29.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Daawo: Qoshaha Cabdi Weli Maxamed Qanyare oo digniin culus laga bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweynaha iska leh dhul ku yaalla degmada Dayniile, oo uu Cabdi Weli Qanyare isku dayayo inuu dhaco, ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay kaga digayaan qorshahaas.

Shirka jaraa’id, oo laga sii daayey Universal TV, ayaa waxa ay ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka uga digayeen inaysan ku kadsoomin falka boobka ah ee Cabdi Weli Maxamed Qanayre.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Cabdi Weli Qanyare uu toddobaadkii tagay wasiiro ka tirsan DF geeyey dhulkan ku yaalla Dayniile, oo hadda ka hor uu dhacay aabihiis Maxamed Qanyare Afrax, balse laga soo celiyey markii ay maxkamadaha islaamiga ah qabsadeen Muqdisho.

Waxa uu Cabdi Weli Qanyare u sheegay wasiirada DF inuu doonay inuu dib u furo garoonkaas, si uu magaca dowladda ugu dhex qariyo qorshihiisa dhul boobka.

Dadkii ka hadlay shirkan jaraa’id, oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Barrey Siid Cali iyo Ismaaciil Maxamed Siid Cali, oo dhulkan wax ka leh, ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta dhul boobka uu wado Cabdi Weli Qanyare.

Waxa ay dowladda Somalia u sheegeen inay suurta gal ahayn in Cabdi Weli Qanyare uu mar kale dib u xoogay dhul aabihiis laga soo ceshtay, ayaga oo maaulka gobolka iyo guddoomiye Muungaab ka codsaday inay arrinta soo fara-geliyaan.

Waxa ay sheegeen in dhulka yahay mid sharciyeysan ayna haystaan waraaqadaha milkiyadda dhulka, ayna nafta ag dhigi doonaan, una dhiman doonaan si ay Cabdi Weli Qanyare isaga dhacshaan.

“Suuta gal ma ahan, waxaan dowladda u sheegeynaa in dhul dad lee yihiin, aan laga dhaadhicin in garoon laga dhigayo” ayay yiraahdeen.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id, kana billow daqiiqadda 43

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ethiopia oo qabaneysa wixii uu Xasan Sheekh qaban waayey (Warbixin)

Dowladda Itoobiya laga soo bilaabo markii ay dhacdey Dowladi Miltariga ahayd waxay Galaagal ku lahayd arrimaha Siyaasada Soomaaliya, waxayna Milatatri ahaan Soomaaliya Ciidamadeedii Xoog u soo gelisey Sannadki 2006 , Xiligaas oo ay taageereysey Dowladii Cabdulaahi Yuusuf oo Dagaal ku soo qaadey Ciidamadii Maxaakiimta Islaamka , haatan waxay Ciidamadeeda ku jiraan Gobolo ka mid ah Soomaaliya mar ay u Xuubsiibatey ama ku biirtey Ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM, iyadoo taasi jirto ayaa warar aan heley waxay sheegayaan in Dowlada Itoobiya ay dooneyso in ay Dhexdhaxaadiso Maamulada isku haya Magaalada Bayadhabo.

Wararka waxaa uu intaa ku darayaan in marka Dowlada Federaalka ay ka quusato arrimaha ka taagan Magaalada Bayadho Heshiisiintooda la sheegey in ay isku hayaan Maamul sheegayanay Lix Gobol iyo Maamul sheegayanaya Saddex Gobol in Dowlada Itoobya ay isugu geeyso Magaalada Adis –Ababa si halkaas loogu dhexdhexaadiyo loona dhameeyo Siyaasada Cakiran ee ka taagan Magaaladda Bayadhabo sida Sannadkii hore dhacdey Bishii Agoosto 28 2013 waxaa Magaalada Adis-Ababa Heshiis ku gaarey Maamulka Jubba iyo Dowladda Federaalka kaasoo ay Garwadeen ka ahayd Dowladda Itoobiya .

Siyaasiyiin si aad ah ugu Dhuun Daloola Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in Dowladda Itoobiya ay dooneyso in labada Dhinac ee isku haya Magaaladda Baydhabo mid waliba uu Tanaasul Sameeyo,si meel dhexE ay Dowladda Itoobiya isugu keento hase yeeshee warar baa sheegaya in Itoobiya ay dooneyso in ay taageerto Dhinaca Saddex Gobol,maadaamaSadexda Gobol oo ka mid ah Gobolada la isku hayo ay Dowladda Itoobiya ay dooneyso in loo dhaafo Dowladda Kenya.

Dowladda Itoobiya haddii ay ku Guuleysato in ay dhexdhexaadiso Labada Kooxood ee isku haya Magaaladda Baydhabo waxaa u hirgalaya Hamigeedii ahaa in inta badan Gobolada Maamulada ka jira ay Gacantooda soo gasho oo qaar ka mid ah ay Milatari ahaan ku joogto kuwa kalena ay ka shaqeyaaan Siyaasadeeda sida Maamulada Soomaaliland iyo Pundland iyadoo Maamulka ka jira Jubbooyinka uu ahaa Maamul iyadu ka soo Shaqeysey in heshiis lagu gaaro Dalkeeda .

“Kooxaha isku haya Magaaladda Baydhabo haddii ay qaadan waayaan Heshiiska ay wadaan Saddexda masuul ee ugu Sareysa Dowladda Federaalka Waxaa Ayaandaro noqoneysa in Kooxahaas ay qaataan Heshiis ay wado Dowlada Itoobiya ee ay ku dooneyso in lagu dhameeyo Xiisadda ka taagan Magaalada Baydhabo ” ayuu yiri mid ka mid Siyaasiyiinta Baydhabo oo aan midna taageersaneyn Labada Maamul ee looga dhawaaqey Magaalad, isagoo u soo jeediyey Labadaas kooxood in ay qaataan talooyinka Madaxda sare ee Dowladda Federaalka.

Dowlada Itoobiya ayaa hore ugu Guuleysatey in Dalkeeda ku martigeliso Heshiis ay wada gaareen Maamulka Axmed Madoobe iyo Dowladda Federaalka ka dib markii ay Dowlada Federaalka ay Dhow jeer isku daydey in heshiis laga gaaro xaalada Magaaladda Kismaayo hadaba soo ma Muuqato in Baydhabo ay marto halkii ay martey Magaalada Ksimaayo, oo Labada Kooxood ee isku haya Baydhabo la isugu geeyo Adis-Ababa oo ay arrintu noqoto “ Tashan Waydaye waa laguu Talin.”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

WAR fiican oo usoo yeeray KENYATTA

Maxkamada Danbiyada Caalamiga (ICC) ayaa dib u dhigtay dacwadda Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta ilaa iyo bisha October 7-deeda, iyada oo wakhti dheeraad ah siinaysa Kenya si ay u raadiso dukumintiyo ay xeer-ilaalintu doonayso.

ICC-ta ayaa siisay Kenya “wakhti dheeraad ah oo xaddidan oo fursad u siinaysa in ay keenaan dukumintiyo mucayan ah oo hadda ka hor ay xeer-llaalintu codsatay iyada oo asal arintaasi uga dhigtay in dukumintigaasi uu xidhiidh la leeyahay eedaymaha muhiimka ah ee dacwaddan”, hay’ada ICC ee saldhigeedu yahay The Hauge ayaa sidaas hadal qoraal ah ku sheegtay.

Xeer-llaalinta ayaa codsatay xogta maaliyadeed ee Kenyatta, iyaga oo sheegaya in ay ay arrintaasi caddaynayso in uu ka qaybqaatay maal-galinta colaadihii ka danbeeyay doorashadii 2007-2008-dii taas oo lagu dilay in ka badan 1,100.

Dacwada Kenyatta ayaa wakhti aan la cayimin dib loo dhigay bishii January 23-keedii kadib markii Xeer-ilaaliyaha Guud Fatou Bensouda ay sheegtay in aysan haysanin caddayn ku filan oo ay ku sii waddo kayskan.

Shir lagu ogaanayo xaaladdu meesha ay marayso ayaa la qoondeeyay in la qabto July 9-keeda, markaas oo ay maxkamaddu dhagaysan doonto waxyaabihii ka soo cusboonaaday wada-shaqaynta ay Kenya ka sameeysay keenidda xogta maaliyadeed, Capital News FM-ka Kenya ayaa sidaas sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Maamulka 3-gobal oo soo dhaweeyay taageero uga timid Puntland & Jubba

Baydhabo (Caasimada Online)-Maamulka seddaxda gobal ee looga dhawaaqay dhawaan magaalada Baydhabo ayaa soo dhaweeyay taageero ay sheegeen in loo soo diray maamulkooda, kana yimid maamulada Puntland iyo kan KMG ah ee Jubba.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka lixda gobal, Maxamed Xasan Fiqi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan taageerada uga timid maamulada Puntland iyo Jubba.

Wuxuu sheegay oo kale in ay soo dhaweenayaan taageerada maamulkooda seddaxda gobal ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa kaloo uu sheegay in ay u mahadcelinayaan teerada uga timid Puntland iyo Jubba kuwaasoo aqoonsaday maamulka seddaxda gobal.

Waa markii ugu horreysay oo si toos ah loo sheego in Puntland iyo maamulka KMG ah ee Jubba la sheego in uu taageeran yahay maamulka seddaxda gobal.

Waxaa horrey u soo baxay warar sheegaya in Puntland iyo maamulka KMG ah ee Jubba ay dhaqaale ku bisay doorashadii ka dhacday Hotel Bakiin, maadama magaalada ay ka dhisan yihiin guryo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

 

Dadkii fuliyey xasuuqii odayaasha oo la ogaaday, gacantana lagu soo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa wuxuu maanta shaaca ka qaaday in la qabtay afar nin, oo loo haysto xasuuqa Odayaashii Dhaqanka ee lagu laayay duleedka Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay.

Odayaasha la laayay, ayaa tiradoodu lagu sheegay 7 ruux, iyadoo uu la socday nin dhalinyaro ahaa, oo lala dilay Odayaasha Dhaqanka, waxayna tirada guud ee dadka la laayay ay ka dhigeysaa 8 ruux.

General C/xakiin Daahir Saacid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay daba gal ku sameeyeen tuhunka ku aadan, raggii laayay Odayaasha Dhaqanka.

Taliyaha Booliska wuxuu xusay in ay gacanta ku hayaan afar nin, iyadoo laba ka mid ah uu sheegay in lagu qabtay Degmada Buur Hakaba, halka labada kalana uu sheegay in lagu qabtay Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

“Ciidamadu waxa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan afar ka mid ah ragga lagu tuhmayo in ay falkaasi geysteen, labo ka mid ah waxaa laga qabtay Degmada Buur Hakaba, labadana waxaa lagu qabtay Magaalada Baydhabo.” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska ee Dowladda.

Sidoo kale Masuulkaan, ayaa sheegay in ay jiraan niman kale oo lala xiriirinaayo ku lug lahaanshaha dilka Odayaasha Dhaqanka, isla-markaana ay ku daba jiraan laamaha ammaanka.

General Saacid muusan sheegin cidda ay ka tirsan yihiin amaba adeegsatay 4-ta nin ee gacanta lagu soo dhigay, ee uu sheegay in lala xiriirinaayo Odayaasha Dhaqanka ee la xasuuqay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sheekh caan ka ah SOMALILAND oo ku dhowaaqay hadal qiimo weyn leh

Hargeysa (Caasimada Online) – Mid ka mid ah wadaadada caanka ah ee sida weyn looga qadariyo deegaanada maamulka Somaliland,  ayaa ku dhowaaqay hadal qiimo weyn leh oo ku saabsan midnimada Somalia.

Sheekh Xasan Daheeye, oo Khudbad u jeedinayay Arday qalin jabisay, ayaa sheegay in Midnimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Shiikh Xasan Daheeye ayaa Ardayda uu Khudbada u jeedinayay ku guubaabiyay, in ay midnimada dalka Soomaaliya ku fikiraan waxna u qabtaan, isagoo xusay dad badan oo cadow ku ah Soomaaliya ay doonayaan in la kala googooyo oo qeyb kastana wadan la raacsiiyo taasina aysan ugu jirin wax maslaxad ah dadka ku hadla afka Soomaaliga ee ku nool Geeska Afrika,  dhibaato mooyaane.

“Waxaa kale oo aan la hadlayaa Professor-da kuwa isku sheegaya oo macalimiin ka ah waddamada reer galbeedka oo wax ku soo barta canshuurtii Soomaaliya, oo waxaan lee yahay goobihii aad wax ku soo barateen sida Lafoole iyo kuliyaddii Gaheyr meeday, xaqii ay nagu lahaayeen, aaway xaqii uu nagu leehaa dhulkeenu, ogaada wax midnimo lagu waayey kala googo’ iyo tafaraaruq lagu heli maayo, aakhirana waa la isweydiinayaa” ayuu yiri Sheekh Daheeye.

Sheekh Xasan Daheeye ayaa ugu dambeyntii sheegay oo yiri “Midnimada Soomaaliya Waa Muqadas … Dhulka Ooyayoow Aamus Waa Lagu Imane Aamus”.

Hadalka Sheekh, ayaa la filayaa in mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ay aad uga carroodeen, mana cadda waxa ay ka sameyn doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Kenya oo xog ka bixisay wixii maanta qabsaday Soomaalida Islii ee Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya, ayaa maanta oo Talaado ah qoray in howlgallo ciidamada ammaanka Kenya ay ka fuliyeen xaley iyo maanta maanta xaafadda Islii ee magaalada Nairobi lagu soo qabqabgtay in ka badan 650-qof oo Soomaali ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in howgallada lagu sugaayo ammaanka ee ka socda xaafaddaIslii ay sii socon doonaan ilaa inta gacanta lagu soo dhigaayo kooxaha weerarrada geesta.

War-qoraal ah oo ka soo baxay, Mr Lenku ayaa ka codsaday dadka deeganka in ay la shaqeeyaan hey’addaha ammaanka iyo dadka sidda muta dawacnimada ku caawinaya in la soo qabto kooxaha falalka argagixisada ka geesta Xaafadan Eastleigh.

In ka badan lix qof ayaa ku dhintay qaraxyada ilaa 30 kale waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada ka dhacay xaafadda Islii Isniintii habeenkeeda.

Qaraxyada oo ahaa seddax ayaa kala kala dhacay maqaayaddaha Sheraton Cafe iyo The New Kwa Muzairua Super Grill Centre iyo sidoo kale waddada 11th Street abaare 7.30pm.

Labada maqaayad ayaa isku jirra qiyaastii 300 metres.

10 ka mid ah dadka dhaawaca ayaa la geeyay Isbitaalka Kenyatta National Hospital sidoo kale 12 kale ayaa loo qaaday Isbitaallo kale oo hadda lagu daweenaayo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxyadaasi is xig xigay.

Qaraxii kuwan ka horreeyay ayaa waxaa uu Axadii ka dhacay xaafadda Pangani oo aan sidaa uga fogeyn xaafadda Islii, booliskana waxa ay sheegeen in uu ku dhintay qaraxaasi qof isku xir xirayay walxaha qarxa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa maalmahan ka socda kulamo looga gun lee yahay sidddii loo damin lahaa xiisadda ka taagan magaaladaas.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugnaa Baydhabo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Howsha dhex-dhexaadinta labada dhinac waxaa Baydhabo ka sii wada guddoomiyaha golaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta in dowladda ay aqoosan doonto rabitaanka shacabka.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa u sheegay odayaasha uu la kulmay in uu u socdo magaalada Brussels kaddibna uu dib ugu soo laaban doono Baydhabo.

Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ayaa loo shegay marka madaxweynah uu dib ugu soo laabto in la sii wado wada-tashiyada u dhexeeya dhinacyada isku ahaa magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaah baarlamaanka iyo xildhibaanno la socda ayaa la sheegay in maalmaha soo socda ay la kulmi doonaan labada dhinac ee isku heesta.

Dhinaca kale, ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in labada dhinac ee isku heesta Baydhabo ay kala taagan yihiin meelo kala fog isla markaana mid kasta uu diidday in uu la hasaawo.

Wax yaabaha la isku mari la’yahay waxaa ka mid ah maamulka koonfur galbeed ee lixda gobal waxa ay ku dooddayaan in aaney la kala jarin maamulkooda, isla markaana ay sameestaan maamulka, halka maamulka seddaxda gobal ay ku dooddayaan sidda ay uga qaybgali doonaan.

Si kastaba, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku howlan siddii ay u isugu soo dhaween lahaa labada dhinaca ee ka dhisan Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Madaxweynaha oo shaaciyey wixii uu kala soo kulmay Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoona ka yimid magaalada Baydhabo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku suganayeen.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay ra’iisal wsaaraha iyo labda golle ee xukuumadda, intaas kaddib waxaa loo galbiyay aqalka madaxtooyada,mana jirto cid saxaafadda la hadlay sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa muddo seddax cisho ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, halkaasoo ay ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay dhismaha labo maamul oo iska soo horjeeda.

Madaxweynaha ayaa ka hor inta aanu ka soo tagin Baydhabo wuxuu kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin kala taageersan labada maamul ee lixda gobal iyo seddaxda gobal, wuxuuna kala hadlay in la qaboojiyo xiisada ka taagan Baydhab.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo iyo la tashiyo la soo sameeyey qeybaha kala duwan ee Bulshadda kuna dhiiro-geliyey in artagtida kala duwan lagu xaliyo wadahadal ,dib-uheshiisiin, is-afgarad iyo nabad.

Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa ka mahad-celiyey sida loogu soo dhaweyey magaalada Baydhabo isla-markaana ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka inay midnimo muujiyaan.

“Maanta fursad ayeynu heysanaa waa inaad isku dulqaadataan oo aad meel wada fariisataan si mar walba midnimadda loo ilaaliyo. marar badan ayey dhibaato ka timid is-maqli waa iyo dulqaad yari.

Dowladda ayaa hormuud u ah wax walba oo dalka ka socda iyada ayaana masuuliyadda leh marka waa in Dowladda looga dambeeyo waxyaalaha loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyntii Hogaamiye dhaqameedyadda iyo dhammaan dadkii kale ee uu la kulmay Madaxweyanaha ayaa ka mahad-celiyey booqshadda labadda maalmood ahayd ee uu Madaxweynahu ku joogay Baydhabo. Sidoo kale Madax Dhaqameedyada Ballan qaaday inay sii wadayaan wadahadaladda Dowladdana la shaqeynayaan.

10176215_10203268091681755_1650777195_n

Magaalada waxaa weli ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo la sheegay in uu kulamo la qaadan doono dhinacyada isku haya magaalada.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ku wajahan yahay magaalada Brussels ee dalka Belgium kaddib markii uu casimaad ka helay madaxda dalkaas.

1480605_10203268119282445_1345120341_n

1511618_10203268118482425_1078920177_n

1888490_10203268121242494_696194397_n1964772_10203268114042314_304350429_n

10150606_10203268117962412_1318550655_n

10151893_10203268118682430_1837135716_n

10153251_10203268117802408_626475479_n

10154310_10203268120562477_1944872394_n

1536669_10203268118442424_1937278963_n

1625572_10203268116242369_365314833_n

1888490_10203268121242494_696194397_n

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Gaari MUQDISHO laga baadi-goobayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa ka baadigoobaya magaalada Muqdisho gaari ay sheegeen inay saaran yihiin waxyaabaha qarxa, kaasi oo la sheegay in magaalada lala soo galay maalmo ka hor.

Afhayeenka Ciidamada booliska Soomaaliya Maxamed Cumar Madaale, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in gaarigaasi Muqdisho lasoo geliyay, iyadoo la doonayo in waxyeelo lagu geysto.

Wuxuu u jeediyay shacabka magaalada Muqdisho inay ka feejignaadaan dhibaatada uu gaarigaasi geysan karo, isagoo tilmaamay nooca gaarigaasi iyo astaamaha lagu aqoosan karo.

“Waxaan Baafineynaa gaari Surf ah oo waxyaabaha qarxa ay saaran yihiin, waa madow, Miraayadahana waa madow astaantiisa waa “A8382 ama A8283”sidaasi ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliyeed.

“Waxaan ka dalbanayaa shacabka Muqdisho inaysan gaarigaasi u ogolaan in la dhigo agagaarkooda ama dukaamadooda”ayuu sidoo kale yiri afhayeenka booliska.

Wuxuu ugu baaqay hayaha amaanka inay talaabo ka qaadaan haddii ay gaarigaasi gacanta kusoo dhigaan.

Dhanka kale afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen afar ruux oo dhibaato u geysan jirtay shacabka ku safra wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kadib howlgalo ay halkaasi ka sameeyeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Jawaari oo kulamo ka wada Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online)- Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cisamaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa hadda kulamo kula leh odayaal iyo siyaasiyiin ka soo kala jeeda maamulada lixda gobal iyo seddaxda gobal.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga waxyaabaha uu Jawaari kala hadlaayo odayaasha kala taageersan labada maamul, balse waxaa muuqata in weli uu jirro khilaaf ballaaran oo ku aadan sidda laga yeelaayo labada maamul iyo in dolwadda Soomaaliya ay caddeeso cidda ay taageer santahay.

Maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed wuxuu ku doddayaa in dowladda Soomaaliya ay taageerto maamulkooda, halka maamulka seddaxda gobal uu isna doonayo in la aqoonsado.

Magaalada Baydhabo waxaa seddaxdii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa wafdi kale oo uu hoggaaminaayay madaxweynaha Soomaaliya, balse saakay ayey ka soo ambabaxeen oo ay dib ugu soo laabteen Muqdisho.

Waxaa muuqata in madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin maamulada laga dhisay Baydhabo.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Jawaari ayaa lagu xaglinayaa in uu taageero maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Somalida Nairobi oo lagu kacay: Tiradii ugu badneyd oo xabsiyo lagu guray

Nairobi (Caasimada Online)-In ka badan 650 qof oo Soomaali ah ayaa lagu qabqabtay raaf xooggan oo maanta ka socda xaafadda xaafadda islii ee magaalada Nairobi kaddib markii qarraxyo seddax ah oo ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof ay ku dhinteen.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Nairobi, ayaa sheegay in xaafadda Islii lagu arkay ciidamo fara badan kuwaasoo howgallo ka wada goobaha qaraxyada ay ka dhaceen.

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa howlgallo ka wada xaafadda Islii ee magaalada Nairbi kadib markii qaraxyo qasaare dhimasho iyo dhawaac geystay ay xalay ka dhaceen xaafaddaasi.

Ilaa hadda xog badan lagama hayo dadka lagu soo qabtay howgallada ka socda xaafadda Islii oo ay ku badan tahay Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.

Si kastaba, waxaa howgallada ay saameen ku yeesheen Soomaali badan oo ku nool xaafadda Islii, waxaana dadka ay ka cabsi qabaan in guryaha loogu soo galo oo la qabqabto.

Dhinaca kale, booliska ayaa sheegay in dadka la soo qabtay ay ku socdaan baaritaano oo waxa ay ku xiran yihiin saldhigyada booliska Kenya.

Saraakiisha ciidamada booliska ayaa sheegay in la soo xiray in ka badan 200 oo qof kuwaasoo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen qarraxyada ka dhacay xaafada Islii.

Dadka la soo xiray waxaa ku xiran yihiin saldhigga Bangaani ee ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxaa hadda saldhigga jooga dadkii ehelka la ahaa dadka xiran.

Weerarro xooggan ayaa ka dhacayay waayahan dalka Kenya, kuwaasoo lagu eedeeyay kooxo islaamiyiin ah oo ka howgalla dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Nabad-sugidda Somalia oo ku dhegan Xildhibaan Xiddig kadib markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan Xildhibaanadda Baarlamanka Soomaaliya ayaa xalay waxaa looga yeerey Xarunta Hay’adda Nabadsugidda Qaranka si suaalo looga weydiiyo hadal uu dhawaan Warbaahinta Siyey.

Xidhibaanka ayaa waxaa wax laga weydiyey Aflagaado uu dhawaan u geystey Ciidamadda Qaranka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoona si qaas ah loogu eedeyey in uu ku xadgudebey Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdulaahi Goodax Barre iyo sidoo kale Taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka Gen Daahir Indhoqarshe.

Kadib Wareysi dheer oo ay hay’adu la yeelatey xildhibaanka ayaa xalay xili danbe loo ogolaadey in uu ku laabto hoyga uu Muqdisho ka degenyahay.

Geesta kale shalay ayey aheyd markii Hay’ada Nabadsugida Qaranku ay Gudoonka Baarlamanku ka dalbatey in ay xasaanadda ka qaadan Xildhibaan Xiddig si loogala xisaabtamo Xadgudubyada iyo Aflagaadda uu u geystey Taliska Xooga Dalka iyo weli Wasiirka Arimaha Gudaha.

Xildhibaan Xiddig, ayaa ah wakiil si aad ah ugu ololeeya maamul beeleedka Axmed Madoobe, isaga oo ana marnaba dan shacab iyo mid qaran ka hadal.

Isku soo wada dubee maalin ka hor ayey aheyd markii Gudoonka Ahlusunna Waljameeca ee Gobaladda Konfureed uu Xildhibaan Xiddig ku eedeyey in uu yahay shaqsi dhiira geliya Xasuuqa ka socda Magaaladda Kismaayo, isagoona Dowladda Soomaaliya ka codsadey in ay la xisaabtanto Xildhibaan Xiddig.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixin iyo xog la xiriirta BANDHIGGA ganacsiga caalamiga ah ee Muqdisho

Shirkada Horn Africa Group  waxaay  22 ila 23 April Magaalada Muqdisho ku qabanaysa  Bandhiga ganacsiyeed  Caalami ah  waxana Bandhigaasi aanu ugu magac darnay  Mogadisho International Trade Show  (MITS)

Kadib marki aanu shaacinay in Mogdisho International Trade Show  (MITS)  uu ka dhacayo Caasimada Somalia ee Muqdisho waxaa si xowli ah u socda  Shirkadaha isku diwaan galinaya in ay ka  qayb qadanayaan   Mogadisho International Trade Show waxaana ila iyo hada is diwaan galiyay  shirkado aad u badan.

Shirkadaha Is diwaan galiyay ee ka soo qayb galaya Mogadisho International Trade Show (MITS)  ayaa waxaay iskugu jiraan Shirkadaha Isgarsiinta Somalia, Shirkadaha Xawaaladaha Somalia , Shirkadaha Diyaaradaha Somalia, Warshado kala duwan oo soo saara  Kaluunka Gasacadaysan,  iyo alabaha kale ee dalka lagu sameeyo.

Guud ahaan Shirkadaha ka soo qayb  galaya  Bandhigaani waxaay ka kala imanayaan Somaliland, Puntland, Konfurta iyo Bartamaha Somalia  iyo Shirkado aan somali ahayn oo heer calami ah kana kala imanaya wado kala duwan.

Diwaan galinta waxa ay ku egtahay 15 bisha April oo noqon doonta maalinta ugu danbaysa ee laga gudomi doono Shirkadaha kala duwan ee ka soo qayb galaya  Mogadisho International Trade Show  (MITS)  codsiyadooda ku sabsan in ay ka soo qayb galan bandhigan.

cropped-Mogadisho-International-Trade-Show1.jpg

     Qaabka Is diwaangalinta 

Shirkada rabta in ay ka qayb  qaadato bandhiga  (MITS)   waxaay ay   Faafaahin   shirkadoda  iyo waxaa ay qabato ku sabsan u soo diraysan  Emailka Shirkada  oo ah  [email protected]   waxaay sido kale  lacagta Fee ga ah  ama Lacagta Is diwaangalinta ah ku shubaysa     Acountiga Shirkadu ay ku leedahay Bank Dahab Shiil  ee sumadiisu ay tahay  (ACC 2042 Berbera  Horn African) waxaad racinaysa  Shirakadada Magaceeda  oo dhamaytiran iyo magaca qofka masulka ka ah….

                                      Qabka ay wax u dhacayaan iyo Jadwalba 

22 April waxa si rasmi ah u furmaya  Mogadisho International Trade Show  (MITS)  waxaa  barnamijka maalintaasi uu ku bilabanaya  Ayadaha quranka Qariimka ah  ka dib waxaa la guda galaya Khudbado koban oo ay soo jeedin doonan  Masuliyiin kala duwan oo lagu marti qaday  Furitaanka Mogdisho International Trade Show  (MITS) iyo qaar ka mid ah Masuliyiinta Shirkadaha waaweyn ee Somalia.

Intaas ka dib waxaa la guda galaya  Bandhigii Rasmiga aha  waxaa Shirkada kasta oo is diwaan galisay la siinaya  goob ay ku soo bandhigato ganacsigeeda  ayado sido kale dadweynaha  u soo adegtagaya  Bandhigaan lo fasixi doono in ay gudaha  soo galan oo ay ka adegtaan alabaha  casriga ah ee qimaha jaban ee lagu soo bandhigi doono Bandhiga Mogadisho International Trade Show (MITS)

Maalinta labaad ee Mogadisho International Trade Show  (MITS)  ayaa ayadana ku bilaaban doonta Khudbado ay jeedin doonan Shirkadaha kala duwan ee ka soo qayb galaya Mogadisho International Trade Show  (MITS)  intaasi ka dib waxaa la guda galaya  bandhiga Rasmiga ah  ayado Shirkad kasta  ay helayso goobti ay ku soo bandhigi lahayd ganacsigeeda.

Saacado kadib isla 23 bisha April  waxaa ka soo qayb galayaasha la siin doonan fursado ay isku bartaan  islammarkana ay telefoonada iskaga qortaan   ganacsatada ka imanaysa Dibada kuwa  ka imanaya Gobolada sida Puntland iyo Somaliland  iyo waliba Ganacsatada Muqdisho.

Intaasi ka dib waxaa la guda galaya  Siminaar kooban oo ku sabsan sida ugu haboon ee  ganacsiga   Somalia uu ula jan qaadi  karo ganacsiga calamka iyo heerarka u soo maray ganacsiga calamka iyo  halka uu hada tagan yahay iyo waliba heerka ay Somalia uga jirto ganacsiga calamka.

Siminaarkaasi waxaa bixin doona  khuburo ku taqasuustay ganacsiga caalamka  waxana uu noqon doona  siminar wax badan ka badala qaabka ay u shaqeeyaan ganacsatada Somalia.

Siminaar kaas ka dib waxaa  bilaaban doona khudbado  lagu soo xirayo  Bandhiga Mogadisho International Trade Show  (MITS) oo ah Bandhig ganacsiyeedkii ugu horeyay ee Muqdisho lagu qabto  23 sano oo burbur ah ka dib.

                    Faaidoyinka uu Bandhigan u leeyahay Shirkadaha Somaliyeed

Shirkada ka soo qayb gasha  Mogadisho International Trade Show (MITS) waxaay ka heli karta Faidoyinkaan soo socda.

1- Alaabaha  Shirkadu ay ku soo bandhigto  Carwadan oo  la gadan doono

2- Xiriir ganacsi oo aad  la sameyn karto  ganacsatada ka imanaysa  Gobolada Somalia si uu iskaashi idin dhex maro.

3- Xiriir aad la samaynayso Shirkadaha Caalamiga ah ee ka soo qayb gali doona Bandhigaan kuwaas oo aad u kala faidi kartaan siyaaalo kala duwan.

4- Baahin lacag la,aan ah oo aad helidoonto waxaana ganacsigaga laga dawan doona  dunida Dacaladeeda  inta ay socoto  Carwadan.

5- Aqoon kororsi  ku sabsan dhanka ganacsiga oo aad heli doonto kaas oo ay bixin doonan  khuburo ku taqasuusay  ganacsiga calamka waxana laga yaaba in Siminarkaasi uu wax weyn ka badalo  qaabka aad u ganacsato faa,idoyinkaas iyo kuwa kale oo badan ayaad heli doonta hadi aad  Shirkadada ka diwaan galiso Bandhiga  Caalamiga ah ee Mogdisho International Trade Show  (MITS)

Bandhigaan waxaa ka soo qayb galaya oo ku marti qaadan  Saxaafada Calamka iyo mida  maxaliga ah waxaana Shirkada Horn Africa Group ay guud ahan Shirkadaha ka soo qayb galaya  Bandhiganii ay fursad u siin doonta in ay  Ganacsigooda laga daawado dunida dacaladeeda.

 

—-     DHAMAAD—

 

Maamulka Shirkada Hornafrica Group LTD

Website  :        Hornafricagroup.com

Email        :      [email protected]

Telefoon:    00252618475067

————- 00252617234111

————- 00252699968111

————-+31684020686

DARDAARAN IYO DIGNIIN KU SOCOTA GABDHAHEENA QAALIGA AH!

GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariiisina Nabigeenna Muxammad ah Korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, Aqristoow waxaan wada ognahay nasiib darro! In waalidka Soomaaliyeed intooda badani aaneey la noqon ilmahooda saaxiibo dhow oo waxkasta eey ka wada sheekeeysankaraan, wixii noloshooda kusoo kordhana eey kala hadli karaan. Wiilasha iyo gabdhaha wada dhasheyna waxyaalaha qaar in eey kawada hadlaan aad ayeyba uga kala xishoodaan. Waalid badan oo jeclaan lahaa in eey si dhab ah nolosha ilmahooda ugu jiraanna nasiibdarro! Waxaa u diidey duruufaha nololeed iyo faqriga heeysta, taasoo keeneeysa in waalidiinta Soomaaliyeed intooda badani eeyba ka rooraan waayaan la xarbinta wixii la cuni lahaa, la cabi lagaa, la isku daweyn lahaa, waxlagu baran lahaa, iyo meeshii lagu hoyan lahaa. Taasi waxeey beeylah ka dhigtey in badan oo ilmaheena ka mid ah sidaana xabsiyada aduunka  ugu wada jira oo uga buuxa,  in badanna waxeey kali la noqdeen qaadashada go’aanno halis ah, oo dibna aan loo rogi karin (irreversible), hadii dardaaran, waano iyo wacyigalin joogta ahna eey ka heli lahaayeena waalid iyo walaal saaxiibo dhow oo hoose la ah, waxbadan ayey kaga badbaadi lahaayeen. Anagoo xanuunkaa dareemeeyna, ayaan waxaan is niri bal in badan uga faa’ideeya, ugu yaraan qoraal ahaan ha ugu sii gudbiyeen, laga yaabe in wax badan eey inoogu wada hagaagaan’e. Waxaan jecleeysaney in fariintan qiimaha badan aan dhamaan gabdhaheena u wada diro. Waa fariin walaalaha isjecel eey isku leeyihiin. Waa fariin cidkastaahi aaney kusiineyn, waa fariin dhaxal gal ah oo mustaqbalkiina waxweyn  laga yaabe in eey u qabato, insha Allaah. Waa hubaal hadii aad tahay waalid  dhalay ama walaal eey la dhalatey gabar in aad si heersare ah uga maqsuudi doonto. Waxaan Allaah ka rajeeyneeynaa in gabdho badan uu ku anfaco, intii qortey, intii soo daabacdey, iyo intii sii faafiseyna uu Ajar iyo Xasanaad aan lasoo koobi karin uu inaga wada siiyo. Gabdhaha inala dhashey iyo kuwa aan dhalney ama aan mustaqbalka dhalidoonana, haduu alle idmo uu Allaah ku wada Xafido. Waa tan qormadii ee kusoo dhawaada.

Walaasheey malaha waxaan tahay gabar da’yar, qurxoon. Waxaad tahay gabar ku jirta dumar waqtiga eey ugu halis badan yihiin (Between14-30). Waxaad ku dhexjirtaa qabdho nuuckastaba isugu jiri kara. Waxaan rabaa marka in aan wiilkii walaalkaa ahaa ee kaa weeynaa booskiisa kuu galo, kulana dardaarmo, waliba si daacad (honest) iyo waliba qayaxnaan (openness) ah

1-Ogoow waxa lagaa wada sugayaahi waa in aad  diintaada, sharaftaada, gabarnimadaada, dadnimadaada, mustaqbalkaada, iyo tan qoyskaadaba ilaaliso

2-Ogoow marka aadan guur u diyaar aheyn iyo in aad reer yeelato, jaceylka la jilaahi Ragu “Ula jeedooyin kale” ayey u jilaane. Sida: Isku baashaalid, iska Zineeysasho, meelo isku dhuuq-dhuuqid. Walaasheey qofka eey waxkasta uga wada qasaarayaan ogoow in eey adiga tahay.

3-Ogoow nin mustaqbal kaa raba jirkaada maba taabto, iska daa ZINO in uu ku weydiiyo’e, ama kuguba sameeyo’e, hadaanu dayuus aheyn’e. Datuuskuna janno ma galo.

4-Ogoowna gabar qiimo badan iskadaa Zino’e,  jirkeeda in nin Ajnabi ka ah in uu taabto marnaba ma ogolaato. Nin qiimo badanna gabar qiimo badan ayuu uun rabaa. Kan dumar ku dheelka ahna, wax uu bilaash ku helo, kuna cayaaro intii uga suurtagasha’e ayuu her iyo habeen raadiyaa.

5-Ogoow nin mar jirkaada aad u fududeeysey ee aad u rakhiisisey, kaana Zineeystey aanu mustaqbal iyo reer toona kugu aamini doonin,-Ragu dumarka uun ayey arkaan oo iyagu Zaani isuma arkaan Psychology ahaan- Ileyn wuxuu isleeyahay sida aad uga Zineeysatey bal malee inta uga soo Zineeysatey, waa hadii markaa aadan gabar aheyne, hadii uu isaga xaaraan kugu bilaabeyna, wuxuu isleeyahay bal malee inta sidan fudud oo kale uga zineeysandoonta mustaqbalka soo socda, waloow isaguba uu waxkasta kula wadaagey, tahayna in uu sidaa isba isu arko, nasiibdarro! ma dhacdo taa. Hadii uu ku guursadana waa hubaal “Biyo-kama-dhibcaan” ah in aanu sharaf iyo qiimo kugu dareemi doonin, maxaa yeeley waxaan looga sheekeeneeynin qofka uu horeyba usoo arkey in aad tahay, Diin ahaan, Dadnimo ahaan, iyo Damiir ahaan intba.

6-Ogoow inta ugu badan ragga, iyo Ninkasta oo qiimo leh Ugubna ah ee raba in uu reer yeesho, wuxuu ku hamiyaa in xaaskiisa mustaqbalka ay noqoto, “Gabar!” dhowrsan oo isa soo ilaalisey, dhibkastaba ha usoo marto’e, hadii eey sidaa noqonweysana iyadoon guur xalaal ah oo la wada ogyahay aan soo marin, wuxuu gudaha qalbigiisa isaga arkayaa nin guurkii uu ka hallaabey, oo uu ka khasaarey. Adigana gabaryahay qoyskii iyo noloshii farxada laheyd ee aad ku hamineeysey, ogoow halkaas ayey taallaaye.

7-Ogoow raga waxa eey baashaalka ugu soo dugaalaan/gambadaan/dhuuntaan waa Jaceyl jilid iyo xiriir’e. Raga qaarna waa Jilaayaal aad u xirfad sareeya “Professional Actors” oo beenta waxeey gaarsiiyaan, ilaa eey isu Ooysiiyaan si loo rumeeysto. Qaar lacag ayey isticmaalaan, qaar hadal iyo habhab badan, qaar kalana dumar kale ayey kuusoo isticmaalaan si laguu dabo, haagaanna lagaaga tuuro taasoo waligaa aad ka shalleeyso. Waxkastaba ha isticmaalaane; maalinta gabar eey nin xaaraan ah dharka isaga dhigto, oo uu lugaheeda dhexfariisto, dantii laga lahaa waa laga gaarey. Hadii eey qaladkaa kusii socotana waxkastaa lagu sameeyaa, sida: In Uur xaaraan ah loo yeelo, Sawiro anshax-darro halis ah in laga qaado, Video-yo faaxisho ah laga duubo, iyadoo waxaa oo dhan loogu sameeynayo si sir ah oo eeysan fahmikarin, ama i aamin iyo wax la mid ahba ha lagu qanciyee, iyadoo looga faa’iideeysanayo aaminaad iyo xiriir jaceeyl been ah. Kadibna marka la isku xumaado, ama lakala tago qofkasta sababta ha u ahaadee, waxaa lagu faafiyaa Aalada iInternet-yada si loo fadeexeeyo, Jiilalka mustaqbalka fogna eey u arkaan una daawadaan. Ogoow waa sharaftaadii, tii intii ku dhashey, iyo intii kula dhalatey, ama riximba kuu ah’e waxa sidaa aad u wada haligtey’e.

8-Qasaarada ugu weyn iyo qiimala’aanta ugu daran,ee gabarba ku dhaca waa marka nin aaney reerkeeda si sharaf leh inta ugu soo gogol fariistey, oo si sharaf leh loogu bixiyey, si sharaf lehna u aroosey maahane nin kale, ay si xaaraan ah, oo raqiis ah, is bahdilid ah, uu jirkeeda ugu raaxeeysto, oo uu uga caqli badiyo, sidaana aduun iyo aakhiraba eey uga shallaayso.

9-Waxaa hubaal ah in badanaa Dumarka da’da yara aaneey helin walaal si dhab ah ula taliya, isaga oo aan waxba ka xishoon, oo sidii laba wiil ama laba gabar oo saaxiibo caadi ah oo aan kala xishoon waxkasta si hufan oo qayaxan ugu sheega, maadaama uu rag isaga yahayna, sida raga u fikiraan uu kala taliya sirqaha ragu dumarka da’da yar u maleegaan, iyo maadaama dumarku inta badan sheekooyinka raga ku shukaansadaan iska aaminaan, iyadoo looga faa’ideysanayao, in iyagaba yihiin dad da’yar, cunaya oo cabaya,  caafimaadqaba, dareen Jinsina  laga yaabe in uu hayo, sidaana looga faa’ideeysto in lagu marsiiyo in eey is dhiibto, iyadoo la iloowsiinayo cawaaqib xumida iyo in iyada meeshaas ay ku khasaareeyso Aduun iyo Aakhiraba.

10-Ogoow in aad tahay walaasheen wanaageeda uu waxkasta inagala qiimo badan yahay, inta gabar sharaf iyo qiimo badan lagu kalsoonaan karana aan kugu wada kalsoonahay. Fariintanna eey tahay oo kaliya waano, dardaaran, u digid iyo taxadar galin, waxa aan kuugu soo direeyno fariintanna tahay in walaasheen halisyo farabadan ay inooga badbaado oo kaliya.

GUNAANAD

Ugu dambeyna,  Ogoow hadii aad dardaarankan ka faa’iideeysatana aad wanaageeda maali doonto, hadii aad iska iloowdana, shalaaydeeda Aduun iyo Aakhiraba eey ku heeysandoonto, xumaan iyo samaanba aad fariintan dib usoo xasuusandoonto. Ugu yaraan waxaan nahay walaal qiimahaada dareensan, waqti iyo fikirna galiyey in ay kula dardaarmaan, kuna dareensiiyaan, in eey jiraan walaalo aad qiimahaa weyn agtooda ku leedahay, kaana fikiraya,  ku jecel, oo qiimahaa iyo muhiimadaaba aad agtooda ka leeedahay. -Allahuma Ballaqtu.

C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

 

Maamulaha Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha, Barena ka ah isla qeeybtaa

Al-Madinah International University, Malaysia

Baarlamanka Somalia oo maanta meel marinaya miisaaniyada xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah meel marin doona miisaaniyada ay ku shaqeen doonto xukuumadda Somaaliya.

Wasiika maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane, ayaa la filayaa in uu horgeeyo miisaaniyadda ay ku shaqeenayso dowladda 2014 ilaa 2015-ka.

Dowladda ayaa sheegayso in ay doonayso in ay tallaabo dheeraad qaado si ay u xaqiijiso mustaqbalka maaliyadeed ee Soomaaliya, dib u dhiska dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Miisaaniyadda dowladda ayaa sannadii 2013-kii waxa ay aheyd $114.3 milyan oo doolar, haatanse waxa ay dowladda gaarsiisay $218 milyan oo doolar.

Guud ahaan miisaaniyadda dowladda ay ugu talagalay sannadkan ayaa  la sheegay in ay ka badan tahay 91% miisaaniyadii sannadkii horre 2013, siddaas waxaa shegeay wasiirka maaliyadda oo u warramay saxaafadda.

Si kastaba, waxaa dad badan ay isweediinaayaan sidda lagu heli doono miisaaniyada ay soo bandhigtay dowladda, iyadoo dowladda itaalkeeda la ogyahay.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wax dhaqaale ah laga qaadan karin bangiga dhexe ee Soomaaliya ilaa inta baarlamaanka uu meel mariyo miisaaniyadda ay ku shaqeeneyso dowladda sannadkan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxweyne Xasan oo safar deg deg ah ugu baxaya Belgium, lana kulmay…

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay galabta la kulmeen qaar ka mdi ah odayaasha iyo siyaasiyiinta taageersan maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow.

Sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Baydhabo, kulanka ayaa ka dhacay xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Baydhabo.

Xog badan lagama hayo waxyaabaha uu madaxweynaha kala hadlay odayaasha iyo siyaasadda maadama saxaafadda ay bannaanka ka joogtay, balse waxaa la lee yahay waxaa labada dhinac ay ka hadleen siddii loo qaboo jin lahaa xiisada ka aloosan magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale, ilo xog-ogaal ah oo la haday Caasimada Online, ayaa sheegay in odayaasha iyo siyaasiyiinta madaxweynaha ay u shegeen in uu aqoonsado maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed, balse madaxweynaha ayaa la sheegay in uu si cad ah ugu sheegay odayaasha ka socday Madoobe Nuunow, inuusan Baydhabo u imaan in uu aqoonsado amaba taageero, mid ka mid ah labada maamul ee ka dhisan magaaladaas.

Madaxweynaha waxaa kaloo odayaasha uu u sheegay in dhinacyada ku howlan dhismaha maamulka seddaxda gobal uu la kulmo odayaasha uu  soo doortay, kulankaas ayaa xalay isna ka dhacay xarunta AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa labada dhinac u ballan qaaday in uu Baydhabo ku soo laaban doono dhowaan, beritana uu doonaayo in uu u ambabaxo magaalada Brussels ee dalka Bilgium.

Ilaa hadda madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ma jirto wax war ah oo ay saxaafadda siiyeen balse berri ayaa la filayaa in ay soo saaraan war qoraal ah oo lagu faahfaahinaayo madaxweynaha iyo cidda uu la kulmay iyo wax yaabaha ay ka hadleen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SAWIRRO: Dowadda Soomaaliya oo u hambalyeesay R/Warsaare Erdogan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay uguna hambalyeesay guusha ay soo hoyeen ra’iisal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo xisbigiisa AKP doorashooyinka dowladdaha Hoose ee dalkaas ka qabsoomay Axaddii shaley .

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya loona gudbiyay safaarada Turkiga ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ay si weyn u soo dhaweeyeen guusha siyaasadeed ee Mr. Erdugan.

2014330635318113429698849TURKEY-ELECTION-600x388

Doorashadii shaley ka dhacday Turkiga ayaa si weyn waxaa ugu guuleestay xisbiga AKP, kadidb markii ay heleen codadkii ugu badnaa ee la dhiibtay.

Guusha doorashada waxa ay ka dhigan tahay in ra’iisal wasaaraha Turkiga iyo xisbigiisa aad looga jecel yahay dalka Turkiga, in kastoo weli uu la kulmaayo mucaaradad xooggan oo kaga imaanaya gudaha iyo dalka.

Turkiga ayaa si weyn u caawiya Soomaaliya iyagoona ka wada mashaariic horrumarineed oo isugu jirra dhismooyinka waddooyinka, goobo caafimaad iyo Iskuulo.

2014330635318113602615143Turkish_ PM_Victory_Speech

2014330635318113718286385b40ab74b0b8d5b7a34c05dc7e09d8856

2014330635318114047960200c92a833b8a5be90c4f0f6a7067007508

201433063531811388947454720140330-635318136318702756w

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]