28.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Farmaajo oo u digay dowladda Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Mohamed Abdulaahi Farmaajo, ayaa kamid noqday masuuliyiinta ka hadlaysa dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysanayo dalka Kenya, xilli Soomaali badan weli ay ku jiraan gacanta ciidamada ammaanka dalkaasi.

Wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ku sheegay Farmaajo in wax laga xumaado ay tahay in Dowladda Kenya ay sidaasi ula dhaqanto dadka Soomaalida ah ee Qaxootiga ujooga dalka Kenya.

Mr Farmaajo ayaa waxaa uu xusay waxa ay sameynayaan ciidamada ammaanka Dowladda Kenya ay tahay wax laga xumaado oo keeni kara Cawaaqib aysan mahdin Dowladda Kenya.

“Kenya, waxa ay ficilladeeda kala kulmi kartaa dhibaatooyin hor leh” ayuu Farmaajo ugu digay Kenya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in hadii ciidamada Kenya ay siiwadaan dhibaatooyinka ay ugeysanayaan dadka Soomaaliyeed ay suuragal tahay in Kooxaha dhibaatooyinka ka geysanaya Kenya ay helaan taageero ballaaran oo ay ka helaan dadka la dhibaateynayo.

Mohamed C/laahi Farmaajo ayaa isweydiiyay sababta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga aamustay dhibaatooyinka Soomaalida Kenya loogu geysanayo, xilli Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya uu ku tilmaamay dhibaatooyinka Soomaalida Kenya loogu geysanayo wax la buun-buuniyay oo aysan aheyn sida loo dhigayo.

Dowladda Kenya ayaa saaka oo Arbaco ah dib usoo celinaysa Qaxooti Soomaaliyeed oo gaaraya 82-ruux kuwaasi oo hada ku sugan afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha Jomma Kenyatta ee dalkaasi.

Kenya ayaa dad badan oo Siyaasiyiin ah waxa ay ku tilmaameen inay lamid noqon rabto South Afrika oo kale oo Soomaalida ganacsiga dalkaasi ujooga tacadi badan halkaasi loogu geystay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Madaxweynihii hore ee Somalia oo si kulal uga hadlay xaalka Somalida Islii

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan, ayaa wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysanayo gudaha dalka Kenya, xilli Soomaali badan qaab Maxbuus ahaan ah loogu haayo Garoonka Kubbada Cagta ee Kasarani Stadium.

C/qaasim Salaad Xasan oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in wax aad looga xumaado ay tahay in dad Soomaaliyeed oo qaarkood Qaxooti ah in dalkaasi dhibaato loogu geysto.

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay inuu ka xun yahay Qaraxyadii ka dhacay Xaafada Islii oo dartood Soomaalida loo dhibaateynayo, isaga oo sheegay in Qaraxyada dadkii ka dambeeyay kaliya in lasoo qabto ay wanaagsan tahay, balse dadka oo dhan aan loowada dhibaateen.

Mudane C/qaasim Salaad Xasan, ayaa sheegay in xeerarka caalamiga ah iyo midka guud ee caalamka aysan ku jirin in dad qaxooti ah sidaan loo dhibaateeyo oo la qab-qabto.

Dhibaatooyinka dhanka ammaanka ah ee laga geysto Magaalada Nairobi, ayuu xusay inaysan ka dambeyn kaliya dad Soomaali ah, oo ay jiri karaan Kooxo kale oo ushaqeeya sida uu yiri Argagixisada oo doonaya inay falal lidi ku ah dhanka ammaanka ay ka geystaan dalkaasi.

Dowladda Kenya oo muddo todobaad ah waday howlgal lagu soo qab-qabtay Soomaali badan ayaa shaaca ka qaaday in Soomaalida dalkeeda ay dib ugu celinayso oo ay masaafurinayso.

Saaka oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in Garoonka Muqdisho laga soo dejiyo Soomaali gaaraysa ilaa 82-ruux kuwaasi oo Kenya ay ku sheegtay inay si sharcidaro ah ku joogeen dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Weli ma booqatay Webkaan Cajiibka ah ee Updat-ka ah. (Booqo Hadaba)

Horay ma u Booqatay Webkaan Cajiibka ah ee laga daba dhacay ee 24-ka saacba la soo geliyo warar update ah…

Fadeexadda DF: Deg-deg-tii Ukraine & ka damqasho la’aanta Islii + Document

24 Saac wax ka yar ayey Dawladda FS war saxaafadeed uga soo saartey arin ka dhaceysey Yurub, oo aan illaa iyo hadda la fahmin cidda ay u adeegeysey, iyo waxa keeney degdegtaas, ayadoo dhanka kale-na aysan jirin wax war ah ama tallaabo ah oo Soomaalida qanciya oo ay ka soo saartey dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta ku heysata dalka deriska nala ah ee Kenya?

Waxaase ka sii naxdin badneyd markii Wasiirka Arimaha Gudaha Dawladda Federaalka ahi uu ku tilmaamey dhibka heysta Soomaalida ku nool Kenya “mid la buunbuuniyey” asagoo sheegey in 70 qof oo aan sharci heysan ay yihiin dadka meesha lagu hayo”, Halka Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya uu BBC-da ka sheegey in dadku gaarayaan 2,000 oo qof, dhibaatooyin iyo bahdilna halkaas ay kala kulmayaan…Dawladda Federaalka ah waxaa looga fadhiyaa ugu yaraan welwelka Ukraine arimaha ka dhacaya ay ka muujisey in ay dadkeeda ku dhibaateysan Kenya ay u muujiso, dafiraadda iyo is-hilmaansiintana meesha ka saarto.

asW/Q: Madaxii hore ee sirdoonka, Axmed Macallin Fiqi

 

BF SOOMAALIYA oo shaaca ka qaaday go’aan maamul goboledyada nasaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga arimaha gudaha iyo Maamul usameynta Baarlamanka Soomaaliya ayaa sharcidaro ku tilmaamay dhamaan maamulada Gobalada dalka Soomaaliya looga dhawaaqay, xilli Soomaaliya ay hada uxiibsatay nidaamka Federaalka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ah Guddoomiye ku xigeenka guddiga arimaha gudaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in gedigooda Maamul Gobaleedyada dhawaan lagu dhawaaqay ay yihiin kuwa aan Dastuurka dalka ku saleesneen dhismahooda.

Mr. Jeesoow, wuxuu sheegay in qof waliba oo sameeya wax aan Dastuurka waafaqsaneyn lala xisaabtamayo, maadaama qof waliba oo Dastuurka ku xadgudbaa lala xisaabtamayo.

Maamul Gobaleedyo kala duwan ayaa Soomaaliya looga dhawaaqay kuwaasi oo mid waliba uu sheegayo in Maamulkiisa uu yahay mid sharci ah.

Koonfurta Soomaaliya kaliya waxaa ka dhisan saddex Maamul Mid Dowladda ayaa aqoonsan waa Maamulka Axmed Madoobe, Labo kale Baydhabo ayaa looga dhawaaqay oo kala hogaaminaysa Saddex Gobol iyo Lix Gobol.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Soomaalidii ugu horeysay ee Nairobi laga masaafuriyey oo tagtay Xamar

Markii ugu horeysay diyaaradsiday qaxooti soomaaliyeed oo laga soo masaafuriyey dalka kanya ayaa maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalak Soomaaliya.

Dadkaan oo tiradooda ay gaareyso ku dhawaad 85 qof ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan dowlada Somaaliya,sida Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya C/wali Sh Axmed,wasiiro ka tirsan xukumadda Soomaliya, eheladooda, qaraabodaada, iyo asaxaabdoodaiyo, waxa ayna dadkaasi iskugu jiraan Caruur, Haween, iyo Dad’da ah.

Dadkaas laga keenay Kenya oo la hadlay idaacada dalsan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in dalkooda dib ugu soo laabtaan maadaama ay tilmaameen in dhibaato xoogan ay ku heysatay dalka Kenya oo aan loo dulqaadan Karin waa sida ay hadalka u dhigay.

Dowlada Kenya ayaa dadkaan ku eedeesay in dalkeeda ay sharci daro ku joogeen xili howlgal raaf ah laga sameeyey Xaafadda Islii oo ay soomaalida ku badan tahay ee Dalkaas.

Kenya ayaa horay amar ugu bixisay in soomaalida aan heysan sharciga ay dib ugu laabtaan Xeryaha Qaxootiga,waana markii ugu horeysay oo Dowlada Kenya soo tarxiiliso soomaaliya dalkeeda mudo ku sugnaan sharcidarana lagu eedeeyay in dalkeeda ay ku joogeen.

Kenya ayaa qaraxo ay dad ku dhinteen ayaa maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen taasi oo kentay in soomaali badan la qab qabto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

CAAFIMAADKA XUBNAHA TARANKA (2)

Halkan ka aqri Caafimaadka Xubnaha Taranka Ragga

Xubnaha taranka dumarku waxay u baahan yihiin in loo daryeelo si ka daran kana feejigan kuwa ragga sababta oo ah. Xubnohooda taranka waxaa ku hoos jira qanjirro soo daaya dhidid iyo dheecaanno keena ur laga dido. Qolfada kintirku sida tan geedka ninka aan la gudin oo kale ayay usoo deeysaa dareere si dhaqsa ah isu beddela, si aad ahna usoo ura, kaasi oo loo yaqaan (baaro = dooro) Cambarku waxa uu soo daayaa dareere aysiidh ah oo hadduu xaddigiisa dhaafo jirka iyo dharkaba halleeya. Afka daloolka kaadidu waxa uu ku yaal meel dedan, taasi oo keenta in dhibco kaadi ahi ay ku hooraan cambarka, keenaanna inuu uro.

Cambarku waxa uu xiriir la leeyahay micnaha quruxda, ninkuna kolka ay haweeneydiisu isu dhiibto oo ay hor dhigto, waxa uu cambarka u eegaa sidii isaga oo hor fadhiya shey xurmo mudan. Lama xisaabi karo inta dumar daqiiqaddaasi ku waayey jacaylkii gacalkoodu u qabay, sababta oo ah “Albaabkii Jannada” ee uu wax badan dhawrayey baa kolkuu kala furay qurmoon aanu filayni kaga soo baxay.

Hooyada waxaa xil gaar ahi ka saaran yahay hubinta nadaafadda xubnaha taranka inanteeda yar kahor intaanay qaan-gaarin iyo kadib intaba. Kolka ay gabadhu qabto cudurro sida jabtada oo kale ah, waa in si dhaqsi ah loo daaweeyaa. Gef weyn bay ku tahay ehelka inaanay xil iska saarin daryeelka xubnaha inantooda iyaga oo ka baqaya inay ka xumaato amaba ay ku kacsato taataabashada goobahaasi, natiijaduna waxay markaasi noqonaysaa siday qiyaasayeen si ka duwan, maadaama dareeraha ka yimaada cambarka ee ay daryeel la’aani keento ama cudur sida jabtada oo kale ahi uu keenaa yahay kan isagu kiciya dareenkeeda jinsiyeed kuna dhaliya kacsi iyo gariir joogta ah.

Hooyada waxa la gudboon inay inanteeda ku baraarujiso sidii ay nadaafadda ugu dadaali lahayd gaar ahaan xilliga caadada, fahamsiisana in mustaqbalka haweeneydu uu ku xiran yahay nadaafadda jirkeeda, haddii ay ku dadaashana aanay farxad gelineyn nafteeda iyo dadka la nool oo qura, balse ay damaanad qaadayso mustaqbalkeeda, fahmeysana ugu dambeynta in maalinta ay adduunka ugu farxadda badan tahay ay tahay maalinta ay xabadka u furto gacalkeeda, una soo bandhigto jir qurux, udug iyo soo jiidasho badan, qiimayn iyo qaddarinna mudan.

War nin yahaw heedhe intaas oo sanadood baad Yurub, Carab iyo meel walba mareeysaye maxaad mid waloo cad u guursan weyday, waa adigaan Soomaaliya iyo carri aad waa hore ka dhooftay guur usoo doontaye? Saaxiibow waa runtaayoo waan soo arkay dumar badan oo cadcad, welibana quruxdooda haddaad indhaha saartid aad halkaaga iskula shubeysid, guurna igu baryayey, ha yeeshee naagihii Soomaalida ka sokow afkii, dhaqankii, diintii iyo dhiiggii oo aynu wadaagno, waxa aan marnaba lagu gaareynin tii nadaafad ahayd.

Waa sheeko dhab ah oon dhif iyo mar la’arag ahayn, aniguna shakhsi ahaanteyda waxaan sheekadaasi mid la mid ah ka maqlay nin ajnabi ah oo gabar Soomaaliyeed qaba. Arrinkaasi runtii waa mid ay haweenka Soomaalidu ku ammaanan yihiin, annaguna haddaynu raggii nahay ku faani karno.

Haweeneydu waa inay xubnaheeda taranka mayrto maalintii ugu yaraan hal jeer, markaasi oo intay kaadi-haysta faaruqiso, ay dabeeto ku mayrto biyo kulul iyada oo isticmaaleysa gabal saabuun ah oo loogu talagalay. Dabeeto waa inay xubnahaasi ku qallajisaa shukumaan ama gabal mara ah oo u gaar ah, isticmaashaana boolbire. Waxaana intaa dabadeed haboon inay goobtaasi ku carfiso (Deodorant) oo ah barafuun udgoon isla markaasina shiir bi’iye ah.

Fiiro gaar ah: Haweenka Soomaalida qaar baa aad nadiif u ah kolkay arrintu jirkooda joogto, ha yeeshee aan xil sidaasi ah iska saarin nadaafadda guriga ay ku noolyihiin iyo tan jikada ay wax ku kariyaan intaba. Jikadu gaar ahaan, waxa weeye halka ugu muhiimsan ee dumarka ajnabiga ahi ay kaga libin heli karaan dumarka Soomaalida, haddii nadaafad lagu beretamo.

Maacuunta, gidaarrada iyo daaqadaha jikada oo aan sidii loo baahnaa loo nadiifin, daaqadaha qolalka gaar ahaan qolka jiifka iyo kan carruurta oon la nadiifin, si maalinle ahna aan loo furin si hawadu isu beddesho nakhaskuna uga baxo, dharka carruurta oo inta la mayro, dabeeto meel lagu raseeyo iyadoon la kaawiyadeyn iwm., waa sifooyin ay kasiman yihiin guryo badan oo Soomaaliyeed. Dumarka Soomaalidu waa inay haddaba waxyaabahaasi oo dhan u fiiro yeeshaan, waa hadday doonayaan in koobka nadaafadda aanay cidi kula beretamin.

W/D: Sabriye Macallin Muuse

ZINADA IYO MUCJISADA ISLAAMKA !!!

Waddanka Maraykanka ayaa sanad weliba wuxuu ku bixiyaa 250 million dollar ah, wacyi gelinta looga hortagaya cudurka AIDIS-ka kadib markii ay waayeen xal kale oo lagu xakameeyo. Sidaas oo ay tahay ayay weli khaati ka joogaan, sida ay caddeeyeen baarayaal reer Maraykan ah oo caddeeyey in howlgalkaasi uu mar weliba fashal ku dhammaado sanad kasta.

Cudarkan AIDIS-ka ayaa halkii ugu horreysay ee uu ka billawdo ay ahayd waddanka Maraykanka, iyadoo maanta dunida inteeda badan uu ku fiday, marka laga reebo waddamada Islaamka oo intooda badan uu cudurkani gelin, qaarkoodna boqolkiiba hal ama labo uun laga helaya.Waddamada ugu badan ee uu ku faafay waa galbeedka, iyo Afrikada gaalada ah, iyo Asia-da bari, Rusia iwm.Sanad kasta ayaa daraasad lagu sheegey inay cudurkani u dhintaan in kudhaw ama dhan 2 Million oo dad ah. Sanadkii 2007 illaa 1981 ayay sheegeen inay u dhinteen cudurkaan in ka badan 25 Million oo dad ah, iyadoo xilliganna ay jiraan in ka badan 33 million oo dad ah oo la ildaran xanuunkan, kuwaas oo sugaya inay u dhintaan.Taas ayaa sababtay in Jaamacadaha ugu waaweyn Maraykanka iyo galbeedka oo dhami ay maal badan ku bixiyaan daraasaadka ku saabsan feyruusaadkaasi layaabka badan, si loogu helo xal waara oo looga hortegi karo ama lagu dabar gooyn karo, balse natiijada ayaa weli ah dawo loo waa’.Cudurka AIDIS-ka ayaa markii ugu horreysay la heley 1979-kii iyadoo uu ka dillaacay dalka Maraykanka, waxayna cullimadii xilligaasi baaritaannadiisa ka qeyb qaadatay ay isku raaceen inuu keeno galbada xagga dambe ah ee dumarka looga tegaya (dabada), ama liwaadka labada nin. Fikradda arrintaasi oo loo sababeynayay cudurkan ayaa muddo kadib is baddashay kadib markay culimadaasi sheegeen in jinsiga xataa lagu kala qaado, bal’ee ay xataa qaadi karaan ilmaha caloosha kujira.Daraasad labo sano kahor (2010), golaha qaramada midoobey kasoo baxday hayadda caafimaadka adduunka ayaa lagu sheegey in maalintii uu ku dhaco cudurkan in ka badan 14 million, kuwaasoo kala barkood (7 million) lagu sheegey inay yahiin dumar, halka 2000 kamid ahna lagu sheegey carruur wilal iyo gabdhaba leh. Inta soo hartay (5000) ayaa lagu sheegey inay yahiin rag sibaayo kale u qaado, ama dumar ka qaado ama iyaga iska qaado (liwaad). Boqolkiiba 70, ayaa lagu sheegey daraasaddani in dadkaasi sanad walba qaado cudurkani ay yahiin kuwa udhashay waddamada galbeedka (Yurub iyo Ameerika), halka inta kalena ay u badan yahiin Rusia iyo Asiada bari (Chine, Japan, Labada Korea, India, Srilanka) iyo Afrikka. Daraasaddan habayaraatee laguma xusin khaliijka, iyo waddamada Carbeed iyo guud ahaan waddamada Islaamka.Sanadkii 2008 ayay sheegeen inuu ahaa sanadahan dhaw inuu ahaa sanadkii dhaqaalaha ugu badan uu ku baxay ka hortagga cudurkaasi iyo ka wacyigelintiisa bulshada, iyadoo dhaqaalo dhan 22 Billion dollarka Maraykanka ah uu sanadkaasi keliya ku baxay mashruucyada lagula dagaallamayay cudurkan halista ah.

Daraasaadka caafimaad ee baaritaannada ku sameeyey Fayrusaadkan ayaa caddeeyeen in qofka markuu haleelo kadib uu sii noolaan karo muddo 15 sano ah ugu badnaan, kadibna uu cudurka dhigan doono. Waxay intaasi ku dareen qofka uu ku dhacay cudurkan, ee haraggiisu mar weliba dhaqo maalintii (yacni qubeysta ama dhaqdhaqdo), wuxuu ka dabciyaa cudurka inuu si fudud kusoo rido.

Ku dheh kaalaya oo ka barta nadaafadda diinta Islaamka, waayo qof kastoo Muslim Mu’min ah, maalintii shan mar ayuu meydhaa (weyseystaa).

Haddaba intaasi oo daraasaad ah iyo latacaalid cudurkaasi, annaga maxay ka tahay xaggeenna Islaam ahaan?

Waxaan innagu haysannaa amar Rabbaani ah, isaga ayaana inaga difaacaya faxshigaasi iyo xanuunnadaasi layaabka leh. Alle kor ahaaye marna muu oran ha sameynina zinnada. Laakiin mar waliba oo uu inooga digaya zinnada iyo dhibaatadeeda, wuxuu aayadaha Quraanka ah inagu amraa inaynaan u dhawaanin. Waa halka uu ka yiraahdo mar waliba oo uu kitaabka kusoo hadal qaado magaca zino ”Ha u dhawaaninna zinada”.

Wuxuu Alle sarreeye yiri

 (قُلْ لِلْمُؤْمِنِينَ يَغُضُّوا مِنْ أَبْصَارِهِمْ وَيَحْفَظُوا فُرُوجَهُمْ ذَلِكَ أَزْكَى لَهُمْ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا يَصْنَعُونَ) [النور: 30].

Sidoo kale Rasuulkeenna suubban (NNKH) wuxuu yiri

(لم تظهر الفاحشة في قوم قط حتى يعلنوا بها إلا فشا فيهم الطاعون والأوجاع التي لم تكن مضت في أسلافهم الذين مضوا)

 [رواه ابن ماجه].

”Qoom horey uguma aanay faafin dhexdooda faaxishada (zinada) jeer ay muujistaan, illaa Alle wuxuu ku diraa daacuun, iyo xanuunno aanan hortood kuwii iyaga ka horreeyey dhexdooda lamaqal”.

Waxaa haddaba isweydiin mudan markii qaaradaha reer galbeedka ay ku faaftay faaxishada oo la muujistay, sow Ilaahay uma keenin cudurro iyo xanuunno aanan horey loo maqal (AIDIS)?

Waxaa markaasi su’aal in la weydiiyo mudan ah kuwa Nasaarada ama Yahuudda, ama gaalo oo dhan ama cid kastoo diiddan xaqnimada Quraanka iyo nebinnimada Nebi Muxammad (NNKH) ”Haddii Nebi Muxammad (NNKH), oo Quraanka kala yimid jeebkiisa, ama uu isaga hawadiisa ku hadli jirey, maxay tahay xaqiiqadan weyn ee uu ku sii sheegey 14 qarni kahor dhibaatada ay leedahay zinada, iyo inay sababayso in cudurro aanan horey loo maqal ay sababayso marka la muujisto”?

Tani (oraahda Nebiga) sow ma ahan daliil cad oo muujineyso nebinnimadiisa iyo xaqnimada hadal kasta oo uu ku hadlay?

Run buu sheegey Ilaahay markuu yiri

(ولا تقربوا الزنا إنه كان فاحشة وساء سبيلاً)[الإسراء: 32].

Sidoo kale run buu sheegey Xabiibkeenna Muxammad (NNKH) markuu yiri

 (ولا ظهرت فيهم الفاحشة إلا فشا فيهم الموت) [رواه الطبراني] 

Waa yaabe, iyo cajab ee kuwa ku gaaloobay xaqa sidey uga indho la’yahiin risaaladan iimaanka xambaarsan. Sidee buu Nebi Muxammad (NNKH) haddaanu nebi ahayn, uu u ogaan karaa 14 qarni kahora in ay iman doonaan cudurro sababa geeri oo ay dhali doonto zinada?Waxaa mar kale taal su’aal mudan in la weydiiyo Nasaarada iyo Yahuudda ama gaalo oo dhan iyo wixii ka shakiya xaqnimada Quraanka, iyo nebinnimada suubbanaha (NNKH), taasoo ah ”Innagu haddaynu nahay Islaam, muxuu Ilaahay inooga reebayaa zinada, oo uu inoo oranayaa ha u dhawaanina? Maxay tahay sababta rasmiga ah ee uu Ilaahay inoo oranaya ka fogaada zinada? Ma waxay tahay in nala jaajuubaya, oo raaxada iyo bilicda iyo macmacaanka adduunka naloo diidaya, mise xirxirnaan iyo ciriiri ay la timid diinta Islaamka?Arrinku intuba ma ahan, ee waa natiijada hadda taal oo ah naxariista Rabbi iyo fadligiisa, iyo inuu doonaya inuu inaga dahiriya cuddurrada iyo xanuunnada dilaaga ah oo ina dhowro. Waana midda hadda la arkay natiijadeeda oo umaduhu Islaamka ay ka nabad qabaan masiibadaasi halligtay qoom badan, xalkeedana ilaa maanta ay la yahiin reer galbedka.Mahad waxaa iskaleh Allihii inaga yeelay Islaam, ee inoosoo dejiyey xal iyo nuur iyo wacdi iyo waano iyo nolal iyo sacaado dhammaanteed.WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
____________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan karo idan la’aan.

MAXAA XALAY KA DHACAY MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo Hubeysan oo la gareynin ayaa xalay dhaawac u geystay sarkaal Nabad Sugida ka tirsan iyo xaaskiisa xili ay ku sugnaayeen degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay arkeen dadka dilka geystay oo baxsanaya laakiin ay awoodi waayeen inay wax ka qabtaan maadaama ay hubeysnaayeen.

Sarkaalkaan ka tirsan hayada sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Xasan Daahir, waxaana isaga iyo dhaawaca xaskiisa la dhigay xarumaha caafimaadka.

Saraakiisha Nabad sugida ayaanan wali ka hadlin waxyeelada loo geystay sarkaalkaan ka tirsan Hayada Nabad Sugida iyo xaaskiisa.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka waxay baaritaano ka wadaan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, maadaama xalay dhaawac loo geystay sarkaal nabad sugid iyo xaaskiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Gudoomiye cusub oo dil ka badbaaday

Muqdisho(Caasimada Online) – Gudoomiyaha cusub ee degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa sharaxaad ka bixiyay qarax ka dhacay degmadaasi, kaasi oo la doonayay in isaga lagu dilo, laakiin uu ka badbaaday.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli ay howgalo amni ay ka sameynayeen xaafada Suuqa Xoolaha iyo xaafado kale sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Axmed Xaashi, ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli ay ku sugnaayeen Suuqa Daryeel oo xoolaha lagu iibiyo, isagoo sheegay in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha qaraxa ayuu sheegay in hal askari kaliya uu kaga dhaawacmay, inkastoo aan faah-faahin dhab ah laga heynin waxyeelada qaraxa ka dhalatay.

“Suuqa Xoolaha ayaan howlgal ka wadnay, inagoo howlgalka wadno ayaa qaraxa uu dhacay, hal askari ayaa nooga dhaawacmay, hal ruux ayaan soo qabanay oo meesha joogay”.ayuu yiri gudoomiyaha cusub ee degmada Heliwaa.

Habeenimadii xalay degmadaasi waxaa ka dhacday xaflad lagu taageerayay amaanka magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay wasiiro xukuumada ka tirsan iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Macallin dugsi qur’aan oo MUQDISHO lagu dilay caawa & xog sheegaysa in…

bMuqdisho (Caasimada Online) – Dabley aan haybtooda la aqoonin ayaa waxay fiidnimaddii caawa nin Macallin Dugsi ah ku dileen Xaafadda Xarayaale ee Degmadda Wardhiigley ee magaalladdan Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay  inay dableydu weerareen Macallinkaasi, xilli uu ka soo baxay Masjidka oo uu Jameecadda la soo tukaday Salaadda Cishaha.

Dableydii dilka geysatay ayaa baxsatay, kadib, markii ay Macallinka dileen.

Dhinaca kale, Askari ka tirsan kuwa Dowladda iyo xaaskiisa ayaa caawa lagu dhaawacay Degmadda Hawlwadaag.

Goobjoogayaal ayaa sheegay  inay kooxo hubeysan weerar la beegsadeen guri uu degganaa Askari iyo xaaskiisa, waxayna dableyda bam-gacmeed ku tureen gurigaas.

Askari iyo xaaskiisa ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, waxaana loola cararay mid ka mid ah Isbitaalladda magaalladda Muqdisho.

Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaano, inkastoo aysan jirin cid loo soo qabtay weerarkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Booliiska Kenya oo arrin fadeexad iyo yaab leh ku dhaqaaqay (Warbixin)

Nairobi (Caasimada Online) – Macallimiinta wax ka dhigta Machadka Islaamiga ee Samad oo ku yaalla Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi ayaa ku tilmaamay eedeyn la been abuuray hadal ay Booliska ku sheegeen inay Machadkaasi ka heleen kiimiko laga farsameeyo waxyaabaha qarxa.

Macallimiinta oo la hadlay Wargeyska the Star ayaa sheegay inay Booliska arkeen Labo gasac oo ay ku kala jireen Malab iyo Xabbad soodo, una qaateen inay yihiin Kiimiko, maadaama ay Gasacyaddu ku dul qornaayeen waa ay holci karaan “Highly Flammable”.

Mid ka mid ah Macallimiinta ayaa tilmaamay inay Boliska qaateen jeeg ay ku jireen saddex litir oo malab ah iyo gasac ay ku jirtay xabbad-sowda, iyagoo ku doodaya inay yihiin Kiimikadda laga farsameeyo waxyaabaha qarxa.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska magaalladda Nairobi, Benson Kibue ayaa horey u sheegay inay ku raad-joogaan Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Ibraahim Aadan Ibraahim, oo ay ku eedeeyeen inuu haystay kiimiko laga farsameeyo waxyaabaha qarxa.

Ibraahim Aadan Ibraahim oo la hadlay Wargeyska The Star ayaa beeniyey arrintaasi, wuxuuna tilmaamay inuu yahay Muwaadin haysta Warqadda Aqoonsiga Kenya.

Xigasho: The Star

Dhageyso: Fowsiya Yuusuf oo runta ka sheegtay xaqiiqda DF Soomaaliya

Wasiiradii hore ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa waxay maanta daboolka ka qaaday in Dowladda hadda mataleysa Somaliya, aynaan lahayd wax awood ah,oo ay wax ku qabato.

Wasiiradii hore, ayaa ku warameysa in Dowladdu ay ahayd in ay xoogga saarto Safaaradaha Dibadda ee Soomaaliya ku lee dahay, si loogu gurmado dadka Somaliyeed ee Caalamka ku tabaaleysan.

Waxay qirtay in Soomaalida ay ku dhibaateysan tahay dalalka dunida ku yaala oo idil, isla-markaana aan la soo koobi karin rafaadka ay kala kulmayaan Xabsiyada dalalkaasi ku yaala.

Mudadii ay Xafiiska Shaqada joogtay, ayay sheegtay in uu qorshahoodu ahaa in sanadkaan 2014-ka xoogga la saaro, sidii loo xoojin lahaa Safaaradaha Somaliya ay ku lee dahay Caalamka, si wax loogu qabto kuwa Xabsiyada ku dhibaateysan.

Waxay soo hadalqaaday in Soomaaliya ay lee dahay Kheyraad badan, dalkuna uu ku fadhiyo qiimo weyn, hase ahaatee ay Soomaalidu noqotay mid ka gudbi la’ qabyaalada.

Sidoo kale waxay sheegtay in dalka Soomaaliya ay ku hareereysan yihiin dalal, ay dadkoodu gaarayaan 3 boqol oo milyan oo ruux, isla-markaana loo cabsi qabo tobanka sano ee soo socda, 10-ka bilyan ee Soomaalida, haddii aynaan Soomaalidu isu tashan.

Marwo Foosiya Yuusuf, ayaa waxay kaloo soo hadalqaaday dhibaatada xilligaan loo geysanaayo Somalida ku nool dalka Kenya, waxaynta xustay in dayac badan uu ka jiro Kenya.

Foosiya Yuusuf waxay sheegtay in dayaca ka jira dalka Kenya uu yimid, markii dalka Kenya uu ku baahay dhibaatada xilligaan ka jirta dalka Somaliya, ayna sababteedu lee dahay in Kenya ay Soomaalida ku soo laba kacleyso.

Ugu dambeen waxay sheegtay in Kenya aysan nabad noqon doonin ilaa ay Somaliya ka xasileyso, dadkeenana ka dhaafi doonin waxa ay ku heyso. Waxayna xalka ku sheegtay Soomaalida oo dib isugu laabato.

Hadalkaan, ayay ka sheegtay Dood Wadaag maanta lagu qabtay Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho ee dhageyso

Isha: Dhacdo.com

Arrin naxdin leh oo laga soo sheegay Soomaalida ku xiran Kazarani, Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalladda Nairobi ayaa waxay sheegayaan inay Soomaalida ku xiran Garoonka Kazarani Stadium la soo gudboonaatay xaallado aad u adag.

Mid ka mid ah Guddiga Haweenka ee isku xil-qaamay kaalmo-gaarsiinta Kumanaanka Soomaalida ku xiran magaalladda Nairobi ayaa goor dhow inuu xaqiijisay inay dadka ku xiran Garoonka Kazarani ay baahi xun la soo deristay, iyadoo aysan jirin wax kaalmo ah oo ay Dowladda Kenya ama Laanqayrta Cas ee Kenya gaarsiiyaan dadkaasi.

Inta badan dadka ku jira halkaasi ayaa waxay ku tiirsan yihiin cunto ay soo kariyaan Haween Soomaali oo Muxsiniin ah, kuwaasi oo cunto karsan iyo daawooyin iyo dhar ugu deeqa dadka Soomaalida ee ku kala xiran Saldhigyadda Boliska Pangaani, Kazarani iyo Garoonka K/cagta ee Kazarani.

Qaar ka mid ah dadka ku xiran Garoonkaasi ayaa itaal gabay, kadib, markii ay la soo gudboonaatay nafaqo-darro iyo cunto-yari, waxaana u sii dheer qabow, dhaxan iyo hurdo la’aan.

Guddiga Samafalka ee dadkaasi gargaarka u fidinayo ayaa ugu baaqay Soomaalida ku nool gudaha Nairobi iyo Caalamka inay gacan ka geystaan sidii Kumanaanka Soomaalida ku xiran Nairobi loo kaalmeyn lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

SHAQAALAHA Qaramada Midoobay oo billaabay inay isaga baxaan Puntland

Gaalkacyo(Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo waxaa ka tagtay labo diyaaradood oo midkood loogu talo galay inay Magaalada kasoo qaato meydadka ajaaniibtii shalay lagu dilay garoonka magaalada Gaalkacyo.

Diyaarada oo aheyd mid qaas ah ayaa waxay maanta magaalada Gaalkacyo ka qaatay labadii ajaaniibta ahaa ee la dilay, waxaana la sheegay in la geynayo dalalka ay u kala dhasheen dadkaasi la dilay.

Wararka aan Gaalkacyo ka helayno ayaa sheegaya in diyaarad kale oo siday shaqaale kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay ay kasoo tagtay garoonka Gaalkacyo kuwaasi oo laga soo qaaday magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ee maamulka Puntland.

Cabdi Qani Saciid oo ah sarkaal sare oo ka tirsan saraakiisha Garoonka ka howlgalka ayaa xaqiijiyay in shaqaale ajaaniib ah oo ka tirsan QM ay kuwaasi oo baqdin darteed dib loogu maanta dalka Kenya.

“Muddo saacado ka hor ayay diyaarada ay soo caga dhigatay, diyaarad kale ayaa shaqaale kale kasoo qaaday Garoowe iyo Boosaaso, Nairobi ayaa loo qaaday”sidaasi waxaa yiri Cabdi Qani Saciid.

“Shaqaalaha waxay sheegeen baqdin inay ka muujiyeen amaanka, anagana waan u sheegnay falkaan waa mid aan ku talo gal aheyn” sidaasi ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Saciid.

Arintaan ayaa waxay muujinaysaa inay hoos u dhac ku yimaado howlihii shaqaalaha Qaramada Midoobay ay ka wadeen deegaanada maamulka Puntland, waxii ka dambeeyay dilkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

Aadan Ducaale iyo Farax Macalin oo Somalida Islii la saftay (Daawo Video)

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya dhibaatooyinka loo geysanayo dadka Soomaaliyeed ee kunool xaafadaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii howlgalo ay ka sameeyeen dalkaasi ciidamada Kenya.

Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ku jira ee laga soo doorto deegaanada ay dagaan dadka Soomaaliyeed ayaa si caro leh kaga hadlay dhibaatooyinka loo geysanayo Soomaalida dalkaasi.

Aadan Barre Ducaale oo kamid ah xildhibaanada laga soo doorto deegaanada Soomaalida kana tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay inuu matalo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ka imaaday Gaarisa, waxaan ahay Xildhibaan Soomaali oo idil xildhibaan u ah, waxaan idiin sheegayaa wadankaan Laaji kuma dihiin, idinkaa iska leh”ayuu yiri xildhibaan Aadan Ducaale.

Dhanka kale xildhibaan Faarax Macalin Ku xigeenka afhayeenkii baarlamaanka dalka Kenya ayaa dhankiisa arin lala yaabo ku tilmaamay bartilmaameydsiga Soomaalida ku nool dalka Kenya.

“Waxa la yaableh oo anagana na dhibeysa, waxii ka dhaca kenya Soomaalida kaliya ayaa la eeganaya, dad kale ayaa halkaan ku sugan oo dalal kale ka yimid”ayuu yiri xildhibaan Faarax Macalin.

Halkan ka daawo xildhibaan Aadan Barre Ducaale

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Document: Miisaaniyadda DFS oo isu bedeshay boobka hantida Muqdisho

Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda Somalia ay horgeysay Baarlamaanka Soomaaliya 2014-ka oo dhamaanteed ka imaanaysa Magaalada Muqdisho iyo Miisaaniyaddii la ansixiyey 2013-ka iyo qarashka dawladda Federaalku sheegtay in si dhab ah loo isticmaalay 2013, ayaa waxaa ka muuqda waxyaabo yaab iyo qosol leh.

Miisaaniyadda ma ahan mid dowladeed, ee waa hantida iyo dhaqaalaha Muqdisho oo magac dowlad la rabo in lagu qaato, ayada oo dalka intiisa kale aanu sidaas la qabin.

Dulduleelka Dakhliga Miisaaniyadda Federaalka

1- Dakhliga Dawladda Federaalka ee Miisaaniyaddan ku jira Gebi ahaan waxuu ka imaanayaa Magaalada Muqdisho, taa macnaheedu yahay in Muqdisho iyo dadka degan hantidooda la wada lee yahay, kuwa kale ee Somalia-na la kala lee yahayn

2- Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ineysanba daneyneyn meel ka baxsan Muqdisho inay u dhaqaaqo, oo ay lacag iyo miisaaniyad u raadsato.

3- Miisaaniyadda gebi ahaanba uma eka miisaaniyad lagu saleeyey qorshe sax ah, miisaaniyadd ay diyaariyeen dhaqaalayahan, Miisaaniyaddu ma ahan mid ay la socoto tariifooyinka canshuureed la yaqaano.

4- Miisaaniyadii la qorsheeyay 2013-ka waxaad arkeysaa qeybo badan oo kamid ah ineysanba soo xaroonin, taasoo muujinaysa inaan qorshe lagu diyaarin.

5- Miisaaniyaddu waxay ku tusaysaa inuusan Soomaaliya ka jirin isla xisaabtan.

6- Miisaaniyadda qaabka loo diyaariyey ayaan gebi ahaanba caddeyn, Dakhli loogu tala galay in la dhaco, qaab loo raad raacana aanba la helin, magacyada meelaha lacagaha inay kasoo xaroonayaan la sheegay qaar waa soo noqnoqanayaan, qaar wax la Fahmayaba ma ahan sida “ KUWO KALE, LABA DHINAC, DHINACYO BADAN.

7- Dakhligaan wuxuu u qoran yahay qaab duuduub ah, in la musuqmaasuqo sahlaayo, waxaa ka maqan waxyaalo badan oo haatan dawladdu canshuurto.

FG. Qarashka Dawladda Federaalka ee loo qorsheeyay in lagu bixiyo Dakhliga Miisaaniyaddan 2014-ka ee ka imaanaya Magaalada Muqdisho kaliya, waxyaalaha uu ku salaysan tahay dhowaan ayaan idiin soo gudbin doonaa, laamaha Dawladda laga soo bilaabo Madaxtooyo, Xafiiska Raisul Wasaaraha, Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Laamaha kale ee Dawladda qarashaadka ay soo qorteen waa ADEEGA SHAQAALAHA & ISTICMAALKA AGABKA IYO ADEEGA.

Lacagtaan ka badan 200 Milyan Doolar wax muuqda oo service ah oo shacabka Muqdisho loogu qabanayo ma jirto.

Halka kala deg document-ga miisaaniyadda DF

Beesha Sade oo shaaca ka qaaday xog xasaasi ah (Faah-faahin iyo dhageysi)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose dhawaanahaan ka dhacayay dilal qorshaysan oo badankood lagu eedeeyey inay ka danbeeyaan maleeshiyada hubeysan ee Raaskambooni.

Nabadoon Cabdi Warsame Gurux oo kamid ah waxgarad kasoo jeea beesha Sade ee ku dhaqan magalada Muqdisho ayaa dhawaan kulan ay ku yeesheen halkaasi ku shaaciyey magacyada qaar kamid ah dadkii lagu dilay Kismaayo tan iyo markii ay la wareegeen Ciidanka Raaskambooni iyo AMISOM

Halkan ka dhageyso Gurux

gurux

RAGGA LA DILAY EE DHINTAY EE LA SHAACIYEY

Siyaad Nuur Duural
Maxamed Xuseen Cadaawe
Shidane Aadan Xusle
C/Risaaq Cusmaan Hire
Ibraahim Xasan Xuseen
Faysal Libaax Ibraahim
Cusmaan Jaamac Salad
Maxamed Saciid Caweys
Xuseen Cusmaan Biixe
Cawil Cabdi Madoowe
Cabdi Cali Rage
C/Risaaq Habeen Xasan
Faarax C/Laahi Kaleelaa
Sh. Xuseen Nuur Ashkir
Ismaaciil Maxamed Nuur
Canjeel Qaloocow Cali
Cali Warsame Xasan
Maxamed Sh. Xasan G/Diid
C/Xamiid Xasan Cali
Iidle Cilmi Axmed
Faarax C/Laahi Cilmi
Maxamed Xasan Xanfaley
Faadhigo Cali Dhuux
C/Naasir Cali Tube
C/Qaadir Gamuure Faarax
Maxamed Axmed Maxamed
Cali Faarax Xasan
Cabdi Daa’uud Salad
C/Qaadir Dhoof Cali
Cali Xuseen Ibrahim
Axmed Isaaq Cali
Madiina Aadan C/Laahi
Xabiibo Cabdi Daahir
Sahra Aadan Faarax
Canab Maxmuud
Xaydar Nuur Xiirey
Cali Maxamuud Carab
Faarax Aadan Maxamed
Saciid Cabdi Biibe
Axmed Xuseen Xasan
Bashiir Ibraahim Xasan
C/Dhuuxe Nuur Xirsi
Baashe Axmed Urur
Cabdi Ibraahim Cismaan
Nabaddoon Gama’diid Nuur Siyaad
Maxamed Raage Cumar
C/Raxmaan Giir Giir
Indha-buur Maxamed
Daahir Cali Axmed
N/ Cabdi Hurre C/Raxmaan
Maxamed Xasan Dabagale
Baashi Goodax Maxamed
Maxamuud Maxamed Jaamac
Dr. Xasan Diiriye Cilmi
Maxamed Cusmaan C/Kariim
Aden Cumar Af-dhuub
Cawil Cumar Geelle
Cawil Cabdi Madoobe
Jaamac Cabdi Maxamed
Cabdullaahi Aden Xasan
Gaarow Axmed Diiriye
Salad Shirwac Maxamed
Deeq Maxamed Jimcaale
C/Fataax Yaasiin
C/Fataax Cali Faarax
Gambiye Cabdi Jaamac
Ibraahim Bashiir Barre
Baashi Cabdi Cali
Daahir Xasan Arax
Axmed Saafi Macalin
Suldaan Aadan Warfaa
Ibraahimaadan Bare
Faadumo Aadan Xashi
Cabdi Khaliif Gaas
Maxamed Max’ud Xasan
Ilkacas Cabdi Nuur
Shuuke Qarane
Maxamed Cabdulle Khaliif
Cali Daa’uud Buule
Muuse Isaaq Maxumad
Daadirey Khafiif C/Karim
Bishaaro Shuriye Max’ed
Cali Faarax Xasan
Maxamed Dhuubow Samatar
Maxamed Cabdi Adan
Cali Faarax Xasan
Ibrahim Cumar Maxamud
Maxamed C/Rashid Rukow
Nuur Maxamed Khalifow
Maxamuud Maxamed Aadam Dil

RAGGA DHAAWACYADA AH

Gaarow Axmed Diiriye
Salad Shirwac Maxamed
Deeq Maxamed Jimcaale
C/Fataax Yaasiin
C/Fataax Cali Faarax
Gambiye Cabdi Jaamac
Ibraahim Bashiir Barre
Baashi Cabdi Cali
Daahir Xasan Arax
Axmed Saafi Macalin
Suldaan Aadan Warfaa
Ibraahimaadan Bare
Faadumo Aadan Xashi
Cabdi Khaliif Gaas
Maxamed Max’ud Xasan
Ilkacas Cabdi Nuur
Shuuke Qarane
Maxamed Cabdulle Khaliif
Cali Daa’uud Buule
Muuse Isaaq Maxumad
Daadirey Khafiif C/Karim
Bishaaro Shuriye Max’ed
Cali Faarax Xasan
Maxamed Dhuubow Samatar
Maxamed Cabdi Adan
Cali Faarax Xasan
Ibrahim Cumar Maxamud
Maxamed C/Rashid Rukow
Nuur Maxamed Khalifow
Maxamuud Maxamed Aadam

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Siyaasiyiin iyo XILDHIBAANNO ku xiran MUQDISHO oo si kulal looga hadlay

Dr Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah Aqoonyahanada u dhashay Gobolka Banaadir ayaa si kulul uga hadlay Siyaasiyiin & Xildhibaano u dhashay Gobolka Banaadir oo xarig loogu geestay Magaalada Caasimadda ah Muqdisho ayagoo ka tashanaya aayahooda iyo sida ay maamul ugu sameyn lahaayeyn Gobolka Banaadir.

Dr Xuseen ayaa waxuu shirkiisa Jaraa’id uga hadlayaa arimo badan oo Dowlada Somalia ay ka gaabisay iyo in aysan dowladu ogoleyn in ay maamul sameystaan dadka reer Banaadir.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO: