28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Col. BARRE HIIRAALE oo Kismaayo ku qabanaya shir “Maxaa soo kordhay?”

Kismaayo (Caasimada Online) – Mucaaradka Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay in shirweyne dib-u-heshiisiin in ay ku qaban doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Salaad Cilme Axmed,oo ah afhayeenka kooxaha mucaaradka Axmed Madoobe, oo la hadlay Idaacad Muqdisho ku taalla ayaa sheegay in dhawaan magaalada Kismaayo ay ku qaban doonaan shirweyne ay ka soo qaybgali doonaan dhammaan beellaha deggan Jubbooyinkan.

Wuxuu uu sheegay in shirkan uu soo agaasmimay hogaamiyaha kooxaha kasoo horjeeda maleeshiyada Axmed Madoobe, Col. Barre Hiiraale. Lama yaqaan sida ay kooxdan ugu suurta geli doonto arrintan.

Ninkan oo ku sugan duleedka Kismaayo gaar ahaan deeganka Goobweyn ayaa sheegay in shir dhawaan lagu qabtay Kismaayo oo la dhahay waa shir dib u heshiisiin in uu yahay shir ay ka qaybgalayaan hal beel.

Wuxuu sheegay in shirkaas ay soo qaban qaabisay koox jabhad ah oo qabsatay hal magaalo sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay in shirkooda uusan noqon doonin shir hal beel lagu casuumo ama beelaha deggan Jubbooyinka la bahdilo oo la dhaho waxbo ma gashaan.

Dhinaca kale, Salaad Cilmi Axmed ayaa ka hadlay qunsul dowladda Kenya u soo magacowday Kismaayo, wuxuuna ku tilmaamay arrintaas in ay muujineyso Kenya in ay qabsatay Kismaayo.

“Waa ayaan darro maxaa yeelay Kenya iyada aya qabsatay Kismaayo, haddana iyadda ayaa u soo magacowday qunsul, waa in qofkasta oo damiir leh uu kacaa, waa arrin u taalla baarlamaanka iyo dowladda si wax looga qabto arrintaas maxaa yeelay in diplomaasiyiinteena loola dhaqo siddaas iyagana siddaas ay sameeyaan” ayuu yiri afhayeenka mucaaradka Axmed Madoobe.

Si kastaba, hadalka Salaad Cilmi ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan magaalada Kismaayo uu ka furmay shirweyne la sheegay in uu yahay mid lagu heshiisiinaayo beelaha deggan Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kisamayo

[email protected]

Quursiga Kenya iyo hab-dhaqanka DF SOMALIA ee doqon-ma-garatada ah

Dabeecadaha Diplomaasiyadda ayaa waxaa ku sidkan qoddob laguma xad-gudbaan ah oo lagu dhowrayo Haybadda iyo Xasaanadda Diplomaasiyiinta.

Xeerarka Caalamka ayaana lagu muujiyey xushmadda Diplomaasiga iyo inaan lagu xad-gudbi Karin, lana baari Karin oogadiisa, shandadihiisa iyo Dhismayaasha Safaaradaha, Qunsulliyadda iyo Ergooyinka.

Xushmadda noocaasi haddii lagu xad-gudbo waxaa ka dhasha Xasaasiyad ka mug weyn xitaa hubka la isla dhaco, waxaana taasi laga dareemi karaa sida ay xaalladuhu u cakirnaadaan, marka uu khilaaf Dipolmaasiyadeed ee soo kala dhex galo Dowladaha Caalamka.

Haddii ay Dowladuhu khilaafkooda Diplomaasiydeed ku xalin waayaan saacaddo iyo maalmo gudaheeda waxaa hubaal ah inuu xiriirkii Diplomaasiyadeed bohol laga tuuray.

Dowladdii Kacaanka ee Madaxweyne Jeneral Maxamed Siyaad Barre, Allaha U naxariistee hoggamain jirey ayaa tusaale loo soo qaadan karaa Dowladihii soo maray Dalkeenna ee ay Xiisadaha Diplomaasiyadeed saamaynta ku yeeshen.

Sannadihii 60-aadka iyo dabayaaqadii 70-aadkii ee Qarnigii hore, Dowladdii Midowgii Soofiyeeti ee burburtay (USSR) ayaa waxay xiriir Diplomaasiyadeed, mid Milliteri iyo mid Dhaqaale la lahaayeen Dowladihii isaga kala dambeeyey Talada Somalia ilaa Dowladdii Kacaanka ee Nidaamka Hanti-wadaagga ku dhaqmi jirtey.

Dagaalkii 77-kii ee ay Ciiddankii XDS la galeen Ciiddamaddii dalka Ethiopia ayaa waxa uu folkaano Diplomaasiyadeed ka dhex dhaliyey Dowladihii Somalia iyo Midowgii Soofiyeeti (USSR), kadib, markii ay Maamulayaashii dalkaasi bilaabeen inay u xagliyaan Hoggaamiyihii Milliteriga ee hayey Taladda dalkii Midowgii Soofiyeet, Kornel Mingiste Haie Mariama oo Ciiddankiisa looga gacan-sarrreeyey Dagaalkii 77-kii.

Golihii Sare ee Kacaanka ee hayey Talada dalkeenna Somalia, waxay kulan khaas ah ka yeesheen arrintaasi, waxayna guddoonsadeen inay Dowladdii Midowgii Soofiyeeti u jaraan xiriirkii Diplomaasiyadeed iyo in waqti kooban loo qabtay Diplomaasiyiintii Midowgii Soofiyeeti si ay uga baxaan Somalia.

Go’aankaasi ayaa lagu tilmaamaa inay ka mid ahaayeen Go’aamadda fara-ku-tiriska ee ay Jeneral Maxamed Siyaad Barre iyo Golihii Kacaanka ku tallaabsadeen.

Haddaba, haddaynu u soo laabano Xiisadda Diplomaasiyadeed ee haatan ka dhex aloosan Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa waxaa la oran karaa inay abuurtay xasaasiyad xoogan.

Isbuucii hore ayey ahayd markii ay Ciiddanka Boliska Kenya ku tacadiyeen Qunsulka Guud ee Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi.

Dilomaasi Siyaad Maxamuud Shire ayaa la sheegay inay Boliska Kenya ka qabteen Xaafadda Hurlingham ee Nairobi, kadibna waxaa muddo labo saacadood ku hayeen Saldhigga Boliska ee Kilimani.

Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Ambassador Mohamed Ali Ameriko ayaa u hawlgalay sidii lagu sii dayn lahaa Qunsulka Guud, wuxuuna ugu dambeyntii ku guuleystay inuu Qunsulka ka soo saaro Xabsigii Saldhigga ee lagu hayey.

Xarigga Qunsulka Guud, Siyaad Maxamuud Shire ayaa waxay abuurtay Xiisad Diplomaasiyadeed, waxayna Dowladda Federalka qeylo-dhaan ka keeneen xad-gudubkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Mohamed iyo Guddoomiyaha Barlamaanka, Prof. Mohamed Sheekh Osman Jawaari, waxay dhamaantooda muujiyeen inay ka xun yihiin Tacadigaasi, waxayna ugu baaqeen Dowladda Kenya inay jawaab rasmi ah ka bixiyaan Xagdudubka loo geystay Qunsulka Guud ee Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi.

Dowladda Kenya waxay ka gaabsatay inay jawaab ama raalli-gelin Diplomaasiyadeed ka bixiyaan xad-gudubkaasi, waxayna dhegaha ka fureysteen hadalkii Dowladda Federalkaa ee ahaa inay jawaab rasmi ah ka bixiyaan xad-gudubka ay Boliskooda u geysteen Diplomaasi ka tirsan Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladad Nairobi.

Xeeldheerayaasha ayaa tilmaamay inaysan Dowladda Kenya wax kulayl iyo qabow ku haynin Tacadigaasi, maadaama ay dhegeha ka fureysteen codsiga loo soo jeediyey.
Dowladda Federalka ayaa laga filayey inay jawaab falcelin ka qaataan ilhaanadda loo geystay Qunsulka Guud, Siyaad Maxamuud Shire, laakiinse waxay u muuqdaan kuwo ka meermeeraya inay Nidaam Diplomaasiyadeed kaga aar-goostaan gefka lagula kacay Qusulka Guud.

Fal-celin kasta oo ku xiriirsan Dagaalka Diplomaasiyadeed waxa uu leeyahay xilli iyo xad go’an, taasi oo loo baahan yahay in laga jawaab celiyo fal kasta oo xad-gudub ku ah Haybadda Dowladnimo.

Diplomaasiyadda Dowladda Federalka ayaa waxaa la dhihi kara inaysan xushmad ku lahayn Dowladaha kale, waayo jawaab la’aanka Kenyaatiga waxay muujinaysaa Quursiga lo ohayo Dowladda Federalka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan Dowladda Federalka ku firfircoonayn Xeeladaha Diplomaasiyadda, oo halkii laga doonayey inay Dowladda Kenya si toos ah ugala hadlaan qaddiyadaasi ayaa waxaa haatan u muuqata in loo kala ergeynayo.

Fashilka kale ee Dowladda Federalka haysta waxay tahay iyadoo awoodi la’ inay Dowladda Kenya sii daayaan Kumanaanka Muwaadiniinta Soomaalida ee lagu qabtay raafkii Nairobi, kuwaasi oo weli Maxkamad la’aan lagu hayo Saldhigyadda Boliska iyo Garoonka Kazarani.

Qabweynidda ka muuqato hab-dhaqanka Dowladda Kenya ayaa waxay ku go’aansatay in ay Qunsul u soo magacaabaan magaalladda Kismaayo, iyadoo uusan Qunsulkaasi fasax ka haysanin Dowladda Federalka iyo Wasaaradda Arrimaha dibedda oo iyadu mas’uul ka ah Diplomaasiyadda Qaranka.

Markaynu isku soo duubno Karti la’aanta ka muuqata Dowladda Federalka ayaa waxay horseedi kartaa inay Reer Kenya sii wadaan tacadiyadda ay kula kacayaan Muwaadiniinta Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, iyadoo aan loo kala soocaynin qaxooti, Siyaasi, Ganacsade ama Diplomaasi.

Wasiir ceebeeyey xubno ka tirsan DF oo ku kacay falal xatooyo iyo dhac ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Barre ayaa qiray in raashiin deeq ahaa oo loogu talagalay dadka ku dhibaateysan gobollada Baay iyo Bakool ay leexsadeen masuuliyiin dawlada ka tirsan hase yeeshee laga soo qabtay oo dib looga soo celiyey.

Goodax ayaa sheegay in dowladda ay joojisay gar gaarkii ay u diri laheyd degmooyinka, kadib markii ay ku aamini waayeen mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka, kadib markii ay dhacday marar badan in sidii loogu tala galay aan loo gaarsiin dadka dan yarta ah.

“Arrinta raashiinka waa sax way jirtaa, xildhibaano badan oo halkan [baarlamaanka] joogana waa og yihiin in raashiin deeq ahaa oo aan u dirnay meelihii ugu horeeyay ee la xoreeyay in la leexsaday, hase yeeshee waa laga dabatagay waana laga soo celiyay.” ayuu yiri wasiirka.

“Waxaa jira dad mas’uuliyiin ahaa oo lunsaday raashinkii gar gaarka, waxaa dhacday raashin gar gaar loo diray Bay iyo Bakool, in badan ayaa la leexsaday, dowladda waa ka soo celisay waxaa loo diray Shabeelaha Dhexe oo ay ka jirtay xaalado bani’aadanimo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Marar badan ayaa waxaa jiray eedeymo loo jeediyay Mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka oo ku aadan in raashin gar gaar loogu tala galay deegaanadooda inay lunsadeen, taasna ay keentay in dowladda ay joojiso gar gaarkii la gaarsiinayay dadka dan yarta, maadaama sidii loogu tala galay aanay u gaareyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay ujeedada tallaabada MUUNGAAB uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, ayaa waxa uu taageeray in isbedelo lagu wada sameeyo Maamulada Degmooyinkii Gobolada Banaadir, laguna bedelo dhalinta waxbaratay in ay hogaamiso.

Wasiirka oo shalay markale hortagey Baarlamaanka, ayaa wax laga weydiiyay sababta keentay in Duqa Magaalada Muqdisho uu bedel ku wada sameeyo Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wasiirka, ayaa marka hore sheegay inaanu General Muungaab wax isbedelo ah ku samayn Gudoomiye-yaasha Degmooyinka, oo ay soo magacawday Wasaarada Arrimaha Gudaha, ee uu hogaamiyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay magacaabida dhalinyarada in uu kala tashaday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, marka uu Maamul soo dhisaayana uu kala tashado Xildhibaanada, sida uu yiri.

Baahida keentay in la soo magacaabo dhalinyarada, ayaa wuxuu ku sheegay mid loo arkay muhiim, isla-markaana wuxuu soo jeediyay dhalinta in fursad loo siiyo shaqooyinka loo igmaday.

Wasiir Goodax, ayaa qaba in ay isbedel la imaan doonaan Gudoomiye-yaasha cusub ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, uuna ku baaqaayo inaan laga horimaan, oo waqti loo siiyo si ay waxqabad ula yimaadaan.

Inta badan bulshada, ayaa soo dhoweysay dhalinta waxbaratay in lagu aamino Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir, inkastoo dadka qaarkii shaki ka muujinayaan waxqabadka ay la imaan karayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan eedeen culus u jeediyay DF

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaan Maxamuud Cabdi Xeydh ayaa ka hadlay qunsul Kenya dhawaan u soo magacowday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, ayuu sheegay xildhibaanku in nasiib darro weyn u tahay dowladda Soomaaliya qunsulka Kenya ay u soo magacowday Kismaayo.

Wuxuu sheegay hadii ay sax noqotay hadallada la isla dhexmaraayo ee ah Kenya in ay Kismaayo u soo dirtay qunsul in arrintaas ay muujineyso Kenya in ay qorshe weyn ka lee dahay Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa madaxda dowladda ugu baaqay in ay si degdeg ah uga hadlaan qunsulka tagay Kismaayo iyo qorshaha ka dambeesa.

Wuxuu xusay in Kismaayo ay tahay deegan ka mid ah Soomaaliya oo aan la dhihi karin waa magaalo kale oo ka baxsan Soomaaliya.

“Haddii xittaa la dhahaayo qunsul ayaa la soo magacaabay waa in dowladda lala socodsiiyaa, Kismaayo ma ahan meel ka baxsan Soomaaliya oo Soomaaliya ayaa laga maamulaa, waa in si degdeg ah arrintaas loo shaarciyo waxa ka dambeeya” ayuu yiri xildhibaan Xeydh.

Xildhibaanka wuxuu kaloo soo dhaweeyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay qaadatay ee ah in ay u yeerato safiirka u fadhiya Kenya, kaddbib markii la xiray qunsulka Soomaaliya ee Nairobi Siyaad Maxammuud Shire.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DHAGEYSO: DR. C/raxmaan Bayleh oo shaaca ka qaaday wixii uu weydsiitay…

Wasiirka arrimaha dibedda ee Somalia Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa VOA u sheegay in dowladdiisa ay ka dalbatay baanka Horumarinta Afrika in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdi uu horkacayo ayaa haatan ku sugan Tunisia halkaasi kulamo kula yeeshey madaxda Baanka Horumarinta Afrika iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka ayaa sheegey in Baanka uu wado qorsheyaal lagu taageerayo barnaamijyada dib u dhiska Somalia. Daud Aweis ayuu khadka telefonka ugu warramey.

Qeybta hoose ka dhegeyso wareysiga wasiirka

Xamar: Dad badan oo xabsi la dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Howgallo dad badan lagu qabqabtay ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaaqshid.

Howgallada oo ay wadajir u sameenayeen ciidamada dowladda iyho kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay gurri ka gurri u galayeen xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Yaaqshid sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho ayaa ku soo warramaya in sidoo kale ciidamadu ay baarayeen gaadiidka iyagoo gudaha u galayay qaar ka tirsan guryaha ay ka shakiyaan.

Lama xaqiijin tirada dadka lagu soo qabtay howlgalka oo  qeyb ka ahaa howlgallo lagu sugayo ammaanka caasimadda, kuwaas  oo maalmihii la soo dhaafay laga sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dadka howgalka lagu soo qabqabtay ayaa la geeyay xarunta dambi baarista ee CID- waxaana halkaas la arkayay qaar ka mid ah ehelada dadka la soo qabqabtay oo hor taagan xarunta kuwaasoo ka walaacsan dhallinyarada al soo qabtay.

Ma jirto cid ka hadashay howgalka saakay ka dhacay degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Meydka SOOMAALI laga helay MPLS

Minnasota (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota dalkan Maraykanaka ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay meydka wiil dhallinyaro Soomaali ah.

Sidda ay lee yihiin laamaha ammaanka, wiilkan oo lagu magacaabo Mire Axmed ayaa loo maleenayaa in la dilay balse xog badan lagama hayo.

Xilligii la dilaayay waxaa uu ka yimid shaqo

Marxuum Mire oo 26 jir ah, ayaa la sheegay in lagu dilay xaafadda Sadar ee Minneapolis, waana xaafad ay si weyn u deggan yihiin Soomaali badan, siddaas waxaa ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee dalka Maraykanka.

Meydka wiilkan Soomaaliga ayaa la geeyay Isbitaal oo hadda baaritaan ayaa ku socota.

Dilkan wiilkan waxaa walaac weyn ka muujiyay Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Ma ahan markii ugu horreysay oo wiil Soomaali ah lagu dilo dallka Maraykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis oo ay ku nool yihiin Soomaali badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

[email protected]

 

“Wax la aqbali karo maaha in Kenya ay qunsul geysato Kismaayo, ayadoo Islii ku xasuuqeysa Somali” Waxaa yiri..

Korneyl C/laahi Cabdi Isaaq, ayaa si kulul kaga hadlay damaca Kenya ee xilligaan ku aadan Gobolada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya, xilli ay qayb ka tahay Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

Korneyl C/laahi Cabdi Isaaq oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Kenya in ay Qunsul u soo magacawdo Gobolada Jubbooyinka, xilli ay Soomaalida ku dhibaateeneyso Magaalada Nairobi.

“Wax la aqbali karo maaha in Kenya Safiir u soo magacawdo Jubbooyinka, iyadoo dadkeena ku xasuuqeysa Nairobi, hablaheenii ku umulayaan xabsiyada, loona diido raashiinkii iyo biyihii.” ayuu yiri Korneyl C/laahi Cabdi Isaaq.

Sarkaalkaan ayaa yiri “2010-kii bisha afaraad, ayaan ogaanay in Kenya ay dooneyso gumeysi inay geliso Gobolada Jubbooyinka, Gedo iyo qayb yar oo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose. Waxa uuna intaa ku daray “Dhulka NFD waxaa bixiyay Sharmaarke, wiilkiisiina badda ayuu bixiyay. Dhulka NFD anagoo uga aamusnay, ayay Kenya hadda rabtaa inay nagu qabsato Gobolada Jubbooyinka.

Sarkaalkaan, ayaa si adag u sheegay in Soomaaliya ay lee dahay Soomaali oo qura, balse Kenya aynaan lahayn dalka Soomaaliya. Hase ahaatee ay dooneyso in kala qub qubnaanta Soomaalida ka faa’iideysato.

“Soomaaliya, Soomaali baa iska leh, Kenya malaha Soomaaliya, waxay dooneysaa inay ka faa’iideysato kala daadsanaanta dadka Soomaaliyeed, oo qabiil ku mashquulay.” ayuu yiri Korneyl C/laahi. “Waxaan maaha wax khuseeya qabiil ama dad gaar ah waa wax khuseeya Soomaali oo dhan, meel kastaba ha jooggaanee, waa inay ogsoonaadaan in Kenya inagu heysato dhulkeenii.” ayuu markale yiri.

Korneylka waxa uu ugu baaqay Siyaasiyiinta in arrintaan ka dhiidhiyaan oo si adag kaga munaaqashoodaan, sababo ku aadan Kenya oo dooneysa gumeysi cusub inay geliso Soomaaliya.

“Siyaasiyiinta waxaan ugu baaqayaa in arrintaan ka dhiidhiyaan oo meel kasta ka fariistaan, Kenya waxay dooneysaa in waqtigaan oo la jooggo 2014-ka gumeysi ku qabsato dal madax banaan.” ayuu yiri Sarkaalkaan oo ku sugan Gobolada Jubbooyinka.

Wuxuu sidoo kale baaq u diray Culimada Soomaaliyeed iyo dhammaanba qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna kula dardaarmay in ay dareen u lahaadaan damaca Kenya.

“Culimo iyo caamo waxaan rabaa inaan u sheego in arrintaan si dhow u fiiriyaan, waa in Kenya lala dagaalamaa oo ku celinaa Xuduuda, Kenya yaan laga yeelin in maanta na gumeysato.” ayuu yiri Korneylka. “Waa nasiib daro in Jubbooyinka nalagu qabsado, wax la dhaho Maamulka Jubba kama jiro Magaalada Kismaayo, Kismaayo waxaa heysta cadow, waana in lala dagaalamaa.” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeen Korneyl C/laahi Cabdi Isaaq, ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobe, Ururka Midowga Afrika iyo Jaamacada Carabta, in laga dhiidhiyo damaca guracan ee Dowladda Uhuru Kenyatta.

Ogaysiis ku socda Soomalida Holland: Shiikh Kenyawi muxaadaro qabanaya

Soomaalida deggan wadanka Holland  waxaa lagu wargelinayaa in maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu tahay 03-05-2014 lagu qaban doono magaalada Delft muxaarado diini ah oo uu jeedin doono Shiikh Maxamed Ibrahim Kenyawi oo  si weyn loogu yaqaan wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.

Shiikh Maxamed Ibrahim Kenyawi waxaa uu baryahan ku jiray socdaal diimeed uu ku kala bixinayey dalalka Yurub, isagoona xooga saarayey meelaha ugu muhiimsan ee shacabkeena u baahan in wacyigelin diini ah ka helaan.

Si gaar ah waxaa uu muxaadarada uu Shiikh Kenyawi jeedin doono taabaneysaa Tarbiyadda carurta, Salaada, Casi-waalideynka iyo qodobo kale oo xirir la leh nolosha qurbaha diinta islaamka.

Dhinaca kale waxaa isagana muxaadarada ku wehlin doona  Dr, Cumar Weheliye oo ka mid ah culumada sida weyn looga qadariyo ee ku nool dalka Holland, gaar ahaan wax ka dhiga Jaamacadda Europa Islamic Universaty ee ku taal magaalada Rotterdam.

Dalalka uu socodka kusoo maray Shiikh Kenyawi waxaa ka mid ah Norway, Swedan iyo Denmark waxaana qorshihiisu yahay inuu socdaalka Holland uu iminka ku yimid uu yahay midka uu kusoo afmeerayo.

Haddaba waxaa idin ku baaqeynaa inaad ka faa’ideysataan kulankan muhiimka ah iyo muxaarada Shiikh Maxamed Ibrahim Kenyawi.

Adres

Aart van der Leeuwlaan 4
2624 LD  Delft

Tel: 0684056055

Telfoon  0684020868

Baarlamanka oo ugu dheggan Ra’iisul Wasaare C/Weli socdaalkii Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca u yeeray ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya si uu uga warbixiyo wax yaabaha ay qababtay xukuumadiisa muddada ay jirtay.

Ra’iisal wasare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo gollaha wasiirradiisa ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ay hortagaan baarlamaanka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in su’aallo dhowr ah ay weydiin doonaan xildhibaannada baarlamaanka, waxaaba la lee yahay waxaa ka mid ah wax yaabaha la weydiin doono booqashada uu dhawaan  ku tagay Kismaayo.

Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa muujinaya in ra’iisal wasaaraha lagu dheggan yahay, oo waxaaba laga gudbin doonaa mooshin ka dhan ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in uu khilaaf kala dhexeeyo qaar ka mid ah wasiiradiisa gaar ahaan wasiiro ku dhow madaxweynaha, kuwaasoo kala ah arrimaha gudaha iyo ammaanka.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa maalmahan su’aallo weydiinaayay wasiiradda arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka.

Labada wasiir ayaa muddo seddax cisho mid kasta la weydiiyay su’aallo badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Ka qeybgalkii CW Gaas ee shirkii Addis-Ababa iyo qaabkii loo weriyey oo muran ka dhex abuuray DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin lagu daabacay shabakadda ku hadashay afka dowladda Soomaaliya ee (Radiomuqdisho.so ama radiomuqdisho.net) ayaa waxaa la soo sheegayaa in dood adag ay ka dhex dhalisay masúuliyiinta wasaaradda & suxufiyiinta qaabilsan maamulka shabakadaasi.

Suxufi ka howlgala Idaacadda oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, ayaa sheegay in shalay ay kulan ku yeesheen xarunta Wasaaradda Warfaafinta shaqsiyaad ka tirsan maamulka Wasaaradda & suxufiyiintii shabakadda soo geliyey warbixin ay soo direen xubno ka mid ah wefdigii C/weli Gaas ee shirka kaga qeybgalay Itoobiya.

Suxufigan wuxuu xusay in la isku qabtay sida loo qoray warbixinta shirka Bahardaar Itoobiya, shirkaasoo ahaa shir loo soo agaasimay qaab aqoon-is-weydaarsi ah, laguna casuumay shaqsiyaad dalalkooda xilal ka soo qabtay, waxaana mowduuca shirkaasi u qornaa siddatan:- THE IMPACTS OF ILLICIT FINANCIAL FLOWS, ON PEACE AND SECURITY IN AFRICA.

Maamulka Idaacadda ayaa ku dooday in warbixinta laga dhadhansan karay in loo qoray Puntland in ay tahay dowladda Soomaaliya, halkii ay aheyd in warbixinta lagu muujiyo in Puntland oo ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya in shirkaasi ay ka qeybgashay, wuxuna maamulku ku dhaliilay suxufiyiinta qaabilsan shabakadda dowladda in iyadoo aan wax tifaftirid lagu sameyn warkaasi sidiisii lagu soo geliyey.

Maamulka Idaacadda wuxuu u soo jeediyey howl-wadeenada Warbaahinta dowladda (Idaacad, Wargeys & Shabakad) in wararka ay baahinayaan ay noqdeen kuwa si hufan loo turxaan bixiyo, ayna jiraan shaqsiyaad shaqadaasi aqoon u leh oo wixii media- dowladda ka baxa ay jirto cid loo raacan karo.

Suxufigan warka na soo gaarsiiyey wuxuu sheegay in maamulka uu weydiiyey weriyeyaasha su’aalo ay ka mid ahaayeen;

“Siddee ayey ku dhici kartaa in war quraafaad ah lagu soo qoro hayád warbaahineed ee dowladda hoos tagta.? Siddee ayey ku dhici kartaa in shabakadda dowladda la soo geliyo war been ah oo lagu xayeysiinaayo Cabiweli Gaas.? Idaacadda ma Puntland ayaa maamusha.? Shabakadda dowladdu ma waxey u shaqeyneysaa qaabka shabakadaha kale ee ay beeluhu iska leeyihiin.?

Maamulka waxaa kale oo hadaladiisa ka mid ahaa sida uu soo sheegay suxufiga goob jooga ah;

“Waa run inuu tegay Cabdiweli Gaas Addisababa, wuxuu ka qeybgalay shir loo qabtay shaqsiyaad dalalkooda horay xilal uga soo qabtay, weliba khudbad kuma laheyn shirka wuxuu ka mid ahaa 4 qofood oo loo xilsaaray in ay yeeshaan (Table debate), in website kii Qaranka uu yiraa shir madaxda Afrika ayuu ka qeybgalay isaga oo metelaya dowladda Soomaaliya runtii ma aheyn wax jira. Idaacad, Wargeys & Website-yada ku hadla afka dowladda waxaa looga baahan yahay in ay noqdaan maskaxdii warbaahinta Soomaalida, ma ahan in war kasta oo ay soo qortaan maamulada Soomaalida sidiisa loogu soo daabaco, waa inuu jiraa nidaam dowladeed oo kala hagaya maamulada, qolo kasta haddii ay sheegato wixii ay doonto waxaa halkaas ka dhalanaya isbarbar yaac dhanka maamulka ah”

Suxufiyiinta ayaa qaatay in qaladka uu dhinacooda ka dhacay, waxeyna balanqaadeen in wixii hadda ka dambeeya in ay ku dedaali doonaan in ay turxan bixin ku sameeyaan wararka ay hawada gelinayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maleeshiyada Axmed Madoobe oo ka aargutay dad diiday amarka Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa afar qof ku dhaawacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, kaddib howgallo maanta ka dhacay magaaladaas.

Dadka dhaawacmay ayaa ka mid ahaa qoysas barakacayaal ah oo ku noolaa agagaarka garoonka diyaaradaha Kismaayo kuwaasoo lagu amray in ay halkaas ka guuraan.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa howllo barakicin ah ka wada magaalada Kisamayo gaar ahaan goobaha ka agdhow garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Dadka dhaawacmay ayaa si bareer ah rasaas loogu furay, waxaana ay ka mid ahaayeen dad ka soo horjeeday go’aanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Maalmahan magaalada Kismaayo waxaa ka socday howgallo lagu barakicinaayo dad bartilmaameed ah.

Ma jirto cid ka hadashay dhacadada maanta ka dhacay Kismaayo ee dadka shacabka rasaasta loogu furay dad rayid ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Maleeshiyo lagu laayay KISMAAYO iyo Axmed Madoobe oo u yeeray….

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay seddax ka tirsanaa maleeshiyada maamulka KMG ah ee Jubba.

Rag hubeysan oo aan la heybgaraneynin ayaa dadkan ku dishau xaafadda Via Afmadow, siddaas waxaa sheegay goobjoogayaal didday in magacooda la soo xigto sababo ammaan.

Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in ay durba baxsadeen.

Maleeshiyo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe oo tagay goobta dilka ka dhacay ayaa baaritaano sameeyay balse lama sheegin cid loo soo qabtay falkaas.

Si dhab ah looga ogo sababta iyo cidda ka dambaysay dilka saddexda maleeshiyo.

Dhinaca kale,hoggaamiyaha magaalada KMG ah ee Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan degdeg ah la qaatay laamaha ammaanka iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulkiisa Gen Darwiish, wuxuuna wax ka weydiiyay sababta loo dilay maleeshiyada xaley.

Sidda uu sheegay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo, kulanka ayaa looga hadlayaa wax ka qabashada falal amni-darro oo maalmihii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Si kastaba, magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo xarun u ah maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maalmahan waxaa ku soo kordhaya dilal qorshaysan oo inta badan loo geysto maleeshiyada maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Baarlamanka Soomaaliya oo xog aan la ogeyn ka bixiyay shirkadda Favori

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah loo qaybiyay nuqulo ka mid ah warbixin ay soo diyaariyen guddiga gaadidka iyo tamarta, taasoo laga soo diyaariyay shirkadda Favori ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

In kastoo si dhab ah loo ogeyn wax yaabaha ku qoran qoraalka loo qaybiyay xildhibaannada baarlamaanka, haddana warar la isku haleen karo ayaa muujinaya in baarlamaanka uu saluugsan yahay howsha shirkaddan ay ka haqeyso garoonka  diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Cusmaan Dhuubow oo madax u ah guddiga baarlamaanka u qaabilsan gaadidka waddooyinka iyo garoomada ayaa ka hor sheegay baarlamaanka in heshiiska lala galay shirkadda Favori ay ahayd mid aan waafaqsanayn sharciga.

Wuxuu sheegay baaritaan ay sameeyeen in ay ogaadayn in shirkadaas ay qaab sharci darro dalka uga howgasho sidda uu yiri.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay ka baaraan-dagto dib u dhiska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dood laga keeno shirkadan oo dowladda ay qandaraas la gashay kaasoo ah in garoonka diyaaradaha ay ku dhigto mid caalami ah.

Waxa ay lee yihiin baarlamaanka shirkaddana wax yaabo ku cusub dalka ayey la timid oo waxaaba dhaantay shirkadii horre ee SKY ee laga lee yahay dalka South Afrika.

t2

Waxaa kaloo lagu dhaliilay shirkadda in garoonka shaqaale ajaaniib ah keentay kuwaasoo shaqo la’aan ku riday shaqaalaha Soomaalida ee ka howgalka garoonka iyo dekedda weyn ee Muqdisho.

Baarlamaanka waa loo qaybiyay qoraallada markale ayaa la rabaa in laga dooddo sidda uu sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa maalintii seddaxaad baarlamaanka hortagay wasiirka arrimaha gudaha iyo arrimaha fedaraalka dowladda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre.

Wasiirka ayaa la weydiiyay su’aallo dhowr ah oo la xiriirta arrimaha fedaraalka iyo maamul u samaynta gobalada dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SAWIR wax badan ka muujiyey heerka dadnimo ee Xasan, C/Weli iyo Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Jawaabtii madaxda dowladda Soomaalida ay ka bixisay dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Soomaalida ee Nairobi, ma ahayn mid lagu qancay, amaba ma jirin. Hadalkii ugu roonaa wuxuu soo yeeray markii laxiray qunsulkii Soomaalida ee safaaradda Nairobi.

Amiin Caamir, ayaa sawirkan ku cabiray xaalka madaxda Soomaalida

29_APR_2014

DHAGEYSO: Qorshe Somaliland looga saarayo Laascaanood oo ay wadaan…

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimadda gobolka Sool ayaa xilligaan dadaal ugu jira qorshayaal lugu doonayo in magaalada xarunta u ah gobolkaas ee Laascaanood looga saaro Somaliland oo siyaasad ahaan u haysata,waxaana sida xaqiijiyey Ugaas Cabdullaahi Ciise oo ka mid ah Isimada gobolka Sool.

Ugaaska oo hadal siinayey warbaahinta gudaha ayaa si cad u sheegay inay dhinacyo badan iskaashi la sameyn doonan si ay Somaliland uga saaran magaalada Laascaanood oo ay muddo dheer ka talinayeen.

Waxuu sheegay Ugaas Cabdullaahi Ciise in beelaha gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay haatan qorshaynayaan in ay dib u qabsadaan magaalada Laascaanood oo siyaasad ahaan ay haysato Soomaaliland.

“Waxaan idin sheegaya qabashada Laascaanood waa muqadas haddii aan shir la qaban iyo haddii kaleba, waxaan ugu baaqa dadka Sool inay u midooban sidii ay n cadowga ugasaari lahaayeen Laascaanood” ayuu yiri Ugaas Cabdullaahi Ciise oo ka mid ah Ismimadda gobollada.

Halkan hoose ka dhageyso Ugaaska

Hadalka Ugaaska,waxaa uu ku soo aadaya xilli maamulka Somaliland uu dhaqdhaaq ka bilowday deegaanada gobolka Sool.

Video: Somalida iyo Kenyanka Islii oo ku dhaqaaqay qorsho cusub oo amni

0

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ayaa la yimid qorsho cusub oo ay uga badbaadayaan Raafka socda iyo dhibaatada xoogan ee loo geysanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Kenya.

Qorshahani cusub, ayaa ah mid Soomaalida reer Islii oo u badan dhallinyarada oo ay wehliyaan kuwa Kenyan ah ay kaga qeyb qaadanayaan sugida amaanka iyo in wax laga qabto amaan xumida ka jirta Xaafadaasi.

Dhallinyarada Soomaalida iyo Kenyaatiga, ayaa tallaabadan u arka inay caawimaad ka geysan karto sugidda amniga, taasina ay yareyn karto howl-gallada ciidamada.

HALKAAN  KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Baabuur ay miino ku qaraxday oo lagu baaba’ay & xog sheegaysa in miinada..

Dhuusamarreb (Caasimada Online) – Inta la ogyahay afar qof ay ku dhimmmatay, seddax kalena waa ay ku dhaawacantay kaddib markii maanta miino ay la qaraxday gaari ay saarnaayeen oo marayay tuulada Dhabeyla-weyn oo 6 km dhanka waqooyi ka jirta deegaanka Dhabbad ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha deegaanka Dhabbad ee maamulka dowladda Soomaaliya Aadan Cabdulle Galaal (Aadan Gebi) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka dhaawacmay la geeyay  xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka guddoomiyaha ka yahay ee Dhabbad.

Dadka dhintay oo la socday gaari Hoomeey ah ayaa ku howlanaa biyo dhaamin ay u wadeen dad biyo la’aan ku heesata gobalka Galgaduud.

 Wuxuu sheegay in miinadu ay ahayd mid lagaliyay dagaalladii dhexmartay Ethiopia iyo Soomaaliya sannadkii 1977-dii, isaga oo xusay in waxyaabaha qarxa ay dhibaato ku hayaan dadka deegaanka.

Guddoomiyaha waxaa kaloo uu sheegay in muddooyinkan dambe aanay jirin wax hay’ad ah oo miino baaris ka samaysay deegaanka.

Ugu dambeyn , wuxuu dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha miino baarka ka codsaday in ay si deg deg ah u gaaraan deegaanka oo ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ay miinada iyo wax yaabaha qarxa ku hayaan bulshadaas.

Markii ugu dambeesay oo deegankan ay ka qarxdo miino waxay ahayd sannadkii 2002, iyada oo markaas ay ku dhinteen toddobo qof oo ka soo wada jeeday hal qoys.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Qorshaha Kenya & Qaran Jabka dalka SOMALIA (Xog iyo Xaqiiq xasaasi ah).

Wiil yar  ayaa la diley aabbihii, wiilkii yaraa wuxuu koro oo kobcaba, wuxuu gaadhay gu’ gaashaanqaad. Maalintii dambe ayaa la tusay oo waxaa la yidhi waa kaa ninkii aabbahaa diley. Waxaa laga filayey laba arrimood midkood; inuu ninka dilo oo ka aargoosto waa caado rag. Inuu la xaaltamo oo xaqii aabbihiis ka qaato, hase yeeshee labadii midna ma yeelin. Ninkii wuxuu maalintii dambe u yimid ninkii oo Salaad ku jira oo ku hor tukanaya goob ganacsi uu lahaa, ka dib intuu gudaha u galay Dukaankii ayuu “Irbad“ ka soo xadey, ka dibna wuxuu yidhi hawraar dhaqangashay oo aad loo adeegsado geyiga Soomaaliyeedna ka hirgashay “Rag is gurayee!”.

Haddaba maanta waxaa umadda Soomaaliyeed guud ahaan ka war dhawrayeen Dowladda Soomaaliyeed go’aanka ay ka qaadato, arrimaha murugsan iyo dhibaatada baaxadda leh ee ka jirta dalka Kenya ee lagula kacayo Shacabka Soomaaliyeed iyo hantidooda.

Dowladda marnaba ilaa maanta kama aysan qaadan go’aan Siyasadeed oo muuqda arrinta foosha xun ee ka dhacaysa Nairobi. Sidoo kale wax jawaab ah kama bixin farriimaha siyaasadeed ee ay soo dirtey Kenya oo ka turjumaya heerka ay ka taagantahay bulshada Soomaaliyeed.

Iyadoo si guud ay uga gaabsatey Dowladda (Jamhuuriyada Beelaha Soomaaliyeed) ayaa haddana Beelaha Maamullada leh, waxaad mooddaa haddii dhibaato soo gaadho Shacabka Soomaaliyeed inaysan metelin kana hadli karin kana warcelin.

Waxay dowladda Soomaaliya u yeedhay Ergayga u fadhiya Dalka Kenya, haddaba waxaa is weydiin mudan; ma in isaga la xidho ayay uga baqeen, oo sababo ammaankiisa ah ayaa keenay inay u yeedhaan mise isaga ayaa Kenyaati noqdey marka ay dowladdu leedahay, waxaanu weydiinaynaa su’aalo, ileen ninkii dadka xidhxidhay ee laayey oo xabsiga ku gurey ayaaba taagane? Muxuu ka qaban karaa Ergay madaxdii ka sarreysayba waxba ka qaban karin waayeen? Su’aal Jawaab u baahan? Miyaanu xaalkoodu ahayn “ Rag is gurayee!”.

Kenya wax jawaab ah lama siin lama siinayo sida muuqata, waxaa shirey Golaha Wasiirada, Jamhuuriyada Beelaha Soomaaliyeed, waxay soo saareen, Cambaareyn, waa dhaqankii lagu yaqaannay Carabta marka la xasuuqo dadkooda ama la duqeeyo ama waddamo carbeed la weeraro inay cambaareeyaan. Cambaareyne waa maxay?

Waa nimaad ka cabsatey oo iska celinweyday cod laga daba yidhaahdo.” Bal  adna aqristoow maxaad ka odhan lahayd?.

Kenya waxay wafdiyo u dirtey, Somaliland iyo Puntland iyada oo u ballan qaaddey inay safaarado ka furaneyso, sidoo kale waxay Saldhig ciidan iyo Safaaradba ku leedahay Jubbooyinka, haddaba Kenya siyaasaddeedu ma mid ku aaddanbaa dhinaca gudaha dalkeeda iyo sugidda ammaankeeda mise  arrinkeedu waa “Baroortu Orgiga ka weyn!”?.

Kenya waxay dalkeeda doonaysaa inay ka saarto, dadka Soomaaliyeed ee qaarkoodna u qaxay qaarna hawlo ganacsi ku leeyihiin, balse, waxaa dalka Soomaaliya ka jooga Ciidamo kor u  dhaafaya Kumannaan, haddaba, Dowladda Soomaaliya mawqif noocee ah ayay ka istaagtey?.

Kenya waxaa dalka Soomaaliya kala dhaxeeya xidhiidh ganacsi oo baaxad weyn leh, waxaana ka soo gala dhinaca Kenya waxyaabo badan, Sida, “Shaaha Madoow, Qaadka, Oommada, Sigaarka (Sportsman iyo Empassy) iwm” dowladda Soomaaliyeed haddiiba xidhiidhkii Siyaasadeed ee Kenya halkaa marayo maxay ka tidhi xidhiidhka siyaasadeed iyo ganacse  ee kala dhaxeeya?.

Kenya sababta ay dhibaatada intaas le’eg u geysanaysaa maaha mid keligeed ay waddo, ee waxaa dabada ka riixaya dowladdo reer galbeeda waxaana la doonayaa,

dhulka lagu muransan yahay ee Shiidaalku ku jiro, iney Kenyana dillaal ka noqoto reer galbeedna magac Keeniyaati ku qotaan, halkaas ay ka soo baxdo: “Dal la helay” haddaba, Kenya siyaasaddeeda ku aaddan “Qaybi oo xukun”, waa mid ay u sahleen kooxaha qawlaysatada ah ee ku shaqaysta magaca Federaalka iyo magacyada kale.

Dowladdu waxna kama odhan inay ka tidhaahdona diyaar uma aha! Haddaba, aan is weydiinno Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumadda Cabdiweli Sh. Axmed ma waxay madax u yihiin, Muqdisho dadka jooga mise umadda Soomaaliyeed oo dhan ayay metelaan? Madaxweynayaasha  kale  ciidda iyo camaarkaa ka badani maxay uga hadli waayeen jawaabna uga bixin waayeen dhibaatooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee maatida ah, haweenka iyo dhallaanka soo gaadhaya, waxay ila tahay ma metelaan dadkaasi haddey qurbaha Joogaan waa Soomaali, Soomaalidana waxaa masuul ka ah, Dowladda (Jamruuriyada Beelaha Soomaaliyeed) hadda iyagu maxay masuul ka yihiin? Ma dhaqaale ku qaaddashada iyo kala qaybinta umadda oo keliya ayay tahay shaqadoodu Bal adba?.

Hadda guud ahaan Magacyo badanta Soomaaliyeed, ma jiro cid ka digiigaxatey oo ka diirtey, dhibka iyo dhaqanxumada lagu hayo bulshada ku dhaqan waddanka Kenya, maaha isweydiin maxaa Kenya geeyey Soomaalida? Taas waa ognahay uma aynaan dalxiis tagine, duruufaha iyo aafooyinka aan inagu sababteeda lahayn ayaa udubka iyo geeddiga noogu furey, waxaase maahmaah Soomaaliyeed tidhaahdaa “Taf aan dhalin Dharabi ma qabato” marnaba dhulkaaga meel aan ahayni kuuma noqonayso dhulkaagii,  “Dal aadan lahayni waa dareen ku joog“  Iyada oo aan kula talinayo bulshada Soomaaliyeed waddamada ay dhibaatooyinku ku haystaan ee ay ka midka yihiin, Kenya, South Afrika, Yemen, Sacuudiga, Giriigga, South Sudan, inay isaga huleelaan oo ay dalkooda ama meeshii kale ee u dhaanta ay doorbidayaan una guuraan.

Dowladda Jamhuuriyada Beelaha Soomaaliyeed waxaan odhan lahaa, “Ama waa la muuqdaa ama madasha lama tago” haddeydaan Bulshada Soomaaliyeed meteli kareyn waxaa habboon inaad iska wareejisaan xilalka oo aad keentaan Xildhiibid iyo dhigid, caddeysaanna inaydaan awood u lahayn inaad bulshada Soomaaliyeed gaadhsiisaan  geeddi socodka nololeed iyo nabadeed ee ay filanayaan.

Canaan ka yaab reer ma doojo” Xukuumadda hada jiro, Golaheeda Fullintu guud ahaan waa ku ceeboobeen waana ku hor kufeen bulshada Soomaaliyeed ee waa inay tallaabo geesinnimo leh ka qaataan dhibaatada baahsan ee ay ka waddo Kenya dalka Soomaaliya iyo dadka Soomaalida ah.

Shacabka Soomaaliyeed waxay noqdeen marxaladdii saddexda Dibi ee maalinba mid la cuney, awood darrida maanta jirtaa waxaa ka dambayn doonto inaan ka sii darnaano, haddaan lala imaan isbedel iyo aragti siyaasadeed oo mideysan kana madhan nacayb iyo jidh diidka isugu jira maanta oo ay Soomaalinnimo iyo waddaniyad ku dheehantahay, haddii kale, waxaynu noqon doonnaa Falastiinta labaad, cabaad, canbaareyn iyo calaacalkaas ayaan ku jiri doonaa!

Waxaan ku soo afjarayaa tuducyo ka mida Gabay aan hore u tiriyey 2012 oo la yidhaahdo “MIDNIMO” wuxuuna yiri:

Mabda’baa wax lagu maamulaa, Maanintii saxane

Midigtuba awood muuqatiyo, Muruq ma keenteene

Haddaan bidix miciinkeeda noqon, Milif ma qaaddeene

Waa laba is mudanoo midnimo, Abid ka maarmeyne

Ushaa laga mitaalayo kelida, Maleh awood weyne

Haddeyse midho bataan maalintaa, Liici mahayaane

Midabyada Dibidii lagu makalay,  Maalin lagu leefey

Markii uu Libaaxii makriyey, Kalana meelaystay

Maskax li’i masuug kala galay, Noqatay mawdkoode

Haddii maya yidhaahdaan marnaba, Lama muquunsheene

Marinkoodii duulkii marana, Ma laha taariikhe

Maqsadkoodu wuu lumi haddaan, Mawlahood bixine

Soomaaliyeey maqal midnimo, Ma hurto weeyaane. 

Gabayga oo dhameystiran halkan ka aqriso Midnimo

 

W.Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid