30.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Madaxweyne Xasan oo safar deg deg ah ugu baxaya Belgium, lana kulmay…

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay galabta la kulmeen qaar ka mdi ah odayaasha iyo siyaasiyiinta taageersan maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow.

Sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Baydhabo, kulanka ayaa ka dhacay xarunta taliska ciidamada AMISOM ee Baydhabo.

Xog badan lagama hayo waxyaabaha uu madaxweynaha kala hadlay odayaasha iyo siyaasadda maadama saxaafadda ay bannaanka ka joogtay, balse waxaa la lee yahay waxaa labada dhinac ay ka hadleen siddii loo qaboo jin lahaa xiisada ka aloosan magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale, ilo xog-ogaal ah oo la haday Caasimada Online, ayaa sheegay in odayaasha iyo siyaasiyiinta madaxweynaha ay u shegeen in uu aqoonsado maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed, balse madaxweynaha ayaa la sheegay in uu si cad ah ugu sheegay odayaasha ka socday Madoobe Nuunow, inuusan Baydhabo u imaan in uu aqoonsado amaba taageero, mid ka mid ah labada maamul ee ka dhisan magaaladaas.

Madaxweynaha waxaa kaloo odayaasha uu u sheegay in dhinacyada ku howlan dhismaha maamulka seddaxda gobal uu la kulmo odayaasha uu  soo doortay, kulankaas ayaa xalay isna ka dhacay xarunta AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa labada dhinac u ballan qaaday in uu Baydhabo ku soo laaban doono dhowaan, beritana uu doonaayo in uu u ambabaxo magaalada Brussels ee dalka Bilgium.

Ilaa hadda madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ma jirto wax war ah oo ay saxaafadda siiyeen balse berri ayaa la filayaa in ay soo saaraan war qoraal ah oo lagu faahfaahinaayo madaxweynaha iyo cidda uu la kulmay iyo wax yaabaha ay ka hadleen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SAWIRRO: Dowadda Soomaaliya oo u hambalyeesay R/Warsaare Erdogan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay uguna hambalyeesay guusha ay soo hoyeen ra’iisal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo xisbigiisa AKP doorashooyinka dowladdaha Hoose ee dalkaas ka qabsoomay Axaddii shaley .

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya loona gudbiyay safaarada Turkiga ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ay si weyn u soo dhaweeyeen guusha siyaasadeed ee Mr. Erdugan.

2014330635318113429698849TURKEY-ELECTION-600x388

Doorashadii shaley ka dhacday Turkiga ayaa si weyn waxaa ugu guuleestay xisbiga AKP, kadidb markii ay heleen codadkii ugu badnaa ee la dhiibtay.

Guusha doorashada waxa ay ka dhigan tahay in ra’iisal wasaaraha Turkiga iyo xisbigiisa aad looga jecel yahay dalka Turkiga, in kastoo weli uu la kulmaayo mucaaradad xooggan oo kaga imaanaya gudaha iyo dalka.

Turkiga ayaa si weyn u caawiya Soomaaliya iyagoona ka wada mashaariic horrumarineed oo isugu jirra dhismooyinka waddooyinka, goobo caafimaad iyo Iskuulo.

2014330635318113602615143Turkish_ PM_Victory_Speech

2014330635318113718286385b40ab74b0b8d5b7a34c05dc7e09d8856

2014330635318114047960200c92a833b8a5be90c4f0f6a7067007508

201433063531811388947454720140330-635318136318702756w

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Muqdisho iyo maanta iyo sida Turkiga uu u hormarinayo magaalada

Dowalda Turkiga waxeey magaalada Caasimadda ee Muqdisho ka hir gelisay horumaro dhinacyo badan leh hadii ay ahaan lahaayeyn dhinaca dhismooyinka Wadooyinka iyo dib u soo celinta Bilicda Magaalada iyo dhanka Dhismaha Cisbitaalo dhanka caafimaadka ah.

Walaalaha Dowlada Turkiga waxeey muqdisho ka sameyeyn ayaa waxaa aad ugu farxay Shacabka Muqdisho ee nala daawo muuqaal qurux badan oo laga diyaariyay wax qabadka Dowlada Turkiga & Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Madaxweynaha oo la sheegay inuu ku adkeystay hal arrin kadib kullankii…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maalintii labaad ku sugan magaalada Baydhabo,ayaa maanta shirar xasaasi ah la qaatay dhinacyada maamullada ku dhistay Baydhabo,iyadoona ay wali socdaan shirarka.

Waxaa la sheegay madaxweynaha inuu la kulmay siyaasiyiin iyo odayaal ka kala socda maamullada dhawaan magaaladaas looga dhawaaqay,waxaana wararkii ugu danbeeyey ay sheegayan madaxweynaha inuu ku wargaliyey xubnaha uuna ku adkeystay in la dhisayo maamul KMG ah kaaso hostagi doonna dowladda faderaalka.

Shirka uu madaxweynaha la leeyahay siyaasiyinta iyo odayaal dhaqameedka,waa mid ay albaabbadu u xiran yihiin wuxuuna ka socdaa xerada 60-aad oo ku dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaasoo ay deggen yihiin madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo wali soconaya waxaa la sheegay in heer gabo-qabo ah uu ku dhow yahay,waxaana looga hadlaya ismari waagga siyaasadeed ee magaalada ka jira iyo sidii labada dhinac ee labada maamul kala dhistay la isugu soo dhaweyn lahaa,waxaana xusid mudan inaysan jirin ilaa hadda warar faahfaahsan oo laga helay shirka , iyadoo la filayo in saxaafadda war laga siiyo marka uu soo gabagaboobo.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanno ayaa saakay la kulmay mas’uuliyiinta maamulka lixda gobol ee Koonfur-galbeed, kuwaasoo guddi u soo xulay inay kulankan gaar ah ay la yeeshaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha,waxaana guddoomiye Jawaari markii uu halkaa tagay uu la hadlay odayaasha iyo siyaasiyiinta taageersan maamulka lixda gobol.

Wariye ku sugan xarunta ADC-da ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka uu cadeeyay in dawlada federaalka Soomaaliya aysan taageereynin labada maamul ee looga dhawaqay Baydhabo.

Jawaari ayaa si cad u sheegay in dawladu ay u aragto labada maamul ee lixda gobol iyo kan saddexda gobol waxba kama jiraan, balse siyasiyiinta labada dhinac ay ku marti qaadi doonaan maamul cusub oo dawladu dhisi doonto oo loo sameynayo gobollada Koonfur Galbeed, inkastoo uusan sheegin tirada gobollada ay ka koobnaan doonto.

Dhanka kale, dadweyne reer Baydhabo ayaa waxay tuban yihiin illinka hore halka uu ka socdo shirka ay leeyihiin ergooyinka, siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda, kuwaa oo sugaya natiijada kasoo baxda kulankan ay albaabbadu u xiran yihiin.

Dibax-baxayaal careysan ayaa maanta Baydhabo isgu soo baxay,waxaana la sheegay in ay jirdileen wariye Cali Ilyaas Cabdullaahi, iyadoo wariyaha laga soo xigtay in uu la kulmay hanjabaado dhinacyada magaalada isku hayo ay u soo jeediyeen.

Arrinta ka taagan Baydhabo ayaa la sheegay inaysan madaxda dowladdu wali xal ka gaaren,waxaana jirta inay xiisadu wali tahay mid cirta isku shareertay.

Wixii kasoo kordha kulanka kula soco wararkeenna dambe, haddii ALLE idmo.

Isha: RBC

Beesha Sade oo soo saartay go’aan 9 qodob ah oo quseeya Jubbooyinka

War-murtiyeed kasoo baxay shir  war bixin iyo wada tashi ah oo uu qabtay Ugaaska guud ee beesha Sade ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi.   Muqdisho,  30/03/2014

Shir ballaaran oo ay manta yeelatay beesha Sade oo ka kala timid guud ahaan deegaannada kale  duwan ee beeshu degto,  oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayna kasoo qayb-galeen Ugaasyada,  salaadiinta,  siyaasiyiinta, nabaddoonnada,  aqoonyahannada, haweenka, wax garadka, iyo dhalinyarada beesha ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho waxaa kazoo baxay go’aannadan:

1-    Beesha   waxay taageeraysa barnaamijka iyo aragtida cusub ee dowladda madaxwayne Xasan Sh. Maxamud iyo Ra’iisul Wasaare Cabduweli Sh. Maxamed ee ku aaddan nabadeynta iyo xasilinta dalka, tayeynta hay’adaha dowladda ee u xilsaaran adeegga bulshada.  Sidoo kale beeshu waxay kula dardaarmaysaa dowladda in khayraadka iyo adeegyada bulshada si caddaalad ah loogu qaybiyo dhamaan bulshada iyo deegaannada dalku ka koobanyahay.

ArrimahaJubbooyinka

  1. Iyadoo la tixgelinayo mabaadiida kuqeexan dastuurka Qaranka, dastuurka Jubbaland, heshiskii  Adis Ababa, iyo kii Muqdishu, Beeshu waxay ayidaysaa is-raacidda  saddexda  gobol ee Jubaland, kaa soo ka tarjumaya rabitaanka dadka deegaanka saddexda gobol.
  2. Hasayeeshee, waxaa Beeshu nasiib darro ku tilmamaysa in maamulka kumeelgaarka ee Jubba uu kutuntay oo iska hareer maray dhamaanba go’aannaddii ay xambaarsannayeen heshiisyadaaan kor ku soo xusnay.
  3. Laga soo billaabo shirkii Adis Ababa iyo ka horba, waxaa ka dhacayey Kismayo, dilal qorshaysan, barakicin, kufsi, dhac hanta iyo daan-daansi joogta ah oo kadhan ah guud ahaan beelaha Soomaliyeed, gaar ahaanna beesha SADE.
  4. Beesha Sade muddadaas dhibka iyo tacadiyada ka dhanka ahi  ay socdeen, waxay muujinaysay taxaddar, is-xakamayn,dhabar adag, iyo talo soo jeedin. Maxaayeelay, waxaa ka dhab ahayd welina ka go’antahay  in la hirgeliyo maamulka Jubbland oo loo dhan yahay oo caddaalad ku dhisan, kana tarjumaysa baahida iyo rabitaanka dadka deegaanka sida  ku cad heshiisyadii lagu unkay maamulka Jubbaland.
  5. Beeshu waxay aaminsantahay in dadka Soomaliyeed ay ka daaleen dagaal beeleed, dagaal oognimo (warlordism) iyo siyaasadda nin tooxsiga, lana gaarayxilligii xaqligu talin lahaa, dib u dhis iyo horumarna loo horseedi lahaa ummadda iyo Jiilka soo koraya ee dagaallada iyo darxumad u nolosha la qaybsadeen.
  6. Sidaa darteed, Beeshu waxay kula talinaysaa dhamaanba ka qayb galayaashii heshiisyadii Adisa baba, kii Muqdisho, in la fuliyo qodobaddii gun-dhigga u ahaa heshiisada iyo sida uu qabo dastuurka lagu dhisay Jubbaland, si looga maagto dhiigga badan oo sida micno darrada ah u daadanaya, iyo fashilku yimaada hirgelinta maamulka Jubbaland oo shacabka deegaannadaas ay u jeel qaban.
  7. Sidoo kale Beeshu waxay ka dalbaysaa dowladda Somaliyeed iyo urur-goboleedka  IGAD, AMISOM iyo beesha Caalamkaba in si dhaqsa ah loo joojiyo, waxna laga qabto cidda ka danbaysa dilalka qorshaysan, dhaca, kufsiga, barakicinta kutalagalka ah ee kadhanka ah guud ahaan bulshada deegaanka, gaar ahaanna beesha Sade.
  8. Beeshu waxay baaq u jeedinaysaa wax-garadka iyo siyaasiyiinta Absame, in ay garowsadaan muhiimadda ay leedahay nabadda iyo wada noolaashada, iyo weliba ahmiyada ay leedahay dhisidda maamul goboleedka Jubbland oo loo dhanyahay, sidaas darteedna la joojiyo aragtida gaaban ee kudhisan isir- la dirirka iyo barakicinta beesha Sade, taas oo dhab ahaantii aan marna guul lagu gaarayn.
  9. Ugu danbayn, Beeshu waxay ugu baaqaysaa dhamaan ummadda Somaliyeed inay u midoobaan nabad iyo dib u dhiska dalkooda. Gaar ahaan bulshada walaalaha ah ee kasoo jeedda gobolllada Jubbooyinka, waxaan ku boorrinnayna adkaynta nabadda, midnimadooda, iyo hirgelinta  maamulka jubaland oo ku dhisan caddalad loo dhanyahay.

Dhamaad

Wararkii ugu dambeeyay Baydhabo & qorshaha madaxweynaha oo hirgali la’

Baydhabo (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu hadda kulan la lee yahay odayaal ay iska soo dhex xusheen maamulka lixda gobal kuwaasoo la kulmaya madaxweynaha iyo wafdi la socda oo maalintii labaad ku sugan Baydhabo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari ayaa maanta la kulmay garabka uu hoggaamiyo Madoobe Nuunow ee maamulka lixda gobal, waxaana uu sheegay in la qaboojiyo xiisada ka taagan magaalada.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo odayaasha la soo xulay ayaa hadda soo aaday xarunta taliska AMISOM oo u dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo halkaasoo ay weli ku sugan yihiin madaxweynaha iyo wafdiga la socda.

Odayaasha ka socda maamulka lixda koonfur ayaa ku adkeesanaya in maamulkooda uu yahay midka sharciga madaxda dowladda looga baahan yahay in ay aqoonsadaan.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda waxa ay rabaan in marka horre xiisada ka taagan magaalada la qaboojiyo kaddibna la hadalsiiyo labada maamul ee ka dhisan magaalada.

Magaalada waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan taageerayaasha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Maamulka SOMALILAND oo ka hadlay waxyaabaha lagu heesto Dr. Macow

Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta loogu diidday in Takhtar Cali Macow Cali loogu diidday in uu ka howgallo xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Hargeysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Cismaan Xuseen Warsame oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in markii baaritaan lagu sameeyay takhasuska ama heerka aqoontiisa Dr. Macow in ay soo baxday in laga joojiyo shaqada uu u yimid Hargeysa isla markaana dalka laga musaafuriyo sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay tan iyo markii laga joojiyay Dr. Macow howgalaha baaritaan ee yimid Hargeysa in maamulkooda ay u direen guddiga mihnadleyda caafimaadka Somaliland, kuwaasoo yiri “Dr. Macow wuxuu sheeganaayo ee ah in uu yahay Takhtar guud iyo in uu daweeyo dumarka ay tahay been abuur sidda uu hadalka u dhigay”

Waxaa kaloo uu sheegay agaasimaha in shaqsiyaad reer Somaliland ah oo deggan dalka Ingiriiska u soo gudbiyeen, warqad caddeenaysa xirfada Dr. Macow balse ma faah-faahin warqadda ay soo diteen jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska,

Dhinaca kale, qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa qoray in Dhakhtarka loo heesto eedeema uga yimid ka soo jeeda Waqooyiga oo ku nool London kuwaasoo yiri “Si xun ayuu noola dhaqmay Dr. Macow mana ahan Takhtar xirfadda uu sheeganayo leh”.

Si kastaba, Maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah u joojiyay howsha baaritaanka ee Dr. Cali Macow uu yimid Hargeysa waxaana ay ku amreen in uu magaalada ka baxo sidda u dhaqsiyaha badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Dhageyso: Xog ku saabsan DF Somalia oo 218 million oo dollar shaacisay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in dawladda ay kordhinayso dakhliga kasoo xarooda gudaha in ka badan 50% sanandkan.

Waxa wasiirku uu maanta hortagay baarlamaanka Soomaaliya isaga oo u bandhigay miisaaniyadda sannadkan soo socda oo la saadaaliyey 218 milyan oo dollar.

Wasiirka oo waraysi siyey idaacadda VOA ayaa sheegay in ku dhowaad kala-badh miisaaniyadda ay saadaalinayaan inay kasoo xarooto gudaha.

Khadka telefoonka ee Muqdishu ayuu ugu warramaya Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA-da, kaasi oo ugu horrayn weydiiyey wasiirka sida ay dakhligaasi kusoo xaraynayaan.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dibadbaxyo rabashado wata oo hadda ka socday magaalada Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dibadbaxyo waaweyn ay hadda ka socdaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Dibadbaxyada ayaa waxaa dhigaya taageerayaasha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed, kuwaasoo ku dhawaaqayada hadallo ay ka mid yihiin in madaxda dowladda ee ku sugan Baydhabin in ay aqoonsadaan maamulka lixda gobal.

Xaalada magaalada ayaa kacsan, waxaana xiran inta badan ganacsiga magaalada sidoo kale waxaa is-taagan isku socodka dadka iyo gaadidka.

Dadka dibadbaxayaya ayaa ku eedeenaya madaxweynaha in uusan taageersaneen maamulka lixda gobal oo uu taageersan maamulka seddaxda gobal ee toddobaadkii horre looga dhawaaqay.

Ilaa hadda ma jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay dibadbaxyada ballaaran ee ka socda tododbaadkii labaad magaalada Baydhabo.

Ma cadda sidda ay wax noqon doonaan, waxaana magaalada ka dhisan labo maamul oo isku soo horjeeda.

Maamulka lixda gobal waxaa madaxweyne u ah Madoobe Nuunow Maxamed halka maamulka seddaxda gobal uu madaxweyne u yahay Maxamed Xaaji Maddeer.

Faah-faahinta warkan ka soco Caasimada Online in shaa allah

Dhageyso: Shariif Xasan Sh oo shaaca laga qaaday inuu ku dhaqaaqay arrin..

Muqdisho (Caasimada Online) – Xidlhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu fashiliyay maamulka 3-da Gobol ee dhawaan Baydhabo looga dhawaaqay.

Afhayeenka Maamulka saddexda Gobol C/qaadir Shido oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu ku eedeeyay Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu masuul ka yahay fashil uu sheegay inuu ku yimid maamulka saddexda Gobol.

Wuxuu sheegay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu meesha keenay wax aan soconeyn sida uu yiri, inkastoo uusan faah-faahin ka bixin waxyaabaha sida rasmiga ah uu ugu eedeynayo Shariif Xasan ee uu ku fashiliyay maamulka saddexda Gobol.

“Anigu arintaasi ma aqbalin waxaana umadda Shabeelaha hoose degan iyo shacabka Soomaaliyeed usheegaya in shirkii 3-da Gobol uu fashilmay uu fashiliyay Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyadeedana uu isaga qaadayo”Ayuu yiri C/qaadir Shido Afhayeenka Maamulka saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya.

C/qaadir Shido, ayaa ku tilmaamay waqti badan iyo juhdi ay bixiyeen masuuliyiintii dhisay Maamulka saddexda Gobol uusan hada waxba ka jirin, sababtana ay tahay in Shariif Xasan uu maamulkaasi meesha ka saaray.

Baydhabo oo ah xarunta Gobalka Baay, waxaa ka taagan jahwareer siyaasadeed oo udhaxeeya saddex Gobol iyo lix Gobol, iyadoo hada Magaaladaasi ay joogaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda gaar ahaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo u tagay Magaaladaasi xalinta xiisadaha halkaasi ka taagan.

Halkan ka dhageysi Shido

120323_003

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Madoobe Nuunow oo shardi ku xeray inuu la kulmo Madaxweyne Xasan Sh.

Baydhabo (Caasimada Online) –  Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka taagan xaalad cakiran kadib markii maamulo iska soo horjeeda dhawaan looga dhawaaqay magaaladaasi, iyadoo dowlada hal dhinac ay la safatay.

Arintaasi ayaa sababtay in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud maalintii shalay uu gaaro magaalada Baydhabo, iyadoo ay dhaceen banaanbaxyo ka dhan ah madaxweynaha.

Wariye ku sugan magaalada Baydhabo ayaa u sheegay Caasimada Online in saaka la qorsheynayo in madaxweynaha dalka iyo gudoomiyaha baarlamaanka ay la kulmaan waxgaradka magaalada iyo maamulada labada dhinac.

Madoobe Nuunow Maxamed oo ah madaxweynaha lixda gobo lee koofur Galbeed ayaa sheegay in Xasan Sheikh uusan la kulmaynin haddii uu tagitaankiisa ka bilaabo Hotel Bakiin oo ay ku shirsan yihiin maamulka Seddexda gobol.

Madoobe Nuunow, ayaa dhawaan waxaa ergo isku timid ay u doorteen madaxweynaha maamulka lixda gobo lee koofur galbeed Soomaaliya.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa ah mid kacsan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

Video: Muuqaalka maanta & Muqdisho

Magaalo Madaxda Dalka Somalia ee Muqdisho waxaa sanadihii ugu dambeyay si xowli ah uga soconayay horumar dhan walba leh kaasoo dib loogu soo celinayo Bilicdii Bariisamaadka ay la haan jirtay magaalada.

Muuqaalo dhowr ah oo ka hadlaya Bilicda Muqdisho & Maanta oo aan jaceyl nahay in aad nala wadaagtaan sida ay tahay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee daawasho wanaagsan.

HALKAAN KA DAAWO:

Xog: Kooxda Barre Hiiraale oo 3 garab u kala jabtay (Maxaa la isku hayaa?)

Kismaayo (Caasimada Online) – Xubin firfircoon oo ka mid ah taageerayaasha kooxda Kornayl Barre Hiiraale ayaa xaqiijiyey inuu jiro khilaaf soo kala dhex galay saraakiisha ciidanka ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Khilaafka ayaa waxauu salka ku hayaa maareynta taageero maaliyadeed oo dhowaan la gaarsiiyay ciidanka.

Dhaqaalaha ayaa waxaa iska soo ururiyay ganacsato iyo xildhibaanno ku hayb ah ciidanka ku sugan dibadda magaalada, kaas oo looga gol-lahaa dhiirri-gelinta ciidanka iyo fududeynta howlgalladooda.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu sababay inay ciidanka u qeybsamaan saddex garab, iyagoo la kala saftay saraakiisha kala ah Kornayl Barre Hiiraale, Cabdullaahi Shimbir iyo Cabdi Cigaal.

Kornayl Barre Hiiraale oo wata ciidanka ugu tirada yar ayaa ku sugan deegaanka Goobweyn oo qiyaas ahaan 20 km dhinaca waqooyi kaga beegan Kismaayo. Ciidanka Barre ayaa deggan dhisme dowladdii hore ay ku lahayd deegaanka.

Cabdullaahi Shimbir ayaa asaga iyo ciidankiisa waxay fariisimo ka sameysteen halka loo yaqaanno Jubba oo u dhow meesha ay isaga darsamaan biyaha badda iyo kuwa webiga Jubba.

Qeybta saddexaad waxay hoos tagaan Cabdi Cigaal oo ka mid ahaa saraakiishii isbahaysigii la oran jiray Dooxada Jubba, asaga iyo ciidankiisana waxay ku sugan yihiin halka loo yaqaanno Dalcadda Qaam-qaam.

Ilaa hadda ma jirto cid isu taagtay iso soo dhoweynta iyo dib u heshiisiinta saraakiisha is-khilaafsan.

Way noo suurtagali wayday inaan helno xiriirrada saraakiisha ciidanka gadoodsan ee ku sugan dibadda Kismaayo si ay uga jawaabaan warka ku saabsan khilaafka dhexdooda ah.

Khilaafka ayaa soo if-baxay iyadoo Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo urur goboleedka IGAD ay wadaan qorshe ciidan qaran looga dhigayo maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan dibadda magaalada Kismaayo iyo kuw gudaha ee Raaskambooniyinta.

Qaramada Midoobay ayaa ka billowday magaalada Kismaayo dhismaha xarun weyn oo la doonayo in lagu dhaqan-celiyo maleeshiyaadka gadoodsan si looga dhigo ciidan xirfadleyaal ah, asluub leh oo hoos-taga talis sharci ah oo la garanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhaba + Xogta iyo xaalka Madaxweyne Xasan

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo waxaa maalintii labaad ku sugan madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka, kuwaasoo ku howlan qaboojinta xiisad siyaasadeed iyo rabshado ka socda magaaladaas.

Madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xaley kulamo gargaar ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadda sidda siyaasiyiinta iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay dadka uu la kulmay siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan magaalada Baydhabo.

Sidoo kale.madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ilaa hadda lama kulmin dhinacyada isku haya magaalada Baydhabo ee kala wata maamulada lixda gobal iyo seddaxda gobal.

Madaxweynaha siddoo kale waxa uu la kulmay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxaana uu ugu hambalyeeyay goobaha laga xorreeyay Al-Sahaab sidda Xuddur iyo deeganno kale oo ku yaalla gobalka Bakool.

Maanta ayaa la filaaya in madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka ay la kulmaan dhinacyada isaga soo horjeeda Baydhabo, waxaana ay kala hadli doonaan siddii ay miiska wadahadallada isugu imaan lahaayeen.

Siddaas oo ay tahay haddana hoggaamiyaasha maamulka lixda gobal ayaa weli arrintaas diiddan waxaana ay ku tilmaameen maamulka seddaxda gobal mid aan sharci ahayn.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta lagu arkayaa ciidamo fara badan oo ah kuwa AMISO.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

DR. MACOW “Takhtar buuxa oo Gen Medicine ayaan ahay ee ma ahi nin…”

Hargeysa (Caasimada Online)- Dakhtar Cali Macow Aweys, oo ka mid ah takhaatiirta Soomaaliyeed ee caanka ah isla markaana labo xaun caafimaad ku leh magaalada London, ayaa ka hadlay, go’aan ka soo baxay maamulka Somaliland kaasoo ah in uusan takhasug ku heesan xirfada uu sheeganaayo, isla markaana uusan ka shaqeen karin Hargeysa.

Dr.Macow oo shir jaraa’id ku qabtay maanta Hargeysa ayaa marka horre sheegay in uusan garaneynin wax yaabaha ilaa hadda lagu heesto isla markaana lagu hor-istaagay baaritaan caafimaad oo uu ka sameen lahaa magaalada Hargeysa.

Wuxuu ku ceceliyay in uu ku yimid Hargeysa warqad oggolaansho ah oo ay siiyay wasaaradda caafimaadka mamaulka Somaliland.

Dr. Cali Macow wuxuu kaloo sheegay in cid ka hadli karta xirfadiisa iyo aqoontiisa aaney jirin, eedeenta loo soo jeediyay ee ah in uusan xirfad u lahayn daweynta haweenka ay tahay mid been abuur ah oo laga lee yahay dano kale sidda uu yiri.

“Aad ayaan uga xumahay in howsheeda la hor istaago, teeda kale xirfadeeda cid wax ka sheegi karta ma lahan, 27-kii bishan ayaa xaruntii aan joogay waxaa yimid ciidamo boolis ah kuwaasoo dhahay waa la xirayaa,ma aqaano sidda ay wax u dhaceen, laakin anniga takhasus ayaan u lee yahay Gen Medicine, oo 25-sanno ayaan ka soo shaqeeyay Jermalka in la iidiido annigoo Soomaali ah Hargeysa ma aqaano” ayuu yiri Dr. Macow.

Dr Macow wuxuu hoosta ka xariiqay in uu ilaa hadda garan la’yahay in loo diiddo in uu ka shaqeeyo Hargeysa isagoo Soomaali ah, halka loo oggolaaday dalka Jermalka in uu ka shaqeeyo 25-sanno iyo Ingiriiska oo uu ku lee yahay ilaa labo xarumood oo caan ah.

Si kastaba, aad ayaa looga hadal hayaa xarigga Dr. Macow guud ahaan deegannada Soomaalida ay degtay gaar ahaan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

 

Markabkii Cusmaan Geedi Raage oo halis ku jirra iyo warbixin ku saabsan

Sanca (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay burburtay dowladii millitariga Soomaaliya ayaa waxaa kaloo burburay hantidii lahayd Soomaaliya oo qaar badan ay ku dayacan yihiin qaybo kamid ah caalamka.

Haddaba hantidadaas waxaa kamid ah Maraakiibtii ay lahayd Soomaaliya ee ku dayacan dalka Yemen.

Xuseen Xaaji Axmed ku-xigeenka qunsulka Soomaaliya ee Cadan ayaa VOA-da u sheegay in mid ka mid ah maraakiibtaas uu hadda qarkan u saaran yahay in uu quuso kaddib markii biyo badan uu ku soo fatahay.

Markabka halista ku jirra ayaa ah Markabka Cumaan Geedi Raage, waa markabka ugu weyn uguna ballaaran ee Soomaaliya lee dahay.

Dhawaan ayaa maxkamad ku taalla Cadan waxa ay maraakiibta Soomaaliya u xukuntay ganacsade reer Yemen ah kaasoo sheegay in uu lacago badan ku lee yahay shirkaddii kalluumeesiga ee Shifko.

HANTIDII-QARANKA-SOOMAALIYA

Si cad ah looma oga in lacagtaas uu sheegay ay sax tahay iyo in kale, tiiyoo ay dheertay in weli maraakiibta ay ku dayacan yihiin dalka Yemen oo qaar ayaaba biyuhu soo galeen sidda uu lee yahay Xuseen Xaaji Axmed.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin dhibaatadan laga soo wariyay hantidii Soomaaliya lahayd ee ku dayacan dalka Yemen, iska daa in ay soo celiso xittaa kama warqabto hantida Soomaaliya uga dayacan caalamka oo itaalkeeda ayaan gaarsiisneen xilligan in ay arrimahaas u jiheesato.

Si kastaba Xuseen Xaaji Axmed ayaa ku baaqay in la badbaadiyo hantidaas Soomaaliya ay lee dahay ee ku dayacan dalka Yemen, isagoona intaas ku daray haddii aan waxbo laga qaban in ay dhib badnaanto sidda loo heli karo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

Xog aan ka helnay sababta Jawaari uu socdaal degdega ugu tagay Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxaa caawa ka socda kulamo aan caaddi ahayn, waxaana kulamadaas ku biiray afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isna galabtay tagay magaladaas.

Jawaari muxuu ka doonay Baydhabo?

Afhayeenka baarlamaanka waxaa uu taageersan yahay maamulka lixda gobal, waxaana loogu yeeray Baydhabo in uu bal la hadlo garabka Madoobe Nuunow oo ku adkeesanaya maamul lix gobal iyo madaxweynaha haddii uu rabo in ay la kulmaan iyaga in uu ugu yimaado xarunta ADC-da ee Baydhabo oo xaruntooda guud.

Jawaari markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaa si toos ah loo geeyay gurri uu lee yahay Ibraahim Yarow oo xildhibaan iyo wasiir soo noqday.

Wafdiga madaxweynaha waxa ay iyana ku sugan garoonka diyaaradaha Baydhabo, waxaana caawa magaaalda ka socda kulamo albaabada u xiran oo arrimo badan lagu gorfeenaayo.

Ilo xog ogaal ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in Jawaari loo yeeray markii wafdiga la socday madaxweynaha oo ka koobnaa wasiiro iyo xildhibaanno kuwaasoo la kala saftay labada maamul ee ka dhisan Baydhabo.

Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan mid ka mid ah maaulada ka dhisan Baydhabo ayaa tilmaamay in uu jiray khilaaf soo kala dhex galay wasiirka arrimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Barre iyo ku-xigeenkiisa Maxamuud Macalnin Yaxye, waxaana la isku qabtay sidda loo qaabilaayo labada maamul.

Ma cadda sidda ay wax noqon doonaan, waxaana la lee yahay xaalada magaalada weli caawa waa ay kacsan tahay, oo dad ayaa meelaha qaar lagu arkayaa kuwaasoo maqlay in wafdiga madaxweynaha ay rabaan in ay habeenimo magaaalda soo galaan si ay ula kulmaan labada maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ciidamo ka wadatirsan DF oo is laayey

Afgooye (Caasimada Online) – Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhimmatay tiro intaas kabadana waa ay ku dhaawacmeen is-rasaaseen dhex martay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose uu socday muddo saacad ah.

Dadka deeganka ayaa sheegay in ay arkeen meydadka askarta dagaallantay iyo dad rayid ah oo ay haleeshay xabada.

Dagaalka ayaa ka dhacay waddada xiriirsa Afgooye iyo Muqdisho, waxaana weli caawa fiidkii la maqlayay rasaas xooggan.

Labada dhinac ee islaayay ayaa is-hor fadhiya mana la xaqiijin karo waxa xigga, maadama xilliga uu habeen yahay.

Ma jirto cid ila ahadda ka dashay iska hor imaadka ciidamada dowladda ku dhexmaray degmada Afgooye, balse waxaa sheegis mudan ma ahan markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan dowladda ay israsaaseen ku dhexmarto deeganno ku yaalla gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

C/WELI oo looga yeeray Baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed uu horyimaado baarlamaanka, waxaan la sheegay inuu ka hor akhrin doonno qorsha ay xukuumaddu ku shaqeyn doonto sannadka ina soo aadan.

Kalfadhi ay maanta yeeshen baarlamaanka Soomaaliya, ayaa lugu go’aamiyey in xarunta golaha shacabka lakeeno si loo dhageysto howlaha u dagsan xukuumaddu inay qabato sannada soo scda iyo waxa u qorsheysan.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa fadhiga baarlamaanka hadal uu ka jeediyey waxuu dalab u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoona ka codsadey inuu baarlamaanka horyimaado sidii uu sharraxad uga biyo waxqabadka xukuumaddisa.

Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka,waxuu ugu baaqay xildhibaanada inay soo xaadiraan kulankan si ay wax uga weydiiyaan raysul waasaraha qorsha u dagsan xukuumaddisa inay qabato sannadka 2015.

Ra’iisul wasaare C/wali ayaa sharciyan looga fadhiya inuu berri hortago baarlamaanka,isagoona u faah-faahinaya howlaha ay doonayso inay xukuumaddiisu qabato sannadaha soo socda.

C/wali Sheekh Axmed,waxuu horay u sheegay inuu aqbalayo inuu hor-tago baarlamaanka si uu ugu sharraxo howlaha xukuumaddiisa horyaalla dhowrka sano ee soo socda.

Dhinaca kale xildhibaannada baarlamaanka kulankooda maanta doodo ay ka dhibteen waxaa ay ku sheegen in kulamadooda ay uga doodan dib u habeynta dastuurka dalka oo qabyo ah iyo in wax laga qabto dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliyeed.

Baarlamaanka waxuu u si bilwo ah ugu jira kalfadhigoodi afaraad oo dhawaan u foray madaxweynaha,waxaana ay ballan-qaaden inay waxbadan qaban doonan.

Isha: RBC Radio