28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

BF Somalia oo ku dhegan Muungaab iyo magacaabistiisa guddomiyeyaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labad xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa su’aallo culus weydiinayee wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre.

Wasiirka uu u la socdo wasiirka ammaanka qaranka ayaa maalintii seddaxaad hor-tagay baarlamaanka, iyadoona la weydiinaayo howsha wasaaradahooda ka qabatay.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa la weydiiyay bal wuxuu kala socdo magacaabista guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ee uu magacaabay guddoomiyaha gobalka Gen Xasan Xuseen Muungaab.

Wasiir Goodax ayaa baarlamaanka u sheegay in Muungaab uusan isaga magacaabin guddoomiyaha degmooyinka balse uu ka qaybgalo uun xafladaha lagu caleemo saaro guddoomiyaasha.

Wuxuu sheegay oo kale in magacaabista guddoomiyaha degmooyinka ay gaartay wasaaradda arrimaha gudaha.

Mar uu ka hadlaayay sababta loo badalay guddoomiyaashii horre, wuxuu xusay in loo baahan yahay is badal si nabad buuxda ay u dhacdo gobalka Banaadir.

Wasiirka waxaa kaloo la weydiiya wax yaabaha uu kala socdo qandaraasyada la siiyo shirkadaha Turkiga ee la wareegay goobaha ku yaalla xeebaha, wuxuu sheegay in heshiiska lala galay shirkadaas ay ka horreeyeen wasaarradiisa.

Waa maalintii labaad oo wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre uu hortago baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasan Sheekh: Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ma xuma (Xittaa wixii dhacay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay dhibaatada dawlada Kenya ku heyso dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, wuxuuna madaxweynuhu difaacay xiriirka dawladiisa la leedahay dawlada Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saxaafada la hadlay waxyar kadib markii uu shalay galab kasoo laabtay booqasho hal maalin qaadatay oo uu ku tagay dalka Jabuuti ayuu sheegay in dawlada ay wado wada hadal ay kula jirto dawlada Kenya si Kenya ay u joojiso xadgudubka ay ku heyso dadka Soomaaliyeed.

“Xiriirka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ma ahan mid xun, waa uu wanaagsan yahay. Waa jirtaa in dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool ay dhibaato la kulmaan, safiirkeena Kenya anagaa u yeernay si aan wadatashi ula yeelano.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dad badan ayaa filayey in ficillada Kenya ee ka dhanka ah shacabka iyo diblomaasiyiinta Soomaalida ee Nairobi ay ka carreysiiyeen madaxweynaha Somalia, mugdina ay taasi gelisay xiriirka labada dhinac, hase yeeshee taasi iminka ma muuqato.

Dawlada Soomaaliya ayaa weli jawaab ka sugeysa Kenya inay ka bixiso xariga diblomaasiga Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo toddobaadkii hore dhamaadkiisa lagu xiray magaalada Nairobi.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku sugan danjiraha Soomaaluya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo dawladu dib ugu yeertay maalinimadii Sabtidii.

 

Xog: Cabdi Weli oo wada qorshe xilka looga qaadayo 2 wasiir oo Hawiye ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa gadaal ka riixaya olole xubno ka mid ah baarlamanka Somalia ay doonayaan in shaqada ay uga ceyriyaan saddex ka mid ah Wasiirada ku dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdi Weli wuxuu kulama hoose la leeyahay Xildhibaanada u dhashay Daarood iyo Dir, isagoo weydiistay inay diyaariyaan mooshin ay kaga taqalusayaan Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax iyo Wasiirka Amniga Abdikarim Guled.

Labadii wasiir oo shalay iyo dorraad hortagay baarlamanka, ayaa lagu eedeeyey wax qabad la’aan looguna baaqay is-casilaad.

Inkasta oo Cabdi Weli uu awood u lee yahay inuu xilka ka qaado wasiiradan, ayaa haddana warbixinada waxa ay sheegayaan inuusan dooneyn inuu muujiyo khilaafka isaga iyo madaxweynaha, sidaa darteedna uu u marayo baarlamanka, si aan isaga loogu eedeyn khilaaf.

Dadka siyaasadda Gorfeeyo waxay markii hore aaminsanaayeen dagaalka inuu ku wajahan yahay xulufada Damujadiid hasse yeeshee markii liiska lagu deray Wasiir Cabdullahi Goodax ayaa loo fasiray in ololaha Ra’iisul wasaaraha yahay mid ku qotomo siyaasad qabiil.

Wasiiro kasoo Jubbooyinka iyo Puntland, ayaa horey u dalbaday is-casilaadda labada wasiir, ayaga oo ku eedeeyey inay carqalad ku yihiin maamulka Axmed Madoobe iyo xaaladda Jubbooyinka

Guuleed iyo Goodax waxay qabiil ahaan ka dhasheen Hawiye, waxayna Xeeldheerayaasha tilmaameen in ololaha xilka qaadistooda ay daaha gadaashiisa ka abaabulayaan Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe, oo dhowaan xulufo la sameystay ra’iisul wasaaraha.

Dhammaan xubnaha baarlamanka ee shalay Guuleed weydiistay is-casiladda waxa ay kasoo jeedaan Jubbooyinka iyo Puntland, waxaana ka mid ahaa Cabdirashiid Xiddig.

“Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Abdullahi Barre Goodax kuma lug laha Damujadiid, mana khuseeyaan ammaanka laakiin waxaa dagaal xoogan kula jira Puntland iyo kooxda Axmed Madoobe oo ku doodaya inaysan Hawiye qaadan karin Wasaaradda Arrimaha gudaha” ayey yiraahdeen Xildhibaano u dhashay beesha Hawiye oo la hadlay Caasimada Online.

Wasaaraddan ayaa loo arkaa mid muhiim ah sababo la xiriira nidaamka federaalka iyo dhismaha maamul goboleedyada.

Caasimada Online, ayaa horey u werisay in intii uu socdaalka ku joogay Kismaayo, Cabdil Weli ay maamulka Jubba ka codsadeen inuu meesha ka saaro Goodax iyo Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Kenyaati raaxo ugu nool SOMALIA iyo rafaadka haysta Somalida Islii (Video)

Marka aad fiiriso nolosha raaxada leh ay tiro Kenyatti ah ku haystaan Soomaaliya iyo xadgudubyada Soomaalida ku nool Kenya kala kulmayaan askarta wadankaasi waa labo kala dheeri ah oo farqi weyn u dhaxeeyo.

