28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Tacsi: Reer Xaaji Maxamed Ismaaciil

Aabe Xaaji Xuseen Raage

Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Aabe Maxamed Cabdi Yuusuf

Gen. Cabdullahi Xaaji Caynte

Hooyo Xaliimo Sacdiyo Xaaji Xasan

Raxma Maxamed Cabdi (Ruuxi)

Faaduma Cadar Maxamed Cabdi

Ridwaan Maxamed Cabdi

Xasan Maxamed Cabdi

Ayeeyo Faadumo Xaaji Caynte

Hooyo Xersiyo Aadan Nuur

Adeer Bootaan Raage Boorre

Caasho Xasan Xaaji Caynte

Cumareeto Xasan Xaaji Caynte

Abuukar Xaaji Xasan Caynte

Xasan Fiidoow Boorre

Cilmi Jimcaale Boorre

Cabdulqaadir Xasan Xaaji (Qoorleex)

Abti Maxamed Xaaji Xasan (Leebo)

Adeer Ibraahim Raage Boorre

Adeer Cabdulqaadir Jimcaale Boorre

Cabdi Salaan Macallin Ibraahim

Xasan Axmed Foodeey

Hindiya Xaaji Xasan Caynte

Cabdi Casiis Cismaan Sh. Cali (Badmaceeye)

Mulki Cismaan Sh. Cali (Badmaceeye)

Shukri Cabdullaahi Xasan (Tubbo)

Macallin Maxamuud Axmed Foodeey

Xasan Cali Beereey (Jookar)

Xasan Jimcaale Boorre

Cawil Axmed Jimcaale

Madiino Baafe Maxamuud

Caasho Baafe Maxamuud

Cabdullaahi Baafe Maxamuud

Aamina Baafe Maxamuud

Cabaas Ibraahim Ganeey

Maxamed Xasan Axmed Foodeey

Cabdalla Maxamed Gaaboow (Shiiloow)

Maano Xaaji Caynte

Suuban Maxamuud Caddoow

Saadaq Macallin Ibraahim Raage

Cabdullaahi Xaaji Xuseen Raage

Sahra Xaaji Maxamed Caynte

Ayeeyo Saynab Sheekh Xuseen

Laylo Xasan Dhicisoow.

Axmed Xaaji Caynte

Rashiid Xaaji Caynte

Maxamuud Xaaji Caynte

Maymuun Xaaji

Khadiija Xasan Xaaji Caynte

Waxaa dadkan & dhamaan qoyska reer Geedoow ay tacsi tiiraanyo leh hawada u marinayaan dhamaanba reer Xaaji Maxamed Ismaaciil oo ay uga tacsiyaynayaan geeridii naxdinta lahayd eek u timid aabohood Xaaji Maxamed Ismaaciil Jimcaale oo Talaadadii ku geeriyooday magaalada Nijmegen ee dalka Holland, waxayna Ilaahay uga barayayaan inuu isagana u naxariisto oo u nuuriyo iilka idinkana uu samir & iimaan idinka siiyo…..Aaamiin……….Aaamiin………Aaamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

PUNTLAND oo si rasmi ah u iclaamisay dagaal ka dhana maamulka Somaliland

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa markii ugu horreeysey si rasmi ah sheegtey inay la-dagaallami doonto ciidamada Somaliland ee dhaq-dhaqaaqyada ka wada deegaannada lagu murun san yahay ee Sool iyo Sanaag.

Warkan waxaa shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland, Axmad Cilmi Cismaan (Axmad Karaasha) oo shalay booqdey deegaanka Tukaraq oo ay ku sugan-yihiin ciidamada Puntland, waxaana socdalka  ku waheliyey  wasiirka Beeraha Cabdi ismacil Boos iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland.

“Waxaan u sheegaya shacabka Puntland dalkiini baa la soo galay inbadana waad daawaneysen, dowladduna dib uma daawaneyso, shacabka waxaan ka rajeynaya inay kacaan oo ay dhulkoodii soo ceshadaan, dagaalna aan qaadno” ayuu yiri Axmed Karaash.

Waxaa kalo uu wasiirku farey dadka degga gobollada SSC ee laga heysto deegaannada inay si deg deg ah uga jawaaban ciidamada Somaliland ee ku soo duuley, sida uu sheegay wasiir Karaash.

“Waxii dhexdeena ah ee jira dib ayaan u dhiganeyna, balse dadka degga gobollada SSC waxaan ugu baaqeyna inay iguna kacaan oo ay u diyaar garooban si ay isaga dhiciyaan cadowga ku soo duley, kana qeyb galaan dagaalka” ayuu ku darey hadalkiisa wasiir Axmed Karaash.

Axmad Karaasha waxaa uu ku booriyey ciidamada uu shalay booqdey isaga iyo waftigii waheliyey shaqada ay hayaan, waxuuna sheegay inay xilli walba diyaar noqdan si ay u difaacan dhulkooda, sida uu sheegay.

