32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xasan Sheikh oo caddeeyey arrin lagu eedeeyey xildhibaanada barlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in xildhibaannada qaar ee baarlamaanka ay la kala safteen maleeshiyo beeleedyo dhawaan ku dagaallamay gobalka Shabeellaha Hoose.

Xasan Sheekh Maxammuud ayaa tilmaamay in arrimihii laga soo gudbay ee dagaallada iyo beelaha in ay xildhibaannada qaar dib u soo celinyaan “Waana ayaan darro” ayuu yiri

Madaxweynaha ayaa xildhibaannada baarlamaanka ku eedeeyay in shaqadooda dhan ku koobeen mooshin iyo dhaliilo aan sal lahayn oo loo jeediyo madaxda dowladda.

Wuxuu sheegay oo kale in kulamada baarlamaanka ay soo dhammeestirmaan marka la rabo in wax la dhaliilo ama madaxda dowladda la duro.

Madaxweynaha waxaa kaloo u sheegay in dhaliilo loo soo jeediyay dowladiisa uu isaga qaadanaayo isla markaana uu diyaar u yahay in wixii badal u baahan la badali doono.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka looga baahan yahay in ka faa’ideestaan waqtiga harsan oo ay qabtaan wax yaabo horrumar leh oo dalka iyo dadka anfacaya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Haweeney Soomaali ah oo jirta 130 sano oo wareysi xiiso leh bixisay

Riyaadh (Caasimada Online) – Haweeney Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Faadumo Sheekh Cali ayaa sheegtay in ay da’deeda tahay130 sano jir iyo wax ka badan. Waxa ay tilmaamtay inaysan waxba qorin, waxna aqrin, balse xiligii ay ka sheegeysay iyo waayihii hore in ka badan 130 sano laga joogo.

Haddii ay da’da Fadumo sheegeyso ay dhab tahay, ama baaris lagu sameeyo, waxay ka dhigan tahay in ay tahay qofka haweeneyda adduunka ugu weyn.

Haweeneydan oo hadda ku sugan Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa wareysi ay siisay TV Royal ayey kaga warantay waayihii ay u soo joogtay, iyadoo ka sheekeysay dhacdooyin xanuun badan oo ciidamada Itoobiya ay ku xasuuqeen Qoyskeeda.

Fadumo Sheekh Cali ayaa da’ahaan laga dareemeyn muuqaalkeeda, hadana way ku faraxsan tahay da’da ay jirto.

Waxay ka sheegeysay muuqaalkeeda oo da ahaan lagu qiyaasayo 70 ilaa 60 sano jir, taasina ay ku timid, nafteeda oo ay ku xanaaneysay cunooyinka ay qaadata ay yihiin kuwo diiran, kuna soo kortay Soor iyo Caano.

Wiilkeeda ayey sheegtay Fadumo in uu hadda jiro 80 sano jir.

Haweeneyda adduunka ugu weyn ayaa hadda ah Misao Okawa oo u dhalatay dalka Japan, taasoo jirta 116 sano oo bishii lasoo dhaafay u dabaal degtay.

Halkan ka daawo Wareysi xiiso leh

Caasimada Online

Xafiiska Riyaadh

[email protected]

Ismaacil Hure Buubaa oo dhaliilay BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Ismaacil Hure Buubaa ayaa dhaliilay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya isagoona sheegay in shaqadooda dhan ay ka dhigteen mooshino iyo arrimo kale.

Wuxuu sheegay xildhibaannada baarlamaanka in looga fadhiyay in ay meel mariyaan golaha garsoorka iyo maxkamadda badbaadinta taasoo lafdhabar u ah dagannaanshiyaha dalka sidda uu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in baarlamaanka looga baahan yahay in la yimaadaan hab dhaqan ka duwan kan hadda ay ku shaqeeyaan haddii kale aan horumar la gaari karin.

Hadalka Ismaacil Hure Buubaa ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxweynaha Soomaaliya oo shaley hortagay baarlamaanka u sheegay in ay jiraan xildhibaanno badan oo ka gaabiyay shaqadooda kuwaasoo ka shaqeenaya dhibaatooyinka ka jirra dalka.

Xeel dheerayaasha arrimaha siyaasadda ayaa leh baarlamaanka Soomaaliya waxay noqdeen kuwa shaqadooda ka gaabiyay kana door biday in ay dantooda uun eegtaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ayaa howllo badan laga sugaa taasoo ay ka mid yihiin in dhammeestiraan dastuurka qabyo qoraalka ah iyo in sameeyaan shuruucyo badan oo dalka lagu hago ka hor 2016-ka.

Waxaa kaloo sheegis badan in ay jiraan xildhibaanno badan oo aan ka soo qeybgalin fadhiyada baarlamaanka kuwaasoo danahooda gaarka uun eegta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Kooxda ISIS oo qabsatay magaalada Tel Afar ee Ciraq iyo dunida oo yaaban

Tel Afar (Caasimada Online) – Maleeshiyada suniyiinta waqooyiga Ciraaq ayaa qabsaday magaalada Tal Afar. Dadka degan magaalada Tal Afar ayaa  sheegay in magaalada ay qabsadeen kooxda ISIS.

Askartii iyo boliiska ayaa magaalada ka cararay iyagoo ka tegay hub. Laakiin dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in dagaalka uu wali socdo.

Magaalada oo ay ku nool yihiin laba boqol oo kun oo qof ayaa waxaa ku nool shiico iyo suni, dad shiica ah ayaa qaxay iyagoo ka baqaya in la beegsado.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu iskubadalayo mid la isaga soo horjeedo shiica iyo suni, waxaana ugu wacan sunniyiinta oo laga qadiyey awoodaha xilalka muhiimka ah iyo maamulka dowladda hogaamiye Nuuri Al-Maaliki.

Maraykanka ayaa bilaabay inay inay la bixiyaan shaqaalaha diplomaatiga Baqhdad, iyagoo gaynaya meelaha Kurdishka ay maamulaan ee waqooyi bari iyo Basra oo ku taal koonfurta.

Qorshaha xigga ee kooxda ISIS, ayaa ah inay gacanta ku dhigaan magaalada Baghdad, taasi oo noqon doonta burb-burka dowladda Ciraq. Dunida ayaa ka yaaban xaaladaha cusub ee Ciraq, lamina yaqaan sida xaal ku dambeyn doono.

Caasimada Online

Xafiiska Qaahira

[email protected]

Xogtii u dambeysay dagaalka Kismaayo ee beelaha HARTI iyo ABSAME

Kismaayo (Caasimada Online)-Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa ka taagan xiisad collaadeed taasoo ka dhalatay kaddib markii dagaallo culus ay ka dhaceen magaaladaas kuwaasoo u dhexeeya maleeshiyaad kawada tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Dagaalka oo dhex maraya maleeshiyada beelaha Ogaadeen iyo Majeerteen, Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhimmatay in ka badan 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Dagaalka ayaa billowday markii mid ka mid ah maleeshiyaadka dagaallamay ay dileen askari kaddibna dagaalka ayaa ku faafay magaalada oo dhan.

Dagaalka ayaa soo gaaray maanta duhurkii balse iskiis ayuu u istaagay, waxaana weli is hor fadhiya maleeshiyaadka dagaallamay.

Intii uu socday iska hor imaadka waxaa hakad ku yimid dhammaan goobaha gaancsiga iyo isku socodka dadweynaha.

Goobjooge ayaa u sheegay Caasimada Online in xilli kasta la filan karo dagaalka in uu billowdo mana jirto wax waan-waan ah oo lagu qaboojinaayo xaaladda magaalada Kismaayo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Kismaayo ay ku dagaallamaan maleeshiyaad kawada tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xasan Sheekh oo maanta hortagay BF, Hadallo sarbeeb ahna ku weeraray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hor-tagay baarlamanka, waxaana uu ka jeediyey khudbad uu uga hadlay arrimo, badan si dad banna ugu weeraray dhinacyo badan.

Hoose ka aqriso Khudbaddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu maanta ka jeediyey Baarlmaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka,
Raiisalwasaaraha XFS,
Xubnaha Golaha Wasiirada,
Xubnaha Golaha Shacabka,
Dhamaan Dadweynaha Soomaaliyeed,

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

Waxaa farxad ii ah inaan maanta halkan ku kulanno, innagoo ay inagu soo dhawdahay munaasabadahii xorriyadda iyo midnimada dalkeenna. Sidoo kale waxaa bilo yar inaga xigaan inay soo xiranto muddada labada sano ahayd ee yagleelidda dawladeenna cusub. Waxaan jeclahay inaan si dhab ah idiin kala hadlo xalaadda dhabta ah ee aan maanta marayno iyo meesha aan hiigsanayno. Ma jecli inaan ka hadlo waxii la soo maray amaba dood ka galo sida ay wax u dhaceen.

Xaaladda dalkeenna waxaa is garab socdo laba muuqaal oo aad isaga soo horjeeda oo inooga baahan inaan labadaba wada aragno:

Muuqaalka Koowaad

Waa soo noqoshada dawladnimada Soomaaliyeed oo maanta leh muuqaal ka duwan sidaynu ahayn sanado yar ka hor. Wax badan oo taladeenna kamid ah inaga ayay gacanta inoogu jirtaa. Aad bay u soo koob mayaan khilaafaadka dadkeenna ka dhaxeeyo. Waxaa xusid mudan inay maanta socdaan wadahadallo lagu doonayo soo celinta midnimadii Soomaaliyeed, isbeddelada siyaasadeed ee sida nabad gelyada leh uga dhacay deegaannada Puntland, dadaallada ka socdo maamul dhisidda iyo dib u hanashada gobollo kala duwan oo koofurta dalka ka mid ah. Waxaa isku aragti laga wada noqday mawqifka nabad-diidka ee doonaya in dalku dawlad la’aan noqdo. Waxaa dadkeennu isla wada gartay in dalkeennu aan innaga leenahay, inuu innaga ina wada sugayo. Daliilka ugu fududna waa kumannaanka qurbo joogta ah ee ka soo tagay noloshii raaxada lahayd ee ay ku haysteen dhulalka shisheeye iyo kumaananka qaxootiga ah ee ka soo noqonaya dalalka deriska ah oo waliba dib u soo dagayo goboladda iyo deegaanada kala duwan oo meelaha qaar ay ka jiraan duruufo nololeed oo adag. Waxaan jeclahay inaan sheego in dibudhiska dalkeenna ka socdo maanta ay tahay wax ay dadka Soomaaliyeed qabsanayaan, in yar oo taageero ah ayaa inaga soo gaarta dunida kale. Waxaannu ka soo gudubnay marxaladii aan dadka u sheegi jirnay in baahi badan loo qabo jiritaanka dawladnimada, waxaan ku jirnaa marxaladii dhismaha kalsoonida dadkeenna ku qabaan nidaamka dawladeed. Maanta waxa dadka Soomaaliyeed oo aad adinka madaxda u tihiin ka hadlayaan waa siday u wanaagsanaan lahayd dawladnimadeenna, ma arag cid aaminsan in aan iska duminno waxa aan haysanno. Waxaa maanta loo tartamayaa shaqada dawladda oo marar hore laga carari jiray, waxaannu leenahay ciidan qaran iyo hay’ado dawladeed. Shalay oo ugu dambaysay waxaan waraaqahii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Kanada oo ah safiirkii 48 ee aan aqoonsanno 20kii bilood ee la soo dhaafay.

Muuqaalka Labaad;

Wali dalkeennu waxuu ku jiraa kaalinta ugu hooseeysa ee dalalka adduunka dhinaca amniga, dhaqaalaha, kobaca bani’aadanka iyo degenaanshaha siyaasadeed. Waxaa wali na haysata diifta dagaalladii sokeeye, falalka argagxisada oo muuqaal xun ka bixinaya dalkeenna iyo dadkeenaba. Waxaa nalagu magacaabaa qaxooti, argagixiso, burcadbadeed, tahriibayaal, ma shaqaystayaal cayr ah iyo waxyaabo la mid ah. Waxaannu culays ku noqonay beesha caalamka oo ay ka mid yihiin dalalka dariskeenna ah, waxanna tusaale u noqonay Ummad aan hanan karin nafteeda iskaba daa inaan ka faaidaysanno khayraadka Ilaahay nagu mannaystay.Waxaa wali qaarkeen ku weyn xusuusta wixii la soo dhaafay, oo mar mar u ekaanaya inay xiiso u qabaan maalmo murugo lahaa oo aan ka soo gudubnay. Shaki wayn baan kala qabnaa, bulshadana ka qabtaa in wixii hore wax la mid ah dhacaan, taasina waxay keenaysaa in caalamkuna naga shakiyo, hadaan innaga is aamini waynana cid kale nama aaminayso.
Waxaan isweydiiyaa labadaas muuqaal keebaa mudan inaynu xoojinno, mid waa inaynu dib eegno misna gadaal u noqonno, midka kalena waa inaynu hore u soconno, adkaysanno isla markaana illowno iskana cafino wixii xanuunka lahaa ee ina soo maray.

Dadkeenna maanta waxaa talada ku wada jira seddex jiil oo hadda hortayda ka muuqda, oo waalid isu noqon kara. Kuwii hana qaaday maalinkaan xorriyadda qaadannay, oo ay ku wayn tahay qiirada wadaninimada, midnimda dalka, nacaybka faragelinta shisheeye iwm, sidoo kale jiil soo maray dagaaladii sokeeye, tabasho badan ka qaba habka iyo nidaamka dawldnimo, shaki ka qabo wax kasta, aaminsan in la khiyaanayo iyo jiil dhallinyaro ah oo ah kan ugu badan dadkeenna tiro ahaan. Kuwaasi waa kuwa xaqa u leh inay inaga dhaxlaan dawlad ku dhisan sharci iyo kala dambayn, dal la tartami kara deriska iyo caalamka, kuna naalloon kara nolol karaamo leh, kuwaa ayaana ah inaan u danqanno, tallaabo kasta oo siyaasadeed oo aan qadayno maanta waa inaynu isweydiinnaa saameeynta ay kuwaas ku yeelan doonto.

Waxaan doonayaa inaan caddeeyo arrimaha soo socdo:

1-Dawladnimadeenna maanta kuma dhisno xisbi aqlabiyad haysta oo talada ku adkaaday, jabhad xoog dalka ku qabsatay, sidoo kale ma nihin madax ajnabi keensaday. Dibudhiska dawladnimadeenna wuxuu ku yimid fool culus oo waliba inagu dheeraatay burburkii ka dib. Waxaan dhamaanteen ku nimid is afgarad ku salysan qaab beeleed annagoo og in xataa beelaheennu aanay lahayn qaab nidaamsan oo aan isku matalno. Waxaan haysanno waa wixii garaadkeenna iyo awooddeenu ina gaarsiisay. Waxaan jeclahay inaan caddeeyo in dastuurka KMG ah ee aan ku dhaqanno uu aniga iga horeeyay oo aanan wax talo ah maalinna ku yeelan siduu u samaysan yahay, sidoo kale waxaan ahaa xildhibaan aad isku mar soo gasheen golahaan barlamaanka. Anigana waxaan ku imid doorasho aad aqlabiyadda codkiina igu siiseen idinkoo xor ah, fursadna u haysta inaad doorataan qofkii aad doontaan. Waxaa taas ka dambeeyay waa inaan soo xulay Raiisal wasaare aad idinku cod aqlabiyad ah ku ansaxiseen, sidoo kale xukuumadiisana aqlabiyad ku ansaxiseen. Waadna wada ogtihiin inaanay ahayn dad aniga xigtonimo iyo saaxiibtinimo gaar ah aan ku keenay, waxaad ogtihiin sida talo wadaaga ah ee aad uga qeyb gasheen dhismaha xukuumadda, xulidda wasiirada iyo ansaxinta barnaamijkeeda, iyadoo boqolkiiba lixdan (60%) golaha wasiiraddu ay yihiin xubno ka tirsan Baarlamaankan. Waxaan rabaa inaan diyaar u ahaanno inaan masuuliyadda wada yeelanno oo aanan la isku tuur-tuurin.

2-Maalmo dhawayd saaxiibbo badan oo golahan ka tirsan ayaa ii soo jeediyay eedayn ku qotanta 14 qodob oo ku dhamaanaysay in la fashilmay, madaxweynahuna masuul ka yahay. Waxaan waqti badan ku bixinnay inaan is-faham, wada hadal iyo isu garawsho wax ku xallino. Way ku mahadsan yihiin saaxiibadii soo jeedintaa iska lahaa, anna waxaan ku faraxsanahay inaan maanta inagoon dagaalamayn walina is jecel aan si xor ah wax isugu sheegi karno. Waxaan garwaaqsaday in soo jeedintaas ay ku salaysan tahay cabsi laga qabo inuu hirgeli waayo isbeddel dhab ah oo suurta gelin kara in la gaaro xasilooni, dawlad wanaag iyo doorashooyin sannadka 2016. Anigana anoo garwaaqsanayo cabsiyahaas jiri kara waxaan gartay inaan masulliyadda cid kale dusha ka saarin oo aniga aan qaato.

3-Waxaan doonayaa inaan idiin caddeeyo in aan ku kalsoonahay xukuumadda uu masuul ka yahay Raiisalwasaaraha oo aan aniga kalsooni ku soo xulay idinkana aad taageerteen. Waxaan si cad marar badan u sheegay in isaga iyo golahiisa wasiiradda masuul ka yihiin fulinta howlaha xukuumadda. Xukuumadda oo uu hoggaaminayo Raiisalwasaaraha waxaan hortiinna mar kale ugu sheegayaa inay haystaan kalsoonidayda, xorna u yihiin fulinta barnaamijkooda, barlamaankuna xaq ugu leeyahay inuu la xisaabtamo, anigana sidoo kale inaan soo kordhin doono qaab lagula xisaabtamo waxqabadka xukuumadda.

4-Golaha shacabka oo ah cidda maanta matalaysa shacabka soomaaliyeed oo dhan, wuxuu leeyahay muhimado ku qoran dastuurka iyo kuwa kale oo ay ina tusayso waajibka naga saaran dawlad dhiska xilligan xasaasiga ah. Ansaxinta hindise sharciyeedyada, wacyigelinta bulshada, kaabidda hay’adaha xukuumadda iyo qurxinta muuqaalka dawladnimada. Waxaan ka xumahay inay sii kordhayso dareenka ay shacabku ka qabaan barlamaanka iyo muuqaalada soo if baxayay mudooyinkan dambe oo ah in barlamaanku noqday: gole aan shaqo qaban, kulamadiisa daahaan, saacado yar shaqeeya, wax soo saarkiisa yar yahay, marka uu howl u dhaqaaqayo amaba guntankiisa buuxana uu yahay markuu u taagan yahay dhaliisha iyo caqabadaynta howlaha xukuumadda. Waxaa nasiib darro ah in xildhibaannada qaar ay meeshii ay colaadaha, qabyaaladda, danaysiga iyo sumcad xumada bulshadeenna ku habsatay ay ka bogsiin lahaayen, inay iyaga ku sifoobaan waxyaabahaas. Waxaan rajaynayaa inaan iska laabno boggaas foosha xun, waqtiga yar ee aan haysannana uu ku baxo inaan dhamaystirno howlaha qabyada inoo ah iyo inaan soo celinno sumcadeenna iyo karaamada dadka aan matalno. Baarlamaanka waa hay’addii dalka u sarraysay, lehna awoodo dastuuri ah, shacabkuna kama garaysanayo inay iyagoo dadka iyo dalka masuul ka ah isagu diraan dhambaallo dhiillo ah qalabka warbaahinta, una dacwoodaan hay’ado ajnabi ah. Waa inaad aamintaan inaad dalka idinka leedihiin masuulna ka tihiin.

5-Haddaan u soo laabto dawr-kayga, waxaan doonayaa inaan idiin caddeeyo inuu yahay inaan dalkan ku hoggaamiyo wixii aan u dhaartay ee ahaa danta dadka, dalka iyo diinta, taasi oo ay ka mid tahay ilaalinta qarannimadiisa madaxbanaanidiisa, midnimadiisa iyo wadajirka dadkiisa. Waxaan ballan qaadayaa inaan si hagar la’aan ah uga shaqeeyo inuu dalkan mudada inoo hartay ku gaaro dastuur ilaalinaya wadajirkiisa, midnimadiisa iyo madaxbaanidiisa, inaan u taagnaado ilaalinta hantida qaranka iyo soo celinta karaamada muwaadinka iyo in 2016 ay ka dhacaan doorashooyin. Si ay u suurto gasho isla xisaabtan dhab ah oo aan aniguba diyaar u ahay, waxaan jeclahay in qaarkiin aysan iska dhaadhacsiinin in madaxweynihii aad doorateen uusan lahaanin wax awood ah, oo mar dastuurkeenna qabyada ah lagu gacmo xiro, marna dhaqankeenna siyaasadeed ee qabiilka iyo danaysiga shaqsiyeed ku dhisan lagu lugo xiro , marna doodaha xubnaha iyo dacaayadahooda loogu gooddiyo, marka aan ka nasiib darannahayna waa marka aynu ajnabi u kala dacwoonno si gacmaha iyo lugahaba la inooga xiro.

6-Waxaa muhiim ah inaynu isla garanno xaaladda aan ku sugannahay, ma jirto xog isku keen seeggan, awoodda dawlada ay leedahay, dhaqaalaha soo gala, xiriirkeeda caalamiga iyo kartideedaba.Sidaa darteed ma filayo inay jirto cid inaga mid ah oo aaminsan in dibudhiska dawladnimada ay fududahay inagoo soo marnay bur burkaa xoogga leh oo dhinac kasta ah, waxaan doonayna oo dhanna kuma hirgali karaan awoodda yar ee aan leenahay iyo muddada gaaban ee aan isla joogno. Waxaa la innaga doonayaa inaan xoogga saarno, mudnaantana siinno sida ay howlaha ugu kala muhimsan yihiin gaarista Hiigsiga 2016, xaaladdan ku wajahno midnimo, is qaddarin iyo masuuliyad wadareed.

7-Waxaan naftayda iyo tiinaba ku dardaarminayaa in aan u wada is taagno in aan gaarno meesha umadda Soomaaliyeed ay inaga filayso in aan waddanka gaarsiinno, sidoo kale, in aan dawlad wanaag tusaale wanaagsan ah aan muujinno oo xusuus ku reebta shacabka Soomaaliyeed. Maanta waxaan haysannaa fursadii aan Soomaaliya ugu samayn lahayn taariikh wanaagsan oo beddesha maalmaheennii madoobaa. Sidoo kale qof kasta oo inaga mid ah taariikhdaas ayuu wax ka samaynayaa, waa inuu qof kasta maanta doortaa sida uu jecel yahay inay taariikhda u xusto.

Gabagabadii waxaa xusid mudan in wada shaqaynta iyo midnimada hay’adaha dawladdu ay muhiim u tahay in la laba-laabo waxqabadka shacabku inaga dhoowrayaan.

Aad iyo aad ayaad u Mahadsantihiin

Xasan Sh. oo shaaciyey qorshe socda oo lagu mideenaayo SOOMAALIWEYN

Muqdisho (Caasimda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud oo maanta khudbad dheer ka jeediyay xildhibaannada baarlamaanka oo fadhi ku lahaa xarunta baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha wax yaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa xildhibaannada mooshinka ka keenay, wadahadallo u socda dowladda iyo maamulka Somaliland kuwaasoo la doonayo in dib loogu soo celiyo midnimadii Soomaaliya iyo qorshaha hiigsiga 2016 ee la rabo in doorasho ay ka dhacdo dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xilligan aan loo baahneen mooshino laga keeno mas’uuliyiinta dowladda oo uu isaga ka mid yahaym wuxuuna xildhibaannada ka codsaday in ay ka shaqeeyaan siddii dalka uu u gaari lahaa horrumar.

Madaxweynaha ayaa xusay in jiraan labo mowqif oo iska soo horjeedo kuwaasoo ay ka mid yihiin himilooyinka horrumarka ee ka jirra Soomaaliya kaasoo loo baahan yahay in la horrumariyo.

Muuqaalka kale ayaa ah in Soomaaliya lagu magacaabo Argagixiso, Burcadbadeednimo, ma shaqeestayaal iyo arrimo kale ayuu yiri.

Madaxweynaha wuxuu kaloo sheegay haddii la rabo in wax la dhaliilo in qof kaliye aan eeda loo saarin ee dhammaan hey’adda dowladda la qiimeeyo cidda eeda lehna loo saariyo eedooda.

Madaxweynaha wuxuu dhaliilay xildhibaanno dhawaan beesha caalamka ku dacweeyay madaxweynaha kuwaasoo yiri madaxweynaha wuxuu la saftay mid ka mid ah maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamaya gobalka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha wuxuu yiri beesha caalamka waxbo uma qabaneyso dalka marka laga reebo in ay curyaamiso.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday 14-kii qoddob ee ka soo baxay baarlamaanka Soomaaliya loo soo jeediyay ee ahaa in uu ku fashilmay

Xasan Sheekh ayaa ka hadlay wadahadallada u socda dowladiisa iyo maamulka Somaliland wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadalladaas looga gun lee yahay siddii dib loogu soo celin lahaa midnimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay rajada uu ka lee yahay in doorasho ay ka dhacdo dalka sannadka marka uu yahay 2016-ka wuxuuna muujiyay niyad jab marka loo eego sidda ay hadda wax u socdaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waqtiga u harsan dowladda uu aad yer yahay isla markaana baarlamaanka looga baahan yahay in ay canuuftooda dib u ceshtaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

MARYAN MURSAL oo JIg-jiga ku sugan ayada oo wadda qorshe cusub oo ah..

Jigjiga (Caasimada Online) Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya waxaa ku sugan fannaanada weyn ee Maryan Mursan Ciise Bootaan oo ka mid ahayd hobaladii Waaberi ee hooyada Fanka.

Fannaanada oo caasumaad ka heshay dowlad deeganka Itoobiya ayaa la dajiyay gurri ku yaalla aqalka madaxtooyada.

Waxay sheegtay in heesaha ay lee dahay qaar badan ay u badali doonto dhaanto oo aad looga jecel yahay dowlad deeganka Soomaalida ee Itoobiya.

Mar ay ka hadleysay Maryan Ciise booqashadeeda iyo wax yaabaha ay ku aragtay Jigjiga waxay sheegtay in muddo laga joogo 40 sanno ay ugu dambeesay Jigjiga xilligaas oo ay socdeen dagaalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ayadoona intaas ku dartay in waligeedna aysan ku fikirin in ay aragto horrumarka ay gaartay Jigjiga iyo dhammaan dhulka dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya.

Waxay sheegtay inta ay joogto magaalada in ay qaban doonto bandhig faneedyo ay ka mid yihiin dhaanto iyo heeso kale oo muujinaya horumarka nabadda Jijiga.

Ugu dambeyn waxay tilmaamtay in dadweyne fara badan ay ku soo dhaweeyeen magaalada Jigjiga tan iyo markii ay timid.

Fannaanada oo la weydiiyay sidda ay u aragto fannaaniinta hadda soo baxay iyo heerka uu fanka marayo, waxay sheegtay in ay soo dhaweeneyso fannaaniinta da’ yerta oo qaar badan ay aad uga hesho heesaha ay qaadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: DF oo ogolaatay in kooxda Axmed Madoobe ay isku ballaariso GEDO

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay taliye cusub oo xiriir la leh maamulka KMG ah ee Axmed Godane u magacowday gobalka Gedo.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobalka Gobalka Gedo, Faadumo Sheekh ayaa warbaahinta u sheegtay in abaandulaha ciidamada xooggan uu taliye cusub u magacaabay gobalka Gedo isagoona badalay taliyihiin hore Korneel Black.

Waxay sheegtay in Korneel Black uu mudnaa in la dalacsiiyo oo darajo la siiyo balse mudnaantiisa ay noqotay in xilka laga qaado.

Waxay sheegtay oo kale in dhammaan dadka gobalka Gedo ay ka soo horjeedaan xilka laga qaaday taliyaha ciidamada gobalka Gedo iyadoona intaas ku dartay in ninka loo magacaabay xilkaas uu xiriir la lee yahay maamulka KMG ah ee Jubba.

Waxay sheegtay oo kale in dowladda ay rabto in maamulka Axmed Madoobe ku soo ballaariso gobalka Gedo oo dhan sidda ay hadalka u dhigtay.

Ugu dambeyn waxay sheegtay in maanta oo Isniin ah qeybo kamid gobalka Gedo ay ka dhici doonaan dibadbaxyo looga soo horjeedo xil ka qaadista uu abaandulaha ciidamada xoogga Cabdirisaaq Khilaaf ku sameeyay taliyihii ciidamada gobalka Gedo Korneel Black.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin eedeenta loo soo jeediyay ee ah in taliye gacan saar la leh Axmed Godane in ay u magacowday gobalka Gedo.

Dhawaan magaalada Buulo-xaawo waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya maleeshiyaad kala taabacsan Ahlu Sunna iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ciidamada Barre Hiiraale dagaal ku ah Kismaayo iyo xog sheegeysa in hub…

Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay garabka Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa ka hadlay qorshe ay ka doonayaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka KMG ee Jubba iyo AMISOM.

Cabdirashiid Macalin Gaas, oo ah afhayeen u hadlay garabka Barre Hiiraale ayaa sheegay in ciidamadooda ay wadaan qorshe ay dagaal kula wareegayaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

“Wadan shishiiye maahan Kismaayo, haddii bariga ay soo maraan iyo haddii Badda ay soo maraanba waxaan ku soconaa Kismaayo, waxayna ka kooban yihiin ciidamadaasi dhamaan beelaha daga gobolka”. Ayuu yiri Mr Gaas.

Dhanka kale afhayeenka u hadlay ciidamada Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay xogta ku aadan halka ay ka helaan hubka ay kula dagaalamayaan ciidamada maamulka KMG ah ee ka dhisan magaalada Kismaayo iyo gobolada Jubbooyinka.

“Waxaan kuu sheegayaa in saacadaha soo socda aan ku wajahanahay Kismaayo, waxaa jirta dowlad hubka aan ka helno oo la yiraahdo Cirtoogte, dowladaasi waa dowlad Soomaaliya ka jirto waana Cirtoogte, qabiil walbana wey soo hubeynaysaa” sidaasi ayuu yiri afhayeenka u hadlay Barre Hiiraale.

Afhayeenka ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, iminka ay doonayaan inay gaaraan magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay inay u dulqaadan waayeen dhibka loo geysanayo shacabka ku dhaqan Jubbooyinka.

Si kastaba, dhowr jeer ayay sidaan oo kale dagaal ugu hanjabeen kooxda Barre Hiiraale, mana dhicin wax dagaallo ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Xildhibaanno wada qorshe halis ah oo jahwareer siyaasad horseedi doona

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/Rashiid Maxamed Xidig ayaa ka digey in la yareeyo tirada Cod u qaadista Sharciyada dalka ee la horkeeno Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo qatar weyn horseedi doonta, haddii lagu guuleysto.

“Waxaan ogahay in markii aan joognay Baydhobo ay 70 Xildhibaan Xilka ka qaadeen Madaxweyne Qaran, sidaasi darteed Tirada Kooramka yaanan waxba laga bedelin, haddii wax laga bedelo waxaa dalka kusoo wajahan Khatar Cusub,” ayuu yiri Xidig.

Waxuu sheagay in Ololahaasi ay wadaan qaar ka mid ah Xildhibanada Baarlamaanka oo doonaya in jahwareer Siyaasadeed la galiyo dalka howlaha Baarlamaanka Soomaaliya.

“Haddii tirada laga dhigo 70 kaliya, markaa koox walba waxbay iska keeni doontaa baarlamanka, sida mooshinno aan dhammaan” ayuu ka digay Xiddig.

Hadalka Xildhiban C/Rashiid Maxamed Xidig ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo maalmihii ugu dambeeyey la waaynayey Cod u qaadista Hindise sharciyeedyo muhiim u ah Howlaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii Xildhibaano iyagoo ku sugan Hoteelo Muqdisho ku yaalla oo haddana aan imaan Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya in maqnaanshaha badan ee Xildhibaanada lagu xaliyo Ganaax iyo sharciyo kale oo adag balse aan la yareyn Kooramka Codka loogu qaadayo marka Hindise la keeno Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland oo sun ku shubtay deegaano ka tirsan Galmudug iyo xaalad halis…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Maamulka Galmudug Axmed Shariif Cali, ayaa sheegay in Deegaanada Maamulka Galmudug lagu soo Daadiyey Sunta Kiimikadaa ee Waxyeelada Geeysata.

Axmed Shariif ayaa sheegay in inta u dhaxeysa Magaalada Gaalkacyo iyo Deegaanka Docol ee Barriga Gobolka Mudug lagu Soo daadiyey Suntaasi Kiimikadaa.

Wasiirka Caafimaadka ayaa intaa ku daray hadlkiisa in ilaa Saddex Gaari oo ah Nuuca Soomaalidu ay u taqaan Candho Meydka ay Sunta Keeneen islamarkaana Gaadiidkaasi laga leeyahay Deegaanada Mamaulka Puntland.

“Dadka ku nool Degaanka Docol ayaa nagu wargaliyey Sunta Goobta la keenay, Dadka waan oga dignay in halkaasi ay tagaan,waayo waxaa ka dhalan karta Qatar weyn”ayuu yiri Wasiirku.

Axmed Shariif ayaa Arrintaasi ku Eedeeyey Maamulka Puntland oo uu sheegay in uu doonayo in uu baabi’iyo Shacabka Maamulka Galmudug.

Waa markii ugu horeysay ee la sheego in Sunta Kiimikadaa lagu soo daadiyo Deegaanada uu ka taliyo Maamulka Galmudug ee Xeebta ka Baxsan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Dhalinyaro lagala baxay guryo ku yaal Muqdisho iyo xaalad cusub oo ka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka ku jarmaaday xaafadaha degmooyinka Xamar-jajab iyo Waaberi ee gobolka Banaadir, iyagoo halkaasi ka sameynayo howlgalo amaan xaqiijin ah.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen wadooyinka laamiga ah ee degmooyinkaasi, laakiin ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa baaritaanada ka sameynaya xaafadaha degmooyinkaasi.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa gudaha u galayay guryaha ku yaala xaafadaha degmadaasi, waxaana ay kasoo kaxeynayeen dhalinyarada dhex jiifta iyadoo aan loo eegeynin waxay yihiin.

Ciidamada AMISOM ayaa intii howlgalka uu socday waxay xereen waddada Afisyooni iyo Via Liberia ilaa wadada aada dekeda magaalada Muqdisho, waxayna dhalinyarada kala dagayeen gaadiidka, halka ciidamada XDS ay dhalinyarada kasoo baxsanayeen xaafadaha xitaa iyagoo hurdaya.

Dhalinyaro badan oo lagu qabtay howlgalkaasi ayaa la isugu geeyay gobo barxado ah oo waaweyn oo ku yaala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa xalay lagu dilay garsoore ka tirsanaa maxkamada degmada Warta-Nabbada ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

FAALLO: AADANAHA & TAARIIKHDA  

Erayga “history” taariikh marka aad ka eegto qaamuuska waxaa uu kuu sheegayaa iney tahay “dhacdooyin la keydiyey, loona diyaariyey ama la isugu xijiyey sidey u kala danbeeyeen xagga waqtiga, maalmaha, bilaha, sannadaha iyo qarniyada ay soo sameysmeen. Asal ahaa eraygan (history) wuxuu ka soo jeedaa Greek waxeyna u yaqaaneen ama macnihiisu ahaa “su’aal ama weydiin” waxaa kaloo lagu qeexaa xagga cilmiga, barashada dhacdooyinkii la soo dhaafay, gaar ahaan kuwa la xiriira aadanaha. Ogow sheeko xariirooyinka la xiriira dhaqanka ka mid maaha taariikhaha wax lagu qotomiyo.

Haddaba aadanuhu waa noolaha kaliya ee taariikhda sameeya ama reeba. Inta badan taariikhuhu waxey ka dhex dhashaan bulshooyinka hadba markaa jira, waxeyna aad ugu dhex tarmaan bulshooyinka fur furan oo iyagu aqbali og isbedelada ka dhex dhesha, laakiin taariikhaha inta badan waxa sameeya ama reeba hogaamiye yaasha xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo baarayaasha cilmiga dhabta ah ee soo saara ama xal u hela ciladaha jira ee dhibaatada ku haya aadanaha.

Tusaalooyin badan ayaan jeclahay inaan qormadan idinku tuso, inkastoo siyaasiyiintu ay yihiin dadka ugu badan ee taariikhaha reebay lehna saameynta ugu badan, hadana waxaa dowr muhim ah ka tagey raggii alifay cilmiga xaqiiqiga ah oo inaan magacyadooda xusnana ay muhiim tahay sida, Isaac Newton oo ahaa saynisyahankii xagga fisigiska iyo xisaabaadka, laguna xusuusto daah ka rogiddii cufasjiidadka “gravity”. Plato isna wuxuu ahaa philosopher isla markaana aad uga aflaxay macalinkiisii philosopher Socrates, iyo Aristotle oo ahaa ardaygii Plato, dhamaan raggan aan soo sheegnay waxey taariikh dhaxal gal ah uga tageen cilmiga falsafada ee jaamacadaha lagu darso maanta. Adigoo aan ilaaweyn raggii socdaalada wax ku keenay sida Christopher Columbus, iyo Vasco Dagama.

Intaa kadib akhristow ii ogolow inaan ku noqdo siyaasiyiinta oo ah dadka ugu saameynta badan ee taariikhaha ka taga ama sameeya, sida aad ogtahayba bulshooyinka caalamka waxey aad uga sheekeeyaan raggii xagga siyaasad raadka uga tagay, tusaale African- ku waxey aad uga sheekeeyaan raggii xornimada ka shaqeeyey iyo kuwii talada u qabtay xornimadii kadib, halkaa soo ay (stuck) ku noqdeen amaba ay soo dhaafi waayeen, is badelada siyaasadeed oo ku yar aawadeed. Laakiin dadyowga kale ee caalamku sidaa maaha, oo waxey heystaan wax badan oo ay ka sheekeeyaan amaba dib ugu noqdaan marka laga reebo qeybo Asia ka mida oo lagu daray Latin America, kuwaa soo ay la hartay nidaadmyo keli talis ah oo aan u ogoleyn cid kale oo timaada.

Isbadelada hogaamiye yaasha siyaasadda ee wadamada Europe iyo North America kadib doorashayoonka ayaa waxey keentay in wadamadaasi ay soo maraan madaxweynayaal iyo ra’iisal wasaarayaal tiro badan oo mid walba ka tagay taariikho wax ku ool ah, hadaba dhacdooyinka ka dhasha  isbedelada ayaa waxa ay sababtay haddii dhacdo cusubi timaado in taariikhahooda dib loogu noqdo bal iney horey u dhacdaay taa soo kale.

Tusaale 20-kii January ee sannad kii 2009-kii ayaa markii xilka loo dhaarinayey madaxweynaha hadda xilka haya ee Mareykanka Mr Barack Obama ayaa waxa uu qalday dhaartii uu ka daba oranayey ninkii u dhaarinayey xilka, taasina waxey keentay in dhaartii madaxweynaha dib loogu celiyo maalintii xigtay ee 21-kii Jan 2009-kii, waxaa la is weydiiyey iney horey u dhacday in madaxweye Mareykani oo la soo doortay inuu qaldo dhaartii hadana dib loogu celiyo, keydka taariikhda madaxweynayaashii soo maray wadanka waxaa laga helay ilaa 7 madaxweyne  oo wadanka soo maamulay dhaartiina dib loogu ceshay, laga soo bilaabo madaxweynihii 21aad James A Garfield oo dib loogu ceshay dhaartii taariikhdu markay aheyd 20-kii Sept 1881-kii, waxaa sidoo kale dhaartii lagu ceshay madaxweyne Woodrow Wilson sannadkii 1917-kii. Dwight Eisenhower sannadkii 1957-kii. Ronald Reagan sannadkii 1985-kii iyo kuwo kale oo aanan soo wada qori karin. Sidoo kale Eric Cantor oo ahaa hogaamiyaha inta badan “majority leader” ee congress-ka Mareykanka kana socda xisbiga republican-ka ayaa doorasho hoosaadka xisbigooda qof kii kursiga degmadaasi ku soo geli lahaa congress-ka mar uu u ordayey inuu adkeysto kursigaas oo markaaba uu ku fadhiyey si ugu noqdo markii 8aad ayaa u shaqeyn weyday oo waxaa doorasho hoosaadka uga adkaaday nin aan siyaasadda horey ugu jirin David Brat oo ahaa macalin jaamacadeed oo dhaqaale yahan ah. Hadaba Eric Cantor guul darada ku timi 3 maalmood mudo laga joogo hadda,  isagoo weliba ahaa ragga ugu sar sareeya saraakiisha xisbiga republican-ka ayaa waxey keentay in taariikhda dib loogu noqdo bal inay horey u dhacday qof ilaa heerkaa ah oo lagu jabiyey doorasho hoosaadka labada xisbi midkood, waxaa la soo xusuustay keydkana laga soo helay Mr. Thomas S. Foley oo ahaa gudoomiyihii aqalka Congress-ka in looga adkaaday doorashadii guud sannad kii  1994-kii.

Hal doornimada siyaasadda waxey keentaa in lala socdo hadba talaabada aad qaadeyso lana geliyo bogga taariikhaha, Mr. Tony Blair ayaa la sheegaa inuu ahaa ninkii soo nooleeyey Xisbiga Labor-ka oo uu ka tirsanaa kadib dedaal badan oo uu geshay iyo aftahannimo dheeraada oo uu la yimi, taa soo keentay in uu ku guuleysto in uu ra’iisal wasaare u noqdo dalka Britain sannadkii 1997-dii, hadaba marka laga hadlayo sida loo soo nooleeyo xisbi siyaasadeed oo sii dhimanaya  waxaa tusaale loo soo qaataa Tony Blair oo taarikhda laga eegaa sida uu wax yiri. Sheekooyinkan iyo malaayiin kale oo badan ayaa ka dhaca wadamada dadkoodu jecel yihii in isbedel la helo mar walba, dadkaasina waxey heystaan wax yaabo badan oo ay ka sheekeeyaan oo taariikhahooda soo maray xagga siyaasadda, dhaqaalaha, tacliinta IWM. Laakiin akhristow waxaad ogtaa inaanu taariikh sameyn qof dictator ah oo 40 sano kursi isaga fadhiyey, ma oran karno Mr Mugabe-ga Zimbabwe ayaa taariikh sameeyey ama Qadaafigii reer Liibiya, Max’ed Siyaad-kii Soomaaliya, Xusni Mubaarak-gii Masar iyo dictators-ka kale ee iyagu aan ogoleyn wadamadoodu inay noqdaan kuwo fur furan isbadelna diyaar u ah.

W/Q: SAID ABDI HIRSI

Los Angeles, California.

Email [email protected]

Muungaab oo shaaciyey dhismaha jid laami oo isku xiraya Keydsaney illaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ay wehliyaan Injineero iyo Wafdi ka socda dowladda Turkiga ayaa maanta kormer ku tagay Degmooyinka Kaaran iyo Yaaqshiid, halkaasi oo uu maamulka Gobolka ka hirgelin doono mashaariic kala duwan.

Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in markii uu kormeerka ku tegay meel ku dhaw Isbitaalka Keysaney uu Maamulka Gobolka halkaasi ka hirgelin doono Waddo laami ah oo ka soo bilaabaneysa aga gaarka Keydsaney ilaa iyo Tarabuunka.

“Wadamada Laamiga ah waxa ay ka soo bilaabaneysaa meesha loo yaqaan sarta Habar gaalo waxaana lagu geynayaa ilaa iyo isgoyska Sanca, sidaasina ayaa lagu gaarsiinayaa ilaa iyo tarabuunka” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayaa inta uu ku gudo jiray howlaha kormeerka ah waxa uu dib u furay waddo 12 ah oo si sharci darro ah loo deganaa, taasi oo ku taala degmada Yaaqshiid, waxaana uu ka digay in goobaha danta guud si sharci darro ah loo deganaado.

Sawirrada Muungaab iyo socdaalkii Maanta

mun1mun2mun3mun4

 

Xog: Cabdi Weli oo ku dhex jiray Gen. FARTAAG iyo Axmed Madoobe kadib…

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa xal u raadinaya xallinta khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne ku xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba Jeneral Fartaag iyo Hoggaamiyaha Jubba Axmed Madoobe.

Khilaafkani ayaa ah mid waayahaan danbe aad u soo shaac baxayay waxaana labada dhinac ay indhawaalaba ku kala sugnaayeen Gedo iyo Kismaayo.

Waxaa meesh ka sii baxaya rajada uu ka qabo Fartaag in uu dib ugu soo laabto magaalada Kismaayo, kadib markii uu dhawaan gobolka Gedo tagay, waxaana warar hoose sheegayaan in Fartaag iyo Axmed Madoobe aysan isku wanaagsanayn tan iyo markii uu Kismaayo booqday R/Wasaare C/Weli Sheekh Axmed, horaantii sanadkaan.

Fartaag ayaa sidoo kale ka carrooday kadib markii maleeshiyada Raaskambooni ay dilal badan kula kaceen dad beeshiisa u badan oo ku noolaa Kismaayo.

Xubno ku dhaw Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in dhinacyada is khilaafsan inuu u kala dab-qaadayo Ra’iisul Wasaaraha waxaana dhawaan la filayaa in Fartaag uu Muqdisho soo gaaro, si uu ula kulmo Cabdi Weli.

Maamulka Jubba, ayaa weli dhaafi la’ magaalada Kismaayo, xilli xubno uu u kala jabay, ayada oo la isku hayo arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddiga dastuurka BFS oo shaaciyey arrin dad badan niyad jab ku abuurtay

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga dastuurka KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa rajo xumo ka muujiyay hiigsiga 2016-ka oo la rabo in dalka ay ka dhacdo doorasho dadka ay u daroortaan.

Guddoomiyaha guddiga dastuurka Maryam Cariif Qaasim oo la hadashay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegtay in rajo badan aaney ka lahayn guddigooda doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya balse waxay sheegtay in ku dedaali doonaan siddii loo dhammeestiri lahaa qabyo qoraalka datuurka KMG ah ee dalka u yaalla.

Waxay sheegtay in howsha u taalla iyo waqtiga u harsan aysan isku mid ahayn sidaas darteedna ay u baahan yihiin in dad weynaha la baro dastuurka is afti dadweyne loo qaado dabadeedna la dhaqan galiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa in sannadka marka uu yahay 2016-ka ay gaarsiiso dalka doorasho ka dhacdo si dadku ay u soo doortaan madaxweynaha ay rabaan.

Si kastaba, xeel dheerayaasha arrimaha siyaasadda ayaa leh marka loo eego baarlamaanka Soomaaliya sidda uu hadda u shaqeeyo iyo howlaha hor yaalla waa kaaf iyo kala dheeri, mana muuqato doorasho ka dhacdo dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Hawiye: Cabdi Weli dagaal ayuu nagula jiraa, ee wuxuu ka helo aan aragno

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali, ayaa wuxuu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, uu ku eedeeyay inaanu dhex dhexaad ka ahayn colaada ka taagan Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka, ayaa ku waramaaya in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu la saftay mid ka mid ah beelaha ku wada hardamaaya gacan ku haynta Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Magaalada Marka.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali, ayaa wuxuu sidoo kale uu Ra’iisal Wasaaruhu uu ku eedeeyay in uu ka shaqeynaayo, sidii uu dhiig hor leh ugu qaban lahaa Gobolka Shabeellaha Hoose, bedelkii uu xalkeedu raadin lahaa, sida uu yiri.

Axmed Diiriye, ayaa Ra’iisal Wasaare-yaashii kale ee Beesha Mareexaan ee soo maray Xukuumadihii hore, sida Farmaajo iyo Saaci, waxa uu ku ammaanay xubno u khalmay xilalkoodii, halka C/weli uu ku dhaliilay in uu yeelaayo hadba sida uu doono.

“Cabdi Weli waxa uu dagaal kula jiraa beelaha Hawiye, waxa uu ka helo ayuuse lee yahay” ayuu yiri Axmed Diiriye

Nabadoon Diiriye wuxuu hadalkaan ka sheegay wareysi uu siiyay Idaacada SKY NEWS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasaarad ka tirsan DFS oo si qarsoodi ah barnaamij u siisay P/Land & S/Land

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maalmahan uu taagan yahay khilaaf u dhexeeya Guddiga difaaca Baarlamaanka oo ka mid ah Guddiyada Baarlamaanka iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Khilaafkaas ayaa ku saabsan askar tiradoodu 20 gaareyso oo tababar looga diray dalka Talyaaniga, oo aaney Guddiga Baarlamaanka waxba kala socon.

Xildhibaan ka tirsan Guddiga difaaca Baarlamaanka, oo arrintan faahfaahiyey, isla markaana ka cudur-daartay in magaciisa la xuso, waxa uu sheegay in Guddigu u arko in 20-kaasi dhalinyarada ah ee tababarka loogu diray Talyaaniga qol mugdi ah dhexdiis ay ku maamuleen shaqsiyaad dowladda Talyaaniga xiriir la leh, ayna u maamuleen qaab cadaaladda ka fog, haddii aaney iyagu baarlamaan ahaanna ka hor teginna ay dhici karto in lagu sharciyeeyo Soomaali oo dhan in qaabkaas cadaalad darrada ah wax loogu qeybiyo.

“Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya wuxuu daba joogaa ciidamo 2 billood ka hor tababar loogu diray Talyaaniga oo aaney ka warqabin, oo qaab suuqa madow ah loo abaabulay, ayna abaabuleen dad Talyaaniga ku xiran, waxaa tababarkan loo furay 20 qofood oo la barayey habka baaritaanka ciidamada booliska ah iyo sida looga howlgalo Garoomada iyo Dekadaha” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray “Arrinta yaab kale ayaa ah in tababarka loo qeybsaday 5 Puntland, 5 Somaliland iyo 10-ka kale oo la yiri dowladda Soomaaliya ha qeybiso, tillaabadaas Guddiga difaaca gaf ayey u arkeen; Siddeey ku dhici kartaa in beel ka mid ah beelaha Soomaaliya (Puntland) la siiyo 5, Somaliland na la siiyo 5, Soomaali inteeda kalena la yiraa 10 xubnood ha loo qeybiyo. Yaa is tiriyey oo yiri Somalilandiyo Puntland waxey Soomaali ka yihiin 50% (Min 25%). Waxaan baarlamaanka u gudbinay in laga hadlo arrintaasi fadeexada ah”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay dhinac na taageereyso Soomaalida, haddana in dhinaca kalena ay dad gaar ah wadato.

Xildhibaankan wuxuu sheegay in Guddiga difaaca ay ka war heleen arrintani markii ay soo laabteen ciidamadaasi, oo xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyey xarunta booliska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Beesha Habargidir oo la kulantay R/W C/Weli, kana diidayna qorshe uu rabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa sidaan xog hoose ku helayno habeenkii xalay aheyd wuxuu la kulmay qaar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda beesha Habar-gedir ee dagaalka ku qabsatay degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida wararka aan ku helayno ra’iisul wasaaraha dalka ayaa xildhibaanada Habargidir kula kulmay xarunta madaxtooyada, waxaana ujeedada ugu weyna ay aheyd isagoo kala hadlayay xiisadaha dhanka dagaalka ee u dhaxeeya Biimaal iyo Habargidir oo ka taagan Shabeelaha Hoose.

War hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka uu ka dambeeyay kadib markii ay beeshaasi waxgaradkeeda kasoo horjeesteen in maleeshiyadooda laga saaro deegaanka Nambar Konton iyo degmada Marko oo dagaal ay kaga qabsadeen beesha Biimaal.

“Qorshaha ah inaad maleeshiyadeena oo ah dadka ka saarto Marka, marnaba kaama yeeleyno” ayay u sheegeen Cabdi Weli

Wuxuu dalbaday ra’iisul wasaraha in xildhibaanada matalaysa beesha Habargidir ay kala shaqeeyaan xukuumadiisa sidii xal looga keeni lahaa dagaalada ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida wararka kale ee aan helayno ay sheegayaan ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay dhinacyada beesha Biimaal, wuxuuna si lamid ah uuka dalbaday in laga wada shaqeeyo sidii loo dhameyn lahaa xiisada Shabeelaha Hoose.

Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Habargidir, ayaa waxay qaarkood Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ku dhaliileen inaanu dhex dhexaad ka ahayn dagaalka u dhaxeeya beelaha isku haaya Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Mudisho
[email protected]