29.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Sirta raqameed ee Suuradda Alqalam

Suuradda Al Qalam waxay kamid tahay suuradaha ugu soo hor degey Quraanka kariimka, wuxuu Ilaahay ku dhaaranayaa horraanta suuraddaasi Qalinka oo ah waxa ugu horreeyey ee uu abuuray. Suuradda Al Qalam, waxay kamid tahay suuradaha 29-ka ah ee ku billawdo xuruufta muqaddaca ah (yacni xuruufta go’an ee Ilaahay uun uu yaqaan macnahooda). Quraanka suuradahiisa waa 114, waxaa loo qeybiyaa labo qeybood oo kala ah nuska hore oo ah 57 suuradood, iyo nuska dambe oo ah 57 suuradood.

Suuradaha 29-ka ahi ee ku billawda xuruufta muqaddaca, 28 kamida waxay ku jiraan nuska hore ee Quraanka, halka suuradda Al Qalam oo keliya ay tahay suuradda ku jirta nuska dambe, Sidoo kale suuradda Al Qalam waa suuradda ugu dambeysa xagga tartiibka marka laga hadlaya suuradaha xuruufta go’an ku billawda. Su’aashu waxay markaasi noqoneysaa ”Maxay tahay sirta ku jirta in laga sooca suuraddan suuradaha kale ee walaalaheeda ah”? Tani waxay muujineysaa mucjisada Quraanka, waxayna ina tusineysaa mucjisa raqameed daahila oo aad u cajiiba.

Suuradda Al Qalam sida aynu xusnay waxay ku taal nuska dambe ee Quraanka, waana suuradda keliya ee lagu xusay nuska dambe, marka laga hadlaya 29-ka suuradood ee xuruufta go’an ku billawda. Haddaba suuraddaasi ayaa ka soocan suuradaha walaalaheeda ah, waxaana ugu dhaw suurad xaraf muqaddac ah ku billaabato suuradda Qaaf oo ah suuradda ugu dambeysa ee kamidka ah 29-ka xuruufta muqaddaca ku billawda ee lagu xusay nuska hore ee Quraanka. Taa macnaheedu waxay tahay suuradda Qaaf, waa suuradda 28-aad ee kamidka ah suuradaha xuruufta go’an ku billawda, halka suuradda Al Qalamna ay tahay suuradda 29-aad. Haddaba aan soo gudbinno marka hore magacyada dhammaan suuradaha xuruufta muqaddaca ku billawda iyo tartiibkooda Quraanka, waana sida tan:

1. Al Baqrah, waa tartiibka suuradda 2-aad
2. Aal Cimraan waa tartiibka suuradda 3-aad
3. Al Acraaf waa tartiibka suuradda 7-aad
4. Yuunus waa tartiibka suuradda 10-aad
5.Huud waa tartiibka suuradda 11-aad
6. Yuusuf waa tartiibka suuradda 12-aad
7. Ar- Racad waa tartiibka suuradda 13-aad
8. Ibraahiim waa tartiibka suuradda 14-aad
8. Al Xijr waa tartiibka suuradda 15-aad
10. Maryam, waa tartiibka suuradda 19-aad
11. Dahaa waa tartiibka suuradda 20-aad
12.Ash- Shucraa waa tartiibka suuradda 26-a-ad
13. An Naml waa tartiibka suuradda  27-aad
14. Al Qasas waa tartiibka suuradda 28-aad
15. Al Cankabuut waa tartiibka suuradda 29-aad
16. Ar- Ruum waa tartiibka suuradda 30-aad
17. Luqmaan waa tartiibka suuradda 31-aad
18. As- Sajdah waa tartiibka suuradda 32-aad
19. Yaasiin waa tartiibka suuradda 36-aad
20. Saad waa tartiibka suuradda 38-aad
21. Ghaafir waa tartiibka suuradda 40-aad
22. Fussilat waa tartiibka suuradda 41-aad
23. Shuuraa waa tartiibka suuradda 42-aad
24. Az- Zukhruf waa tartiibka suuradda 43-aad
25. Ad- Dukhaan waa tartiibka suuradda 44-aad
26. Jaathiyah waa tartiibka suuradda 45-aad
27. Al- Axqaaf waa tartiibka suuradda 46-ad
28. Qaaf waa tartiibka suuradda 50-aad
29. Al Qalam waa tartiibka suuradda 68-aad

Maadaama suuradda Qaaf ay tahay suuradda ugu dhaw suuradda Al Qalam, marka aynu ka hadleyna suuradaha 29-ka ah ee xuruufta muqaddaca ku billawda, waxaa habboon inaan is weydiinno immisa suuradood ayaa u dhexeeya suuradda Qaaf iyo suuradda Al Qalam. Intaa kadib waxaan heli doonnaa suurada u dhaxeeyo inay yahiin suuradahan

Ad- Daariyaat, Ad-Dduur, An Najam, Al Qamr, Ar- Raxmaan, Al Waaqicah, Al Xadiid, Al Mujaadalah, Al Xashri, Al Mumtaxinah, Al Saf, Al Jumac, Al Munaafiquun, At- Taqaabun, Ad- Ddalaaq, At- Taxriim iyo Al Mulki. Markaynu tirinno suuradahani waxaa inoo soo baxaysa inay yahiin 17 suuradood. Taa macnaheedu waxaa weeye 17 suuradood oo aanan ahayn 16 ama 18 iwm ayaa u dhaxayso suuradaha Qaaf iyo Al Qalam. Subxanallaah!! maxay tahay sirta ka soocday suuradda Al Qalam suuradaha xuruufta muqaddaca, ee haddana suuraddii ugu sokeysay ee iyada soo xigtay u jirsiiyey qaddar ah inay u dhaxayso 17 suuradood?

Midda u baahan inaynu qeexnaa ayaa waxay tahay raqamka 17 inuu yahay raqam sireed cajiib ah oo calaaqo la leh numberka 29-aad oo ah raqamka suuradaha ay kamidka tahay suuradda Al Qalam ee xuruufta go’an ku billawda.

Suuradda Al Qalam waxay Quraanka uga jirtaa tariib ahaan raqamka 68-aad. Subxana-Allah, kanina waa dhowr jibbaarka raqamka 17-aad.

7*4= 68.

Suuradda Al Qalam waxay ka kooban tahay 52 aayadood, aayadaheeda oo dhan 4 kamid oo keliya ayaa mid weliba waxay ka kooban tahay 17 xaraf (waa aayadaha 9, 12, 37, 38). Taasoo haddii si fudud aanu u qeexno heleyna sida tan.

4* 17= 68. Subxana- Allaah!!. U fiirso, 4 waa aayadaha afarta ah, 17, waa xuruufta ay ka kooban tahay aayad waluba. Natiijada ay ina siisay arrintaasi, waa tartiibka suuradda oo ah 68.

Waxaa kaloo cajiib ah in afarta aayadood xuruufta kusoo aroortay ay yahiin 17 xaraf oo keliya oo xaraf kale aanu ku jirin, waana sidan xuruufta aayadahaasi afarta ahi ay ka kooban yahiin

و.د.أ.ل.ت.هـ.ن.ف.ي.م.ع.خ.ر.ث.ك. ب . س

Sida aynu kor kusoo bandhignay marka aynu ka hadleynay tartiibka suuradaha xuruufta muqaddaca ka billawda ay Quraanka uga kala jiraan waxaa inoosoo baxday in suuradda Al Qalam ay tahay suuradda 68-aad ee tartiibka Quraanka. Taa macnaheedu waxaa weeye suuradda Al Qalam waa suurad dhaban ah, maadaama ay tartiibka kaga jirta 68, taasoo ah tiro dhaban ah. Suuradaha 29-ka ah ee xuruufta muqaddaca ku billawda, qaar waxay tartiibka Quraanka ugu jiraan tiro kisi ah, qaarna tiro dhaban ah. Suuradaha 29-kaasi xuruufta muqaddaca ku billawda kamidka ahi ee tartiibkooda Quraanka uu yahay tiro dhaban ah ayaa waxay kala yahiin suuradahan kala ah1. Al Baqrah
2. Yuunus
3. Yuusuf
4. Dahaa
5.Ibraahiim
6. Ash- Shucraa
7. Al Qasas
8. Ar- Ruum
9. As- Sajdah
10. Yaasiin
11. Saad
12. Ghaafir
13. Shuuraa
14. Dukhaan
15. Al Axqaaf
16. Qaaf
17. Al Qalam.Subxana-Allaah waa 17 suuradood suuradaha tirada dhabanka ay tahay tartiibkooda Quraanka.Waxaa kaloo cajiib ah, haddii suuradaha Quraanka sida ay u kala dheer yahiin aan ukala hor marinno, suuradda Al Qalam wuxuu tartiibkeedu noqon lahaa raqamka 46-aad, taasoo lamacna ah raqam mucjiseedka suuradda Al Qalam ee 17 oo lagu daray raqamka ishaaraya suuradaha ay kamidka tahay suuradda Al Qalam ee ku billawda xuruufta muqaddaca, kaasoo ah 29.17+ 29= 46 Subxana-Allaah.Waxaa kaloo cajiib tartiibka caadiga ah ee ay suuradda Al Qalam Quraanka kariimka uga jirta ee ah 68 marka lagu daro tartiibka ay suuradda Qalam uga jirta dhererka suuradaha oo ah 46, waxaa inoo soo baxaysa 114, taasoo ka dhigan raqam tireedka tilmaamaya suuradaha Quraanka……..

Dhanka kale suuradda Al Qalam waa suuradda 29-aad marka laga hadlaya suuradaha xuruufta muqaddaca ku billawda, taa macnaheedu waxaa weeye waa suuradda ugu dambeysa ee xuruuf muqaddac ku billaabato. Aayadaheedu waxay ka kooban yahiin 52 aayadood. Labo suuradood oo kale ayaa jiraan oo ay calaaqad raqameed la leedahay suuradda Al Qalam oo ay iyadu saddex ku tahay.

Suuradda Al Cankabuut. Qalam maaddaama ay ahayd suuradda 29-aad ee suuradaha ku billawdo xuruufta muqaddaca ah, Cankabuut waa suuradda 29-aad ee tartiibka Quraanka kariimka ah. Aayadaha Cankabuut waxay ka kooban yahiin 69 aayadood. Farqiga u dhaxeeya aayadaha Al Cankabuut iyo Al Qalam, waa 17 aayadood (69- 52= 17). Subxana Allah.

Suuradda kale waa suuradda Ad- Taariq oo ah suuradda keliya ee ku dhammaato 17 aayadood.Waa suuradda 29-aad marka laga soo billaaba tartiibka nuska dambe (ama gadaale).

Kedista weyn: Haddii aan is barbar dhigno raqam tireedka aayadaha suuradda Al Qalam (52) iyo kan aayadaha suuradda Al Cankabuut (69), waxaa inoosoo baxaya sida tan 5269. Muxuu yahay raqamkani? Waa maxay sirta ku jirta?

Maadaama Quraanku uu yahay labo nus, oo kala ah min 57 suuradood, annagoo ka duuleyna raqamka 57, haddii aynu soo qaadanno suuradaha 57da ah ee ugu aayadaha badan Quraanka kariimka oo ay ku jirta suuradda Al Qalam, ayaa aayadahoodu waxay noqonayaan isku darr 5269, Subxana- Allaah.

Intaan oo qura maahan mucjisada raqameed ee suuraddan Al Qalam, waxayse leedahay mucjisooyin badan oo cajiib ah, ha noqdaan mid raqameed ama ha noqoto mid cilmi intuba, waase intuu Alle ina waafajiyey immika intan. Subxana-Allaah.

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
OG: Emailkeyga kale: [email protected], waa cilladeysan yahay ma furmaya.
____________________________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net

Sawirro & Warbixin: Isbadalka dhinaca nolasha iyo ganacsiga ee Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online)-Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxaa ka socda dib u dhis xooggan waxaana magaalada lagu arkayaa dhismooyin casri ah oo qaar kood isugu jirra hotelo iyo goobo ganacsi.

Wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa ayaa maanta oo Khamiis ah booqday goobo kala duwan oo magaalada ah, waxaana sawirrada hoose la dhigay isbadal xooggan oo magaalada ka socda.

Isbadalkaas wuxuu ku kooban yahay dhinaca dhismaha oo waddo kasta waxaa laga furay hotel dhowr dabaq ka kooban.

Magaalada waxaa ku yaalla suuqyo waaweyne oo la mid ah kuwa Kenya ku yaalla camal ee Mall, waxaana laga helaa wax kasta.

