleysan doono Insha ALLAAH cid kasta oo jiritaankeedsa ka soo horjeeda.

La soco qeybaha dambe 

Isha: Yoobsannews

11 qodob oo ay kooxda Aala-Sheikh ee Sh Shariif kaga fiican yihiin Dam-Jadiid

Waxaan sahmiyay 11-ka Qodob ee ugu muhiimsan oo kooxdii hore ee Sheekh Shariif ee ‘Aala Sheekh’ ay uga fiicanyihiin kooxda ‘DamJadiid’ ee Xasan Sheekh.

1 – Kooxda DamJadiid waxay dalka ku soo hoggaamiyeen ciidanka Tigreega Itoobiya, oo aan oggoleyn jiritaankeena dadnimo, diin ahaan iyo dhul intaba, waxay noo badasheen koofida ciidan, howlgalkooduna waa dil iyo xirig, halka Kooxda Aala Sheekh iyagoo kaashana Soomaali oo idil ay wadanka xabad iyo wada hadal uga saareen ciidanka Itoobiya oo 2006 nagu soo duulay. Itoobiyaanku waxay dileen dad muwaadiniin Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 30,000, waxay dhac iyo bur-bur u geysteen hanti Soomaaliyeed oo lagu kor u dhaafeysa 3 bilyan oo dollar.

2 – Kooxda DamJadiid haba yaraatee wax macaamiil ah lama lahan shacabka Soomaaliyeed, taasina waa midda keentay dib u dhaca siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo nololeed, halka kooxda Aala Sheekh ay ka war hayeen shacabka iyo halka xaaladiisu mareyso, isla markaana oggolaa in lagala doodo masiirka iyo mustaqbalka dalka, xiriir toos ahna la lahaa muwaadiniinta dal iyo dibad.

3 – Kooxda DamJadiid iyo madaxweynahoodu waxay si gaaban u fahmeen dowladnimada, eeg waxa ka socda Madaxtooyada, madaxweynuhu wuxuu isku soo wareejiyay rag ku heyb ah, oo hadana ku xisbi ah, laga soo billaabo qolada nadaafadda u qaabilsan madaxtooyada ilaa agaasimaha madaxtooyada waa hal qolo, halka kooxda Aala Shekh ay ahaayeen dad Soomaali oo idil ka kooban, waxaan u soo joogay madaxweyne Sheekh Shariif oo Turjubaankiisa, agaasimihiisa madaxtooyada, xogheyntiisa gaarka ah, la taliyaashiisa iyo dadka sirta madaxtooyada haya ay ahaayeen Soomaaliweyn isku dhafan, halka Xasan SHeekh uu isku badashay agaasimayaal midna wiilkiiisa yahay, midna aanu ka dheereyn.

4 -. Kooxda DamJadiid waxay aaminsantahay in dadka fikikooda heysta ama xisbigooda ka mid ah maahane inta kale ay rooti yihiin, ma jirto qof ay u roon yihiin, eeg sida ay bannanka u dhigeen dadkii wax qabadka heybadda iyo kartida u lahaa ee Saacid, Tarzan, Mayan Qaasim, Fiqi, Yusra Abraar, General Diini, Shariif Sheekhunaa iyo muwaadinin kale oo xirfadleyaal ahaa.

5 – Kooxda DamJadiid uma qorna qorshe waqti dheer ah oo ay ummada Soomaaliyed uga saari lahaayeen dhibaatada ay ku jirto, laakiin sida muuqata waxaa waqtigooda dheer uu hada yahay sidii ay 2016 ku soo noqon lahaayeen oo kaliya, taasna hadda ayay qorshaheeda ku jiraan, waxay wasiirka dastuurka iyo cadaaladda ka dhigeen Faarax Cabdulqaadir oo diyaarinaya qorshe cusub oo ah in afka laga sheego in doorashada soo socota ay dadku codeyn doonaan, laakiin xaqiqadu ay tahay in dabayaaqada sanadka ay ku dhawaaqaan inaan doorasho nuucaas ah aysan dhici karin markaasna ay diyaariyaan tiisa hadda ay ku guuleysteen oo kale, taas oo sida la aaminsanyahay aheyd iibsi madaxweyne, halka kooxdii Sheekh Shariif ay fikir intaas ka ballaaran oo wadaniyadeed ay ku jirtay qorshayaashooda hore ee xilliga dheer. FG: Shaki ayaa ku jira inayba gaari doonaan 2016.

