29.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Hooyadii Soomaaliyeed ee sharafta badneyd sidaas miyaa u dambeeysay – Sawiro argagax iyo calool xumo badan

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya waxay xaqiiqsatay in Somalidu ilka beeshay oo Dowlad u dooda iyo xaquuq laheyn ,waxaana ka marqaati kacaya sawirkaan argagaxa iyo calool xumada badan.

Sedexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa Nairobi ka dhacay tacadiyadii ugu xumaa taariikhda ee Ciidamadda Kenya kula kacaan bulshada ku hadasha afka Somaliga hasse yeeshee Nasiibdaro Dowladda Somalia Madaxweyne ilaa Wasiir midna kama damqan dilka,kufsiga,barakicinta iyo jirdilka ay Ciidanka Kenya ku sameeyeen hooyooyinka iyo dhalaanka Soomaaliyeed.

Sawirkaan wuxuu qofkasta oo Somalia qalbigiisa ku reebayaa uurxumo iyo argagax laakiin waxaan isweydiiyay Hooyada ay askarta Kenya ku ridayaan gaariga weyn iyo Wiilkeeda Saqiirka maxay sidaas foosha xun ugu rafaadinayaan?

ilmada-somalida3Hooyada iyo dhaleenkeeda argagixiso miyaa? qori miyeey wateen?

Hadii gaarigaas lagu riday,xagee la geeyay? sidee loola dhaqmay? mala kufsaday ?

Gabadhaas Soomaaliyeed ee Askarta Kenya kobaha kula dul taagan yihiin mala waayay geesiyiin Soomaaliyeed oo ka damqada?
Kenya oo sidaas dadkii Soomaaliyeed u gashay miyaa Ciidankoodu joogaan dalkeena Somalia oo shacab iyo dowlad laga aamusan yahay?

Dad Somalia oo sheeganaya inay yihiin Xildhibaano,Wasiiro iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya miyaa jawaab ka bixin waayay sidaas foosha xun ee dadkooda loo galay? ma waxay ku raaxeeysanayaan xilalka Kakuuyada u magacaawday?

ilmada-Somalida2Gaarisa, Doolow, Mandeera iyo wajeer bulshada ku nool ee Soomaaliyeed maka damqan waayeen in dushooda lagu dilo,lagu fara xumeeyo haween iyo dhalaan Somalia?

Sidaasi foosha xun ,si ka sii xun ayaad goobjoog u noqon doontaan Soomaaliyeed,kuwa sheegta Somali Kenya ,waxay kaa dambeeyaanba waa GU iyo deeyrtiis mar hadii Somalidii looga cabsan jiray maanta sidii loo jiiday wadooyinka.

Habeenkii Danel Arab Moi xiray boqolka Somalida wuxuu Mohamed Siyaad Barre ku yiri ” Haduusan Madaxweyne Moi sii deyn caawa dadkaas Soomaaliyeed subaxdii waxaad naga eegtaan sarta xagashaleh ee Nairobi ” laakiin nasiibdaro Madaxweyne Garguurte ilaa hada afkiisa lagama hayo xitaa waa ka xunahay in Kenya sidaas u gasho berimageydada Soomaaliyeed

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

XOG: AXMED MADOOBE oo soo diray wafti la gorgortama Dowladda Somalia

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilo Xog-ogaal ah ayaa noo sheegay in hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Jubba uu soo diray wafdi ka socday maamulkiisa kuwaaso0 hadda ku magaalada Muqdisho.

Wafdiga ka socda maamulka KMG ah waxaa hoggaaminaya madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamed Lugadheere.

Maxaa keenay wafdigan Muqdisho?

Sidda ay lee yihiin ilaha xog-ogaalka ee noo warramay wafdigan ayaa la sheegay in sabab u yihiin in ay Muqdisho yimaadaan markii toddobaadkii horre ay kulmeen ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe.

Danjire Key ayaa la sheegay in uu Axmed Madoobe ku wareejiyay warqad ka timid madaxweynaha Soomaaliya balse si dhab ah looma oga wax yaabaha ku qornaa warqaddaaas.

Weli waxaa muuqata in uu jirro khilaaf ka dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Axmed Madoobe, arrinta ugu weyn ee la isku heestan waa in maamulka KMG ah ee Jubba aaney soo wareejin maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo.

Maamulka Axmed ayaa si cad ah u sheegay in uu uusan wardeejin doonin garoonka iyo dekedda Kismaayo maadama maamulkooda uusan dhaqaale ka helin dowladda dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Arag Sawirrada: VILLA SOMALIA oo loo soo tababbaray ciidamo gaar u ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka soo dagay ciidamo gaar ah oo la sheegay in ay waardiyeen doonaan xarunta madaxtooyda Soomaaliya.

Ciidamadan oo ah Soomaali lagu tababbarray dalka Isku tagga imaaraadka carabta ayaa tiradooda lagu sheegay 55 askari waxaana ku jirra saraakiil.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid yahay agaasime ku-xigeenka madaxtooyada
Cabdi Muxumed Axmed iyo saraakiil kale.

Waxaa la sheegay ciidamadan in la soo siiyay tababbar gaar ah, waxaana loogu talagalay in ay waardiyeeyaan xarunat Villa Somalia.

“ Anigoo ku hadlaya magaca Madaxtooyada Soomaaliya waxaan aad uga mahad celineynaa taageerada dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka nala garab taagantahay, mar walba xag dhaqale, xag siyaasadeed iyo xag ciidan intaba” ayuu yiri Cabdi Muxumed agaasime ku xigeenka madaxtooyada.

Waxa kale oo uu agaasime ku-xigeenka madaxtooyada uu kala dardaaramay ciidanka iyo saraakiisha soo dhammeystay tababarka in ay si hufan uga soo dhalaalaan howsha loo igmaday oo ah inay sugaan ammaanka goobaha muhiimka ah ee dowladda oo ay ka mid tahay xarunta Madaxtooyada.

Waxaa kaloo ciidamada loo soo tababbaray ka hadlay Kornayl Maxamed Maxamud oo ah madaxa saadka ee Madaxtooyada, isagoo sheegay in taageerada dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay tahay mid muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed

Si kastaba, ciidamadan loo soo tababbaray ayaa ku soo beegmeysa iyadoo xarunta madaxtooyada Villa Somalia weerar maalin lagu qaaday saraakiilkan lagu dilay.

IMG_17151

IMG_1720

IMG_1725

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG Yaa lagu khaarijin rabay QARAXII ka dhacay magaalada MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa faafin laga helayaa qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo cidda lagu weeraray.

Qarax oo ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodan waxaa lala eegtay baabuur uu la socday sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sarkaalka lagu weeraray qaraxa ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Abshirow wuxuuna ahaa xoghayaha guddiga shaqaha dowladda.

Sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha qaraxa wuxuu u muuqday mid lagu doonayay in lagu khaarijiyo Abshirow waayo baabuurkiisa ayaa lagu soo xiray in kastoo uu ku dhaawacmay.

Dhaawiciisa ayaa loo qaaday Isbitaalka AMISOM ee Xalane halkaasoo lagu daweynaayo iminka sidda ay lee yihiin saraakiisha ammaanka.

Ciidamada ammanka ayaa goobta tagay, waxaana la damiyay baabuurka uu watay xoghaye Abshirow oo xilligaas hol cayay.

Muqdisho dhowr jeer ayaa lagu qarxiyay mas’uul ka tirsan dowladda mana jirto cid loo soo qabto falalka noocaas oo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

CIIDAMADA DF SOMALIA oo is laayey

Jowhar (Caasimada Online)- Inta la ogyahay 12-askari ayaa ku dhintay dagaal maanta dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dhacay deeganka Ceel-Cadde ee gobalka Shabeellaha Dhexe, sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Waxaa ku jirra dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay dad rayid ah oo ka agdhawaa goobta lagu dagaallamay kuwaasoo haleeshay xabadaha la is weedaarsanaayay.

Ciidamada dagaallamay ayaa la sheegay in isku heestaan Isbaaro tiilay deeganka lagu dallaamay sidda ay lee yihiin dadka deeganka

Meydka askarta dowladda iyo kuwa dhaawacmay ayaa galabta la keenay Isbitaalka Madiina.

Xiisad ayaa weli ka taagan goobta ay ku dagaallameen ciidamada dowladda, waxaana cabsida ugu weyn ay heesata dadka shacabka ee ku dhaqan deeganka Ceel-Cadde.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku dagaallamaan goob isbaaro ah oo lacago looga qaato gaadidka safarka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Qoyska reer Abukar Cumar Cadaan oo ka warbixiyay sida loo dilay wiilkooda

Nairobi (Caasimada Online) – Qoyska reer Abuukari Cadaan ayaa ka warbixiyay dil wiilkooda loogu geestay magaalada Nairobi Jimcihii shaley.

Cabduqaadir Cumar Cadaan oo ay walaalo yihiin ganacsade Saciid Cumar ayaa ka warbixiyay sidda loo dilay walalkiisa iyo ilaa hadda cid loo qabtay in ay jirto.

Isagoo goordhow la hadlaayay Cabduqaadir BBC-da ayuu sheegay in walaalkiis ay toogteen dabley xilli uu sii galiyay xaruntiisa ganacsi ee ku taalla waddada (Mombasa Road).

Wuxuu sheegay in dableyda oo ku hubeysnaa bastoolad isla markaana watay Mooto ay seddax xabadood ku dhfuteen markii uu diidday in uu furo goobta ganacsiga oo xilligaas uu sii galiyay.

Waxaa la weydiiyay wax yaabaha loo maleenaayo in loo dilay walaalkiis.

Wuxuu tilmamaay in hadda ay socdaan baaritaan ay wadaan booliska balse ilaa hadda ay ogaadeen in ragga dilay ay ka soo raaceen Bangi uu lacag dhigay maadama uu ahaa Saciid ganacaade.

“Inta aan ka ognahay 9ka subaxnimo ayaa rag hubeysan oo watay mooto ay togteen isagoo sii galayay goobtiisa ganacsiga, waxa ay weydiiyeen in uu albaabka furo balse waa uu diidday markii dambana seddax xabadood oo bistoolad ayaa lagu dhuftay tuhunka ugu weyn ayaa kaas ah, laakib booliska ayaan siinay sidda ay wax u dhaceen iyaga ayaa hadda ku howlan arrinta” ayuu yiri.

Waxaa kaloo la weydiiyay in goobta uu ku dhintay iyo in kale, wuxuu tilmaamay allaha ha u naxarsiiteen ganacsade Saciid uu ku dhintay Isbitaalka markii qaliin lagu sameeyay.

Si kastaba ilaa hadda ma cadda sababta loo dilay ganacsade Saciid Abuur Cadaan waxaana la lee yahay ninkaas tan iyo sannadkii 2007-da ayuu dagganaa Nairobi wuxuu lahaa shirkad ka shaqeeya dhisma sidoo kale waxaa uu la shaqeen jiray Qaramada Midoobay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

AXMED Madoobe oo xabsi u taxaabay saraakiil ka tirsan Dowladda Somalia

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubba, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay xireen Saraakiil ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo utagay Kismaayo wadahadal ku aadan ciidamadii laga saaray Magaalada Kismaayo sidii Magaalada loogu soo celin lahaa.

Cabdi Wahaab Cismaan Caraale oo kamid ah saraakiisha ciidamada Dowladda ee Kismaayo, ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Dowladda ay ku xiran yihiin Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayuu ku eedeeyay inuu xirtay saraakiishaasi oo Magaalada Kismaayo utagay wadahadalka sidii dib loogu soo celin lahaa ciidamadii dagaalka looga saaray Magaalada Kismaayo.

“Saraakiishaasi anaga ayeey naga tageen Garoonka Kismaayo ayeey ku xiran yihiin waan hubnaa Axmed Madoobe ayaana xirtay”Ayuu yiri Sarkaal Cabdi Wahaab Cismaan Caraale.

Ciidamada Maamulka Jubba ayuu sidoo kale ku eedeeyay inay magaalada Kismaayo ka geystaan falal tacadi joogto ah Magaaladana ay ku dilaan dadka shacab ah sida uu yiri.

Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ugu baaqay inay wax ka qabato dhibaatooyinka dadka shacabka ah loogu geysanayo Magaalada Kismaayo oo ay masuul ka yihiin Maamulka Jubba.

Saraakiil uu kamid yahay Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Buule ayaa dhowr mar Warbaahinta ka sheegay inuu ku sugan yahay Garoonka Kismaayo, uuna wadahadal kula jiro Maamulka Jubba, wadahadalkaasi oo ku aadan sidii Kismaayo dib loogu soo celin lahaa ciidamada jooga Goobweyn oo ah duleedka Kismaayo.

DHAGEYSO: TARSAN oo jeediyey hadal cusub oo uu si aad ah ugu weeraray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlayey meel munasabad ah, ayaa ganacsatada Soomaliyeed ku tilmaamay kuwo aan u ogoleyn dadkooda aan waxba heysan inay cawiyaan.

Tarsan ayaa hadalkiisa ku xusay in ganacsatada gaar ahaan kuwa ugu taajirsan ay yihiin kuwo ku adag bixinta caawinaad ay siiyaan dadkooda aan waxba heysan ee ku dhibateysan gudaha dalka, oo ay yihiin baqiilo.

Waxa uu ka dalabaday ganacsatada Soomaaliyeed in isbadal ay sameyaan oo ay usoo jeestaan cawimaad loo fidiyo dadka shacabka ee xiligan ku dhibatoonaya gobollada qaar ee dalka.

Waxa kale oo uu sheegay in xittaa ay zakada u bixiyaan qaab qabiil ah, balse alle uu arkayo.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Tarsan

codka-tarsan-

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ganacsade Ina-Abukar Cumar Cadaan oo xalay lagu dilay magaalada Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Saciid Abuukar Cumar Caddaan oo ah Ganacsade caan ah oo ka dhex shaqeyn jirey magaalladda Nairobi iyo dalka Koonfurta Sudan, uuna dhalay ganacsadaha caanka ah ee Abuukar Cumar Caddaan, ayaa xalay lagu dilay magaalada Nairobi.

Kooxo hubeysan oo watay gaari ayaa waxay isku hor gudbeen gaarigii uu watay Ganacsadaha Soomaaliga, kaasi oo marayey Waddada Mombasa Road ee tagta Garoonka Calaamiga ee Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi.

Dableyda hubeysan waxay tacshiirad huwiyeen Ganacsade Saciid Abuukar Cumar Caddaan, oo halkaasi ku geeriyooday, waxayna dableyda gaariga ka qaateen Kombiyuur-gacmeed Laptop iyo Boorso saarnayd gaariga Marxuumka.

Ma kala cadda kooxda dilka geystay inay ahaayeen burcad doonaysay inay dhacaan Ganacsadaha iyo in ujeedo kale ka dambeyso dilkaasi.

Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi, Cali Bagadi ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey dilka Marxuumkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay, xaalladda magaalladda Nairobi ayaa ahayd mid aad u kacsan, iyadoo ay qaraxyo iyo dilal ka dhaceen.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

SOMALILAND oo aqoonsi ka heshay…

London (Caasimada Online) – Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay madaxtooyada magaalada Sheffield ee dalka ee dalka Britain iyagoona ku faraxsan aqoonsiga Somaliland la siiyay.

Golaha baarlamaanka magaaladan oo ah mid yer ayaa aqoonsaday maamulka Somaliland ee ka dhisan waqooyiga Soomaaliya, kaddib markii la arkay isku filnaansho buuxda, sida goluhu sheegay.

Somaliland ayaa Soomaaliya ka go’day sannadkii 1991-dii, iyadoona hadda dooneysa aqoonsi caalami ah balse weli aan helin.

Wasiirka arrimaha dibedda Maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis wuxuu Somaliland ku tilmaamay goob nabadeed isagoona leh waan isku filanahay oo waxaa heesanaa dowlad iyo kala dambeen halka Soomaaliya ay gubaneyso isagoona intaas ku daray in Somaliland ay heesato kheyraad ku filan oo ay uga maaranto Soomaaliya.

Dad badan oo odorosa arrimaha Soomaaliya waxa ay lee yihiin Somailand waa ay ku adkaan doontaa in ay aqoonsi caalami ah ka hesho caalamka, sababtuna waxa weeye waxaa ku dhaggan Soomaaliya oo leh waa in midnimo laga shaqeeyo.

Sarkaal u hadlay magaalada Sheffield ayaa sheegay in Somaliland ay heesato deked weyn oo laga dhoofiyo xoolaha nool kuwaasoo dibedda loo iib geeyo.

Dekedda Bebera waa mid ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland ku tiirsan tahay, kumanaan xoolo nool ayaa laga dhoofiyaa kuwaasoo qaar badan laga keeno Soomaaliya.

Olaha Somaliland ay wado ee ah in ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale waa mid adkaan doonta caalamkana in ay u aqoonsadaan si la mid ah Sheffield ma ahan mid dhow.

Kumannaan kun oo qof oo asal ahana kasoo jeeda Somaliland ayaa ku nool magaaladan ku taalla dhinaca waqooyi ee England.

Si kastaba, Somaliland ayaa leesin siiyay shirkaddo ajaaniib ah kuwaasoo loo oggolaaday in baaraan shidaal la sheegay in ay ku jiraan deegannada Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

QM oo soo saartay warbixin ka dhana Maamulka Axmed Madoobe & arrintii..

Naiobi (Caasimada Online) – Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha (OHCHR), ayaa soo saaray warbixin ka dhan ah oo walaacna ka muujisay maamulka Axmed Madoobe iyo habka garsoorkiisa.

OHCHR< ayaa walaac ka muujiyay hannaanka garsoorka ee ‘deg-degga ku dhisan’ ee magaalada Kismaayo, ka gadaal markii sagaal maalin gudahood lagu qisaasay nin lagu eedeeyay dilka oday-dhaqameed.

Rupert Colville oo ah afhayeenka xafiiska ayaa sheegay in ninka eedeysanaha ahaa lagu helay dambe, balse aanay caddeyn cidda xaqiijisay, iyadoo sida uu xusay ay suuragal tahay in aan maxkamad la soo taagin.

Afhayeenka wuxuu sheegay in marka loo eego sharciga caalami ah aan xukun dil ah la fulin Karin ilaa hannaanka ugu habboon ee garsoor loo maro.

Colville ayaa intaas ku daray in xukunka uu ka dhigan yahay in tuhmanaha aanu helin dammaanad maxkamadeyn caddaalad ah oo ay ku jirto xaqa uu u lahaa cid u doodda iyo inuu racfaan ka qaato xukunka.

Ninka dilka lagu fuliyay ayaa lagu eedeeyay inuu 24-kii March dilay Ugaas Xuseen Hafoow Axmed oo ahaa oday-dhaqameed caan ka ah magaalada Kismaayo, Xafiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in 9 maalin kaddib (shalay) la qisaasay eedeysanaha.

OHCHR waxay sheegtay in 34 qof dil lagu fuliyay Soomaaliya tan iyo bishii January 2013.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

R/W horre JABUUTI oo hoggaaminaya guddiga doorashada dalka Algeria

Djibouti (Caasimada Online)- Raysal wasaarihii horre ee Jabuuti Former Dalita Maxamed Dalita ayaa hoggaamin doona koox kormeerto ah oo ka socda Midowga Afrika kuwaasoo goobjoog ka ahaan doona doorashada madaxweynonimada ee dalka dalka Algeria taasoo dhaceysa bishan April 17.

“Waxaan ku rajo weynahay in doorashada soo socota ee madaxweynonimada dalka Algeria ay noqoto mid ku dhacda si xor iyo cadaalad ah,” ayuu mudane Dalita u sheegay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Wuxuu sheegay in Midowga Afrika ilaa 200 oo guddi caalami ah ay u dirayaan doorashada ka dhaceysa dalka Al-geria.

Raysal wasaarihii hore ee Jabuuto Daleyta Maxamed Daleyta
Raysal wasaarihii hore ee Jabuuto Daleyta Maxamed Daleyta

Mudane Dalita, ayaa hoggaaminayay koox kormeerto ah oo ka qaybgashay sannadkii horre doorashadii ka dhacday dalka Mali.

Wuxuu sheegay oo kale in dadka reer Algeria in ay jecel yihiin dalkooda isla markaana khibrad ay u lee yihiin dimuquraadiyada taasoo saldhig u ah doorashada soo socota in ay ku dhammaato guul.

Olaha doorashada madaxtinimada dalka Algeria ayaa billaabaneysa maalinta Axadda berri waxaana jirra dhowr siyaasiyiin oo mucaarad ah iyo kuwa u ololeenaya in markii afaraad uu ku guuleesato madaxweynaha iminka talada haya ee  Abdelaziz Bouteflika.

Si kastaba dadka la is lee yahay waa ay la tartami doonaan madaxweyne Bouteflika oo 77-jir waxaa ka mid ah ra’iisal wasaarihii horre Ali Benflis oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu cadcad ee dalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Axmed Madoobe oo hadal yaab leh ku liiday qaranka Somalia, doortay Kenya

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubba, Axmed Madoobe ayaa si weyn u taageeray hadalkii shalay kasoo yeeray haweeneyda gaashaandhiga u qaabilsan Kenya taasi oo sheegtay inaysan ciidanka Kenya ka bixi doonin Kismaayo.

Axmed Madoobe oo gacan saar la leh xukuumadda Nairobi, ayaa si cad u sheegay inuu kalsoonida uu ku qabo Kenya uusan marna ku qabin qaranka Soomaaliya lee yahay.

Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in ciidamada Kenya ay qabteen howl ciidan qaran oo Somalia lee yahay uu qaban karo.

“Ciidanka Kenya kalsooni buuxda ayaan ku qabaa oo wax loo dhigaa jirin. Haddii ciidanka qaranka la dhiso xittaa waxaan kaga kalsoonahay waa ciidanka Kenya oo aan garabkooda ku nimid Kismaayo” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale waxaa uu intaasi raaciyey in dowlada Soomaaliya u muuqato mid diidan xalka Kismaayo kasoo bidhaamay oo ay qeybta ka tahay dowlada Kenya. Waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dowlada Soomaaliya inay ku faraxdo ayey aheyd horumarka ammaan ee Kismaayo aan ka wadno anaga iyo ciidanka Kenya, halkii ay xumaan iyo kala furfur ugu dhaqaaqi laheyd howsha aan wadno” ayuu u sheegay Axmed Madoobe K24.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya kadib markii dowlada Kenya shalay ay si rasmi ah u sheegtay inaysan ciidankeeda xasuuqa inay geysteen lagu eedeeyey ka bixi doonin Kismaayo, ciddii sidaasi ku taameysanaya ay niyaddooda ka saaraan. Iyaddoona Kenya ay sheegtay inay Kismaayo ka ilaalineyso ammaanka magaalada Nairobi. Waa sida ay hadalka u dhigtay wasiirada difaaca Kenya.

Dowlada Soomaaliya iyo ciidanka jooga Goobweyn ayaa guluf adeg ugu jira sidii ciidanka Kenya banaanka looga saari lahaa caasimada sadexaad ee Soomaaliya oo baryahan noqotay xarunta dilalka qorsheysan ee shacabka. Waxaana arrintaasi ku raacay Midowga Africa oo horey u sheegay inay ciidanka Kenya laga saarayo Kismaayo.

Haddiisa ay Kenya ku sii adkeysato joogisteeda Kismaayo waxaa ay lumin doontaa sharciyadii AMISOM oo ay ku joogtay Soomaaliya, waxaana markaasi dhaceysa inay dunida iyo Soomaalida kale u arkaan dal xoog ku soo galay gobollo ka mid ah wadan madaxbanaan.

Xigasho: Kismaayo24.net

Video: BF oo laga yaabo inuu ciidanka Amisom dalka ka ceyriyo kadib markii..

Xildhibaan Cabadiqaadir Cosoble Cali oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaki weyn geliyay Mandate-ka ama waqtiga ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya ay ku joogaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay iska joogaan dalka Soomaaliya, laakiin aysan jirin waqtiga rasmiga oo Soomaaliya ay joogaan, taasi oo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay.

Cosoble ayaa runta u sheegay xildhibaanada isagoo cadeeyay inay dhaqaale ku qaataan matalida shacabka Soomaaliyeed, laakiin aan loo baahneyn inaan laga warheynin waxyaabaha dalka ka dhacaya.

Wuxuu ka dalbaday gudoonka baarlamaanka Soomaaliya inay muhiim tahay in baarlamaanka Soomaaliya la horkeeno hishiisyada lala soo galo dowladaha caalamka, laakiin taasi aysan dhicin.

Xilidhibaan Cabdirashiid Xidig oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka Somalia ayaa sheegay in ay wasaarada maaliyada xukuumada Somalia laga rabo in mudanayaasha ay u soo bandhigto mushaaradka ay qaatan madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud,Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheek Axmed Maxamed iyo gudoomiyaha barlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada ayaa su’aal iska weeydiiyay in iyagu la qeexay muusharaadkooda waxa loo shaacin la’yahay lacagaha ay qaatan madaxda dalka.

Barlamaanka Somalia ayaa isaga waxaa uu todobaadkii hore uu bilaabay shaqadiisa caadiga ahaa waxana jirta in uu wado la xisaabtanka xukuumadani cusub oo iyadu soo magacaabisteeda timid waqtigii ay xildhibaanadu galayeen fasaxooda caadiga ahaa.

Halkan ka daawo xildhibaanada

Dowladaha France iyo Kenya oo isku raacay in waddanka Soomaaliya ay….

Brussels (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Faransiiska oo wada kulmay ayaa ka wada hadlay arimo badan ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ka dhaxeeya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta midowga Yurub ee Brussels ayaa waxyaabaha kale ee diirada lagu saaray waxaa kamid ahaa xaalada dalka Soomaaliya iyo amaanka dalalka bariga Africa.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa u sheegay madaxweynaha Faransiiska Hollande in muhiimada la saarayo amaanka iyo xaalada kala dambeyn ee dalalka Soomaaliya iyo koofurta Sudan.

Labada madaxweyne ayaa isku raacay in si wadajir ay kaga shaqeeyaan amaanka dalalka bariga Africa iyadoo faransiiska uu sheegay inay taageeri  doonaan dadaalada meletariga ee amaanka lagu xaqiijinayo.

Madaxweynaha faransiiska ayaa ugu dambeyn ugu mahadceliyay dowlada Kenya dadaalada dhanka amaanka ee Soomaaliya ay ka wado, isagoo ugu baaqay inay sii labio jibaaraan.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Brussells

[email protected]

Video: Isbadalka iyo bilicda Muqdisho

Magaalo Madaxdaa Caasimadda ee Muqdisho waxeey isku badashay muuqaal iyo jawi kale kadib Dib u dhis xoogan iyo horumar baaxad weyn leh oo si xowli ah uga soconaya waayihii u dambeeyay.

Muuqaalka Muqdisho iyo sida uu maanta yahay hadaad daawato waxaa hubaal ah in aad xusuus iyo qiimo darteed la ilmeyneyso ee nala daawo muuqaalkii u dambeeyay ee Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

XOG: Maxaa ka jira in R/W SAACID uu doonayo boos ka banaan BF Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili uu Xildhibaan C/laahi Maxamed Xirsi “Qorrax” dhawaan shaaciyey xubintii uu ka hayay barlamaanka Soomaaliya inuu iska casiley, ayaa waxaa warar soo baxayay sheegayeen inuu badali doono Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Si kastaba, warar lagu kalsoon yahay, oo ku dhaw Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Saacid Farax Garaad ayaa sheegaya inuusan xilligan diyaar u aheyn ka mid noqoshada baarlamaanka Soomaaliya.

” Saacid hadda ma uu doonayo inuu noqdo xildhibaan badela Qorax oo dhawaan baarlamaanka Soomaaliya isaga baxay. Wararka sidaasi lagu sheegayna waxba kama jiraan “ Ayuu yiri mas’uul aad ugu dhaw Saacid Farax Garaad oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Intaasi waxa uu raaciyey inuu Saacid Farax u hambalyeyn doono qofkii kusoo baxa xilka xildhibaanimo ee uu Qorax baneeyey.
Saacid Farax Garaad ayaan isaga si rasmi ah uga hadlin arrinta hadal heynta ee ah inuu rabo ku biiritaanka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana taasi dad badan ay sii gelisay shaki arrintaasi ku aadan.

Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo xukuumaddii Saacid Farax ka aheyd Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibada ayaa dhawaan baarlamaanka Soomaaliya ku biirtay kadib markii uu booskaasi u baneeyey xildhibaan kale oo ay isku reer yihiin, Iyaddoo warar ka qaar sheegayeen inay dhaqaale ku bixisay arrintaasi.

Inkastoo hadda uu mas’uulkan sheegay inuusan Saacid rabin booskaasi, haddana waxaa la sugaa waa qofka si rasmi ah ugu soo bixi doona booskaasi xildhibaanimo ee iminka u banaan siyaasiyiinta ku reerka ah ee tartanka ugu jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mustaf Dhuxulow oo meel aan marna laga fileyn kasoo baxay (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo uu Warbaahinta ka sheegi jiray inuu yahay Saaxiibka Saxaafadda, haddana ugu dambeyn Mustaf Dhuxulow wuxuu magacaabay guddi ku sheeg aan qof ka mida metelin Saxaafadda madaxabanaan ee Somalia kuwaas oo Wasiirka uu ku xushay rabitaankiisa shaqsi iyo qaab qabiileed.

Mustaf Dhuxulow wuxuu muujiyay in afkiisa iyo uurkiisa kala duwan yihiin, kana soo baxay meel aan laga fileyn oo ah cadowga warbaahinta madaxa bannaan ee Somalia.

Dhammaan xubnaha uu magacaabay waxay iskugu jiraan shaqsiyaad ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Somalia iyo xubno ku daaban.

Xulitaanka Gudigga metelaya Saxaafadda madaxabanaan, waxaa iska leh Xarumaha Warbaahinta iyo ururada Saxaafadda madaxabanaan, hase yeeshee Mustaf Dhuxulow wuxuu mooday inuu shaqsiyan awood u leeyahay xulida gudigga.

Waxaa caddaatay in af-macaanadii Mustaf Dhuxulow ay beenowday, uuna kasoo baxay meel aysan saxaafadda Somalia marnaba ka fileyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sirta raqameed ee Suuradda Alqalam

Suuradda Al Qalam waxay kamid tahay suuradaha ugu soo hor degey Quraanka kariimka, wuxuu Ilaahay ku dhaaranayaa horraanta suuraddaasi Qalinka oo ah waxa ugu horreeyey ee uu abuuray. Suuradda Al Qalam, waxay kamid tahay suuradaha 29-ka ah ee ku billawdo xuruufta muqaddaca ah (yacni xuruufta go’an ee Ilaahay uun uu yaqaan macnahooda). Quraanka suuradahiisa waa 114, waxaa loo qeybiyaa labo qeybood oo kala ah nuska hore oo ah 57 suuradood, iyo nuska dambe oo ah 57 suuradood.

Suuradaha 29-ka ahi ee ku billawda xuruufta muqaddaca, 28 kamida waxay ku jiraan nuska hore ee Quraanka, halka suuradda Al Qalam oo keliya ay tahay suuradda ku jirta nuska dambe, Sidoo kale suuradda Al Qalam waa suuradda ugu dambeysa xagga tartiibka marka laga hadlaya suuradaha xuruufta go’an ku billawda. Su’aashu waxay markaasi noqoneysaa ”Maxay tahay sirta ku jirta in laga sooca suuraddan suuradaha kale ee walaalaheeda ah”? Tani waxay muujineysaa mucjisada Quraanka, waxayna ina tusineysaa mucjisa raqameed daahila oo aad u cajiiba.

Suuradda Al Qalam sida aynu xusnay waxay ku taal nuska dambe ee Quraanka, waana suuradda keliya ee lagu xusay nuska dambe, marka laga hadlaya 29-ka suuradood ee xuruufta go’an ku billawda. Haddaba suuraddaasi ayaa ka soocan suuradaha walaalaheeda ah, waxaana ugu dhaw suurad xaraf muqaddac ah ku billaabato suuradda Qaaf oo ah suuradda ugu dambeysa ee kamidka ah 29-ka xuruufta muqaddaca ku billawda ee lagu xusay nuska hore ee Quraanka. Taa macnaheedu waxay tahay suuradda Qaaf, waa suuradda 28-aad ee kamidka ah suuradaha xuruufta go’an ku billawda, halka suuradda Al Qalamna ay tahay suuradda 29-aad. Haddaba aan soo gudbinno marka hore magacyada dhammaan suuradaha xuruufta muqaddaca ku billawda iyo tartiibkooda Quraanka, waana sida tan:

1. Al Baqrah, waa tartiibka suuradda 2-aad
2. Aal Cimraan waa tartiibka suuradda 3-aad
3. Al Acraaf waa tartiibka suuradda 7-aad
4. Yuunus waa tartiibka suuradda 10-aad
5.Huud waa tartiibka suuradda 11-aad
6. Yuusuf waa tartiibka suuradda 12-aad
7. Ar- Racad waa tartiibka suuradda 13-aad
8. Ibraahiim waa tartiibka suuradda 14-aad
8. Al Xijr waa tartiibka suuradda 15-aad
10. Maryam, waa tartiibka suuradda 19-aad
11. Dahaa waa tartiibka suuradda 20-aad
12.Ash- Shucraa waa tartiibka suuradda 26-a-ad
13. An Naml waa tartiibka suuradda  27-aad
14. Al Qasas waa tartiibka suuradda 28-aad
15. Al Cankabuut waa tartiibka suuradda 29-aad
16. Ar- Ruum waa tartiibka suuradda 30-aad
17. Luqmaan waa tartiibka suuradda 31-aad
18. As- Sajdah waa tartiibka suuradda 32-aad
19. Yaasiin waa tartiibka suuradda 36-aad
20. Saad waa tartiibka suuradda 38-aad
21. Ghaafir waa tartiibka suuradda 40-aad
22. Fussilat waa tartiibka suuradda 41-aad
23. Shuuraa waa tartiibka suuradda 42-aad
24. Az- Zukhruf waa tartiibka suuradda 43-aad
25. Ad- Dukhaan waa tartiibka suuradda 44-aad
26. Jaathiyah waa tartiibka suuradda 45-aad
27. Al- Axqaaf waa tartiibka suuradda 46-ad
28. Qaaf waa tartiibka suuradda 50-aad
29. Al Qalam waa tartiibka suuradda 68-aad

Maadaama suuradda Qaaf ay tahay suuradda ugu dhaw suuradda Al Qalam, marka aynu ka hadleyna suuradaha 29-ka ah ee xuruufta muqaddaca ku billawda, waxaa habboon inaan is weydiinno immisa suuradood ayaa u dhexeeya suuradda Qaaf iyo suuradda Al Qalam. Intaa kadib waxaan heli doonnaa suurada u dhaxeeyo inay yahiin suuradahan

Ad- Daariyaat, Ad-Dduur, An Najam, Al Qamr, Ar- Raxmaan, Al Waaqicah, Al Xadiid, Al Mujaadalah, Al Xashri, Al Mumtaxinah, Al Saf, Al Jumac, Al Munaafiquun, At- Taqaabun, Ad- Ddalaaq, At- Taxriim iyo Al Mulki. Markaynu tirinno suuradahani waxaa inoo soo baxaysa inay yahiin 17 suuradood. Taa macnaheedu waxaa weeye 17 suuradood oo aanan ahayn 16 ama 18 iwm ayaa u dhaxayso suuradaha Qaaf iyo Al Qalam. Subxanallaah!! maxay tahay sirta ka soocday suuradda Al Qalam suuradaha xuruufta muqaddaca, ee haddana suuraddii ugu sokeysay ee iyada soo xigtay u jirsiiyey qaddar ah inay u dhaxayso 17 suuradood?

Midda u baahan inaynu qeexnaa ayaa waxay tahay raqamka 17 inuu yahay raqam sireed cajiib ah oo calaaqo la leh numberka 29-aad oo ah raqamka suuradaha ay kamidka tahay suuradda Al Qalam ee xuruufta go’an ku billawda.

Suuradda Al Qalam waxay Quraanka uga jirtaa tariib ahaan raqamka 68-aad. Subxana-Allah, kanina waa dhowr jibbaarka raqamka 17-aad.

7*4= 68.

Suuradda Al Qalam waxay ka kooban tahay 52 aayadood, aayadaheeda oo dhan 4 kamid oo keliya ayaa mid weliba waxay ka kooban tahay 17 xaraf (waa aayadaha 9, 12, 37, 38). Taasoo haddii si fudud aanu u qeexno heleyna sida tan.

4* 17= 68. Subxana- Allaah!!. U fiirso, 4 waa aayadaha afarta ah, 17, waa xuruufta ay ka kooban tahay aayad waluba. Natiijada ay ina siisay arrintaasi, waa tartiibka suuradda oo ah 68.

Waxaa kaloo cajiib ah in afarta aayadood xuruufta kusoo aroortay ay yahiin 17 xaraf oo keliya oo xaraf kale aanu ku jirin, waana sidan xuruufta aayadahaasi afarta ahi ay ka kooban yahiin

و.د.أ.ل.ت.هـ.ن.ف.ي.م.ع.خ.ر.ث.ك. ب . س

Sida aynu kor kusoo bandhignay marka aynu ka hadleynay tartiibka suuradaha xuruufta muqaddaca ka billawda ay Quraanka uga kala jiraan waxaa inoosoo baxday in suuradda Al Qalam ay tahay suuradda 68-aad ee tartiibka Quraanka. Taa macnaheedu waxaa weeye suuradda Al Qalam waa suurad dhaban ah, maadaama ay tartiibka kaga jirta 68, taasoo ah tiro dhaban ah. Suuradaha 29-ka ah ee xuruufta muqaddaca ku billawda, qaar waxay tartiibka Quraanka ugu jiraan tiro kisi ah, qaarna tiro dhaban ah. Suuradaha 29-kaasi xuruufta muqaddaca ku billawda kamidka ahi ee tartiibkooda Quraanka uu yahay tiro dhaban ah ayaa waxay kala yahiin suuradahan kala ah1. Al Baqrah
2. Yuunus
3. Yuusuf
4. Dahaa
5.Ibraahiim
6. Ash- Shucraa
7. Al Qasas
8. Ar- Ruum
9. As- Sajdah
10. Yaasiin
11. Saad
12. Ghaafir
13. Shuuraa
14. Dukhaan
15. Al Axqaaf
16. Qaaf
17. Al Qalam.Subxana-Allaah waa 17 suuradood suuradaha tirada dhabanka ay tahay tartiibkooda Quraanka.Waxaa kaloo cajiib ah, haddii suuradaha Quraanka sida ay u kala dheer yahiin aan ukala hor marinno, suuradda Al Qalam wuxuu tartiibkeedu noqon lahaa raqamka 46-aad, taasoo lamacna ah raqam mucjiseedka suuradda Al Qalam ee 17 oo lagu daray raqamka ishaaraya suuradaha ay kamidka tahay suuradda Al Qalam ee ku billawda xuruufta muqaddaca, kaasoo ah 29.17+ 29= 46 Subxana-Allaah.Waxaa kaloo cajiib tartiibka caadiga ah ee ay suuradda Al Qalam Quraanka kariimka uga jirta ee ah 68 marka lagu daro tartiibka ay suuradda Qalam uga jirta dhererka suuradaha oo ah 46, waxaa inoo soo baxaysa 114, taasoo ka dhigan raqam tireedka tilmaamaya suuradaha Quraanka……..

Dhanka kale suuradda Al Qalam waa suuradda 29-aad marka laga hadlaya suuradaha xuruufta muqaddaca ku billawda, taa macnaheedu waxaa weeye waa suuradda ugu dambeysa ee xuruuf muqaddac ku billaabato. Aayadaheedu waxay ka kooban yahiin 52 aayadood. Labo suuradood oo kale ayaa jiraan oo ay calaaqad raqameed la leedahay suuradda Al Qalam oo ay iyadu saddex ku tahay.

Suuradda Al Cankabuut. Qalam maaddaama ay ahayd suuradda 29-aad ee suuradaha ku billawdo xuruufta muqaddaca ah, Cankabuut waa suuradda 29-aad ee tartiibka Quraanka kariimka ah. Aayadaha Cankabuut waxay ka kooban yahiin 69 aayadood. Farqiga u dhaxeeya aayadaha Al Cankabuut iyo Al Qalam, waa 17 aayadood (69- 52= 17). Subxana Allah.

Suuradda kale waa suuradda Ad- Taariq oo ah suuradda keliya ee ku dhammaato 17 aayadood.Waa suuradda 29-aad marka laga soo billaaba tartiibka nuska dambe (ama gadaale).

Kedista weyn: Haddii aan is barbar dhigno raqam tireedka aayadaha suuradda Al Qalam (52) iyo kan aayadaha suuradda Al Cankabuut (69), waxaa inoosoo baxaya sida tan 5269. Muxuu yahay raqamkani? Waa maxay sirta ku jirta?

Maadaama Quraanku uu yahay labo nus, oo kala ah min 57 suuradood, annagoo ka duuleyna raqamka 57, haddii aynu soo qaadanno suuradaha 57da ah ee ugu aayadaha badan Quraanka kariimka oo ay ku jirta suuradda Al Qalam, ayaa aayadahoodu waxay noqonayaan isku darr 5269, Subxana- Allaah.

Intaan oo qura maahan mucjisada raqameed ee suuraddan Al Qalam, waxayse leedahay mucjisooyin badan oo cajiib ah, ha noqdaan mid raqameed ama ha noqoto mid cilmi intuba, waase intuu Alle ina waafajiyey immika intan. Subxana-Allaah.

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
OG: Emailkeyga kale: [email protected], waa cilladeysan yahay ma furmaya.
____________________________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net