Xildhibaannada ciidanka booqdey oo kala ahaa:- Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, Xildibaan Cali Dhagacade iyo Xildhibaan Kayse Cali Boob ayaa iyaguna waxaa ay si guud ugu hadleen mowqifka Puntland ee kaga aadan dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada Somaliland, waxaana ay sheegen inay xilligaan Puntland diyaar u tahay inay jawaab ka bixiso wax ay ku sheegen [Xad-gudub].

Halkan hoose ka dhageys hadallada ay jeediyen xildhibaannada iyo wasiirrada Puntland

Hadalka Puntland waxaa uu ku soo aadaya xilli dhawaanahanba ay ciidamada Soomaaliland soo gaarayen deegaannada xadduuda ku yaalla,waxaana maalmo ka hor degmada Taleex qabsadey ciidamo ka tirsan Soomaaliland, balse xilligaan Puntland waxaa ay sheegtey inay ciidankoodu u diyaar garoobeen sidii jawaab ay u bixin lahaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Maleeshiyada Axmed Madobe oo weeraray guriga ganacsade caana iyo beesha Majeerteen oo ka qeylisay

Kismaayo (Caasimada Online) – Maleeshiyada Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay si ula kac ah rasaas oodda kaga qaadeen guri uu Magaalada Kismaayo ku lee yahay ganacsade Xaaji Saciid Ciise, oo ka mid ah ganacsatada sida weyn looga garanaayo Magaalada Kismaayo.

Maleeshiyada Jubba oo Isniintii Magaalada Kismaayo qaab beeleed ugula dagaalay maleeshiyada Beesha Majeerteen, ayaa waxaa la soo sheegayaa in maleeshiyadii ay la dagaalamayeen ay guryaha u galeen dhismahaasi, dabadeedna ay rasaas oodda kaga qaadeen, iyagoo dibadda ka joogga dhismahaasi.

Xilligii ay rasaasta la dhacayeen dhismahaasi, ayaa waxaa ku sugnaa dad ehelo la ah Xaaji Saciid Ciise, oo isugu jiray caruur, ciroole iyo dumarba, waxayna halkaasi ku dileen 2 ruux, halka 3 kalana ay ku dhaawaceen.

Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beelaha Harti oo kulamo ku yeeshay Magaalada Kismaayo, ayaa waxay si adag ugu dhaliileen Maleeshiyada Maamulka Jubba, oo ay ku eedeeyeen inay dadku ula dhaqmayaan si ka baxsan aadanaha.

Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Harti, ayaa dareensan in maleeshiyada Ururka Raaskambooni ay u dhaqmayaan si khilaafsan Sharciga, iyagoona ku dhaliilay inaanay lahayn wax dulqaad ah.

Ciidanka Axmed Madoobe, ayaa waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay bililiqo ka geysteen Xaafada Calanley, sida Hotel Qiil Mawaaye, goobo ganacsi oo ku yaal Suuq Yaraha iyo guryo ay agabyo ka qaateen.

Maleeshiyadii Beesha Majeerteen ee ka dagaalameysay Magaalada Kismaayo, oo dagaal dhinaca koonfureed ee Kismaayo looga saaray, ayaa waxay ka biyo diideen inay si nabadgelyo leh dib ugu soo laabtaan Kismaayo.












Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

FAALLO: Wasaaradaha Waxbasrahada, Shaqada, Dam-Jadiid iyo Amiin Caamir

WASAARADDA SHAQADA MAXAY QABATAA?

Waa su’aal aad u adag una baahan ka baaraan degid miisaaman lagana fiiriyo dhinac kasta oo ka mida howlaha loo igmaday wasaaradda.  Waa maxay shaqada wasiirka? Ma leeyahay tilmaan shaqo (job description) laga dheehan karo natiijada howlaha uu qabto? Ma laga rabaa oo waajibaadkiisa ma ka mid tahay shaqo aburid iyo shaqo raadin gudaha iyo dibadda dalka?  Dalka waxaa ka jira shaqo la’aan aad u baahsan oon cidna lagu eedeyn karin, waxaase dowladda lagu eedeyn karaa inay ka gaabisay shaqo abuurid iyo tababaro xirfadeed ( technical training) dadku ay ku shaqeysan karaa marka ay bartaan.

Maxaa loo abuuri waayay xarumo dadka lagu tababaro oon u baahneyn kharaj aad u fara badan, lagana yaabo laamaha UN-ka, sida UNESCO iyo qaar kale, inay diyaar la yihiin marki laga dalbado, siiba farsamooyinka hoos ku xusan oo muddo aad u gaaban lagu diyaari karo dhallinyaro la soo xulay oo weliba qaarkood si sahal ah loo bari karo beeraha  guryaha ku dhex yaalla ( giardino), waa haddii wasaaradda ku shaqada leh ay dareensan tahay.

Waxaa hubaal ah in Wasiirka Shaqada uusan ka jawaabi karin sababta keentay debecsanaanta howlaha shaqa abuurka iyo raadinta ilo shaqo oo gudaha iyo dibadda ah.  Waxaa jira dalal aan saaxiib nahay oo ay ka socoto mashaariic aad u baaxad weyn oo ay dadkeenu shaqa ka heli karaan haddii dowladdu ay dareento jiritaanka fursadhaas.  Dowladda Qatar waa dal aan saaxiib dhaw nahay dad badan oo Soomaali ahna ay ka shaqeeyaan..maxaa dowladdu uga raadin weysay shaqo, iyadoo howlaha ka socda ay u badan yihiin mashaariic dhismo.  Annaga waxaan heli karnaa shaqaale diyaar ah ee dabooli kara bahida howlaha ka socda Qatar oo ay ka mid yihiin Fuundi (mason), Faryaamo(Carpenter), Koronto yaqaan (electrician) &  tubiste ( plumber).  Mashaariicdaan waxaa lagu qiyaasay inay si xowli u socon doonaan shanta sano ee soo socota, taasoo ay ugu yaraan 5,000 oo qofood ay shaqo ka heli karaan.

Waxa loo bahan yahay oo kaliya waa xariir lala sameeyo dowladda Qatar iyo shirkadaha qandaraasyada ku heysta, waana in wada xaajoodka loo xilsaaraa dad khibrad fiican u leh howlaha looga baahan yahay meesha. 

WASAARADDA WAXBARASHADA

Madaama uu dhammaaday xilli dugsiyeedki, waxaan soo jedin lahaa talooyin ku saabsan si loo hormariyo waxbarashada:

Dowloadda Imaaraatka: in la weydiisto inay noo dayactiraan dugsiyada dalka oo dhan, kuwa cusubna ay noo dhisaan oo heer kasta leh.

Dowladda Kuwait: laga dalbado inay noo daabacaan kutubta dugsiyada heer walba iyo weliba buugaagta iyo qalmaanta tiro  carruurta ku filan sannad-dugsiyedka seddaxda sano ee soo socota.

Dowladaha Qatar & Sacuudiga: in laga dalbado bixinta mushaharooyinka macallimiinta seddaxda sano ee soo socota.

Waxaa laga yabaa talooyinkan inay dowladdu u aragto meel ka dhac ah sidee qof shacab ah wax ugu sheegi karaa!!! Ilo talooyion loogu gudbiyo dowladda la waa, ( luck of proper channels for suggestion and proposals). Waana sida ugu dhibka yar ee wax lagu gaarsiin karo  dowladda marki loo baahdo…yaanan loo qaadan xad-gudub.

AMIIN CAAMIR & DAM JADIID

Xilligii kacaanka ayaa aniga iyo nin saaxiibkey ah waxaan ka casheynay maqaayad ku tiillay Cinema Missioni akteeda, markaasuu saaxiibkey weydiiyay Kamaryeerigi moos jaallo ah ii keen..markaan maqaayadi ka soo baxnay ayaa waxaa naga daba yimid nin aan u maleynay inuu tuugsanaayo oo darxumo ka muuqato.

Markasuu yiri dacwaan idin qabaa ii raaca saldhigga boliiska bartamaha..(Afar irdood).. waxaan weydiiyay dembiga aan galnay!! Markaasuu yiri Jaalle ayaad u gefteen ood moos ku sheegteen!!!…  Amiin Caamir wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheikh inuu barlamaanka ka jeediyay khudbad DAM MJADIID ah!!! Ma dhegeysatay khubada uu jeediyay?  Amiin Caamirow waa maxaay Dam Jadiid?  Waa maxaay mabda’a uu faafiyo ururkaani?  Waa xagee meelaha uu ka jiro uu ku fashilmay? Ceebaha uu leeyahay waa maxaay? Mase waa laguu soo dhiibay sidi mooska jaallaha? ( banane giallo)!!..

W/Q: Axmad Calasow

[email protected]

Video: Muqdisho iyo muuqaal cusub

0

Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ku yaalo Wadooyin waaweyn oo leh Taariikhyo kala duwan kuwaas oo qof walba u yaqaano si yaabo kala duwan ee adiguna aqristoow sidee u taqanaa magacyada Wadooyinkaan caanka ah.

Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waa mid si weyn ku anfacaya in aad wax badan ka barato Magacyada Wadooyinka Muqdisho ee nala daawo Muuqaalkani Video-ga ah.

HALKAAN KA DAAWO:

 

SAWIRRO: socdaalkii Xasan Sheekh ee Jowhar, Mahadaay, Xudur iyo Waajid

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay la socdeen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Aadan Maxamed Nur (Saransoor) iyo Xildhibaano ayaa maanta booqasho ku tegey magaallooyinka Jowhar, Mahadaay, Xudur iyo Bakool oo ka mid ah Gobolladda Shabellaha Dhexe iyo Bakool.

Madaxweynaha ayaa booqashadiisa ku bilaabay Degmada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, Waxaana garoonka diyaaradaha ee magaaladda Jowhar ku soo dhaweeyey masuuliyiinta Maamulka Degmada Jowhar, kan Gobollka, Siyaasiyiin iyo Qaar ka mid ah Shacabka magaallada Jowhar.

Intaasi ka dib ayaa Madaxweynaha waxa uu u gudbay deegaanka Buurane ee Degmadda Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe. Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay Xarun Jamacadeed oo cusub oo ay Jaamacadda Banaadir dhawaan dhismaheedu bilaabi doonto isaga oo u mahad-celiyey Maamulka Jamaacadda Banaadir.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u dhaqaaqay dhanka Gobollka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka. Waxaa halkaasui ku soo dhaweeyey maamulka Degmada Xudur iyo kan Gobolka Bakool.

Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamadda Xooga Dalka oo halkaasu ku sugan iyada oo Madaxweynuhu maamulka ka wareystay xaaladihii ugu dambeyey iyo deeq dhawaan la gaarsiiyey dadka degaanka, wuxuuna Madaxweynahuhu u mahad-celiyey Dowladda Turkiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo deeqda qeyb xoog leh ka qaatay isla-markaana Maamulka Gobolka Bay ku ammaanay sida ay uga shaqeeyeen in deeqdaas magaalada Xudur gaarto.

Madaxweynaha oo meel fagaaraha kula hadlay kumanaan dadweyne ah oo u soo baxay soo dhaweynta ayaa u sheegay marka hore in ujeeddada booqashadiisu tahay u kuur-gelida xaaladda dhabta ah ee dadka gobollka degan. Sidoo kale, wuxuu u sheegay in dadka gobolka Bakool lagu yaqaano dhiiranaan iyo cadow iska celin isaga oo ku ammaanay Dadka Degaanka, Ciidamadda Xoogga Dalka iyo kuwa Itoobiya sida ay uga adkaadeen kooxaha Nabad Diidka ah.

“Magaaladu inay sidan u camirnaato waxaa lagu gaaray dadkeeda adkeesigooda iyo dadnimadooda. Sida la og-yahay dadka reer Xudur waa dad aad geesiyiin u ah oo aan dhaqso baqan dhaqsina rajo dhigin. Sidoo kale, Taliska Ciidamadda Xoogga ayaa warbixin igu siiyey in ciidamadda Xoogga ee halkaan joogana ka mid yihiin kuwa ugu aqlaaqda wanaagsan Ciidankeena” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri.” Maamulka waxa uu Dowladda Dhexe mar walba la soo socodsiiyaa xaalad walba oo idin la soo gudboonaato, waana idinka warqabtaa. Dowladda Federaalka ah wax walba ay kari karto waay idin qaban doontaa. Kaalmo hadda waa idin soo gaartay kuwa ka badanna waa idin soo gaari doonaan dhawaan. Dadka degaankaan degan maahayn kuwa kaalmo u baahan ee kuwa ka maarmo ayey ahaayeen oo wax soo saarta xoolo lahoo dhaqan, daruufaha Nabad Diidku keeneen ayaa sababay Ilaahey Idinkii qof walba isku filnaansho ayuu gaari doonaa magaaladda horumar weyn ayey ku tallaabsan doontaa dhawaan”

Madaxweynaha ayaa si kalsooni leh u gacan qaaday shacabkiisa xaaladoodana ka wareystay, wuxuuna kulan gaar ah xarunta Maamulka Gobolka kula qaatay masuuliyiinta Gobolka waxayna sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay madaxweynihii ugu horeeyey ee booqasho ku yimaada Gobolka tan iyo bur-burkii Dowladdii Dhexe.

Madaxweynaha ayaabooqashadiisa maanta ku soo gaba-gabeeyey magaalada Waajid ee Gobolka Bakool. Waxaa ku soo dhaweyey Maamulka degmadda iyo dadweynaha oo isugu soo baxay fagaaro ku yaala bartamaha magaalada. Madaxweynaha ayaa ka wareystay xaaladooda nololeed. ” Reer Waajid Dowladdiina waa idinka warqabtaa waana idinka warqabi doontaa marar badanna halkaan waan ku soo laaban doonaa” ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa gabal dhicii maanta soo gaba-gabeeyey booqashadiisa ku wajahaneyd u kuur-gelida xaaladda Dadkiisa isaga oo dib ugu soo laabtay caawa fiidkii magaaladda Muqidsho. Waxaana xusud mudan in Madaxweynuhu dhammaan magaalooyinka uu tegay uusan u wadan wax ilaaladiisa gaarka ah taasi oo cadeyneysa kalsoonida Madaxweynuhu ku qabo Shacabkiisa.

IMG 8922
IMG 8927
IMG 9032
IMG 9045
IMG 9095
IMG 9139
IMG 9250
IMG 9282
IMG 9290
IMG 9307
IMG 9328
IMG 9392
IMG 9477
IMG 9505
IMG 9524
IMG 9569
IMG 9605
IMG 9611
IMG 9647
IMG 9657
IMG 9662
IMG 9705
IMG 9722
IMG 9751
IMG 9764
IMG 9770
IMG 9779

Barre Hiiraale oo KISMAAYO dagaal ku ah iyo ciidankiisa oo iminka ku dhow…

Kismaayo (Caasimada Online) – Afhayeenka Korneel Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa saxaafadda u sheegay in ay ku wajahan yihiin magaalada Kismaayo oo uu ka arrimiyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Cabdirashiid Macallin Gaas oo ah afhayeenka Barre Hiiraale ayaa sheegay in ciidankooda ay hadda ka ambabxeen Goobweyn kuna sii jeedaan magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in maalmahan soo socda ay la wareegi doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale, afhayeenka ayaa xusay in ciidamo ka soo goostay maamulka KMG ah ee Jubba ay isku soo dhiibeen ciidankooda isla markaana ay hadda ku sugan deeganka Goobweyn.

Si kastaba, magaalada Kismayao waxaa ka dhacay toddobaadkan dagaallo u dhexeeya maleeshiyo beeleedyo kuwaasoo kawada tirsan maamulka Axmed Madoobe.

Mar la weydiiyay in ay jiraan hub dowladda u soo dhiibtay Korneel Barre Hiiraale wuxuu hadalkaas ku tilmaamay mid daacaayad ah isla markaana aaney jirin wax hub ah oo uga yimid dhinaca dowladda Soomaaliya.

Bare Hiiraal ayaa horrey looga saaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose kaddib markii ay ku dagaallameen isaga iyo Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DAAWO: Sheekh caan ah oo su’aal iyo hadal adag ku ceebestay madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo hor-taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadkii ka qeyb galay doodii Universal TV uu qabtay dhowr habeen ka hor ee madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa ka mid ahaa Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah ee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Sheekh, ayaa si toos ah ula hadlaya una dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo su’aal adag weyndiinaya.

Sheekh Nuur Baaruud, waxa uu madaxweyne Xasan indhaha ka saaray runta, isaga oo u sheegay inuu yahay nin jilecsan, oo aan lahayn go’aan adag, taasina ay keentay inuu isku duwi la’ yahay waddanka.

Waxa kale oo uu madaxweynaha ku eedeeyey inuu xilalkii dowladda u dhiibay ninba ninka ka xun, uuna dad aad u liita u gacan geliyey xilal muhiim u ah dalka.

Halkan ka daawo Sheekh Nuur Baaruud

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Tacsi loo dirayo qoyskii uu Marxuum C/llaahi Aweys Abukar ka geeriyooday

Dhamaan reer Dilaxoow Jimcaale, Reer Abuukar Ciise, Reer Axmed Faramadoobe iyo Dhamaan Jaaliyadda Fredrikstad ee dalka Norway waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qooyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuum Cabdullaahi Aweys Abuukar oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Fredrikstad ee dalka Norway waxaana ilaaheey looga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo, waalidkii iyo eheladii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo aamiin. aaamiin.
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

Arag Sawirada: Qarax ka dhacay isbital Keydsaneey iyo Dhaqtar caan ah oo…

Muqdisho(Caasimada Online)- Hal ruux ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, waxaana horay loo dhigay dadka dhaawacmay isbitaalka Keysaney ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ruuxa dhintay ayaa la sheegayaa inuu ahaa wadihii gaariga kaxeynayay, lamana oga qaabka qaraxa inuu ahaa mid meesha ku diyaarsanaa iyo in gaariga uu ku xirnaa.

Labada Ruux ee dhaawacantay ayaa la  sheegay inay kala ahaayeen arday dhigta Jaamacada Soomaaliya iyo Dhaqtar ka shaqeynayay isla Jaamacada Soomaaliya qeybta ay ku leedahay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

C/qaasim Salaad oo si kulul uga hadlay dagaal beeleedka Shabeellada Hoose

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedyada gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan daglka Soomaaliya.

Cabdi Qaasim, ayaa talooyiin ka bixiyay qaabka lagu xalin karo xiisadaha dagaal iyo kala fogaanshaha ka dhextaagan madaxda ugu sareyso dalka Soomaaliya.

Madaxweyne C/qaasim Salaad ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay in hal door ay isugu geyso hanaanka loo dhameyn karo dhibaatooyinka heysta shacabka Soomaaliyeed.

C/qaasim ayaa sheegay in madaxweynaha dalka, ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya loo baahan yahay inay hal meel isugu geeyaan dadaalkooda ku aadan dib u hishiisiinta dalka Soomaaliya.

“Madaxweynaha, Golaha Wasiirada iyo Ra’iisul Wasaaraha shaqooyinkooda waa inay u badiyaan oo xooga saaraan dib uheshiisiinta shacabka Soomaaliyeed geed in la isugu keeno ayaa la raba dadka oo la wadahadal siiyo Ilaaheey hala baryo dalka dhibaato ayuu ka bixi la’yahay Markasta Alle Bariga waa Muhiim”Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka C/qaasim Salaad Xasan.

Mushkilada ugu weyn ee ka taagan dalka ayuu  Madaxweyne C/qaasim ku sheegay inay tahay qabaa’ilka kala fogeeyay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna kula taliyay madaxda dalka inay arintaasi dhameeyaan oo ay hal meel ku wada mashquulaan.

Ugu dambeyn C/qaasim Salaad Xasan, ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay qaadan karaan doorka ugu muhiimsan ee dib u hishiisiinta beelaha ku dagaalamaya Shabeelaha Hoose iyo  guud ahaan Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maamulka Shabeelle State oo u digay kooxaha sheegta gobalka Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Shabeelle State, Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi) ayaa sheegay in aaney jirin karin maamul gobaleed sheegan kara gobalka Shabeellaha Hoose isagoona intaas ku daray in Shabeelle State kaliye uu ka dhisan yahay labada Shabeelle.

“Ma jiraan wax maamul seddax gobal ama lix gobal la dhaho oo sheegan kara gobalka Shabeellaha Hoose, maamulka Shabeelle State ayaa ka dhisan gobalkan” ayuu yiri Abuukar Mardaadi oo hadda ku sugan xarunta gobalka Shabellaha Hoose.

Mar la weydiiyay wax yaabaha u tageen Marka wuxuu sheegay in Marka ay ka dhigan doonaan xaruntooda isla markaana wixii hadda ka dambeeya ay halkaas ku shaqeen doonaan.

Waxaa kaloo la weydiiyay in Marka ay ku sugan yihiin wafdi ka socda dowladda kuwaasoo ku howlan daminta collaada ka aloosan gobalka, wuxuu sheegay in maamulkooda uu aqoonsan yahay dowladda isla markaana ay diyaar u yihiin in la shaqeeyaan.

Si kastaba,maamulka Shabeelle State ayaa ka mid ah maamulo gobaleedyo seddax ah oo isku heesta gobalka Shabeellaha Hoose kuwaasoo dhammaan aan dowladda aqoonsi aaney siin.

Ma cadda wax yaabaha ay ku soo kordhin doonaan maamulkan gobalka Shabeellaha Hoose oo ay hadda ka taagan xiisad collaadeed oo u dhexeeysa maleeshiyo beeleedyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maleeshiyada beesha Habargidir oo la sheegay in aan laga soo saari doonin Marka & qorshihii DF oo fashil u dhow

Marka (Caasimada Online) – Ugaas Cali Xaashi oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beesha Habargidir, ayaa waxa uu sheegay inaan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, aan laga soo saari doonin maleeshiyada Beesha Habargidir.

Ugaas Cali Xaashi, ayaa sheegaaya in Beesha Habargidir ay ka mid tahay beelaha Somaliyeed ee degga Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Magaalada Marka.

Wuxuu kaloo iftiimiyay in Magaalada Marka aysan xilligaan jirin sabab looga soo saari karo maleeshiyada Beesha Habargidir, ka gadaal markii uu sheegay in ay iska qabteen maleeshiyo kale, oo ay xasilooni kaga jooggi kari waayeen Magaalada Marka, sida uu yiri.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa dadaal ugu jira in maleeshiyada Beesha Habargidir uu ka soo saaro Magaalada Marka, kuna wareejiyo Ciidan isku dhaf ah, oo Sabtidii la geeyay Marka.

Ugaas Cali Xaashi, ayaa Wasiirka Gaashaandhiga ugu baaqay in uu Maxkamad horkeeno Gudoomiyihii Magaalada Marka Maxamed Cismaan Cali (Yariisow), si loogala xisaabtamo buu yiri dadkii uu ku laayay Magaalada Marka. Laakiin aynaan ka hor maleeshiyada Beesha Habargidir Dowladda ku wareejin doonin Magaalada Marka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maleeshiyada Beesha Habargidir lagu khasbay inay dagaalamaan, oo ay ka soo muuqdaan Magaalada Marka iyagoo hubeysan, ka gadaal markii Yariisow uu ku eedeeyay inuu joojin waayay beegsiga dadka ku nasab-sheegta Beesha Habargidir.

Hadalka ka soo yeeray Ugaas Cali Xaashi, ayaa xoojinaaya sida Beesha Habargidir ay kaga biyo diidan tahay in gacan ku haynta Magaalada Marka, ay ku wareejiso Dowladda Federalka ee Somaliya.

Dadaalo uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, uu ku doonaayay in Beesha Biimaal uu dib ugu wareejiyo Maamulka Magaalada Marka, ayaan ilaa iyo hadda suurta gelin.

Hadalkaan, ayuu Ugaas Cali Xaashi ku sheegay wareysi uu siiyay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho.

Isha: Dhacdo

SIYAASI macneeyey arrin sarbeeb ah oo khudbaddii Xasan Sh ku dhex jirtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah Madaxda Axsaabta Siyaasiga ee magaalada Muqdisho ka jirta ayaa macneeyey hadallo sarbeeb ah oo ku jiray khudbaddii uu laba maalin ka hor madaxweynaha Soomaaliya u jeediyey xildhibaanada.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in khudbadda uu ka gartay in weli uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaarihiisa.

“Qof kasta oo siyaasi ah wuu dareemay nuxurka hoose ee laga dha dhasan karay khudbadda, waxaana uu ahaa mid caddeynaya Khilaafka gaamuray ee u dhxeeya labada Mas’uul” ayuu yiri Cabdullaahi oo la hadlay idaacad ku taalla Muqdisho.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa raja beel ka muujiyay in xal loo helo khilaafkaas isagoona hoosta ka xarriiqay in Madaxweynuhu uu yahay caqabad jirta isagoona ku eedeeyay inuusan oggoleyn inuu Ra’iisul wasaaraha u madax banaanado hawshiisa.

Waxa kale oo uu sheegay in ra’iisul wasaaraha asna uu billaabay xulufeysi beeleed, uusan waxba ka faa’iideyn.

Ka sokow Cabdullahi Sheekh Xasan, shalay ayaa xildhibaanno badan waxa ay baarlamanka ka sheegeen in madaxweynaha si dadban u aflagaadeeyey, ayaga oo ku dhaartay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xasan Sheikh oo ku wajahan Jowhar & siyaasiyiin ka horeeya (Maxaa socda?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay manta u ambabixi doonaan magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in ay ka qeybgali doonaan daah-furka Jaamacad laga hirgaliyo magaalada Jowhar iyo mashaariic kale.

Wariye ku sugan Jowhar oo lahadlay Caasimada Online ayaa sheegay in magaalada laga dareemayo soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdiga la socda, wuxuuna intaas ku daray in ammaanka magaalada aad loo adkeeyay.

Magaalad Jowhar waxaa shalay gaaray wafdi hor dhac u ah madaxweynaha safarkiisa, waxaana ka mid ah ra’iisal wasaarihii hore Cali Geedi iyo guddoomiyaal hore ee gobalka Banaadir.

Maamulka gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa horrey dowladda ugu eedeeyay in ay ka gaabiyeen wax u qabashada gobalkaas maadamada ay fatahaad horey gobalka baab’iyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Col. Barre oo libin ka helay Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Barre Hiiraale, ayaa maanta libin ka helay Axmed Madoobe, kadib markii Ciidamado badan iyo Saraakiil hogaaminaysa ay isaga soo baxeen Magaalada Kismaayo, kadibna ay ku biireen Ciidamada uu hogaaminayo Col. Barre Hiiraale oo ku sugan Deegaanka Goobweyn.

Cabdi Rashiid Macalin, oo ah Afhayeenka Barre Hiiree ayaa sheegay in Ciidamada iyo Saraakiishooda oo ahaa boqolaal islamarkaana watey Hubkoodii in ay yimaadeen Goobweyn, kadib markii ay kazoo baxsadeen maleeshiyada Raaskambooni.

“Ciidamada waxa ay u adkeynsan waayeen Xadgudubka ay Maleeshiyo Beeleedka RaasKambooni ku hayaan Shacabka Kismaayo, sidaasi darteedna waxa ay kusoo biireen Ciidamada xaq u dirirka ee ku sugan Goobweyn, waxaana ay qeyb ka noqon doonaan Duulaanka Jubbooyinka lagu xureynayo,” ayuu yiri Macallin Gaas.

Wuxuu sheegay in Ciidamada kasoo goostay Kooxda Axmed Madoobe, kuna biiray dhanka Barre Hiiraale aysan ahayn kuwii ugu horeeyay, balse ay jireen kuwa badan oo Bilooyinkii ugu danbeeyay kasoo baxayay Kismaayo.

Shalay, Kismaayo waxaa ka dhacay Dagaal ay ku dhinteen in ka badan 5 Qof, kuna dhaawacmeen ku dhawaad 15 Ruux oo Shacab iyo Askar isagu jiray.

Xaaladda Kismaayo, ayaa wali ah mid aan deganayn, oo Xiisado Dagaal ka taagan tahay maadaama ay Maleeshiyada Raas Kambooni u kala safteen Labo Garab, qaab qabiil ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Maamulka Shabele State oo saldhigtay Marka iyo qorshe cusub oo ay wataan

Marka (Caasimada Online) – Magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose waxaa maanta oo Talaado gaaray wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Shabeelle State Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi)

Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Muxyidiin Xasan Afrax oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in wafdiga maanta gaaray Marka uu ujeedkooda yahay siddii u damin lahaayeen collaada ka taagan gobalka Shabeellaha Hoose iyo in xaruntooda ay ka dhigtaan magaaladaas.

Wuxuu sheegay in wafdiga uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Shabeelle State in ay xaruntooda ka dhigan doonaan Marka iyagoona kulamo la yeelan dadka deegan labada Shabeelle oo maamulka uu ka dhisan yahay.

Wuxuu sheegay oo kale in ay Imaatinka wafdigan uu qeyb ka yahay siddii dib u heshiisiin loogu sameen lahaa maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamaya Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, maamulka Shabeelle State ayaa ka mid maamulada sheegta gobalka Shabeellaha Hoose balse aaney jirin wax qabad buuran oo la taaban karo.

Dhinaca kale, waxaa gobalka Shabeellaha Hoose ku sugan wafdi kale oo ka socda dowladda Soomaaliya kuwaasoo halkaas u joiga siddii loo joojin lahaa collaado soo noqday oo gobalka ku dhexmaray maleeshiyaad u abaabulaan qaab beeleed.

Wafdiga dowladda waxaa hoggaaminaya wasiirka gaashandhigga ahna sii hayaha wasiirka amniga Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, waxaana ay kulamo la qaateen odayaasha iyo wax garadka ka soo jeeda maleeshiyaadka ku dagaallamaya gobalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Khudbaddii XASAN ee BFS oo dhalisay carro iyo xidlhibaano ku dhaartay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Khudbaddii uu madaxweyne Xasan Sheekh  shalay u jeediyey Xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya, ayaa dhalisay wareer, ayada oo ay si xun u fasirteen xildhibaanada qaarkood.

ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ka hadlay khudbad uu shaley madaxweynaha ka hor jeediyay baarlamaanka hortiisa kulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka.

Kulanka maanta oo ay ka soo qeybgalee in ka badan 140 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay afhayeenka baarlamaanka Pro Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana inta uusan kulanka billaan xildhibaannada uu weydiiyay in ay jiraan xildhibaanno ka hadlaya khudbadii madaxweynaha.

Ilaa afar xildhibaan ayaa isku soo taagay in ay ka hadlaan, waxana ay madaxweynaha ku eedeeyeen in uu si bareer ah u af lagaadeeyay xildhibaannada oo uu yiri ma shaqeestaan.

Waxay ka codsadeen madaxweynaha in uu raaligalin ka bixiyo hadalka uu sheegay iyagoona intaas ku daray in ay xaq u lee yihiin xildhibaannada baarlamaanka in la xisaabtami karaan madaxweynaha.

Waxa ay sheegeen haddii uusan raali-gelinka bixin ay ayagana qaadi doonaan tallaabo uu ku shallaayo.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud ayaa shaley xildhibaannada kula hadlay hadalkii ugu kulalaa isagoona sheegay in xildhibaannada baarlamaanka intooda badan in ay shaqo ka dhigteen in ay dhaleeceeyaan uun madaxda dowladda iyagoo laga rabay in qabtaan shaqooyin muhiim ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Kooxda ISIS oo Bagdad qarka u saaran iyo wararkii ugu dambeeyey ee Ciraq

Baghdad (Caasmada Online) – Ciidamada dowladda Ciraq, ayaa dagaal xooggan kula jira kooxaha muqaawamada Sunniyiinta, oo tan iyo toddobaadkii tagay soo jaray dhul badan, si ay ugu soo siqaan magaalada caasimada ah ee Baghdad.

Ciidanka dowladda ee badankood ah Shiicada, ayaa isku dayaya inay ka hor istaagaan kooxdan inay soo gasho magaalada Baghdad.
Kooxda ISIS, ayaa iminka gacanta ku dhigay qeybo ka mid ah magaalada Bacquba oo kaliya 60 KM  u jirta magaalada Baghdad.

Wararka ayaa sheegaya in 44 maxbuus lagu dilay kadib dagaal ka dhacay saldhigga booliiska ee magaalada.

Ra’iisul wasaaraha gobolka is-maamul hoosaaska ee Kurdiyiinta Nechrvan Barzani, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ciraq aysan hal dal isku sii ahaan doonin, sababta oo ah Sunniyiinta oo aaminsan in laga qadiyey dowladda shiicada ay hogaamiso.

Waxa uu sheegay inay adkaan doonto in Ciraq ay kusoo laabato xaaladdii ay ku sugneyd, ka hor inta aysan kooxda ISIS weerarka soo qaadin.

Dowladda Ciraq, ayaa dhankeedana soo saartay bayaan ay ku eedeysay dowladda Saudi Arabia inay taageereyso kooxaha Sunniyiinta, oo ay maal gelisay.

Si kastaba, kooxda ISIS ayaa la rumeysan yahay in ujeedkeeda uu yahay inay gacanta ku digto magaalada Baghdad.

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa 275 askari geysay magaalada Baghdad, si ay u ilaaliyaan shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Baghdad.

Caasimada Online
Xafiiska Riyaadh
[email protected]

Baaritaan soo shaac bixiyey fadeexad iyo naxdin ka jirta Muqdisho + COD

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan muddo socday oo ay sameysay idaacad ku taalla Muqdisho, ayaa soo shaac bixiyey arrin fool xun oo la yaabna leh islamarkaana ku ah meel ka dhac dhaqanka suuban ee dadka Soomaaliyeed iyo waliba diinta islaamka oo ka jirta magaalada Muqdisho.

Weriyayaal ka mid ah idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa baaritaan ku sameeyey arintaan una soo bandhigay shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho ayaa waxaa billowmay goobo ay ku kulmaan dhalinyarada wiilal iyo gabdho isugu jira kuwaas oo halkaas ku isticmaalaaya waxyaabaha maanka dooriya oo ay ka mid yihiin qamriga xashiishka iyo shiishada. Waxaa sidoo kale dad arrintan ku lugta leh ka mid ah xubno sare oo qaarkood wasiiro ah oo ku jira dowladda Soomaaliya.

Ma ahan kaliya qamri iyo maandooriye waxa meesha  ka jira, ee sidoo kale dumarka ayaa lagu iibiyaa.

Halkan ka dhageyso baaritaankii idaacadda Mustqbalka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]