Warbixin uu Telefishinka Citizen TV ee dalka Kenya ka diyaariyay muwaadiniinta reer Kenya ee ku sugan magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Boosaaso iyo Hargeysa oo intooda badan howlo shaqo u yimid ayaa muujineyso in ay si nabadgelyo ah oo dhibaato aysan ku jirin ku nool yihiin, halka Soomaalida Kenya ku nool ay rafaad kala kulmaan askarta iyo shacabka.

Kenyattigan ugu badan ee ku nool Hargeysa ayaa ah kuwo isku xeran oo leh Jaaliyad, halka kuwo kale oo ku nool magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso ay yihiin kuwo howlo shaqo u jooga oo degan hoteelada ugu qaalisan magaalooyinkaasi.

Video: Cabdi Weli Gaas iyo wasiiro ka tirsan maamulka S/Land oo kulmay

Waxaa shalay dib ugu laabtey magaalada Hargeysa xarunta Somaliland Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha ee Somailand. Wefdiga Wasiirada ayaa muddo ku sugnaa Itoobiya waxaana ay sheegeen in ay ka qaybgaleen shirkii Tana Forum kaas oo lagu casumey Madaxweynaha Puntland isla markaana uu ka jeediyey khudbad.

Labada Wasiir ayaa mar sii horeysey tegey dalka Itoobiya waxaana safarkoodu daba socdey saraakiil ka tirsan Itoobiya oo si xun la sheegey in loogula dhaqmey gudaha Somaliland, taas oo Itoobiya ka carootey

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda kula hadley Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ayaa sheegey in ay shir la qaateen Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas, shirkaas oo ahaa mid wanaagsan sida Wasiirku yiri, waxaan u sheegney (Madaxweynaha Puntland) ayuu yiri halka xuduudayadu dhacdo, Somaliland ay xor tahay inkasta oo aan weli lana aqoonsan, waxaana anaga iyo Puntland naga dhexeeya wax badan sida in aan iska kaashano nabadgelyada ayuu yiri Biixi.

Hadalka ka soo abxay Wasiir Biixi ayaan Puntland weli ka hadlin waxa ay ka wada hadleen iyo sida wada hadalkaasi u dhacay taas oo ah mid faah-faahinteeda laga doonayo Xukuumadda uu hoggaamiyo Gaas

Hoos ka daawo:

Sh. MAXAMUUD SHIBLI: Ayaan Darane IBNUL-CALQAMI iyo TATAARKII

Qeyb. 3aad

  • Waa qeybtii 3aad ee taxanaha Ayaan Darane oo aan ku soo bandhigno dhacdooyin mudan dhugasho gaar ah.
  • Waxaan qeybtan ku soo qaadanayanaa nin ka qeyb qaatay dhacdadii Tataarku ku qabsadeen caasimadii Muslimiinta ee Baqdaad qarnigii 7aad ee Hijriga (656H), kuna dileen khaliifadii Muslimiinta, kadibna asagii u geeriyooday murugo iyo tiiraanyo.

Qisada Oo Kooban:

–   Ibnul-Calqami: Waxuu ahaa wasiirka khaliifkii Cabbaasiyiinta ee waqtigaas haystay, waxaana lagu magacaabi jiray ( AlMustacsim Billaahi  المستعصم بالله ), waxaana lagu matali karaa xilkiisa Ra’iisul Wasaare.

–   Waxuu ahaa nin shiica ah oo cuqdad wayn oo diineed u qabay khaliifada iyo dhamaan dadka sunniga ah, hase yeeshee waa qarsan jiray sida ay tahay caqiidada shiicadu (Taqiyyah).

–   Waxuu xiriir hoose la lahaa dawladii Tataarka oo xilligaas dagaal adag kula jirta Dawladii Muslimiinta ee Cabbaasiyiinta, waxaana dhinaca Tataarka la socday oo ay xiriiri jireen nin kale oo asaguna Shiica ahaa laguna magacaabi jiray Nasiirudiin AlDuusi نصير الدين الطوسي.

–   Waxaa labada dhinac ku heshiiyeen in la rido dawladda Cabaasiyiinta, Tataarka-na loo fududeeyo qabsashada Baqdaad oo ahayd caasimadda dawladda Muslimiinta, xilkaasna ah wiiqidda dawladda Cabbaasiyiinta waxaa qaaday IbnulCalqami.

–   Waxuu Ibul Calqami ka haystay khaliifada Cabaasiga ah kalsooni iyo aaminaad badan, waxuuna ahaa nin khiyaano & mardabo badan, halka khaliifkaas lagu tilmaamo nin daman oo daciif ah, una suuban hogaanka sare ee Muslimiinta.

–   Waxuu IbnulCalqami ka dhaadhciyay khaliifkii laba arrimood oo kala ah:

  1. In la dhimo tirada & miisaaniyadda ciidamada dawladda oo aad u badnaa asaga oo ka dhigaya in aan loo baahnayn, culays dhaqaale oo bandanna ku hayaan dwladda, waxuu sidaas sameeyay ayada oo dawladu kula jirto Tataarka dagaal adag.
  2. In ciidamada qeybo kamid ah loo leexiyo hawlaha guud ee bulshada sida beeraha, farsamada iwm, si u kala dhantaalo awooda ciidamda.

–   Waxaa ciidamdadii ku dagaalami jiray fardaha oo dhamaa 100,000/. Sanadkii 640H, laga dhigay sanadkii 654H, ilaa 10,000/. Kaliya.

–   Waxaa la dhimay tababaradii ay qaadan jireen iyo taakuladii dhaqaale ee la siin jiray ciidamada ilaa ay gaareen in ay ka tuugsadaan suuqyada, taas oo keentay in ay qiima dhacaan, kana tago qof kasta oo tayo lahaa, ciidamadiina ay ka niyad jabaan dagaalka iyo difaaca dawladda, taas oo ah sidii uu doonayey IbnulCalqami.

–   Waxaa fududaatay in ay Tataarku soo jabiyaan ciidamadii dawladdii Cabbaasiyiinta, waxayna qabsadeen caasimaddii ahayd Baqdaad oo hadda ah caasimadda Ciraaq.

–   Waxay Tataarku doonayeen in aanay dilin madaxa sare ee Khaliifada ah oo ay la galaan heshiis, hase yeeshee waxaa ku taliyay in la dilo asaga & madaxda sare labadii nin ee kala ahaa Ibnul-Calqami & Nasiirudiin AlDuusi oo ku tilmaamay in ay tahay dayntoodu talo aan haboonayn, waayo heshiiskaas dhawr sano kadib dib ayay isu abaabulayaan wayna ka baxayaan Muslimiintu, xaalkuna halkiisii ayuu ku noqon doonaa hadii ragan la daayo, waxayna siiyeen qoraal dheer oo ay ku qoranyihiin dadka ay tahay in la laayo.

–   Waxay Tataarkii qaateen taladii labadaas nin soo jeediyeen, waxayna goobtaas ku dileen khaliifkii (Madaxii Sare) muslimiinta iyo dad badan oo gaaraya (700) oo qof oo u badnaa culimo, qaadiyaal, saraakiil ciidan iyo madaxdii dawladda.

–   Waxaa is bedelay midabkii wabiga Dajla oo ku yaalla magaalada Baqdaad, Marna dhiigii muslimka ayaa ka dhigay gaduud, marna waxaa madoobaysay qadda kutubtii lagu daadiyay.

–   Waxay Tataarkii ka baxeen magaaladii Baqdaad ayaga oo ka baqaya cuduro ama daacuun ka dhasha maydadka daadsan ama lagu gubay magaalada gudaheeda.

–   Waxay Tataarkii magacaabeen gole maamul oo uu madax ka yahay Ibnul-Calqami, waxuuna ahaa magac u yaal aan awood lahayn oo uu xukumo askariga dablaha ah ee Tataarka.

–   Waxay taasi murugo wayn ku beertay Ibnul-Calqami oo filayey in la sharfi doono maadaama uu dawladii muslimka dhabarka ka jabiyay, gaaladii Tataarkana dalka qabsashadiisa u fududeeyay.

–   Waxaa dhici jirtay asaga oo Madax ah oo saaran faraskiisa in ay waardiyeeyaan ciidamada Tataarka, sida ay rabaanna ula hadlaan ama ugu hanjabaan ayaga oo tusaya tag daradiisa halka dawladii hore ee uu khiyaamay lugaha laga dhunkan jiray, jidkana loo sii bannayn jiray, waadna qiyaasi kartaa xanuunka uu dareemi karo.

–   Malin kamid ah maalmaha ayaa waxuu saarnaa dameer ama faras, waxaa hareeraha ka socday askar Tataar ah, waxayna garaacayeen dameerkii ama faraskii uu saarnaa, taas oo ku ahayd sharaf dhac wayn asaga oo xaakim ah suuqa dadka dhexdiisa ahna maraya, waxay soo mareen haweenay Muslim ah oo taqiinay, waxa uu sameeyayna ogayd waxay ku tiri:” Sidaas miyay kuula dhaqmi jireen Cabbaasiyiintii “?.

–   Waxuu hadalkaas wadnaha kaga dhacay, murugo iyo tiiraanyo badanna ku reebay Ibnul-Calqami oo asaga oo madax ah inta cadow keenay dalkiisii, hadana la sharaf dilay, waxuuna fariistay gurigiisii, kadib maalmo kooban isla sanadkii 656H ayuu u geeriyooday murugo iyo tiiraanyo qabsatay.

–   Ibnul-Calqami waxuu dhadhamiyay mirihii qaraaraa ee uu beeray, qoomamo iyo qalbi xumana waxba uma qaban.

–   Waxaa Ibnul-Calqami la galiyay Danbi iyo Dakane, hadana inta la dullaystay ayuu u dhintay damiir xanuun, sow ma aha Ayaan Darane seegay labada daaroodba?.

Halkan ka aqri qeybtii hore

W/Q:  Sh. Maxamuud Maxamed  Shibli

Dil fool xun oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xaley ku dishay degmada Yaaqshid gaar ahaan xaafadda Coca-Cola nin oday ah.

Sidda ay lee yihiin dadka deeganka, kooxda dilka geestay rabay in dhacaan gurriga uu degganaa odayga la dilay, deetana waxa ay ku dhufteen mindi oo ay waa ay ku dileen.

Kooxda dilka geesatay ayaa goobta isaga baxsaday mana jirto cid soo qabatay

Dhacdadan ayaa noqotay mid aad looga naxo xaafadda Coca-Cola iyo guud ahaan degmada Yaaqshid.

Waxa ay ka dhacday xaafad horrey loogu dilay gabar ardayad ahayd oo kooxo hubeysan ay ku dileen dhawaan magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid ka hadashay dhacadada ka dhacday xaley degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa xilligii habeenkii dadka jiiftaan daaradda guryaha maadama lagu jirro xilliga kuleelaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Baabuur-ka is-wada ee Google

0

Muuqaal caalamka ka yaabiyay oo ah Baabuur is wadaya oo ay lee dahay Shirkada Caanka ah ee Google ayaa mardhow laga filan doona wadooyinka Caalamka kadib markii, Baabuurkan oo shirkada raadinta safxadaha internet-ka caanka ku ah ka shaqeyneysay waqti badan.

Shirkada Google ayaa ujeedadoda tahay in uu noqdo Baabuurkani mid meesh loo diro tagi karo asagoon wax bani aadan ah caawin, Wuxu isticmaalaya barnaamij shikada sameeysay oo aqoonsanay wax kasta oo dhinacyadiisa maraya sida baabuur, dad, ama dhagax wadada yaal ee nala daawo muuqaalkani la yaabka leh.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO-GA:

DF Somalia oo war cad ka soo saartay xariggii qunsulka Somalia ee Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in raa’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu maanta la kulmay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Mudane Maxamed Cali Nuur, oo Muqdisho soo gaaray Axaddii 27-kii April kadib markii lagu casumay inuu Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyo xaaladda ay ku sugan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jooga Kenya.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Caasimada Online ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa waxaa soo wajahay usbuucyadan ugu dambeeyey dhibaatooyin xooggan, kadib markii xukuumadda Kenya ay bilowday hawlgal amni oo dad fara badan lagu xiray. Isla hawlgalkaas ayaa keenay in ay ciidamada Kenya xiraan Qunsulka Siyaasadda ee jooga Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, mudane Siyaad Maxamuud Shire, arrinkaas oo dowladda Soomaaliyeed ay u aragto mid xadgudub ku ah heshiiska diblumaasiga.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa si joogto ah uga wada hadlayay xaaladda dadka Soomaalida ah ee ku nool Kenya, waxaana ay dowladda Soomaaliya u dirtay hay’adaha xukuumadda Kenya ee ku shaqada leh hawlgalkan socda codsi ah in ay ixtiraamaan xuquuqda iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee ku sugan Kenya.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa daba socday kulan aan caadi ahayn oo ay Sabtidii isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada oo lagu falanqeeyey xaaladda ka taagan Kenya.

Wuxuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu:

“Xukuumadda Soomaaliya waxay sii waddaa in ay qeexdo walaaca xooggan ee ay ka qabto qab-qabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, kuwaas oo addeecsan sharciyada u yaala dalkaas. Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya intooda badan waa kuwo jecel nabad ku wada noolaanshaha, waxayna door muhiim ah ka qaataan kobcinta dhaqaalaha Kenya.

“Dowladda Soomaaliya waxay si joogta ah xiriir ula samaysay dowladda Kenya si wax looga qabto qab-qabashada lagu hayo dadka Soomaaliyeed, waxayna rajaynaysaa in dowladda Kenya ay dadaal kasta ku bixiso ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

“Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay ka sugaysaa dowladda Kenya jawaab rasmi ah oo ku aaddan xariggii loo gaystay Qunsulka Siyaasadda ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Mudane Siyaad Maxamuud Shire, arrinkaas oo ah xadgudub ka dhan ah ximaayadda diblomaasiyeed.

“Labadeenna dawladood waxay ka midaysan yihiin walaaca dhanka nabad galyada, lakiin qab-qabashada lagu hayo Soomaalida aan waxba galabsan waxay abuuraysaa jawi ku dheehan cabsi iyo is aaminid la’aan oo horseedi doona kala qaybsanaan soo kala dhex gasha bulshooyinkeenna.

“Waxaa mar kasta ka dhexeeyay labada waddan xiriir xooggan, waxaana garwaaqsaneeynaa oon ku faraxsannahay taageerada joogtada ah ee dawladda Kenya ay siiso Soomaaliya. Labada dawladood waa in ay ka sii wada shaqeeyaan dadaalka aan ugu jirno inaan dalalkeenna ka nabad-galinno khatarta argagixisada.”

Si kastaba, in ka badan 4,000 oo qof oo Soomaali ah ayaa lagu xiray howlgalka bisha socda ee dowladda Kenya ay ku sheegtay inay ku soo afjareyso weerarrada kooxaha argagaxisada ay ka geysanayaan gudaha dalkeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Axmed Madobe oo maleeshiyo u diray BELEDXAAWO iyo xiisad ka taagan

Balad-xaawo ( Caasimada Online) – Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay kaa taagan xiisad dagaal kaddib markii magaalada ay gaarayn maleeshiyo taageersan maamulka KMG ah ee Jubba.

Maleeshiyada tagay Baladxaawo ayaa ka yimid deegmada Dowlow wuxuuna ujeedkooda uu yahay siddii ay u qabansan lahayeen magaalada siddas waxaa sheegay saraakiil ku sugan gobalka Gedo.

Cabdisalaan Maxamed Saliid, waa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, wuxuu sheegay in magaalada ay maanta soo gaareyn maleeshiyo hoos-taga maamulka KMG ah ee Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay oo kale in magaalada ay ka taagan tahay xiisad dagaal.

Ilaa hadda ma cadda sababta maleeshiyada ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba loogu diro magaalada Baladxaawo ee gobalka Gedo oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka arrimiya goballada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana uu hadda doonayaa in uu maamlkiisa ku baahiyo goballada uu hoos yimaada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

GUULEED OO DIIDAY INUU IS-CASILO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta mar kale su’aalo lagu weydiiyey wasiiradda arrimaha gudaha iyo ammaanka.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeennada Koowaaad iyo Labaad ee Baarlamaanka ayadoo Ajandaha Baarlamaanka qeybta hore uu ahaa dhameystirka dooda la xiriirtay Miisaaniyadda sanadkan 2014ka.

Su’aalaha la weydiiyey Guuleed waxaa ka mid ahaa ama ay la xiriireen Ciidamada Booliska Xuquuqdooda, xaqa ciidamada u naafoobay Qaranka, Wax ka qabashada Amniga, natiijada baaritaanka weerarkii 21kii-February-2014 lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Qaranka, mas’uuliyadda iyo sharciyadda hay’adaha gaarka loo leeyahay ee amniga ka shaqeeya iyo dilalkii loo kala geystay odayaal dhaqameedyo iyo Xildhibaanno ka tirsanaa baarlamaanka.

Xildhibaan Caadil Sheegow Sagaar ayaa si cad ah u weydiiyay wasiirka in uu is-casilo maadama uu fashilmay, wuxuuna yiri “Wasiir su’aalaha lagu weydiiyay shaley ilaa iyo maanta waxa weeye in aad ka jawaabto su’aalaha qaar anniga waxaan ku lee yahay iscasil waayo waad ku fashilanta, oo ammaankeena ayaa halis ku ah dad badan oo dhintay sababtaada ayey ku dhinteen”

Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Xildhibaannada Baarlamaanka uga jawaabayey su’aallaha ay weeydiiyeen ayaa ugu horeyn u faah faahiyey Mudaneyaasha Golaha Shacabka sida ay u shaqeeyaan xiligan hay’adaha amniga Dalka, waxaana uu xusay in seddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay hay’adaha amnigu ku guuleysteen fashilinta weerarro iyo qorshayaal ay argigixisadu soo maleegtay, kuwaasi oo kumanaan gaaraya marka wadartooda la isku geeyo.

Wasiirka ayaa su’aallo culus la weydiiyay oo marka qaar waxayba xildhibaannada baarlamaanka lahaayeen waa fashillantay ee meesha isaga tag, isna casil, hase yeeshee Guuleed waa uu ku gacan seeray is-casilaad, wuxuuna ku dooday in amni darrada uusan kaligiis mas’uul ka ahayn.

Axmed SIILAANYO oo hanjabaad diray weerarna ku qaaday SOOMAALIWEYN

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shirweynihii xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland haya.

Shirkan ayaa shantii sanno mar la qabtaa, waxaana ka soo qaybgala dhammaan xubnaha xisbiga Kulmiye sidda u ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa.

Shirkaasi wuxuu socon doonaa laba maalmood, waxaana lagu dooran doonaa hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye ee shanta sano ee soo socota oo kala ah ; Gudoomiyaha xisbiga , afar guddoomiye ku xigeen , iyo xoghaye guud.

Shirweynaha Kulmiye oo ka furmay Hargeysa
Shirweynaha Kulmiye oo ka furmay Hargeysa

Waxaa kaloo lagu dooran doonaa guddiga fulinta ee xisbiga, iyo gole dhexe oo dhan ku dhowaan 300 xubnood .

Haddaba shirka waxaa daah furkiisa ka hadlay madaxweynaah maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo arrimo badan ayuu ka hadlay.

Mar uu ka hadlaayay midnimo dib u dhex marta Soomaaliya iyo Somaliland, wuxu sheegay in aysan dhici doonin arrintaas, isagoona ku baaqay in la tixgaliyo gooni isku taaga Somaliland.wuxuu yiri “Dadka Somaliland waa ay tashatay, waana ay soo ceshatay minimadii diyaarna uma ahan midnimo dambe, idiinmana soo socaan, haddii midnimo la waayay, waa in nabadda iyo walaaltimimada aaan isku qadarino maadama aanu nahay dad walaalo ah oo jaar ah”.

Mar uu ku hadlaayay xiisadda ka taagan degmada Taleex ee gobalka Sool, wuxuu yiri.Xuduudaha Somaliland waa ku cayiman oo la yaqaano, cid aan ka yeeleyno in ay ku soo gardarooto ma jirto, mana oggolaan doono in lagu xad gudbo taako, iyo dhundhun ak mid ah, haddii ay difaac noqoto waxaan heynaa awood” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa u socda wadahadallo la rabo in la isku soo dhaweeyo labada dhinac in kastoo ay kala taagaan yihiin labo mowqif oo kala fog.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeyesa

[email protected]

DHAGEYSO: Gabadhii iska soo tuurtay dabaqa ee Nairobi oo wareysi bixisay

Nairobi (Caasimada Online) – Xaafadda Islii ee Mgaaladda Nairobi ayay wali ka sii socdaan Raafka iyo qabqabashada dadka Soomaalida ah ee Xaafadaasi degen, iyadoo xabsiga loo taxabay dad tiro badan oo rag iyo dumar ba iskugu jira.

Dhibaatadii u dambeysay waxay soo gaartay Nadiifo Cabdi Cumar oo ah gabar Soomaliyeed oo uur leh oo ka soo dhacday dabaqa saddexaad ee guriga ay deggan tahay ee xaafadda Islii iyadoo sheegtay inay iska qarineysa askarta Kenyanka ah oo guriga ku soo garaacay saacadihii hore ee Sabtidii shalay.

Nadiifo oo hadda taala cisbital ku yaalla xaafadda Islii ayaa khadka teleefanka wareysi ku siisay idaacadda VOA-da

Hoos ka Dhegayso Labada Waraysi oo dhamays tiran

Video: Hooyo Somali oo ninkeeda uu ka jarjaray xubno jirka ah oo hadashay

0

Dhacdo aan nuuceeda horay loo arag ayaa waxaa ka sheekeyneysa Hooyo Soomaali ah oo ay qabsatay arinkaasi kadib Markii hooyadaa ay si toos ah dhacadaasi uga sheekeysay Barnaamijka haweenka ee ka baxa Somali Channel Tv.

Arintani ayaa marka aad daawato waxaa mar qura is badalaya muuqaalkaada kadib sida ay hooyadani uga sheekeyneysa si foosha xun ee uu seegeyga uga sameeyay dhacadani oo ah mid uu rku taalo ah oo ay la ilmeyneysa hooyadani ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Beelaha HAWIYE oo DF SOMALIA siiyay talo ay kaga aar gudsan karto Kenya

Muqdisho(Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Hawiye ayaa ka hadlay talabada dowlada Kenya ay ku qabqabaneyso shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii ee dalka Kenya.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa tilmaamay in dowlada Kenya ay caqabad ku noqotay ganacsiga dadka Soomaaliyeed ee Islii, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay raafka Dowladda Kenya ay ku hayso dadka Soomaaliyeed.

Nabadoon Xaad ayaa Dowladda Kenya tallo ahaan usoo jeediyay in hadii Dowladda Kenya ay dhowri weysay saaxiibtinimada iyo xiriirka labada Dowladood, Dowladda Soomaaliya looga fadhiyo inay ka qaadato go’aan rasmi ah oo ku aadan ciidanka Kenya ka jooga Soomaaliya.

“Hadii Kenya ay ilaalin weyso saaxiibtinimada iyo xiriirka labada dowladood iyo Afrikaanimada ila ma’ahan in Dowladda ay ka aamusnaato, waxaan usheegaynaa Dowladda inay go’aan ka qaadato ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga”Ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay go’aan ka qaataan Dowladda Kenya, maadaama Kenya aysan unaxariisaneyn Shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiintooda.

Raafka Kenya ka socda ayaa cirka sii galay, kadib markii Qunsulkii Soomaaliya ee Safaarada Kenya ay xireen ciidamada ammaanka Kenya, kaasi oo xitaa ay ku tixgelin waayeen sharciga iyo Diplumaasiyada.

Habeen hore ayeey aheyd markii haweenay Soomaaliyeed oo uur leh ay kasoo dhacday Dabaq saddex Biyaano ah, xilli ay ka dhuumanaysa raafka ciidamada Dowladda Kenya ay islii kawadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xog: Abaanduulaha ciidamada xoogga iyo wasiir kusoo fashilmay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Abaanduulaha ciidamada Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi iyo wasiir ku xigeenka isgaarsiinta Axmed Cali Salaad Taako ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Kismaayo halkaasoo ay ka wadeen qorshe hubka looga dhigayo ciidamada ku sugan deegaanka Goobweyn.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wasiir ku xigeen Taako iyo abaanduulaha ciidamada ay isaga soo huleelayaan Kismaayo, kuna laabanayaan Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ku fashilmeen qorshaha lagu doonayey in lagu soo xareeyo ciidama ku sugnaa deegaanka Goobweyn oo ah ciidamadii deegaanka ee taabacsanaa dawlada federaalka ee sanadkii hore dagaalka looga saaray magaalada Kismaayo.

Wasiir ku xigeenka iyo abaanduulaha ciidamada ayaa mudooyinkan ku sugnaa magaalada Kismaayo, waxaana warar aan ka heleyno ilo wareed ku sugan Kismaayo ayaa xaqiijinaya in qorshaha joogitaanka saraakiishan uu ka dambeeyo R/W C/weli Sheekh Axmed oo isaga laftiisa dhowaan tagay Kismaayo.

Fashilka ayaa ka dambeeyay markii ciidamadii joogay Goobweyn iyo saraakiishooda ay diideen inay hubkooda wareejiyaan, ayna gudaha u galaan Kismaayo. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in lacago fara badan loo ballanqaaday qorshahan hubka looga dhigayo ciidamadan laguna doonayey inay Kismaayo ku xaroodaan iyagoo sacboolay ah.

Arrimaha dib u heshiisiinta Kismaayo ayaan weli fari ka qodneyn, sida ay qabaan dad badan oo ku xeeldheer arrimaha gudaha, waxaana caqabada ugu weyn ay ka taagan tahay colaad beeleedka oo aan weli la xallin iyo boqollaalkii ka barakacay Kismaayo oo deegaankoodii iyo hantidoodii la boobay oo aan weli laga hadlin.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Cabdi Baaley oo si aan laga fileyn uga hadlay saaxiibkiis Col. Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online) – Cabdi Baaleey oo xilli ka mid ahaa raga madaxweynaha Jubaland sheegtay ee dagaalka adeg la galay Axmed Madoobe balse markii danbe inta laga itaal roonaaday loo musaafuriyey magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu iminka kusoo noqday Kismaayo, iyaddoo uu xil guddoomiyaha dib u hishiisiinta u magacaabay Axmed Madoobe.

Cabdi Baaleey oo xilligiisii mucaaradnimada xulufo lahaa Wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowlada Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha nabada iyo midnimada Jubbooyinka Col, Barre Hiiraale ayaa iminka waxaa uu kasoo horjeedaa fikirkiisii hore ee ahaa in sida loo dhisay maamulka Jubba qaldan yahay islamarkaana hadda ah nin taageero u haya maamulkaasi.

Cabdi Baaley waxa uu sheegay inay baryahan ka shaqeynayeen dib u hishiisiinta dadka wada deggan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, inkastoo uu carabkiisa ku ballaariyey inaysan jirin beelo dagaalsan, haddana isla wareysiga ayuu ku sheegay inay beelaha SADE IYO KABLALAX hishiiseen, taasi oo ka hor imaaneysa hadalkiisa ah inaysan beelo dagaalsaneyn.

“Waxaa hishiiyey beelaha Sade iyo Kablalax. Waxaana ay arrintaasi qeyb ka tahay dadaalada dib u hishiisiineyd ee aan aniga ugu qaabilsanahay maamulka Jubba, kadib markii Axmed Madoobe igu magacaabay wareegto. Xaqiiqaduse waxay tahay inaysan jirin beelo dagaal uu ka dhexeeyo” ayuu yiri Cabdi Baaleey oo Kismaayo ku sugan, halka ciidankiisa qaar ka mid ah ay Barre Hiiraale la joogaan.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayey inuu xirir toos ah la sameeyey Col, Barre Hiiraale oo ay xulufo ku ahaayeen la dagaalanka maamulka Axmed Madoobe oo ay dartiis dad badan ku naf waayeen ayuu sheegay inaysan wada hadlin, balse waxaa uu intaasi raaciyey inuu Col, Barre Hiiraale qasab ku tahay inuu aqbalo maamulka Jubba ee Axmed Madoobe iyo dib u hishiisiinta.

” Barre Hiiraale xalka socda waa ku qasab inuu aqbalo. Maxaa yeelay waa mas’uul Soomaaliyeed oo qiimihiisa leh laakiin dib uhishiisiinta iyo ka qeybqaadashada dadka gobolladan degan oo alle u qadaray inay wada degaan waa ku qasab.” ayuu yiri Cabdi Baaleey oo iminka u muuqda nin ay si weyn u kala durkeen dhinaca fikirka Col, Barre Hiiraale.

Marka laga soo tego beelaha Kablalax iyo Sade ma jiraan wax beelo kale ah oo dib u hishiisiin loogu qabtay Kismaayo, taasi oo xaalka magaalada iyo midda maamulka la isku heysto ka dhigeysa mid aan loo dhameyn. Lamana yaqaan waxa ay shacabka kale ee gobollada deggan lagu qancinayo.

Xubno ka tirsan DFS oo wada shirqool ka dhan ah mooshinka iyo Kenya oo..

Wafti Kenyan ah oo ujeedkiisu yahay sidii ay dowladda Soomaaliya uga dhaadhicin lahaayeen inaan waxba laga baddalin suuqa iyo ka ganacsiga Jaadka Soomaaliya, ayaa maanta gaaray Muqdisho.

Beeraaleyda Kenya ee Meru ayaa dadaal xooggan ugu jira inaanu is dhimin dalabka maandoorihaya Jaadka ee suuqa Soomaaliya oo ah midka keliya iminka ay gacanta ku haystaan, waxayna kaashanayaan gacansato iskugu jirta Soomaali iyo Kenyan, kuwaas oo dadaal xooggan ugu jira in suuqa Jaadka ee Soomaaliya aan la xirin.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii mooshin ka dhan ah jaadka Kenya la horgeeyey baarlamanka Soomaaliya.

Xog aynu helnay ayaa sheegeysa in xubno ka tirsan xukuumadda Cabdi Weli ay u ballaan qaadeen inay hor istaagi doonaan mooshinka xubnaha golaha baarlamaanka ay ku doonayaan in lagu joojiyo Jaadka Kenya, maadaama dalka Kenya uu dhibaato aad fool xun ku hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaara ahaan xaafadda Islii ee magaaladda Nairobi.

Kulanka ay xubnaha dowladdu la qaateen ganacsatada iyo beeraaleyda jaadka Kenya ayaa ah mid noqon kara qiyaano qaran, sababtoo ah waxay tani ka hor imaaneysaa danaha dadka Soomaaliyeed, weliba xilligan xasaasiga ah.

Ku dhawaad 72 million oo dollar oo faa’iido ah ayuu dalka Kenya ka helaa maandooriyaha Jaadka ee loo soo dhoofiyo dalka Soomaaliya, halka dadka Soomaaliyeedna ay ka helaan kaliya khasaare dhaqaale, nololeed, qoys iyo caafimaad darro intaba.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay magaaladda Muqdisho ka jirto hadal heyn ku saabsan dood uu baarlamaanka Soomaaliya ka yeelan doono joojinta Jaadka Kenya.

Socdaalka Ganacsatada iyo beeraaleyda Kenya ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli horraantii bishan ay dowladda Ingiriiska dalkeeda ka mamnuucday ganacsiga Jaadka, taas oo sababtay in dhaqaalaha Kenya uu hoos u dhaco, maadaama ay sanadkii ka heli jirtay lacag malaayiin dollar ah.

Mooshinkan baarlamanka horyaalla ayaa tijaabo u ah wadanninimada iyo waxqabadka xukuumadda Somalia.

Xog & Gorfeyn: Khilaafka Siyaasadeed ee Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya

Tan iyo Xornimaddii dalka Somalia marna heer wanaagsan ma gaarin xiriirka Somalia iyo Kenya, waxaana taasi ugu wacan muranka soo-jireenka ee dhulka NFD ee W/bari ee dalka Kenya oo uu Gumeysigii Ingiriiska u hibeeyey Kenya.

Dowladihii soo maray labada dal waxay ogaayeen gocashadaasi, iyadoo Dowladda Kenya sheegtay inaan gorgortan laga geli Karin Milkiyadda Deegaannadda NFD oo ay Qowmiyadda Soomaalidu deggankoodu yahay.

Caburin Milliteri oo saamayn ku yeelatay dadka deegaanka ayaana lagu xusi karaa Sooyaalka Taariikhda ee Goballadda NFD, taasi oo keentay inay dhismaan Jabhaddo Xornimo-doon ah, laakiin Jabhadahaasi waxaa lagala hortegay gacan bir ah.

Xasuuqii Wagalla ayaa lagu tilmaamaa Xasuuqii ugu argagaxa badnaa ee lagula kacay Soomaalida degganaa NFD, iyadoo la sheegay inay Askarta Kenyaatiga si saf-mareen ah u dileen in ka badan 5,000 oo Soomaali ah oo lagu dilay deegaan 10-km u jirta Degmadda Wajeer.

Xasuuqaasi ayaa ku taariikheysan bishii February 10-dii ee sannadkii 1984-kii, waxaana dhegta dhiigga loo daray Kumanaan qof oo ka mid ahaa Soomaalida degganaa Gobalka NFD ama W/Bari ee dalka Kenya.

Muranka dhulka ka maqan dal-weynaha Somalia ayaa u muuqda inay hadal-hayntiisa meesha ka baxday tan iyo wixii ka dambeeyey, markii uu burburka ku yimid Nidaamka Dowladnimo ee Somalia, isla markaana Soomaalida galeen Cahdi Dowlad la’aaneed.

Burburkii Dowladnimo ee Somalia waxay fursad siyaasadeed u noqotay Kenya maadaama ay ka yaraadeen cabsidii Dowladdii Kacaanka iyo cabsidii ka haysatay Kacdoonka dadka Reer NFD ee Xornimo-doonka ahaa.

Maamulayaasha Kenya waxay dardar-geliyeen inay Soomaalida soo qaxay ku soo dhaweeyaan dalkooda, waxayna u qoondeeyeen Xerooyin Qaxooti oo ku yaalla Goballadda W/bari oo ay haatan ku jiraan in ku dhow 500,000 oo qof.

Miisaaniyad xoog leh ayaa uga soo burqatay Xerooyinka Qaxootiga, maadaama ay Hay’addaha QM, siiba Hay’adda Qaootiga ee UNHCR kharajkooda ku bixiyaan Adeegyadda darruuriga ee ay uga baahan yihiin gudaha Kenya.

Furfurnaanta dadka Soomaalida ayaa horseeday inuu kobco dhaqaalaha Kenya iyo inay dhismaan Mashaariic ganacsi oo ay Reer Kenya galti ka ahaayeen.

Ganacsatadda waa weyn ee hantidooda kala soo cararay dagaalladdii sokeeye, kuwii beeleed iyo kuwii siyaasadeed ee dalkeenna ka holcayey tan iyo sannadkii 1992-kii ayaa waxay Maalgashi Mashaariic Ganacsi ka bilaabeen Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi.

Islii oo noqotay ubucda ganacsiga iyo deegaanka ee dadka Soomaalida ayaa waxaa laga hirgeliyey kumanaan goobo Mehraddo Ganacsi iyo Deegaan.

Dabaqyadda casriga iyo Dukaamaha waa weyn ee badeecad kasta lagu iibiyo ayaa waxaa ka hinaasay Muwaadiniinta Kenya oo iyagu la anfariiray Soomaalida soo-galootiga sida ay Hawlaha Ganacsiga u kala wadaan.

Dadka Soomaalida waxay yeesheen caddaawad iyo in loo quuri waayo Hantida Balaayiinta Dollar ee Islii ku kaydsan, taasi ayaana la rumeysan yahay inay soo dedjisay Hawlgalka ay Ciiddanka Ammaanka ku raafayaan dadka Soomaalida ka soo qaxday dalka Somalia.

Hawlgalladda dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay ka socda magaalladda Nairobi ayaana keenay in aad loo fekero Khatarta ka dhalan karta Raafka baahsan ee Soomaalida keliya lagu soo koobay.

Hawlgalladda Boliska Kenya waxaa kaloo uu saamayn ku yeeshay dadka Soomaalida-Kenya oo iyagu Kenyaatiga kale ku tilmaamaan Kenyaatiga Heerka Labaad.

Qiimeynta noocaasi ah ayaa waxaa suurtogal ah inay Soomaalida-Kenya wax badan ka fekeraan iyo inay soo gocdaan dhacdadii xasuuqa ee 30-sanno loo geystay Waalidiintooda.

Sioo kale, Ganacsatadda Soomaalida ka soo qaxday dalka Somalia ayaa iminka ku soo baraarugay Hawlgalka Raafka, iyadoo ay Ganacsataddu walaac xooggan ka muujinayaan Khatarta ka dhalan karto Raafka socda iyo muranka dhinaca Diplomaasiyadda ee Dowladaha Somalia iyo Kenya ka dhex aloosan.

Xeeldheerayaasha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ayaa rumeysan haddii la qiimeeyo hantida Ganacsatadda Soomaalida ku leeyihiin Xaafadda Islii inay kor u dhaafayso lacag dhan Trillion Dollar.

Dhaqaalahaasi ayaa waxay isugu jiraan Hanti Ma-guurto iyo Hanti Lacageed Kaash ah, waxaana tiiraanyo iyo tacab beel noqon karta haddii ay Dowladda Kenya ama Kooxo shaar dowladeed wata u soo bareeraan inay dhacaan Ganacsatadda Soomaalida ama ay si fudud ula wareegaan Hantida la soo tacbayey 30-kii sanno ee la soo dhaafay.

Xeeldheerayaasha Arrimaha Bulshadda ayaa iyagana rajo-beel ka muujinaya inuu Kacdoonka Raafka ee Soomaalida keliya lagu ugaarsanayo u sii xuubsiibto Kacdoon Qaramayn oo ay dadka Kenyaatiga kula wareegayaan Hantida Ajaaniibta oo ay Soomaalida ugu horreyso.

La-wareegga noocaasi ayaa suurtogal ah inuu yimaado haddii aysan Labada Dowladood xal u helin mushkilladda ka dhalatay raafka aan loo maydaan dayin.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya ayaa rumeysan inay Soomaalida u soo xawileen qaraxyo iyo deganaansho la’aan , laakiin taasi beddelkeeda Soomaalida waxay aad u rumeysan yihiin in imaaanshahoodii Kenya wax badan laga macaashay oo ay wax ku soo kordhiyeen Dhaqaalihii iyo nolosha Bulshadda Kenya.

Sawiro + Warbixin: Nolosha qoxootiga Soomaalida ee Libya iyo Lampedusa

Roma (Caasimada Online)-Warbixinno ay qoreyn labo gabdhood oo Soomaali Canadian ah, ayaa looga hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Talyaaniga.

Sidda lagu sheegay warbixinta, waxaa loo yaqaana dhallintaas badda soo mara “Cayaalka Badda” waa hal ku dhig loo adeegsado dhallinyaradda Soomaalida ah ee doomaha ka soo raaca Waqooyiga Afrika.

Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe, Soomaaliya waxa ay noqotay dalka labaad ee ugu qoxootiga badan caalamka.

Qaar badan oo dadkaas waxa ay galaan safar khatar badan oo mararka qaar nasadooda ayey ku waayaan oo waaba ay dhintaan inta ku jiraan safarkaas.

Dadkaas doomo aan la isku aamini karin ayey ka raacaan Waqooyiga Afrika iyadoo ku gaara koonfurta Yurub si ay u helaan nolal dhaanta tii ay ka tagayn.

Haddaba dadkaas markii ay tagaan Talyaaniga, waxaa laga qaadaa baaritaan oo farta ayaa laga calaameeyaa oo dal kale ama aadi karaan maadama ay qoxooti yihiin.

Sharciga Dublin II ayaa dhigaya qofka dalka uu marka ku soo galo qoxootinimo ayaa ku nagaanayaa oo dalka ma aadi karo, oo dad badan ayaa markaas suga in loo oggolaado waddan kale.

Deeqa waxay fadhidaa meel banaanka ka ag gurrigeeda KMG ah ee ku yaalla Hotelka Frosinone ee dalka Talyaaniga.
Deeqa waxay fadhidaa meel banaanka ka ag gurrigeeda KMG ah ee ku yaalla Hotelka Frosinone ee dalka Talyaaniga.

Xasan waa maid ka mid ah dhallinyaro Soomaali ah oo qoxooti ku ah dalka Talyaaniga, wuxuu ka warbixiyay ayaa ka safarka khatar badan oo uu soo maray ka hor inta aanu immaan Talyaaniga, balse u jeedkiisu uu ahaa siddii uu ku soo  gaari lahaa Yurub.

“Muddo sagaal cisho ayaan ku soo jirnay safar khatar badan annagoo ah 104-qof xittaa maanan wadan cunto iyo biyo,” ayey yiri Xasan.

Safaaraddii horre ee Soomaaliya ee Talyaaniga oo ay hooy u ahayd in ka badan 120 qoxooti ah
Safaaraddii horre ee Soomaaliya ee Talyaaniga oo ay hooy u ahayd in ka badan 120 qoxooti ah

Wuxuu ka mid yahay koox dhallinyaro Soomaali qoxoorti ah kuwaasoo ku sheekeesta banaanka horre makhaayad laga shaaxo, wuxuu bartay qayb ka mid ah luuqada Talyaaniga.

Wuxuu ka mid yahay dhallinyaro aad ugu hami weyn in uu abuurto sidda Soomaali badan oo qoxooti ah.

Wuxuu ka soo cararay dalkiisa oo labaatameeyso sanno dagaallo ka socday, isagoona qoyskiisa doonaya in ay ka baxaan saboolnimmada.

tagay qoyskiisa

“Waxaan ka soo tagay qoyskeyga si shaqo iyo waxoogaa nabad ah u helo,” siddaas Xasan ayaa yiri.

Deeqo waa 23-jir waxay sheegtay in ka mid tahay Soomaali qoxooti ah oo dalkooda ka soo cararay kuwaasoo ku nool dalka Talyaaniga.

Waxa ay sheegtay in ay soo martay dhibaato badan intii ay ku soo jirtay safka badda,

“Waxan halkan ku arkay dhallinyaro badan oo gabdho iyo wiilal kuwaasoo khatar badan soo galay, halkan dhaqaale badan ma yaallaan”

Inta badan cayaalka badda waa kuwa doomo ka soo raacay Libya kaddibna soo gaaray jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, dhammaan waa kuwa is yaqaana waa kuwa isku dhow.

“Waxaa nahay  Soomaaliya, oo waan isla hadlnaa, waayo dhammaan waxaan soo wajahnay halgan,” siddaas waxaa tiri Deeqa.

Waraysi lala yeeshay Md Xasan Sheekh
Waraysi lala yeeshay Md Xasan Sheekh

Haddaba Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ooo tagay Talyaaniga isagoo safar ku marayay Yurub, ayaa la weydiiyay bal wax yaabaha ay kala socdaan Soomaalida qoxootiga ku ah Talyaaniga.

Wuxuu u sheegay wariyaasha diyaariyay warbixintan in qoxootiga Soomaalida ay heesato dhib weyn haddii ay ku nool yihiin Afrika ama Yurub, Wuxuu sheegay in dowladda Talyaaniga uu kala hadlay siddii loo caawin lahaa Soomaalida.

Wuxuu sheegay in ay wadaan in la diiwaangaliyay hal Milyan oo qoxooti Soomaali ah kuwaasoo ku nool Kenya, Ethiopia, Djibouti, iyo Yemen.”

W/D: Caa’isha Saciid iyo Rowda Saciidoo ah Soomaali Canidiyan

Turjumaada waxaa leh Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]