28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Dagaal ku saabsan shidaalka SOMALIA oo ka dhex qarxay Sweden iyo Norway

Stockholm (Caasimada Online) – Joornaalka ugu weyn Sweden ee Aftonbladet ayaa qoray warbixin dheer oo uu kaga hadlay in dagaaal u dhaxeeyo shirkadaha shidaalka ee Sweden iyo Norway, dagaalkaas oo ku saabsan shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan aagga magaalada Holhol ee u dhow laascaanood.

Shirkadda Lundin (Africa Oil) ee Sweden iyo shirkadda kale ee reer Noway ee DNO International waxay hal goob oo shidaal laga sahminayo labaduba heshiisyo kala duwan kula galeen maamulo kala duwan, aaggaas oo ku astaysan “Nogal-1″ oo la ollog ah Holhol.

Isla gaabtaas waxaa dawladii hore ee Soomaaliya ay heshiis shidaal sahamin ah kula gashay shirkadda laga leeyahay Maraykanka ee Conoco Philips.

Sida jariidadu qortay waxaa aagga ay shirkaduhu isku haystaan booqasho ku tegey weriye ka socdey jariidadda Aftonbladet asagoo la hadlay dadka degaanka.

Warbixinta jariidada oo ku qoran Swedish cinwaankeeduna yahay “Norsk-svenskt krig om olja i Somalia” (Norwegian-Swedish war about oil in Somalia) ka akhri halkan.

holhol

Caasimada Online

Xafiiska Stockholm 

[email protected]

DAGAAL laga cabsi qabo inuu beelaha Habar-Gidir iyo Sade ka qarxo kadib…

Balan-Bale (Caasimada Online) –  Maamulka degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay jiraan cabsi inay ka qabaan burbur ku yimaada hishiis xabad joojin ah oo dhawaan la kala dhex dhigay beelihii ku dagaalamay Gobolkaasi.

Deegaanka, ayaa waxaa horey ugu dagaalmay maleeshiyooyin kasoo kala jeeda beelaha Habar-Gidir iyo Mareexaan.

Madaxa arimaha bulshada ee maamulka Balanbal Rujaal Axmed Maxamed ayaa u sheegay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho in cabsidaasi ay timid kadib markii dhinac kamid ah dhinacyadii dagaalamay uu si aargudasho ahaan ah dil uu kaga geystay deegaan Degmada Hoostaga.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ruuxa weerarka loo geystay uu ku dhaawacmay hoygiisa xiligii afurka, isagoo taasi u sababeeyay inay horseedi karto burburka dib u hishiisiintii la wada gaaray.

Madaxa arimaha bulshada ee maamulka Degmada Balanbal ayaa sheegay in dhankooda ay wadeen isku soo dhaweynta labada beel ayna sii wadi doonaan qorshaha wanaajinta xiriirka labada maleeshiyaad ee dagaalamay.

Wuxuuna ka dalbaday dhinacyada horay u dagaalamay inay dhankooda ka shaqeeyaan nabad galyada deegaanka ayna kala xadidaan maleeshiyaadkooda, si dagaalo kale aysan kaga dhicin deegaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaan Cosoble oo ka digay dagaal ka dhasha aqoonsiga maamulka 3-da

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Barlamaanka Federalka Somalia, Xidlhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa walaac xooggan ka muujiyey tallaabadda ay Xukuumadda Federalka ku aqoonsatay Maamulka cusub ee Dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed Somalia.

Xildhibaanka waxa uu intaasi ku daray in laga cabsi qabo inuu Maamulkaasi iska hor keeno dadka ku wada nool Goballadda ay sheegeen inuu Maamulkooda gaarsiisan yahay , isla markaana uu wax u dhimi karo Xasiloonida Somalia iyo guud ahaan dalalka deriska iyo Caalamka.

Waxa kaloo uu ku baaqay in si nabad ah lagu dhameeyo Xiisadda haatan u dhexeyso Taageerayaasa Lixda Gobal iyo kuwa Saddexda Gobal (Bay, Bakool iyo Sh/hoose)

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Barlamaanka Federalka Somalia, waxa uu carrabka ku adkeeyey inaysan Maamulka Koonfur Galbeed Somalia aqoonsi ka heli karin Caalamka ilaa ay oggolaansho guud ka haystaan dadka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cosoble waxa uu ugu dambayntii ugu baaqay Beesha Caalamka inaysan taageerin Maamulladda aan sharciga ku dhisnayn, isla markaana khatarta ku ah Deganaanshaha dalka Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

Qoys ka kooban 6 oo dhacdo xanuun badan ay qasabtay kadiba dishay ilaa..

Muqdisho (Caasimada Online) – Deegaan dhanka bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa lagu soo waramayaa inay ku sumoobeen qoys ka koobnaa lix ruux.

Wararka ayaa sheegaya in dadkaasi Sumoobay ay ahaayeen seddex caruur ah, aabaha iyo  hooyada qoyska iyo ayeeyadood, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo saxaafada la hadlay.

Mid kamid ah dadka ehelka la ah qoyskaasi ayaa sheegay in hooyadii ilmaha dhashay ay u geeriyootay raashiinka sumeysan ee ay cuneen iyadoo laga soo gaari waayay in lasoo garsiiyo magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shan ruux oo ka kooban caruurta, aabahood iyo ayeeyadood lasoo gaarsiiyay isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dabiibayo.

Dadkaasi ayaa la sheegay in lagu baxnaaninayo iminka isbitaalka Keysaney oo muddooyinkii dambe la keenayay dadka kusoo sumooba waxyaabaha ay cunaan iyo waxay cabaan.

Dowlada Soomaaliya ayaanan waxli wax war ah kasoo saarin arimahaa mudooyinkii dambe kusoo laalaabtay deegaanada gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Malaayiin Soomaali ah oo ka walwalsan go’aan la filayo in Mareykanku gaaro

Minneapolis (Caasimada Online) – Malaayiin qof oo Soomaali ah oo ku nool goobaha ay colaadaha ka jiraan ee dalka ayaa ka cabsi qaba in ay waayaan lacagta ay u soo diraan eheladooda jooga qurbaha, taas oo ka dhalatay go’aanka Mareykanka uu ku doonayo in uu ku joojiyo adeegga xawaaladaha dhammaadka bisha July ee soo socota.

Hay’adaha xakamaynta ee Mareykanka ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in la diro lacag sharci-darro ah ama in maleeshiyaadka ay ka faa’iideystaan, balse qoysaska Soomaalida ah ayaa sheegay in ay u cabsi qabaan mustaqbalkooda, haddii ay waayaan lacagta loogu diro xawaaladaha.

Dibadbaxyo ayaa horay loogu qabtay bannaanka hore ee xafiiska waaxda Hanti-dhowrka Mareykanka ee magaalada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minneapolis, kuwaas oo looga soo horjeeday go’aanka xukuumadda Washington.

Dibadbaxyadaas ayaa lagu dalbaday in sharci-dejiyeyaasha Mareykanku ay beddelaan siyaasaddooda, si qoysaska Soomaalida ah ay u helaan lacag ay u soo diraan eheladooda ku nool dalka Mareykanka.

Bilihii la soo dhaafay bankiga Barclays ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa dedaal weyn ugu jiray sidii uu u xiri lahaa xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida oo ay ugu horreyso Dahabshiil.

Daraasad ay sanadkii hore sameeyeen hay’adaha gargaarka bini’aadannimada ayaa lagu sheegay in 40 boqolkiiba qoysaska Soomaalida ah ay ku tiirsan yihiin lacagta ay eheladooda uga soo diraan waddamo kale.

Caasimada Online

Xafiiska Minneapolis

[email protected]

Xildhibaanada Baarlamaanka SOMALIA hala dhaar celiyo,10 sabab dartood

Sanadkii 2012-kii ayey aheyd markii duqeyda dhaqanka beelaha Soomaalida soo xuleen 275 xubnood oo ka mid noqonaya baarlamanka cusub ee Soomaaliya, xiligaasi oo loo jihaysnaa in dalka laga saaro nidaamkii kumeel gaarka ee soo taxnaa laga soo bilaabo 1991-kii markii ay meesha ka baxdey xukuumadii Military-ga, iyadoo wixii sanadkaas ka dambeyey la qabtey kuwaad 10 shir oo midba si kala duwan loogu soo dhisay xukuumaddo ay soo dooranayeen madaxdooda xubnaha Baarlamanka.

Baarlamanka cusub oo laga sugayey in uu wax badan ka duwanaan doono kuwii hore maadama uu ku soo aaday waqti dunidu si weyn ugu soo indho taageyso arimaha Soomaaliya, lana go’aamiyey in dalka lagu jiheeyo dhabbe cusub oo ah dawlad rasmi ah, waxaa kale oo uu baarlamankan kaga duwanaa kii hore marnaanta gacmo shisheeye oo baarlamanadii hore go’aanka uggu dambeeya xubnaha iskalahaa kuwaasi oo cidii ay u arkaan in ay dadka ay wataan maqaam gaaristooda halis galin kara si fudud liiska uga saari jirey.

Baaralamanka cusub waxaa kale oo uu kaga duwanaa kuwii hore in xulashada xildhibaanada ay ka dhacdey gudaha wadanka maadama doorashadii 2012-kii ay dalka gudihiisa ka dhacdey, taasi oo ay dhabaha u soo xaareen doorashadii xubnaha baarlamanka
.
Waa la mood noqonse wayday xildhibaanadii cusbaa ee loo haynka waynaa waxaa lagu fiiqay farta markii ugu horeysayba , farmuuqaas oo ay ugu horeysey in lagu soo doortey nin jeclaysi, laaluush, garab taabasho, iskooxaysi iyo dano kale oo biyaha hoostooda ka socdey.

Muran iyo isjiid jiid badan ka dib waxaa la dhaariyey xildibaanadaas kuwaasi oo loo dhaariyey inay danta dalka, diinta iyo dadka daacad u noqdaan, balse dhaartaasi waxay noqotey hal bacaad lagu lisay oo waxay ku soo biyo shubteen u adeegida danahooda gaarka ah, tan qabiiladooda, Isbahaysi kooxeedyadooda iyo dano kale oo ay ka mid yihiin u adeegid shisheeye iyo cadow.

Dhaarta xildhibaanadu sida dastuurka durran ee ugu dambeeyey ku xusay waxay u dhaaranayaan sidan “ Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan xilkayga u gudan doono si ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana aan dhowro dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka”.
Dhaar waynu ognahay waa magaca ILAAHAY oo aad ku dhaarato in wixii lagu dhaariyey aad uga soo baxday sida ay tahay, haddii wixii aad ku dhaaratey aad hareer marto macnuhu waa in dhaartii aad jabisay oo RABBI Subxaanuhu Watacalaa aad dambi ka gashay, dambigaas oo Rabbi ogyahay, umadduna ogtahay.

Danta, dalka, dadka iyo diintii ay u dhaarteen xildhibaanadu ma u noqdeen daacad ?

Waa su’aal iswaydiin mudan, intase jawaabta aan u galin, waxaan rabaa inaan idinla wadaago sheeko ka dhacdey gobol ka mid gobolka dalka oo nin tuug ah uu kitaab isku jiiday iyo wixii ka dhacay halkaasi.

Xili abaar xun ay deegaankaas ka jirtey, dadka iyo duunyaduna la daciifsan yihiin saameynta abaarta ayaa nin ka mid ah dadkii deegaanka wuxuu maalin maalmaha ka mid ah xadey neef Ari ah oo xoolo uga soo haray cid ku cayrtowdey abaarta, neefku wuxuu u ahaa naf ilmo iskuma qado ah oo reer abaareed u joogay, ninku xishood iyo ALLE ka cabsi xagiisa way ka dhamaadeen neefkii ayuu horey u watey, markii la iswaydiiyey neefkii ee baadi goob loo galey, wax la baadi goobaba neefkii xaddistiisii (xatooyadiisii) wuxuu salka la gakey ninkii odeyga ahaa shaki ayaa xagiisa hareeyey, taasi oo keentey in ninkii neefka lahaa iyo ninkii tuhunku xagiisa galey gorada isla galaan kala qabtooy iyo kala dhacsha ayaa la isugu soo baxay.

Ninkii neefka lahaa wuxuu soo istaagay nin neefkii ha isiiyo ama isaga iyo aniga nin ayaa god galaya, halka kii kale ee la tuhunsanaa uu Maya iyo ma arag maciinsadey.

Waa xaajo u baahan waxgarad iyo qaboojin’e waxaa ninkii la waayey in uu qirto in uu neefka xadey amase uu dhaarto, Tuug dhaar l fudud’e ninkii wuxuu si fudud waxgaradkii ugu sheegay in uu diyaar u yahay in uu kitaabka madaxa ka jaro (dhaar), kitaab ayaa la soo qabtey ninkii ayaa gacanta loo saarey, isaga oo aan xaga iyo xaga midna eegin oo ka libiqsan ayuu xuf isku siiyey waana lagu kala tagey.

Waa aduunyo wacadaro wadatee ninkii dhawr saacadood ka dib mucjiso Rabaani ah ayaa u timid hadii uu fadhiyo,hadii uu taagan yahay, hadii uu jiifo ama hadii uu socdo intaba waxaa daadanaysa xawadii raganimo (Minadda raga), waa la isku yimdi Culimo iyo caamo ninkii xaalkiisa waa laga dayriyey waxayna sheekadii gaartey meel walba.

“Ninka hala dhaar celiyo”

Nin waxgarad ah oo ka mid ahaa duqeyda deegaanka ayaa warkii gaaray, waxaana loo sheegay arinta dhacday iyo sida ay ku bilaabatey, fariin ayuu soo diray, wuxuuna yiri “Ninka hala dhaar celiyo”, wuxuu ula jeedaa in ninkaasi uu been ku dhaartey ha ku dhaarto yacni in uu neefka xadey oo uu been ku dhaartey ha ku dhaarto.

Fariintii ninka ayaa la soo gaarsiiyey dadkii ka ogdhawaa ninkii beenta ku dhaartey talo waxay ku biyo guratey in ninkii tuuga ahaa dib loo dhaariyo oo lagu dhaariyo in uu been ku dhaartey, markii sidaasi la sameeyey mudo ka dib waa qiso ALLE watee ninkii sidii ayaa cudurkii uga bugsadey, neefkiina uu soo celiyey.

Qisadan waxaan ula jeedaa xildhibaanada baarlamanka Soomaaliyeed ee kitaabka inta gacanta saarteen haf ka siiyey waxay la daris yihiin ninkii la dhaarceliyey, waayo dhaartii ay mareen sida ay u hareer mareen jawaabta iyadoo kooban aan idiin siiyo.

1: Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliyeed markii la doortey ee iyaguna bilabaeen in ay waxdoortaan wixii uggu horeeyey ee ay ku dhaqaaqeen waxay aheyd inay gacmaha laaluush ku shubteen oo ay kii xoogaa haystaba ku balamiyeen codkeyga adigaa leh, wixii dhacayna waa loo wada marqaati “Magaalo waa madal inta joogtaanna waa marqaati”.

2: Waxay ku dhaarteen in ay danta dalka ilaaliyaan, laakiin tan iyo markii la doortey waxay noqdeen xildhibaanadu kuwa afka iyo indhaha ka qabsada kala googa’a dalka iyagoo dhiiri galiyey in midnimadii dhuleed ee ay u dhaarteen ay danta qabiiladooda kala dhantaalo, taasi oo hurisay colaad hor sii fogeysay rajadii dawladnimo ee la qabey.

3: Waxay raali ka noqdeen in dawaldu gasho heshiisyo halis ku ah qaranimada, madaxbanaanida iyo mustaqbalka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo eegaya danahooda gaarka ah sida dhaqaale iyo xilal.

4: Waxay ka amuuseen qaybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed oo wadamo shisheeye sidii ay doonaan ugu taliyaan, iyagoo qaarkood gobolada dalka ka sameystey safaarado iyo qunsiliyado.
5: Waxay qaarkood si bareer ah uga qayb qaateen dagaalada dalka ka socda, iyagoo la safety beelahooda iskana ilaaway dhaartii ay mareen.

6: Waxay ka gaabiyeen in ay kula xisaabtamaan ama ku dhiirigaliyaan xukuumadda dhismaha ciidan Soomaaliyeed, iyagoo door biday in halkii ciidan Soomaaliyeed uu amnigooda sugi lahaa ka jeclaaday in ciidamo ajanabi ah ilaalo ka qabtaan Hoteel-nna ku jiraan
.
7: Waxay hadba lakala saftaan madaxda sare ee dalka marka ay is qabtaan sidii dhacdey khilaafkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isalwasaarihii iyagoo eeganaya danahooda shakhsiga ee ay ka dhex arki karaan khilaafyada halkii ay kala saari laaheeyn si dastuurka duran ku xusan.

8: Iyadoo baddaha Soomaaliyeed buuxdhaafiyeen ku dhawaad 100 markab oo hubaysan oo aan la ogeyn waxa ay ka wadaan biyo badeedka Soomaaliyeed, qaar kale oo kaluumaysi sharci daro ah wata, iyo kuwa sun iyo qashin ku daadinaya badda ayay xildhibaanadu ku jiraan shilimaad urursi iyo u hanqaltaag wasiir iyo wasiir kuxigeen ama meel ka sii sareysa.

9:  Waxay xildhibaanadu ku fashilmeen inay ku dhiirigaliyaan kulana xisaabtamaan xukuumadda in ay dalka ku soo dabaasho dib u heshiisiin, halkii dib u heshsiin laga filayey waxaa sii xoogeystey dagaalada qabaa’il iyo colaada dalka ka aloosan.

10: Waxaa mugdi sii galaysa rajadii laga qabey in dalku u gudbo nidaam doorasho xor ah oo qof kasta codkiisa dhiibto, halkii taasi la filayey oo aheyd waajibaadkii xildhibaanada waxaa gabi dheer ka sii laadlaadaya in 2016-ka marka ay dhamaato mudada hay’adaha dawliga ah ee dalka in lagu soo dhaco meel cidlo ah oo dalkuna galo fawdo iyo jahwareer hor leh.

Hadaba intaasi oo arimood hadii ay xildhibaanadku ku sifoobeen oo ay hareer mareen dhaartii saw lama joogo xiligii la dhaarcelin lahaa oo ay ku dhaaran lahaayeen inay ku dhaarteen been?.

W/Q: Mowliid Xaaji Cabdi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

FAARAX oo ku farxay tallaabadii BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheikh Abdulqaadir, ayaa si weyn u soo dhoweeyey ansixinta uu Baarlamaanka Federaalka Soomaalia uu maanta ansixiyey sharciga Golaha Adeegga Garsoorka. Wasiir Faarax wuxu ku tilmaamay ansixinta sharciga Golaha Adeegga Garsoorka talaabo weyn oo loo qaaday dhinaca Dib u habynta Cadaaladda dalka.

Sida ku xusan qodobka 109aad Xarafkiisa (B) ee Dastuurka ku meel gaar ka ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya, Golaha Adeegga Garsoorku wuxu ka koobnaan doonaa xubno ka kala imanaya Garsoorka, Garyaqaanno iyo Xubno bulshada Soomaaliyeed sumcad ku leh..

Doorka ugu weyn ee Golahan Adeegga Garsoorku wuxu noqon doonaa magacaabidda, dalacsiinta, anshax-marinta iyo daba-galka garsoorayaasha dalka laga bilaabo heer degmo, heer gobol illaa heer Federal.

“Ansaxinta maanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee sharciga Golaha Adeegga Garsoorka waa horumar weyn oo laga sameeyey sidii dalka Soomaaliya uu u noqon lahaa waddan ay ka hirgasho sharciga iyo kala dambaynta”. Sidaa waxa yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Wasiirku wuxu intaa ku daray in guushan maanta ay horseed ka ahaayeen iskaashi buuxa iyo wada-shaqayn dhab ah oo ay wada sameeyeen golayaasha qaranka, waxa kale oo wasiirku xusay in ansixinta sharciga golahani salka ku hayo fulinta go’aamadii ka soo baxay shirweynihii qaran ee dib u habaynta Garsoorka ee Madaxweynuha jamhuuriyaddu hormuudka u ahaa.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda oo maanta la hadlayey saxaafadda ayaa u sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay dib u habayn rasmi ah ay ku samayso garsoorka dalka si loo xaqiijiyo in garsoorka dalku noqdo mid caddaalad ku dhisan oo loo siman yahay dadkuna la xisaabtami karaan. Wasiirku waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in maaddaama aan cagta saarnay waddaddii nabadda iyo dhismaha qaranimada loo baahan yahay in la habeeyo oo la horumariyo cadaaladda iyo garsoorka si loo soo celiyo kalsoonidii dadku ku qabeen nidaamka dowladnimo iyo sarraynta sharciga.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu xusay inay lagama maarmaan tahay in shacabka Soomaaliyeed qayb mug leh ka qaataan hirgelinta dib u habaynta cadaaladda. “Iskaashigaas iyo gacmo is qabsashadaas oo keli ah baa lagu horumarin karaa cadaaladda dalka. Sharciga oo lagu dhaqmo, la fuliyo isla markaana la’ aamino oo lagu kala baxo ayaa lagu gaari karaa nabad, cadaalad iyo xasilooni” ayuu wasiirku ku soo gunaanaday hadalkiisii.

Muddo ka badan 23 sano Nidaamka Garsoorka Soomaaliya waxa ka maqnaa awooddii ama golihii magacaabi lahaa, dallacsiin lahaa, asnshax marin lahaa isla markaana la xisaabtami lahaa garsoorayaasha dalka, sidaa darteed ansixinta maanta Baarlamaanku ansixiyey Golaha Adeegga Garsoorka Soomaaliya waxa ay bilow wanaagsan u noqon doontaa barnaamijka dib u habaynta cadaaladda dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Faarax Cabdulqaadir oo ka guuleystay xildhibaannadii diidanaa qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan maanta ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayay u ansixiyey hindise sharciyeedka magacaabista guddiga adeega garsoorka oo maalmihii la soo dhaafay dood ay ka taagneyd kadib markii koox xildhibaano ah ay ka keeneen bareere (mooshin) lagu diidan yahay.

Xeerka Guddiga Adeega Garsoorka ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda garsoorka oo uu wasiir ka yahay Faarax Sheekh C/qaadir oo isaga laftiisa ah xildhibaan.

Faarax ayaa olole u galay, sidii uu uga guuleysan lahaa mooshinka laga keenay qorshihiisa, waana ay u suurta gashay.

Kulankii maanta ay isugu yimaadeen xildhibaanada ayaa waxaa cod loogu qaaday in baarlamaanka aqbalo ama diido magacaabista Guddiga Adeeega Garsoorka dalka kaasoo awood u siinaya xukuumadda hadda jirta inay isbedel ku sameyso maamulka garsoorka dalka.

Xildhibaano gaaraya 79 mudane ayaa aqbalay ansixinta magacaabista Guddiga Adeega Garsoorka, halka 54 mudane ay diideen, waxaana ka aamusay 9 mudane, sidaasi waxaana saxaafadda u sheegay xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah xogheynta baarlamaanka.

Guddoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta xeerka Guddiga Adeegga Garsoorka uu yahay ansax, xukuumaduna ay bilaabi karto shaqadeeda ku aada isbede la filayo in dhowaan lagu sameeyo maamulka adeega garsoorka iyo hogaanka maxkamadaha dalka oo dhan kadib markii cabashooyin fara badan oo la xiriira musuqmaasuq iyo caddaalad darro laga keenay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

Xog: C/Weli iyo Afeey oo ah maskaxda qorshaha xildhibaannada Daarood ay uga baxayaan Muqdisho + Ujeedada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh, ayaa lagu warramay inuu yahay maskaxda ka dambeysa qorshe ah in xildhibaanada beelaha Daarood ay ka baxaan magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya.

Waxaa  sidoo kale qorshahan Cabdi Weli la og  Maxamed Cabdi Affey oo ku magacaaban wakiilka IGAD ee Soomaaliya, balse u adeegaya danaha beeshiisa. 

Cabdi Weli, ayaa qorshahan waxa uu u wakiishay Cabdrisaaq Jurille,oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka, si uu ololaha u dhaqaajiyo, maadaama asaga uu is-qarinayo, islamarkaana uusan xildhibaan ahayn.

Ujeedka qorshahan uu ka lee yahay Cabdi Weli ayaa ah in beesha caalamka loo muujiyo in magaalada Muqdihso ay tahay magaalo beelaha Hawiye ay si gaar ah u lee yihiin, oo aysan dowladda ku shaqeyn karin, kadib markii xildhibaanada iyo wasiirada Hawiye ay joojiyeen shaqadii dowladda..

“Xildhibaanada Daarood waa inaysan lumin jaaniska aan maanta heeysano, waxaad ku tihiin marti Muqdisho sidaas darteed anagoo ka jawaabeeyno waxay sameeyeen kuwa Hawiye waa inaad si degdega ugu kala baxdaan Garowe iyo Kismaayo, waana inaad Caalamka u sheegtaan inay Xamar noqon karin Caasimadda Somalia oo qabiil gaara leeyahay”  ayaa laga soo xigtay Cabdi Weli, sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online.

Ka bixitaanka xildhibaanada beelaha Daarood ee Muqdisho, ayuu Cabdi Weli rumeysan yahay inay billaabi karto dood ku saabsan in caasimada Soomaaliya laga wareejiyo magaalada Muqdisho, loona raro magaalo kale, kadibna dowladda ay guurto. Magaalooyinka uu ku taamayo waxaa ka mid ah Garoowe iyo Kismaayo, gaar ahaan Kismaayo.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Afeey ayaa qaar ka mida Xildhibaanada Daarood wuxuu u sheegay in Caasimadda Somalia laga dhigi doono Kismaayo, uuna kasoo dhameeyey Kenya iyo Ethiopia, sidaas darteedna loo baahan yahay inay taageero muujiyaan.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayaa iminka rumeysan inuu siyaasadii arrimaha dibadda uga adkaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, isaga oo xiriir fiican la leh Kenya, Ethiopia iyo xafiiska UNSOM, ee Nicholas Kay, oo uu madax ka yahay siyaasi reer Puntland ah oo lagu magacaabo Nuuradiin Diiriye.

Xildhibaanno ka tirsan kuwa beelaha Daarood, gaar ahaan kuwa Mareexaan ayaa ku tilmaamay qorshaha mid aan socon karin, oo aysan raali ka ahayn. Jurille, ayaa weli wada dadaal uu taageero ugu raadinayo qorshahan.

Siyaasiyiin ka tirsan beelaha Hawiye, oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in qorshaha ah in dowladda laga raro Muqdisho uu yahay mid farxad gelin lahaa, haddiiba taasi ay dhacdo, sababta oo ah dowladda oo wax aan culees ahayn ku hayn deegaanada beelaha Hawiye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

70 ASKARI OO LAGA DILAY ETHIOPIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabhada ONLF  ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada Ethiopia iyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegtay inay dileen askar badan oo Ethiopian ah.

Saraakiisha jabhada ONLF ayaa sheegay in ku dhawaad 70 askari oo ka tirsan ciidamada Ethiopia ay ku dileen dagaalo ka dhacay deegaanada maamulka Soomaalida Ethiopia.

Maxamed Cabdulaahi Sooc, oo ah sarkaal u hadlay jabhada ONLF ayaa sheegay inay dileen askartaasi kadib dagaal saacadihii lasoo dhaafay ay la galeen sida uu sheegay.

Gudoomiyahaasi ayaa sheegay in dagaalka ugu daran maanta uu ka dhacay deegaanka Qabri Dahar ee dhulka Soomaalida, isagoo sheegay in halkaasi ay ku dileen askarta ugu badan.

Sidoo kale wuxuu sheegay gudoomiyaha in dagaal ka dhacay deegaanka Goday ay ku dileen askar kale taasi oo guud ahaan tirada ciidamada ladilay ka dhigeysa 70 ruux.

Majirto ilo ka madaxbanaan Jabhada ONLF oo xaqiijinaysa sheegashada ku aadan in 70 askari oo Itoobiyaan ah ay ku dileen dagaal ka dhacay deeganada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Puntland oo sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto BARRE HIIRAALE haddii uusan la heshiin AXMED MADOOBE

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku hanjabay haddii uusan Korneel Barre Aadna Shire uusan la heshiin maamulka KMG ah ee Jubba in ay tallaabo ka qaadi doonaan oo xittaa ay ku weerarri doonaan deeganka uu ku sugan yahay ee Goobweyn.

Wasiirka garsoorka maamulka Puntland Ismaacil Maxamed ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay u tageen siddii loo dhammeen lahaa xiis ka dhalatay iska hor imaad dhawaan magaalada ku dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Wuxuu kaloo sheegay in wax yaabaha ay u yimaadeen Kismaayo ay ku guuleysteen oo ay dhammeeyeen iska hor imaadka magaalada ku dhexmaray labada maleeshiyo.

Dhinaca kale, wasiirka garsoorka maamulka Puntland ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la xaliyo khilaafka ka aloosan maamulka Axmed Madoobe iyo Korneel Barre Hiiraale kuwaasoo horrey ugu dagaallamay magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in ay ugu baaqayaan Korneel Barre Hiiraale in uu qaato nabad oo uu la heshiiyo maamulka KMG ah ee Jubba si loo soo afjaro dhibaatada ka taagan Kismaayo isagoona intaas ku daray haddii uu diiddo Barre Hiiraale nabad in uu qaato in lagu weerarri doono deeganka uu ku sugan yahay ee Goobweyn oo 15km u jirta Kismaaya.

Hadalka wasiirka garsoorka maamulka Puntlan ayaa caddeen u ah taageerada waalida ah ee Puntland ay siineyso maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Mungaab oo xaruntiisa lagu weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraro dhinacyo kala duwan ay ku qaadeen xarunta Muungaab ee maamulka gobolk Banaadir uu ku leeyahay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Wararka la xiriira weerarka ayaa sheegaya in labo jiho laga weeraray xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyadoo ciidamada weerarka qaaday qaar ay weerarka kasoo qaadeen dhanka Xaafada Waxarcade ee degmada Heliwaa.

Waxaa aad u yar in faahfaahin dheeri ah laga helo wararka weerarka la xiriira maadaama ciidamo badan ay isku gadaameen goobaha ku hareeraysan dhismaha xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa saxaafada u sheegay in dhawaqa rasaasta la isweydaarsanayay laga maqlay xaafado kamid ah degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa, maadaama  xarunta ay ku taal goob kala qeybisa degmooyinkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo madaxda kale ee maamulka gobolka ayaanan ka hadlin weerarkaasi ka dhacay xarunta laga maamulo gobolka Banaadir.

Sidoo kale ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay werarka ka dhacay xarunta maamulka  gobolka Banaadir ee degmada Heliwaa, kaasi oo la sheegay inuu geystay qasaaro labada dhinac ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Xildhibaanno u jawabaay Nicholas Kay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholos Key oo BBC-du ay wareysatay ayaa ku tilmaamay nidaanka federaalka inuu yahay mid Soomaalida isku soo dhoweynaya.

Xildhibaan C/rashiid Cumar oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalka Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholos Key, wuxuuna ku tilmaamay hadaladaasi kuwo sii kala fogeyn & burbur u horseedaya Soomaalida.

Xildhibaan C/rashiid oo arrintaasi ka hadlayey waxa uu yiri: “Nicholos Key Federaal ayuu ka hadlay, tusaale wuxuu noogu soo qaaday Mareykan & Canada. Ha noo sheego waddan hal qowmiyad ka kooban oo isku af, diin & dhaqan ah oo wax ay ku kala duwan yihiin aysan jirin oo Federaal ku dhaqma.? Annaga Federaalka uu nagula soo ordaayo meelaha looga baahan yahay ha geeyo. Ha u geeyo Federaalka Kenyaanka iyaga ayaa dhowr qowmiyadood ka koobane ”.

Xildhibaan C/rashiid waxa uu sheegay in si loo kala qeybiyo Soomaaliya lagu sanduleeyey in ay qaadato Federaalka, ummadda waxgaradka ahna ay ka dharagsan yihiin in Soomaaliya iyo Federaal aaney is qaadan karin.

“Nicholos Key waxa ay Soomaalidu ku dhaqmeyso iyaga ayaa garanaya ee isagu waa inuu ku ekaadaa shaqadiisa safamalka ah ” ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Daawo Video: C/Weli Gaas oo aqbalay rabitaanka maamulka Khaatumo State

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Khaatumo ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatey wadanka Kenya ku sheegtey in bishaan June 26-keedii kula kulmeen magaalada Nairobi Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Fardows Maxamed ayaa tiri mar ay saxaafada la hadleysay ” Waxaanu la kulaney Madaxweynaha Puntland oo aan kala hadaley arrimo khuseeya dalkayaga, wuuna nasoo dhoweeyey, wuxuuna noo muujiyey inuu nagu xushmeyn doono waxaan aan anagu rabno oo u baahanahay inuu nala garab istaagi doono. Wuxuuna noo sheegey Madaxweyne Cabdilweli Gaas inuu nala garab taagan yahay hiil iyo hooba. Wixii Wanaag ah oo aan dooneynana uusan naga maqneyn isaga iyo Shacabka Puntland”

Hadalka Fardows ayaa ku soo beegmaya xilli maamulka Somaliland ciidamadiisu ka baacsadeen magaalada Taleex qaar ka tirsan siyaasiyiin u dhalatey gobolada Sool iyo Cayn kuwaasoo damacsanaa iney halkaas ku qabtaan shirweynaha Khaatumo.

Halkan ka daawo hadalka Wasiirka arrimaha dibedda Khaatumo

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Hogaamiyaha ISIS ee CIRAQ oo xil sare sheegtay (Imisa dal ayuu maamulaa?)

Tikrit (Caasimada Online) – War uu soo saaray hogaamiyaha kooxda ISIL (ISIS) ee ka dagaalamaysa dalalka Siiriya iyo Ciraaq ayaa sheegay in la badalay magacii hore ee ahaa Dowlada Islaamiga ah ee Ciraaq, Siiriya iyo Lubnaan (The Islamic State of Iraq and the Levant) balse hada laga dhigay magaca “Dowlada Islaamiga” ah (The Islamic State.).

Afhayeenka kooxdan oo lagu magacaabo Abu Mohamed Cadnani ayaa sheegay in hogaamiyaha ISIL Abu Bakar Al Baqdadi uu yahay Khaliifka cusub ee Caalamka Islaamka iyadoona hada kadib magaca hogaamiyahaasi loogu yeeri doono Khaliif Ibrahim sida uu sheegay afhayeenka ISIL.

Kooxdan ayaa sheegtay inay iyadu dhistay Khilaafada cusub ee Islaamka loogana baahan yahay islaamka oo dhan inay beeco la galaan ama taageeraan maamulkan islaamiga ah.

Kooxda ISIL ayaa kamid ah kooxaha tirada badan ee sheega inay dhisayaan dowlad Islaami ah, balse kooxdan ayaa guulo waaweyn ka gaartay dagaalada ka socda Ciraaq iyo qeybo kamid ah Siiriya, wallow aan la aqoon sida ay warkan usoo dhaweyn doonaan kooxaha kale sida AL Qacida oo horey kooxda ISIL ka saartay shabakadeeda mideysa ururada hubeysan ee ka dagaalama caalamka islaamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somalia iyo Kenya oo heshiis cusub ku galaya Muqdisho iyo shaki badan oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiis saddex geesood ah oo ay yeelanayaan dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu saxiixo magaalada Muqdisho.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameerika” ayaa sheegay in heshiiskaasi saddex geesoodka ah uu ka dhacayo gudaha magaalada Muqdisho, isagoo sidoo kale shaaca ka qaaday inay jiri doonaan heshiisyo ammaanka quseeya oo iyagana la qabanayo.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya waxa uu sidoo kale xusay in dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay si weyn isu fahmeen arrimo bandanna isla meel dhigeen.

Dad badan ayaa shaki ka muujinaya heshiiskan cusub, ayaga oo aaminsan inaysan Kenya fulin doonin, maadaama Kenya ay horey uga baxday heshiisyadii hore.

Dhinaca kale, Danjiraha ayaa sheegay in dowladda Kenya ay si rasmi ah safaaradeeda uga furanayso magaalada Muqdisho, isagoo xusay in xafladda furitaanka safaaraddaasi ay ka soo qeyb geli doonaan mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Kenya oo ay horkacayaan madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya iyo wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa safar qaatay afar maalmood ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna kulamo la qaatay madaxda dalkaas oo ay ka mid yihiin madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, wuxuuna Ra’isul mwasaaruhu dalka Kenya ku saxiixay heshiiska waddamada ACP oo ay Soomaaliya ka mid noqotay 25 sanno kaddib.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Somaliland oo ka soo horjeesatay in DF lagu wareejiyo maamulka hawada

Hargeysa (Caasimada Online)- Maamulka Somaliland ayaa ka soo horjeestay qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku damacsan tahay in ay kula soo wareego maamulka hawada Soomaaliya oo hadda laga maamulo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Wasiirka duulista hawada iyo gaadidka maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa Kaddib markii uu ka soo laabtay magaalada Nairobi ayuu sheegay in maamulkooda uusan oggolaan doonin in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale in maamulka Somaliland ay diyaar u yihiin in ay maamushaan hawadooda maadama ay yihiin dowlad sidda uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in maamulka Somaliland uu la mid yahay dalalka Taiwan iyo Falastiin oo maamusha hawadooda balse aqoonsi aan weli helin.

“Waxaan Nairobi anniga iyo wafdi culus aan kula soo kulanay beesha caalamka iyo QM oo waxaan u sheegnay in aysan khatar galin hawada Soomaaliya, waayo Somaliland waxaa ka go’an in ay hawadeeda si gaar ah u maamulato” ayuu yiri wasiirka duulista hawada iyo gaadidka cirka.

Wuxuu sheegay oo kale in Soomaaliya oo dhibaato muddo dheer ku jirtay in aysan haddana dhibaato kale gacanteeda ku sameesan.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa dedaal xooggan ugu jirta siddii loogu soo wareejin lahaa maamulka hawada Soomaaliya.

Waxaa kaloo qorshaha dowladda horrey uga soo horjeestay maamulka Puntland, waana culeys kale oo ku soo furmay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sidee XUKUUMADUHU u shaqeeyaan?

Marka qaab dhismeedka dawladaha iyo sida ay u shaqeeyaan laga hadlayo, waxaa muhiim ah inaan sheegno nooca dawladeed ee aan ka hadleyno, si aan ugala soo baxno nooca naga quseeya ee aan dooneyno.

Guud ahaan noocyada dawladeed ee jira waxaa loo kala saaraa ilaa 3 nooc, oo ah tusaalayaasha ugu waa weyn, F.G. noocyo kalena wey jiraan. 

1- Republic, (waa qaab dhismeed dawladeed kuna timaada rabitaanka dadkeeda, awooduna ay dadku leeyihiin, soona doorta madaxdooda). 
2- Monarchy, ( waa nooc dawladeed oo la iska dhaxlo isla markaana hal qof kaliya uu awooda leeyahay, “boqortooyo”). 
3- Dictatorship, ( waa muuqaal dhismeed dawladeed oo ku timaada awood maroorsi, hal qof ama koox ayaa awoodoo dhan wada leh, wuxuuna noqon karaa/ama ay noqon karaan, military ama rayid kuudoono/key doonaan”kaligii talis”).

 
Hadaan u soo noqdo su’aasheyda (sidee xukuumaduhu u shaqeeyaan?.) Somaaliya waxey ka mid tahay wadamada ay u dhisan tahay nooca dawladeed ee aan soo sheegnay mid ka mida oo ah “republic” waxeyna ka sii tahay nooca loo yaqaan “parliamentary Goverment” oo ah dawlad awoodeeda ay leeyihiin parliament, ama Baarlaman la soo doortay asal ahaan, sida kan Britain ama Japan oo kale, oo iyagu atuomatically talada u qabta gudoomiyaha xisbiga u bata baarlamaanka, inkastoo kan Soomaaliya la soo xulay, isla markaana doorta Madaxweynihii Jamhuuriyadda.
 
Qaab hoosaadka dawladeed ee Soomaaliya waa nooc leh madaxweyne la soo doortay iyo ra’iisal wasaare la soo magacaabay. Waa nooc u eg qaab dhismeedka dawladeed ee Russia-yada maanta ka jira ama kan kan France.
 
Soomaaliya ma jiraan axsaab siyaasadeed oo talada ku tartama sidaa darteed, madaxweynihii la doortaa waxaa dookhiisa ku soo xulan karaa ra’iisal wasaarihii uu doono, kaa soo isna soo dhisa golo wasiiro.
Haddaba golahaa wasiirada ayaa loo yaqaanaa xukuumad “cabinet” waxaana gudoomiya ra’iisal wasaaraha, waana nooc hoosaad kale oo Soomaaliya u gaara inuusan madaxweynihii la soo doortay gudoominee uu gudoonsho ra’iisal wasaare la magacaabay.
 

Sida lagu barto daraasadaha siyaasadda, golaha xukuumadu waa koox u xilsaaran fulinta howlaha dawladda waxeyna talo siiyaan madaxweynaha kaa soo go’aan ka gaara hadba wixii lagala taliyey ee taagnaa, hadba go’aan ka uu qaato ayey fuliyaan golaha xukuumada.

 
Laakiin nooca Soomaaliya ka jira ee u goonida ah waxaa go’aanka qaata ra’iisal wasaaraha kadib markuu la tashado madaxweynaha. Si kastoo ay ahaataba hadana weli waxey u shaqeeyaan qaabka xukuumadaha laga doonayo, oo ah iney ka doodaan howl kasta oo taagan, kadibna loo codeeyo lana raaco halka codku u bato, wax kastoo ka dhasha go’aankaa ay isku raaceen golahaasi hadey wanaagsanaato iyo haddey xumaataba masuuliyadeeda wey wada yeelanayaan, waxaana nidaamkaa la yiraahdaa “collective responsibility”. Wasiirka sports-ka iyo kan arimaha dibeda, difaaca, arimaha gudaha iyo kan caafimaafka waa isku xuquuq isku si beyna dooda uga wada qeyb qaadanayaan masuuliyadda wixii ka dhashana u wada qaadayaan, iyadoo howsha dhextaalana ay tahay howl laga wada sugayo.
 
Haddii xubin ka mida wasiiradaa ay u cuntami weydo go’aanka la isku raacay, wuxuu weli ku qasbanaanayaa inuu ogolaado difaacana haddii wax laga weydiiyo, maadaama cod wada jir ah lagu meel mariyey arinka u cuntami waayey laftiisa, taa soo ah qaabka rasmiga ah ee xukuumaduhu u shaqeeyaan. Waxaa ka loo u furan hadduu u bogi waayo qaabka wax loo wado, inuu is casilo oo uu shaqada isaga tago, oo weliba waa inuusan saxaafadda uga waramin xogta dawladda, taa soo ah mida ugu asluubka badan dawladaha kalena lagu arko.
 
Laakiin waxaa mamnuuc ah wax dhacana aan aheyn in adoo wasiira oo weli ku jira xukuumadaad wasiirka aheyd inaad ka hor timaado oo weliba saxaafadda ka hadasho. Wasiirku maaha qof go’aamadiisa ku shaqeeya xataa haddii uu ka yimi xisbi mucaarada, ee waa qof ku shaqeeya hadba siyaasadda xukuumadaa u taal, iyo “collective responsibility-ga aan soo sheegnay”. 
 
Tusaale wasiirka difaaca ee dalka Mareykanka Mr. Chuck Hegal waxaa uu ka soo jeedaa Xisbiga mucaaradka ah ee Jamhuuriga, wuxuuna ku shaqeeyaa siyaasadda xisbiga Dimoqraadiga ee dalka ka taliya, waxaa ka horeeyey Leon Panetta oo isna ka soo jeeday isla Xisbiga Jamhuuriga ee mucaaradka hadda ah, Mr. Panetta waxaa uu wasiirka difaaca soo ahaa 4tii sano ee hore ee madaxweyne Brack Obama, ka hor inta aanan Obama mar 2aad dib loo soo dooran ayuu sii sheegay haddii uu Madaxweyne Obama soo noqdo xataa inaan isagu soo noqon doonin oo aanu dooneyn inuu la sii shaqeeyo, wuxuuna ku baxay si aan buuq laheyn waa wadada kaliya ee u furan.
 
Tusaale kale dalka Ingriiska waxaa ka dhisan xukuumad wadaag ah oo ay sameysteen labo xisbi oo aragti ahaan aad u kala duwan, laakiin markii ay iyagu heshiiyeen waxey meesha ka saareen xiabigii labor-ka ee talada markaa soo hayey, waxeyna 2da xisbi kuwada shaqeeyaan siyaasada wadaaga ah ee xukuumadooda. Waxaa la mida oo sidaa soo kale ay ka dhacdaa mar walba in dawlad wadaaga ay wada sameystaan 2 xisbi oo kala aragti duwan dalka Israel, buuq na lagama maqlo.
 
Si kastoo ay ahaataba waxa igu kalifay inaan naqaalkan qoro ayaa waxa ay aheyd, kadib markaan dhageystay dhawaaq ka soo yeeray wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya oo diidan go’aan sida la sheegay ay golaha wasiirada uu ka tirsan yahay isla qaateen. Wasiirku ma yeelin inuu iska aamuso kuna shaqeeyo masuuliyad wadareedka sharciga ah “collective responsibility-ga aan soo sheegnay” iyo inuu isaga tago shaqada oo uu is casilo hadaanu qaadan karin siyaasadda xukuumadaasi ku shaqeyneyso oo ah labada ikhtiyaar “options” ee u furan,
 
Marka akhristow siyaasiyiinteena Soomaaliyeed oo lagu sheego iney wax soo barteen, miyaa been ah, mise shaqada ay ku jiraan beysan aqoon?. Ma anigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa?. Aan idiin daayo idinka xalka su’aashaasi.
 
SAID ABDI HIRSI
Los Angeles, California.

Qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu ahaa miino , waxaana la sheegay in ugu yaraan labo ruux ay ku dhinteen 7 kalana ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay degmada Kaaraan.

Wararka qaar ee la xiriira qaraxa ayaa sheegaya inuu ka dhacay xafiiska waaxda canshuur aruurinta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyadoo faahfaahin aan laga bixin.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen labo ruux oo kamid ahaa ciidamadii halkaasi howsha ka waday, dad kale ee dhaawacmayna ay ahaayeen kuwo rayid ah.

Ciidamo badan oo ka tirsan maamulka degmada ayaa goobta ka bilaabay baaritaano amaan xaqiijin ah, waxaana goobta ka dhow suuqa Caanaha ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Qalinkii YUUSUF GARAAD: DOWLADDA Soomaaliya VS Beel Soomaaliyeed

Maalmahaan waxaa Muqdisho ka jiray welina ka socda khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda iyo beel ka mid ah shanta beelood oo aad mooddid in Xubnaha Xukuumadda iyo kuwa Baarlamaanka ee beesha ka soo jeeda ay isku qanicyeen in ay isku mowqif qaataan inta hadda ah.

Waxay beeshaasi ka careysan tahay in Gobolka Shabeellada Hoose laga mid dhigo maamul goboleed ay xaruntiisu noqoneyso Baydhaba.

Dhowr maalmood oo aan Muqdisho joogay waxaan dhegeystay doodda dad ka soo jeeda beesha gadoodsan. Waxaa ii soo baxay dhowrka qodob ee dooddoodu ay ku salaysan tahay, waxaana ka mid ah:

Xafladda lagu qabtay Madaxtooyada ee saddexda gobol la isku raaciyay in ay tahay mid dastuurka ka soo horjeedda. Sababta oo ah Dastuurku wuxuu qorayaa in dadyowga Gobollada deggani ay ka xaajoodaan haddii ay doonayaan in ay is raacaan. Ma ahan go’aan ay leedahay Dowladda Federaalku.

Dood kale waxay tahay taariikh ahaan in Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe ay labaduba ka tirsanaan jirteen Banaadir oo Muqdisho ay xarun u tahay.

Hadda haddii Muqdisho laga reebo waxay door bidayaan in labada Shabeelle ay is raacaan.

Dowladdu sababta ay u diidday in ay aqoonsato maamulka Shabeelle ee Afgooye looga dhawaaqay oo ay u aqoonsatay midka ay iyadu uga dhawaaqday Villa Soomaaliya oo ka danbeeyay kan looga dhowaaqay Afgooye, in ay tahay caddaalad darro.

Ugu danmbeyntii waxay ku doodayaan in Shabeellada Hoose aanay ahayn Marka oo keliya ee ay jiraan degmooyin ay inta badan dadka deggani ay beeshooda ka soo jeedaan oo Gobolka ka tirsan. Iyo in Gobolku uu dacalka la soo galo magaalada Muqdisho oo xataa xeebta Jazeera, oo u soo dabaal tagaan dad badan oo reer Muqdisho ah ay hadda ka dib hoos tegi doonto Baydhaba.

Akhristow maxay kula tahay in qodobbadaas lagu xallin karo. Haddaad madax ahaan lahayd iyo haddii aad beesha la talineyso ama dowladda aad la talineyso maxay noqon lahayd taladaadu?

W/Q: Yuusuf Garaad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid