28.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Beesha Sade oo shaaca ka qaaday xog xasaasi ah (Faah-faahin iyo dhageysi)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose dhawaanahaan ka dhacayay dilal qorshaysan oo badankood lagu eedeeyey inay ka danbeeyaan maleeshiyada hubeysan ee Raaskambooni.

Nabadoon Cabdi Warsame Gurux oo kamid ah waxgarad kasoo jeea beesha Sade ee ku dhaqan magalada Muqdisho ayaa dhawaan kulan ay ku yeesheen halkaasi ku shaaciyey magacyada qaar kamid ah dadkii lagu dilay Kismaayo tan iyo markii ay la wareegeen Ciidanka Raaskambooni iyo AMISOM

Halkan ka dhageyso Gurux

gurux

RAGGA LA DILAY EE DHINTAY EE LA SHAACIYEY

Siyaad Nuur Duural
Maxamed Xuseen Cadaawe
Shidane Aadan Xusle
C/Risaaq Cusmaan Hire
Ibraahim Xasan Xuseen
Faysal Libaax Ibraahim
Cusmaan Jaamac Salad
Maxamed Saciid Caweys
Xuseen Cusmaan Biixe
Cawil Cabdi Madoowe
Cabdi Cali Rage
C/Risaaq Habeen Xasan
Faarax C/Laahi Kaleelaa
Sh. Xuseen Nuur Ashkir
Ismaaciil Maxamed Nuur
Canjeel Qaloocow Cali
Cali Warsame Xasan
Maxamed Sh. Xasan G/Diid
C/Xamiid Xasan Cali
Iidle Cilmi Axmed
Faarax C/Laahi Cilmi
Maxamed Xasan Xanfaley
Faadhigo Cali Dhuux
C/Naasir Cali Tube
C/Qaadir Gamuure Faarax
Maxamed Axmed Maxamed
Cali Faarax Xasan
Cabdi Daa’uud Salad
C/Qaadir Dhoof Cali
Cali Xuseen Ibrahim
Axmed Isaaq Cali
Madiina Aadan C/Laahi
Xabiibo Cabdi Daahir
Sahra Aadan Faarax
Canab Maxmuud
Xaydar Nuur Xiirey
Cali Maxamuud Carab
Faarax Aadan Maxamed
Saciid Cabdi Biibe
Axmed Xuseen Xasan
Bashiir Ibraahim Xasan
C/Dhuuxe Nuur Xirsi
Baashe Axmed Urur
Cabdi Ibraahim Cismaan
Nabaddoon Gama’diid Nuur Siyaad
Maxamed Raage Cumar
C/Raxmaan Giir Giir
Indha-buur Maxamed
Daahir Cali Axmed
N/ Cabdi Hurre C/Raxmaan
Maxamed Xasan Dabagale
Baashi Goodax Maxamed
Maxamuud Maxamed Jaamac
Dr. Xasan Diiriye Cilmi
Maxamed Cusmaan C/Kariim
Aden Cumar Af-dhuub
Cawil Cumar Geelle
Cawil Cabdi Madoobe
Jaamac Cabdi Maxamed
Cabdullaahi Aden Xasan
Gaarow Axmed Diiriye
Salad Shirwac Maxamed
Deeq Maxamed Jimcaale
C/Fataax Yaasiin
C/Fataax Cali Faarax
Gambiye Cabdi Jaamac
Ibraahim Bashiir Barre
Baashi Cabdi Cali
Daahir Xasan Arax
Axmed Saafi Macalin
Suldaan Aadan Warfaa
Ibraahimaadan Bare
Faadumo Aadan Xashi
Cabdi Khaliif Gaas
Maxamed Max’ud Xasan
Ilkacas Cabdi Nuur
Shuuke Qarane
Maxamed Cabdulle Khaliif
Cali Daa’uud Buule
Muuse Isaaq Maxumad
Daadirey Khafiif C/Karim
Bishaaro Shuriye Max’ed
Cali Faarax Xasan
Maxamed Dhuubow Samatar
Maxamed Cabdi Adan
Cali Faarax Xasan
Ibrahim Cumar Maxamud
Maxamed C/Rashid Rukow
Nuur Maxamed Khalifow
Maxamuud Maxamed Aadam Dil

RAGGA DHAAWACYADA AH

Gaarow Axmed Diiriye
Salad Shirwac Maxamed
Deeq Maxamed Jimcaale
C/Fataax Yaasiin
C/Fataax Cali Faarax
Gambiye Cabdi Jaamac
Ibraahim Bashiir Barre
Baashi Cabdi Cali
Daahir Xasan Arax
Axmed Saafi Macalin
Suldaan Aadan Warfaa
Ibraahimaadan Bare
Faadumo Aadan Xashi
Cabdi Khaliif Gaas
Maxamed Max’ud Xasan
Ilkacas Cabdi Nuur
Shuuke Qarane
Maxamed Cabdulle Khaliif
Cali Daa’uud Buule
Muuse Isaaq Maxumad
Daadirey Khafiif C/Karim
Bishaaro Shuriye Max’ed
Cali Faarax Xasan
Maxamed Dhuubow Samatar
Maxamed Cabdi Adan
Cali Faarax Xasan
Ibrahim Cumar Maxamud
Maxamed C/Rashid Rukow
Nuur Maxamed Khalifow
Maxamuud Maxamed Aadam

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Siyaasiyiin iyo XILDHIBAANNO ku xiran MUQDISHO oo si kulal looga hadlay

Dr Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah Aqoonyahanada u dhashay Gobolka Banaadir ayaa si kulul uga hadlay Siyaasiyiin & Xildhibaano u dhashay Gobolka Banaadir oo xarig loogu geestay Magaalada Caasimadda ah Muqdisho ayagoo ka tashanaya aayahooda iyo sida ay maamul ugu sameyn lahaayeyn Gobolka Banaadir.

Dr Xuseen ayaa waxuu shirkiisa Jaraa’id uga hadlayaa arimo badan oo Dowlada Somalia ay ka gaabisay iyo in aysan dowladu ogoleyn in ay maamul sameystaan dadka reer Banaadir.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO:

15 ka tirsan urur diimeed Soomaalida ay neceb tahay oo lagu qabtay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Hawlgal ay xalay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku soo qab qabteen ilaa 15 nin, oo ka tirsan Urur Diimeedka Takfiir.

Salaaddii Cishaha kadib ee xalay, ayaa raggaan laga soo qab qabtay Masaajidka Sheekh Xasan Eebow, oo ku yaala Degmada Kaaraan, gaar ahaan agagaaraha Isgoyska Kaaraan.

Xarigooda, ayaa ka dambeeyay markii Maamulka Degmada Kaaraan lagu wargeliyay in kooxo ka tirsan Urur Diimeedka Takfiir, ay muddooyinkaan dambe ku soo badanayeen Masaajidka Sheekh Xasan Eebow.

Ciidamada Booliska oo tagey Masaajidka, ayaa waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan ilaa 15 nin, oo uu ku jiro Imaamkii Masaajidka oo magaciisa lagu sheegay Daahir Xasan Eebow.

Daahir, ayaa waxaa dhalay Wadaadkii loogu magac-daray Masaajidka laga soo qabtay, waxaana lagu xiray Saldhiga Booliska ee Degmada Kaaraan.

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Maamulka Degmada Kaaraan uu dib xoriyadooda u siiyay dadkii lala soo qab qabtay Daahir Xasan Eebow, laakiin uu isagu xiran yahay.

Dadka reer Kaaraan, ayaa soo sheegaaya in ragga ka tirsan Urur Diimeedka Taftiirka, aynaan waqtiyada Salaadaha la tukan jirin dadka Masaajidka u soo xaadira, in si wada jir ah ay ugu tukadaan.

Gudoomiyaha cusub ee Degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxoow, ayaan ka hadlin hawlgalka lagu soo qab qabtay xubnaha ka midka ah Urur Diimeedka Takfiir.

Ciidamada Dowladda, ayaa xilliyada qaarkood Magaalada Muqdisho ka fuliya hawlgal ka dhan ah xubnaha ka midka ah Urur Diimeedka Takfiir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qarni cusub iyo qiiro Qabiil: BY MAAXI

Waxaa ila haboon inaan marka hore qeexo mawduuca aan ka hadleyo iyo inaanu mugdiga ka saaro ereyo dhawr ah oo dadka qaarkii marar badan isku murgiyo macnahooda. Aanu isweydiinee Waa maxay qabiilWaa maxay qabyaaladdu?  Markaa kuwaa u helno macno ayaan dhex geli karnaa mawduuceena

Waa maxay qabiil[1]?

Qabiilku waa koox bulsheed ka kooban jilibo iyo qoysas ka sameeysmay jiilal kala duwan.
Culimada cilmiga dadka waxey ku qeexaan qabiilku inuu yahay isu-taga xaymo dad ah oo wadaaga af, caado, dhaqan iyo dhul gooniya kaasoo ka soocaya qolooyinka kale halka aay dadyowga ilbaxay mabaadi`ida danahooda ku saleeysan aay isku hayaan kooxaha.
Waxaa laysku raacsan yahay hanaankii qolooyinku inay si aada uga cirib tirmayaan meeraha dhulka, ilbaxnimada ayaana ku qaaday dagaal xoog leh oo meel mara. Hadii xitaa meelo aduunka ka mid ah aay ku hareen waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay meel aduunka aad uga danbeeyso.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa leysku raacsan yahay qabiiku inuu yahay nidaam bulsheed ka mida heerarka taxanaha ahaa ee tariikhdu ka soo gudubtey.
qabyalad

Waa maxay qabyaalad?

Waxaa lagu qeexi karaa dhowr siyaabood oo kala duwan waa mida koowaadee Qabyaaladu………
Waa qaaxo iyo kaan karo iyo aydis qaab darane
Waa waxeey iblis iyo fircoon ku inbtiloobeene
Waa cudurka qaybaha bulshada qaran ku waayeene
Waa quuqan iyo sixir qalbiga qaaciyo shidaaye
Waa qaabo qowseen dagaal qac iyo Yaahoo`e
Waa waxa qoxooti ka dhigay boqolaalku oo qoyse
Waa bukaan cafimaad ka ordaayoo cudur u boodaayo
Waa[2] sanam qabyaaladuye hadaad igu qanceeysaane
Waa qabiil qaran badelay, qoray helay oo nakala
qaybshay oo aan wax noo qaban yaa qubaayo dhiigeena
qalbigiina ka ilaashada oo wadajir qiimeeya oo ilmaha yaan la qabadsiin
Qabyaalad[3] waa dareen qolonimo iyo u daacad ahaansho ka sad-bursiga iyo dulmiga dadka intiisa kale……. Hadii si kale loo yiraahdo  qabyaaladdu waa lahaansho cadiifad ku saleeysan magac qabiilka taasoo aan jirteen hadii qofku uu ku xisaabtamaayo faaa`iidada iyo qasaaraha ugu jira fal kasta uu ku kaacyo asagoo meel iska dhigaayo cadiifada  oo caqliga ku tiirsanaayo.
Waxaan ku soo koobi karnaa qabyaaladdu iney  u dhega nugushahay xumaanta oo aanay wanaaga maqlin, iyo iney indho la`dahay, taas waxaa u sii dheer iyadoo qabyaaladdu samaysmata  marka xumaati jirto oo dadka mideeysa oo isu keenta, marka colaadaa dibada ka timidna dhamaato qabiilku wuu kala baxaa oo isagaa dhexdiisa isa sii colaadiya.
Abuuritaanka qofka lagu abuuro cadiifada lahaanshada qabyaalada ayaa waxay bilaabataa marka uu ilmaha Soomaaliga ahi qiyaastii seddex sano jiro, markasoo lagu bilaabo in la baro taxanaha magacyo laga bilaabay magaciisa ilaa labaatan ama soddon magac oo midba mid dhalay, lana yiraahdo. Abtirso ilaa hada cidna isma weydiin ilmaha yar maskaxdiisu soo koreyso ee u baahan in la baro waxyaabo anfaca oo maxaa loogu horeeysiiyey taxanaha magacyadaas aanu wareerka meehee wax kale laga heleyn.
Waxaaba taas ka sii daran magacyadaa la taxo qofka ugu tirsiga dheer waxaa la yiraahdaa
LAAN DHEERE waana darajada ugu sareysa ee qabyaalddu bixiso. Talaabada kale ee la qaado si maskaxda cusub loogu talaalo geedka qabyaaladda ayaa waxay tahay in la`aamaano qoladiina lana dhaliilo qolooyinka kale si maskaxdaasi ay diyaar ugu noqoto u hogaansanaanta aragtida dadka magaca qabiilka adeegsada.
Qabyaaladdu waa mada`a keliya ee kala bara dadka islamarkaasna aanan aqoonsaneyn jiritaanka haweenka. Dastuurka qabyaalada ah ee Soomaalidu ma aqoonsana jiritaanka haweenka Soomaaliyeed oo aay ku jirto hooyadaa gacaliso,walaashaada aad jeceshahay, xaaskaada aad nafta qaybsataan iyo gabartaadanaxariista badan hadii aad nin tahay hadii aad dumartayahna adiga ayeyna ku aqoonsaneyn dastuurka qabyaaladdu waayo?
Marka tiro la sheegaayo waxaa la yiraahdaa intaas oo nin baa hebel ka tafiirmatay, lakiin lama sheego haweenka; waayo maxeey galabsadeen? maxeeyse kaga duwan yihiin  wagii casri jaahiliga ee carabtu gabdhahooda xabaali jirey maadaama haweenkeenu oo nool aynu dafirsanahay inkirsanaha jiritaankooda.

Yaa abuura qabyaaladda xumaanteeda?

Mar hadii aaynu isla garanay in qabyaaladdu ay tayahay cadiifad dhalanteed ah. Hadaba su`aasha waxay tahay Yaa abuura?  Yaa adeegsada? Maxaa lagu falaa? Yey wax u tartaa qabyaaladdu?.
Baaritaan iyo u kuurgal lagu sameeyey in la ogaado kuwa ay yihiin dadka qabyaaladda isticmaala ama abuuraa aayaa lagu ogaaday arimaha soo socdo:
kow qabyaaladda caadifadeeda waxaa abuura qof aan lahayn
  • Aqoon
  • Farsamo
  • Karti
  • Kalsooni iyo Dadnimo uu kaga qeyb qaato tartanka nolasha,
Taasoo u sahlisa inuu ku dhuunto humaagii dhalanteedka ahaa aynu soo sheegnay. Dadka xirfadaha sarre leh ayaa ugu qabyaalad yar dadka Soomaaliyeed. Waayo? Wexey og yihiin ineey xirfadahoodu ku meel mari karaan.Si aad u xaqiijiso iney abuuraan kuwa ka gaabiyey geedi socodka nolosha,
Abuuritaanka iyo abaabulka cadiifada qabyaaladda waxaa iyana loo aanaynayaa dadka ka gaabiyey hayaanka nolosha iyo kuwa ka saaqidey ama ka dhacay imtixaanka tartanka jagooyinka banaan ee nolosha. Kuwaasoo u arka sida kaliya ee ay ku noolaan karaan iney tahay ku dhuumashada humaaga dhalanteedka ah ee qabyaalada ee aan lagaranay bar-bilaw iyo bar-dhamaadkiisa.
Waxaa kale oo iyana abuura kuwa danbiyada geysta ee doonaya inay ka dhigtaan gabood laga hoos galo sharciga waxaaney dadkaasi wadankeena ku bateen sanadihii ugu danbeeyey ee ay sii tukubeeysey dawladii la riday iyo waqtigaan faro-ka baxa ah ( dawlad la`aanta.)

