32.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

TURJUMAAN & GANACSADE LA DILAY

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeysan Xaafada Ruusiyo ay ku dileen ruux Tarjubaan ahaa oo magaciisa aan la sheegin.

Ruuxa tarjubaanka ayaa la sheegay inuu la shaqeynayay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Kooxihii Tarjubaanka dilka u geystay ayaa la sheegay in sidoo kale magaalada ay ku dileen ruux ganacsado ahaa oo  joogay bartamaha magaalada Marko, sida dad goobjoogayaal ay sheegeen.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya magaalada Marko ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay magaalada, kaasi oo lala eegtay ciidamada AMISOM ee magaalada ku sugan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa qaraxaasi, iyadoo intaasi kadib goobta lagu daadiyay ciidamo badan oo dowlada Soomaaliya ka tirsan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Marka

[email protected]

NABADOON CAAN AHAA OO LA DILAY

Marka (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay nabadoon caan ahaa oo magaaladaasi si weyn looga yaqaanay, siday xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Nabadoonka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdow Xasan Cali, Waxaana la dilay xili uu marayay meel ku dhow gurigiisa.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in dilkiisa ay ka dambeeyeen labo ruux oo bastoolado watay, kuwaasi oo dilka ka dib goobta ka baxsaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in nabadoonka uu la shaqeynayay sirdoonka dowlada Soomaaliya ee magaalada Marka siday baahisay mid kamid ah Idacadaha Muqdisho, inkastoo dadka deegaanka ay ka gaabsadeen inay arintaani xaqiijiyaan.

Masuuliyiinta degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaanan wali ka hadlin dilka xalay ka dhacay degmada Marka ee gobolkaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Marko

[email protected]

Ururka dhallinyarada ee New Horizon oo qabtay kullamo aad muhiim u ah

New Horizon oo ah madal iyo urur  dhallinyaro oo lagu daahfuray Maarso 20, 2014  magaalada Muqdisho. Hawlaha iyo barnaamijyada eey xoogga saarto waxaa ka mid ah; Agaasinka nolosha,  casharro-bixin ku aadan maareeynta awoodaha iyo xirfadaha dhallinyarada, kobcinta hal-abuurka iyo wax soo saarka da’ yarta, qorsheeynta hanka, hammiga iyo himilooyinka dhalinyarada, soo saarista una dabbaaldegga haldoorka dhallinta Soomaaliyeed, khudbooyin guubaabo iyo dhiirigelin ku saleeysan, xoojjinta dhaqanka wadahadalka iyo isxilqaanka.

Waxaa eey Maarso 22, 2014 iyo Maarso 24, 2014 ku qabatay labo dood-wadaag oo lagu casuumay min 25 dhalinyaro oo isugu jiro arday jaamacadeed, ganacsatto da’ yar, macallimiin iyo shaqaale hay’addo iyo dawlad. Waxaa kaloo lagu casumay in uu khudbo ku saabsan  “dhisidda hammiga suuban” ka bixiyo tababare-nololeed iyo guubaabiye Mohamed Omer Osman oo ah aasaasaha iyo maamulaha Machadka Horumarinta Aadamaha ee magaalada Borama. Guubaabiye Mohamed Omer waxaa casharro iyo duruus qaabeeysan oo u horseedi karta dhallinta aqbalid nafsadeed iyo hammi wanaagsan uu ku billaabay 30 daqiiqo ee ugu horreeysay.

Waxaa kadib dooddu eey ku billaabatay falanqeeynta amuuraha iyo afaaraha Dhallinyarada. Waxaa la isla soo qaaday caqabadaha horyaalla in eey dhallintu gaarto guul waxbarasho, mid nololeed iyo mid ka qeeybgal bulshadeed. Iyadoo laga foogaanayo eedeeynta khaaska ah ayaa waxaa dhallintu iyo khubaradan da’da yar isku raaceen in eeysan xaq aheeyn in dhibaatooyinka oo kaliye loo nisbeeyo dhallinyarada waxii ka run ahaadaba. Waxeey soo hadal qaadeen in mashaariic badan oo magaalada iyo gayiga soomaaliyeedba lagu baraaray dhallinyaro horseed ka ahaayeen una ahaayeen.  Waxii dhibaato dalka iyo burbur ka dhacay ( ooy da’weeyntu hormuudka ka aheeyd) waxaa dhallintu buux-dhaafisay inta dugsiyo sare iyo jaamacado jira, inta macaahid jirta iyo inta olole nabaddeed dalka ka dhacay. Arrin taariikhiyana yaan laga tagin oo badankood inta kacaan adduunka ka curtay, shar iyo kheeyrba, dhallinyaraa hoggaamineeysay. Xagga shaqada waxaa ardaydu farta ku godeen in bulshadu, sida eey hadda u shaqeeyso, mudnaan iyo martabad xirfadeed midna shaqo lagu bixin inta badan oo eexdu aad u baahnsantahay. Shakhsiyaadka shaqada qora, teey ahaataba, eey un ku saleeyaan xulashadooda habka bulshaddu ku shaqeeyso. Shaqo la’aan baahsan in eey dalka ka jirto inta yaroo jirtana si toosan aan loo wada maareeyn.

Ka qeeybqaadashada siyaasadda in eeysan wali waxba ka caana-casaan waloow muddooyin farabadan lag celceliyay in loo baahanyahay in dhallinyarada laga muujiyo golaha awoodaha dawladda min heer degmo illaa intii eey mudnaan ku heli karaan. Waxaa hoosta laga xarriiqay in tani eeysan micnaheedu aheeyn in aan loo baahneey da’weeynta iyo intii bahda dhallinyaranimo aanan ku abtirsan laakiinse eey ujeeddadu tahay in qolo walba geeskeeda ka qabatto hawsha oon xer gooni ah loo wada deeyn. Ardayda jaamacaddu waxeey ku celceliyeen in sababta eey rabi lahaayeen in eey awood siyaasadeed gaareen eey tahay fududeeynta arrimo badanoo dhallinyarada curyaamiyay cidina ka war heeyn.

UMUURAHA U BAAHAN U-KUUR-GALID

Waxaa dhallinyaradu ka dhawaajisay in eey arrimo dhawr ah loo baahanyahay in loo kuurgalo si natiijooyin wanaagsan loo helo; isku-xirka dhallinyarada qurbaha ka timid iyo dhallinyarada dalka jooga. Waxaa dalka joogaa oo waliba aad u tiro badan dhallinyaro jaamacado dhammeeyay, mutacallimiin ah, shaqooyin wanaagsan haysta, dabaqada dhexe ee nolosha ku wada nool, dhaqdhaqaaqyo wanaagsan xag bulsho iyo xag iskaa-waax-u qabsaba ka wada. Dhallinyaro kale oo farabadanna waxaa eey ka yimaadaan qurbaha oo iyaguna isugu jiro muttacalimiin iyo shaqaale xirfad sare len. Ahmiyadda in al is waafajiyo tabartooda iyo tayadooda ayaa muhiim ah. In loo kale saarin “qurbo-joog” iyo “qorrax-joog” iyadoo looga dan leeyahay kala dhantaalid iyo qeeybin cuqdadeeysan.

Xagga jaamcadaha waxaa eey laga dhaawaajiyay in jaamacaduhu jeclaan lahaayeen in looga faa’iideeyo dhallinyarada qurbaha ka imaaneeysa in eey ka caawiyaan maaddooyinka luuqada ee ardays fasakla koowaad ah, khaasattan luuqada Ingiriisiga. In la billaabo oo si habsabi wanaagsan loo maareeyo barnaamij eey dhallinyaradu ku buuxin karaan baahidaas jirta si eey uga wada faaiideeystaan jaamcadaha dalka oo dhan.

Ugu danbeeyn, waxaa lasoo hadal qaaday muhiimada eey leedahay in lagu biiriyo saaxada dhaqanka bulshada tabar-nololeedyo xagga agaasinka nolosha (life coaching), waanooyinka fool-ka-foolka ah (counseling), khutbooyin gubaabo nolosha ah (Motivational lectures) iyo tababarro habka khudbo-jeedinta (public speaking).

Allaa weeyn ninkii aaminaa awood leh!

Mohamed Suldaan Nuur

Maxamuud Sayid Aadan oo shaaciyey in DF Soomaaliya ay wax ka ogeyd….

Baydhabo (Caasimada Online) – Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku-xigeenka maamulka lixda gobal ee Koonfur galbeed ayaa weerar ku qaaday dowladda Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay diiddan tahay maamulka uu madaxweyne ku xigeenka ka yahay.

Isagoo u warramayay VOA-da ayuu sheegay dowladda in aaney dacad ka ahayn maamulka lixda gobal, wuxuu yiri rabshadihii ka dhacay dalka waa ay ku lug lahayd.

Wuxuu sheegay dowladda in ay ogeyd in maamul lix gobal in lagu dhisay Baydhab, “Haddii aaney raali ka ahayn maamul kale waa ay dhihi kartay maamul kale lama dhisaayo, laakin raali ahayd ka ahayd wixii Baydhabo ka dhacay”ayuu yiri.

Ugu dambeyn Maxamuud Sayid Aadan ayaa carabka ku adkeeyay in uu maamulkooda uu shaqeyn doono isla markaana dowladda looga baahan inay taageerto rabitaanka shacabka ku dhaqan lixda gobal ee maamulka loo sameeyay.

Dowladda Soomaaliya waxa ay horrey u sheegtay in aaneyt aqoonsan doonin shirkar iska soo horjeedo ee ka socda Baydhabo kuwaasoo hadda isku badalay gacan ka hadal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Banaanbax ka dhan ah Gen Muungaab oo magaalada MUQDISHO ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbaxaan oo ay dhigeen qaar kamid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa wuxuu maanta ka dhacay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Banaanbaxyaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay kamid ahaayeen “Kaxda Diide dooni meyno”, kadib markii dhawaan gudoomiyaha gobolka Banaadir uu sheegay inuusan aqoonsaneyn degmada Kaxda.

Gudoomiyaha degmada Kaxda Cabdi Welli Yuusuf Cumar oo banaanbaxa ka hadlay ayaa sheegay in Muungaab uusan awood u laheyn inuu kalsoonida kala laabto degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xitaa wasaarada arimaha gudaha aysan arintaasi ka hadli Karin, laakiin madaxweynaha dalka Soomaaliya uu soo fara-gelin karo.

Degmada Kaxda ayaa degmo loo aqoonsaday kadib markii wareegto ay kasoo baxday madaxweynihii dowladii KMG aheyd ee madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Caasimada Online

[email protected]

Xafiiska Muqdisho

XOG: AXMED MADOOBE oo aar-gutay

Kismaayo (Caasimada Online) – Maleeshiyo daacad u ah hoggaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe, ayaa magaalada Kismaayo xalay ka fuliyey dilal qorsheysan oo ay ugu aargudayaan sarkaal shalay laga dilay.

Shalay, ayaa qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo waxaaa lagu qaarajiyey horjoogihii maleeshiyada Axmed Madoobe, oo baabuurkiisaqarax loogu xiray.

Maleeshiyada Axmed Madoobe, ayaa dilkaas ugu aarguday dilal ay xalay ka geysteen magaalada, waxaana wararaka Kismaayo naga soo gaaraya ay sheegayaan in dadka la dilay ay ahaayeen dad shacab ah.

Ka hor dilalka, ayaa la sheegay in Axmed Madoobe uu ciidankiisa ku amray inay ciqaabaan cid kasta oo ka dambeysay dilka horjoogihiisa.

Seddexda ruux ee Kismaayo lagu dilay ayaa mid kamid ah ,waxaa lagu dilay xaafada Farjano, halka labada kale lagu dilay xeebta magaalada Kismaayo.

Goobjooge ayaa Caasimada Online u sheegay in saddexda ruux ee magaalada lagu dilay ay raas kambooniyiinta ay la xariirinayan in ay ka danbeeyaan qaraxii shalay galab ka dhacay Kismaayo ee lagu qaarajiyey Maxamed Furre oo horjoogeyaasha raas kambooni ka mid ahaa.

Magaalada kismaayo ayaa tan iyo markii raas kambooni iyo ciidamada Kenya ay gacanta u gashay, waxaa dilalka loo geysanayo dadka shacabkaa ay noqdeen tusbax afka laga furay, ayada oo la bartilmaameedsanayo beelo gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

KASHIFAAD: WASIIRO ka tirsan DFS oo lagu qiyaameeyey qorshe Ina-Qanyare uu wato oo wax lagu dhacayo (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Somalia, ayaa shalay lagu qiyaameeyey qorshe dhul-boob ah, oo uu wato xildhibaan Cadbi Weli Maxamed Qanyare, oo isku dayaya inuu dib u helo dhul uu horey u xoogay aabihiis dagaal-ooge Maxamed Qanyare, balse dib looga soo celshay.

Cabdi Weli Qanyare, oo aan weli sabrin, ayaa shalay waxa uu deegaanno ka tiran degmada Dayniile geeyey Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Wasiir ku-xigeenka Amniga Qaranka Mudane Ibraahim Isaaq Yarrow, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Xirsi Aadan Rooble iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adda Duulista.

Cabdi Weli Qanyare, ayaa ugu sheekeeyey mas’uuliyiinta dowladda Somalia inuu doonayo inuu dib u howl galiyo garoon macmileedkii Dayniile, ee muddo badan uu xoogga ku haystay aabihiis.

Garoonkaasi oo laga sameeyeey dhul laga boobay dad kasoo jeeda beelaha Mataan Cabdulle, ayaa waxa ay dhulkooda dib u heleen, markii Qanyare ay ceyriyeen maxaakiimta Islaamiga ah.

Cabdi Weli Qanyare oo wasiiro geeyey dhulka oo boobayo
Cabdi Weli Qanyare oo wasiiro geeyey dhulka oo boobayo

Si kastaba, Cabdi Weli Qanyare, ayaa dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey dadaal ugu jiray inuu dib u boobo dhulkaas, waxaana dhowr mar qoryo u qaatay dadka dhulkaas lahaa, oo kasoo ceyriyey halkaas, hase yeehee Qanyare ayaa hadda alifay xeelad cusub, isaga oo adeegsanaya dowladda Somalia.

Wasiiradii uu halkaas geeyey shalay, ayuu ka dhaadhaciyey inuu doonayo inuu garoonka dib u howl-galiyo, si qorshihiisa uu ugu qariyo, ugana dhigo howl dowladeed.

Qorsheel iyo wasiirada kale ee la socday, marka laga reebo Mustaf Dhuxulow, wax xog ah kama hayaan taariikhda dhulkan oo dhowr mar hadda ka hor la isku dilay, balse uu ugu dambeyn xooggay Qanyare.

Dadka dhulkan iska leh, ayaa lasoo xiriiray Caasimada Online, waxayna uga digeen wasiirada dowladda Somalia ee halkaas tagay in loo adeegsado dhul boobka uu wado Cabdi Weli Qanayre, ayada oo looga dhigayo howl dowladeed.

Waxa ay sheegeen in qorshaha dhul boobka uu wax ka og yahay wasiirka warfaafinta Musraf Dhuxulow, oo Cadbi Weli Qanyare uu ka dhaadhiciyey inuu wasiiradan kale usoo kaxeeyo, sababta oo ah bay yiraahdeen “Maxaa wasiirka warfaafinta ka galay arrintan dhul iyo garroon, haddii aysan mid qabyaaladeysan ahayn?”.

Dadka la isku dayayo in dhulkan laga boobo, ayaa ugu baaqay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Muungaab inuu ka hor-taggo dhul boobka cusub ee uu wado Cabdi Weli Qanyare.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ayaa horey Ina-Qanyare uga hor-istaagay inuu dhulkan boobo, waxaana ay ka codsadeen Muungaab inuu raaco tallaabadii uu qaaday Tarsan.

Waxay ay sidoo kale ugu baaqeen beesha Wacbuudhan iyo beelaha kale ee Muddulood inay u istaagaan, sidii looga hortagi lahaa in reer Qanyare ay mar kale boobaan dhulkan.

Ugu dambeyntii, ayaa dadka la isku dayayo in dhulkooda la boobo, waxay ay Qanyare uga digeen inuu qaado mas’uuliyadda dhib kasta oo ka dhasha dhul boobkiisa cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

VIDEO: Xildhibaan shaaciyey dagaal 3 geesood ah oo ku wajahan A/Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxa uu Dowladdu ku eedeeyay in ay wado abaabul dagaaleed oo saddex geesood ah oo ka dhan ah Maamulka Jubba.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha C/laahi Goodax Barre iyo Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida General Daahir Aadan Cilmi (Indhe-qarshe), ay iyagu yihiin kuwa wada abaabulkaan dagaaleed, sida uu yiri.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in labadaan xubnood ay soo cusbooneysiinayaan dagaaladii Magaalada Kismaayo.

Wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan dhinacyo kala duwan oo loo diyaariyay, in ay ka qayb qaataan fara gelin uu sheegay in Dowladdu ay ku sameyneyso Maamulka Kmg ah ee Jubba.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Masuuliyiintaan, in ay doonayaan in Kismaayo ku soo celiyaan Ciidamada Dowladda, ee ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo, xilli uu sheegay inaanay taasi waxba ka gelin Dowladdu.

Majirto wax jawaab ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federalka ee Somaliya, oo ku aadan hadalka ka soo yeeray Xildhibaanka ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka.

Cabdi Rashiid Xiddig, ayaa ka mid ah ragga aadka ugu ololeeya maamulka Jubba, asaga oo dhinaca qabyaaladda ka eegaya.

Halkan ka daawo Xildhibaan Xiddig

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DFS oo niyad jebisay SHARIIF XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Federalka ee Somaliya, ayaa niyad jebisay xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxay si cad u naqdisay Maamulkii 3-da Gobol, ee Khamiistii looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, oo uu taageersaaa.

Maamulkaasi, ayaa shalay madaxweyne loogu doortay nin uu Shariif Xasan wato, islamarkaana ay qaraabo yihiin, kaasi oo uu si aad ah usoo dhoweeyey.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Federalka Maxamuud Macalin Yaxye, ayaa sheegay in Dowladdu uu u yaalo Sharci, isla-markaana sidii ay uga hor timid Maamulka 6-da Gobol, ay si lamid ah u naqdineyso Maamulka cusub.

Wasiiru Dowlaha, ayaa sheegay in Maamulkii 6-da Gobol ee Baydhabo looga dhawaaqay, uuba ka wanaagsan yahay, Maamulka 3-da Gobol ee la sheegay in Hotel Bakiin looga dhawaaqay.

Maamulka Koonfur Galbeed ee hogaankiisa loo doortay Madoobe Nuunow Maxamed, ayuu ku ammaanay in ay soo dhiseen Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanka, sidaana uu kaga wanaagsan yahay midka uu hogaamiyo Maxamed Xaaji C/nuur.

Haddii ay Dowladdu wax aqoonsaneyso, ayuu sheegay in ay aqoonsan laheyd Maamulka 6-da Gobol, inkastoo uu wareysigu ku xusay in Dowladdu ay horey aqoonsi u siisay Maamulka Jubba.

Maxamuud Macalin Yaxye, ayaa sheegay in Dowladdu ay Maamulka 3-da Gobol u aragto wax iska dheel dheel ah, oo lagu carqaladeynaayo Maamulkii lagu dhisay Xarunta ADC.

Dhageyso: Maxamuud Macalin oo la hadlay VOA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu Xasan kala soo kulmay Kuwait?

Muqdisho (Caasimada) – Madaxweynaha Dalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kadib markii maalmo ay ku maqnaayeen dalka Kuwait.

Wafdiga madaxweynaha ayaa markii ay Muqdisho kusoo laabteen waxaa saxaafada la hadlay wasiirka wasaarada qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Saciid Cabdulaahi, waxaana uu sheegay inay wax wanaagsan kala soo kulmeen dalka Kuwait.

Wasiirka ayaa sheegay in Kuwait marka laga soo tago shirka Jaamacada carabta madaxweynaha dalka uu la kulmay masuuliyiin kale oo ka qeyb galayay shirkaasi, kuwaasi oo natiijo wacan ay kala soo kulmeen.

Ka hor inta madaxweynaha uusan kasoo dagin garoonka diyaaradaha  waxaa la xeray wadooyin dhowr  ah oo ku yaala magaalada Muqdisho, iyadoo lagu daadiyay ciidamo badan oo dadweynaha waddooyinka u diidayay.

Caasimada Online

[email protected]

Xafiiska Muqdisho

Maamulka Juba oo la saftay mid kamid ah maamulada Baydhaba laga dhisay

Kismaayo (Caasimada Online) – Masuuliyiinta Maamulka KMG ee Jubba ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibaatada maamulada dhawaan looga kala dhawaaqay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Maamulka Jubba ayaa sheegay inay taageersan yihiin maamulka seddexda gobol ee maalin ka hor looga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiirka warfaafinta maamulka KMG ee Jubba Ibraahim Baajuun ayaa sheegay inay si aad ah usoo dhaweynayaan maamulkaasi, ayna la shaqeyn doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Mr Baajuun, ayaa cadeeyay in maamulka dhawaan laga dhisay Baydhabo ee seddexda gobol uu yahay maamulka saxda ah ee gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada maamulkaasi inay la shaqeeyaan dhankooda maamulka Jubba si buu yiri loo adkeeyo amaanka deegaanada gobolada labada maamul ay ka dhisan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Daawo video: Ciidamadaa Ethiopia iyo shacabka Baydhaba oo is dhex galay

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gacanta ku dhigay amaanka magaalada Baydhabo, kadib markii labo maalmood oo bannaanbaxyo isdaba joog ah ay ka dhaceen, kuwaasi oo salka ku haayay maamulada is-diidan ee Baydhabo looga dhawaaqay.

Ciidamada Itoobiya oo ku hubeysan qoryaha fudud ayaa gudaha iyo suuqyada Baydhabo isku fidiyay, iyagoo dadka dhex galay, lana sheekeysanaayo.

Horay loogama baran in ciidamada Itoobiya ay gudaha usoo galaan goobaha ay dadka ku badan yihiin, weyna iska ilaalin jireen kahor inta aysan ka mid noqon howlgalka AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhaba 

[email protected]

Siyaasiyiin HAWIYE ah oo ka jawaabay aflgaadadii Faarax Macallin + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Isbahaysiga Nabadda Soomaaliyeed, C/llaahi Sheekh Xasan Cali ayaa si kulul u naqdiyey hadal qadaf ahaa oo uu Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Barlamaanka dalka Kenya, Faarax Macaallin Dawaare ku aflaagaadeeyey beesha Hawiye.

C/llaahi Sheekh Xasan oo xalay u waramay Barnaamijka Wareegga Wararka ee 24-ka saacadood ee Idaacadda Dalsan Radio, ayaa ku tilmaamay Faarax Macallin nin dhunsan oo Qowmiyad dhan ku xad-gudbay, wuxuuna ugu baaqay maadaama uu Kenyaati yahay inuu ku mashquulo danaha Kenyaatiga.

“Ma jecli inaan u jawaabo Faarax Macallin, haddana waa aflagaado ka soo baxday nin dhunsan oo dhalasho kale haysta” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo xusuusiyey Farax Macallim inuusan ku mashquulin Qowmiyadaha Soomaalida, maadaama uu isagu Kenyaati yahay.

C/llaahi Sheekh Xasan, waxa kale oo Faarax Macallin kula taliyey inuu ka hadlo Falkii ay Kuukuuyada u geysteen awoowayaashii iyo Ehelladiisa nolosha lagu gubay 80-maadkii iyo Xasuuqii Wargalo.

Dhinaca kale, Siyaasi C/llaahi Sheekh Xasan waxa uu Wareysigiisa ku xusay inuusan Faarax Macallim xaalladiisa caadi ahayn tan iyo markii laga qaaday Xilka Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka iyo Kursigii Xildhibaanimo.

“Faarax Macallim waxa uu ku saaqiday Siyaasadda, markii uu Guddoomiye ku xigeenimadda iyo Kursigii Barlamaanka waayey waxa uu noqday qof aan caadil ahayn” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Muuqaal dhawaan la soo dhigay YouTube-ka ayuu waxa uu Faarax ku sheegay inay Beelaha Hawiye yihiin dad aan Dowladnimadda aqoonin, isla markaana dhaqaale-doon ah, waa sida uu hadalka u yiri.

Siyaasigaas Reer Kenya waxa kaloo uu ku xad-gudbay Danjiraha Somalia u jooga dalka Kenya, Ambassador Maxamed Cali Amerika oo uu ku tilmaamay inuu basaas u yahay dowladda Ethiopia.

Halkan ka daawo Faarax iyo aflagaadadiisa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Saddex CUDUR oo halis ah oo DADKA Soomaaliyeed ku dhacay (Faah-faahin)

Bismillaah, Cudur marka aad maqasho waxaa Maskaxdaada ku soo dhacaya Xanuun, Xanuunkaas oo ah bugto loo jiifto Qaarkeedna aan laga Bogsoon, hadaba bal aan isku dayno marka hore inaan qeexno noocyada xanuunka.

Cuduradu waxay u kala baxaan Si guud, kuwa Faafa iyo kuwo aan faafin, marka laga hadlayo noocyada faafa waxa ay saamayn ku yeeshaan bulsho ama deegaan meel dagan oo kale hadii aan daawo deg deg ah loo helin waxaa dhacda in bulshada magaaladaas degan uu wada saameeyo.

Si aan u fahanno ujeedada qoraalka waxaa jira Cudurro ku faafey bulshada Muslimiinta ah si guud si aad ahna u sameeyey Somalida meel kastay joogaan, waxaana haboon in aan isku dayno bal inaan fahanno Cuduradaas wax yaalaha keena iyo sida looga hortago iyo hadii uu kugu dhaco sida loo daaweeyo.
Cuduradana waxaan u kala qaybin doonnaa dhawr qaybood si mid kasta aan u sheegno waxa keeney ayna inoogu sahlanaato qaabka ugu haboon ee looga hortagi karo hadii uu nagu dhacana loo daawayn karo.

Cudurka Sheekh Barar.

Cudurkan Sheekh Barar waa Cudur halis ah oo aad ugu faafey bulshada somaliyeed meel kastay joogaan waxa uuna aad ugu soo caan baxay meelaha lagu kulmo ee Internetka iyo Wadamada Qurbaha waxa uuna la mid yahay Sicir Bararkii ka dhici jiray Suuqyada Caalamiga ah,  Cudurkaan waxa uu ku dhacaa Dadka waa wayn iyo Dhalinyaradaba waxa uuna ku faafaa si sahlan waxaana sababa Cilmi yari iyo Aqoon Xumo  xagga diinta ah  qofka uu ku dhaco cudurkani waxa uu jecel yahay in loogu yeedho sheekh Isaga oon Gaadhin Darajada Celmiga ee sheekh Meel duruus laga akhrinayana aan xaadirin, waxa uu Sheekh Barar Cilmiga Bartaaa Sheekh La’aan kaligiis ayaa isu sheekh ah diintana waxa uu u fahmaa sida uu isagu doonayo.

Ka Hortagga Sheekh Barar.

Cudurkaan waxaa lagaga hortagi karaa in la barto diinta lagana qaato Culimada aqoonta dheer u leh Cilmiga Sharciga ah, waxaa lagaga hortagi karaa tawaaduc iyo u kaadsiinyo, ninka daalibul cilmiga ahna uma haboona inuu jeclaado in loogu yeero sheekh isagoon doob dilaacsan Cilmigeedna lahayn.

Daawada Cudurka sheekh Barar.

Cudurkaan Sheekh Barar waxaa lagu Daawayn karaa adiga oo Jeclaada Culimada fahmana inay yihiin Culimadu kuwii dhaxlay Anbiyada  waxaadna ku daaweyn kartaa Cudurkaan Adiga oo ilaahay in badan ka barya inuu Ku fahan siiyo Diinta barashadeeda kuuna sahlo ku dhaqankeeda.

Cudurka Qabyaalada

Cudurkan Qabyaaladdu waxa uu ku dhacaaa dadka Aqoonta diimeed iyo tan maadiga ahba ku hooseeya waxa uuna ku badan yahay dadka fadhiista meelaha fadhi ku diririrka ah waxa uuna sababaa welwel iyo welbahaar joogta ah qofka uu ku dhaco cudurkan waxaa uu halis u yahay in uu xataa diinta kaga baxo isagoon is ogayn ama isuba haysta inuu yahay muslim.

Ka hortagga Cudurka qabyaaladda.

Qabyaaladda waxaad kaga hortagi kartaaa inaad ka dheeraato meelaaha fadhi ku dirirka ah, ee had iyo goor qabyaaladdu hadhaysey,  waxaad isku daydaa inaad la saaxiibto dadka aan qabiilkaaga ahayn, iyo kuwa qabiilkaaga ah ee ka fog qabyaaladda Xun.

Daawada Cudurka Qabyaaladda

Hadii uu cudurkani  kugu dhacay waxaad ku daawayn kartaa Adiga oo Allaah u noqda waxaana ku celcelinaysaa in badan  kuna Bararugaysaaa Aayadda 13aad ee Suuratul Xujraat.

Cudurka Gaalaraacnimada

Cudurkan waxa uu ku dhacaa Dadka Qalbiga ka jirran ee neceb in la isku xukumo Shareecada Allaah, marka ay maqlaan sharciga ha la isku xukumo  waxa uu shaydaanku quluubtoda jirran ku tuuraa in aan la isku xukumi Karin Kitaabka Allaah, waxayna diinta ku fiiriyaan Ookiyaale madow  waxaana u muuqda  Gacan la goynayo iyo Qof dhagax lagu dilayo iyo meel la qarxinayo.

Ka hortagga Cudurkaan.
Cudurkaan waxaad kaga hortagi kartaaa Adiga oo Naftaada ku xukuma Kitaabka Allaah iyo Sunnaha Suubanaha Calayhissalaam,  waxa aad ka fogaataa Siyaasadaha ku dhisan Qabyaladda iyo kala qaybinta iyo Gobolaysiga.

Daawada Cudurkaan

Cudurkaan waxaa daawo u ah Adigoo ku celceliya  Aayadda 50aad ee Suuratul Maa’idah, kuna baraaruga macnaheeda, waxaa sidoo kale cudurkaan ku daaweyn kartaaa Adigaa Habeen kii markaad seexanayso ku seexda Sidii Aduunkan uu Islaamku uga talin lahaa Sharciga Allaahna looga Oogi lahaa.
Intaas waxaan ku soo gaabin Cudurada Halista ahee ku dhaca bulshada qaar ka mid ah iyadoo ay ii hadhsan yihiin kuwo ka sii khatarsan kuwaan  una baahan in loo iftiimiiyo Bulshada Muslmiinta ah.

W/Q: Walaalkiin Xagga Diinta
Mustafa Akhyaar

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Qorshaha KENYA oo laga qeyliyey !!!

Nairobi (Caasimada Online) – Amarka la soo cusbooneeysiiyay ee sida xoogga ah qaxootiga ku nool magaalooyinka loogu rarayo xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma waxa uu jabinayaa amar ka soo baxay Maxkamadda Sare, kaas oo lagu go’aamiyay in dib-u-celinta khasabka ahi uu ku xadgubayo xuquuqda iyo sharafka qaxootiga, sidaana waxa Arbacadii (26-kii March) sheegay hay’adda Humar Rights Watch (HRW).

Maxkamadda sare waxay diidday tallaabo tan la mida oo ay qaaday xukuumadda Kenya 26-iii July, 2012-iii, iyada oo soo saartay in xukuumaddu ku fashilantay in ay si dhab ah u caddeeyso sida ay saaritaanka qaxootiga ay ugu jirto danta ammaanka qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Wasirka Arrimaha Gudaha Joseph ole Lenku ayaa Talaadadii ugu baaqay dhammaan qaxootig ku nool magaalooyinka Kenya in ay u guuraan xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma iyada oo qaxootiga ku sii hara magaalooyinka ay tahay in lagu soo wargaliyo ciidanka bilayska.

“Kenaya waxa ay mar kale u isticmaalaysaa weerarrada ay gaysanayaan mujrimiinta aan la garaneeyn in ay ugu shaabadeeyso dhammaan qaxootigu in ay yihiin argagixiso,” ayuu yiri Garry Simpson oo ah baare sare oo ka tirsan HRW. “Qorshahan tobanaanka kun ee qaxootiga ah sida khasabka ah loogu rarayo xerooyinka ay ka jiraan xaaladaha ba’an sida weynna u buux-dhaafay waxa uu ka dhigan yahay jabin cad oo lagu sameeynayo amarka ay maxkamaddu ku mamnuucday tallaabadan kale.”

“Qorshaha cusub waxa uu khatar u yahay in go’aanka Maxkamadda Sare la yaso iyo in la xaddido xuquuqda asaasiga ah ee qaxootiga.” ayuu yiri Simpson. “Deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee Kenya iyo [Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay] waa in ay Kenya ku dhiirri-galiyaan in ay joojiso qorshahan.”

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Daawo Xubno maamulka G/Banaadir ka tirsan oo socdaal habeen bixiyey

Madax ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan degmada Warta Nabadda, ayaa socdaal habeenle ah ku bixiyey qeybo ka mid ah degmadaas, xilli ammaanka degmada ee xilli habeenkii uu yahay mid wanaagsan.

Xubnaha maamulka gobolka oo uu ka mid ahaa kaaliyaha dhinaca amniga Maxamed Cabdulqaadir iyo guddoomiyaha Warta-Nabadda, ayaa dhallinyaradii ay la kulmeen ka codsaday inay ka qeyb galaan nabadeynta iyo amniga magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo madaxda iyo socdaalka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO

Madaxweynaha cusub: Dowladda ayaa og maamulka 3-gobal oo raali ka ah

Baydhabo (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka cusub ee seddax gobal koonfur galbeed, Maxamad Xaaji Cabdinur Madeer ayaa sheegay in maamulkiisa ay taageersan tahay dowladda Soomaaliya.

Isagoo la hadlaayay caawa BBC-da ayuu sheegay in maamulka seddaxda gobal uu yahay mid waafaqsan dastuurka dalka dowladda iyo beesha caalamka ay taageersan yihiin sidda uu yiri.

Waxa la weydiiyay Baydhabo maamul kale oo lix gobal uu ka jiray, wuxuu sheegay in wax maamul kale aaney ka jirin koonfur galbeed.

Mar la weydiiyay wax yaabaha uu mudnaanta siin doono maamulkiisa, wuxuu sheegay in maamulkiisa uu mudnaanta siin doono ammaanka, dib u dhiska iyo horrumarinta adeegyada aasaasiga ah.

Madaxweynaha cusub ayaa siddoo kale hoosta ka xariiqay in maalmaha soo socda uu soo dhammeestiri doono maamulkiisa.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in maamulkiisa uu daris wanaag iyo is xushmeen uu kula dhaqmi doono maamulada kale ee ka dhisan dalka.

Si kastaba,magaalada Baydhabo waxaa ka jirta khalalaaso siyaasadeed taasoo daba socota shirar iska soo horjeeda oo maalmahan ka socday magaalada iyo dibadbaxyo rabshado wata.

Dowladda Soomaaliya ayaa horrey si cad ah ugu sheegtay in aaney aqoonsan doonin maamulada looga dhawaaqayo Baydhabo, sababtuna waxa ay ku sheegtay in ay yihiin kuwa baal maray dastuurka iyo rabitaanka dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

Xaabsade oo weeraray madaxweynaha cusub ee maamulka saddexda gobol

Baydhab0 (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah dadka taageersan maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha u yahay Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa weerar ku qaaday madaxweynaha cusub ee maanta lagu doortay.

Xaabsade ayaa ku tilmaamay wixii ka dhacay Baydhabo maanta in ay ahaayeen nin “Idaacadda uun ka hadlay ee wax doorasho la dhaho aaney jirin”

Wuxuu sheegay ninka la doortay in uu keenay meesha oo uu watay Shariif Sheekh Axmed balse labadoodaba ay isla fashilmeen sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Baydhabo uu ka jirro maamul lix gobal oo ay doorteen shacabka isla markaana siyaasiyiinta iyo wax garadka ay taageersan yihiin.

Xaabsade ayaa sidoo kale sheegay in ninkii watay shirka Baydhabo ee lagu dhisaayo maamulka seddaxda gobal in la ceyriyay oo dadka ay ku kaceen.

Xaabsade oo la hadlaayay VOA-da ayaa la weydiiyay mustaqbalka Baydhabo maadama labo maamul ay ka dhisan yihiin, wuxuu mustaqbalka Baydhabo in uu fiican yahay wax walwal ahna aaney jirin, isla markaana maamul lix gobal uu ka dhisan yahay sidda uu yiri.

Hadlaka xildhibaan Xaabsade ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta magaalada Baydhabo lagu doortay madaxweynaha maamulka seddax gobal.

Dhowr toddobaad ka hor ayaa isla magaaladaas madaxweyne loogu doortay Madobe Nunow.

Maammulka Madobe Nunow ayaa sheegay inay hoos yimaadaan lix gobol, oo ay ka mid yihiin saddex hoos tago maammulka KMG ee Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]