29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Madaxweyne XASAN oo GABAR qurbo joog ah u magacaabay Korneel ciidan

Muqdisho (Caasimada Online) – Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa wareysatay Zakiya Xuseen Axmed oo ah gabar qurba joog, da’deena ka yer 30-sanno taasoo loo magacaabay taliyaha xiriirka bulshadda iyo booliska Soomaaliya.

Gabadhan oo wax ku soo baratay waddamada Sweden iyo Britain ayaa sheegtay in xilkan uu u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Kaddib markii la arkay in ay ka soo bixi karto.

Waxaa la weydiiyay cidda ku gacan siiyay in xilkan loo magaacabo, waxay sheegtay Ms. Zakiya in uu ku dhiirigaliyay taliyaha ciidamada booliska Jeneraal Cabdikariim Daahir Saacid, iyadoo sababta ku sheegtay markii uu arkay baahi loo qabo in xilkaas loo magacaabo Zakiya Xuseen Axmed.

“Arrintan waxaa gacan weyn igu siiyay oo igu qanciyay taliyaha ciidamada booliska Gen Saacid oo leh hammi weyn oo ah in uu isbadal xooggan ku sameeyo booliska oo wuxuu rabaa in dhallinyarada ay booliska soo galaan” ayey tiri Ms. Zakiya.

Waxay kaloo sheegtay in darajada Gaashanle loo siiyay maadama loo arkay in ay tahay gabar da’yer oo hami badan u leh xilkan waxbadana ku soo kordhin karta.

Waxay sheegtay oo kale in xilkan aan qaab qabiil iyo iyo qaraabo ahaan loo siiyay balse aqoonteeda iyo hamiga ay u lee dahay loo siiyay

Gabadhan loo magacaabay xilka taliyaha xiriirka bulshadda iyo booliska ayaa sheegtay in iyadoo ka shaqeen karta waddanka iyo hey’adda ay rabto haddana ay go’aansatay in dalka timaado kaddiba ka shaqeyso.

Waxay sheegtay intii ay joogtay Muqdisho in ay aragtay xiririka bulshadda iyo booliska in uu aad u yer yahay loona baahan yahay in la xoojiyo oo fursadaas ay qabato.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

War ka cusub heshiis la sheegay inay P/L ka dhex waddo Barre iyo Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa muddo toddobaada ku sugnaa wafdi uu hoggaaminaya wasiirka caddaaladda Puntland, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Wasiirka caddaaladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame oo wafdigaasi hoggaaminaya ayaa beeniyay inay wadaan qorshe lagu heshiisiinayo Axmed Madoobe oo ah hoggamiyaha maamulka kumeel gaarkaa ee Jubba iyo Col. Barre aadan shire Bare Hiiraale oo horay ugu dagaalamay magaalada Kismaayo.

“Warka annigu xog kama hayo waxaan si kooban u leeyahay warkaa ma jiro, annagana howlo dhameystir shaqaaqoyin Kismaayo ka dhacay baan u jogna, eeuma joogo heshiisiinta Madoobe iyo Barre” ayuu yiri wasiirka caddaaladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ismaaciil, ayaa intaas ku daray in Puntland aysan xittaa ku fakarin inay sameyso dadaallada ceynkaas ah.

Puntland, ayaa la rumeysan yahay inay tahay mid ka id ah caqabadaha ka jira Jubbooyinka, ayada oo Col. Barre uu horey ugu eedeeyey inay colaad ka hurineyso gobolladaas.

Waftigan ka socda Puntland waxaa lugu wadda inay maanta la kulmaan madaxweynaha maamulka Jubba,Sheekh Axmed Madoobe oo ay kala hadli doonan xoojinta wada-shaqeynta Puntland iyo Jubba.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Hagardaamada CABDI WARSAME uu ku hayo Soomaalida reer MINNEAPOLIS

Guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis waxay si hagar la’aan ah u doorteen nin lagu hungoobay, laguna qasaaray oo magacaiisa la yiraahdo Cabdi Warsame, waxaana loo doortay dowladda hoose, Degmada 6aad ee magaalada Minneapolis ahna magaalada dhaqaalaha iyo ganacsiga ee gobalka Minnesota, oo ay Soomaalidu aad ugu badantahay. Waxay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, gaar ahaan Minneapolis, weliba xaafada Ceder isku raaceen, is-tuseen inay mar arkaan qof Soomaali ah oo gala siyaasada gobalka Minnesota, si dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan loo helo qof matela, una hadla dantooda.

Waxaan xoog iyo xoolo inta aan awoodno isugu geynay wiil aan runtii ku qaldanay, balse markii hore noola muuqday nin caqli gal, oo aanay dadka u kala soocneyn, hase ahaatee ay mar danbe hagardaamadiisa ay dibada u soo baxday. Ninka aan u hurnay waqtigeena qaaliga ah iyo tamarteena iyo tacabkeena wuxuu ahaa ninka hagardaamada iyo qiyaanada badan ee la yirhaado Cabdi Warsame. Maanta Cabdi Warsame wuxuu ku fadhiyaa kursi ay dadka Soomaaliyeed ee dan yarta ah u doorteen, balse uu ku takri falay. Wuxuu ku fadhiyaa xil ay u doorteen dad dhibaatyesan oo u baahan qof iyaga metala, oo u gala siyaasada, islamarkaasna xuquuqda uga soo saari kari dowladda hoose ee Minnesota.