6 – Kooxda DamJadiid waxay dalka uga faa’iideyn waayeen fursada ay heystaan oo ah dowladnimo buuxda oo codkeedu shaqeynayo, waxay kasban waayeen aaminaadii caalamka, waxay meel marsiin waayeen soo xero galinta dhaqaalihii ay wadadiisa diyariyeen kooxdii Sheekh Shariif, sida The New Deal oo ka dhashay shirkii 1-aad ee London February 2012. Sidoo kale waxaa halis ku jira taageeradii walaalaha kaliya ee Soomaaliyeed ee Turkey.

7 – Kooxda DamJadiid waxay dayaceen dalka iyo dadka, waxayna na galiyeen baqdin ah in Soomaaliya ay ka baxdo qariiradda caalamka, waayo markii aad aragtid Sawaaxiliga Kenya ee Kukukuuyada ah oo Qunsul u magacaabaya qeyb ka mid ah dalka, Xarifgii qunsulkii iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee Islii, Casuumaadii Itoobiya ee C/weli Gaas ee shirkii madaxda geeska Africa, iyo midnimada dalka oo gabaabsi sii mareys, intaas oo dhan markii aad qiimeyso waxaa ku galaya cabsi weyn oo DamJadiid masuul ka yihiin.

8 – Nolosha qofka Soomaaliga ah ee maanta waxay mareysaa meel halis ah, sicir bararka, ammaan la’aanta, abaaraha, biyo la’aanta, abaaraha, raashin yarida iyo colaaduhu waxay saameeyeen guud ahaan qof kasta, Maanta kiishka sokorta ah wuxuu Muqdisho ka joogaa 35 dollar, halka gobolada qaarna uu laba u jibaar lacagtaas marayo, si looga baxo musiibooyinkaas oo dhan DamJadiid kuma jiro fikir is badal ah qiiro wadaniyadeed.

9 – Dhismaha CIidan Qaran, hey’ado dowladeed oo shaqeeyn kara, adeeg bulshada la gaarsiiyo iyo dhaqaalah dalka oo la soo kabo waxay ahaayeen qorshihii ay suuqa ku soo galeen DamJadiid, hase ahaatee waxay ku biya shubteen dhinaca kale ee liddiga ku ah.

10 – Dhaqaalaha dalka Intiisa ugu badan waxay ka soo xaroodan Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, ma jirto hanti ka laga helo Boosaaso, Gaalkacyo, Kismaayo iyo Bar-bara midna, taas badalkeeda waxay kooxda DamJadiid ay si doodi ka dhalan karto ugu ciyaareen dhaqaalaha dalka, eeg Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu safray 42 goor muddo 20 bilood ah, halka madaxweynaha dunida ugu xoogga badan ee Obama uu sameeyay 39 socdaal muddo 65 bilood ah. Waxaa xusid mudan in kooxdii Sheekh Shariif ee Aala Sheekh ay iyagu fureen Dekada iyo Garoonka sanadkii 2006, kuwaas oo xirnaa muddo 16 sanadood ah.

11 – Iyo Ugu dambeyntii Kooxda Aaala sheikh waxay qolada xilligan ee DamJadiid uga wanaagsanaayeen xagga wacyiga iyo soo jiidashada dadka, Sheekh Shariif wuxuu ahaa madaxweyne Aftahan ah oo hadana ku darsaday in marka uu hadlayo uu khudbadiisa ku soo daro quraan iyo axaadiith wacdi ah, waxaa ku jiray ama taageersanaa fikirka Aala Sheekhnimada culimo iyo rag badan sida Allaha u naxariistee Cadow iyo Waayeel iyo Janaqoow, Cabdulqaadir Cali Cumar, Yusuf Caynte iyo Xasan Daahir iyo Mukhtaar Rooboow oo markii dambe argagixiso noqday iyo rag kale oo badan, hase ahaatee weli dhagaheygu kuma soo dhicin Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa oo hadaladooda ay ku jiraan quraan, axaadiith iyo wacdi midna!!!.

W/Q: Farah Blue

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid