32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Arag Sawirada: Qarax ka dhacay isbital Keydsaneey iyo Dhaqtar caan ah oo…

Muqdisho(Caasimada Online)- Hal ruux ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, waxaana horay loo dhigay dadka dhaawacmay isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ruuxa dhintay ayaa la sheegayaa inuu ahaa wadihii gaariga kaxeynayay, lamana oga qaabka qaraxa inuu ahaa mid meesha ku diyaarsanaa iyo in gaariga uu ku xirnaa.

Labada Ruux ee dhaawacantay ayaa la  sheegay inay kala ahaayeen arday dhigta Jaamacada Soomaaliya iyo Dhaqtar ka shaqeynayay isla Jaamacada Soomaaliya qeybta ay ku leedahay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

C/qaasim Salaad oo si kulul uga hadlay dagaal beeleedka Shabeellada Hoose

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedyada gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan daglka Soomaaliya.

Cabdi Qaasim, ayaa talooyiin ka bixiyay qaabka lagu xalin karo xiisadaha dagaal iyo kala fogaanshaha ka dhextaagan madaxda ugu sareyso dalka Soomaaliya.

Madaxweyne C/qaasim Salaad ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay in hal door ay isugu geyso hanaanka loo dhameyn karo dhibaatooyinka heysta shacabka Soomaaliyeed.

C/qaasim ayaa sheegay in madaxweynaha dalka, ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya loo baahan yahay inay hal meel isugu geeyaan dadaalkooda ku aadan dib u hishiisiinta dalka Soomaaliya.

“Madaxweynaha, Golaha Wasiirada iyo Ra’iisul Wasaaraha shaqooyinkooda waa inay u badiyaan oo xooga saaraan dib uheshiisiinta shacabka Soomaaliyeed geed in la isugu keeno ayaa la raba dadka oo la wadahadal siiyo Ilaaheey hala baryo dalka dhibaato ayuu ka bixi la’yahay Markasta Alle Bariga waa Muhiim”Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka C/qaasim Salaad Xasan.

Mushkilada ugu weyn ee ka taagan dalka ayuu  Madaxweyne C/qaasim ku sheegay inay tahay qabaa’ilka kala fogeeyay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna kula taliyay madaxda dalka inay arintaasi dhameeyaan oo ay hal meel ku wada mashquulaan.

Ugu dambeyn C/qaasim Salaad Xasan, ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay qaadan karaan doorka ugu muhiimsan ee dib u hishiisiinta beelaha ku dagaalamaya Shabeelaha Hoose iyo  guud ahaan Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maamulka Shabeelle State oo u digay kooxaha sheegta gobalka Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Shabeelle State, Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi) ayaa sheegay in aaney jirin karin maamul gobaleed sheegan kara gobalka Shabeellaha Hoose isagoona intaas ku daray in Shabeelle State kaliye uu ka dhisan yahay labada Shabeelle.

“Ma jiraan wax maamul seddax gobal ama lix gobal la dhaho oo sheegan kara gobalka Shabeellaha Hoose, maamulka Shabeelle State ayaa ka dhisan gobalkan” ayuu yiri Abuukar Mardaadi oo hadda ku sugan xarunta gobalka Shabellaha Hoose.

Mar la weydiiyay wax yaabaha u tageen Marka wuxuu sheegay in Marka ay ka dhigan doonaan xaruntooda isla markaana wixii hadda ka dambeeya ay halkaas ku shaqeen doonaan.

Waxaa kaloo la weydiiyay in Marka ay ku sugan yihiin wafdi ka socda dowladda kuwaasoo ku howlan daminta collaada ka aloosan gobalka, wuxuu sheegay in maamulkooda uu aqoonsan yahay dowladda isla markaana ay diyaar u yihiin in la shaqeeyaan.

Si kastaba,maamulka Shabeelle State ayaa ka mid ah maamulo gobaleedyo seddax ah oo isku heesta gobalka Shabeellaha Hoose kuwaasoo dhammaan aan dowladda aqoonsi aaney siin.

Ma cadda wax yaabaha ay ku soo kordhin doonaan maamulkan gobalka Shabeellaha Hoose oo ay hadda ka taagan xiisad collaadeed oo u dhexeeysa maleeshiyo beeleedyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maleeshiyada beesha Habargidir oo la sheegay in aan laga soo saari doonin Marka & qorshihii DF oo fashil u dhow

Marka (Caasimada Online) – Ugaas Cali Xaashi oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beesha Habargidir, ayaa waxa uu sheegay inaan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, aan laga soo saari doonin maleeshiyada Beesha Habargidir.

Ugaas Cali Xaashi, ayaa sheegaaya in Beesha Habargidir ay ka mid tahay beelaha Somaliyeed ee degga Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Magaalada Marka.

Wuxuu kaloo iftiimiyay in Magaalada Marka aysan xilligaan jirin sabab looga soo saari karo maleeshiyada Beesha Habargidir, ka gadaal markii uu sheegay in ay iska qabteen maleeshiyo kale, oo ay xasilooni kaga jooggi kari waayeen Magaalada Marka, sida uu yiri.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa dadaal ugu jira in maleeshiyada Beesha Habargidir uu ka soo saaro Magaalada Marka, kuna wareejiyo Ciidan isku dhaf ah, oo Sabtidii la geeyay Marka.

Ugaas Cali Xaashi, ayaa Wasiirka Gaashaandhiga ugu baaqay in uu Maxkamad horkeeno Gudoomiyihii Magaalada Marka Maxamed Cismaan Cali (Yariisow), si loogala xisaabtamo buu yiri dadkii uu ku laayay Magaalada Marka. Laakiin aynaan ka hor maleeshiyada Beesha Habargidir Dowladda ku wareejin doonin Magaalada Marka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maleeshiyada Beesha Habargidir lagu khasbay inay dagaalamaan, oo ay ka soo muuqdaan Magaalada Marka iyagoo hubeysan, ka gadaal markii Yariisow uu ku eedeeyay inuu joojin waayay beegsiga dadka ku nasab-sheegta Beesha Habargidir.

Hadalka ka soo yeeray Ugaas Cali Xaashi, ayaa xoojinaaya sida Beesha Habargidir ay kaga biyo diidan tahay in gacan ku haynta Magaalada Marka, ay ku wareejiso Dowladda Federalka ee Somaliya.

Dadaalo uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, uu ku doonaayay in Beesha Biimaal uu dib ugu wareejiyo Maamulka Magaalada Marka, ayaan ilaa iyo hadda suurta gelin.

Hadalkaan, ayuu Ugaas Cali Xaashi ku sheegay wareysi uu siiyay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho.

Isha: Dhacdo

SIYAASI macneeyey arrin sarbeeb ah oo khudbaddii Xasan Sh ku dhex jirtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah Madaxda Axsaabta Siyaasiga ee magaalada Muqdisho ka jirta ayaa macneeyey hadallo sarbeeb ah oo ku jiray khudbaddii uu laba maalin ka hor madaxweynaha Soomaaliya u jeediyey xildhibaanada.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in khudbadda uu ka gartay in weli uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaarihiisa.

“Qof kasta oo siyaasi ah wuu dareemay nuxurka hoose ee laga dha dhasan karay khudbadda, waxaana uu ahaa mid caddeynaya Khilaafka gaamuray ee u dhxeeya labada Mas’uul” ayuu yiri Cabdullaahi oo la hadlay idaacad ku taalla Muqdisho.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa raja beel ka muujiyay in xal loo helo khilaafkaas isagoona hoosta ka xarriiqay in Madaxweynuhu uu yahay caqabad jirta isagoona ku eedeeyay inuusan oggoleyn inuu Ra’iisul wasaaraha u madax banaanado hawshiisa.

Waxa kale oo uu sheegay in ra’iisul wasaaraha asna uu billaabay xulufeysi beeleed, uusan waxba ka faa’iideyn.

Ka sokow Cabdullahi Sheekh Xasan, shalay ayaa xildhibaanno badan waxa ay baarlamanka ka sheegeen in madaxweynaha si dadban u aflagaadeeyey, ayaga oo ku dhaartay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xasan Sheikh oo ku wajahan Jowhar & siyaasiyiin ka horeeya (Maxaa socda?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay manta u ambabixi doonaan magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in ay ka qeybgali doonaan daah-furka Jaamacad laga hirgaliyo magaalada Jowhar iyo mashaariic kale.

Wariye ku sugan Jowhar oo lahadlay Caasimada Online ayaa sheegay in magaalada laga dareemayo soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdiga la socda, wuxuuna intaas ku daray in ammaanka magaalada aad loo adkeeyay.

Magaalad Jowhar waxaa shalay gaaray wafdi hor dhac u ah madaxweynaha safarkiisa, waxaana ka mid ah ra’iisal wasaarihii hore Cali Geedi iyo guddoomiyaal hore ee gobalka Banaadir.

Maamulka gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa horrey dowladda ugu eedeeyay in ay ka gaabiyeen wax u qabashada gobalkaas maadamada ay fatahaad horey gobalka baab’iyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Col. Barre oo libin ka helay Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Barre Hiiraale, ayaa maanta libin ka helay Axmed Madoobe, kadib markii Ciidamado badan iyo Saraakiil hogaaminaysa ay isaga soo baxeen Magaalada Kismaayo, kadibna ay ku biireen Ciidamada uu hogaaminayo Col. Barre Hiiraale oo ku sugan Deegaanka Goobweyn.

Cabdi Rashiid Macalin, oo ah Afhayeenka Barre Hiiree ayaa sheegay in Ciidamada iyo Saraakiishooda oo ahaa boqolaal islamarkaana watey Hubkoodii in ay yimaadeen Goobweyn, kadib markii ay kazoo baxsadeen maleeshiyada Raaskambooni.

“Ciidamada waxa ay u adkeynsan waayeen Xadgudubka ay Maleeshiyo Beeleedka RaasKambooni ku hayaan Shacabka Kismaayo, sidaasi darteedna waxa ay kusoo biireen Ciidamada xaq u dirirka ee ku sugan Goobweyn, waxaana ay qeyb ka noqon doonaan Duulaanka Jubbooyinka lagu xureynayo,” ayuu yiri Macallin Gaas.

Wuxuu sheegay in Ciidamada kasoo goostay Kooxda Axmed Madoobe, kuna biiray dhanka Barre Hiiraale aysan ahayn kuwii ugu horeeyay, balse ay jireen kuwa badan oo Bilooyinkii ugu danbeeyay kasoo baxayay Kismaayo.

Shalay, Kismaayo waxaa ka dhacay Dagaal ay ku dhinteen in ka badan 5 Qof, kuna dhaawacmeen ku dhawaad 15 Ruux oo Shacab iyo Askar isagu jiray.

Xaaladda Kismaayo, ayaa wali ah mid aan deganayn, oo Xiisado Dagaal ka taagan tahay maadaama ay Maleeshiyada Raas Kambooni u kala safteen Labo Garab, qaab qabiil ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Maamulka Shabele State oo saldhigtay Marka iyo qorshe cusub oo ay wataan

Marka (Caasimada Online) – Magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose waxaa maanta oo Talaado gaaray wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Shabeelle State Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi)

Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Muxyidiin Xasan Afrax oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in wafdiga maanta gaaray Marka uu ujeedkooda yahay siddii u damin lahaayeen collaada ka taagan gobalka Shabeellaha Hoose iyo in xaruntooda ay ka dhigtaan magaaladaas.

Wuxuu sheegay in wafdiga uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Shabeelle State in ay xaruntooda ka dhigan doonaan Marka iyagoona kulamo la yeelan dadka deegan labada Shabeelle oo maamulka uu ka dhisan yahay.

Wuxuu sheegay oo kale in ay Imaatinka wafdigan uu qeyb ka yahay siddii dib u heshiisiin loogu sameen lahaa maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamaya Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, maamulka Shabeelle State ayaa ka mid maamulada sheegta gobalka Shabeellaha Hoose balse aaney jirin wax qabad buuran oo la taaban karo.

Dhinaca kale, waxaa gobalka Shabeellaha Hoose ku sugan wafdi kale oo ka socda dowladda Soomaaliya kuwaasoo halkaas u joiga siddii loo joojin lahaa collaado soo noqday oo gobalka ku dhexmaray maleeshiyaad u abaabulaan qaab beeleed.

Wafdiga dowladda waxaa hoggaaminaya wasiirka gaashandhigga ahna sii hayaha wasiirka amniga Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, waxaana ay kulamo la qaateen odayaasha iyo wax garadka ka soo jeeda maleeshiyaadka ku dagaallamaya gobalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Khudbaddii XASAN ee BFS oo dhalisay carro iyo xidlhibaano ku dhaartay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Khudbaddii uu madaxweyne Xasan Sheekh  shalay u jeediyey Xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya, ayaa dhalisay wareer, ayada oo ay si xun u fasirteen xildhibaanada qaarkood.

ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ka hadlay khudbad uu shaley madaxweynaha ka hor jeediyay baarlamaanka hortiisa kulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka.

Kulanka maanta oo ay ka soo qeybgalee in ka badan 140 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay afhayeenka baarlamaanka Pro Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana inta uusan kulanka billaan xildhibaannada uu weydiiyay in ay jiraan xildhibaanno ka hadlaya khudbadii madaxweynaha.

Ilaa afar xildhibaan ayaa isku soo taagay in ay ka hadlaan, waxana ay madaxweynaha ku eedeeyeen in uu si bareer ah u af lagaadeeyay xildhibaannada oo uu yiri ma shaqeestaan.

Waxay ka codsadeen madaxweynaha in uu raaligalin ka bixiyo hadalka uu sheegay iyagoona intaas ku daray in ay xaq u lee yihiin xildhibaannada baarlamaanka in la xisaabtami karaan madaxweynaha.

Waxa ay sheegeen haddii uusan raali-gelinka bixin ay ayagana qaadi doonaan tallaabo uu ku shallaayo.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud ayaa shaley xildhibaannada kula hadlay hadalkii ugu kulalaa isagoona sheegay in xildhibaannada baarlamaanka intooda badan in ay shaqo ka dhigteen in ay dhaleeceeyaan uun madaxda dowladda iyagoo laga rabay in qabtaan shaqooyin muhiim ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Kooxda ISIS oo Bagdad qarka u saaran iyo wararkii ugu dambeeyey ee Ciraq

Baghdad (Caasmada Online) – Ciidamada dowladda Ciraq, ayaa dagaal xooggan kula jira kooxaha muqaawamada Sunniyiinta, oo tan iyo toddobaadkii tagay soo jaray dhul badan, si ay ugu soo siqaan magaalada caasimada ah ee Baghdad.

Ciidanka dowladda ee badankood ah Shiicada, ayaa isku dayaya inay ka hor istaagaan kooxdan inay soo gasho magaalada Baghdad.
Kooxda ISIS, ayaa iminka gacanta ku dhigay qeybo ka mid ah magaalada Bacquba oo kaliya 60 KM  u jirta magaalada Baghdad.

Wararka ayaa sheegaya in 44 maxbuus lagu dilay kadib dagaal ka dhacay saldhigga booliiska ee magaalada.

Ra’iisul wasaaraha gobolka is-maamul hoosaaska ee Kurdiyiinta Nechrvan Barzani, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ciraq aysan hal dal isku sii ahaan doonin, sababta oo ah Sunniyiinta oo aaminsan in laga qadiyey dowladda shiicada ay hogaamiso.

Waxa uu sheegay inay adkaan doonto in Ciraq ay kusoo laabato xaaladdii ay ku sugneyd, ka hor inta aysan kooxda ISIS weerarka soo qaadin.

Dowladda Ciraq, ayaa dhankeedana soo saartay bayaan ay ku eedeysay dowladda Saudi Arabia inay taageereyso kooxaha Sunniyiinta, oo ay maal gelisay.

Si kastaba, kooxda ISIS ayaa la rumeysan yahay in ujeedkeeda uu yahay inay gacanta ku digto magaalada Baghdad.

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa 275 askari geysay magaalada Baghdad, si ay u ilaaliyaan shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Baghdad.

Caasimada Online
Xafiiska Riyaadh
[email protected]

Baaritaan soo shaac bixiyey fadeexad iyo naxdin ka jirta Muqdisho + COD

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan muddo socday oo ay sameysay idaacad ku taalla Muqdisho, ayaa soo shaac bixiyey arrin fool xun oo la yaabna leh islamarkaana ku ah meel ka dhac dhaqanka suuban ee dadka Soomaaliyeed iyo waliba diinta islaamka oo ka jirta magaalada Muqdisho.

Weriyayaal ka mid ah idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa baaritaan ku sameeyey arintaan una soo bandhigay shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho ayaa waxaa billowmay goobo ay ku kulmaan dhalinyarada wiilal iyo gabdho isugu jira kuwaas oo halkaas ku isticmaalaaya waxyaabaha maanka dooriya oo ay ka mid yihiin qamriga xashiishka iyo shiishada. Waxaa sidoo kale dad arrintan ku lugta leh ka mid ah xubno sare oo qaarkood wasiiro ah oo ku jira dowladda Soomaaliya.

Ma ahan kaliya qamri iyo maandooriye waxa meesha  ka jira, ee sidoo kale dumarka ayaa lagu iibiyaa.

Halkan ka dhageyso baaritaankii idaacadda Mustqbalka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Muqdisho iyo sida looga daawado World Cup Xilliga Habeenkii

0

Magaalada Muqdisho waxaa si weyn looga dareemayaa saameynta ciyaaraha adduunka ee ka socda dalka Brazil, iyadoo dhalinyarada ciyaaraha ku  tixan isugu yimaadaan goobaha baararka iyo maqaayadaha.

Xeebta Liido oo ka mid ah goobaha loo diyaariyay in lagu daawado ciyaaraha ayaa waxaa habeenkii isugu yimaada dhalinyarada jecel ciyaaraha, kuwaasi oo kooxaha kala taageeraya.

Muuqaal laga soo duubay damaashaadka dhalinyarada ee xeebta Liido ayaa muujinaya xasiloonida ka jirta magaalada Muqdisho ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA:

 

Maxaad kala socotaa qorshaha uu Cali Maxamed Geedi u joogo JOWHAR?

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas maanta ay gaareen wafdi ballaaran oo ay hoggaaminaayo ra’iisal wasaarihii hore Cali Maxamed Geed, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Waftigan ayaa waxaa ku wehlinaya socdaalkooda oo Muqdisho ka raacay guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe, Cabdi Jiinow.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meelaha qaar ammaanka sugaya ciidamo AMISOM ah sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Wafdiga gaaray Jowhar ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan hirgalinta mashaariic la rabo in laga billaabay gobalka Shabeellaha Dhexe, sida ay wararka sheegayaan.

Cali Geedi ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoona xiriiro dhow la sameestay dowladda Soomaaliya,oo waxaa la arkayay isagoo soo dhaweenaya madaxda dowladda gaar ahaan madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wararkii ugu dambeeyay dagaallo mar kale beelo ku dhex maray Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo waxaa mar kale maanta ka dilaacay dagaallo u dhexeeya maleeshiyo kawada tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Labada Maleeshiyo ayaa kasoo kala jeeda beelaha Ogaadeen iyo Majeerteen ee haysta magaalada Kismaayo.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Caasimadda Online in dagaallada ay ka socdaan xaafadda Calanleey oo ku taalla bartamaha magaalada.

Xog badan lagama hayo dagaallada dib uga qarxay magaalada Kismaayo, waxaana ay hakad ku keeneen isku socodka dadka iyo gaadidka waxaa kaloo xiran goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda ee magaalada.

Dagaalladan ayaa daba socda dagaallo shaley ka dhacay magaalada Kismaayo, kuwaasoo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 30 in k Abadan 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Isgaarsiinta magaalada ayaa go’an waxaana adag in xog badan lagama hayo dagaallada saakay dib uga qarxay gobalka Jubbada Hoose.

Faah-faahin kala soco Caasimadda Online.

Sawir muujiyey sir la xiriirta qudbaddii uu Xasan Sh. shalay ka horjeediyey BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Amiin Caamir, ayaa soo saaray sawir gacmeed cusub, oo muujiyey arrin dad badan aysan ka warhayn oo ah in khudbaddii uu Xasan Sheekh shalay ka hor aqriyey mudanayaasha baarlamanka uu soo diyaariyey Faarax Cabdulqaadr, oo ah hogaamiyaha Damu-Jadiid.

Sida Amiin Caamir oo inta badan xog ogaal ah uu sawirkiisa ku muujiyey, waxa uu muujiyey in Xasan Sheekh uu diiday khudbad kale oo taa ka wanaagsaneyd, oo ay usoo diyaariyeen dad aqoon yahanno ah.

Halkan hoose ka arag sawir gacmeedka.

17_june_2014

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

XASAN SHEEKH oo qirtay arrimihii lagu haystay qaatayna mas’uuliyaddooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu qaatay mas’uuliyadda eeddii ay qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya dhowaan ugu jeediyeen inuu ku fashilmay howlo badan oo laga rabay inay dowladdu qabato.

Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad ka hor jeediyay baarlamaanka ayaa caddeeyay in ay waqti badan ku bixiyeen sidii isfaham, wadahadal iyo isu-garowsho loogu xallin lahaa arrintaas, wuxuuna xusay inay soojeedinta xildhibaannada ku saleysneyd cabsi laga qabay inay hirgeli waayaan xasillooni, dowlad-wanaag iyo doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo sanadka 2016.

“Anigoo garwaaqsanaya cabsidaas jiri karta, waxaan gartay inaan mas’uuliyadda cid kale dusha laga saarin oo aan aniga qaato” ayuu yiri madaxweynaha oo xidlhibaannada ka codsaday inay ilaaliyaan deggenaashaha siyaasadeed ee dalka si ay u sii socdaan howlaha dowladda.

Madaxweynaha wuxuu baarlamaanka hortiisa ka ballan-qaaday inuu si hagar la’aan ah dalka ugu hoggaamin doono si waafaqsan dastuurka iyo ilaalinta qarannimada, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka ummadda.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa dhowaan madaxweynaha u gudbiyay 14 qodob oo eed ah oo ku dhammaanayay in uu fashilmay, iyagoo ujeediyay inuu is casilo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Puntland oo gashay hesiis aysan DFS ogeyn kuna fasaxday kheraadkii dalka

Garoowe (Caasimada Online) – Heshiis dhex maray Maamulka Puntland iyo Dowladda Yeman ayaa dhigaya in Kalluumeysatada Yeman in ay ka jilaabeystaan xeebaha maamulkaasi hoos yimaada, ee dalka Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa waxaa dhinaca Puntland u saxiixay wasiirka kalluumeysiga Puntland, Xasan Maxamuud oo safar ku jooga dalka Yemen, isagoo sheegay inuu heshiiskan yahay mid qayb ka ah iskaashiga Puntland iyo Yemen.

Dowladda Yeman ayaa waxaa heshiiskaan u saxiixay Wasiirka kalluumeysiga waxaana markii saxiixu uu dhacay ay labada wasiir sheegeen in heshiiskan uu qayb ka yahay iskaashiga dhinaca kalluumsiga ee labada  dhinac.

Dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaan wax war ah ka hayn, iyadoo aan la ogeyn in heshiiskaan uu ku koobnaan doono mid kaluumeysatada Yeman ku ekaan doonaan xeebaha Puntland hoos yimaada iyo in kale.

Tallaabada Puntland ayaa ah mid sharci darro ah, ayada oo kheyraadkii dalka u fasaxday dad ajnabi, xilli markii horeba ay kalluumeysatada Soomaalida ka cabanayeen kalluunka oo sii yaraanaya.

Puntland waxa ay iminka u dhaqmeysaa inay tahay dal ka madax banana Soomaaliya, oo wixii uu doono si gooni ah u sameysan kara

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

TALYAANIGA oo qaatay go’aan adag oo laga cabsi qabo in Soomaali badan…

Italy (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha ee Talyaaniga Angelino AlFano ayaa soo saaray digniin ku aadan maraakiibta ka howlgasha xeebaha dalkaasi inay joojinayaan badbaadinta dadka tahriibayaasha ah, haddii midowga Yurub uusan door ka qaadan.

Wasiirka arimaha gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegay inay dowladiisa aysan jecleyn in dadka ay ku dhintaan biyaha badda laakiin aysan sii wadi doonin inay gaaf wareegaan xeebaha dalka Libya, oo ah bad baadiyaan dad, taasina ay go’aan kama dambeys ahka qaateen.

Wax yar kadib markii hadalkaasi uu jeediyay wasiirka arimaha gudaha ee dalka Talyaaniga waxaa magaalada uu ku sugnaa gaaray markab laga leeyahay dalka Kuwait kaasi oo waday 356 ruux oo muhaajiriin lasoo badbaadiyay ah.

Sidoo kale waxaa markabkaasi saarnaa muwaadin u dhashay Syria oo ku dhintay biyaha badda oo ciidamada markabka la socda ay soo badbaadiyeen.

Sidoo kale ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad 39 ruux, waxaana jirta baqdin laga qabo in dadka ku dhintay biyaha ay kordhaan.

Wasiirka arimaha gudaha Talyaaniga Mr Alfano ayaa hadalkaanka jeediyay isagoo ku sugnaa magaalada dekada leh ee Pozzallo ee dalka Talyaaniga halkaasi oo laga dajiyay tahriibayaasha cusub ee laga badbaadiyay biyaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Libya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Rome

[email protected]

Wafti wasiiro ah oo ka socda DF oo ku sugan Puntland iyo ujeedkooda oo…

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka xananada xoolaha iyo dhirta DF Saalim Caliyow Ibrow ayaa shalay lagu soo dhaweeyay magalada Gaalkacyo isaga iyo xildhibaan la socday.

Socdaalka Ibrow ee Puntland ayaa salka ku haya sidii loogu kuur gali lahaa xaalada ay ku sugan yihiin xoolaha iyo daryeelka dhirta si looga nabadgalo in dalku uu nabad guur uu ka dhaco waxa uu sheegay imaanshaha Puntland inay muhiimad u lee dahay.

”Waxaan u nimad Puntland sidii aan ugu kuur gali lahayn xoolaha caafimaad kooda iyo daryeelkooda si hadhowdii aan uga tashano sidii wax looga qaban lahaa,waxan kaloo u soconaa Garowe inaan ka furmo barnaamij lagu hormarinayo xoolaha iyo wax kasta oo la xariira hormarka xoolaha”

Garoowe ayuu masuulkan kusoo wajahan yahay, balse xiriirka Puntland iyo DF ayaa wali go’an mana jirto ilaa iyo hada si toos ah oo loo shaaciyay in laga wada heshiiyay arrimihii la isku hayay ee ku fadhiyay dastuurka dalka.

Wasiirka Qorshaynta Siciid Cabdilaahi Dani ayaa horey u xaqiijiyay in uu wanagsan yahay xiriirka Puntland iyo DF taasoo meesha ka saaraysa arrimihii la isku hayay.

ayn halka ay shaqadda Dastuurka ka bilaabayaan maadama si wayn looga warqabo xaalada labada dhinac meesha ay marayso.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Xasan Sheikh oo caddeeyey arrin lagu eedeeyey xildhibaanada barlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in xildhibaannada qaar ee baarlamaanka ay la kala safteen maleeshiyo beeleedyo dhawaan ku dagaallamay gobalka Shabeellaha Hoose.

Xasan Sheekh Maxammuud ayaa tilmaamay in arrimihii laga soo gudbay ee dagaallada iyo beelaha in ay xildhibaannada qaar dib u soo celinyaan “Waana ayaan darro” ayuu yiri

Madaxweynaha ayaa xildhibaannada baarlamaanka ku eedeeyay in shaqadooda dhan ku koobeen mooshin iyo dhaliilo aan sal lahayn oo loo jeediyo madaxda dowladda.

Wuxuu sheegay oo kale in kulamada baarlamaanka ay soo dhammeestirmaan marka la rabo in wax la dhaliilo ama madaxda dowladda la duro.

Madaxweynaha waxaa kaloo u sheegay in dhaliilo loo soo jeediyay dowladiisa uu isaga qaadanaayo isla markaana uu diyaar u yahay in wixii badal u baahan la badali doono.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka looga baahan yahay in ka faa’ideestaan waqtiga harsan oo ay qabtaan wax yaabo horrumar leh oo dalka iyo dadka anfacaya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]