28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Puntland: Sarkaal ka badbaaday dil

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas maanta oo ka dhacay qarax miino oo la doonayay in lagu khaarijiyo sarkaal ka tirsan maamulka Puntland.

Qaraxa ayaa ayaa ka dhacay xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in lala damacsanaa taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Cabdullaahi Shire Dool.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay qaraxa ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Gaalkacyo.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xilliga uu qaraxa dhacayay uusan taliyaha la socon gaariga.

Ciidanka booliska ee maamulka Puntland oo qaraxa kaddib tagay goobta ayaa gacanta ku soo dhigay dad aan tiradooda la sheegin oo lagu tuhmayo qaraxa.

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay maamulka gobolka Mudug ee Puntland iyo taliska ciidanka booliska oo ku aadan qaraxa ka dhacay Gaalkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Nin u eg Osama Bin Ladin oo..

Dhacdo Tv-yada Caalamka si weyn maalmahana looga daynayay taas oo ah mid qofkii arka Muuqaalka nin lagu magacaabo Helder Braga Fernandes oo u dhashay dalka Brazil ayaa caan ka noqday dalkaasi iyo dunidaba, isagoo aad u shabaho Hoggaamiyihii geeriyooday ee ururka Al-qaacida Osama bin Laden.

Wuxuu ninkan u egaanshaha Osama uu ku helay inuu shaqo ku abuurto, isagoo furtay baar khamriga lagu iibiyo, Ninkan ayaa soo jiitay insha dalxiisayaasha taga R Rio De Jeniero, oo maalintii iyo habeenkii ka caba khamri badan baarkiisa ee nala daawo muuqaalkani yaabka badan ee laga sameeyay ninkani reer Brazil.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Maxay ka hadli doonaan Madaxweyne Xasan Sh & John Karry

Addis Ababa (Caasimada Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in uu la kulmo xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, John Karri, siddaas waxaa baahisay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdi la socda ayaa hadda ku sugan Addis Ababa oo Jimcihii shaley ay gaareyn.

Madaxweynaha iyo Kerry ayaa ka hadli doono arrimaha ammaanka iyo xiriirka ka dhexeeya Maraykanka iyo dowladda Soomaaliya.

John Karry hadda wuxuu ku sugan yahay Jubba oo ah koonfurta Sudan, ma cadda sidda uu ku soo laaban karo maadama safarkiisa uu kooban yahay isla markaana ay labo waddan u harsan yihiin ilaa berri.

Sidda qorshaha uu ahaa Kerry iyo Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu waday in ay kulmaan maalintii Khamiista ee la soo dhaafay.

Si kastaba, magaaalada Addis Ababa ku sugan wafdi kale oo ka socda wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, waxaana ka mid ah Linda Tomas Greenfield iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda marka ay u dhammaato booqashada ay ku joogaan Addis Ababa waxa ay u sii baqooli doonaan dalka iskutaga imaaraadka carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

[email protected]

Muxuu salka ku hayaa socdaalka uu Xasan Sheekh ku tagay Addis Ababa?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u dhoofay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkasoo la sheegay in uu kulamo kula qaadan doono madaxda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa muddo labo cisho ku sugnaan doono Addis Ababa, kaddibna wuxuu u safri doonaa dalka isku taga imaaraadka carabta, isagoona casuumad ka helay boqorka dalkaas, Sheekh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweynaha inta uu joogo Ethiopia wuxuu kulamo la qaadan doona madaxda dalkaas sidda madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha siddaas waxaa laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynha dadka ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa ka mid ah ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Sidda qorshaha uu ahaa madaxweynaha waxaa la rabay in uu la kulmo xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka John kerry oo tagay Addis Ababa, balse sakaay ayuu ka soo ambabaxay isagoona hadda ku sugan magaalada Jubba ee xarunta koonfurta Sudan.

Ma cadda in madaxweynaha uu kula kulmi doono Addis Ababa saraakiil ka tirsan dowladda Maraykanka, ama in John Kerry kusoo laaban doono Addis-Ababa, hase yeeshee qorshuhu wuxuu ahaa in labada mas’uul ay kulmaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Digniin cusub oo ku socota Somalia oo lasoo saaray ayadoo laga cabsanayo…

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo ay soo saartay Jimcaha maanta waaxda falaanqeynta sugnaanta cuntada iyo nafaqada u qaabilsan hay’adda FAO ee magaceeda loo soo gaabiyo FSNAU ayaa lagu sheegay in ay jirto khatar weyn oo ku soo fooleh Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dib u dhaca ku yimid roobka xilliga gu’ga ee Soomaaliya iyo qiimaha kordhaya ee cuntada oo ay wehliso amni-darrada Soomaaliya ay xumeyn karto xaaladda cunto ee dalka, bilaha soo socda.

Hey’adda FSNAU waxaa kaloo warbixinta ay ku sheegtay in cunto xumida ka jirta Soomaaliya ay suuragal tahay inay saameyso gobollada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose oo wax soo-saarka ugu badan ee masagada uu ka soo go’o.

Warbixintu waxay sheegtay in qiimeyn ay bishii January natiijadeeda soo saareen FSNAU iyo Isku-xirka ka diga abaarta ee FEWS NET ay 857,000 ku qiimeeysay dadka ku nool gobollada Soomaaliya ee wali ku jira xaalad bini’aadannimo oo u baahan caawimaad deg-deg ah.

Beerashada xilliga Gu’ga ayaa meelo badan oo koonfurta Soomaaliya ah ka billaabatay bishii March, in kastoo dhaqdhaqaaqa beerashada uu aad u hooseeyay goobaha ay colaadda ka jirto ee Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, sida ay sheegtay FSNAU.

Warbixintu waxay saadaalisay in roob-yarida meelaha qaar ee bishii April ay qasbi karto inay dib u beertaan dalagyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Qunsulka Kenya oo lagu sheegay inuu yahay Barasaabkii Jubbooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulsaaaahi Xasan isaaq oo ka mid Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolada Jubboyinka ayaa mar uu u Waramayey Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa wax laga weydiiyey Qunsul Dowladda Kenya u soo Magacowdey Gobolada Jubbooyinka kaasoo la sheegey in uu dhawaan Waraaqihii Aqoonsiga ka Gudoomey Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe , waxaana uu sheegey in ay arrintaas ay Xadgudub ku tahay Qaranimada Soomaaliya.

“Maha Qunsul ee waa Barasaabkii Gobolada Jubbooyinka ee Dowladda Kenya” ayuu yiri Col Cabdulaahi oo sheegey in ay la yaab tahay in Dowlada Soomaaliyeed sidii la rabay aysan weli kaga hadlin Xadgubkaas ay Dowlada Kenya kula kacdey Qaranka Soomaaliyeed , waxaana uu u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed in ay arrintaas sida ugu dhaqsiyaha badan uga dhiidhiyaan.

“Dowlada Kenya ma aqoonsana Dowlada Federaalka taasna waxaa ku Cadeynaya Xadgudbkii ay kula kacdey Qunsulkii Soomaaliya ee u fadhiyey Dalka Keynya Siyaad Maxamuud Shire “ ayuu yiri Col Cabdulaahi oo sheegey in waxa ka taagn Gobolada Jubooyinka ay yihiin Gumeysi Cusub oo ku soo kordhey Xaaladda Soomaaliya.

Waxaa uu sii raaciyey “Waxaa Xaqiiqo ah in Gobolada Jubbooyinka ay bixiyeen Dadkii hore u bixiyey Dhulka Soomaaliyeed NFD, waxaan ayaandaro ah in Barasaabka Dowladda Kenya u soo Magacaabey Gobolada Jubooyinka uu yahay nin u dhashey Qabiilka Kukuuyada oo maanta dadkeenii ku dhibaateynaya Dalka Kenya, marka waxaan u soo jeedinayaa Dowlada Soomaaliyeed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan Xiriirka ugu jarto Dowlada Kenya islamarkaana ay gabi ahaan joojiso Qaadka ka imaanya Dalka Kenya iyo wixii kale ee Ganacsi ah “

1989 ayay ahayd Markii Dowladda Kenya ay Xadgudub kula kacdey Dad badan oo Soomaaliyeed oo ku noolaa Dalka Kenya waxayna taas keentey in uu ka hadlo Wasiirkii Ganacsiga ee Xiligaas Cabdiqaasim Salaad Xasan oo sheegey in aan Kenya loogu Dulqaadan doonin Dhibaateyna Shacabka Somaaliyeed hadii ay sidaan ku sii socotana Xiriirka loo jari doono Dowlada Kenya, taasina waxay soo Dedejisey in Dowladda Kenya Go’aankaas ka laabato,hadaba sow arrintu uma muuqato in aaney Soomaalida maanta “CIDNA U MAQANEYN CEELNA U QODNEYN”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

AXMED MADOOBE oo qunsulka Kenya ka guddoomay warqadaha aqoonsiga

Kisamayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa habeenkii xaley lagu qabtay xaflad lagus oo dhaweenaayo qunsul ku sheega ay Kenya u soo magacowday toddobaadkan magaalada Kismaayo.