Nin Qabiil Ku Shaqeeya

Caabdi Warsame wuxuu noqday nin ku shaqeeya qabiil, weliba xataa qabiilka u sii kala saar-saara jufo-jufo hoose. Wuxuu noqday nin dadka u kala eexda, oo kala sooca, una kal saar qabiil-qabiil. Waxaa tusaale noogu filan dhacdadii foosha xuameyd ee ka dhacday xaafada Ceder ee Minneapolis, isagoo taageero u fidinaya islaanta la yiraahdo Phyllis Kahn oo ah wakiil ku fadhida kursiga uu u tartamayo Mohamoud Nour, oo ah nin dhallinyara ah, oo doonaya inuu ku biiro siyaasada gobalka Minnesota.

Cabdi Warsame, isagoo qabiil ku xumaynaya Mohamoud Nour, wuxuu taageero buuxda siiyey islaanta la yiraahdo Phyllis Kahn. Waa naag da’deedu tahay 77sano jir, kuna soo jirtay siyaasada dowladda hoose ee Minnesota muddo dhan 43 sano, balse ay dad badan oo isugu jira Mareykan iyo Soomaali ay la tahay in la doorto Mohamoud Nour, si waa maree loo maqlo codka dadka Soomaaliyeed ee ku nool, kuna badan xaafada District 60B, oo ay naagtaas hadda maamusho iyo in la helo dhiig-cusub iyo cod oo bedela Phyllis Kahn. Ma wuxuu iloobay Abdi Warsame dadkii shalay Soomaalinimada ku doortay, oo uu ka doortay Phyllis Kahn? Ma waxaa maskax maray qabiilka xun ee Soomaalida baabb’ashay, mise waxaa ka waalay hinaas ah sidee nin kale oo Soomalai ah ugu soo bixi karaa siyaasada Minnesota. Waa jawaab loo baahanyahay!

Cod-Kala-Noqosho

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota waxay haatan bilaabeen olole ballaaran oo ay codkooda kala soo noqonayaan ninka qabiilka ku shaqeeya, ninka ay si qaldan codkooda u siiyeen. Waxaa mar hore bilowday in la soo ururiyo magacayada dadka diidan in ninkaasi mateli karo Soomaaliweyn, balse uu yahay nin jaah-wareersan oo malaha laga maamulo meel kaba baxsan Minnesota. Inshaa Allaah, Abdi Warsame hagaardaamada uu ku hayo umada Soomaaliyeed, weliba ninka dhallinyarada ah ee la tartamaya Phyllis Kahn ma aha mid uu ku falaxayo. Shalay annaga oo Soomaali oo dhan ah, oo isku duuban ayaa Abdi Warsame ku fariisinay kursiga dowladda hoose, Inshaa Allaah maantanna waa ka qaadeynaa, annagoo mar labaad codkeena ururin doona, una gudbin doona dowladda; taasna waxay keeni doontaa Inshaa Allah doorashada in dib loogu celiyo.

W/Q: Mohamed Jama
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Video: GAAS oo weeraray HARGEYSA

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Gaas, ayaa weerar afka ah ku qaaday maamulka Somaliland oo dhowaanahan ay xiisad ka dhex oogneyd, isaga oo dhalleeceeyey qadiyadda gooni isu taagga maamulkaas.

Cabdi Weli Gaas, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Hargeysa oo ah halkii uu Cabdullaahi Suldaan Timo-Cadde ka yiri “Kan sib kanna saar” in maanta laga taagay calan kale, oo wax uu yahay aan la garaneyn.

Halkan ka daawo Cabdi Weli Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Soomaalida dadka ayaa lagu badsadaa, odayaashiina dhul ayey ku murmayaan

1 – Waxaa la yaabay odayaasha dhulka isku haysto, waxaan idin dhahayaa Caqli xumada ka waantooba, oo jiilka soo socdo ha qaadsiinina dhaqanka duurjoogta.

2 – Gobolkii dad badnaado, wuu ka dhaqaalo badanyahay, gobolka dadka ku yaryihiin.

3 – Dhulka waa weynyahay dadka Soomaaliyana waa ku filanyahay. waana ka badanyahay.

4 – Odayaasha dhaqanka cimrigiina waa dhamaaday, sanad ka bacdi inaa sii joogin aa laga yabaa, caqli xumada ka waantooba.

5 –  Qof Soomaliya ka qaxay ayaaa wadan kale gobolkiis laga dooranayaa, adinkii isku dhulka aheydeena waa isdooran la’dihiin. maxaa qaldan?

6 –  Odayaashii hore ee dhaqanka soomaaliya waxaa lagu yaqaanay xikmad iyo caqli badan. lakiin kuwa hada joogo xagee garashadii iyo xikmadii ka aaday.?

7 – Soomaaliya dhibka haysto sharci la raaco malaha, hadii uu jirana qabiilkaa ka xoogweyn.

8 –  Sida sharciga qabiilka uga xoog badnaan karo, iyadoo la dhiso ciidan asluub leh amarkana hal meel ka qaato, markaas cidii sharciga ka hortimaado waa laga hortagi karaa.

9 –  Federalka Soomaaliya waa mid aduunka aan horey ugu arkin, waxaad wadaan federaal lama yiraahdo, waa kala firir.