Marka laga soo tago dhismooyinka magaalada waxaa kaloo jirta in waddooyinka qaar ay weli burbursan yihiin waxaana intaas dheer in waddooyinka ay cariiri yihiin.

Magaalada waxaa ku badan gaadidka oo meel kasta gaadiidka gaarka loo lee yahay iyo kuwa shacabka ayaa lagu arkayaa.

Haddaba akhriste halkan hoose ka eeg sawirrada aan ka soo qaadnay Hargysa soo qor aragtidaada.

DSC05630

DSC05616

341

346

336

342

356

358

359

22

349

335

DSC05614

DSC05628

DSC05620

DSC05616

348

DSC05622

DSC05640

DSC05629

DSC05625

DSC05631

DSC05634

DSC05636

DSC05617

DSC05659

DSC05660

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Daawo barnaamij cajiib ah: Nolosha dadka araga la’ ee ku nool MUQDISHO

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo sanadkaan ay u tahay Sanadkii dib u dhiska iyo horumarka taasoo ay qeyb ka yihiin horumaro ku soo kordhaya Magaalada oo aad u farxad gelinaya Shacabka Muqdisho.

Waxaa sidoo kale Muqdisho nolosheeda qeyb ka ah dadka indhaha la’ ee ku nool magaalada, oo iminka howl lagu farxo oo muhiim ah loo qabanayo.

Barnaamijkan waxa uu ka hadlayaa nolosha dadka Muqdisho ee indha la’, oo arrimo lagu farxo ay ka dhex muuqdaan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

“Villa Somalia, ayaa laga soo abaabulay khilaafka iyo dhibaatada jirta”

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada Somalia C/laahi Sheikh Xasan oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka taagan ee Baydhabo ay yihiin kuwa laga soo maleegayo Madaxtooyada Somalia.

Waxa uu tilmaamay in dhawaan safarkii uu Madaxweynaha ku tagay Baydhabo uu ahaa mid lagu doonayo in qalalaasaha siyaasadeed lagu sii huriyo, oo dhibka uu sii bato.

‘’Madaxweynuhu Markii uu tagay Baydhabo waxa uu la kala kulmay maamulada Seddexda gobol iyo lixda gobol kuwaas oo uu midba midka kale u sheegay in maamulkooda ay dowladu aqoonsan tahay ,taasna waxay keeneysaa in halkaas isku dhacyo ay ka bilowdaan’’ sidaas waxaa yiri Guddoomiye C/llaahi Sheekh Xasan

Warkaan kasoo baxay Gudoomiyaha Isbaheysiga Nabada Somalia C/laahi Sheikh Xasan ayaa imaanaya xili Dowlada Somalia weli aysan xal rasmi ah ka gaarin siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka taagan Magaalada Baydhabo.

Si kastaba, dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay dhex dhexaadin doonto dhinacyada isku haya magaalada Baydhaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cabdiraxmaan BEYLE: Soomaalida waa loo baahan yahay ee haka faa’iidesato

Brussels (Caasimada Online) – Magaalada Brussels waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir madaxeedka Midowga Yurub iyo Afrika.

Madaxda ka qaybgashay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo sawirkan ka muuqda isaga oo la taagan Madaxweynayaasha Guddiga Yurub iyo Golaha Jose Manuel Barroso (Bidix) iyo Herman Van Rompuy (Midig).

1544934_10152139494004475_1817039274_n

Haddaba wasiirka arrimaha dibedda Cabdiraxmaan Beyle oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha la socda ayaa ka warbixiyay wax yaabaha shirka looga hadlay iyo Soomaaliya wax yaabaha ay ka faa’iiday.

Wasiirka waxaa uu sheegay in shirka uu ahaa shirweyne caalami ah oo looga hadlaayay dhibaatada ka taagan qaarada iyo sidda Midowga Yurub ay gacan uga geesan karaan dhibatadaas.

Wuxuu sheegay in marka laga soo tago shirkaas ay jireen kulamo gaar-gaar ah oo madaxweynaha uu la qaatay madaxdii ka soo qaybgashay shirka.

Wasiir Beyle ayaa xusay in Soomaaliya aad loo daneenaayo marka loo eego shirka iyo sidda wadamada ka soo qaybaglay shirka Brussels ay u jecel yihiin in Soomaaliya wax la qabtaan.

Wasiirka waxaa la weydiiyay in ay jireen ballan qaadyo dowladda Soomaaliya loo fidiyay intii shirka uu socday, wuxuu xusay in ay jiraan waddamo badan oo ballan qaadyo u fidiyay aaney jirin cid ku dabagasha siddii loo heli lahaa dhaqaalaha ay Soomaalida u ballan qaaday.

Wasiirka wuxuu carabka ku adeeyay in loo baahan yahay in Soomaaliya ay ka faa’ideesato fursada ay maanta heesato ee ah in diyaar lala yahay in dhaqaale iyo taageero la siiyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

PUNTLAND oo khilaafka kala dhaxeeya DF Somalia u magacowday guddi xaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Shirka gollha wasiirada Puntland oo uu shir gudoominayay Cabdi Weli Gaas, ayaa waxaa maanta 3.April.2014 looga hadlay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin ammaanka,macaha madow ee gaadiidka lagu dhajiyo iyo khilaafka Puntland iyo DF.

Wasiiradda ayaa si qoto dheer uga hadlay arinta khilaaf ku saabsan ee u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxana loo saaray guddi wasiiro ah oo aan lagu cadayn qoraalka madaxtooyadda kasoo baxan inta uu dhan yahay iyo sida uu shaqada u gudo galayo waxayna baaris iyo dib u eegis ku samayn doonan arrimaha la isku maandhaafsan yahay.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxmaed Cali (Gaas) ayaa horay u sheegay wixii wada hadal ah ee ku saabsan Puntland iyo DF in loo marayo qaab dastuuri ah isla markasna laga wada xaajoonaya wuxuna cadeeyay hadddii ka kala aamusnaado inaysan waxba hagaagi doonin.

Madaxwaynihii ka horeeyay Gaas ee Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa cadeeyay madaxda Muqadisho inay is-badal iyo wax ka saaris ku sameeyeen dastuurkii KGM ahaa ee lagu wada heshiiyay wuxuna xusay in laga saaray in ka badan labaatan qodob oo muhiim u ah wada shaqaynta dowladda dhexe iyo mamulada dalka ka jira.

Xukumadda cusub si cad uma sheegin sida loola shaqaynayo Dowladda Xasan Shiikh Maxmauud iyo sida loo kala qaybsanayo dhaqaalaha magaca Soomaaliya lagu soo qaado.

Arrimaha kale ee shirka gollaha wasiirada looga hadlay waxaa ka mid ah in aan Puntland la keenin Qaxootiga Somalida ah ee ku nool dalka Norwey taasoo codsi kasoo dirtay madaxda dalkaasi.

Sidoo kale waxaa laga mamnuucay Puntland isticmaalka beersoolka madow ee gaadiidka lagu dhajiyo kuwo dowlada iyo shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Xildhibaano dagaal ku haya Muqdisho oo diyaariyey shirqool ujeedku yahay..

Magaalada Muqdisho ayaa noqotay Magaalada ugu ayaanka daran caalamka, arrintaas oo ay sabab u tahay magaalada oo noqotay caasimad mudo dheer dagaalo sokeeye ka jireen.

Dagaalada sokeeye kadib oo dawlad Soomaaliyeed dhalatayna fadhi u noqotay Dawlad Soomaaliyeed oo Magac u yaal ah oo aan Soomaaliya xukumin, balse culeys uun ku saa’idisay caasimada Muqdisho.

Muqdisho waa Caasimaddii Dalka, waa Fadhiga Dawlada Federaalka Soomaaliya, Waxaa Fadhiista Baarlamaanka ka Kooban 275-ka Xildhibaan, Golaha Wasiirada iyo Dhamaan Laamaha Dawladda Federaalka Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Xamar kama hadlaan xusuuqda dadka Xamar, kama hadlaan horumarinta Muqdisho.

Inkastoo Dalka Soomaaliya uu leeyahay 4 Dekadood, Garoomo kala Duwan oo Caalami ah, Dawladda Soomaaliya waxaa ay maamushaa oo Kaliya Magaalada Muqdisho, Miisaaniyada Dawladda ee haatan Baarlamaanka hortaal oo ah lacag ka badan 280 Milyan oo Doolar waxaa ay ka imaanaysaa Canshuurta Dekeda iyo Garoonka, Haatan waxaa la bilaabayaa oo golaha wasiirada ansixiyeen, miisaaniyada Dawladdana qeyb ka ah Canshuurta Beriga, Dhamaan Miisaaniyada Dawladda waxaa ay ka imaanaysaa Magaalada Muqdisho, Mushaarka Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Laamaha kala duwan Dawladda waxaa laga bixinayaa Canshuurta beriga, Dekedda iyo Garoonka Muqdisho.

Xildhibaanada Soomaaliya oo ah 275 iyo xukuumada oo ka soo jeeda 5-ta beelood oo Soomaalidu wax ku qeybsato waxaa ay ka kala yimaadeen 18-ka Gobol ee Soomaaliya. Xildhibaanadaan weligood kama hadlin maadaama ay metelaan dhamaan Soomaaliya in Dhaqaalaha Dekedaha Kismaayo, Boosaaso iyo Berbera lagu soo daro Miisaaniyada Dawladda, arintaas Caalamku gacan ka siiyo, maadaama aysan suuragal ahayn in Muqdisho Kaliya Soomaalidu shirko ku noqoto.

Muqdisho, waxaa ay u baahan tahay in horumarkeeda laga fikiro oo jidadka iyo iskuulaad loo sameeyo, in ciidan ammaan loo sameeyo, caasimadu waxaa ay u baahan tahay inta ay u baahan yihiin magaalooyinka kale ee dalka oo Dekedaha iyo Garoomada ku yaaliin sida Berbera, Hargaysa, Boosaaso, Garoowe iyo Kismaayo.

Ayaan darada Muqdisho ku dhacday waxaa ka mid ah inay fadhi u noqotay 275 Xildhibaan oo inta badan aan danaheeda iyo horumarkeeda ka fikireyn, waa Caasimada dalka oo Dhaqaalaha ka soo xarooda ay mushaar u qaataan xildhibaanadu, Golaha wasiirada iyo laamaha Dawladda dhamaan waxaa lagu maal geliyaa dhaqaalaha Dekeda, garoonka iyo ganacsatada Muqdisho laga qaado, sidaas oo ay tahay weligeed lama maqlin xildhibaanada oo ka hadlaaya in jidadka xamar burbursan la sameeyo, magaalada koronto lageliyo.

Maalmahaan Fadhiga Baarlamaanka waxaa ka billawday Dood ku saabsan Miisaaniyada Dawladda oo Xildhibaanada qaar lee yihiin waa in Lacagta miisaaniyada la gaarsiiyaa dhamaan gobolada Dalka, Xildhibaanadaan isma weydiinin Miisaaniyadaan iyaga laga biilo oo halka Magaalo laga qaado Soomaaliya oo dhan miyaa la gaarsiinayaa gobolada Dalka?

Xildhibaanada 275-ta ka kooban oo noqday caqabad in Soomaaliya Dawladnimadeedu shaqeyso ayaa doonaya in dhaqaalaha Dekeda, Garoonka iyo ganacsatada Muqdisho laga qaado in loo qeybiyo 18-ka gobol Soomaaliya, Xildhibaanadaan caqabada ku noqday Muqdisho iyo Soomaaliya inay dawlad shaqeynaysa yeelato ayaa qaarkood kasoo jeeda Maamulada Puntland, Maamulka KMG ah ee Juba, Xildhibaanadaan waxaa Mushaar labaad ka qaataan Maamulada ay difaacayaan in dhaqaalaha Dekedaha iyo Garoonada ay Maamulaan aan Dawlada Federaalku lug ku yeelan, Xildhibaanadaani waxaa ay xaqiijiyeen sanadihii lasoo dhaafay in Magaalada Muqdisho culeys la saaro, dhaqaalaha Muqdishana Dawladda Federaalku Maamusho.

Ma cadaalad baa in Dawladda Soomaaliya Wasaaradeeda maaliyada Baarlamaanka horkeento Miisaaniyad laga qaadayo Hal Magaalo iyo Hal shacab, balse Dawladda Federaalka oo Soomaalidu ku dhan tahayna ay maamulayso, Wasiirka Maaliyda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii geed dheer iyo mid gaabanba u koray In Maamulka KMG ah ee Jubba la sameeyo, Dawladda Soomaaliyana aqoonsato, Wasiirka oo qaraabo dhow la ah hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba Ahmed Madoobe, Miisaaniyada Dawladda kuma soo darin dhaqaalaha kasoo xaroonaya Dekeda Kismaayo!

