Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaare Cabdi Weli iyo Wasiir Goodax ayaa xalay telefoon iskugu hanjabay kadib markii Ra’iisul wasaraha ka carooday dhiiranaanta uu Cabdullahi Goodax Barre ku qaadacay qorshahii lagu shaaciyay in sedexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose la aqoonsaday.
Cabdi Weli ayaa Goodax ugu hanjabay inuu xilka qaadis ku sameeyn doono, hase yeeshee Wasiir Goodax wuxuu hogaanka siyaasadda iyo dhaqanka beelaha Hawiye saakay waaberigii u sheegay inuu ugu jawaabay “In leeys bartaan mooday ee hadii aan xil kuu haayay iga qaad, waxaana rabaa inaad hanjabadaas iigu celiso markaan Xamar ku soo laabto, anigoo kula joogo”.
Sida ilo xog ogaal ah oo ka tirsan odayaasha Hawiye ay u sheegeen Caasimada Online, Cabdi Weli wuxuu hanjabaad la mida tan Goodax Barre u diray dhamaan Wasiirada beesha Hawiye ee ka baaqsaday shirkii golaha Wasiiradda iyo shaqooyinkii Wasaaradahooda.
Go’aanka intaan la qaadan ka hor waxaa cod loo qaaday in la tago, oo dacwad loo gudbisto iyo inaan lala hadlin guud ahaan, waxaana guuleeystay mooshinkii farayay Shaqaalaha Hawiye ee Dowladda u shaqeeya inaysan tegi karin xafiisyadooda.
Saraakiishii Ciidamadda ayaa go’aankaas kadib waxay guud ahaan ka soo saareen Ciidamadii u dhashay beesha Hawiye kuwaas oo degay Xarumo u gaara, oo ku teedsan Muqdisho ilaa wadooyinka labada Shabeelle.
Beelweynta Hawiye oo sanadkaan sameeyay isku duubni iyo aragti mideeysan oo aan taariikhda looga baran waxay dhinaca kale xalay warqad Wargelin iyo digniin xambaarsan u direen beesha Saraakiisha hogaanka Ciidanka Amisom, waxayna ku wargeliyeen inay beesha Hawiye guud ahaan jartay xiriirkii Dowladda si ay xaquuqdeeda u difaacato.
“Taliska Amisom waxaan ku wargelineynaa inaan maalmaha soo socda qaadi doono talaabooyin aan kula wareegeeyno ammaanka labada Shabelle iyo Muqdisho, sidaas darteed waxaan uga digeeynaa inay Ciidamadiina difaacaan shaqsiyaad wato magac beeleed oo doonaya inay maroorsadaan dhulka beelaha Hawiye” ayaa lagu yiri Qoraalka loo diray Amisom.
Beesha Hawiye waxay Amisom u sheegtay inay diyaar u yihiin dagaalkii lala galay Huwantii Unisom iyo Ciidamadii Mileteriga Ethiopia hadii ay isku dayaan inay difaacaan shaqsiyaad dimbiyo waaweyn oo cadaawad huwan ka galay dadka iyo degaanka Hawiye.
Dad badan ayey ka yaabisay Midnimada iyo isku duubnaanta beelweynta Hawiye si wadajira u muujiyeen waxaana goobaha lagu qaxweeye Muqdisho saakay lagu shaahayaa xiisadda cusub.
Dad badan oo qabyaalad ku taageeri jiray Madaxweyne Xasan ayaa baraha bulshada ku kulmaan ee facebook soo dhigay inuu yahay nin beesha uu ka dhashay ka doortay kursigiisa.
Hanjabaadda Afeey, Hoosaasinta Nicholas Kay iyo Hamiga Reer Galbeedku, Soomaaliya halkee ku furi doontaa?
Heshiis la soo dhoodhoobay oo ujeedooyin badan laga leeyahay ayaa waxaa durbaba ka soo horjeestay inta badan bulshada degen gobolada la isku sidkay ee aan Juquraafia haan iyo dhaqan ahaanba aan waligood is raacin maamul iyo degaana wadaagin. Dadka ka soo horjeestay ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha 6-da gobol Mudane Nuunoow. Maamulka Shabele State. Iyo Beelweyne Hawiye ee degaan balaaran ku leh dhulkaas.
Ujeedooyinka laga leeyyahay heshiis ku sheegaan waa maxay?
Waxaa jira ujeedooyin is barkan oo ay kala wataan madaxweyne Xassan Sheikh, Raaisal wasaare C/wali, Guddoomiye Jawaaari, IGAD iyo Cabdi Afeey, Ergayga Qaramada midoobay, iyo dalalka darisk ah.
Maxay tahay Qorshaha madaxweyne Xassan?
Madaxweyne Xassan run ahaan marka la eego qaabka ay wax u socdaan iyo heshiiskaan hadda uu ogolaaday waxa uu ka faa´idayaa sida uu isagu u arko markaan qiyaasno waa.
Inuu ku raali geliyo beesha caalamka oo sida wax u socdaan raali ka ah, oo isku tusiyo nin aan ka hor imaanayn awaamirta iyo qorshayaasha ay waxa loogu yeero beesha caalamku Soomaaliya ka leeyihiin iyo sida ay wax u arkaan inuu ku taageero, si maamulkiisu u noqdo mid taageero ka helaa beesha caalamka.
Inuusan ka hor imaan qorshayaasha ay wataan dalalka dariska nala ah gaar ahaan dalalka Itoobiya iyo Kenya.
Inuu qanciyo beelaha Soomaaliyeed ee aan ahayn beeshiisa Hawiye oo uu asagu ku fadhiyo kursiga ay awood qaybsiga dawladda Soomaaliya ku leeyihiin .
Maxay tahay qorshaha Ra´iisal wasaare C/wali?
Ra`iisal wasaaraha oo ah shaqsi aad u taageersan qorshahaan danbe ee lagu aqoonsaday maamulka saddexda Gobol, waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u galay inuu ka taqaluso maamulka 6-da gobol iyo kan 2-da gobol oo xitaa loo quuri waayey inay dawladdu marnaba ay carabkeeda soo marsiiso magaciisa, si saaxaddaba loogaga saaro.
C/wali Rá´iisalwasaaraha oo safaro ku tagay dawladaha dariska sida Itoobiya iyo Kenya, asagoo sidoo kale safar dhulkaa ku tagay gobolka shabeelada Hoose. Wuxuu dawladahaas kala soo hadlay qorshihiisa ku saabsan aqoonsashada saddexdaan gobol oo maantay la soo gabagabeeye. Haddaba muxuu Ra´iisalwasaare C/wali ka dheefayaa qorshaha aqoonsiga maamulkaan 3-da gobol ee koonfur galbeed?
In aan maamulka ku meel gaarka ah ee Jubba Administration aan lagu qabsan saddexda gobol ee ay sheegtaan inuu hoos yimaado, kuwaas oo kala ah Gedo, Jubbada Hoose, iyo Jubbada Dhexe. Goboladaas oo uu maamulka 6-da gobol ee koonfur Galbeed uu sheegto asna inuu xukumo.
Inuu beelaha Hawiye oo uu colaad dheer u qabo uu ka ilaaliyo inay saameyn siyaasadeed oo muuqata ay ku yeeshaan gobolada Koonfureed ee Soomaaliya asagoo ka duulaya siyaasadda cusub ee ay hormuudka ka yihiin ururka sida qabyaaladeysan loo maalgaliyey inuu hogaamiyo siyaasadda Daaroodismka ku dhisan ee SAHAL. Taas oo oranaysa in Hawiye loo adeegsado dawladaha dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya ayadoo laga faa´ideysanayo waxa loogu yeero federalismka.
Ra´iisal wasaare C/walli wuxuu fulinayaa siyaasadda dawladaha dariska sida Kenya iyo Itoobiya oo dano waaweyn ka leh Soomaaliya qaasatan gobolada Koonfureed, dalalkaas oo ayaguna ku taageeraya qorshihiisa qabyaaladeysan ee SAHAL.
Ra´iisal wasaare C/wali wuxuu maamulka Rimay gacmeedka ah ee Jubba Administration u xalaaleeyey gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay sheegtaan inay ka taliyaan laakiin aysan in ka yar boqolkiiba 2 ( 2%), aysan ka talin.
Ra´iisal wasaare C/wali wuxuu si wanaagsan ugaga soo dhalaalay awood qaybsigii uu ku yimid ee ahaa inuu beelaha daarood u matalo xubinta ay ku leeyihiin dawladda Dhexe oo si wanaagsan uu ugu soo cad gooyey xaq iyo xaqdaraba.
Gudoomiye Jawaari iyo waxa uu ka faa´idayo?
Jawaari qaabkiisa kama foga midka Ra´iisal wasaare C/wali, balse wuxuu asagu ku shaqeynayaa ku qabso ku qadi meyside waxa uuna dhulbalaarsi weyn u doonayaa maamul kasta oo Baydhabo ka hirgala kaas oo ku shaqayn doona habka qariban ee la doonayo in mar kale dagaal aan dhammaan loogaga dhex abuuro Soomaaliya kaas oo ah FEDERAALKA.
Jawaari wuxuu doonayaa inuu maamulka Baydhabo fadhiistaa uu helo deked uu dhaqaale iyo ganacsi ka sameeyo, wuxuu qorsheeyey oo uu taageersanaa siduu maantayba qudbadiisii ku sheegay maamulka 6-da gobol asagoo quud- dareynaya labada dekadood ee Kismaayo iyo Marka inuu mid heli doono.
Jawaari Wuxuu asna ku shaqaynayaa awood qaybsiga uu dawladda ku fadhiyo oo wuxuu dagaal dheer ugu jiraa in DIGIL IYO MIRIFLE, waliba beeshiisa reer Digil inay hesho awood dheeraad ah oo ay ku yeelato gobolada Koonfur Galbeed.
Jawaari wuxuu doonayaa inuu meesha ka saaro sheegashada ay beel weynta Hawiye sheeganayso inay dhukaas degaano ku leeyihiin, wuxuuna xulufo hoose la yahay beelaha Daarood ( SAHAL ), ee dagaalka ba ´an kula jira beelweynta Hawiye oo u muuqata inay aamintay nadaamka dawladeed ee lagu soo wada hoos dhuuntay.
Affey oo ku faraxsan aqoonsiga iyo fowdada ka dhalan doonta
Waa laba qorshe oo isi saaran waa mide midka koowaad waxaa iska leh IGAD, oo ay hogaaminayaan Itoobiya iyo Kenya.
IGAD waxaaa magaceeda ku shaqaysanaya dawladaha Itoobiya iyo Kenya oo heshis ku ah burburinta iyo duleynta dawladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba, doonayana inay mar walba kala qaybsanaadaan qola walibana sii kalaa qaybsanaadaan dhexdooda.
Itoobiya iyo Kenya waxay doonayaan inay helaan laba maamul oo Federaal ah oo sida Somalailand iyo Puntland ah inay ka helaan Koonfurta Soomaaliya kuwaas oo kala ah Kenya oo haysata Jubba Adminsitaraion, iyo Itoobiya oo hesha Koonfurta Soomaaliya, lamana doonayo in hal meel laga wada xukumo oo waxaa la doonayaa in midna AddisAbaba uu amar toos ah ka qaato midna Nairobi, sida haddaba muuqata.
Afeey wuxuu ka faa´ideysanayaa magaca IGAD oo uu ku joogo Soomaaliya asagoo qabiilkiisa xooga ku haysta Kismaayo ku difaacaya Magaca uu ku matalaayo urur goboleedka IGAD oo uu marna wakiil ugaga yahay kenya, marna qabiilkiisa Ogaadeen (Kablalax ), marna uu siyaasadda guud ee Uruka IGAD oo ay ku shaqaystaan Kenya iyo Itoobiya uu u matalayo labadaas dawladood, dantooda hoose ee Kenyana meesha kama maqna.
Afeey wuxuu dagaal cad la soo qaaday C/llaahi Yuusuf waqtigaas oo uu dawladda Kenya u ahaa safiir Soomaaliya ugu magacaaban laakiin uusan ku shaqaynayn diploomaasiyada ay safiiradu ku shaqeeyaan balse uu la falgalayey siyaasadda qabyaaladeysan ee Soomaalid ka dhaxaysa, asagoo si toos ah ula safnaa xasuuqii uu C/llaahi Yuusuf ka geystay Magaalada Muqdisho iyo degaanada ku hareeraysan. Waxaa muuqata inuusan wali mashruucaas ka tanaasulin oo uu waliba dalacaad dheeraad ah ku sii helay, marka shaqadiisa ayuu sii wadanayaa si uu u sii dalaco.
Nicholas Kay iyo Reer Galbeedka
Kay iyo reer Galbeedku ujeedkiisu waa inay Soomaaliya sii burburto oo ay sii ahaato dawlad aan marnaba ka hoos bixin gacanta reer galbeedka ayagoo la sugaaya inta ay siyaasad mideysan ka yeelanayaan dhammaantood iskuna waafaqayaan sidii ay u qaybsan lahaayeen qayraadka iyo ilaalinta marinada muhiimka ah ee mara Soomaaliya badaheeda, iyo mustaqbalka sid aay ugu heshiin lahayeen dawladaha Yurub iyo Maraykanka oo islana socda haddana kala socda. Ogow reer galbeedku siyaasadda Soomaaliya iskuma waafaqsana.
Qorshaha Kay waa in uu Soomaaliya xaalkeeda sii fogeeyo si uu xafiiskiisu u sii furnaado ka dibna uu u yiraahdo Soomaaliya dawlad ma noqon kartee dawladnimo ha la gaarsiiyo oo caalamku ha u soo diraan ciidamo UN ah oo ilaaliya maamul si toos ah u hoos yimaada qaramada midoobay asna uu madax ka yahay, arintaas waxaa qaba dad badan oo siyaasiyiin ah, oo waliba si wanaagsan ugu dhuun daloola qorshayaasha uu maleegayo Nicholas kay oo ah nin mudo dheer ka so shaqeeyey dalal Afrikaan ah oo ay dagaalo sokeeyo aafeeyeen sida Congo, iyo Sudan.
Haddaba Wax walba waxay ku dhammaanayaan sid auu ilaahay doono, laakiin waxaa muuqata in Soomaaliya dib loogaga abuurayo dagaalo sokeeye oo abuuri kara in mar kale uu ku daato dhiig badan, kaas oo asalkiisu yahay FEDERAAL iyo anagaa iska leh dhulkaan ee nooga guura.
Waxaa aad loogaga cabsi qabaa in ciidamda hadda ku sugan Soomaaliya aysan dalka ka bixin ayagoo ku mar marsoonaya inaan Soomaaliya xasiloonayn, ayaguna ay ka shaqaynayaan inaan Soomaaliya Siyaasad ahaan iyo amni ahaanba u xasilin.
Laakiin cabsida ugu weyn ee aan qabo ma ahan dagaalo dhaca oo kaliya ee waxaan aad ugaga baqayaa in ay meesha ka baxdo magacii dawladnimo iyo jiritaanka sharciyadeed ee ay haysato oo hadda wax weyn oo aan Soomaalidu fahamsanayn ku fadhida haddii loo helo dad macnaheeda ku shaqeeya oo kaliya ayagoo yaqaanna waxa ay xaq u leeyihiin.
Ugu danbeyn waxaan leeyahay DIIN ayaa waxa la yiri Diinoow waxaa kuu tashanayey Haad oo waxay ku tashteen inay beri hilibkaaga kala goostaan. Markaas ayuu yiri meeshii la iigu tashanayey soo Ilaahay ma joogin, markaasaa la yiri HAA.
Markaas ayuu ku jawaabay haddaba ALLAAN talo saartay, Alle aamina ma iisho. Waxaa la yiri subaxdii ayuu wuxuu Diinkii soo toosay asagoo qolof adag Ilaahay ku dahaaray sidaasna uu ugaga badbaaday dhibaatadii ay Haadu la damacsanaayeen.
Soomaaliya meesha loogu tashanaayey Ilaahay ayaa joogay waxaana Alle ka baryeynaa inuu naga qabto cid walba oo dhibaato nala maagan. Qoloftii Ilaahay Diinka ku dahaarayna uu noogaga dahaaro dhibka iyo qiyaanad ay nala maagan yihiin cadowga umadda Soomaaliyeed.
Mar kale waxaan leeyahay qoraalkani ma dhiira galinaayo qabiil iyo qabyaalad toona . Waa odoros siyaasadeed iyo fikir shaqsi, waxaan mar walba soo dhaweynaynaa cidii fikirkaas iyo falanqayntaas mid ka duwan qaba.
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah, ayaa kasoo baxaya aqoonsi ay dowladda Soomaaliya siisay maamul la sheegay inuu saddex gobol matalo, balse aan midna gacanta ku hayn.
Qorshaha aqoonsiga ayaa qeyb ka ah dadaal weyn, oo ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo dhinacyo badan oo ku xiran sida UNSOM, Puntland iyo Juba ay ugu jiraan in dhulka beelaha Hawiye dad kale loo sharciyeeyo.
Xubno ku dhow Villa Soomaaliya, ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyen Xasan Sheekh uu heshiiska diidanaa, balse uu qasbay Nicholas Kay, sidaa darteedna uu ku aqbaly, isaga oo ilaashanaya kursigiisa.
“Madaxweynaha waa la qasbay, isna dadkiisa iyo ehelkiisa waxa uu dhaafsaday kursi” ayuu yiri qof jooga Villa Somalia, oo aan dooneyn in la magacaabo, sababo la xiriira xasaasiyadda warkan.
Waxaa il-wareedkan uu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya uu iminka ugu awood badan yahay ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo haysta taageerada Kenya, Ethiopia iyo UNSOM, islamarkaana madaxweynaha uu u muuqdo qofka labaad.
Cabdi Weli, ayaa tan iyo markii xilka loo magacaabay hurinayey dagaal beeleedyo, isaga oo Kismaayo iyo marka ku hubeeyey maleeshiyo beeleedyo dagaal kula jira beelo kale, haddana aqoonsaday maamul aan meelna maamulin.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qorshihiisa ku aadan 2016-ka oo la rabo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.
Wareysi dheer oo uu siiyay Idaacadda Maxaliga ah ee Dalsan ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay dagaallada dib uga soo cusboonaaday qaar ka mid ah gobalada dalka.
Ugu horeyn waxaa la weydiiyay xaalada dalka, wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay horrumarka iyo nabadda ka taagan dalka Soomaaliya gaar ahaa magaalada Muqdisho.
Wuxuu ku baaqay in la xoojiyo ammaanka caasimada Muqdisho.
Waxaa la weydiiyay oo kale in dagaallada dib uga soo cusboonaaday qaar ka mid ah gobalada dalka, wuxuu sheegay Nuur Cadde in uu ka xun yahay dagaallada dib uga qarxay gobalada dalka.
Waxaa la weydiiyay in uu isku soo taagi doono doorashadda la filaayo in ay ka dhacdo Soomaaliya labo sanno kaddib, wuxuu sheegay in uusan hadda ka wajaabi karin.
“Arrintaas ma oran karo haa iyo mayo, waayo Salaad waqtigeeda aan la joogin lama tukado” ayuu yiri Ambassador Nuur Cadde.
Ugu dambeyn ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xusay in uu jeclaan lahaa Soomaalida oo ka baxda dhibaatada kuna tallaabsata waddada nabadda.
Safarka Wasiirka ayaa daba socda booqashooyin is-daba joog ah oo dhowaanahaan saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Federaalka ku imaanayeen Puntland xili uu go’an yahay xiriirka labada dhinac.
Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho si joogta ah ugu baxa safaro Wasiirada dowlada Puntland kuwaasoo halkaas kaga qayb gala kulamada beesha caalamka ku qabato magaalada Muqdisho.
Labada dhinac ayaan si rasmi ah ugu dhawaaqin in dib loo soo celiyey xiriirkoodii, kadib markii uu xiriirka jaray Faroole, haddana waxa ay u dhaqmayaan sida in heshiis dhacay.
Madaxweynaha Puntland oo saxaafada kala hadley goobo kala duwan ayaa mar-walba ganafka ku dhufta inuu rajeynayo in labada dhinac ay isku soo dhowaadaan, haddana weli ma jiraan wax rasmi ah.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabey guddi wada-xajood la gala dowladda Federaalka iyadoo wararku sheegayaan in gudigaas uusan mar-naba shaqeyn islamarkaana DF ka jawaabin ama guddi kale oo dhigiisa ah magacaabin.
Wararka ayaa sheegaya in muran ka dhashay lacagtaasi loo dilay wiilka karishboyga ahaa, maadaama uu ku adkeystay inuu bixinayo lacagtaasi askarigana uu ku adkeystay shan kun.
Gaariga wiilka uu la shaqeynayay ayaa ahaa mid ka dhex shaqeeya inta u dhaxeysa Suuqa Xoolaha iyo isgoyska Baar Ubax, wuxuuna ahaa Caasi ama Homy.
Falkaasi ayaa ka dhacay agagaarka Ex Control Balcad ee magaalada Muqdisho, waxayna layaab ku noqotay shacabka ku dhaqan agagaarka goobta uu falka ka dhacay.
Farshaxaniistaha Soomaaliyeed ee Abdul Arts ayaa sawir gacmeed qosol badan ka sameeyay joojitaanka Qaadka ee Dowladda Ingriiska iyo Muqayaliinta Soomaaliyeed.
Sawirkan oo ah mid aad u qosol badan sida idiin muuqda, wuxuuna ka turjumayaa nolosha Aabayaal Soomaaliyeed oo reerkiisa ka war qabin intii uu dalka Ingriiska kasoo degayay Qaadka ama Jaadka.
Wuxuu Sawir gacmeedka uu tilmaamayaa in markii ay dowladda Ingriiska joojisay Qaadka Tallaadan 24-06-2014, Aabeyaal badan ay dib ugu laabteen guryahooda iyagoo ku baxay garka iyo timaha, iyagoo aan ka warqabin caruurtooda iyo xaasaskooda.
“Alxamdulilah Faarax hadaad noo soo laabatay”ayey leedahay Faarax Xaaskiisa, halka wiilkiisa uu isna oranayo Hooyo ninkan Aabe miyaa? waa sawir runta inta badan ka hadlayo.
Farshaxaniiste Abdul Arts wuxuu inta badan sawiradiisa ugu hadlaa arrimaha bulshada iyo dhacdooyinka u baahan in lasoo bandhigo looguna hiiliyo bulshada.
Springfield(Caasimada Online) – Duqa magaalada Springfield ee gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka ayaa ka dalbaday wasaarada arimaha dibada Mareykanka inay joojiso dib u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed ee magaalada uu maamulo.
Domenic Sarno ayaa sidoo kale sheegay liiska duq magaalooyin badan oo dowlada horay ugu canaantay barnaamijka dib u dajinta sanadihii lasoo dhaafay, wuxuuna dalbaday in la joojiyo arintaasi.
Duqa magaaladaasi ayaa warqad qoraal ah u diray waaxda arimaha dibada ee Mareykanka , isagoo ku dalbanayay in qorshe cad laga keeno dib u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed ee magaalada Springfield.
Hadalka duqa magaalada ayaa yimid markii ay soo baxday qorshe ah 70 inka badan oo Soomaali ah oo la doonayo in la dajiyo sanadka xiga magaaladaasi, isagoo intaasi ku adan in ku dhawaad 380 qaxooti oo ka tagay dalalka Africa ay ku nool yihiin magaaladaasi.
Warqada oo uu u diray masuuliyiin kala duwan ayaa waxaa kamid ahaa gudoomiyaha gobolka Massachusetts Deval Patrick, wuxuuna sheegay in dalabkiisa uu ugu wacan yahay inuu doonayo in magaalada ay ku filnaanto meeleynta qaxootiga ku sugan magaaladaasi.
“Ilaa magaalada ay ka awoodo meeleynta qaxootiga, waxaan dalbanayaa in la joojiyo dib u dajinta Soomaalida, ilaa bulshada kale ay ka aqbalayaan dadkaasi qaxootiga ah”sidaasi ayuu yiri duqa magaalada Springfield.
Soomaalida ka cararay dagaalada ka dhacaya dalka Soomaaliya ayaa badankood waxay ku nool yihiin magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ku yaala.
Baydhaba (Caasimada Online) – Kadib Markii axaddii kulan ka dhacay Madaxtooyada Somalia oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiinta sare ee Dowladda lagu aqoonsaday maamulka saddexda gobo lee Koonfur Galbeed, ayaa waxaa iminka soo baxayaa cawaaqib xummada tallaabadaas.
Garabka lixda gobo lee maamulka Koonfur Galbeed, oo magaceeda lagu been abuurtay, ayaa waxa ay sheegayaa in in dagaal lagali donaan maamulka saddexda gobol.
C/laahi Maxaxmed Idiris Leeska oo ah wasiirka Gadiidka ee maamulka Lixda Gobol ayaa wareysi uu siiyay Dalsan Radio waxa uu ku sheegay in agabi ahaanba ay kasoo horjedaan heshiiiskaas islamarkaana aysan jirin cid ku mataleysay.
Waxa uu tilmaamay C/Fitaax Geseey oo dhinacooda matalayay in uu yahay shaqsi ay kal hore xilka ka qadeen, islamarkaana uusan iyaga ka tirsaneyn.
“Madaxweyne Madoobe Nuunow si cad ayuu u diiday heshiiska, waxaana ka go’an inuu la dagaalamo kooxda saddexda gobol” ayuu yiri Leeska.
Waxa inay la dagaalami donaan hadii maamulkaas uu isku dayo in uu tago magaalada Baydhaba oo xarun u ah maamulka lixda gobol, islamarkaana xiligaanba ay wadaan abaabul dagaal.
Wakiilka Xisbiga Nabadda & Horumarka ee “DPD” Xasan Abduqadir Muudeey oo si kulul uga hadlay Go’aanka maalintii shalay ee Dowlada Somalia ku aqoonsatay Maamulka Saddexda Gobol ee Bay Bakool & Shabelada Hoose.
Xasan Abdukaadir Muudeey oo la hadlayay mid ka mid ah Warbaahinta Muqdisbo ayaa sheegay in Madaxda Dalka waa Saddexda Mas’uul ee ugu sareysa Dalka in ay jabiyeen Sharcigii Maamul u sameynta Gobolada Dalka waxuuna hadalkiisa ku bilaabay asagoo la hadlayay
“Waxaa nasiib daro ah in Madaxdii Dalka ay hareer mareyn qaabkii Faderelisimka ee ahaa in maamul loogu sameeyo Gobolada dalka oo ay jabiyeyn Sharcigii dalku uu la haa ee ay sameeyeyn arin aan la qaadan karin oo ah in Dhul dadkii la haa anan lagala tashan in laga qaado oo dad anan laheyn iyo maamul aan jirin loo gacan geliyo waa ayaan daro”
“Waxaa yaab leh in Magaalada Marko laga xukumo Degmada Baydhabo, halka ay kaga qoron tahayna Dastuurka Dalka waxaa la weydiinayaa arintaasi Ilmo Sheekh”
Dhanka kale Siyaasiga Xasan Abduqaadir oo ah Wakiilka Xisbiga Talada dalka haya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in wax aan suuro gal aheyn oo aanan la qaadan karin in Madaxda dalka in ay sameeyaan arin anan u cuntameynin Shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan lee yahay Madaxda Dalka yaan dib loo hurinin colaadii dalkaan 23 sano la dagtay oo anan Qabaa’ilada Soomaaliyeed yaan colaad la dhex dhigin ee halaga fiirsado Go’aankaa lagu deg degay…”
“Aan horay u socono oo yanan dib naloo celin waxii aan ka soo gudubnay” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Wakiilka Xisbiga Nabadda & Horumarka ee “DPD” ee Qaarada Yurub Xasan Abduqadir Muudeey oo haatan ku sugan Wadanka Sweden.
Isku soo wada duub hadalkani ka soo yeeray Siyaasiga Xasan Abduqaadir Muudeey ayaa ku soo beegmaya xili ay xaalad adag oo siyaasadeed ay wajaheyso Dowlada Somalia waxaana arinkani sii adkeynaya in Dowlada ay Gobolka Shabelada Hoose ay ku dartay maamulka saddexda Gobolka ee looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo oo ay dowladu aqoonsatay.
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli, oo aad u carreysan ayaa kullan deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirada caawa, waxaana ay ku shiree Villa Somalia.
Cabdi Weli, ayaa ka carrooday go’ankii geesinimada lahaa ee wasiirka arrimaha dibedda uu ku diiday aqoonsigii uu Cabdi Weli, oo ay gadaal ka riixayaan Puntland iyo Jubaland siiyey kooxda saddexda gobol.
Qorshaha, oo sidoo kale ay wax ka og yihiin Nicholas Kay iyo ninka gacan yaraha u ah ee reer Puntland Nuuradiin Diiriye, ayaa ah in gobollo badan oo ay dagaan beelaha Hawiye maamulkooda la siiyo beelo kale.
Cabdi Weli ayaa kullanka ka yiri ““Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa heshiiskii shalay ay gaareen dhinacyadii Koonfur Galbeed, waxaan sii wadi doonaa dhiiri gelinta iyo taageerada heshiiska, Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qeyb ka qaadato hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo bilow u ah horumar waara oo laga gaaro khilaafaadkii u dhexeeyay dadka walaalaha ah”.
Hase yeeshee waxaa la yaab leh in labada koox ee la sheegayo in la heshiisiiyey uu dhinac ka mid ah madaxweynahooda sheegayo inuusan ka qeyb galin wax wada-hadal ah, waana Madoobe Nuunoow.
Ma cadda, waxa uu Cabdi Weli sameyn doono, ama tallaabada uu ku qaadi karo Goodax, maadaama beelaha Hawiye ay go’aan isku mid ah qaateen.
Kullanka caawa ayaa waxaan ka qayb galin Wasiirada ka soo jeeda Beelaha Hawiye, ka gadaal markii ay Odayaasha Dhaqanku ku baaqeen inaanay xaadirin shaqada, Ilaa amar dambe.
Cabdi Weli, ayaa tan iyo markii xilka loo magacaabay hurinayey dagaal beeleedyo, isaga oo Kismaayo iyo marka ku hubeeyey maleeshiyo beeleedyo dagaal kula jira beelo kale, haddana aqoonsaday maamul aan meelna maamulin.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u muuqda nin xilkiisa ilaashanaya, sidaa darteedna ay waxba ka dhihi karin ficillada Cabdi Weli, oo xafiiska UNSOM uu taageero uga heysto.
Sababta ayaa lagu sheegay markii xildhibaannadii ka soo jeeda beelaha Hawiye ay qaadaceen ka qeybgalka kulanka maanta, waxaana ay ka dambeesay kaddib markii shaley kulan ay ku yeesheen beelaha Hawiye.
Waxaa kulanka looga dhawaaqay in xildhibaannada iyo wasiiradda ku jirra dowladda aanu tagi karin shaqadooda ilaa amar dambe, maadama dowladda ay aqoonsatay maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed, oo sheeganaya gobolka Sh/Hoose ee beelaha Hawiye ay ku badan yihiin.
Waxay sheegeen in dhawaan ay kulan loo dhan yahay ay ku qaadan doonaan magaalada Marka ee xarunta maamulka Shabeelle State.
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ka soo horjeestay talaabadii dowladu ay ku midaysay maamuladii horay looga dhawaaqay magaalada Baydhabo oo ay ku aqoonsatay maamulka sadaxda gobal ka kooban ee Koonfur Galbeed.
Cabdulaahi Goodax Bare oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa BBC uu sheegay in heshiiskaasi Muqdisho lagu saxiixay uu yahay mid waxba kama jiraan ah.
“Wasaaradayda arrimaha gudaha ayaa shaqo ku leh maamulada gobalada iyo sida ay isku raacayaan, wax aan kala socdana ma jiraan.”sidaasi waxaa yiri wasiir Goodax Bare.
Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirka gobalada loo aqoonsaday maamulka sadaxda gobal qaarkood inaysan haatan xor ahayn Al-Shabaana ay heestaan taasina aysan suurta gal ahayn.
“DF hada ka hor waxay aqoonsatay hal maamul kaasi oo ilaa iyo hada muran badan uu ka jiro, in hada qilaaf kale la galena wax wanaagsan maha. Wasaaradu waxay wadaa wadahadalo iyo dadaalo badan oo la doonayay in arintaan lagu xaliyo sida ugu macquulsan.”ayuu hadalkiisa ku siidaray wasiirka.
Diidmada heshiiska Mamulka Saddexda Gobal ee ka timi wasiirka arrimaha gudaha DF ayaa waxay dhabar jab ku tahay siyaasada gudaha ee Xasan Shiikh Maxamuud iyadoona horseedi karta khilaaf soo kala dhexgalay dowadda dhexdeeda.
Shalay ayay ahayd markii Muqdisho lagu qabtay y munaasabad ay ka qaybgaleen madaxda ugu saraysa DF iyo wali xubno ka tirsan beesha caalamka waxaana lagu aqoonsaday maamulka ka kooban sadax gobal oo kala ah Shabeelaha Hoose Baay iyo Bakool.
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DF isla markasna kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa maanta shaqo joojin sameeyay iyadoona arrintooda ay dabo socotay heshiiskii shalay lagu mideeyay mamulada isku haya mamulka Koonfur galbeed.
Amarka ay shaqada ku joojiyan masuuliyiintan ayaa kasoo baxay qaar ka mid ah Odayaasha Hawiye oo sheegay inaysan raali ka ahayn qaabkii heshiiska shalay Muqdisho loogu galay iyo colaadda uu xafiiska UNSOM ka hurinayo dalka Soomaaliya..
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inaysan aqbali karin go’aanka lagu xaliyay dhinacyada Baydhabo isku haya,wuxuna ku guudiyay inay shir iskugu imaan doonan kana soo saari doonaan go’aan midaysan.
Xaad ayaa sheegay Labada Shabeelo inuu maamul u dhisan yahay kaasna ay taagarsan yihiin, balse waxa uu sheegay inaysan marnaba taageeri doonin heshiiska iyo mamulka KMG ah ee saddexda gobal laga dhigay.
Arrintan ayaa waxay dhabar jab wayn ku tahay Madaxwaynaha DF Xasan Sheekh, oo ku fashilmay inuu xal waara u raadiyo gobalada Shabeelooyinka, Bay iyo Bakool maadama ay heshiiskii shalay ka hor yimaadeen beesha uu kasoo jeeda.
Xiisad siyaasadeed ayaa docda kale ka aloosan magalada Baydhabo iyadoona heshiiska Xamar lagu saxiixay lagu kala aragti duwan yahay.
Madoobe Nuunow oo sheegtay inuu yahay madaxwaynaha Lixda gobal ayaa warbaahinta u sheegay inaysan waxba ka khusayn heshiiska 11-ka doqob ah ee shalay lasoo saaray wuxuna sidoo kale sheegay inay shacabka gobaladaasi ay doorteen xaqna ay ku taagan yihiin.
Waxa uu beeniyay Nuunow inuu shirkaasi u matalayay Cabdifutaax Geeseey dhankooda aysan cidna u joogin taasina ay cadayn u tahay inuusan ahayn mid lagu dhan yahay waa sida uu sheegay.
Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharciyeeyey sida ay ku sameysmayaan Maamul goboleedyada, balse bilihii lasoo dhaafay waxaa soo baxaysa in sharcigii Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey meel la iska dhigay ee haatan lagu socdo Xafiiska Gumaysiga Cusub UNSOM Soomaaliya oo ay hogaanka u hayaan Mr Nicholas Kay iyo lataliyiisa Nuuradiin ee ka soo jeeda Puntland.
Heshiiskii uu soo saxiixay Wasiir Faarax Cabdulqadir ee lagu aqoonsanayey Maamulka KMG ah ee Juba ayaa la xaqiijiyey inuu Dawladda Soomaaliya ku qasbay xafiiska ku hawlan qeybinta iyo dagaal ka abuurida Dalka Soomaaliya ee UNSOM Soomaaliya ee uu hogaamiyo Nicholas Kay. Heshiiskaa ayaa la sameeyey kadib markii Baarlamaanka ansixiyey sharciga ay ku sameysmayaan Maamul goboleedyada Soomaaliya. Heshiiskii lagu soo saxiixay Addis-Ababa, Itoobiya ee lagu aqoonsanayey Maamulka KMG ah ee Juba ayaa ilaa haatan la horkeenin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxa UNSOM Somalia Nicholas Kay ayaa Madaxda Dawladda ku qasbay inay Mar labaad goob joog ka noqdaan qorsho dagaalo looga abuurayo Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose. Nicholas Kay iyo Nuuradiin ayaa kusoo biiriyey laba Wasiir oo shalay laga qaaday xilkii Wasiirnimo ee ay ka hayeen Maamulka Koofur Galbeed ee 6-da Gobol, Wasiiradaas lagu biiriyey Kooxdii magac u yaalka ahayd ee 3-da Gobol waxay kala yihiin Cabdifitaax Geeseey iyo Shiino Macalin Nuur.
Dagaalada Joogsan waayey ee ka jira Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey inuu ka danbeeyo Xafiiska UNSOM Soomaaliya ee uu hogaamiyo Nicholas Kay, la taliye-na uu ka yahay Nuuradiin. Labadaan nin ayaa la yimid qorshe ay ugu magac dareen higsi cusub, balse ah fitno cusub oo ay ku sheegeen in Dawlado KMG ah loogu sameynayo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, qorshahaan oo ka hor imaanaya sharcigii Baarlamaanka Soomaaliya ee Maamul u samaynta Gobolada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli ayaa noqday mid basiin kusii shuba Dagaaladii qabaa’ilada ee ka jiray dalka Soomaaliya. Cabdi Weli ayaa horey dagaalo uga soo abuuray Gobolada Jubbada Hoose, Gedo iyo Gobolka Sh/hoose. Qorshaha loo soo dhiibay Raisul Wasaare Cabdi Weli ayaa ah mid dagaalo cusub looga abuurayo Gobolada Bay iyo Bakool.
Heshiiskii lagu soo aqoonsaday oo aan weli baarlamaanka la horkeenin ayaa magaalada Kismaayo kusoo kordhiyey dagaal beeledyo aan dhamaan iyo shirqoolo lagu bartilmaameedsanayo qaar kamid ah beelaha Soomaaliya. Qorshaha qar iska tuurka ah ee uu sameeyay Xafiiska UNSOM Soomaaliya oo ay Majaraha u hayaan Mr Nicholas Kay iyo Nuuradiin ayaa la filayaa inuu Dagaalo ka dhex abuuro Maamulka Koofur Galbeed ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunoow iyo Maamulkii magac u yaalka ahaa ee uu gadaal ka riixayey Shariif Xasan ee 3-da Gobol iyo Sidoo Kale Maamulka Shabelle State (Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose) ee haatan saldhiga ka samaystay Magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose. Maamulka Shabelle State ayaa gacanta ku haya gobolka Sh/hoose, waxaana la yaab leh in gobol ayaga ay maamulaan loo sharciyeeyo koox aan xittaa iman Karin, taasi oo ah colaad abuur iska cad.
Si kastaba ha ahaatee waxaa soo baxaysa in Soomaaliya ku jirto Gumaysi cusub oo uun amar la siinayo Madaxda Soomaaliya iyada oo weliba lagu amrayo waxyaabo baabi’inaya qaranimada Soomaaliya. Sidoo kale haatan waxaa si cadaan ah usoo baxaysa in aysan shaqeyn sharciyada Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda uu dalka ka shaqeeyo rabitaanka gumaysiga cusub Mr Nicholas Kay ee dalka looga dhawaaqayo Dawlado KMG ah oo aan la shaqeyneyn Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Xasan ayaa maanta socdaal aan horay loo shaacin ku tagay degmada Taleex oo ka tiran deegaanada Puntland.
Wasiir Xisri oo la hadlay BBC galabta ayaa ku goodiyay Degmada Taleex inay ka tirsan tahay deegaanada Somaliland ayna u tageen sidii loogu kuur gali lahaa xaalada ay dadka ku nool ku sugan yihiin iyo sidii wax loogu qaban lahaa qoysaskaasi.
Ciidamo hubaysan oo Somaliland ka socda ayaa ku sugan duleedka waqooyi ee magalada Taleex, kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku sugnaa waxayna Madaxtooyadda Hargaysa sheegtay Gobalka Sool inuu ka mid yahay Somaliland, isla markasna aan wax gor gortan ah laga gali karin.
”Waxanu xoojinaynaa mamulka ,dadka deegaanka iyo rabitaankooda ayaan xoojinaynaa waxanu jecel nahay inaysan ciidamayada cid kale isku dhicin,cid nagu qasabtayna ma jirto ”Xirsi Xaaji ayaa yiri.
QM ayaa dhinacyada isku haya Taleex ugu baaqday inay isaga baxaan halkaasi si xasiloonida dadka looga shaqeeyo balse jawaabo kala duwan ayay Puntland iyo Somaliland ka bixiyeen iyagoona kala sheegtay Gobalka Sool.
Puntland ilaa iyo hada wax war ah kama aysan soo saarin socdaalka wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ay ku joogaan degmada Taleex, iyadoona maalmihii ugu danbeyay ciidamo maleeshiyo ah ay dhaq-dhaqaaqyo kala duwani ay halkaasi ka wadeen.
Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ka soconayaa horumaru dhinacyo badan leh marka loo fiiriyo Sanadihii ugu dambeeyay, ayadoo sanadkaan Magaaladu ay ku soo badanayaan magaalada wax yaabo aan horay looga aqoonin.
Wanshinton DC (Caasimada Online)-Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dabayaaqada sannadkan immaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Farmaajo ayaa sheegay in dhammaan faracyada xisbiga Tayo ay wadaan qorshe lagu doonayo in shirweyne ballaaran lagu qabto magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay oo kale in shirkaas ay ka soo qeybgali doonaan dhammaan dadka ku xisbiga Tayo oo ku kala firirsan dhammaan waddamada caalamka gaar ahaan Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka.
Mar la weydiiyay wax yaabaha shirkaas looga hadli doono, wuxuu tilmaamay in shirkaas uu noqon doono mid la doonayo siddii xisbiga loo ballaarin lahaa oo xittaa faracyo uu ugu sameesan lahaa gobalada dalka oo dhan.
Wuxuu sheegay oo kale in ay doonayaan siddii ay qeyb uga qaadan lahaayeen nabadda iyo horrumarka dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Farmajo ayaa ka hadlay dagaallada soo lab-laabtay ee ka dhacaya qeybo ka mid ah gobalada dalka.
“Waxaanugu baaqayaa in ay joojiyaan dagaalka oo wax kasta ay ku xaliyaan wadahadal iyo Isfahan, waxaan u shegayaa dadka walaalaha in ay is fahan iyo wadahadal ay ku dhammeenayaan”
ayuu yiri Farmaajo
Wuxuu sheegay in dhammaan maleeshiyaadka dagaallamaya uu ugu baaqayo siddii loo joojin lahaa dagaalladaas maadama muddo badan lagu soo jiray dagaallaadaas.
Farmaajo ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay joojiyaan dagaallaada oo ay miiska wadahadalka yimaadaan.
Maxamed Cabdi Affey, ayaa wuxuu Isniintii uu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono, cidii ka hor timaada heshiiskii ay Villa Somalia ku kala saxiixdeen Maamulada 6-da iyo 3-da Gobol.
Cali Maxamuud Faarax, ayaa wuxuu sheegay in ay iyagu si weyn kaga soo horjeedaan heshiiskaasi, oo dhigaaya in Maamul Goboleed loogu soo sameeyo Gobolada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.
Cali Seeko, ayaa waxa uu tilmaamay inaanay Beelaha Hawiye marnaba aqbali doonin, in Gobolka Shabeellaha Hoose lagu biiriyo Gobolada Baay iyo Bakool, maadaama sida uu sheegay ay iyagu ku badan yihiin Gobolkaasi.
Sidoo kale waxa uu si kulul uu kaga hadlay digniinta ka soo yeertay Maxamed Cabdi Affey, iyadoo uu ku goodiyay inay kala lee yihiin wixii ay kala helaan, haddii ay ka hor yimaadeen heshiiskaan.
“Affey awood aanu lahayn ayuu mahdiyay, wixii aan kala helno ayaan lee nahay. Affey waa nin Kenyan ah oo aan waxba ka gelin arrimaha Somaliya, awooda uu ku faanaayo ee Igad waxaan u sheegayaa, in Igad ay sameysay Somaliya.” ayuu yiri Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax.
Wuxuu kaloo uu weerar afka ah uu ku qaaday Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, haddii ay la yimaadeen heshiis uu ku sheegay in lagu dulminaayo Beelaha Hawiye.
“Xasan Sheekh iyo Xiirane waxaa laga rabaa meeshii ay ku dhaqangelin lahaayeen heshiiskaan, Dowladda waxay markasta ku tumataa Xuquuqdii Hawiye. Adeer waan diidnay waxaad wadaan.” ayuu sii raaciyay Cali Seeko, xilli uu la hadlaayay Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdisho.
Gaba gabadii kulankaan, ayaa waxaa laga soo saaray baaq ay ku wada mideysan yihiin dhinacyadii kulanka ka qaybgashay, waxaana Warbaahinta u akhriyay Gudoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.
Gudoomiyaha wuxuu marka hore uu amray in Wasiirada, Xildhibaanada iyo Saraakiisha Ciidamada ee matala Beelaha Hawiye, inaanay ka hawlgalin Xafiisyadooda, isagoona ku sheegay go’aan ay gaareen.
Dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Beelaha Hawiye, ayaa wuxuu ugu yeeray inay isugu taggaan Xarunta Maamulka Shabelle State ee Degmada Afgooye, halkaasoo uu sheegay inay ka soo saari doonaan go’aan rasmi ah.
Dowladda Somaliya, ayaa wuxuu ku eedeeyay inay dulmisay Beelaha Hawiye, isla-markaana ay dulqaateen inta uu aadanuhu dulqaadan karo, laakiin uu dulqaadkii ka sii dhamaanaayo.
Beesha Hawiye waxa ay si aad ah u cambaareysay tallaabada dowladda Soomaaliya, oo ay ku qeexeen gumeysi cusub oo beesha caalamka ay dagaal uga dhex abuureyso beelaha Soomaaliyeed.
Waxa ay wacad ku mareen in beesha Hawiye ay u dagaalami doonto, ayna difaacan doonto deeganadeeda.
Ugu dambeen Nabadoon Xaad, ayaa waxa uu bulshada caalamka uu ku eedeeyay inaanay doonayn maslaxda dalka Somaliya, ujeedada markaba horeba loo keenay Nidaamka Federalism-ka, ayuu ku sheegay mid uun loogala dan lahaa iska horimaad.
Halkan hoose ka dhageyso Wareysi la xiriira kullanka kadibna u gudub codka Nabaddoon Xaad