28.3 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

11 qodob oo ay kooxda Aala-Sheikh ee Sh Shariif kaga fiican yihiin Dam-Jadiid

Waxaan sahmiyay 11-ka Qodob ee ugu muhiimsan oo kooxdii hore ee Sheekh Shariif ee ‘Aala Sheekh’ ay uga fiicanyihiin kooxda ‘DamJadiid’ ee Xasan Sheekh.

1 – Kooxda DamJadiid waxay dalka ku soo hoggaamiyeen ciidanka Tigreega Itoobiya, oo aan oggoleyn jiritaankeena dadnimo, diin ahaan iyo dhul intaba, waxay noo badasheen koofida ciidan, howlgalkooduna waa dil iyo xirig, halka Kooxda Aala Sheekh iyagoo kaashana Soomaali oo idil ay wadanka xabad iyo wada hadal uga saareen ciidanka Itoobiya oo 2006 nagu soo duulay. Itoobiyaanku waxay dileen dad muwaadiniin Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 30,000, waxay dhac iyo bur-bur u geysteen hanti Soomaaliyeed oo lagu kor u dhaafeysa 3 bilyan oo dollar.

2 – Kooxda DamJadiid haba yaraatee wax macaamiil ah lama lahan shacabka Soomaaliyeed, taasina waa midda keentay dib u dhaca siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo nololeed, halka kooxda Aala Sheekh ay ka war hayeen shacabka iyo halka xaaladiisu mareyso, isla markaana oggolaa in lagala doodo masiirka iyo mustaqbalka dalka, xiriir toos ahna la lahaa muwaadiniinta dal iyo dibad.

3 – Kooxda DamJadiid iyo madaxweynahoodu waxay si gaaban u fahmeen dowladnimada, eeg waxa ka socda Madaxtooyada, madaxweynuhu wuxuu isku soo wareejiyay rag ku heyb ah, oo hadana ku xisbi ah, laga soo billaabo qolada nadaafadda u qaabilsan madaxtooyada ilaa agaasimaha madaxtooyada waa hal qolo, halka kooxda Aala Shekh ay ahaayeen dad Soomaali oo idil ka kooban, waxaan u soo joogay madaxweyne Sheekh Shariif oo Turjubaankiisa, agaasimihiisa madaxtooyada, xogheyntiisa gaarka ah, la taliyaashiisa iyo dadka sirta madaxtooyada haya ay ahaayeen Soomaaliweyn isku dhafan, halka Xasan SHeekh uu isku badashay agaasimayaal midna wiilkiiisa yahay, midna aanu ka dheereyn.

4 -. Kooxda DamJadiid waxay aaminsantahay in dadka fikikooda heysta ama xisbigooda ka mid ah maahane inta kale ay rooti yihiin, ma jirto qof ay u roon yihiin, eeg sida ay bannanka u dhigeen dadkii wax qabadka heybadda iyo kartida u lahaa ee Saacid, Tarzan, Mayan Qaasim, Fiqi, Yusra Abraar, General Diini, Shariif Sheekhunaa iyo muwaadinin kale oo xirfadleyaal ahaa.

5 – Kooxda DamJadiid uma qorna qorshe waqti dheer ah oo ay ummada Soomaaliyed uga saari lahaayeen dhibaatada ay ku jirto, laakiin sida muuqata waxaa waqtigooda dheer uu hada yahay sidii ay 2016 ku soo noqon lahaayeen oo kaliya, taasna hadda ayay qorshaheeda ku jiraan, waxay wasiirka dastuurka iyo cadaaladda ka dhigeen Faarax Cabdulqaadir oo diyaarinaya qorshe cusub oo ah in afka laga sheego in doorashada soo socota ay dadku codeyn doonaan, laakiin xaqiqadu ay tahay in dabayaaqada sanadka ay ku dhawaaqaan inaan doorasho nuucaas ah aysan dhici karin markaasna ay diyaariyaan tiisa hadda ay ku guuleysteen oo kale, taas oo sida la aaminsanyahay aheyd iibsi madaxweyne, halka kooxdii Sheekh Shariif ay fikir intaas ka ballaaran oo wadaniyadeed ay ku jirtay qorshayaashooda hore ee xilliga dheer. FG: Shaki ayaa ku jira inayba gaari doonaan 2016.

6 – Kooxda DamJadiid waxay dalka uga faa’iideyn waayeen fursada ay heystaan oo ah dowladnimo buuxda oo codkeedu shaqeynayo, waxay kasban waayeen aaminaadii caalamka, waxay meel marsiin waayeen soo xero galinta dhaqaalihii ay wadadiisa diyariyeen kooxdii Sheekh Shariif, sida The New Deal oo ka dhashay shirkii 1-aad ee London February 2012. Sidoo kale waxaa halis ku jira taageeradii walaalaha kaliya ee Soomaaliyeed ee Turkey.

7 – Kooxda DamJadiid waxay dayaceen dalka iyo dadka, waxayna na galiyeen baqdin ah in Soomaaliya ay ka baxdo qariiradda caalamka, waayo markii aad aragtid Sawaaxiliga Kenya ee Kukukuuyada ah oo Qunsul u magacaabaya qeyb ka mid ah dalka, Xarifgii qunsulkii iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee Islii, Casuumaadii Itoobiya ee C/weli Gaas ee shirkii madaxda geeska Africa, iyo midnimada dalka oo gabaabsi sii mareys, intaas oo dhan markii aad qiimeyso waxaa ku galaya cabsi weyn oo DamJadiid masuul ka yihiin.

8 – Nolosha qofka Soomaaliga ah ee maanta waxay mareysaa meel halis ah, sicir bararka, ammaan la’aanta, abaaraha, biyo la’aanta, abaaraha, raashin yarida iyo colaaduhu waxay saameeyeen guud ahaan qof kasta, Maanta kiishka sokorta ah wuxuu Muqdisho ka joogaa 35 dollar, halka gobolada qaarna uu laba u jibaar lacagtaas marayo, si looga baxo musiibooyinkaas oo dhan DamJadiid kuma jiro fikir is badal ah qiiro wadaniyadeed.

9 – Dhismaha CIidan Qaran, hey’ado dowladeed oo shaqeeyn kara, adeeg bulshada la gaarsiiyo iyo dhaqaalah dalka oo la soo kabo waxay ahaayeen qorshihii ay suuqa ku soo galeen DamJadiid, hase ahaatee waxay ku biya shubteen dhinaca kale ee liddiga ku ah.

10 – Dhaqaalaha dalka Intiisa ugu badan waxay ka soo xaroodan Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, ma jirto hanti ka laga helo Boosaaso, Gaalkacyo, Kismaayo iyo Bar-bara midna, taas badalkeeda waxay kooxda DamJadiid ay si doodi ka dhalan karto ugu ciyaareen dhaqaalaha dalka, eeg Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu safray 42 goor muddo 20 bilood ah, halka madaxweynaha dunida ugu xoogga badan ee Obama uu sameeyay 39 socdaal muddo 65 bilood ah. Waxaa xusid mudan in kooxdii Sheekh Shariif ee Aala Sheekh ay iyagu fureen Dekada iyo Garoonka sanadkii 2006, kuwaas oo xirnaa muddo 16 sanadood ah.

11 – Iyo Ugu dambeyntii Kooxda Aaala sheikh waxay qolada xilligan ee DamJadiid uga wanaagsanaayeen xagga wacyiga iyo soo jiidashada dadka, Sheekh Shariif wuxuu ahaa madaxweyne Aftahan ah oo hadana ku darsaday in marka uu hadlayo uu khudbadiisa ku soo daro quraan iyo axaadiith wacdi ah, waxaa ku jiray ama taageersanaa fikirka Aala Sheekhnimada culimo iyo rag badan sida Allaha u naxariistee Cadow iyo Waayeel iyo Janaqoow, Cabdulqaadir Cali Cumar, Yusuf Caynte iyo Xasan Daahir iyo Mukhtaar Rooboow oo markii dambe argagixiso noqday iyo rag kale oo badan, hase ahaatee weli dhagaheygu kuma soo dhicin Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa oo hadaladooda ay ku jiraan quraan, axaadiith iyo wacdi midna!!!.

W/Q: Farah Blue

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

Xog: Gaas oo loo diiday kulanka Kerry

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Addis-Ababa ee Dalka Ethiopia ayaa sheegaya in safar maalmo ka hor uu halkaas ku tagay Madaxweynaha Puntland C/Wali Gaas, si uu uga qeyb galo shirkii Bahar-Daar uu sidoo kale lahaa ujeedo kale.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Gaas uu doonayey inuu la Kulmo xoghayaha arimaha dibada Mareykanka John Kerry oo shalay la kulmay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo Wareedyo ku suga Magaalada Addis-Ababa ayaa Caasimada Online u sheegay in Gaas uu saraakiisha safaaradda Mareykanka ka codsaday in uu si gaar ah ula Kulmo xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka John Kerry, hase yeeshee Gudigii Qaabilsanaa arrintaas ay u sheegeen in uu la Kulmayo oo kaliya Madaxweynaha Somaliya Xasan sheikh Maxamuud.

Waxaa Gaas loo sheegay in Mr. Kerry uusan ku soo tala galin la kulanka Gaas ama xubno ka socda maamul goboleedyo.
Wararka ayaa sheegaya in C/Wali Gaas ugu dambeyn lagu qanciyey la kullanka xubno ka mid ah safaaradda Mareykanka iyo saraakiil hoose oo la socda Kerry, si uu ugu gudbiyo waxa uu ka doonayo waaxda arrimaha dibedda Mareykanka.

Gaas ayaa la sheegay in warqad aan la ogeyn waxu ku qoran uu ugu dhiibay John Kerry, kadibna uu kusoo laabtay Puntland.

C/Wali Gaas ayaa marar badan isaga daba laabtay Itobiya labadii Bil ee la soo dhaafay, waxaana soo baxay inuu dadaal dheer ugu jiray la kullanka Kerry.

Inkasta oo Cabdi Weli Gaas uu haysto dhalashada Mareykanka, haddana la kulanka madaxda Mareykanka, taasi wax saameyn ah kuma lahan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

 

Geelle oo loogu soo dhaweeyay USA

Wanshinton (Caasimada Online)-Madaxwaynaha wadanka Djibouti mudane Ismaa’il Cumer Geele iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa saaka ka dagay giroonka wayn ee ciidama Markanka andrews ee ku yaala gobolka Marland ee duleedka magaalasda Washington.

Wafdiga waxaa soo dhaweeyay saraakii ka socota wasaarada arrima dibadda, cidamada marakanka iyo safaarada wadanka Djibouti. Wuxuuna ka gudoomay salaan sharaf cutubyo ka tirsan ciidamada wadanka marakanka.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato madaxda dowladda Maraykanka sidda uu sheegay talafishanka dowladda Jabuuti,

Madaxweynaha Jabuuti ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaas wuxuu madaxda kala hadli doonaa xiriirka labada waddan iyo xaaladda gobalka.

Sidoo kale waxa ay ka hadli doonaan arrimaha Soomaaliya, maadama Jabuuti ay ciidamo kajoogaan Soomaaliya kuwaasoo ka mid ah howgalkaj Midowga Afrika ee AMISOM.

Maraykanka ayaa saldhig weyn ku leh dalka Jabuuti, kuwaasoo ay ka duulaan diyaaradaha aan cidna wadin ee Drons-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

Dowladaha siman ee Somalia ka jira!!

Inkasta oo ay noqonayso arar qofkii arkaa uu isweydiinayo waxa ay yihiin ama aan kala jeedo dowladaha siman ee Soomaaliya ka jira, hadana waxaa xaqiiqdu ay tahay in aan indhaha laga qarsan karin isbarbaryaaca iyo qaabdarada baahsan ee haraysay dhibaatada sii waqti dheereysanaysa ee ka jirta dalkeena Soomaalliya oo duniduna ay u taqaano xabaashii gar-gaarka dalalka isku tilmaama deeq bixiyayaasha caalamka.

Magac xumada intaa oo kaliya nalooguma simine, hadana waxaa naloo sii raaciyaa sida naaneys aan baxsanay oo kale dal ka mid ah meelaha safka hore kaga jira musuq-maasuqa aduunka oo looga jeedo in ay gacan toglaamin amaba aan si kale u iraahdo xatooyo xoolo dadweyne ay ka jirto dalkeena, dakiisuna ay ka gaajeysan yihiin dadyowga kale ee dunida.

Yaaney waxba ila sii fogaanin gogol dhigga qormadeydan, laakiin muwaadin kasta shaki kagama jiro isbar-baryaaca ka dhex jira hogaanka dalka.

Dowladda Federaalka ama tan dhexe.

Maqaam ahaan waa tan haysata sharciyadda dowladeed ee dalka, duniduna ay nagu maaweeliso inay u aqoonsantahay sharciyaddaasi, laakiin hadana waxaa jira tilmaamo dhowr ah oo ka dhigaya ineysan sheekadu ahayn sida aan moodno, balse ay jirto daaha gadaashiisa maamullo kale lagu wato, kuwaasi oo tusaale ahaan mararka qaar ka awood badan dowladda saxda ah ee dalka loo dhisay ee uu Madaxweyne ka yahay Xassan Shiikh, wasiirkeeda Koowaadna yahay Abdi Weli, guddoomiyaha barlamaankana uu ka yahay Maxamed Shiikh Jawaari.

Tusaale maamulada kala ah Puntland, kan kumeelgaarka ee Juba, kuwa iska soo horjeeda ee Baydhaba, shabeelooyinka iskaba daa warkooda, kuna sii darso Hiiraan, wadaadada suufiyada ee Ahlu-sunna ee gobolada dhexe meela kamid ah ka xadreeya hubkana haysta, Ximan iyo Xeeb ilaa Galmudug, dhammaantood waxa mooddaa midba inuu saameyn gooni ah ku leeyahay habka ama hanaanka dowladeed ee dalka, iyada oo loola macaamilo, loona casuumo qaab dowladeed, heshiisyana lala galo, iyada oo xitaa dowladda dhexe aysan ka warhayn, lagulana shiro dalal Soomaaliya deris la ah oo qaarkood ciidamo nabad ilaalin ku tilmaaman ay ka joogaan dalka kana xuquuq iyo nolol sareeya kuwii dalka u dhashay ee ciidanka qalabka sida.

Maamuladan laftooda waa kala saameyn duwan yihiin, kuwa hadda calankooda uu babanayo ee tusaalaha u noqon kara Dowladaha siman ee ka jira Soomaaliya waxa safka hore kaga jira labada maamul ee Puntlandta Gaas oo mar Ra’iisul wasaare kasoo noqdey dowladdii KMG ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Shariif Shiikh Axmed, iyo Axmed Madoobaha Jubba oo mar ka tirsanaa kooxa diimeedyadii dagaalka ka galay soomaaliya, waxana ay muujiyeen labadaas maamul sida ay iskood cilaaqaad lamid ah kan dowladda dhexe ay ula yeelan karaan wadamada kale, si gaar ah dalalka deriska nala ah oo noqdey kuwa loo kala dhuunto oo lagulana gorgortomo dowladda dhexe ee dalka.