W/Q: Abdiaziz Adan Hassan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

MOOSHIN loo qeybiyey xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya, ayaa shalay loo qeybiyey mooshin ka dhan ah sharciga guddiga cusub ee dastuurka Soomaaliya oo muran badan dhaliyey.

Mooshinkan loo qeybiyey xildhibaanada baarlamanka, ayaa waxa uu ku saabsanyahay sharci ahaanshaha guddigan oo uu magacaabay wasiirka garsoorkaiyo dastuurka Somalia Faarax Cabdulqaadir.

Mooshinka ayaa yimid kadib markii Faarax Cabdulqaadir uu dalbaday in wax laga beddelo hanaanka Sharciyadeed ee guddiga dastuurka.

Ayaga oo taas ka amba qaaday ayaa xildhibaanada baarlamanka qaarkood waxa ay mooshin geeyeen baarlamanka, si looga hortago is-beddelka Faarax uu qorsheeyey.

Tallaabada wasiirka Garsoorku ku dalbanaayo, in isbedel loogu sameeyo Sharciga Guddiga Garsoorka, ayaa waxaa si weyn u diiday xildhibaanno ku dhow illaa 50.

Mooshinkan ayaa waxa uu go’aan ka gaari doonaa in la meel mariyo Sharciga Guddiga Garsoorka iyo inaan la meelmarinba, waxaana dadaal wada Faarax Cabdulqaadir oo si loo meel mariyo sharciga.

Maalmo kadib ayaa cod loo qaadi doonaa mooshinkan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xallinta Iskudhaca Xubin-Federaleed-yada (XF) iyo soohdimahooda (Talo)

Ma suurta galayso soohsimaha xubin federaaleedka inay raacaan xuduudaha gobollada 18ka ee jiray. Waxaa muhiim noqonayso in la qaybsado gobollada qaar, si muranka jira looga gudbo.

Webiga Juba waxaa soohdin looga dhigi karaa Xubin Federaaleedka Juba iyo Koofur Galbeed. Wixii galbeed ka ah – waa XF Juba; wixii bari ka ahna waa XF Koofur Galbeed. Taas waa marka laga soo billaabo Doolow, Luuq, Baardheere, Saakow, Dujuuma iyo Bu’aale. Galbeedka webiga Juba waa XF Juba; bariga webiga waa XF Koofur Galbeed. Sidaas awgeed, Koofur Galbeed waxay ka koobnaanaysaa Bakool, Gedo bari, Bay dhammaan iyo Jubada Dhexe badankeed iyo badanka Shabeelada Hoose marka laga reebo dhulka dhaca bariga Webi Shabeele ee deexda sida Marka, iyo Baraawe. Magaalooyinka Afgooye, Qoryooleey, Kurtun Waareey iyo Sablaale waxay yeelan doonaan dhinac bari iyo dhinac galbeed Webiga Shabeelle. Dhinaca Galbeedka waxay raacayaan XF Koofur Galbeedhi; dhinaca bariga waxay raacaysaa XF Shabeelle.

Degmooyinka deexda ah ee Shabeelada Hoose.waxaa la raacinayaa Xubin Federaaleed ka loola baxay Shabeelle oo ka kooban Shabeelada Dhexe, deexda Shabeellada Hoose iyo degmooyin ka bari ee Webiga Juba marka laga soo billaabo bariga Bu’aale, bariga Jilib iyo bariga Jammaame illaa laga gaarayo Webiga Juba halka uu ka galo badda Indian Ocean ee Jumba, u dhow Goobweyn.

Galbeedka Bu’aale, Galbeedka Jilib iyo Galbeedka Jammaame waxaa ay raacaysaa XF Juba. Sidaas ayaa lagu kala qeexi karaa soohdimaha Xubin Federaaleed yada Juba, Koofur Galbeed iyo Shabeelle.

XF Koofur Galbeed waxay badda ka taabanaysaa kooridoor Baraawe – Maryan Gubaay oo badda la teedsan oo ballaciisu yahay 40 km xagga xeebta.

Qaab kaas ayaa dareenka iyo guuxa hadda socda lagu daaweyn karaa shacab ka Soomaaliyeed. Arrintaan waxay xal u tahay sammaysanka Xubin Federaaledyada koofureed gobollada koofurta ka ah Bartamaha Somalia sida Koofur Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan.

Abdulkadir Abiikar Hussein

Mufakirka Habsami-usocodka federaalaynta Somaliya

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Kullamadii BF SOOMAALIYA oo weli u xayiran go’aaankii BEELAHA HAWIYE

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay in uu dib-u-dhac uu ku yimid xiritaanka fadhigga baarlamaanka, waxaana ay sababta ku sheegeen markii ay dhowr jeer koram la’aan uu u baaqday shaqooyinka baarlamaanka.

Sidda qorshaha uu ahaa bisha Ramadaan waxaa lagu waday in baarlamaanka la fasaxo lana soo xiro fadhigooda balse arrintaas waxaa dib u dhac ku keenay markii xildhibaannada ay ka soo qeybgali waayeen kulamada baarlamaanka.

Waxaa arrintan lagu sameeyay maadama xildhibaannada qaar, gaar ahaan kuwa Hawiye ee baarlamaanka ay ka soo horjeesteen heshiis maamulada koonfur galbeed ay dhawaan ku gaareen magaalada Muqdisho.

Mahad Cabdalle Cawad oo ah guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka ayaa warbaahinta u sheegay in maalinta berri uu dhacayo kulanka baarlamaanka maadama shaqooyin badan ay u taallo.

Dhawaan magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay beelaha Hawiye waxaana ay sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen dowladda waxaana ay ugu baaqeen xubnaha wasiiradda iyo xildhibaannada in aysan shaqo tagin ilaa inta dowladda ay ka laabaneyso taageerada ay siiyay maamulka seddaxda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xaad: Haddii aqoonsiga 3-da aysan DF Somalia ka laaban waxaa dhici doona..

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay haddii madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya aaney ka laaban aqoonsiga ay siiyeen maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed in ay horseed u noqon doonaan dhibaatooyin hor leh oo ka dhaca dalka.

Xaad oo la hadlaayay BBC-da ayaa sheegay in madaxda dowladda oo laga rabay in ay ilaaliyaan dastuurka KMG ah in ay horseed u noqdeen in la jabiyo qaar ka mid ah qoddobada ku qoran dastuurka.

Xaad ayaa sidoo kale sheegay in beelaha Hawiye ay go’aan qaateen kaasoo ah in ay xiriirka u jaraan dowladda fedaraalka Soomaaliya maadama ay ku dhaqaaqday arrin aaney jecleesan taasoo ah in ay aqoonsadeen maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa la weydiiyay maadama uu madaxweynaha ka soo jeedo Haweiye isla markaana uu taageeray heshiiska lagu mideeyay labada maamul waxay ku diiddan yihiin.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu yahay qof bini’aadin ah isla markaana uu qaldami karo balse go’aankooda aaney ka laaban doonin ilaa inta dowladda ay ka laabaneyso aqoonsiga ay siiyay maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Xaad ayaa xusay in ay weli aqoonsan yihiin dowladda balse wixii qalad ah aaney ka yeeli doonin sidda uu hadalka u dhigay.

Hadalka guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan shir ay ku yeesheen Muqdisho beelaha hawiye ay ku dhawaaqeen in ay kalsoonida kala laabteen dowladda isla markaana wax wadashaqeen aan la yeelan doonin ilaa inta ay kala laa baneyso aqoonsiga maamulka KMG ah ee seddaxda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madoobe: “DFS Waxaad moodaa dalka in aysan ka tallin kaddib wixii dhacay”

Baydhabo (Caasimada Online) – Isagoo ka qeybgalaayay barnaamijka Doodda Jimcaha ee ka baxa BBC-da ayuu madaxweynaha maamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed wuxuu weerar ku qaaday dowladda Soomaaliya isagoona sheegay in aaney awood u lahayn arrimaha ka socda dalka oo ay ka mid yihiin maamulada la dhisaayo.

Wuxuu sheegay in muddo bil iyo ber uu ku sugnaa Muqdisho isagoona u yimid siddii xal loogu heli lahaa khilaafaadka ka dhexjiray labada maamul, balse wuxuu yiri waxaa dhacday arrin aan fiicneen markii dowladda ay aqoonsatay garab ka mid ah maamulka.

Wuxuu sheegay oo kale dowladda Soomaaliya in aysan diyaar u ahayn in dalka ay ka hirgalaan nidaamka fedaraalka awoodna aaney u lahayn in ay maamulo dhisto.

“DF Somalia haddii maamulada la dhisaayo aaney la socon waxay muujineysaa in aan awood badan u lahayn dalka” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.

Wuxuu sheegay intii Muqdisho joogay in uu arkay wasiirka arrimaha gudaha iyo fedaraalka oo shaqadiisa ahayd maamul u sameenta gobalada dalka aan lala socodsiin waxa la wado, wuxuu kaloo sheegay in arrinta maamulka seddaxda gobal ay horboodayeen wasiiro ka tirsan xukuumadda oo aan shaqadoda.

Dhinaca kale, Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay intii uu joogay magaalada Muqdisho in loo hanjabay oo lagu dhahay haddii aadan ka tanaasulin maamulka lixda gobal waxbaad isku arki doontaan.

Waxaa la weydiiyay oo kale in heshiiska ay gaareen labada maamul uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenkiisa marka sidda uu ku qaadici karo, wuxuu sheegay in Maxammuud Sayid uu u sheegay ka hor inta aan la qaban xafladda heshiiska uuna u sheegay sidda ay wax u dhaceen iyo in uu goobjoog ka yahay uun.

Si kastaba, waxaa soo badanaya dhaliilaha loo jeedinaayo dowladda ee ku aadan aqoonsiga ay siiyay maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa ka dhallan kara aqoonsiga 3-da gobol oo ay diideen beelaha Hawiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiis ay garwadeen ka ahaayeen ra’iisul wasaare Cabdi Weli, Nicholas Kay iyo IGAD, ayaa waxaa lagu sheegay in lagu heshiiyay in labada dhinac ay qaataan maamul ka kooban saddex gobol oo kala ah Shabeelaha Hoose, Bay, iyo Bakool.

Hase ahaatee qaar ka mid ah maamulka sare ee Koofur Galbeed Soomaaliya oo uu ku jiro madaxweynaha maamulkaasi aaminsan 6-da gobol Madoobe Nuunow Maxamed ayaa arrintaasi ka biyo diiday. Waxaa sidoo kale heshiiska si weyn uga horyimid beelaha Hawiye.

Haddaba barnaamijkeena faaqidaadda toddobaadka ee idaacadda VOA, ayaa waxaa looga hadlay arrinta. Waxaa ka qeyb ka qayb galaya C/laahi maxamed Iddiri (Lesta) oo ah wasiirka gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee maamul goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya, Iyo Ugaas Xasan oo ah afhayeenka maamulka 3-da gobo loo labadaba jooga magaalada Baydhabo iyo C/rashid Khaliif Xaashi oo ah guddoomiye ku xigeenka Mac-hadka Heritage ee xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho.

Halkan ka dhageyso barnaamijka VOA

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mas’uul sare oo ka dalbaday DFS inay cadeyso maqaamka gobolka Sh/hoose

Muqdisho (Caasimada Online) –  Gudoomiyaha dowlada Soomaaliya ee gobolka SHabeelaha Hoose Cqaadir Maxamed Nuur Sidii ayaa markii ugu horeysay sheegay inaan lagu soo wargelin halka Sh/hoose uu ka tirsan yahay.

Gudoomiye Sidii oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay inuusan wax buuran kala socon aqoonsiga dowlada Soomaaliya ee maamulka seddexda gobol, isagoo sheegay in uu ku mashquulsanaa xalinta dagaalkii ka dhacay degmada Marko.

Gudoomiye C/qaadir Sidii ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya loo baahan yahay inay cadeyso mowqifkeeda Shabeelaha Hoose halka uu si rasmi ahaan kaga mid yahay.

“Aniga arimahaasi [aqoonsiga], waxba kalama socdi maxaa yeelay aniga waxaan ku mashquulsanaa hishiisiinta beelihii dagaalay, dowladana iguma soo wargelin maadaama aan wakiil uga ahay waxaa loo baahan yahay inay igu soo wargelisaa”sidaasi ayuu yiri Mr Sidii.

“Aniga idaacadaha ayaan ka maqlay oo xitaa si aad ah uma dhageysan jirin maxaa yeelay waan mashquulsanaa, waxaa loo baahan inay ii sheegto halka aan ku xisaabinayo SHabeelaha Hoose”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dhanka kale gudoomiyaha Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Sidii ayaa sheegay inuu ugu baaqayo shacabka Sh/Hoose inay aayahooda ka tashadaan oo ay ka fikiraan halka ay raacayaan.

“Shacabka Shabeelaha Hoose waxaa loo baahan yahay inay aayahooda ka tashadaan oo ay ka fakaraan halka ay raacayaan maamulada la wad wado, dadka fidnada Xamar kasoo abuurayana waxaan leeyahay yaan wax lasii hurin”sidaasi ayuu yiri Mr Sidii.

Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya iyadoo dowlada Soomaaliya ay aqoonsatay maamulka 3-da Gobol ee Sh.Hoose, waxayna muujineysa inay iska warheynin madaxda dalka iyo wakiiladooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Video: Sheekh Umal oo sheegay xilliga ay soomayaan + War kasoo baxay DF

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa shaaca ka qaaday in bisha barakeysan ee Ramadaan laga arkay qeybo ka mid ah dalka Kenya, sidaa darteedna berri oo sabti ah ay ramadaan u tahay muslimiinta Kenya.

Sheekha ayaa sheegay in saddex qof oo laba isku meel ay joogaan ay bisha arkeen, islamarkaana la dhaariyey, sidaa darteedna ay ku soomayaan berri inssha allah.

Waxaa xusid mudan in Sacuudiga aysan beri soomeyn, islamarkaana bisha aan laga soo sheegin Soomaaliiya, waxaana wasaaradda diinta ee dowladda federaalka ay ku dhowaaqday in soonku yahay axadda.

Ku simaha Ra’isul Wasaaraha dalka ahna wasiirka wasaaradda Diinta Iyo Owqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed Oo Warbaahinta Qaranka Kala hadlay Umadda Soomaaliyeed ayaa sheegay barito in aysan eheyn soon islamarkaana ay tahay maalinta ugu dambeysay bisha Shacbaan.

ku siamaha Ra’isul wasaaraha dalka oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda diinta iyo Owqaafta ayaa ku dhawaaqay in barito aysan eheyn Soon kaddib markii kulan dheer ay ka galeen arrinkaan islamarkaana ay u cadaatay in barito aysan ramadaan eheyn, iyadoo mas’uuliyiintaasi ay ka mid yihiin Agaasimaha waaxda Diinta iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka ee wasaaradda diinta iyo Owqaafta  Sheekh Cali Sheekh  Maxamuud , Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Kheyrow Aadan, iyo Guddoomiyaha hey’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Halkan ka daawo Sheekh Umal

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Shabellaha Hoose oo laga dibad-baxay

Carbiska (Caasimada Online) – Boqolaal qof oo u badan dumar iyo carruur ayaa maanta oo Jimco ah waxay dibadbax ay uga soo horjeedaan ciidamada AMISOM ay ka dhigeen deeganka Carbiska ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dadkan ayaa ka dibad baxayay Kaddib markii ciidamada AMISOM ay daggeen ceel ay biyo ka cabayeen oo dadka ku dhaqan deeganka ay deggan yihiin.

Dadkan ayaa ku dhawaaqayay hadallo ay ka mid yihiin “AMISOM dooni meyno, waxay naga heestaan ceelkii biyaha aan ka cabeenay” sidaas waxaa tiri hooyo ka mid ah hooyooyinka dibadbaxayay.

Mid kamid ah ragga ka qeybgalay dibadbaxa ayaa sheegay in muddo lix bil aan helin wax biyo oo biyihii laga jaray sidda uu yiri.

“Dadkan halkan jooga qaar ka mid ah waxaa ku jirra dad ka soo barakacay Qoryooleey iyo Marka oo dagaallo ay ka dhaceen waana culeys nagu soo kordhay oo waxaana nagu soo fooleh bisha Ramadaan” ayuu yiri oday dadka deeganka ah.

Mar la weydiiyay in ay cabashadooda ay ugud biyeen maamulka ka dhisan deegankaas ayuu sheegay maamulka xitaa in ay wax ka qaban waayeen.

Waa markii ugu horreysay oo dibad bax ka dhan ah ciidamada AMISOM ee howlaha nabadda u jooga uu ka dhaco Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007-dii xilligaas oo ay dalka yimaadeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shirkii beelaha Hawiye ee Muqdisho oo toddoba (7) qodob laga soo saaray

Beelaha Hawiye waxay soo saareen bayaan ka kooban todobo qodob oo looga soo horjeedo heshiiskii bishan 23-keedii lagu gaaray magaalada Muqdisho kaasoo la sheegay in lagu dhameeyay khilaafaadkii ka dhex taagnaa dhinacyadii dhawaan Baydhabo uga dhawaaqay maamullada lixda gobol iyo saddexda.

Bayaanka ayaa lagu sheegay beeshu inaysan marnaba aqbali doonin gobolka Shabellaha Hoose in lagu daro gobollada Bay iyo Bakool.

Shir ay ay yeesheen Xildhibaannda, Siyaasiyiinta, Oday Dhaqameedyada, Culumaa uddiinka, Haweenka iyo Ururrada Bulshada ee Beelaha Hawiye muddaddii u dhaxeysay 23– 26 June 2014, ayna kaga doodeen arrimaha siyaasadda dalka waxayna soo saareen baaqa hoos ku qoran:

Beeshani ma aqoonsana heshiis ku sheeggii lagu saxiixay Madaxtooyada J F S 23kii June 2014, laguna aqoonsaday Dhismaha Maamul KMG ah oo ay yeeshaan 3da Gobol ee kala ah (Bay,Bakool iyo Shabeellada Hoose), kaasoo ka hor imaanaya Dastuurka KMG iyo Shuruucda dalka u degsan. Waxay si ula kac ah Madaxdii Qaranku u jebiyeen Qod.49aad (faq.1-6), Qod. 4aad, Qod.97aad, Qod.104aad iyo Sharciga, lam.6 (faq.1-11) ee maamul u sameynta iyo federaaleynta dalka oo uu saxiixay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. Shuruucdaas oo tilmaamaya in habka Federaaleynta dalku ku imaanayo rabitaanka shacabka ee uusan ku imaanayn in dadka kor looga keeno maamul ayan iyagu ku heshiin

Waxaa lagu xadgudbay xuquuqda iyo rabitaanka beelaha dega Gobolladaas oo ay Beesha Hawiye ka mid tahay,iyadoo aan haba yaraatee lagala tashan maamulka halkaas lagu aqoonsaday,taasoo micneheedu yahay in masuuliyiintii ugu sarreysay dawladda ay hurinayaa colaad beeleedyo hor leh,oo u keeni doonta Somalia xasillooni darro iyo dibu-dhac siyaasadeed.

Waxaa heshiis ku sheeggii 23kii Juun 2014 lagu xalaaleynayey Heshiiskii sharci darrada ahaa ee Addis-Abeba lagu saxiixay Saannadkiin 2013kii, laguna soo dhisay Maamulka KMG ah ee Jubbooyinka,kaasoo ay weli taagan tahay dhibaatooyinkii ka dhashay

Beeshani waxay ka xuntahay hadalkii deel-qaafka ahaa ee uu goobtaas kaga hadlay Wakiilka IGAD Maxamed Abdi-Afey oo uu ugu hanjabay cid kasta oo dhaliisha Heshiis ku sheeggaas sharci darrada ah,isagoo meel uga dhacay maamuuskii dibloomaasiyadda, kuna xad gudbay madaxbannaanidii iyo qarannimadii Somalia,waxaanna u aqoonsanay in yahay qof-soo-dhoweyn aan mudnayn (Persona Non Grata)

Beesha Hawiye waxay nabad iyo wada noolaasho ugu baaqaysaa Beelaha kale ee Soomaaliyeed ee ay wada degaan,iyadoo ugu baaqeysa in colaadda Shabeellaha Hoose lagu dhammeeyo wada xaajood iyo isafgarad gogol nabadeedna la isugu keeno bulshada walaalaha.

Beeshu waxay uga baaqeysaa urur goboleydyada iyo beesha caalamka in joojiyaan faragelinta iyo ku xadgudubka shuruucda iyo siyaadada dalka iyo iska horkeenista iyo curinta colaadaha sokeeye.Waxaan beesha Caalamka ugu baaqeyna in ay nagu taageeraan dib u dhiska dowladnimo, dib u heshiisiinta ummaada Soomaaliyeed iyo dhowrista sharciyada dalka.

ARRIMAHA FEDERAALEYNTA DALKA

Beeshani waxay aaminsan tahay in lagu dhaqmo Dastuurka iyo Shuruucda dalka u degsan, iyo maamul samaynta iyo federaalaynta dalkana in loo maro qaab sharciga waafaqsan.Waxay Beeshani aamminsan tahay in Federaaleynta ku  dhisan habka qabiilka (Clan Federalism) ay dalka u horseedi doonto xasillooni darro iyo colaado qabiil oo soo cusboonaada,sida haddaba muuqata waxayna usoo jeedinayaan Beelaha kale ee Soomaaliyeed in arrinkaas aragti mideysan laga yeesho,Dasuurkana wax laga bedddelo si loo ilaaliyo wadajirka ummadda iyo midnimada qaranka.

Halkan ka arag bayaanka beelaha Hawiye

Hawiye 1

Hawiye 2

hawiye 1hawiye 2

Caasimada Online

Xafiika Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Odayaasha HAWIYE oo go’aankii hore beddelay, balse hal arrin ku adkeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Beelaha Hawiye, ayaa waxay magaalada Muqdisho kula kulmeen Wasiirada iyo Xildhibaanada ay isu heybta yihiin, iyadoo kulankaan Wasiirada iyo Xildhibaanada loogu ogolaaday inay xaadiraan shaqada.

Odayaasha Beelaha Hawiye, ayaa waxay dib Wasiirada iyo Xildhibaanada ugu fasaxeen inay ka qaybgalaan fadhiyada ay lee yihiin Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamaanka,laga billaabo sabtida, si aysan dib u dhac ugu imaan hawlaha shaqo ee Dowladda.

Sidoo kale waxay Odayaashu aqbaleen in Wasiirada iyo Xildhibaanadu la kulmi karayaan Madaxda Dowladda (Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka), si looga wada hadlo waxyaabaha leesku diidan yahay.

Laakiin Odayaasha, Wasiirada iyo Xildhibaanada Beelaha Hawiye, ayaa waxay isku raaceen inaan wax gorgortan ah laga gelin in Gobolka Shabeellaha Hoose lagu biiriyo Gobolada Baay iyo Bakool.

Xildhibaan Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Beelaha Hawiye, ayaa ku waramaaya inuu cad yahay mowqifka Beelaha Hawiye, isla-markaana aysan si naba u aqbali doonin in Shabeellaha Hoose, la hoos geeyo Maamulka looga arrimin doono Baydhabo.

Xildhibaanka oo Saxaafada la hadlaayay gaba gabadii kulankaan, ayaa wax laga weydiiyay sababta Wasiirada iyo Xildhibaanada loogu ogolaaday inay shaqadoodu sii wataan, wuxuuna sheegay in tani ku timid, iyadoo maalmihii ugu dambeysay uu bilaa koorom u baaqanaayay fadhiyadii Baarlamaanka.

Si kastaba ha-ahaatee arrinta ku aadan Maamulka lagu ansaxiyay Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu abuuray khilaaf siyaasadeed adag, iyadoo aan la aqoon waxa ay isugu soo biyo shuban doonto.

Isha: Dhacdo.com

Xalka mashaqada ka taagan koonfurta SOMALIA iyo gobollada la isku haysto

Arin waxaa dalka koo korortay xasaasiyad leh oo haddii si fiican loo maareeyo wadanka u horseedi karta nabad iyo dadka in si xor ah arimahooda u maamushaan, iska dhiciyaan Shebaab, helaana fursad ay wadanka ku hormarin karaan.

Baydhabo waxaan ku aragnay bilo ka hor dad isku dhigay baabuur taanki ah, ayagoo taageeraaya maamulka 6da gobol, Koonfur Galbeed , ee Madoobe Nuunow Maxamed, waxayna ka soo horjeedeen maamulka 3da gobol, Koonfur Galbeed, ee Maxamed Xaaji Cabdnuur Madeer.

Culumada odorsay dhaqaalaha, dadka iyo dhaqanka koonfurta wadanka Soomaaliya waxay leeyihiin warka sheegashada 6da gobol waxaa ka jira, geddi inuu sax yahay waa arin kale, ugu yaraan gobolana waa kaligood aa daga, inta badan, sida Bay iyo Bakool, gobolana waxay ka dagaan, sida Gedo .

Tusaale Mirifle aa dagan dhulka Bariga ka ah wabiga Jubba ee gobolka Gedo, taarikhiyana wabigaa xuduud u ahaa Miriflaha iyo Beelaha Daaroodka, khaasatan Mareexaanka [1]. Saas oo kale, dad ku hadla afk-Mayga aa ku dhaqan Jubada Dhexe [2], dadkaanoo u badan beelaha Bantuuga Soomaalida ah, ama dad barigii hore si xaq darro ah Soomaalida u adoonsatay, bacdina dhulkaan u yimid inay xuriyo ku noolaadaan.

Haddii arinta si fiican loo maareeyo, tusaale ahaan, qayb ka mid ah gobolka Gedo, khaasatan dhulka bariga ka xiga wabiga Jubba, waxaa la raacin karaa Bay, meesha inta kalena la raacin karo Kismaayo, ayadoo la tixgalinaayo rabitaanka beelaha kale ee meelahaas ku nool. Mugudba labo maamul aa ka taliya, nabadna in badan waa ka jirtay.

Ma saxsaxna maamulka 6da gobol inuu dhaho Gedo oo dhan Baydhabo ha imaato, hana ka qayb noqoto barlamaanka fadhigiisa yahay Baydhabo oo looga hadli doono afka May Mayga.

Saas oo kale ma saxsana in la dhaho Miriflaha Jooga Gedo waxaa lagu daraa Jubbooyinka, marka Baydhabo ha iska iloobeen. Waa sax sidaan soo sheegnay, qolo walba meeshay rabto ha raacdo, ayadoo arimo dhowr ah la tixgalinaayo.

Shabeelada Hoosana saas oo kale u noqon karaa, ayadoo la fiirinaayo beel walba meeshay rabto inay raacdo, waxaa dhici karta in la isticmaalo naftii hurnimada shacabka si looga adkaado Shebaab ama loogu khasbo inay dadka u daayaan inay aayahooda ka tashadaan. Waxaa markii ugu horaysay soo baxaaya dad raba inay deegaanadooda difaacdaan, hormarsadaan, shebaabna iska dhiciyaan.

Haddii kale oo dadka lagu khasbo waxaa dhacaysa in dadka qaarkiis taageeraan Shebaab, kuwa kalena noqdaan lax aan hayn niyad ay Shebaab iskaga dhiciyaan. Labada dhinacba waxaa ka macaashaaya xarakada Shebaabka. Ama waxaa dhici karta inay soo baxdo qolo saddexaad oo ka baxsan Dowladda Federaalkaiyo Shebaabka, oo labadaba dagaal la gasha, si dadka loogu daayo inay aayahooda ka tashadaan. Arintaan dambe waxay sii dabo dheeraynaysaa colaadda wadanka ka jirta. Waana mid laga hortagi karo hadda oo fursad la haysto.

[ 1] ] Catherin Besteman and Lee V. Cassanelli, ed., The Struggle for Land in Southern Somalia: The War Behind the War, page 74 (London, HAAN Publishing, 1996).
[2] Catherin Besteman and Lee V. Cassanelli, ed., The Struggle for Land in Southern Somalia: The War Behind the War, page 31 (London, HAAN Publishing, 1996).

W/Q: Samatalis Xayle

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

Kullankii Xasan Sh. iyo Hawiye oo lagu kala kacay iyo xiisad ka jirta Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kullan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirada iyo xildhibaanada Hawiye xalay ku dhex maray Villa Soomaaliya ayaa soo dhammaaday, sida warar nasoo gaaray ay sheegayaan.

Kullanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada madaxtooyada Soomaaliya, ayaa ka danbeeyey kadib markii Odayaasha Hawiye ay ku dhawaaqeen in ay si cad uga soo horjeedaan aqoonsiga Maamulka Saddexda Gobol la siiyey oo uu ka dambeeyey ra’iisul wasaare Cabdi Weli Yuulka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo ka mid ah Wasiirada kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in xubnihii beelaha Hawiye ay runta u sheegeen madaxweynaha.

Xasan Sheekh, ayaa ka codsaday xubnaha Hawiye ee dowladda inay ka laabtaan shaqo joojinta, ayna dejiyaan xiisadda ka kcsan Muqdisho, oo iminka laga cabsi qabo inay meel xun gaarto.

Xubanaha Hawiye waxa ay ugu digeen Xasan Sheekh in dowlada Soomaaliya ay ka laabato go’aanka ay ku aqoonsatay maamul ku sheega sadexda Gobol oo ay ka soo horjeedaan beelaha Hawiye.

“Ma yeeli karno in gobol badankiisa Hawiye degan yahay la raaciyo meel kale” ayaa lagu yiri Xasan Sheekh.

Waxa ay xildhibaanada Hawiye ku adkeysteen mowqifkooda, waxayna Xasan Sheekh u sheegeen inuu dadkiisa dhaasaday kursi, uuna hadda yahay nin ka hooseeya Cabdi Weli, oo u muuqda ninka ugu awooda badan DF.

Dhinaca kale xiisad xooggan, ayaa ka jirta Muqdisho, waxaana jira in ciidamada Hawiye ee ku jiray dowladda ay gooni u baxeen, islamarkaana maleeshiyooyin hore oo ka tirsanaa beelaha Hawiye ay dib qoryaha u qaadanayaan.

Waxaa jirta cabsi xooggan, oo ku saabsan in laga yaabo in beelaha Hawiye ay qaadaan dagaallo xooggan, oo ku wajahn gobollo badan oo Soomaaliya ka mid ah, oo ay sheegeen inay ayaga deegaan u lee yihiin, dibna gacanta ugu dhigayaan.

Dowladda Somalia, oo arrintan fududeysatay ayaa iminka waagu ka baryay, waxaana la sheegayaa in Amisom ay isku dayeyso inay qanciso beelaha Haiwye, ayada oo ka cabsi qabto in dagaallo xooggan ay dhacaan.

Saaka aroortii ayaa maleeshiyooyin Hawiye waxa ay isku fidiyeen deegaano badan oo ka trsan Sh/Hoose, ayaga oo kuwa kalena ku socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]