28.4 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Xog laga helay safarka madaxweynaha Soomaaliya uu ugu ambaxay Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamed ayaa maanta u ambabaxay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Madaxweynaha oo ay la socdaan xubno wasiiro ah ayaa la kulmi doona madaxweynaha Jabuuti iyo madaxda dalkaas siddaas waxaa sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho oo ka mid ahaa wariyaasha joogay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inta uu joogo Jabuuti in uu la kulmi doono dhiggiisa dalkaas iyagoona ka hadli doono arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siddii loo soo kordhin lahaa ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah kuwa AMISOM.

Jabuuti ayaa ka mid ah waddamada ciidamada ku deeqay howgalka Midowga Afrika

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

BFS oo u yeeray safiirka dalka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa saxaafadda u sheegay in safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameerika uu hor- imaanayo baarlamaanka si xildhibaannada si uu faah-faahin uga bixiyo tacadiyada loo geesto Soomaalida ku nool Kenya gaar ahaan xarigii dhawaan lagula kacay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Wuxuu sheegay oo kale in mudanayaasha baarlamaanka ay fursad u heli doonaan siddii ay u ogeyn lahaayeen dhibaatada lagu hayo Soomaalida Kenya lagu hayo.

“Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo waxaa dhawaan noo immaan doona safiirka Kenya noo fadhiya si u sharraxaad nooga siiyo howgallada lagu qabqabanaayo Soomaalida  iyo xariggii ciidamada Kenya ay kula dhaqaaqeyn qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Siyaad Maxammuud Shire”ayuu yiri Jawaari.

Si kastaba, afhayeenka baarlamaanka ma cayimin maalin rasmi ah oo safiirka uu hor immaan doono mudanayasha baarlaamanka.

Waxaa sheegis mudan in safiirka Soomaaliya ee Kenya uu hadda ku sugan yahay magaalada Muqdisho kaddib markii shaley uu yimid taasoo ka dambeesay markii xukuumadda ay u yeertay.

Dowladda Kenya ilaa hadda kama hadlin tallaabada ay qaadatay dowladda Soomaaliya ee safiirkii u joogay Kenya u yeeratay.

Magaalada Nairobi waxaa weli ka socda raafka lagu hayo Soomaalida ku dhaqan halkaas, waxaana maalin kasta xabsiyada la geeyaa Soomaali badan oo ay ku jiraan kuwa sharci heesta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Somali loo diiday inay ku noolaadaan laguna amray inay ka baxaan dalka…

Holland(Caasimada Online) – Xildhibaanoka tirsan baarlamaanka Holland ayaa sheegay in arin aan la aqbali Karin ay tahay in seddex ruux oo burcad badeednimo qirtay ay helaan aqoonsi qaxootinimo ay ugu noolaan karaan dalkaasi.

Seddexda ruux oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay qirteen inay yihiin burcad badeeda, iyadoo loo diiday inay si qaxooti ahaan ay ku joogi karaan dalkaasi Holland, sida xildhibaano baarlamaanka ka tirsan ay ku doodeen.

“Qaswadayaashaasi waa in dalka sida ugu dhaqsiyaha badan looga ceriyaa uguna macquulsan”sidaasi waxaa xildhibaan Malik Azmani oo ka mid ah baarlamaanka dalka Holland.

Burcad badeeda ayaa la sheegay in laga sii daayay xabsi ku yaala dalkaasi, laakiin aan dib loosoo celin kadib markii ay dalbaddeen in magangalyo lagu siiyo dalkaasi, iyadoo wali ay socdaan qorshaha ku aadan sidii laga yeeli lahaa.

Xildhibaanka ayaa ku andacooday in burcad badeedaasi ay toogteen askar Holland u dhalatay iminkana ay dalbadanayaan inay ku noolaadaan dalkaasi, isagoo taasi mid aan macquul aheyn ku sheegay.

Seddexdaasi ruux ayaa ka mid ah sagaal burcad badeeda ah oo sanado kala duwan lagu xukumay, laakiin iyaga sanadkii 2011 ayaa lagu xukumay 4 sano iyo bar. Iyadoo laga qafiifay xukunkoodii.

Caasimada Online

Xafiiska Holland

[email protected]

Xildhibaan si kulul uga hadlay ficil ay Ethiopia ku xirtay mas’uuliyiin ka..

Muqdisho(Caasimada Online)-Iyadoo weli ciidamada Itoobiya ay gacanta ku hayaan masuuliyiin ka tirsan ururka Ahilu sunna Waljamaaca iyo waxgarad doonayay inay kormeeraan deegaano biyo la’aan ay ka jirto ayaa arintaas waxaa ka hadashay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in wax aad looga xumaado ay tahay in dad gurmad biyo dhaamin ka wadan gobolka Galgduud ay xerato dowlada Ethiopia.

Xildhibaanada ayaa ku baaqday dowlada Ethiopia inay sii deyso masuuliyiinta iyo waxgaradka ku xeran dhulka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia, kuwaasi oo la xeray maalmo ka hor.

Iyadoo u waramaysay Goobjoog ayay sheegtay inay wanaagsan tahay in dadkaasi lagu tixgeliyo howsha bini’aadanimada ee ay ka wadaan deegaanada biyo la’aanta ay ka jirto ee gobolka Galgaduud.

Waxaa dadkaas laga qabtay deegaan lagu magacaabo Toos-dheer oo u dhaxeeya xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna hadda ku xiran yihiin saldhigga Labo-baar.

Maamulka Ahlu sunna ayaa horay u sheegay inay dadaal u galayaan sidii loosoo deyn lahaa masuuliyiinta Ahlu sunna ka tirsan iyo waxgaradka ciidamada Ethiopia ay ka xereen deegaanka Toos-dheer.

Biyo la’aan baahsan ayaa ka taagan deegaanada gobolka Galgaduud iyo Hiiraan, kuwaasi oo sababay in dad badan ay u geeriyoodaan biyo la’aanta ka jirta deegaanadaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maraykanka oo ka dayriyey Soomalida ku xabisan garoonka Kazarani, Nairobi

Shir ay Jaalliyadda Soomaalida ku dhaqan Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka shalay qabanqaabiyeen ayaa looga hadlay Falalka ay Boliska Kenya ku raafayaan Soomaalida sharci-darradda ku joogta dalkaasi.
Madaxa Naadiga Muwaadinta Soomaalida ku nool Gobalka Minnosata, Jibril Afyare ayaa sheegay inay cambaareynayaan Hawlgalka Boliska Kenya ku raafayeen dadka Soomaalida.
Jibril Afyare waxa uu sheegay in Raafka lagu hayo Soomaalida ku nool Kenya tahay xiisad caalami  iyo mid Aaminimo, isla markaana loo baahan yahay inay Beesha Caalamka wax ka qabtaan tacadiyadaasi ka baxsan Xuquuqda Aadanaha.
Tobaneeyo Hoggaamiyayaal ka mid ah Jaalliyadda iyo Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee haya talada Maraykanka iyo Ururka Adduun bilaa Xasuuq sh  ayaa ka soo qeyb galay Kulankaasi.
 Karen Kalerk iyo Keith Ellison oo ah Mudanayaal ka tirsan  Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Hawlgalka ay Boliska Kenya ku raafeen dadka Soomaalida.
Kareen Kalerk waxay sheegtay inay  tahay wax laga argagaxo waxa Soomaalida ku haysta Garoonka Kazarani ee magaalladda Nairobi.
“Kazarani ma aha magac, waxaan doonayaan in aaan haatan iska illaawo Kazarani.
Waxay sheegtay inay diyaarinayso sidii Qaraar cambaarayn ah looga soo saari lahaa tacadiyadda Soomaalida ku haysta Kenya.
Keith Ellison ayaa isagana sheegay inuu kiiskaasi geyn doono halka looga taliyo Maraykanka, isla markaana uu doonayo inuu Safiirka Kenya u fadhiya Washington la kulmo si uu u gudbiyo in wax laga qabto dhibaatooyinka  dadka Soomaalida ku haysto Garoonka Ciyaaraha ee Kazarani ee magaalladda Nairobi.
“Dalka waa waddan isir-nacayb ka jiro, waxa uu Xafiiskayga tusaale u noqonaya sidii ay Boliska Kenya u joojin lahaayeen tacadiyadda ay dadka Soomaalida u geystaan, waana sii wadi doonaa cadaadiska arrintaasi” ayuu yiri Keith Ellison oo ah Siyaasiga keliya ee Muslimka ah ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka.

BFS oo mar kale ku dheggan Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta markale waxa ay maanta su’aalo weydiinayaan Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, su’aalahaasi oo ku aadan arimaha amniga dalka.

Shalay ayaa Xildhibaanada su’aalo ay weydiiyeen, Wasiirka waxaana su’aalo weydiinta hartay ku dhawaad 30 Xildhibaan oo maanta Wasiirka amniga su’aalaha weydiin doona.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xisaabtan adag kula jira qaar kamid ah Wasaaradaha dalka gaar ahaan Wasaaradaha amniga Gaashaandhiga iyo arimaha gudaha.

Amuurahaan waxa ay ka dambeyeen kadib markii Muqdisho lagu dilay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo caro gelisay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sidoo kale gelinka dambe ee Maanta waxaa Baarlamaanka hortgaya Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Barre oo isaga su’aalo la weydiin doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

KISMAAYO oo weli dilal ay ka socdaan

bKismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaaya inxalay  lagu dilay mid ka mid ah Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba.

Xoogag ku hubeysnaa bistoolado, ayaa askarigaan ku dilay aagga Imperatoria, oo ka tirsan Xaafada Calanley, iyadoo la sheegay in si gaadmo leh raggaasi u dileen askariga.

Ragga dilka fuliyay oo tiradoodu lagu sheegay laba nin, balse uu la socday nin kaloo kaabaayay (Ilaalo ka haayay), ayaa waxay halkaasi kala baxsadeen qori AK47 ahaa, oo uu watay askariga la dilay.

Ciidamada Jubba oo daqiiqado kadib isku fidiyay halka uu dilku ka dhacay, ayaa marka hore ka qaaday meydka askariga la dilay, iyagoona ka bilaabay hawlgal ku aadan kuwii dilka geystay.

Ciidamada Jubba, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay jiraan dad ay ku soo qab qabteen hawlgalka, inkastoo aynaan weli soo gaba gabeen hawlgalka ka dhanka ah dembiile-yaasha.

Maamulka Kismaayo wax war ah kama aanu soo saarin dilka askariga ka tirsan Maamulka Kmg ah ee Jubba, sidoo kalana majirto cid weli sheegatay Masuuliyada dilka askarigaasi.

Dilka xalay ka dhacay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli maalmihii la soo dhaafay ay ka soo reynaysay xaalada amniga ee Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Ciidanka DF SOMALIA oo helay ballan qaad taageero oo muhiim ah kadib..

Wasiirka Gaashaandhiga wadanka Suudaan Cabdiraxiin Maxamed Xuseen ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay inay siiwado taageerada ay siiso dowlada Soomaaliya ee dhanka ciidanka ah.

Arintaan ayaa waxay ka danbaysay kadib markii magaalada Khartum ay kulan kuwada qaateen labada wasiir ee gaashaandhiga Soomaaliya iyo Suudaan.

Wasiirrada Gaasaandhigga Soomaaliya iyo Sudan ayaa booqday xarunta wasaaradda Difaaca dalka Sudan ee magaalada Khartoum, wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa lagu soo wareejiyey dhammaan qeybaha wasaaradda Difaaca, waxaana faah-faahin ka siiyey howlaha ay qabato wasaaradda dhiggiisa dalkaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Sudan Cabdixakiin Maxamed Xuseen, ayaa mar kale u mahadceliyey dhiggiisa Soomaaliya, waxa uuna sheegay in ay sii wadi doonaan taakuleynta ay siiyaan ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ee dhinacyada qalabka iyo Tababarrada.

Dowladda Sudan ayaa ka mid ah dowladaha Soomaaliya ka caawinaya dhinaca ammaanka sida tababarada ciidammada kala duwan iyo bixinta taakuleynt joogto ah, taasi oo sii xoojisay xiriirka u dhaxeeya labada dowladdood

Video: Sheekh reer Boorama ah oo ka hadlay sir ku saabsan Somaliland

Sheekh Xasan Daheeye oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Boorama ee  Gobolka Awdal ayaa waxuu daaha ka qaaday sir badan oo ku saabsan arin fashil weyn ku ah Gooni isu taaga Somaliland.

Wadaadkani ayaa waxuu ka hadlayaa Arimo badan oo Madaxda iyo Xisbiyada Somaliland soo hadal qaadaan in dhibaato xogan loo geestay balse Sheekha ayaa tilmaamaya Xasuuqii Waqoyi laga geestay in Wasiiro hada ka tirsan Maamulka Somaliland ay ka mid ahaayeyn ee nala daawo Arintani fadeexada ku ah Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Siilaanyo.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO-GA: 

Somalia oo u yeertay safiirka Kenya

Safiirka Somalia u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa waxaa looga yeeray magaada Muqdisho si uu uga jawaabo sababta ka danbaysa xariga dowladda Kenya u gaysatay Qunsulka Somalia.

Wasiirka warfaafinta Dowadda Xasan Shiikh Maxamuud Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii looga wada tashan lahaa gumaadka dowladda Kenya ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed iyo xariga ay magalada Nayroobi ugu gaysatay Siyaad Maxamuud Shire oo aan la aqoon ilaa iyo hadda waxa loo haysto.

Dhuxulow ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida masuul Soomaaliyeed ay dowladda Kenya ula dhaqantay isla markasna xabsiga u taxaabtay wuxuna tilmaamay inaan arrimaha noocaas oo kale ah loo dulqaadan karin.

Danjire Maxamed Cali Nuur ”Ameerika” ayaa dhankiisa sheegay inuu warqado dacad ah u gudbiyay madaxda dowlada Kenya taasoo ku wajahan xariga sharci darada ah ee ay ciidanku u gaysteen Qunsulka Safaradda Somalia ee dalkaas.

“Warqad cabsho ah oo arrintan ku saabsan ayaan u dirnay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, jawaab ayaana ka sugaynaa,” Ameerika oo sii hadlaya ayaa tilmaamay inaysan marnaba ka seexan doonin difaacida shacabka Soomaaliyeed ee lagu dhibaataynayo magalada Nayroobi.

Afhayeenka Baarlamaanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa falka Qunsulka lagu xiray cambaareeyay kuna tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Magalada Nayroobi gaar ahaan xaafada Somalida ee Islii wali waxaa ka socda raafka xoogan ee ay ciidanka Kenya Dadka Soomaaliyeed ku hayaan.lamana yaqaan xiliga uu soo afjarmayo baaxsiga lagu hayo Soomaalida Qaxootiga ku ah Kenya.

Kenya ayaa Gobaladda Soomaaliya u dhoofisaa Qaad gaaraya 3 Milyan oo Kilogram sanadkii iyadoona Barlamaanka DF ay wadaan ka doodis ku aadan sidii dalka looga mamnuuci lahaa qaadka oo ay faa’ido badani ku qabto Kenya.

Amiin Caamir oo sawir gacmeed cusub oo aad loo hadal hayo sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiin Caamir, ayaa sawir gacmeed cusub ka sameeyey madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo is-casilaaddii afhayeenkiisa Eng. Cabdiraxmaan Yariisow. Sida sawirka ka muuqata waxaa is-casilaadda ay ku lug leedahay jagada oo loo wado agaasimihii hore ee madaxtooyada Somalia, Kamaal Guutaale.

28_APR_2014

Sheekh SHIBLI: Ayaan darane: Cumar Al-Naasiri: Basaanimo Mujaahidnimo, Daroogo, Hadana Qaxooti Dayacan

Qeybtii 2aad

Waa qeybtii 2aad ee taxanaha Ayaan Darane oo aan ku soo gudbino dhacdooyin mudan dhugasho badan.

Waxaa gacantayda ku dhacay kitaab ka kooban ( 538 Bog ) oo carabi ku qoran, cinwaankiisuna yahay

( في قلب الجهاد – كيف تسللت إلى صفوف القاعدة ثم تخلت عني المخابرات الغربية  )

Macnaha cinwaankaas dheer ayaa ah:

” Wadnaha Jihaadka – Sideen ugu siibtay gudaha Al-Qaacida, kadibna sirdoonka reer galbeedku ii dayaceen”

Waxaa lagu qoray luqada carabiga, waxaa lagu sheegay ninka qoray Cumar Al-Naasiri, waxaan u aqriyay si haleel ah, waxaana isla markiiba iiga muuqday eray soo jiidahso leh oo ah:

Kitaabkani waxaa ku qoran magac aan ahayn kii runta ahaa ee qoraaga sida uu sheegay, sidoo kalena lama wada rumaysan karo, laakiin waa wax dhici kara, in badan oo lamid ahna way dhacdaa.

Haddaan kitaabkii wada aqriyay waxan ku soo uruurin karaa murtida 4-ta cutub ee oo ka koobanyahay sidan:

Cutubka 1aad: Brussels- Belgium (Bog. 72-185)

Cumar Al-Naasiri waxuu ka dhashay qoys Carbeed oo ka soo jeeday wadanka Maroko, waxuu ku soo koray wadanka Belgium.

– Waxaa ka awood badatay luqadii faransiiksa ee uu la soo koray, waxna ku soo bartay, waxaana inta badan ka  luntay luqadii carabiga ee waalidiintii.

– Waxuu ahaan jiray nin ka shaqeeya daroogada, sidaasna ku bartay meelaha hubka laga iibsado iyo dadka iibiya qaar kamid ah.

– Waxuu xiriir hub gadis la yeeshay rag Jihaadiyiin ah oo wadankaas la joogay, ragaas oo taageersanaa kooxdii ka dagaalami jirtay Aljeeriya ee (GIA) lagu soo gaabiyo(الجماعة الإسلامية المسلحة ) , waxaana kamid aha wiil oo walkiis la dhasay ah oo uu ku sheegay Xakiim.

– Waxuu soo gadi jiray hubka, waxaana lagu kaydin jiray meel gurigooda kamid ah inta looga helayo dariiq la mariyo, cabsina waxuu ka qabay in boolis ugu yimaado oo danbi ku noqoto.

– Waxaa gurigoda ku soo batay ragii jihaadiyiinta ahaa oo saldhig ahaan ka dhigtay, taasina way dhibtay oo waxay asaga & walaalkii kayar ( Nabiil) jeclaysteen in ay is dhaafiyan raggan badan ee guriga ku soo aruuraya.

– Waxuu ka xaday lacag ay lahaayeen ragii gurgooda daganaa asaga oo doonaya in ay inta cabsadaan gurigooda ka guuraan, taasina waxay dhalisay in ay ku tashadaan in ay dilaan, waxaa arrintaas ku waafaqay walaalkii oo asaga ka waynaa laguna magacaabo Xakiim, waxaase maqlayey walaalkiis kale oo ka yar oo uu ku sheegay Nabiil, waxuuna inta aanu guriga soo galin ugahortagay banaanka oo u sheegay in loo tashaday sidii loo dili lahaa, walaalkood Xakiim-na ku waafaqay dilkaas waayo waxuu noqday Daaquud.

– Waxuu cabsi kula cararay sirdoonka Faransiiska, waxuuna tagay qunsuliyadda ay ku leeyihiin Brussels, asaga oo doonaya in dadkaas la xirxiro maadaama uu naftiisa uga baqay.