Puntland waxay madaxdooda aadeen safaro boos ahaan dowladda dhexe ay munaasab ku ahayd ka qayb galkeeda oo ay isugu yimaadeen Madaxweyneyaal iyo Ra’iisul wasaarayaal, welibana aysan wax xog ah ka ahayn dowladda dhexe oo noo sheegtay inay xariif ku tahay oo ay hagaajisay siyaasaddeeda arrimaha dibadda guud ahaan, gaar ahaan tan dalalka gobolka oo ay ugu horeeyaan Kenya iyo Ethiopia.

Jubba, maamulka weli la isku haysto ee Axmed Madoobe si KMG ah loogu sharciyeeyey shir dowladda dhexe iyo iyaga lagu dhex-dhexaadinayey oo Addis oo Ethiopiada ah ka dhacay, iyagu waxayba muujiyeen arrin aad loola yaabay oo xitaa shaki galisay qarinimada soomaaliya in la aqoonsan yahay iyo inkale, taasi oo ah markii madaxdeedu ay soo dhaweeyeen nin ay soo dirsatay Dowladda Kenya oo ay ku sheegeyso inuu yahay qunsulka Kenya ee Maamulka Jubbaland.

Hogaamiyaha jubba oo aad mooddo inuu si gaar ah isku xejinayo Kenya iyo ciidankeeda Kismaayo ku ilaaliya waxa uu warfaafinta u sheegey in cilaaqaadka dowladda kenya iyo iyaga oo aad u wanaagsan yahay ayna soo dhaweynayaan qunsulka ay u soo magacaawdey dowladda deriska la ah ee Kenya oo ay la shaqeyn doonaan, isaga oo og weliba in dowladda dhexe qunsulkeedii kenya joogay la bahdilay oo xabsiga la baray, bedelkeedana ay si diiran iyaga waa Jubbada Axmed Madoobe ay usoo dhaweynayaan qunsulka Kenya ee dowlad goboleedkooda Jubba ama sida ay jecel yihiinba u dhig ee ay ku doodaan in loogu yeero oo ah Jubbaland.

Shakiga dowladaha siman inkasta oo uu muddaba soo jiitamayay welina aysan meel u dhicin arrintii Somaliland oo gabi ahaanba qabta inay ka go’day Soomaaliya 1991dii, hadana waxaa sheekada xiisa u yeeley ka warqab la’aanta Dowladda dhexe ee waxa ka socda dalka haba ugu horeysee fadhiidnimadooda ay ka gaabiyeen inay hantaan kalsoonida guud ahaan maamulada ka jira dalka, si gaar ah kuwa isku haysta inay la siman yihiin dowladda oo ay kula loolami karaan masraxyada caalamka iyaga oo leh nidaamkooda u gaarka ah.

Madaxweynaha dowladda Xasan Shiikh waxa laga so xigtay inaysan warba u hayn arrintan ugubka ah ee Kenya ay ku dhaqaaqdey ee ah in calaaqaad diblomaadsiyadeed ay la sameysatay Jubba, iyada oo horeyna loogu dhaliilsanaa Madaxweynaha iyo dowladdiisaba sida ay uga aamuseen gabood falka sida gaarka ah loogu hayo dadka ay matalaan ee Soomaaliyeed, iyo sida jilcan oo ay markasta uga hadlaan arrinta adag ee ka taagan dalkaasi oo soomaalida u ahaa mar meel ay ku baxsadeen ganacsi iyo dhaq-dhaqaayo kalena ka sameysteen.

Ha fogeysan oo yaaney wax lala yaabo kula noqon haddaad maqasho safiirka Kenya ee Puntland, Khaatumo, lixda gobol, amaba inta kale ee jirta, waxayna muujinaysaa in dowlado siman ay ka jiraan dalkii beri Soomaaliya ahaa, dowladda Madaxweyne Xassan Shiikhna loogu yeeri doono Dowladda Muqdisho, sida mararka qaarba aan maqalno, una eg qaabka ay hadda u shaqeeyaan oo noqdey mid amarkooda iyo taladooda ay ka bilaabatay Muqdisho, kuna soo idlaatay isla Muqdishadii lagu dhisay oo aysan jirin cid tdowladda dhexe ka tirsan oo tala ama tusaale iyo weliba wakaalad buuxda ku leh deeganada ay noo sheegeen inay ka yimaadeen oo ay matalaan, waana tan aan qabo inay sahashay in dowlada siman ay noo jiran, welibana ay noo sii dheertahay qunbulad duriyad Federal la yiraahdo oo ay beesha caalamka nagu soo dhex tuurtay oo anaa leh deegaankaasta socoto iminka ay usii xuubsiiban karto mid noo bedesha dagaal qabiileedkii hore aan u galnay.

W/Q: Mohamed Yusuf
Stockholm-Sweden.
Email: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Ukhtii, iga guddoon furayaasha akhiro iyo aduunba. (Furaha Koowaad waa..)

Hordhac

Sida cinwaanka qoraaladan ka muuqataba, waxaan usoo gudbinayaa gabdhaha muslimaadka ah, qaar kimid ah furayaasha sababtooda lagu helo kheyrka aduun iyo kan aakhiroba. Waa furayaal: hadii gabadha muslimada ahi ay barato, qaadato, kuna dhaqanto, aan rajaynayo in ay sabab ugu noqon doonaan in ay noqoto: hooyo muslimad ah oo Ilaahay raali kayahay, hooyo aqoon leh oo dadkeeda iyo diinteeda anfacda, hooyo ka taxadirta in uu gurigeedu bur buro amaba sababteeda guryo kale u burburaan, hooyo gurigeeda ku kooban oo aan socod badnayn, hooyo aanay waxba yeeli karin kuwa habeen iyo maalin malaayinka ku bixinaya in ay gabadha muslimada ah: ka dhigaan xijaabkeeda, kasaaraan gurigeeda ilaahy ku asturay, ku diraan ninkeeda ilaahay ku asturay, ku diraan dhaqankeeda, dadkeeda, diinteeda ayagoo markaa ugu soo gabanaya waxa ay ugu yeeraan ‘Xoriyatu Al-mar’ah’ ama ‘women freedom’ (xoraynta haweenka). Belaayo intii ay le’ekayd waxa ay hada shaqo ka dhigteen gabadha muslimada ah sidii ay u fidnayn lahayeen, qaar badan oo kamida gabdhaha muslimaadka ahna waaba ku dagmeen fidnooyaankaas oo waa raaceen, qaarna qarka ayeey usaaran yihiin.

Sidaa darteed, waxa aan qoraaladan ugu talagalay in ay gabadha muslimada ah u noqdaan tilmaan ay raacdo taas oo ku hogaamisa dariiqada saxda ah ee aay ku badbaadi karto, aakhiro iyo aduunba. Qoraaladan waxa aan tixraac uga dhiganayaa, Qur’aanka, Sunada Rasuulkeena Muxamad(Naxariis iyo nabbed gelyo korkiisa ha ahaatee), cilmigii saxaabadeena iyo ijmaaca muslimiinta. Waxaan kale oo tixraac uga dhiganayaa wixii khibrad ah, xaqaa’iq ah, qisooyin ah, xikmado ah oo aan rajayanyo in ay anfici doonaan gabadha muslimada ah kuwaas oo aan ka hor imaan doonin diinteenaa. Qaybo kamida furayaashan waan ku dheeraan doonaa, ahmiyada gaarka ah oo ay leeyihiin darteed, qayba kalena waan soo koobi doona, inkastoo guud ahaan qoraaladani iska kooban yihiin.

Qaybta hore wax aan kaga hadli doonaa furayaasha asaaska u ah diinteena islaamka, sida shanta tiir ee islaamnimada lagu soo galo, inkastoo, sida lagu yaqaan kutubta culimadu qoraan aanan ugaga hadli doonin, ee waxa aan ku kaaftoomayaa wax yar oo dulmarid ah, anigoo markaa tilmaami doona meesha mawduuca laga heli karo isagoo fidsan amaba sifiican loo bal balaariyey iyo sida loo baran karoba, hadii rabi wayne ii fududeeyo.

Waxa kale oo aan kaga hadli doonaa qoraaladan arimo kale oo badan oo dhaqanka Soomaliga hada aad ugu soo batay sida: Qabyaalada oo weji cusub oo kii ay Soomaalidu taqaanay ahayn yeelatay, burburka qoyska oo aad usii badanaya, waqtiga kafaa iidaysigiisa oo aad uyaraaday, guurka, furniinka, xijaabka, isku dirista dadka, xanta, safarka maxram la’aanta ah, kasoo bixida masuuliyada, xanuunada qalbiga oo aad ufara batay sida: welwelka, murugada, buufiska, jinka oo aad loola shaqaysto ha noqoto qaab sixir ah ama qaababka kale ee jinka loo adeegsado iyo waxyaabo kale oo badan.

Hadii Illaahay iwaafujiyo in aan qoraaladan usoo gudbiyo sida uu Illaahay raaliga ka yahay, kana dhigo qoraalo gabdhaha muslimaadka ah si fiican u anfaca, waa fadli iyo naxariis xagiisa ka ahaatay, mahad oo dhana Illaah keligiis baa iska leh. Sidoo kale, waxa aan Illaah ka baryayaa in uu iga aqbalo arinkan iigana yeelo camal aan isaga dartiis usamaynayo, iiguna naxariisto sababtiisa maalinka qiyaami ee aanuu maal iyo caruurba waxba ii tari doonin in uu igu bad baadiyo qalbi isaga dartii u nabad galay mooyaane, gabdhaha muslimaadka ahna uga dhigo qoraalo ay ku liibaanan daartan aduun iyo tan lama huraanka ah ee aakhiro.Aamiin.

Furaha koowaad waxa aan u doortay in uu noqdo Towxiidka Ilaahay, sababtoo ah waa furaha furyaasha (master key), khayr oo dhana isaga ayaa laga galaa, hadii isagu kuu toosnaado, furyaasha kalena waa kuu toosayaan hadii uu kaa jajabo, daxalaysto, qaloocdo, kaalumo, waa adagatahy in ay furayaasha kale kuu shaqeeyaan, sidaa darted, waxa aan ku bilaabanaynaa Towxiidka, ee walaashayda muslimada ahay sifiican iila akhri furahan, waqti sii, meelaha aan kuu tilmaamo si deg deg ah uga raadi towxiidka, balan ayaan kuu qaadayaa hadii aad sidaas yeesho in aad liibaanayso oo ay markaa gurigaaga kuugu imaanayso waxa ay gaalo iyo muslinba raadinyaan oo ah ‘HAPPINES’ ama ‘SACAADA’ afkeena hooyana aan filayo in lagu yiraahdo BASH BASH IYO BARWAAQO.

(1) Towxiidka

Walaashayda muslimada ahay waxa aad ogaataa in sababta laguu abuuray ay tahay in aad Illaahay caabudo keligiis sida uu ilaahay ku sheegay quraankiisa. Aayada hoos kuqoran waxa ay cadaynaysaa in sababta jinka iyo insigaba loo abuuray ay tahay in ay Ilaahay caabudaaan.

وَمَا خَلَقۡتُ ٱلۡجِنَّ وَٱلۡإِنسَ إِلَّا لِيَعۡبُدُونِ (٥٦)
{jin iyo insi wax aan cibadadayda ahayn uma abuurin} Suurat Ad-daariyaat 56

Ukhtii, waxa uu Ilaahay kugu waajib yeelay in aad cibaadadiisa aad keligiis usamaysid oo aadan cid kale lawadaajin. Ugaaryeelida ilaahay cibaadadiisa loo gaar yeelo ayaa layiraahdaa ‘Towxiid’ waana meesha laga soo galo diinta islaamka. Sidaa darteed, waxaa laga rabaa gabadha muslimada ah in ay towxiidka sida sharciga islaamku farayo ay u barato una rumaysnaato, barashadaas iyo rumayntaas oo cilmiga sharciga ku dhisan. Uktii, waxa ilaahay quraanka inagu faray in aan Illaahay barano inta aynaan Illaahay rumayn sida aayada hoos ku qoran ay tilmaamayso:

فَاعْلَمْ أَنَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا اللَّهُ وَاسْتَغْفِرْ لِذَنْبِكَ
{ Ogow( kuna sugnow Nabiyow) in aan Eebe mooyaane ilaah kale jirin, una dambi dhaaf waydii naftaada iyo mu’miniinta Rag iyo Haweenba, Eabena waa ogyahay dhaqdhaqaaqiina iyo nagaadigiinaba } Suurat Muxamad 19.

Illaahay waxa uu aayada kor ku xusan ku sheegay in Illaahay la barto inta aan la rumayn. Barashada Illaahay labartaana waxa ay waajib ku tahay qof kasta oo muslim ah, waxaa kale oo waa jib ah in barashadaasi ay qalbiga qofka muslimka ah si dhab ah ugu sugnaato ee aanay kanoqon wax uu dhaqankiisa ka arkay amaba dad kale kaga dayday isagoo markaa aan cilmi sax ah u lahyn Illaaha uu rumaysanyahay.

Al-imam Al- Bukhaari (Illaahay ha unaxariistee) kitaabkiisa saxiixa ah waxa uu kuqoray cutub (baab) uu u bixyey: [ waa baabkii cilmiga inta aan odhaah iyo ficil lala imaan]. Bukhaari baabkaas waxa uu sal uga dhigayaa aayadii aan kor ku soo sheeganay ee ku jirta Suurat Muxamad.

Culimada Islaamku sadex qaybood ayeey u kala qaadeen Towxiidka, sadexdaas qabybood oo kala ah: Towxiid Al- Rubuubiyah, Towxiid Al-Uluuhiya iyo Towxiid Al-asmaa wal-sifaat. Mid walba culimada islaamku si gaar ah ayeey uga hadleen ayagoo daliil uga dhiganaya qur’aanka iyo sunada nabegeena suuban ee Muxamad (naxariis iyo nabad gelyoba korkiisa ha ahaatee). Waxa aan isku deyayaaa in aan si kooban u dul marno sadexdaa qaybood. Waxa aan ka cudur daaranayaa in aanan si dhamaystiran aanan uga hadli doonin sababtoo ah waa mawduuc aad ugada balaaran, muhiimad gaar ahna u leh muslimiinta. Sidaa darted; suurta gal ma aha in qoraalkan kooban towxiidka lagu soo kobo, laakiin, waxa aan isku deyayaa in aan ku tilmaamo qoraalkan aakhirkiisa sida ugu fudud oo loobaran karo.

Qaybta koowaad: Towxiid Al- Rubuubiyah

Qaybtan koowaad ee ka mid ah sadexda qaybood ee culimadu u kala qaybiyeen towxiidka waxaa soo hoos gelaya sadex arimood in Illaahay loo keli yeelo oo aan cidkale lala wadaajin, sadexdaas qaybood waxa ay kala yihiin:

Abuurista: Waa in qofka bani-aadamka ahi rumaysnaadaa in Ilaahay mooyaane aanay cidkale wax abuuri Karin. Allah asaga oo arintaa ka hadlaya waxa uu ku yir aayadan qur’aanka ah:

إِنَّ رَبَّكُمُ ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضَ فِى سِتَّةِ أَيَّامٍ۬ ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰ عَلَى ٱلۡعَرۡشِ يُغۡشِى ٱلَّيۡلَ ٱلنَّہَارَ يَطۡلُبُهُ ۥ حَثِيثً۬ا وَٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ وَٱلنُّجُومَ مُسَخَّرَٲتِۭ بِأَمۡرِهِۦۤ‌ۗ أَلَا لَهُ ٱلۡخَلۡقُ وَٱلۡأَمۡرُ‌ۗ تَبَارَكَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَـٰلَمِينَ

{ Eebihiin waa kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood kuna istawooday Carshiga, Wuxuuna ku Daboolaa Habeenka Maalinta wuuna doonaa Habeenku si Deg dega Qoraxda, Dayaxa iyo Xidigahana waxaa loo Sakhiray Amarka Eebe, Eebaana Abuurida iyo Amarkaba iska leh, waxaana waynaaday << oo Khayr batay>> Eebaha barbaariya Caalamka} Suurat Al-Acreaaf 54.

Dadka gaalada ah ee caabuda sanamyada iwm, Allah isagoo dadka noocaas ah lahadlaya oo leh waxa ay caabudayaan waxba ma abuuri karaan ee waxa ay caabudayaan oo asnaamta ah laftooda ayaa la abuuray, Ilaah waxa uu arinkaas ku cadeeyey aayadan :

وَٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَخۡلُقُونَ شَيۡـًٔ۬ا وَهُمۡ يُخۡلَقُونَ
{ waxay Caabudayaan oo Eebe kasoo hadhayna ma abuuraan waxba iyagaase la abuuray }Suurat An-naxal 20

Lahaanshaha: Waa in aan rumaysnaano in cidda keliya ee wax walba iska leh in uu yahay Illaah. Bani aadamku wax waa yeelan karaa laakiin waa lahaansho xadidan. Tusaale ahaan; waxa gacantaada ku jira sida aad doonto uma isticmaali kartid, waxa aad u isticmaali kartaa oo keliya sida sharciga islaamku ku farayo in aad u isticmaasho. Hadii aad diididna waxaa kuu danbaynaya ciqaab aakhiro oo aad u daran. Sidaa daraadeed, waxa gacantaada ku jiraa waa wax Allah kuu dhiibay oo uu kiyiri sida aan anigu rabo u isticmaal. Aayadaan qur’aanka ah Allah wuxuu ku sheegay sidan:

قُلۡ مَنۢ بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ ڪُلِّ شَىۡءٍ۬ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيۡهِ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ (٨٨) سَيَقُولُونَ لِلَّهِ‌ۚ قُلۡ فَأَنَّىٰ تُسۡحَرُونَ (٨٩)
{ Dheh Yeey yadiisa ( gacantiisa) ku jirtaa Xukunka wax kasta (maamulka), oo wax Magan Geliya,isna aan wax laga Magan gelinayn, Hadaad wax ogtihiin}. Allah Aayada ku xigta ayuu jawoobtooda ku cadeeyey waxana uu yiri: { Waxay Odhan Ebe, dheh xagee laydiin sixri }Suurat Al-mu’miniin 88-89.

Maamulka: Waa in aan rumaysnaano in maamulka caalamka oo dhan Illaah keliya iska leeyahay. Wixii bani aadamka gacanatiisa ku jiraa waa wax maamulkoodu aad u xadidan yahay, waxaana uu ku kooban yahay wixii sharcigu u ogolaaday in uu maamulo. Ilaahay arinkaan qur’aanka ayuu kaga hadlay, wuxuuna aayadan ku yiri:

قُلۡ مَن يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ أَمَّن يَمۡلِكُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَـٰرَ وَمَن يُخۡرِجُ ٱلۡحَىَّ مِنَ ٱلۡمَيِّتِ وَيُخۡرِجُ ٱلۡمَيِّتَ مِنَ ٱلۡحَىِّ وَمَن يُدَبِّرُ ٱلۡأَمۡرَ‌ۚ فَسَيَقُولُونَ ٱللَّهُ‌ۚ فَقُلۡ أَفَلَا تَتَّقُونَ (٣١) فَذَٲلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمُ ٱلۡحَقُّ‌ۖ فَمَاذَا بَعۡدَ ٱلۡحَقِّ إِلَّا ٱلضَّلَـٰلُ‌ۖ فَأَنَّىٰ تُصۡرَفُونَ (٣٢)
{Waxaad tiraahdaa yaa idinka Ar-saaqa Samada iyo dhulka , yaana hanta maqalka, Aragyada, yaana kasoo bixiya wax Nool wax dhintay, kana soo bixiya wax Dhintay wax nool,yaana Maamula Amarka waxay ku odhan Eebe, waxaad dhahdaa miyeydaan Dhawrsanayn}Suurat Yuunus 31. { Kaasi waa Ilaahiin Eebihiina xaqa ah, maxaase xaqa ka dambeeya (Ka duway) oo baadi hayn, ee xagee Laydiin Leexin} Suurat Yuunus 32

Hadaba Towxiid Al- Rubuubiyah gaaladii nebi Maxamed ( naxariis iyo nabad gelyoba korkiisa ha ahaatee) laga soo dhexsaaray way rumaysnaayeen in cidda keliya ee wax abuurta, wax lahaata amaba wax maamushaa in ay tahay Illaah oo keli ah. Ilaahayna wax uu quraanka ku yiri:

وَلَٮِٕن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡعَلِيمُ (٩)

{Haddaad warsato Gaalada yaa abuuray Samooyinka iyo dhulka waxay odhan waxaa abuuray Eebaha adkaada ee wax walba og}Suurat-Az-Zukhruf 9.

Qaybta labaad: Towxiid Al-Uluuhiya.

Qaybtan labaad ee kamida sadexda qaybood ee culimada islaamku u kala saareen towxiidka (waxaa kale oo looyaqaan qaybtan Towxiid Al-cibaadah.) waa qaybta uu qofka muslimka ahi ku baranayo in uu dhamaan cibaadooyinka uu la imaanayo in uu Ilaah dartiis ula yimaado oo aanuu cid kale lawadaajin Illaahay cibaadadiisa. Qaybtani waa qaybta ay diideen umadda badani, kuwaas oo qaarkood cibaadooyinka Ilaahay cid kale la wadaajinayey sida: Sanamyo, dad saalixiin ah oo kamid ah oo dhintay oo ay baryaan iyo siyaabo kale oo badan oo aanay suurta gal ahayn in aan qoraalkan kooban aan ku soo koobno.

Ukhtii, Cibaadooyinka Ilaahay inagu farad yeelay ee larabo in aan keligii u samayno waxaa kamid ah: Cabsida, Gowraca, Gargaar-waydiisaho, Kaalma-waydiisaho, jeclaanshaha ,necbaanshaha, Hijrada, Denbidhaaf-waydiisaho iwm.

Ukhtii:
• Illaah oo kali ah ka cabso, hadii laguu jeedo iyo hadii aad keligaa tahayba, Illaahay marwalb waa ku arkaa.
• Illaah dartiis wax ujeclow, u necbow, qofkii Ilaah jecel jeclow, kii Ilaahay neceb necbow qofka cid kuugu dhowba ha ahaadee, adigana Illaah baa ku jeclaan.
• Illaah dartiis, xalaal u cun, dartiis indhahaaga u ilaali, dartiis farjigaaga u xifdi, dartiis uguurso, dartiis caruur u dhal, dartiis ilmaha u kori, adigana intaas oo dhan Ilaah baa kuu xifdinya.
• Illaahay dartiis wax u gowrac, ee qabri, weli, jin, sixir waxba ha u’gowricin
• Hadii noloshu kugu adkaato, aad jirato, dhib aduun ku haleelo, Illaahay gargaar iyo kaalmo waydiiso, wuu kuu gargaariye.
• Hadii aduunkoo dhami kaa hor yimaado, dhinaca Illaaahy u carar, waad badbaadiye, Illaahayna waxaad ka heli hortaada.
• Ha murugoon, ha wer werin, hanixin ee xaga Ilaahay u carar waad qaboobiye.
• Hadii ninku kugu xumaado, qaraabadu ku nocdo, derisku ku colaadiyaan, Illaahay adigu raali geli, sabir, llaahay bari, waxaad heli doontaa dhamaantood oo Ilaahay kuu sakhiray adiga ayeena kuu adeegi doonaan.

Ukhtii, cibaadooyinkaa aan qaar ka tilmaanay ee dhamaantood larabo in Illaah dartiis loo sameeyo, qofkii markaa cid kale u leexiya oo Ilaahay cibaadooyinkiisa cidkale lawadaajiya, qofkaasi wuu gaaloobay hadii aanuu cudur daar sharciya haysan, Ilaahay kama aqbalayo qofkaas cibaadooyinka uu samaynayo. Illaahay waxa uu qur’aankiisa kariimka ah ku yiri:

إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَغۡفِرُ أَن يُشۡرَكَ بِهِۦ وَيَغۡفِرُ مَا دُونَ ذَٲلِكَ لمَن يَشَآءُ‌ۚ وَمَن يُشۡرِكۡ بِٱللَّهِ فَقَدِ ٱفۡتَرَىٰٓ إِثۡمًا عَظِيمًا
{Eebe ma dhaafo in lala wadaajiyo(Cidkale Cibaadada) wuuse ka dhaafaa wixii waxaas ka soo hadhay Ciduu doono, Ruuxii la wadaajiya Eebe wuxuu dhumay dhumid wayn}.

Ukhtii, sida aayada kor ku xusan ku cad Illaahay denbi kale oo dhan wuu dhaafaa, in cibaadadiisa cid kale lala wadaajiyo mooyaane. Tusaale ahaan, hadii uu qofku uu ku dhoco denbiyada waawayn sida sinada, khamriga, sixirka, hadii uu ilaahy doonona wuu u danbi dhaafi hadii kalena wuu cadaabi, laakiin Shirkiga (cibaadada ilaahy oo cidkale lala wadaajiyaa) denbi dhaaf maleh.

Ukhtii, inta aynaan ka bixin qaybtaan hadii aad tiraahdo: Wax aan Illaahy ahayn ayaan ka cabsadaa, sida abeesada, libaaxa, jinka iwm, ee cabsida noocani ma gaalnimaa? Su’aal meesha ku jirta weeyaan loona malayn karo in cabsida noocani ay lamid tahay noocyada kale ee cibaadada ah ee aan qaarkood kor kusoo sheegnay. Cabsida noocaan ah ukhtii ee su’aashaadu tilmaamaysaa waa cabsida dabiiciga ah oo Illaahay inaku abuuray, waad ka cabsan kartaa wax kale oo ku cabsi gelinaya, laakiin cabsida qalbiga ku xidhan ee Ilaahay oo keliya looga cabsado taas ayaa ladiiadayaa in aad cid kale aad u leexisid. Tusaale ahaan hadii uu qofku salaada ama soonka uu u sameeyo qofkale dartii, marka uu keligiis yahayna aanuu Illaahay kabaqayn, tan weeye mida uu markaa qofku cibaadadii uu Illaahay iska lahaa uu qofkale siiyey. Tusaale kale, qofku qof kale wax waa waydiisan karaa, in uu u gar gaaro oo kale. Laakiin wixii awooda bani’aadanimo ka baxsan lama ogola in cid aan Illaahay ahayn lawaydiisto, sida in qof dhintay layiraahdo roob, caruur iyo xoolo nasii, tan danbe weeye tan aan la’ogolayn oo gaalnimada keenaysaa iyo in cibaadadii Illaahay cidkale loo leexiyo. Tusaale sadexaad, hadii aad jirato oo aad utagto dhaktart oo tiraahdo idaawee, waa in aad aaminsantahy cida wax dawaysaa in aya tahay Illaah, laakiin dhakhtarkani uu sabab unoqonayo in Illaahy uu sababtiisa kugu daaweeyey. Laakiin; hadii aad aaminsantahay in aanuu Illaahay kudaawayn karin ee uu dhaktarakan keliya uu wax daaweeyo, tanina waa gaalnimada qayb kamida oo wax uu Illaahy iska lahaa ayaad cidkale oo makhluuqaadkiisa ah siisay.

Qaybta sadexaad: Towxiid Al-asmaa wal-sifaat.

Qaybatan sadexaad oo kamid ah qaybihii ay culimadu towxiidka uqaybiyeen, waa qaybta ay in badan oo muslimiinta ka mid ahi ay ku halaagsameen oo kaga leexdeen dariiqadii nabi Maxamed (naxariis iyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee). Qaybtan sadexaad waxa ay sigaara uga hadasahaa Illaahay magacyadiisa iyo tilmaamihiisa kuwaas oo Illaahay naftiisa isugu magcaaabay ama uu isugu tilmaamay. Tilmaamahaas iyo magacyadaas Illaahay waxa uu ku sugay qur’aankiisa kariimka ah, qaar kale oo badan oo kamida magacyada iyo tilmaamaha Illaaahay waxaa inoo sheegay Nebigeena Muxamad ah( naxariis iyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee). Sidaa darteed dhamaan magacyada iyo tilmaamaha Illaahay waa in sida qura’aanka iyo sunada nebi Maxamed(naxariis iyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee) ugu qoran yihiin loo rumeeyo iyadoo aan macnaha labedilin, la qaabayn, loo ekaysiin wax kale amaba la’in kirin

Ukhtii, sifaadka (tilmaamaha) Illaahay iyo magacyadiisaba waa in aan u fahano una barano sidii uu nebi Maxamed(naxariis iyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee) u soo gaarsiiyey saxaabada, saxaabaduna usoo gaarsiiyeen taabiciinta, taabiciintuna usoo garsiiyey kuwii ka danbeeyey. Qaybtaan sadexaad waa qaybta ay culimada muslimiintu aadka wax uga qoreen markii qaybo baddan oo musliniinta ahi diideen in ay sidda qur’aanka iyo sunadda kusugan ay u qiraan una fahmaan magacyada iyo sifooyinka Illaahay, laakiin, waxa ay kadoorbideen in ay caqligooda u bandhigaan oo wixii markaa caqliqoodu qaatana ay ka ogolaadaan wixii caqligoodu diidona ay inkiraan, leexiyaan, iyagoo markaa ku doodaya in ay sidaa Illaahay ugu dhowaanayaan. Tusaale ahaan tilmaamaha Ilaahay isku tilmaamay waxaa kimida oo qur’aankiisana inooku sheegay in uu Illaahay hadlo sida ayadan ku qoran:

وَرُسُلاً۬ قَدۡ قَصَصۡنَـٰهُمۡ عَلَيۡكَ مِن قَبۡلُ وَرُسُلاً۬ لَّمۡ نَقۡصُصۡهُمۡ عَلَيۡكَ‌ۚ وَكَلَّمَ ٱللَّهُ مُوسَىٰ تَڪۡلِيمً۬ا
{iyo Rasuulo aan kaaga Qisoonay horay iyo Rasuulo aanaan kaaga qisoon, wuuna la Hadlay Eebe Nabi Muuse Hadal} Suurat Al-nisaa 164

Muslimiinta ka leexday dariiqadii Nabi Muxamad( naxariisiyo nabad gelyoba kor kiisa ha ahatee) waxa ay diideen dhamaan sifaatka/(tilmaamaha) Illaahay sida sifida Hadalka ee aayadu sheegtay. Waxa ay ku doodayaan dadka sunada ka leexday, hadii aan Illaaahy sifada hadalka u sugno, waxa aanu Illaahay u ekaysiinaynaa makhluuqaadkiisa, sidaa darteed, waa in aanu macno kale u leexino sifada hadalka. Sida madhabkoodaba ka muuqata caqligooda ayeey u bandhigeen sifooyinkii Illaahay oo waxa ay diideen sida ay qur’aanka iyo sunada ugu qorantahay. Culimada Islaamku arintaan waa ay u istaageen waana difaaceen , arintaan darteed ayaa culimo badan loo laayey, loo jirdilay, loo xir xiray, qaarna uga carareen dhulkoodii. Waxaa kamida culimada arintaan sida fiican u difaacday markii ay arintani islaamka lagu soo daray: Imaam- Al-maalik, Imaam-axmed, Imaam Al-shaafici, Imaam Al Bukhaari iyo dhamaan culimadii qarniyadii sadexaad ama kahor noolayd ee Hijriga. Arintani way socotay mudo ilaa qarnigii lixaad laga soo gaaro oo uu markaa Sheekh-ul Islaam Ibnu Taymiya xididada usaaray , wixii uu kategayna ay sii xaadheen aradydiisii sida Imaam Ibnu-Alqayim iyo culimadii lamid ahaa.

Sifooyinka Illaahay iyo kuwa makhluuqaadkiisu waxa ay wadagaan magaca oo keliya, laakiin Illaahay wax u’eki majiraan oo khalqigiisa kamida, tilmaamihiisuna si isaga oo keliyi garan karo oo wayniidiisa ugu qalanta ayeey yihiin. Bani’aadamka caqligooda iyo fahamkoodu magaari karo in ay fahmaan tilmaamaha Illaahay, kuwa isku dayeyna waa ku daaleen in ay wax ka ogaaddaan. Qur’aanka Allah waxa uu kiyiri isaga oo tilmaamaya in aanay cidna Illaahay u ekayn:

فَاطِرُ ٱلسَّمَـٰوَٲتِ وَٱلۡأَرۡضِ‌ۚ جَعَلَ لَكُم مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ أَزۡوَٲجً۬ا وَمِنَ ٱلۡأَنۡعَـٰمِ أَزۡوَٲجً۬ا‌ۖ يَذۡرَؤُكُمۡ فِيهِ‌ۚ لَيۡسَ كَمِثۡلِهِۦ شَىۡءٌ۬‌ۖ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ (١١)

{Isagaa abuuray Samooyinka iyo dhulka idiinkana yeelay naftiina noocyo(Lab iyo Dhedig) xoolahana idiinka yeelay noocyo, wuuna idin abuuray wax lamid ahina majiro, waana maqle arka.} Surat-A-shuuraa 11

Sida aayada inteeda danbe ku cad, Illaahay wax lamidi majiraan. Sidaa darteed, Illaahay oo magacyadiisa iyo sifooyinkiisa loo sugo sida sharcigeena ku qoran macnaheedu ma’aha in Ilaaahay iyo makhluuqaadkiisa la isu ekaysiinayo waayo aayada ayaa cadaysay in aanay suurta gal ahay.

Ukhtii, Ilaahay marka aad sida cilmiga sharciga ah waafaqsan ad u barato una rumayso waxaa kale oo lagaa rabaa in aad rumayso oo barato nebigiisa Muxamad ah (naxariis iyo nabad gelyoba kotkiisa ha ahaatee). Waa nebiga ugu danbeeyey anbiyadii Ilaahay caala mka usoo diray, waxaana loo soodariy in uu umada oo dhan ka bad baadiyo halaag aduun iyo mid aa khiroba. Illaahay waxa uu balanqaaday qofkii raaca nebi Maxamed in uu liibaanayo aduun iyo aakhiroba, kii diidana amaba la colaytama diinkiisa waxa uu Illaahay u balan qaaday in uu hoogayo aduunka inta uu joogo aakhirona uu kuwaari doono cadaab aad u daran.

Rumaynta nebigeena waxa ay ka koobantahay sadex nooc: in larumeeyo wixii uu ina soo gaadhsiiyey oo xaq ah; in lala yimaado wixii uu ina faray oo wanaag ah iyo in laga reebtoonaado wixii uu inaga reebay oo xumaan ah. Wax yar oo kooban ayaan ka tilmaami doonaa nebi Maxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee).

Abtirsiinyaha: Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.

Dhalashadiisii: Waxa uu dhashay nebigeena Muxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) bishii Rabiic ul-awal, habeen isniin ah, waxaana culimadu ubadinyaan in ay habeenkaas bishu ahayd 12. Sanadku wuxuu ahaa sanadkii koowaad ee Maroodiga, oo ku began 571 taariikhda miilaadiga.

Soo degidii waxyiga: Afartan sano markii ay nebiga u buuxsantay ayaa waxaa samada uga yimi waxyi isagoo markaas ku sugan god buuraha maka ku yaala oo looyaqaan Xiraa. Waxaa waxyiga loogu soo dhiibay malag, sidan hoos ku qoran ayeena u dhacday:

Malagii waxa uu ku yiri nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ) akhri! Nebigu wuxuu yiri anigu wax ma akhriyo.Malagii inta uu qabtay nebiga oo weliba si adag uqabtay oo majuujiyey ilaaa uu nabiga qabashadaa adag dareemay, markaas ayuu siidaayey oo kuyi nebiga akhri! Nebigu wuxuu yiri anigu wax ma akhriyo, laba jeer oo kale ayuu malagii sidii hore oo kale nebiga u qabtay nebiguna uu isla jawaabtii hore ku jawaabay. Markii sadexaad kadib ayaa malagii wuxuu yiri:

ٱقۡرَأۡ بِٱسۡمِ رَبِّكَ ٱلَّذِى خَلَقَ
خَلَقَ ٱلۡإِنسَـٰنَ مِنۡ عَلَق
ٱقۡرَأۡ وَرَبُّكَ ٱلۡأَكۡرَمُ
{ Wax ku akhri Nabiyow Magaca Eebe ee abuuray(khalqiga),{ dadkana ka abuuray calaq (wax yar oo ku dhega darbiga ilma. galeenka)}, {Akhri Eebena waa kan sharafta le-he} Suurat Al-Calaq 1-3

Aayadahaasi waa kuwii ugu horeeyey ee nabi Maxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) lagu soo dejiyey. Intaas kadib, waxa uu qur’aanku soo degayey mudo dhan sadex iyo labaatan sano. Sadex iyo toban sano oo kamid ah nabi Maxamad(naxariis iyo nabadgelyoba korkiisa ha ahaatee) waxa uu joogay Makka, tobankii kalena waxa uu joogay Madiina. Sadex iyo labaatankaa sano waxa uu nebigeenu u taagnaa in uu caalamka soo gaadhsiiyo diintii Illaaahay usoo dhiibay. Diintaas darted: ayaa lagu colaadiyey, lagu caayey, lagu dhibay, magaaladiisii uu ku dhasay looga saaray, saaxiibadiis jirdil foolxun loogu sameeyey si aan qof bani aadam ah loola dhaqmin. Towxiidka Ilaaahay in uu kor noqdo dartiis ayuu nebigeenu: ujihaaday, ugaajooday, ulugeeyey,usoo jeeday, umurugooday.

Geeridii Nebiga: Markii ay dacwadii wada gaadhay Jasiiradii carabta dadkii deganaana ay qaateen xaqii Nabi Maxamed ula yimi, noqdeena umad dhinac kasta iskaga filan, ayaa Ilaahay waxa uu u doortay in uu rasuulkiisa tuso mirihii dacwadii uu caalamka gaarsiiyey mudo dhan sadex iyo labaatan sano. Taariikhda Hijrigu markii ay ahayd 10 ayaa Illaahay waxa uu Nebigiisa ku karaameeyey in uu xajiyo. Waxa uu xajkaas kula dar daarmay umadiisa waxana uu umadiisa ugu khudbadeeyey maalinkii Carafa toga layiiraahdo Curana, iyadoo markaa dadku ay hareerihiisa buuxaan, ayuu ka dhex istaagay, khudbadiisii ama dardaarankii uu umadiisa kula dar daaramay waxaa ka mid aha:

“Dadyohow! Hadalkayga maqla. Anigu magaranyo in aan mardanbe idinla kulmayo iyo inkale sanadakaan wixii ka danbeeya iyo meeshaan iyada ahba weligeey, ee dhiigiina, xoolihiina, sharaftiina xaaraam ayeey dhexdiina ka tahay, sida maalinkaan xurmada leh oo kale, bishaan xurmada leh oo kale, wadankaan xurmada leh oo kale, Hooyaay, ogaada wax alaale iyo wixii arimo jaahiligii dhacay cagtayda hoosteeda ayaan dhigay, dhiigii jaahilgana sidoo kale.

Waxaa kale oo khudbadaa kamid ahaa oo uu nebigu yiri: Illaahay dartii uga cabsada haweenka, waxa aad ku qaadateen amaanada Ilaahay, cawradoodana (ferjigooda) waxa aad ku xalaashateen Illaahay kelimadiisa, idinkuna waxa aad xaq ugu leedihiin in aanay gogoshiina keenin cid aydinaan raali ka ahayn, hadii ay sidaa sameeyaan, garaaca, garacitaan aan waxbadan yeelayn, waxa dushiina ah masaariiftooda iyo dharkooda oo aad si wanaagsan usamaysaan, waxa aan idiinka tegay dhexdiina wax aydinaan weligiin lumayn hadii aad qabsataan: kitaabka Illaahay, aniga waa laykiin waydiin doonaa, ee maxaad oran doontaan? Waxa ay yiraahdeen: waxa aan qiraynaa in aad nasoo gaarsiisay, gudatay oo aad naseexaysay. Farihiisa intuu kor uqaaday oo samada ku fiiqay ayuu yiri: Ilaahow markhaati, Ilaahow markhaati, Ilaahow markhaati”.

Dhowr iyo sideetan maalmood ayuu nebigeenu noolaa markii uu xajkaas gutay. Ugu danbay waxa aan wax yar ka tilmaami doonaa daqiiqadihii ugu danbeeyey ee uu nebigeenu aduunka ka tegayey oo Illaahay xagiisa aaday: Xanuunka geerida oo aad u darnaa waxa uu ku jiifay Caaisha (Radiya AL-laahu canhaa) laabteeda, waxa markaa Caa’isha usoo galay walaalkeed Cabdiraxmaan Bin-Abii-bakar oo caday wata, rasuulka ayaa markaa cadaygii eegay, Caa’isha waxa ay fahantay in uu ubaahan yahay cadayga, markaas ayeey waydiisay, Nebiguna madixiisa ayuu uga tilmaamay in uu rabo. Caa’isha cadaygii ayeey u calalisay oo u jilcisay, Nebigu cadaygii ayuu ugu cadayday si aad u xeel dheer, markaas ayuu Nebigu farihiisa kor uqaaday indhahana kor uqaaday, bushmihiisana dhaq dhaqaajiyey, waxa uuna sadex joor ku cel celiyey “ Alaahu-ma al-rafiiq-ul-aclaa”, kadibna naftii ayaa ka baxday, taariikhdu waxa ay markaa ahayd, Maalin Isniin ah, laba iyo tobankii, bishii Rabiic-ul-awal, sanadkii 11 aad ee Hijriga, waxaana uu rasuulku markaa jiray sadex iyo lixdan sano. Geeri naxdin badan, qiiro badan, lama ilaawaan ah Nebigeenii oo aan aad ujecelahay, INAA LILAAHIU WA INA AILAYHI RAAJICUUN.

Maxaa laga dhaxlay nebi maxamed?Caalamka waxa uu keenay nebe maxamad: Cadaalad, naxariis,cilmi iyo dhamaan khayr aduun iyo mid aakhiroba, wax aanuu kategin maleh. Wixii khayr aduun iyo aakhiroba waa inoo sheegay, wixii shar ah aakhiro yo aduunba waa inooga digay, Bani’aadamka maanta nool waxa ay horumar gaareen oo dhan waxaa sabab u ah nebi Maxamed mid rumeeyey iyo mid aan rumaynba.

Ukhtii, inaga muslimiinta ahi waan aragnaa khayrka nebi maxamed, laakiin dadka aan muslimiinta ahayn ee gaalada ah qaar badan oo kamid ahi waxa ay qiraan in diinta Nebi Maxamed layimi ay tahay diin xaq ah, markii ay arkeen cadaalada, mucjisda, naxariista iyo dhamaan arimaha noocaas ah ee diinkeenu ka koobanyahay.

Ninka layraadho Michael H. Hart oo ah barafsoor u dhashay wadanka Maraykanka, ee qoray buuga caanka ah ee layiraahdo ‘ The 100 A ranking of the most Influantial persons In history’. Buugani waxa uu ka sheekaynayaa boqolkii nin ee aduunyada ugu taariikhda dheera, aduunkana wax ka bedelay ama saamayn wayn ku yeeshay. Buugiisa raga uu ku qoray waxaa kamid ah, Saynisyahano aduunka caanka ah, anbiyada Illaahy qaar kamida iyo rag badan oo taariikhda aduunka lagu xuso. Ninka ugu horeeya ee uu udoortay in uu yahay ninka taariikhda aduunka wax isagoo kale ah aaanay soo marinn waa Nebigeena Muxamad (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee). Hart, waxa uu buugiisa ku yiri sidan hoos ku qoran:

“Doorashadayda aan Muxamad u doortay in aan ugu horeysiiyo liiska dadkii aduunka saamaynta ku yeeshay, qaar badan oo buugayga akhriyi doonaa lama filaan ayeey ku noqonaysaa, qaarkalena su’aalo ayeeyba ka keeni doonaan , laakiin wuxuu ahaa ninka keliya ee taariikhda aduunak si awood leh ugu guulaystay dhinaca diinta iyo maadigaba(aduunka)”.

Ukhtii, sidoo kale, bal nimankaan barafasoorada ah ee iyagana aduunka aadka looga yaqaan ee ku takhasusay cilmiga caafimaadka, bal eeg waxa ay nebigeena iyo diinteena ka sheegeen markii ay ogaadeen in Nebi Maxamed(nabi Maxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee)) uu kun iyo afar boqol oo sano kahor ka waramay wax yaabaha ay hada ogaadeen. Dr T.V.N Persaud, waa barfasoor aad aduunka looga yaqaan una dhashay wadanka Kanada, wuxuu uu qoray ilaa 22 buug, waxa la siiyey bilad dahab sharafeed loo siiyey heerka sare ee uu ka gaadhaay cilmiga caafimaadka, waxa uu yiri sidan:

“Waxaa la iisheegay in Muxamad(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ) uu ahaa nin iska cadi ah, waxba an akhriyin, waxna aan qorin, misna waxa aan ka hadlaynaa kun iyo afar boqol oo sano ka hor, waxa uu sheegay arimo saynis ahaan sax ah oo hada aan ogaanay, suurta galna aanay ahyan in waqtigiisii la’ogaado, wax fursad isaga iman karana maaha, sidaa darteed, wax muran ah kama qabo arimahani in Muxamed waxyi loogu sheegay oo ay xaga Allaah uga yimaadaan”.

Dadka gaalada ah ee Nebigeena uqiray in uu ahaa Nebi xag Illaahy kayimi, mucjiso, cilmo, xadaarad iyo wax kale oo aad ubadan aduunka ku soo kor dhiyey, aad ayeey u badan yihiin , waan soo wada guurin lahaa wixii ay nebigeeena ka sheegeen oo wanaag ah hadii aanan ka cabsanayn in uu qoraalku ila dheeraado. Laakiin, ukhtii, Nebigeenu iyo diinteenuba uma baahna in hadal nin gaal ahi yiri looga dhigo daliil, ee waxa aan usoo qaatay oo keli ah in aan muujiyto in cidkasta oo aduunka saarani muslim iyo gaalba aanay dafiri Karin xaqnimada Nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) iyo diinteenaba.

Ukhtii, Nebigeena diintiisu way jiridoontaa inta Ilaahay aduunka ka laa laabayo, dadka raacayna ayaga ayaa cidhib danbeedka wanaagsan iska leh, wixii kale oo nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ) raaci waayana aduunka inta ay joogaana waxay ku nool yihiin nonol cidhiidh ah oo aad u xun, aakhirona hoog iyo cadaab daran ayaa u danbeeya. Naxariis iyo nabadgelyo kor kiisa ha ahaato, anagana hanaga dhigo, kuwii wixii uu layimina qaata wixii uu ka reebayna ka reebtoonaado. Aamiin.

Ukhtii, in aad Nebigeena Muxamada( Naxariis iyo Nabad gelyoba kor kiisaba ha ahaatee) aqoon u yeelato oo siiradiisa wax ka barato, wixii diin ah oo uu kusoo gaarsiiyeyna inta waa jibka kugu ah aad ka barato, sida salaada, soonka, xajka iwm, waajib ayeey kugu tahay arinkaasi. Ukhtii, sadexdan su’aalood ayaa qofkasta oo dhinta qabriga lagu waydiiyaa: Ilaahaagu waa kuma?, Diintaadu waa tuma? Nebigaaguna waa kuma? Markaa hadii intii aad aduunka joogtay aad ahayd mid: Allah taqaan, ka cabsata, Nebigiisana rumaysay oo raacday, diinka Allahna ku camal fali jirtey, Insha Allah su’aalahaa qabriga ee sadexda ahi way kuu fudu daanayaan, waana meesha janada iyo naarta qofka ugu balaabmi doonaan, qofkii aan Illahay u fududayn su’aalahaas oo garan waayaa, cadaabta maalinkaa u bilaabanta ayaa lagu soo saaraayaa maalinta qiyaame oo cadaab darani u yaalo,ukhtii, adiga, aniga iyo wixii muslimiin ahaba Illaahay su’aalahaas ha noofududeeyo, cadaabul qabrigana hanaga bad baadiyo. Aamiin.

Ukhtii, ugu danbayn, sadexdii qaybood ee towxiidka ahaa ee aan sida kooban uga soo hadalay iyo nebigeena suuban Muaxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ee aan siirada kooban ka bixanay ayaa waxaa inoo noqonaysa tiirka koowaad ee kamida shanta tiir ee ay diinteenu ku taagana tahay. Sida adarteed kelimatu towxiid waxa ay ka kooban tahay labadaas qaybood ee ah barasha Illaahy, nebiigiisa iyo rumayntooda oo laga rumeeyo qalbiga afkana lagaga dhawaaqo. Sidaa darted, towxiidkii aan sida kooban uga soo hadalay sidan ayaa loogu dhawaaqaa:

اشهد ان لا إله إلا الله وأشهد ان محمد رسول الله
Oo macnaheedu yahay: (waxa aan qirayaa in Ilaah xaq lagu caabudaa aanuu Jirin Illaah mooyaane, waxaan kale oo aan qiraya in Nebi Maxamed uu yahy rasuulki Illaahay).

Qofka bani aadamka ahina marka uu towxiidka sidaas ugu dhowaaqo qalbigana uu ka rumeeyo, ayaa waxa uu noqonayaa qof Muslim ah, laakiin, towxiidku waa tiir kamida tiirarka Islaamak, sidaa darted, waxa uu ubaahan yahay shantii tiir ee kale in lagu ag qotimiyo si markaa ay islaamnimadu u dhamaystiranto. Dhab ahaana, towxiidka macanihiisa runta ahi waa: in uu qofka muslimka ahi uu ka reebtaanaado dhamaan wixii xumaan ah oo uu Ilaahay ka reebay, lana yimaado wixii wanaag ah oo Ilaahy faray, raacona wadadii uu maray Nebi Maxamed (clayhi salaatu Wasalaam).. Hadii uu qofka muslimka ahi, denbi ku dhocona waa in uu marwalba Ilaahay xagiisa unoqdaa oo uu towbadkeenaa. Intaasi, hadii ay ukhtii kuu bed qabto waxaad ogaataa in aad tahay qof Ilaahay si dhab ah u rumeeyey Nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee ) raacay. Waxadna kamid tahay kuwa: mu’miniinta ah, awliyada Ilaahay ah, mukhlisiinta ah, saalixiinta ah, muxsiniinta ah oo Ilaahay ugu bishaareeyey in uu xifdinayo aakhiro iyo aduunba. Insha Allah, kuwaa ka mid noqo, laakiiin, si sahlan sidaas looguma noqdee, ukhtii, towxiidka si cilmieeysan u baro oo markaa kadibna ku dhaqan.

Ukhtii, faaiidada towxiidka oo koobani waa:

• Fadliga towxiidka denbiga ayaa laguugu dhaafayaa;
• Towxiidka oo qalbiga si fiican kuugu qotansadaa waxa uu sabab kuugu noqonyaa in aad cibaadada ilaahy jeclaato, marka laguu jeedo iyo marka aad keligaa tahayba. Ukhtii, ogow hadii aad halkaa gaadho khayr aduun iyo mid aakhiroba tafahaaga ayuu kuu jiraa, ee Ilaahy u shukri, waydiisano in uu nicmadaas wayn oo uu kusiiyey: kugu dilo, kuguna soo saaro isagoo raali kaa ah.
• Hadii, Muwaxidad Illaah kaa dhigo waxa aad helaysaa balan qaad Ilaah oo ah nabadgelyo mid aduun iyo mid aakhiroba. Waxaa kale oo qofka muwaxidka h Illaah usheegay hanuun sida aayadan ka muuqata:

ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَمۡ يَلۡبِسُوٓاْ إِيمَـٰنَهُم بِظُلۡمٍ أُوْلَـٰٓٮِٕكَ لَهُمُ ٱلۡأَمۡنُ وَهُم مُّهۡتَدُونَ (٨٢)
{Kuwa Xaqa rumeeyey oon ku dheehin iimaankooda dulmi(Gaalnimo) kuwaasaa nabadgalyo usugnaatay Hanuunsana}Suurat-Al-ancaam, 82 .

Ukhtii, faa’iidooyinka towxiidku waa badan yihiin hadii aanan ka cabsanayn in uu qoraalku dheeraado waan sheegi lahaa inta aan ka awoodo, laakiin intaas ayaan ku gaabsanayaa.

Ukhtii, hadii aad su’aal iwaydiiso oo tiraahdo sidee ama xagee ayaan ka baran karaa towxiidka? Si fudud ayaan kuu tilmaamayaa ee Illaahay u tala saaro in uu ku waafujiyo barashada iyo kudhaqanka towxiidka: Ukhtii, waxaad ogaataa cilmigeena sharciga ahi laba wado ayaa lagu bartaa: mida hore; waa in su’aalo aad waydiiso cidii cilmi sax u leh oo kaa jaahil bixin karta wixii cilmi ah oo waajib kugu ah in aad ka barato cilmiga towxiidka; mida labaad, waa in aad qof cilmi raadinaya oo ardayad dhab ah aad noqoto oo markaa xalaqaadka cilmiga ee lagu daraaseeyo kutubta towxiidka aad ka qayb qaadato, una samirto. Waxaad kale oo ka barankartaa towxiidka macaahida islaamiga ama jaamacaadka islaamiga ah ee kuyaala Somaaliya iyo wadamada kale ee muslimiinta. Ukhtii, labada wado ee xalaqaatka ama macaahida ayaa ugu fiican siyaabaha loo barto towxiidka iyo culuumta kale ee sharcigeena aan ku baranayno.

Ukhtii, kutubtan hoos ku qoran ee uu qoray Shiikh Maxamed Ibn-Al-cabdiwahaab ayaad ka baran kartaa Qaybta koowaad. Towxiid Al- Rubuubiyah:

1) Usuulu Al-thalaatha
2) Kitaab ul-toxiid
3) Kashf ul-shubuhaat

Towxiid Al-Uluuhiya iyo Towxiid Al-asmaa Wal-sifaat. Labadan qaybood ee kamida noocyada towxiidka waxa aad kabaran kartaa kutubtan hoos ku qoran:

1) Al-caqiidatu Al- Waasidaya
2) Al-caqiidatu Al- tadmuriyah
3) Al-caqiidatu Al-xamawiyah

Sadexdan kitaab waxaa iska leh Sheekh Ul-islaam, Ibnu Taymiyah(raximahu laah). Marka aad sadexdaa kitaab barato waxa aad ku dhamaystirtaa ama ku afraysaa kitaabkan hoos ku qoran:

4) Al-caqiidatu Al- daxaawiyaha. Waxaa qoray kitaabkan Abuu-jacfar Al-daxaawi. Marka aad matnigiisa barato waxa aad akhrisataa sharuuxda ay culimadu ka qoraan sida sharaxa Li-ibni Abii-Cazi Al-xanafiyi.

Marka aad intaa dhamayso si fiican ayaad ufahmaysaa labadaa qaybood ee danbe oo dad badan oo muslimiin ahi kaga leexdeen dariiqadii nabe Maxamed diinta inoo soo gaarsiiyey, kuwaas oo diinteena caqligooda u bandhigay, kana qaatay wixii caqligoodu waa faqo, wixii kalena diiday. Arintani waxa ay muslimiinta ku soo korodhay markii ay muslimiintu dhexgaleen ama akhristeen diimihii, falasafadihii iyo mandaqii (logic), umadihii aan muslimiinta ahay ee ahaa Griiga, Kiristanka iwm.

Hadii aad rabto in aad wax ka ogaataa arimaha kusaaabsan kooxihii muslimiinta ahaa ee towxiidka saxda ah ka leexday kutubtan hoos kuqaran akhriso:

1) Al-Sunah:
2) Al-Ibaanah:
3) Sharxu Usuul Ahli- Sunah Wal-Jamaacah;

Ukhtii, waxa aan jeclahay in aan kuugu soo gaba gabeeyo, nasiixadaydii koobnayd ee ku saabsanayd Towxiidka, labadan qiso, si aad u ogaato midhaha towxiidka iyo sida uu Illaahay dhibka uga bad baadiyo qofka qalbiguusu ku wayn yahy Towxiidka Ilaahay. Qisada hore waa sidan:

Qisada koowaad: Ninkii La oran jiray Al-aswad Al-canasi oo reer Yaman ahaa ayaa waxa uu sheegtay in uu yahay Nebi, wixii diida nebenimadiisa oo muslimiinta ka mid ahaa: qaybna wuu gowracay, qaybna wuu gubay, qaybna wuu qaxiyey, culimadii muslimiintantana wuu cadaabay. Maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxa uu u yeeray culimadii muslimiinta mid kamida oo layiraahdo Abu- Muslim Al-khawlaani (raximahu laah) waxuuna ku yiri diintaada kanoqo, waxa uu markaa Abu- Muslim Al-khawlaani ugu jawaabay: Allihii i’abuurtay baan ku dhaartee in aanan diintayda uga noqonayn ee waxaad doonto samee. Intaa kadib, waxa uu isu soo uriyey dadkii si ay u daawadaan cadaabka uu cadaabayo Abu- Muslim Al-khawlaani, wuxuuna dadkii ku yri: hadii uu caalimkiinu xaq ku taagan yahayna xaqiisa ayaa bad baadinaya, hadii kalena waad arki doontaan sida aan ugalo. Markaa kadib, ayuu wuxuu shiday dab aad u wayn oo shimbirka dabkaa korkiisa duulaa uu soo dhocoya holaca dabkaa ka baxaya dartiis, kadib waxaa lakeenay Abu- Muslim Al-khawlaani oo labada lugood iyo labada gacmoodba ka xiran waxaana lagu tuuray dabkii. Inta uu hawada ku sii socday ee aanuu dabka ku dhicin ayuu Ilaahay keliyta xusuusatay oo keligii magan galyo waydiistay oo waxa uu yiri: “Xasbuna Al-laahu wa nicma Al-wakiil” oo macnaheedu yahay “Ilaahay baa igu filan” dabkii ayuuna ku dhex-dhacay iyadoo ay dadku daawanayaan oo markaa ay rabaan in ay sifiican u’eegan sida ay dabku u gubi doono. Dadkiibaa waxaa ku soo mudh yiri Abu- Muslim Al-khawlaani oo dabkii xarkihii ka fur furay, dharkiisiina aanuu guban, cagihiisuna ay ku dulsocdaan dhuxilihii dabka ahaa oo holcayey, isagoo qoslaya, markaas ayaa daalimkii baqay oo dadkii u hanjabay si aanay dadka intoodii kale u islaamin.

Abu- Muslim Al-khawlaani markaa kadib ayuu waxa uu aaday magaalada Madiina si uu ula kulmo saxaabadii Rasuulkeena (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) waana xiliguu uu muslimiinta hogaaminayey khaliifkii Abuu-bakar Al-sidiiq(radiyalaahu canhu). Abu- Muslim Al-khawlaani, markii uu madiina gaadhay, ayuu masaajidka rasuulka laba ragcadood ku tukaday. Sayidinaa Cumar Ibn-al-khadaab ayaa warkii gaaray dabadeedna waxa uu soo aaday dhinaca Abu- Muslim Al-khawlaani, markii uu lakumayna waxa uuna ku yiri: ma waxa aad tahay ninka layiraahdo Abu- Muslim Al-khawlaani? Haa ayuu ku yiri, markaas ayaa cumar laabta laabta u saaray oo ooyey oo waxa uu yiri: Illaah baa mahad iska leh iga dhex tusiyey umada nebe Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) dhexdeeda qof wixii nebi Ibraahim(calayhi salaam) lagu sameeyey oo kale lagu sameeyey.

Ukhtii, qofkii Illaahay xifdiya oo towxiidku qalbiga uga buuxsamo, Ilaahay waxa uu xifdiyaa maalinta ay dhibi haysato. ILaahna waxa uu quraankiisa ku yiri:

ٱلَّذِينَ قَالَ لَهُمُ ٱلنَّاسُ إِنَّ ٱلنَّاسَ قَدۡ جَمَعُواْ لَكُمۡ فَٱخۡشَوۡهُمۡ فَزَادَهُمۡ إِيمَـٰنً۬ا وَقَالُواْ حَسۡبُنَا ٱللَّهُ وَنِعۡمَ ٱلۡوَڪِيلُ
{ Ee ah kuwuu yidhi dadku(Gaaladu) dadkii baa idiin kulmay ee ka cabsada oo u Siyaadiyey Rumayn, oy dhaheen Kaafiyahanagu waa Ilaahay isagaan ufiican wakiil},{ Oo noqday Nicmo Eebe iyo Fadli oyna Taaban Xumaan Racayna Raali ahaanshaha Eebe, Ilaahayna waa Fadli wayn lahaade} Suurat Alli-cimraan 73-74

Qisada Labaad:

Waaxa magaalada Dimishiq, caasimada wadanka Suuriya, furtay Nin kamida boqoradii muslimiinta oo layiraahdo C/laahi bin Cali Al-cabaasiyi. Hal saac oo keliya ayuu wuxuu dilay sodon kun oo muslimiin ah. Waxa uu masaajidka caanka ah ee kuyaala Dimishiq ee Layiraahdo Masaajidkii Umawiyiinta uu lagalay fardihiisii. Dabadeed inta uu dadkii soo hor fariistay ayuu wasiiradiisii waxa uu kuyiri : qof iga hor imanayaa miyuu jiraa? markaasay waxa ay ku jawaabeen maya. . Markale ayuu ku celiyey oo wuxuu ku yiri: ma u’malaynaysaan in uu jiro qof hadal igu soo celin karaa? markaas bay waxa ay yiraahdeen: hadii uu jiro qofkaasi waa: Al-awzaaciyi. Al-awzaaciyi waxa uu kamid ahaa Imaamyadii xadiiska inoosoo gudbiyey kuwii ugu waawaynaa, aadna ucibaado badanaa aduunkana iskaga saahiday(aakhiro keliya ushaqaystay) waxaana xadiiska dadkii kaweriyey kamid ahaa Imaamul Bukhaari iyo Muslim, waxa uu noolaa sadexdii qarni ee qarniyada islaamak ugu horeeyey ee nibegeenu uu yiri qarniyada oo dhan sadexdaas qarni ayaa u khayr badan.

Boqorkii askartiisii ayuu soo diray oo wuxuu ku yiri ninkaas ha la ii keeno. Markii ay askartii u timid oo tiri soo kac meeshiisii uu fadhiyey kama uu kicin, markaas bay waxa ay ku yiraahdeen: waxaa ku raba boqorka. markaas ayuu wuxuu yiri: Xasbuna Al-laahu wa nicma Al-wakiil, oo macnaheedu yahay “Ilaahay baa igu filan” wax yar isuga ayuu ku yiri askartii, wuu baxay wuuna soo qubaystay kafantiisiina maryihiisii hoostooda ayuu soo gashaday, waayo waxa uu ogaaday arintu in ay dhimasho tahay, dhiigiisuna uu manta daadanayo. Laakiin naftiisa ayuu waxa uu usheegay in ay manta tahay maalinkii uu kelmada xaqa ah oran laha asagoo aan ka cabsanayn cid aan Illaah ahayn.

Al-awzaaciyi waxa uu yiri isagoo qisada ka sheekaynaya: markii aan ugalay boqorkii mise labada dhinacba waxaa kasafan ciidamo seefahoodii galka kalabaxay, waan ugulay ilaa aan gaadhay meeshii uu fadhiyey, isagoo markaa sariirtiisii ku fadhiya, cadhada wejigiisa ka muuqatana aad ka yaabaysid. Mar alaale markii aan arakay ayaan Illaah baan ku dhaartee waaba anigoo hortayda uu duqsi taagan yahay “Xasbuna Al-laahu wa nicma Al-wakiil”,waxa uu yiri: qofna maan xusuusan walaa reer, walaa caruur, walaa xoolo, walaa xaas ee waxa aan xusuustay carshiga Illaahay ee muuqan doona maalinta qiyaame. Indhaha ayuu kor iigu qaaday asagoo cadhada ka muuqata ilaahay keliyi garan karo, marakaas buu wuxii i yiri: war Awzaaciyow maxaad kaleedahay dhiigii aan daadinay? Markaas baa Al-awzaaciyi wuxuu yiri xadiiskan:

Ibnu Mascuud waxa uu kaweriyey nebi Maxamed(naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) in uu yiri: [qof muslim ah dhiigiisu mabanaana qofkaas oo qiraya in Illaah mooyaane Illaah kale jirin aniguna aan ahay nebigiisii in uu qofkaasi sadex mid noqdo mooyaane: qof guur soomaray oo sinaystay, naf naf loo dilayo iyo midkii diinta ka teagay oo jamaacada kabaxay ].

Hadii dadkii aad dishay ay sadexdaa mid ahaayeen waad kusax sanayd dilkooda, hadii kalase dhiigoodu waa dushaada, ushii ayuu igu soo tuuray markaas bay cimaamadaydii kor uqaaday aniguna seefta ayaan sugayey in ay igu dhacdo, waxaana arkay wasiiradiisii oo maryaha faydanaya iyagoo kafaydanaya dhiiga iga daadan doona. Su’aal kale ayuu markaas kadib iway diiyey oo waxa uu yiri: dadkii aan laayey xoolohoodii kawaran? Al-awzaaciyi waxa uu yiri: hadii ay xalaal kuu ahaayeena xisaab ayaa kuu danbaysa, hadii ay xaaraam kaa ahaayeena ciqaab ayaa kuu danbaysa. Intaas markay dhacday ayuu wuxuu iyiri kiiskan dahabka ah qaado. Al-awzaaciyi waxa uu yiri: anigu maal/xoolo marabo, markaas ayaa waxa iqanjiiriyey mid wasiiradiisii ka mida isagoo ujeeda in aan xoolaha qaato, kiiskii ayaan qaatay, ciidankiisii ayaana uqaybiyey isagoo faaruq ahna waan tuuray markii aan sii baxyeyna waxaan iri: “Xasbuna Al-laahu wa nicma Al-wakiil” markii aan ugalayna waan iri hada oo aan kasoo baxoyana waan iri.

Ukhtii, boqorkii sodonka kun oo qof dilay ufiirso sida geesinamada iyo talasaarnimida Illaahy ay sabab ugu noqotay in uu Ilaahay kabad baadiyo caalimkaas, naftiisa, waqtigiisa iyo maalkiisaba ku dhameeyey in uu xadiiska Rasuulkeena ururiyo, si uu inoo soo gaadhsiiyo kiisa saxiixa ah, kiisa daciifka ah, ama laqoraya(mawduuca ah ) inoogu sheego. Ukhtii, Illaahay xifdi marka aad barwaaqaysantahay, oo nicmadiisa aad ku dhex jirtid, isaguna maalinta aad baahantahay, dhibataysantahay ayuu ku xifdin doonaa, Insha Allah.

Geba Gebo.

Ukhtii, Naseexooyinka faraha badan ee aan kuu soo qori doono, oo aan rajaynayo in ay ku anfici doonaan hadii Ilaahay ku waafujiyo inta aad aduunka joogtid iyo aakhiroba, Towxiidkan aan sida kooban ugu hadlay ayeey dhamaan tood soo wada hoos gelayaan. Sidaa darted, guri albaab baa laga galaaye, albaabka Toxiidka waa meesha diinteena laga soo galo, qofkii albaabkaa fure adag ku soo galaa weligii kama baxo, waxa uuna uga sii gudbaa albaabada kale ee khayrka ee aadka u farabadan. Furaha towxiidku waa furaha furayaasha (masterkey). Sidaa darted, ukhtii, furahan, baro sida loo sameeyo, loo xifdiyo, looga ilaaliyo shaydaanka, bidcada, fuduurka (in aad diintaada ka gaabiso), quluwiga (diinta oo aad laysugu adkeeyo), Ukhtii, furahan waxa aad gashataa meesha aad ku qarsato: dahabkaaga, masruufkaaga, waxa aadna u jeclaataa sid aad u jeceshaya: naftaada, hooyadaa, caruurtaada, ninkaaga iyo aduunkaaga oo dhan. Ukhtii, sidaa hadii aad yeesho furahani si sahlan kaaga hoos biximaayo, in aad sidaa u xifdiso ama uu sidaas macno kuula yeeshona waxaa sabab kuugu noqonaya in aad furahan laftiisa si fiican ubarato, u baadho, uga fikirto, dadkii kaa horeeyey ee furahan siduu ahaa u qaatay taariikhdooda akhrido, hadii aad sidaa yeesho, ukhtii, waxaa hubaal ah in jinni iyo insi midna aanuu kaa hoos saarikarin furahan, Ilaahy idankiis.

Inta aynu albaabada kale ee aan kuugu naseexayn doono aynu ku kulmi doono, ukhtii, waxa aan kaaga tegayaa ducadan: Ilaahay xaqa hakusugo, haku jeclaysiiyo, dadka ehelka u ah xaqa Ilaahay marwalba haku ag joojiyo. Mid xaqa ku seexata, kusoo toosta, dadka farta wanaaga, xumaant ka reebta, wanaaga lagaga daydo, sabir badan, salad badan soon badan, sadaqo badan, waang oo dhan leh, Ilaahay hakaa dhigo. Aaamin.

Waxaa qoray: Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac

[email protected]

Video: Dhibka lagu hayo Soomaalida Islii iyo gumadka aan joogsiga lahayn

Dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool Wadanka Kenya gaar ahaan Xaafada Islii ayaa waxeey ka sii baxeysaa faraha kadib markii tacadiyo iyo arimo laga naxo lagu la kacayo Ganacsatada iyo Soomaalida kale ee ku nool halkaasi.

Hadaba Muuqaal aad ka arki karto Dhibaatada ay ka cabanayaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Xaafada Islii iyo Kaalinta muga leh ay ka qaadaneyso Safaarada Soomaalida in ay wax ka qabato Dhibaatada heysata Soomaalida ku nool Kenya ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

TARSAN oo caawa hadlay sheegayna…

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsa) ayaa caawa ka hadlay qarixii maanta uu ku dhintay xoghayihii hore ee maamulkiisa, Cabdikaafi Hilowle Cisaman.

Tarsan oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday qaraxa uu ku dhintay xoghayihii gobalka Banaadir isagoona si kulul u cambaareeyay.

Wuxuu sheegay in dhimmashadiisa ay ku noqotay tii ugu nexdinta badneed ebid ee loo soo sheego sidda uu yiri.

Tarsan wuxuu sheegay in uu ku baaqayo adkaynta ammaanka magaalada Muqidsho iyo ilaalinta mas’uuliyiinta dowladda xittaa haddii ay xilka wareejiyaan.

Tarsan ayaa la weydiiyay nooca qaraxa uu ahaa,wuxuu sheegay qaraxa in uu ahaa kuwa lagaliyo waddooyinka sidda loo shegeay, balse waxaa loo baahan yahay in ay booliska keenaan baaritaan degdeg ah, ayuu yiri.

Tarsan waxaa la weydiiyay bal wax tallosiinayo maamulka cusub ee gobalka Banaadir.

Wuxuu sheegay in cid tallo soo weydiistay aaney jirin haddii uu wax sheegana loo arkaayo dhaliil markaas arrintaas waan ka gaabsanaa” ayuu yiri.

Hadalka guddoomiyihii horre ee gobalka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan aya kus oo aadaya iyadoo maanta qarax miino oo ka dhacay Muqdisho uu ku dhintay xoghayihii horre ee gobalka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan.

Caasimad Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Xogtii ugu dambeysay qaraxyo xoogan oo caawa gilgilay Kenya + Sawirro

Mombasa (Caasimada Online) –Waxaa sii kordhaya tirada dadka ku dhintay seddax qarax oo caawa ka dhacay magaalada Mombasa ee xeebta dalka Kenya.

Wargayska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay inta la xaqiijiyay geerida in ay mareyso ilaa afar qof 13 kalena ay ku dhaawacmayn.

Ciidamo aad u hubeysan iyo kooxaha gurmad ayaa u cararay goobta qaraxyada ay ka dhacayn, kuwaasoo gurmad u fidinaya dadka mashaqada ay ku habsatay.

Qaraxa koowaad ayaa yaa burburiyay qeyb ka mid ah xarunta ay ka baxaan basaska shirkadda Chania kaasoo ka sheqeeyo inta u dhexeyso Mombasa illaa magaalada thika.

Qaraxa ka dhacay hotelka caanka Riif oo u dhow xeebta Niyaala Beach, ma jirto wax dhaawac ama dhimmasho la soo wariyay balse waxaa ku sugnaa markii uu qaraxa dhacay aad u badan.

Majirto cid sheegatay qaraxyadan illaa iyo hadda, waxayna imaanayaan iyadoo Kenya ay ka socdaan howlgallo ballaaran oo lagu xoojinayo amniga sida ay dowladda sheegtay.

qaaa

 DSC_0105 DSC_0092Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

Marinhabowga AXMED MADOOBE iyo garasho la’aanta madaxda DF Somalia

Inkastoo Soomaalidu ay ka wada simantahay dayacaada Dalka iyo Kheyraadka hadana waxa aan qoraalkeygu si kooban tooshka ugu ifin doonaa kuwa dayacay dalka gaar ahaan Dowlada iyo Maamulka KMG Jubba ee uu Hoggaanku u hayo Axmed Madoobe.

Dhulka Somalia waxa uu fiinta hore ugu jiraa dalalka qaniga ku ah Kheyraadka noocyadiisu kala duwan sida Badda, Qudaarta, Xoolaha iyo Batroolka waxaana xiligii hore loo aqoon jiray ‘’Dhulkii Fooxa’’ waxaana Khilaaf xiligaasi ka dhashay magac-bixinta ‘’Soomaali’’ wuxuuna si weyn Magaca Somalia u hirgalay markii gumeysigu reer Yurub sahminayeen Africa iyo Barriga Fog, hayeeshee waxaa Taariikhda Somalia qalday Siyaasadaha iyo qaad-qaadka Qabiilka.

Waxaa lumay hadafka Siyaasadeed ee Soomaalida, waxaa loo jiheestay soo dhaweysiga Dowladaha Ehelka u ah Burburka Somalia 23-sanno, inkastoo Caalamku uu Siyaasiyiinta Soomaalidu ku micneeyo maangaabyo hadana waxaa taasi tuseele kugu filan qaabka ay u dhaqmayaan iyo sida ay uga wada mideysan yihiin kala goos-goosashada Dalka.

Waxaa meesha ka baxay Nidaamka Dowladnimo, waxaana shaki galay in Gobolada Dalka ay hoos imaadan DFS, iyadoo ay tusaale kaga filantahay Ficilka uu Madaxweynaha MKG Jubba Axmed Madoobe sameeyay, isagoona la tashan Madaxda DFS u aqbalay ruux lagu sheegay inuu yahay Qunsulka Kenya u fadhin doono Magaaladda Kismaayo taasoo loo fasiran karo ‘’Socon weynayee ma Oradnaa’’Inkastoo taasi ay ka turjumeyso Ogaal la’aanta Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo kan dibada oo iyagu laga rabay inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada Dowladaha dariska iyo kuwa Reer galbeedku ee ka howlgalo gudaha dalka.

Dowlada Somalia ee uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Sheikh Maxamuud waxa ay iyadu u hanqal taageysaa qabashada Dalka gaar ahaan Muqdisho iyo inta ku heerarsan, balse waxa ay si muuqda iyo si dadbanba u lumisay kaalinta kaga aadaneyd xakameynta Gobolada Dalka, hayeeshee waxa ay qadka kasii saartay Maamulada qaar oo ay ugu horeyso Jubba, waxa ayna xuriyad u siisay dhan waliba taasi ay tusaale kaga filantahay Ficilada dhaqanka u noqday Hoggaamiyaha Raaskambooni oo isagu ismoodo inuu yahay muwaadin u dhashay Dalka Kenya.

Siyaasad iyo Mab’da ahaanba Hoggaamiyaha Raaskambooni waxa uu aaminsan yahay in gabi ahaan Somalia loo gacan galsho Kenya, maadaama uu inta badan noloshiisu ku noola duurka ama bahalo galeenta taasina waxa ay soo ifbixisay xumaha uu aaminsan yahay Axmed Madoobe iyo Makriga uu la damacsan yahay Somalia.

QALADAADKA HOGAAMIYAHA RAASKAMBOONI:-

1- Siyaasada dalka waxa uu hoos geeyay Kenya.
2- Waxa uu aaminay in Somalia ay ka tirsan tahay Gobolada Kenya ‘’Aqoon dari’’
3- Arrimaha kala dhexeeya DFS waxa uu kala tashanayaa Kenya.
4- Ciidamada Raaskambooni waxa ay ka amarqaadan karaan Saraakiisha Kenya, kama amar qaadan karaan Saraakiisha DFS ee Kismaayo.
5- Dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo uu la kala saxiixday heshiisyo ay DFS banaanka ka joogto.
6- Qaad-qaadka qabiilka ama reerka uu kasoo jeedo, taasi oo caro ku riday Reeraha ama qabaa’ilada kale ee ku nool Kismaayo.
7- Waxa uu beeniyay ama inkiray in Qaranka iyo Midnimada Somalia ay tahay muqadas ama lama-taabtaan.
Dhammaan qodobadaasi waxa ay muujinayaan in Hoggaamiyaha Raaskambooni uu ka Marinhaboway Siyaasada, dhaqanka, Dal jaceylka iyo Wadaniyada, inkastoo ay u gacan haatineyso Dowlada Kenya hadana waxaan jirin kalsooni iyo wadaniyad uu ku maareyn lahaa Naftiisa.

Sidoo kale waxa uu dhaqan iyo caado u yeeshay inuu had iyo jeeral ka talaabo heshiisyada uu la galo DFS, waayo waxa uu aaminsan yahay cashirada looga soo maan-guuriyo Magaalada Nairobi iyo Addis Ababa, waxa uuna is moogeysiiyay in lama huraan ay tahay in leysugi imaan doono Qaranka Somalia.

Dhanka kale, Waxaa soo ifbaxeysa Garasho la’aanta Madaxda Dowladda Federaalka oo iyagu aanba ka warqabin xaalada dalka iyo Siyaasadaha hoos qulqulaayo Dowladda.

Waxa ay Ogaansho la’aantooda keentay in qeybo kamid ah Dalka loo gacan galsho Dowladaha dariska, iyadoona ay muuqaneyso in Wasiirada qaar aysanba war ka heyn waxa Somalia kusoo kordhay iyo wixii ka baxay, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibada oo la aaminsan yahay inay gabeen howlihii kaga aadana Dalka TUSAALE:- Wasiirka Arimaha gudaha waxa uu dhowr maalin kadib kusoo baraarugay in Dowlada Kenya ay Kismayo usoo magacowday Qunsul, halka Wasiirka arimaha dibada uu isaguna ka warqabin xaaladaha Qaxootiga Soomaalida ee ku kala nool daafaha caalamka sida Kenya, mana aysan dhicin inuu ka shanqariyo Erayo lid ku ah Dalka Kenya kana turjumeyso in Qaxootiga Somalia ay leeyihiin dad iyo dal.

Ufiirso inta badan Madaxda Dalka wey ka warqabaan shir waliba ee ka dhici doono Caalamka iyo dhaqdhaqaaq waliba ee muujinaayo in Beesha Caalamka ay dhaqaale ugu yaboohayaan Somalia, Lakiin ma jiro dareen muujinaayo in il-gaar ah lagu eego dalka iyo dadka dibadaha ku nool xaaladooda.

QALADAADKA IYO GARASHO LA’AANTA DOWLADDA FEDERAALKA:-

1- Mareyn la’aanta Dhaqaalaha ka soo xarooda Caalamka.
2- Xakameyn la’aanta Siyaasadaha dal iyo dibad.
3- Tacaamul wanaag la’aan kala dhexeyso dhanka Maamul goboleedyada.
4- Xisaabtan la’aan u dhexeysa DFS iyo Maamul goboleedyada, Hay’adaha ajnabiga, Dalxiisayaasha.
5- Fulin la’aanta balamaha.
6- Habacsanaanta dhanka Ammaanka.
7- Heshiisyada oo isla goobta looga dhaqaajiyo.
Cinwaanka Maqaalka waxa uu salka ku hayaa wax wada qabsasho la’aanta Soomaalida iyo sida Ruux waliba uu u jecel yahay inuu u meel mariyo waxa isaga u cuntamo, taasina waxa ay micnaheedu tahay Is aaminaansho la’aan ka dhex jirta Soomaalida taa oo ah mida ay Caalamku ku aqoonsadeen ducfiga iyo Mab’da la’aanta Soomaalida.

GABOGABADII

Marka ay Bulshaweynta Soomaaliyeed ee Nabada jecel arkeen dhaqamada qalafsan ee Siyaasiyiinta waxa ay is weydiiyeen ‘’Aawday rajadii laga qabay Somalia’’ waxaana usoo baxday in xaalku uu yahay mid aan la saadalin karin islamarkaana ay faraha kasii baxeyso Siyaasada dalka lagu dhaqi lahaa.

W/Q. Weriye Anwar Bakhiit
Email:- [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Daawo Video: Horumar cusub oo ku soo kordhay Magaalada MUQDISHO

0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waayihii u dambeeyay waxaa ka soconayay Horumar dhan walba ah kaasoo la jaan qaadayay dunida koowaad waxaana magaalada ku soo kordhay waxyaabo aan horay looga aqoonin.

Shacabka Muqdisho ayaa la yaabay Bandhigyo aan nuucyadooda horay loo arag oo ku soo kordhay Horumarka Magaalada ka soconaya iyo Shacab badan oo aad uga helay in arin kani waa hore loo bahnaa kadib markii wax yaabo badan ay ka faa’ideyn shacabka ee nala daawo.

 

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

13-kan Qodob haddii laga waayo DFS, Muqdisho Nabad kama dhalaneyso.

Madaxweynaha iyo Madaxda Jamhuuriyada Federaalka Somalia, Akhristayaasha sharafta leh dhammaan waxa aan halkaani ugu soo gudbinayaa Qodobo muhiim ah oo aan is leeyahay waxaa lagu xaqiijin karaa Ammaanka Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo Deegaanada ku xeen-daaban waxaana kamid ah:-

1- Wada shaqeyn dhab ah oo dhexmarto DFS iyo Shacbiga Soomaaliyeed.

2- Hub ka dhigis dhab ah oo lagu sameeyo Maleeshiyo beeleedka ku dhex jira Muqdisho.

3- Diiwan-galinta Hubka noocyadiisa kala duwan oo lagu sameeyo Qoryaha ay wataan Militeriga, Boliska iyo Nabadsugida.

4- In dharka ay wataan Ciidamada Dowlada loo sameeyo ‘’Jeebka korkiisa Magaca askariga wata dharka’’ waxa uu sahlaaya howlbadan.

5- In Ciidamada badankooda ay noqdaan Nabadsugid iyo Militeri, halka Boliskuna laga qaadanaayo tiro macquul ah, inta ay Dowladu ka yeelaneyso awood buuxda.

6- Isla shaqeyn dhex marta DFS, ganacsatada Suuqyada iyo dhalinyarada ka ganacsata shaqooyinka gacanta sida Caseeyayaasha, kuwa gawaarida dhaqo IWM.

7- Xisaabtan lala sameeyo Ciidamada DFS, lana soo bandhigo ciqaabaadka uu leeyahay Askariga fal dambiyeed lagu qabto.

8- In Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Militeriga laga dhex saaro Magaaladda, waayo waxa ay had iyo jeeral qoryaha ku taagan shacabka ama waxa ay si maalayacni ah u ridayaan xabad aan laga fiirsan.

9- In Saraakiisha DFS ay sameyso barnaamijo lagu xisaabinaayo Xabadaha qoryaha ugu jiro Ciidamada si loo xaqiijiyo askariga iibsanaayo rasaasta ama kan sida caadiga ah u rido xabada xisaab la’aan.

10- In DFS ay sameyso Barnaamijo taxane ah oo lagu wacyi galinaayo Bulshada aan wax ka garaneynin qiimaha ay leedahay nabadgalyada iyo wadaniyada.

11- In la helo shacab la socdo dhaqdhaqaaqyada dadka la degan guriga iyo in la helo bulsho aaminsan Dowladnimada.

12- In Ciidamada ay ixtiraam gaar ah siiyaan shacabka si ay u wanaagsanaato wada shaqeyntooda.

13- Ugu dambeyntii, Waxaa Madaxda Dalka looga baahan yahay inay dhex galaan Bulshada gaar ahaan inay xaadiraan goobaha banooniga lagu dheelo IWM.

 

W/Q. Weriye Anwar Bakhiit
Email:- [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Muxuu C/weli Gaas ka doonay Yemen?

Sana’a (Caasimada Online)- Wariyaha Caasimada Online ee dalka Yemen ayaa soo sheegay in halkaas maanta uu gaaray madaxweynaha maamulka Puntland iyo wafdi uu hoggaaminaayo.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda Yemen oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibedda.

Isagoo saxaafadda kula hadlaayay magaalada Sanca, wuxuu sheegay in muddo afar cisho isaga iyo wafdigiisa ay sii joogi doonaan Yemen isla markaana ay la kulmi doonaan madaxda dalka Yemen.

Wuxuu sheegay in ay kala hadli doonaan arrimaha ammaanka, ganacsiga, waxbarashadda iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa ka yimid magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyagoona ka qaybgalay shir ka dhacay magaalada Baxardaar.

Ma ahan markii ugu horreysay oo madaxweyne ka socda maamulka Puntland yimaado dalkam Yemen, waxaa ugu dambeeyay madaxweynihii ka horeeyay Gaas, Cabdiraxmaam Faroole.

Faroole yimid dalka Yemen labo jeer, waxaana markii ugu dambeesay ay ahayd sannadkii horre 2013-ka isagoona sannadkii ka sii horeyay ee 2012-ka uu Yemen imaaday.

Xafiiska Wararka Yemen

[email protected]

[email protected]

Arag sawir arrimo badan muujinaya!!!!!

Addis Ababa (Caasimada Online)- Akhristayaasha ku xiran Caasimada Online, waxaan u soo xulnay sawirro laga soo qaaday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Sawirkan wuxuu ka mid yahay sawirro la soo dhigay Radiyaha dowladda ee Radio Muqdisho, waxaana ka muuqda  madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka cadaallada Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Labadooda waxa ay ka mid yihiin xisbiga Dam-jadiid ee talada dalka haya.

Dad badan ayaa aaminsan Faarax in uu yahay mashiinka dhaqaajiya dowladda oo madaxweynaha ayuu ka awood badan yahay siddaas waxaa leh dadka odorsa arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Akhriste maxaa kaga baxay sawirkan?

Bidix wasiirka Cadaaladda Faarax Cabduqaadir Midig madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Bidix wasiirka Cadaaladda Faarax Cabduqaadir Midig madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

DEG DEG AH: Xildhibaan baabuurkiisa la qarxiyey iyo xog sheegeysa inuu…

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegay in qarax miino uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ka dhacay hotel noobo Jante oo u dhow Masjidka Marwaaz ee degmada Xamarweyne, waxaana lala damacsanaa in lagu qarxiyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka lahaa gaariga qarxay ayaa lagu magacaabaa Cabdulaahi Axmed Xuseen Coonka, siddaas waxaa goordhow saxaafadda u sheegay guddoomiyaha degmada Xamarweyne, Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay gaariga oo xaley xildhibaanka uu dhigay hotel ku yaalla degmada loogu xiray miinada qaraxday, balse markii la ogaaday in qarax lagu xiray baabuurka ay ciidamada ku takhasusay arrimaha miinooyinka ay qarxiyeen.

“Demada waxaa saakay lagu arkay baabuur lagu xiray qarax miino oo uu lee yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Axmed Cabdulaahi, balse wax dhib ma gaarin oo waa la fashiliyay qaraxa” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamarweyne.

Wuxuu sheegay oo kale Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir in ay qabteen dhowr qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen falkaas oo goobta ka agdhawaa kuwaasoo markii ay fashilmeen qarxiyay baabuurka.

Goodmiyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay xildhibaannada baarlamaanka in aysan nafsadooda ilaalin karin oo ay baabuurta meesha ay rabaan iska dhigtaan.

Waa falkii labaad oo degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho lagu qarxiyo xildhibaan baabuurkiisa, bishii horre ayay ahayd markii qarax miino oo loogu xiray baabuurkiisa xildhibaan Riino uu ku dhintay xildhibaan kalena uu ku dhaawacmay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Mooshin diyaariskiisu uu socda iyo R/W Cabdi Weli oo hortagaya BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isuul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta hortago mudanayaasha Baarlamaanka si uu uga war bixiyo barnaamijka xukuumadiisa iyo waxa ay qabatay mudad uu jiray gollaha uu hoggaaminayo.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda haatan kulamo gooni gooni ah oo ay lee yihiin mudanayaasha baarlamaanka DF gaar ahaan kuwa dhaliilsan howlaha xukuumada.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya inay qaar ka mid ah xildhibanadan diyaarinayaan mooshin dhan ah xubno ka tirsan xukuumada Raysal wasaare Cabdiwali Sheekh.

Waxaa jira Wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka Amniga Qaranka iyo wasiirka Arimaha Gudaha, oo xildhibaanno kasoo jeeda Jubbooyinka iyo Puntland ay doonayaan in meesha laga saaro.

Wasiiradan ayaa xaldhibaanada waxa ay mar ugu baaqeen inay iscasilaan, waana ay ku gacan seereen.

Xildhibaanadan ayaa horay ugu baaqay Cabdiwali Shiikh Axmed uu hor yimaado i uu u cadeeyo qorshiiisa ku aadan xasilinta dalka iyo hormarintiisa.

Guuleed iyo Goodax waxay qabiil ahaan ka dhasheen Hawiye, waxayna Xeeldheerayaasha tilmaameen in ololaha xilka qaadistooda ay daaha gadaashiisa ka abaabulayaan Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe, oo dhowaan xulufo la sameystay ra’iisul wasaaraha.

“Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Abdullahi Barre Goodax kuma lug laha Damujadiid, mana khuseeyaan ammaanka laakiin waxaa dagaal xoogan kula jira Puntland iyo kooxda Axmed Madoobe oo ku doodaya inaysan Hawiye qaadan karin Wasaaradda Arrimaha gudaha” ayey yiraahdeen Xildhibaano u dhashay beesha Hawiye oo la hadlay Caasimada Online.

Wasaaraddan ayaa loo arkaa mid muhiim ah sababo la xiriira nidaamka federaalka iyo dhismaha maamul goboleedyada.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa la sugayaa waxa uu maanta kaga jawaabo su’aalaha baarlamanka iyo inuu difaaco wasiiradiisa, sababta oo ah eeda isagaba kama marnaan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Shirkad billaabeysa duulimaadyo ah From London, Stockholm to Muqdisho

London (Caasimada Online) – Bulshada Soomaaliyeed waxaa la ogeysiinayaa in shirkada duulimaadka Fly Olympic ay bilaabeyso dulimadkeedii ay ku tagi lehayd magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.Waddamada ay ka imaan doonto waxaa ka mid ah UK iyo Sweden iyadoo ay tahay diyaaradii ugu horeysay ee qaadi doonta rakaab kana amba bixi doonta wadamada Europe si toosana u caga dhigan doonta magaalada Muqdisho, kadib Turkish Airways.Sida uu ku waramay afhayeenka diyaarada Fly Olympic qeybteeda Somalia Bashiir Salaad Ugaas diyaaradu waxa ay sameysay qeyb ugooni ah dadka Soomaaliyeed si ay doonaya macluumadka diyaaradda.

Waqtiyada ugu horreeya uu bilaaban doon duulimaadka diyarada Fly Olympic ayaa ah 6 bisha June 2014 iyadoo ka amba bixi doonta magaalada London si toosana u caga dhigan doonta magaalada Muqdisho

Sidoo kale duulimaadka xiga ee ay sameyn doonto diyaarada ayaa ka bixi doona Stockholm oo ah casimadda Sweden 13-ka June, iyadoona toos uga degi doonta Muqdisho

Ahmed Xassan oo ah agaasimaha shirkada qeybteeda qaabilsan Somalia ayaa isaguna bulshada Soomaaliyeed u balan qaaday in ay heli doonaan duulimaad toos ah iyo qiima macquul ah.

Dad badan oo Soomaali ah kuna nool qurbaha gaar ahaan kuwooda dagan Europe ayaa fursad u heli doona duulimaad toos ah iyo waliba qiima macquul ah.

Haddaba waxaa lagu war gelinayaa Soomaalida ku nool waddamada Europe in ay ka faa’iideystaan duulimadkan tooska ah ee diyaarada Fly Olympic ku tagi doonto Muqdisho.

Si aad u hesho macluumaad dheeriya fadlan booqo webka diyaaradaa ee www.flyolympic.se.
nala soo xariir

[email protected]

Ahmed 46 (0)707 65 4698

Bashiir 46 (0)700065000

Dhageyso: Maamulka Axmed Madobe oo qeexid yaab leh ka yiri qunsulka

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka hadlay qunsul ku sheegga cusub ee dawladda Kenya usoo magacowday deegaanada Jubbooyinka kaasoo khilaafaad badan ka dhex abuuray dawladda Kenya iyo Soomaaliya kaddib markii Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shaaciyay inuusan jirin qunsul ay Kenya u soo magacowday Jubbooyinka kalana hadleen arintaasi dawladda Kenya.

Geelle Maxamad Aadan ayaa sheegay in ninka ay Kenya usoo magacaabatay uu yahay Qunsul ka shaqeyn doona waxa uu ugu yeeray labada dal oo ee Jubbaland iyo Kenya.

“Waxaan leeyahay Qunsulka cusub ee Kenya usoo magacowday Kismaayo wuxuu soo kordhin karaa Xiriirka labada dal ee Jubbaland iyo Kenya” ayuu yiri.

Halkan ka dhageyso

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Video: Damu-Jadiid oo ka jawaabtay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda uu Hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa dad badan oo Soomaaliyeed sheegayaan inay ka gaabisay hawlihii loo idmaday, oo amniga uu ugu horeeyo, taasi oo keentay in laga niyadjabo.

Arimahaasi waxaa ka hadlay iyo in Xukuumaddu tahay mid fadhiid ah iyo in kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeen ah wasiirka diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xaaji Maxamed, oo sidoo kale ka mid ah xubnaha sare ee kooxda Damu-Jadiid, ee talada dalka gacanta ku haysa.

Halkan ka daawo

Shan arrin oo maamulka SOMALILAND iyo taageerayaashooda lagula taliyey

Talooyin iyo caqli celin ku socota Siyaasiyiinta Somaliland iyo Taageerayaashooda

Tan iyo markii lagu dhawaaqay Maamulka Somalinad ee ka arimiya gobolo ku yaallo Waqooyiga Soomaaliya, Sida Waqooyi Galbeed,Togdheer,Awdal iyo qeybo ka mid ah gobolada Sool iyo Sanaag.Dhismaha Maamulkani ayaa iska kaashaday Siyaasiyiintii hogaamineysay Jabhaddii SNM iyo qaar ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Awdal iyo Sanaag.

Siyaasiyiintii dhistay Maamulka Somaliland gaar ahaan Beesha Isaaq ayaa ku celceliya in dhibaato xoog leh loo geystay Beeshaasi, Sidaa daraadeedna ay go’aansadeen in ay go’aan Soomaaliya inteeda kale.Waxa ayna sheegeen in si xun loola dhaqmay dadka reer Waqooyiga ah, islamarkaana aan si cadaalad ah loo qeybsan awooddii dalka maadaama midowgii uu u dhaxeeyey Labadii qeybood ee isutagay ee Koonfur iyo Waqooyi.

Doodda ay qabaan Walaalaheena reer Waqooyi, gaar ahaan Beesha Isaaq ee ah in ay dhibaato xoogan u geysatay Dowladdii Dhexe ee Militariga iyo in aan si cadaalad ah loo qeybsan awooddii dalka midowgii ka dib, Ayaa ah arin ay qirsan yihiin Soomaali badan oo aan Anigu ka mid ahay,Waana sababta looga aamuso habdhaqanka foosha xun ee ay sameeyaan Maamulka Somaliland, Sida in ay dad ku xirxiraan Magaalooyinka ay maamulaan,Waxana tusaale loo soo qaadan karaa sidii ay ula dhaqmeen Waftigii ka socday Dowladda Federaalka ee transit-ka ku ahaa Madaarka Hargeysa.

Aamusnaanta ay Dowladda Federaalka ka aamusan tahay ficilada xun xun ee ay geystaan Maamulkan, ayaa fariin khaldan u dirtay Siyaasiyiinta taageersan Maamulkaas ilaa ay Maanta ku dhiiradeen in ay yiraahdaan waxaan qabsaneynaa dhammaan deegaanada loo yaqaanay Somaliland ee uu Ingriisku haystay.Isbalaarinta ay Wadaan Maamulka Hargaysa ayaa abuuri karta dhibaato aad u weyn hadaan Maanta laga hortagin.

Siyaasiyiinta reer Somaliland gaar ahaan kuwooda taageersan goonigoosadka, Ayaa ku eedeysanaa markii hore siyaasaddooda kala goynta dalka,Ayaa hadda waxa ay bilaabeen in ku duulaan deegaano aan laga taageersaneyn qadiyadda Somaliland, Iyagoo adeegsanayo kuwa colooshooda u shaqeystayaal ah oo ka soo jeeda deegaanada Sool iyo Sanaag.

Dhibaatada,caburinta iyo dhul balaarsiga ay sameynayaa Maamulka Somaliland, Ayaa mudaba soo jiitameysay,Iyagoo ka faa’iideysanayey Siyaasad xumida haysata Dowladda Federaalka waana sababta igu kaliftay inaan maqaalkan qore si aan u garab istaago dadka reer Sool iyo Sanaag ee ku mintidayo Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.Waxaana leeyahay ku mintida Midnimada iyo Wadajirka dalkan sidaad Shalayba ugu mintideen la dagaalankii Gumeystaha.

Maamulka Somaliland iyo taageerayaashiisa ayaa sameynaya Maanta wixii ay Shalay ka cabanayeen ee ahaa dulmi,caburin iyo layn dad aan danbi lahayn,Hadaba sideebay suurtagal u tahay in aad sameyso wixii aad Adiguba Shalay ka cabaneysay.Maamulka Siilaanyo ayaa ka faa’iideysanayo karti xumida haysata Xasan Sheekh, waana sabab ay ugu duulayaan deegaano aan laga taageersaneyn gooni-isutaagga Somalind si ay u qabsadaan dhul ballaaran inta aan la gaarin 2016.

Waxaa runtii wax lala yaabo ah in aysan ka hadlin Culimada ku nool deegaanada uu ka taliyo Maamulka Somaliland dhibaatadu uu gaysanayo Maamulkan uu hogaamiyo Oday Siilaanyo,Waxaana loo qaadanayaa aamuskooda in ay raali ka yihiin dulmiga iyo gardarada uu sameynayo Maamulka mar hadaysan ka hadlin dulmigaasi,Waana Masuuliyad ay dayaceen Culimadaasi haddii Rabbi yiraahdana lagula xisaabtami doono.

Waxaa Iyadana wax laga xumaado ah, in aysan Dowladda Federaalka uga hadlin sidii la rabay faragelinta iyo duulaanka uu Maamulka Siilaanyo ku hayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Sool iyo Sanaag ee aaminsan Midnimada iyo Wadajirka Wadanka Soomaaliya.Waxaanse yaableh waxa looga hadli la’yahay gardarada ay wadaan kuwa kala dhantaalayo Midnimada iyo Wadajirka Wadanka mase jirtaa qadiyadd ka muhiimsan Midnimada Wadanka ?.

Waxaa Iyadana aan aad ula yaabay, Sida ay uga aamuseen Siyaasiyiinta Soomaalida iyo Maamulada ka jira dalka sida Puntland,Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Maamulka Jubba khudbaddii uu Siilaanyo ka jeedieyey Shirkii Xisbiga Kulmiyo, taas oo uu kaga hadlay Midnimada dalka,Waxa uuna Axamed Siilaanyo hoosta ka xariiqay in aysan dib danbe ula midoobeynin Soomaaliya inteeda kale.Anigu waxa aan garan la’ahay waxa ay u taagan yihiin Maamul goboleedyadan iyo waxa loo dhisay mar hadaysan ka hadlaynin waxyaabaha ka dhacayo dalka.

Guud ahaan dadka ku nool gobolada ay maamulaan Maamulka Somaliland, gaar ahaan dadka reer Awdal,Sool iyo Sanaag waa inay ku mintidaan Midnimada iyo Wadajirka Wadanka, waayo waa masuuliyad waajib ku ah qof kasta oo Wadani ah.Waxaan leeyahay reer Khaatumo inkasta oo aad ku jirtaan marxalad adag oo ay dhinacyada idinka saaran yihiin Labo Maamul oo qatar ku ah Soomaaliweyn iyo himaladeeda,hadana hiddo iyo dhaqan baad u leedihiin difaaca Soomaalinimada iyo wadajirkeeda insha alaahu taariikhduna wey idin xusi doontaa siday Shalayba u xustay Daraawiish iyo dadkii taageerayba.

Taariikhdu ma xusto mana qorto jaajuus iyo dabadhilif intuba,Waxaana tusaale noogu filan Daraawiish iyo dadkii taageeray,Kuwaas oo Maanta lagu daraaseeyo wanaagoodii goobaha Waxbarshada, halka aan marna magacooda la xusin kuwii u shaqeyn jiray Gumeystaha ee Umadda lugoyn jiray,Waxaa tusaale Labaad ah dadkii u soo halgamay Xornimada iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed sida SYL oo kale.

Midnimada iyo Wadajirka Wadanku waa furaha xaqiijinta aragtida Soomaaliweyn,kuwa Maanta ku doodayo waan go’aynaa waxaan leeyahay dadku habeenkibay riyoodaan laakiin adinku dharaar cad baan riyo ku jirtaan,Wadahadalada u socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland waxaa looga gol leeyahay in lagu xaliyo dhibaatada ay qabaan Walaalaheena reer Isaaq ee wax ka tabanayo Dowladdihii la soo maray.Gunaanudkii waxaan leeyahay Siyaasiyiinta reer Somaliland waqtiga yuusan idiin kaga lumin wax aan la gaareynin.

Gaba gabadii waxaan soo jeedinaya talooyinkan hoos ku qoran oo aan isleeyahay waa wax ku ool

1-Waxaan u soo jeedinayaa Culimada ku hoos nool Maamulka Somaliland in ay u sheegaan Siyaasiyiinta reer Somaliland qiimaha ay u midnimadu u leedahay Umadda Soomaaliyeed,Islamarkaana ay uga digaan Maamulka cawaaqibta ka dhalan karta gardarada iyo duulaanka uu ku hayo deeganada Khaatumo.

2-In ay qaataan Cuqaasha iyo Salaadiinta reer Somaliland doorkooda ku aadan Umadda Soomaaliyeed ee cadowgu dhinac kastaaba ka cunayo islamarkaana ay ka shaqeeyaan Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.

3-In ay joojiyaan Maamulka Somaliland gardarada iyo dulmiga uu ku hayo dadka Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda kala goynta dalka gaar ahaan dadka ku nool gobolada Awdal,Sool iyo Sanaag.

4-In ay joojiyaan Siyaasiyiinta reer Somaliland jahawareerinta ay ku hayaan jiilasha soo koroyo ee ay ku beerayaan naceybka iyo colaadda dadkooda, islamarkaana ay ka tanaasulaan gooni-isutaagga iyo kala qeybinta dalka.

5-In ay Siyaasiyiintu reer Somaliland ogolaadaan in ay Somalidu si dhab ah u wadahadasho islamarkaana la dhiso dowlad dhexe oo xoog leh oo ku taagan shuruuc adag.
W/Q:Abdullahi Ibrahim
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Axmed Siilaanyo oo isku shaandheen ku sameyay wasiiradiisa kadib markii…

Hargeysa (Caasimada Online) Digreerto xaley saqdii dhexe ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu sameeyay isku shaandheen kooban.

Haddaba xafiiska Caasimada Online ee Hargeysa ayaa heshay nuqul ka mid ah digreetada ka xoo baxday xafiiska madaxweyne Siilaanyo waxaan

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2448/052014 uu isku bedel iyo magacaabis ku sameeyey Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahan hoos ku qoran.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                       Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:               Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                       In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu La Tashaday:           Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:              In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1.      In Mudane, Aadan Cabdilaahi Cabdille, laga bilaabo taariikhda maanta uu

ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.

2.      In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee JSL.

3.      In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Cadaalada)

4.      In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, (hore Tacliinta Sare)

5.      In Mudane, Maxamed Cilmi Aaden, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Kalluumaysiga)

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.