Diinta islaamka maxeey ka tiri qabyaalada iyo qabiilka

Diinta islaamku waxay qabyaalddu u bixisaybo ”Casabiya jaahiliya”
Alle weyne kor ahaayey wuxuu  quraankiisa kariimka ku yiri:
”Dadoow waxaan idiinka abuuray lab iyo dhidig, waxaana idiinka yeelnay shucuub iyo qabiilo si aad isugu aqoonsataan, ruuxiise ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa kan idiinku dhawrsasho badann Eebe wax walbo waa ogyahay49:13
Aayadaas quraanka ahi waxay inoo sheegeysaa ujeedada keliya ee dadka qabiilooyin iyo shucuub magacyo kaliya looga dhigay iney tahay aqoonsi aay isku aqoonsadaan oo kali ah. Isla aayada qeebteeda danbe Ilaaheeysw waxaa uu ku cadeeynayaa in qofka magacyadiisa iyo abtersiimadiisa inaanay qofna siineeynin darajo iyo sumacad midnaba ee sharftu Ilaaheeysw agtiisa waxey ku xiran tahay camalka qofka sameeya taasoo digniin u ah dadka si ay isaga ilaaliyaan is-xaqiraada iyo is-weyneynta magaca qabiilka ku dhisan taas oo hoos galeyso qeexida qabyaaladda ee ahayd ka sad-bursiga dadka intiisa kale.
Hadaba aniga waxaa ila quman oo ila haboon in lakala saaro qabiil iyo qabyaalad qabiilku waa nidaam bulsheed uu Illaaheeysw inoo jideeyey, waana inaan u  argnaa ururo rabaani ah oo looqeybiyey shacabka,islamarkaasna laysku aqoonsado.
Waxaa ila wanaagasan in qabiilka loo sameeyo xeerar qoran oo cad cad kaasoo tilmaamaya ujeedooyinkiisa, waajibaadkiisa iyo waxqabadkiisa isla markaana ku tiirsanado shareecada islaamka iyo xeerarka wanaagsan oo la xiriira kan aay ummadu leedahay.
markii loo sameeyo qabiilka nidaam cad ama lagu hago dariiq fiican, hadii uu keeno iska hor imaad weey fududaanaysaa in lala xisaabtamo. Sideedaba harqaanluhu qofkastaa cabirkiisa ayuu dharka u tolaa, hadaba shacabka soomaaliyeed waa in loo helaa nidaam ka taliya aayatiinkooda, hadii kale waxaa dhaceeysa dhar aaysan lahayn in ummada soomaaliyeed lagu dirqiyo taasoo keeneeysa fadeexad iyo qaawanaan.Maki xaaji banaadir wuxuu murti uu ka tiriyey in soomaalidu mid tahay ayuu yiri
Heerka aan cadaalada iyo qabyaalada aan ka taaganahay hadaan soomaali nahay waxaa tusaale u soo qaadan karnaa kaba dhig in qoraxda iyo dayaxa ka mid yihiin qabiilada soomaaliya qofna la qabiil tahay qoraxda, qofna Dayaxa waxaa hubanti ahaan lahayd hadii la waydiiyo Qoraxda iyo Dayaxa keebaa iftiin badan waxaa la hubaa ki dayaxa la qabiilka ahaa dhihi lahaa Dayaxa ayaa Iftiin badan heerkaas ayaan ka taagannahay qabyaalada
Sideedaba cid dooratay ma jirto ineey noqoto qabiil HEBEL inuu noqdo mase ogtihiin soomaliyeey in qabiilka la yiriaah HEBEL leeyahay ee uu ka kooban yahay caruur, ciroole, culima udiin, aqoonyahan, curyaan iyo wax alaale iyo waxay dad qabiil ama beel ah lee yihiin. Mida kale markuu Ilaaheey soomaaliya dal la dhaho soomaaliya sameeynaayey wuxuu bartamaha u dhigay ee uu ugu talo galay qabiilada soomaaliya inuu qabiil HEBEL ka mid ahaado. Marka hadaad nacdo karaahyeysato dadkaas soomaaliyeed ee sharafta leh waa adigoo Ilaaheey eed iyo danbi wayn ka galay Macnah dhabta ah ee meesha ku jirtaa waxeey tahay qabiilkaas HEBEL hadii la waayo- soomaaliyana waa la waayey oo ma ay jireeyso! Sababtoo ah Ilaaheey oo isaga ah midka talada iska leh iyo dunida sida aay noqoneeyso ayaaba sidaa ugu talo galay.Qofkasto oo soomaaliyeed oo dalkiisa iyo ummadiisa jecelna waxaa qasab ku ah inuu jeclaado walaalkiis ama walaashiis Qabiilka HEBEL.
Qabiilka HEBEL la dhaho ee soomaaliyeed qofka dhibaato ama xumaato u niyeysta waa qof cado u ah ummada iyo dalka soomaaliyeed.
                      Qofkaas soow maha qof Ilaaheey barnaamijkiisii ka hor yimid? Sidee baadse u nici kartaa dadkaaga Soomaliyeed in ka mid ah oo ka tirsan in kalena u jeclaan kartaa?
Qabiil hebel maaliny´tii la waayo soomaalina waa la waayeyaa sababtoo ah dadkaasi waa qayb ka tirsan ummada soomaaliyeed oo waayistooda waa wayista Soomaaliyeed.
Qabiilka waa aqoonsi wuxuuse soomaaliya ka yhay xitaa adresska qofka.
Dunida horumartay waxaad maqli hebel (faarax) oo degen jidka hebel xaafad heblaayo, dalka hebel. Soomaaliyana mararka qaar waxaad maqli jirtay qof leh waxaan waraaq ama cajalada u wadaa hebel oo qoloheblaayo ah ee yaa yaqaana?waxaad isla markiiba fahmeeysaa iney qabyaaladu tahay cinwaan (adress) aay isticmaalaan dadka cilmiga baran oo aqoon haba yaraatee lahayn waxna aqriyin waxna qorin kana yimaada baadiyaha iyo qurbaha
Maadaama hada aduunka horay u maray lahaelay taleefoono adareesyo jidad fududeeya howlahaas aqoontiina aad moodo ineey sii kordheeyso waxaa haboon in laga gudbo arimahaas.

Qabyaaladu faa`iido ma leedahay?

Qabyaaladu faa`iido aay leedahay ma jirtaa? Waa su`aal u baahan in lays waydiiyo balse adigoon jawaabta meel dheer ka doonin Haa, lee isticmaal oo qabyaalada faa`iidadeeda waxeey tahay wax walbo oo aduunka jiro sun xitaa Allaha ka dhigee dhinac faa`iido ah ayey leedahay. hadaad maanta khasaarto, faa iidada aad ka heleeyso khasaarahaas waxaa la yiraahdaa “KHIBRAD”
 waxeeyse faa`iido u leedahay jiilka dambe ee soo koraayo Inagii ku gubanayee yeysan ubadkaas soo koraayo ku guban.
Allaa wax og!
Yaasiin Maaxi Macalin
www.ssup.se

Sawirro: FBI-da Maraykanka oo abaal-marin siisay Wiil Soomaali ah, Sabab?

Munaasabad ka dhacday xarunta weyn ee FBI-da ee magaalada Washington, ayaa waxaa Axmed Iidle la guddoonsiiyay abaal-marin heer caalami ah oo sanadkiiba la siiyo qof muujiyay dadaal badan oo la xiriira dhinaca arimaha bulshada.

Agaasimaha FBI-da James B.Comey ayaa afartii bishan aynu ku jirno guddoonsiiyay Axmed abaal-marintan ,isaga oo noqday shakhsiga sanadkii tagay ee 2013-ka qaiimaynta xafiiska FBI-da ee magaalada San Diego.

“Hay’adaha sirdoonka ee dalka oo dhan waxa ay ka shaqaynayaan danaha bulshooyinka halkan ku nool si ay ku jirto waxqabad ,balse kaligeen ma samayn karno “ayuu yiri Darrell Foxworth oo ka mid ah danbi baarayaasha FBI-da.

Sandeigo_Somali_ManAxmed Iidle oo kamid ah hogaamiyayaasha bulshada Maraykanka gaar ahaan San Diego ayaa si weyn uga qayb-qaatay wada shaqaynta bulshada Soomaaliyeed iyo laamaha amniga gobolkas,isagoo sidoo kale ah asaasaha ururka San Diego Youth Athletics oo loo soo gaabiyo (SDYA) oo dhalinyarada ka taageera dhinaca is -dhex-galka ,Sports-ka iyo waliba waxbarashada.

“Waxa ay muujiyeen in ay u qalmeen abaal-marintan ,waana ay soo bandhigeen shaqo adag oo dhinaca hogaaminta wanaagsan la xiriirta ,runtii waa wadaniyiin dhab ah “ayuu isna yiri James B. Comey oo ammaan ballaaran u soo jeediyay bulshada Soomaaliyeed ee halkaa ku nool.

Ugu danbayntii abaal-marintan la guddoonsiiyay Axmed Iidle oo lagu magacaabo DCLA ayaa la bilaabay bixinteeda sanadkii 1990-kii ,waxaana sanad walb laga bixiyaa mid kamid ah 56-da xafiis ee FBI-da Maraykanka ,iyada oo la siiyo qof wax badan ka qabtay arimaha bulshada sida Axmed.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]
Hiiran Online

SAWIRRO: Kullankii wasiirada Somalia iyo KENYA oo hal arrin la isku raacay

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Somaliya iyo Kenya, ayaa waxay maanta si buuxdo isugu waafaqeen in la celiyo Soomaalida Magaalada Nairobi, ee bilaa Sharciga ku joogta Xarunta Wadanka Kenya.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, ayaa dhigiisa dalka Kenya Joseph Ole Lenku, isku afgartay in la celiyo Somalida bilaa Sharciga ku joogta Kenya.

na 1Inta badan Somalida laga qab qabtay Xaafadda Islii, ayaa waxaa lagu hayaa Garoonka kubadda cagta ee Kasarani, halkaasoo la sheegay in lagu kala saaraayo, Soomaalida Sharciga leh iyo kuwa kale, ee aan lahayn.

Sidoo kale waxay isku waafaqeen in dib xoriyadooda loo siiyo Soomaalida Sharciga ku leh dalka Kenya, haddii ay noqon laheyd kuwo Sharci ka heysta Kenya iyo haddii ay Sharci ka heysan lahaayeen Qaramada Midoobe.

na 2Wasiir Goodax waxaa kulankaan ku wehlinaayay Danjiraha Somaliya ee Kenya Amb. Maxamed Cali Nuur (Americo) iyo Madaxa Qunsulka Safaarada Somaliya ee Kenya Siyaad Maxamed Shire.

Kulankaan, ayaa daba socdo kulan Sabtidii Aqalka State House ee Magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweyne-yaasha Somaliya iyo Kenya, oo ka wada hadlay, raafka ba’an ee lagu haayo Somalida Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Qorshaha Xasan Sheekh, Muungaab, Guuleed & Farax C/Qaadir ee Xamar

Isbedelka Muqdisho u baahneyd ma yahay kan haatan socda? Guuxa Dadweynaha Muqdisho, Ma waxaan ku soconaa wadadii Madaxweynihii Masar ee Mohamed Mursi!?

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan is weydiinayey isbedelka Muqdisho u baahneyd ma yahay kan haatan ay wadaan Masuuliyiinta Dawladda oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Hassan Sheikh, Wasiirka Amniga Cabdikariin Guuleed, Wasiirka Cadaaladda Farah Abdulkadir iyo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Gen Muungaab, Masuuliyiintaan oo dhamaantood ka tirsan xarakada Damu Jadiid.

Isbedelada haatan lagu sameynayo Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa haatan shacabku isla dhexmarayaan in Kooxda Damu Jadiid masuuliyiinta ay magacaawday dhamaantood yihiin dhalinyaro ka tirsan firqada xarakada islaamiga ah ee Al Islaax qeybteeda Damu Jadiid, Dhamaan dhalinyaradaan waxbarashadoodu waxay ka soo Jeedaa jaamacada SIMAD oo ay Hay’adda AMA ee uu hogaamiyo Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mr Farah Abdulkadir maamusho iyo Jaamacadaha Sudan ee ay xiriirka la leeyihiin Kooxda Damu Jadiid, ayna kamid tahay International University of Africa, Dhalinyarada Xarakada Damu jadiid ayaa haatan qaarkood loo magacaabay degmooyin kamid ah gobolka Banaadir iyo agaasimo waaxeedyada Maamulka gobolka Banaadir.

Dhalinyarada Xarakada Damu Jadiid oo CV-yadooda lagu xardhay Magaca Jaamacada SIMAD iyo Jaamacada International University of Sudan ayaa maalmahaan buux dhaafiyey xafiisyada Gudoomiye Muungaab, Wasiirka Cadaalada Farah Abdulkadir iyo Wasiirka Amniga Cabdikariin Guuleed, iyaga oo wata magacyada degmooyinka ay doonayaan in Maamulkooda loo dhiibo, Dhalinyaradaan oo aan lahayn qibrad Maamul, kana wada tirsan hal koox ayaa shacabka Muqdisho ka muujiyeen Shaki balaaran iyaga oo isweydiinaya in masuuliyiinta xilka laga qaadayo lagu saleeyay xilka qaadistooda waxqabad la’aan iyo in Lagu saleeyay inaysan ka tirsaneyn Kooxda Damu Jadiid, Halka shacabka Muqdisho xaqiiqsadeen masuuliyiinta ilaa haatan la magacaabay iney yihiin xubno ka tirsan Xarakada Damu Jadiid.

Shacabka Muqdisho oo kasoo daalay Xarako Islaami ah ayaa mudadii ay jirtay dawladda Madaxweyne Hassan Sheikh xaqiijiyey in Xarakada Damujadiid kusoo badanayeen Xafiisyada Dawladda sida Madaxtooyada, Wasaaradaha iyo haatan oo ay isbedel ku wadaan Gobolka Banaadir.

Isbedelada Noocaan ah ayaa lagu xasuustaa Xukunkii Akhwaanul Muslimiin (Al Islaax) ee Dalka Masar oo uu hogaaminayey Madaxweynaha haatan xabsiga ku jira ee Mohamed Mursi, inkastoo madaxweynahaasi uu doorasho dadweyne ku yimid haddana waxaa kacdoonka ka dhanka ahi bilaawday markii ay xafiisyada Dawladda isku wada magacaabeen Kooxdii Akhwaanul muslimiin, aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Masar ee aan ahayn Al Islah ayaa la sheegay inay shaqo la’aan baahsani ku dhacday xiligaasi,taasoo haatan u eg meesha ay Muqdisho mareyso.

Aqoonyahanada iyo waxgaradka Muqdisho ayaa welwel ka muujiyey in koox gaar ahi xukunka dalka iyo kan gobolka Banaadir la wareegto, Maadaama kooxdaani aysan ku imaanin doorasho shacab.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira Masuuliyiin maamula qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir oo amniga shacabka iyo adeega bulshada (Amaanka, Jidadka) xaafadaha ay maamulaan wax fiican ka qabtay, masuuliyiintaa oo shacabku kalsooni weyn ku qabaan.

Aqoonyahanka iyo waxgaradka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqaya Masuuliyiinta Dawladda iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in isbedelka loo baahan yahay uusan noqonin kaliya in qof lagu bedelo qof katirsan Xarako gaar ah, Balse la joogo xiligii la qiimeyn lahaa qofka wax qabadkiisa, shacabka reer Muqdisho dooran lahaayeen Masuuliyiinta hogaamin lahayd.

Isbedelka dadka Muqdisho doonayaan ayaa ah in Federaalka shirkada lagu yahay ku koobnaan Gobolka Banaadir, inta Federaalku ka shaqeynayana Gobolka Banaadir lasoo wareego ilihiisa Dhaqaalaha sida Dekedda, Garoonka iyo Canshuuraha Beriga kasoo xarooda, Canshuurtaasina lagu hormariyo adeegyada Bulshada kunool Gobolka Banaadir oo ka badan 2 milyan oo qofood, Gobolka Banaadir-na uu bixiyaa canshuurta Dawladda Federaalka Soomaaliya qoondadii kaga soo aada Markii Soomaalidu ku heshiiso sida wax u qeybsanayaan.

Inkastoo Muqdisho tahay Caasimadda Soomaaliya haddana shacabka kunool Muqdisho wuxuu u baahan yahay service-ka ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed eek u nool Gobolada kale ee dalka, mana haboona in Wasaarado magac u yaal ah loo dhiibaa dhaqaalaha Muqdisho, wasaaradahaas oo dhaqaalaha ay maamulaan aan guud ahaan dalka iyo Muqdishaba wax loogu qaban.

W/Q: Cabdi Axmed Cadde
Muqdisho, Soomaaliya

QM oo si kulul uga hadashay shaqalihi caddaanka ahaa ee looga dilay P/land

Nairobi (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa lugu cambaareeyay fal dil ah oo maanta garoonka diyaaraddaha Gaalkacyo loogu geystay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay.

Qoraalka Nicholas Kay, waxaa lugu farray madaxda dawladda Puntland in ay baaritaano buuxa ku sameeyaan arrintaan isla markaana cadaaladda horkeenaan cidda ka dambeysay, Isagoo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa dilka saraakiishan UN-ka ka tirsan, kuwaas oo u joogay Gaalkacyo inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Nicholas Kay.

Sidoo kale waxuu sheegay wakiilka Soomaaliya u qaabilsan in wax laga xumaado ay tahay dilka loo gestay shaqaalaha ka tirsan Qaramada Midoobay.

Dilkaan waxaa uu yimid ka gadaal markii askari ka tirsan ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo uu rasaas ku foray labo sargaal oo ka tirsan Qaramada Midoobay,waxaana la sheegay inay ukala dhasheen dalalka Faransiiska iyo Britain.

Labada sargaal oo an wali magacooda la shaacin,waxaa ay ka ka tirsanaayen hay’adda UNODC,waxaana dilkooda uu dhacay xilli ay kasoo degeen garoonka diyaaraddaha Gaalkacyo.

Dowladda Puntland,wali dhinaceeda kama soo bixin wax war ah,balse waxaa muddo saacada ah uu shir ka socda garoonka diyaaradaha Gaalkacyo,waxaana shirka ka qeyb-galaya madaxweynaha Puntland oo isaguu xilligii ay dhacdada dhacay soo gaaray Gaalkacyo.

Askariga dilka gestay ee ka mid ka ahaa ilaalada garoonak diyaaradaha Gaalkacyo,waxaa la sheegay inuu madaxa ka jira oo ay xilligaan usocdeen dawo dhinaca neer-faha ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

PUNTLAND oo xog dheer ah ka bixisay ajaaniibtii maanta lagu dilay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Agaasimaha la dagaalanka burcad badeeda ee Maamulka Puntland C/risaaq Maxamed Dirir, ayaa wuxuu goor dhow uu xaqiijiyay in labada nin ee la dilay ay ka tirsanaayeen Hay’adda UNODC.

Agaasimaha, ayaa intaa ku daray in uu toogasho ku dilay askari ka tirsan Ciidamada ammaanka ee Puntland, iyadoo askariga la dilay uu ku sheegay mid maalmahaan ay xaaladiisu ahayd, mid aanu wanaagsanayn.

C/risaaq Maxamed Dirir oo la hadlay Idaacada Radio Garoowe, ayaa sheegay in labada nin ee la dilay ay u kala dhasheen dalalka Britain iyo France, laguna kala magacaabi jiray Clement Garrison oo France u dhashay iyo Simon, oo u dhashay dalka Britain.

Sidoo kale wuxuu sheegay in raggaan ay kulamo la lahaayeen Maamulka Puntland, waxayna ka wada hadli lahaayeen buu yiri arrimo ku aadan Xawaaladaha ka hawlgala Deegaanada Puntland iyo sidii Nidaam rasmi ah loogu samayn lahaa.

Agaasimaha waxa uu intaa raaciyay in gacanta lagu soo dhigay askariga dilka geystay, kaasoo uu qiray in markii dambe ay suurta gashay in gacanta lagu soo dhigo, xilli uu ka baxsaday Garoonka.

Warbaahinta gudaha iyo midda Caalamka, ayaa si weyn u tabinaaya dilka ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Galkacyo, oo ay Puntland ku sheegtay mid aan ku talla gal ahayn.

Weerarka lagu dilay labada nin ee Cadaanka ah, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland uu maanta booqasho ku yimid Magaalada Galkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

DAAWO VIDEO: Horumarka maanta iyo garoonka diyaaradaha Aadan Adde

Garoonka Caalamiga ee Aadan Adde Airport ee Magaalo Madaxdaa Caasimadda ee Muqdisho ayaa si weyn isku badalay kadib markii dib u dhis iyo howlo shaqo oo caalami ah ay ka bilaabatay sanadihii u dambeeyay.

Muuqaalka Garoonka Aadan adde hadii aad aragto isma dhaheysid sidaan ayuu durbaba isku badalay kadib markii ay ka shaqo bilaabeyn Duulimaadyo Caalami ah oo Muqdisho ilaa aduunka dacalkiis meeshii aad doonto ee nala daawo Bilicda iyo Quruxda Garoonka Aadan Adde.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Askari Puntland ah oo dilay laba nin oo caddaan ahaa oo u shaqeynayey QM

Gaalkacyo(Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay labo ruux oo ajaaniib ah, kuwaasi oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Wararka aan helayno ayaa sheegay in dilka labada ruux ee Ajaaniibta uu ka dambeeyay askari ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaan helnay xog ku aadan in labada ruux ee la dilay ay u kala dhasheen dalalka France iyo UK ayna la shaqeynayeen hayada UNODC oo ka shaqeysa arimaha burcad badeeda.

Xogta kale ee aan halayno ayaa sheegaysa inay doonayeen in madaxweynaha Puntland ay kula kulmaan magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Welli Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray goobtii dilka uu ka dhacay.

Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sheegay in mid kamid ah ajaaniibta la dilay uu ku dhintay iska afaafka hore ee diyaarada, halka ruuxa kale uu ku geeriyooday markii loola cararay goob caafimaad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Kismaayo: 7 gabdhood oo guryahooda laga baxay iyo xog sheegeysa in la…

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in shalay ilaa xalay guryahooda lagala baxay haween, ka tirsan bulshada reer Kismaayo.

Nabadoon Macalin Gaas oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa sheegay in 7 dumar ah lagu weysan yahay Magaalada Kismaayo, markii uu sheegay in shalay iyo xalay ay guryahooda ka wateen Ciidamada Jubba.

Waxa uu nabaddoon Gaas sheegay in haweenkan ay kaxeysteen maleeshiyo Ethiopia iyo Kenya laga keenay, oo magaalada haystay labadii sano ee ugu dambeysay.

Waxa kale uu shaaca ka qaaday in haweenkan qaarkood la kufsado, kadibna la dilo.

Nabaddoon Gaas, ayaa ku warramay in hadda dilka uu caadi ka yahay magaalada, oo taasi aysan ka hadal lahayn, oo ay ugu dambeysay dad lasoo dhigay xeebta Kismaayo.

Maamulka KMG ah ee Jubba, ayaan wax war ah ka soo saarin dumarka lagu eedeeyay, in ciidamadoodu ay ka wateen guryahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

BFS oo ku dhowaaqay arrin farxad leh, isaga oo damacsan qorshe 3 dal uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Nuuraani Abakar oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah gudiga arimaha dibada ee baarlamaanka ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay wafdi xildhibaano ay ugu dirayaan seddex dal oo qaxootiga Soomaaliyeed ay ku dhibateysan yihiin.

Xildhibaanka ayaa Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho u sheegay in ujeedada ay tahay sidii dowladahaasi ay kala hadli lahaayeen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka qaxootiga Soomaaliyeed ku heysta dalkaasi.

Dalalka Yemen, Sacuudiga iyo Kenya ayuu ku tilmaamay inay yihiin dalalka ugu daran oo ay iminka dhibaatada kala kulmaan qaxootiga Soomaaliyeed.

Dhanka kale wuxuu muhiimad gaar ahaaneed ku tilmaamay in soo dhaweyn wacan loosameeyo dadka doonaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan marka ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Gudiga arimaha baarlamaanka ayaa qaarkood todobaadyadii lasoo dhaafay waxay ku maqnaayeen safaro dhanka dibada ah oo ay ku ogaanayeen xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee dalalka caalamka gaar ahaan Yemen, Sacuudiga iyo Kenya, sida Xildhibaan Maxamed Nuuraani uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sh. Shibli: Ayaan darane “Abu Muslim Al-khuraasaani iyo Cabbaasiyiintii”

HORDHAC:- Waxaan qormadaan oo ay xigi doonaan kuwo kale – in shaa Allaah- kaga sheekayn doonaa nin ayaan darane ahaa, taarikhduna ku xustay danbiyadii uu galay iyo sidii xumayd ee uu uga galbaday dunida, waxayna tusaale iyo waano u tahay dad badan oo qaadaya dariiqaas oo kale hadiiba ay waano dhago weeleeya leeyihiin.

In kasta oo qormadani tahay taariikh hore, dadkeediina tageen hadana waayaha waa lagu cibra qaataa, waayo ayaamaha nolosha ayaa isu muuqaal ekaada ayagoo wata magacyo kala duwan, sidaas darteed ayaa Quraanka Kariimka ahi in badan soo gudbiyaa waxii hore ee ka dhacay dunida si loogu waayo qaato.

Intaas kadib hadaan qeexno qofka aan ula jeedno Ayaan Darane, waxaan dhihi karnaa sidan:-

1. Ayaan Darane: Waa qof inta lagu shaqaystay, markii lagu dan gaadhay, dibada loo tuuray amaba la dilay.
2. Ayaan Darane: Waa qof inta dakane la galiyay hadana dibadda la dhigay asaga oo dayacan.
3. Ayaan Darane: Waa qof inta dadkii lagu diray hadana daaqadaha laga xidhay.
4. Ayaan Darane: Waa qof inta diin xumo iyo danbi la galiyay, hadana dunida in uu calfadana loo diiday.
5. Khuraasaan: Waxaa lagu magacaabi jiray wadamada hadda la yidhaahdo ( Pakistaan) iyo( Afgaanistaan ).

Abuu Muslim: Waa C/raxmaan Bin Cismaan Bin yassaar Wuxuuse ku can baxay magaca (Abuu-Muslim Al-Khuraasaani). Cabbaasiyiin: Waa qoys ku abtirsada Cabbas bin Cabdi Mudalib oo ahaa Nabiga scw adeerkii, oo inta uu Muslimay hadana u gargaaray Nabiga scw, kana mid noqday saxaabadiisii.

Waxay Cabbaasiyiintu ahaayeen: boqortooyo qabsatay xukunkii Muslimka sanadkii 132H, ayagoo kala wareegay boqortooyadii reer Banii Umaya, Waxayna haysteen waqti dheer oo ka badan 600 oo sano oo ay kursiga kala dhaxlayeen.

Taariikh Kooban:-

Wuxuu Abuu- Muslim billbay abaabul lagu minja xaabinayay boqortooyada reer Banii Umaya, laguna dhisayay dawlad ay madax ka yihiin reer Banii Cabbaas.

1. Wuxuu abaabulku ahaa qarsoodi sanadkii 129H, markii ay xoogaysteen waxay qabsadeen Khuraasaan, sanadkii 131H, waxayna rideen dhamaan dawladii hore sanadkii 132H, oo khilaafada loo dhaariyay Abuu Al-Cabbaas Al-Safaax, oo ahaa dhiigyacab dad badan gumaaday, hase ahaatee ma haysan waqti dheer oo geeri ayaa ku timid.

2. Waxaa jabhadda cusub ee uu hogaaminayo Abuu-Muslim Al-khuraasaani astaan u ahayd calan iyo cimaamad madow, mar la waydiiyay asaga oo khudbaynaya waxa ay ka dhigan tahay cimaamadda madow wuxuu sheegay in ay kaga dayanayaan Nabiga scw oo galay Makka asagoo xidhan cimaamad madow, kadibna wuxuu amar ku bixiyay in la dilo qofkii su’aasha waydiiyay, asaga oo u cuskaday in taasi meel kadhac ku tahay haybadda iyo dharka dawladda.

3. Markii uu dhintay Abu- Al-Cabbaas Al-Safaax sanadkii 136H, wuxuu xilkii u dardaarmay walaalkii Abuu- Jacfar Al-Mansuur oo aanay isku fiicnayn Abuu-Muslim Al-Khuraasaani. Waxaa ku qabsaday Abuu-Jacfar Al-Mansuur xilkii adeerkiis C/laahi Bin Cali Bin C/laahi Bin Cabbaas oo kamid ahaa dadkii sida aadka ah u laayay reer Banii Umaya, wuxuuna sheegtay in asaga loo dardaarmay xilka boqortooyada.

4. Wuxuu Abuu- Jacfar Al-Mansuur adeegsaday ninkii khatarta ahaa ee Abuu-Muslim Al-Khuraasaani si uu kacdoonka adeerkii wax uga qabto, waana fuliyay amarkii oo wuu soo afjaray kacdoonkii uu ninkaasi hogaaminayey, asagiina waa soo dilay, wuxuuna ahaa dagaal uu dhiig badani ku daatay.

5. Abuu- Muslim Al-Khuraasaani wuxuu dagaal dheer iyo dadaal badan u soo maray riditaanka Umawiyiinta iyo xukun saaridda Cabbaasiyiinta asaga oo Allah ugu dhawaanaya, waxaana lagu qiyaasaa dadkii uu u laayay dhisitaanka dawalada Cabbaasiyiinta 600,000/ oo qof ugu yaraan.

6. Waxaa jirtay cuqdad uu qabay Abuu-Jacfar Al-Mansuur asaga oo Abuu- Muslim ka tirsanayey qadarin la’aan iyo qab waynan ah in uu sameeyo waxa uu rabo, oo keentay in ay la qumanaato in la dilo Ab-Muslim Al-Khuraasaani, markii uu sidaas kula taliyay walaalkii Abul-Cabbaas Al-Safaax ayuu u sheegay in uu aamuso arrintaasna qarsado, wuuna aqbalay.

7. Markii ay dawladii cagaha dhigatay, mucaaradkii-na la sifeeyay oo uu ugu danbeeyay boqorka adeerkii, Waxaa markiiba Abuu-Jacfar Al- Mansuur uu ka fikiray siduu isu dhaafin lahaa Abuu- Muslim Al-khuraasaani oo aad ugu soo dagaalamay, ciidamo & taageero bandanna haystay gaar ahaan dhulka Khuraasaan.

8. Si Abuu-Muslim awoodiisa loo wiiqo, godkiisii Khuraasaan-na looga saaro ayaa waxaa loo magacaabay ninkii Abuu- Muslim ka hooseeyay ee uu xilka kaga soo tagay (Abuu-Daawuud), waxaana loo ballan qaaday in uu waligiis haynayo haddii uu Abuu-Muslim ka hoos baxo oo boqortooyada ( Khliaafda ) ku xidhmo, asagiina waa aqbalay, wuxuuna Abuu-Muslim ku soo wargaliyay in uu xilkii Khuraasaan kala wareegay oo aanu isku soo hallaynin.

9. Waxaa kale oo la soo saaray wareegto Abuu-Muslim loogu magacaabayo in uu madax ka noqdo gobolada Masar Iyo Shaam kuwaas oo xarunta boqortooyada uga dhowaa Khuraasaan, asaguna uusan ku lahayn taageerayaal badan, taas oo uu diiday Abuu-Muslim, uuna fahmayey in ay tahay shirqool hordhac ah oo lagaga fogaynayo gobolkii uu taageerada ku lahaa.

10. Waxaa dabin shirqool ah loo dhigay Abuu-Muslim, waxaana loogu yeedhay daartii boqortooyada ee Ciraaq, asaga oo ka soo laabtay dagaalkii uu ku soo dilay boqorka adeerkii, asaguna wuu qabay dareenka Abuu-Jacfar Al-Mansuur ee ah in uu dili doono, wuxuu isku dayay in uu diido imaatinka daarta khilaafada, hase yeeshee sasabaad iyo hanjabaad dheer kadib wuxuu ku dhacay dabinkii lagu dili doono.

11. Waxaa loo sii uruuriyay danbiyo dhawr ah oo looga dhigtay marmarsiiyo, markii uu ku calaacalay dagaalkii uu u soo galay dhalashada dawaladnimada reer Banii Cabbaas, waxba uma tarin maadaama uu khatar ku yahay in la calfado dawladnimadan.

12. Markii uu arkay in la dilayo, dadkiisiina laga reebay waxuu dalbaday in uu u noolaado cadawga dawladda oo la daayo, waxaase u jawaabay Abuu-Jacfar Al-Mansuur oo yidhi:” Wa kuma cadowga adiga iga kaa cadowsan ” kadibna waa dilay.

13. Waxaa Abuu-Jacfar markii uu dilay Abuu- Muslim laga sheegaa in uu yiri:” Hadda ayay boqortinimadu xalaalowday, reer Banii Cabbaas-na dadka kale ka yeesheen”.

Maxaa Loo Dilay Abuu-Muslim Al-Khuraasaani

Dhaqanka siyaasadeed ee dunida ka jiray waqti dheer wuxuu ku dhisan yahay danaysi, markii qofka laga dhamaysto danta laga leeyahay waxaa laga shaqeeyaa sidii dunida loo dhaafin lahaa ayada oo sababo loo cuskanayo sida:-

A. Waxaa mararka qaar sababtu noqotaa in laga baqayo awoodiisa oo ay tahay in la is dhaafiyo, si loo calfado midhihii lagu soo tabcay.

B. Marar kale-na waxaa lagu saleeyaa in aanay faafin sirta uu hayo oo khatar ku noqon karta dadkii ku shaqay sanayey, halka ugu aaminsan ee sirtaas lagu qariyo-na uu qabri yahay.

Dhaqanka Shirkadaha: Waxaa taas lamid ah shirkadaha qaata qandaraasyada oo shaqaaleeya dad badan oo kala muhiimsan, waxay sameeyaan shaqaale dhimis marka ay shaqadu yaraato ama mashruucu soo dhamaanayo.

A. Waxay shirkaduhu soo reebtaan hadba inta lama huraanka ah, haddii ay qasab noqoto in la diro qof muhiim ahaa oo shaqo wanaagsan soo qabtay waxaa la siiyaa shahaado sharaf, waxaana loo qabtaa xaflad xasuus iyo sagootis ah.

B. Hadii ay ahayd shaqada uu qofkaasi qabtay mid muhiim ahayd laakiin aan la sheegan Karin, lagana cabsi qabo in wax ka soo laabtaan shaqadii uu qabtay iyo xogtii uu hayay, waxaa shahaado sharaf looga dhigaa in la shahiidsiiyo.

Sidaas Darteed:-Wuxuu Abuu-Muslim Qabtay shaqo aad u wayn, wuxuuna ahaa nin haysta taageero badan oo ciidan, gaar ahaan gobolada Khuraasaan.

A. Wuxuu Abuu-Muslim ahaa nin dhadhamiyay xukunka, khibrad badan oo dagaalna yeeshay, oo inta dawlad dumiyay mid kale dhisay, in uu ku hindiso mar kale samaynta dawlad cusubna ay dhici karto.

B. Wuxuu ahaa Abu-Muslim nin geesinima iyo Caqli badan oo doonayey in la qiimeeyo, isuna haystay in uu abaal ku leeyahay boqorada reer Banii Cabbaas, taasina ma jecla madaxdu oo ayagaa isla doonaya in loo tiiriyo abaal kasta.

C. Waxay boqorada reer Banii Cabbaas dhinacooda ka dareemayeen khatar ah in uu noqdo mucaarad, oo caqabad ku noqdo in ay calfadaan dawladnimadii u dhalatay, dhiiga bandanna loo soo daadiyay.

D. Siyaasadda aan Allaah ka cabsi ku dhisnayn malaha saaxiib joogta ah, ee waxay leedahay maslaxad joogta ah, hadba meesha ay ku bulaalayso ayaa lala beegsadaa, labadii shalay isku danta ahayd ayaa maanta kala dabayshada.

E. Boqorada reer Banii Cabbaas iyo Abuu-Muslim isuguma imaan in dhiiga Muslimka la badbaadiyo, ee waxay shirkad ku ahaayeen in cidii khatar mucaaradnimo lagu ogaado lagu duulo ama la dilo, hadana ayagii ayaa isku soo hadhay sida Atooreyaashii.

F. Ninba waa maalintiisee waxaa Abuu-Muslim laga waraabiyay koobkii uu dad badan ka waraabiyay, waxaa lagu riday god uu dad badan ku riday, waxaa lagu dilay dabin uu dad badan ku dilay, nabsigii uu galabsaday waa laga gooyay, godkii aakhirana waa gar xisaabeed oo aan laga gaban Karin. Halkaan ka akhri Maqaalkii Xog baan hayaa ee xabsiga I dhiga iyo:Shaki ayaa jiree Shaatiga ii cadeeya ee uu qoray Sh Shibli

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamuud Shibli

Mombassa – Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Booliiska Kenya oo sheegay in Islii ay ka heleen Kiimiko loo qorsheeyey in…

Nairobi (Caasimada Online) – Hadal ka soo baxay Boliska magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay inay Xaafadda Islii, gaar ahaan Jidka 7-aad ka heleen shalay xirmo Kiimiko ah oo ay tilmaameen in laga farsamayn karo waxyaabaha qarxa.

Taliyaha Boliska magaalladda Nairobi, Benson Kibue ayaa sheegay inay Kiimikadaasi ka heleen qol uu degganaa Nin Somali ah, kaasi oo baxsaday ka hor intaysan Boliska tegin gurigaasi.

“Kiimikadaasi waa mid geysan karta qarax xooggan, waxaana ka codsanay dadka inay gacan naga siiyaan sidii loo sugi lahaa ammaanka” ayuu yiri Taliyahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay heleen Dukumentiyo uu lahaa ninkii deganaa gurigaasi, waxayna Dukumentiyadaasi muujinayaan inuu ninkaasi yahay Somali ka diiwaan gashan Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa sheegay inay Boliska bilaabeen sidii ay u baadi-goobi lahaayeen Eedeysanaha baxsadka ah.
Boliska Kenya waxay Hawlgalka ay haatan wadaan ugu magac dareen Usalama Warch, taasi oo ay sheegeen inay ku ugaarsanayaan waxay ugu yeereen Dembiilayaasha ku sugan magaalladda Nairobi.

Boliska Kenya ayaa u muuqda inuu hawlgalkooda ku kooban yahay dadka Soomaalida, waxayna Hawlgalkaasi ku soo qabteen kun qof oo Soomaali ah, iyadoo 355 qof la sii daayey.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Gen. Gaafow oo lagu dheggan yahay

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,si wax looga Weydiiyo Armo Dhowr ah.

C/laahi Gaafoow Maxamuud Hogaanka Waxaada Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa wax laga Weydiin toonaa,Qaabka ay dadka u Qaataan Kaarka Dhalashada iyo Dhibaato la sheegay in Dadka ay kala kulmaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Gudoonka Sare ee Baarlamaanka ka Dalbaday in Hogaanka Waxaada Socdaalka la hor keeno Baarlamaanka si wax looga Weydiiyo Arimaha aan soo sheegnay.

Xariir Keydmedia online ay la Sameysay C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa waxaa ay ogaatay in maanta Baarlamaanka uu hor tagayo.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahaan waday la Xisaabtan ay ku sameenayaan Wasiiro ka tirsan Xukumadda,ayagoona ilaa Dhowr wasiir ugu yeeray in ay Baarlanaaka yimaadaan.

Isha: KON

Sawirro & Warbixin: Barre Hiiraale oo soo bandhigay xog dad badan aysan ogeyn oo xaalka Kismaayo ku saabsan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen golaha Nabada iyo Midnimada gobolada Jubbooyinka ee uu hoggaamiyo Barre Hiiraale ayaa looga hadlay dhibaatooyinka iskugu jira dilka, dhaca, iyo Kufsiga ee lagu hayo shacabka dagan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa kasoo qayb galay kulankii maanta qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka waxaana looga hadlayay sidii caalamka loo tusi lahaa dhibaatooyinka ay Ciidamadda Maamulka Jubba ka wadaan Kismaayo.

Col, Cabaas oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegay ujeedka kulanka inuu yahay sidii caalamka iyo dawladda Soomaaliya cadaadis loogu saari lahaa wax ka qabashada dhibaatada ka jirta degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Nabadoon Cali Diiriye oo kamid ah wax-garadka kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka oo kulankaasi dhankiisa ka hadlay ayaa halkaasi ka akhriyey qaar kamid ah magacyada dadkii uga dhintay beeshooda dilalka Kismaayo ka dhacayay dhawrkii sanno ee u danbeeyay.

Dr Axmed Faarax Ducaale oo ah aqoonyahan kasoo jeeda Jubbooyinka oo isna dhankiisa ka hadlay ayaa ku eedeeyay dawladda Soomaaliya inay ka gaab-satey dhibaatada Shacabkeeda loo geysanayo isagoo xusay in jab-had dadka xasuuqaysa loo xalaaleeyay masiirkii Shacabka Jubbooyinka.

Ugu danbayn waxaa halkaasi ka hadlay Dr Cabdi Shire Warsame wuxuuna akhriyey warsaxaafadeedkii kasoo baxay kulankaasi.

“Muddada ay magaalada Kismaayo ay gacanta ugu jirtay kooxda Raaskambooni, laga soo bilaabo 26/5/2013kii ilaa waqtigan ka dhacay gaboodfallo si toos ah loogu xadgudbay xuquuqda muwaadiniinta oo isugu jira dil, dhaawac, kufsi, boob hantiyeed, barakacin, xabsi iyo ka ganacsiga dadka.”

Hoos ka daalaco Warsaxaafadeedka kullanka oo lagu qoray xog badan oo ku saabsan xaalka Kismaayo oo ku saxiixnaa Barre Hiiraale

Ref:                                                                                                   Date: 06 / 04 / 2014

Ku: Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Jam. fed. Soomaaliya

       Mudane Cabdiwali Shiikh axmed

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramadoobay

Ku: Wakiilka Midowga Afrika

Ku: Wakiilka Urur-goboleedka IGAD

Ku: Dhammaan Waddammada Daneeya Arrimaha Soomaaliya

Og. Madaxweynaha Dowladda Jam. Fed. Soomaaliya

Og. Guddoomiyaha Golaha Shacbiga Qaranka 

Ujeeddo: Baaq

Sida la wada og yahay, Heshiiska Addis Ababa ee Dowladda Jam. Federaalka Soomaaliya iyo Axmed Maxamed Islaan oo matalaya kooxda Raaskambooni ku dhexmaray 27/8/2013kii  magaalada Addis Ababa, waxaa ujeeddadiisu ahayd in lagu xasiliyo Gobollada Jubba, dadweynaha degaanadaasina ay nabad ku wada noolaadaan.

Waxaa Heshiiska ku cad geedi-socod nabadeed oo la filayey in si wadajir ah loo dhaqangeliyo.

Waxaan ka xunahay in aan halkan ka sheegno in waqtigan magaalada Kismaayo ay tahay meesha ugu ammaan xun dalka Soomaaliya. Waxaa halkaas si joogto ah uga dhaca gabood-fal dhinaca xuquuqda aadanaha ah. Waxaa muddada ay kooxda Raaskambooni magaaladu gacanta ugu jirtay, laga soo bilaabo 26/5/2013kii ilaa waqtigan ka dhacay gaboodfal isugu jira:

v  Dil 146 qof

v  Dhaawac 47 qof

v  Kufsi 49 haween ah

v  Boob hantiyeed oo gaaraya U$1175000(hal malyan, boqol toddobaatan iyo shan kun)

v  Barakacin; dumin guryo gaaraya 103 guri

v  Xabsi aan sharci ku salaysnayn oo joogto ah

v  Ka ganacsiga dadka (xiridda iyo iibsiga dadka)

Waxaa nasiibdarro iyo wax laga xumaado ah in Dowladda Jam. Fed. Soomaaliya, aysan hal marna ka hadlin waxa ku dhacaya dadweynaha ku nool  magaalada Kismaayo.

Golaha Nabadda iyo Midnimada Gobollada Jubba, isaga oo si weyn uga xun, waxa uu halkan ka caddeynayaa:

1)      In Axmed Maxamed Islaan uu si cad ugu xadgudbay, ugana baxay Heshiiska Addis Ababa (eeg qodobbada 9aad, 14aad, iyo 21aad);

2)      In Heshiiska Addis Ababa uu gebi ahaan burburay;

 3)      In Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah awoodda keliya ee sharci ahaan mas’uulka ka ah dalka iyo dadk Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Dimoqraadiga ah ee Itoobiya oo ah damaanad-qaadaha Heshiiska, ay si buuxda ugu guuldarreysteen dhaqangelinta Heshiiska Addis Ababa;

4)      In Beesha Caalamka, gaar ahaan Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo aysan waxba ka qaban, balse ay ku fiirsadaan gaboodfallada bulshadaas  ku dhacaya;

Sidaas darteed, waxaan ku baaqaynaa:

¯  Si loo joojiyo gaboodfalka ka socda magaalada Kismaayo; loona baaro caddaaladana loo horkeeno cidda mas’uulka ka ahayd kuwa dhacay ee kor ku xusan; in Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamku ay si dhakhso leh halkaas ugu diraan Guddi wadajir ah oo ay ka mid yihiin ururrada xuquuqda aadanaha oo soo baara gaboodfalka dhacay;

¯  In aan Beesha Caalamku aqbalin in dhaqaalahooda loo adeegsado ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, aysanna wax dhaqaale ah siinin Axmed Maxamed iyo Kooxdiisa ilaa iyo inta laga baarayo caddaaladana la horkeenayo cidda mas’uulka ka ahayd gaboodfalka ku xusan faqradda kore;

¯  In Shacbiga Soomaaliyeed uu Dowladda si kula xisaabtamo mas’uuliyaddii ay u igmadeen, wixii wanaag aha ay ku taageeraa, wixii xumaan ah ay ku dhaliilaan;

¯  In dadweynaha ku nool Gobollada Jubba ay adkeeyaan midnimada iyo walaaltinimadooda; ayna aamminaan in mar walba uu xaqu adkaanayo, guushuna ay dhawdahay. 

Wadahadal,   Is-afgarad,   Nabad,   iyo   Horumar

Mahadsanidin

Barre Aden Shire Hiiraale

(Guddoomiye)

Golaha Jubba (22)Golaha Jubba (20)Golaha Jubba (18)Golaha Jubba (16)Golaha Jubba (11)Golaha Jubba (6)Golaha Jubba (1)Golaha Jubba (7)

Golaha Jubba (2)Golaha Jubba (3)Golaha Jubba (4)Golaha Jubba (5)Golaha Jubba (8)Golaha Jubba (9)Golaha Jubba (10)Golaha Jubba (12)Golaha Jubba (13)Golaha Jubba (14)Golaha Jubba (15)Golaha Jubba (17)Golaha Jubba (19)Golaha Jubba (21)Golaha Jubba (23)Golaha Jubba (25)Golaha Jubba (26)Golaha Jubba (27)Golaha Jubba (28)Golaha Jubba (29)Golaha Jubba (30)

Beel sheegtay in Axmed Madoobe uu wiilkooda uga aarguday dilkii Ugaaska

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay odayaasha beesha Dagoodi, kuwaasoo sheegay in wiil dhawaan lagu dilay Kismaayo uusan ahayn ninka dilay Ugaaskii beesha Cowramala Ugaas Haafow.

Odayaasha iyo wax-garadka beesha Dagoodi ayaa sheegay in meleeshiyaadka Axmed Madoobe in ay magaalada Kismaayo ka wadaan gumaad ay ku hayaab beelo gaar ah.

Waxaa kaloo ay sheegeen in wiilka la dilay isaga walaalkiis ka yer in laga soo qabtay magaalada dabadeedna meel fagaaro ah maalin cad lagu dilay kaddib markii lagu eedeeyay in uu dilau ugaas Haafow.

“Waxaan caddeeneynaa wiilka Kismaayo ay dileen maleeshiyaadka Axmed Madoobe in isaga iyo walaalkii ka yer laga soo qabtay gurrigooda iyagoo ku jirra waxaana wiilka la dilay uu ahaa dadka ka shaqeeya dhismooyinka guryahaa, waa la kaxeestay maallin cad ayaa Kismaayo lagu dilay,iyadoo laga duubay kaamiro oo saxaafadda loo yeeray wiilka kale ee ka yerna waa uu xiran yahay”ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha maanta shirka jaraa’id Muqdisho ku qabtay.

Odayaasha ku shiray Muqdisho waxa ay eedeen u jeediyeen afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax, oo ay sheegeen in uu been sheegay maadama uu yiri waxaan heynaa labo wiil oo dilay ugaas Haafow.

“Waa la yaqaanaa ninka dilay ugaas Heefow waa nin ay ilmo adeer yihiin, laakin ma ahayn in loo soo qabto labo wiil oo walaalo ah oo mid aanu qaan gaar ahayn” ayuu yiri oday dhaqameed kale.

Odayaasha beesha Dagoodi ayaa ka dilay haddii ay sii sicdaan gumaadka lagu hayo shacabka ku dhaqan Kismaayo in magaalada ay dilaaci doonaan dagaallo lagu hoobto oo wajiyo badan yeesho la iska celiyo meeleeshiyaadka Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn odayaasha ku shiray Muqdisho ayaa ka codsaday beesha caalamka iyo hey’addaha xuquuqda aadanaha in ay tallaabo ka qaadaan maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo afhayeenkooda Seeraar oo dhib badan ka galay dadka reer Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]