27.9 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

SHARIIF XASAN Sheekh oo mar kale la weeraray & xiisad ka taagan Beydhabo

Beydhabo (Caasimada Online)-War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in markale maanta la weerarray Shariif Xasan Sheekh oo hadda ku sugan magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Wariye ka tirsan caasimada Online ayaa soo sheegay in dad careesan ay weerar ku qaadeen Hotelka Bakiin oo lagu waday in uu maanta tago Shariif Xasan Sheekh oo uu ololeenaya dhismaha maamul gobaleed ka kooban seddax gobal.

Dadka dibad baxayay oo waddooyinka xiray kuna gubay shaagag ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan Shariif Xasan Sheekh.

Xaalada magaalada Beydhabo ayaa weli kacsan, waxaana xiran dhammaan goobaha ganacsiga magaalada sidda uu ku soo warramay Wariyaha Caasimada Online ee Beydhabo.

Waa maalintii labaad oo Shariif Xasan Sheekh loo didday in uu tago hotelka Bakiin oo ay ku shirayaan odayaal iyo siyaasiin doonaya in ay dhisaan maamul ka kooban seddax gobal.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin xiisada ka taagan magaalada Beydhabo oo ay ka socdaan shirar iska soo horjeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Arin Mucjiso ah oo ka dhacday Wadanka Cadanada. (Subxanallah)

Arintani Mucjisada ah ee ka dhacwaday Wadanka Canada ayaa aad waxaa u ahdal hayo Warbaahinta taasoo naxdin iyo Murugo badan ku abuurtay Shacabka reer Canada.

Dhacdadani Mucjisada ayaa ah mid dhanka allah ka timid taasoo ah Gaari marayay Wado weyn oo ku taalo Wadankaasi Canada ayaa waxaa mar qura ku dhacay Hilaac aad u xoogan oo aan la aqoon halka uu ka yimid ee nala daawo dhacdadani rabaaniga ah.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray KUWAIT

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray dalka Kuwait halkaasoo dhawaan uu ka furmaayo shirka madaxda Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay boqorka dalka Kuwait iyo madax kale, waxaana loo galbiyay aqalka madaxtooyada Kuwait.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu qudbad ka jeediyo kulanka hoggaamiyaasha waddamada Jaamacada Carabta, waxaana ka mid ah wax yaabaha looga hadli doono ka mid ah arrimaha Soomaaliya.

Waxaa horrey u joogay Kuwait wafdi kale oo ka socda dowladda waxaana hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiramaan Beyle

Kuwait

IMG_49301

IMG_4956

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Golaha Wasiirada DF oo meel mariyay go’aan uu BF Soomaaliya ka sugayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiiradda xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay meel mariyeen miisaaniyad sannadeedka 2014 ilaa 2015-ka.

Kulanka lagu ansixinayay miisaaniyadda waxaa guddoominayay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed.

Markii uu soo dhammaaday kulanka waxaa saxaafadda la la hadlay ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Ridwaan Xirsi.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo ay ka mid aheyd falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka ee nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay.

IMG_01061

Ugu horeyntii Agaasimaha Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda Axmed Cabdi Aadan (Iraad) ayaa sharaxaad dheer ka siiyay Golaha Wasiirada ee xukuumada qaabka qorsheedka Miisaaniyadda dawladda ee 2014-2015.

Dood dheer kadib, golaha Wasiirada ayaa mariyay Miisaaniyad sanadeedkan oo cadadkeedu dhan yahay 218 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, una badan filashada dakhliga gudaha ee dalka.

Miisaaniyaddan golaha Wasiiradu meel mariyeen ayaa la filayaa in loo gudbiyo golaha Baarlamaanka si ay uga doodaan kadibna u ansixiyaan.

Dhanka kale golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka ayaa cambaareyn u jeediyay falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka ee lagu dilay nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay, waxayna tacsi u direen qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen odayaashaasi.

Go’aanka ay maanta ku meel mariyeen golaha wasiirada Soomaaliya, miisaaniyad saneedka ayaa waxa ay timid markii guddoomiyaha baarlamaanka uu maalin ka hor ka sheegay furitaanka kal fadhiggii 4-aad ee golaha baarlamaanka in iyadoo la horkeenin baarlamaanka miisaaniyad sanadeedka lagu saqeenaayo sannadkan in wax lacag aaney laga bixin karin bangiga dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararkii Muqdisho

[email protected]

XOG: Shariif Xasan Shekeh Aadan oo hub looga soo dajiyay BAYDHABAB

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo horrey u soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Shariif Xasan Sheekh uu geeyay Beydhabo diyarad hub sidda oo ka kacday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Isagoo u warramayay mid ka mid ah Idaacaddaha maxaliga ee ku yaalla Muqdisho, ayuu sheegay in hubkaas  Shariifka looga rararay garoonka diyaaradaha Muqdisho isla markaana uu doonayo in uu kula dagaallamo siyaasiyiinta ka soo horjeeda maamulka seddaxda gobal ee la rabo in lagu dhiso Beydhabo.

“Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo Shariif Xasan waxaa shaley uu ka soo qaatay Muqdisho diyaarad hub aan sharciyeesneen sidda oo la rabo in lagu gumaado shacabka Beydhabo, arrintaas dowladda waa ay ka war qabtaa waayo hub aan sharciyeesnen in laga raro garoonka diyaaradaha waa nasiib daro” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Wuxuu sheegay in hubkaas ay isugu jiraan qoryaha fudud ee AK47 iyo Qoriga Beekaa em, “Dowladda ma mooga gubka laga raray garoonka diyaaradaha Muqdisho, waayo garoonka aad ayaa looga maamulaa gudihiisa oo hal gumac ah xittaa lagama soo qaadi karo” ayuu yiri.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku hanjabay in mas’uuliyiinta maamula garoonka diyaaradaha Muqdisho in lagula xisaabtami doono sababta keentay in ay  u oggolaadaan hub aan sharciyeesneen in laga raro garoonka.

“Anniga waxaan ka tirsanahay baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan guddiga ammaanka waan is weydiin doonaa sababta keentay in hub aan sharciyeesneen uu Shariif Xasan ka rarto garoonka diyaaradaha Muqdisho” ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay Sheekh Aadan Madoobe sababta loogu diiddan yahay in Shariif Xasan uu u tago Beydhabo, wuxuu tilmaamay in Shariif Xasan aaney loo diddaneen in uu yimaado Beydhabo waayo waa xilidhibaan deeganka u dhashay, ee wuxuu wataa in mab da’ uu ku doonayo in uu ku kala qaybiyo shacabka Beydhab iyo maamul aan soconeynin” ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Odayaashii la laayey shalay oo la shaaciyey beelaha ay kasoo jeedaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Malaaq Shiine Macalin Nuurow oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beelaha Digil & Mirifle, ayaa wuxuu sheegay in Odayaasha la laayay, ay ka soo jeedeen Beesha Biimaal/Dir.

Toddobo xubnood oo Odayaal Dhaqameedyo ah, oo shalay galab lagala degay gaadiid ay la socdeen, ayaa Maqribnimadii lagu dilay duleedka Degmada Buur Hakaba, waxaana soo baxaayay warar sheegaaya in Odayaasha la laayay, ay ka soo jeedeen Beelaha Digil & Mirifle.

Malaaq Shiine Macalin Nuurow oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in Odayaashaan ay kaga yimaadeen Gobolka Shabeellaha Hoose, si loo dhiso Maamulka Koonfur Galbeed. Isla-markaana la dilay xilli ay ku laabanayeen Shabeellaha Hoose, sida uu yiri.

Malaaq Shiine, ayaa si adag u sheegay in la ogaan doono cidii ka dambeysay dilka Odayaashaan, oo uu xusay in ay ka soo jeedeen Beesha Biimaal ee degta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Odayaasha la dilay ay tiradoodu dhan tahay 7 xubnood, isla-markaana lala dilay nin uu sheegay in uu la socday, kana soo raacay Magaalada Baydhabo.

Malaaq Shiine Macalin Nuurow, ayaa kuwii Odayaasha Dhaqanka laayay ku dhaleeceeyay, inaanay lahayn diir damqada, isla-markaana ay u bareereen in ay u dilaan, si foolxumo badan, sida uu yiri.

Dhanka kale wararka laga helaayo Degmada Buur Hakaba, ayaa waxay sheegayaan inaysan jirin cid loo soo qab qabtay Odayaasha Dhaqanka ee lagu laayay duleedka Degmadaasi.

Xoogag hubeysan oo aan heybtoodu la aqoonsan, ayaa la sheegay in ay Odayaashaan si khasab leh ugala deggeen gaadiid ay la socdeen, isla-markaana ay si wadareed ah u dileen.

Tani, ayaa waxay ku soo aadeysaa, iyadoo ay xaalad kacsan ka jirtay Magaalada Baydhabo, markii ay is qabteen dhinacyada isku haaya aragtida lagu wajahaayo Deegaanka.

XOG: Yaa gadaal ka riixaya QORSHAHA Sharif Xasan, sideese looga hortagay?

Baydhaba (Caasimada Online) – Qawmiyada Digil Iyo Mirifle ayaa shalay muujisay sida ay u diidan tahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shaqsiyaad taageersan ay maalmahaan ku shirayeen hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo, iyagoo sheegayey in Maamul Ka kooban 3 gobol ku dhisayaan halkaasi.

Qorshaha Shariif Xasan ayaa taageero Ka waayey qowmiyada Digil Iyo Mirifle, Malaaqayada Beesha Digil Iyo Mirifle iyo aqoonyahanadooda ayaana markii ugu horeysay si mideysan u diidey qorshaha Shariif Xasan ee 3-da gobol.

Shariif Xasan oo horey u kireystay Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo ayaa shirka uu sheegay inuu meeshaa Ka socdo u waayey dad Ka qeyb gala. Shariif Xasan oo Diyaarad AMISOM leedahay ay Ka qaaday Muqdisho si loo geeyo Baydhabo looguna Dhawaaqo Madaxweyne, ayaa la kulmay kacdoon aan caadi aheyn oo ay hogaaminayaan Malaaqayada Beelaha Digil Iyo Mirifle Iyo madaxda Dawladda Koofur Galbeed oo Ka kooban 6-da gobol oo taageero Ka haysta shacabka Baydhabo.

Malaaqyada Beesha Iyo shacabka Baydhabo ayaa xiray jidadka ka yimaada Garoonka Baydhabo oo soo gala Magaalada. Qaar kamid ah Malaaqyada Iyo shacabka ayaa jidadka Fadhiistay iyaga oo isku dhigay Taangiyo AMISOM leedahay oo shacabka filayeen in lagu qarinayey Shariif Xasan.

Ciidanka AMISOM ayaa shacabka u ogolaaday inay Baaraan taangiyada si a shacabka u qanciyaan, balse shacabka ayaa ku gacan seyray in taangiyada AMISOM Gudaha u galaan magaalada.

Qorshahaan aan heysan taageerada shacabka ayaa madaxda Maamulka Koofur Galbeed sheegeen inay dabada Ka riixayaan wakiilka UNSOM Soomaaliya Amb Nicolas Key Iyo AMISOM Soomaaliya.

Malaaqyada Iyo Madaxda Koonfur Galbeed ayaa ugu Baaqay UN-Ka Iyo AMISOM inaysan isku dayin in shacabka caburiyaan, kuna qasbaan qorshe kasoo horjeeda rabitaanka shacabka Koonfur galbeed.

Malaaqyada Digil Iyo Mirifle Iyo Madaxda Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in Hadii UN-Ka Iyo AMISOM ay dib uga laaban waayaan Qorshahaan fashilmay inay Keeni doonto cawaaqib xun Iyo in shacabka Soomaaliyeed Ka aamin baxaan UNSOM Iyo AMISOM, shacabka Soomaaliyeed la ilaaliyo xornimadooda Iyo rabitaankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

Gargaarkii Turkiga ee SOOMAALIYA oo yeeshay weji kale (Xog Faah-faahsan)

Dowladda Turkiga oo ah dowladdii ugu horeysay ee Soomaaliya u dirtay Ra’iisal Wasaaraheeda Reccep Tayyib Erdogan, islamarkaana u soo gurmatay xilli shacabka Soomaaliyeed ay hareeyeen abaaro, colaado iyo dagaallo socday muddo 21-sano ah ayaa ku guuleysatay inay gargaar u fidiso malaayiin Soomaali ah oo intooda badan ka soo barakacay gobolada dalka.

Imaanshiyihii Ra’iisal Wasaaraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa waxay indhaha caalamka u soo jeedisay dalka in madax kala duwan oo ka socda caalamka ay ka soo degaan magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa madaxdii caalamka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Banki Moon, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Boqorka dalka Kuweyd iyo madax kale oo fara badan.

Shacabka Soomaaliyeed marna ma iloobi doono abaalka Turkiga uu u galay, iyadoo waliba xilli xasaasi ah ay noqotay Dowladda Turkiga dowladdii ugu horeysay ee si degdeg ah uga dhabeysay ballanqaadyadeeda, iyadoo waxqabadka muuqda ee Dowladda Turkiga uu kor ka yahay dayactirka waddooyinka laamiyada Muqdisho.

Heshiis ay gaareen Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ahaa mid ku saleysan in Dowladda Turkiga ay caawiso dadka Soomaaliyeed isla markaana gacan ka geysato dib u dhiska dalka burbursan mudada 22-sano ah, waxaana soo baxaya labadii sano ee ugu dambeysay in Dowladda Turkiga ay soo dhaaftay xadkeeda iyo heshiiskii ay la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga hay’adaheeda gargaarka ayaa bilaabay in gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ka bilaabaan howlo ganacsi oo ay ku raadinayaan inay dhaqaale uga urursadaan goobaha iyo xarumaha ay dib u dayactirtay, waxaana goobahaasi ka mid ah:-

1. Xarunta Dugsiga Tababarka (Bola Tikniko) oo ay dib u dayac tireen, iyagoo ardayda ka qaata lacago fara badan, xaruntaasi oo ay Dowladdu leedahay.

2. Dugsiyada Sare ee ay dayac tirtay Dowladda Turkiga oo laba qeybood lacago xad dhaaf ah looga qaato, Dugsiyadaas oo Dowladdu leedahay isla markaana markoodii hore aan wax lacag ah looga qaadi jirin ardayda dhigata.

3. Koleejooyinka ama Iskuulada Boarding ah oo ay dayactireen hay’adaha Turkiga oo iyana kharajyo laba qeybood laga qaado haddii ardaygu uu yahay Borading in laga qaado lacag dhan sanadkii $2500 (Laba Kun iyo Shan Boqol Dollar), haddii uu ardaygu gurigiisa dib ugu laabanayana laga qaado lacag dhan sanadkii lacag dhan $1700 (Kun iyo Toddobo Boqol Dollar).

Intaas oo kaliya kuma koobna gargaarka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo yeeshay wejiyo kale, kuwaasi oo dhammaantood biyo dhacoodu yahay inay abuuraan dhaqaale fara badan oo si toos ah ugu dhacaya qasnadaha Dowladda Turkiga isla markaana Dowladda Federaalka iyo shacabkeeda Soomaaliyeed aanay waxba ku lahayn.

Dhaqaalaha Hay’adaha Dowladda Turkiga intaas oo kaliya kuma koobna, waxaana ka mid ilaha dhaqaalaha ee ay Soomaaliya ka abuureen diyaaradda Turkish Airway oo halkii toddobaad ka soo xareysa duulimaadyada ay ku timaado Muqdisho lacag aad u tira badan ayaddoo curyaamisay dhamaan shirkadaha laga lee yahay gudaha dalka.

Marka la eego mashruucyada Dowladda Turkiga ee markoodii hore dalka ku soo galay inay caawinayaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ayaa wuxuu isku rogay weji ganacsi iyo dhaqaale urursi ku saleysan, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee sida aadka ay ula yaabeen shacabka Soomaaliyeed ka mid ah in hay’adaha turkiga ay dekedda Muqdisho ka soo dejiyeen markab sida Jaay isla markaana gawaarida Turkiga ay halkaasi ka daabuleen.

Weli ma dhicin taariikhda markii dib loo raaco ficillada Turkigu kula kacayo bulshada Soomaaliyeed oo ka dhigaya kuwo howlgab ah, isla markaana doonaya inay ku boobaan hantida shacabka Soomaaliyeed, waxaana wadnaha farta looga hayaa in ka badan 10-Kun Qoys oo muruq maal iyo xamaali isugu jirta ay soo wajahdo shaqo la’aan.

Cabashooyinka Xoogsatada Kaawooleyda ka xamaasha duleedka magaalada Muqdisho ayaa iyana waxay ka cabanayaan in Turkigu maroorsaday howlahooda, kaddib markii ay soo wajaheen shaqo la’aan, boqolaal qoys oo ka mid ah dadkaasi xoogsatada ay dibadbax ka dhigeen magaalada Muqdisho.

Isbitaalka Digfeer oo Dowladda Turkiga ay ku sameysay dayactir heer sare ayaa su’aasha la isweydiinayo waxay tahay “Maxaa loo furi la’yahay?” markii aan u kuur galnay caqabadaha hortaagan furista isbitaalka Digfeer oo dhowr bilood ka soo wareegatay markii la dayactiray ayaa waxaa soo baxday in Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay isku heystaan Isbitaalkaasi in laga dhigo mid lacag ah iyo in laga dhigo mid lacag la’aan ah.

Arrimaha ugu waaweyn ee Turkigu xadgudubka ugu sameeyay dastuurka dalka waxaa ka mid ah in dalka uu soo geliyay shaqaale ajaanib ah iyadoo ay joogaan dalka shaqaale, xoogsato iyo muruq maal ka bixi kara howlaha dalka dib loogu dayactirayo isla markaana dhammaanba xarumaha uu dayactiray uu ka qaato dhaqaale fara badan, sida goobaha waxbarashada, kaabayaasha bulshada, goobaha caafimaadka, socdaalka iyo waxsoosaarka dalka.

Waxaa Qoray:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

Wali Ma Boqatay Websetkan Cajibka

Shabakada BALCAD.COM oo Noqotay Shabakad Bulshada Soomaaliyeed aad u soo jiidatay sida ay u tahay Update ama Wararkeeda ay u yihiin kuwa daqiiqad daqiiqad ah loo soo gelinayo ayadoo ay u dheer tahay intaas Wararka Xogta ah iyo sida ay u soo hesho Wararka Xooraansiga Siyaasadeedka ah.

Hadaba Aqristoow Qeybta Warqabadka ee Shabakada Caasimada ayaa la soo gaarsiiyay Ogeysiiskani ku saabsan is badalka lagu sameeyay Shabakada Balcad.com oo ka mid ah Shabakadaha loogu jaceyl yahay kuwa Soomaalida.

Hadaba hadaadan horay u arag hada Halkaan ka  Booqo WWW.BALCAD.COM

Xog ku saabsan Shariif Xasan Sheekh iyo qorshihiisa oo siyaasi uu shaaciyey

Beydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha maamulka lixda gobal Cabdifataax Geeseey ayaa caawa sheegay in beesha caalamka iyo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ay wax ka ogyihiin qorshaha Beydhabo uu u tagay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wuxuu sheegay haddii aaney degdeg uga hadlin dowladda Soomaaliya, beesha caalamka iyo wakiilka gaarka ah ee QM Soomaaliya, ay raali ka yihiim dhibka ku soo wajahan magaalada Beydhabo.

Cabdifataax Geeseed ayaa ku eedeeyay Shariif Xasan in uu yimid Beydhabo siddii uu isaha hor keeni lahaa shacabka iyo odayaasha ku dhaqan magaalada Beydhabo, wuxuuna yiri “Ma ahan qof maslad nabadeed wada”

Mar la weydiiyay khalalaasihii maanta ka dhacay cidda sababa u ahayd,wuxuu ku eedeeyay Shariif Xasan Sheekh oo raba ayuu yiri in uu la yimaado wax yaabo ka soo horjeeda rabitaanka dadka ku dhaqan maamulka lixda gobal.

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha maamulka Madoobe Nuunow ayaa ugu baaqay in ciidamada jooga Beydhabo aaney ku milmin siyaasada is diiddan ee ka socda Beydhabo, isla markaana aaney la safan labada dhinac.

Hadalka Cabdifataax Geeseey ayaa ku soo beegmayaa iyadoo maanta xiisad gacan ka hadal gaartay ay ka dhacday Beydhabo kaddib markii ay tageen wafdi uu hoggaaminaayo xildhibaan Shariif Xasan Sheekh.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin wixii maanta ka dhacay Beydhabo uu ka socdo labo shir oo isku soo horjeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xaqiiq iyo Gorfeyn: Gobolka BANAADIR xalaaleeyn buu u baahanyahay!

“Rag walaaloow wuxuu ku dhaamo la waa!”

GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah  korkiisa Allaha yeelo.

Akrisoow, marka hore Qormadu waxeey dulmar yar ku sameeyndoontaa taariikhda mugga leh ee magaalada Muqdisho oo kooban, iyo deegaan ahaan sida loo dago, balse waxeey xoogga saaridoontaa Sad-Bursiga, Cadaalad-Darrada Qabyaaladeed iyo Eexda-Qabiil ee indho-la’aanta ah ee lagu hayo beelaha kalee gobolka wax kadaga markasta oo lamagacaabayo jagooyinka ugu muhiimsan ee Gobolka Banaadir iyo Magaalada Muqdisho, haba ugu sii darnaatee qaabka hadda uu Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud wax usoo magacaabay’e. Waxaan tilmaami doonnaa waxa ka khaldan ee sixidda u baahan, iyo waxa jagooyinka kala ah: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo tan Duqa Maqaalada Muqdisho loo kala qaadi la’yahay, ee markasta halka nin ee halka Juffo kasoo jeeda loogu wada dhoobo. Ugu dambeeyna waxaan kusoo gabagabeeyndoonnaa talabixin ku aadan sida xalka dhabta ah iyo cadaalada gobolka iyo tan magaalada Muqdishaba eey ku wada jiraan, ee Ka bogasho wacan

TAARIIKHDA MAGAALADA MUQDISHO OO KOOBAN

Aan ku billoowno’e magaalada Muqdisho sida Maraajicda Taariikhda iyo Taariikhyahannaduba in badan qoreen, waxeey hore u laheyd magacyo kala duwan inta aaneey qaaadan magaca eey ku caanbaxdey ee Muqdisho. Waxaa horey loo dhihi jirey: Xamar Weeyne, Xamar Cade, Xamar Jajab, iyo Xamar. Qarnigii 1-aad ayaa Diinta Islaamku soo gaartey. Waxeey taariikhdu sheegeeysaa in 77-dii Hijriyadii uu  Khaliifkii la oran jirey Cabdiweli bin Marwaan uu usoo direy Muslimiin Diinta ku dhex oogta. Qarnigii 4-aad ee Miilaadiyada magaaladu waxeey aheyd xarun iyo magaalo weyn oo jirta. Waxeey Magaalada Xamar ku soo caan baxdey sadex arin oo muhiimad gaar ahna siisey sida:

1-In magaalada Xamar eey aheyd xarun Diinneed oo Diinta Islaamka barashadeed loosoo doonanjirey, lagana faafinjirey. Sidaana waxaa looga dhisey Masaajidyo taariikhi ah  sida: Arbaca-Rukun, Masaajidka Xamar-Weyne, oo taariikhdu leedahay waxaa la dhisey qarnigii 6-aad ee Hijriyada, qaarna ka hore ayeeyba sheegayaan. Waxeey ka koobneyd 6-Tuulo oo mashaa’ikh eey ka kala talinjireen, ugu dambeeyna isku biirey iyagoo sameeystey Gole Wadatashi.

2-In magaalada Xamar ahaan jirtey xarun Ganacsi oo caalamka meelo ka mid ah Dooman loogaga imaanjirey, iyadoo badeecooyin kala duwana wadamadaa looga keeni jirey, halka  iyana sidoo kale wadamadaa badeecooyin looga qaadi jirey magaalada Xamar.

3-In magaaladu ahmiyad gaar ahna ku heshey in eey ku taalley meel aad muhiim Aduunka ugu aheyd (Strategic location) oo la isaga gooshi jirey Hindiya, Yurub iyo Bariga Africa, gaar ahaan inta aan la qodin Kannaalkii Suweys. Muhiimada eey laheyd meesha eey dhacdo Magaalada darteed ayaa xiliyo kala duwan waxeey aheyd xarun, sida xilligii Isticmaarka Talyaaniga oo eey sandhig dhinaca Koonfureed oo dhami u aheyd. Waxaa sidoo kale jirta in 1950-yadii xiligii ku meel gaarka Sal-Dhig aheyd, waa inta aan si rasmi ah looga dhigin Caasimad’e.

Magaalada Muqdhisho waxaa hal meel la ga wada xukumi jirey Malindi, Laamo, Baata, Baraawe iyo Zanzibaar oo xarun uwada aheyd.  Gumeystihii Talyaanigii ayaa qarnigii 18-aad biloowgiisi kala wareegey Boqortooyadii Siciid Barqash, isagoo siiyey aduun dhama markaa 40,000 Ruppi, una ballanqaadey in uu sanadkastana siindoono.

Waxaa muhiim ah in la xuso in uu yimid taariikhyahankii caanka ahaa ee Ibnu Badhuuda qarnigii 13-aad. Wuxuu sheegey dadkii maamulayey, iyo kuwii kusoo dhaweeynayeyba, sida taariikhyanno farabadaniba u sheegayaan iyagoo Sadex Beel maraajicdu eey markasta kusoo noqnoqoneeyso, kuwasoo kala ah: Beelaha Mudulood, beelahav Murusade, iyo beelaha reer Banaadiriga, inkastoo hadadanba Soomaalidu kawada dharagsantahay oo cidkastaba qireeyso taa.

MEESHA SARTU KA QURUNSANTAHAY MAAMULLA GOBOLKA BANAADIR

Aqrkistoow, marka laga soo tago Faqriga, iyo  Jahliga aadka u baahsan ee guud ahaan Ummadeena ku habsadey,  hadana arinta dhabta ah ee  kala geysey dadkeena, maantana ay usii kala fogaanayaan,  oo xaqiiqdii dalku uu ka dagi la’yahay waa: Sad-Bursi, Cadaalad-Darro Qabyaalad iyo Eex-Qabiil oo indho-la’aan ah,  tasoo keeneeysa in dadkii walaalaha ahaa, ee dad iyo deegaanba wadaagayey, ee la isu soo dhaweynlahaa sii kala gofaadaan, misana aaneey is aaminin, oo aaney wada shaqeeyn, dan guudna aaney wada ilaashan, taasoo cadowgooda u fududeeysa in uu kala qeeybiyo, iyagoo is heeystana uu kor ka wada heeysto sidaana kuwada xukumo (Divide and Rule), waa sida hadaba dhab ahaan ina wada heysato’e.

Walaalahaa Soomaaliyeed ee Sad-Bursiga iyo Eexda qabiil lagu sameeyey waxeey dareensiisaa in xaqooqdii la duudsiiyey, wax eey wax kalahaayeena laga leexsadey, Dulmi cadna lagula kacay. Xaqiiqdii waa dhab ahaan waxa maanta ummad badan oo Gobolka Banaadir iyo Caasimada dalaka ee Muqdisho deegaankoodu yahay ay dareemayaan, marka aad si dhab ah u eegto qaabka loo magacaabo markasta madaxda maamulka Gobolka Banaadir, xiliganba ha ugu sii darnaatee.

Hees Soomaali ah baa dhaheeysa:

“Sidan waan naqaannaa, Siddanna weynu garannaa,

Hadeey gacantu saa tahay , Sir bay cidhib ku leedahay”.

In deegaan iyo beelo wax lagu qeeybsado waa la arkey. Cod iyo One-Man-One-Vote-na Allaah ayaan ka rajeeyneeynaa, waxa kasoo harase ee Sad-Bursiga, Cadaalad-Darrada Qabyaaladeed, Eexda-Qabiil ee indho-la’aanta ah iyo wax lagula leeyahay is xijin iyo isku wada qaadashada wax macquul ah, sax iyo maangal toona ah ma aha.

Sida caadiga iska ah, ee gobollada kalaba reeraha Soomaaliyeed u kala dagaan, ayaa Gobolka Banaadir-na asal ahaan ama taariikhiyan waxaa deegaan ahaan u daga sadex Beelood oo Soomaaliyeed, asalna lagu wada yaqaanney “Indigenous people”. Sadexdaasi waxeey kala yihiin: beelaha Mudulood, beelahav Murusade/Karanle/Sadex iyo Sagaal-Hadba sida aad u taqaan- iyo beelaha reer Banaadiriga.  Iyagaa ayaa loogu yimid oo deegaankooda rasmiga ahi uu yahay. Walibana marka laga soo tago in eey beelahaasi wada daganyihiin sida Soomaalida kaleba hada u dagtey, labada beelood ee kala ah: Mudulood, iyo Murusade waxeey keenaan Xaabada iyo Caanaha Gobolka iyo Magaalada Muqdishaba, taasoo muhiimad gaar ah usii leh lahaanshaha deeqaan, waloow Soomaaliduba la wada socoto. Xaqu wuxuu ahaa in marka la magacaabayo madaxda maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa magaalada Muqdisho eey si xaqiiqdaa ka turjumeeysa oo waafaqsan uga wada muuqdaan iyada oo aan cidna la dulmineyn. Waxaa sidoo kale muhiim ah in reeraha kalee walaalahood ah ee gadaashood wax kasoo dagay gobolka, maantana aad tiradooda ugu badan tahay iyana kaalin mug leh lagasiiyo marka la magacaabayo jagooyinka maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa magaalada Muqdisho.

Nasiibdarro! Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud wuxuu gartey in uu isugu daro, oo uu ku wada dhoobo  General Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo dabcan ay kaasoo wada jeedaan hal juffo Jagooyinka kala ah: Gudoomiyana Gobolka Banaadir, tii Duqa magaalada Muqdisho, iyo waliba jagadii Gudoomiye kuxigeenkii Gobolka Banaadir ee dhanka Ammniga oo uu hayey Mas’uul kaloo reero kale kasoojeeday. “Waa ka daroo Dibi dhal!” Iyadoo uu Madaxweyne Xassan ka dharagsanyahay taariikhda deegaaneed ee gobolk,a balse uu ka doorbidey Sad-Bursigaa, Eexdaa-Qabiil ee indho-la’aanta ah iyo Cadaalad-Darradaa Qabyaaladeed ee uu juffadiisa hoose ugu xaglinayo.

SIDA XALKA DHABTA AHI EE GOBOLKA BANAADIR UU KU JIRO

1-Horaa loo yiri “Sadaqo gurigaada ayey ka bilaabataa”. Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud ileyn waa Madaxweynaha Dalka oo dhame, waa in uu usoo jeestaa cadaallada dhabta ah, ileyn ruux deegaankii uu kasoo jeedey reerihii walaalaha ahaa ee wada daganaaba  cadaallad darro kula kacaya, magarankarayo waxa Soomaaliweyn cadaalad uga filankarto, oo habayaraatee eey uga rajeeynkareeyso.

2-Waa in si degdeg ah loo kala qaadaa jagooyinkaa Gen. Muun-Gaab uu ku wada dhoobey sidii nin kaligii nool. Jagooyinkaa oo kala ah: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Duqa magaalada Muqdisho, Gudoomiye kuxigeenkii Gobolka Banaadir ee Dhanka Ammniga……… IWM.

3-Waa in Madaxweynuhu inta meel iska dhigo Quursiga qaawan ee uu Beeshiisa ku horboodayo uu ku dadaalo in la helo Xaq-Soor, taasoo asalkeedu yahay in beelahaa wada daga gobolka, wada leh ama loogu wada yimid sida: Mudulood, Beelaha reer Banaadiriga iyo beelaha Murusade ee sida xaqa ah eey tahay in eey u qabtaan jagooyinkaa si la mid ah sida eey uqabtaan “Markasta” kuwan lagu koobey, si looga gudbo Sad-Bursiga, Cadaalad-Darrada Qabyaaladeed iyo Eexda-Qabiil ee indho-la’aanta ah, ee aan danta u aheyn gobolka banaadir oo ah xarunta iyo miraayada Dalkoo idil. Weey kala duwantahay marka gobol lawada leeyahay danahiisa la isu garabsanayo “Hiil & Hooba” iyo marka loo wada shaqeeynayo reer jagooyinka Gobolka ugu muhiimsanaa oo dhan isku koobey oo isku wada gaaryeeley “Monopoly of Power”.

4-Ugu dambeyna, waa in beelahaa gobolka Banaadir kuwada dulman iyagoo isku duuban eey arintaa kawada dhiidhiyaan dhamaan: Madax-Dhaqameedyadooda, Madaxdooda Siyaasada, Aqoonyahankooda, Ganacsatadooda, Siyaasiyoontooda, Culumaa’uddiinkooda, Dhalinyaradooda, Haweenkooda iyo waliba guud ahaan dhamaan Soomaalida cadaalada jecel ee kala jooga dal iyo Dibadba, sidii arintaa wax looga badali lahaa dadaal dheer iyo waqtiba loo galinlahaa. Hadaan arintan si dhab ah loogu istaagin sideeda ayey ahaaneeysaa waligeed, oo wax isbadal ah ma imaanayaan.

GUNAANAD

Waa xaqiiq in dowladani aaneey ubaahneyn mucaarad kaloo horleh oo loosii abuuro, iyadoo waliba laga maarmi karo, maxaayeeley waxaa badan inta ku mucaaradsan dowladoo dhan Isir-Naceybka Madaxweyne Xassan, iyo maxaan kaaga weeyney Sab-Bursigii aan guud ahaan Soomaaliweyn uga baranney ee caadada inoo ahaa Abid. Madaxweyne Xassan-se waxaan ka rajeeyneynaa in uu uhiiliyo cadaalada gobolka. Talooyinkaa wax ku oolka ahna uu qaato. Isbadalkaa haboon ee laga sugayana degdeg ula yimaado-Allahuma Ballaqtu.

C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

Maamule ku xigeen ahna Bare Jaamacadeed, Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha

Al-Madinah International University, Malaysia

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

Maxaa ka cusub xaaladda Baydhaba?

Beydhabo (Caasimada Online) – Xaalada magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa saakay oo Isniin ah deggan, kaddib markii shaley halkaas uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeya ciidamo kala taabacsan yahay maamul ka kooban lix gobal iyo ku kale oo isna ka kooban seddax gobal.

Ciidamada Ethiopia ee qaybta ah kuwa AMISOM ayaa lakala dhex dhigay ciidamada ku dagaallamay Beydhabo, waxaana la adkeeyay ammaanka xarunta Baay.

Iska hor imaadka ayaa ka dhashay markii magaalada Beydhabo uu soo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh, kaasoo u ololeenaya maamul ka kooban seddax gobal.

Isku socodka dadka iyo gaadidka ayaa caaddi ku soo noqday, waxaana magaalada saakay la sheegayaa in dib loo furay goobaha ganacsiga oo tan iyo shaley markii ay dhaceen gacan ka hadalka xirnaa.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan rabshadaha ka dhacay Beydhabo.

Magaalada Beydhabo waxaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka socday shirar iska soo horjeedo oo lagu dhisaayo maamulo ka kooban lix gobal iyo seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaafiic lagu garaacay MUQIDSHO

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho caawa laga maqlayo madaafiic culus oo ku soo dhaceysa.

Xilligu hadda ay madaafiicda dhaceyso waa 12:kii habeenimo, waxaan hugunka madaafiicda laga maqayaa qaybo kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Ma cadda ilaa hadda khasaarasha ka dhashay, waayo xilliga waa habeen, dadkuna badnaa waa ay jiifaan sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho aanu la xiriirnay.

Waa habeenkii labad oo isku xigga oo magaalada laga maqlay madaafiic, xaley fiidkii horre ayaa qaybo ka mid ah magaalada ay ku soo dhaceen madaafiic hoobiyaal ah, balse wasiirka amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta la weydiiyay wuxuuu yiri “Waxa ay ahaayeeen kuwa macmal ah”

Faahfaahinta wararkeena dambe kala soco in shaa allah

 

Sharif Xasan oo ka hadlay wixii maanta ku qabsaday magaalada Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta gaaray Baydhabo ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkiisa, iyadoo markii uu gaaray magaalada ka dhashay banaan bax looga soo horjeeday imaatinkiisa iyo iska hor imaad.

Shariif Xasan ayaa war qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo uu maalmahan ku qorayay fariimahiisa gaarka ah waxaa uu ugu horeyn u mahad celiyay dadkii ku soo dhoweeyay Baydhabo.

“Marka hore waxaan rabaa in aan u mahad naqo dadkii i soo dhaweeyey maanta oo aan soo gaarey Baydhabo, sidii aan shaley idin sheegeyna waxaa uu safarkeyga ku salaysan yahay sidii aan u bed baadin laheyn dadka deeganadan oo saaxiib u noqdey colaad, abaar iyo daryeel xumo si aan taas u bed baadinana waxaan go’aansaney in aan ka mira dhalino dedaalkeena”ayuu yiri Shariif Xasan qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay daqiiqado ka hor.

Shariif Xasan ayaa sheegay in aad loo buun buuniyay dad la soo abaabulay oo bulshada qal qal ku abuuray, balse aanay jirin sida wax loo sheegay, isagoo cadeeyay in mowqifkooda aan waxba iska bedelin.

“Waxaa kaloo wax lala yaabo ah dadka buun buuniyey 50 qof oo la soo abaabuley in ay maanta bulshada qal qal ku abuureen laakinse ayna jirin sida dadka loo sheegey mowqifkeena na waxba iskama bedelin”ayuu qoraalkiisa u dhigay Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale waxaa uu qoraalkiisa ku yiri sidan “Magaalada xaalkeeda waa degan yahay wax dhib ah oo ka jiro haba yaraatee ma jiraan, kuwa dadka beenta u sheegaayo oo leh 6 gobol ayaan idin heynaana waxaan leeyahay naftiina runta u sheega dadkuna ha luminina”

Dadweyne careysan ayaa taayaro ku gubay bartamaha magaalada Baydhabo, iyagoo diidanaa in Shariif Xasan soo galo magaalada waxaana la arkayay boqolaal dadweyne oo wadooyinka hareeraheeda taagnaa oo erayo ka dhan ah Shariif Xasan ku qeylinayay.

Magaalada Baydhabo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka jiray shirar iska soo horjeeday oo maamul goboleed lix gobol iyo saddex gobol lagu dhisayo, iyadoo todobaadyo ka hor la doortay Madaxweynaha Maamul goboleedka lixda gobol, halka midka saddex gobol dhowaan la filayo in la doorto.

Isha: Jowhar.com

Galmudug oo go’aan ku dhowaaqday

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa maanta sheegay in uu xiriirka u jaray wasaarada caafimaadka xukuumada Soomaaliya.

Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug Cumar Cabdi  Maxaxamed, oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu xiriirka u gooyay wasaarada caafimaadka Soomaaliya, kaddib markii uu ku eedeeyay in aaney wax wadashaqeen ah iyo kaalmo ka helin , isagoona yiri maamulada kale ee dalka ka dhisan waxa ay siiyaan gargaar caafimaad iyo dhaqaale.

Wuxuu sheegay in marar badan ay ka codsadeen saamiga Galmudug loogu talagalay deeqaha la bixiyo ee dhinaca caafimaadka la siiyo balse waxbo ilaa hadda nagama soo garin ayuu yiri.

“Muddo badan ayaa codsiyo u dirnay wasaarada caafimaadka dowladda fedaraalka Soomaaliya, balse in ay na caawiyaan iska daa xittaa wax jawaab ah kama helin” ayuu yiri agaasime Cumar.

Mar la weydiiyay in Galmudug ay xiriirka u jartay hey’addaha kale ee dowladda wuxuu caddeeyay in aaney jirin hey’ad kale oo xiriirka ay ka goosteen balse wasaarada caafimaadka aaney wax xiriir ah ka dhaxeynin maanta wixii ka dambeeya ilaa inta wax ka badaleyso sidda ay ula dhaqanto wasaarada caafimaadka Galmudug.

Wuxuu yiri dowladda Soomaaliya kaalmo ayey siisaa maamulada ka dhisan haddii ay ahaan lahayd dawo iyo qalab kale balse tan iyo siddii loo dhisay hal mar xittaa wax na siisay ama ay nala soo xiriirtay ma jirto” ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shariif Xasan oo weerar lagu qaaday

Beydhabo (Caasimada Online) – Sida uu goordhow soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Beydhabo, waxaa magaaladaas ka taagan xiisad kaddib markii gacan ka hadal uu dhex maray ciidamo kala taageersanaa Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madoobe Nuunow Maxamed.

Arrintan ayaa timid markii maanta duhurkii uu gaaray Beydhabo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdiga Shariif Xasan inta aaney soo galin magaalada waxaa waddooyinka magaalada ka dhacay bannaan-bax looga soo horjeedo imaashiyahooda.

Dadka dibad baxayay oo taageersanaa maamulka 6-da gobal ayaa waddooyinka magaalada ku gubau shaagag iyo sawirka Shariif Xasan.

Intaas kaddib markii wafdiga garoonka soo dagay, waxaa uga hor tagay siyaasiyiin iyo ciidamada taabacsan iyo ciidamada Ethiopia, waxaana loo soo ka xeeyay gudaha magaalada.

Waxaa dhacay in ciidamo taageersanaa Madoobe Nuunow in ay xabadeeyeen ciidamo galbinayay Shariif Xasan Sheekh, waxaana halkaas ka dhacay tacshiirad balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Xaalada Magaalada ayaa kacsan waxaana xiran dhammaan goobaha ganacisga iyo waxbarashada ee magaalada, waxaa kaloo waddooyinka buux dhaafiyay ciidamo kala taabacsan labada maamul.

Shariif Xasan ayaa hadda kulamo la leh ciidamada AMISOM iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan Baydhabo isagoona wax ka weydiinaya xiisada ka taagan Beydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Turkey-ga oo beeniyay inuu ku lug lee yahay arrrin laga dhibsaday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa iska fogeysay eedeen loo soo jeediyay oo ah in ay dalka keentay Jaayga dhismaha ee waddooyinka ama guryaha lagu dhiso taasoo curyaamisay dadkii kudowladda Turkiga oo mashaariic ballaaran ka wada magaalada Muqdisho.

Ku-xigeenka safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ismaacil Ceyduruus ayaa ugu horreyn ka warbixiyay howlaha dib u dhiska waddooyinka Muqdisho ay ka wadaan.

Isagoona sheegay in markii horre qorsha ay ahayd in la dhiso 13km waddooyin ah, kuwaasoo ah kugu muhiimsan magaalada Muqdisho balse xukuumada Istanbul ay go’aansatay in ay ku darto ilaa 7km uu waddo ah.

Turkiga oo laami saaraya waddooyinka Muqdisho
Turkiga oo laami saaraya waddooyinka Muqdisho

Safiirka ayaa caddeeyay in howlaha dib u dhiska waddooyinka Muqdisho iyo in la saaro laami cusub la soo gabagabeen doono bisha August ee soo socota sidda uu yiri.

Wuxuu ku celceliyay in dhaqaalaha Turkiga uga baxay dib udhiska waddooyinka Muqdisho ay yihiin kuwa aad u badan balse ay ka go’an tahay in ay sii wado mashruucyada dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, ku-xigeenka safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho, waxaa uu beeniyay in dowladda Turkiga ay ka ganacsato jaayga dhismaha ee guryaha iyo waddooyink lagu dhiso, isagoona caddeeyay in sababta ay jay ula soo dageen ay tahay, arrimo ammaan, maadama aaney jaayo iyo dhagxaan ka soo saari Karin waddanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Turkiga aaney suurtagal u ahayn in Jaayo iyo dhagxaan ay ka hesho dalka,maadama dhinaca ammaanka aan la isku haleen Karin.

Ugu dambeyn waxaa uu xusay in Turkiga uu sii wadi doono howlaha dib-u-dhiska Soomaaliya.

Hadalka ku-xigeenka safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan bannaanbax ay dhigeen muruqmaalka kaawooyinka nagxaanta laga soo saaro,kuwaasoo ka cabanaya in Turkiga uu suuq’laaan ku riday maadama uu dekedda Muqdisho kala soo degay jaayga dhismaha guryaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: 5 Mooshin oo ka dhan ah Xamar, Hawiye, DF iyo Jawaari oo la diyaariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalfadhiga Baarlamaanka ee shalay, furmay ayaa la sheegayaa in la keeni doono mooshino badan oo lagu qal qal galinayo habsami u socodka hawlaha Dawlada Soomaaliya.

Mooshinadaan oo qaarkood xasaasi ah, ayaa waxaa si gaar ah loogu bartilmaameedsanayaan deegaano iyo beelo gaar ah, gaar ahaan Muqdisho iyo beelaha Hawiye.

Mooshinada ayaa waxa ay kala yihiin

1- Mooshin laga keenayo maqaamka Muqdisho. Mooshinkaan oo ay dabada ka riixayaan xildhibaano kasoo jeeda Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Juba.

Waxa ay xildhibaanadani doonayaan in Muqdisho masuuliyiinteeda, ilaheeda dhaqaalaha ay dhamaan Soomaalidu shirko ku noqoto, halka Xildhibaanadaani aysan ogoleyn in dadka kasoo jeeda Gobolada kale ee Dalka, ama kuwa kunool Labadaan Maamul goboleed balse ka baxsan Beesha Kablalax inay xukunka iyo dhaqaalaha xaq ku yeeshaan.

Mooshinkan waxaa loo maleynayaa inuu noqon doono mid guuleysta, sababta oo ah dadka kasoo jeeda Muqdisho iyo beelaha Hawiye, kuma baraarugsana shirqoolka ceynkan ah, mana dareensana meesha fog ee laga cayaarayo, haddii ay darreemaanna ma ahan kuwa u carbisan ama u firfircoon inay u dhaqaan ka hortagga arrintan.

2- Mooshin si hoose u socda oo la doonayo in laga keeno Madaxweynaha Soomaaliya oo ay si hoose ugu lug leeyihiin xildhibaanada sheegta inay matalaan Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Juba. Mooshinkan uma eka mid guuleysan doona, waayo xildhibaanadan waxa ay wada doonayaan lacag, mana jirto cid hadda ka jeeb weyn madaxweynaha.

3- Mooshin la rumeysan yahay inuu ka danbeeyo Shariif Xssan oo la doonayo in laga keeno Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari. Shariif Xasan waxaa ka go’an inuu kusoo laabto booskii uu macaankiisa bartay, hase yeeshee waxaa sugaya dagaal adag, waayo Jawaari in safar lagu gaado ma ahinee, si kale kuma mari doono mooshinkaas.

4- Mooshin la doonayo in Dawladaha Federaalka ka mid noqonaya lagu xakameey, iyadoo mooshinkaan lagu diidayo dawlada Koofur Galbeed oo ka kooban 6-da gobol, maadaama ay liddi ku tahay maamulka Axmed Madoobe. Sidoo kala lagu diidayo Dawladda Shabelle State oo ka kooban labada Gobol.

5- Kalfadhigaan waxaa Xukuumadda la keeni doonaa sharciga Canshuuraha beriga, sharcigaan oo uun saameyn doona Magaalada Muqdisho ganacsatadeeda, Dekedda iyo garoonkeeda , maadaama dawladu aysan maamulin Magaalooyinka kale ee dalka Maamulada halkaa ka jirana maamushaan ilaha dhaqaalaha iyo canshuurahaba.

Maxaa keenaya in dhaqaalaha dekedda Muqdisho ay dowladda federaalka maamusho, oo dadka reer Muqdisho un la canshuuro, lacagtoodana lagu quudiyo xildhibaanno ka yimid gobollo kale, oo dowladdana ku haya fowdo.

Mooshinka waxaa la filayaa inuu guuleysto, sababta oo ah beelaha Hawiye oo aan ku baraarugsaneyn, ama aan diyaar u ahayn in dadkooda iyo deegaankooda u dagaalamaan.

Federaalkii Soomaaliya ee lagu soo qoray dastuurka ee aan la qeexin sida uu noqonayo iyo awoodaha Dawladda Federaalka iyo Maamulada hoos imaanaya kala yeelanayaan, ayaa uun noqday mid Muqdisho Dekedeeda iyo Garoonkeeda ka dhiga shirko, Halka Dekedaha Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo ay maamushaan maamulada Deegaanadaas.

Federaalkii oo noqday in Xildhibaanada ka soo Jeeda Boosaaso, Berbera, Garoowe, Kismaayo in Mushaar ka qaataan Dekeda Muqdisho, halka Ilaha dhaqaalaha goboladaas aan loo ogoleyn in dawladda Federaalka Soomaaliya Maamusho.

Dadka Muqdisho iyo Gobolada ku xeeran ayaa is weydiinaya dalka Soomaaliya in Federaal ka jiro iyo in Gobolo qaar ah uun federaal lagu yahay!

Baarlamaanka ka kooban 275-ta xildhibaan ma Muqdisho iyo Gobol gaar ah ayay metelaan, maxaa diiday in sharciyada ay sameeyaan ay Dalka dhan wada gaaraan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Muungaab, ayaa looga fadhiyaaa inuu kaashado beelaha  Hawiye, una istaago sidii uu uga hortagi lahaa shirqoolka deegaameysan ee lagu hayo dadkiisa.

Haddii waxaaga aan la wadaageyn, maxaa keyga kaligiis loo wadaagayaa?

Qeybta daba-galka ee Caasimada Online
[email protected]

Xog: Madaxweyne Xasan & Somalia oo shirqool loo diyaariyey (Qorshe halisa)

Nairobi (Caasimada Online) – Beesha caalamka iyo dalalka deriska la ah, ayaa billaabay qorshaha Somalia ee 2016-ka, oo ujeedkiisa ugu weyn uu yahay in madaxweyne Xasan Sheekh, aanu hoggaanka dalka dib ugu soo laaban, Somalia-na aysan marnaba helin dowlad dhexe oo awood badan, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Ilo-wareedyo aad iyo aad loogu kalsoon yahay, ayaa Caasimada Onlineu xaqiijiyey in Madaxweynaha, ayaaa ayaa lagu qasbay in uu aqoonsado dawlado lagu sheegay inay federaalka Soomaaliya ka mid noqonayaan, oo ay hogaaminayaan shaqsiyaad muuqaalka Soomaali ka ah, balse maskaxdooda laga maamulo wadamo shisheeye.

Shaqsiyaadkaas, ayaa ah kuwo caqabad ku ah in la helo dawladnimo shaqeysa oo dalka Soomaaliya yeesho, maadaama maamul goboleedyada la xoojinayo.

Dawladahaan oo hadda qaar dhisan yihiin, qaarna la doonayo in la dhiso, ayaa looga gol lee yahay inay lagu soo kordhiyo kala qeybsanaanta dalka iyo in meesha laga rabitaanka shacabka.

Dhammaan maamulladan, ayaan loo mareyn sharciga dalka udhisan, waxaana maamul goboleedyada lagu qasbay madaxweynaha inuu aqoonsado ama uu aqoonsan doono ay kala yihiin.

1- Dawladda Somaliland oo Madaxweyne ka yahay Siilaanyo.
2- Dawladda Puntland oo uu Madaxweyne ka yahay Cabdi Weli Gaas
3- Dawladda KMG Juba oo Madaxweyne ka yahay Ahmad Madoobe
4- Dawladda Koofur Galbeed oo la doonayo in Shariif Xassan Madaxweyne looga dhigo.
5- Dawladda Hiiraan iyo Shabelle oo la doonayo in la hirgeliyo
6- Dawladda Galmudug oo la doonayo in shir loo qabto Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo ASWJ loona dhiso dawlad cusub.

Lixdaan Dawladood, ayaa inta dhisan haatan ay madaxweynayaal ka yihiin dad diidan dawladda Xasan Sheikh, inta lasoo wadana madax looga dhigi doono dad diidan dawladda Xasan.

Dawladahaani qaabka ay u dhisan yihiin waxaa ay la mid tahay sida DKMG ah u dhisan tahay, Ma jiro wax sharci ah oo jira oo ay dawlada federaalka kula shaqeynayaan.

Dawladahaan oo la sheegayo inay kamid yihiin Federaalka Soomaaliya, ayaa haatan Caalamku ula macaamilaa si la siman Dawladda Federaalka Soomaaliya, shirarka hay’adaha iyo safaaradaha Maamula Dhaqaalaha Soomaaliya sida UN-ka, EU-da u qabtaan Soomaaliya. ayaa waxaa si siman loogu casuumaa Dawlada Federaalka iyo Maamulada Kale.

Shanta Dawladood oo laga doonayo Koofurta oo qaarna dhisan yihiin qaarna si qasab ah la doonayo in loo dhiso, ayaa la sheegayaa inay soo xuli doonaan Baarlamanka Cusub oo bedeli doona baarlamaanka haatan jira maadaama aysan suuragal ahayn in doorasho xor ah laga qabto dalka Soomaaliya sanadka 2016-da.

Sida xogta Caasimada Online ay heshay ay ku warrameyso, Madaxda 5-taan dawladood iyo Dawladda Federaalka oo uu meteli doono Madaxweynaha ama Ra’iisul wasaaraha ayaa noqon doona saxiixayaasha cusub oo dhisi doona dawladda lagu bedeli doono tan hadda jirta.

Dowladda cusub ee iman doontana waxa ay ahaan doontaaa mid sidan oo kale ah, oo aan lahayn wax awood ah, ayna la siman yihiin maamul goboleedyada, waxaana meesha ka baxaya doorasho xor ah, ugu yaraan illaa 5 sano oo kale.

Waxaa qorshuhu yahay in dalka sidaa ahaado, ayada oo maamullada ay dowladda dhexe ay is garab socon doonaan, si aan marnaba loo helin dowlad dhexe oo awood leh, ugu yaraan waqtiga ay reer galbeedku ugu tala-galeen in dalka sidaan sii ahaado.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]