28.4 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Arag Sawirro: Gabar Canada degan oo guri u dhistay gabadhii 14 jirka ahayd ee Muqdisho ka noqotay caseeyaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Horaantii sanadkan ayaa idaacada Kulmiye ee Muqdisho, waxa ay baahisay wareysi ay ka qaaday gabar lagu magcaabo Faadumo Abuukar Maxamed oo 14 sano jir ah taasi oo aheyd gabadhii ugu horeysay oo la arko iyadoo caseeye Somaliya ka noqotay.

Marka ay idaacada Kulmiye wareysigaas sii deysay aya waxaa wabseedka Idaacada ka dhageystay gabar Soomaaliyeed oo deggan waddanka Canada waxaana ay xariir la soo sameysay Xarunta dhexe ee Kulmiye oo ku taalla Muqdisho.

Gabar Soomaaliyeed ayaa waxa ay balan qaaday in ay noloshooda kafaalo qaadi doonto gabadhan caseeyaha ah iyo qoyskeeda waxbarshana ay ka bixin doonto dhamaan ilamaha la dhashay faadumo oo ah gabar caseeyaha aheyd.

Shalay ayaa idaacada kulmiye waxa ay qoyska faadumo gudoonsiisay Guri iyo joodariyaal iyo shumac oo ay soo dhiibtay gabadha Somaliyeed ee Canada Ku nool qoyskana kafaalo qaaday.

Goobta Deeqdan lagu doonsinayay qoyskaan ayaa waxa ka hadlay Agaasime ku xigeenka idaacada Kulmiye ahna sii hayaha xilka Agaasimaha Idaacada Burhaan Diini Faarax oo deeqdan ay maanta gabadhaan Soomaaliyeed idaacada Kulmiye u soo marisay qoyskaan dhiban.

Ugu dambeyn Hooyo Haajaro Cusmaan Axmed oo ah hooyada dhashay Faadumo ayaa waxa ay gudoontay deeqdii la soo gaarsiyay waxayna u mahad celisay Gabadha Soomaaliyeed ee ku nool Canada Iyo Idaacada Kulmiye oo loo soo marsiiyay.

Halkaan ka daawo Sawirada meeshii ay qoyska ku noolaan jireen

1DSC08546DSC08547DSC08550DSC08562DSC08563DSC08571

Halkaan ka daawo sawirada guriga loo dhisay qoyska 

DSC08590DSC08591DSC08614DSC08636DSC08637

Halkaan ka daawo Sawirada qabaka Deeqda maanta la gudoonsiiyey Qoyska Faadumo Abuukar

DSC08635DSC08634DSC08632DSC08627DSC08615DSC08621DSC08622DSC08625DSC08612DSC08611DSC08610DSC08609DSC08608DSC08606DSC08604

Sawir qaade:C/kiriin Shujaac 

DF oo shaacisay qorshe wax ku ool ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamuud Colow Barrow ayaa sheegay in ay ka hortagi doonaan kalluumeysiga sharci-darrada ah ee maraakiibta shisheeye ay ka sameeyaan badaha Soomaaliya.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa tilmaamay inay sameyn doonaan qorshe ay la kaashanayaan ciidamada badda Soomaaliya oo looga hortagayo kalluumeysiga sharci-darrada ah.

Wuxuu xusay inay wasaaradda ku howlan tahay sidii ay bulshada loogu dhiirrigelin lahaa ka faa’iideysiga kheyraadka badda.

Wasiirka ayaa dalal kala duwan uga soo qeyb galay shirar arrimaha kalluumeysiga looga hadlay, wuxuuna markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah caalamka kula soo heshiiyay in markab kasta oo soo galaya biyaha Soomaaliya ay khasab tahay inuu oggolaasho ka heysto dowladda Soomaaliya.

Maraakiib iyo doonyo shisheeye ayaa lagu eedeeyaa inay badaha Soomaaliya ka sameeyaan kalluumeysi sharci-darro ah iyagoo ka faa’ideysanaya la’aanta ciidamo badeed oo awood leh oo xeebaha Soomaaliya ka howlgala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muqdisho: Askart DFS oo dagaalamay

Muqdisho (Caasimada Online) – Is-rasaaseyn uu ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia, ayaa xalay ka dhacday magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Israsaaseyntaan ayaa timid kadib markii Gaari nooca raaxada ah oo ahaa Nooho islamarklaana uu saarnaa Askari ku labisnaa dharka ciidanka Militriga uu diiday inla baaro madaama xiliyada habeenkii halkaas gadiidka lagu baaro.

kadibna ayrasaas dhaxmartay Askarigii gaariga sarnaa iyo ciidamo Police ahaa oo halkaas ku sugnaa taas oo sababatay in uu geeriyoodo Askarigii gaariga la socday.

Gudoomiyaha X/weyne C/laahi Ibraahim Sahal Gardhuub oo aan telfoonka kula xiriirnay ayaa Inooga warbixiyay sida ayw ax u dhaceen Madaama xiliga ay arintaan dhaceyse uu goobta ku sugnaa.

Waxana uu sheegay in sidoo kale gaariga uu san laheyn wax taargo ah,Xaalada ayaa dagan waxaana goobta laga qaaday Askarigii Maydka ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska MUqdisho
[email protected]

Daawo video: Horumarka iyo isbadalka ka socda Degmoyinka G/ Banaadir

Qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa si xowli ah uga soconaya Horumar aad u balaaran oo isugu jiro dhinacyo badan oo dib loogu soo celinayo Bilicda Magaalada Muqdisho.

Muuqaalo kala duwan oo ku tusinaya Horumarka maanta ay wadaan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ee nala daawo waa hubaal in aad wax badan ku arkeuso muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Daawo Video: Arday Soomaaliyeed oo soo hooyey Guul Taariikhi ah (Farxad)

Cape Town (Caasimada Online) – Barnaamijka Sahanka Nolosha ee ka baxa Tv-ga caalamiga ahee Universal ayaa lagu soo qaatay Arin Farxadeed iyadoo daadihiyaha barnaamijkani Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo) uu marwalba xooga saaraa arimaha bulshada gaar ahaan hormarka shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee la taaban karo waxqabadkooda wuxuuna todobaadkani idin haayaa muuqaal farxad leh oo qalbiyada wadaniyiinta Soomaaliyeed ay ku raaxeysan doonaa kuna ildoogsan doonaan.

Sawirro: Shaqaale Turkish ah oo lagu weeraray Muqdisho & xog sheegaysa..

Warar lagu kolsoon yahay oo idaacada Dalsan ay heshay ayaa tilmaamay in Hey’add ka shaqeysa Arimaha dekaddaha islamarkaana xarun ku la heyd Aga gaarka Dekaddii hore ee Duqa ee Magaalada Muqdisho ayaa madaxtooda la isku da’yay in la dilo kuwaasi oo iskugu jiray Soomaali iyo Ajaanib,

Tiro mid ah ilaalada hey’adaas ayaa la sheegay in ay isku dayeen Xalay Saqdii Dhaxe in ay dilaan Madaxtooda hasa;yeehsee madaxda ayaa la tilmaamay in ay iska Caabiyeen oo ay risaas ayana ku fureen ilaaladii isku dayesay in ay dilaan kana dhaawaceen ilaa lix ka mid ahaa ilaaladii,

Arintaan ayaa dhacday xili ragga madaxda u ah hey’adaas ay ku sugnaayeen goobta ay ka degan yihiin dekaddii hore ee Duqda ragaan oo ayana ku hubeysnaa biskoolada ayaa ayaa dhaawacay ilaadadii isku dayay in ay dilaan,

Warar qaar ayaa tibaaxaya in sidoo kale gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah ilaaladii oo falkaan ku lug laheed,

Arintaan ayaa timid kadib markii Madfac uu ku soo dhacay meel ay ku sugnaayeen madaxda ka dibna ay ka shakiyeen ilaadii halkaasina ay ka dhalatay iska hor imaad ay ku dhwaacmeen labao ka mid ah Madaxda hey’ada una dhashay dalka Turkiga mid ayaa dhaawaciisa aad u liita

Muungaab qurbo-joogta Muqdisho ku sugan ugu digay hal arrin darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Xuseen Muungaab ayaa soo saaray digniin ku aadan Qurbajoogta falalka anshax xumada ku sameeya Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Muungaab, ayaa uga digay raga ka yimid Qurbaha inay dalka ku baahiyaan dhaqan xumo uu sheegay inay kasoo barteen Qurbaha, isaga oo intaasi ku daray in Qurbajoogta laga rabo wixii wanaagsan inay dalka kusoo kordhiyaan balse wixii xun ay kasoo tagaan.

Xasan Xuseen Muungaab Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, ayaa xusay in ciidamo gaar ah oo ka shaqeeya ammaanka Xeebta Liido la sameynayo, ciidankaasi oo isugu jira dhar cad iyo ciidan caadi ah, si ay tallaabo uga qaadaan dadka anshax xumida ku sameeya Xeebta Liido.

“Ciidan Dhar cad ah ayaan sameynaynaa iyo ciidan kamid ah kuwa ilaalada deegaanka oo Katiinado iyo Biskoolado wato, cidii anshax xumo lagu arko tallaabo ayaa laga qaadayaa”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa cadeeyay inaan loogu dulqaadan doonin Qurbajoogta inay baahiyaan dhaqano Diinteena Suuban iyo Dhaqankeena wanaagsan kasoo horjeeda, taasi bedelkeedana tallaabo laga qaadayo ragaasi.

Qurbajoogta ka timid Dibada ee Magaalada Muqdisho ku sugan ayaa lagu dhaliilaa inay Xeebta Liido iyo Xeebta Jazeera ay ku sameeyaan falal anshaxa kabaxsan oo ay kusoo barteen wadamada Reer Galbeedka ah oo Diin xakamaynayso aysan laheyn.

Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Tarsan ayaa horay usoo saaray digniin midaan lamid ah , oo uu ujeediyay Qurbajoogta Muqdisho kusoo noqotay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dowladda Mareykanka oo si kulal uga hadashay ficillada Kenya ee ISLII

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka, ayaa si kulal uga hadashay ficillada booliiska Kenya ay ka wadaan xaafadda Islii, oo ay ku qeexday kuwa aan waafaqsaneyn xuquuqda aadanaha.

Mareykanka ayaa Booliska Kenya ugu baaqay inay dhowraan Xuquuqda Aadanaha, gaar ahaan xuquuqda dadka Soomaalida ee haatan Boliska u xiran.

Danjiraha Maraykanka u jooda dalka Kenya, Robert Godec ayaa codkiisa ku biiriyey xaalladda cakiran ee haatan haysata dadka Soomaalida ee lagu hayo Saldhigyadda Boliska iyo Garoonka Ciyaaraha ee magaalladda Nairobi.

Danjiraha waxa uu hadlkaasi jeediyey hal maalin kadib, markii ay Boliska ka hor istaageen inay Hay’adda UNHCR soo booqato dadka Soomaalida ee xiran.

“Dowladda Kenya xaq ayey u leedahay inay sugaan amamanka dalkooda, laakiin waa inuu Sharciga iyo Dastuurka xushmeyaa Xuquuqda Aadanaha, Waa muhiim marka Hawlgal amaman la qaadayo waa in la xushmeeyaa Xuquuqda Aadanaha” ayuu yiri Danjiraha.

Danjiraha waxa uu carrabka ku dhuftay inay Maraykanka ku taageerayaan Dowladda Kenya hawlgalka dagaalka ee lagula jiro waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay weli Kumanaan Soomaali ah weli ku xiran yihiin magaalladda Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Document: Meelaha beenta ee daqliga Muqdisho la qorsheeyey in lagu qaato

Qoondaha Miisaaniyadda ee 2014-ka ee ka imaaneysa Canshuurta Muqdisho ee Wasaaradda Maaliyadda horgeysay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba loo qeybinayaa Wasaaraddo magac  u yaal ah, iska daa in wasaaradahani shacabka Muqdisho wax u qabtaane, wasaarad kastaahi waxay shacabka Muqdisho u samaysaa Caqabad cusub, wax loogu yeero isdiiwaan gelin oo wasaarad kastaahi lacag ku qaadaneyso. Wasiir kasta ee wasaarad loo magacaabo wuxuu wasaaradda keenaa shaqaale beeshiisa ah, shaqaalaha wasaaradaha aqoon laguma keeno, Imtixaan kuma yimaadaan.

Qoondada Miisaaniyadda Dawladda Federaalka ee 2014.

1-      Lacagta waxaa loo qoondeeyey wasaarado magac u yaal ah, wasaarad kasta waxaa lacag ku qaadanaya boqolaal shaqaale ah,

2-      Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya qoondadeeda waxay ku tala gashay in lacaguhu baxaan balse aan shacabka waxba loogu qaban.

3-      Miisaaniyadda gebi ahaanteed waxaa ay ku baxaysaa Wasaarado, Hay’addo magac u yaal ah  oo aan shaqeynin sida Hay’adda Saadaasha hawada, Hay’adda xuquuqul insaanka, Hay’adda Fanka, Hay’adda, Guddiga xadeynta xuduudaha Federaalka, Guddiga Dib u heshiisiinta qaranka,

4-      Miisaaniyada Madaxtooyada, Xafiiska Raisul wasaaraha, Dhamaan wasaaradaha waa mushaar shaqaale, iyo qarashyo kale oo aan nolosha shacabka Sooaaliyeed waxba u saaidineynin.

5-      Lacagaha wasaaradaha la siinayo kuma jirto Mushaar shaqaalaha Isbitaalada, Mushaar shaqaalaha Nadaafada, Mushaar shaqaaalaha iskuulaadka Muqdisho, Isbitaal laguma dhisayo, Iskuul laguma dhisayo, Jid laguma dhisayo,

6-      Miisaaniyadaan oo ka imaanaysa Muqdisho, kuna dhow lacag 200 milyan Doolar magaalada Muqdisho oo lagu kabay Bank-ga dhexe waxaa looga qoondeeyay 15.3 Milyan Doolar oo lagu Sheegay “Deeq Gobolka Banaadir”

7-      Miisaaniyadda Guud ahaan wasaaradaha iyo Hay’addaha magac u yaalka ah lacagta waxaa ay ku baxaysaa Mushaar shaqaale iyo isticmaalka Agabka & Adeega oo loola jeedo shidaal, transport,koronto, qalab nadaafadeed iwm.

8-      Amniga Muqdisho waxaa loo sugi la’ yahay Degmooyinka Gobolka Banaadir oo aan heysan dhaqaalo ku filan oo ay ku socodsiiyaan ka shaqeynta amniga iyo horumarinta deegaanka.

9-      Miisaaniyadda waxaa ku jira Budget line loogu magac daray, CODE 501: KUWA KALE waxaana ku qoran  34,040,376$ (Sodan iyo Afar Milyan Afartan kun Sadex Boqol Todobaatan iyo Lix Doolar)

10-  Taliska Ciidanka Xooga Dalka waxaa ku qoran sanadkaan Kaliya lacag ku dhow 50 Milyan Doolar, lacagtaan Mushaar kuma baxdo, inta Badan Raashin bey ku qoran tahay, jeebab dad gaar ah ayay ku dhacdaa.

11-  Miisaaniyad loo habeeyay inaan dadka waxba loogu qaban, Miisaaniyad Muujinaysa in Magaca Dawladda lagu dhacaayo canshuurta Shacabka, Miisaaniyad aan waxba kusoo kordhinayn nolosha shacabka, Miisaaniyad muujinaysa in madaxda dawladda maskaxdii ka tagtay, Miisaaniyad wasaaradaha ku qoran loo siiyey awood inay sidii ay rabaan ka yeelaan.

12-  Baarlamaanka ka kooban 275, qofkii wuxuu Mushahar u qaadanayaa 3000$, Baarlamaankaani go’aankoodu wuxuu saameeyaa oo horumarka ka joojiyaa Muqdisho Kaliya.

XEERKA QOONDAHA MIISAANIYADDA 2014-KA

KUTALAGALKA MIISAANIYADDA 2014-KA US$

Madax

FAAH-FAAHIN

 2013 Misaniyadda

 2013            Dhabta

 2014    Kutalagalka

101

 Xafiiska Madaxtooyada

              3,683,724

              3,588,740

              4,417,088

10201

 Xafiiska Baarlamaanka

              2,118,404

              2,006,656

              3,435,516

10202

 Xubnaha Baarlamaanka (Mushaar, Agab  & Adeeg)

            13,035,972

            12,833,053

            10,968,000

103

 Xafiiska Ra’isul Wasaaraha

              3,180,000

              3,131,681

              4,230,420

10401

 Wasaaradda Arrimaha Dibedda

              1,134,940

              1,109,876

              1,735,196

10402

 Safaaradaha

              4,340,680

              1,244,145

              6,624,000

10501

 Wasaaradda Maaliyadda

              4,571,778

              4,456,525

              4,711,027

10502

 Mashruuca SFF

                              –

                              –

            10,980,062

10503

 Mashruuca PFM

                              –

                              –

              1,887,000

10504

 Deeqda Gobolka Banaadir iyo Bankiga Dhexe

                              –

            12,787,538

            15,300,000

106

 Wasaaradda Qorsheynta iyo Isk. Caalamiga

                              –

                              –

                  772,508

10701

 Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

            14,287,504

              9,966,561

              4,481,240

10702

 Guddiga Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha

                              –

                              –

                  529,800

10703

 Hay’adda Maareynta Masiibooyinka

                              –

                              –

                  282,600

10704

 Guddiga Xadeynta Xuduudaha Federaalka

                              –

                              –

                  279,000

108

 Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta

                              –

                              –

              1,251,532

10901

 Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka

              1,593,448

              1,451,134

              1,478,344

10902

 Ciidanka Asluubta

              2,440,000

              2,406,503

              4,343,592

10903

 Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka

                  458,736

                  403,501

                  461,832

10904

 Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka

                  527,652

                  370,503

                  468,708

10905

 Maxkamadda Gobolka Banaadir

              1,176,900

              1,099,889

                  963,396

10906

 Maxkamadda Racfaanka

                  248,604

                  172,104

                  234,204

10907

 Hay’adda Xuquuqil Insaanka

                              –

                              –

                  253,200

10908

 Guddiga Adeega Garsoorka

                  198,012

                  141,512

                  206,052

10909

 Maxkamadda Dastuuriga ah

                              –

                              –

                  234,000

110

 Maxkamadda Sare

                  442,440

                  389,670

                  395,256

111

 Xeer-ilaaliyaha Guud

                  408,888

                  348,388

                  434,664

112

 Garyaqaanka Guud

                  284,520

                  201,473

                  386,652

113

 Xisaabiyaha Guud

                  733,604

                  704,146

                  685,720

114

 Hanti-dhawrka Guud

                  665,228

                  635,889

                  636,684

115

 Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka

                  391,524

                  391,524

                  427,920

20101

 Wasaaradda Gaashaandhiga

              2,957,276

              2,767,787

                  844,892

20102

 Taliska Ciidanka xooga Dalka

            41,255,700

            28,191,125

            49,742,868

20103

 Maxkamadda Ciidamadda

                  405,200

                  404,700

                  452,400

20201

 Wasaaradda Amniga Qaranka

                              –

                              –

              2,676,204

20202

 Taliska Ciidanka Booliska

            16,095,600

              8,286,783

            13,947,764

20203

 Hay’adda Nabadsugidda Qaranka

              6,330,000

              5,095,000

              9,200,976

20204

 Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

              1,076,886

                  790,205

              1,734,000

301

 Wasaaradda Tamarta & Biyaha

              2,045,520

              1,821,212

                  742,612

302

 Wasaaradda Macdanta

                              –

                              –

                  679,988

303

 Wasaaradda Beeraha

                              –

                              –

                  820,628

304

 Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

                              –

                              –

                  682,876

30501

 Wasaaradda Kalumeysiga &Khey. Badda

                              –

                              –

              1,041,524

30502

 Hay’adda Cilmi Baadhista badaha soomaaliya

                              –

                              –

                  260,200

306

 Wasaaradda Warfaafinta

              2,847,612

              2,821,270

              3,020,012

307

 Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta

                              –

                              –

                  948,748

308

 Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska

              1,120,776

              1,029,626

                  742,880

30901

 Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawadda

                              –

                              –

                  844,936

30902

 Hay’adda Saadaasha iyo Duulista Hawadda

                              –

                              –

                  697,704

31001

 Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda

                              –

                              –

                  968,164

31002

 Dekadda Xamar

                              –

                              –

                  422,933

311

 Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

                  689,584

                  612,586

                  763,100

401

 Wasaaradda Caafimaadka

              9,577,222

              2,258,136

                  899,332

40201

 Wasaaradda Waxbarashadda

                              –

                              –

              4,875,284

40202

 Wasaaradda Hidaha & Tacliinta Sare

                              –

                              –

              1,061,980

40203

 Jaamacadda Umadda

                              –

                              –

                  360,516

40204

 Hay’adda Cilmi, Fanka iyo Suugaanta

                              –

                              –

                  315,000

403

 Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada

                              –

                              –

                  836,872

404

 Wasaaradda Isboortiga & Dhalinyarada

                              –

                              –

                  624,313

405

 Wasaaradda Haweenka & Hor. Xuq.Adanaha

                              –

                              –

                  706,448

501

 KUWA KALE

              3,600,000

              3,520,635

            34,040,376

WADARTA GUUD

          143,923,934

          117,440,076

          218,450,743

 

 

 

Raila Odinga oo u hiiliyey Soomaalida

Boston (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya Rail Odinga ayaa eedeeyay qaabkii ay dowlada Kenya ula dhaqantay dadka Soomaaliyeed, howlgalada ay kula dagaalamayso argagaxisada ee magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Mr Odinga oo la wareystay isagoo jooga Boston,Massachusetts ayaa sheegay in uu aad ula yaabay in ciidamada dowlada ay ka dhigteen yoolkooda Soomaalida markii ay baaritaanka ku sameynayeen dadka lagu tuhunsan yahay in ay ka mid yihiin argagaxisada deegaanka Eastleight.

“Qaladku ma ahan oo kaliya qaabka ay dowlada uga raadisay dadka lagu tuhunsan yahay argagaxisanimada balse waxa ka daran waxa taasi ka dhalan kara mustaqabalka. Ma haboona in ciidamada loo fasaxo in ay mid ka mid ah qowmiyahada Kenya loo nisbeeyo in ay argagaxisda iyaga kaliya ay yihiin,”ayuu yiri.

Waxana uu Odinga sheegay in ay iska cadahay in dad ka soo kala jeeda qomiyado kala duwan oo aan ahayn Soomaali kaliya ay sameeyeen falal aragagaxiso ah.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya oo sii hadlay ayaa sheegay in hore loo arkay dad ka soo qowmiyado kale oo aan ahayn Soomaali oo falal argagaxiso ka sameeyay dalka Kenya.

“Waxaan aragnay dhalinyaro ka soo jeeda Luo, Luhya, Kikuyu iyo qaar kale oo la soo taagay maxkmad iyagoo loo haysto falal argagaxiso. ,”ayuu yiri Odinga.

Odinga ayaa ugu baaqay dowlada Kenya inaysan dib u soo celin wixii ka dhacay Wagala oo qowmiyada Soomaalida oo kaliya lagu bartilmaameedsaday xasuuqna ka dhacay.

Dad gaaraya afar kun oo ruux oo Soomaali ah ayaa lagu qabqabtay howlgalo ay dowlada Kenya ka bilowday dalkeeda waxaana inku dhow boqol ka mid ah dadkaas la qabqabtay loo soo masaafuriyay dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

SUUQII BAYDHABA OO XALAY GUBTAY

Baydhaba (Caasimada Onlien) – Dab xooggan ayaa qabsaday guud ahaanba suuqa magaalada Baydhabo gaar ahaana suuqa bacaadlaha,waxaana la sheegay in halkaasi ay ku basbeelen inta badan goobihi ganacsi ee ku yaallay.

Dabkan waxaa la sheegay inuu suuqa ka kacay saqdii dhexe ee xalay waxa uu ka kacay suuqa Bacadlaha Beydhabo, kaas oo ay ku bas-beeleen hanti farabadan oo ay lahaayeen dad rayid ah, waxuuna baabi’iyay qeybo badan oo ka mid ah suuqa Bacadlaha .

“Saqdi dhexe ee xalay ayuu dabka kacay,waxuuna basbeeliyey inta badan goobihii ganacsi ee goobta ku yaallay,balse waa loo gurmad oo waa la damiyey” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ay goobtodi ganacsi dabku ka basbeeliyey.

Ilaa siddeed goobod oo ganacsiga yar yar ah ayaa dabku uu qabsaden,waxaana halka ku gubtay xarumaha ganacsiga ee ku dhawaa halka uu dabku ku xooggana.

Ma jirto wali cid xaqiijisay sababta rasmiga ah ee ka dambeeysay dabkaasi, mana jirin qasaare nafeed oo ka dhalatay dabkaasi, inkastoo maamulka iyo shacabka magaaladaasi ay si wadajir ah uga qeybqaateen deminta dambkaasi.

Suuqa bacadlaha ee magaalada Baydhabo,waxaa uu ku dhowyahay kawaanka hilibka ee magaalada,waxuuna ka mid ahaa suqyada ugu mashqulka badan oo inta badan dadku usoo dukaamaysi tagi jireen.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

Dhageyso: Dadkii ugu xog-ogaalsanaa wixii ka dhacay Islii oo xog-warramay

Dowladda Kenya waxay Arbacadii Magaalada Muqdisho ku soo celisay ilaa 82 ruux oo Soomaali ah, oo laga soo qab qabtay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi, markii ay hawlgal ka sameeyeen Ciidamada Kenya.

Dadkaan waxay noqonayaan kuwoodii ugu horeeyay oo ay Kenya ku soo celiso dalka, ka gadaal markii ay sheegtay in ay iska saareyso dadka aan Sharciyada ku lahayn dalkeeda.

Qaar ka mid ah dadkaan, ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in ay si xun ula dhaqmeen Ciidamada Kenya, waxay sidoo kale sheegeen in ay garaacis u geysteen,
raashiinkiina ay ka horjoogsadeen in loo keeno.

Jaaliyada Somaliyeed ee Xaafada Islii, ayaa waxay maalmahaanba Warbaahinta u sheegayeen in si khalafsan ay Dowladda Kenya ku wajaheyso Soomaalida Islii degan.

Dad la hadlay BBC

Soomaalida heysata dhalashada Kenya, ayaa waxay qabaan in arrinta ku aadan raafka Soomaalida Islii, ay ka dambeysay arrin Siyaasadeed, oo meesha looga saaraayo ganacsigii Soomaalida.

Dadka Soomaaliyeed, ayaa aragti mideysan ku muujinaaya in Madaxda Dowladda Federalka ee Soomaaliya, aynaan si sax ah kaga falcelin raafka iyo rafaadka ka dhanka ah Soomaalida Islii ku badan.

Dad la hadlay VOA

KENYA oo caddaawad abuuraneysa !!!

Nairobi (Caasimada Online) – Dadka deggan xaafadda Islii ee Nairobi, ayaa sheegay in Kenya iyo colaad iyo caddaawad ku abuuraneyso gacmaheeda, ayada oo ugaarsaneysa Soomaalida.

In badan oo ka mida dadka reer Eastleigh ayaa bilayska ku khilaafsan qaabka ay u wadaan hawlgalka waxayna sheegeen in aan laga gaari doonin ulajeeddooyinka ammaan ee laga leeyahay.

“Ururinta xogaha sirta ah ayaa ka wax-tar badan qab-qabasho aan loo meel-dayin oo uu bilaysku fuliyo taas oo waxa laga dheefo ay tahay in la cabsi-galiyo dadka aan waxba galabsan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Madasha Muslimiinta ee Xuquuqda Aadanaha Alamin Kimathi. “Howlgalladu waxay miro colaadeed ka dhex beerayaan ciidamada ammaanka iyo Soomaalida Kenya ee halkan daggan mana aha qaabka ugu wanaagsan ee lagu kasban karo quluubta iyo maanka bulshada degaanka.”

Cali Cabdi, oo ah 26-jir arday ka ah Jaamacadda Nairobi, ayaa sheegay in uu ka baqayo qabqabashada ciidamada ammaanka.

“Waxa ay ka dhaqaaqayaan male khaldan oo ah in qof walba oo ka tirsan dhallinyarada Muslinka Kenya in uu yahay tuhmane argagixiso ama uu jaceeyl u hayo,” ayuu yiri Cali. “Waxan ku noolahay cabsi sababta oo ah daqiiqad kasta ayay dhici kartaa haysashada Kaarka Aqoonisgana maaha caddeeyn ku filan in qofku yahay Kenyan sababta oo ah bilaysku waxa uu sheegay in tiro badan oo ka mida ay yihiin been-abuur.

Geedi Cabdi, oo 24-jir ah, basna ku wada Eastleigh, ayaa sheegay in uu joojiyay in uu booqdo saaxiibadii xillyada dambe ee habeeynkii isaga oo ka baqaya in la qabto sababta oo ah wali lama siin kaarkiisii aqoonsiga ee loogu baddalay kii hore kadib markii uu ka lumay kii hore.

“Habeeynimadii Talaadada, ninkasta oo ah dhallinyaro Kenyan ah asal ahaanna ka soo jeeda Soomaali waxa loo arkayay tuhmane argagixiso,” ayuu yiri. “Qof walba oo ka baxay gurigiisa xittaa hadduu u socdo meesha ugu dhow isaga oo aan wadan dokumenti aqoonsi waa la qabtay waxana laga buuxiyay toban gaari oo bilays ah, saas oo ay tahayna ma jiro sharci oranaya qofku waa in uu mar walba sitaa Kaarkiisa Aqoonsi.”

Axmed Cli, oo ah 26-jir makaanig ka ah Eastleigh, ayaa sheegay in habeeynimadii Sabtida ay ugu yaraan siddeed askari oo bilays ah ay xoog ku soo galeen guri ay wada deggan yihiin walaalkii, Cumar Khalif, oo Mombasa u aaday in uu soo booqdo eedadiis.

“Ka sokoow in ay igu handadeen in ay garaacayaan oo ay igu xireen saldhig, haddan intaas waxay si qaylo ah iigu sheegayeen in aan aamuso oo meel fariisto,” ayuu sheegay. “Albaabka qolka jifka haraati ayay ku jabiyeen dabadeedna waxay isku daba rogeen qolkii Cumar iyaga oo sheegay in uu yahay argagixiso ku khasbanaaday in uu albaabka qufulo oo uu cararo markuu maqlay howlgalka.”

Cali waxa uu wacay bilayska si uu dacwad u geeyo oobiga Eastleigh oo uu ka dacwoodo in uu yahay muwaadin lagu dhibaateeyay howlgallada ammaan.

Maxamed Yusuf, oo ah 34-jir isaguna deggan Eastleigh, oo dukaan lagu gado moobiillada iyo qalabka lagu istimcaalo ku leh Waddada 8-aad, ayaa ka hadlay wixii ka soo maray howlgalka Axaddii.

“Koox askar bilays ah oo qalabaysan ayaa ku soo degay dukaankayga yar […] kadibna iyaga oo aan waxba ii sheegin ama ii sharxin wax ay raadinayaan, waxay bilaabeen in ay alaabada tuurtuuraan” ayuu  yiri.

“Waxaan taageerayaa hawlgal ammaan ku socda xogta sirdoonka oo lagu bar-tilmaameedsanayo dadka soo abaabula argagixisada, halkii aan ka taageeri lahaa midka hadda socda oo u muuqda in lagu bar-tilmaameedanayo yool mucayan ah,” ayuu yiri Yusuf. “Waxay si indha-la’aan ah u qabqabanayaan dadka, taas oo samaynaysa macne yar sababtoo ah waxay noqotay in ay sii daayaan inta badan iyaga oo maxkamad geeyay in kooban oo ay ku haystaan dambiyo yaryar, taasoo aan ahayn ulajeedkii koowaad ee lagu bilaabay tallaabooyinka ammaan.”

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

VIDEO: MADAX ka tirsan DFS oo Xilli habeen ah ku damashada Muqdisho

Wasiiro, Taliyayaasha Ciidamada Xooga Dalka iyo booliska iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xili habeen bar ah ku damaashaadaya Magaalada Muqdisho.

Xubnahani ka tirsan Dowlada oo Habeenki xalay ahaa ka qeyb qaadanayay Xaflad loogu magac daray Socdaalka Bandhiga Dadweynaha & Amniga Muqdisho kaasoo Socdaal lug ah lagumarayo Wadooyinka Magaalada Muqdisho ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

KENYATTA oo noqday madaxweynaha ugu caajiska badan adduunka (Daawo)

Nairobi (Caasimada Online) – Wareysi uu Uhuru Kenyatta siiyey Telefishinka Citizen ayaa waxa uu Caalamka u sheegay inuu hurdada ka soo tooso 6-da aroornimo, Xafiiskana uu tago 10-ka barqanimo.

Kooxda Madaxweynaha u dejisa Istaraatijiyadda Siyaasadda kuma faraxsana caajisnimadda Uhurru Kenyatta, waxaana loo arkaa inuusan hoggaamin Karin dal halgan ku jira.

Madaxweynihii isaga ka horreeyey ee Mwai Kibaki waxa uu hurdada ka soo toosi jirey shanta aroornimo, halka Madaxweynihii ka sii horreeyey ee Daniel Arab Moi hurdada ka toosi jirey shanta aroornimo.

Sidoo kale, Madaxweyne-ku-xigeenkiisa, William Ruto waxa uu hurdada ka toosaa shanta aroornimo.

Wareysiga Uhuru Kenyatta ku muujinayo xilliyadda uu hurdada ka tooso iyo xilliga uu Xafiiska tago ayaa waxa la soo dhigay Barta YouTube-ka, ee nala daawo

R/W Cabdi Weli oo shaaciyey arrin ay adag tahay in la rumeysto (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed, ayaa ku dhowaaqay arrin ay adag tahay inlaga rumeysto, oo ah in Muqdisho laga sifeeyey waxyaabaha qarxa.

Cabdi Weli, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qaybgalay kulan lagu shaacinayey guul laga gaaray waxyaalaha qarxa oo laga sifeeyey magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey saraakiil ka socotay Midowga Yurub, hay’adda Qaramada Midoobey ugu qaabilsan la dagaalanka miinada ee UNMAS iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

“Ma dooneyno in dadkayagu ay ku sii jiraan nolol cabsi iyo deganaansho la’aan ah. Carruurta Soomaaliyeed waa in ay helaan mustaqbal aanay ku jirin cabsi iyo argagax. Waxa ugu muhiimsan waa in carruurteennu helaan nolol wanaagsan. Sidaasi ayuu yiri Re’iisul Wasaare Cabdiwali.

“Maanta waxaa war lagu farxo ah in aan ku dhawaaqno in Muqdisho laga sifeeyey waxyaalaha qarxa.Masuuliyad ayaa naga saaran in aan dalka ka ciribtirno waxyaalaha qarxa ee khatarta ku ah nolosha muwaadiniinteenna. Waxaan u mahadnaqayaa dhinacyada naga taageeray fulinta hawshan muhiimka ah” sidaasi ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali waxa uu sheegay in hawlaha dalka lagaga sifaynayo waxyaalaha qarxa aanay ku koobnayn caasimadda ee waddanka oo dhan laga samaynayo si loo helo qaran aanay muwaadiniintiisu ka cabsi qabin in dhibaato ka soo gaadho waxyaalaha qarxa.

Si kastaba, waa arrin adag in la rumeysto in Muqdisho laga sifeeyey waxyaabaha qarxa, ayada oo aysan jirin caddeymo muujinaya in dowladda ay baartay meel walba iyo guri walba oo ku yaalla magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mudanayaashii Barlamanka Uganda ee tagay Muqdisho oo uu ruxay Laaluush

Kampala (Caasimada Online) – Booliska dalka Uganda ayaa xuddun u ah Lacago la is-daba mariyey iyo Laaluush la sheegay inuu saamayn ku yeshay Safarkii ay Mudanayaal ka tirsan Barlamaanka dalkaasi bishii hore ku yimaadeen magaalladda Muqdisho.

Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Observer ee ka soo baxa magaalladda Kampala, waxaa lagu sheegay inay qaar ka tirsan Xildhibaanadda ku eedeeyeen Boliska inay bixiyeen Kharajka Safarkaasi, taasi oo ay xuseen inay muujinayso inuu heshiis hoose dhex maray Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guddiga Arrimaha Gudaha ee Barlamaanka oo kaalin weyn ku leh doorka Ciiddamadda Uganda.

Wasiir hoosaasdka Arrimaha Gudaha ee Uganda, Mohamed Muwanga Kivumbi ayaa Barlamaanka u sheegay inay Boliska bixiyeen kharajka safarka Xildhibaanadda booqashadda ku tegay Somalia.

Mohamed Muwanga waxa kaloo uu sheegay in Xildhibaan kasta kaash ahaan loo siiyey lacag dhan 2,500-Dollar, oo ay ka baxsan tahay Tikidhka Diyaaradaha oo ay Boliska iibiyeen.

Bralamaanka Uganda ayaa weli wada baaritaanka Eedeymaha ka dhashay Safarkii ay Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Uganda dhawaan ku yimaadeen magaalladda Muqdisho.

Benny Namugwanya Bugembe oo ka mid ah Xildhibaanadda safarka ku yimid magaalladda Muqdisho ayaa sheegtay inay dhowr jeer kormeer ahaan ugu tegeen Ciiddanka Uganda (UPDF) ee ka hawlgala Somalia, iyadoo xustay inay Ciiddanka qabanqaabin jireen Safarkooda, oo aysan garanaynin sababaha Boliska loogu oggolaaday inay Safarkaasi maamulaan.

“Sababo dhinaca ammaanka, marnaba Hotel ma deign, waxaan joognay xarumaha AMISOM, Somalia waa goob khatar ah” ayey tiri Benny Namugwanya Bugembe

Xildhibaano tiradoodu dhamayd 7-Mudane, dhowr Saraakiil Bolis, Xoghaynta Guddiga iyo Saxafiyiin ka oscotay dalka ayaa dhawaan booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho, iyagoo kulamo la yeeshay Madaxda Dowladda iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
[email protected]

DHAGEYSO: DF Soomaaliya oo diiday in lagu bannaanbaxo dowladda Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) Banaanbax nabadeed oo ay soo qaban qabiyeen Shacabka gobolka Banaadir islamarkaana looga soo horjeeday tacadiyada ciidamada Kenya ku bartilmaameedsanayaan Shacbka Soomaaliyeed ee kusugan dalkaasi ayaa waxa uu qorshuhu ahaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa oo ay ka qeyb qaadaneyeen Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa iyagoo socod ku jira waxa is hor taagay oo hakad galiyey sii socoshada banaanbaxa ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, oo diidan in Kenya lagu mudaaharaado.

Waxaan wararka qaarkood ay shegayaan in dadka qaar ee banaabaxa wax ka waday ay ciidamadu xireen.
Mid kamid ah dadkii ka qeyb qaadaneyey Dibad baxa ka dhanka ahaa dhibaatada Kenya ay ku heyso shacabka Soomaliyeed ee ku sugan waddankeeda uu warbaahinta usheegay in ciidamada Booliiska ay ku amreen inay kala dareeraan sidaana uu banaanbixii ku istaagay.

Halkan ka dhageyso

110318_001

Booliiska ayaa sheegay in xukuumadda ay amar ku siisay inaysan ogolaan banaanbaxyo ka dhan ah Dowladda Kenya.

Ciidamada dowlada Kenya ayaaa mudooyinkii u dambeeyey waxza raaf iyo jir dil isugu dareen shacbka Soomaliyeed ee waddankeeda nabad gelyada udoontay, waxaana shacbaka Soomaliyeed ee dalkaasi ku sugan ay noqdeen bartilmaameedka koowaad, ee ciidmada Kenya iyaga oo ula dhaqma si arxan daro ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ciidamo cusub oo gaaray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo Nabad-ilalain ah oo ka socda dalka Sierra Leone ayaa bishan 2-dii soo gaaray gudaha dalka Somalia, si ay ugu biiraan Hawlgalladda Nabad-ilaalinta ee AMISOM.
Hadal ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in Koox Ciiddamo hordhac ah oo ka socday dalka Sierra Leone ayaa soo gaaray gudaha dalka Somalia, waxaana lagu wadaa inay Ciiddamadaasi ku biiraan Ciiddamadda Kenya ee hawlgalladda ka wada Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Guuto cusub oo ka tirsan Ciiddamadda Sierra Leone ayaa dhawaan soo gaari doona Goballadda Koonfurta Somalia, halkaasi oo Ciiddamadda Kenya loo daad-gureeyey.
AMISOM waxay kaloo tilmaamtay in ciiddamadda Sierra Leone buuxin doonaan kaalinta ay banneeyn doonaan Guuto ka tirsan Ciiddamadda Kenya oo laga bedelayo Gobalka ay haatan ka hawlgalaan.
Ergayga Gaarka ee Hawlgalka AMISOM, Mohamed Salah Anadiif ayaa soo dhaweeyey Ciiddamadda dalka Sierra leone ee lagu soo biirinayo Hawlgalka AMISOM, wuxuuna xusay imaanshaha Ciiddamaddaasi gacan ka geysan doonaan soo-celinta Nabadda ee Somalia.
Dalka Sierra Leone waa dalka 5-aad ee Afrikaanka ee ay Ciiddamo kaga jiraan Hawlgalka AMISOM.
Sidoo kale, Dalalka Uganda, Djibouti, Buriundi iyo Kenya ayey Ciiddamo fara badan ka joogaan dalka Somalia.
Xigasho: Awareness Times Newspaper

Xubno sare oo lagu dilay Qaraxyo ka kala dhacay Muqdisho iyo Kismaayo

Muqdisho(Caasimada Online)–  Qarax nooca meelaha fog fog laga hago ah ayaa waxaa lala eegtay xoghayihii maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaasi oo sababay inuu u geeriyoodo.

Qaraxa ayaa ka dhacay xerada Badbaado oo ku taala degmada Wadajir, taasi oo la sameeyay sanadkii 2011 markii dad badan oo barakacayaal ah ay soo gaareen magaalada Muqdisho.

Maxamed Aba-Xaaji oo ahaa xoghayaha maamulka degmada Wadajir ayaa sidoo kale ahaa horjoogaha xerada Rajo oo ku taala isla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir,  ayaa ku naf waayey.

Geerida Aba-Xaaji ayaa waxaa xaqiijiyay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C.Baasid Maxamed Ibraahim, isagoo tacsi u diray qoyska xoghayihii maamulka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale dhaawacyo ay kasoo gaareen qaar kamid ah ilaaladii xoghayaha, waxaana kadib goobta gaaray ciidamada dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa waxaa lala eegtay gaadiid ay saarnaayeen ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidamada Burundi oo dhawaan Kismaayo Gaaray.

Lama Oga khasaaraha dhanka AMISOM soo gaaray, laakiin ku dhawaad 5 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii ciidamada maamulka Jubba ay rasaas ku fureen dad goobta ku sugnaa.

Qaraxa ayaa ciidamada AMISOM waxaa lagula eegtay xaafada Via Afmadow ee magaalada Kismaayo, laakiin saraakiisha amaanka ee Jubba ayaa sheegay inay qabteen shan ruux oo la tuhunsan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]