Xafladda oo ka dhacday xarunta madaxtooyada, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba.

Axmed Madoobe ayaa guddoomay warqadaha aqoonsiga qunsulka dowladda Kenya u soo magacowday Kismaaya oo lagu magacaabo Hillary kyengo.

Mar uu ka hadlaayay Axmed Madoobe qunsulka la soo magacaabay iyo howsha uu qaban doono wuxuu yiri “Hillary kyengo wuxuu xoojin doonaa xiriirka u dhexeeya maamulkeena iyo dowladda Kenya.”

Wuxuu sheegay in qunsulka cusub uu dhawaan xafiiska ka furan doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shaley la weydiiyay in uu ka hadlo qunsulka Kenya u soo magacowday Kismaayo ayaa sheegay in ilaa hadda aysan ogeyn qunsul la soo magacaabay kaliya ay ogyihiin safiirka Kenya u soo magacowday Soomaaliya isagoona intaas ku daray in ay wadaan baaritaan arrintaas ku aadan.

Madaxweynaha wuxuu kaloo xusay in xiriirka Kenya iyo Somalia uu wanaagsan yahay, isagoona intaas ku daray in dowladda Kenya ay ka sugayaan jawaab ku aadan qunsulka Soomaaliya ee dhawaan lagu xiray Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kisamayo

[email protected]

Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sh: DF ayaa Somaliland ka saartay Taleex

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay kaalin ku lahayd in ciidamada maamulka Somaliland ay ka baxaan degmada Taleex, oo ay qabsadeen bishii tagtay.

Madaxweynaha ayaa Sheegay inuu la hadlay Maamulada labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Puntland, si ay Ciiidamada Somaliland dib ugu baxaan Degmada Taleex.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalkii Taleex uu ahaa md ay ka xumaayeen, islamarkaana ay ka bixiyeen Jawaabtii ugu habooneyd.

Hadalkaan ayuu shalay ka jeediyay xarunta madaxtooyada Soomaaliya,xilli wariyaasha su’aalo ay weydiinayeen.

Bartamaha bishii hore ee April ayay ahayd markii Ciidamada Maamulka Somaliland ay Gudahaha u galeen Degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Halkan ka dhageyso madaxweynaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Waxaa la helay WARQAD SIR ah oo ay mucaaradka u direen R/W Cabdi Weli iyo habka ay beelaha u rabaan xilalka

Waxaa qoraal ka yimid garab ka mid xubnaha ugu cadcad mucaaradka maamulka Jubba oo ay u direen ra’iisul wasaare Cabdi Weli kuna dalbayaan xilal dhowr ah oo ay beelaha dega Jubbooyinka ku doonayaan xilal..

Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan fool ka fool ah oo dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed iyo Dr, Abdi Shire Warsame oo ah wakiilka Col. Barre Hiiraale ee Muqdisho. Waxaana kulankaasi dood adeg laga yeeshay xal u helida arrimaha Jubba oo la isku maandhaafsanaa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa isaga oo ka duulaya dhageysiga xubnaha is ku haya gobolladaasi iyo muhiimada ay leedahay isku soo dhaweynta shacabka Soomaaliyeed, waxaa uu Dr, Abdiweli Shire iyo xubnihii kale ee la socday ka dalbaday inay qoraal kasoo dhigaan fikirkooda. Sida ay inoo sheegeen xubno goobjoog ka ahaa kulankaasi.

Dr. Cabdi Shire Warsame ayaa  diyaariyey warqad ka kooban saddex bog taasi oo uu diirada ku saarayey marinka ugu habboon ee loo mari karo dib u hishiisiin iyo maamul qeybsiga gobollada la isku yiraahdo JUBBA. Waxaa uu si cad qoraalkan ugu sheegay Abdi Shire inuusan WAX XIL AH KA RABIN MAAMULKA JUBBA. Taasi oo meesha ka saareysa tuhunkii laga qabay inuu xil doon ka yahay xaalka Jubbooyinka.

1. Bilowga hore ayuu sheegay Dr, Abdi Shire inay muhiim tahay sidii la iskula fahmi lahaa cidda ay u dhexeyso khilaafka ka jira gobolladaasi iyo waxa la isku khilaafan ee u baahan in laga hishiiyo.

2. Ciidanka Goobweyn jooga oo uu sheegay inay magaalada uga baxeen dagaal sidaasi darteedna loo baahan yahay inay magaalada Kismaayo kusoo noqdaan  iyagoo hubkooda wata, Maxaa yeelay buu yiri ma muuqato is aaminaad dhextaal ciidamada ku diriray magaalada inta laga hishiisiinayo.

3. Qodobka  ugu xasaasisan ayaa ah in ku xigeenka Axmed Madoobe oo ah Gen. Fartaag gebi ahaan meesha laga saaro oo lagu badelo nin kale oo ay beesha SADE la timaado, waxaana uu intaasi sii raaciyey inay beeshaasi muhiim u tahay helista wasaarada arrimaha gudaha ama guddoomiyaha degmada Kismaayo oo ay iminka beesha MAJEERTEEN heysato.

4. Arrinta dekeda Kismaayo ayuu ku sheegay qoraalkiisa in gacanta loo geliyo mas’uul kasoo jeeda beelaha HIRAAB, taasi oo aan la ogeyn sida ay uga daadagi doonto Axmed Madoobe iyo kooxdiisa.

Lama yaqaan sida uu Ra’iisul wasaare Cabdiweli Shiikh Ahmed oo ay qoraalkan toos ugu socoto u aqbali doono iyo siduu fulinta talooyinka meeshan ku qoran ugala hadli doono maamulka Ahmed Madoobe. Walow qodobada qaar uusan ku qanacsaneyn sida loo qoray Ra’iisul wasaaruhu.

Dr. Cabdi Shire qoraalkan iyo shaxda qaabka ay la tahay in wax loo qeybsanayo ayaa marka aad fiiriso waxaa kuu muuqaneysa inay garabkooda rabaan in wax waliba laga soo bilaabo maalintii hishiiskii Adis Ababa la gaarayey oo aysan magacowneen wasiirada uu iminka dhistay Axmed Madoobe.

Xeeldheerayaasha sida dhaw ula socda siyaasada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa qaba fikirka  Dr, Abdi Shire soo bandhigay midka ugu dhaw ee wax lagu xallin karo, balse waxaa ay intaasi ku dareen inay u baahan tahay go’aan qaadasho geesinimo leh oo laga fisho dhinacyada Xukuumadda Dr, Abdiweli Shiikh  iyo Axmed Madoobe, waa haddii la doonayo in wax la isku darsado. Sida ay yiraahdeen.

Ahmed Madoobe ayaa dhankiisa aad uga soo horjeeda in aan hoggaanka dekeda Kismaayo loo dhiiban shaqsi aan DAAROOD aheyn. Waxaase muuqata in isbaheysiga Col, Barre Hiiraale taasi kasoo horjeedaan oo ay qabaan in Kismaayo shacabka deggan ay u siman yihiin qabashada xilkaasi.

Halkan ka arag warqadda

Bogga koowaad qoraalka
Bogga labaad qoraalka 
Bogga saddexaad qoraalka 

Isha: Kismaayo24.net

Dowladda KENYA oo digniin la siiyey

Nairobi (caasimada Online) – Hay’adaha u dooda xaquuqda bini’aadamka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay howlgalada ay ciidanka Kenya ay ku dhibaataynayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magalada Nayroobi.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Xaquuqda aadanaha ee HRW ayaa lagu sheegay inay sii socdaan howlgalada lagu baacsanayo Soomaalida Xafada Islii ee magalada Nayroobi taasoo ka hor imaanaysa ilaalinta xaquuqda caalamiga ah,waxayna Hay’addu Kenya ugu baaqday inay joojiso tacadiga ay dadka rayidka ah ku hayso.

“Ciidamada Kenya ayaa joogteeya cadaadiska dadka jilicsan oo ay ugu horeyaan Soomaalida sababtuna ma ahan in Kenya ay raadineyso nabad u gaar ah, nabadu waxa ay ku jirtaa la dhaqanka bulshada, Soomaaliduna arinkaasi door muuqda ayeey ku leeyihiin, dowlada Kenya waa iney dib u eegtaa dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidamadeeda”

Dowladda Kenya ayaa xaafada Islii ku tilmaamtay xaafada musuq maasuqa ee ciidanka Kenya ay ku badan yihiin taasina waxay keentay in Soomaalida degan si arxan daro ah loola dhaqmo.

Madaxwaynaha DF ayaa sheegay inay ka xun yihiin falka lagu raafayo shacabka Soomaaliyeed iyadoona aysan jirin ilaa iyo hada tilaabo ay ka qaadeen arrintasi.

Safiirka Somalia ee Kenya Maxamed Cali Ameerica ayaa sheegay Dowlada Kenya inay raali galin ka bixiso xariga ay ciidanka Nayroobi u gaysteen Siyaad Maxamed Shire oo safaarada ka tirsan.

Sanadkii qaad ”Jaad”ku fadhiya malaayiin doolar ayay Kenya keentaa Soomaaliya waxana socda mooshin xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay ka wadaan qaadka si dalka looga mamnuuco.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Madaafiic lagu garaacay Muqdisho oo dad badan ay ku baaba’een xalay

Muqdisho (Caasimada Online)-Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimmatay in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmayn madaafiic xaley lagu garaacay xaafaddo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online in uu arkay meydka shan qof oo ay ku jiraan aabo iyo wiilkiisa oo ku dhintay madfac ku dhacay gurigooda sidoo kale waxaa ku dhaawacmay hooyadii iyo labo carruur kale.

“Xaley xaafadda waxaa ku soo dhacay ilaa shan hoobiyaal ah kuwaasoo khasaaro geestay, waxaana ku dhintay shan qof 11 kelana waa ay ku dhaawacmayn, madaafiicda waxaa loo waday fadhiisin ciimada AMISOM ay ka deggan yihiin kuliyadda Jaalla Siyaad iyo Siliga Marayka” ayuu yiri goobjoogaha noo warramay.

Wuxuu sheegay in goobta saakay ay soo gaareyn ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo hadda baaritaano ka wada xaafadda ay dhacdada ka dhacday.

Wuxuu sheegay in madaafiicda laga tuurayay baabuur nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomeeyda oo xaafadda ayaa lagu arkay ayuu sii raaciyay hadalkiisa goobjoogaha noo warramay.

Ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay madaafiic xaley lagu weerarray magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

PUNTLAND OO SHAN ARRIN DALBATAY

Garowe (Caasimada Online) – Madaxwayne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxwaynaha Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii beesha caalamka looga heli lahaa gargaar deg deg ah oo lagu sabaxato bixiyo qoysas kumanaan gaaraya oo mucaawino u baahan.

Camay ayaa shalay madaxtooyada kula shiray guddga abaaraha ee Puntland waxayna ka wada hadleen xaalada qoysaska gaaraya 300.00 oo gurmad degdeg ah u baahan maadama ay saamayn ka soo gaartay roobabkii qabowga watay ee sanadkii hore dhamaadkiisa ka da’ay deegano ka tirsan Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay codsi 24/04/2014 loo gudbiyey hay’ada Initial Humanitarian Affairs And Disaster Managemant Agency (HADMA), iyo sida ay u arkeen wax ka qabashada amuurtaasi haday yihiin Inter- Agency mar haday ay ka war qabaan xaalada abaareed ee ka taagan Puntland.

Dhowr qodob ayay labada dhinac ka hadleen oo lagu sheegay inay muhiim tahay in wax laga qabto.

1. In dayactir lagu sameeyo ceelsha biyaha ee deegaanada miyaga loona baahan yahay in lala soo gaadho agab dayactir.

2. In biyo deg deg ah lala soo gaadho meelaha oomanaha ah.

3. In iyada oo la eegayo dhinaca aadminimo si dhakhso ah loo diyaariyo qalabka biyaha iyo shidaal lagu hawl galo si loo yareeyo culayska jira.

4. In la diyaariyo xarumo caafimaad iyo daawooyin lagu daryeelo meelaha sida aadka ah ay usaameeyeen Abaaruhu.

5. In si dhakhso ah xoolaha nool ee kusgan meelaha Aabaaruhu aadka usaamaayeen loo gaadhsiiyo daawayn iyo xanaanayn.

Dawlada Puntland ayaa dhankeeda waxay sheegtay inay qaadan doonto qayb lixaad leh sidii dadka iyo xoolaha tabaalaysan ee Abaaruhu ku habsadeen loo gaadhsiin lahaa gurmad degdega.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyey in xaalada baniaadanimo ay kasii dari doono haddii xili roobaadka gugu uu dib u dhaco Abaartuna sii daba dheeraato.

 

Xasan Sheekh oo ka hadlay qunsulka Kenya u soo magacowday Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay qunsulka Kenya u soo magacowday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa saxaafadda ay weydiiyeen wax yaabaha ay kala socdaan qunsul Kenya ay toddobaadkan u soo magacowday Kismaayo uu tagay halkaas.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ilaa hadda wado baaritaan ku aadan ninka yimid Kismaayo ee la sheegay in uu yahay qunsulka Kenya u fadhiya Kismaayo.

Wuxuu kaloo sheegay in ay xiriir la sameeyeen dowladda Kenaya oo ay arrintaas wax ka weydiiyeenm wuxuu xusay in Kenya ay sheegtay in wax qunsul ah ilaa hadda soo magacaabin marka laga reebo safiirka Kenya ee Soomaaliya.

Madaxweynaha wuxuu hoota ka xariiqay marka loo eego xeerarka caalamiga in aaney dhib ku jirin in qunsul dowlad ay soo magacowdo oo magaalo ka mid ah Soomaaliya, sidda Beledweyne, Hargeysa iyo Garoowe xafiiska uu ka dhigan karo.

Wuxuu sheegay marka loo eego Soomaalida waxa ay lee yihiin safiiro iyo qunsuliyado oo kala magaalo ku shaqeya arrintaasna ilaa hadda baaritaan ayaa ku wadnaa ayuu yiri.

Madaxweynaha dhinaca kale, wuxuu ka hadlay xiriir u la sameeyay madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland, kaddib markii labada maamul ay ku sigteen in uu dagaal ka qarxo.

Wuxuu sheegay in xiisadii ka taagneed Taleex dowladda Soomaaliya ay doorweyn ku lahayd siddii loo qaboojin lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

SOMALI LAGU DILAY KONFUR AFRIKA

Johannesburg (Caasimada Online)-Burcad South Afrikan ah ayaa labo qof oo Soomaali ah ku dishay meel ku dhow magaalada Johannesburg.

Dilka ayaa yimid markii kooxda burcadka ay weerar ku qaaday dukaan ay joogeyn labada wiil isla markaana ay dhaceyn, siddaas waxaa BBC-da u sheegay Cabdulaahi Maxamed Fakad oo milkiilaha dukaanka la weerarray.

Wuxuu sheegay in booliska ay soo gaareyn goobta dilka uu ka dhacay kuwaasoo baaritaan wada balse wuxuu muujiyay in wax rajo ah aaney ka muuqan.

Wuxuu sheegay oo kale in dukaanka laga dhacay lacag badan oo uu lahaa.

Meydka labada wiil ayaa la filayaa maanta oo Jimco ah in lagu aaso goobta lagu dilay, sidda uu lee yahay Cabdulaahi Fakat.

Waa dilal taxano ah oo lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika, mana jirto cid u is taagtay in la joojiyo dilalkaas.

Sidoo kale ma jirto cid soo qabata dadka dilalka u geesta Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: Horumarka & bilicda Muqdisho waxaa ka dhiman kaalinta dowlada

Horumarka Baaxada weyn ee ka soconaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ku fidaya banaanada Magaalada Muqdisho, Balse waxaa haray kaalinta Dowlada Somalia taas oo ah in aysan Dowlada wax ka qabaneynin goobaha xarumaha dowlada ee dunsan. Muuqaalo laga naxo oo ah xarumaha dowlada ee u baahan dayactirka oo aysan dowlada rabin in ay wax ka qabato kuwaas oo u badan Wasaarado dowlada ay lee dahay iyo xarumihii ugu waaweynaa ee horumarka dalka ka mid ahaa ee nala daawo muuqaal calool xumo badan oo ku tusinaya goobo ku yaalo muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Xog laga helay cidda lala damacsanaa qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha bangiga dib u dhiska Soomaaliya, Cabdulaahi Afrax ayaa ka hadlay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay qaraxa in lala eegtay baabuur uu lahaa agaasime waaxeedka bangiga Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Faarax Jeesow.

Wuxuu sheegay qaraxa in uu dhacay mar uu ka maqnaa goobta agaasimaha oo gurrigiisa ayuu jiray oo maanta fasax ayuu ahaa sidda uu yiri.

Wuxuu beeniyay in qaraxaas isaga lala damacsanaa.

Wuxuu kaloo guddoomiyaha ayaa caddeeyay in agaasimaha ka mid yahay dadka caaddiga ah ee magaalada iska dhex mara iyagoo aan la waardiyeeneynin oo ma galo arrimaha siyaasadda ayuu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in ay socdaan baaritaan lagu ogaanayo sidda uu qaraxa ku dhacay oo ay wadaan laamaha ammaanka.

Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay qaraxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Diblomaasi safaaradda Soomaaliya ka tirsan oo weli u xiran Kenya & DF oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayihii Koowaad ee Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi, Ilyaas Yuusuf Warsame ayaa waxa uu weli ku xiran yahay dalka Kenya.

Diplomaasigaasi oo la qabtay bishii January ee sannadkan, ayaa la sheegay inuu u xiran yahay Ciiddanka Boliska ee La-dagaalanka Argagixisadda ee Kenya, iyadoo bishii February lagu soo oogay inuu saaxiib la ahaa rag kale oo loo haystay waxa loogu yeero Argagixisadda.

Qaar ka mid ah Qaraabadda Diplomaasigaasi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in loo hawlgalo sidii Dowladda Kenya loogu cadaadin lahaa inay soo daayaan Diplomaasigaasi sabab la’aanta dhowrka bilood ugu xiran dalka Kenya.

Arrintan ayaa ku soo beegmayso iyadoo ay Dowladaha Somalia iyo Kenya ka dhex aloosan tahay xiisad Diplomaasiyadeed oo ka dhalatay xarigii Qunsulka Guud ee Safaaradda Somalia ku leedahay Nairobi, Siyaad Maxamuud Shire oo isbuucii hore dhowr saacadood la xiray.

Ilaa iyo haatan, Dowladda Kenya wax raalli-gelin rasmi ah kama bixinin xariga Qunsulka Guud, waxayna taasi muujinaysa inay Kenya wax haybad ah u haynin Dowladda Somalia iyo Muwaadiniinta Soomaalida ee ku sugan gudaha Kenya.

Kumanaan Soomaali ah ayaa ku-dhawaad hal bil ku xiran Saldhigyo ku yaalla Nairobi, kuwaasi oo aan wax dacwad iyo Maxkamad aan la soo taagin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Axmed Madoobe oo qorshe cusub ka leh maleeshiyaadka u dagaallama

Kismaayo (Caasimada Online)- Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, waxaa maalintii labaad ka socda shir xasaasi ah oo looga hadlaayo amniga magaalada iyo dib u habayn la doonayo in lagu sameeyo maleeshiyaadka u dagaallama maamulka KMG ah ee Jubba.

Shirkan in la qabto waxaa lahaa hoggaamiye Axmed Madoobe, waxaana uu ka qaybgalaya wasiirka ammaanka maamulka Jubba iyo dhammaan laamaha ammaanka magaalada.

Ujeedka shirkan ayaa lagu sheegay in uu yahay siddii lagu ogaan lahaa sababaha keenay in dilalka magaalada ay weli sii socdaan.

Axmed Madoobe ayaa damacsan inuu isbadal ku sameeyo saraakiisha hoggaamisa maleeshiyaadka u dagaallama, iyo in magaalada la keeno ciidamo hor leh.

Magaalada toddobaadkan waxaa ka dhacay dilal oo qaar ka mid ah lagu khaarijiyay maleeshiyaad u dagaallama hoggaamiye Axmed.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa u eg mid faraha ka baxay, oo dilalka waa joogto cid loo soo qabtayna ma jirto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Danjire America: “Kenya waa in ay raali gallin ka bixisaa xariggii qunsulka”

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa hadlay tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa soo turjuntay wareysi uu siiyay Shabakadda Sabahi, dajire Ameeriko oo lagu qoray af Ingiriis.

Ugu horreyn danjire Ameeriko ayaa ka codsaday dowladda Kenya in ay raalli galin ka bixiso xariggii 25-kii bishii horre kula kacday qunsulka Soomaaliya u qaabilsan Kenya, Siyaad Maxammud Shire.

Dajire Ameeriko oo hadda si KMG ah ugu sugan Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay sidda uu dhacay xarigga diplomaasiga Soomaaliga ah iyo tallaabadaas wax yaabaha ay u dhimi karto xiriirka diplomaasi ee u dhexeey labada waddan.

Wuxuu sheegay qunsulka in la xiray isagoo u socday gurrgiisa Jimicihii horre, isagoona kolkaas maryay goob ciidamada Kenya ay ka wadayn howgallo raaf ah.

“Booliska ayaa joojiyay kuna yiri keen dikumintiyada aad wadato, wuxuu soo bixiyay kaarkiisa diplomaasi isagoona isugu sheegay in uu yahay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya”

Wuxuu sheegay in arrintaas aan dhag jalaq loo siin deetana xabsiga la dhigay oo la xiray isagoona intaas ku daray markii ay tagayn xabsiga in ay la kulmayn sarkaalka booliska una sheegayn ninka la soo xiray in uu yahay dilomaasi Soomaali ah, laakin arrintaas waxbo iskama badalin ayuu yiri.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Nuur oo ka soo dagaya diyaarad soo fadhiisatay garoonka Aadan Cadde isagoona xambaarsan carruur ka mid ah dadka laga soo tarxiilay Kenya 17-kii bishii April
Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Maxamed Cali Nuur oo ka soo dagaya diyaarad soo fadhiisatay garoonka Aadan Cadde isagoona xambaarsan carruur ka mid ah dadka laga soo tarxiilay Kenya 17-kii bishii April

Qunsulka waxaa la geeyay xabsiga Kilimani, markii loo diidday in la sii daayo, intaas kaddib waxaan la xiriiray madaxa booliska iyo wasiirka arrimaha dibedda waxaana u sheegay sidda ay wax u dhaceyn ugu dambeyn waa la sii daayay” ayuu yiri Dajire Ameeriko.

Waxaa la weydiiyay sidda uu u arko qaabka loola dhaqmay qunsulka?

Wuxuu yiri “Aad ayaan uga xumay qaabka loola dhaqmay waana mid dhaawici karta xiriirka diplomaasi ee Kenya iyo annaga waxa ay ahayd tallaabo khaldan oo xad gudub ku ah xeerarka diplomaasiyada caalamka.”

Waxaa kaloo la weydiiayy wax yaabaha ay ka rabaan dowladda Kenya in ay sameyso?

Wuxuu sheegay in ay doonayaan dowladda Kenya in ay raalli galin ka bixiso wixii dhacay oo ay dowladda Soomaaliya siiso isla markaana aysan soo laaban tallaabadaas oo kale

Waxaa kaloo la weydiiyay ilaa hadda wax jawaab Kenya ka soo saartay falkaas?

Wuxuu shegeay in ilaa hadda aysan jirin wax jawaab oo ka timid dowladda Kenya, balse wuxuu yiri si shakhsi ahaan ayaa wasiirka arrimha dibedda Kenya Amiin Maxamed raalli galin iisiisay oo ku saabsan qaladka dhacay.

Muwaadiniin Soomaali iyo Ethiopian ah oo lagu soo qabtay howgallo ka dhana ah argixiso oo ciidanka booliska ay ka sameeyeen xaafadda Islii
Muwaadiniin Soomaali iyo Ethiopian ah oo lagu soo qab qabtay howgallo ka dhan ah argixiso oo ciidanka booliska ay ka sameeyeen xaafadda Islii

Waxaa la weydiiyay in tallaabadan aaney ahayn tii ugu horretsay oo uu jirro diplomaasi kale oo Soomaali ah oo ku xiran Kenya, waxaa la weydiiyay oo kale in uu ka warbixiyo sidda uu u dhacay xarigga xoghayihii safaaradda Ilyaas Yuusuf  Warsame bishii January?

Dajire Ameeriko ayaa xusay in weli uu xiran yahay Mudane Ilyaas isla markaana uu socdo baaritaan intaas wax dhaafsiisanna uusan ka bixin karin.

Waxaa la weydiiyay in falka ciidamada Kenya ay ku dhaqaaqeyn in uu dhaawici karo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya?

Danjire Ameeriko ayaa tilmaamay in lix sanno iyo ber uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya, uusan weli arkin dhacdada dhacday oo kale, isagoona intaas ku daray in ay u baahan yihiin raalli galin buuxda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]