– Waxay arrintaasi fursad qaali ah u noqotay sirdoonka oo u sheegay laba arrimood:

  1. In uu dib ugu laabto guriga iyo raggii, una sheego in uu qaldamay, Allaahna u towbad keenayo si loo cafiyo.
  2. In ay ka bixinayaan lacagta laakiin ay todobaad qaadanayso, asaguna uu ballan qaado soo celinta lacagtii uu xaday, waqti koobanna la siiyo, taas oo guulaysatay, lacagtiina laga bixiyay.

– Waxuu u shaqo billabay sirdoonkii lacagta ka bixiyay, ayaguna waxay la socdeen dhaqdhaqaaqiisa, waxayna u fududaynayeen hawsha loo soo dirsado ee hub gadista ah mudo sanad ama ka badan ah.

Cumar Al-Naasiri waxaa kale oo uu qaybin jiray jariidadii Al-Ansaari ee ay soo saari jirtay Jabhaddii GIA waxayna taasi sahashay in uu ogaado wax badan oo kamid ah dadka kala shaqeeya Yurub ee qaybiya jariidadan, waxayna ahayd xog kale oo muhiim u ahayd sirdoonka.

– Waxaa qabatay xumad qandho oo inta ay ka tanbadisay uu is xakamayn waayay, waxuuna u sheegay ragii (Yaasiin, Amiin & Xakiim) in uu sirdoonka  Faransiiska la shaqeeyo, markii la waydiiyay sababtana waxuu ku sheegay in uu Allah dartiis & u shaqaynta Jihaadka u dhexgalay !!!.

– Waxaa is bedalay jawigii fadhiga, waxaana soo baxday in raga qaar maqanayahay asaga ama ayaga amaba dhamaantood, intaas kadib waxaa si deg deg ah u qabqabtay ragii oo guriga ugu soo dhacay sirdoonkii uu la shaqaynayey asaga oo goobta ka maqan, waxaana la taxaabay tan iyo walaalkiisii yaraa oo uu horay ugula heshiiyay sirdoonka in la badbaadiyo, oo asaga kaliya waqti kooban kadib la soo daayay.

– Waxay sirdoonku ka codsadeen in uu xabsiga galo, sii xogta ku dhiman nimankaas uga soo helo, maadaama dadka xabsiga ku wada jira is aaminaan inta badan, waxaase diiday Cumar Al-Naasiri oo ogaa in uu ragaas u sheegay basaasnimadiisa, xogtaas oo ka qarsoonayd sirdoonkaas.

Cutubka 2aad: Afghanistan (Bog. 184-392).

– Waxaa intaas kadib soo baxday in uusan joogi Karin wadanka maadaama ay kashifantay shaqadii uu ku jiray, loona baahan yahay in loo hawo badalo, waxaana sidaas loogu diray dalka Afganistan (1995-1996) si uu u dhex galo xeryaha lagu tababarto ee wadankaas ku yaalla, waxuu sii maray Turkiga oo sigaarkii ugu danbeeyay ku cabay, kadibna Pakistaan, waxuuna ka sii raacay jamaaca Tabliiq ah, waxuu tagay Afghanistan oo uu ku soo tababartay xeryaha ay qaar AlQaacida ku lahayd Afghanistan kahor xukunkii Daliban.

– Waxaa kamid ah xeryaha uu soo maray ( Khalidan) oo uu madax ka ahaa Ibnu Sheekh Al-liby, (Darwanta) waxuu la baxay magac cusub oo looga yaqiinay xeryaha lagu tababarto oo ah Abuu- Imaam Al-Maqribi waxuuna ka soo laabtay 1996 dhexdeeda.

Cutubka 3aad: Yurub Mar kale (Bog. 408-500).

Cumar Al-Naasiri waxaa u dhamaaday tababarkii, waxaana dib loogu soo diray Yurub ( Britain, France, Germany, Belgium) hadba midkii ay u suiragasho.

– Waxuu ku soo laabtay Yurub asaga oo loo soo xilsaaray in uu ka soo shaqeeyo wadamadaas uu yaqaanay dabeecadooda, qaab dhaqankooda iyo wax badan oo kamid ah luqadahooda, waxaana la siiyay:

  1. Passaport-kiisii oo horay looga reebay.
  2. Saddex telefoon Number oo uu kala soo xariiro Abuu Zubayda.
  3. Laba boosto oo uu wax ku soo diro.
  4. A/C oo marka uu dago lacagaha deeqda ah ku soo diro.
  5. Mawjad uu kala soo xariiri karo oo kuwa halow halow-ga ah.
  6. Sahaydii ama kharashkii uu ku soo dhoofi lahaa.
  7. Boorsadiisii iyo alaabadii ugu jirtay dhamaan marka laga reebo mindi lahayd macatabka gaalada.

– Waxaala tusay buugii uu ku qoran jiray tababarka xeyrada Darwanta waxaana loo sheegay in marka uu mell dago, cinwaanna yeesho loo soo dirayo, waxaana soo sagootiyay Abu Zabiidah & Ibnu Sheikh Al-liibi.

 Waxay sirdoonka reer Galbeedku u fududeeyeen gadista iyo gudbinta hubka wax badan oo kamid ah, waxayna siin jireen dhaqaale badan si loo dhiso kalsooni ah in uu yahay madaale si wanaagsan ugu shaqeeya Jihaadka, kadibna ay uga helaan xogta ay doonayaan.

– Waxuu helay kalsooni dhinaca Jihaadiyiinta ah, maadaama uu yahay nin geesi ah, wax qabadkiisa dhaqaale iyo hubna muuqdo, ayada oo aan la is waydiinin meesha uu ka keenayo lacagtan fara badan ee uu soo dirayo.

– Waxaakamid ahayd dhacdooyinka ugu muhiimsan in uu keenay hub lagu qarxiyay caasima Aljeeriya, oo inta sirdoonka Faransiisku baareen kadibna dad badan oo yurub jooga u xirxireen ayaga oo tusaya dadka in aan laga baxsan Karin.

– Waxaysidaas ku dhacdaa inta hubka laga qorto numbers-ka sida hubkan, dariiqa loo fududeeyo, la ilaalaysto dadka loo dhiibayo iyo kuwa jidka lagu sii marayo, hadana la sheego in la baaray oo la ogaaday xog rasmi ah, kadibna la qaaday tallabo sharci ah.

Cumar Al-Naasiri  waxaa loo diray markii danbe in uu tago Ingiriiska, oo soo basaaso Sh. Abuu Xamza iyo dadka ku xeeran ee yimaada masjidkiisa, taas oo uu fuliyay, waxaa u sahlay in uu ku dhawaado Sh. Abuu Xamza asaga oo u sheegay in uu ka yimid Afghanistan, kuna soo tababartay xeryihii uu soo maray Sheekhu, walibana uga sheekeeyay raggi uu yaqiinay iyo qisadii uu sheekhu ku waayay gacmihiisa asaga oo ahayd in asaga oo baranayaa waxyaabaha qarxa inta wax ka qaldameen ay ku qarxeen sidaasna gacmaha ku waayay.

– Waxuu joogay Ingiriiska mudo, waxuuna soo basaasay Sh. Abuu Xamza, Abuu Qataada, Abul-Waliid Al-falasdiini iyo rag badan oo ka kala yimid wadamada Yurub, Afghanistan iyo Carabta, waxayna isku arkeen nin kamid ah ragii uu sirdoonka Belgium u dhiibay markii uu xanuunsaday, taas oo keentay in uu cabsi badan dareemo aakhirkiina ka tago Ingiriiska.

Cutubka 4aad: Germany (bog.503-523).

– Waxuu go’aansaday in uu guursado gabar ay ku kulmeen Faransiiska oo uu ku sheegay Faaduma, ayaduna daganayd Jarmalka, xiriir guurna ay lahaayeen waqti dheer, sirdoonka reer galbeed-ku waxay isku dayeen in ay ka hor istaagaan guurkaas oo ay u arkayeen in ay is diidayaan shaqada uu hayo iyo guurku.

– Waxaa lagu wargaliyay in uu mar kale aadayo Afghanistan, waxaana la geeyay magaalada DAKAR oo ah caasimada Senegal oo ku taalla badda Atlantic cidhifka galbeed ee Africa, waxaana lagu hayay mudo bilo ah oo la siinayey lacag badan, waxaa laga qaaday Passaport Faransiis ah oo uu ku shaqaynayey, waxaa loo soo celiyay kiisii marookaanka ahaa, waxayna ahayd ujeedadu in laga celiyo guurka ee looma wadin Afghanistan.

– Markii uu ku adkaystay in uu guursanayo, go’aansaday in uu iska daayo shaqadan basaasnimada ah maadaama aan la isku wadi Karin waxaa loo ballan qaaday in meel la dajinayo, lana caawinayo, hase ahaatee waxaa looga baxay dhamaan ballan qaadyadii, waxaana la geeyay Jarmalka oo ay joogtay Faaduma oo uu rabay in uu guursado, waxaana loo tilmaamay in uu qaxootinimo isu dhiibo.

Cumar Al-Naasiri waxuu qaxooti sharci la’aan ahaa shan sano, waxaana soo martay duruuf adag oo nololeed, lamana siin dhaqaalihii loo ballan qaaday.

– Waxuu ka calaacalay in si aad u xun loola dhaqmay oo haba yaraatee aan lahayn xushmad iyo in uusan sheegan Karin dadkiisii, xaaskiisana aanay baran Karin dadkiisii, hadii uu sheegto dhibaatadana uu naftiisa uga baqayo nimankii ku shaqaystay.

Cumar Al-Naasiri Waxuu go’aansaday in uu kitaabkan qoro oo uu ku sheegay shaqada uu hayay iyo caaqiba xumadeeda, oo inta danbi, dakane & diin xumola galiyay hadana dunida lagu dullaystay, walina uu ka baqayo in loo dilo kitaabkan uu qoray dartiis.

Dhugasho:

Waxaa mudan in la dhuuxo waxyaabo badan oo qisadani muujinayso, waxaana ka mid ah:

  1. Waxaa Cumar Al-Naasiri u galisay sirdoonka cabsi uu ka qaaday walaalkii & saaxibadii (Bog. 100,109), wayna badan tahay in ay dhacdo sidaas oo kale.
  2. Waxuu Cumar Al-Naasiri horay iyo gadaalba keeni jiray lacago badan, hase yeeshee la isma waydiin xagee ka keenyaa dhaqaalahan? !!!.
  3. Waxay sirdoonku kula taliyeen in uu walaalkii & saaxibadiis u sheego in uu Allah u tawbad keenayo, ayagana cafis uga baahanyahay (Bog. 109)!!!.

Waxaa taas lamid ah in uu isku dayay in uu ka dhaadhiciyo in galitaanka sirdoonku hayd Allaah dartiis!!!>

  1. Waxaa Cumar Al-Naasiri laga dalbaday in uu xabsiga galo si uu gudaha xabsiga uga soo basaaso (Bog. 183)!!!.
  2. Waxaa Cumar Al-Naasiri la galiyay danbi iyo dakane badan, waxaana laga gooyay dadkiisii oo uu sheegan kari waayay, kadibna asaga oo dayacan ayaa dibadda la dhigay, waana tilmaanta ayaan darane.

Waxaan intaas ku soo afmeerayaa qeybtii 2aad ee Ayaan Darane, waxaana xigi doonta qeybtii 3aad in shaa Allaah waqti aan dheerayn.

Qore/ Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibli

Dhageyso: Wasiirada arrimaha dibeda ururka IGAD oo ku shiraya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyleh, ayaa waxa uu sheegay in shirka 45-aad ee Wasiirada arrimaha dibedda Wadamada Urur Goboleedka IGAD, markaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

Wasiirka, ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay ka shaqeysay in Magaalada Muqdisho, ay kulan isugu yimaadaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Urur Goboleedka Igad, si ay isu wareystaan.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in kulanka ceynkani oo kala ah oo lagu qabtaa Soomaaliya, aan muddooyinkaanba laga fileynin, laakiin ay noqon doonto mid dhacda, sida uu sheegay.

C/raxmaan Ducaale Beyle wuxuu ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay ku taalo meel cajiib ah, balse aynaan sidaasi u ogayn Soomaalida, wuxuuna Soomaaliya ku sheegay mid meelo kala duwan isku xira.

“Afrika iyo Asia ayay isku xidhaa, Afrika iyo Carabta ayay isku xidhaa, Afrika iyo China ayay isku xidhaa, haddii aynaan ogayn, Afrika iyo India ayay isku xidhaa. Waxaa weeyaan Wadan afkoodiina Af Carabi ku hadlaan, Afrikana dhexdeedana ku yaala. Kheyraadkiisu badda dal ugu dheer weeye Afrika.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Isagoo la hadlaayay Radiyaha Dowladda, ayuu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka dunida ee kuraasta leh Qaramada Midoobe, isla-markaana ay Caalamka muhiim u arkaan ka soo qaybgalka Soomaaliya, shirarka Wadamada Caalamka lagu qabanaayo.

Halkan ka dhageyso Beyleh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video cajiib ah: Sheekh Cabdi Rashiid Sh Cali Suufi oo Somalida u sheegay…

Madiina – Sheekh Cabdi Rashiid Sheekh Cali Suufi, oo ka mid ah culumada ugu caansan adduunka, aadna loogu raaxeysto codkiisa macaan iyo qur’aanka ee alle ee uu sida qurxoon u aqriyo, ayaa umadda Soomaaliyeed uga sheekeeyey taariikhdiisa iyo tan waalidkiisa.

Wareysigan, ayaa Sheekh waxa uu kaga hadlayaa sida uu qur’aanka ku bartay, noloshii qoyskiisa iyo tii aabihiis Sheekh Cali Suufi, waxaana wareysiga uu ka kooban yahay 3 qeyb ee dhammaantood ka daawada, hoos, waana diyaarisay Tarbiya Production.

Maxaad ka Taqaana Sh Abdi rashid Sheekh Cali Suufi Qeybtii 1-aad Hoos ka Daawo

Hoos Ka Daawo kulankii ay Tarbiyah Productions la yeelatay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi Qeybtii 2aad

Hoos Ka Daawo kulankii ay Tarbiyah Productions la yeelatay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi Qeybtii 3aad

Wixii faahfaahin ah fadlan kala xiriir barnaamijkaan Culumada waraysigeeda ah barta Facebook ee Tarbiyah Productions iyo barta Youtube-ka ee Tarbiyah Productions.

www.facebook.com/TarbiyahProductions
www.twitter.com/TarbiyahProduct
Youtube:-http://www.youtube.com/channel/UCHwPCmPlLma3aKh1_aTecMw?feature=watch

Tarbiyah Productions

R/W C/WELI oo ku wajahan KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wefdi ka socdo Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Muqdisho, iyadoo ay siyaabooyin kala duwan ay isku arkayn Madaxda Dowladda Somaliya.

Socdaalka uu Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed uu ku tagaayo Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa lagu sheegay mid leeskugu soo dhaweynaayo Dowladda Federalka ee Somaliya iyo Maamulka Kmg ah ee Jubba.

Korneyl C/naasir Seeraar Maax, Afhayeenka Maamulka Jubba oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu Sabtida manata ah taggi doono Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka, ayaa Warbaahinta u sheegay in Magaalada Kismaayo ay ka soconeyso qaban qaabo loogu diyaar garoobaayo, sidii Magaalada Kismaayo si heer sare ah loogu soo dhawayn lahaa wefdiga Wasiirka 1-aad ee Xukuumada.

Korneyl Seeraar wuxuu sheegay in kulanka ay la qaadanayaan wefdiga Dr. C/weli Sheekh Axmed uu noqon doono mid is cafin ah, leeskuna soo dhaweynaayo Madaxda Dowladda iyo Maamulka Jubba.

Socdaalka uu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ku tagaayo Magaalada Kismaayo, ayaa noqonaaya noociisii ugu horeeyay, tan iyo markii loo dhaariyay in uu yahay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Yusuf Garaad oo warbixin calool xumo kasoo diyaariyey garoonka Kasaraani

Maanta waxaan fursad u helay in aan booqdo Garoonka Kasaraani ee magaaladan Nairobi. Waa goobta lagu hayo dad fara badan oo intooda badan laga soo qabqabtay xaafadda Eastleigh inta kalena magaalooyinka Kenya.
Waxaan goobta ku arkay dad dhowr boqol aan ku qiyaasay, in badan oo ka mid ahna waan isla hadalnay. Qiyaasteyda dadka aan arkay barkood am ka badan waa haween.
Waxaan meesha ku arkay dad haysta waraaqo muujinaya in ay qaxooti yihiin oo si sharci ah loogu aqoonsaday in ay Kenya ku noolaaaan. Waxaa kale oo aan arkay ugu yar hal gabar oo haysata baasa-boor Soomaali ah oo uu u saaran yahay sharci deggenaasho Kenya oo dhacaya Agoosto 2014.
Waxaase dhulku ila wareegay, awood darrana aan dareemay, markii aan arkay hooyo Soomaaliyeed oo ilmo yar oo dhowr bilood jira xambaarsan haysatana sharci caddeynaha in ay Qaxooti tahay. Ilmaha yar afka isuma geynayo oo intaa wuu ooyayaa. Waxay hooyadii ii sheegtay in ilmuhu xanuunsan yahay. Markii aan calaacasheyda foolka ka saaray waxaan dareemay in ay qandho luleyso. Waxay ii sheegtay hooyadii in dhowr habeen ay meeshaas ku jirtay.
Waxaan weydiiyay ilmaha yar aabbahood. Waxay ii sheegtay in markii iyada la soo xirayay afar maalmood ka hor isagana la xiray, meel uu ku xiran yahayna aanay war u hayn. Welwel xoog lihi wuxuu ka hayay afar carruur ah oo ay ka soo tagtay oo ay deriska kala soo dardaarantay.
Dhinac ka mid ah garoonka waxaa ka socda dadka oo qof qof sawir looga qaadayo, fara laga qaadayo, lana baarayo dalka Kenya waxaa uu qofkaas xog ka hayo. Waxay booliisku ii sheegeen in habkaas lagu kala saari doono dadka.
Waan ku il goday, in mudda ahna u fiirsaday. Nidaamka ay howsha ku wadaan waa mid aad iyo aad u gaabiya. Wakhti badan qaadan doona.
Markii aan booliiska ka codsaday in ay haweenka carruurta wata ugu hormariyaan waxay ii sheegeen in ay haweenka oo dhami ay ragaa ka horreynayaan. Laakiin qolka sawirka iyo faraha lagu qaadayo intii aan ku jiray wiil iyo laba gabdhood nidaamkaa la marsiiyay, wiilkaana ka horreeyay gabdhaha. Haween badan oo aan weli habka la marsiinna wey hawirnaayeen.
Dadka aan arkay waxaa ku jiray dad aan Soomaali ahayn. Waxaa ku jiray islaamo waayeel ah. Waxaa ku jiray carruur. Waxayse u badnaayeen Soomaali. Umana ekeyn nooc argaggixisnimo looga shakin karo.
Booliisku waxay noo sheegeen in raashinka laga dalbay sharikad gaar loo leeyahay., taas oo uu uga jeedo in raashinka tayadiisu ay wanaagsan tahay. Xilli raashin ma ahayn xilliga aan tegey, laakiin koobab meesha daadsanaa waxay ahaayeen kuwo tayo wanaagsan, nadiifna ah. Waxaa kale oo Booliisku ii sheegay in musquluhu ay wanaagsan yihiin welibana waxay damceen in ay i geeyaan, aniga ayaase ka gaabsaday.
Markii aan saaka Kasaraani tegey ilaa iyo hadda waxaa iga hor muuqda ilmiha yar ee qandhadu ay hayso oo haddana maxbuus ah, cid u maqanina aanay jirin. Keliyana u baahan in sharciga hooyadiis ay haysato in lagu xaq dhowro. Nin Kenyan ah oo aan wada soconnay wuxuu igu yiri, Ilmahaas yar in uu meesha ku dhinto ayaan ka baqayaa.
Bal ka feker haddaad xaaladdaas ku jiri lahayd, cid kuu maqanina aanay jirin. Bal dhowr daqiiqo oo keliya ka feker taas, oo akhriska qormadan waad sii wadi doontaaye hadda halkaas ku jooji.
Qof kasta oo Soomaali ah waxaan ka codsanayaa in Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, UNHCR, uu culeys ku saaro in dadkaas xorriyaddooda loo soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan. Hadday Kenya joogayaan iyo haddii Soomaaliya lagu celiyayana si dhakhsa leh loogu dhaqaaqo. Inta xanuunsanna hadda lala gaaro daryeel caafimaad.
Waxaan u mahadcelinayaa, Danjire Maxamed Cali Americo, iyo Safaaraddeenna Nairobi, oo ii suurta geliyay booqashaas iyaga oo ka jawaabaya codsigeyga oon u gudbiyay aniga oo aan weli garoonka dayaaradaha ee Nairobi aan soo dhaafin.
Baraha internetka waan u fasaxayaa in ay soo dabacaan qeylo dhaantan haddaysan wax ka beddeleyn.
W/Q: Yuusuf Garaad

M/Jubba: Kenya xaq ayay u leedahay in ay ciqaabto Soomaalida Islii, Sabab?

Kismaayo (Caasimada Online) – Xoghayaha Arimaha Bulshada maamulka Jubba Macalin Maxamed ayaa waxaa u markii ugu horaysay ka hadlay Howlgaladii Ciidamada Kenya ay ku bartilmaameed sadeen Somalida ku nool wadanka Kenya.

Macalin Maxamed oo la hadlayay Idacadaha Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay kenya Xaq u leedahay in ay howlgalo balaran ka sameyso gudaha wadankeeda gaar ahaan Xafada Islii.

Macalin Maxamed ayaa waxaa la waydiyay in Howlgalkaasi uu ahaa mid lagu bartil maameedsanayo Somalida ku nool wadanka kenya iyo hantidooda ayaa waxaa uu ku jawabay.

“Ader dadka Somalia gubay waa Somali dadka kenya gubi rabana waa Somalia sidaas daraadeed dadka somaliyeed haday dhibka joojin wayeen kenya xaq ayay u leedahay in ay ciqaabto” ayu yiri Macalin Maxamed oo ku hadlayay afka Maamulka Kismaayo.

Dhawaan ayay ahayd Markii Ciidamada Kenya ay Magaalada Nairobi ka fuliyeen howlgalo lagu bartil maamedsanayo Shacabka Somaliyeed iyo hantidooda waxaana howlgaladaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Siyaasiyiin iyo Aqonyahano somaliyeed waxaana Macalin Maxamed oo ku hadlay Magaca Maamulka Kismaayo u noqomaya Shaqsiga kaliyah ee so dhaweyay Howlgalkaasi.

Maxamed Cabdi Nuur

Muqdisho-Somalia

Arag Sawirrada: Wasiir ka tirsan DF oo su’aalo adag lagu weydiiyey Dubai lana soo hor dhigay xog cajiib ah

Dubai (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Aadam Ibraahim oo safar shaqo ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka qaybgalay shir caalami ah oo ay soo qabanqaabisey hay’adda Isgaarsiinta Caalamka ee loo yaqaano ITU kaasoo looga hadlayay habaynta iyo beekhaaminta hirarka Isgaarsiinta caalamka.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dawladda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Aadam Ibraahim oo khudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa sharaxaad badan ka bixiyay marxaladaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed ay soo martey iyo Qorshaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliyeed ay u dajisey.

boostada 1Wasiirka oo ayaa su aalo badan oo adag lagu weydiiyay shirkaas kuwaasoo ay adkeyd in laga jawaabo balse wasiirku isku dayay inuu difaaco shaqada iyo waqtiga shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed ay soo galiyeen inay dalka oo dawlad la aan ah ay ka hirgaliyeen isgaarsiin casri ah oo dunida la jaanqaadi karta maanta.

Su aalaha la waydiiyey wasiirka waxaa kamid ahaa sababta keentey in Soomaaliya ay noqoto dalka kaliya ee caalamka ee shirkadaha Isgaarsiinta aysan isla hadli karin taasoo keentey in dadka Soomaaliyeed  oo kamid ah dadyawga ugu faqiirsan caalamka lagu qasbo iney qaataan laba Telefoon. Waa maxay sababta ay dawladda Soomaaliya kaliya u tahay caalamka dawladda aan diwaangalinin Kaararka Mobileda Simcards iyadoo dalka ay ka jirto amni daro taasoo waxbadan ka qaban lahayd amniga.

boostada 2Hay’adda Isgaarsiinta Caalamka ee ITU  ayaa soo bandhigtey warbixin badan oo la xariirta Igaarsiinta Soomaaliyeed iyo lacagaha ay ka sameeyaan iyadoo lagu eedeeyey in dawladda Soomaaliyeed ay u sahleyso in shirkadahani ku takri falaan shacabka.

Waxaa shirka laga sheegey inay qaar kamid ah shirkadaha ISgaarsiinta Soomaaliyeed ay meel dhigteen in kabadan  10 milyan oo Kaar Simcard si ay suuqa Isgaarsiinta uga ilaaliyaan shirkado kale oo soo gala. Wasiirka ayaa cadaadis badan lagu saaray inuu sharaxaad ka bixiyo sababaha keeney in dawladdu aysan wali wax talaabo ah ka qaadin shirkadaha Isgaarsiinta oo sida ay sheegeen lacago badan ka sameeya suuqa Isgaarsiinta  isla markaana ku xadgudba xaquuqda Bani aadamka oo ku qasbaya in shacabka Soomaaliyeed ay qaataan laba telefoon iyo ka badan.

boostada 3Warbixin ay soo gudbisey hayadda ITU oo shirka lagu soo bandhigey ayaa sheegtey in sanadkii 2011 daqiiqo gaaraya 37.9Milyan daqiiqadood dalka Soomaaliya laga soo wacay dalka Maraykanka taasoo lacag gaaraysa 13.5 Milyan Doolar ay u qaateen shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed Isku xirka Termionation Fee meesha dalka Soomaaliya isla sanadkaas 2011 laga wacay Maraykanka daqiiqo dhan 205’689 kaliya .

Warbixinta ayaa lagu xusey in maaddaama Soomaali badan ay ku noolyihiin dibadaha dalka ayna si aad u wacaan Soomaaliya ay kor u qaadeyso dhaqaalaha shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed ay ka sameeyaan wicitaanka ka imaanaya dibadda dalka iyagoo isticmaalaya Marinka Qaranka 252. Xisaabtan lagu soo bandhigey shirka Dubay ayaa ka tarjumeysay wicitaanada dalka Maraykanka iyo Soomaaliya ee sanadkii 2011  iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay dagan yihiin dalalka Yurub iyo dalal badan o kale lagana yaabo iney aad uga badan tahay daqiiqadaha sanadkii ay dadka Soomaaliyeed soo wacaan dadkooda ku nool dalka gudihiisa.

boostada 4Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegey in xaaladda Soomaaliyeed ay ka duwan tahay midda caalamka isagoo sheegey in shirkadaha Soomaaliyeed ay muddo 25 sano ah ay hawshan kusoo jireen iyadoo aysan dawladi jirin ayna dadka Soomaaliyeed isku xireen una sahleen iney xiriiraan loona baahan yahay inay helaan waqti. Wasiirka ayaa dhanka kale sheegey in wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu ay dawladda hor geysey qorshe cad ayna ku tala jirto inay hirgaliso sanadkan 2014 kaasoo dhamaan taabanaya arimaha iyo suaalaha la waydiiyey.

Wasiirka Boostada iyo ISgaarsiinta oo la soo shaqeeyey Afar wasiir oo hore muda badanna xiriir la lahaa hay’ada ITU ayaa isku dayay inuu difaaco shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed iyadoo cadaadis badan lagu saaray.

Wasaaradda Boostada iyo ISgaarsiinta ayaa bilawgii Bishii March la shirtey dhamaan shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed waxaana shirkaas ka soo baxay qodobo dhawr ah.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Dubai
[email protected]

Daawo: Muuqalka Manta & MUQDISHO

Isbadalka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxuu ku soconayaa si xowli ah kadib markii Shacabka reer Muqdisho ay si dhab ah u doonayaan in ay uga qeyb qaataan Horumarka iyo isbadalka cusub ee dalka ka soconaya.

Muuqaal  cusub oo muujinaya sida Shacabka u doonayaan in Magaalada Muqdisho ay noqoto sidii ay ahaan jirtay Waagii bariisamaadka ayagoo haatan ku talaabayo isbadal muuqda oo aad ka arki doonto muuqaalkani sida uu yahay jawiga Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO: 

Arrin oo fudud oo 2 maalin gudaheed ay ku guuleysan karaan Somalida Islii

Si loo muujiyo awooda, baaxadda iyo kaalinta ganacsi ee Soomaalida Kenya gaar ahaan Nairobi haddii Soomaalida ay 48-saacood kaliya joojiyaan guud ahaan dhaq-dhaqaaqooda ganacsi waxaa dhici lahayd in waxbadan iska badalaan fikir-ka xaasid, riixid iyo faqooq ee u gaarka ah qowmiyadda weyn ee udub-dhexaadka u ah dadka wada dagan dalkan Kenya.

Dad aan baaritaan dhaba sameyn ayaa aaminsan in Soomaalida yihiin dad laga tiro iyo waxtar badan yahay marka la joogo Kanya oo aan loo dhutineyn, waxaase kuwaas xasuusin lahaa in marka laga soo tago xaafadda kaliya ee gobol kastoo ka tirsan Kenya uu adeeg ganacsi u soo doonto isla markaana deegaan u ah Soomaalida hadana in bartamaha magaalada (Central Business District CBD) ama Town haddii Soomaali joojiso adeegyadooda ganacsi in maalintaas dad badan su’aalo is weydiin lahaayeen.

Ma arkeysid maqaayado saf loogu jiro oo kuraasta la iska kala suganayo oo aan ka ahayn kuwa Soomaalida qiyaas ahaan waa 50-meeyo maqaayaadood oo qaarkood ay yihiin kuwo caalami ah waxayna ku wada yaalaan dhamaantood bartamaha caasimadda, xarumaha sarifka lacagaha ugu badan ee Town-ka waxaa ku shaqeeya waa Soomaali, labadda suuq ee ugu weyn Electronics lagu gado waxaa gacanta ku haayo 90% Soomaali waana suuqa Masjidka u dhow ee Jamia Mall lagu magacaabo iyo suuqa kale ee isagana Lithuli Avenue la yirraah.

Waxaa dheer tukaamo dhar, kuwo kaloo adeegyo kala duwan qabta, Sidoo kale shidaal-ka iyo raashiin-ka kaalin aan la dhayal-san karin ayay Soomaalida kaga jiraan ka ganacsigooda, Agabka baabuurta u baahan yihiin ‘’Spare Parts’, waxaa jirta in baabuurta ugu badan ee xamuul isagana kala gooshta guddaha Kenya iyo wadamada dariska ay Soomaali leeyihiin, Intaas aan soo sheegay weli wey ka baxsan yihiin xaafada hadda culeyska iyo caburinta lagu haayo ee Islii oo iyadu 50% ah goob ganacsi.

Shirkadda ugu weyn adeega isgaarsiinta dalka ee Safaricom waxaa la shaqeeya boqolaal shirkadood oo Soomaali ah oo adeega gaarsiiya bulshadda haddii ay noqon lahayd kaararka taleefanka, kuwa lacagta iyo adeega lacag dirsashada ee Mpesa.

Shirkadaha duulimaad-ka caalamiga ah waxaa wakiilo u ah oo adeeg badan bulshadda Kenya u haaya waa Soomaali intooda ugu fir-fircoon, dadku xaquuq ayay leeyihiin, wadankuna xaquuq ayuu ku leeyahay waxaase wanaagsan in ay isku dhigmaan oo aan dulmi iyo dagaal lagu bar-tilmaameedsan.

Ka soo tag intaasoo dhan, kawaran haddii kuwa jaadka dhoofiya ay joojiyaan in ay soo gataan oo Soomaaliya u diraan kaliya mudo 48-saacood ah maba yeeli doonaane.

Soomaalida waxbadan ayay dagan yihiin Nairobi gaar ahaan islii, ganacsi iyo hanti-maguurto ah ayayna ku leeyihiin waxaa wanaagsan in ay nidaam mideeya sameystaan, muujiyaan kaalintooda, ma jiro wasiir hindi ama mid kaloo cadaan ah halka annaga wasiiro cul-culus aan ku leenanay dowladda misana inala duuban, fursaddaan waa in laga faa’iideystaa dadkana la tusaa in Soomaali tahay Soomaali waligeedna ahaaneyso Soomaali.

 W/Q: Guulled Aadan