SOOMAALIA lagu gubay South Africa
Johannesburg (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaas lagu gubay afar qof oo ka mid ah Soomaalida ku ganacsada dalkaas.
Dadkan ayaa la sheegay in xilli habeen ah iyagoo ku jirra dukaan-kooda lagu shubay baasiin sidaas waxaa VOA u sheegay Maxamed Shuuriye Rooble oo ka mid ah ganacsadaha leh dukaanka isla markaana qaar ka mid ah ragga ay ehel yihiin.
Wuxuu sheegay in goobta dukaanka uu ku yaallo aaney wax Soomaali ah ama ajnebi ah ka dhaweyn siddaasna loo beegsaday oo laga xumaaday ganacsiga ay goobta ku hayaan.
Dhacadadan ayaa ka dhacday deeganka Danver ee magaalada Johannesburg.
Afarta nin ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu miirdaboolan yahay oo waxaa la dhigay isbitaal siddaas waxaa markale sheegay Maxamed Shuuriye Rooble.
Mar la weydiiyay in cid loo qabtay dhacadadan wuxuu sheegay in ilaa hadda aaney jirin cid u timaaday oo wax ka weydiisay sidda ay wax u dhaceen.
Wuxuu sheegay in dukaanka gabi ahaan uu bas beelay oo wax ka badbaaday aanu jirin.
Wuxuu sheegay in xittaa Safaarada Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika aaney la socon dhibaatada ku dhacday dukaankiisa iyo dadka ay ehelka yihiin.
Dhacdooyinkan waa kuwa joogta u ah Soomaalida ku ganacsata dalka Koonfur Afrika mana jirto cid ilaa hadda wax ka qabtay haddii dalka xitaa ay ka jirto dowlad rasmi ah oo la aqoonsaday.
Caasimada Online
Xafiika Wararka Pretoria
Heshiisiinti KOONFUR Galbeed 6 iyo 3 waa been roortay run ma gaarto iyo..
Heshiisiinti Koofur Galbeed 6&3 ee Villa Somalia, waa Been Roortay Run ma Gaarto iyo Halambey maxayga galay wixi ummadda ka qaloocdo.
DFS Qaabkee ayey u gashay dhaxdhaxaadinta labada maamul ee koofur galbeed lix iyo saddax,maxaysa u tixgelinweysay maamulka shabeella State in uu ka mid yahay muranka ka jiro gobalka shabeelada hoose????
Beenta iyo isku dirka waa laga roon yahay,weliba kuma sii jrto haddii ay Beentaas iyo fal muuqdo oo gurracan ku kacaan madaxda DFS dhamaantood.
In badan oo Soomaali ah waxay iska weydiiyeen heshiisiinta la sheegay in la dhax dhigay labada maamul ee koofur galbeed ee iyaga isku maandhaafay in maamulkooda ka koobnaado lix iyo saddex, sidee loo soo xulay laba nin oo ka tirsan maamulki sheegtay in uu isaga maas’uul ka yahay lixda gobal ee koofur galbeed iyada oo goobta heshiiska ka dhacay uu ka maqan yahay madaxweynihi maamulkaaas lixda gobal,halka uu joogay madaxweyne ku sheega meel mugdi ah lagu soo doortay ee maamulka saddaxda gobal ee koofur galbeed . Ogow goobta heshiiska ka dhacay laguma soo qaadan maqnaashaha odayaashi maamulka lixda gobal kaga dhawaaqay magaalda Baydhabo iyo madaxweynihi ay halkaa ku doorteen Mudane Madoobe Nuunow.
Gogasha la sheegay in heshiis ay kuwada saxiixdeen labadan maamul waxaa fadhiyay oo kaliya hal dhinac labadi koox ee isheysay marki laga reebo laba nin oo iyaga aan mas’uuliyad weyn ka heyn maamulki lixda gobal ee uu madaxda u ahaa Madoobe Nuunow oo iyaga labadan nin goobta loo soo fadhiisiyay qaab u muuqdo marqaati gelin shahaada zuur u ah..
Tan kale oo tan ka sii yaaab yareyn waxay ahaayd ,DFS iyada lama socoto miyaa waxa ka jiro gobalka shabeelada hoose iyo in Shabeelda hoose koox kale oo Soomaali ah kaga dhawaaqeen maamulka labada Shbaeelle ee shabeelle state waxay ugu magac dareen,iyo in maamulkaas uu madaxweyne u doortay Madaxweyne Mardaadi oo isaga haddeer ku sugan magaalada Marka ,halkaana ku jeedo awooda maleeshiyaad isaga taageersan sidi ay ku yimaadeen ha ahaado khalad ama sax oo iyada naf’ahaanteeda xal loo helo laga sugayay DFS.
Marin habaabintan oo dhan waxay ka marqaati kaceysaa in faragelin Shisheeye oo u xaglineyso dhinac gaar ah oo ka mid ah kooxihi isku haayay maamuladan in ay goobtaa ka soo muuqatay,taana waxaa daliil u ah sidi uu u hadlay ergagi IGAD ka fadhiyay goobta Mudane Afey oo madaxda dalkeena sharaf dil weyn ku sameeyay kolki uu u tilmaamay hawsha looga baahan yahay iyo sida ay tahay in ay u qabtaan hawshaas iyada oo caalamka oo dhan laga dhegaysanayo.
DFS waxay dhibaatadi ka aloosnayd gobalkaas gaarsiisay meel ka sii hooseyso dhibki hore uga jiray gobalkaas,waxaa intaa ka daran in mediyaha uu si cad uga soo muuqday wasiirki arrimaha gudaha Mudane Cabdullahi Goodax oo isaga hawshaan lahaa oo si cad u sheegay qaabka heshiiskaa loo maareeyay in aan loo soo marin sidi sharciga ahayd.
Tan naf ahaanteeda waxay keeneysaa in aan iska weydiino heshiiska Asal ahaan yaa soo diyaariyay haddii wasaaradi hawshan u xilsaarnayd waxba kala socon heshiiskan iyo qaabka loo soo maareeyay,midda kale miyaaneyn dhacdadan adkeynin, goobtaas in wixi ka dhacay in been cad ay isaga marqaati kaceen madaxda dalkeena,beesha caalamka,ergaga afrika iyo ergaga IGAD,sidoo kale tan waxaa si aan toosneyn uga soo dhax muuqday iscasilaadi uu ku dhawaaqay maalmo ka hor ergaga AFrika Mudane Anadif in ay salka ku heysay arrintan qaabka loo maareeyay in uu ka biya diidsanaa.
Dhaqanka dowlad laga rabo ama sida ay wax u maamulaan dowladaha caalamka ee xorta ah waa in wasiirka shaqada leh,shaqada uu qabtay soo hordhigo Golaha wasaarada ,golaha wasaaradane ay ka doodaan qaabka uu wasiirka adeegsday ma tahay mid ka gadmeyso ummadda ay madaxda u yihiin iyo in kale,keddibna ay arrintaa aqbalaan ama diidaan golaha wasaarada ,keddibna u gudbiyaan golaha shacabka si uu u sharciyeeyaan hawshan haddii ay iyaga isku raacaan aqbalaad, laakin haddeer waxaa muuqato in wasiirki hawshan lahaa uunan hawshan la soconin,arrinatana u muuqato halambeey iyo maxaa kaa galay dhibki ka yimaado kol haddii isticmaarka dadban xalkan xun raali ka yahay.
Hadda iyo dan, xal nooma ah in ummaddeena khiyaali iyo been cad lagu hogaamiyo ama gadaal loogu celiyo dagaala sukeeyo oo aan islahayn waa laga soo tilaabay waqtigoodi iyada oo loo dhega nuglaanayo fulinta danaha dowlada kale oo aynan dan ugu jirin qaabka saxa ah ee arrintan loo maareyn karo,ama iyada oo loo dhega nuglaanayo dana shakhsi ah oo gurracan oo aan ka tarjumeyn danaha guud ee ummadaan.
Fiira gaar ah ,dowlada waa in ay maanka ku heysaa xooga ay ku joogto ee AMISOM in uunan dagaala qabiil qeyb ka noqon Karin,haddii ay dhacdana ay taa soo dedejineyso in ay sidi Ciidanki Itoobiya si sahlan ugu jabayaan dagaaldaas qabiil oo uunan ka dambeyn qorsha quman ee waxa nagu xun lagu hagaajinayo.”intaadan Falin ka fiirso”.
Sidoo kale khilaafkan wuxuu banaanka soo dhigay shakiga ku xeeran in dalka Soomaaliya uu ka hergalo nidaamka federalka oo ay horboodayaan xoogiisa dalal shisheeyo oo yoolkooda yahay qeybi oo xukun, xoolaha ummaddaane si sahlan u boob.
Talo ku jeedo guud ahaan madaxda dalka ,si gaar ahna ugu jeedo wasiirka koowaad Mudane Cabdiweli Shikh Axmed,Mudane waxaa muuqato in aad hawshiina ku dhacdeen iyo la imaantinka wanaagi ay ummadda Soomaaliyeed idinkaga fadhiyeen.Mudane waxaa haddeer idin horyaalo daminta dhib horay u yiilay oo isaga oo holcayo aad bansiin ku sii shubteen. Mudane dabkan aad shideen ,been cadna aad fadhi uga dhigteen shidistiisa waxaa looga bixi karaa oo kaliya in aad isa soo horfadhiisisaan dadka uu muranka kaga dhaxeeyo qaabkee ugu haboon ee maamul loogu sameyn karaa goballada koofureed dhamaantood oo ay ku jiraan odayaasha Jubbada hoose gobalki horay loo dhihi jiray,jubbadda dhaxe,Gedo,labada maamul ee koofur galbeed lix iyo saddex iyo maamulka shabeelle state iyo odayaasha gobalki horay loo dhihi jiray Banaadir oo ay ku jirto magaalada Muqadisho ,tanna waxay imaan kartaa oo kaliya iyada oo aad ka tanaasushaan u dhega nuglaanta fulinta danaha shisheeyaha ay ka leeyihiin Soomaaliya.
Mudane adiga iyo dowladaada waa in aad ku seexataan ,kuna soo toostaan in ay taariikhda idinka cafinayn waxaad ummaddiina u horseedaan wanaag iyo xumaan.
Qore/Abdallah Moallim Mahamud
[email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid
Falastiin oo u mahad celisay SOMALIA
Qaahira (Caasimada Online) – Jamaal Al-Shawbaki, oo ah safiirka Dowlda Falastiin u fadhiya dalka Masar, ayaa bogaadiyay go’aannada Somalia ee taageeraya shacabka Falastiin iyo xuquuqdiisa sharciga ah, isagoo tilmaamay in qadiyadda Falastiin ay tahay qadiyadda ummadda Carbeed oo dhan, isla-markaana shacabka Falastiin ay ku faanayaan Carabnimadooda iyo ka-tirsanaantooda ummadda.
Jamaal Al-Shawbaki,ayaa safaaradda Somalia ee magaalada Qaahira kula kulmay safiirka Soomaaliya ee Masar, Cabdalle Xasan Maxamuud.
Kulankan ayaa sidoo kale la iskula soo qaaday arrimaha gobolka iyo waxyaalihii ugu dameeyey ee ka dhacay deeegaannada dalalka Carabtu ay dhacaan iyo saameynta qaddiyadda shacabka Falastiin.
Sidoo kale, danjiraha Soomaaliya ee Masar Cabdalle Xasan ayaa soo dhaweeyay booqashada uu ugu yimid danjire Al-shawbaki, wuxuu ugu hambalyeeyay xilka cusub ee loo magcaabay ee ah safiirka dowladda Falastiin u fadhiya Masar, wuxuuna u rajeeyay inuu ku guuleysto shaqadiisa, isagoo u xaqiijiyey in Falastiin ay ku jirto qalbiga qof kasta oo Soomaali ah, isla-markaana uu dalku taageerayo xaqa shacabka Falastiin ee dhismaha dal ay leeyihiin oo madax-bannaan oo Qudusta ay tahay caasimaddiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Puntland: Hadal waa dhamaaday wixii hadda ka dambeeya waa noo dagaaal
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibad lagu xusayay 26-ka June ayaa sheegay inaysan mar danbe baaq kasoo saari doonin xaalada Sool balse ay dagaal ku qaadi doonaan ciidamada Somaliland ee Taleex ku sugan.
Hadalka Camay ayaa imaanaya xili si wayn dadka Puntland ay u sugayaan jawaabta ay ka bixin doonto Puntland socdaal wasiiro Somaliland ay maalin ka hor ku tageen degmada Taleex oo ah meel Somaliland iyo Puntland ay isku haystaan.
Waxa uu sheegay inay ka bareeri doonaan wax uu ugu yeeray gardarada iyo duulaanka ciidamada Somaliland ay kusoo qaadeen Gobalka Sool.
‘Waxan lee yahay waxyaabaha loo haqal taagayo ha la iska ilaawo, ma canbaaraynayo laakiin waxaan umadda Puntland u sheegayaa way qeexan tahay siyaasada Puntland ee ku aadan Sool,Sanaag iyo Cayn waana ka bareeri doonaa”.
Wararka laga helayo degmada Taleex ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga baxeen ciidamadii ka socda Somaliland, kuwaasoo hadda ku sugan degmada Xudur ee Gobalka Sool lamana yaqaan sababta kaliftay inay dib u ruqaansadaan.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Siilaanyo oo u jawaabay Xasan Sheikh
Hargeysa (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxammuud Siilaanyo ayaa ka hadlay munaasabadda 26-ka June oo ah markii ugu horreysay oo calan Soomaali ay lee dahay laga suray g0balada waqooyi sannadkii 1960-kii.
Siilaanyo ayaa saxaafadda ummadda Somaliland ugu hubambalyeeyay munaasabadaas balse wuxuu sheegay siddii loo helay xoriyada iyo sidda ay ula midoobeen walaalahood Soomaaliya in loogu badalo in la dhibaateeyo.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku celiyay in hadal uu horrey u sheegay oo ah in Somaliland ay tashatay isla markaana aaney diyaar u ahayn in markale ay la midowdo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay jecel yihiin in ay si walaaltinimo leh ay u wada noolaadaan labada shacbi.
Si kastaba, hadalka madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo aaday iyadoo xaley meelo badan oo Soomaaliya si weyn looga xusay munaasabadda 26-ka June oo ah markii ay xorroobeen gobalada Waqooyi ee la baxay Somaliland sannadkii 1961-dii waana markii ugu horreysay oo calan Soomaali ay lee dahay laga suro gayiga Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagoo xaley ka hadlaayay midnimada Soomaaliya ayaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatadii ka dhacday dalka aysan umadda Soomaaliyeed ilowsiin doonin taariikhdeenna. “dhibaato waay dhacday waxbadanna way naga qaldameen hasa ahaatee taasi macanaheedu maaha in dhibaataaasi na ilowsiiso taariihdeenna. Wax walba oo dhacay waan ka heshiineynaa Ilaahey idinkiis,Maanta waan ka fusrado badannahay maalintaas, waan ka aqoon badan nahay, waan ka tiro badan, waana ka xoolo badan nahay. Waxa naga haleysan waa siyaasadda, waana tooseeysaa, midnimadiina waa soo laabnaneysaa, waliba si wallatinimo leh iyo is jacayl ayey ku soo laabaneysaa”.
Si kastaba, maamulka Somaliland maalintan qiimo siddaas u buuran uguma fadhido oo waxay ka jecelyihiin oo ay ka doorbideenn 18-ka May oo ah markii ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Somaliweyn balse waxaa sheegis midan tan iyo xilligaas ma helin wax ictiraaf ah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Amisom oo ka digtay dagaal ka dhasha aqoonsiga C/Weli & diidmada Hawiye
Muqdisho ( Caasimada Online) – Tan iyo markii waxgaradka iyo madaxda beelaha Hawiye ay diideen aqoonsigii dowlada Soomaaliya ay siisay maamulka seddexda gobol ee koofur Galbeed ayaa AMISOM waxay ka hadashay arimo ka dhalan kara siyaasada is diidan ee haatan taagan.
Amisom, ayaa ka cabsi qabta cawaaqib xumo ka iman karta aqoonsiga uu Cabdi Weli siiyey maamulka saddexda gobol iyo diidmada Beelaha Hawiye, oo kasoo horjeeda in gobolka ay degaan ee Sh/Hoose la raaciyo gobolo kale.
Saraakiisha sare ee AMISOM ayaa soo saaray digniin ku aadan in amni daro ay ka dhalato aqoonsigii siyaasadeed ee dowlada Soomaaliya ay siisay maamulka seddexda gobol ee koofur galbeed Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa sheegay inay ka digayaan dagaal ka imaan kara qulqulatooyinka siyaasadeed ee ka jira dalkaSoomaaliya waxii ka dambeeyay markii Shabeelaha Hoose lagu daray maamulka 3-da gobol ee Koofur Galbeed.
Wuxuu sheegay inay maqleen oo ay ka warhayaan muranka ka jira dalka Soomaaliya, wuxuuse sheegay in iyaga mar walbaa ay yihiin dad doonaya nabad ka dhalata dalka Soomaaliya.
“Ciidanka Amisom wax si gaar ah uquseeyo ma’ahan laakiin nabadgalyo la’aan ayeey keeni karaan khilaafaadka Siyaasadeed Amisom talada Dowladda ayeey garab joogta marwaliba, inagu shaqadeena waa ammaanka inaan ka fekernaa”Ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Amisom.
Wuxuu beeniyay in ciidamada AMISOM ay la safan yihiin mid kamid ah maamulada ka dhisan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, isagoo sheegay in taasi aysan dhici doonin, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu xaqiijiyay in mar walbaa ay iyaga taageersan yihiin mowqifka dowlada Soomaaliya ay ka qaadato marxaladaha ka jira dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Xasan Sh oo fariin u diray Somaliland
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxammuud ayaa shacabka iyo maamulka Somaliland ka codsaday in ay iska ilaawaan wixii dhibaato ah oo loo geestay intii dalka ay ka jirtay dowladii kacaanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in lama huraan ay tahay in Soomaalida ay midoobaan oo la soo celiyo siddii Soomaaliya ay ahayd sannadkii 1960-edkii oo ay ahayd markii ay israaceen gobalada waqooyi iyo koonfur.
Madaxweynaha oo xaley ka hadlaayay xaflad ka dhacday dugsiga booliska ee Jeneraal Kaahiye ayaa dadka reer Hargeysa salaan u diray wuxuuna ugu hambalyeeyay in Hargeysa ay noqotay meeshii ugu horreysay ee laga suray calanka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in dadka Soomaalida aaney kala maarmin meel kasta oo ay joogaan loona baahan yahay in wax kasta oo soo kala gaaray ay iska cafiyaan.
Ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed oo isna ka soo jeeda gobalada waqooyi ee la baxay Somaliland ayaa sheegay in Soomaalida aaney kala maarmin loona baahan yahay in wax kasta oo soo kala gaaray iska cafiyaan si markale loo midoobo.
26-June sanandkii 1960-kii waa markii ugu horreysay oo calan Soomaali ay lee dahay laga taagay gobalada Waqooyi, balse maamulka Somaliland maalintan qiimo siddaas u buuran uguma fadhido oo waxay ka jecelyihiin oo ay ka doorbideenn 18-ka May oo ah markii ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Somaliweyn balse waxaa sheegis midan tan iyo xilligaas ma helin wax ictiraaf ah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Xasan Sheekh: Madaxweyne marti ah
Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu u dhaqmayaa sidi nin marti ka ah mininkiisa. Wuxuu u fasaxay Kenya iyo Ethiopia inay ka talo bixiyaan dhismaha dowlad-ku-sheega gobollada laga abaabulaayo oo loogu tala galay in lagu burburiyo xoogaaga yar ee xurriyadda ah oon heysanno hadda. Mudane Madaxweyne waxaad u baahan tahay la taliyeyaal ku dareensiiya awoodda Ilaahey ku siiyay ood ka baqeyso haddaad isticmaasho in booska aad ku weyso..Waxaad dooratay inaad daciif ahaato oo aadan qaadan karin go’aan gesinnimo oo dadka iyo dalka lagu badbaadiyo.
Maareynta howlaha dowladda waxaa loo xilsaaray R/Wasaare Cabdiweli oo meesha ku wareeray, meel loo socdana aan weli garan waxaana ku mathalay nin qowsaar ahaa (xoolo raac) kaasoo loo dhiibay inu raaco IDO tiro badan. Markaasuu reerki xoolaha lahaa ku xiray shardi ahaa inaysan waxba ka weydiin karin xoolaha xaaladooda ilaa uu asaga uga sheego wixi dhibaato dhaca. Maalintii dambe ayuu asagoo xoolihi la joogo iska hurday oo iska seexday geed hoostiis. Iduhuna waxay xoolaha kale uga duwan yihiin gadal uma soo naqdaan horey ayey u sii socdaan. Goor dambe uu hurdadi ka toosay iyadoo qorraxdi dhacday…reerki ayuu soo aaday intuu xoolihi raadi lahaa. Markaasuu yiri: war maxaad la fadhidiin idihi miyaa la helay? Waxaa loogu jawaabay : idihi adigaa lagaa rabaa waayoo waxaa tiri yaan waxba la I weydiin.
R/Wasaare Cabdiweli hadduu leeyahay war aaway dowladdi? Waa marki wasiiradi u kala bexeen mucaarid iyo muxaafid. Marka su’aashu waxay tahay yaa dalkaan ka taliya? Nin waliba inta geed hoos fadhiistay ku dhawaaqay inuu Madaxweyne ka yahay inta aan Xamar ka ahayn….Madaxweynihi Xamar joogayna wuxuu sameeyo ma yaqaanno. Wuxuu ku dhici waayay inuu awoodiisa isticmaalo oo kuwa qaska wada ee loo wada jeedo tallaabo cad laga qaado, lana xirxiro oo xabsiga la dhigo, siiba Madoobe Nuunow iyo Axmad Madoobe..waayoo waxay khatar geliyeen jiritaanka ummadda Somaliyeed. Waxayna horseedayaan in dib loogu naqdo dagalladi lagu hoobtay iyagoo kaalmo iyo taakuleyn ka helaya Kenya iyo Ethiopia. Waxaa la isweydiinayaa ma yihiin rag la ixtiraamo ama la qiimeeyo gebi ahaantood, waayoo waxaa jirta xikmad carabi ah:
اذا أكرمت الكريم ملكته واذا أكرمت اللئيم تمرد
Oo micnaheedu yahay HADDAAD KARAAMEYSO QOF KARAAMO LEH ADIGAA YEELATA LAAKIN HADDAAD KARAAMEYSO QOF LAIIMA WAA KUGU CAASIYAA …Madaxweynaha dadka uu karaameynaayo waa dad u baahan in qashinka lagu daro oo tallaabada ay mudan yihiin laga qaado, belada ay baafinaayaana ummadda laga badbaadiyo, inteysan arrintu faraha ka bixin, ha ahaadeen kuwa dowladda ku jira iyo kuwa aan ku jirin oo bannaanka ka qeylinaya.
DOWLAD GOBELEED HA LA HAKIYO
IGAD waa in runta loo sheegaa loona caddeeyaa wakiil-ku-sheega Igad iyo safiirka Ethiopia labaduba ay yihiin PERSONA NON GRATA oo aysan joogi Karin Somaliya, kaddib markey ka gudbeen xadki loogu tala galay diblomaasiyada. Somaliya ma ahan meel dadka kuwooda ugu liita loo soo diro si wixi laga xishoon jiray ay ku faanaan, cid iska qabatana la waayay. Waxaa la iswediiyay war aaway dalkaan dadkiisi iyo dowladdiisi?.
Dowladdu waa inay dib isugu noqoto oo loo dhiibo xilalka wasaaradaha dad u qalma oo dareemi kara marxaladda xasaasiga ah uu dalku maraayo. Waa marxalad u baahan dad dareen wadaninnimo ku jirto, u xaglinta danaha qabiilkana la yareeyo lagana hormariyo danaha dadka iyo dalka.
Waa in la baabi’yaa DOWLAD GOBOLEED, kuwa jira maahee, aankuwa cusub la oggolaan, loona magacaabo meelaha qasku ka taagan yahay guddoomiye gobol,(haddii la doono ugu yeera Madaxweyne gobol).. ciddi isku dayda inay ka hor timaado go’aannada dowladda tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaado..Sharciga fasaxaya dowlad goboleedyada la joojiyo, si ku meel gaar ah, inta dalka arrimihiisa ka degaayaan, waana in xoog lagu maquuniyaa, waayoo waxaa nahay ummad u baahan in xoog wax looga fuliyo oo aan mudneyn in xuriyad lagu dhaqo.
Jirro waxaa la daaweyn karaa marka lagu sameyo tashkhiis ( diagnosis) oo lagu ogaado sababaha keenay….Somaliya qandhada heysa waxaa lagu fasiray inay tahay BARLAMAANKA oo ah meesha cilladaha oo dhan ay dhex jiifaan, inta uu jirana usan dalku degi doonin, wax nabad ahna aan la filan karin, waayoo waa dad badankoodu dibadaha ka yimid booskana iibsaday, kuna mashquulsan sidey lacag uga sameyn lahaayeen kuna laabtaan meeshi ay ka yimideen…Waryaa naga qabta!!! ILAAHOW NAGA SOO GAAR!!!
W/Q: Axmad Calasow
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid
Maamulka Shabeelle State oo Marka u magacaabaya guddoomiye cusub
Marka (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Shabeelle State, Abuukar Cismaan Mardaadi ayaa sheegay in uu maanta oo Khamiis ah magacaabi doono guddoomiyaha degmada Marka iyo ku xigeenadiisa.
Wuxuu warbaahinta u sheegay in guddoomiyaha degmada Marka uu u magacaabayo Prof Cabduqaadir Cali Muuse oo uu sheegay in uu yahay nin u dhashay magaalada isla markaana uu wax badan ku soo kordhin doono.
Wuxuu kaloo sheegay inuu magacaabayo xubno oo la shaqeen doono guddoomiyaha cusub ee degmada Marka.
“Waxaan magacaabay guddoomiyaha degmada Marka oo aan u magacaabay Prof Cabduqaadir Cali Muuse waxaa kaloo la magacaabay ku xigeenadiisa” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Shabeelle State.
Madaxweynaha maamulka Shabeelle State Abuukar Mardaadi ayaa xusay in uu dhawaan soo dhammeestiri doono maamulkiisa oo hadda xarun ka dhigtay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.
Si kastaba, degmada Marka waxaa ka dhisan maamul dowladda ay aqoonsatay iyo guddoomiye degmo, waxaana aan la ogeyn sidda ay u shaqeyn doonaan labadan guddoomiye ee ka arrimiya degmada Marka.
Maamulka Shabeelle State ayaa hadda u muuqda
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
sub u magacaabaya Marka
Beelaha HAWIYE oo sheegay sababta aan SH/H loo raacin karin Bay & Bakool
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa waxa uu ka hadlay waxa ay ku diidan yihiin heshiiska 3-da iyo 6-da Gobol ee Koonfur Galbeed ee Somaliya.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay in heshiiska lagu gaaray Madaxtooyada Somaliya, ee lagu sheegay in Maamul Kmg ah loogu dhisaayo Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose uu yahay mid liddi ku ah Sharciga, maxaa yeelay dadka Deegaanka waxba lagama weydiin, sida uu yiri.
Wuxuu tilmaamay in heshiiska uu dhigaayo marka hore Beelaha Deegaanka wada degan inay heshiiyaan, deetana ay dhistaan Nidaamka, kadibna ay ka wada hadlaan inay isku darsami karaan iyo in kale.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Gobolka Shabeellaha Hoose aanu ahayn Gobolka raaci kara Gobolada Baay iyo Baay, bacdamaa uu yahay Ex Banaadir (Mid laga jaray Gobolka Banaadir). Wuxuuna intaa ku daray inaanay dhalasho ku raaci karin, Deegaan ahaana ku raaci karin, sida uu yiri.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa sidoo kale sheegaaya in Beelaha Hawiye ay ku xoogan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose, isla-markaana aan waxba laga weydiin go’aanka Shabeellaha Hoose loogu daray Baay iyo Bakool.
Arrintaan, ayaa wuxuu ku sheegay mid ka baxsan awood qaybsiga iyo Cadaalada, iyadoo Madaxda Dowladdu uu ku eedeeyay sida ay isaga indho tirayaan waaqica dhabta ah ee jira.
Oday Dhaqameedkaan, ayaa wuxuu Madaxda Dowladda iyo Bulshada Caalamkuba ku dhaliilay inay Maamul Goboleed ku dhiseen Madaxtooyada Somaliya, isla-markaana aysan muuqan si lagu soo dhoween karo Maamulkaasi.
Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in markii ay arkayn sida ay wax isku burinayaan, ay u soo baxday inaan la doonayn wax la dhiso, oo loo socdo in wax la dumiyo, shacabka Somaliyeedna madaxa leesku geliyo.
Maxamed Xasan Xaad oo la hadlaayay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa ku celiyay inay iyagu amrayn in Wasiirada iyo Xildhibaanada Beelaha Hawiye, ay shaqada joojiyaan, si ay kaga arrinsadaan arrintaan khatarta ku ah dadka Deegaanka.
Nabadoon Xaad, ayaa qaba in Dastuurka Somaliya ee Nidaamka Federalism-ka ku saleysan uu yahay mid dusha uun laga keenay, oo aan ahayn mid ay Somalidu si madax banaan u sameysatay.
Halkan ka dhageyso Xaad
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Xog: Xildhibaaano ku kacay Cabdi Weli oo mooshin diyaarinaya iyo xiisad jirta
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn uga hadlayey heshiiskii dhowaan lagu saxiixay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya iyagoo ku doodaya in hirgelinta sharciyada lagu dhisayo maamulada ay tahay shaqo baarlamaanka uu leeyahay.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha ka hadlay arrimaha heshiiska maamulka Koomfur Galbeed ayaa sheegay in aqoonsia maamul goboleed cusub ay tahay in marka hore la horkeeno baarlamaanka federaalka, ay ka doodaan kadibna ogolaadaan haddii uu soo buuxiyo shuruudaha.
“Waxaa jira khaladaad marar badan soo laalaabtay, waxaana u baahanahay in baarlamaanka uu ka fariisto oo si dhab ah looga doodo,” ayuu yiri Daahir Jeesow.
Xildhibaanka ayaa ku dooday in sameynta maamul goboleed cusub ay tahay arrin u baahan waddoo dheer in las oo maro isagoo sheegay in sharciyada federaalka ay weli yihiin qabyo welina aan la geyn baarlamaanka.
Xildhibaan Jeesow ayaa ku goodiyey in ay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hogaamiyo raysal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed isagoo tilmaamay in heshiiska dhowaan lagu aqoonsaday saddexda gobol ee Koonfur Galbeed ay hor istaagi doonaan.
Sidoo kale xildhibaan C/laahi Jaamac oo isaguna ka mid ah mudanayaasha wax laga weydiiyay doodan siyaasadeed ee dawlada dhexdeeda ka jirta ayaa wuxuu sheegay in baarlamaanka iyo xukuumadda ay sii kala fogaanayaan.
“Waxaad arkeysaa inaan la iska warqabin, oo heer wasiirkii arrimaha gudaha uu xitaa leeyahay waxan la ilala socodsiin oo shaqadii wasaaradiisa la garabmaray,” ayuu yiri xildhibaan C/laahi Jaamac.
Arrimahan ayaa qeyb ka ah kulamada siyaasadeysan ee hareeyay hoteelada magaalada Muqdisho kuwaasoo ay wadaan xildhibaano ka mid ah baarlamaanka oo ku kacsan xukuumadda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
Ciidamada Shabelle State oo qabsaday deegaano ka tirsan Sh/Hoose (XOG)
N0.50 (Caasimada Online) – Xoogag hubeysan oo taabacsan Maamulka Shabelle State, ayaa bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Nambar Konton, oo dhaca duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Xoogagaan, ayaa waxay gelinkii dambe Arbacadii soo buuxiyeen goobaha ku teedsan Deegaanka Nambar Konton, taasoo keentay inay isaga baxaan dhinacyadii horey ugu sugnaa.
Xoogagaan, ayaa waxaa la soo soo sheegayaa in xalay ay ku hoydeen Nambar Konton, iyadoo aanu ka dhicin wax dagaal ah, waana markii ugu horeysay oo Deegaankaasi lagu arko Ciidan taabacsan Maamulka Shabelle State.
Sidoo kale Xoogaga taabacsan Maamulka Shabelle, ayaa waxay shalay la wareegeen barro Kontoroolo oo ku yaala Magaalada Marka, kuwaa oo 9-kii bishaan ay fariisimo ka sameysteen mid ka mid ah maleeshiyada beelaha ku wada dagaalamaaya Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka Maaliyada ee Maamulka Shabelle Shate Cali Nuure, ayaa waxa uu xaqiijiyay in Ciidamada Shabelle State la wareegeen gacan ku haynta Deegaanka Nambar Konton iyo barraha kontoroolada ee Magaalada Marka.
Wasiirka, ayaa wuxuu tani ku sheegay mid ay Maamulka Shabelle State ku wada gaarsiinayaan dhammaan Deegaanada Gobolada Shabeellooyinka (Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose).
Madaxweynaha Maamulka Shabelle State Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi), ayaa wuxuu shalay sheegay inaysan aqbali doonin in Gobolka Shabeellaha Hoose lagu biiriyo Maamulka loo dhisaayo Gobolada Baay iyo Bakool.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]
Xog & Gorfeyn: Somaliaa oo ku socota qaabka madaxweyne iyo ku-xigeen
Waa tii sannadka markuu ahaay labada kun, uu Mudane Ismaaciil Cumar Gelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, ugu baaqay Soomaalida shirweyne qaran oo dib u heshiisiin; waa tii, marka laga reebo garabyadii hubeysnaay, Soomaalidu soo dhaweysey baaqa ka soo yeeray Mudane Gelle; waa tii la isugu tegey tuuladii taariikhda gashay ee Carta (Djibouti); waa tii muddo dheer keddib lagu heshiiyey: (1) Axdi qarameed, (2) gole shacab, (3) madaxweyne, iyo (4) xukuumad oo dhammaan KMG ah; waa tii Mudane Cabdiqaasim Salad Xassan iyo Cabdalla Deeroow Isaaq loogu kala doortay madaxweyne iyo guddomiye gole shacab; waa tii uu Mudane Cabdiqassim u magacaabay Mudane Cali Khalif Galayr wasiirka koowaad ee xukuumadda; waa tii dadweynaha Soomaaliyeed soo dhaweeyeen dhammaan go’aannadii ka soo baxay Carta; waana tii caleemo qoyan lagu soo dhaweeyey heykalka dawladnimo ee Soomaaliyeed.
Maxaa Dhacay (1)
Waa tii muddo kooban keddib khilaaf aan qarsoonayn soo kala dhexgalay Mudane Cabdiqaasim, Madaxweynaha iyo Mudane Cali Khalif, Wasiirka Koowaad ee xukuumadda; waa tii khilaafkaas ku dhammaaday is-casilaaddii Mudane Galayr, Mudane Xassan Abshirna loo magacaabay wasiirka koowaad; waa tii khilaaf kale oo soo kala dhexgalay Madaxweyne Cabdiqasim iyo wasiirka koowaad ku dhammaaday is-casilaaddii Mudane Abshir, Mudane Maxamad Cabdi Yuusufna loo magacaabay wasiirka koowaad; waa tii ugu dambayntii Mudane Maxamad Cabdi Yuusuf ka fariistay shaqadii (Is-casilaad), waxayna arintaas soo afjartay mirihii Carta.
Maxaa Dhacay (2)
Waa tii Soomaalidu shirweyne kale oo muddo dheer qaatay isugu tagtay Degmadii Imbogati ee Kenya, waana tii Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Mudane Shariif Xassan Shiikh Aden loogu kala doortay madaxweyne iyo guddoomiye gole shacab, Mudane Cali Maxamad Geedina loo magacaabay wasiirka koowaad; waa tii muddo kooban keddib Mudane Yuusuf iyo Mudane Geeddi is khilaafeen, khilaafkiina ku dhammaaday in Mudane Geeddi is-casilaad qaddimo; waana tii Mudane Yuusuf magacaabay Mudane Nuur Xasan (Nuur-Cadde), waxana muddo kooban keddib is-casilay Mudane Nuur-Cadde iyo Mudane Cabdullaahi Yuusuf.
Maxaa Dhacay (3)
Waa tii Soomaalidu mar labaad isugu tagtay Djibouti, laguna soo dhisay Mudane Shiikh Sherif Shiikh Axmed (Madaxweyne), Aden Maxamad Nuur (Guddomiye gole shacab), iyo Mudane Cumar Cabdirashiid (wasiirka koowaad), oo dhammaan KMG ah. Waa tii waxay sababtu ahaydba, Mudane Cumar Cabdirashiid is-casilay; muddo keddibna waxa is casilay Mudane Maxamad Cabdullaahi Maxamad “Formaggio,” oo beddelay Mudane Cumar cabdirashiid, waxana KMG-nimadii dhammaatay Mudane Sheriif Shiikh Axmed iyo Mudane Cabdiweli Maxamad (Gaas), wasiirkii koowaad ee ugu dambeeyey xukuumaddii KMG oo isku dheggan (is khilaafsan).
Maxaa Dhacay (4)
Waxa dhammaay ku meel gaarkii dawladnnimo ee Soomaaliya, waxana la doortay: (1) gole shacab oo leh guddoomiye iyo kuxigeenno, (2) madaxweyne, iyo (3) xukuumad, waxase meeshiisii ka sii socday khilaafkii horey u ragaadiyey dawladihii ku meel gaarka ahaay ee soo maray dalka, laga soo billaabo labadii kun.
Maxaa Keenay Khilaafka soo noq-noqday (Aragti)
Waxa xeel dheerayaal badan qabaan in sababta khilaafka joogtada noqday yahay (1) damac siyaasadeed; (2) maskax ku qufulan keli talisnimo laga dhaxlay dawladdii kacaanka oo inta badan ee wax hoggaamisa manta koreen, garaadsadeen ama qayb ka noqdeen dawladdii kacaanka. Waxa kale oo xeeldheerayaashu qabaan in aan dastuurka la aqrin, lagu dhaqmin ama uusan dastuurku si cad u qeexeeyn waajibaadka shaqo ee u dhexeeya madaxweynaha iyo wasiirka koowaad, waxana marar badan dhacdo in labada masuul isku dhacaan, iyada oo la aaminsanyahay in uu madaxaweynuhu soo dhaafo ama gudbo xadka shaqo ee uu leeyahay, farahana la galo shaqada wasiirka koowaad.
Waxa hab dhaqanka kor xusan ee is-qabqabsiga madaxda sare ee dawladda, lagu waayey ama ku tegay saddex madaxweyne (Cabdiqasim, Cabdullaahi Yusuf, Sherif Shiikh Axmed), iyo sagaal wasiir koowaad (Cali Khalif Galayr, Xasan Abshir Farax, Maxamed Cabdi Yusuf, Cali Maxamad Geedi, Nuur Xasan Xuseen “Nuur-Cadde,” Cumar Cabdirashiid, Maxamad Cabdullaahi Maxamad “Formaggio,” Cabdiweli Maxamad Cali “Gaas,” iyo Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid,”) iyada oo aan maantana la amaanayn xiriirka wadashaqayn ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wasiirkiisa Koowaad (Cabdiweli Shiikh Axmed).
Maxaa Xalku Noqonkaraa (5)
Waxa xalka naga og oo naga yaqaan Alle (SWT); haddise dalku ka badbaado saan-saanta colaadeed ee muuqata, Soomaaliduna qaadato (inta badan) habka federaalka, waxa lama huraan noqonayso in uu jiro madaxweyne dadweynuhu soo doortay. Madaxweynahaas oo fulindoona guud ahaan hawsha qaranka, gaar ahaan xukuumadda, mana jiri doono wasiir koowaad oo qaban doono hawsha fulinta ee xukuummadda. Dabcan, waxa habka federaalku oggolyahay in madaxweynuhu yeesho ku-xigeen, labada mas’uulna ka soo jeedan hal xisbi, urur ama dallad is-bahaysi. Sidaas daraadeed, waxan soo jeedin lahaay in Soomaalidu qaadato hoggaamin ku salaysan madaxweyne iyo ku-xigeen, meeshana laga saaro xilka ama jagada wasiirka koowaad.
Wabillaahi Towfiiq
W/Q: Prof. Axmed M. Warfa
Utah, USA
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid
Beelaha Hawiye: C/Weli waxaa la rabaa halkii geyn lahaa heshiis beenaadka
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa wuxuu si kulul uu u dhaliilay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Gudoomiyaha, ayaa wuxuu Ra’iisal Wasaaruhu ku eedeeyay inuu madaxa kaga taagan yahay Beelaha Somaliyeed qaarkood, taasoo uu sheegay inaanu waxba ka aqoon waxa sababay, soona jeediyay in wax laga weydiiyo Ra’iisal Wasaaraha.
“Ninkaan la lee yahay Ra’iisal Wasaaraha wuxuu Madaxa uga taagan yahay Beelaha qaar, waxaan garanayno maaha waxa uu ugala jeedo, in isaga la weydiiyo ayay ku fiicnaan laheyd.” ayuu yii Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay Idaacada SKY NEWS.
Wuxuu soo hadalqaaday shirkii Golaha Wasiirada ee lagu meelmariyay heshiiskii ay kala saxiixdeen Maamulada 3-da iyo 6-da Gobol ee Koonfur Galbeed, xilli ay ka maqan yihiin Wasiirada Beelaha Hawiye.
“Waxaad ogtihiin in shirkii Golaha Wasiirada lagu ansaxiyay heshiiskii ay diidaneyd Beelaha Hawiye, weliba iyadoo ay fadhiga ka maqan yihiin Wasiiradii Beelaha Hawiye.” ayuu yiri Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka ee Hawiye.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku eedeeyay inuu sidaa u yeelaayo, dagaal gaar ah oo uu kula jiro Beelaha qaarkood, ha yeeshee wuxuu ku goodiyay in laga doonaayo meeshii uu gayn lahaa heeshiiskaasi.
“Wuxuu sidaan u sameynayaa waa dagaal uu kula jiro Beelaha qaar, laakiin Ra’iisal Wasaaraha waxaa laga rabaa meeshii uu gayn lahaa heshiiskaan. Meeshii uu ka noqon lahaa Ra’iisal Wasaare Somaliyeed oo Qaranka matala, ayuu noqday nin dadka sii kala qaybiya.” ayuu sii raaciyay Nabadoonka.
Xaad, ayaa carabka ku adkeeyay in Beelaha Hawiye ay si guud uga soo wada horjeedsan doonaan tallaabada uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Gobolka Shabeellaha Hoose ugu biirinaayo Gobolada Baay iyo Bakool.
Dhinaca kale Cabdi Weli ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo dhammaan beelaha diidan waxa uu ugu yeeray heshiiska, si uu u qanciyo.
“Waan la hadlayaa dhammaan, waana ka dhageysanayaa cabashadooda” ayuu yiri, isaga oo shalay dhoofayey dalka Equatoria Guinea, oo uu shir kaga qeyb galayo.
Colaadda iyo dagaal beeleedyada Soomaaliya, ayaa sii kordhay markii uu xilka qabtay Cabdi Weli, oo maleeshiyo beeleedyo gaar ah hub siiyey.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
Arrin ka cusub degmada Buulo-Burde
Buulo-burde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo ruux oo labisnaa dareeska ciidamada dowlada ay weerar ka fuliyeen degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay saldhiga degmada kaasi oo socday daqiiqado dhowr ah, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.
Labadii nin ee weerarka ku qaaday saldhiga degmada ayaa la sheegay in markii dambe la dilay, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan qasaaraha weerarka ka dhashay.
Ku dhawaad lix ruux oo ay ku jireen dadkii waardiyaha ka ahaa albaabka saldhiga iyo dadkii weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen, laakiin ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin kartaa heerka qasaaraha.
Dadka deegaanka waxay leeyihiin muddo daqiiqado ah ayay israsaaseynta socotay kadib markii dadka weerarka soo qaaday ay rasaas ku bilaabeen ilaalada saldhiga degmada.
Waxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemaya degmada Buulo-burde , waana weerarkii ugu horeeyay oo ka dhacay saldhiga degmada, wallow horay weerar ismiidamin ah uu kaga dhacay degmada.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Hiiraan
Wakiilka Midowga Yurub ee xisbiga PDP oo ka soo horjeestay heshiiska maamulada Koonfur Galbeed.
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho ay heshiis ku gaareen ergooyin ka kala socda labada maamul ee koonfur galbeed, heshiiskaas ayaa waxaa garwadeen ka ahaa dowladda Soomaaliya oo waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha, afhayeenka baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha.
Haddaba heshiiskaas waxaa ka soo horjeestay wakiilka xisbiga madaxweynaha ee PDP ee qaaradda Yurub.
Isagoo la hadlaayay Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in heshiiskaas uu qalad yahay isla markaana madaxda dowladda ay taageereen arrin qalad ah.
Wuxuu sheegay in gobalka Shabeellaha Hoose lagu daro Baay iyo Bakool ay tahay arrin aan soconeynin oo maba islahan ayuu yiri deegan ahaa iyo dad ahaan.
Waxaa la weydiiyay isagoo wakiil uga ah Yurub xisbiga PDP sababta uu ku qaadacay heshiiska ay dowladda dhex dhigtay labada maamul, wuxuu sheegay in madaxweynaha ay heshiis ku yihiin uun in wax sax la sameeyo ee uusan ku taageersaneen in uu wax qalad ah sameeyo ama uu taageero.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha dowladda iyo dhammaan hey’addaha dowladda looga baahan in ay ka laabtaan taageerada heshiiskaas gobalka Shabeellaha Hoosena lagu daro gobalka Shabeellaha Dhexe sidaasna maamul loogu sameeyo labada gobal.
Hadalkan wakiilka xisbiga PDP ayaa ku soo aadaya iyadoo toddobaadkan magaalada Muqdisho ay ku heshiiyeen labada maamul ee koonfur galbeed oo hadda sameestay maamul kumeel gaar ah.
Si kastaba, waxaa soo badanaya mucaaradnimada heshiiska labada maamul ee koonfur galbeed lagu mideeyay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Xiisad ka taagan Matabaan oo uu booqanayo guddoomiyaha gobalka Hiiraan
Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, kaddib markii la sheegay in uu magaalada ay ku wajahan yihiin wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golbalka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax.
Sidda ay lee yihiin wariyaasha ku sugan Matabaan xiisada ayaa ka dambeesay markii la sheegay in magaalada ay isku heestaan labo maamul oo kala ah mid dowladda hoostaga mid kale oo ay sameesteen Ahlu Sunna, dhawaan ayeeba ku dagaallameen magaalada.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in magaalada lagu arkay ciidamo badan oo aaney jirin cid ay ka mar qaataan.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay labada maamul ee isku heesta degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.
Guddoomiyaha gobalka Hiiraan waxaa ku wehliya safarkiisa guddoomiyaha degmada Beledweyne, waxaana la sheegayaa in laga sugayo siddii wax looga qaban lahaa xiisadda ka taagan degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.
Caasimada Onlie
Xafiiska Wararka Muqdisho
R/W Cabdi Weli oo u jawaabay Goodax
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka hadlay hadal uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha iyo arrimaha fedaraalka oo qaadacay heshiis labada maamul ee koonfur galbeed ku yeesheen labo cisho ka hor magaalada Muqdisho.
Ra’iisal wasaaraha oo saxaafadda kula hadlaayay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in uu san jirin wax khilaaf ah oo kala dhexeeya isaga wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka Cabdullaahi Goodax Barre isagoona intaas ku daray in wixii madmadow ee jirra la xallin doono.
Ra’iisal wasaaraha ayaa ku celiyay in xukuumadda ay dhaweneyso heshiiska Muqdisho ay ku gaareen labada maamul ee koonfur galbeed, wuxuuna sheegay in heshiiskaas uu horseed u noqono doono siddii maamulkaas uu qabsan lahaa arrimaha laga sugaayay, haddii kale isqabqabsi iyo muran ayuu ku dhammaan doonaa” ayuu yiri.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadiisa ay diyaar u tahay in ay kala hadasho cid kasta oo ka soo horjeeda heshiiska lagu mideeyay labada maamul ee koonfur galbeed.
“Waxaa jirta in dad kale oo dadkeena ka mid ah in ay qabaan in laga tagay ama aan laga qeybgalin dowladda waxay diyaar u tahay in la hadasho annaiga waxaa noo dan ah iyagoo isku calool fayow iyo annagoo horrey u socona oo aan wax la qeybsano dowladaha kale” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha Soomaaliya .
Hadalkan ayuu ra’iisal wasaaraha jeediyay isagoo u socday dalka Equatorial Guinea , halkaasoo uu uga qeybgali doono shirka madaxda Midowga Afrika ay ku lee yihiin
Si kastaba, wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ayaa shaley warbaahinta u sheegay in heshiiska lagu mideeyay labada maamul uu ahaa mid aan waa faqsaneen dastuurka isla markaana aan lala socodsiin wasaaradiisa.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Xog: Xasan Sheekh oo xil ka qaadis ku sammeenaya saraakiil ciidan oo uu ka mid yahay taliyaha ciidamada xoogga
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar la isku haleen karo oo aan ka helnay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa u sheegay Caasimada Online in madaxweynaha uu xilka ka qaadayo taliyaha ciidamada xoogga Jenaraal Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) iyo abaandulaha ciidamada xoogga Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi .
Ilaha aan warkan ka helnay ayaa noo sheegay in madaxweynaha uu xilalkaas u magacaabayo saraakiil kale, waxaana taliyaha ciidamada xooggan loo magacaabayaa Jenaraal Cabdulaahi Cali Caanood oo horrey u ahaa taliyaha Gaaska kowaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed halka uu madaxweynaha u magacaabay abaan duulaha ciidanka Cabdullaahi Cali Cageey oo horrey u ahaa taliyaha gaaska labaad ee ciidamada Milateriga dowladda.
Si dhab ah looma oga sababaha madaxweynaha uu badalayo labadan sarkaalkan, balse waxaa soo batay dhaleeceenta loo jeedinaayo Indha Qarshe iyo Cabdirisaaq Khhaliif Cilmi, taasoo ay ugu horreeyso markii taliyaha ciidamada xoogga uu xilka ka ceyriyay in ka badan 900 oo saraakiil iyo askar ciidan isugu jirta.
Si kastaba, dhawaan ayaa la filayaa in uu madaxweynaha si dhab ah ugu dhawaaqo labada Jenaraal ee uu magacaabay iyo kuwii uu xilka ka qaaday.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan uuu madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in uu sameen doono isbadal xooggan kaddin markii aammaanka magaalada Muqdisho uu fashil ku yimid, waxaana arrintaas isku casilay wasiirkii horre ee arrimaha ammaanka Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

