30.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Sirdoonka Mareykanka oo dhageysta taleefonka madaxweyne Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay cirka isku sii sharaeerayso Fadeexadda lagu muujinayo inay Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSA) dhegeystaan Telefoonadda khaaska ee Hoggaamiyayaal ka tirsan Qaaradda Europe iyo Latin America ayaa waxaa haatan la kashifay inay Sirdoonka Hay’adaasi la socoto, isla markaana dhegeysato Telefoonadda Madax kale.

Wargeyska ka soo baxa dalka Jarmalka ee Der Spiegel cadadkiisa shalay ayaa waxa lagu soo daabacay inay Hay’adda NSA-da Maraykanka xafiday in ka badan 300 warbixin dhegeysi ah oo ku kaydsan Xogta Kaydka ee Khaaska ee Telefoonka haweenetyda Ra’isul-wasaaraha ka ah dalka Jarmalka, Angela Merkel.

Xog-kaydiyaha Khaaska (a special databank) ee Hay’adda NSA ee Angel Merkel farriimaheeda lagu duubay ayaa waxaa ku laran tiro Hoggaamiyayaal Qaran oo shisheeye.

Wargeyska Der Spegel waxa uu cadadkiisa shalay lagu soo bandhigay Dukumentiyo uu soo ururiyey Qandaraaslaha Maraykanka ee baxsadka ah, Edward Snowden, oo mar la shaqeyn jirey Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka ee NSA.

Xog-kaydiyaha Telefoonadda ee ay Hay’adda NSA ka ururisay qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Caalamka ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Md. Xasan Sheekh Maxamuud safka hore kaga jiro.

Hoggaamiyayaasha kale ee Warbixinta Wargeyska Jarmalka shalay lagu soo daabacay waxaa kaloo lagu xusay Madaxweynayaasha dalalka Peru, Belarus, Guatemala iyo Colombia.

Bilowgii bishan, Mudanayaasha dalka Jarmalka ayaa isku raacay in la bilaabo baaritaan lagu ogaanayo Hawlaha Sirdoonka ee Hay’adda NSA iyo Hay’addo kale oo shisheeye oo ka shaqeeya dhinaca Sirdoonka.

Mudanayaasha Barlamaanka Jarmalka, waxay si gaar ah u codsadeen in dabagal lagu sameeyo codadkii haweeneyda Ra’isul-wasaaraha ka ah Jarmalka, Angel Merkel laga duubay Telefoon-gacmeedkeeda (cellphone), kaasi oo sannadkii hore la shaaciyey.

Dacwad-oogayaasha Federalka Jarmalka, waxay kaloo ka baaraan-degayaan haddii ay baaritaan u khaas ah ka furayaan Dhaqdhaqaaqyadda Xog-dhegeysiga ee Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSA) ka wado Jarmalka iyo guud ahaan Caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo la shaaciyo inay Hay’adda NSA-da Maraykanka dhegeysteen ama dabagal ku sameeyeen xogta ku kaydsan Telefoon-gacmeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana suurtogal inay Hay’adaha Sirdoonka qaar ka mid ah dalalka Caalamka dhegeysteen Telefoonadda Madax haatan talisa iyo kuwo horey Madax uga ahaan jirey dalkeenna.

Xigasho: Der Spegel iyo Wakaalladda Wararka ee AP

Madaxweynaha oo la kulmay mucaarad xooggan, isagoo dhaafi la’ garoonka

Baydhabo(Caasimada Online)- War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in weli madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud aaney ilaa hadda la kulmin dhinacyada isku haya magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ilaa hadda ku sugan garoonka diyaaradaha Baydhabo,waxaana la sheegayaa in xaalada magaalad aay kacsan tahay.

Maxaa keenay in madaxweynaha ilaa hadda uusan la kulmin labada maamul ee ka dhisan Baydhabo?

Su’aashaas oo aan weydiinay Wariyaha noo jooga Baydhabo, wuxuu ku jawaabay in madaxweynaha lagu xiray Shuruud ah in uu yimaado xarunta ADC-da oo ku sugan maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha u yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Madaxweynaha ayaa rabay in uu tago hotelka Bakiin, balse arrintaas waxaa ka hor yimid maamulka lixda gobal waxaana la sheegayaa in laga cabsi qabo in madaxweynaha la weerarro, arrintaas waxa ay keentay in madaxweynaha uu ka soo gudbi waayo xarunta AMISOM oo ku dhex taalla garoonka.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaray ayaa sheegaya in madaxweynaha uu diraayo labo wasiir oo ka soo jeeda beelaha deggan Baydhabo kuwaasoo kala ah Yuusuf Amiin iyo Aadan Saransoor, labadan wasiir ayaa la sheegay in ay la kulmi doonaan labada dhinac oo ay ugu tagi doonaan ADC-da iyo Hotel Bakiin oo ay ku kala sugan yihiin labada dhinac.

Markaas kaddib wax yaabaha ay kala soo hadlaan wasiiradan mas’uuliyada labadaas dhinac iyo wax yaabaha ka soo baxa ayaa loo gudbin doonaa madaxweynaha oo aan soo dhaafi doonin garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Xaalada magaalada ayaa weli kacsan oo meelah qaar dibadbaxyo ayaa ka socda waxaa kaloo xiran goobaha ganacsiga magaalada.

Faah-Faahin wararkan nagala soco Caasimada Online in shaa allah

B/Weyne: Askarta Jabuuti oo dad dilay

Beledweyne (Caasimada Online)-War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne ay dad ku dileen magaaladaas.

Wariye ku sugan Beledweyne oo gaaray goobta ayaa u sheegay in Caasimada Online in ciidamada AMISOM ee Jabuuti ay dad ku dileen magaalada.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay in ka badan 3 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii askari ka tirsan ciidanka Jabuuti oo la socday kolanyada ciidamada AMISOM uu rasaas furay.

Sidda ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha askariga rasaasta waa ay ka fakatay, kaddibna waxaa gacanta ku dhigay ciidamo kale.

Ciidamada Jabuuti ayaa ku sugnaa goob shidaal laga qaato askarigana waxaa al sheegay in uu la socday ciidamada Hiil Walaal.

Waxaa goobta gaaray ciidamada dowladda in kastoo ciidamada AMISOM ee Jabuuti ay meesha ka tageen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MAXAMUUD SAYID Aadan oo eedeen culus u jeediyay madaxweyne Xasan

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka lixda gobal ee maamulka Koonfur galbeed, ayaa eedeen u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay hadda ku sugan yihiin magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Maxamuud Sayid Aadan oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in madaxweynaha aaney daacad ka ahayn maamulka lixda gobal isagoonta intaas ku daray in uu wax ka ogyahay maamulka seddaxda gobal ee isna ka dhisan Baydhabo.

Maxamuud Sayid Aadan waxaa kaloo uu caddeeyay in madaxweynaha uu soo diray Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa maskaxdii ka dambeesay dhismaha maamulka seddaxda gobal.

Waxaa la weydiiyay madaxweynaha in ilaa hadda ay la kulmeen, wuxuu marka horre sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisa in loo sheegay maamulkooda in ay maanta imaanayaan oo tan iyo xaley ayaan u diyaar garownay ayuu yiri, laakin wuxuu shuruud ku xiray in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay yimaadaan xarunta ADC-da oo uu sheegay in ay tahay xarunta dowlad gobaleedka maamulka lixda gobal sidda uu yiri.

Wuxu ka digay haddii madaxweynaha uu tago Hotel Bakiin in wixii ku dhacay aaney mas’uul ka ahayn maamulkooda, mar la weydiiya inuu faah-faahiyo waxyaabaha uu kala jeedo hadalkaas, wuxuu tilmaamay in dad careesan ay ku sugan yihiin waddooyinka magaalooyinka lagana yaabo in ay weerar ku qaadan mas’uuliyiinta dowladda.

Ugu dambeyn wuxuu madaxweynaha ku eedeeyay in uusan daacad ka ahayn maamulka lixda gobal taas badalkeedana uu taageersan yahay maamulka looga dhawaaqay Hotel Bakiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DHAGEYSO: AW-LIBAAX oo erayo yaab leh ku qeexay XILDHIBAAN XIDDIG

Buurdhuubo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Ahlusunna ee Gobalada Koonfureed Sheekh Maxamed Aw-libaax ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgalad kasocda gobolka Gedo islamarkaana sheegay in deegaanada laga xoreeyo loo sameeyay maamul.

Sheekh Awlibaax ayaa sheegay in Maamul ay u magacaabeen degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo ,isagoo sheegay in maamulkaas uu hoos imaan doono Dowladda Dhexe ee somaaliya.

Dhinaca kale Sheekh Awlibaax ayaa waxa uu jawaab kulul ka bixiyay hadalada kasoo yeeraya Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, Waxaana uu sheegay inuu ka tirsan yahay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, islamarkaana uu kamid yahay kuwa xasuuqaya shacabka magaalada Kismaayo.

Halkan ka dhageyso wareysiga Aw-Libaax

awlibaax

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wada-hadallo u furmaya DF iyo P/Land

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa iyo DF Somalia ay wada-hadallo u furmayaan.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in Somaliya ay ka jirto Dowlad Federal ah, isla-markaana ay Puntland qayb ka tahay Dowladda, wixii labada dhinac ka dhex jirana ay tahay in laga wada hadlo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay wada hadalo la galayaan Dowladda Federalka ee Soomaaliya, iyana ay diyaar u tahay in Puntland ay kala hadasho, wixii khilaaf ah ee jira, dowladduna ay diyaar u tahay..

Gaas, ayaa wuxuu hadalkaan ka sheegay Barnaamijka Martida Microphone-ka, ee ka baxa laanta afka Somaliga ee VOA.

Halkan ka dhageyso Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Imisa ayey Fowsiya ku iibsatay kursiga, muxuuse sharciga Somalia ka qaban?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqan fool xun ayaa ku soo kordhay golaha baarlamaanka Somalia kadib markii Wasiiradii hore ee Arrimaha dibadda Somalia Fawziya Yuusuf Xaji Aadam lacag dhan sedex boqol kun oo dollar ay kursi Xildhibaanimo uga iibsatay nin ay isku reer yihiin oo lagu magacaabo Ismaaciil.

Wasiiro badan oo ka tirsanaa Xukumadii Saacid, ayaa xusul duub xoogan ugu jiro inay jagooyin Xildhibaanimo ka iibsadaan Xildhibaano la qabiila si ay uga badbaadaan dacwado la xiriira in lagu maxkamadeeyo qiyaano qaran iyo xatooyo hanti shacab, maadaama xildhibaannimada ay siineyso xasaanad.

Tifaftiraha Caasimada Online Axmed Cali Sheikh ayaa bartiisa Facebook ku qoray su’aal ku saabsan wuxuu sharciga ka qabo in la kala iibsado kursi Xildhibaan, wuxuuna yiri:- ” Muxuu sharciga Soomaaliya ka qabaa in la iibsado kursi xildhibaannimo (Fowsiya Xaaji Aadan), mase maba lihin sharci noocaas ah?. Waxaan ogahay in governor-kii hore ee gobolka Illinois ee USA Rod Blagojevich uu xabsi 14 sano ah ku muteystay, markii uu isku dayey inuu kursiga Senator Obama ka iibiyo Oprah Winfrey, oo ay iska diiday”?

Somalida waxay aad u hadal hayaan kursiga ay iibsatay Marwo Fawziya Xaji Aadam, iyadoo falka nuucaasa uu niyad jab weyn ku abuuray qalbiyada Wadaniyiinta Soomaaliyeed.

Ficilka Fawziya ku iibsatay kursi Baarlamaan waxaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday warbaahinta waagacusub oo qortay February 15, 2014, waxaana todobaadkaan faafin doonnaa Liiska Wasiiro ka tirsanaan jiray Xukumadii Saacid oo kuraas baarlamaan ka iibsaday shaqsiyaad la qabiila, sida Fawziya sameeysay.

Si kastaba ha ahaatee, Dambiga ay gashay Fawziya maaha mid ay kaga badbaadi karto xilka ay iibsatay, waxaana kiiskeeda ku socdo baaris heer caalamiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Bannaanbaxyo ka socda Baydhabo iyo Faah-faahin socdaalka madaxweynaha

Baydhabo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dibadbaxo waaweyn ay ka socdaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, halkaasoo booqasho uu ku joogo madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo.

Dadka dibad baxaya ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada waxaana ay ku dhawaaqayaan hadallo ah in madaxweynaha uu taageero maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Waxaa xiran goobaha ganacsiga ee magaalada waxaa kaloo istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka sidda waxaa ku soo warramay goordhow Wariyaha Caasimada Online ee Baydhabo.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa kulamo la leh saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, kulankooda waa mid albaabada uu xiran yahay oo saxaafadda bannaanka ayey ka joogtaa.

Ma cadda ilaa hadda madaxweynaha iyo wafdiga la socda wax yaabaha ay u yimaadeen Baydhabo iyo in ay la kulmi doonaan dhinacyada isku haya magaalada ee kala sheeganaya labo maamul.

Magaalada Baydhabo waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo aad u cikiran taasoo gaartay in ay rabshado ka dhacaan magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

XOG dheeri ah oo ku saabsan xarriga DR. CALI MACOOW AWEYS (Dhageyso)

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo maalin kahor Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland lagu xiray dhaqtar Cali Macoow Aweys oo ah Dr. Soomaaliyeed kana yimid dalka Uk, ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliland.

Cabdirashiid Xaashi Cabdi Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliland, ayaa sheegay in Dr Cali Macoow Aweys uusan xiriir la soo sameynin xilligii Soomaaliland uu tagaye.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in Dr. uu qaabilay bukaano badan oo dhaqtar hal maalin uusan qaabili Karin, taasina marka loo eego ay tahay arin aan sharci aheyn oo ka baxsan shaqada Dhaqaatiirta.

Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliland, ayaa sheegay inay canbaareynayaan inaan lagu soo wargelin imaatinkiisa Magaalada Hargaysa Dr Cali Macoow Aweys.

Dr Cali Macoow Aweys ayaa la xiray maalin kahor markii ciidamada Booliiska Soomaaliland ay ugu tageen xarun uu ka waday Baadhis oo Hargaysa ku taal, halkaasi oo ay iska diiwaangeliyeen Bukaano gaaraya ilaa 2000.

Dadka qaar ayaa sababta Dr loo xiray ku sheegay in Dhaqaatiirta kale ee Soomaaliland uu ka horjoogsaday shaqooyinkoodii, maadaama badi bukaanada ay uweecdeen dhankiisa oo baadhis u aadeen.

Halkan ka dhageyso Cabdirashiid Xaashi

dhaqaatirta

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

Shariif Xasan Sh oo soo rogaal celiyey (Maxaad kala socotaa qorshahiisa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan oo dhawaan dibadbaxyo looga soo hrojeedo ay ka dhaceen Magaalada Baydhabo ayaa la shaaciyay inuu maanta oo Axad ah mar kale ku wajahan yahay Baydhabo, kadib markii dhawaan ay Madaxda DF ugu yeereen Muqdisho.

Madoobe Nuunow oo dhawaan loo doortay Madaxweyne ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan imaanshaha Xil. Shariif Xasan ayna sameyn doonaan dibdbax weyn oo looga soo horeedo.

“Axadda waxaa magaalada kusoo wajahan Shariif Xasan, waxaana dhigi doonaa dibad-baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo” ayuu Madoobe ka sheegay kulan shalay maamuus loogu sameynayay Odayaashii dhawaan lagu dilay duleedka Buurhakaba iyo dil wiil 13-jir ah loogu geystay Baydhabo.

Xil. Shariif Xasan ayaa hor-boodaya Maamul ay ku mideysan yihiin Sadex Goboo oo Laba maalmood ka hor looga dhawaaqay Baydhabo, kaasoo xilka Madaxweyanah loogu doortay Maxamed X. C/nuur [Mad-deer] oo ay walaalo yihiin Shariif Xasan.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Dibadbaxyo waaweyn oo looga horjeedo Shariif Xasan, taasoo keentay in Shariifku uu dhaafi waayo Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.

“Inagu ma doonayno in dhibaato ka dhacdo Baydhabo, waayo waxaan diidanahay in shacabka Baydhabo ay iska horkeenaan ayna dad ku dhintaan” ayuu yiri Xil. Shariif Xasan oo Warbaahinta la hadlayay isagoo ku sugan Baydhabo.

Madaxda DF ayaa isku dayay labadii maalmood ee lasoo dhaafay inay maamulada uu khilaafku ka dhexeeyo isku keenaan, si ay isku fahamsiiyaan, balse taasi waxay u muuqataa mid aan hirgeli karin.

Shariif Xasan ma jiro hadal dhankiisa kasoo baxay oo ku aadan in Baydhabo uu ku laaban doono maanta, balse Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka jira diyaargarow la doonayo in lagu dhigo Banaanbaxyo ka dhaca Baydhabo.

Ugu dambeyntii, Maamulka Koonfur Galbeed ee lixda Gobol ka kooban ayaa horay u sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan Mas’uuliyiinta dhisay maamulka 3-Gobol ka kooban ee Madaxweynaha loogu doortay Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xasan Sheekh oo Baydhaba gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas uu gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Baydhabo ayaa soo sheegay in magaalada saakay ammaankeeda aad loo adkeeyay isla markaana la joojiyay dhaqdhaqaaqa dadweynaha iyo gawaarida.

Xog badan lagama hayo socdaalka Madaxweynaha ee Baydhabo iyo cidda uu kula kulmi doono balse waxaa jirtay khilaaf dhinaca madaxda dowladda oo ku aadan maamulada is-barbar socda ee looga dhawaaqayo Baydhabo.

Madaxweynaha ma taageersana maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed balse waxaa maamulkaas in uu dhaqangalo wada guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari oo isaga ayaa furmay sannad ka hor inta aan la dhisin.

Waxaa kaloo laga yaabaa in uu madaxweynaha la kulmo mas’uuliyiin ka tirsan maamulada looga dhawaaqay Baydhabo iyo odayasha deeganka.

Magaalada Baydhabo waxaa ka taagan khalalaaso siyaasadeed kaddib markii labo madaxweyne magaalada ay yeelatay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Prof. Jawaari oo ku dhowaaqay go’aan muhiim ah oo ka dhan ah DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamaanka Somalia, ayaa maanta 29.March 2014 sheegay inay mamnuuc tahay in DF Somalia ay lacag ka saarto bankiga dhexe ee uusan ka war qabin guddiga maaliyadda baarlamaanka Somalia.

Jawaari ayaa fadhiga maanta ee baarlamaanka ka hor sheegay billowga bisha afaraad inay warqad codsi ah u diri doonaan dadka gacanta ku haya maamulka Bankiga dhexe ee Muqdisho, kaasoo ku aadan inaysan bixin karin wax qarashaad ah oo aysan soo saxiixin guddiga maaliyadda ee barlamaanka.

Arrintan ayuu ku sheegay inay tahay hubinta lacagta laga saaro bankiga iyo sida wax loogu qabto maadama baarlamaanku uu wakiil ka yahay shacabka, lacagta laga saarana bankiga loogu addeego bulshadda Soomaaliyeed.

“Wax Alle iyo wixii hanti ah ee ku jira qasnadda DF waxaa leh shacabka ,shacabkana waxaa wakiil ka ah golahan, lacag aan ogolaasho looga haysan golahanna lama bixin karo,Jawaari oo sii hadlaya ayaa muujiyay inay arrintan xil ka saaran tahay.

Amarka Jawaari ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo noocaasi ah oo baarlamaanka laga dhex maqlo tan iyo mudaduu uu dhismaa.
Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay fadhigaan iyo kan ku xiga la qaban doono shaqooyin faro badan sidaasi darteedna xildhibaanada looga baahan yahay inay waqti ka badan koodii caadiga ahaa ay shaqeeyaan maadama lagu rajo wayn yahay in 2016-ka la qabto doorasho xor ah.

Balse arrinta uu murunku ka taagan yahay ayaa ah mamulada iska soo horjeeda ee looga dhawaaqay magalada Baydhabo ,mamulka lixda gobal ee Baydhabo waxaa horay u taageeray Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari halka kan saddexda gobal ka koobana ay taageero u hayaan xildhibaanada qaar iyo xafiiska Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaanada Majeerteen & Ogaaden oo mooshin geeyey Baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Soomaalia, ayaa manta la geeyey mooshinkii ugu horeeyey mooshin dhowr ah, oo la damacsan yahay in la geeyo kalfdhigga cusub ee dhowaan furmay.

Mooshinka, ayaa waxaa keenay 15 mudane, waxaana loogu yeerayo labo wasiir oo kala ah wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/laahi Goodax Barre iyo wasiirka amniga qaranka C/kariin Xuseen Guleed.

Xildhibaanada mooshinka keenay, oo ah kuwa beelaha Majeerteen iyo Ogaadeen, ayaa waxa ay ku dhaliileen labada wasiir.

Waxa ay ku tuhmayaan inay kasoo horjeedaan maamulka Axmed Madoobe, hase yeeshee waxay mooshinka u qoreen in labadan wasiir aysan howshooda gudan, baarlamanka uusan aqbaleyn mooshin ku lug maamulka Axmed Madoobe.

Afhayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in maadaama mooshinka uu hab sharci ah ku yimid uu farayo in labada wasiir ee loo yeeray ay baarlamaanka ku yimaadaan saddex maalmood gudahood si su’aalo loo weydiiyo.

Laba maalmood ka hor, ayaa xildhibaan Cabdirashiid Xiddig, oo ka mid ah dadka u ololeeya maamulka Axmed Madoobe, waxa uu labadan wasiir ku dhaliilay inay dagaal ka dhan ah Kismaayo abaabulayaan.

Isla fadhiga maanta ay yeesheen mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxaa lagu dhaariyey Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta noqotay xildhibaan cusub oo baarlamaanka ku soo biirtay, iyadoo tirada mudanayaasha kulanka fadhiyey “kooramka” uu markaasi ka dib noqday 145 mudane dhaarinta Marwo Fawsiyo kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

A/Madoobe: DF Soomaaliya waa lagu qasbay heshiiskii Addis Ababa ee lagu aqoonsaday Maamulka KMG ee Jubba

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in gaashanka u daruuray in ay doorasho ka dhacday Khamiistoo lagu doortay madaxweyne hoggaamin doona maamul ka kooban seddax gobal.

Aadan Madoobe oo warramayay BBC-da ayaa sheegay in wax doorasho la dhaho aaney ka dhicin Baydhabo, ee meesha nin la soo qariyay lagu doortay Hotel Bakiin, waxaana ka dambeeyay shakhisiyaad dano kale leh ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay sidda uu ku inkiri karo in ergo ka badan 700 in ay joogeen doorashada, wuxuu muujiyay in Warbaahinta la buunbuuniyay sidda uu hadalka u dhigay.

“Maamula la sheegayo kuma imaan rabitaanka shacabka, kamana dhcin doorasho labaad Baydhabo, dad siyaasiyiin ayaa qorshe waday iyagiina waa ay ka soo bixi waayen goobta lagu xareeyay nin ayaa habeen la waday oo la geeyay Hotel Bakiin isagii ayaa la dhahay waa la doortay, maamul lix gobal oo ay taageersan yihiin shacabka ku nool gobaladaas” ayuu yiri Aadan Madoobe oo ka mid ah xildhibaannada taageersan maamulka lixda gobal.

Aadan Madoobe waxa la weydiiyay marka laga soo tago maamulka seddaxda gobal in uu jirro maamul kale oo  dowladda ay aqoonsatay kaasoo ah maamulka KMG ah ee Jubba, sidda laga yeelayo?

Wuxuu yiri “Maamulkaas waan ognahay sharci kuma imaan dowladda waa lagu qasbay oo beesha caalamka ayaa wadatay, laakin siddaas oo tahay isagu waa KMG wuxuuna uu hoos-imaanayaa State-ka lixda goba, diyaar ayaanna u nahay in aan kala hadalno waxa ay rabaan”.

Si kastaba, waxaa muuqata khilaafo hor leh oo ka dhalanaya maamulada looga dhawaaqay dalka kuwaasoo laga cabsi qabo inay ka dhashaan dagaallo sokeeye oo hor leh.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Fowsiya Yuusuf oo xildhibaannimo loo dhaariyey (Xogtii Caasimada Online)

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan in ay ka mid noqotay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Fowsiyo ayaa xilka ka badalatay xildhibaan kale oo la siiyay lacag badan siddii loogala wareegi lahaa xilkaas, siddaas waxaa noo sheegay xubin baarlamaan io ku sugan fadhigga baarlamaanka maanta oo Sabti ah.

Caasimada Online, ayaa xogtan shaaca ka qaaday dhowr maalmood ka hor. Halkan ka aqri

Marwo Fowsiyo oo ra’iisal wasaare ka soo noqotay xukuumadii Saacid ayaa xilkan kala wareegtay xildhibaan Ismaaciil xasan Jamac oo iska casilay sida uu sheegay.

Wariye ka tirsan Caasiamda Online oo ku sugan xarunta baarlamaanka ayaa sheegaya Fowsiyo ay hadda ku sugan tahay xarunta golaha baarlamaanka isla markaana xilka xildhibaannimo loo dhaariyay.

Xog badan laga mahayo waxa ku dhaliyay Marwo Fowsiyo in ay siyaasadda ku soo laabato iyadoo guuldaro weyn ka gaartay, balse waxaa la lee yahay waxa ay isku dhow yihiin madaxweynaha Soomaaliya oo ay isku xulufo ahaayeen isagaana loo badinayaa in uu ka dambeeyay in ay soo laabato.

Waxaa la sheegayaa inay jirto suurta-galnimada ah in Fowsiya ay xildhibaannimada u dooratay inay ku huwato xasaanad ay kaga bad baado dacwado kasta oo lagu soo oogi karo, kadib markii horey loogu eedeeyey musuq maasuq.

Fowsiyo tan iyo markii laga qaaday xilka wasiirka arrimaha dibedda waxa ay olole ballaaran ka waday magaalada Nairobi oo xarun ay ka dhigatay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maamulka Shibis oo ka jawaabay codsi ka yimid Fanaan caa ka ah Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha cusub ee degmada Shibis Cabdi Fataax Xasan Cali oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay ka jawaabeen codsi dhawaan uu soo dirsaday Fanaan Axmadey Abuubakar Al-Camaari, kaasi oo ku aadanaa in dalka lagu soo celiyo.

Fanaanka ayaa dhawaan codsi uu jeediyay wuxuu ku sheegay inuu ku xanuunsanayo dalka Yemen, uuna doonayo cid ka taageerta dhanka dib ugu soo celinta dalka Soomaaliya.

“Al Fanaan Camaari oo ah dadka deegaanka ayaa naga dalbaday inaan degmada keeno, waxaan fududeynaynaa imaanshihiisa, waa fanaan degmada gurigiisa uu ku yaalo” ayuu yiri gudoomiyaha cusub ee degmada Shibis.

Fanaanka oo dalabkiisa markii laga aqbalay kadib warbaahinta wareysi siiyay ayaa sheegay inay aad ugu mahad celinayo masuuliyiinta iyo shacabka degmada Shibis oo balanqaaday inay Ticket u dirayaan si uu dalka ugu soo laabto.

“Aad baan ugu mahad celinayaa maamulka Shibis, waa cusub baa u baryay qeyr ayaan u rajeynayaa Soomaalidoo dhan iyo dadka shibis ku nool”sidaasi ayuu yiri Fanaanka.

Fanaan Axmadey Abuubakar Al-Camaari, ayaa la filayaa in todobaadkan uu kusoo laabto dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: DR Cali Macow oo Hargeysa ku xiran “Maxaa loo heestaa?”

Hargeysa (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in magaalada Hargeysa uu ku xiran yahay Dr Cali Macow Aweys oo ah takhtar caan isla markaana ku takhakhusay xanuunada Beerka iyo Dumarka.

Takhtarka ayaa ku xiran xarunta CID ee Hargeysa, kaddib markii ay soo xireen ciidamada ammaanka, siddaas waxaa noo sheegay sarkaal ka tirsan nabad sugida Somaliland oo didday magaciisa in aan soo xigano.

Dr.Cali Macow
Dr.Cali Macow

Maxaa loo heestaa Takhtarka?

Dhakhtarka toddobaadkan ayuu yimid Hargeysa oo waxaa uu waday barmaaj ballaaran oo ah in daaweyn iyo baaritaan caafimaad isugu jirrta oo  dad kor u dhaafaya 2700 oo qof, oo qaarkood ka yimid Muqdisho, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Jigjiga ayuu rabay in uu la kulmo.

Dhakhtarka waxaa loo heestaa in muddo labo toddobaad ah uu daweeyo in ka badan 2700 oo qof kuwaasoo xanuuno kala duwan qaba, waxaana maamulka Somaliland ay ku yiraahdeen “Ma ahan wax suurta gal ah, waa in aad muddada aad joogeyso magaalada wax ku dartaa”

Waxaa intaas dheer dadkaas la baarayo ee u yimid Takhtarka waxaa kaarka ku galista goobta baaritaanka laga qaaday dhammaantood $150,000, sidda ay lee yihiin ilaha warkan noo shegay, laakin lacagtaas in ay sax tahay annaga ma hubno, balse waxaa hubaal ah in Dr. Macow uu ku xiran yahay Hareysa oo su’aalo la weydiinaayo.

“Dad kor u dhaafaya 2700 oo qof oo qaar ka yimid Somalia iyo Ethiopia oo laga qaaday 15o kun oo dollar, oo la socon baariytaan, dawo iyo arrimo kale ayuu qaatay Takhtarka wuxuuna lee yahay muddo labo toddobaad ayaan joogayaa dalka, ma meesha xoolo la buufinayaa dadka, waxaan ku niri war labo bil joog dalka. marka arrintaas ayaa loo heestaa, haddana su’aalo ayaa la weydiinayaa ee dhib kale ma laha” ayuu yiri sarkaalka noo warramay

Takhtarka in aanu iman Hargeysa ayaa la sheegay in imaatinkiisa laga baahiyay warbaahinta iyo Talafishanada af Soomaaliga ku hadla oo dadka la dhahay “Yaaney fursadaas idiin dhaafin”

Qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa Hargeysa ayaa maanta ciwaan looga dhigay “Dr Cali Macow Aweys Budhcad Mise Dhakhtar ”

Dr. Cali Macow oo xarun caafimaad ku leh magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa la xiray 27-kii bishan oo ahayd Khamiistii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Puntland oo kumanaan dollar ku bixisay doorashadii maamulka 3 gobal

Nairobi (Caasimada Online)- Shabaakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in maamulka Puntland uu doorweyn ka cayaaray qabsoomida doorashadii shaley ka dhacday magaaalda Baydhabo ee lagu doortay maamulka seddaxda gobal.

Ilo xog-gaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in Puntland ay bixisay kumanaan dollar. Lacagtaas ayaa la soo diray maalintii Arbacada ee tododbaadkan, waxaana loogu talagalay in lagu qabto doorashadda oo uu ku guuleestay nin ay dhinaca hooyada walaalo ka yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa maskaxda maamulka seddaxda gobal.

Puntland maxay u bixisay lacagtan?

Sidda ay lee yihiin ilaha warkan aan ka soo xiganay Puntland waxa ay ka soo horjeedaa maamulka lixda gobal oo dhor toddobaad ka hor isna lagu doortay Baydhabo.

Waxaa kaloo Puntland ay rabtaa in uu badbaado maamulka KMG ah ee Jubba oo madaxweyne uu ka yahay Axmed Madoobe.

Puntland iyo maamulka Axmed Madoobe waxaa ka dhexeeya xiriir fiican, waxaana Puntland ay dooneysaa in maamulka KMG ah ee Jubba uu badbaado.

Waxaa billowday is-baheesi ka dhexeeya maamulad aka dhisay dalka, waxaana taas ay caqabad kale ku noqon doontaa dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, maamulka Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay doorashaii shaley ka dhacday Hotel Bakiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]