32.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Daawo Video: Wasiir ka tirsan DFS oo kasoo jeeda woqooyi ayaa midnimada dalka dhaawacay (Hadal aad u weyn)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ka tirsan dowladda federaalka Somalia, oo deegaan ahaan kaso jeeda deegaanada waqooyi ee la baxay Somalilad, ayaa ku hadlay ereyo liddi ku ah qarannimada Somalia, isaga oo muujiyey in dalka uu laba u kala qeybsamay

Waa Wasiirka Macdanta iyo biyaha Dowladda Federalka Somalia Jamac Oday oo qabiil ahaan u dhashay Isaaq gaar ahaan Habar Jeclo, wuxuua yiri “DALKII LA ISKU ORAN JIRAY SOMALIA EE BURBURAY SANADKII 1990-kii”

Horey ayaa wasiirkii arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo kasoo jeeda gobollada waqooyi waxa ay u diiday inay qirto in midnimada Somalia ay tahay lama taabtaan, ayada oo tiri “Somalia iyo Somaliland-ba waa labadeyda dal”.

Jaamac Oday wuxuu horey uga mid ahaa Maamulka Somaliland, wuxuu la ilma adeer yahay Siilaanyo.

Hadalka Wasiir Jaamac Oday wuxuu qof kasta oo waddani ah ku noqonayaa dhaawac uusan qalbigiisa ka bogsoon ebid maxaa yeelay waa arrin la yaab leh sida Wasiir ka tirsan Dowladda Federalka Somalia ugu tiraabo erayo nuucaas ah?

Halkan ka daawo Hadalkiisa

Xilalka dowladda Somalia, ayaa u eg un kuwo loo soo shaqo doonta, oo aanay qasab ahayn muwaadannimo, waxaana taas u daliil ah in xittaa madaxweyne Xasan Sheekh uu lee yahay la-taliye caddaan ah oo ajnabi ah.

Waxaa iminka la is-weydiinayaa Baarlamaanka Somalia tilaabo maka qaadi doonaa Jaamac Oday? Ra’isulwasaare Cabdi Wali xilka maka qaadi doonaa?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cumar Burale oo weeraray A/Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Buraale Axmed oo ka mid ah ragga mucaaradka ku ah Axmed Madoobe ayaa caawa weerar ku qaaday maamulka KMG ah ee Jubba, wuxuuna ku eedeeyay in ay ku guul dareesteen in ay wax ka qabtaan falalka ammaan darida ee ka dhaca magaalada Kismaayo.

Cumar Buraale waxaa kaloo uu diidday in uusan aqoonsaneen maamulka KMG ah ee Jubba, isagoona yiri “Waa jabhad xoog ku qabsatay Kismaayo, oo Kenya ay ku adeegato, iyaga ayaana la rabay in ay ammaanka wax ka qabtaan”

Wuxuu sheegay in la rabay maadama ay magaalada gacanta ku hayaan in ay sugaan ammaankeeda, balse waa ay ku guul dareesteen ayuu yiri.

“Annaga magaalada Kenyaatiga ayaa naga soo saaray, koox jabhad ah ayaana gacanta ku heysa, iyada la rabay in ay ammaanka adkeeyso, Kismaayo waxa ay ka yertahay xaafaddaa Madiino, waa magaalo afar km ah oo cidda wax ku disha aaney ku dhammaan karin balse habeen walba cid ayaa lagu dilaa” ayuu yiri Cumar Buraale oo la hadlaay Idaacadda maxaliga ee Goobjoog.

Ugu dambeyn Cumar Buuraale, wuxuu madaxda dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada ka taagan magaalada Kismaayo oo dadka habeen iyo maalin lagu xasuuqayo maadama la rabay in dadkii deegganka ahaa la barakiciyo oo la geeyo dad kale sidda uu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

KISMAAYO oo aan caadi ahayn caawa

Kismaayo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen qof rayid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose

Goobjoogayaal ayaa sheegay in koox ku hubeysan bastoolado ay caawa fiidkii ku dileen xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo qof rayid ah, ninka la dilay ayaa la sheegay in murmeen mid ka mid ah kooxda dilka geestay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka,iyadoo ninka dilka geystayna la sheegay inuu durba goobta ka baxsaday.

Dilka kaddib waxaa goobta gaaray ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba, kuwaasoo billaabay howgallo lagu soo qabanaayo kooxda dilka geestay.

Waa dilkii labaad oo ka dhacay magaalada Kismaayo, muddo 24-saac laga joogo, waxaa shaley galab xaafadda Calanleey lagu dilay ugaaskii beesha Cawramala, Xuseen Xaafow.

Ma jirto ilaa hadda dilka habeenkii labaad oo isku xigga ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, oo maalmahan dambe noqotay meel dadka lagu dilo

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Shariif Xasan oo Baydhaba laga baadi goobayo iyo hub isu urursi ka socda

Beydhabo (Caasimada Online) – Xiisado ayaa weli ka taagan Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay halkaasoo ay isku haystaan Taageerayaasha Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan iyo kuwa Madaxweynihii loo doortay dhawaan Maamulka 6-da Gobol ka kooban ee Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed.

Dadweyne careysan ayaa Maanta galay Guri uu lahaa mid ka mid ah Mas’uuliyiintii Jabhadii RRA-da, halkaasoo ay ku tuhumeen inuu ku jiray Xildhibaan Shariif Xasan, Laakiin markii ay ka waayeen ay dib uga soo laabteen.

“Boqolaal dadweyne ah ayaa galay guriga, waxaa markii hore u diiday inay guriga galaan ciidamada Ethiopia ee AMISOM ka tirsan, balse markii ciidamadu ay yaabeen ayay ku fasaxeen wayna kasoo waayeen Shariif Xasan” ayuu yiri ruux dibadbaxa ka qaybqaadanayay oo la hadlay Warbaahinta.

Wadooyinka Mgaaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugnaa maanta dadwene badan oo ka Careysan imaatinka Shariif Xasan oo hogaaminayay dhismaha Shir halkaas ka socda oo la doonayo in lagu dhiso Maamul Goboleed.

“Shariif Xasan wuxuu doonayaa inuu gobolka kala gooyo, wuxuu doonayaa inuu ka dhigo Baydhabo meel lagu dagaalamo, sidaa daraadeed ma doonayo, waa inuu ka baxaan magaalada, halkii uu doonayana uu aado” ayay tiri haweeney 70-jir ah oo ka mid ahayd dadkii dibadbaxa ka qaybqaadanayay.

Ciidamada AMISOM ayaan wax taalaabooyin ah qaadin marka laga soo tago inay si aad ah u adkeeyeen Garoonka Diyaaradaha Baydhabo iyo Saldhiga Booliiska oo ay ku sugan yihiin ciidamo isugu jira Somalia iyo Ethiopian.

Maalintii sadexaad ayaa waxaa maanta xirnaa Iskuulada, Jaamacadaha,Ganacsiga iyo weliba goobaha ay dadku isugu yimaadaan sidamaqaahiyaha, iyadoo xiisadan ay noqonayso tii ugu xumayd oo Baydhaboka dhacda Muddo Sanooyin ah.

Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa dhankiisa ku adkeysanya inuusan Baydhabo ka baxayn, uuna dhisayo maamul ka kooban Sadex Gobol, kaasoo uu sheegay inay meel gabo-gabo ah marayo dhismihiisa.

Wararka, ayaa sidoo kale sheegaya in dhiacyada isku haya magaaladaas in ay isku hub aruursanayaan, oo waxaa laga cabsi qabaa in magaalada Beydhabo uu ka dilaaco dagaal xooggan.

Arrintan ayaa daba socota markii maanta ciidamo ilaalo u ah Shariif Xasan Sheekh iyo xildhibaanno kale oo ku sugan Beydhabo ay toogteen wiil 16-jir oo la sheegay in uu watay calanka maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Wiilka ayaa la sheegay in uu dhaawacmay, wuxuuna ka mid ah dadweyne fara badan oo maalintii seddaxaad dibadbaxyo rabshado wata ka dhigaya magaalada Beydhabo gaar ahaan hooyga uu deggan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku howlan dhismaha maamul cusun oo ka kooban seddax gobal.

Labada dhinac ayaa la sheegay in mid kasta uu u diyaar garoobay dagaal uu ku difaaco maamulkiisa, waxaana shacabka magaalada ay ka cabsi qabaan In dagaalladaas ay ku wax yeeloobaan.

Dhinaca kale, waxaa socda kulamo looga gun lee yahay siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan Beydhabo oo ka dhalatay markii xildhibaanno uu ka mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ay tageen maalin ka hor magaaladaas si ay u dhisaan maamul ka kooban seddax gobal.

Xildhibannada ku sugan Beydhabo ayaa la doonayaa in ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho balse waa ay diiddan yihiin in ay dib ugu laabtaan Muqdisho iyagoona ku adkeesanaya in ay meel marin doonaan qorshaha ay u yimadeen Beydhabo.

Dadka dibadbaxaya waa taageerayaasha maamulka cusub ee lixda gobal, kaasoo uu madaxweyne u yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shariif Xasan oo loo sheegay in uu ka tago Beydhabo kadib markii Ethiopia…

Beydhabo (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Baydhabo waxaa maanta shir ku yeeshay, saraakiisha ciidanka Ethiopia ee qaybta ka ah kuwa AMISOM, xildhibaanno ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Ibraahim Xaabsade, iyo Cabdifataax Geeseey.

Kulanka oo saxaafadda laga qariyay ayaa looga hadlay siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan maalintii 3-aad magaalada Beydhab, waxaa kaloo la sheegay in Shariif Xasan loo sheegay uu dib ugu laabto Muqdisho.

Madoowe Nuunow Maxamed oo madaxweyne u ah maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed ayaa  Sheegay Shariif Xasan loo sheegay in uu dib ugu laabto Muqdisho isla markaana uu joojiyo xiisada uu ka wado Beydhabo sidda uu sheegay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Ma cadda in uu Shariif Xasan Sheekh Aadan oggolaaday in uu dib ugu laabto Muqdisho oo markii horre uu ka yimid iyo in uu diiday qorsha loo soo jeediyay.

Si kastaba, waxaa maalintii 3-aad magaalada Beydhabo ka socda dibadbax rabshado wata oo sababay in la xiro goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda.

Dadka dibadbad baxaya ayaa taageersan maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo: Xamar & isbedelka habeenkii

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo Xiligii habeenkii si weyn isku badashay Bilic ahaan & Muuqaal ahaan, Muqdisho in aad joogto ma u maleyneysid sida Magaaladu dhan ay u wada ifeyso.

Muuqaal kooban oo laga sameyay Nalalka Samaafaraha & Shacabka habeenkii Muqdisho ka damaashaadana oo si nabadd ah ku mushaaxaya Wadooyinka Magaalada ee nala daawo adaa ka heli doonee.

HALKAAN KA DAAWO:

 

QM oo ka digtay dagaal PUNTLAND iyo Somaliland ka dhex qarxa (Warbixin)

Addis Ababa (Caasimada Online)-Ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay xiisad ka aloosan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Isagoo ka hadlaayay danjire shir ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xiisada ka taagan deeganno ay isku heestaan Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo ku yaalla gobalada Sanaag, Sool iyo Ceyn.

Mr Key ayaa u sheegay madaxda joogtay shirka guddiga nabadgalyada iyo amamanka Midowga Afrika in uu ka walaacsan yahay xiisada ka aloosan labada maamul.

Danjire Key oo ka hadlay xiisada ka taagan Somaliland iyo Puntland
Danjire Key oo ka hadlay xiisada ka taagan Somaliland iyo Puntland

‘’ Waxaan ka walaacsanahay xiisada miliateri ee u dhaxeysa Somalilad iyo Puntland ee gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana ugu baaqayaa dhinacyadaas in ay deganaansho abuuraan lagana hortag wax kasta oo ka dagaal oo hor soodi kara,’’ ayuu ku yiri Mr Keny.

Danjire Key ayaa sidoo kale labada dhinac ugu baaqay in ay miiska wadahadalka ku dhammeesyaan wax kasta oo muran ah intii ay dagaallami la haayeen oo shacab masaakiin ay ku baabi’ lahaayeen.

Xiisada ka dhex taagan maamulada Puntland iyo Somaliland, ayaa salka ku heysa markii toddobaadkii horre madaxweynaha Soomaalilad uu si kadis ah ku tagay deeganno ay ku muransan yihiin labada maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

RW CABDIWALI oo sheegay in maamul goboleed loo dhisayo 3-da gobal

Muqdisho (Caasimada Online) – Sidda ay baahisay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in maamul gobaleed loo dhisi doono gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Idaacadan maxaliga ah ayaa sheegtay in ay heshay war-qad ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha, taasoo la sheegayo in ra’iisal wasaaraha uu doonayo in maamul gobaleed loo dhiso seddaxda gobal ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo uu ku baaqay in dhinacyada isku haya Beydhabo in ay joojiyaan xiisada ay ka wadaan halakas isla markaana cid kasta oo qas abuurta lala xisaabtamo doono sidda uu sheegay ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli ayaa waxaa kaloo uu amar ku bixiyay in ciidamada ammaanka ee ku sugan Beydhabo ay gacan bir ah ku qabtaan ammaanka magaalada isla markaana ay badibaadiyaan dadka shacabka ah iyo siyaasiyiinta.

Ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo uu hoosta ka xariiqay in barnaamijka lagu dhisaayo maamulka seddaxda gobal in uu kala kaashan doono guddoomiyaha golaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Ugu dambeyn warqada ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa loogu baaqay beesha caalamka in ay taageerto qorsha uu wado ra’iisal wasaaraha ee la doonayo in maamul loogu dhiso seddaxda gobal ee kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, magaalada Beydhabo waxaa maalintii 3-aad ka taagan xiisad ka dhalatay imaatinka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u ololeenayo dhismaha maamul seddax gobal ka kooban.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SHARIIF XASAN: Qorshaha aan u nimid Beydhabo waa uu hirgali doonaa

Beydhabo (Caasimada Online)-Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markale soo hadlay isagoona sheegay qorshaha ay u joogaan Beydhabo oo ah in ay sameeyana maamul gobaleed ka kooban seddax gobal uu hirgali doono.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku weerarray sidoo kale kooxo uu sheegay in ay yihiin kuwa doonaya in ay nabad galyo la’aan ka abuuraan magaalada Beydhabo, wuxuuna sheegay in ay adeegsadaan dhallinyarada oo ay lacago siiyaan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa kaloo uu beeniyay hadal uu sheegay guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo ahaa in uu hub la tagay magaalada Beydhabo, isagoona hadalkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

Shariif Xasan ayaa ugu dambeyn sheegay in uu Beydhabo u joogo siddii uu badbaadin lahaa dadka deggan gobalada seddaxda ah ee maamulka loo sameenaayo.

Dhinaca kale, wararka saakay naga soo gaaray Beydhabo ayaa shegeay in magaalada ay kacsan tahay oo waxaa xiran goobaha ganacsiga iyo waxbaradaha, waxaana magaalada lagu arkayaa dadweyne careesan oo ka soo horjeeda joogitaanka Beydhabo ee Shariif Xasan.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay xiisadda ka aloosan magaalada Beydhabo taasoo laga cabsi qabo in ay isku badasho dagaal lagu hoobto, waxa ay ku baaqeen in la joojiyo xiisada ka taagan Beydhabo waxaana ay ku baaqeen in miiska wadahadalka la fadhiisto.

Caasimada Online

Xafiska Wararka Nairobi

[email protected]

DHAGEYSO: Dilkii Ugaaska Cawramale oo lugaha la galay AXMED MADOOBE

Kismaayo (Caasimada Online) – Odayaasha ku nool Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose, ayaa xaqiijiyey in dilkii loo geystay Ugaaska Beesha Cawramale Xuseen Hafow inay ka dambeeyeen maleeshiyada Axmed Madoobe.

Cabdi Isxaaq Maxamed oo ka mid ah Waxgaradka Kismaayo ayaa Idaacada Risaala u sheegay in dilka Nabadoonka ay ka dambeeyeen ciidanka Maamulka Jubba, gaar ahaan waxa uu farta ku fiiqay Wasiirka arimaha gudaha maamulka Jubba Mr Darwiish.

Nabadoonkaan wuxuu sheegay in shalay Kismaayo lagu xir-xiray lix ruux oo qaab beeleed loo bartilmaameedsaday, hadana isla shalay Kismaayo lagu dilay nin Oday ah oo kamid ah Nabadoonada Kismaayo sida weyn looga yaqaano.

Maamulka KMG ee Jubba ayuu ku eedeeyay mid gabigiisba ah qabiil oo aan natiijo badan laheyn isaga oo quus ka muujiyay habka qabiilka ah ee Maamulkaasi uu ku dhaqmayo.

Hadii xaalada sidaan ay kusii socoto, wuxuu sheegay inay qaadan doonaan tilaabo uusan sheegin waxa ay tahay, laakiin aysan dulqaad badan ulaheyn arimaha ka taagan Kismaayo.

Halka ka dhageyso Nabaddoon Cabdi Isxaaq

nabaddoooon

Masuuliyiin u hadlay maamulka KMG ee Jubba, ayaa sheegay in dilka Ugaas-ka loosoo qabtay labo ruux oo iminka gacanta lagu haayo.

Dilalka loo geysanayo dadka Nabadoonada ah ayaa kusoo badanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbadda hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

C/Weli oo taageeray qorshaha Shariif Xasan isagoo amar siiyay AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online) – War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in uu ra’iisal wasaaraha cambaareenaayo rabshadaha ka taagan magaalada Beydhabo, halkaasoo ay ka socdaan shirar iska soo horjeeda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa si cad ah u amaray ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay in badbaadiyaan wafdiga Shariif Xasan uu hoggaaminaayo ee gaaray Beydhabo, islama karaana wasaaraddaha arrimaha gudaha iyo amniga laga doonayo inay sugaan ammaanka odayasha ku howlan dhismaha maamulka seddaxda gobal.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo lagu sheegay in dhawaan la qaban doono shirweyn lagu dhisaayo maamul seddax gobal ka kooban.

Wuxuu dhinaca isku haya Beydhabo ugu baaqay in ay joojiyaan wax kasta oo keeni kara gacan ka hadal iyo iska hor imaad ka dhacay magaalada.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa laga dheehan karaa in dowladda ay taageersan tahay qorshaha uu wato Shariif Xasan Sheekh Aadan ee in la dhiso maamul kooban seddax gobal oo kala Baay, Bakool iyo Shabeelllaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa ka cusub magaalada Kismaayo kadib dilkii ugaaska caanka ahaa?

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas xaley laga sameeyay howgallo dad badan lagu soo qab qabtay.

Howgalka ayaa daba socda dilka kooxo ku hubeysan bastoolado ay shaley ugu geesteen nabaddoon caan ka ahaa magaalada Kismaayo.

Nabaddoon Xuseen Xaafow, ayaa ahaa ugaaska Beesha Cawramale.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, oo ku sugan Kismaayo ayaa soo sheegay in uu arkay dad  aad u fara badan oo ay ku jiraan dhallinyaro.

Waxaa kaloo la lee yahay howgalka waxaa lagu soo qabtay labo nin oo la sheegay in ay wateen bastoolado kuwaasoo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilka Nabaddoon Xuseen Xaafow.

Intii howgalka socday waxaa istaagay oo la xiray goobaha ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadidka gudaha magaalada.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dilka nabaddoonka, balse dilkiisa waxa aad uga naxay odayaasha dhaqan ee Jubbooyinka, kuwaasoo sheegay in uu nabaddoonka ahaa qof aad u cibaado badan oo aan wax siyaasad ah ku dhex jirin.

Wuxuu ugu dambeeyay dilka nabaddoonka dilal dhowr ah oo ka dhacay magaalada, waxaa ka horreeyay oo toddobaadkii horre magaalada lagu dilay nin farsamo yaqaan korantada ahaa, waxaa kaloo jirra dad kale oo lagu dilay magaalada.

Ma cadda kooxda dilalka ka geesata magaalada Kismaayo balse dad deeganka waxa ay lee yihiin waxaa qaar badan fuliya rag xiriir la leh maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Khasaare ka dhashay madaafiic lagu garaacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhaawacmay madaafiic xaley saqdii dhexe lagu gaaray qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimada Online, in madaafiicda ay ku dhaceen xaafado ku dhow xaruta Villa Beydhabo ee degmada Wadajir halkaasoo ah xarunta ugu weyn ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dadka dhaawacmay oo dhammaan ah rayid ayaa madaafiicda ay ugu tageen guryahooda sidda uu sheegay goobjooge ku dhaqan xaafada Buuloxuubeey.

Wuxuu sheegay in xaley saqdii dhexe ay maqleen madaafiic xooggan oo ku soo dhaceysa xaafadooda oo u dhow xarunta Villa Beydhabo.

“Dadkii hurdaayay ayaa hal mar salalay markii ay maqleen dhowr madfac oo ku soo dhacaya xaafadooda, waxaana qof kasta uu cararay dhismooyinka shubka” ayuu yiri goobjoogaha noo warramay.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saakay deggan, waxaana shaqeenaya goobaha ganacsiga iyo waxbarashada sidoo kale waxaa shaqeenaya oo caddi isku socodka dadka iyo gaadidka degmada Wadajir.

Waa habeenkii labaad oo magaalada Muqdisho laga maqlo madaafiic, saraakiisha ciidamada dowladda ayaa markasta ku tilmaama madaafiicdaas in ay yihiin kuwa macmal ah loogana gun lee yahay in lagu khalkhaliyo ammaanka caasimada.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dumarka iyo Dalka: Kacdoonka cusub ee Haweenka maxaa lagu xaqiijinayaa?

Is-bedelka siyaasada & dowr-ka haweenka

Tan iyo markii ay dhalatay ‘Soomaaliyada cusub’ oo aan uga jeedo isbeddelka siyaasadeed ee Dalka ka dhacay, kaas oo ka billowday doorashada golaha Shacabka Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaamka federaalka bishii Agoosto 2012. Haddaba, golaha wakiillada shacabka soomaaliyeed (Baarlamaanka) sidaan sheegnay waxuu ku dhisanyahay nidaamka federaalka; nidaamkan oo ah mid ku qeexan Dastuurka dalka ee qabyada ah (wali ma dhamaystirna). Waxaa kaloo Dastuurka ku qeexan, in Qur’aanka kariimka ah iyo sunnada Nabi Muxammed (SCW) ay saldhig u yihiin Dastuurka, isla markaasna uu ilaalinayo ujeeddooyinka shareecada iyo caddaalada bulshada (Dastuurka, qodobka 3aad, farqadda 1aad). Isla qodobkan, Faqradiisa 5-aad waxa uu dhigayaa “Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, si wax-ku-ool ah, gaar ahaan jagooyinka la isu doorto iyo kuwa la isu magacaabo ee saddexda laamood ee Dawladda iyo Guddiyada Madaxbannaan ee Qaranka”. Haddaba, waa dhaqan-gelinta qodobkan (implementation) ujeeddada igu dhalisay in aan qormadan qoro lana wadaago shacabka soomaaliyeed gudo iyo dibedba, gaar ahaan Haweenka soomaaliyeed maadama ay yihiin bartilmaameedka qodobkan, si aan u helno aragti iswaydeersi iyo isfahan dhanka habka loo dhaqan-gelinayo ka-qayb-qaadashada Haweenka ee siyaasada iyo talada Dalka.

Sida aan kor ku xusay qormadan dhexdeeda kama hadlayno ujeeddadeenuna maaha, Dumarku miis aan kan kushiinka ahayn (madbaqa) ma fariisan karaan, kaalin maku leeyihiin Bulshada iyo dhismaha iyo horumarinta wadanka, jagooyin iyo xilal ma qaban karaan iwm. Laakiin meesha aan doonayo in aan yare iftiimiyo, iskana tusaalayno waxa weeye, qaybta danbe ee qodobka oo aad mooddo in si gaar ah la rabo in ay Haweenku uga soo muuqdaan saddexda laamood ee Dowladda ugu sareeya (golaha shacabka, xukumadda iyo Garsoorka). Golaha shacabka markii la xulayey, waxaa la yiri Haweenku waa in ay yeeshaan kuraasta 30 %. Waaba laysku dayey sida aan la wada soconno in beelaha iyo qabiilada soomaaliyeed ee ku heshiiyey heshiish-Bulsheedka qabyada ah (Dastuurka) in ay Dumar matala keenaan bedelkii ay nin keeni lahaayeen si loo helo tirida laynoo gooyey (UN Resolution 1325) ee ah 30 % kuraasta in ay Dumarku ku fadhiistaan, laakiin helidda tiridaas Dumarka ah maysan hirgelin sababo dhaqanka soomaaliyeed la xiriira awgeed. Intiise Illaah u qaddaray in ay ka mid noqdaan golaha shacabka waa ay galeen (30-35 dumar ah oo u dhiganta 15%). Waxii intaas ka danbeeyey waxa aad mooddaa Haweenka soomaaliyeed gudo iyo dibedba (inta matalaysa ama rabta in ay matasho Haweenka) in ay si gaar ah u bartilmaamsanayaan ama diiradda u saarayaan in ay xaquuq Haweenka soomaaliyeed ka maqantahay maadama ay yar tahay tirada Dumarka ee ku jira laamaha Dowladda aan soo sheegnay, sidaas daraadeedna la badiyo tirada Haweenka ku jira laamaha Dowladda ugu sareeya si loo helo sinnaan iyo cadaalad ragga iyo Dumarka ah. Haddaba, mashruuca xaquuq raadinta haweenka oo ah fikrad ama mashruuc Wadamada Galbeed inooga yimi (dib baan uga soo noqon doonaa), waxaa mudan in aan ka Bulsho ahaan iyo gaar ahaan dumar ahaanba, in aan iswaydiino suaalo aas-aasiya, sida  sinaanta iyo caddaalada ragga iyo dumarka malagu gaadhayaa tirada kuraasta Baarlamaanka oo si siman loo qaybiyo? Haddiise aysan waligeed ruux haween ah Baarlamaanka soomaaliyeed ka mid noqonin xaquuqda haweenku waayayo ee gabadha soomaaliyeed ka dayacmaysa maxay tahay ee qasabka kaga dhigaysa in ay miiska tagto si ay xaqeeda u soo dhacsato?  Haddiise aysan Baarlamaanka Dumarku u galaynin in ay xaq helaan dhanka sharciga, maxay tahay ahmiyada iyo yoolka dumarku leeyahay ee la rabo in lagu xaqiijiyo ‘Mashruuca Haweenka’ ee golaha sharci dejinta?

Mashruuca Haweenka

Taariikhda iyo soo-yaalka haddaan yare milicsano, Mashruuca Haweenka ee ah in ay Dumarku ka qayb-qaataan ama saami ka helaan siyaasadda iyo talada wadanka si ay xaquuqdooda dumarnimo iyo bili’aadanimo u helaan waa fikrad Galbeedi ah, oo wadamada Galbeedka oo uu ugu horreeyo Maraykanku ka timi, sal iyo raadna ku lahayn shareecada Islaamka.

Dumarka aan muslimiinta ahayn ee ku nool caalamka daafihiisa ee waliba qaarkood ku dhexnoolaayeen xadaarado quwad iyo awood leh sida Giriiga (Greece), Rooma (Rome), Hindiya (India) iyo Shiinaha (China), Ingiriiska (the British empire) iyo Maraykanka (USA) xaquuqda ay leeyihiin ama ay maanta haystaan waxay jirtaa 200-250 sano. Markii ugu horreeysay ee caalamka aan islaamka ahayn uu iswaydiiyo dumarku xaquuq ma leeyihiin iyo dumarka xaqooda hala siiyo waxay ahayd qarnigii 18aad dhamaadkiisii (laga bilaabo 1770-kii) iyo bilowgii qarnigii 19-aad. Waxii intan ka horreeyey, dumarka caalamka aan soo sheegnay ku nool, maysan lahayn wax xaquuq sharci ah haba yaraatee. Buugaagta taariikhda ee wakhtigan madaw ka sheekaysaa, waxay qoraan ama isticmaalaan erayo ah in dumarku ka liiteen caruurta dhanka xaquuqda ama ay addoomo ahaayeen.

Wakhtigan gabadha Galbeediga ah, waxay ahayd addoon u xidhan ninka aan sinaba uga madax banaanayn; guurka ka hor waxay addoon u ahayd aabbaheed oo xaquuqdeeda oo dhan gacanta ku hayey. Guurka ka hor waxuu aabbaheed xaq u lahaa in uu iibin karo gabadhiisa, in uu ninkuu rabo siin karo iyadoo aan la tixgelinayn rabitaankeeda. Sidoo kale gabadhu maysan geli karin balan ama cahdi (agreement/contract) maragana maysan furi karin. Guurka kadib waxay sidoo kale gacanta ugu jirtay ninkeeda; waxuu ninku la wareegayey 1) maalkeeda (xittaa mid ay tabcatay guurka ka hor), waxaana sharcigu xaq u siinayey in uu siduu doono ka yeelo maalkaas isaga oon iyada talo galinayn. Shayga kaliya uusan si buuxda u maamulayn ninku, waxuu ahaa hantida ma guurtada ah; tusaale haddii gabadha uu aabbaheed siiyey guri ama beer iwm. ninku xaq uma uusan lahayn in uu iibiyo maadama ay tahay hantida nin kale (maaha in ay iyadu leedahay) laakiin in uu kireeyo ama si kale u isticmaalo si buuxda buu sharcigu ugu ogolaa. 2) waxaa ninka ku wareegayey magaceeda oo looma ogolayn in ay magaca aabbaheed haysato (ee ay ku abtirsato) balse waa in ay qaadato magaca ninkeeda (abtirsigiisa). 3) hadduu furriin yimaaddo, carruurta ninka ayaa toos ula wareegi jiray, hooyadu xaq maysan lahayn. Sharciyahankii qarnigii 18-aad ee William Blackstone, buuggiisa Commentaries on English Law sidan ayuu u qeexayaa xaquuq-darrada loo gaysto gabadha la qabo:

By marriage, the husband and wife are one person in the law: that is, the very being or legal existence of the woman is suspended during the marriage, or at least is incorporated and consolidated into that of the husband: under whose wing, protection, and cover, she performs every thing”.

Dhanka kaalinta Bulshada ee Haweenka:

  • Dumarku maysan codayn karayn (iskaba daa in la doortee). Sababta ka danbaysayna waxay ahayd in haddii gabadhu codayso ay la mid ahayd ninka oo codeeyey (maadama ninka iyo xaaskiisu hal qof isla ahaayeen sharciga hortiisa), sidaas daraadeed baa loo diiday in dumarku codayn karaan (si uusan ninku labo cod u yeelan).
  • Maysan qaban karayn jago ama xafiis (nooc iyo heer kastuu yahay ama dowlad ama shacab)
  • Ciidamada kama aysan mid noqon karin

Haddaba, dumarkii xaquuq la’aanta heerkan ka gaaray ee la dulmiyey, waxay bilaabeen in ay iyagu kacaan oo ay xaqooda soo dhacsadaan. Sida taariikhaha reer Galbeed qoraan gabadhii ugu horaysay ee u istaaqtay xaquuqda sharciga ah ee dumarka ka maqan waxay ahayd xaaskii madaxweynihii labaad (John Adams) ee Maraykanka, Abigail Smith Adams. Waxbarsho maysan lahayn, oo taas dumarka wakhtigaas bay kala sinayd, laakiin wax bay akhrin jirtay, waxayna ahayd hooyo lix caruur ah korinaysa isla markaasna waxay ahayd la taliyaha koobaad ee ninkeeda. Fursaddan iyadoo ka faa’idaysanaysa waxay ninkeeda iyo raggii Congress-ka u qortay waraaq (177-6kii) caan ku noqotay taariikhda adduunka, waraaqda cinwaankeedu waxuu ahaa Xasuusta dumarka (Remember the ladies) oo awoodda sharciyeed ee intaas le’eg gacanta hawgalinina ragga oo kaliya. Waxii intaan ka danbeeyey waxaa billowday halgan ay haweenku u halgamayaan xaquuqdooda maqan. 72 sano kadib markii waraaqddan ay Abigail Adams qortay, ayaa waxaa (dumarka) u hirgalay shirkii ugu horreeyey ee la qabto oo looga hadlayey xaquuqda dumarka, iyadoo ay qabanqaabiyeen labada haween ee kala ah Elizabeth Cady Stanton iyo Lucretia Mott bishii july 1848, waxuuna ka dhacay Seneca Falls, New York. Shirkan oo la magac baxay ‘Seneca Falls Convention’ waxuu noqday meesha uu si rasmi ah uga billowday mashruuca xaquuq raadinta ee haweenka (Women’s right’s movement), isla markaasna waxaa dhacday, waxay maalinba heer joogtaba, in haweenka caalamka aan islaamka ahayn xaquuqdoodii helaan sharciga ahayd (sharciyadii ugu horreeyey ee hirgalay waxaa ka mid ahaa sharcigii loo yaqaanay married women’s property act 1882-kii) – taas macnaheeda maaha in ay dumarku waaqicanna ku heleen xaquuqdooda iyo caddaalada ay halganka u galeen. Sidaas daraadeed ayaan jeclaan lahaa in Haweenka soomaaliyeed ee aad moodo in ay ku dayanayaan mashruucan aan ka soo sheekaynay iyo ragga garabka siinayaba, in ay ogaadaan marka waddamada reer galbeed ay ka hadlayaan ‘xaquuqda dumarka’ waxaa laga hadlayyaa xaquuq sharci ah; Sharcigu maxuu xaq u siinayaa haweenayda?

Haddaba, su’aasha aan rabo in haweenku iswaydiiyo waxay tahay; gabadha muslimadda ah ee soomaaliyeed ma u baahantahay in ay geedigan dheer gasho si ay u yeelato xaquuq sharci ah iyadoo haysata kitaabka Qur’aanka iyo sunnada Nabi Muxammed (SCW) oo haysata xaquuq sharci ah tii ugu sarraysay uguna horraysay (taariikhda adduunka), Dastuurka Dalkuna yahay meeshuu hoos imaanayey?

Waxaa soo badatay baryahan danbe mashruucyo badan oo ku wajahan dumarka soomaaliiyeed oo la leeyahay dumarka hala xoojiyo ama ‘empowerment’ halagu sameeyo oo kor ha loo soo qaado si ay bulshada safka hore uga galaan iyadoo ay galbeedku dabada ka riixayaan dhaqaalena ku bixinayaan, waxaa warbaahinta ku badan shirarka jaraa’id ee dumarku (waliba hooyooyin iyo intii waawaynayd ah) ay qabanayaan iyagoo leh waan dulmannahay iyo xaqeenii nalama siin.

Waxaan Bulshadayda soomaaliyeed ugu baaqayaa, gaar ahaan ragga iyo haweenka u durbaan tumaya mashruucan haweenka, in haweenka, oo waligood lafdhabar u ahaa Bulshada soomaaliyeed, aan la Jahwareerin afkaar lid ku ahna diinteena iyo dhaqankeena aan lagu furin, sababtoo ah taa dhaxalkeedu waxuu noqon doonaa bulshada oo si run ah jidka uga leexata; Bulshada la damco in lala wareego dhanka dumarka baa laga galaa. Galbeedku haweenayda wuu mashquuliyey oo waxuu ku mashquuliyey xaquuqdeeda iyo in ay bulshada wax ka goosato oo ay dumarku ragga iska dhiciyaan, la tartamaan lana xifaal tamaan. Si kale haddaan u dhigo, reer Galbeedku markii hore Haweenka xaquuqdoodii buu ka dulmiyey, markii danbena xaquuqdoodii bay ku dulmiyeen cirdigoodii iyo sharaftoodiina way ku xadgudbeen, oo gabadhii waxay noqotay maado la adeegsado oo dan lagu gaaro (akhri buugga Masculine Domination ee uu qoray Pierre Bourdieu). Laakiin Diinteena macaan gabadhu xaquuq buuxda bay leedahay oon illaa maalinta qiyaame is beddeli doonin oon ragna siinin dumarna siinin (gabadha reer galbeed xaqeeda dumar baa u halgamay sidaas daraadeed waa xaquuq sharci uu bashar sameeyey dhibteeda iyo dheefteedana leh). Sidaas daraadeed ragga iyo dumarka muslimiinta ah tartan iyo iska dhicin midba kan kale iska dhicinayo kama dhaxeeyaan; mid walba xaquuq, waajibaad iyo boos buu leeyahay ay tahay in uu ka soo baxo. Isla markaasna garab iyo gaashaan bay isu yihiin oo bulshadooda bay ugu shaqeeyaan cilmigooda, caqligooda, xoogooda iyo maalkooda. Haddaba wakhtigan la joogo Bulshada soomaaliyeed uma baahna in Haweenka soomaaliyeed ku mashquulaan la tartanka ragga, balse waxaan u baahannahay in dumarku kaalintooda ka qaataan hagaajinta iyo islaaxinta bulshada soomaaliyeed ee dhan walba ka burburtay. Haweenku waa in ay hamigooda ka dhigaan, sidee Qoyska soomaaliyeed ee maanta burbursan loo hagaajiyaa, sidee caruurta loo tarbiyadeeyaa si loo helo shaqsigii ay Bulshadu beri ku tiirsan lahayd mustaqbalkana u noqon lahaa, sidee Af-ka Hooyo loo badbaadiyaa loona tayeeyaa, sidee Bulshada laysugu xidhaa ku kala qoqoban Qabiil, Mad’hab Diineed ama Gobol iyagoo ka faa’idaysanaya quwadooda in ay Bulshada 50 % yihiin isla markaasna qaybta kale tahay mid dhalay, mid ay u dhaxday iyo mid ay dhashay. Dumarka soomaaliyeed waa in aysan ku xisaabtamin imisa kursi baa Baarlamaanka Haween ah iyo imisa Haween baa wasiiro ah, balse waa in ay ku xisaabtamaan imisa Haween baa Aqoon-yahano ah cilmiga laga qaato, imisa buugaag ah ayeey Haween soomaaliyeed qoreen iyo isla markaas imisa Haween oo soomaaliyeed ayaa taariikh-dooda iyo wax-tarkooda la Diiwaan-geliyey oo buugaag lagu qoray.

Waxaa cajiib ah, in dumarka ‘mashruuca haweenka’ aaminsan ay leeyihiin aragti ah ‘dumarku qayb kama ahayn burburkii soomaaliya’ oo dhibka oo dhan ragga buu dushooda yahay, sidaas daraadeedna waa in ay dumarku helaan safafka hore ee siyaasada. Haddii aan xaqiiqda u noqono, oo malo awaalka iyo af-gobaadsiga meel iska dhigno, waxaa xaqiiqo ah in dumarku qaybtooda lahaayeen burburka wadanka iyo bulshada ku dhacay – oo ‘ragga wadanka burburiyey’ waxuu lahaa hooyooyin, xaasas, walaalo, habaryarooyin, eedooyin iwm. Haddii dumarkeenu dabadda ka yahay dhibkii dhacay waxaan aaminsanahay burburka baahsan ee bulshadeena ku dhacay in uusan heerkan gaareen.

Waxaa kaloo kooxdan ku doodaan in ‘dumarka soomaaliyeed midaysan yahay oo isku duubanyahay ragguna is khilaafsanyahay’. Anigu haween baan ahay, bulshada baan ku dhex jiraa, dadkana waa la sheekaystaa, ma arag dumar soomaaliyeed oo midaysan ama midoobi kara – beddelka taas waxaan arkaa dumar koox koox(diineed ama siyaasadeed) iyo qabiil qabiil u wada socda, dumar is-haysta oo khilaafkooda iyo in la dhex-galo ay aad u badantahay sida uu tilmaamay nin culimada ka mida “dumar markaad aragtit wax uun baa ka dhexeeya”.

Gunaanad

Haddii aan soo gunaanado dulucda iyo nuxurka qormadan, waxa ay noqonaysaa in aan uga baaqayo bulshada soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka, in aan ka qayb qaadanno dhismaha iyo horumarinta waddankeena hooyo si waafaqsan diinteena iyo dhaqankeena oo aynaan ku dayanin bulshooyin caddaaladda aad uga fog (walow ay u muuqdaan kuwo caddaalad iyo sinnaan ku salaysan), ayna ogaadaan in sinnaan kasta aysan caddaalad ahayn (galbeedku waxuu hadda dib u raadinayaa xaquuqdii ragga), laakiin caddaaladdu tahay in ruux kasta (lab iyo dheddig) waxuu yahay lagu qiimeeyo. Haweenka soomaaliyeed iyagoo aan qaadanin risaalada Hillary Clinton (iyadaaba dulman meeyey magacii aabbaheed su’aashaas iswaydii) iyo Nicolay Kay, ayeey bulshadooda meel uga soo bixi karaan oo ay ka qayb qaadan karaan badbaadinteeda iyo in ay sharafteedii iyo midnimadeedii soo laabato ay caalamka ku lahayd. Haweenka soomaaliyeed waa in ay taas ku hamiyaan oo ay juhdigooda geliyaan.

“Haantu Gunta bay ka tolantaa”

W/Q Sociologist: Zam Zam Cilmi-Shabeel

E-mail: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

DAAWO VIDEO: Horumar cusub oo ku soo kordhay Magaalada Muqdisho?

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka soconaya Horumar baaxad weyn leh oo dib loogu soo nooleeynayo Bilicdii Magaalada Muqdisho ay lahaan jirtay & Adeegyadii Shacabka Muqdisho ay ka heli jireyn Magaalada Muqdisho.

Hadaba Degmada Wadajir oo ka mid ah Degmooyinka sida xoogan uga soconayaan horumarka lagu soo celinayo goobihii adeeg ee la wayay tan iyo burburkii Dowladii dhexe ee Somalia ayaa waxaa haatan laga her galiyay arin shacabka reer Wadajir ay ku farxeyn ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Ugaas caan ah oo lagu dilay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose Ugaas caan ka ahaa magaaladaas.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ugaas Maxamed Xuseen Xaafow, waxaa toogtay labo nin oo ku hubeynaa bastoolado, kuwaasoo ku dilay xaafada Dalcadda ee Kismaayo

Nabadoonka ayaa ugaas u ahaa beesha beesha Cawramale oo ka mid ah beelaha deggan Kismaayo, waxaana la shegay in kooxda dishay ay goobta ka baxsatay.

Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa gaaray goobta iyagoona wada baaritaan si loo soo qabto kooxda fuliyay dilka nabadoonka.

ma cadda sababta loo dilay nabadoonka caawa maqribkii lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Kismaayo waxaa maalmahan ka dhacayay dil qaar kood lagu beegsanayay wax garadka iyo mas’uuliyiinta mamulka Axmed Madoobe, waxaana fulinaayay rag hubeysan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan sheegay in Shariif Xasan uu madaxweynaah Soomaaliya ka diiday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay Shariif Xasan Sheekh inta uusan ka ambixin magaalada Muqdisho in la soo hadleen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, iyagoona u sheegay in uu ka joogo safarka Beydhabo “Balse waa uu ka diidday” ayuu yiri.

Xildhibaan Aweys Cabdulaahi Ibraahim, oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaa sheegay in uu la hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari.

“Inta uusan Shariif Xasan ka amabixin Muqdiaho waxaa la hadlay madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, kuwaasoo u sheegay in uusan aadin Beydhabo, isla markaana ay diyaar u yihiin in la xaliyo dhinacyada isku haya Beydhabo, balse waxaan la yaabanahay in Shariif Xasan la dhaho wuxuu diidday hadalka madaxweynaha iyo kan guddoomiyaha baarlamaanka, ma fahmin soo dalka kama jirto dowlad,” ayuu yiri Xildhibaan Aweys.

Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay hadalka Jawaari in uu muujinaayo go’aanka Shariifka in uusan kaligiis ku ahayn oo dowladda iyo beesha caalamka ay la ogtahay qorshaha uu ku tagay Beydhabo.

Wuxu madaxda dowladda u sheegay in wixii dhib ah oo ka yimaada Beydhabo oo ay ka socdaan shirar iska soo horjeeda in ay mas’uuliyadeeda qaadan doonto.

Xildhibaanka Aweys waxaa kaloo uu tilmaamay in shir muddo sannad iyo bar soo socday oo lagu dhisaayo maamul lix gobal in laga daba keeno shir kale oo aaney taageero ka heesan beelaha ku dhaqan gobalada maamulka loo sameenaayo ayuu yiri.

Si kastaba, waxaa weli xiisad ay ka jirtaa maalintii labaad magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay, halkaasoo uu ku sugan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doonaya in uu dhiso maamul kooban seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Somaliland oo ciidamo soo dirtay iyo xiisad kordheysa ayaga & P/L

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamo faro badan oo ka socda mamulka Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyay kusoo qul-qulayay deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag, waxana arrintaasi ka hadlay wasiirka warfaafinta Puntland.

Cabdiwali Xirsi Indhoguran oo la hadlay VOA ayaa sheegay inay ka xun yihiin ciidamadaan ka socda Somaliland ee soo gaaray qaybo ka mid ah magalada Baran ee xarunta Gobalka Sanaag wuxuna muujiyay inay tahay dhibaato hor leh.

Wasiirka ayaa sheegay horay inay uga hadleen socdaal uu madaxwaynaha Somaliland Siilaanyo ku tagay todobaadki hore magalada Laasqoray ee Gobalka Sanaag ayna wadaan wax uu ugu yeeray dhul balaarsi aan loo dulqaadan doonin.

”Gobaladda Sool iyo Sanaag Shirkii Somaliland lagu abuuray kama qayb galay, laakiin Puntland way ka dhisteen Isimadooda oo dhan gobalka Sool 13-Isin buu lee yahay dhamaan way joogeen dhismihii Puntland, sidoo kale Sanag PL bay wax ka dhisteen” ayuu yiri wasiirka.

Docda kale, wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa sheegay dhulka ay ciidanku tageen iyo magalada Laasqorayba inay ka wada tirsan yihiin mamulka Somaliland oo aan wax dhibaato ah lahayn.

Ciidankan Baran duleedkeeda tagay ayuu ku sheegay Buureed inuu yahay kuwo tababar soo dhamaystay oo dib ugu laabtay meeshii ay joogeen.

”Ciidankan la geeyay Baran ma ahan mid cusub waa ciidan horay saldhig ugu lahaa,annagu mar kasta wanaaga iyo inaan la isku xad gudbin baanu soo dhawaynaynaa, sida aad la socotaan juquraafiyan waa dhul Somaliland ka tirsan wayna jirtaa in Puntland ay dhinac ka sheegato”Wasiir Baaruud ayaa yiri.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya ciidankan inay qaarkood soo galeen magalada Baran balse aysan wax dhibaato ah ka samayn walow mamulka Gobalka Sanaag uusan wali arrintaasi ka hadlin.

Halkan ka dhageyso labada wasiir

Caasimada Online
Xafiiska Laascaanood
[email protected]

SHARIIF XASAN Sheekh oo mar kale la weeraray & xiisad ka taagan Beydhabo

Beydhabo (Caasimada Online)-War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in markale maanta la weerarray Shariif Xasan Sheekh oo hadda ku sugan magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Wariye ka tirsan caasimada Online ayaa soo sheegay in dad careesan ay weerar ku qaadeen Hotelka Bakiin oo lagu waday in uu maanta tago Shariif Xasan Sheekh oo uu ololeenaya dhismaha maamul gobaleed ka kooban seddax gobal.

Dadka dibad baxayay oo waddooyinka xiray kuna gubay shaagag ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan Shariif Xasan Sheekh.

Xaalada magaalada Beydhabo ayaa weli kacsan, waxaana xiran dhammaan goobaha ganacsiga magaalada sidda uu ku soo warramay Wariyaha Caasimada Online ee Beydhabo.

Waa maalintii labaad oo Shariif Xasan Sheekh loo didday in uu tago hotelka Bakiin oo ay ku shirayaan odayaal iyo siyaasiin doonaya in ay dhisaan maamul ka kooban seddax gobal.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin xiisada ka taagan magaalada Beydhabo oo ay ka socdaan shirar iska soo horjeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]