29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Shabeelle State oo dagaal diyaar u ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Shabeele State Abuukar Cabdi Cismaan “Mardaadi” oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay aqoonsiga dowlada Soomaaliya ay dhalay aqoonsatay maamulka KMG ee koofur galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Mardaadi ayaa aqoonsigaasi ku tilmaamay xad gudub lagu sameeyay maamulka Shabeele State oo ka taliya gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu sheegay madaxweynaha in arintaasi ay ka dambeeyay dad wata dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna cadeeyay inaysan aqbaleynin natiijada ku saleysan aqoonsigaasi.

Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi, ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya iyo caalamka marka laga soo tago ay aqoonsi ka rabaan shacabka ku dhaqan deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose.

Mardaadi ayaa sheegay in shacabka Shabeelaha Hoose ay doorweyn ka qaateen dhismaha dowlada uu iminka madaxweynaha ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud, iminkana sida uu sheegay la doonayo in la gumaado.

Aqoonsigii dowlada Soomaaliya shalay ay siisay maamulka KMG ee Koofur Galbeed oo ka kooban dhinacyadii seddexda gobol oo lagu biiray lixda gobol ayaa keenay in dhinacyo badan ay ka horyimaadaan.

Waxa uu sheegay inaysan aqbali doonin ficilka DF ayna dagaal ku difaaci doonaan gobollada ay ka taliyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Go’aankii DF Somalia oo laga digay in dagaal beeleed uu hogaaamin doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya digniinaha laga soo saarayo aqoonsigii dowlada Soomaaliya ay siisay maamulka seddexda gobo lee koofur galbeed Soomaaliya, kadib xaflad shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u aqoonsatay maamulka Koofur galbeed Soomaaliya oo uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer.

Aqoonyahan Yaxye Cali Ibraahim oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalkeena ayaa sheegay in aqoonsigii shalay uu ahaa mid dhalin kara dagaalo dhanka qabaa’ilka uu ka dhaca deegaanada gobolkaasi.

Wuxuu sheegay in arimahaasi hadda socda ay yihiin kuwo lamid ah kuwii ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo sababtay in ilaa iyo hadda la isku fahmi waayo arinta maamulka KMG ah ee Jubba.

Aqoonyahan Yaxye Cali Faarax, ayaa ka hadlay hadalkii kasoo yeeray wakiilka urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afeey oo ku aadanaa inay la dagaalami doonaan cidii ka hor timaada hishiiskii la gaaray.

Aqoonyahanka ayaa sheegay in Mr Afeey uu ku xad gudbay qaranimada Soomaaliya islamarkaana uusan xaq u laheyn inuu u goodiyo shacabka Soomaaliyeed.

Dowlada Soomaaliya ayaa aqoonsigii shalay ku weyday taageeradii beelaha Hawiye iyo kalsoonidii maamulka Shabeele State uu u hayay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Mudisho

[email protected]

Xisbul Islam oo maanta isu-bedeshay..

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah looga dhawaaqay xisbi siyaasadeed oo lagu magacaabo Xisbiga siyaasadda ee Istaqlaal.

Xisbigan ayaa waxaa guddoomiye loogu dhigay madixii arrimaha dibedda ee ururkii burburay Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin, waxaana ku mideesan kooxo diimeedyo iyo siyaasiiyin sidda aan xog ku helnay.

Isagoo ka hadlaayay ujeedka loo dhisay xisbiga Istaqlaal ayuu sheegay Sheekh Maxamed Macallin in xisbigan in uu door muuqdo ka qaato masiirka Soomaaliya isla markana uu isku soo dhaween lahaa ummadda Soomaaliyeed oo muddo 23-sanno dagaallo sokeeye oo wajiyo badan ku dhex jiray.

Wuxuu sheegay oo kale in xisbigan uu noqon doono mid siyaasi oo danaha shacabka Soomaaliyeed ka shaqeen doona.

Sheekh Maxamed Macallin guddoomiyaha xisbiga Istaqlaal ayaa wuxuu kaloo ka hadlay dagaallo dib uga qarxay gobalka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo u dhexeeyay maleeshiyaad beeleedyo.

Wuxuu sheegay in haddii laga soo baxay dagaalladii qabiilka in hadda ay dalka ka billowdeen dagaallo dhinaca dhulka ah, wuxuuna ka digay haddii aan dagaalladaas laga hortagin in ay dhalin karaan dhibaatooyin hor leh.

Si kastaba, xibsiga Istaqlaal ayaa ku biiriya xisbiyo badan oo ka dhisan dalka balse aan la siin aqoonsi rasmi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madoobe oo xil qaadis ku sammeeyay laba wasiir kaddib shir qool loo dhigay (Qaska C/Weli, Kay iyo Shariif Xasan)

Beydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed, Madoobe Nuunow Maxamed ayaa la sheegay in uu maanta oo Isniin ah xilka ka qaaday labo ka mid ah golaha wasiiradda maamulkiisa.

Wasiiradaas ayaa kala ahaa, wasiirkii arrimaha gudaha iyo ammaanka Cabdifataax Geeseey iyo Shiino Macallin Nuurow wasiirka dowladaha hoose iyo reer miiga.

Wuxuu ku eedeeyay labadan nin in ay ka qeybgaleen shirweyn lagu burburiyay maamulkooda oo dowladda ay garwadeen ka ahayd kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Labadaan wasiir ayaa la sheegayaa inay ku biireen Kooxda Shariif  Xasan ee sheegata Maamulka Koonfur Galbeed ee 3-da Gobol.

Gobolada Bay, Bakool, Gedo inta badan, qeyb kamid ah Gobolka Jubada Hoose sida Goobweyn waxaa gacanta ku haaya Maamulka Koonfur Galbeed ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Madoobe Nuunoow Maxamed.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Sh/hoose waxaa gacanta ku haaya Maamulka Shabeele State ee ka kooban Sh/hoose iyo Sh/Dhexe maamulkaas oo uu hogaamiyo Madaxweyne Mardaadi.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli, Nicholas Kay iyo Kooxda Shariif qaska ay ka wadaan xamar ee ay ku sheegayaan in Maamul KMG loo samaynayo 3 gobol ayaan la ogeyn meesha ay ka shaqeyn doonto.

Qorshaha Ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo Xafiiska UNSOM Somalia ee uu Hogaamiyo Nicholas Kay ayaa ah mid dagaal looga abuurayo gobolada Soomaaliya.

Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaad moodaa in ay hadda kusoo baraarugeen in dalku ku jiro Gumaysi ka daran kii hore, Maadaama Gumaysigii hore uu ahaa mid cad, dadka soomaaliyedna ku mashquulsanaayeen sidii ay iskaga kicin lahaayeen, balse haatan dalku ku jiro gumaysi ka daran kii hore oo madaxda Soomaaliya lagu amrayo waxyaabo dalka ka abuurayo colaado aan dhamaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XILDHIBAAN ku dhaartay in MAAMULKA AXMED MADOOBE la geenaayo GEDO iyo Jawaab deg deg ah oo la siiyey

Buulo-xaawo (Caasimada Online) – Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo ka mid ah xildhibaannada ka soo jeeda gobalka Gedo ayaa sheegay in maamulka KMG ah ee Jubba la geyn doono gobalka Gedo ee koonfur galbeed ee dalka.

Xildhibaanka oo hadda isaga iyo xildhibaanno kale ay ku sugan yihiin gobalka Gedo ayaa ku dhaartay in maamulka Axmed Madoobe la geyn doono gobalkaas isla markaana aaney dhici karin cid ka soo horjeesan kara.

Wuxuu sheegay in maamulka KMG ah ee Jubba uu ka arrimiyo gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

“Maamulka KMG ah ee Jubba waxaa mardhow la geyn doonaa Gedo mana jirto cid ka soo horjeesan karta” ayuu yiri xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddiga xuquuqul insaanka baarlamaanka Soomaaliya.

Dhawaan magaalada Doolow ee gobalka Gedo waxaa lagu heshiisiiyay maleeshiyaad ka soo kala jeeda Maamulka Axmed Madoobe iyo Ahlu Sunnada gobalka Gedo kuwaasoo ku dagaallamay balad-xaawo.

Waxaa la sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay kala baxaan magaalada Baladxaawo maleeshiyaadka ku dagaallamay.

Maamulka gobalka Gedo ayaa u jawaabay xildhibaan Muuse Sheekh Cumar.  Maxamed Cabdi Kaliil waa guddoomiyaha gobalka Gedo ee dowladda Soomaaliya, wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay tallaabo ka qaado xildhibaan Muuse Sheekh Cumar iyo xildhibano kale oo doonaya inay dagaallo qabaa’il ka hol ciyaan gobalka Gedo.

Wuxuu sheegay in gobalka Gedo uusan hoos tagin maamulka KMG ah ee Jubba, dhawaana uu ka arrinsan doono aayihiisa.

Wuxuu sheegay oo kale in gobalka Gedo aanu qeyb ka ahayn maamulka Axmed Madoobe oo la sheego in uu ka arrimiyo gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Hadalka Maxamed Cabdikaliil ayaa jawaab u ah hadal uu xaley u sheegay Idaacadda Shabeelle xildhibaan Muuse Sheekh Cumar kaasoo sheegay in maamulka KMG ah ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DFS oo maamulka 3-da gobal si RASMI ah u aqoonsatay iyo warar dheeri ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystay in ay heshiis dhex dhigto maamuladii iska soo horjeeday ee koonfur galbeed, iyadoona ku mideesay hal maamul isla markaana dowladda ay aqoonsatahahay

Xaflad ka dhacday xarunta Villa Hargeysa oo ah xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Prof Jawaari oo ay ka qeybgaleen madaxweynaha Soomaaliya, xubno ka socda labada gole ee dowadda, siyaasiyiin iyo ergooyin caalami ah, ayaa labada dhinac ay kula saxiixdeen heshiis dhinacyo badan taabanaya.

Waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen in la mideeyo labada maamul lana qaato hal maamul oo ah maamulka seddxda gobal.

Waxaa maamulka lixda gobal u saxiixay Cabdifataax Geeseey oo ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga maamulka lixda gobalka halka maamulka seddaxda gobal uu u saxiixay madaxweynahooda Maxamed Cabdi Nuur Madeer.

Maamulkan ayaa la sheegay in uu noqon doono mid kumeel gaar ah, waxaana goobta la sheegay cid kasta oo ka soo horjeesata in loo arki doono mid caqabad ku ah nabadda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynaayo heshiiska ay gaareen labada maamul, wuxuuna si weyn u ammaanay madaxweynihii maamulka lixda gobal Madoobe Nuunow Maxamed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu Madoobe Nuunow uu muujiyay tanaasulaad ballaaran oo ku aadan in uu go’aansaday in uu ku biiro maamulka seddaxda gobal, wuxuuna tallaabadaas ku tilmaamay mid geesinimo ah.

Ugu dambeyn afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari oo gacan weyn ka geestay in la mideeyo labada maamul ayaa sheegay in maamulkii lixda gobal uu ku dhaqaaqay tallaabo geesinimo ah.

Wuxuuna goobta ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsaneyso maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed Soomaaliya, kaasoo maamuli doona gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay oo kale in uu usan la safan labada maamul midna ee uu qabay aragti uun isagoona meesha ka sheegay in uu taageersanaa maamulka lixda gobal.

Ma cadda sidda loo qeybsan doono maamulka seddaxda gobal maadama labada maamul uu ka koobkaa gobalo badan.
Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid ku guleysatay qorshaha ay lahayd oo ah in maamulka Koonfur

Galbeed laga dhigo seddax gobal maadma uu horrey u jiray maamul kale oo la dhaho Jubba kaasoo beesha caalamka ay aqoonsatay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay labada maamul oo ku saabsan qorshaha dowladda ay ku heshiisiisay labada maamul kana dhigtay hal maamul oo ah seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shirqool lagula wareegayo ganacsiga Soomaalida oo socda (Faah-faahin)

Beryahaan danbe waxaad la socotaan in shirar maalgashiyo iyo arimo ganacsi ku saabsan inay caalamka ka socdaan, loona qabanaayo Soomaalida ganacsatada ah iyo maalgashiyayaal Ajnabi ah. Arintaasi waa arin u baahan in si taxadar leh loola socdo lana doonaayo in laga feejignaado qorshayaasha ay maleegayaan qawlaysatada aadka ugu taqasusay sida loogaga faa´idaysto dalalka ay dagaalada sokeeye aafeeyeen oo ay horey cilmi baarisyo badan ugu sameeyeen.

Shirkii London ka dhacay ee ay dawladda Ingiriiska ay hogaaminaysay waxaa aduunku si hoose talada Soomaaliya loogu dhiibay dalka Ingiriiska iyo dalka Turkiga oo aysan Soomaalidu xasaasiyad weyn ka qabin aadna u caawiyey waqti ay Soomaaliya u baahneyd ilaa iyo haddana mashaariic waaweyn ka wada. Labada dawladood waa isku dan ayagoo hadana kala dan ah.

Dawladda Turkiya waxay doonaysaa inay Soomaaliya xasisho oo ay nqoto dawlad xoog leh oo dalka oo dhan maamusha, waxaana ka go´an inay Soomaaliya shacab ahaan iyo dawlad ahaanba wax ula qabato. Laakiin waxay ogaatay inay Soomaaliya ka jirto fursad shaqo oo u badan dhanka ganacsiga iyo maa lgashiga taas oo ku riixday inay shaqadoodii ay Soomaaliya ka wadeen ee hawlaha bani´aadamnimo ay ku daraan arimo ganacsi iyo mid maalgashiba, sdia inay diyaaradooda Turkish Airways ay shaqo toos ah ka bilowdo dalka Soomaaliya.

Laakiin dawladda Ingiriisku waxay u soo jeesatay inay baaritaan rasmi ah ku bilowdo Soomaaliya oo ay muddo iska fogeynaysay inay hawlaheeda hoose dhexgasho. Waxay bilowday inay safiir u soo dirto Soomaaliya. Waxay bilowday inay xod-xodasho u gasho in ergayga qaramada midoobay laga dhigo nin u dhashay dalkooda. Waxay bilowday inay baaritaano rasmi ah bilowdo oo la xariira arimaha dhaqalaha cusub ee soomaaliya, Siyaasadda cusub ee Soomaaliya iyo arimaha bulshada ee Soomaalida cusub.

Shirka qurbo-joogta ee Istanbul
Shirka qurbo-joogta ee Istanbul

Shirarka ganacsi ama maalgashi ee Soomaalida loo qabanayo sida kuwii lagu qabtay Nairobi Kenya, Sweden, Finland, iyo kan hadda ka socda Turkiyaba, iyo shirar badan oo daafaha caalamka ka kala dhacayaba waxaa intooda badan qaban qaabiya dalal shisheeye oo dano gaara leh oo uu u horeeyo dalka Ingiriisku.

Waxaa la doonayaa in la ogaado qaabka uu dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaalida ku kobcay mudadii burburka Soomaaliya oo ay dawlado nadaam iyo kala danbeyn leh ay dadkooda ugaga hor mareen ganacsigii iyo dhaqaale abuurkaba.

Waxaa la doonayaa in la ogaado oo Soomaalida dhexdooda laga ogaado waxyaabaha ay u baahan yihiin Soomaalidu si hadhow marka uu dalku dego ay dalalka iyo shirkadaha Ajnabiga ah ee doonaya maalgashiga Soomaaliya aysan hawl badna u marin oo ay yimaadaan ayagoo wata dhaqaale iyo farsamo ka sareysa midda Soomalaidu haysato sidaasna ay dhaqalaha dalkeena kula wareegaan ka dibna Soomaalidaan la xukumi waayey qab dhaqaale loo xukumo ayadoo loo marayo habka casriga ah ee ganacsiga aduunku u shaqeeyo. Soomaalidu ma ahan dad sir dhaqaale iyo mid siyaasadeedba leh.

Hadda waxaa la ogaaday waxa ay isku haystaan inay tahayq abiil iyo gobolaysi, marka qof walba gobolkiisa ayaa loogu tagayaa oo si toos ah loola xaajoonayaa, sidoo kale waxaa loo tagayaa dawladda Soomaaliya oo si toos ah loola xaajoonayaa looguna sheegayaa wax ka duwan wixii loo soo sheegay dawlad goboleedyada iyo qabiilada dhulkooda loogu tagay.

Dawladda Soomaaliya ma oranayso dalka anagaa dawlad ka ah maxaad ka doonteen goboladeena adinkoo fasax naga haysan noona sheegin waxa aad ka soo qabanaysaan, fasaxna naga haysan? Haddii ay ka dhaga adaygaana dalka ha imaanina ma oranayso .Goboladuna ma laha anaga dawlad ayaan leenahay oo xiriirada caalamiga ah ayadaa noo qaabilsan ee la xariira. Mustaqbalka dhow hogaanka dhaqaalaha Soomaaliya waxaa majaraha u qaban doona dad ama shirkado ajnabi ah oo Soomaalida ka dhigi doona Shaqaale hoose oo aan lahayn awood iyo xoriyad ay ku helaan xaqooda muwaadinnimo.

Shirkadahaasi waxay doonayaan inay shatiyada waaweyn ee dhaqalaha badan laga helo ay si sharci ah kula wareegaan, sida kaluumaysiga, baarista macdanta iyo shidaalka, korontada iyo biya galinta, dhismayaasha guryaha iyo hoteelada waaweyn, caafimaadka iyo xitaa waxbarashada iyo dhoofinta xoolaha nool, warshadeynta iyo wax soo saarka beeraha.

Haddaba hadii intaas nalaka qabsado Maxaa inoo haray. Ganacsatada Soomaaliyeed meel walba oo ay aduunka ka joogaan dal iyo dibad waa isku xiran yihiin. Wali ma aragtay ama ma maqasahay shir ay ganacsato Soomaaliyeed kaligood qabsanayaan oo ay ugaga hadlayaan horumarinta iyo kobcinta ganacsiga iyo wax soo saarka dalka?

Waxaan filayaa inay baqdintaas iyo welwelkaas ay dad badan oo Soomaaliyeed ay ila qabaan.

Haddaba hadii uu welwelkaas kugu jiro fadlan nala soo xariir oo fikirkaaga noogu soo dir e-mailkeena hoos ku qoran.

Mahadsanidiin

W/Q: Cali Xersi Kabayare

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xildhibaannada HAWIYE oo la kulmay madaxweynaha (Maxay kala hadleen?)

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaannada ka soo jeeda beelaha Hawiye ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud waxaana ay kala hadleen maamulada la isku heesto ee laga dhisaayo gobalka Shabeellaha Hoose.

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Xasan Faarax ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in kulankaas looga hadlay siddii xildhibaannada beelaha hawiye ay uga walaacsan yihiin maamulada la isku heesto ee laga dhisaayo gobalada qaar ee dalka.

Wuxuu sheegay haddii dowladda aysan maareyn oo waxbo ka qaban maamulada is-barbar yaacaya ee laga dhisaayo dalka in ay ka dhalaan karaan cawaaqib aad u xun oo ay ku jiraan dagaallo lagu hoobto.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in maamulada qaar ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin iyo ganacsato doonaya in ay curyaamiyaan dowladda sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale in madaxweynaha ay ugu baaqeen in dowladiisa ay wax ka qabato arrintaas haddii kale xildhibaannada ka soo jeeda beelaha Hawiye ay qaadan doonaan go’an cad ah.

Hadlaka xildhibaan Cabdisamad Macallin Faarax ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda ay hadda ku howlan tahay siddii loo mideen lahaa labo maamul ka dhisan Baydhabo kaasoo mid sheegtay in uu maamulo lix gobal iyo mid kale oo sheegta seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

“Villa Somalia waxaa u sarreeya Prof. Geedi, Shadoor ayaan ugu hooseeya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Abshir Maxamed Aadan, Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta ee Maamulka Galmudug, ayaa si kulul u weeraray Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Abshir Maxamed Aadan, ayaa sheegaaya in Madaxweynaha Somaliya uu la deris noqday nin jecleysi, halkii looga baahnaa in uu noqdo nin Qaran, si guudna ugu wada adeego Ummada Somaliyeed.

“Xasan Sheekh Maxamuud halkii uu ka noqon lahaa nin Qaran, wuxuu hadda bilaabay in uu dib ugu laabto arrimo qabiil, wuxuu Madaxtooyada isugu keenay dhammaan jufadiisa.” ayuu yiri Abshir Maxamed Aadan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ragga xilligaan ka hawlgala Villa Somalia uu kan ugu sareeyo yahay Cali Maxamed Geedi, halka midka ugu hooseeyana uu yahay Shadoor Xaaji Shadoor, sida uu yiri.

“Villa Somalia waxa jooggo waxaa ugu sareeya Cali Geedi, oo ah La taliyaha Madaxweynaha, Shadoor Xaaji Shadoor baana ugu hooseeyo. Dhammaan waa jufada Madaxweynaha.” ayuu si adag u yiri.

Wuxuu kaloo iftiimiyay in Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Cali Maxamed Geedi, laga jooggi kari waayay Magaalada Muqdisho, mucaaradnimadii uu ku haayay Dowladda, laakiin aan laga fileynin Madaxweynaha in uu dhaqaalo siiyo, deetana uu safarada ku wehliyo.

“Geedi oo aan Magaalada Muqdisho ka jooggi weynay, kana soo nac nacleen jiray Magaalada Nairobi, inta Xamar la keeno lacag siiyo, uuna saarnaado gaarigii Madaxweynaha, wax laga filaayay maaha.” ayuu markale yiri.

Abshir Maxamed, ayaa Madaxweynaha Somaliya ugu baaqay in uu wax ka bedelo hab dhaqankiisa, kana gudbo nidaamka ku saleysan nin jecleysiga, isla-markaana uu muujiyo daacadnimo uu ugu adeegaayo shacbigiisa.

Caasimada Online
Xafiiskii Muqdisho
[email protected]

Hehsiiskii DF Soomaaliya iyo Shell oo ay dhinacyo kale mucaaradeen (Aqri)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Gal-Mudug, ayaa kasoo horjeestay heshiis dowladda federaalka Soomaaliya ay la gaartay shirkadda Shell Petroleum ee shidaalka oo la xiriiray shidaal laga baarayo Soomaaliya.

Warsaxaafadeed uu soo saaray maamulkaas oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, ayaa u qornaan sidan:-

War Saxaafadeed

Waxaa na soo gaaray in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay heshiis kula gashay   Magaalada Hague ee dalka Holland Shirkad lagu magacaabo  Shell Petroleum si ay shidaal oga baarto dhulka ay ka taliso Dowladda Galmudug, taasoo si xoog leh Dowladda Galmudug uga soo hor jeedo, maxaa yeelay Dowladda Fadaraalku dalka Soomaaliya kama wada taliso, islamarkaasna ma lahan shuruuc la isku raacsan yahay oo ku saabsan hannaanka dowladnimo, qaybsiga khayraadka .

Sidaas awgeed, Dowladda Fadaraalku awood uma leh xiligan in ay ku marti qaaddo shirkado shisheeye oo shidaal ka baara dalka Soomaaliya oo dhan waayo hadda waxaa dalka Soomaaliya ka jira dhowr dowladood oo iyagu iskood isku maamula, Galmudugna kuwaas, ama dowladahaas iskood isku maamula bey kamid tahay.

Galmudug waxay leedahay nidaam iyo shuruuc sharciyeed ay samaysatay, wixii khayraad ku jira dhulka Galmudug waxaa iska leh shacabka Galmudug, inta laga gaarayo Soomaaliya oo samaysata hannaan dowladnimo oo la isku raacsan yahay iyo hannaankii loo wadaagi lahaa khayraadka dalka Somalia oo dhan.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay oga digeysaa shirkadaha shisheeye oo baara khayraadka, sida saliidda iyo gaaska,macdanta  iwm, in ay si sharci daro ku yimaadaan cariga Dowladda Galmudug ka taliso,  iyagoo hadafkoodu yahay baaritaan khayraad iyagoon fasax iyo ogolaansho ka haysan Dowladda Galmudug.

DHAMAAD 

Mudane Xareed Cali Xareed

Wasiirka Batroolka, Macdanta, Tamarta iyo Biyaha,

Dowlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Ismaacil Adan oo shirkii qurbta Joogta ee Turkiga ka sheegay arrimo Xasaasi

Paris (Caasimada Online) – Mid ka mid ah la taliyaasha madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay shir la sheegay in loo qabtay qurba joogta Soomaalida ee ku nool caalamka kaasoo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ismaacil Aadan Cismaan oo ka mid ah la taliyaasha madaxweynaha Soomaaliya kuna sugan magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa shirkaas ku tilmaamay mid looga gun lahaa in dhaqaale lagu aruursado isagoona intaas ku daray in ay ka qeybgaleen dad is soo aruursaday oo mashruuc gaar ah watay.

“Shirkan wuxuu ahaa mid mashruuc lagu doonayay oo waxaa watay dad gaar ah oo rabay in dhaqaale ka aruursadaan oo marka xaqiiqda loo hadlo kama soo qeybgalin shirka dadka qurba joogta ee adduunyada ku nool” ayuu yiri Ismaacil Aadan Cismaan.

Wuxuu sheegay oo kale in shirka ay wateen dad gaar ah oo is-bar yaqaana kuwaasoo rabay in ay dhaqaale ka qaataan dalalka caalamka sidda Turkiga oo bixisay dhaqaalaha ku baxay shirkan.

Wuxuu sheegay oo kale in uu hayo caddeen muujineysa in dhammaan dadka ka qeybgalay shirka ay ahaayeen NGO-yo la bar yaqaano oo siddaas ku qaraabta.

Marka laga soo tago hadalka mas’uulkan ma jirto cid caddeen karta in shirka ay ka qeybgaleen dad dano gaar ah leh, balse waxaa warbaahinta goobjooga ka ahayd shirka ay lee yihiin waxaa ka qeybgalay in ka badan 100 qof oo Soomaali ah kuwaasoo waddamada qurbaha ku nool.

Shirka oo la soo gabagabeeyay shaley ayaa socday muddo labo cisho ah waxaana ka soo baxay gabagabadiisa lagu doortay labo nin oo kala ah, Cabdi Xariir Baaruud oo ah guddoomiyaha dalad Somalia Diaspora Organization iyo Sadiiq Warfaa oo isna guddoomiye ku-xigeen loo doortay.

Labadan nin ayaa kala deggan Britain iyo Maraykanka, waxaana loo arkay in ay mudan yihiin in ay hoggaamiyaan daladan ay ku mideesan yihiin qurba joogta Soomaaliyeed, sidda uu soo sheegay wariyaya Caasimada Online ee shirka ka qeybgalay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

“Aaway dowladdii 6 billood gudahood DEKEDDA iyo Garoonka KISMAAYO la wareegi laheyd?” Waxaa sidaas yiri…

Kismaayo (Caasimada Online) – Suldaan Faarax Cabdullaahi Duurjoog oo ka mid ah odayaasha magaalada Kismaayo, ayaa ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay soo farageliso, waxna ka qabato heshiis ay dhowaan kala saxiixdeen maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe iyo Ganacsato u dhashay waddana Imaaraadka, heshiiskaas oo uu ku tilmaamay mid lagu xaafulinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Suldaan Duurjoog wuxuu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey in ay dayacday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka, isaga oo heshiiskii Addisababa lagu gaarayna ku tilmaamay inuu ahaa heshiis xaaraan ah oo dowladdu ay ku wareejisay goboladaasi Kenya & shaqsiyaad uu ku tilmaamay dabodhalif ah.

“Heshiiskaasi xaaranta ah wuxuu dhigayey in 6 billood gudahood dowladda lagu wareejinayo Garoonka iyo Dekadda, Aaway dowladdii la wareegi laheyd 6 billood gudahood Dekaddii iyo Garoonkii Kismaayo.? Faarax C/qaadir waa in diiwaanka taariikhda loogu qoraa inuu yahay ninkii goboladaas ka iibiyey burcadda xaalufisa deegaanka” ayuu yiri Suldaankaasi, wuxuuna ku celiyey in maamulka Axmed Madoobe ay u dhaqmayaan sidii in ey dowladda dhexe ka madax-bannaan yihiin.

“Dowladda dhexe waxaa ceeb iyo weji gabax ku ah in maamul lagu sheegay KMG uu heshiisyo aaney dowladda dhexe ka warqabin la saxiixdo ganacsato ajnabi ah” ayuu yiri Suldaan Faarax, isaga oo intaasina ku sii daray in heshiiskaasi shirkadaha lala saxiixday ay yihiin kuwa burcad ah.

“Kooxda Raaskambooni awal meeshii ay ka dhoofin jireen dhuxusha hadda waxey doonayaan in ay sharciyeystaan, shirkado magac u yaal ah ayeyna heshiis la galeen, arrintaasina waa mid qatar ku ah deegaanka. Hay’adaha badbaadinta bii’ida waa in ay wax ka qabataa xaalufinta ka socota Jubbooyinka, oo ah arrin ay ku heshiiyeen maamulka Raaskambooni & Ganacsatada Imaaraadka” ayuu yiri Suldaan Faarax.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

[email protected]

Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Hawiye oo go’aano adag & digniin soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada, siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beelaha Hawiye, ayaa maanta kullan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kullanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii Beelaha Hawiye ay deegaanada ay ka dagaan gobollada dalka Soomaaliya looga dhisi lahaa maamuul goboleedyo.

Waxaa kullankasi rasmi ah ay beesha Hawiye ugu taageertay jiritaanka maamulka Shabelle State.

Waxaa sidoo kale lagu shaaciyey dhismaha dhowr maamul goboleed oo soo socda oo beelaha Hawiye ay dhisi doonaan.
Beelaha Hawiye waxa ay digniin u direen dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka, ayaga ugu baaqay inaysan fara-gelin habka ay isku raacayaan gobollada dalka.

Hawiye waxa ay ka digeen haddii aan taas aan la joojin, ay ka dhallan karto cawaaqib xumo iyo dib u dhac.

Xildhibaan C/raxmaan Dheere ayaa Warbaahinta u aqriyay go’aannadii siyaasiyiinta iyo xildhibaannada Beelaha Hawiye.

Halkan ka dhageyso Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

DFS oo aqoonsaneysa maamulka 3-da

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka “DF” Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku aqoonsaneyso mid ka mid ah maamuladii dhawaan looga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay maanta aqoonsanaysaa Maamulka Saddexda Gobol ee Magaalada Baydhabo looga dhawaaqay, xilli muddooyinkaan dambe uu jiray khilaaf ku aadan Maamulka saddexda Gobol iyo midka lixda Gobol ee Magaalada Baydhabo looga wada dhawaaqay.

Shalay ayaa lagu waday in lasoo bandhigo Mowqifka Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku aadan Maamulada lixda Gobol iyo midka saddexda Gobol, hayeeshe waxaa ku yimid dib udhac, iyadoo koox wariyeyaal ah oo Madaxtooyada looga yeeray dib loosoo celiyay.

Kooxda uu Hogaaminayo Madoobe Nuunoow Maxamed ee lixda Gobol, ayaa waxaa lagu qanciyay inay kusoo biiraan Maamulka Saddexda Gobol oo ay dadkooda dhinac ka raacaan.

Dhanka kale waxaa jirta saameyn ka imaan karta Maamulka saddexda Gobol uu ku yeelanayo Maamulka Shabeele State ee Shabeelaha hoose looga dhawaaqay, kaasi oo uu Madax ka yahay Mardaadi.

Magaalada Marka hada badi waxaa ku sugan ciidamo hoostaga Maamulka Shabeele State, hadii Dowladda Maamulka saddexda Gobol Aqoonsata, waxaa suuragal ah inuu halkaasi ka abuurmo isku dhac dhexmara Shabeele State iyo Maamulka Saddexda Gobol.

Soomaaliya oo kasoo kabsanaysa Bur-bur sokeeye, welina ay ka dagaalamayaan Kooxo Islaamiyiin ah, ayaa caalamka wuxuu Soomaaliya qoorta ugeliyay hanaanka Federaalka oo Soomaaliya aysan ka bixi karin marka loo eego marxalada dalka uu ku jiro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Maxaa ka socda xarunta Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan ergooyin ka kala socda maamulada lixda iyo seddaxda ee koonfur galbeed. Ergooyinka oo hadda ku sugan xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa la sheegay in u yeertay dowladda Soomaaliya.

Maxammuud Sayid Aadan waa madaxweyne ku xigeenka maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay in magaalada Muqdisho ay u yimaadeen casuumaad ay ka helaan dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale in ay doonayaan siddii loo dhexdhexaadin lahaa maamulada labada gobal kuwaasoo uu khilaaf ballaaran uu ka dhexeeyo iminka.

Wuxuu sheegay oo kale in ay ku rajo weyn yihiin siddii uu wadahadal u dhexmari lahaa labada maamul.

Waxaa la weydiiyay in ilaa hadda ay kulmeen ergooyinka kale ee ka socda maamulka seddaxda gobal.

Wuxuu sheegay in ila hadda aaney kulmin wafdiga ka socda maamulka seddaxda gobal balse ay ku rajo weyn yihiin siddii ay ula kulmi lahaayeen maamulkaas oo uu wadashaqeen u dhexmari lahaa.

Labadan maamul ayaa lagu dhisay magaalada Baydhabo, wuxuu mid ka mid ah sheegtaa lix gobal oo kala ah, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Gedo iyo Jubbooyinka halka maamul kale uu sheegto in uu ka arrimiyo seddax gobal oo kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dagaal beeleedyo culus oo maanta dib uga qarxay gobolka Shabellaha Hoose

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deeganka Lambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu maanta ka dhacay dagaal u dhexeeya maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Habar-gidir iyo Biya Maal.

Dagaalka oo ku billowday markii horre qaab goos-goos ah ayaa la sheegay in uu markii dambe isku badalay mid culus sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Waxaa jirra khasaaro soo kala gaaray labada dhinac balse xog badan lagama hayo.

Sidoo kale waxaa dagaalka xaqiijiyay guddoomiyaha deeganka Lambar 50 Cabdullaahi Waafow balse wuxuu lee yahay wixii faah-faahin ah waxaan soo gudbin doonaa goordambe.

Dagaalka ka dhacay maanta deeganka Lambar 50 ayaa ku soo beegmaya iyadoo gobalka ay ka socdeen dedaalo ku aadan siddii lagu qaboojin lahaa dagaallo labo toddobaad ka hor ku dhexmaray degmada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha maleeshiyaad ka soo kala jeeda beelaha Biyo-Maal iyo Habar-gidir.

Dagaalladan ayaa sidoo kale ku soo beegmay iyadoo gobalka shaley ay ka soo tageen wafdi wasiiro ah oo dowladda ka socday kuwaasoo u tagay Shabeellaha Hoose siddii loo damin lahaa xiisadda dagaal ee ka aloosan gobalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Duulimadkii ugu horeeyey ee Sweden illaa Muqdisho oo maanta billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah soo caga dhigatay diyaarad rakaab ah oo ka timid Yurub.

Diyaaradda oo ay lahayd shirkad la dhaho Fly Olympic ayaa waxay waday 213 rakaab ah kuwaasoo ka yimid magaalada Gotenberg ee dalka Sweden.

Diyaaradda ayaa soo martay magaalada Athens ee xarunta dalka Greek.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho
Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Diyaaradda ayaa la sheegay in duulimaad ka sameen doonto dalalka Sweden iyo Ingiriiska, waxaana la sheegay in ay si toos ah uga soo dagi doonto wixii hadda ka dambeeya.

Waa markii ugu horeysay 24-sanno kaddib ay soo caga dhigato garoonka diyaaradaha Muqdisho diyaarad rakaab ah oo ka timid waddamada Yurub.

Qaar ka mid ah rakaabka la socday diyaaradda Olympic Fly ayaa la arkaayay iyagoo faraxsan oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Document caddeyn ah: SH/HOOSE iyo beelihii ugu badnaa ee soo maamulay

Marka (Caasimada Online) – Dhowaanahan waxaa gobolka Shabeellaha Hoose ka jiray dagaal beeleedyo u dhaxeeyey dadka deegaanka iyo beesha Biyo-Maal, oo sheegtay inaysan jirin cid aan ayaga ahayn oo sheegan karta gobolka.

Dagaallada ayaa ka dhashay markii beesha Biyo-Maal ay sheegtay in beelaha kale ee gobolka sida Hawiyaha iyo Digil iyo Mirifle aysan waxba ku lahayn gobolka, sidaa darteedna ay ayaga un gobolka maamulayaan, kadibna ay dilal dhowr ah ka geysteen gobolka.

Xaqiiqda jirta ayaa ah in gobolka ay wada dagaan saddexdan beelood, hase yeeshee ay deegaan ahaan gobolka Shabeellaha Hoose ay u badan yihiin beelaha ku abtirsada Hawiye iyo Digil iyo Mirifle, sida laga dareemi karo degmooyinka iyo tuullooyinka ay gobolka ka degaan.

Gobol dadka deegaanka u leh waxaa caddeeya taariikhda gobolka iyo dadkii ugu badnaa ee soo maray reeraha ay u dhasheen.
Document ay heshay Caasimada Online, ayaa muujinaya dadkii ugu badnaa ee soo maamulay gobolka Sh/hoose ama laga soo doortay gobolkaas.

Inkasta oo gobolka ay kasoo taliyeen dad kasoo kala jeeda beelo badan, ayna dhab tahay in gobolka la wada dego, haddana waxaad ka garan kartaa warqaddan dadkii ugu badnaa ee soo maamulay gobolka, taasi oo caddeyn u ah in ayaga ay u badan yihiin gobolka.
Waxa ay tani beenineysaa sheegada Biyo-Maal-ka iyo dadka gadaal kasoo riixaya ee ah in Hawiye gobolka xoog ku qabsadeen kadib 1990-kii.

Halkan kala deg docemnt PDF ah, ama hoos ka arag.

Doceument Caddeyn ah 

Caasimda Online
Xafiiska Marka Caddey
[email protected]

 

Video: Blicda Xamar & muuqaal cusub

0

Bilicda Magaalo Madaxdaa Caasimadda ee Muqdisho waxeey isku badashay muuqaal iyo jawi kale kadib Dib u dhis xoogan iyo horumar baaxad weyn leh oo si xowli ah uga soconaya waayihii u dambeeyay.

Hadaba Muuqaalka Muqdisho iyo sida uu maanta yahay hadaad daawato waxaa hubaal ah in aad xusuus iyo qiimo darteed la ilmeyneyso ee nala daawo muuqaalkii u dambeeyay ee Magaalada Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: