28.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Beel sheegtay in Axmed Madoobe uu wiilkooda uga aarguday dilkii Ugaaska

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay odayaasha beesha Dagoodi, kuwaasoo sheegay in wiil dhawaan lagu dilay Kismaayo uusan ahayn ninka dilay Ugaaskii beesha Cowramala Ugaas Haafow.

Odayaasha iyo wax-garadka beesha Dagoodi ayaa sheegay in meleeshiyaadka Axmed Madoobe in ay magaalada Kismaayo ka wadaan gumaad ay ku hayaab beelo gaar ah.

Waxaa kaloo ay sheegeen in wiilka la dilay isaga walaalkiis ka yer in laga soo qabtay magaalada dabadeedna meel fagaaro ah maalin cad lagu dilay kaddib markii lagu eedeeyay in uu dilau ugaas Haafow.

“Waxaan caddeeneynaa wiilka Kismaayo ay dileen maleeshiyaadka Axmed Madoobe in isaga iyo walaalkii ka yer laga soo qabtay gurrigooda iyagoo ku jirra waxaana wiilka la dilay uu ahaa dadka ka shaqeeya dhismooyinka guryahaa, waa la kaxeestay maallin cad ayaa Kismaayo lagu dilay,iyadoo laga duubay kaamiro oo saxaafadda loo yeeray wiilka kale ee ka yerna waa uu xiran yahay”ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha maanta shirka jaraa’id Muqdisho ku qabtay.

Odayaasha ku shiray Muqdisho waxa ay eedeen u jeediyeen afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax, oo ay sheegeen in uu been sheegay maadama uu yiri waxaan heynaa labo wiil oo dilay ugaas Haafow.

“Waa la yaqaanaa ninka dilay ugaas Heefow waa nin ay ilmo adeer yihiin, laakin ma ahayn in loo soo qabto labo wiil oo walaalo ah oo mid aanu qaan gaar ahayn” ayuu yiri oday dhaqameed kale.

Odayaasha beesha Dagoodi ayaa ka dilay haddii ay sii sicdaan gumaadka lagu hayo shacabka ku dhaqan Kismaayo in magaalada ay dilaaci doonaan dagaallo lagu hoobto oo wajiyo badan yeesho la iska celiyo meeleeshiyaadka Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn odayaasha ku shiray Muqdisho ayaa ka codsaday beesha caalamka iyo hey’addaha xuquuqda aadanaha in ay tallaabo ka qaadaan maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo afhayeenkooda Seeraar oo dhib badan ka galay dadka reer Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

EU oo laga cabsi qabo in lacagta ay ka joojiyaan ciidamada Kenya ee Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne Barack Obama Obama iyo Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga NATO, Andres Fogh Rasmussen ayaa isku waafaqay inay kordhiyaan awoodda ay NATO milliteri ahaan ku leedahay Qaaradda Europe.

Saraakiisha Mailliteri ee NATO iyo Hoggaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah Isbahaysigaasi ayaa mar kale isweydiiyey waxa ku dhici kara Hawlgalka Kenya ee Somalia.

Hawlgalka Somalia waxa uu qeyb ka yahay Ajendada Degananaanshaha, iyadoo Kenya u muuqato mid ilaalinayso Danaha Reer Galbeedka.

Dalalka Midowga Europe, gaar ahaan Britain waxay u aqoonsan tahay Somalia khatar toos ugu ah ammaankooda, Waxayna u aragtaa inaysan Dowladda Somalia wax badan ka qaban Karin arrinkaasi, iyadoo ay Kooxaha Xag-jirayaasha ku xidideysteen Somalia, isla markaana cabsi xooggan ku hayaan Muwaadiniinta Britain.

Kaalmooyinka ay Midowga Europe ku taageeraan Hawlgalka AMISOM , ayaa waxaa ka mid aj iyadoo Kenya la siinayo kharajka ciiddamadda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Haddii uu Kharajka Midowga Europe ugu tala galeen Deganaanshaha Somalia la joojiyo, waxaa hubaal ah inay Milliteriga Kenya isaga huleeli doonaan Somalia.

Hawlgalka LINDA NCHI ee Milliteriga Kenya kaga soo gudbeen xuduudka Somalia, ayaa kordhisay ammaan-xumida ka jirta dalka Kenya.

Dowladda Kenya ma damaanad qaadi karto ammaanka Muwaadiniinteeda ku sugan Xaafadda Islii ama Westland see Nairobi, Mombasa ama Garisa.

Kenya waxay gondaha la sii galaysaa dagaal tabar-darayn karo, xilli isbedel ku imaanayo Muhiimadda Caalamka ee Difaaca.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

MUUNGAAB oo hanjabaad culus diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Xuseen Muungaab ayaa runta u sheegay guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ee isbadalka lagu sameenaayo, isagoona ku yiri ku tusaale qaatay guddoomiyaha Kaaran oo xilka si xoog leh looga xayuubiyay markii uu isku dhajiyay.

Muungaab oo ka hadlaayay maanta xaflad uu xilka ku wareejiyay guddoomiyihii horre ee degmada Kaaraan ayaa sheegay in cid isku dhajinta karta xilka uusan jirin isagoona intaas ku daray in ay heestaan ciidamo nabad-sugid iyo boolis isugu jirra kuwaasoo loogu talagalay in ay ammaanka adkeeyaan.

Muungaab ayaa fariin u diray guddoomiyaasha uu damacsan yahay in uu xilka ka qaado isagoona yiri guddoomiye kasta waa la badalayaa cidda hareysa uun waa dadka ku dhaqan degmooyinka gobalka Banaadir maadama iyagan aaney la badaleynin.

Ugu dambeyn guddoomiye Muungaab ayaa xusay in u jeedkooda uu yahay siddii isbadal loogu sameen lahaa degmooyinka gobalka Banaadir, si loo adkeeyo ammaanka caasimada.

Hadalka guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa ku soo beegmaya iyadoo saakay la soo wariyay guddoomiyihii degmada Kaaraan in uu diiddanaa in uu wareejiyo xilka balse markii dambe ciidamo nabad-sugid ah iyo ay tageen gurrigiisa loona sheegay in la go’doomin doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Guddoomiyihii Muungaab ka diiday in uu xilka wareejiyo oo qasab ku dhiibay

Muqdisho (Caasimada Online)- Kaddib in muddo ah oo uu diiddanaa in uu xilka wareejiyo guddoomiyaha degmada Kaaran, waxaa ugu dambeen la sheegay in uu oggolaaday oo uu xilka wareejiyo.

Xiisad ayaa maanta oo dhan ka taagnaa degmada oo ciidamo isugu jirra boolis iyo nabad-sugid ayaa ku sugnaa gurriga guddoomiyaha iyo waddooyinka soo gala oo ay xireen.

Guddoomiyihii horre ee degmada Kaaran Cali Calasow Xuseen ayaa la sheegay in uu diidday in uu qaato amarka guddoomiyaha gobalka Banaadir oo xilka ka qaado, balse waxaa la sheegay in markii dambe ay u tageen odayaasha degmada iyo qaar ka mid ah ehelkiisa waxaana ay u sheegeen in uu oggolaado xilka in uu wareejiyo.

Waxaa la sheegay in la arkayay guddoomiyihii horre ee Kaaran oo u muuqda qof aan ku qanacsaneen xilka laga qaaday.

Muungaab ayaa lagu eedeeyay in uu inta badan guddoomiyaha uu xilalka ka qaaday uu ku badalay dhallinyaro aad u da’yer kuwaasoo ay ka soo wada baxeen Jaamacadda Caalamiga ee Ifriiqiya ee dalka Sudan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horrey u sheegtay in ay soo dhaweeneyso isbadalka lagu sameeyay maamulada gobalka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Turkiga oo iska fogeeyay eedeen uga timid Baarlamanka Somalia oo ahayd…

Muqdish0 (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa iska fogeysay eedeemo uga timid baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ahaa hey’addaha Turkiga in si sharci daro ay ku joogaan dalka.

Agaasimaha hey’adda waxbarashadda ee Nail Academy, Cali Turkey oo la hadlay  Idaacad ka ku taalla Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Turkiga aaney dalka u imaan in ay ka faa’ideestaan kheyraadka dalka yaalla.

Wuxuu sheegay oo kale in dalka ay u yimaaden siddii ay u caawin lahaayeen dadka shacabka sidda uu yiri.

“Dalka waxaan unimid siddii aan u caawin lahayn ummada Soomaaliyeed ee halkan uma imaan in aan ka faa’ideesano” ayuu yiri Cali Turkey.

Cali Turkey ayaa carrabka ku adkeeyay in dalka ay ku yimaadeen sharci oo madaxweynihii horre ee Shariif Sheekh Axmed uu oggolaaday in ay dalka ku joogaan oo ay degganaan xarumaha muhiimka ee burbrusan.

Si kastaba, baarlamaanka Soomaaliya ayaa toddobaadkii horre ku eedeeyay shirkadda FAVORI in ay si shari darro ay ku joogaan dalka, waxaana ay codsadeen in la joojiyo howlaha ay ka wadaan garoonka diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Bilicda dalka JABUUTI

Wadanka Jabuuti oo si weyn uu soo jeetay Shaashadaha Tv-yada kadib markii Bilic iyo Dhismooyin qurux badan oo sanadihii ugu dambeeyay halkaasi laga waday oo haatan magaalad adhan wada ifiyay.

Muuqaalkani waxaad ka arkeysaa Bilic aadan rumeysaneynin in ay tahay Wadanka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti oo si weyn loo nashqadeeyay bilicda magaalooyinkiisa ee nala daawo:

HALKAAN KA DAAWO:

 

Guddoomiye Muungaab ka diiday inuu xilka wareejiyo (Maxaase qabsaday?)

Muqdisho (Caasimada Online)- War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamo nabad-sugid iyo boolis isugu jira in ay weerar ku qaadeen saakay gurriga uu deggan yahay guddoomiyaha degmada Kaaran Cali Calasow.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu diiddan yahay digreerto ka soo baxday guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, kaasoo ka qaaday xilka uu hayay.

Ciidamada booliska iyo nabad-sugida oo hoos-taga maamulka gobalka Banaadir ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen gurriga guddoomiyaha Kaaran oo ay hadda ku sugan yihiin.

Xaalada degmada Kaaran ayaa kacsan waxaana xiran goobaha ganacisga waxaa kaloo is-taagay isku socodadka iyo gaadidka sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Sidda ku qoran digreetada ka soo baxday guddoomiyaha gobalka Banaadir, maanta ayaa la rabay in guddoomiyaha Kaaran uu wareejiyo xilka uu hayay balse weli waa uu diiddan yahay.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay wuxuu billaabay in isbadal ku sameeyo guddoomiyaha degmooyinka ilaa afar guddoomiye degmo ayuu badalay dhammaantood waa ay u hoggaansameen armarka Muungaab balse guddoomiyaha Kaaran ayaa noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee ka hor yimaada amarka Muun-gaab.

Faah-faahinta warkan ka soco Caasimada Online

AXMED MADOOBE oo u jawaabay QM

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa iska fogeeyay eedeen uga timid Qaramada Midoobay taasoo ahayd in dadka rayidka la iska laayo iyadoo wax sharci ah ama maxkamad la soo taagan ama loo oggolaanin in ay is-difaacan.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulkaas Cabduqaadir Xaaaji Maxamed (Luga-dheere) oo hadda ku sugan isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa beeniyay in maamulkooda uu dadka rayidka iska dilo.

Waxaa la weydiiyay go’aanka loo cuksaday in la dilo nin la sheegay in uu dilay Suldaan beesha Cowramala ee AUN Haafow, wuxuu tilmaamay ninkaas in uu isaga qirtay siddaasna lagu dilay.

Wuxuu tilmaamay maamulkooda in uu ilaaliyo sharciga oo uu difaaco shacabka rayidka sidda uu hadalka u dhigay.

Waxaa kaloo la weydiiyay sababta uu maamulkooda u wareejineynin garoonka iyo dekedda Kismaayo, wuxuu tilmaamay in arrintaas la gaarin xilligii la wareejin lahaa.

Hadalka Suldaan Lugadheere ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan Qaramada Midoobau ay sheegtay in maamulka KMG ah ee Jubba uu qof rayid ah ku dilay magaalada Kismaayo kaasoo la sheegay in aan wax maxkamad ah la sootaagin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Muqdisho oo xaal naxdin ah ku sugan kadib markii gabar arday ahayd xalay…

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in saakay xaafadda Maha-Alle degmada Yaaqshid lagu arkay meydka gabar ardayd ah oo la dilay, taasi oo magaalka naxdin badan ka abuurtay.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Nafiso Cismaan in xaley 8-dii fiidnimo ay kala baxeen gurrigeeda oo ku yaalla xaafadda Mahad-Alle.

Kooxo hubeysan ayaa gabadhan oo ah 20-jir waxa ay kala baxeen gurrigeeda deetana waay ay toogteen.

“Xaley abaare 8-dii ayaa rag hubeysan oo wajiga soo xirtay waxa ay soo weerarreen gurri dariskeena ah waxanaa ay kala baxeen gabar ardayad ah taasoo ay la adeen goob aan la ogeyn dabadeedna wa ay dileen” ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda Mahad-Alle.

Ilaa hadda ma cadda sababta loo dilay gabadhan ardayada ah ee lagala baxay gurrigeeda, waxaana arrintaas amakaag iyo cabsi ay ku keentay dadkii ku dhaqanaa xaafada lagu dilay.

Gabadha ayaa la sheegay in ay wax ka baran jirtay Jaamacadda Somalia ee magaalada Muqdisho.

Waa dhacdadii ugu horreysay ee ka dhacda xaafadda Mahad- Alle ee degmada Yaaqshid

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Kooxda qas wadayaasha SOMALIA oo Nairobi ku kulmay (Warbixin & Sawirro)

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi waxaa kulan ku yeeshay kooxda loo bixiyay qas-wadayaasha Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Cabdiraxmaan Cabdishukuur ayaa soo dhigay bartooda Facebook sawir ay ka muuqdaan siyaasiyiin caan ah, kuwaasoo ku kulmay Nairobi.

Waxa ay sheegeen kulankooda in ay uga hadleey oo ay wax iska weydiiyeen xaalada dalka uu marayo iyo mustaqbalka wax yaabaha la hiigsanaayo.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha ay uga hadleen marka laga tago qoraalada ay soo dhiggeen boggooda.

Sawirka dadka ka muuqda waxaa ka mid ah, Ra’iisal wasaarihii horre ee Cumar Cabdirashiid Sharmaake, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Cabdiraxmaan Cabdishakuur  iyo Fahad Yaasiin.

Shariif ayaa qoraalkan soo dhigay “Kulan is xog wareysi ah oo aan iskugu imaaney Kenya Nairobi, masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin Ra’iisal wasaarihii horre Cumar Cabdirashid, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Abdirahman Abdishakur iyo Qaar kaleed waxaana iska wareysaney xaaladaha uu dalka maanta maraayo iyo kuwa Mustaqbalka Somaliya”

Shariif Xasan dhawaan wuxuu ka soo laabtay Baydhabo oo loo sameeyay maamulkii labad waxaana uu maamulka seddaxda gobal uu Shariif ka ahaa maskaxda ka dambeesay in uu meel maro.

Kulan Nairoboi ku dhex maray kooxda qaswadayaasha Soomaaliya
Kulan Nairoboi ku dhex maray kooxda qaswadayaasha Soomaaliya

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Dr. Gaas oo xilka ka xayuubiyey wiilka Faroole & carro xoogan oo ka dhalatay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa xilkii ka qaaday agaasimaha ciidanka badda Puntland (PMPF) Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin magacaabistan ayaa haddana waxa warar lagu kalsoonyahay oo ka helnay madaxtooyadda sheegayaan in xilkan iminka loo magacaabay Xiriiriyaha madaxtooyadda ee ciidanka Badda Cabdinaasir Biixi Soofe.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole, oo ah wiilka madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa lagu warramay in xil ka qaadista uu aad uga carrooday.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole
Maxamed Cabdiraxmaan Faroole

Ilo-wareedyo ku dhow isaga, ayaa Caasimada Online u sheegay inuu aaminsan yahay in xil ka qaadistiisa ay qabyaalad ku saleysan tahay.

Xubnaha ka dhow Ina-Faoole, ayaa sheegay in Cabdinaasir Biixi oo ka mida ganacsatada Puntland ay isaga iyo madaxweynaha Puntland yihiin kuwo isku dhow dhanka haybta, waxaana ay qayb ka tahay bay yiraahdeen isbadalka Shakhsiyaadka ee uu Mudane Gaas ku galay doorashada.

Ciidanka la-dagalanka burcad badeeda waxaa la dhisay sanadkii 2010, taasoo ka timi qorshe uu madaxwaynihii hore ee Puntland Faroole u gudbiyay beesha caalamka in bariga lagala dagaalamo burcadda oo ah halka marka hore ay iska soo abaabulaan.

Ciidanka PMPF ayaa waxa dhaqaalaha ka taageera dowladda isku-taga Imaaraadka Carabta.

Xil ka qaadista lagu sameeyay Maxamed Cabdiraxman ayaa ahayd mid waayadan guuxeeda la isla dhexmarayay Puntland, waxna isna uu ku maqan yahay dibedda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Warbixin: Maraykanka oo soo saaray digniin cusub oo ku aadan Kenya

Nairobi (Caasimada Online)- Dowladda Maraykanka ayaa dib u cusbooneesiisay soona saartay digniin ku aadan muwaadiniintooda in ay u safraan dalka Kenya

Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in khataro waaweyn ay ka soo socdaan dalka ku yaalla geeska Afrika ee Kenya.

Xaafadda Islii waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacay qaraxyo iyo raaf aan loo kala aabo yeelin dadka, waxaaba la arkayay haween xaamilo ah iyo kuwa carruur sita oo la qabqabanaayo.

Maraykanka ayaa sheegay in muwaadiniintiisa uu uga digaayo in ay aadaan Kenya waxaana uu tilmaamay in la bartilmaameesan karo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Maraykanka uu soo saaro digniino ku socota muwaadiniintiisa u safraya dalka Kenya.

Kenya waxa ay daris la noqotay qaraxyo iyo dilal tan iyo markii Kenya ciidamo u dirtay dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Wasiiro lagu kordhiyay 6-da gobal

Baydhabo (Caasimada Online)-Madaxweyne ku-xigeenka maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed Maxamuud Sayid Aadan ayaa caawa sheegay in la magacaabay wasiiro kale oo ka tirsan maamulkooda.

Isagoo u warramayay Idaacad maxali ah oo ku taalla Muqdisho ayuu sheegay in 30 wasiir oo cusub lagu daray maamulka koonfur galbeed sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay wasiiradda la magacaabay in ay ahaayeen kuwii labaad isagoona intaas ku daray in qayb kale ay dhimman yihiin.

Waxaa la weydiiyay in maamulkooda uu sabab u ahaa rabshado ka dhacay Baydhabo, wuuxu yiri maamulka lixda gobal waxaa dhistay dadka ku dhaqan gobaladaas kuwaasoo muddo sannad ah maalgalinayay shirkaas oo aaney jirin cid wax ku deegtay beesha caalamka ama dowladda Soomaaliya.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay in maamul kasta oo la dhiso uu ku socon karo uun rabitaanka shacabka cidda ay diiddan uu yahay mid la diidday.

Ugu dambeyn Maxamuud Sayid Aadan ayaa dowladda dhexe ka codsaday in ay taageerto maamulkooda oo dhawaan si rasmi ah loo soo dhammeestiri doono.

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhisan labo maamul gobaleed oo mid uu yahay lix gobal midka kalena uu yahay seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Qarax xooggan oo ka dhacay KENYA

Dhadhaab (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa habeenkii xaley ka dhacay xerada qoxootiga IFO ee gobalka waqooyi-bari Kenya.

Qaraxa ayaa la shegeay in uu ka dhacay dhabarka dambe xafiiska hey’adda UNHCR ee IFO, mana jirto cid ilaa hadda wax ku noqday balse goobjoogayaal ayaa leh waxaa la la’yahay lix qof oo ka mid ahaa dadkii dhisayay dhismo ku yaalla goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray waxaana ay baadi goob ugu jiraan dadka maqan.

Waa qarixii labaad oo muddo toddobaad ah ka dhaca xerada qoxootiga adduunka ugu weyn ee Dhadhahaab labo habeen ka hor ayaa qarax xooggan uu ka dhacay garoonka diyaaradaha Dhadhaab ee gobalka Waqooyi bari Kenya.

Garoonka ayaa la sheegay in ay adeegsadaan hey’addaha gargaarka ee yimaada xerada qoxootiga dalka Kenya.

Kenya waa yahan waxa ay daris la ahayd qaraxyo isla toddobaadkii horre ayaa qaraxyo ay ka dhaceen xaafadda Islii ee Nairobi, waxaana xigtay raaf ballaaran oo lagu qaaday Soomaalida ku dhaqan xaafaddaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

Turkish Airlines oo tageysa Hargeysa

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka Maamulka Somaliland ugu qaabilsan Gaadiidka cirka iyo Duullimaadka Rayidka, Mohamoud Ahmed Hashi oo haatan booqasho ku jooga caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa kulamo la leh Madaxda Sare ee Shirkaddaha Diyaaradaha ee Turkish Airlines.

Labada dhinac ayaa ka wada xaajooday sidii ay Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines u bilaabi lahaayeen duullimaadyo ay ku tagaan Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal Airport ee magaalladda Hargeysa.

Wasiirka Somaliland waxa kaloo uu la kulmay Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Turkish Airlines, Dr. Temel Ikotil oo ay ka wada-xaajoodeen sidii ay Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlinesu bilaabi lahaayeen Duullimaadyo ay ku tagaan magaalladda Hargeysa.

turkish hargeysaShirkadda Turkish Airlines ayaa lagu wadaa inay Duullimaadkeeda ugu horreeyo ku tagaan Hargeysa bisha June ee sannadkan 2014-kii.

Dhinaca kale, Wasiirka Maamulka Somaliland ugu qaabilsan Gaadiidka cirka iyo Duullimaadka Rayidka, Mohamoud Ahmed Hashi waxa uu la kulmay dhigiisa dalka Turkiga, Lutti Elvin oo ay ka wada xaajoodeen arrimaha Maamulka iyo Kontoroolka Hawada Somalia oo ay haatan Dowladda Federalka maamusho.

Wasiirka Maamulka Somaliland, waxa uu Dowladda Turkiga ka dalbaday inay gacxan ka geystaan wada-xaajoodka u socda Dowladda Somalia iyo Maamulka Somalia oo ku saabsan dhinaca Maamulista Hawada Sare ee Somalia iyo inay Dowladda Turkiga gacan ka geystaan sidii loo casriyeyn lahaa Garoonka Calaamiga ee Diyaaradaha Cigaal ee magaalladda Hargeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
[email protected]

Cabdiqaybdiid oo kala diray wasiirada

Gaalkacyo (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kala diray golaha wasiiraddda maamulkiisa markii uu ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo in ay ka gaabiyeen howshii loo igmaday.

Cabdiqaydiid oo saxaafadda kula ahdlay xafiiskiisa ayaa sheegay in golaha wasiiradda maamulka Galmudug la kala diray dhawaan uu soo magacaabi doono golle wasiiro oo cusub.

Wuxuu sheegay golihii wasiiradda horrey in ay ku guul dareesteen in ay wax qabtaan siddaas darteedna ay danta keentay in dhammaan la kala diro.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay wacad ku maray in uu soo dhisi doono golle wasiiro ah oo wax qabad la yimaada.

Ilaa hadda ma cadda wax yaabaha ku dhaliyay Cabdiqaybdiid in uu kala diro golaha wasiiradda maamulkiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Meydka 2 qof oo laga helay Afgooye

Afgooye (Caasimada Online) –Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu arkay meydka labo nin oo la sheegay in la dilay.

Ragga la dilay ayaa ka mid ahaa darawalada ka shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye, waxaana la sheegay in shaley la afduubtay dabadeedna meydkooda la soo dhigay meel u dhow goobta laga soo afduubtay.

Dadka reer Afgooye ayaa aad uga naxay dilka labadan nin waxaana ay ku baaqeen in la soo qabqabto dadka la dilay.

Dhinaca kale, daralada ka xeeya baabuurta isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye ayaa ka cabanaya isbaarooyin teed waddadaas taasoo ay lacago baad ah ku qaataan rag xiran dharka ciidamada dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horrey u sheegtay in ay wax ka qaban doonto isbaarooyinka yaalla Waddada xiriirisa Afgooye iyo Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Hooyadii Soomaaliyeed ee sharafta badneyd sidaas miyaa u dambeeysay – Sawiro argagax iyo calool xumo badan

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya waxay xaqiiqsatay in Somalidu ilka beeshay oo Dowlad u dooda iyo xaquuq laheyn ,waxaana ka marqaati kacaya sawirkaan argagaxa iyo calool xumada badan.

Sedexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Nairobi ka dhacay tacadiyadii ugu xumaa taariikhda ee Ciidamadda Kenya kula kacaan bulshada ku hadasha afka Somaliga hasse yeeshee Nasiibdaro Dowladda Somalia Madaxweyne ilaa Wasiir midna kama damqan dilka,kufsiga,barakicinta iyo jirdilka ay Ciidanka Kenya ku sameeyeen hooyooyinka iyo dhalaanka Soomaaliyeed.

Sawirkaan wuxuu qofkasta oo Somalia qalbigiisa ku reebayaa uurxumo iyo argagax laakiin waxaan isweydiiyay Hooyada ay askarta Kenya ku ridayaan gaariga weyn iyo Wiilkeeda Saqiirka maxay sidaas foosha xun ugu rafaadinayaan?

ilmada-somalida3Hooyada iyo dhaleenkeeda argagixiso miyaa? qori miyeey wateen?

Hadii gaarigaas lagu riday,xagee la geeyay? sidee loola dhaqmay? mala kufsaday ?

Gabadhaas Soomaaliyeed ee Askarta Kenya kobaha kula dul taagan yihiin mala waayay geesiyiin Soomaaliyeed oo ka damqada?
Kenya oo sidaas dadkii Soomaaliyeed u gashay miyaa Ciidankoodu joogaan dalkeena Somalia oo shacab iyo dowlad laga aamusan yahay?

Dad Somalia oo sheeganaya inay yihiin Xildhibaano,Wasiiro iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya miyaa jawaab ka bixin waayay sidaas foosha xun ee dadkooda loo galay? ma waxay ku raaxeeysanayaan xilalka Kakuuyada u magacaawday?

ilmada-Somalida2Gaarisa, Doolow, Mandeera iyo wajeer bulshada ku nool ee Soomaaliyeed maka damqan waayeen in dushooda lagu dilo,lagu fara xumeeyo haween iyo dhalaan Somalia?

Sidaasi foosha xun ,si ka sii xun ayaad goobjoog u noqon doontaan Soomaaliyeed,kuwa sheegta Somali Kenya ,waxay kaa dambeeyaanba waa GU iyo deeyrtiis mar hadii Somalidii looga cabsan jiray maanta sidii loo jiiday wadooyinka.

Habeenkii Danel Arab Moi xiray boqolka Somalida wuxuu Mohamed Siyaad Barre ku yiri ” Haduusan Madaxweyne Moi sii deyn caawa dadkaas Soomaaliyeed subaxdii waxaad naga eegtaan sarta xagashaleh ee Nairobi ” laakiin nasiibdaro Madaxweyne Garguurte ilaa hada afkiisa lagama hayo xitaa waa ka xunahay in Kenya sidaas u gasho berimageydada Soomaaliyeed

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

XOG: AXMED MADOOBE oo soo diray wafti la gorgortama Dowladda Somalia

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilo Xog-ogaal ah ayaa noo sheegay in hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Jubba uu soo diray wafdi ka socday maamulkiisa kuwaaso0 hadda ku magaalada Muqdisho.

Wafdiga ka socda maamulka KMG ah waxaa hoggaaminaya madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamed Lugadheere.

Maxaa keenay wafdigan Muqdisho?

Sidda ay lee yihiin ilaha xog-ogaalka ee noo warramay wafdigan ayaa la sheegay in sabab u yihiin in ay Muqdisho yimaadaan markii toddobaadkii horre ay kulmeen ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe.

Danjire Key ayaa la sheegay in uu Axmed Madoobe ku wareejiyay warqad ka timid madaxweynaha Soomaaliya balse si dhab ah looma oga wax yaabaha ku qornaa warqaddaaas.

Weli waxaa muuqata in uu jirro khilaaf ka dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Axmed Madoobe, arrinta ugu weyn ee la isku heestan waa in maamulka KMG ah ee Jubba aaney soo wareejin maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo.

Maamulka Axmed ayaa si cad ah u sheegay in uu uusan wardeejin doonin garoonka iyo dekedda Kismaayo maadama maamulkooda uusan dhaqaale ka helin dowladda dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]