Ayaandarada ku dhacday Muqdisho waxaa weeye inay fadhi u noqotay dawlad Federaal KMG ah oo uun magac ahaan u jirta laakiin aan si dhab ah u shaqeynin, Dawladaas oo Baarlamaankeeda iyo Wasiiradeedu wadaniyadu ku yar tahay, xubnahaan oo magaalada usoo shaqo tagay, Magaalada culeys ku ah, Magaalada Muqdisho dhaqaalaheeda inay qaataan u yimid,

Baarlamaanka iyo Xukuumada Soomaaliya ebid kama hadlin maadaama Dalku federal yahay sida dhaqaalaha Dalka loo qeybsanayo, Federaalka Soomaaliya laga hergelinayo nooca uu yahay, Waxyaabaha Dawladda Federaalku maamuleyso iyo waxyaabaha Maamulada Goboladu Maamulayaan! Sida haatan Federaalka la sheegay u shaqeynayo ma tahay sidii lagu gaari lahaa Dawlad Soomaaliyeed oo shaqeysa!

Soomaaliya Ma federal Baa ka jira mise Muqdisho uun ayaa Federaal lagu yahay!

Ma Miisaaniyad Qaranbaa mise waa Canshuurtii Xamar oo Federaal lagu magacaabay!

Inteebey sii socon kartaa in Muqdisho Marti geliso Xildhibaan Cansuurta Muqdisho lagu biilo balse ka shaqeynaya Baabi’inta Muqdisho!

Xildhibaanadu ha ogaadeen in Soomaaliya xildhibaano u yihiin oo ay metelaan Soomaaliya, waa in doodoodu ku salaysnaataa sidii lagu gaari lahaa sidii dawladda Federaalka u gaari lahayd dhammaan Dalka Soomaaliya, Canshuuraha Dalka dhamaan hal meel ugu dhici lahaayeen, Horumarna dhamaan dalka loo gaarsiin lahaa.

Akhristoow ogsoonow dhaqaalaha Caalamku ugu deeqo Soomaaliya oo kor u dhaafaya sanadkii sida la sheego dhaqaalo ka badan halka Bilyan oo Doolar inaan lasoo marsiin dawlada federaalka Soomaaliya, Muqdisho iyo Koofurta Soomaaliyana ay kasoo gaarto wax aad u yar, marka la fiiriyo dhaqaalaha la siiyo Somaliland iyo Puntland.

Waxaa intaan oo idil kasii darran in dadka u dhashay Muqdisho ee xildhibaannada ah, ee madaxweynaha ah inaanay lahayn caqli ku filan, maskax fikirta, uma damqadaan magaaladan, kama naxaan, uma doodaan dadkooda iyo deegaankooda. Waxaa cad in Muqdisho ay tahay magaalada kaliya ee aan cidna u matalin baarlamanka, maadaama kuwa matala ay yihiin sida dhagxaan meel la dhiggay.

Haddaad rabto dheh kuwa qoro Caasimada Online waxa ay ku waasheen Muqdisho, laaakiin waxaan ka hadleynaa oo kaliya caddaalad. Caddaaladdu waa in aan wax walba wadaagnaa ama aynaan waxba wadaagin. In Muqdisho shirko lagu noqdo, magaalooyinka kalena gaar loo lee yahay caddaalad maaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Jawaari: Waan ka daahnay BAYDHABA

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyay wax yaabaha uga soo qabsoomay intii uu joogay magaalada Baydhabo oo ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed.

Isagoo kula hadlaayay Saxaafadda Muqdisho ayuu Jawaari sheegay in uu soo arkay dad u helaan nabad oo doonaya in ay khilaafkooda ku dhammeeyaan wadahadal sidda uu yiri.Wuxuu sheegay oo kale intii uu joogay Baydhaba isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo in ay kulamo la qaateen odayaasha iyo siyaasiyiinta magaaladaas isku haya isagoona intaas ku daray in dhammaan kulamadaas ay ku soo dhammaadeen guul.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa ammaan u jeediyay dadka reer Baydhabo iyo wax-garadkooda isagoona uga mahad celiyay sidda ay u soo dhaweeyeen.

‘‘Waaxn utagnay dad ku dedaalaya una ooman inay dhistaan maamul goboleed inkastoo dhexdooda ay aaraah siyaasi ah isku khilaafsan yihiin hadana waxaa mahad ilaahay ah in aad isku afgarteen oo ay walaalnimo isugu yimaadeen diyaar u yihiin inay wadahadlaan oo wax shacabka umidaysanyihiin meesha kasoo saaraan’’ ayuu yiri Jawaari

Gudoomiyuhuu wuxuu sidoo kale qiray in dowladu dhexe ay kasoo daahday in howlahaas ay wax ka qabato wuxuu sheegay in isaga iyo madaxweynuhuba ay balanqaadeen had wixii ka dambeeya in Baydhaba howlaha ka socda aan loo kala harin.

Magaalada Baydhabo waxaa horrey u tagay wafdi kale oo uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliy, Xasan Sheekh Maxamuud kuwaasoo iyagan u tagay magaalada siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka aloosan magaalada oo ka dhalatay markii lagu dhawaaqay labo maamul oo iska soo horjeeda.

Si kastaba, ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in uu tagi doono Baydhabo si uu ugu biiro dedaalada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada ka taagan Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MAGACYADA siyaasiyiin iyo ganacsato caan ah oo ku jira xabsiga Muqdisho

Odoyaal Dhaqameed ay isku Hayb yihiin Siyaasiin iyo Ganacsto Dhawaan Dowladda Federaalka ay Xabsiga u taxaabtey oo Warbaahinta la soo xiriirey ayaa waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka Codsadeen in la sii daayo Siyaasiinta iyo Ganacsatada oo ay sheegeen in si gardaro ah loo xirey iyagoo aan wax dambi ah gelin, islamarkaana ka qayb galayey waxay ku tilmaameen Kalfadhigii Labaad ee Maamulka Banaadir State oo ka socdey Hotelka Kuweyt Plaza ee Magaaladda Muqdisho

“Siyasiyiintaas iyo Ganacstadaas waxay u Xiran yihiin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab) wixii dhibaato ah ee ka yimaada Xariga Xubnahaas waxaa Dusha u ridan Doonto Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Maamulkeeda Gobolka Banaadir “ayey yiraahdeen Odoyaashaas oo sheegey in Ragaas ay xiran yihin Muddo Sadax Maalmood ah taasoo ay Xuseen in uu Xarigoodu ka hor imaanayo Dastuurka Dalka oo sheegeya in aan Muwaadinka lagu hayn Karin Xabsi muddo ka badan 24 Saac Maxkamad la’aan

Odoyaashaas waxay kaloo sheegeen in Dowladda Fedraalka ay wado wax ay ugu yeereen Caburin waayo bay yiraahdeen Dastuurku waxaa uu ogolaanaya in Mawaadinka Soomaaliyeed uu si Xor ah uga qayb geli karo Shirar iyo isku Imaatin. marka ma garaneyno Sababaha loo qabtey Xubnahaas oo ay sheegeen n ay ka qayb galayeen Kalfadhigii labaad ee Maamulka Banaadir State kaasoo ay sheegeen in ay hore u qabsadeen kafadhiyo noocaas oo kale .

Xubnaha haatan ku jira Xabsiga waxay kala yihiin Muxyadiin Maxamed Xaaji oo mar Dowladii Cabdulaahi Yuusuf ka soo noqdey Wasiirka Gaashaandhiga, Ganasade Cumar Shariif , Milkiilihii Hotelka Kuweyt Palaca iyo Xubno kale. sidoo kale Siyaasiyiin ku nool Magaaladda oo sheegey in ay ka Careysan yihiin Falka lagula kacay Ragga la xirxirey ayaa dhinaca kale dalbadey in la sii daayo waxayna intaa ku dareen in Dowladda Federaalku ay ku Xadgudubtey Ragaas Siyaasiyiinta iyo Ganastada isugu jira oo aan wax dambi ah gelin, waxay ku Celceliyeen Siyaasiyiintaas haddii aan deg deg loo siideyn ragga Xiran in wixii dhibaato ah ee ka yimaado ay dusha u ridan doonto Dowladda Fedraalka,

Dadka Ehelka la ah Siyaasiyiinta iyo Ganastada u Xiran Dowladda Federaalka ayaa ku doodaya in sharciga lagu Xirey Ragaasuu soo baxay Saacado ka dib markii Xabsiga loo taxaabey qaar ka mid ah Dadkii ku shirsanaa Hotel Kuweyt waxayna Wareegtada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho soo saarey amreysey in Shir ama Kulan aysan Maamulka Banaadir ka war qabin lagu qaban Karin Magaalada Muqdisho, iyadoo amarkaas uu sheegeyey in Ciddii ku Xad gudubta loo taxaabi doono Xabsiga, hase yeeshee Odoyaasha iyo Siyaasiyiintaas ayaa waxay sheegeen in Amar Gudoomiyaha uu yahay mid ka hor imaanaya Dastuurka iyo Xeerarka u degsan dalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

Xildhibaan iska casilay BF Soomaaliya sheegayna sabab yaab leh oo kaliftay

Baladxaawo (Casimada Online)- Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Xirsi oo ku magac dheer Cabdulaahi Qodax ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay baarlamaanka Soomaaliya oo uu xubin ka ahaa.

Isagoo la hadlaayay BBC-da ayuu sheegay in markii uu arkay howsha uu hayo iyo lacagta badan ee uu qaato in aaney isku mid ahayn sidda uu yiri.

Xildhibaanka oo ku sugan Baladxaawo ayaa mar uu ka hadlaayay wax yaabaha ku kalifay in uu iska casilo xilka wuxuu tilmaamay in uu ka mid ahaa dadkii u ololeenayay siddii Soomaaliya ay uga bixi lahayd kumeel gaarka isagoona intaas ku daray in madaxda dowladda aaney diyaar u ahayn in ay wax ka qabtaan xaaladda.

“Waxaan ka mid ahaa dadka jecelaa in Soomaaliya ay ka baxdo KMG ah oo ay hesho xaalad aad u fiican balse arrintaas ma noqon mid suurta gal ah oo madaxda dowladdana diyaar uma ahan in ay wax ka qabtaan xaalada” ayuu yiri Xildhibaan Qoodax.

Waxaa la weydiiyay in xilka uu hayay oo ay u soo xusheegeen beeshiisa in uu kala tashaday, wuxuu ku jawaabay in ay la socdaan oo wax yaabaha ku kalifay ay qayb ka tahay maadama xilka uu hayo la rabo in uu wax ugu qabto beeshiisa.

Xildhibaanka waxaa kaloo uu caddeeyay in lacagta ay qaataan xildhibaannada baarlamaanka iyo shaqada ay qabtaan in aaney is lahayn, wuxuuna xusay in lacago badan ay qaataan balse aaney shaqooyin badan qaban sidda uu yiri.

“Lacagta la siiyo baarlamaanka waxaa laga qaadaa shacabka, marka waa in wax loogu qabtaa balse shaqada aan qabano iyo lacagta aan qaadano wax is leh ma ahan, waana taas mida igu kaliftay in isaga tago xilka” ayuu yiri.

Waa xildhibaankii ugu horreeyay ee si cad ah u sheega in uu iska casilay xilka xildhibaannimo markii uu arkay in uusan waxbo qaban karin.

Casimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxweyne Xasan oo ka qaybgalaya shirweyne muhiim ah oo looga…

Brussels (Caasimada Online)- Magaalada Brussels ee dalka Belgium waxaa ka furmay shirweyne ay qeybgalayaan ku dhawaaq 800 oo ah hoggaamiyaal ka socda Midowga Yurub iyo Midowga Afrika

Madaxda ka qaybgaleysa shirka waxaa ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay gaareen galabta Brussels.

Shirkan ayaa si weyn looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin colaadaha, muhaajiriinta sharci-darrada ku safra iyo casbida ka dhalatay qalalaasaha xag-jiriinta.

Shir gaar ah oo 15 hoggaamiye oo Afrikaan ah ay ka qeybgalayaan oo kulanka barbar socda ayaa lagu wadaa in looga wada-hadlo xaaladda dalka Central African Republic.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulamo gooni-gooni la qaato madaxda ka qeybgaleysa kulanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Brussels

[email protected]

Xero lagu dhaqo Geella oo caanihiisa lagu iibiyo oo Muqdisho laga furay

Muqdisho (Caasimada Online)- Ganacsato Soomaali ah ayaa hindistay in magaalada Muqdisho ay ka furaan xero lagu dhaqo Geella.

Geellaaas ayaa la sheegay in maalintii labo jeer laga maalo caano loona iibgeeyo mehradaha cuntada ee magaalada.

Geella oo lagu yaqiin baadiya ayaa hadda waxaa laga heli karaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya.

Geel lagu dhaqo magaalada Muqdisho
Geel lagu dhaqo magaalada Muqdisho

Dhawaan ganacsato Soomaali ah ayaa ku fikiray in ay sameeyaan arrin aan Muqdisho horrey loogu aqiin, kaddib markii go’aansadeen in ay Geel ku soo xiraan xaafaddaha Muqdisho ay ka kooban tahay qaarkood, sidda ay uga xaqabtiraan baahida ay u qabaan caano Geel oo saafi ah.

Mahad Axmed iyo saaxibadiis waxa ay xero Geel ka fureen duleedka Muqdisho waxaanaa ay ka mid tahay tobanaan xarumo geel oo dhammaantood loo furay arrimo ganacsi dartood.

“Caano Geel oo saafi ah oo aan laga heli Karin magaalada Muqdisho ayaa nagu dhalisay in caano gee oo saafi ah ama Geel aan magaalada ku xareyno si looga helo maqaayaddaha iyo goobaha muhiimka oo dhan ee ganacsiga si caano geel looga helo.”ayuu yiri Maxamed Axmed.

Tobanaanno halaad ayaa lagu badalaa waqti markii laga keeno dhul daaqsimeed magaalada aan siddaas uga fogeyn.

Labo jeer ayaa la lisaa maalintii waxaana caanahooda lagu iibiyaa hotelada iyo maqaayaddaha waaweyn ee magaalada Muqdisho.

“Geelle nooja waa badan ilaa 300 oo neef ayaa noo joogta oo qayb ay baadiyaha noo jiraan qaybna ay magaalada joogaan, caanaha ilaa 300 oo litir ayaan maalintii ka soo saarnaa” ayuu yiri Mahad.

Caanaha Geelle aad ayaa looga jecel yahay Muqdisho waxaana taasi ugu wacan dad badan oo baadiyaha ku soo koray caano bandanna cabi jiray ay magaalada u soo guureen siddoo kalena Soomaali badan ayaa aaminsan in caanaha dawada ay daawo u yihiin cudurada qaarkood.

Soomaalida waxa ay caan ku yihiin dhaqashada Geella oo caanaha iyo hilibkiisa ay aad u jecel yihiin, waxaana taas ay aad uga muuqataa sugaantooda.

Qoysas badan ayaa carruurtooda u dira baadiyaha si ay caano geel u soo cabaan, waxaana ay aamisan yihiin ilmaha caanaha geelle caba uu ka koorinsho fiican yahay kana xoog badan yahay asaagiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Xusuusta Xamar & berisamadki

Magaalo madaxda Somalia ee Muqdisho xili waxaa jirtay ay aheyd Caasimadda ugu horumarsan Qaarada Africa waxaa la oron jiray Waagii bariisamaadka Muqdisho Magaalo Madax u ah Caasimadaha Afrika.

Muuqaalka maanta aan idiin soo xuleyno waa Xusuusta Xamar & Xiligii Bariisamaadka ee nala daawo waxaa hubal ah in aad ka heli doonto.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dhageyso: Guuleed iyo wasiir kale oo lagu dhegan yahay loogana yeeray BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aan ka soo baxay Golaha Shacabka ayaa waxa lagu Cambaareeyay Falkii lagu dilay seddeedii oday dhaqameed ee ka soo safray Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay kuwaasi oo ku soo jeeday deegaanka Number 50- ee Degmada Afgooye.

Go’aanka ka soo baxay Golaha Shacabka ayaa waxa Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya u aqriyay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad.

Sidoo kale Go’aanka ka soo baxay Golaha Shacabka ayaa waxa loogu yeeray in 15-Maalmood Gudahooda ay Baarlamaanka ku hor yimaadaan Wasiirka Waasaarada Amniga Cabdi Kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud sida uu mar kale ku dhawaaqayo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay Ansixinta Go’aanka ka soo baxay Golaha Shacabka waxana la sugaya markii Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga ay hor yimaadaan Baarlamaanka jawaabta ay ka bixiyaan Arrimahaasi.

Halkan ka dhageyso go’aanka baarlamanka

bar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

BF Somalia oo loo gudbiyey mooshin ka dhan shirkadda Favori iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah waxa ay mooshin ka keeneen shirkadda FAVORI oo ah shirkad laga lee yahay dalka Turkiga isla markaana gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa xildhibaannada mooshinkaas oo gudbiyay ayaa VOA-da u sheegay in la ogaaday shirkadaas in ay dalka ka wado arrimo aad u fool xun maadama in ka badan lix kun oo shaqaale ka shaqeeya shirkadda ay sheegtay in ay ceyriin doonto.

“Qoddobka maanta baarlamaanka uu ka hadlay wuxuu ahaa ajandahaugu jiray miisaaniyadda shirkad laga yeehay Turkiga iyo odayaashii dhaqanka ee Baydhabo ka yimaadeen agagaarka Baydhabo arrimahaas ayuu baarlamaanka aad uga doodday” ayuu yiri Dalxa.

Wuxuu sheegay in baarlamaanka ay xukuumadda ka codsadeen in la joojiyo shaqada ay ka hayso garoonka iyo dekedda Muqdisho sidda uu yiri.

Mar la weydiiyay wax yaabaha laga dhahay shirkadda FOVORI wuxuu sheegay in marka horre xukuumadda ay soo gudbiso heshiiska ay la gashay shirkadaas iyo waxa uu qorayo, isagoo intaas ku daray in shirkadda laga lee yahay Turkiga ay si sharci daro ah uga shaqeyso dalka.

Xildhibaan Dalxa ayaa tilmaamay in qaar badan oo ah shaqaalaha garoonka iyo kuwa dekedda loo sheegay in la ceyrin doono dhawaan.

“Baarlamaanka wuxuu matalaa shacabka Soomaaliya, waxaana loo soo gudbiyay cabashooyin ah in shaqaalihii ka shaqeenaayay garoonka iyo dekedda la ceyrinaayo siddoo kalena shirkadda ay keentay dalka shaqaale ajaabiib ah” ayuu yiri Dalxa.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Dalxa in wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre looga baahan yahay in uu caddeeyo eeda loo jeediyay shirkadda Fovori, taasoo ah in la ceyriyo in ka badan 6000 oo shaqaale.

Caasimada Onlineo

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

RW C/Welli oo shaaciyey safar gudaha dalka dhexdiisa ah oo uu ku tagayo…

Muqdisho(Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Welli Axmed Maxamed oo la hadlay warfidiyeenka ayaa soo hadal qaaday xaalada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Cabdi Welli ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ay tageen dhawaan magaalada Baydhabo si loo dhameeyo xaalada cakiran ee magaaladaasi.

R/Wasaaraha ayaa cadeeyay in sidaasi si lamid ah dhawaan uu tagi doono magaalada Baydhabo si loosoo afjaro dhibaatada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo, wallow waqtiga rasmiga uusan sheegin.

“Waxaad la socotaan dhawaan Baydhabo waxaa tagay Xasan Sheikh iyo Jawaari, aniguna dhawaan ayaan tagi doonaa waxaan dooneynaa wada shaqeyn dhexmarta shacabka iyo dowladooda”ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdi Welli.

Wuxuu muhiim ku tilmaamay ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya in isfaham buuxa uu dhexmaro masuuliyiinta dowlada iyo shacabka ku dhaqan deegaanada gobolada Baay iyo Bakool.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha dalka ayaa magacaabay labo gudi oo ka shaqeeya xaalada dalka Soomaaliya iyo caawinta shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DFS oo qalab ciidan ka heshay ITALY

Muqdisho (Caasimada Online) –Dowladda Talyaaniga ayaa waxa ay gaadiid dagaal ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska ciidanka Milateriga iyo Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa gaadiid gaaraya 10 waxaa lagu wareejiyay ciidamada Booliiska Soomaaliya halka 12-gaadiidna lagu wareejiyay ciidanka Milateriga.

Taliyaha ciidanka Milateriga Soomaaliya ayaa goobta ka sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo Dowladda Talyaaniga kaalmada ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ciidamada qalabka sida ay yihiin dhalaan yar oo u baahan garab qabasho, Dowladda talyaanigana uu ka codsanayo in la garab qabto.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhankiisa ka mahadceliyay tallaabada Dowladda Talyaaniga ku caawinayso Dowladda Soomaaliya, isaga oo ka hadlay xiriirka Talyaaniga iyo Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in marwaliba ay Soomaaliya garab taagan yihiin oo ay taageerayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

MADAXWEYNE si qarsoodi ah loogu doortay magaalada Muqdisho maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan qarsoodi ahaa ayaa maanta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu doortay madaxweyne cusub oo uu yeesho maamul loogu magac daray BANAADIR State.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xildhibaano la sheegay in maamulka uu leeyahay ayaa waxay soo doorteen madaxweynaha maamulka Banaadir State, sida ay sheegeen xildhibaanada qaar.

Maxamed C/raxmaan Cali ayaa la sheegay inuu ahaa madaxweynaha maamulkaasi, laakiin uu iska casilay xilkaasi taasi oo dhalisay in doorasho maanta la qabto, sida afhayeenka baarlamaanka maamulkaasi uu sheegay.

Tirada xildhibaanada ka qeyb gashay kulanka qarsoodiga ahaa ayaa gaareysay 93 xildhibaan, waxayna ku shireen Hotel ku yaala degmada Waaberi, maadaama Muungaab dhawaan amar uusoo saaray lagu mamnuucay shirka maamul u sameynta Banaadir State.

Madaxweynaha maamulka Banaadir State ayaa maanta waxaa loo doortay Cabdulaahi Axmed Maxamed Dheere, isagoo helay 87 cod oo gacan tag ahaa.

Ugu dambeyntii qaar kamid ah xildhibaanadii ka qeyb galay doorashadaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin waxyaabihii kasoo baxay natiijada codbixinta ee maamulka Banaadir State.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo: Qoshaha Cabdi Weli Maxamed Qanyare oo digniin culus laga bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweynaha iska leh dhul ku yaalla degmada Dayniile, oo uu Cabdi Weli Qanyare isku dayayo inuu dhaco, ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay kaga digayaan qorshahaas.

Shirka jaraa’id, oo laga sii daayey Universal TV, ayaa waxa ay ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka uga digayeen inaysan ku kadsoomin falka boobka ah ee Cabdi Weli Maxamed Qanayre.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Cabdi Weli Qanyare uu toddobaadkii tagay wasiiro ka tirsan DF geeyey dhulkan ku yaalla Dayniile, oo hadda ka hor uu dhacay aabihiis Maxamed Qanyare Afrax, balse laga soo celiyey markii ay maxkamadaha islaamiga ah qabsadeen Muqdisho.

Waxa uu Cabdi Weli Qanyare u sheegay wasiirada DF inuu doonay inuu dib u furo garoonkaas, si uu magaca dowladda ugu dhex qariyo qorshihiisa dhul boobka.

Dadkii ka hadlay shirkan jaraa’id, oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Barrey Siid Cali iyo Ismaaciil Maxamed Siid Cali, oo dhulkan wax ka leh, ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta dhul boobka uu wado Cabdi Weli Qanyare.

Waxa ay dowladda Somalia u sheegeen inay suurta gal ahayn in Cabdi Weli Qanyare uu mar kale dib u xoogay dhul aabihiis laga soo ceshtay, ayaga oo maaulka gobolka iyo guddoomiye Muungaab ka codsaday inay arrinta soo fara-geliyaan.

Waxa ay sheegeen in dhulka yahay mid sharciyeysan ayna haystaan waraaqadaha milkiyadda dhulka, ayna nafta ag dhigi doonaan, una dhiman doonaan si ay Cabdi Weli Qanyare isaga dhacshaan.

“Suuta gal ma ahan, waxaan dowladda u sheegeynaa in dhul dad lee yihiin, aan laga dhaadhicin in garoon laga dhigayo” ayay yiraahdeen.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id, kana billow daqiiqadda 43

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]