28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Qurbojoogta Somalida oo la midenayo

Istanbul (Caasimada Online)- Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta oo Sabti ah ka furmaya shir caalami ah oo looga hadlaayo siddii loo mideen lahaa qurba joogta Soomaalida.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dad Soomaali ah waxaana ka qeybgalaya Soomaalida ku nool qurbaha isla markaana waxaa martigaliyay dowladda Turkiga.

Waxaa shirka ka qeybgalaya wasiirka arrimaha dibedda iyo maalgashiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle Ducaale.

Qaban qaabiyaasha shirka oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shirkan uu socon doono muddo labo cisho waxaana inta u socdo la filayaa in looga hadlo arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay in la mideeyo qurba joogta Soomaalida.

In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa la filayaa in ay ku nool yihiin waddamada qurbaha.

Waa shirkii ugu horeeyay ee noociisa oo looga hadlo siddii loo mideen lahaa qurba joogta Soomaalida ee ku nool dibedda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DF Soomaaliya oo guddoomineysa shir caalami ah oo ka dhacaya TURKEY-GA

Istanbul (Caasimada Online) – Sida uu baahiyay Raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho, wasiirka arrimaha dibedda iyo dhiirigalinta maalgashiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeybgali doona shirweyne caalami ah oo ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Shirkan ayaa waxaa qabaneysa hey’adda TIKA oo mashaariic fara badan ka wada dalka Soomaaliya, waxaana ka soo qeybgali doona wasiiradda arrimaha dibedda dalalka soo koraya iyo kuwa colaadaha ka soo baxaya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu qeyb ka mid ah shirka ka dhacaya Turkiga uu shir guddoomin doono isagoona wafuuda ka soo qeybgaleysa u soo bandhigi doona fursado badan oo yaalla Soomaaliya.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweynaha hey’adda TIKA Sardaar Saam, wuxuuna uga mahad celiyay howlaha hey’adda ka heyso Soomaaliya.

Turkiga ayaa gacan weyn ka geestay dib u dhiska iyo horumarka dalka Soomaaliya, wuxuuna dalka ka hirgaliyay mashaariic fara badan.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa xoojineysa siyaasadeeda arrimaha dibedda si ay indhaha ugu soo jeediso caalamka maalgashi ay ka sameestaan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Istanbul

[email protected]

Safiirka Somalia ee Rwanda: KAGAME ayaan ka jeclahay XASAN SHEEKH

Kigali (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Rwanda, ayaa muujiyey jaceylka uu u qabo madaxweyne Paul Kagame, isaga oo sheegay inay fiicnaan lahayd, haddii uu ahaan lahaa madaxweynaha Somala.

Cabdullahi Sheekh Maxamed, ayaa ka hadla madaxweyne Kagame, in ka badan inta uu ka hadlo madaxweynaha dalkiisa Xasan Sheekh Maxamuud.

Wareysi uu siiyey wargeyska Great Lakes Voice, isaga oo ku sugan magaalada Kigali, ayaa Cabdullahi waxa uu ku sheegay in Kagame uu tusaale wanaagsan u yahay Africa, uuna yahay is-baheysi wanaagsan oo Soomaaliya ay leedahay.

Safiirka Soomaaliya ee Rwanda
Safiirka Soomaaliya ee Rwanda

“Waxaan jeclahay Kagame in ka badan inta aan jeclahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Rwanda.

Hadalkiisa ayaa yimid xilli dowladda Soomaaliya ay qorsheeneyso inay xirto safaaradeeda dalkaas, sababo lacag la’aan ah darted iyo cabashooyin ka dhan ah safaaradda.

“Waxaas waa warar suuqeed, ma jirto cid shaqada iga ceyrin karta, ii sheeg haddii uu wasiirka arrimaha dibedda i ceyrin karo, anigaaba leh awood aan isaga xilka uga qaado. Rwanda waa xulufadeena, mana jirto sabab loo xiro safaaradda halkan” ayuu yiri safiirka.

Hadallada safiirkan, ayaa waxaa laga dhadhansan karaa qof aan maskax ahaan fiyoobeyn, ama ay jiraan waxyaabo kale oo ka keenaya hadallada noocan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

 

R/W Somalia oo Kenya u sheegay arrin uu aad uga xun yahay oo KENYA ay…

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa kulan la qaatay xildhibaanka laga soo doorto degmada Kaama Kunji ee magaalada Nairobi Yuusuf Xasan iyo qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in uu kala hadlay xildhibaanka sidda ay uga xun yihiin dhibaatada lagu Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay xildhibaan Yuusuf Xasan wuxuuna sheegay in uu ku dedaali doono siddii ciidamada Kenya ay u joojin lahaayeen dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool xaafadda Islii isla markaana dowladda ay kala hadleen arrintaas oo hadda wax laga qabtay.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay Sheekh Axmed Dhicisow oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed wuxuuna Soomaalida ugu baaqay in looga baahan yahay in ka shaqeeyaan nabad galayada dalka Kenya maadama la siiyay martigalin isla markaana ay soo qaabtaan kooxaha nabad galyo darida ka wada Kenya.

Safiirka Soomaaliya ee u fadhiya Kenya, Danjire Maxamed Cali Nuur Americo ayaa isna aad u ammaanay xildhibaan Yuusuf Xasan oo uu sheegay in uu dhabarka u xirtay siddii wax looga qaban lahaa dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii.

Ugu dambeyn qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee xaafadda Islii ayaa ka hadlay goobta waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin ra’iisal wasaaraha Soomaaliya in ay la kulmaan maadama markii ugu horreysay ay tahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Daawo: Nin sheegay inuu is qarxinayo oo qalqal galiyey bartamaha magaala…

Stockholm (Caasimada Online) – Shalay duhurkii ayaa isu socodka bartamaha magaalada Stockholm uu hakad galay mudo shan saacadood ah kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan in nin walxaha qarxa wata uu galay xafiis ku dhow xarunta weyn ee xisbiga moderat-ka ee talada dalkan haya.

Ninkan ayaa dadkii xaruntaa ku jiray u ogolaaday inay ka baxaan balse waxa uu sheegay in hadii uu is qarxiyo uu baabi`in doono xarumaha halkaa ku dhow ee ay leeyihiin xisbiga moderat-ka iyo kan mucaaradka ah ee hantiwadaaga (social democrats), waxaana boliisku ay ku guuleeysteen inay taleefan kula xiriiraan ninkaas kadib markii uu soo dhiibay lambarka taleefankiisa, waxaana wadahadalka ninkan lala galay uu socday mudo shan saacadood ah, ka hor inta aanu is dhiibin.

Intii uu socday qalqalkaan waxaa la joojiyey gaadiidka galaya ama ka soo baxaya bartamaha Stockholm gaar ahaan halka loo yaqaan Gamla stan (magaaladii hore), waxaana la arkayey dadka dalxiisayaasha ah ee halkaa sida aadka u booqda oo qaarkood ay qalqalsan yihiin, qaarna ay daneynayaan halka ay sheekadan ku dhamaato isla markaana ay sawiro ka qaadanayaan.

Ugu dambeyn ninkan ayaa is dhiibay fiidkii wadahadal dheer kadib waxaana muuqaalo tv-gu soo qaaday ay muujiyeen ninkan oo ka soo baxaya dhismihii uu ku jiray iskana furaya suun uu ku sheegay inay ku xiran yihiin walxaha qarxa, sidoo kalena iska siibaya surwaal iyo shaar uu watay isagoo kastuumo iyo funaanad watana gadaal-gadaal ugu dhaqaaqay dhinacii ay boliisku ka jireen, halkaa oo lagu qabtay.

War uu boliisku soo saaray waxa lagu sheegay in la baaray walxaha uu ninkan watay balse la ogaaday inaaney qatar weyn ahayn, sidoo kalena waxa ay intaa ku dareen in ninkan aanu boliisku hore u aqoon, taas oo ka dhigan in ninkani aan hore wax dambi ah loogu qaban.

Caasimadda Online
Stockholm- Sweden
[email protected]

 

DFS oo si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawada dalka Soomaaliya

Canada (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya, waana markii ugu horreysay oo muddo ku dhow 25-sanno.

Wasiirka gaadidka iyo hawada sare ee xukuumadda Soomaaliya Saciid Qorsheel oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya maamulka hawada Soomaaliya lagu maamuli doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in ay awood u lee yihiin in maamuli karaan maamulka hawada.

Mar la weydiiyay wasiirka in ay hayaan shaqaalo diyaar u ah in ay qabtaan howsha maamulka hawada Soomaaliya, wuxuu tilmaamay in ay hayaan shaqaale badan isla markaana ay joogaan shaqaalihii hore ee ka shaqeen jiray hawada Soomaaliya.

“Markasta waxay noogu jawaabaan ma heli kartaan shaqaale iyo injineero qaban kara howsha, laakin arrintaas waxaan u sheegnay in aan heyno shaqaale nagu filan” ayuu yiri wasiir Qorsheel.

Waxaa la weydiiyay sidda ay awood ugu yeelan karaan in ay maamulaan hawada Soomaaliya, maadama maamulo iskood u madax banaan ay ka dhisan yihiin dalka sidda Somaliland iyo Puntlan, wuxuu xusay in Soomaaliya Air Space-keeda uu yahay mid qura isla markaana hal meel laga maamuli doono.

Ugu dambeyn wasiirka oo hadda ku sugan dalka Canada ayaa carabka ku adkeeyay in uu la kulmay madaxda Qaramada Midoobay ee gacanta ku haya maamulka hawada Soomaaliya isla markaana laga soo wareejin doono dalka Kenya oo hadda laga maamulo.

“Madaxda QM waxaan u sheegnay in aan diyaar u nahay in maamulka hawada Soomaalida dib loo soo celiyo oo dowladda gacanta loo galiyo” ayuu yiri wasiir qorsheel.

Dowladda Soomaaliya oo aqoonsi rasmi ah ka helashay dowladdaha caalamka ayaa xiriir fiican la sameesaneysa dowladda caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

“Geedi oo ceyriyey Guuleed”, Xaqiiq?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Dr. Cali Maxamed Geedi oo muddooyinkaan dambe, si weyn kaga soo muuqanaayay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa waxa uu ku faanay in uu isagu khadka ka saaray Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.

Prof. Cali Maxamed Geedi oo laba habeen ka hor ku hoyday Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kulana kulmay Odayaal iyo waxgarad ka soo jeedo Gobolka, ayaa wax looga weydiiyay waxa xilligaan keenay in uu darafka Dowladda ka soo muuqdo.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Cali Maxamed Geedi uu u sheegay, haddii aanu isagu halkaa imaan lahayn inaanu is casili lahaynba Wasiirkii Amniga Qaranka, ee 24-kii bishii hore ee May xilka isaga degay.

“Mararka qaar waxaad mooddaa dadku inaysan waxba fahmi karin, haddii aan aniga imaan lahayn Xamar, ma waxay idinla tahay inuu is casili lahaa C/kariin Xuseen Guuleed?” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Nin ka mid ah raggii la kulmay Cali Maxamed Geedi, ayaa sheegay in Geedi uu isku difaacay in hadda uu Dowladdu ula jooggo, in la saxo wixii khaldan.

“Dowladda waxaan ku dhaliilaayay inay saxdo khaladaadkeeda, aniguna waxaan hadda ula jooggaa inaan khibradeeda uga faa’iideeyo, wixii khaldana la saxo. Nin kasta oo loo arko inuu fadhiid yahayna la bedelaa.” ayuu Geedi isku difaacay.

Cali Maxamed Geedi oo kolkii hore Magaalada Muqdisho laga dejiyay hotel laga hirgeliyay daartii Jirde Xuseen, ayaa waxaa dhowaan la soo dejiyay Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, wuxuuna ku socdaa laba ka mid ah gaadiidka aynaan rasaastu karin, ee uu lee yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Geedi, ayaa billo ka hor si xoogan u mucaaradaayay Dowladda Federalka ee Somaliya, wuxuuna Madaxweynaha Somaliya uu ku tilmaamay, nin aan lahayn horey u socod.

In leesku soo dhoweeyo Dowladda Federalka ee Somaliya iyo Cali Maxamed Geedi, ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay Siyaasiyiin iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha Mudulood.

Isha: Dhacdo

Barre oo hub helay iyo kooxda Axmed Madoobe oo sheegtay inuu ka yimid…

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG Jubba ayaa sheegay in Col. Barre Aadan Shire “Hiiraale” lasoo gaarsiiyay hub aad u xoogan, isla markaana uu qorsheynayo in uu duulaan kusoo qaado qeybo ka mid ah gobolada Jubbooyinka.

Ismaaciil Maxamed Kheyre (Dhuxulow) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa sheegay in Col. Barre Hiiraale la soo gaarsiiyay hub ka yimid dad aan shisheeye aheyn oo Soomaaliyeed.

Barre Aadan Shire oo muddo sanad laga jooggo dagaal looga soo saaray Magaalada Kismaayo, ayaa waxa uu ku sugan yahay Deegaanka Goobweyn, oo 11km u jirta Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Ismaaciil Maxamed Kheyre, ayaa sheegaaya in dad Somaliyeed uun ay hubka soo gaarsiiyeen Korneyl Barre Hiiraale, iyadoo uu meesha ka saaray suurta galnimada in hubkaan uu ka helay shisheeye

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Kmg ah ee Jubba uu la socdo hubka soo gaaraaya sida uu yiri Barre Hiiraale, iyadoo uu ujeedada hubkana uu ku sheegay, in Barre Hiiraale uu dagaal kaga geysto Jubbooyinka

Dhuxulow, ayaa intaa ku daray in xasilooni ay ka jirto Magaalada Kismaayo iyo Deegaanada kale ee Jubbooyinka, wuxuuna naqdiyay dagaalka uu xilligaan sheegay inuu qorsheynaayo Barre Hiiraale.

Dhuxulow oo wareysi siinaayay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale Barre Hiiraale ku eedeeyay in uu qayb ka ahaa dagaalkii maalinimada Isniintii ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Sawiro: Shariif & Gaas oo dib isu arkay

Abu-Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa caawa ku kulmay magaalada Abu-Dhabi ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo uu Gaas booqanayo.

Kullanka ayaa yimid kadib markii Gaas iyo wafti uu hoggaaminayo ay guri uu ka degan yahay Abu-Dhabi ku booqday madaxweyne Shariif oo ahaa ninkii Gaas u magacaabay ra’iisul wasaare.

Inkasta oo ay si aad ah isugu xummaayeen markii labada ninba ay mar qura xilka ka wada tagayeen kadib doorashadii Xasan Sheekh, haddana waxaa muuqata in hadda ay iska hilmaameen xurgufyadii siyaasadeed.

Sawirro laga soo qaaday kullanka, oo ahaa kaliya mid salaan ah, ayaa muujinaya Shariif iyo Gaas oo wada qoslaya.

shariif gaas 1shariif gaas 2shariif gaas 3shariif gaas 4shariif gaas 5

 

 

 

Sawirro: Xasan Sh. oo si lama filaan ah uga yaabiyey Hotel ku yaal Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay ka yaabsaday oo si lama filaan ah ku tegay Hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho oo ay ka socotay xaflad lagu taageereyey xildhibaan Dr. Cusmaan Maxmuud Dufle magacaabistii ka mid noqoshada musharaxiinta abaal marinta bilada Nabadda Caalamiga ah (Nobel Peace Prize)

Xafladda ayaa waxaa soo abaabulay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda. Dhammaan ka qeyb galayaashii xafladda ayaa mar qura indhaha saaray Madaxweynaha oo howlka xafladda ka socotay gudaha u soo galay kuna biiray ka qeyb-galayaasha Xadladda iyada oo ay arrintaasi qiiro gelisay dhammaan dadkii ka qeyb galay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeelka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyey Xafladda ayaa taageeradiisa ku biiriyey Xildhibaan Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle.

“ In Shaqsi Soomaaliyeed loo magacaabo ka mid noqoshada musharaxiinta bilad sharfeedka caalamiga ah waa guul ay gaartay Umadda Soomaaliyeed meel walba ay joogto.Tani waxay natuseysaa kartida Umaddeennu leedahay” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed inay tageero u muujiyaan Xildhibaan Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle si uu u helo Bilada.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu garanayo Xildhibaan Dr Dufle uuna mudan yahay biladda isla-markaana gudiga qiimeynta ugu baaqay inay codkooda siiyaan Dr. Dufle.

xaflad 1xaflad 2xaflad 3xaflad 4xaflad 5xaflad 6

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

IGAD, QM & Midowga Yurub ma waxa ay xilkii ka qaadeen Xasan Sheekh?

Faalo ku Saabsaan Maqaalkaan, Somalia: IGAD, UN, iyo EU waxay Banaanka Dhigeen Madaxwayne Xassan.Waxaa qoray MM Culusow.

Maxamud M. Culusow wuxuu sheegay in Madaxwaynaha Jamhuuridda Federaaalka Soomaaliya, JFS, Mudane Xassan Sh. Maxamud ay xilka ka tuureen IGAD (waa urur ay ku bahaysanyihiin 8 dal oo ku yaala Bariga Afrika oo qaabilsan dhanka horumarka), Qaramada Midoobay, QM iyo Midowga Yurub, MY.

Madaxwayanaha xilka banaanka lagama dhigin, wali waa joogaa. Sidaas darteed, cinwaanka maqaalka sax ma aha. Waxaa laga yabaa inuu Culusow ku doodo macno ahaan in Madaxwaynaha xilka banaanka looga dhigay, waana u muuqataa inuu sidaas u doodaayo. Wuxuun keenay labo daliil ama tusmo oo arintaan tusaysa.

Midda koowaad, in ka badan boqol xildhibaan aa waydiisatay Madaxwaynaha inuu si dag dag ah isku casilo. Arintaan waxay na tusaysaa sida Culusow u arko in xilka macno ahaan uu u waayay Madaxwaynaha. Codsigii xildhibaanada waa iska yaraaday maalmahaan marka maba u dhaqaaqin dhankaas iyo inay madaxwaynaha xafiiska banaanka ka dhigaan.

Midda labaad, Culusow wuxuu sheegay in la dalacsiiyay Wasiirka Kowaad Cabdiwali Sheekh Axmed lagana dhigay ninka maxaliga ah ee u qaabilsan beesha caalamka arimaha Soomaaliya.

Maxaa tusay arintaan Mudane Culusow? Wuxuu yiri Wasiirka Koowaad waxaa beesha caalamka uga baahatay arimahaan: “ Amin mudaysan iyo ficil go’aan ka muuqdo waa inuu Wasiirka kowaad qaataa si uu u abuuro midnimo qaran, u hagaajiyo ammaanka, dadajiyo horayumarka federaalka, dastuurka iyo dooroshooyinka

Dastuurka kumeel gaarka ah JFS qodobkiisa 90, faqradiihiisa oo dhan 17, waxaa ku cad masuuliyadda iyo awoodaha Madaxwaynaha. Saas oo kale, qodobka 100aad, qodobadiisa oo dhan 4 waxaa ku cad masuuliyadda iyo awoodaha Wasiirka Koowaad. Marka labadaas qodob lala akhriyo warbixinta ay sida wadajirka ah u soo saareen qayb ka mid ah beesha caalamka kuma cada in mid la dalacsiiyay, lagana dhigtay saaxiibkooda maxaliga ah.

Mudane Culusow wuxuu sheegay in hoos loo socoda, hoos u socoshadaan oo ka dhacaysa barxadaha siyaasada iyo banuu aadnimada iyo ammaanka. Wuxuuna sheegay isiro badan arintaan inay masuul ka yihiin.

Kow, warqadda sida wadajirka ah ay u qoreen qayb ka mid ah beesha caalamka, tanoo uu sheegay Culusow inay karaar siinayso hoos u dhac ku dhaca wadanka. Culusow ma sheegin sida warqadda ay ugu qaaraantay inay arimaha ammaanka, siyaasada iyo banuu aadnimada sii xumaadaan.

Labo, Culusow wuxuu sheegay sii xumaansha arimaha waxaa kaloo ka masuul ah Itoobiya iyo Keenya oo si joogto ah siriq cilmiyaysan ugu dhigaaya Soomaaliya. Culusow ma dhihin siriqda la dhigaayo tanaa ka mid ah ama caddaynta waa tan.

Saddex, Culusow wuxuu sheegay sii xumaanshaha arimaha Soomaaliya inay masuul ka yihiin arimo dhowr ah oo lagu sheegay qormo uu soo saaray madaxa sirdoonka Maraykanka, ka dib markii qiimayn lagu suubiyay Soomaaliya, qormadaas oo soo baxday 29kii Janaayo, 2014. Qormadaan waxay sheegtay in afar arimood Soomaaliya halis ku yihiin: 1) isqabqabsi gudaha ah-madax adayg siysaasadeed; 2) hogaan daciif ah oo ka imaanaaya dhanka Madaxwayne Xassan Sheekh Maxamud; 3) Laamaha Dowladda oo si liita u qalabaysan; 4) yaraan baahsan oo ah dhanka farsamada, siyaasada iyo maamulidda. Mudane Culusow wuxuu sheegay sirdoonka Maraykanka inay ka tageen sheegidda saddex arimood oo muhiim ah. Mudane Culusow sida caadiga u noqotay wax caddayn ah uma keenin in wax laga tagay iyo wixii laga tagay labadaba, wuxuu iska dhahay saas iyo saas aa jirta. Mar kale arintaan arin fiican ma aha, in wax la iska sheego ayadoon caddayn loo hayn.

Baragaraafka labaad ee qaybta IGAD, QM, MY Warmurtiyeedka Wadajirka ah, ee maqaalka Culusow, wuxuu sheegay Mudane Culusow inay run tahay in masuuliyo ka saarantahay golaha wasiirada arimaha lagu soo jeediyay war murtiyeedka wadajirka ah.

Arintaan waxay meesha ka saaraysaa warkii Culusow oo ku sheegay baragaraafka koowaad oo ahaa in Wasiirka koowaad la dalacsiiyay lagana dhigay saaxiibka maxalaiga ah ee beesha caalamka, bacdamaa Wasiirka koowaad u yahay madaxa golaha wasirada.

Isla baragaraafkaan Culusow wuxuu ku tixay liis ah awoodaha iyo masuuliyadaha Madaxwaynaha iyo Barlamaanka. Waa arin sida muuqata aan caawinayn sheegashooyinkii Culusow ee ahaa in Madaxwaynaha banaanka la dhigay, Wasiirka Koowaad la dalacsiiyay, lagana dhigay saaxibka maxaliga ah ee beesha Caalamka iyo in xaaladda Soomaaliya ay sii xumaanayso.

Markuu halkaan maraayay Mudane Culusow wuxuu sheegay inay ahayn in awood la siiyo Wasiirka Kowaad bacdamaa siduu sheegay lagu eedeeyay inuu qayb ku lahaa dagaalo ka dhacay Gedo iyo Jubooyinka. Qofka ilaa caddayn loo helo inuu dambi galay, looma qaban karo. Culusow ma sheegin wax caddayn ah in Wasiirka Koowaad uu dagaal sokeeye huriyay.

Waxaa qoray Samatalis Xusseyn Xayle
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

FAARAX oo ku farxay tallaabadii BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Mudane Farah Sheikh Abdulkadir, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soona dhoweynayoansixinta baarlamaanka ay ansixiyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta fadhi ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista ku sameenaya dastuurka KMG ee dalka.

Fadhigga maanta oo ay joogeen 153 mudane ayaa waxaa guddiga cod u qaaday 134 mudane waxaana diidday 9 xildhibaan halka 10 kalena ay ka aamuseen siddaas waxaa saxaafadda u sheegay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Mudane Jawaari ayaa sheegay in guddigan uu ansax yahay siddaas darteedna baarlamaanka uu diyaar la yahay in la shaqeeyo sidda uu yiri.

Guddigan ayaa waxaa dhawaan magacaabay wasiirka dastuurka Faarax Sheekh Cabduqaadir waxaana meel mariyay golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee guddigan ayaa looga fadhiyaa in ay dib u eegis qoto dheer ku sameeyaan dastuurka KMG ah ee dalka u yaalla kaasoo dhaliilo iyo muran ballaaran hadda yeeshay, kadib markii beelaha qaar ay sheegeen in la beddelay.

Wasiir Farah Sheikh Abdulkadir oo warbaahinta la hadlayey ayaa yiri “Dowladdu waxey aaminsantahay in Qorshaha Dib u eegista Dastuurka uu noqdo mid ay Soomaalidu hoggaamineyso, si ay u lahaato qorshaha, oo muhiim u ah sharciyadda iyo guulaha dib u eegista Dastuurka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in la hirgeliyo Tiigsiga 2016, oo ay ka mid yihiin Dib u eegista Dastuurka, Dhaqangelinta Federaalka iyo hirgelinta Dimoqraadiyeynta dalka, si dalka looga hirgeliyo doorashooyin sanadka 2016ka. Dib u eegista Dastuurka waa aasaaska Tiigsiga 2016. Marka la dhameystiro Dib eegista Dastuurka, waxaa jiri doono cod loo qaado shacabka (referendum). Ka hor codeynta waxaa jiri doono barnaamijyo is-xig-xiga oo ay ka mid yihiin wacyigelin, la tashiyo shacabka lala sameynayo, waxbarasho, doodo iyo is faham keeni kara in shacabku ay fahmaan Dastuurkooda.

Wasiirka Garsoorka & Dastuurka ayaa sidoo kale sheegay “Dowladda Federaalku wey ka go’antahay in nidaamkan uu noqdo mid furfuran, hufan oo si isla xisaabtan ah loo fulinayo. Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in Soomaalidu ay ka qeyb-qaataan qorshahan muhiimka ah, si qorshahu u noqdo mid shacabku iska leeyahay oo guuleysta. Waxaana ugu baaqayaa dhammaan in la taageero qorshahan dib u eegista Dastuurka oo muhiim weyn noo leh, naguna horseedaya inaan dalka ka qabano doorsahooyin sanadka 2016.”

Magacyada Gudiga & Taariikh Nololeedkooda oo kooban:

1. Mrs. Caasho Geelle Diiriye –  Caasho waxay ka qalin jebisay Kuliyadii Waxbarshada Lafoole 1984, waxay sidoo kale shahaadada darajada labaad ee la xiriira arimaha dumarka iyo horumarinta reer miyiga kasoo qaadatey India, mudo 30 sano ka badan waxay ku howlaneed ka shaqeynta arimaha dowlad wanaaga, waxbarashada, nabada, xalinta khilaafaadka, jinsiga, hurumarinta bulshada, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta reer miyiga. Inta aan xubinimada gudigaan loo magaacaabin waxay ahaan jirtay Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

2. Mr. Cusmaan Jaamac Cali – Wuxuu ka baxay kuliyada Engineeriyada ee Jaamacada Leningrad ee wadanka Russia 1968, wuxuu soo noqday wasiirka kalumeysiga iyo kheyraadka bada iyo sidoo kale wasiirka howlaha guud iyo guryeynta intii u dhaxaysay (1973-1989), wuxuu sidoo kale soo noqday Ra’isulwasaare Ku Xigeen ahna Wasiir xiligii Dowladii KMG aheyd ee uu hogaaminayay Abdiqasim Salaad Xasan. Wuxuu ahaa murashax Madaxweyne xiligii Doorashada 2004. Mudane Cusmaan Jaamac Ali wuxuu hada Gudoomiye ka yahay golaha wadahadalka iyo dimoqraadiyada ee qurba -joogta Soomaalida UK.

3. Maxamed Cabdalla Saalax – Mudane Maxamed wuxuu Kuliyadii Qaanuunka ee Jaamacadi Soomaaliya ka baxay 1972, waa qareen iyo la taliye xaga sharciga, wuxuu lasoo shaqeeyay hey’ado maxali ah iyo kuwo caalami ah intaba, wuxuu soo noqday qareen maxkamada Soomaaliya ka tirsan intii u dhaxaysey 1972-1975, wuxuuna ilaa hada jiraa howlaha garsoorka iyo sharciga laga soo bilaabo 1972, wuxuu sidoo kale leeyahay khibrad weyn ee la xiriirta xalinta khilaafaadka, nabada iyo wadaxaajodyadaha.

4. Prof. Xasan Cumar Mahadallah – Prof. Mahadallah waa bare sare iyo cilmi baare ka tirsan jaamacada Baton Rouge ee Louisiana USA, waa qoraa khibrad weyn u leh Arimaha Soomaaliya. Wuxuu sameeyay cimri baaris la xiriirta arimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin: Aas-aaskii wadaniyada Soomaliya, Hogaanka Geeska Africa, Taariikhda ciidanka xooga dalka ee Soomaaliya, Sii socoshada iyo isbedelka siyaasada Mareykan ee Geeska Africa, Maxkamadihii Islaam, iyo maqaalo kale oo badan.

5. Mudane Xasan Xuseen Xaaji –  Mudane Xasan waa qareen khibrad weyn u leh arimaha sharciga, wuxuuna si gaar ah ugu takhasusey shurrucda khusaysa arimaha socdaalka, magangelyo doonka iyo xeerarka caalamiga ah ee bani’aadamnimada. Sanadihii ugu danbeeyey waxaa uu si weyn ugu lug lahaa doodaha sharciyada iyo kuwa waxbarashda ee ku saabsan arimaha dastuurka ee laga soo daayo Telefishinada iyo Idaacadaha. Wuxuu faham weyn u leeyahay Geedi Socodka Dastuurka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Is-casilaadda Annadif oo Kenya lugaha la gashay iyo rajadii DF oo bur-burtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa is-casilaadda wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed Salah Annadif, oo shalay xilkiisa ka tagay, sida ay Caasimada Online xogta ku heshay.

Is casilaadiisa ayuu Annadif ugudbiyay ururka Midowga Afrika sida ay noo sheegeen ilo xog ogaal ah waana laga aqbalay, waxaana la filaa inuu maanta qabto shir jaraa’id, oo uu ku faah-faahinayo arrintaas.

Wuxuu iscasiladiisa ku tilmaamay mid ku saleysan culeys uu kula kulmay waddamada dariska ah, in kasta oo uusan magacaabin dal,  iyo nooca culees ee uu kala kulmay dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti.

Si kastaba xubno ku dhow Amisom, oo aan dooneyn in magacooda la shaaciyo, ayaa xalay Caasimada Online u sheegay in Annadif uu si aad ah uga carreysan ficillada Kenya iyo Ethiopia ee Somalia, si gaar ahna dowladda Kenya.

Waxaa la sheegay in dhowr goor uu madaxda Midowga Africa u gudbiyey ashtako ka dhan ah Kenya, oo uu ku eedeeyey inaysan ixtiraamin dowladda Somalia, ayna la macaamisho koox ayada ay geysatay gobollada Jubbooyinka.

Waxaa sida lagu warramay uu codsaday in guud ahaan dowladda Kenya ciidankeeda laga saaro Soomaaliya, ama ugu yaraan lagu qasbo inay dowladda Soomaaliya ku ixtiraamto arrimaha dalkeeda, joojisana la macaamilka maleeshiyo beeleedyada, balse jawaabi waafi ah aan la siin.

Annadif, ayaa la sheegay inuu dareemayo in dalalka Africa aysan dooneyn xal laga gaaro arrimaha Soomaaliya, ayna dowladda Kenya uga xaglinayaan dowladda federaalka Soomaaliya, sidaa darteedna uu go’aansaday is-casilaadda.

Si kastaba, looma maleynayo inuu waxyaabahaas uu tabanayo kusoo qaado shirka jar’aaid ee maanta, marka laga reebo culeeska uu tabanayo, maadaama taas ay ka hor-istaageyso diblomaaasiyadda.

Tani waxa ay muujineysaa in rajo kasta oo DF Somalia ay ka qabtay in wax laga qabto tacaddiyada Kenya ay iminka u muuqato mid aan soo socon.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DFS oo dhaqaale badan heleysa kadib heshiis ay la gaartay Midowga YURUB

Nairobi (Caasimada Online)-Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa maanta oo Khamiis ah heshiis ku gaaray dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Heshiiskan ayaa Soomaaliya waxay ku heli doontaa in ka badan 400 oo Milyan oo dollar taas oo la rabo in lagu horrumariyo Soomaaliya.

Heshiiska dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana goobjoog ka ahaa in ka badan 100 dowladood oo caalamka ka socda.

Wasiir ku xigeenka arrimaha qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa sheegay in heshiiskan uu horrey u jiray oo Soomaaliya ay u saxiixday balse 23-kii sanno ee la soo dhaafay ee burburka lagu jiray ayuu meesha ka baxay.

“Heshiiskan waxaa la dhahaa ACP oo ah (African Caribbean Pacific) iyo EU waxaana ku jirra dalal badan marka annaga 25-kii sanno ee la soo dhaafay kuma aanan jirin balse hadda ayaan dib ugu soo laabanay, waana noo sharraf” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.

Mar la weydiiyay in lacagta Soomaaliya loo ballan qaaday waqtiga la siinaayo wuxuu sheegay in lacagta muddo shan bilood gudahood ay dowladda ku heli doonto isla markaana uu ka dhignaan doono in si toos ah gacanta iyada loogu galiyo si ay waxa ay rabto ugu qabsato ayuu yiri.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa dedaal xooggan ugu jirta siddii ay is-kaashi iyo xiriir qoto dheer ula yeelan lahayd caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: Wiil uu adeer u yahay R/W hore ee Soomaaliya oo ku biiray Al-Qaacida

Toronto(Caasimada Online) – Bogga Tv-ga CBS News ee ku yaala dalka Canada ayaa maanta lagu qoray warbixin ku saabsan in wiil uu adeer u yahay Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ku biiray Al-Qacidada ka dagaalanta wadamada Syria iyo Ciraaq.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in wiilkaan oo magaciisa la yiraahdo Faarax Max’ed Shirdoon oo muddo ku noolaa magaalada Caglari ee dalka Canada uu hadda ka mid yahay dhalinyarada u dagaalanta kooxda ISIS la yiraahdo oo ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Syria oo la aaminsan yahay inuu ku biiray muddo haatan bilooyin laga joogo.

Tv,ga CBS News ee warbixintaan baahiyay ayaa sheegay in Faarax Max’ed Shirdoon uu dhawaan kasoo muuqday muuqaal ay kooxda ISIS soo bandhigeen asagoo dhahaya

“Waxaan halkaan u imid inaan idin bur burino Iddin Alle”.

Warar ayaa sheegaya in mar kalena la daawaday Faarax oo gubaya baasaboorkii uu watay ee Canada markii uu Syria tagay sida la aaminsan yahay bilowgii sanadkaan.

Faarax hooyadiis iyo walaashii oo degen magaalada Caglary ee dalka Canada oo ah qoys diimeed ayaa sheegay inay jah wareer iyo wal wal aan yareyn ka qaadeen markii ay maqleen in Faarax uu ka dagaalamayo dalalka Syria iyo Ciraaq.

Xubno ka tirsan sirdoonka dalka Canada ayaa laga soo xigtay inay hayaan xog ku saabsan in wiilkaan la yiraahdo Faarax Max’ed Shirdoon ee uu adeerka u yahay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ka mid yahay dhalinyaro fara badan oo Soomaali ku jirto oo tegay dalka Syria si ay uga mid noqdaan kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira dawlada uu hogaamiyo M/weyne Bishar Al-Asad.

Dhawaan dawlada Ciraaq waxay sheegtay inay duqeyn ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo Al-Qacidada Ciraaq iyo Syria ka tirsanaa.

Halkan ka daawo Video


Caasimada Online

Xafiiska Wararka Canada

[email protected]

RW Somalia oo maanta booqanaya xeryaha qoxootiga dalka Kenya

Nairobi (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay hadda socdaal shaqo ay ku joogaan dalka Kenya ayaa maanta oo Khamiis ah booqan doona xeryaha qoxootiga dalka Kenya.

Wasiir ku xigeenka Prof Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow) oo ka mid ah wafdiga la socda ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu maanta tagi doono xeryaha qoxootiga dalka Kenya gaar ahaan xerada dhadhaab.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasaaraha uu soo arki doono xaalada ay ku nool yihiin Soomaalida qoxootiga ee ku nool dalka Kenya, kuwaasoo qaar badan ay ku dhasheen halkaas maadama ay ku noolaayeen in ka badan 23-sanno.

Wuxuu sheegay oo kale in ra’iisal wasaaraha uu la kulmo doono saraakiil ka socda QM kuwaasoo uu kala hadli doono siddii gargaar loo siin lahaa qoxootiga Soomaalida ee dib loogu celinaayo dalkooda iyo sidoo kale xaalada bini’aadinimo oo ay hey’addaha ka deeriyeen.

Reyusul wasaaaha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto shalay kala hadlay arrimaha qaxootiga, isagoo xusay in la dhaqan gelin doono heshiiskii qaxootiga ee u dhexeeyay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR).

Xerada Dhadhaab ayaa hooy u ah in ka badan nus malyuun qoxooti ah kuwaasoo u badan Soomaalia, waana xerada ugu weyn adduunka ee hooy u tahay qoxooti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

XOG: Maamulka Shabeelle State oo ay ku jiraan xubno guddoomiyaashii hore ee gobalka Banaadir ka tirsanaa ah

Marka (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Shabeelle State Abuukar Cismaan Cabdi Mardaadi ayaa magacaabay qaar ka mid ah xubnaha wasiiradda maamulkiisa.

Ilaa 7-wasiir ayuu magacaabay waxaana ku jirra guddoomiyaashii hore ee gobalka Banaadir, ee la shaqeenaayay Tarsan.

Waxaa ka mid ah Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo ahaa guddoomiyihii degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Mardaadi ayaa xusay in golaha wasiiradda maamulka Shabeelle State ay ka kooban yihiin 15 wasiir waxaana inta dhimman uu sheegay in uu dhammeestiri doono maalmaha soo socda sidda uu yiri.

Wasiiradda 7-da ah ee uu magacaabay waxaa ku jirra labo dumar ah.

Wuxuu sheegay oo kale in uu magacaabi doono xildhibaannada baarlamaanka iyo hey’addaha garsoorka.

Madaxweynaha maamulka Shabeelle State ayaa carabka ku adkeeyay in uu xaruntooda ay noqon doonto magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, waxaa muuqata cudud xooggan oo uu la soo baxay maamulka Shabeelle State oo ah maamul ka tirsan labada Shabeelle

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Shirkii Hawiye ee Muqdisho oo qodobo xasaasi ah laga soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa shalay lagu soo gebo gebeeyey wejigii koowaad kullan muddo u socda beelaha Hawiye, oo looga hadlayay aayaha beesha iyo qorshayaal ay damacsan tahay.

Kullanka oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin, wax-garad, aqoonyahanno iyo haweenka Beelaha Hawiye, ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa sidii beesha la isugu xiri lahaa guud ahaan, ayna u sameysan lahayd hoggaan mideysan oo ka taliyaha aayaha.

Waxaa kale oo kullanka ujeedkiisa qeyb ka ahaa sidii dib-u-heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa qaar ka mid ah beelaha Hawiye, oo weli laga yaabo inay cuqdado yar kala tirsanayaan.

Haddaba waxaa kullanka laga soo saaray qodobo dhowr ah, oo beelaha Hawiye ay isku raaceen, waxaana qodobaas warbaahinta u aqriyey Col. Cabaas Maxamuud Caddow ee hoos ka dhageyso.

Qodobada Kullankii Hawiye kasoo baxay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Sawirro: AXMED Madoobe oo saxiixay heshiis aysan DFS ogeyn oo Dekedda Kismaayo la xiriira (BF muxuu sameyn)

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ee Jubba ayaa shalay heshiis dhanka dhismaha dekedda magaalada Kismaayo la galay Shirkadda MSC Line ee laga leeyahay dalalka Khaliijka.

Heshiiska shirkadda iyo maamulka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada,waxaana goobta ku sugna mas’uuliyin ka tirsan maamulka Jubba,xubnaha ugu sareeya rugta ganacsiga Jubboyinka ee JCCI iyo mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda MSCLINE oo shalay soo gaaray magaalada Kismaayo.

Ibraahim Axmed Baajuun oo ah wasiirka gaadiidka iyo dekedaha ee maamulka Jubba ayaa warbaahinta la hadley heshiiska kaddib waxuuna sheegay in shirkadda iyo maamulka ay kala saxiixden heshiis ganacsi kaasi oo looga gon leeyahay ballaarinta ganacsiga dekedda Kismaayo.

“Waxaa madaxtooyada heshiis ku kala saxiixdey maamulka Jubba iyo Shirkadda MSC Line ee laga leeyahay dalalka Khaliijka,waxaana heshiisku uu la xiriira dhismo iyo dayactir lugu sameyn doonno dekedda magaalada Kismaayo” ayuu yiri wasiirka gaadiidka iyo dekedaha ee maamulka Jubba,Ibraahim Axmed Baajuun.

Mas’uul u hadley shirkada oo lugu magacaabo Shariif Axmed ayaa isna dhankiisa sheegay in bisha September ee sanadkaan ay si rasmi ah uga shaqo bilaabi doonaan dekedda Kismaayo,waxuuna inta ku darey inay qorsheynayan sidii loo horumarin laha dakedda Kismaayo oo u ku sheegay inay tahay mid istiraatiji ah.

Shariif Axmed ,waxaa kalo uu soo hadal qaadey in shaqooyinka ugu badan ee ay qaban doonan inay ka mid tahay,keydinta agabyada kasoo dega dekedda waxayna dib u howlgelin doontaa qaybtii keydka ee dekedda Kismaayo taas oo bur burtay sanadkii 1991-dii.

Heshiiskan, ayaa waxaan ka war-hayn dowladda federaalka Soomaaliya, ee fadhiggeedu yahay Muqdisho. Nidaamka federaalka Soomaaliya ayaa dhiggaaya in dhammaan garoomada diyaaradaha iyo dekedaha dalka ay maamuleyso dowladda dhexe, waxaana maamulka Jubba uu horey uga baxay heshiiskii DF ku wareejin lahaa xarumahaas.

Xildhibaanada Xamar u fadhiya caqabadeynta horumarka Muqdisho, ee horey u diiday in shirkadda Favori maamusho garoonka Muqdisho, ayaan la fileyn inay ka hadlaan arrintan, maadaama uu yahay heshiis aan ayaga lasoo marsiin, sidii ay ku doodeen markii ay diideen Favori.

Sida muuqato, waxaa maamul dalka ka jira uu mid walba u dhaqmayaa sida dal madax banaan, ayada Puntland ay maalmo ka hor u saxiixday dalka Yemen inay kalluumeysatadooda ka jillaaban karaan xeebaha maamulkaas.

Waxaa cad in Nidaamka federaalka Soomaaliya uu yahay mid sidiisaba loogu tala gay sidii dalka loo kala qeybin lahaa.

Sawirrada heshiiska

juba1juba2juba3juba4

Caasmada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Tacsi: Reer Xaaji Maxamed Ismaaciil

Aabe Xaaji Xuseen Raage

Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Aabe Maxamed Cabdi Yuusuf

Gen. Cabdullahi Xaaji Caynte

Hooyo Xaliimo Sacdiyo Xaaji Xasan

Raxma Maxamed Cabdi (Ruuxi)

Faaduma Cadar Maxamed Cabdi

Ridwaan Maxamed Cabdi

Xasan Maxamed Cabdi

Ayeeyo Faadumo Xaaji Caynte

Hooyo Xersiyo Aadan Nuur

Adeer Bootaan Raage Boorre

Caasho Xasan Xaaji Caynte

Cumareeto Xasan Xaaji Caynte

Abuukar Xaaji Xasan Caynte

Xasan Fiidoow Boorre

Cilmi Jimcaale Boorre

Cabdulqaadir Xasan Xaaji (Qoorleex)

Abti Maxamed Xaaji Xasan (Leebo)

Adeer Ibraahim Raage Boorre

Adeer Cabdulqaadir Jimcaale Boorre

Cabdi Salaan Macallin Ibraahim

Xasan Axmed Foodeey

Hindiya Xaaji Xasan Caynte

Cabdi Casiis Cismaan Sh. Cali (Badmaceeye)

Mulki Cismaan Sh. Cali (Badmaceeye)

Shukri Cabdullaahi Xasan (Tubbo)

Macallin Maxamuud Axmed Foodeey

Xasan Cali Beereey (Jookar)

Xasan Jimcaale Boorre

Cawil Axmed Jimcaale

Madiino Baafe Maxamuud

Caasho Baafe Maxamuud

Cabdullaahi Baafe Maxamuud

Aamina Baafe Maxamuud

Cabaas Ibraahim Ganeey

Maxamed Xasan Axmed Foodeey

Cabdalla Maxamed Gaaboow (Shiiloow)

Maano Xaaji Caynte

Suuban Maxamuud Caddoow

Saadaq Macallin Ibraahim Raage

Cabdullaahi Xaaji Xuseen Raage

Sahra Xaaji Maxamed Caynte

Ayeeyo Saynab Sheekh Xuseen

Laylo Xasan Dhicisoow.

Axmed Xaaji Caynte

Rashiid Xaaji Caynte

Maxamuud Xaaji Caynte

Maymuun Xaaji

Khadiija Xasan Xaaji Caynte

Waxaa dadkan & dhamaan qoyska reer Geedoow ay tacsi tiiraanyo leh hawada u marinayaan dhamaanba reer Xaaji Maxamed Ismaaciil oo ay uga tacsiyaynayaan geeridii naxdinta lahayd eek u timid aabohood Xaaji Maxamed Ismaaciil Jimcaale oo Talaadadii ku geeriyooday magaalada Nijmegen ee dalka Holland, waxayna Ilaahay uga barayayaan inuu isagana u naxariisto oo u nuuriyo iilka idinkana uu samir & iimaan idinka siiyo…..Aaamiin……….Aaamiin………Aaamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.