25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Torres miyaa qiimo gabay, Mise Chelsea ayaa qaldan.?

Qofna kuma uusan fikirin micnahaan inuu Fernando Torres sidaan noqon doono, waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa maqaal uu ka qoray Wargeyska Daily Mirror.

Wuxuu Chelsea ugu soo dhaqaaqay lacag xad ka bax ah ka dib markii uu Roman ­Abramovich Bank-ga u jebshay uuna kula soo wareegay 50 milyan oo ginni, wuxuuna doonayey inuu El Nino isbedel ka sameeyo Blues.

Laakiin 22 bilood, sedax tababare iyo hada oo uu dhaliyey 18 gool, Torres ayaa shaqadiisa Stamford Bridge waxay gaartay halkii ugu xumeyd markii keydka lagu bilaabay kulankii Juve, kooxduna ay noqotay mid aanba ku xisaabtamin booskiisa weerarka.

Roberto Di Matteo ayaa xilli ciyaareedkii hore kulamo dhowr ah ciyaarsiiyey, laakiin tababaraha reer Talyaani ayaa arkay inuusan willka reer Spain dabooli Karin ama qaban Karin shaqadii Didier Drogba, oo kooxda ka hayaamay markii uu ku hugaamiyey Champions League sanadkii hore.

Torres xitta laguma bedelin booskiisa Daniel ­Sturridge, taas bedelkeeda Di Matteo ayaa door biday inuu Eden Hazard ciyaarsiiyo No. 9 been ah.

Hazard, sidii la saadaalinayaba, booskaan kuma uusan laheyn saameyn wuxuuna Di Matteo u yeeray Torres daqiiqadii 71aad iyadoo Blues ciyaarta looga hugaaminayo 2-0.

Laakiin mar kale ayuu isku soo bandhigay inuusan isbedel sameyn Karin daafacdayaasha Champions League ayaana u eg kuwo koobkaan kasoo haray hadii aysan Juve habaar kala kulmin kulanka ay wajahayaan Shaqkhtar Donetsk.

Si kastaba, gunaanadkii Torres wuxuu u muuqdaa mid qiimo gabay, Chelsea ayaana dooneysa inay booskiisa u keensato Falcao.

Hadaba aan akhristeyaasha u dhaafnee, Torres miyaa qiimo gabay, Ma Chelsea ayeysan kubadiisu oolin, ma ciyaartoyda ayuusan fahmin, mise Chelsea ayaaba Flop ah.? Maadaama la xasuusto inay sidaan oo kale ugu halabeen Weeraryahano kale oo fara badan, markii ay yimaadeen kooxdaan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Theo Walcott oo dhaawac u seegi doona kulanka caawa Montpellier.

Theo Walcott ayaa seegi doona kulanka Arsenal ay Champions League  [Group B] caawa ku wajaheyso kooxda Montpellier isagoo qaba dhaawac garabka ah.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa waxaa uu kulankaan u seegayaa ka dib markii uu Michael Dawson ku dhaawacay kulankii ay Gunners 5-2 ku dubatay Tottenham sabtidii, intastoo uu ciyaarta dhameystay markaas.

Tababare Arsene Wenger ayaa xaqiijiyey in 23 jirkaani uu garoomada ka maqnaan doono  muddo yar uusana ka qeyb qaadan doonin kulanka ay kooxdiisu ka hor imaaneyso kooxda heysata horyaalka Faransiiska oo ay kula ciyaarayaan Emirates, halka Andre Santos kulankaan uga maqnaanayo dhaawac bowdada ah.

Wenger ayaa sidoo kale daaha ka qaaday inay Kieran Gibbs iyo Gervinho diyaar u yihiin kulankaan ka dib markii ay kasoo bogsadeen dhaawacyo ay qabeen.

Iyadoo afar kulan la ciyaaray Champions League, Arsenal ayaa fadhisa booska labaad ee Group B waxayna leedahay todobo dhibcood iyagoo hal dhibic ka dambeeya hugaamiyeyaasha Schalke. Olympiakos ayaana fadhisa booska sedaxaad laba kulan ayeyna guul gaartay halka laba kale la garaacay, halka aysan Montpellier weli guul gaarin laakiin barbaro ayey la galeen Schalke bishii lasoo dhaafay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Cristiano Ronaldo: Mourinho waa macalinka caalamka ugu fiican.

Cristiano Ronaldo ayaa dib ugu laabanaayo magaaladii uu kusoo barbaaray ee Manchester laakiin war fiican kuma dhicin dhegaha tababarayaasha laba koox ee reer Manchester Sir Alex Ferguson iyo Roberto Mancini.

Wuxuuna weeraryahanka kooxda Real Madrid sheegay in labada macalin eek ala hugaamiya kooxahaas ay yihiin dooqiisa labaad ee ka dambeeya macalinka Bernabeu Jose Mourinho.

Ronaldo ayaana qirtay in Special One uu kooxda reer Spain ku hugaamin doono koobkoodii Tobnaad ee Champions League.

“Jose waa tababaraha caalamka ugu wanaagsan, waana No. 1,” ayuu yiri ciyaaryahankii hore ee United.

“Waa wax weyn inaad la shaqeyso, sabatoo ah waxaan ahay qof jecel inuu guuleysto, necebna inay guul darro soo gaarto.”

Ronaldo, ayaa xilli ciyaareedkan 19 gool dhaliyey 18 kulan oo uu ciyaaray, wuxuuna ahaa ciyaaryahankii goolka guusha u dhaliyey kooxda Bernabeu kulankii ay bishii September garaacday Sky Blue.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Liverpool oo ku raad joogta xidiga S.Lisbon Jeffren Suarez.

Wakiilka Jeffren ayaa xaqiijiyey inay Liverpool ku raad joogto ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon, sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

Jeffren ayaana hada ka hor diirada u saarnaa kooxda Anfield, wakiilkiisa Jorge Llagostera ayaana hada cadeeyey in Reds ay ka qeyb tahay kooxaha xidigaan ka doonaya Barclays Premier League.

Ciyaaryahanka reer Spain ayaan guulo ka gaarin Sporting tan iyo markii uu kaga soo biiray Barcelona sanadii hore kooxda ka dhisan Portuguese-ka ayaana ka fikireysa dalab xidigaan u yimaada bisha Janaayo.

“Haa, Liverpool iyo kooxo kale oo Premier League ka dhisan ayaa isha ku haaya muluqaan,” ayuu yiri wakiilka xidigaan Llagostera.

“Laakiin, ma aanan helin weli wax dalab rasmi ah oo aan kala hadalno Sporting.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Benitez iyo Pep Guardiola oo lala xiriirinayo Chelsea.

Roberto Di Matteo ayaa guul darradii xalay soo gaartay kooxdiisu saameyn ku yeelan doontaa, iyadoo lala xiriirnayo inuu tababarihii hore ee Liverpool Rafa Benitez shaqada ka bedelo hadii uu Pep Guardiola inuu Chelsea qabto ka hor xagaaga, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Guul darradii 3-o aheyd ayaa Chelsea Qatar gelisay inay noqdaan kooxdii ugu horeysay ee iyadoo difaacaneysa Champions League kaga harta wareega Group-yada.

Di Matteo ayaa hada cadaadis adag dul saaran yahay wuxuuna guulo gaaray hal kulan shantii kulan ee u dambeysay Blues ayaa sidoo kale Horyaalka ku dhibaatooneysay iyadoo guul darro iyo bareejooyin la degeen, waxaana laga yaabaa inay markaan ka ciyaarto tartanka labaad ee Europa League.

“Waa guul darro weyn oo nasoo gaartay, kooxdana soo gaartay,” ayuu yiri tababaraha reer Talyaani, kaasoo ay qasab ku tahay inuu axada kulanka Horyaalka ah oo ay wajahayaan Manchester City guul gaaro.

“Waxaa jiray qaladaad badan. Aniga ayaa masuul ka ah natiijada iyo bandhiga. Wa habeen mugdi ah waaana inuu qof walba eeda dusha iga saaraa. Waxaan soo doortay koox aan filanaayey inay yihiin kuwa saxda ah ee guusha keenaya, ama barbaro heli kara.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

 

DF oo soo bandhigtay magacyada dad laga soo musaafuriyay Mareykanka.

Dowlada Soomaaliya ayaa ka warbixisay dhalinyaro Soomaali ah oo laga soo celiyay dalka Mareykanka kuwaa oo kasoo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay dhalinyaro Soomaali ah oo dalka Mareykanka laga soo celiye kuwaasi oo kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

C/laahi Gaafoow Maxamuud Hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dhalinyaradani maxkamada dalka Mareykanka ay gabi ahaanba diiday dhalashada wadankaasi inay siiso.

Gaafow ayaa sheegay in dhalinyaradaasi oo gaarayaa ilaa 10-dhalinyaro lagu kala magacaabo.
1: Sufyaan Axmed Maxamed.

2: Muxidiin Maxamed

3: C/kariin Yuusuf

4: Qaasin Bashiir

5: Cabdi Jaamac

6: Fahad Naaji

7: Axmed Yuusuf Jilic

Si kastaba dhalinyarada uu ku sheegay inay yihiin toban hadana wuxuu sheegay kaliya magacyada 7-dhalinyaro ah oo uu sheegay in maxkamadaha dalka Mareykanka ay diideen inay siiyaan sharciga dalkaasi Mareykanka.

Nidaamka Cadaaladda ee Muqdisho:- Wax baa iga farxiyay shalay !!!!!

Ma rabo inaan wax badan irahado, hase yeeshee waxaan iftiiminayaa dhacdo shalay lagu daabacay Caasimada Online, oo miisaankeedu ila weynaaday, oo aan doonayo in idinkuna aad ila dareentaan.

Mararka qaar waxaa jira waxyaabo marka aad dusha sare ka eegto kuula muuqda wax iska caadi ah, haddana marka aad u kuur gasho aad ka ogaan karto arrin miisaan culus leh.

Waxaa taas la mid ah Dacwaddii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu Xeer Ilaaliyaha Qaranka u gudbiyay ee ka dhanka ahayd Idaacadda Shabelle.

Marka meel la iska dhigo waxa ka dhaxeeya Tarsan iyo Shabelle, waxa ay tallaabadaas ku tuseysa nidaam caddaalaeed oo kasoo ifaya magaalada Muqdisho, oo ereyga caddaalad uu mar u muuqday mid laga hilmaamay.

Aqrsite ka feker, marka Tarsan oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir uu dacweeyo Idaacad uu si fudud alabaabada isugu dhufan karo, isaga oo awoodiisa adeegsanaya, sida madaxda Soomaalida lagu yaqaan

Waa arrin runtii lagu farxo. Ma ahan in lagu farxayo dacwada ka dhanka ah Shabelle, ee waxaa farxad mudan in hab sharci uu kasoo muuqanayo Muqdisho.

Idaacadda Shabelle, oo ah mid inta badan muran badan abuurta sababo la xiriira wararkeeda oo dad badan u arkaan kuwa si xun wax u sheeg ah, ayaa sidan oo kale waxa ay 2007 isugu dhaceen Dowladdii Cabdullahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi.

Xilligaas ayaa weriyayaashii Shabelle dhammaantood xabsi si kooban loogu shubay, idaacaddana albaabada la isgu dhuftay, balse Tarsan sidaas ma sameyn oo waxa uu Shabelle la tiigsaday sharciga, oo ay ku kala bixi doonaan

Tani waxa ay ku tusesaa in is-beddel weyn iyo hurmar dhinac walba ah uu kasoo ifiyo magaalada caasimada ah, waana wax loo riyaaqo.

Ka dhiibi fikirkaaga sida ay kula tahay Tallaabada uu qaaday Tarsan.

W/Q: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online
www.facebook.com/alaxmed

OHIO: Colonel ka tirsanaa Dowladii Siyaad Barre oo lagu dhegan yahay.

Colonel horey uga tirsanaa MilatarigiiSomalia, ayaa waxa uu ka masu’uul ahaa jirdilka nin u dhaq dhaqaaqi jiray xuquuqda aadanahaSomalia, sanadihii sideetamaadkii, waxaa sidaas xukmiyay xaakim federal ah oo jooga dalka Mareykanka.

Go’aankaasi ayaa waxa uu albaabada u furi doonaan dhageysi dacwadeed iyo suurta galnimada magdhow lacageed.

Colonel Cabdi Adan Magan oo dhowr sano ku noolaa gobolka Ohio, ayaa ku guul darreystay inuu keeno wax caddeymo ah oo ka leexinaya xadgudubyadii xuquuqda aadamaha ee ay geysatay dowladdii Maxamed Siyaad Barre, sida uu sheegay xaakim George Smith, oo jooga magaalada Columbus.

Abukar Xasan Axmed oo ah garyaqaan iyo u ololeeye xuquuqda aadamaha ah oo degan magaalooyinkaLondoniyo Muqdisho, ayaa sanaddii 2010 gudbiyay dacwad ka dhan ah Magan oo uu sheegay inuu 3 bil xabisay, kadibna jir dil u geystay. Waxa uu sheegtay dhaawacyo ay ka mid yihiin inuu dhib ka gaaray kaadi heysta.

Abuukar ayaa sheegay in Magan waqtigaas uu ahaa Dambi baaraha guud ee hay’addii nabad sugida qaranka Soomalaiyeed.

Tallaabada xigta ee laga filayo Abuukar ayaa ah inuu dacad kusoo oogo Magan.

Xulkeena Somalia oo 4-1 lagu garaacay ciyaar saaxiibnimo.

Tababare Sam Ssimbwa ayaa akoonka guul darrada u furay xulka Somalia markii xidigaha Ocean Stars ay 4-1 guul darro ah kala kulmee Sports Club Victoria University kulan saaxiibtinimo oo lagu ciyaarayey Namboole Stadium talaadadii.

Tani waxay qeyb ka aheyd isku diyaarinta Somalia ee bishaan koobka Cecafa Tusker Cup kaasoo sabtida ka bilaaban doona Kampala.

Ssimbwa, ayaa doonayey inuu arko bal sida ay ciyaartoydiisu u ciyaarayaan ka hor bilowga koobkaan laakiin guul darro qaraar ayaa kasoo gaartay Victoria, iyadoo uu keliya Somalia leylinaayo inta uu socda Cecafa.

Ilic Milos iyo laba gool oo ka timid Lawrence Bakiranze iyo gool kale oo uu dhaliyey Patrick Owori ayaa guusha u sahlay kooxda ka dhisan Uganda, waxana goolka keliya ee Somalia dhaliyey Yusuf Mohammed.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

ILA TALI AQRISTE: “labadan Isku fiiri, keebaan doortaa?”

Aqrsite, waxaan halkan kuugu soo gudbineynaa dhambaal ka yimid aqriste kale oo idinka doonaya talo, waa barnaamijkeeni  ILA TALI AQRISTE: Ujeedka ayaa ah qofkii talo raba inuu soo weydiisto aqristayaasha aan u fududeyno, maadamaa uu heli karo fikrado badan oo kal duwan, mark a la isku geeyana noqon kara wax ku ool.

Waxaan idin ka codsaneynaa inaad aqrisaan farriintan, kadibna wixii talo ah oo wanaagsan oo  aad si daacad iyo qalbi furnaan ah ugudarsataan, adinka oo hab qoraalkiina ka ilaalinaya qaladadaaka ama Tape error-ka, si qofka talada ku socoto uu fahamkiisa ugu fududaado. Waxaad taladaada ku qori kartaa qeybta comments-ka.

Fadlan si anshax iyo wanaag leh ula tali walaalkaaga ama walaashaada dhiban. Adigana haddii aad talo doon tahay noogu soo dir arrintaada [email protected]. Caasimada Online mar walba inay bulshada caawiso, una sahasho isticmaalka bogga ayay ballan qaadeysa

Waxay maanta warqad inooga timid gabar joogta Oslo, Norway oo magaceeda ku koobtay Zahra, waxayna u dhigtay sidan:-

“Waxaan ugu horeyn u mahad celinaa Caasimada Online fursaddan ay ina siisay iyo barnaamijkan cajiibka ah. Intaa kadib, magaceyga waxaan kusoo koobaa Zahra, waayo inay dadkeygu I ogadaaan ma doonayo, wxaaan joogaa Oslo, Norway.

Walaalayaal waxaa I heysata arrin runtii aad ii walaacisay. Waxaa jira wiil aad ii jecel iyo mid aan aad u jeclahay. Xaqiiqdii labadoodaba waa wiilal wanaagsan, waana la sheekeystaa, mid anaa sheekadiisa raba oo ku qasban, midna waxaan ula sheekeystaa ha niyad dilin, waxaana mar walba u sheegaa inaysan jirin wax aynan wadaagi karno, sababo la xiriira jaceylka aan u qabo qof kale.

Sheekadan waxa ay socotaa muddo ku dhow hal sano. Xaqiiqdii, labada wiil waxaan ka dareemaa farqi weyn. Wiilka aan jeclahay, wuu ila sheekeystaa, ila jiibiyaa, wax xumaan ahna kama arko, laakiin marka aan u bar bar dhigo kan I jecel waxaan dareemaa is-beddel weyn, waayo jaceylku maaha hadal ee waa dareen. Tusaale, wiilka i jecel wuu I qadariyaa, mar walba iga war hayaa, isoo wacaa, ii yimaadaa, haddiyado ii keenaa, marka uu dhib I gaaro ila dareemaa, hase yeeshee kana an jeclahay waxa aynu ku egnahay kaliya “waan ku jeclahay” oo afka ah iyo sheeko.

Waan dareemayaaa marka la isku fiiryo arrimahan, waxaa durbaba muuqanaya doorashada wanaagsan, laakin jaceylku saas maaha. Inkasta oo ay jiraan wanaagyadaas oo idil oo wiilkan I jecel aan ka dareemo, haddana qalbigeyga waxa uu mar walba rabaa midka kale.

Waxba idinka qarin maayo waxaan ahay 28 jir, waxaana jeclaan lahaa inaan guursado. labada wiilba sida aan ka dareemo guur waa u diyaar, laakin waxaan ka feekeraa nolol raaxo leh., ha is oran mid aan ku jeclayn maa ku guursanaya, rag badan ayaa guursaday dumar aysan jecleyn, sababtey doontaba ha ahaatee. Waxaan kala dooran waayay laba arrin, oo kala ah:- Inan guursado wiilka I jecel, aniga oo rajeynaya in mar ay ahaataba qalbigeyga uu ka bixi doono kaan jeclahay, ugu damabeynna midkan I jecel uu la dareemi doono jaceylka iyo inaan guursado kan aan jeclahay, aniga oo rajeynaya inuu si dhab ah iisso jeclaan doono mar ay ahaataba. Arrintan aad ayaan uga fekeray welina go’aan waan ka gaari waayay, waqtina wuu igu socdaa waayo waxaan jeclahay inaan ka faa’iideysto da’yarnimadeyda, ee walaalayaal talo wanaagsan I siiya. Mahadsanidiin”

Qoraaladii hore ee  ILA TALI AQRISTE:

 “Ninkeyga laba arrinba waan ka goyn waayay”

“Tan oo kale hore ayey iigu dhacday”

“Markii aan ku dhowaado wuu iga durqaa, markii aan ka quustana hami buu i galiyaa”

“Labadeena Ifka ayaynu isu jecelnahay, haddana hal mid xal waan u waayay”

 

PSG oo iska fogeysay inay lasoo saxiixaneyso David Beckham.

Tababaraha Paris Saint-Germain Carlo Ancelotti ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka la xiriirinaya in kooxdiisu ay lasoo saxiixaneyso David Beckham sanada soo aadan.

37 jirkaan ayaa lala xiriirinayey kooxda Faransiisa iyadoo uu warkaani kor usii kacay markii uu sheegay inuu Horyaalka Mareykanka ee Major League Soccer isaga tegaayo bisha soo aadan. Tababaraha ayaase biyo qabow ku shubay wararkaas xanta ah.

Ancelotti ayaa yiri talaadadii: “Wax dalab ah uma aanan dirin, nasiib wacan ayaan u rajeynayaa Beckham.”

Bishii December ee sanadii hore Beckham ayaa wadahadal la galay PSG, si uu ugu soo wareego Paris ka hor inta uusan heshiisku burburin daqiiqadihii u dambeeyey suuqa kala iibsiga.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Dadkii ku dhawaacmay Gaarisa oo qaarkood ay geeriyoodeen.

Tafaasiil ay bixiyeen dhaqaatiir ku sugan Gaarisa ayaa waxaa ay muujinaysaa in Soomaali badan ay u dhinteen dhaawacyadii ka soo gaaray rabshado dhawaan ka dhacay halkaas.

Warbixinta ayaa waxaa ay sheegaysaa in Rabshadihii ka dhacay Magaalada Gaarisa ee Gobalka NFD dadkii ku dhawacmay in qaarkood ugu geeriyoodeen dhaawacyo kasoo gaaray intii ay socdeen rabshadaha.

Xoghayaha dhanka Nabadgalyada Magaalada Gaarisa Xasan Cusmaan Shuuriye ayaa usheegay Idaacada Risaala in dadka geeriyooday ay yihiin kuwa horay dhaawacyo uga soo gaaray rabshadaha intii ay socdeen.

Xasan Cusmaan Shuuriye  ayaa sheegay in ilaa iyo iminka dadka geeriyooday ay kamid yihiin gabar dhaawac uu soo gaaray sidoo kalena qaar kale ay la liitaan dhaawacyadii soo gaaray.

Waxuu  sheegay in dadka hada dhaawacyada la liita sidoo kale ay kamid yihiin arday waxkabarata mid kamid ah iskuulada ku yaala Magaalada kuwaasi oo inta iskuulka loogu galay kadib lagu dhexdhibaateeyay sida uu sheegay.

Chelsea iyo Manchester United oo la garaacay kulamadooda UCL.

Champions LeagueGroup E

Shakhtar Donetsk ayaa 5-2 ku garaacday kooxda FC Nordjaelland  oo ay marti u aheyd.

Morten Nordstrand ayaa hugaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa, daqiiqadii 24aad, waxaase Shakhtar Donetsk u barbareeyey Luiz Adriano daqiiqadii 26aad.

Kasper Lorentzen ayaana mar kale hugaanka usoo celiyey kooxda Denmark, ka hor inta uusan Willian mar kale barbareyn, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Willian ayaa daqiiqadii 50aad hugaanka u dhiibay kooxda reer Ukraine, ka hor inta uusan goolka afaraad ka dhalin mar kale Luiz Adriano.

Luiz Adriano ayaa sedaxleysiisa dhameystirtay daqiiqadii 81aad.

Juventus ayaa 3-0 ku garaacday Chelsea oo marti ugu aheyd Juventus Arena.

Stephan Lichtsteiner ayaa kubad Qatar ah kasoo shaqeeyey waxaana ay Juventus u weysay inay gool dhaliso gool haye Petr Cech, oo si dahabi ah u badbaadiyey.

Oscar kubad uu soo xirfadeeyey daqiiqadii sagaalaad ayaa gool u muuqatay balse Eden Hazard ayaa waxaa ka badbaadiyey gool haye Gianluigi Buffon.

Claudio Marchisio ayaa daqiiqadii 14aad gool isna dhalin karay ka hor inta uusan mar kale kabtanka Chelsea ka badbaadin.

Fabio Quagliarella ayaa hugaanka u dhiibay Juventus daqiiqadii 37aad, ka dib markii uu dhinaca kale u leexiyey shuut uu soo tuuray Pirlo, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Arturo Vidal ayaa u labeeyey Chelsea daqiiqadii 61aad, ka dib markii uu  baas wanaagsan ka helay, xidiga qadka dhexe ee kooxda Juve Kwadwo Asamoah.

Sebastian Giovinco ayaa hurdo u diray Chelsea waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray, sidaas ayeyna ugu egtahay in Chelsea ay noqoto kooxdii ugu horeysay ee  iyadoo koobka difaacaneysa ku hartay wareega Group-yada.

Champions LeagueGroup F

Valencia ayaa barbaro 1-1 ah garoonkeeda kula gashay Bayern Munich.

Qeybtii hore fursado sidaas ah la iskuma helin, waxaana ay u muuqatay inta badan ciyaar qabow.

Sofiane Feghouli ayaa hugaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa daqiiqadii 77aad ka hor inta uusan Thomas Müller barbareyn sedax daqiiqo ka dib.

Champions LeagueGroup G

Benfica ayaa 2-1 ku garaacday Celtic oo marti u aheyd.

Benfica ayaa hugaanka u qabatay kulankii ay marti gelisay Celtic waxaana goolka daqiiqadii Todobaad u dhaliyey Ola John,  balse Georgios Samaras ayaa barbareeyey ciyaarta oo socota nus saac, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Ezequiel Garay ayaa hugaanka mar kale u dhiibay Banfica daqiiqadii 71aad. iyadoo kooxda reer Scotland laga awood roonaaday.

Champions LeagueGroup H

Cluj ayaa 3-1 isaga reebtay kooxda Portugal ka dhisan  ee Braga.

Cluj ayaa qeybtii hore boobsiisay Braga ka dib markii uu sedax gool ka dhaliyey Rui Pedro, waxaana hal gool kooxda martida ah usoo celiyey Alan.

Ciyaaryahanka kooxda Braga, Douglao ayaana casaan toos ah ka qaatay kulanka ciyaarta oo sii idlaaneysa.

Galatasaray ayaa 1-0 ku dubatay Man Utd oo xaqiijisatay usoo bixitaankooda 16ka.

Galatasaray iyo Manchester United qeybtii hore wax gool ah la iskama dhalin, iyadoo inta badan Red Devils ay u safnaayeen ciyaartoy da’yar ah.

United ayaa gool looga naxsaday bilowgii qeybtii hore ka dib markii uu ka dhaliyey Burak Yilmaz.

Weeraro dhowr ah oo ay qaaday United kuma guuleysan sidaas ayaana lagu dubtay.

Akhristeyaasheenii saadaasha ka dhiibtay kulankaan oo dhamaa ilaa lix aqriste midna ma uusan haleein waana inoo mar kale iyo saadaal wacan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Jabhad Soomaali ah oo ka dilaacday Kenya + Sheegatay weerarki Gaarisa

Kadib dilki shalay magaalada gaarissa ee gobolka woqooyi bari wadanka kenya logu gaystay askar ka tirsanaa Ciidamada Milatariga Wadanka Kenya ayaa waxaa weerarkaasi sheegtay Jabhada NFD Liberation Front oo ah jabhad in badan oo Somali ah dhagahooda ku cusub .

Afhayeen u hadlay Jabhada NFD Liberation Front oo magaciisa ku soo gabiyay Captein Calibell ayaa waxaa uu shegay in jabhadooda ay tahay jabhad gobonimo doon ah ayna ka go,antahay in ay ka go,an wadanka kenya waxaa uu sido kale sheegay in jabhadoodu ka danbeysay dilal dhowr ah oo askarta Kenya logu gaystay gudaha wadanka Kenya qaas ahaan Gobolka Waqooyi bari waxaana ugu danbeyay dilki shalay aan u gaysanay 3 askari oo cabiid ah ayu yiri Captein Cali Shabell.

Cali Shabell ayaa waxaa uu intaasi raciyay in jabhadooda ay ku guda jirto u diyaargarow ka aargudashada wax uu ku sheegay Ciidamada Cabiida oo aan la aqoon waxaa uu uga jeedo.

“Jabhada NFD Liberation Front marna kama amusi doonto xasuuqi Ciidamada Cabiida ay shalay u gaysteen shacabka Somaliyeed ee xogga lagu haysto ee ku nool Magaalada Gaarissa waxana aan shacabka NFD u balan qaadaynaa in dhibaatadi la garsiyay ka badan ay garsin doonan Ciidamada Caabiida ayu yiri Captein Cali Shabell”

Jabhada NFD Liberation Front ayaa ah mid ku cusub dhagaha Shacabka Kenya waxaana in badan oo Kenyaan ah ay iswaydinayaan waxaa soo dadajiyay in sanadka 2012 qaar ka mid ah gobolada Kenya ay ka samaysmaan jabhado u dagaalamaya kala goynta wadanka Kenya.

Balse Kenyaan badan ayaa waxaay qaban in soo bixintaanka Jabhada NFD Liberation Front ay ka danbaysay ka dib marki Ciidamada Kenya ay gudaha u galeen wadanka Somalia oo horay muraan dhuleed ugala dhexeyay Wadanka Kenya.

Isku soo wada duubo hadal haynta ugu badan ee manta Wadanka Kenya ayaa waxaay tahay dilki 3 askari ee shalay lagu dilay Gaarissa iyo Jabhada Cusub ee shegatay dilka Askartaas.

 

Raddin Shubbaha: Dilkii Casmaa Bin Marwaan. (Difaaca Nebiga NNKH)

Qormadani waa taxanaha raddin shubbaha oo aanu ku raddineynay qoraallo uu inoosoo direy yar Soomaaliyeed oo sheeganaya inuu ka baxay diinta Islaamka, waxyaaba badanna oo ay beri ka tahay ku tuhmaya diinta Islaamka iyo ahalkeeda. Su’aalo badan oo uu qabay iyo shubbaha ayaa ka raddinay, tanna waxaan rajeyneynaa inay mari doontii halkii aan shubbahaadkii hore ku raddinay hadduu Eebbe idmo.

Qodobka maanta u baahan inaynu raddinna ayaa ah mid aynu ciwaanka kusoo qaadannay, malaha yarku maanta cilmi culus buu lasoo banbaxay, marka aad aqrisa sida uu qisada u soo min guuriyey. Waan hubaa wuxuu isleeyahay sida aan ka dhadhamiyey qormadiisa, tani waa middii aad ku dagi lahayd Muslimiinta, waayo wuxuu naga filanayaa inaanu u helin karin jawaab raddin ah waxa uu ka hadlay maadaama uu isleeyahay masdar Islaami ah ayaad kasoo xigatay.Wuxuu yarkani soo min guuriyey qisa wuxuuna xusay halka uu kasoo qaatay, macnaha kitaabka uu kasoo qaatay, laakiin waxaan ugu tahniyadeynayaa hadal afeef u yara muuqday ayuu xusay oo ahaa qisadani xadiis  shariif ah ma ahan. Waxaan u fahmay inuu yara dareensan yahay waxani inaanay ahayn xaddiis iyp xujo tooni, laakiin sababta uu u soo daliishaday ayaan garan la ahay. Ma wuxuu is yiri kitaabka uu kasoo daliishaday waa kitaab axkaam iyo sharci mise waa kitaab taariikh? Nacam kitaabka uu xusay waa kitaabka la yiraahda Dabaqaat Al Kubraa ee Ibn Sacad uu leeyahay. Waa kitaab taariikheed oo ka warramaya taariikhda iyo dhacdooyinka, wixii sax iyo khaladba leh, wuxuuse ku fiican yahay qisooyinkiisa daba gal iyo dabaraac ayay leeyahiin loogu haggaagi karo halkii ay asal ka yimideen, waa marka la eego silsiladaha ay ku yimaadaan qisooyinka kuqoran kitaabkaas.Kitaab kastoo Muslimna waa sidaas, oo ka warrama taariikhda, waxaad arkaysaa kitaab kasta in ka buuxaan qisooyin aanan xaqiiq ahayn, markii la eego silsiladaha ay qisooyinkaasi ku yimaadeen.Islaamku mahan sida masiixiyadda iyo Yahuudda oo kale, xataa axaadiista iyo qisooyinkayaga Islaamiga ahi waa kuwa soocan oo lagu asteeyay xaqiiq iyo war saxa. Culima buu Ilaahay usoo saaray kala rajaxda wixii sax ah iyo wixii khalad ah sida axaadiista shariifka ah oo kale.Qisada uu maanta inoosoo werinaya yarkani sidan buu usoo qorey!!, bal aynu wada aqrinna marka hore, kadibna aynu raddinna hadduu Eebbe idmo!!.

Waa sheekadii Maxamad iyo Hooyadii huruday ee ilmuhu naaskeeda jaqayay


Dilkii arxan la’aanta ahaa ee loo geystay gabadhii Asma Bint Marwaan axaadiista laga heli maayo, waxase uu ku cadyahay kutubkii caanka ahaa ee Ibn Ishaq, boggiisa 675.

Ka dib marki la dilay Abu Afaka, oo loo dilay dhaliil uu dhaliilay Maxamad xasuuqii uu ku xasuuqay odayaashii Qureysh Badar, Asma b. Marwaan oo aad uga carootay dhacdadaas (dilka Abu Afak iyo sababta keentayba) baa ku eedeysay Maxamad iyo asaxaabtiisii tix gabay ah oo ay ku cambaareynesay. Dhaliishaas ay dhaliishay oo ay ku gabayday darteed buu mar kale Maxamad ku dardar geliyay asaxaabtiisii in ay dilaan gabadhaas. 

Asma b. Marwaan waxaa dilay Umayr b. Adi al Khatmi oo uu Maxamad soo diray. Waxaad ka heleysaa kitaabka al-tabaqat al-kabir ee Ibn Sa’d oo leh sidatan:

Asma waxay ahayd xaaskii Yazid Ibn zayd Ibn Hisn al-Khatmi. Waxay wax ka sheegi jirtay Islaamka, waxayna ka careysiin jirtay nabiga iyada oo dadka ku direysa (tusineysa dhaqankiisa).

Waxay sameysay tix (gabay) ah oo ay ku dhaliileyso Islaamka iyo dadka raacsan ama muslimiinta. Umayr Ibn Adi baa u yimid xilli habeen ah oo uu gurigeeda galay. Carruurteeda ayaa hareereheeda jiifay oo wey hurdayeen. Waxaa iyada hoosteeda ahaa ilma yar oo naaskeeda jaqayay. Gacantiisa buu ku baadi goobay halka dadka hurdaa ay kala joogaan, waayo wuxuu ahaa cammoole ama indhoole. Wuxuu markaa gacnatiisa uga soocay carruurtii ku hareereysneyd oo uu mid mid uga bixiyay hareereheeda iyo hoosteeda. Markaas buu golxobkiisii/seeftiisii geliyay xabadkeeda ama feeraha ilaa ay middidii ka soo baxday dhabarkeeda dambe. 

Aroortii buu salaadda kula tukaday nabiga (masjidkii) al-Madina. Nabigii ilaahaybaa ku yiri markaas: “Ma khaarajisay/dishay gabadhii ina Marwaan ahayd?”. Wuxuu markaa Umayr ku jawaabay “Haa – Arrintaas wax dhib ah ma iiga imanayaan?”

Markaas buu yiri nabigu (Maxamad) “Laba neef oo ari ah iska hertin meyso arrinkaas”

Kelmeddaasi waxay ahayd tii ugu horreysay ee laga maqlo nabiga Allah afkiisa. Nabigii Allah (Maxamad) baa markaas u magac bixiyay Umayr oo siiyay magaca ama naaneysta ah “Basiir” oo micneheedu yahay “Kii wax arkayay”.

Isla markii uu dilay Asma, Umayr oo imminka wata magaca kore ee ah Basiir baa u tegay reerkii gabadha oo halkaa kula jeesjeesay isagoo leh waa kanoo waan soo dilay gabadhiinnii ee maxaad iga qaadi kartaan? Hortooda buu ku qoslayay oo uu lahaa anaa dilay oo waa ikan aan idnla joogee, maxaad ka sameyn kartaan? Awood ay wax uga qabtaanna meysan lahayn.

Markaa waa maxay wanaagga diimeed ee uu maxamad keenay iyo wanaagga aad ka sugeyso diin beenaad aasaaskeedii halkaas ka yimid. 

Waxaad aragtaa dulucda sheekada oo ah qof taabacsanaa Maxamad oo si dhuumaalysi/tuuganimo iyo khayaano ah ku galay qolkii jiifka hooyo aan is difaaci karin oo carrurrteeda la jiifta, islamarkaana dilay oo nafta ka gooyay iyadoo naaskeeda uu jaqayo ilmeheedii markaas ugu yaraa een weli naaska ka go’in.

Qof baniaadam ah oo caqli iyo iimaan inta ugu yar dunida haystaa ma sababeyn karaa waxa halkaas ka dhacay oo shaqsigaasi geystay? 

Asma Bin Marwaan meysan ahayn qof halis gelin karta ammaanka iyo nafsadda Maxamad iyo asaxaabtiisaba? Dembigeedu waxaa uu ahaa oo kaliya in ay af ahaan uga hortimid dilkii Maxamad uu dilay Abuu Afak oo ahaa nin kale oo asna diiday maxamad mabdi’iisii iyo mu’amaraadkiisii. 

Abu Afak wuxuu ahaa nin Yahuudiya oo ay da’diisu aad u weyneyd (sida la yiri waxa uu ahaa 120 jir markaas), waxaana asna la dilay asaga oo hurda marka uu asna wax ka sheegay Maxamad.

Arrinta halkan kaaga soo baxaysaa waa xaqiiqada sheekada beentaa ee Maxamad ay bilowgii ku saleysneyd oo ah in aaney wixiisu ku dhisneyn fikir dad laga dhaadhiciyo ama caqli iyo maskax wanaagsan wax lagu qaato, laakiin ay had iyo goor tiisu ku saleysan tahay khasab iyo jajuub.

Iyo xaqiiqada ku dhisan in had iyo goor Maxamad iyo intii diin beenaaddiisa qaadataba ay xoog iyo cabsi iyo dil iyo dhiig la daadiyo ay wax ku muquuriyaan. 1400 sano welina wey socotaa.

Bal mar kale isweydii halka waxa kan aad ku doodeysaa ay salka ku hayaan? 

Nabadey. 
______________________________

Asmaa ma ahan magaca ugu horreyn, waa Casmaa bint Marwaan, labada magacna Carabi ahaan waa kala mid oo labaduba waa magacyo jira oo  loola baxa hablaha Carbeed. Waa dhici kartaa in english ahaan aad u qoreysa, laakiin intaas waa sixid magaca quseysa.

Dhanka kale qisadan wuxuu yarkani usoo qaatay inaanu nebi Muxammad (NNKH) noqon karin nebi maadaama falka noocaas ahi uu sameeyay. Sidaa daraaddeed baa halka ugu hooseysa qormadiisa wuxuu oranayaa bal is weydii mar kale halka ay waxa aad kudoodeysa (diinta Islaamka) salka ku hayaan?

Nacam diinta aan ku doodaya waxay salka ku haysaa Muxammad xabiibkii Alle raxmaddii Islaamka iyo koonka, nimay indhahiisa u ooyn doonaan si umaddan dhan naarta looga badbaadiya maalinta Qiyaama, nimay naxariis qalbigiisa buuxisay, nin markii koonka oo dhan la halligi lahaa yiri ”Maya waxaan rajaynayaa kuwa dhabarkooda kujira inay noqon doonaan kuwa diinta u gargaara”, naxariis iyo nabadda Alle dushiisa ha ahaato.

Raxmaddii koonka ayay salka ku haysaa diintani qiimaha badan ee naxariista la timid. Haah!! waxay la timid naxariis, Muxammadna (NNKH) adiguu kaaga naxariis badnaa waalidkaaga.

Waxaan kutusi doonaa inuu ahaa ninka ugu naxariis badan koonka, Alle kor ahaaye isagoo Quraanka arrinkaasi inooga warramaya wuxuu yiri ”.

” فبما رحمة من الله لنت لهم ولو كنت فظاً غليظ القلب لانفضوا من حولك ” ” آل عمران 159″

Sidoo kale Alle sarreeye wuxuu leeyahay asagoo nebigiisa la hadlaya

(وَلا تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلا السَّيِّئَةُ ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ). (فصلت:34). 

Sidoo kale wuxuu yiri Alle asagoo ka warramaya naxariista nebigiisa iyo inuu caalamka oo dhan raxmad u yahay

( وما أرسلناك إلا رحمة للعالمين)

 سورة الأنبياء الآية 107
Saxiixa Muslim waxaa kusugan in nin reer miyi ahi uu ku kaajay masjidkii nebiga ula kac, markaasay saxaabadii damceen inay dilaan, markaasuu nebigu (NNKH), yiri ”daaya ha dhamaystee!!, markuu dhamaystay!! baa wuxuu nebigu (NNKH) saxaabadiisii amray in biyo lagu meydho halkii uu ku kaadiyey ninka reer miyiga, markaasuu inta aad ula yaabay naxariista nebiga (NNKH) baa wuxuu yiri ”Allahayoow!! aniga iyo Muxammad (NNKH) noo naxariisa”.  Sidoo kale qisaddii Islaamidda Thumaama boqorkii reer Yamaama inaad maqashaan jeclaa, umase malaynayo inaad maqashay, aqirsay iska daaye. Sidoo kale qisada kusugan saxiixeynka Bukhaari iyo Muslim ee awrka baahida geedka kula xirnaa ee nebigu (NNKH) markuu arkay la ilmeyay ee ninka Ansaariga ahi lahaa inaad maqashay baan jeclaa, umase malaynaya inaad maqashay aqris iskaba daaye.Maxaad moodday shaqsi bahaa’imkii iyo raggii ragga ka diley iyo kuwii masjidkiisa ku kaajay iska saamaxaya oo u dhimrinaya hadal qabowna u oranaya, ma waxay kula tahay inuu haweeney ilma nuujineysa uu dilayo, ama amraya dilkeeda?Duuduub qisada aad soo xigatay oo dhan halka ay ku taal sadarrada dambe ayaan kugu tusi doonaa, horey ayaanna kuugu sheegey in wax waliba oo aad Islaamku ka oranaysa ay ku yaallaan Bible-ka Islaamkuna uu beri ka yahay. Fikraddan foosha xun in Baybalku ay dhex taal, Islaamkuna inuu beri ka yahay ayaan iyana ku tusin doonaa..Ugu horreyn qisadani sida aad xustay kitaabka Dabaqat Al Kubra ayay ku taal, isla kitaabka ayaana inoo sheegaya halka ay asal ka timid iyo sil siladdeeda. Waxaa habbooneyd intaadan soo min guurinin inaad silsiladda qisada dib u yara jalleecda, lacalla ay dhici lahayd inaad jahligaada dareento, oo aad ka xishoota inaad soo bandhigta waxani. Sidoo kale waxaan kutusi doonaa in lagugu soo khalday mowduucaan hadduu Eebbe idmo.Kitaabka Dabaqat Al Kubra juzka 2d safxada 27d ayaad ka eegtaa qisada iyo silsiladdeeda. Qisada oo dhami waa been abuur, lagu been abuurtay nebiga (NNKH), waxaana kutusinayaa inaad kusoo kadsoontay been abuurkan.  Marka aad furta kitaabka Ibn Sacad ee Dabaqat Al Kubra juzka 2d, safxada 27d, waxaa kuusoo baxaysa ciwaanka Sirriyaddii Cumeyr bin Caddiyi.Ugu horreyn qisada waa Mowduuc (mowduucna waa wax lagu been abuurtay nebiga ”NNKH”). Bal eeg kitaabka Silsilat Al axaadiis ad daciifah wal mowduuc, ee Imaam Maxammad Nasruddiin Al Albaani, safxada 33d. ruwayaadda 6013. Wuxuu oranayaa waa Mowduuc, Al Qudaaci baa Musnad Shihaab kuxusay (2/46/ 856), sidoo kale Ibnu Jowzi ayaa ku xusay Al Cilalka, iyagoo xusay in ruwaayaddani ay ku timid dariiqadaMuxammad ibnu Ibraahiim oo kasoo weriyey Muxammad ibn Xajaaj Al Lakhmi, oo kasoo wariyey Ibraahiim Al Waasiti, oo ka soo weriyey Mujaalid ibn Saciid oo kasoo weriyey Shicbi oo kasoo weriyey Ibn Cabbaas.Qisada iyo qaabka loosoo weriyey ee culimadu xuseen marka aad eegta kitaabka silsilat al axadiis ad daciif ee Imaam Al Albaani, waxaad arkaysaa in qisadan uu soo minguuriyey yarka oo silsiladdeeda wadata lagu xusay bogga aynu soo xusnay. Sidoo kale isla kitaabkaasi safxada xigta safxadii aynu soo xusnay (waa safxada 34d)haddaynu eegno marka uu ka hadlaya qisadan, wuxuu ciwaan uga dhigayaa oraahda ah ”Tani waa wixii lagu tuhmeynay Muxammad ibnu Xajjaaj wadcigiisa”. Kadib wuxuu oranayaa waa beenaale khabiith ah sida uu xusay Al Imaam ibnu Maciin.Ka warran ninka soo weriyey ruwaayadan ee Muxammad Ibn Xajjaaj waa nin beenaale ah oo aanan la xujeysan ahlu xadiiska agtooda, wixiisana aanan la qaadan.”Ninka isaga kasoo weriyey ee ah Maxammad ibnu Ibraahiim Al Shaami, isaguna waa beenaale sidii aan horey usoo caddeynay”, ayuu sheekhu isla safxadaasi ku oranayaa.Ka warran immika labo cilladood oo waa weyn sowma lahan werintan aad soo daliishatay wiilyahow la qalday?

Werintani uu soo minguuriyey sidoo kale waxay ku xusan tahay Musnad Al Shihaab, safxada 46d werinta 856.

Bogga ama safxada 46d illaa 47 ayay ku qoran tahay werintaasi, haddiina aad eegta halka ugu horreysa ee silsiladda werintaasi, kow wuxuu imaamku oranayaa Xadiiskani waa mowduuc, yacni mid been abuurad ah. Wuxuu intaasi sii raacinayaa ”Maxammed ibnu  Xajjaaj-na wuxuu Ibnu Caddiyi ka yiri waa xadiis been abuurad badan yahay. Ad Daaraqudni iyo Ibnu Maciinna waxay yiraahdeen waa beenaale been abuur badan. Al Azdina wuxuu yiri waxaa laga soo weriyey Mujaalid oo kasoo weriyey Shicbi oo kasoo weriyey, xadiiska Qis ibnu Sacaadah, mana lahan sal iyo raad, waana mowduuc (been abuurad), raawiga soo weriyeyna wuxuu Ad Daaraqudni ka yiri ”Waa beenaale”. Sidaa oo kale ayuuna Al Imaam ibnu Xibbaan ku tilmaamay”.

Intaas waa sida ku qoran safxada aan soo xusay, ee kitaabkaasi, waana inta  werinta la xusin horudhaca ka horreeya ee ku qoran kitaabka.

Cilladda kalee ee ay werintani leedahay waxaa silsiladda werinteeda kujira Mujaalid ibnu Saciid. Bal waayo Mujaalidkani? Kaalay wax ka baro, fur kitaabka Meyzaan At- Tacdiil, ee lagu qoray ragga soo weriyay axaadiista iyo ruwaayadaha. Waxaa iskaleh Imaam Shamsu Diin Ad Dahabi. Fur safxada 23d ee kitaabka, waa ciwaanka Mujaalid.

Eeg turjumada 7076, waa shaqsiga labaad ee lagu tacriifinaya boggaas, waxaa uun ka horreeya Mujaalid ibnu Abii Raashid. Kadib waxaa laguu tacriifinayaa Mujaalid ibn Saciid shaqsiyaddiisa. Ibnu Maciin iyo rag kale oo lamida waxay yiraahdeen ”Lama soo xujeysta ninkan”.  Macnaha daliil ma noqdo warkiisa.

Imaam Axmed ibnu Xambil wuxuu ka yiri ”Waxba ma ahan”.

Nisaa’iyi wuxuu ka yiri ”Ma ahan qawi, yacni mid adag oo la daliishan kara”.

Ashajna wuxuu xusay inuu ahaa ”Shiici”.

Daaraqudni wuxuu ka yiri ”Waa daciif ninkan”.

Aqwaashani waa hadallada ku xusan safxada aan kuu sheegay, waana sida ay u tacriifiyeen culimadeennii hore ee Ilaahay ku difaacay nebigooda, kana hortegey inaanan lagu been abuuran. Intaa oo kaliya kuma ekaan doonno, mar kale aan furno kitaabka la yiraahda Ad-Ducafaa wal matruukiin (bimacnaa kuwii daciifka ahaa ee la isaga tegey), waa kitaabka lagu jamciya dadkii la yimid axaadiista iyo werinnada been abuurka ahi, ee looga bartay beenta, ha noqdaan kuwii shiicada, kuwii Islaamka ku cusbaa, kuwii munaafiqiinta iwm. Waxaa iskaleh kitaabkani Al Imaam Ibn Al Jowzi. Fur safxada 35d ee kitaabkaasi, kadib eeg turjumada 2851 waa Mujaalid ibnu Saciid, qofka turjumadaasi lagu macneynaya.

Xasuusnow!! kitaabka uu ku dhex yaal waa kitaabka la yiraahda Ad- Ducafaa wal Matruukiin (kuwii daciifka ahaa ee laysa tegey/ la nacay). Turjumadaasi iyo wixii ay culumada ka yiraahdeen waa tane hoo!!.

2851. Mujaalid ibnu Saciid bin Deey ibnu Maraan Al Hamdaani Al Kuufi, wuxuu wax kasoo weriyey Al Shicbi iyo Qeys ibnu Abii Xaazim.

Imaam Axmed wuxuu xaggiisa ka yiri ”Waa wax ma tare, waxna ma ahan”.

Ad- Daaraqudni iyo Nisaa’iyi, Yaxiic waxay ka yiraahdeen ”Waa daciif”.

Ibnu Xibbaan wuxuu leeyahay ”Ma banaano in la daliishada xujo ahaan ruwaayadahiisa”.

Ka warran marka, nin la diidey wuxuu soo weriya oo dhan in la daliishada walow ay noqdaanba wax wanaagsan, ma waxaad moodeysaa in been abuur intaa dhan laga qaadan karo oo Islaamka iyo ehelkiisa lagu wasakheyn kara?

Intaas oo qura maahane, bal fur kitaabka la yiraahda Al Majruuxiin minal Xadiis oo uu leeyahay Ibnu Xibbaan, safxada 343, turjumada raqamka 1037 waa magaca Mujaalid ibnu Saciid.

Waa tane hoo!! iyana wixii ay culimada ka yiraahdeen ninkan.

Wuxuu leeyahay sheekhu, ”Wuxuu ahaa nin wax isku khalda oo asaaniidda iyo maraasiilta isku walaaqo, mana banaano in la xujeysta warkiisa”.

Yaxyaa Ibnu Maciinna ayaa la weydiiyey Mujaalid ibnu Saciid markaasuu yiri ”Wuxuu ahaa daciif”.

Intaas kadib!!

Haddii aan kutusinnay in ruwaayaddu ay tahay mid daciif ah, waxaad mar kale ogaataa si kooban cillada ay leedahay oo ah, wax ka badan saddex cilladood. Ugu horreyn waa mowduuc (been abuur) sida kuxusan masaaniidda iyo kutubbada xadiiska. Marka labaad waxaa kujira rag wada daciif ah oo kala ah Maxammed Ibnu Xajjaaj iyo ina Ibraahiim iyo weliba Mujaalid ibnu Khaalid.

Intaa dabadeed waxaad ogaataa waxa laguu soo dhiibay inay tahay wax aanan Islaamka sal iyo raad toona ku lahayn. Haddii aad kasoo aqrisay kitaab taariikheed oo Islaamna, kitaab taariikheed wax walba ayaa kuqoran, kitaabkana wuxuu qisada usoo weriyey sidii loo yiri isagoo xusaya halka uu kasoo weriyey iyo silsiladdiisa, si daba gal hadday tahay ama loo baahdo loogu samayn kara. Ragga soo weriyeyna wuu xusay, kuwaasoo ay dhacaysa in uuba sheekha ogyahay inay kuyaallaan kutubbadan aan immika soo xusnay. Si kastaba haddii maanta aniga buug aan qoraya aan ku xuso ”sidaa iyo sidaa ayaa la yiri oo waxaa yiri hebel oo hebel kale kasoo weriyey”. Taa macnaheedu ma ahan in waxaasi aan anigu dhahay ama ay jiri karaan. Kaliya waxaa loo baahan yahay cidda tiri ee aan xusay in la daba galo, taasina adigu waad garan weyday oo toos waxaad lasoo carartay shubbahadii, sidiiyoo aad mooddeysay inaad Islaamku duleel ka heshay aad iin iyo ceeb ugu yeesho.

Aan mid kuweydiiyee!!, haddii Nebi Muxammad (NNKH) uu sidaasi samayn lahaa oo run ay ahaan lahayd ma wax bay u dhimi lahayd nebinnimadiisa?

Immikuse ma aragtay in uu beri ka yahay oo aanay ahayn xaqiiq jirta warkaasi? Waxaad la yaabtay in haweeney ka hor timaadda sharciga Alle, oo nebiga Ilaahay aflagaadeysa aanan la dili karin. Waxaan kutusayaa sidii aan horey kuugu sheegeyba halka warkani u ku yaal oo ah Baybalka. Horey ayaan kuugu sheegey wax kastood Islaamka ku tuhmeysa waa wax Baybalka ku dhigan, Islaamkuna uu beri ka yahay.

Fur kitaabka Baybalka qeybta Hosea cutubka 13d faqrada 16d

Hosea 13: 16d Samaria will be made waste, for she has gone against her God: they will be cut down by the sword, their little children will be broken on the rocks, their women who are with child will be cut open.

Hosheeca 13: 16d 
 Reer Samaariya gardarradooda way qaadi doonaan, waayo, way ku caasiyowdeen Ilaahoodii. Seef baa lagu layn doonaa, dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa, oo naagahooda uurka lehna waa la dooxi doonaa.

Bal indhaha furoo si fiican u aqri mar kale, waa Baybalka halka aad leedahay inuu Ilaahay ku amraya in haweenka uurka ahi caloosha laga soo ridi doono, sabab ay Ilaahay ku caasiyeen darteeda, oo dhallaankooduna dhulka lagu tuuri doono. Marka tan loo eego qisadii beenta ahayd ee aad kasoo minguurisay nebi Muxammad (NNKH) sow Muxammad ma noqonaya mid ka naxariis badan Ilaaha aad aaminsan tahay, waayo waxaad tiri  Muxammad (NNKH), wuxuu ka duway oo ka leexiyey haweeneydii ilmaha si aanay dhibaato usoo gaarin, oo haweeneydii oo qura diley?

Beri buu ka yahay nebigii Alle sida aad kusheegtay, laakiin waxaasi iyo wax kasii xun waxaa amraya Baybalka aad aamintay ee aad is moodsiisay inuu yahay naxariis. Naxariista uu Ilaahay koonkani usoo direy waa Nebi Muxammad (NNKH).Adigu waxaad aaminsan tahay inaanu la dili karin haweeney nebi aflagaaddeysa sida aad ku doodeysay (inkastoonay ka suurtoobin nebi Muxammad ”NNKH” inuu diley), laakiin Baybalku wuxuu xusayaa kuwii sanamyada caabbudi jirey sida loo laayay ee aad leedahay Ilaahay baa amray. Haddii aad aqrisa Yexesqiyeel cutubka 9d faqrada 1d illaa 8d waad fajacaysaa. Laakiin keliya aqri faqrada lixaad ee cutubta 9d.Ezakiel 9: 6d Give up to destruction old men and young men and virgins, little children and women: but do not come near any man who has the mark on him: and make a start at my holy place. So they made a start with the old men who were before the house.

Yexesqiyeel 9: 6d
 
 Oo waxaad wada laysaan odayaasha, iyo barbaarrada, iyo gabdhaha, iyo carruurta yaryar, iyo naagahaba, laakiinse innaba ha u dhowaanina nin alla ninkii ay calaamaddu ku taal, oo waxaad ka bilowdaan meeshayda allabariga. Markaasay waxay ka bilaabeen raggii odayaasha ahaa oo guriga hortiisa joogay.

Ka warran arrinkani, ma Islaamkaa mise waa Baybalka waxa kani ee xasuuqa ba’an ku haya umadda? Ma garawsatay in Islaamku yahay nabad iyo naxariis, adiguna lagu qalday? Ma garowsatay qisada aad lasoo shirtagtay inay tahay been abuur, iyo mid aanan waxba ka jirin, balse mid iyada ka daran ay ku taal Baybalka? Intaa dabadeed maxaa kuu bannaan oo aanan ahayn inaad diintaada raaxada iyo nabadda iyo wanaagga badan aad ku noqoto? Ilaahay ha kuwaajiya xaqa hana kugu duwa inaad ka badbaadda cadaabta aad kusii jeedda. Kaa hagran mayno wixii talo iyo waano ah iyo inaan kaa shaafinna boogga iyo dhaawacyada loo geeystay laabtaada shubbahaadka foosha xun ee lagu qosla ee maskaxdaadu ay ka buuxiyeen.
Wa billaahi towfiiq!!.WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
___________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay webka caasimada.net iyo qoraha. Lama daabacan karo idan la’aan.

Barcelona iyo Lille oo guulo gaaray kulamadooda UCL.

Champions LeagueGroup F

FC BATE Borisov ayaa gurigeeda guul darro 2-0 ah kaga soo gaartay kooxda Faransiiska ah ee Lille.

Djibril Sidibé ayaa kooxda martida ah hugaanka u dhiibay daqiiqadii 14aad ka hor inta uusan goolka labaad ka dhalin Gianni Bruno ciyaarta oo mareysa nusa saac, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Djibril Sidibé ayaana qaatay jaalihiisii labaad ee ciyaarta ka dibna Casaan loo raaciyey markii uu qalad ku galay Bordachev daqiiqadii 74aad.

Wax badan ayaan ciyaarta iska bedelin qeybta labaad sidaas ayeyna kusoo dhamaatay.

Champions LeagueGroup G

Spartak Moskva ayaa 3-0 guul darro ah kala kulantay Barcelona kulan marti loogu ahaa gurigooda.

Kooxda martida loo ahaa ayaa goolka lagu bilaabay daqiiqadii 16aad ka dib markii uu Daniel Alves ka faa’iideystay fursad uu ka helay Lionel Messi.

Daqiiqadii 27aad ayaa Lionel Messi hugaanka u dheereeyey Barcelona ka hor inta uusan gool qurux badan ka dhalin daqiiqadii 39aad, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Inkastoo ay Spartak heleysay weeraro ku dhisan kubado dhaareer. Barca ayaa inta badan laheyd Koontaroolka kubada qeybtii labaad.

Messi ayaa caawa goolashii uu dhaliyey waxay la micno aheyd inuu Goolal ka dhaliyey 14 dal oo kala gedisan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Thierry Henry oo qorsheynaya inuu dib ugu soo laabto Arsenal.

Halyeeyga kooxda Arsenal Thierry Henry ayaa qarka u saaran inuu markiisii sedaxaad kasoo hor muuqdo taageerayaasha Gunners.

Weeraryahanka Faransiiska ah ayey kooxdu sheegtay inay isha ku heyso qaab ciyaareedkiisa ka dib markii uu tababar kula qaatay London Colney xilli uu xiran yahay Horyaalka Mareynka MLS.

Henry, oo 35 jir ah, ayaan meesha ka saarin inuu markiisii labaad si amaah ah ugu soo laabto kooxda si uu u caawiyo wiilasha da’yarka ah ee Arsene Wenger.

Wuxuu qorsheynayaa inuu wadahadal la qaato macalinka marka uu ka warbixinaayo tababarkii ay kooxdu sameyneyso bisha December.

Arsenal ayaa weyn doonta Gervinho kaasoo bisha Janaayo ka qeyb gelaaya Africa Cup of Nations halkaas oo uu ku maqnaan doono ilaa lix isbuuc halka uu shaki ku jiro in Theo Walcott uu kooxda lasii joogayo.

Ninka ugu goolasha badan Arsenal ayaa Emirates Stadium kusoo laabtay Todobo ciyaar bilowgii sanadka, isagoo kordhiyey goolashiisa Arsenal wuxuuna Rikoorka gaarsiiyey 228 gool.

Weeraryahanka ayaa isbuucii lasoo dhaafay kusoo laabtay London ka dib markii kooxdiisa New York Red Bulls laga soo cirib tiray play-off-ka MLS Cup.

Wuxuuna daawanaayey kulankii ay Arsenal 5-2 ugu awood sheegatay kooxda Tottenham ciyaar ka dhacday garoonka Emirates Stadium.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Vialli: Juve waxay heysataa 12 ciyaaryahan oo uu ku jiro Pirlo.

Gianluca Vialli ayaa sheegay inuu Andrea Pirlo fure u yahay kooxda heysata Horyaalka Talyaaniga ee Juventus, wuxuuna ciyaaryahanku ka mid yahay kooxda caawa wajaheysa Chelsea.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ayaa ahaa mid kala wada kooxda Antonio Conte tan iyo markii uu Turin 2011dii uga soo dhaqaaqay Milan, wuxuuna Vialli rumeysan yahay in La Vecchia Signora ay heysato Pirlo oo ah ciyaaryahan dheeri ah.

“Juventus waxay u ciyaartaa sidii iyagoo heysta 12 ciyaaryahan oo uu ku jiro Pirlo. Waa qaabeeye, kubad sameeye,” ayuu sharaxaad ku bixiyey isagoo la hadlaayey Tuttosport.

Guul ay Juve caawa ka gaarto Chelsea ayaa ka dhigeysa inay xajistaan usoo bixitaankooda wareega 16ka Uefa Champions League.

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Ivanovic: Kulanka Juventus final ayuu u yahay Chelsea.

Daafaca kooxda Chelsea Branislav Ivanovic ayaa rumeysan in kulankooda caawa ay ka hor imaanayaan Chelsea uu u yahay sida ciyaar Final oo kale, iyagoo isha ku haaya inay u gudbaan wareega xiga.

Guul ay ka gaaraan kooxda heysata horyaalka Serie A ayaa ka dhigeysa Blues inay xaqiiqsato u gudbitaankooda wareega Knockout-ka, iyadoo koobkaan ku guuleysatay sanadii hore, halka ay dhibic u noqon doonto fa’iido kale.

Si kastaba, hadii guul darro soo gaarto markaas shaki ayaa geli doona booskooda wareega 16ka, iyagoona Qatar u geli doona inay ka daba maraan Juventus iyo Shakhtar Donetsk, Ivanovic ayaana qaba in kulankaan uu yahay mid muhiimadiisa leh.

Isagoo la hadlaayey Website-ka rasmiga ah ee Chelsea ka hor kulankaan ayuu yiri: “Kulanka Talaadada [Caawa] waa kulankeenii xilli ciyaareedka. Waxaan horay usoo ciyaarnay kulamo sidaan oo kale ah, sanadkaan, laakiin kani waa mid Final oo kale inoo ah. Waxay noo go’aamin kartaa wax badan, laakiin hadii aan u ciyaarno sidaas waan ognahay inaan fiicnaaneyno.

“Waan ognahay kulankaan ma khasaarin karno, dabcan.laakiin ma ahan caqliga ciyaartoyda. Waan inaan raacnaa Falsafadeena weerarka aana isku daynaa inaan guul gaarno kulankaan, sababtoo ah waxaan nahay Chelsea waana naqaanaa sida loo ciyaaro.

“Waxaan dooneynaa inaan guuleysano kulan walba aana isreebreebka u talaabno sida ugu macquulsan, waana inaan ka dhabeynaa falsafadeena.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Rummenigge: Bayern Munich wey u baahan tahay Franck Ribery.

Karl-Heinz Rummenigge ayaa qirtay inay Bayern Munich ku tiirsan tahay Franck Ribery, laakiin wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in koox walba ay leedahay ciyaaryahan fure u ah.

Bavarians ayaa lagu qasbay inay safarto iyadoo uu ka maqan yahay xidiga reer France kaasoo ku dhaawacmay kulankii Bundesliga ay ku wajaheen kooxda Nurnberg dhamaadkii isbuuca, wuxuuna dhaawac u seegayaa kulankaan.

Gudoomiyaha Bayern Munich ayaana dareensan in kooxdiisa aysan ka maarin tayada Ribery.

“Kooxdeenu waxay ku tiirsan tahay wax ka yimaada Ribery. Sida [Lionel] Messi ay ugu tiirsan tahay Barcelona, [Cristiano] Ronaldo ay wax uga sugto Real Madrid, ama [Wayne] Rooney uu wax u taro Manchester United,” ayuu Rummenigge u sheegay Bild.

“Midaas ayaa ah wado wax inoo fududeysa. Koox walba oo weyn waxay leedahay ciyaaryahan fure u ah, kaasoo ay mar walba kalsoonida ula janjeeraan.”

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa shaki weyn ku jiraa kulanka Champions League ay caawa ku wajahayaan Valencia, balse Bayern ayaa kalsooni ku qabta inuu 29 jirkaani ciyaarta kusoo bilowdo.

Ribery ayaa Bayern xilli ciyaareedkaan tartamada oo dhan u saftay 13 kulan, wuxuuna u dhaliyey afar gool.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.