29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Video: Blicda Xamar & muuqaal cusub

0

Bilicda Magaalo Madaxdaa Caasimadda ee Muqdisho waxeey isku badashay muuqaal iyo jawi kale kadib Dib u dhis xoogan iyo horumar baaxad weyn leh oo si xowli ah uga soconaya waayihii u dambeeyay.

Hadaba Muuqaalka Muqdisho iyo sida uu maanta yahay hadaad daawato waxaa hubaal ah in aad xusuus iyo qiimo darteed la ilmeyneyso ee nala daawo muuqaalkii u dambeeyay ee Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: 

 

Sawirro: Nuur Cade oo Xamar iskeenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Xasan Dhuxulow iyo dadweyne fara badan.

Wuxuu la hadlay saxaafadda isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaashiyaha uu yimid magaalada Muqdisho.

Nuur Cadde oo sidoo kale soo noqday safiirka Yurub u fadhiya dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uusan xilligan diyaar u ahayn in dagaallo kale oo ka dhaca,

Wuxuu sheegay oo kale in imaatinkiisa uu ku soo beegmay iyadoo ay soo dhowdahay bisha Ramadaan oo dhowr cisho ay ka harsan yihiin.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay is caawiyaan inta lagu guda jirro bisha Ramadaan oo ah bil faa’ido badan ay ku jiraan.

Mar la weydiiyay wax yaabaha uu Muqdisho u yimid wuxuu ka dhawaajiyay in uu magaalada u yimid siddii uu u arki lahaa horrumarka ka socda magaalada Muqdisaho.

Nuur Cadde ayaa ra’iisal wasaare ka soo noqday dowladii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa allaha ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Yuufuf Axmed.

cadde 1cadde 2cadde 3cadde 4cadde 5

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

R/W Cabdi Weli oo la saftay mid ka mid ah dhinacyada isku haya Sh/Hoose

Marka (Caasimada Online) – Maamulka Shabeelle State ayaa ku eedeeyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya in uu la saftay maamulka 3-da gobal ee Koonfur Galbeed.

Muxyidiin Xasan Afrax oo ah madaxweyne ku-xigeenka maamulka Shabeelle State ayaa sheegay in xog ku heleen ra’iisal wasaaraha in uu taageersan yahay maamulka seddaxda gobal ee Koonfur Galbeed isla markaana ay caddeemo cad-cad ay u hayaan sidda uu hadalka u dhigay.

“Meelo badan ayuu ka sheegay ra’iisal wasaaraha in u taageersan yahay maamulkaas, wuxuuna wadaa durbaan colaadeed, aqoonsi cidna ugama baahnin oo dastuurka ayuu ku yaallaa in labo gobal iyo wixii ka badan ay sameesan karaan maamul gobaleed” ayuu yiri Muxyidiin Xasan Afrax.

Wuxuu sheegay oo kale in ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cidkasta oo soo weerarta maamulkooda.

Dhinaca kale, madaxweyne ku-xigeenka maamulka Shabeelle State ayaa ka hadlay gogol nabadeed oo ay dhigeen beelaha Habar-gidir iyo Biya-maal oo ku dagaallamay qeybo ka mid gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay in kulankaas ay ka soo qeybgalaan odayaal iyo wax garad ka soo kala jeeda beelaha ku dagallamay gobalka isagoona intaas ku daray in lagu gaaray madasha heshiis hordhac ah oo la isugu soo dhaweenaayo labada dhinac.

Ma cadda sidda warkan ka soo yeeray maamulka Shabeelle State uu xaqiiqo u yahay waayo dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay Marka ayaa ku soo guul darreestay in ay dhexdhexaadiyaan maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamay gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Heshiisiinta Habar-Gidir iyo Biyo-Maal oo warar cusub ay kusoo kordheen

Marko (Caasimada Online)- Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay socdeen dadaalo lagu doonayay in lagu hishiisiiyo dhinacyada ku dagaalamay gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in hishiis la gaaray.

Mid kamid ah waxgaradka gobolka Shabeelaha Hoose kana soo jeeda beelaha dagaalamay mid kamid ah ayaa sheegay in hishiis hor dhac ah lagu kala gaaray magaakada Marko ee xarunta Shabeelaha Hoose.

Diyeeshi Cumar Warsame, oo kamid ah waxgaradka mid kamid ah beelaha ku dagaalamay Marko ayaa sheegay in hishiisyada ay kala saxiixdeen labada dhinac ee ku dagaalamay gobolkaasi.

Wuxuu sheegay in isaga uu goob ka ahaa kulankaasi ka dhacay degmada Marko ayna ku faraxsanaayeen labada dhinac ee hishiiska ku kala gaaray magaalada Marko.

Qodobada hordhaca ah ee lagu hishiiyay ayaa waxaa kamid ah in xabada la joojiyo iyo in dadkii ku barakacay dagaalada dib loogu soo celiyo magaalooyinkii ay ka carareen.

Mr Warsame ayaa sheegay in arintaasi ay hordhac u tahay dadaalada la doonayo in lagu dhameeyo dhamaan waxyaabaha dhaliyay dagaalada ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose ee u dhaxeeyay maleeshiyaad kala matalayay Habar-gidir iyo Biimaal.

Caasimada Online

Xafiiska Marko-Cadeey

[email protected]

Sidaan ayuu ku dhammaan doonaa dagaalka Sh/hoose: YUUSUF GARAAD

Gobolka Shabeellaha Hoose colaaddiisu wey dhammaan doontaa. Waxay ku dhammaan doontaa in qof kasta oo aan dhiman uu gurigiisa degganaado, beertiisana lahaado.

Waxay ku dhammaan doontaa in qof waliba gurigii uu doono iyo beertii uu doono oo kiro ah oo uu awoodo uu kireysto.

Waxay ku dhammaan doontaa in ninkii ku dhaawacma ama ku naafooba uu isagu isu qabo dhaawiciisa.

Waxay ku dhammaan doontaa in kii qof dila lagu eedeeyo in uu yahay mooryaan gacan-ku-dhiigle ah. Waxay ku dhammaan doontaa in ninna aan la siin shilin uusan shaqeysan.

Waxay ku dhammaan doontaa in aabbaha iyo hooyada uu wiilkoodu ku dhinto asaga oo dagaaalllamaya, in aan cidina u ogeyn abaalna looga hayn doonin.

Waxay ku dhammaan doontaa sida dagaal kasta oo na soo maray uu ku dhammaaday.

Waxay ku dhammaan doontaa xaflad weyn oo niman aan baahi qabin, qofna uga dhiman dagaalka, iyaguna aan ka qeyb gelin, ay bariis, hilib iyo cabitaan baraf leh oo caynba cayn ah ay ka wada dhergaan. Iyaga oo findhicilanaya oo qosqoslaya ay gacanta is geliyaan ayada oo video laga duubayo sawirrana laga qaadayo. Waxay sheegi doonaan in dadku is dilo kana heshiiyo. Labadaan beelood oo is dilay waxay dhihi doonaan waa dad weligoodba saaxiib iyo xataa walaalo ahaan jiray.

Nimanka heshiiska gelaya waxaa soo ururin doona NGO ama niman is habeeyay oo mashruuc ka dhigtay howhaas fulinteeda, oo dowladda ama hey’ado shisheeye lacag badan uga qaatay.

Nimanka heshiiskaas gelayaa, hadday doonaan waxay isa siin doonaan gabdho ay ku xaraarad gooyaan oo ay xaasaskooda ku labaystaan, saddexystaan, afareystaan ama…

Waxay ku dhammaan doontaa in magaalada ay u arrimiyaan Guddoomiye Degmo iyo Taliye Booliis oo ay u badan tahay in ay warmoog ka yihiin dagaalka hadda socda wax dan ahna aanay ka lahayn.

Wiilasha intii ay wax baran lahaayeen dagaalka ka doortay, hadday xabbadda ka badbaadaan waxay ku dambayn doonaan in ay xamaali ka noqdaan beeraha mooska ee gobolka. Haddii kale ay doomaha iyo shabaqa u xafidaan, u nadiifyaan ama u jiidaan doomaha kalluumeysatada. Howshaas waxaa xisaabayayaal iyo Madaxba ka ahaanaya amaba ay lahaan doona wiilasha dagaal-moogga ah ee hadda wax baranaya.

Ragga hadda dagaallamaya iyo qabiillada ay sheeganayaan in ay u dagaallamayaan midna marti loogama ahaan doono Shabeellaha Hoose iyo meel kale toona.

Soomaali iyo ajnebi badan iyo Dowladda ayaa intuba hanti gashaday Gobolka. Mustaqbalkana qaar intaas ka sii badan ayaa imaan doona oo hanti gashan doona.

Malleeshiyada is dileysa marka la isu geeyo waxaa ka tiro badan dadka kale ee Gobolka nabadda ku jooga, Dimuqraaddiyad maalinta la gaaro Gobolka kuwaas ayaa xukumi doona. Wixii Dimuqraaddiyad ka horreeyaana waa ku meel gaar.

Qiyaasta Yusuf-Garaad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Arrin BADDA SOOMAALIYA looga bad baadin karo Kenya oo lasoo jeediyey

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo laga codsaday in uu Guddiga cusub ee dib u eegidda DASTUURKA u gudbiyo Xeerka Law no 37 si looga dhigo dastuuri

Haddii si cad naloo dhaco oo boobka la sharciyeesto, calaacal iyo qeylo iyo mudaharaad waxba inooma tari doonaan ee hadda inta goori goor tahay aan gacmaha isqabsanno oo aan ka hortagno.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in taariikhdu markey ahayd 15-06-2014 , aan HILTON Hotel ee Den Haag ku booqday Wasiirka Batroolka Soomaaliya Mudane Daa-uud Moxamed iyo Agaasimaha Guud Mudane Farax Cabdi , xilli aay la shireen Shirkadda SHELL.

Fursad fiican ayeey ii ahayd in aan la kulmo Mudane ka tirsan Golaha Wasiirada si aan uga dhaadhiciyo in DHUL-BADEEDKII SOOMAALIYEED uu wali halis ku jiro.

Waxaan u sheegay in damaca waalan oo la rabo in DHULBADEEDKA SOOMAALIYEED lagu boobo oo jaraaidyada Kenya aay soo qoreen in Dowladda Soomaaliya lagala xaajoonayo aay run tahay..

  • Kenya upbeat on ocean deal with Somalia – Politics and policy …

Waxaan u sheegay in Shirkadahaan hoos ku qoran aay qeeb ka yihiin kuwa ku jira damaca boobka batroolka Soomaaliyeed. Ugu dambeentii waxaan ka codsaday in uu arrintan soo noqnoqoneysa ee boobka batroolka Soomaaliyeed loo gidbiyo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guddiga cusub ee dib u eegidda DASTUURKA.

Sida kaliya oo aan uga badbaadi karno iskudaygaan boobka oo soo noqnoqonaya waa iyadoo sharciga baddanada (LAW no. 37) laga dhigo DASTUURI sida Dastuurka Dowladda Peru oo kale.

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in gacmaha la isqabsado oo loo wada gurmado difaaca batroolka Soomaaliyeed, lalana wada xiriiro Xildhibaanada Baarlamaanka si loogu adkeedo arrintan.

Bashir Shekh Moxamed- [email protected]

———————

  • International companies operating in Kenya and the blocks awarded

Kenya waxaay barta Internetka soo dhex dhigtay qariiraddii iyo qoralkii ugu dambeeyay oo aay ku cadyihiin Shirkadaha kusoo xadgudbay Dhulbadeedka Soomaaliyeed…

Source:Ministry of Energy and Petroleum
Operator/Contractor
Block No. Basin Name
Afren/Lion 1 Mandera
Afren/EAX L17/L18 Lamu Offshore
Simba Petroleum 2A Mandera
Lion Petroleum 2B Mandera
Vanoil Resources 3A/3B Anza
Africa Oil 9 Anza
Tullow Oil/Africa Oil 10A Anza
Tullow Oil/Africa Oil 10BA/10BB/12A/13T Tertiary Rift
Tullow Oil/Swala Energy 12B Tertiary Rift
ERHC 11A Tertiary Rift
Adamantine 11B Tertiary Rift
NOCK 14T Tertiary Rift
A – Z Petroleum L1A/L3 Lamu Onshore
CAMAC Energy L1B Lamu Onshore
CAMAC Energy L16 Lamu Offshore
CAMAC Energy L27/L28 Lamu Deep Offshore
Imara Energy L2 Lamu Onshore
Zarara/SOHI Gas L4 Lamu Onshore
Zarara/SOHI Gas L13 Lamu Offshore
Anadarko/Total/Cove L5/L7/L11A/L11B/L12 Lamu Offshore
Flow Energy/Origin Energy L6 Lamu Offshore
Apache L8 Lamu Offshore
Ophir/Dominion Petroleum L9/L15 Lamu Offshore
BG Group L10A/L10B Lamu Offshore
Lamu Exploration L14 Lamu Onshore
Rift Energy L19 Lamu Onshore
Pacific Seaboard Investments L20 Lamu Onshore
ENI L21/L23/L24 Lamu Deep Offshore
Total L22 Lamu Deep Offshore
OPEN BLOCKS L25/L26 Lamu Deep Offshore

somken1

Stealing Somalia’s Oil:-
Anadarko: Block L5,Kenya, Anadarko sign oil exploration deal: paper | Reuters
Total: Block L22 ,Total Close to Seal Kenyan Oil Block Deal – Exploration
ENI: Block L21, L23, L24,Kenya issues exploration licences for seven more exploration blocks
Block L26 oo beec loo raadinayo ,oilinkenya.co.ke |
Zarara Oil: Block L13, Update – Swiss Oil Takes Kenyan Blocks L4 and L13 | Petroleum Africa

Xigsho: Somalitalk.com

DF oo saxiixday heshiis shidaal looga baarayo Puntland iyo P/L oo qeylisay

Garowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa qaadacday heshiis ay DF la gashay Shirkad la yiraahdo Shell oo shidaal ka doonaysa Somalia gaar ahaan Puntland, heshiiskaas ayaana ka dhacay wadanka Netherland.

Agaasimaha macdanta iyo shidaalka Puntland Ciise Maxamuud Faarax Dhoola-waa oo la hadlay BBC ayaa wax laga xumaado ku tilmamay in DF heshiis shidaal la gasho Shirkado shisheeyo wuxuna muujiyay inaysan raali ka ahayn howlaha ay wado Dowladda, xili uu wali go’an yahay xiriirka wada shaqaynta labada dhinac.

Dhoolawaa ayaa sheegay Puntland inay awood u lee dahay inay lasoo baxdo shidaalkeeda iyadoo aan cidna kala tashan, wuxuna wax laga xumaado ku tilmaamay waraysi uu maalinkii shalay BBC siiyay masuul ka tirsan DF oo sheegay inay dib usoo celinayaan wada shaqayntii shikada Shell iyo dowladda Soomaaliya ka dhaxeeyay.

Waxa uu sheegay inuu wax ka khuseeyo wada hadalka DF iyo Shirkada Shell sidaasi darteedna aysan raali ka ahayn xiriir kasta oo DF lasoo samayso Shirkadaha doonaya arrimaha Shidaalka ee Soomaaliya.

Xiriirka Puntland iyo DF ayaa wali go’an waxaana jira wada hadal hoose oo labada dhinac u dhaxeeya taasoo dadka siyaasada Puntland la socda ay sheegayaan in si hoose loo dhameeyay dhamaan arrimihii la isku hayay.

Heshiiskii ay dowladda la gashay shirkadda Shell, ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay awood u leedahay inay dalka usoo saxiixdo heshiisyo, islamarkaana maamulka dalka si dhab ah ayadaay uga dambeeyaan caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Sawirro: C/Weli oo Kenya ku amaanay qabsashadeeda Somalia (Nasiib darro)

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa kulan saacado badan qaatay la yeeshay Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Waxay labada hoggaamiye ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee dhinacyada siyaasadda, ammaanka, ganacsiga iyo arrimaha bulshada.

Cabdi Weli ayaa uga warramay Madaxweyne Kenyatta horumarrada siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka socda dalka Soomaaliya, isagoo ammaanay kaalinta ay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kaga jiraan sidii guud ahaan dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad-diidka ah.

Ra’iiusl Wasaaruhu wuxuu Madaxweynaha Kenya uga tacsiyeeyay weerarkii ka dhacay deegaanka Mpeketoni ee Lamu oo lagu qaaday dadka rayidka ah iyo saldhigga booliska.

“Soomaaliya iyo Kenya waa laba dal oo walaalo ah. Waxaa naga go’an inaan sii xoojinno xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada badan ah ee u dhexeeya labadeenna dal. Waxaan uga mahadcelinayaa dawladda Kenya sida ay noogu garab taagan tahay inaan hagaajinno amniga iyo xasiloonida Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iiusl Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Waxaa nasiib darro ah in Cabdi Weli amaano Kenya, oo dalka Soomaaliya si gardarro ah ku joogta, kuna xasuuqday shacab badan oo Soomaali ah.

Kenya waxa ay xoog ku haysataa magaalada Kismaayo iyo ilaheeda dhaqaale, oo ay wadaag koox ay halkaasi ayada geysatay.

Sawirrada kullanka

cabdi weli uhuru 1cabdi weli uhuru 2cabdi weli uhuru  3cabdi weli uhuru  4

 

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Jawaab: Faalladii Saado Cali Warsame

Waxaan akhriyey maqaal uu ku qoray website ka (caasimadda.net) nin magaciisa ku laray darajada (Dr), waa Dr Xeyle Suudi. Darajada (Dr) waa title laga soo gaabshay erayga af-ingriisiga ah ee loo qoro sidan (Doctor), erayga Doctor laba nooc ayaa loo kala qeybshaa waana title aqoon xanbaarsan, macanaha 1aad waxaa loo yaqaanaa qofka bartay kuna takhasusay cilmiga caafimaadka aadanaha ama xoolaha (medical doctor), macanaha 2aad waxaa loo yaqaanaa qofka isna bartay aqoonta inteedaa kale oo heysta shahaadada Doctorate-ka ee loo yaqaan “PHD” lagana soo gaabshay (Doctor of Philosophy). Dr Xeyle wuxuu sitaa oo uu soo qortay darajadaa, ma garan karno iney dhab tahay oo uu yahay qof title-kaa leh iyo iney tahay boobkii lagu hayey darajooyinkii cilmiga iyo kuwii ciidanka 20-kii sano ee bur burka lagu jiray.Hadaan u soo noqdo maqaalkii Dr Xeyle waxaa uu kaga hadlayey fanaanada Soomaaliyeed ee Saado Cali Warsame, waxaa uu isku dayey Dr Xeyle inuu kaga hadlo maqaalka taariikhda Saado, hayeeshee uu qalad badani ka buuxshay isla markaana uu huwiyey af la gaadho aan loo meel dayin. Dr Xeyle waxaa uu fanaanada ku tilmaamay tilmaamo dhowra, sida “hayi raac, dhuuni raac, tuul la isticmaalo, (tuul waa qalab la isticmaalo marka wax la fur furayo ama la dhisayo, IWM.

Saado waa fanaanad Soomaaliyeed maantana waxaa u dheer iney tahay xildhibaanad Soomaaliyeed, waa qof la dhaliili karo oo taa lama diidi karayo, waayo qofka mar haddii uu “celebrity” noqdo, qof caana ama siyaasiya waa hubaal in ay jirayaan dad badan oo la dhacsan iyo kuwa kaloo badan oo iyana diidan. Marka aad qof ceynkaaya  dhaliileyso waa in dhaliishaadu noqotaa mid xikmadeysan isla markaana ka reeban “shaqsi weerar” adigoo doodaada qodobeynaya, xishood iyo asluubna raacinaya si qofka la dhaliilayaa qudhiisu uu wax ugu qaato inta kale ee maqasha dhaliishaana ama aragtaa ay ula muuqan karto dhaliil wax ku ool ah oo hufan, hadii qofka la dhaliilayaana uu noqdo qof dumara iyana ka sii daran oo waa inaad carabkaaga iyo qalinkaagaba aad u ilaalisaa saadan ugu dhicin wax qadafa oo aad qofkaa dumarka u geysato.

XAGGA DHAQANKA.

Soomaalidu waa dad dhaqan iyo diin leh, si kastoo ay raggu isugu dhacaan, haddana waxaa reebanaan jirtay in xagga qoyska iyo dumarka la iska maro, waxeyna weligeed aheyd ceeb aad u weyn in qof meel fagaare ah gabadh wax uga sheego, hadey dhacdana inta la canaanto oo la isugu tago ayaa xaal iyo xumeyn laga qaadi jiray. Intaa kaliya maahee waxaa reebanaan jirtay ceeb weynna loo arki jiray haddii nin, ku siiyo gabadh uu dhalay in lagaa maqlo (ma rabo) oo aad diido gabadhii lagu siiyey. Raage Ugaas oo ahaa gabyaa caana ayaa gabadh uu jeclaa dhib badana ka maray ugu danbeyn ku guuleystay inuu doono oo la siiyo, Raage xoolo badan ayuu ku baxshay,  xiligii uu u soo diyaar garoobay inuu gabadhii la siiyey ee uu jeclaa la aqal galo, ayaa markii uu reeraha soo gaaray lagu war geliyey in gabadhii Garaad Faarax Garaad Wiil Waal la siiyey oo la aqal galay. Raage dhulkii baa la wareegay maskaxdiisana wax badan baa ku soo dhac dhacayey.Odeygii gabadha dhalay oo Raage Ugaas la hadlaya ayaa yiri, Raagow war la ceeboobyee wax kaloo aan sameeyana ma aqaane ee maandhow gabadha aad jeclaatay tii kayareyd baa joogta iyadaan ku siiyey. Raage oo ahaa nin qorshe hor leh la kulmay waagiina ku baryey, caro fara badanna ka muuqataa, gabayana xataa ka tiriyey waayadii danbe waxa lagu sameeyey, ayaa haddana ku dhici kari waayey inuu yiraahdo maya oo ma doonayo gabadhaa, isagoo sababo badan oo uu ku gar leeyahayna heystay, xoolana weliba looga qaatay gabadhii ninka kale la siiyey ee godobta looga galay, ugu danbeyn Raage wuxuu ku qasbanaaday inuu ogolaado, taana bal aan ku qotomino sida dhaqanka waanaagsan ee gabdhaha loo ixtiraamo.

XAGGA DIINTA.

Xiligii Nabi Muxamed (NNKAY) waxaa soo dhacay dagaalo dhowr ah, waxaana ka mid dagaaladaa, dagaal kii la oran jiray (Qazwatu Banu Qeynu Qaac) ama “dagaal kii reer Qaynu Qaac”. Dagaal kaa sababtii uu ku yimi ayaa waxaa lagu sheegaa in ” haweenay muslimad aheyd oo aan magaceeda labsheegin lana qabay, ay u soo adeeg doonatay dukaan ay lahaayeen yahuudii reer Qeynu Qaac ee Madiina daganeyd, dabeetana gabadhii intii ay ku sii jeeday badeecadii ay gadan laheyd ayaa ninkii meesha lahaa inta maradeeda hoosta ka soo jiiday ilaa madaxa ugu xiray, waxaana muuqday gabadhii cowradeedii, nin Ansaartii reer Madiina (saxaabi) ka mid ah oo goobta joogay ileen gabadhuba Ansaariyad bey aheyde ( Anasaar waxaa loo yaqaanay saxaabadii Nabiga NNKHA uu ugu yimi magaalada Madiina) ayaa markiiba weeraray ninkii reer Qeynu Qaac wuuna dilay, raggii kale ee meesha joogay lana reero ahaa ninka la dilay ee Qeynu Qaac baa iyana weeraray saxaabigii reer Ansaareed ilaa ay ka dileen, wuxuuna saxaabigaa u dhintay isagoo gabadhaa difaacaya sharafkeeda. Kadibna arintii baa lawada maqlay waxaana halkaa ka kacay dagaal kii weynaa ee loogu magac daray (duulaan kii Qeynu Qaac) waxaa qisadan buuggaagtooda ku qoray Ibnu Kathiir iyo Ibnu Hishaam, taana aan ku qotomino qiimaha Islaamka u hayo gabdhaha iyo sida loo dhowro.

XAGGA REER GALBEEDKA.

Waxaa laga yaabaa qaar badan oo uu Dr. Xeyle ka mid yahayba ay u heystaan in reer Galbeedku aanay ixtiraamin gabdhahooda, iyo gabadh kasta oo wadamadooda kula nool, laakiinse sidaa maaha, oo waxaad moodaa in sida Soomaalida iyo dadyowga kale ay gabdhahooda dhaqan ahaan u xushmeeyaan, si la mida ama ka wacan ay iyana u xushmeeyaan.

TUSAALE: Xiligii hardanka doorashada ay ku wada jireen labada Xisbi ee Mareykanka “Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga” ayaa sida caadada ah loo qabtaa doodo 2da nin ee markaa Xisbi walba u sharaxan Madaxweynenimada dalka, kadib war-baahinta laga sii daaya, lagana doodaa. Haddaba hardankooda wuxuu gaaraa heer kharaar waxaana dhacda inaan waxba la isula harin, iyadoo aan hadana laga tageyn asluubka waanaagsan ee la isu dhaliilo.

Laakiin waxaa dhacday arin aan lagu tashashan oo hal mar jaah wareer ku keentay wadanka oo dhan, kadib markii haweeney Xisbiga Dimuqraadiga u qaabilsan “Arimaha Istraatiijiyada ee Xisbiga” ay si bareer ah u maagtay Xaaska Murashaxii Jamhuuriga Mitt Romney oo iyaduna magaceedu ahaa Anna Romney, hweeneydaa Dimoqraadiga ah ayaa waxey tiri “Anna Romney weligeed ma shaqeyn, mana garan karto dhibaatada heysa dadka shaqeeya” mar qura ayaa lawada naxay Dimoqraadi iyo Jamhuuriba Obama oo ahaa Murashaxa Xisbiga Dimoqraadiga iyo masuuliyiin kaloo badan ayaa ka dalbaday haweeneydii iney raali gelin ka bixiso, waxaana in badan lagu cel celiyey “dagaalka inaan loo gudbin ama la soo gelin xaasaska iyo qoysaska” si dhaqanka aan looga tagin iyo ixtiraamka qoysasku leeyihiin. Arinkaasi ay haweeneydu ku kacday wuxuu noqday shock taana waxey na tuseysaa in xagga qoysaska iyo dumarka la iska maro ay Khalad weyn tahay, hadey noqon laheyd Muslim iyo dad aan Muslimba aheyn, bal taana aan ku qotomino kawada sinaanshaha umadaha oo dhan, khalad u arkida wax ka sheega gabdhaha goobaha fagaaraha ah.

Haddaba Dr. xeyle Suudi, darajada “Dr” ee uu sito akhristow maxey kuula muuqataa?
 
SAID ABDI HIRSI
Los Angeles, California 
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Arag Sawirrada: Masjid taariikh cusub sammeeyey oo laga furay DENMARK

Masaajidkii ugu Horeeyay ee Minaaradleh oo Denmark Laga Furay‏

Copenhagen (Caasimada Online) – Waxa Caasimada Denmark ee Copenhagen gaar ahaan xaafadda Somaliada ku badan tahay ee Nørrebro laga furay Masjid Jaamac weyn oo minaarad leh kadib mudo ay muslimiinta wadanka daadal ugu jireen inay helaan meel ay ku dukadaan, Caruutodana Diinta iyo Dhaqanka Islaamka ku baraan.

Dhimaha Masjidkaan ayaa waxa ku baxday deeq dhan $ 27.4m ayadoona ay iska kaashadeen hirgalinta mashruucan Hay`ada Islamic Council deenishka (DIR) iyo Amiirka hore Dowlada Qadar Hamad bin Khalifa Al Thani.

Denmark waxa horay u joogay qiyaastii 226,000 Muslimiinta, kuwaas oo iskugu jiro dadwaaweyn, Dhalinyaro iyo carruur kuwaas oo imadanaayay wadanka ilaa 1960kii . Qaar badan oo ka rajaynaynaa in maalin un ay helidoonan masaajid Jamac weyn iyo xarunta Islamika iyo dhaqanka lagu barto maantana ay ugu dambeyntii maantana ay heleen labaatan sano waxii ay ridanayeen.

Dhanka kale, saxaafadda caalamka ayaa waxay si weyn uga hadleen Masjidkaan iyo isbadalka cusub ee Denmark iyo Islmaaka u dhaxeeyay kasoo xumaaday kadib markii Muslim adduunka ee 2005 ay aad uga caroodeen sawir gacmeedyada nabi Muhammad SCW uu soo bandhigay.

Maxamed al-Maimouni, afhayeenka weyn ee DIR “Tani waa maalin taariikhi ah Muslimiinta ee Denmark iyo waxa ay Fariin aadka u xumeyd ee Islaamka iyo Denmark dhextaalay ay ku baa ba`eyso, Waxaan nahay qayb ka mid ah bulshada oo kuna hanweyn in lahelo Danish Muslim ah.”

Sido kale Al-Maimouni ayaa sheegay in masaajidka, si rasmi ah logu aqoon magacdaridoono Hamad Bin Khalifa Civilisation , Ayana ka soo bixidoonan Danish-Muslim ah.

Ugu danbeentii dadweyanaha Muslimka Ajnabiga ah ee ku nool wadanka Denmark Gaar ahaan Soomaalida ayaa aad u soo dhaweyeen ayaa aado Dhismaha Masjidkaan iyo Sida ay Dowlada hada talada heydo ay fursad u siiyay Dadka Muslimka ah ee ku nool Dalka ay waxbadan ka badalayso xirrirki Wadamada Islaamka iyo Denmark.

Sawirrada masjidka

Masajidka Hamad Bin khalif ee DenmarkMasjid Denmark 1Masjid Denmark 2Masjid Denmark 3Masjid Denmark 4Masjid Denmark 5Masjid Denmark 6Masjid Denmark

Abdikaadir Kaasim “Aqaasim”

Xafiiska Caasimada Online

Copenhagen Denmark

Maxaa calanka SOMALIA looga waayaa kulamada madaxdeena iyo kuwa kale?

In badan waxaan aragnaa sawiro laga soo qaado madaxda dalka Soomaaliya oo la kulmaya madax wadamo kale oo kaligood la sawiran halka, Madaxda ay la taagan yihiin ay ag tagaan yihiin ama ay hor tagaan yihiin astaanta calanka dalkood ay matalayaan.

Laakiin madaxda Soomaaliyeed waxay iska soo istaagan halka uu qofka ay la kulmayaan istaago ayagoon qiimeyn astaanta  iyo calaamadda dalkooda ay madaxda u yihiin taas oo sawirka ka dhigaysa mid aan macno lahayn qofkii wadani ah dawladnimada iyo astaanta qaran leeyahay macnaha ay leedahay garanayana uu aad u caroonayo. Bal eeg sawirkaan hoose maxaa kaaga muuqda?

IMG_35191-515x343Inta badan marka ay madaxneenu la kulmaan madaxda dalalka aynu dariska nahay calankeena lama soo dhigo qolka ama madasha ay wada fariistaan ama ay wada istaagaan madaxda dalkeena iyo kuwa dalalka aynu dariska nahay qaasatan dalalka Kenya iyo Itoobiya . Waxad moodaa inay madaxduunu arintaas ku baraarugsanayn qiimaha ay u leedahay qaranimada Soomaaliya iyo inaan nahay laba dal oo siman oo isku si u leh calan astaan u ah, xuduud uu adduunku u aqoonsan yahay, iyo madax hogaamisa.

zxzxzx (2)

Waxaan fahmi waayey ma qolada baratakoolka u qaabilsan ayaa aqoon qaabka iyo hanaanka loo diyaariyo kulamada iyo qaab maamuuseedka madaxda loola kulmo, meelaha la kala istaago iyo diyaarinta hanaan sharafeedka.

Calanku waa astaanta nalaku yaqaan  haddii ay sidani dhacdana  waxay la macno tahay madax shaqaalaha uu xukumo la kulmaya oo taasi waxay ka dhigan tahay haddii aan hadda sawirkaan kore eegno in Ra´iisal wasaaraha Itoobiya uu la kulmayo wasiirkiisa Arimaha Dibada ileyn calankeenii meesha kama muuqdee.

Sawirkaani ma muujinayo in madax laba dal ay kulmeen. ma muujinaayo in madaxda dalkeena hooyo ay meesha joogaan. Kaliya waxaa fahmi kara qofkii yaqaana uun un Ra´iisal wasaare C/wali uu Soomaaliya matalaayo. Waxaa ka mid ah qaladaadka maamuus sharafafeed ee ay galaan qolyaha u qaabilsan dhanka hab maamuuska madaxda Soomaaliyeed inay galayaan qaladaad aad u fara badan oo  uu kan oo kale ka mid yahay.

Waxaan hadda ka hor daawaday Ra´iisal wasaarihii hore Mudane Saacid oo booqasho ku tagay dalka Burundhi (Brundi) inay qolyahaa hab maamuuska u qaabilsan ay qalad weyn galeen oo ay qaldeen dharka la soo xiranayo oo ay qasab tahay in ay ka wada hadlaan labada dhinac dadka u qaabilsan hab maamuuka ( Two office of Protocols).

Waxaa dhacday in uu dhacay qalad weyn oo ah habkii uu u soo labistay Ra´iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Saacid inay ahayd mid qalad ah oo ka soo horjeeday hab maamuuseedkii maalintaas lagu diyaariyey guriga madaxtooyada ee dalkaasi Brundi.

Waxay ahayd maalin Sabti ah Maalinta Sabtida ah waxaa caadi ah in dalkaasi Brundi ay dadka dhan soo xidhaan dharka ciyaaraha (Sport cloths ) madax iyo shacabba. Maalintaas waxaa la ciyaaraa ciyaaraha kala duwan si la isku hilmaansiiyo dhibaatadii ka dhacday dalkaas sanadihii sagaashameedyadii oo uu dalkaas iyo dalka ay dariska yihiin ee Rwanda ay ka dhaceen xasuuqyo ba´an oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof oo ka kooban qabiilada Hutuga iyo Tutsiga.

Maalintaas Sabtida waxaa loo asteeyey in dadku ay ciyaaraan oo ay is dhexgal sameeyaan. Haddaba waxaa dhacday in Mudane Saacid iyo wafdigiisu ay ku soo aadeen Maalin sabti ah inay madaxweynaha dalkaas kula kulmaan qasriga dalkaas laga xukumo.

Waxay ahayd in labada xafiis ee hab maamuuseedka u qaabilsani ay wada hadlaan oo ay ka wada hadlaan wax walba sida saacadda la imaanayo, inta qof ee lagu imaanayo, meesha la istaagayo, dhinaca la istaagayo ma midigbaa, mi bidixbaa, iyo dharka la soo xiranayo noocyadooda iyo inta jeer ee dharka la badalanayo iyo wax kastaoo ay xitaa ku jirto cuntada iyo cabitaanka meesha la keenayo, sida haddii aysan rabin in qamri iyo waxyaabo diinteena iyo dhaqankeena ka mabnuuc ah aan meesha la soo saarin.

imagesCANDTSRS

Waxaa sidoo kale muhiim ah in laga wada hadlo calamada iyo qaabka loo dhigayo iyo meelaha ay madaxdu kala istaagayaan, ma booqasho saaxiibtinimaa, ma mid rasmi ahbaa, ileyn mid walba qaab gooni ah ayey leedhay oo isku meel lama wada istaago calamadana madaxdu isku si uma hor istaagaan oo marna waa lays dhaafsadaa marna qof walba calankiisa ayuu hor istaagaaye.

imagesCA9UUXLO

Madaxweynihii Brundi wuxuu soo xirtay dharkiisii Sportiga ( Cayaaraha ) sidii dalkiisa caadiga u ahayd maalinta Sbatida ah. laakiin madaxdeenii waxay soo xirteen dharkii Suudadka madmadoobaa ee loogu talagalay inay soo qaataan marka uu dhigoodu soo qaato, sababtaasna waxaa keenay xafiiskeena hab maamuuska ama (Office of the chief of protocols)  Ayaan si wanaagsan u maareyn hawsha maalintaas ay madaxda dalkoodu qabanayaan.

untitled (18)

Haddaba maxaa qaldan? Ma madaxdaa qaldan mise Shaqaalahoodaan aqoon ku filan lahayn? Maxayse wax ugaga qabal la yihiin qaladaadkaan joogtada noqday oo maalin walba soo noq noqonaya? Waxaa la yiri sac ninkii lahaa saynta ugaga tagaan yahay ma istaago. Taas waxaan ugala jeedaa dawlad ay madaxdoodii qalad dhextaagan yihiin maalin walba ma shaqalihii hoose ayaa saxaya oo toosnaanaya.

Waxaa soo diyaariyey

Ali Hersi

[email protected]

Sweden

Daaw Video: Cayarao yaab leh oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

0

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo maalmihii u dambeyay dib looga arkayay arrimo waa hore u dambeysay oo si weyn Muqdisho looga yaqanay balse haatan sanaddo badan kadib dib loo arkay.

Isma dhaheysid Muqdisho ayaa sidaan ah marka aa daawato Muuqaalka Maanta iyo Muqdisho, Goormee kugu dambeeysay muqdisho oo Sidaan ah ee nala daawo Muuqaalkani xiisaha leh.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Maxaa Cali Maxamed Geedi iyo Cumar C/rashiid kala dhaxeeya Damul-Jadiid?

Raysal wasaaayaashii xillihii ku-meelgaarka ee soo maay Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa beryahan dambe si weyn ugu milmay madaxtooyada dawlada federaalka ee Villa Soomaaliya, iyadoo labada nin uu horey u xumaa xiriirka kala dhexeeya hogaanka dawlada ee hadda jira.

Cali Maxamed Geedi iyo Cumar C/rashiid oo u muuqda inay siyaasada dalka isku aragti ka yihiin ayaa lagu arkayey iyagoo safka hore ka fadhiya xaflado ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya, taasoo ay ugu dambeysay kulan dood wadaag ah oo uu soo qabqanqaabiyey telefishanka Universal, kaasi oo siyaasada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dawladiisa lagu faahfaahinayey.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu la taliyayaal ka dhigtay labada nin, waxaana toddobaadkii hore Cali Geedi iyo Cumar C/rashiid madaxweynaha kaga sii hormareen gobolka Shabeelaha Dhexe oo madaxweynuhuhu booqday isagoo dhagax dhigay goobo waxbarasho oo laga hirgelinayo deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xilalka la taliyanimo ee Calli Geedi iyo Cumar C/rashiid ayaan la ogeyn xilliga rasmi ahaan loogu magacaabay, hase yeeshee waxaa kaalinta la taliyanimo ay ahayd mid muuqata illaa markii uu soo baxay baaqii xildhibaano ka badan 100 xubnood ay ugu jeediyeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu iscasilo.

Ku biirista Damu Jadiid

Rag badan iyo dumar ayaa ku biiray kooxda Damu Jadiid ee awooda dawlada federaalka hadda heysata kuwaasoo aan horey uga tirsanayn kooxda, maadaama siyaasada Soomaaalida aysan ahayn mid ku saleysan xisbiyo ku loolama xukunka, waxaana taasi bedelkeeda ay had iyo jeer siyaasiyiinta isu bahaystaan si ku saleysan danahooda shakhsiga ah iyo hadba aragtida ay qabaan.

Ilo wareedyada qaar waxay sheegeen in aysan la yaab lahayn haddii la arko siyaasiyiin rug-caddaa ah oo ku soo biiraya xeyndaabka Damu-Jadiid maadaama tartanka ugu weyn ee hadda socda uu yahay sidii Damu-Jadiid ay u heli lahaayeen inay xukunka madaxtinimada sii heystaan mudo kale xitaa haddii doorasho ay ka dhacdo dalka sanadka 2016.

Isha: RBC

 

DHAGEYSO: MADOOBE oo shaaciyey in xasuuq uu ka socdo KISMAAYO

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa wuxuu si adag u sheegay in uu xasuuq ka soconaayo Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo.

Mdaxweynaha, ayaa Maamulka Kmg ah ee Jubba si dadban ugu eedeeyay in uu xasuuq ka wado Magaalada Kismaayo, wuxuuna xusay in kufsi iyo dhacba uu ka jiro Magaaladaasi.

“Kismaayo waxaa ka socdo gumaad ka baxsan bini’aadanimada, dad baa la gumaadayaa, dad baa la fara xumeynayaa, dad baa hantidooda la dhacayaa.” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.

“In badan baan la hadalnay ugana dignay dadka wax gumaada, oo dalaaliinta ah oo halkaasi yimid, rabana dhul iyo boob inay dhulkani ku qabsadaan. Waxaan uga digeynaa inay ka waan-toobaan gumaadka, dadka ay gumaadayaan.” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Beesha Caalamka, ayaa wuxuu ugu baaqay inay wax ka qabtaan waxa ka soconaayo Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, iyadoo uu su’aal keenay waxa ay indhaha uun uga daawanayaan.

Halkan ka dhageyso Madoobe

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

Puntland oo u jawaabtay DF SOMALIA

Garoowe (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Macdanta iyo Badroolka Puntland ayaa ka jawaabay hadal ka soo baxay dowlada Federaalka Soomaaliya oo sheegayay in Dowladda ay mas’uul ka tahay Shidaal baarista Dalka guud ahaan ayna iyaga soo marayaan cid kasta oo u socda shidaal baaris laga sameeyo gudaha Dalka.

“Puntland Dowlad baa ka jirta, Dowladaasina iyadaa mas’uul ka ah danaha dhaqaale iyo siyaasadeed, Wax shuqul ah oo ay Dowlada Muqdisho ku leedahay arrimaha Batroolka ma jirto, Arrimahaa Waxaa mas’suul ka ah dowlada Puntland oo awoodeeda leh lagalana xisaabstamayaa, dowlada Soomaaliya waxyaabaha ay sheeg sheegeyso haba yaraatee mahan mid ay saameyn Soomaaliyoo dhan gaar ahaan Puntland.” Sidaasi waxaa yiri agaasimaha Guud ee Batroolka iyo macdanta Puntland.

Agaasimaha guud ee Macdanta Puntland Ciise Dhoolawaa ayaa sidoo kale tilmaamay in mowqifka Dowlada Federaalka Somaaliya joogto uu yahay mid adag oo muujinaya kala fogaansho labada dhinac ah.

Dowlada Puntland ayuu tilmaamay Ciise Dhoolawaa in howshii ay waday ee shidaal baarista ay soconeyso cid wax ka qaadeysanaya aysan jirin, sida uu hadalka u dhigay, isagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay dowlada Federaalka iyo cid kale toona.

Dhinaca kale waxa uu sheegay agaasimuhu in ay socoto howshii shidaal baarista Puntland oo aan jirin wax isbedel ah oo ku yimid ayna halkii ka wadaan dadaaladii ku aadanaa shidaal baarista laga wado Puntland.

Puntland, ayaa muddo sanado ah sheegeysay in dhulkeeda shidaal ka buuxo, waxaana ay kenetay shirkado badan oo la sheegay inay shidaal baarayaan, hase yeeshee weli ma jiraan wax muuqda oo kasoo baxay.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Kenya oo aqbashay dalabkii SOMALIA

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa shaaca ka qaadey inay dowladda Kenya oggolaatay dalabkii dowladda Soomaaliya ee ahaa in aanan khasab lagu celin qaxootiga Soomaalida.

Waxaa uu hadalkan ka jeediyey raysul wasaare,Cabdiweli kulan uu xalay la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Kenya,waxuuna kulanka ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi Kenya.

Raysul wasaare,Cabdiweli ayaa Soomaalida Kenya kala hadlay arriimo ay ka mid yihiin mashaakilaadka qaxootiga Soomaalida, kaalinta ganacsatada ee maalgelinta iyo dib u dhiska dalka uga qeyb-qaadan karaan iyo arrimo kale.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay wasiirka Beeraha Soomaaliya, wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Soomaalida iyo Jaaliyadda oo u badan ganacsatada Soomaalida ee dalka Kenya, kulanka intiisa badan waxaa diiradda lagu saaray dhibaatooyinka ay ka kulmaan ganacsatada Soomaalida.

Cabdi Weli ayaa dhageystay Kalmadaha ay soo jeediyeen ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, Ganacsatada waxa ay soo dhaweeyeen dhammaantood in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay go’aan mideysan ka gaaraan xaaladda Soomaaliya dalka Kenya nooc walba oo ay yihiin.

Cabdi Weli oo khubad dheer u jeediyey Jaaliyadda, ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dadka Soomaaliyeed muddo hore si wanaagsan u soo dhaweysan, isla markaana labada dalka uu ka dhaxeeyo iskaashi ku dhisan wax wada qabsi.

“Madaxda dowladda Kenya waxa ay noo ballan qaadeen in si degan wax uga qaban doonto dhibaatada ay la kulmaan dadka Soomaaliyeed, Kenya waa ay qirsan tahay kaalinta wanaagsan ee ay Soomaalidu ku leeyihiin dalka Kenya, sida ganacsiga maalgelinta iyo firfircoonida xowliga ku socoto ee labada Bulsho, arrintaasi dowladda Kenya waan uga mahadcelineynaa, dowladda Kenya waxa ay soo jeedisay in dadka Ganacsatada ah ay sameystaan is diiwaangelin rasmi ah si xal waara looga gaaro, ganacsatada Soomaaliyeedna ay xaq u yeeshaan in ay Cadaalad helaan, ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa yiri  “Arrinta qaxootiga waxaan isla garannay dowladda Kenya in aan si qasab ah lagu celin Muwaadiniinta Soomaaliyeed, ma ahan mid waafaqsan Sharciga Qaxootiga ee caalamiga ah, waxaa jira heshiis saddex geesood ah oo arrinta qaxootiga ku saabsan, si dadka doonaya in ay dalkooda lu laabtaan loo fududeeyo arrintaasi, dowladda Soomaaliyeedna iyada oo kaashaneysa beesha caalamka ay diyaariso meeshii dadka soo laabanaya la dejin lahaa, waa heshiis aan wada gaarnay annaga iyo Kenya in dadka Soomaaliyeed aan lagu qasbin dib u celinta”.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in dhowaan uu dhici doonno shirka seddex geesoodka ah ee Arrimaha qaxootiga looga hadli doono, “waxaan idiin sheegayaa in dalka horumar badan ka socdo, rajo weyn ayaa noo muuqata, waxaan idin ku boorrinayaa in si deg deg ah aad uga qeyb-qaadataan maalgelinta dalkiinna, dib u dhiska iyo ka qeyb qaadashada sugidda ammaanka dalka, waad la socotaan in cadowga uu soo maleygayo in uu ka hor tago horumarkaasi, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Muqdisho: Wariye gaari lagu qarxiyay

Muqdisho(Caasimada Online) – Allaha u Naxariistee Weriye Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan, ayaa goor dhow lagu dilay qarax baabuur oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weriye Keynaan oo la shaqeynayey idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa bam loogu xiray baabuurkiisa oo yaalay agagaarka suuqa bacadlaha Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, waxaana uu ku naf waayey qaraxaas.

Bam-ka qarxay ayaa lagu xiray kursigii darawalka, waxaana la qarxiyey markii uu weriye Keynaan farriistay, Allaha u naxariistee.

Baabuurkii ayaa gebi ahaanba ku bur buray qaraxa, waxaana goobta tagay ciidamada booliiska.

Weriye ka tirsan Caasimada Online oo Muqdisho jooga, ayaa ka mid ah dadka loo soo sheegay geerida Weriye Keynaan. Lama yaqaan cidda fulisay qaraxaas.

Wixii warar ah ee kusoo kordha, waan idinla soo socodsiin doonnaa Insha Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xaqiiqooyinka ku saabsan SAADO CALI Warsame ee dad badan aysan ogeyn

Saaddo Caliyeey Meel walba ka maadeeye waa Magac beelaa!

Waxaa jirta adduunka magacu waa wax waara oo laba. Mid ayuu dhaxal u noqdaa inaad noqoto mid laga naxo maqalkiisa dheguhuna dhibsadaan iyo inaad noqoto mid samo iyo ammaan muteysta geeridiisuna noqoto mid laga murugoodo.

Sidoo kale magacaagu wuxuu saamayn  ku yeeshaa qoyskaaga, waalidkaa iyo kuwaad adigu dhashaba oo uu ku noqdaa, Tilmaan wanaagsan ama mid xun.

Haddaba sida u caadada ah Fanka Soomaaliyeed waxaa soo marey fannaaniin badan oo magac iyo maamuus wanaagsan ku lahaa, qaarbaa Aas qaran loo sameeyey kuwana ilaa maanta qof walba oo Soomaaliyeed carruur iyo ciroole wuxuu u hayaa xushmad iyo xaqdhawr.

Fannaanada Saaddo Cali Warsame, dabayaaqada 60meeyadii ayay iyada oo ka soo baxsatey Baadiyaha degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, gaar ahaan Daabiyad la yidhaahdo, Qararo oo reerkoodu deganaa, ahaydna gabadh miyi ku kortey kuna waynaatay, ayaa timid magaalada Burco.

Saaddo Burco wax ehel ah uma joogin aan ka ahayn dad ay qaraabo ama deegaan wadaag yihiin, saaddo waxay nasiib u yeelatay inay ku degto, gabdho ay wax isku ahaayeen oo qaadwalayaal ah qaarkoodna maqaayado yaryar leeyihiin, halkaasoo ay noloshii magaalada ka soo billowdey, ayaa sababtay inay isbartaan, fannaankii weynaa ee ilaahay haw naxariisto codka wanaagsan, Muuse Ismaaciil Qalinle. 

Muuse ismaaciil Qalinle, ayaa Saaddo qof ahaan u caawiyey markuu arkay dayaca iyo duruufta ka muuqata, iyadoo ahayd gabadh qurux u dhalatey hase yeeshee aan haysan daryeel dumar oo ku filan, caawimadii Alfannaan Muuse ayaa waxay la gashay markay is barteen una hawaala warrantey, inuu tijaabiyo codkeeda ileeyn isaga hiwaayadiisu waa fan iyo hees oo maaha ganacsade ama shaqaale dowladeede, ka dib luuqdeedii ayuu la dhacay, waxayna suuragelisay inay sidaa fanka uga soo qayb gasho, saaddo inkastoo ay fanka dad badan uga horreeyeen dhinaca jilitaanka iyo codkaba, haddana gabdhaha fanka iyo kooxda Waaberi ayay gaadhay inay ka mid noqoto.

Saaddo ayaa ahayd qof adduun jecel, hanti ama lacag yaraanteeda iyo badnaateedana meelo badan u martey, “Waxaad barataa waa baaskaa baa la yidhee”Saaddo Cali ayaa noqotey Alleen la yeersho iyo buun la tumo maalinta wax la maagayo ama la mucaaradayo.

Sooyaalka Madoow ee Saaddo Cali 

  1. Sanadihii 80meeyadii ayaa waxaa koox mucaarad ahi, Saaddo cali u soo dab aka dhiibeen, Laba Maanso oo ka mid ahaa “Silsiladii deelayda” loogana dan lahaa in lagu gees garaaco hoggaanka maamulkii Rajiimka, Saaddo oo aan ahayn Hal abuur laguna aqoon laguna baranin, weligeedna aan hees la gole iman ay leedahay ayaa mar qudha laba maanso oo dhul gariira keentay, lays weydii balse dadkaa la dhacsanaa oo guux baa looga baxay.
  2. 1990 ayaa haddana Koox kale oo mucaarad ahi oo fannaaniin iyo Abwaaniin ah waxay waayeen qof u metela Ruwaayadii “LAND CRUISER” Ka dib Saaddo ayaa sidii caaddada u ahayd, jabjab weydiisay oo qaaddatey ileyn waa waxay fanka u gashay xooluhu oo cidina kuma ceebsanaysee sidiina ku soo saartey ruwaayadii, mase jirin mabda’a mucaaradnimo iyo mid muxaafadnimo oo saaddo cali lahayd.
  3. Ku dhawaad 20 Sano ayay saaddo qurbaha wareegaysey waxayna weyday wax ka badan caydha reeraha galbeedka u guurey qaataan, sidoo kale waxaan jirin xaflado iyo goobo saaddo laga Waco maadaama aysan ahayn qof heesaheeda aad loo jecel yahy oo fankeedu uusan taageero badnayn.

Saaddo ayaa waxaa adeegsaday koox mucaarad ah oo la yidhaahdo SSC, oo uu hoggaaminayey, Wasiir Saleebaan Xaglo toosiye oo doonaysay siday wax uga heli lahaayeen maamulka Somalillan, Saado ayaa  billowdey inay markaan isku dirto beelaha deriska ah ee wada dega, Waqooyiga (Somaliland) iyadoo qori dable isugu dhiibtey, waxaa ka mid ahaa heesaha ay qaaddey, inay noqoto fannaanadii ugu horreysa ee qof shacaba oo ganacsade ah oo Soomaaliyeed, hees u qaadda(HA DHIGAN DHIIG SHIIL HA DHIGIN) sidoo kale waxay qaadey hees  Kalshaale maxaa ka yaal oo ay ku hurineysay, Colaad laba beelood oo walaalo ah ku dhexmartey, deegaamada Kalshaale iyo Maygaagle.(Dagaal ooge ) 

  1. Saaddo ayaa waxaa haddana mar kale waxaa adeegsaday Koox ay Kenya Qandaraas soo siisay oo magac la yidhaahdo Jubbooyinka wata, sidoo kalena waxay ka qaaddatey hanti sidii caaddada u ahayd waxayna soo qaadey heeso dhawra oo ay isaga hor keenayso beelaha walaalaha ah ee Soomaaliyeed ee Jubbooyinka iyaga oo qabyaalad ka dhex curinaysa sidey Somalilandba uga dhex curisey, waxaa heesahaa ka mid ahaa, Guul allee Geediga wadaay. Mashruucaas jubba ayaa dhalay in Madaxii horre ee maamulka Barri Faroole ku darro Ergo uu xoog ku xulay kuna sheegay inay ka mid yihiin Puntland oo ka mid noqdey Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Fannaanadii lahayd, Midnimaan rabaa, Qaranimaan rabaa, waxay la soo safatey lana soo shir tagtay waxaan ahay Xildhibaan reer hebel ah, “ Ileeyn nimaan xishoonayn, Dagaal xeeli kama hayso”
  2. Ugu Dambayntii Saaddo Cali waxay hadda sanadkan 2014ka ku jirtaa olole ballaadhan oo laysaga horkeenayo, Beelo Soomaaliyeed oo wada degan, Shabeellooyinka, Saaddo ayaa sidi caaddada ahayd waxaa halkana ay ku soo qaaddatey qandaraas cusub oo Belo hurin iyo dabshid ah, waxayna soo qaadey hees la yidhaahdo, “ SHABEELLE MAXAA KU DHUMAY”

Hadda waa is weydiine, Saaddo maxaa amin walba raaciyey kooxda wax duminaysa? Waa tan labaad maxaa ka dhigay shaqsi aan dhergin oo maalin walba qaylodhaan iyo waawareey iyo qoryo isugu dhiibid umadda Soomaaliyeed e islaamka ah?

Xaallada ayaa hadda taagan:-

  1. haddaad mucaaradtahay, Saaddo hakuu mashxarado.
  2. Haddaad wax maagayso , Saaddo hakuu mashxarado
  3. Haddaad Belo maleegayso, Saaddo hakuu mashxarado
  4. Haddaad Fitno maluuqayso, Saaddo hakuu mashxarado
  5. Haddaad Maal haysotona, Saaddo hakuu mashxarado

Saaddo Cali Warsame ayaa noqotey Makarafoonka xumaanta dadka lagu gaadhsiiyo, Halka uu Amiin caamirna ka noqdey, Filimqaaddaha, dadka xumaanta gaadhsiiya.

W/Q: Dr. Xayle Suudi

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Cali Geedi oo farriin uu PUNTLAND ka siday u gudbiyey beelaha Mudullood

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka Cali Geedi uu la yeeshay qaar ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha beesha Mudulood ayaa looga hadlayo qoddobo dhowr ah oo quseeya marxaladda siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay iyo sida ay u arkaan siyaasiyiin uu Cali Geedi ka mid yahay doorka looga baahan yahay beesha Mudulood in ay qaadato xilligan, waxaana uu madasha ka sheegay Geedi in qabsoomida kulanka sababaha uu u dalbaday ey tahay farriin uu kaga sido beelaha Puntland.

Cali Geedi waxa uu faahfaahin ka bixiyey shirar uu la yeeshay siyaasiyiin iyo waxgarad beesha Majeerteen ka soo jeeda muddadii uu booqashada ku joogay deegaanada Puntland, ayna isla wada jeexjeexeen arrimo dhowr ah, waxaana uu tilmaamay in dhammaan waxyaabihii ay ka wadahadleen ay isku aragti ka noqdeen, uuna balan ku soo qaaday in farriintii uu ka siday Garowe inuu soo dhexdhigo odayaasha.

Waxyaabaha uu Geedi sheegay waxaa ka mid ah in beesha Majeerteen ay dooneyso inay is-baheysi la noqoto beesha Muddulood, ayna talada dalka Soomaaliya labadooda wadaagaan abid, balse ay ka dooneyso beelaha Muddulood inay iska reebaan beelaha Habar-Gidir, Mareexaan iyo Murusade.

Geedi waxa uu sheegay in shaqsiyan isaga uu fikirkaas raacsan yahay, taasna ay xaqiijin karto in Muddulood iyo Majeerteen ay weligood madaxweyne iyo ra’iisul wasaare ayaga ka ahaadaan dalka.

Markii uu hadalka dhammeeyey Cali Geedi ayaa sida wararku sheegayaan waxaa isbeddelay jawigii shirka, waxaana la arkayey qaar ka mid ah waxgaradkii madasha ku sugnaa oo ka baxay qolkii uu shirku ka soconayey.

Hase yeeshee mid ka mid ah odayaashii waxgaradka ahaa ee kulanka ka qeybgalay oo hadalka qaatay ayaa yiri “Beelaha aad carabka ku dhifatay waa kuwa keliya ee maanta u taagan badbaadinta hambadii ka hartay Qaranimadda Soomaaliya. Geedi siddeen u xoori karnaa dadkaan walaalaheen ah ee aan rootiga kala goosano, oo aan bariiska wada cuno wax kastana aan wada qeybsado.? Ma waxaad dooneysaa inaad fitno iyo fadqalado na dhex dhigto?

“Mudulood haddii ay jirto cid dowladnimo la dooneysana waa kuwan aad tiri aan ka safano, kuwa aad leedahay aan la safano waa kuwa siyaasigooda iyo suuq joogooda ay meherada ka dhigteen ihaaneynta Madaxweynaha. Weli ma arag Habar-Gidir iyo qabiilaadka kale ee aad tilmaameyso oo Madaxweynaha wax ka sheegaya inay daafacaan ma ahan. Qoddoba ay kuu soo dhiibeena waa colaad ha idin dhexmarto annagana daaqada ayaan idinka daawaneynaa, marka Cali waxaan kugula talineynaa kuwa dad kuu xiga in qur’aan ku saaraan, haddii xaaladaadu ka weyn tahay quráan saaris qolada aad sheegeyso u tag iyaga ha ku magangeliyaane” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii kulankaasi ka hadlay.

Qaar ka mid ah waxgaradkii madasha ka hadlay ayaa waxa u soo jeediyeen Geedi inuu ka shaqeeyo walaaleynta iyo isku keenista ummadda Soomaaliyeed, halkii uu ka taageeri lahaa siyaasiyiin ay dano shaqsi ah ka dhexeeyaan.

“Waddanka maanta waa na deeqaa, waana nagu filan yahay, Soomaali wax ey kala leedahay ma jirto, waa la isku diray, cadow ayaa la isaga dhigay waxa sidaa yeelanayana waa dowlado shisheeye oo doonaya in ay Qarankii Soomaaliya god ku hubsadaan waxeyna adeegsanayaan kuwa ujeedadoodu tahay in ay wax noqdaan un, iyaga oo aan ka fikireyn daanada ay dalkooda u geysanayaan, Geediyoow haddii wax yar oo damiir ah uu kugu harsan yahay waxaan kuu soo jeedinayaa inaad adigo qolona aad gaar u ceyrsan, kuwa kalena aadan dhabarka saaran inaad ka shaqeyso cadaaladda iyo sidii Soomaali ay marxaladan kaga bixi laheyd” sidaa waxaa kale oo yiri oday ka mid ah dadkii kulankaasi ka soo qeybgalay.

Beelaha Mudullood iyo Majeerteen, ayaa muddo xulufo ku ahaa siyaasadda Soomaaliya, hase yeeshee waxa ay aad u kala boodeen markii Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxweynaha Soomaaliya, uuna shaqsiyan go’aansaday inuusan qof kasoo jeeda deegaanadaas u magacaabin ra’iisul wasaare.

Xigasho: Yoobsannews.com

Qurbojoogta Somalida oo la midenayo

Istanbul (Caasimada Online)- Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa maanta oo Sabti ah ka furmaya shir caalami ah oo looga hadlaayo siddii loo mideen lahaa qurba joogta Soomaalida.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dad Soomaali ah waxaana ka qeybgalaya Soomaalida ku nool qurbaha isla markaana waxaa martigaliyay dowladda Turkiga.

Waxaa shirka ka qeybgalaya wasiirka arrimaha dibedda iyo maalgashiga xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beyle Ducaale.

Qaban qaabiyaasha shirka oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shirkan uu socon doono muddo labo cisho waxaana inta u socdo la filayaa in looga hadlo arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay in la mideeyo qurba joogta Soomaalida.

In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa la filayaa in ay ku nool yihiin waddamada qurbaha.

Waa shirkii ugu horeeyay ee noociisa oo looga hadlo siddii loo mideen lahaa qurba joogta Soomaalida ee ku nool dibedda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]