Danjiraha ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo siiyey idaacadda Dalsan Radio ee Muqdisho, ayaa beeniyey inay dowladdiisa si gaar ah ula jirto qeybo kamid ah dhinacyada Soomaalida.
Ambassador Wondimu Asammew waxa uu Wareysigiisa faahfaahin kaga bixiyey hadallada ay dadka qaarkood ku sheegaan inay Ethiopia wadato Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo shalay laga soo ceyriyey magaalada Baydhaba.
Waxaana carrabka ku adkeeyey inaysan arrintaasi waxba ka jirin, oo uu warkaasi yahay mid aan sal iyo raad lahayn, aysanna jirin wax gaar ah oo Ethiopia kala dhaxeeya Shariif Xasa.
Ciidamada Ethiopia, ayaa ahaa kuwii garoonka diyaaradaha Baydhaba ka kaxeeyey Shariif Xasan, kadib markii ay halkaas ku xanibeen dad taageerayaal ah oo u carreysnaa.
“Waxaan Somalia u nimid si aan Dowladda Federalka gacan uga siino Nabadda iyo Dib-u-dhiska, mana rabno inaan ka dhex shaqeyno Soomaalida” ayuu yiri Ambassador Wondimu Asammew oo intaasi ku daray inaysan marnaba faragelin doonin Arrimaha Siyaasadda ee Somalia.
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doorweyn ku lahaa in ay dhacdo doorashada maamulka seddaxda gobal ee maanta ka dhacday Baydhabo, ayaa soo hadlay isagoona u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay.
Qoraal kooban oo uu Shariif Xasan ku soo qoray boggiisa Facbook ayuu sheegay in uu la dhacsan yahay wixii saakay ka dhacay Hotel Bakiin, waana mid loo ballansanaa ayuu yiri.
Shariif Xasan ayaa yiri “Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Cusub maamulka 3 Gobol, Baay, Bakool iyo Shabelaha Hoose Mohamed Haji Abdinur (Madeer) oo ku guuleystey Dorashadii qaban qaabadeeda soo soctey in mudo ah, iyadoona maanta oo kahmiis ah 27 maarso aheeyd goortii lagu balamey in ay dhacdo, taasoona si wanaagsan u dhacdey ayna shacabka deeganadaasi u doorteen madaxweynahooda 5ta sano soo socto, Anagana waxaan la garab istaagi doonaa taageero walbo oo aan aboodno”
Si kastaba, hadalka Shariif Xasan ayaa u muuqda mid uu aad ugu qanacsan yahay wixii maanta ka dhacay Baydhabo, isagoona ninka loo doortay madaxweynaha maamulkaas ay dhinaca hooyada ay walaalo ka yihiin.
Waa nin ay isla soo shaqeeyeen in muddo ah gaar muddooyinkii uu xilalka guddoomiyaha baarlamaanka iyo wasiirka maaliyada ka soo qabtay dowladihii KMG ah.
Dekada weyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo sameysay Sanadkaan horumar weyn oo aan horay uga hir gelinay Dekada muqdisho tan iyo markii la howl geliyay Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho.
Muuqaal cusub oo laga soo duubay Horuamrka baaxada weyn ee ka soconaya Dekada Muqdisho ayaa waxaan jaceyl nahay in aan idinla wadaagno si aad u aragtaa horumarka weyn ee ka soconaya Dekada Muqdisho.
Ninkan ayaa la sheegay in ay dhinaca hooyada walaalo ka yihiin xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Adan.
Wariye ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan goobta doorashada ayaa sheegay in madaxweynaha cusub loo doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur, kaddib markii uu helay in ka badan 700 oo ergo oo ahaa odayaashii joogay doorashadda.
Doorashada waxaa isku soo taagay ilaa labo musharrax oo kala ah Maxamed Xaaji Cabdi Nuur iyo Ex Xildhibaan Ibraahim Cabdinuur.
Wariyaha ayaa sidoo kale soo sheegay in doorashada ay ku dhacday qaab gacan taag oo waxaa doortay madaxweynaha cusub odayaasha soo dhisaya maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.
Goobta doorashadda ayaa aad loo adkeeyay waxaana la dhigay ciidamo fara badan oo isugu jirra AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.
Waxaa hadda goobta ka hadlaya qaar ka mid ah odayaasha ka qayb qalay doorashadda iyo musharrixiinta la guuleestay.
Waxaa kaloo dhimman qubada madaxweynaha cusub ee saakay lagu doortay Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo.
Si kastaba, Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhawaan sheegay in maamlinta Khamiisa ay dhici doonto doorashada maamulka seddaxda gobal.
Magaalada Baydhabo waxaa hadda ka dhisan labo madaxweyne iyo labo maamul gobaleed, mana cadda sidda arrintan ay u maareen doonto dowladda Soomaaliya.
Xaalada magaalada ayaa saakay deggan, in kastoo laga cabsi qaba in dibadbaxyo ay ka dhacaan maadama sakaay la qabtay doorashada maamulka seddaxda gobal.
Khalalaaso siyaasadeed ayaa ka taagan magaalada Baydhabo oo hadda labo maamul ay ka jiraan.
Baryahan dambe waxa soo kordhaya dhaqan xumo iyo bratakool la’aan looga bartay madaxda Soomaaliya marka aay la xaajoonayan dalalka kale ee ay diblomaasiyadda wadaagaan. Astaamaha aan hoos ku sharixi ayaa ka tarjumaya qaran jabka iyo is-quudhsi maskaxda ka galay madaxda dalka (Afrax, 2002).[i] Hadii maskaxda iyo maan aad ka dulowdana waa lafjab xoogan.
Talooyinka aan ka bixindoono waxay ku qotomaan kuwo si fudud loo dawayn karo iyo kuwo hawlo culus oo kaliya ku dawoobi kara. Hadafka aan qoraalkan ka leeyahay waa in aan dhalinta Soomaaliyeed la qaybsado qiimahaynu lahayn iyo qaran jabka inagu inala soo dersay.
Diblomaasi ka tirsan safaaradda Somalia ee Rome
Markii aynu Qiimaha Lahayn
Waxa taarikkhdu sheegaysaa in kacdoonkii wadaniga ahaa ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (1885-1920) bilaabay uu lahaa sababo qoto dheer iyo kuwo kusoo boodda ah. Mid kamid ah kuwa kusoo boodda waxa laga soo qaadan karaa markii uu Sayidku la kulmay agoono Diintii laga badalay oo Islaamkii laga saaray. Mar uu Berbera kasoo baxay kuna socday Buuhoodle, ayaa waxa uu sii maray xero agoonta loo sameeyey oo ku taalay Daymoole. Markuu waraysi gaaban la yeeshay dhalintii goobta ku jiray, waxay u sheegeen in qareenkoodu yahay Baadariyiinta Masiixiga ah ee meesha ku haya (Catholic Missionaries). Arintaasi waxay Sayid Maxamad ku noqotay niyad xumo iyo dulinimo aan la qaadan karin wuuna ka dhiidhiyay. Markii uu fursad helayna waakii isna Koofi ableey la-dhacay.[ii]
Astaamaha Soomaalida u gaarka ah waxaa ka mid ah isku kalsooni iyo ka dirir ay ka diriraan waxay dhibsadaan. Hawaynadii reer Kanada ee qarnigii 19 dhulka Soomalida martay ayaa qirtay in ay dadka Soomalidu ay yihiin dad qiimo leh, oo waliba luqad qani ah leh. Waxa isna si waafi ah waxyaabo wanaagsan uga sheegay Sir Richard Burton oo Soomaalida aad u darsay (1885). Prudence Bushnell, Maraykan ambasadoor xiligii Bushkii weynaa ( Bush Sr. 1996), ayaa yidhii Soomalidu guryo waaweyn malaha; sanco wax ku ool ah may samayn; waxayse leeyihiin laba astaamo: luqad qani ah iyo isku kalsooni waafi ah (pride) ayaa lagu yaqaan. Waakii na Yamyam yidhii:[iii]
Soomaali baan ahay, Sinnaantaan la magac ahay Sanku-neefle ma oggoli
Inuu iga sarrayn karo.
Sida dunida qaarkeed
Sandulaynta ma oggoli
Ninna kabaha uma sido,
Anna garasho sogordahan Sooryo ruux ugama dhigo,
Ninna madax-salaax iyo Kama yeelo seetada,
Sasabada ma qaayibo Sirta waxaan idhaahdaa
Saab aan biyaha cellin
The English translation goes this way:
To whom my ways do not appeal; As he wishes I do not comply with Like some parts of the world; Coercion I do not accept; Nor do I carry any man’s shoes
I am Somali
Neither man’s stroking of my head; Nor his lace on my legs [duplicity] do I accept Persuasion I do not approve, As for secrets [about me] I say; A Saab [vessel] that hold no water;
I am Somali.
Markii dawladnimaddi curatay (1960hii) ayaa lagu macsuumay madaxdii Soomaaliya ee xiligaa in shir Afriki leedahay in Addis Ababa ay kaga qayb galaan. Soomaaliya wakhtigaas wax diyaarad ah may lahayn. Boqor Xayla Sellaase ayaa ugu yaboohay in uu dayaarad khaas ah u soo diro oo ku yimaadaan Addis Ababa, isagoo ku andacoonaya “in aad shirka ka baaqataan ma rabo.”
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen baa ugu jawaabay: “waxba ha ka war warin in aanu shirka nimaad iyo inkale. Si ay noqotoba anakaa is keenayna…” Wax siinta Xayle waa halkay Soomaali ka gabayday ooy tidhii: “bakhtigaa karoon Sooray boogi daba taale…”
Bal u dhuur gal markii 1973 uu Xayle Sellaase yimid Muqdisho. Alah u naxariistee Col. Saciid Cabdilaahi Cigaal ayaa ka mid ahaa ragii dawlada Soomaaliya u qaabilsaana in aay soo dhaweeyaan isla markaana dabagalaan wafdigii Xayle.
Mudo sanooyin ka dambi, waxa Saciid intaanu geeriyoon ii sheegay in uu aad ugu qushuuci jiray kalsoonida uu wakhtigaa ku arkay Siyaad Barre.
Waxa uu yidhii “Xaylasilaase ayaaba ku dhawaaday in uu su-juudo Siyaad Barrei.” Sida sawirkan ka muuqata, Siyaada Barre iskukalsooni iyo tunwayni wadaniyeed ayaa ka muuqata, qoortiisa iyo garbihiisuna way qotonsanyihiin. Waa astaan ka marag kacaysa isku kalsooni.
Tan kale, markii Mangistu iyo Siyaad Barre la isugu geeyey Caddan, 1977, Fidel Castro iyo madaxwaynihii Jarmalka Bari, Enrich Honecker, xusuus qorkoodii waxay ku sheegeen in Siyaad Barre kalsooni xoogani ka muuqatay, isla markaana keentay in Mangistu cidhiidhi iyo diiq galo. Iyaka oo u cadhaysan oo ka waramaya Siyaad Barre, sida tan bay u dhigeen:
His goal is old fashioned politics: sweet, friendly words. Siyad Barre speaks like a wise man; only he speaks. He is different from the many political leaders that I know. [Egyptian President Anwar] Sadat, [Algerian President Houari] Boumedienne, [Mozambique President Samora] Machel, [Angolan President Agostinho] Neto and many others are strong characters. They can also listen and do not take a dogmatic attitude. One can speak with them.
Siyad Barre really thinks that he is at the summit of wisdom. Until now everything has gone smoothly for him… He likes prestige.
“Siyaad Barre waxa uu isku haystaa ninka buurta ugu saraysa ee aqooneed saaran… . Waxaanu jecelyahy sharafta iyo in la xaq dhawro.”
Sawirkan uu Siyaad Barre soo dhawaynayo Julius Nyerere, madax waynihii Tanzania, waxa cad in Siyaad Barre gacanta sare haysto. Inta badan qofku marka inta uu garabka ku qabto shafkiisa kugu riixo waa kalsooni iyo gacan sarayn, saaxiibtinimona la socoto. Sawirka ku xigaana waxa uu tussayaa in Siyaad Barre la facyahay (equal) madax reer Yurubka ah.
Sawiro badan markaan fiiriyayna, Madaxwayn Xasan Sheekh baryahan dambe waa istiilaa marka sawir laga qaadayo, runtiina waa ku amaananyahay in uu qoorta taago. Waxaa ilo ku dhodhow Madaxwayne Xasan ay iisheegeen in lagula taliyey in (1) qosolka badan uu yareeyo marka uu wufuuda qaabilayo; iyo (2) in uu joojiyo shafku qabashada uu inta badan ku sameeyo ma’suuliyiinta uu la kulmo.
Markuu Dhaqankeenu Qiimaha Lahaa
Oday dhaqameedka Soomaalida ayaa laga arki jiray isku kalsooni. Xiiso gaar ah waxaa leh Sheeko dhexmartay Ugaas Maxamuud (Ina Ibraahin Guray) iyo Boqor Xayle Sellaase. Ina Ibraahim Guray waxaa uu aha nin aad u dheer (6 ft. 5inch) quwad jidheedna lahaa. Mar uu Xayle Ugaaska talo bixin uu ugu yeedhay magaalada Adari waxa uu hadalkiisii ku bilaabay, “Hadeeto ina Mokoninow……. hadalkii buu halkaa ka sii watay.
Ninka Turjubaanka ahaa oo Axmaar Af Soomaliga yaqaan baa ku dhiciwaayey in uu Boqorkoo maqlaya hadalkii uu Ugaasku yidhii ku celiyo “Ina Mokoninow.”
Sababtoo ah, waxa looga bartay Itoobiyaanka qofkastaba in uu aaraartiisu noqoto, “Borkii boqoradow, Libaaxi Isirka u lahaa Reer bani Israaiilow, Haybadle Xayla Sellaasaha koowaadow.” Ina Ibraahin Gurayse wax uu ku bilaabay “hadeeto Ina Mokoninow.” Ma istidhii “rag waa ragii hore?!
Markii Juuq laga waayey turjubaankii buu Boqorkii ka dalbaday in loo sheego waxa uu Ugaasku yidhii iyo sida uu u yidhii? Markii loo sheegay ayuu Boqorkii la muraaqooday isku kalsoonida ka muuqatay Ugaaska, waliba in uu Boqorkan lugaha laga dhunkanayo uu Ugaas Soomaaliyeed u la hadlo sidaas oo kale, sujuudna hadalkeedba daa.
Garad Yoonis Garaad Xasan’a, ooy seediyo ahaayeen Ugaaska Maxamuud, waakii markii uu Mangistu Xayle Mariyam yidhii wax dambe oo nabadoon layidhaa majiro, sidatan ugu jawaabay: “markii horeba adigu nabadoon igamaaad dhigin, hadana iga ma qaadi kartid.” Intuu Mangistu isku yixyixay buu yidhii, “maanta waxii laga bilaabo Garaad Yoonis oo kaliya ayaa nabadoon ah.” Intaa waxaad ku dartaa Ina Cali Shire, oo ka mid ahaa Somali Revolutioary Council (SRC), uu Jaalle Siyaad gudoomiyaha ka ahaa, in uu iska celin jiray Siyaad Barre runtana uu u sheegi jiray. Lama soo koobi karo isku kalsoonida umada Soomaaliyeed astaan u ahaan jirtay.
Gabogabo ahaan, waxa lama dhaafaan ah tirsigii dhexmaray Suldaan Cali Saafi iyo Xayle Sellaase. Markay taariikhdu ahayd dabayaaqadii 1940hii markii uu Xayle dib u qabsaday dhulka Soomaalida (Haud and Reserve Area) ayuu Wardheer yimid. Odayadii ayuu la shiray, wuxuuna ku yidhii. “Iskoolo ayaa la-idiin furayaa oo Af Xabashiga ayaa la idin baridoonaa.” Waakii Suldaan Cali Saafi ugu jawaabay, “Xayle maxaad Af Xabashiga nabari, anagaaba Carabi, Ingriis iyo Talyaani naqaanee,” isagoo markaa ula danlahaa Axmaaro anagabaa ka ilbaxsan…. (This is again a good measurement of pride no mater what material power your adversory has. The Sultan had a high level of positive self-image about his community).
Waxaa iyana tixgalin mudan wariyayaashi maalinta dhow quudhsiga diiday. Mar horaantii March, 2014, uu wafdi Maraykan tagay Muqdisho ayaa lagu taliyey in qofkasta oo raba in uu arko ama maqlo Wafdigan in ay ursadaan aydu. Wariyayaal Soomali ah oo Muqdisho ku sugan ayaa arintaa ka biya diiday. Hadii maanta Muqdishu sidaa loo abdilo wariyayaasha, barina tolow ma masaajidada ayaa la odhan doonaa aydu ha baadho? Maxaa markaa Soomaali u reeban? Dhilantaa wariyayaashu way ku mahadsan yihinn in ay yidhaahdaan ma qaadan karno waxyaabo qaarkood (“enough is enough”).
Markaynu Qaran Jabnay
March 14, 2014 ayuu Madaxwayne Xasan Sheekh u dhoofay dalka Jabaan si uu u waydiisto mucaawimo, gaar ahaan sidii loo heli lahaa lacag mushaharka bilayska Muqdisho lasiiyo. Wasiiro tunwayn uu Madaxwaynuhu hogaaminayo ayaa wada hadalo wax ku ool ah la yesheey masuuliyiin katirsan hayado kala duwan. Lakiin sawirkan hoos ku lifaawan waxa laga dheehanayaa wafdi aan wax uu qabto lahayn oo iska tamashlaynaya (tourist).
Maxaa keenay siidii tuuristiga ama dadka tamashlaynaya in meel shaqadii laga baxay madaxweyne iyo wafdigiisu sidan oo kale isku sawiraan? Waxaad iswaydiin kartaa? yey rabaan in aay sawirkan ay la qaybsadaan? Qoysaskoodada, mise dadka Soomaaliyeed? Hadii ay ugu talo galeen umada Soomaaliyeed, kani sawirkii ku haboonaa ma aha. Haduu Madaxwaynaha Soomaaliya rabo xasuus reeb, waa in uu samaystaa hal xirfad yaqaan oo sawiro diiwaan galin ah ka qaada. Sidan hada waxa uu u egyahay nin aan cuslayn, ama “unprofessional.”
Sawirkan kale ee hoos ku lifaaqan waxaynu ku aragnaa dhawr wasiir, oo waliba kuwa wadanka ugu tunka wayn, iyo Madaxwayn Xasan Sheekh, oo lashirayaa saraakiil ay marti ugu ahaayeen dalka Jabaan. Sawirkan waxa uu tusaayaa labadii dhinac oo is hor fadhya: Sideed Soomaali ah, oo Madaxwayn Xasan ku jiro, iyo after sarkaal oo rer-Jabaan ah.
Afarta reer-Jabaan waxay wataan, waa sida sawirkan ka muuqatee, qodobo ay ugu soo talo galeen shirka laba geesoodka ah. Dhinaca Soomaalida, oo runtii u nidaam eeg qolada layidhaa “nation of Islam,” oo ah xulifo-diineed oo ka soo jeeda Maraykanka madow, hogaamiyana uu u yahay Louis Farakhan, wax qodobo ah ama “points of discussion” ooy ugu tala galeen kama muuqato, aan ka ahayn ninka cidhifka fadhiya eed moodo in uu wax qoranayo.
Sida meelo kale lagu sheegay, malaha Soomaalidu waa quraan xaafid oo uma bahna qodobo iyo qorshe. Waxaase dhab ah, in Madaxwaynaha isagu aan laga rabin in uu qodobo sitoo, borotakoolkiisna ma’aha. Hase ahaatee, ragga iyo dumarka la socdaa in ay howsha u qabtaan bay ahay.
Shirarku inta badan waxay qeexaan awood tirsi (power game). Waxa laga rabaa in aad tustid dhinaca kaa soo hor jeeda diyaar garow taam ah, iyo tix galin aad tusaysid qiimaha uu shirku leeyahay.
Waxaad moodaa kooxda Madaxwaynaha la socotaa in ay iska socdaan oo kaliya, ama sida Af-Ingriiska lagu yidhaa “in for the ride.” Wafti tiro yar lakiin tayo badan in ay baxaan baa dhaqankan hada ka roon. Foolxumada kale waxay tahay marnaba in wafdiga dalka ka baxayaa aanu ka tiro badan dadka idin marti galinaya ama idin lashiraya. Shirkan Jabaan, safarkii ayaa ka bdan kii wax soodhawaynaya. Waxaan iyana aan la isba waydiin imisa ayaa sanadkii ku baxda socodan isdaba jooga ah ee madaxda SFG ay kaba dagi waayeen. Soomalidu inta u badan waxay rumasan yihiin in shaqsiyaadka madax waynaha raaca in la yareeyo.
Sikastaba ha ahaatee, sawarkani ma qurux badna, umana eka in dhinaca Soomaalidu shirar gudoon (executive level) aqoon u leeyihiin. Insha Allah shirarka soo socda wax in ay iska badalaan bal aan rajayno.
Waxa murugo iyo tiiraanyo leh sawiradan hoos ku lifaaqan. Sideedaba habka uu qofku isku taago (body posturing) waxa laga dhugtaa isku kalsoonidaada/ama la’aanta shaqsigu leeyahay. Qofku marka uu is goddo ama diiq isgaliyo oo uu is uririyo (sida ka muuqata masuuliyiintan Soomaaliyeed) waxay ka turjumaysaa liid iyo ka hoosayn uu dareensiinayo qofka kale uu salaamayo. Waa qirasho ah “waad iga saraysaa.”
Sadex siyaabood baa liidnimo uu qofku ogol yahay loo muujiyaa:
1. Adiga oo is-yar goda garbahaagan hoos u dhiga, sida Prime Minister Abdiweli Shiekh iyo Afhayeenka Baarlamaanka aad ka aragtaan.
2. Adigo sujuudan baaldhan ee ninkan Aways la yidhaa muujiya.
3. Tan ugu daran oo lugaha aad u soo taabato qofka aad isleedahay wuu kaa sareeyaa. (kissing the feet of the lord like it was done for kings).
Qofkan sujuuda balaadhan siiyay Madaxwaynaha Talyaaniga, Georgeo Napolitano, oo magaciisa hore la yidhaa Aways, waxa uu ka mid ahaa masuuliyiinta safaarada Soomaaliye ee Room. Waa munaasabadii loo sameeyed munaasabada aqoonsi dhiibka iyo soo dhawayta shaqalaha Safaarada Soomaaliya.
Wa arin hor leh in Soomaali sidan oo kale u salaanmo ajinabiga sujuud balaadhana uu siiyo. Qofku sida uu doono ayuu u dhaqmi karaa. Lakiin marka uu nin mas’uul ahi falkan oo kale ku kaco tiiraanyo xoogan ayey leedahay.
Ma isdhiib iyo qaran jab aan xad lahayn bay arintani tilmaamaysaa? Dhinaca kale, waxaad ka dhugan kartaa in Ra’iisal Baarlamaanku (Jawaari) xagasha iska jabiyey si uu u tuso liidnimadiisa, halka uu wasiirka koowaad (Prime Minsiter) golxo isku yeelay si uu ugu xaqiijiyo Xayle Maariyam-ka Itobiya in uu awood laha runta ah isagu yahay. Soomaali sheekadeeduba waxay kusoo ururaysaa wiil iyo adeerkii oo sida kala duwan labo Xayle u kala xushmeeyeen (Siyad iyo A/Weli, waana tog iyo taraaf!). Waa qiima jab iyo qaran dumis hor leh oo Soomaali lasoo darsay, kadib markii uu dalku burbursanaa mudo 23no ah.
Talo Bixin:
1. Arimaha basar xumadda la xidhiidha wufooda Soomaaliya si fudu ayaa lagu daweyn karaa:
Waa in Madawaynaha socdaaladiisa dadka raacaya yaraadaan;
Waa in uu Madaxwaynuhu kaxaysto ruugcadaa dibloomaasiyada iyo dhaqankeeda yaqaan;
Inta aanay dalka ka bixin wafdigu waa in ay laylis galaan oo ogaadaan waxyaabaha ay qabanayaa iyo sidaa ay u muuqanayaa
( a creographed and well reharsed agenda in ay qaataan). Sawir caruureed-kana ha iska dhaafeen;
Haday ka geynwaydo qof socdaalka Madaxwaynaha diwaan galiya haloo sameeyo, sidii wariye Goobdoon oo kale.
2. Arimaha qaran jabkeena waa qota dheer yihiin, lakiin waxa dhow ee la daweyn karo waxa loo marikaraa jidadkan:
Shaqsi kasta oo matilaya qaranka Soomaaliyeed waa in uu ka fogaadaa sujuud binaadam la siiyo ama kabo qaad qolo kale loo
muujinaya.
Waa in Madaxwaynuhu ka soo saaraa raaligalin (apology) ku aadan dadkan gaalada u sujuudaya iyagoo magacii Soomaliya iyo diinta umadda Soomaaliyeed haysato huwan. Arinkaas waa qaran jab aan loo aabo yeelin.
Waa in dawladu samaysataa talooyin (Guidelines) iyo tusaalooyin ku aadan carbinta iyo layliska masuulka Soomaaliga ah oo la diyaariyaa.
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa si caro leh uga hadashay war ka soo baxay wasaaradada arrimaha gudaha Kenya oo ku saabsan in qoxootiga Soomaalida ee ku nool magaalooyinka dalkan in ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga Kaakuma iyo Dhadhaab.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga naxeen hadalka ka soo baxay Kenya wuxuuna ku tilmamaay mid aaney la ogeyn dowladda Soomaaliya iyo hey’adda qoxootiga QM u qaabilsan ee UNHCR.
Wuxuu sheegay in wax suura gal ah aaney in Soomaalida dhan ee ku magaalooyinka la dhaho aada xeryaha qoxootiga Kenya oo haddaba ah kuwa buux dhaafay oo ay dad ku jiraan.
“Arrintan shaley ayaan maqalnay, waxaana markii ay soo baxday anniga iyo shaqaalaha safaaraada xiriiro la sameenay madaxda Kenya gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda iyo dowladda Soomaaliya, berri waxaa imaanaya Nairobi wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle, isagoona la kulmi doona wasiirka arrimaha dibedda Kenya Amiina Maxamed, waxaana ay kaha hadli doonaan arrinta soo korartay”
Danjire Amrica oo la weydiiyay in Kenya ay tiri Soomaalida sharci darada ku joogta magaalooyinka waa argagixiso, wuxuu yiri “Dhammaan 500, kun oo qof ee ku nool Kenya ma ahan aragixiso”
Si kastaba, dowladda Kenya ayaa amar ku bixisay in qoxootiga Soomaalida aaney soo dhaafi karin xeryaha qoxootiga Dhadhaab iyo Kaakumo, maadama falal ammaanka lid ku ah ay ka dhaceen magaalooyinka sidda Mombasa oo dhawaan la weerarray kaniisad.
Dhinaca kale, hey’addaha HRW iyo Refuge Concern ayaa cambaareeyay hadalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya waxaana ay ku tilmaamay in uu yahay mid naceeb iyo khalalaaso hor leh abuuraya ee aaney soo kordhineyn ammaan, waxaana ay dowladda Kenya ugu baaqeen in ay ka laabato go’aankaas,
Soomaaliya xukunkii milatariga ee ku dhisnaa kelitalisnimada wuxuu baray in xoog waxkasta lagu muquuniyo, dagaalogayaasha beelaha oo aaminsan in xalka uu ku jiro adeegsiga xoog ayaa curiyey ciidamo fara badan oo ay dagaalgeliyaan. Odeyaashaas damacooda shaqsi iyo kan beeshooda wuxuu ahaa hanashada awooda dowlada, laakiin herden dheer kadib waxaa u cadaatay ineysan beelna ku guuleysan karin damacooda gaarka ah. Halgankii hubeysnaa oo ay isaga soo horjeedeen beelaha ku dirirsan hanashada hogaanka dalka ayaa wuxuu dhaliyey baahi xoogan oo loo qabo lacag adag iyo hub. Hogaamiyeyaasha beelaha ayaa ka dalbaday talooyin hanti lagu curinayo iney abuuraan aqoonyahanada damacooda taageersan, kuwaas oo Soomaaliya ka curiyey fikradaha lagu hirgeliyey dekedo macmila, jarida dhirta, beerista mandooriyeyaasha, bixinta ruqsadaha looga kaluumeysanayo xeebaha Soomaaliyeed, tahriibinta dadka iyo ka ganacsiga carruurta iyo xubnaha jirka dadka, afduubka maraakiibta, iyo tan ugu dambeysey oo ah hirgelinta qorshaha ugu halista badan oo ahaa hub iyo lacag badan iney ku doorsadaan qashinka sunta halista badan oo laga soo saaro wadamada reer Yurub iney ogolaadaan in lagu duugo degaanada ay ka taliyaan.
1997 Ayaa xog huban lagu soo koobay warbixino ay dabagal ku sameeyeen ururo u badan Talyaaniga oo u dhuundaloola arrimaha Soomaaliya sida: Famiglia Cristiana, Greenpeace, Legambient, iyo Eccoterra oo dhamaantood u dooda dowrista xuquuqda degaanka iyo noolaha ku nool. Warbixinadooda waxaa lagu cadeeyey in howlaha dhulka Soomaalida loogu qubayo qashinka sunta ee laga keenay wadamada reer Yurub ay bilaabatay dhamaadkii sideetameeyadii markaas oo dowladii milatariga ay la soo deristey dhaqaalihii caalamka uga imaanayey oo noqday gabaabsi, taas waxey dhalisay dowlada Talyaaniga oo saaxiib dhow la ahayd dowlada milateriga iney ka dhaadhiciso qashinqubka sunta reer Yurub iney soo gelineyso lacag adag iyo hub, waxaana arrintan ka shaqeeyey guddi aqoonyahan Soomaaliyeeda, dowlada Talyaanigana waxey kala shaqeysay iskuxirka gudigaas iyo dalaaliinta Maafiyada Talyaaniga, waxaana wadashaqeyntooda ka dhalatay in sunta lagu qubo badxeebeedka Soomaalida, iyo in hubka si dadban looga soo iibiyo South Africa, iyo Venezule, taas oo loo marayo shirkadaha ku shaqeysta calooshooda u shaqeystanimada iyo ka ganacsiga hubka sharcidarrada ah. Qorshaha wejigiisa kowaad wuxuu la burburay isaga oo curdan ah dhicista dowlada milateriga, waxaana loo baahday in qiil loo helo sii socodka howshaas si ra’yiga caalamka loogu qaldo jiritaanka heshiisyo loo wada dhan yahay. Si loo meelmariyo heshiisyada beenabuurka ah ayaa 1992 waxaa soo rogaalceliyey shirkadaha qashinka Yurub ka soo dhoofiya oo dalaaliin u soo diray iney heshiisyo la galaan dagaaloogayaasha Soomaaliyeed, iyaga oo doorbidayey kuwa gacansaarka la leh Talyaaniga. Heshiisyada waxaa fulinayey dalaalin ka tirsan Maafiyada Talyaaniga oo damaanadqaad ka heysta dowlada Talyaaniga. Waxaa la magacaabay laba shirkadood oo si qarsoon ay u maamulaan Maafiyada Talyaaniga, lana kala yiraahdo Achair iyo Progresso oo laga kala leeyahay wadamada Swiss iyo Talyaaniga iney qandaraaska dalaalnimada ku qaateen fogeynta malaayiin tan oo ah qashinka sunta oo ay ku soo shubeen fuustooyin iyo haamo aan lahayn wax sumada, kuna dambeeyey iney ku qubeen xeebaha Soomaaliya. Waxaa la xaqiijiyey in ka badan lix boqol oo kun oo fuustooyinka ay ka buuxaan suntaas in loo adeegsadey gadiid ahaan maraakiib laga kala leeyahay wadamada Jarmalka iyo Daanishka, kuwaas oo marka ay qashinka ku rogaan badweynta Soomaaliyeed u xuubsiibta maraakiib soo jilaabata kaluunka nuucyadiisa kala duwan(trawlers) si sharcidarrana ay ula soo baxaan kheyraadka badweynta Soomaaliyeed, waxaana lagu qiyaasay sannad walba hanti dhan afar boqol oo malyan in laga helo ganacsiga kallunka laga xado xeebaha Soomaaliya. Waxaa gaadiidkaas bada ka dhinac shaqeynayey maraakiib ay horay u lahayd dowlada Soomaaliya oo shirkadahaas qandaraas kula jirey. Inta la hubo qashinkaas sunta ah asal ahaan wuxuu ka kala yimaada wadamada Jarmalka, Talyaaniga, iyo Fransiiska, kuwaas oo ka dhigay Soomaaliya dhul ah qashinqub raqiisa. Wixii ka dambeeyey 1997 xeebaha Soomaaliya waxey noqdeen xabaasha lagu duugo qashinka sunta, waxaana soo daabula shirkado badan oo ay ku bahoobeen lahaanshahooda wadamo badan oo ka tirsan wadamada reer Yurub.
Sirta ka dambeysey xogtaas la helay waxey soo baxday kadib markii dagaaloogaha waqooyiga Muqdisho oo kaashanaya dowlada Talyaaniga lala xiriiriyey dilka Ilaria Alpi oo ahayd gabar ah weriye Talyaaniya iyo sawirqaadaha la socdey Miran Hrovatin oo ahayd gabar ah Islofeeniya, kuwaas oo shirqool loo dhigay lagu diley March 20, 1994, bixiyeyna xog hor u dhaca. Suxufiyiintaas la diley waxey heleen xogta ku saabsan ganacsiga hubka iyo lacagta la isku weydaarsanayey, waxeyna soo gudbiyeen in dowlada Talyaaniga ay lug weyn ku lahayd hurinta dagaalka sokeeye ee ka jira Soomaaliya. Afduubka weriyeyaashaas iyo dilkooda wuxuu ka turjumayey ineysan cadeymaha dhabta ah aysan soo gaarin warbaahinta caalamka. Meelaha la cadeeyey in haraadiga sunta nuyukulerka lagu shubay waxaa ka mid ah: Baidhabo, Mogadishu, Hobyo,iyo Xaafuun. Sidoo kale meelaha lagu aasay sunta halista ah nuucyadeeda kale waxaa ka mid ah: Jamaame, Barawe, Marka, Jowhar, Mareeg, Bosaaso, iyo Growe. Waxaa la ogyahay xabaalaha laga sameeyey berriga inuu yahay mid aad u gaaban oo xataa ka yar xabaasha dadka lagu duugo, sida badana lagu aasay meelo qarsoodiya.
Dabagal dheer ka dib waxaa lagu ogaadey in wixii ka dambeeyey 1994 maraakib gabowdey loo adeegsado sunta qashinka iney ku qubaan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo aan heysan wax waraaqada oo cadeynaya alaabta ay sidaan ama ay dhacdo gudashada howshooda kadib in la tirtiro dokumentiyada wata cadeymaha leh raadraaca, maraakiibtaas oo caalamka loogu tebiyo iney quuseen badweynta oo la la’yahay, waxaana la sheegaa markii ugu war dambeysey maraakiibtaas iney marayeen bada Mediterranean-ka. Waxaa sidoo kale jiritaanka qashinqubkaas xaqiijisay markii 2004 ay xeebaha Soomaliya ku dhufatay dufaanti Sunamiga, taas oo xeebaha Soomaliya ku soo daadisay haamo iyo fuustooyin mirireysan oo aan wax sumada lahayn,kuwaas oo ay ka buuxeen suntaas, waxaana ay xaqiijiyeen UNka qeybteeda ku hawlan mashruucyada degaanka iney haamahaas ku jireen qashinka sunta halista ah, inkasta oo ay ka gaabsadeen iney dabagalaan cida ka dambeysey oo xaqiiq ahaan ay xogteeda hayaan, iyaga oo ka gaabsanaya iney eed ka galaan wadamo badan oo miisaaniyada howlgaladooda qeyb libaax ka qaata.
Qashinka sunta ee lagu shubayo badda Soomaalida ama lagu xabaalayo dhulka Soomaalida waxey ka koobmaan qashinka sunta nuyukulerka, qashinka sunta kimikada, iyo qashinka cudurada faafa oo loo adeegsado dabargoynta noolaha. Sida badan qashinka sunta asal ahaan wuxuu ka yimaada warshadaha dhaliya quwada nuyukulerka oo u isticmaala koronto iyo hub ahaan ama isbitaalada ku qalabeysan adeegsiga caafimaadka ee farsamada nuyukulerka oo loo isticmaalo baarista iyo daweynta cuduro gaara. Waxaa sidoo kale qashinka sunta ay ka soo baxaan hubka gaboobey oo halista ah ama la mamnuucay in lagu dagaalamo marka la tirtirayo. Waxaa kaloo jira sun fara badan oo kimiko ah oo loo adeegsado la dagaalanka cayayaanka.
Sunta nuyukulerka waxey ka dhalataa curiyeyaal aan degeneyn(isotops) sida: Uranium-235, Plutonium-239, Technetium-99, Radium-226, iyo Thorium-232. Curiyeyaasha dhaliya sunta nuyukulerka waxey sii dayaan kaah iyo walxo aad u yar oo danabeysan, kuna socda orad aad u dheereya(alpha oo ka kooban: Helium nucleu; beta oo ka kooban: electrons or positrons; iyo neutrons oo ka kooban walxo aan danabeysneyn). Kaaha ka soo go’a burburka curiyeyaashaas aan degeneyn waa mid danabeysan oo awoodiisu ay aad u xoogan tahay sida Gamma, X-rays,iyo ultraviolet oo looga tilmaan qaadan karo biriqda oo ah nuuc ka mid ah iftiinadaas,waana iftiinkaas midka dilaaga ah,kana dhexgudbaya noolaha isaga oo aan la dareemi karin, wuxuuna sabab u noqdaa marka uu jirka dhexqaado in uu dhaliyo falgalo sababa dhaawaca hido sidaha(DNA), habowlayaasha nafta(vital organs), dhacaanada jirka oo burbura, howlgab ka dhalata hanaanka dareenka, neefsiga, dhiiga iyo dheefshiidka,waxaana la xaqiijiyey haddii mudo dheer iftiinkaas danabeysan uu kugu dhaco inuu sabab u noqonayo dhimasho, qaadista cudurka kansarka oo u badan kuwa ku dhaca dhiiga iyo maqaarka, dhalashada ilmo aysan lixaadkoodu dhameen,dhantaalida fikirka maskaxda iyo dhimirka, iyo dhaawacyo ay ku dhiigbaxaan halbowlayaasha uurkujirka ah. Khatarta sunta nuyukulerka ay u geysaneyso caafimaadka noolaha ma ahan mid la soo koobi karo,mana ahan mid waxyeeladiisu ku kooban tahay wakhti gaaban,balse waxey soconeysaa malaayiin sanno oo ah inta suntaas ay noolaan karto. Waxaa jira curiyeyaal dhaliya shucaaca nuyukulerka oo ay isticmalaan isbitaaladu, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Tc-99, I-123, Ga-67,In-111, Tl-201, Y-90,Sr-89,Ir-192, Co-60,iyo Cs-137, kuwaas oo shucaacooda loo habeeyey qaab lagu daweynayo kansarka ku dhaca ilmogaleenka, prostate-ka, maqaarka, naasaha, lafaha, thyroid-ka,iyo dhiiga. Waxaa shucaaca nuyukulerka ka xijaabi kara dadka marka la ogaado jiritaankiisa in loo jirsado masaafo ka durugsan meesha ay sunto ka soo maaxeyso, in la gashado dhar adag oo reeba inta badan kaaha, iyo in la iska xijiyo dhisme ama carro gabaada oo noqota dhextaal aysan soo gudbi karin shucaacaas.
Sunta kimikada oo ujeedada loo abuuray ay ugu xooganeyd in loo adeegsado dagaalka oo lagu naafeeyo ciidanka cadowga, xoolahooda, iyo beerahooda ayaa waxaa ka mid ah kuwa ugu caansan oo lagu howlgalay sida: Sarin, VX, Novichok, Phosgene, Ricin, Mustard Gas, iyo kuwo kale oo badan oo si qarsoodiya loo abuuray. Waxaana suntan loo kala saaraa kuwo dhaawaca uurkujirka(vesicants ama blister agents), kuwo maanka dooriya(incapacitating agents), kuwo jirka cuna(nettle ama urticants), kuwo dareenka waxyeela(Nerve agents), kuwo araga waxyeela(lachrymatory agents),iyo kuwo neefta dadka ku dhejiya(cyanides).
Sunta bayolojiga waxaa sidoo kale loo abuuray in loo adeegsado dagaalka,waxeyna ka kooban tahay cudur sidayaasha dhaliya cudurada faafa sida Virus iyo bacteria,ujeedaduna waa in lagu laayo dadka, xoolaha iyo dhirta. Cudurada, sunta geedaha iyo sunta ay dhaliyaan noolayaasha ayaa ah kuwo ka wada kooban sunta bayolojiga, waxaana ka mida kuwo sida weyn loo isticmaalay: Anthrax, Glanders, Tularemia, Ricin, Saxitoxin, botulinum, mycotoxins, Q-fever, smallpox, cholera, Ebola, fungi, Shigella,iyo Pneumonic plague.
Sida badan qashinka sunta dilaaga ah marka la burburinayo waxaa loo adeegsadaa gubniin(incineration) ama xabaalid ama waxaa lala falgeliyaa kimikaadyo u roga waxyaabo aan sun ahayn. Marka la gubo qashinka sunta waxaa ka dhasha sun ka halis badan tii hore oo raacda hawada ama ah dureere aan falgaleyn ama ah mid noqota dambas ay ka buuxaan biraha culus oo waxyeelo baahsan u geysta caafimaadka noolaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Arsenic, Cadmium, Chromium, Mercury, selenium, lead, dioxins, iyo horarka kala ah : Furans, hexachlorobenzene(HCB), iyo DDT (dichlorodiphenyltrichloroethane) oo weli addunka looga isticmaalo dabargoynta kaneecada sida Malariyada. Suntaas oo marka la xabaalo u gudubta biyaha, dhirta, iyo xoolaha, waxeyna dadka ku dhalisaa cudurada kansarka(carcinogen), maskaxdilanka, taran la’aanta, dhiigxumo, sinjirog, iyo howlgabka halbowlayaasha waaweyn sida keliyaha, beerka, sambabada iyo dareen xambaarayaasha. Dibuhabeynta qashinka waa farsamo qaaliya oo ay ku baxeyso adeegsigeeda shidaal badan iyo teknoolojiyo culus oo qaaliya, taasna waxey dhalisay in wadamada Yurub ay ku bixiyaan qarash xad dhaafa, waana taas mida keentay in Soomaaliya loo soo dhoofiyo qashinka sunta oo aysan ku kaceynin qarash fara badan, waxeyna u fududeyneysaa wakhti dheer oo howshaas geli lahyd iyo lacag fara badan oo u badbaada. Waxaa kaloo ka jira wadamada Yurub ururo mucaarada oo xoogan, kuwaas oo difaaca caafimaadka dadka iyo degaanka, waxeyna ku qasban yihiin shirkadaha qaata qandaraaska qashinka sunta iney raacaan xeerarka adag ee lagu hubinayo dhowrista nolosha deegaanka, iyo iyagoo fahamsan wixii qasaaro ah oo ka dhasha tixgelin la’aanta xeerarkaas iney dushooda noqoneyso iney magdhabaan.
Midowga Yurub waxaa ka dhaqangalay xeerbeega ah Euratom oo lagu qeexay summadaha 259/93 iyo 92/3, kuwaas oo wadamada reer Yurub faraya in wadankasta uu masuul ka yahay dhaqangelinta habmaamuuska lagu asturayo qashinka sunta iyo iney waajib ku tahay dib ula soo noqoshada qashinka haddii si aan raacsaneyn sharciga ay u maamulaan qashinka ama ay sharcidarro ugu qubaan meel aan loogu tala gelin.
Xisbiga Dadka wuxuu aad uga walaacsan yahay qiyaasta 70 milyan oo tan oo qashinka sunta ah oo lagu daadiyey wadanka Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa Soomaaliya meesha ugu badan adduunka oo ay ku duugan yihiin qashinka sunta, kuwaas oo laga sameeyey macaash gaaraya 6.7 bilyan oo Dollar. Qashinka sunta oo lagu qubay xeebaha iyo xabaalaha gaaban oo dhulka gudahiisa loogu duugey waxey halis ku tahay nolosha malayiin Soomaaliyeed, kuwaas oo si aysan dareensaneyn ugu sumoobey 30 sanno ee la soo dhaafay oo qaarkood ay la ildaran yihiin xanuunada ka dhasha qashinka sunta(radiation sickness) oo ilaa hadda aysan jirin cid gargaar ugu fidisay daweynta jirooyinka naftooda howlgabtay,waxeyna sidoo kale suntaas halis gelisey hab nololeedka dheelitiran ee ka dhexjira kalluunka ku nool xeebaha Soomaaliya. Waxaa lagu qiyaasayaa ilaa 3000 oo dad Soomaaliyeeda iney u dhinteen suntaas wixii ka dambeeyey duufaanta Sunaamiga markey 2004 ku dhufatay xeebaha Soomaaliya oo ay suntaas banaanka u soo saartay, kuna dhexmishay biyaha bada oo kaluunka cunay uu u gudbiyey dadka noloshoodu ku tiirsan tahay cunida kaluunka. Waxaan la qiyaasi karin inta ay la egtahay baaxada dhibaatada xanuunka badan ee suntaas ay ku hayso Shacabka Soomaaliyeed ee ku ag nool meelaha ay ku duugan tahay, kuwaas oo u haysta mucjiso xanuunada aysan horay u aqoon oo waqtiyadan dambe ku soo batay. Xisbiga Dadka wuxuu u arkaa qashinka sunta oo lagu soo fogeynayo Soomaaliya mid ka mid ah xadgudubyada gaboodfalka ah oo lagu hayo xuquuqda aadaminimoo ee dadka Soomaaliyeed oo ay u geystaan tacadigaas wadamada ku bahoobey Midowga Yurub. Waxaa ay halis ku timid dhulkii daaqsiinka, caafimaadka dhirta, nolosha xeebaha, iyo caafimaadka guud ee degaanka oo hoy u ah noolaha ay noloshoodu isku xiran tahay. Xisbiga Dadka wuxuu cabsi weyn ka qabaa in Soomaaliya ay ku soo food leedahay mustaqbalka dhow masiibooyin halaaga degaanada lagu shubay qashinka sunta.
Markabka uu shirkan ka dhacay ayaa kusoo xirtay duleedka xeebta magalada Boosaaso wuxuna socday mudo ku dhow lix saac.
Shirka intiisa badan, ayaa waxaa looga hadlay cabashooyin ay Puntland qabtay iyo dacwado ka dhan ah dowladda Somalia, ayada oo ku doodeysay inaan xaqeeda laga siin.
Afhayeenka madaxtooyadda Puntland Cabdilaahi Quraan jecel oo la hadlay goor warbaahinta, ayaa sheegay in muhiimada kullank ay ahayd sidii beesha caalamka loogu bandhigi lahaa qorshaha xukumadda ee waxqabad iyo helitaanka qaybta ay Puntland ku lee dahay dhaqaalaha magaca Somalia lagu soo qaado.
”Madaxweynaha waxa uu ku dhaliilay reer Yurub iyo UN-ba inay Puntland ay ka mid tahay Somalia, islamarkasna dhaqaale badan la siiyo Koonfurta Somalia, Muqdishona la geeyo, iyadoo magaca umadda lagu soo qaaday qaasatan wixii amni ku saabsan, ciidamada DF ay ka mid yihiin kuwo PL marka in kuwa PL la qadiyo kuwa DF tababaro iyo wax kale la siiyo” ayuu yiri Quraanjecel.
Quraanjecel, ayaa sheegay in dalalkii uu la shiray Gaas ay u balan qaadeen inay badali doonaan siyasadooda gudaha.
Puntland, ayaa horey u sheegtay inay ka baxday dowladda Somalia, islamarkaana ay xiriirka u jartay.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay labada dhinac inay isla soo qaadeen sidii wax looga qaban lahaa jariifka baahsan ee lagu hayo xeebaha Puntland iyo kooxda burcad badeedka ah.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa iminka u xusul-duubayso sidii ay ugu soo biiri lahayd Bralamaanka Federalka Somalia, xog cusub, ayaa sidaas sheegeysa.
Ilo lagu kalsoon yahay, ayaa xaqiijiyey in Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan ay gorgortan hoose la gashay mid ka mid ah Xildhibaanadda oo ay hayb-wadaag yihiin, si uu ugu banneeyo Kursiga.
Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in ay Guddoonka Barlamaanka u sameeyeen Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan Budje isla markaana lagu wado in la dhaariyo, si ay uga qeyb gasho Kulamadda ay Xildhibaanadda Barlamaanka isugu yimaadaan.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in sababaha ku dhaliyey FowsiyaYuusuf Xaaji Aadan inay u ololeyso inay xubin ka noqoto Barlamaanka ay tahay si ay xasaanad ugu hesho haddiiba ay dhacdo inay Hay’addaha Garsoorka baaritaan ku sameeyaan Warbixintii ay Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Somalia, Marwo Yusur Abraar ka diyaarisay Fadeexadda la xiriirta Lacagaha la lunsaday iyo Eedeymaha loo soo jeediyey Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa inay doonayeen in Xisaab Lacageed “Account” ka furtaan Bangi ku yaalla dalka Imaaradka Carabta.
Dowladaha deeqaha bixiya waxay si dhab ah u dhuuxeen Warbixinta Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe u gudbisay oo ruxun-siyaasadeed dhaliyey.
Diplomaasiyiinta ayaa rumeysan inay Warbixinta Yusur Abraar sababtay in la hakiyo inta badan Taageeradii Dhaqaale ee Dowladda federalka loo ballanqaaday.
Si kastaba ha ahaatee, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa geed gaaban iyo mid sare u laashay si ay u hesho Xasaanad Xildhibaanimo, oo ka difaaci kara haddii ay xaallada gaarto Hay’adaha Garsoorka, iyadoo horey u sheegtay inay dacwad ku soo oogayso Wakaalladda Wararka REUTERS, oo ay sheegtay inay daabaceen Warbixintaas.
Dhuusamarreeb(Caasimada Online) – Maleeshiyada Ahlu Sunna ayaa sheegtay in ay dhawaan sameesan doonaan maamul gobaleed ay ku mideesan yihiin dhammaan maamulada ka jira gobalada dhexe,oo federaalka ka qeyb noqday.
Guddoomiyaha Gudgiga Talada Ahlu Suna ee gobolada dhexe Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir Aadan, oo galabta la hadlay Idaacadda maxaliga ee Goobjoog ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay noqotay “La mood noqose weyday”
Wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya in ay dooneyso in ay la burburiyo maamulka Ahlu Sunna “Laakin arrintaas ma dhaceyso” ayuu yiri.
“Kooxda Damjadiid ee dalka ka talisa waxbo kama duwan dowladii horre ee Sheekh Sheekh Axmed waxa ay ka siman yihiin in la baabi’iyo Ahlu Sunna, oo taas waxaaba ay noo caddaatay markii ay halkan yimaadeen oo wixii la ogaa ay nagu dhaheyn. annagu kooxdaas waxbo kama rabno waligeen hortoodana waan jirnay” ayuu yiri markale guddoomiyaha golaha talada Ahlu Sunna.
Wuxuu kaloo sheegay in dhawaan ay sameen doonaan maamul gobaleed la mid ah kuwa ka dhisan dalka siddaasna ay kula dhaqmi doonaan dowladda Soomaaliya.
“Waxaan dhawaan sameesan doonaa maamul gobaleed loo sameeyo gobalada dhexe oo waxa aan kala tashan doonaa maamulada kale ee ka dhisan gobalada dhexe” ayuu yiri Sheekhu.
Xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunnada gobalada dhexe ma fiicneen maalmahan dambe, waxaana ay ka dambeesay markii wafdi wasiiro ah oo tagay Dhuusamarreeb ay Ahlu Sunna u sheegeen in maleeshiyaadka u dagaallama la soo wareejiyo si looga dhigo ciidamo qaran, isla markaana la baabi’iyo magaca Ahlu Sunna, arrintaas waxaa ka hor yimid Ahlu Sunna oo ku tilmaamay shir qool loo maleegaayo.
Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay sababta Shariif Xasan Sheekh iyo xildhibaanno kale oo ku sugnaa Baydhabo ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.
Xogta aan helay ayaa ka mid ah in Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari uu qoray warqad uu si degdeg uga codsaday xildhibaannada ku sugan Baydhabo kuwaasoo loo sheegay in ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.
Xildhibaanno kor u dhaafaya ilaa 20 ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kuwaasoo kala taageersanaa shirarka maamulada lixda iyo seddaxda gobal loogu sameenaayo ee ka socda Baydhabo.
Xildhibaannadan ayaa loo sheegay in marka uu yimaado ra’iisal wasaaraha in uu kulan la qaadan doono kaasoo looga hadlaayo dhibaatada ka taagan magaalada Baydhabo, oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen dibadbaxyo rabashada wata.
Shariif Xasan iyo xildhibaannada la socda oo ah kuwa isku mowqif ayaan la hadlin saxaafadda markii ay garoonka ka soo daggeen.
Si kastaba, waxaa muuqata in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu markii labaad ku soo guul dareestay in uu hirgaliyo qorsho uu wato oo ah in la dhiso maamul ka kooban seddax gobal.
Magaalada Baydhabo waxaa maalintii afaraad maanta ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Muuqaal cajiib ah oo la soo dhigay Barta Youtube-ka kaas oo ku socda Qurba Joogta Soomaaliyeed ee dalka ka maqan, waxaana loogu baaqayaa in sidaan ay tahay Magaalo Madaxda Dalka ee Muqdisho.
Fariintanu waxeey ku tusineysaa in isbadalx oog leh uu ka dhacay Dalka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee nala arag muuqaalkani.
Marka la eego Masraxa iyo Haykalka Maamuleed ee Dowladihii KMG iyo Dowladdan Federalka waxaan ka dheehan karnaa Dabeecad cusub oo ku soo kordodhay qaabka loo xusho Mas’uuliyiinta iyo Madaxda maamulayo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo Maamulladda ka sii farcamayo.
Sooyaalka Taariikhda ayaa xustay inay Dowladihii KMG ee ay kala hoggaamin jireen Madaxweynihii geeriyooday, Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa garbahooda buuxin jirey Mas’uuliyiin ay ku soo xusheen qaab iyaga markaasi ku qanacsanaayeen.
Miisaal ahaan Dowladii Marxuum C/llaahi Yuusuf waxaa safka hore kaga jiray Madaxdii Jabhaddii SSDF, iyadoo Maamulkii Madaxweyne Sheekh Shariif iyagana ay ugu tunka weynaayeen Madaxdii iyo Hawlwadeennaddii Golihii Maxkamadaha Islaamka ee iyaga dagaalka xooggan la galay Hoggaamiye-kooxeedyaddii mar awoodda ku lahaa magaalladda Muqdisho.
Jaranjaradda noocaasi ee ay Dowladaha kala qishayaan ayaa waxaa iminka Masraxa laga dheehan karaa inay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hayinka u hayaan Siyaasiyiinta ku jirta Kooxda isku magacowday Damu-jadiid, inkastoo ay Bulshadda Soomaaliyeed u cuntamaynin hab-dhaqanka Kooxdaasi dufan-jacaylka isku bahaystay.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Nidaamka Is-xulafaysiga ee laga dhex arki karo Nidaam kasta oo dalka taladiisa loo dhiibay inay aad u shabahi karto Nidaamkii Beeleedka ee horey u soo kharibay Haykalkii Dowladnimadda, isla markaana horseeday inay Beelaha Soomaaliyeed isku-dilaan Loolanka Awoodda Qaranka.
Damu-jadiid, Halgamayaasha SSDF iyo Mujaahidiintii Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa dhabaha u xaartay inay Madaxda Maamulladda Goballadda ku dhiiradaan inay iyagana iqtiraacaan Qaab cusub oo ay ku soo xushaan Mas’uuliyiinta hawlaha la agaasimayo.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdisho, Jeneral Xasan Maxamed Xuseen “Jeneral Mungaab” oo isagu xilkaasi dhawaan loo magacaabay ayaa waxa uu bilaabay inuu Maamulkiisa ku mataaneeyo Jaallayaashiisa ay ardayda ka wada ahaan jireen Jaamacadda Caalamiga ee Africa The International University of Africa “جامعة افريقيا العالمية” oo ku taalla caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.
Xog cusub, ayaa muujinaysa in saddexda Guddoomiye cusub ee loo kala magacaabay Degmooyinka Shibis iyo Huri-waa’ yihiin kuwo ka tirsanaa Jaamacadda جامعة افريقيا العالمية oo uu Jeneral Mungaab mar ka soo noqday Guddoomiyaha Ardayda ee Jaamacadaasi.
Guddoomiyaha cusub ee Degmadda Dharkenley waxa uu arday ka ahaan jirey Jaamacadda Kampala ee dalka Uganda.
Jeneral Mungaab oo Sharci-yaqaan ah ayaa u muuqda inuu ku turunturooday Masraxa Maamullkiisa cusub, waxaana laga filayey inuu Nidaam cusub ku soo biirayo habka Xulashadda Mas’uuliyiinta Haykalka Maamulka heer Degmo ilaa heer Qaran.
Laakiinse taasi bil-cakiskeeda Jeneral Mungaab oo malaha qoddob kale ka duulayo ayaa qaab il-duuf oo kale dhabaha ugu xaaray inay Maamulkiisa ka mid noqdaan hadba qofka uu u arko inuu hawsha la wadi karo, isla markaana isaga u dhega nuglaan kara, haba u badnaadeen ardaydii ay Jaamacadda wada dhigan jireen.
Xeeldheerayaasha Arrimaha Bulshadda, ayaa rumeysan inay tahay Fadeexad ballaaran haddii Guddoomiyayaasha loo magacaabo dad aan khibrad u lahayn Hawshaasi baaxadda leh, balse looga dan leeyahay Mataanaynta u muuqaalka ekaanayso Damu-jadiidka, Mujaahidiinta Maxkamadaha iyo Madaxdii Jabhdaddii SSDF.
Waa maamul-xumo haddii Mas’uuliyiinta loo magacaabayo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir noqdaan kuwo aan xitaa shaqaale hoose marnaba ka soo noqonin Xafiisyadda Maamulladda Degmooyinka, waana ayaan-darro haddii xilalkaasi loo dhiibo dad la wato ama in Guddoomiye kasta lagu beddelo Guddoomiye kale oo ay jufo-hoose yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, Jeneral Mungaab oo Khabiir Sharci-yaqaan ah ayaa u muuqda mid qaabka Tuuneerka oo kale looga hoos-biixiyey magacaabistaasi, oo ay ka muuqato caddaalad-darro iyo go’aan nin-jeclaysi ah.
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa amar ku siisay Soomaalida ku nool magaalooyinka dalkeeda in ay tagaan xeryaha qoxootiga Kaakuma iyo Dhadhaab.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya, oo la hadlay laanta sawaaxiliga ee BBC-da ayaa sheegay in tallaabadan ay daba socoto falal ammaan dari ah oo ka dhacay Kenya dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaana ugu dambeeyay weerarkii Axaddii dableey wajiga soo xirtay ay ku qaaday kaniisad ku taalla magaalada Mombasa.
Weerarkaas waxaa ku dhintay ilaa shan qof, waxaa kaloo ka horreeyay qarraxyo lagu qabtay isla magaaladaas.
Kenya ayaa sheegtay in ay ka walwalsan tahay kooxo xiriir la leh maleeshiyada Al-Shabaad ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo weerarro dhowr ah ka fuliyay dalkan Kenya.
Weerarkii ugu cuslaa ee Kenya lagu qaaday ayaa ahaa kii ka dhacay xarunta ganacsiga ee Westgate ee Nairobi bishii September.
Sarkaalka u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in la xoojin doono howgallada lagu baadigoobayo kooxaha falalka ammaan darida ka wada dalka Kenya.
Baydhabo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in markale saakay dibadbaxyo rabshado wata ay ka socdaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Dad u badan carruur iyo haween ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee magaalada gaar ahaan hotelka uu deggan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaanno la socda.
Sidda uu soo sheegay wariyaah Caasimada Online ee Baydhabo, qaar ka mid ah dadka ayaa ku dhawaaqaya hadalo culus oo ay ka mid tahay “Shariif Xasan banaanka ha u soo baxo maraqiisa ayaan cabeenaa iyo waa qaa’inu waddan calooshiis u shaqeyste ah”.
Xiisada ka taagan Baydhabo waxaa laga cabsi qabaa in ay isku badasho gacan ka hadal iyo dagaallo lagu hoobto siddaas waxaa leh dadka wax odorosa.
Dhinaca kale, waxaa isbitaalka guud ee Baydjabo ku geeriyooday wiil 16-jir ah oo ku dhaawacmay shaley rasaas ay fureen ilaalada Shariif Xasan Sheekh xilli ay dad careesan ku qamaameen hooyga uu deggan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Si kastaba, waxaa muuqata in labada dhinac ee isku haya Baydhabo in mid kasta uu taagan go’aan aan la isku soo dhaween karin, waxaana muuqan waanwaan ku aadan siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan Baydhabo.
Waxaa dalka ka maqan madaxda dowladda sidda madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kuwaasoo ku kala maqan dalalka Kuwait iyo Uganda, halkaasoo shirar caalami ah ay uga qayb galayaan.
Jaaliyadda Dalka Sweden gaar ahaan STOCKHOLM ee ka soo jeeda Degmada Kaxda ayaa ku eedeeysay Gudmiyaha Gobalka Banaadir,Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), in uu ka biyo diidsanyahay in aay Degmada Kaxda tahay Degmo Buuxdo oo ka Tirsan Gobalka Banaadir.
“Waxaa iskacad in uu Muungaab kala jeclaaday maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir oo uu Qayb qabiil ku taageeray iyo Degmada Kaxda oo uu qabiil uga soo hor jeestay” ayay tiri beesha oo kullan ku yeelatay Stockholm.
Kulankaas ayaa baaq laga soo saaaray, baaqaas oo u qornaa sidan hoos ku xusan:-
1.Beesha reer Fiqi Cumar “Sheekhaal” waxey aad ugu xuntahay in uu Muungaab ka hor istaagay ka qeyb galka gudoomiyaha degmada kaxda kulan ay lahaayeen gudoomiyaasha degmooyinka gobolka banaadir.
2. Waxay beeshu cod dheer iyo mid gaaban ku cadeynaysaa in aysan u dulqaadan karin qaladaadka intaas la eg ee aan geedna loogu soo gaban.
3. Waxay beesha Sheekhaaleed baaq u diraysaa dawladda dhexe ee Soomaaliya, baaqaas oo ah in ay arinkaas sida ugu dhaqsaha badan ku soo fara galiso waxna ugu qabato gaar ahaan madaxweynaha oo ah shaqsigii u soo magacaabay muungaab xilkan.
4. Waxay beeshu baaq u diraysaa maamulka gobolka Banaadir oo ay degmada Kaxdu hoos timaado gobol ahaan in uu cudur daar ka bixiyo xad gudubka iyo gefka loo geystay degmada kaxda iyo maamulkeeda.
5. In uu Muungaab kaga dhabeeyo balanqaadkii uu qaaday markii xilka loo doortay oo ahaa in uu ka shaqeyn doono cadaalada , hormar, iyo nabad kuwada noolaashaha gobolka banaadir.
6. In dadka Soomaaliyeed ka daashay colaad iyo qabiil si xun loo isticmaalo, awooda oo si xun loo isticmaalana ay keeni karto dhibootooyin , muungaab iyo maamulkiisa taas qy maskaxda galiyaan.
7. Beesha waxa kale oo ay baaq u diraysaa dhamaan dadyawga ka soo jeeda degmada Kaxda in ay ka dhiidhiyaan arintan xun ee uu la yimid Muungaab.
8. Waxay ku baaqayaan jaaliyadda beel weynta Sheekhaal ee dalka sweden midnimada iyo isku xirnaanta beesha meelkaste ay aduunka dacaladeeda ka joogaan iyo in hal dhinac looga soo jeesto arintan uu la soo shir tagay Muungaab.
9. Waxaaan ugu baaqaynaa buslshada ka soo jeedo degmada kaxda in ay maal gashadaan degmdooda, sidoo kale ay u huraan dhiig ,maskax iyo maal intaba.
Sidoo kale beshu waxay shalay kulan arintaas ku saabsan ku yeelatay magalada Londonm
Markii ay dhacdey Dowladii Miltariga Sannadkii 1991 ayaa waxaa Abuurmey Jabhado Magaca ugu horeeya uu yahay S oo ay ka wadeen Soomaaliya ,waxaana si Miyir la’aan ah ay Beel waliba u samsyatey Urur u gaar ah,
markii laga xiso dhacay ayaa waxaa hadana lagu daatey in Beel walia ay samysatey Maxkamad Islaami ah oo u gaar ah , hase yeeshee Shaqsiyaad gaar ah ayaa Kacdoon kasta ka Faaiideystey oo ku gaarey Maqaam sare , waxay hadba meel soo Tu’atu Xaalada Soomaaliya , ayaa haatan waxaa bilowdey in la sameysto Maamul Goboleed ka dib markii la qaatey wax loogu yeerey Federaal 2004, waxaana sii saacidey markii Gobolo ka tirsan Soomaaliya si rasmi ah looga qayb geliyey Kulamadda Caalamiga ah .
Xiligaan ayaad moodaa in uiu sii Laba kacleeyey Arrimihii Maamul Goboleedka oo Federalku taageerayey oo si aad loogu waaashey , waxaana lagu dhawaaqey Dhowr Maamul oo qaarkood oo ilaa iyo hadda Khilaafkoodu uu taagan yahay, Tusaale hadii aan soo qaadano Maamulkii laga sameeyey Magaaladda Kismaayo ,waxaa ku daatey Dhiig fara badan oo ilaa hadda aan laga gaarin wax Xal ah maadaama inta badan Beelhii Degenaa Gobolada Jubada Hoose , Jubada Dhexe iyo Gedo ay si aad ah uga soo horjeesteen, waxaa Fududeeyey Maamulkaas ku dhawaaqistiisa Ciidamada Kenyaoo soo galey Soomaaliya Sannadkii 2011 qabteyna Magaalada Kismaayo ooo Istaajiiji ah , waxayna dadka Odorosa Siyaasada ay rumeysan yihiin in Maamulka Kismaayo uu soo Gabagaboobayo marka ay Ciidamada Shisheeea ka baxaan Goboladaas.
Maamulkaas markii la saamyey ayaa waxaa hadana la dhisey Dhowr Maamul ugu dambeeyey midkii Lixda Gobolka oo isna markiba la Mucaaradey oo Xitaa ay ka hor Timid Dowladda Federaalka , waxayna Dowladda Fedraalka u Ololeyneysaa sidii uu u dhaqan geli lahaa mid Saddexda Gobol ah hase yeeshee Dulucda Sheekadu waxay tahay sidee Laba Maamul uga wada shaqeyn karaan Magaalada Baydhabo? Waxaan weydiiyey Su’aashaan Saciid Guuleed oo ah Odey Soomaaliyeed oo mudo u soo joogey Xaaladda Soomaaliya waxaana uu yiri “waxaa wax laga xumaado ah in Magaalada Baydhabo maanta laga sameeyo Laba Maamul oo is Feer socda taasoo aan dani ugu jirin Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo , waxaana aaminsanahay in arrintaan ay ka dambeeyaaan Dowlado Shisheeye oo aan marnaba dooneyn in Soomaaliya ay degto” waxaa uu sii raaciiyey
“Waxaan moodayey in dadka Soomaaliyeed ay in ku filan ka haysto Dhibaatada Soomaaliya hase yeeshee waxaa dhab ah Muddo 23 Sanno ka dib aysan Soomaaliya wax waayo aragnimo ah ka helin wixii la soo marey, iyadoo Xaaladda Soomaaliya marba marka ka dambeysa ay ka sii dareyso , waxaa Bulshada inta badan markii aad weydiiso oo aad tiraahdo ka waran Sannadihii Qabqablayaasha waxay markiiba la soo boodfayaan “ma Sanadihii Nabada” xagee nabadi taaley waa la ogaa wixii la soo marey oo rafaad ahaa, marka arrintaa waxay kuu cadeyneysaa in Xaalka Soomaaliya uusan fari ka qodneyn, waxaana Xaqiiqo ah in Baydhabo mar kale ay u Durbaan tumaneyso Colaad Sokooye haddi aan laga shaqeysiinin Caqliga wanaagsan “
Cabdi Cali waa nin dhalinyaro oo aad ula socda Xaaladda Soomaaliya waxaan isna weydiiyey waxaa ka socda Magaalada Baydhabo waxaan uu yiri “ waxaan leeyahay reer Baydhabo hadii aysan ku heshiin oo aysan hal maamul Sameysan waxaad mareysaan Kuwii idiin ka horeeyey halki ay mareen, hadii taa laga maarmi waayo waxan leeyahay Magaaladda Gaalkacyo waxaa ka jira Laba Maamul oo kala ah Maamulka Puntland iyo Maamulka Galmudug kuwaas oo Maamuladooda iyagoo Hal Magaalo ka wada dhisan si Nabadgelyo ah ugu wada nool oo qola waliba iskiid u Qaraabato, marka waxaan leeyahay reer Baydhabo “ Isma Hurtooy ha is haleyn” waxan Aaminsanahay in aydaan kala maarmin , Shisheeyaha Gadaal idiin ka riixayana aad ka Foojignaataan ” waxaa uu intaa kudarey.
“Magaalada Baydhobo markiiba wxaa laga dareemey Saansaantii kala qaybsanaanta oo si Nabadgelyo ah u socoto, waxaa dadka isku Aqoonsadaan Qofka Lixda Gobol Taageersan waxaa uu taagaayaa Lix farood oo uu Dadka ku Salaamayaa , halka kuwa taageersan sadexda Gobol I iyana taagayaaan Saddex Farood , isku Qosalkaas hadda ka socda magaalada Baydaho ma yahay mid sii socon doona mise markii Maamulka Saddexda Gobol lagu dhawaaqo oo ay Magaalada yeelato Laba Madaxweyne waxaa Dhici doona Gacan ka Hadal oo aan ka Cabsi qabo in Xaaladdu sii adkaato , waxaanna soo jeedinayaa in looga Gudbi karo iyadoo si taxadar leh loo Wajaho waxa ka socda Magaaladda Baydhab oo ay Odayaashu u Guntadaan ugu yaraan sidii loo joojin lahaa Dagaal suurtagal ka dhiga in uu Magaalada uu ka dhaco ”
Cabduqaadir Sope Allaha u Naxariistee oo ahaa Siyaasi si weyn looga yaqaan Beelaga Digil iyo Mirifle ayaa waxaa la weydiiyey Siyaasiga uu ugu Jecel yahay, waxana uu ku Jawaabey “ Waxaan ugu Jecelahay Col Maxamed Nuur Caliyow oo si aad ah Siyaasada isaga soo horjeedaan, waxaa la sii weydiiyey Sababta uu ku xushey Ninkaas waxaana uu yiri “ Col Maxamed Nuur Caliywo si kasta oo aan isaga soo horjeedno ugu yaraan waxaa uu ku Maqan yahay Dan Digil iyo Mirifle” Hadaba Siyaasiyiinta maanta ku loolamaya Baydhabo ma ka suurrtowdaa Siyaasada Noocaas Marxuum Cabduqaadir Sope
Ugu Dambeyntii Magaaladda Baydhabo oo waxa hore loogu yeeri jirey Baydhabo Janaay hase yeeshee Dagaaladii Sokeyey waxay soo martey Macluul aad u daran oo waxay Magaaladda Baydhabo qaadatey oo mar loogu yeerey Magaalada Geerida, sidoo kale waxay soo martey Colaado Sokeeye oo ay ku naf waayeen dad fara badan , oo waxay dib u soo kabatey Markii Dowladii Cabdulaahi Yuusuf oo Xarun ka dhigtey Magaaladda Badhabo taasoo dadka ku nool Magaaladaas dib u Xasuusisey mar kale Magacii Baydhabo Janaay, hadaba Bulshada ku nool Magaaladda Baydhabo ayaa Magaaladooda ka badbaadin kara Colaad Sokeeye hadii taa la waayana sidaan hore u soo sheegneyna Magaalada Gaalkacyo waxay marti gelisey Laba Maamul oo si Nabad ah loogu wada nool yahay, iyadoo Magaaladaas wada degan yihiin dad Xaqjiriin ah Mowqifyadooda kala fog yihiin oo waliba Dagaalo qaraar soo dhex marey marka Magaaladda Bayadho oo aan ognahay in ay wada degan yihiin dad isku beel ah oo aan sinaba u kala maarmin waxaan leeyahay Baydhabooy ka Maseyr Gaalkacyo inta aad Dagaal Geli lahayd !!
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ka tirsan dowladda federaalka Somalia, oo deegaan ahaan kaso jeeda deegaanada waqooyi ee la baxay Somalilad, ayaa ku hadlay ereyo liddi ku ah qarannimada Somalia, isaga oo muujiyey in dalka uu laba u kala qeybsamay
Waa Wasiirka Macdanta iyo biyaha Dowladda Federalka Somalia Jamac Oday oo qabiil ahaan u dhashay Isaaq gaar ahaan Habar Jeclo, wuxuua yiri “DALKII LA ISKU ORAN JIRAY SOMALIA EE BURBURAY SANADKII 1990-kii”
Horey ayaa wasiirkii arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo kasoo jeeda gobollada waqooyi waxa ay u diiday inay qirto in midnimada Somalia ay tahay lama taabtaan, ayada oo tiri “Somalia iyo Somaliland-ba waa labadeyda dal”.
Jaamac Oday wuxuu horey uga mid ahaa Maamulka Somaliland, wuxuu la ilma adeer yahay Siilaanyo.
Hadalka Wasiir Jaamac Oday wuxuu qof kasta oo waddani ah ku noqonayaa dhaawac uusan qalbigiisa ka bogsoon ebid maxaa yeelay waa arrin la yaab leh sida Wasiir ka tirsan Dowladda Federalka Somalia ugu tiraabo erayo nuucaas ah?
Halkan ka daawo Hadalkiisa
Xilalka dowladda Somalia, ayaa u eg un kuwo loo soo shaqo doonta, oo aanay qasab ahayn muwaadannimo, waxaana taas u daliil ah in xittaa madaxweyne Xasan Sheekh uu lee yahay la-taliye caddaan ah oo ajnabi ah.
Waxaa iminka la is-weydiinayaa Baarlamaanka Somalia tilaabo maka qaadi doonaa Jaamac Oday? Ra’isulwasaare Cabdi Wali xilka maka qaadi doonaa?