25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Ciidamada DF oo looga maaro la’ yahay gabdhaha cad cad ee Marka.

Waxaa sii kordhaya dhibaatooyin maalmihii ugu dambeeyay ay ka cabanayeen shacabka deggan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.

Qaar ka mid ah shacabkaasi oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Somalia ee qabsaday magaalada ay laba jibaareen dhibkii ay ku hayeen shacabka, oo ay ka mid yihiin dhac, kufsi iyo dil.

Dhibka ugu weyn ayaa la sheegaya inuu gaarayo gabdhaha deggan magaalada oo badankood kasoo jeeda dadka cad cad, waxaana la sheegay in ciidanku ay mar walba bartilmaameedsadaan gabdhaha.

Gabdho magacooda qariyay sababa la xiriira amnigooda ayaa Caasimada Online u sheegay in xitaa ay dhib ku qabaan inay marraan waddooyinka, oo ay u taagan yihiin ciidanka dowladda, oo doonaya inay si qasab ah kula macaamilaan.

Waxaa lasoo weriyayay dhacdooyin dhowr ah oo xanuun badan, kuwaasi oo ciidamada dowladda ay xilliyo habeenkii ah gabdho badan kufsadeen, halka qaar kalena ay waddooyinkia ku qab qabsdee.

“Haddii aad tahay gabar cad oo aad joogto Marka waxaad ku sugan tahay dhib” ayay tiri mid ka mid ah gabdhihii la hadlay Caasimada Online.

Dowladda Somalia, ayaa illaa iyo hadda aan wax ka qabaneyn ciidamada Dowladda oo qaar ka mid ah dhac, dil iyo kufsi ku haya shacabka goobo badan oo ay maamulaan.

Haasaawe Haboowsan: Ma qabtaa 10ka Khuraafi ee khaladka laga aaminsanyahay..? Qalinkii M. Xaaji.

Sida sheeka xariirada waxaa jira waxyaabo badan oo aan runta raad ku lahayn balse misna aad loola dhacsanyahay dhabna la moodo marka ay timaaddo dunida shukaansiga ama haasaawahana waxaa jira kumanaan walxood oo khuraafi ah oo wax wanaagsan loo haysto balse dad badan kaba hor istaaga inay wax u shukaansadaan si wax ku ool ah oo mira dhal ah mustaqbalna uu ku dhismi karo.! hadaba imisaad ka aaminsan tahay afkaarahaas khuraafiga ah?

halkan waxaan idiinkugu haynaa 10-ka afkaarood ee wirwirka ah balse ay dadku aaminsan yihiin inay wax ka taraan helista jaal ay naftu jamato oo aad ku degto.

Khuraafiga 1-aad:- Hadii aan in badan dibadaha wareego waxaan helayaa fursad aan kula kulmi karo qumanihii ama qumantii aan qalqaalada ugu jirey.!

Mowqifka noocan ihi waa mid ay aaminsan yihiin dadka shukaansi biloowga ah ee mudada yar ku dhex jirey saaxada shukaansiga laakiin sanado yar uun kadib waxay taasi ruugtaa rajadii la qabey waayo waxaa muhim ah in qofka aad la haasaaweysaahi uu noqdo qof aad sabab jirta usoo xulatay waana inaad kaliya “haa“ tiraahdo soo jeedimaha u muuqda kuwa waxtar kuu yeelan kara.

Waxaa hadaba wanaagsan in la yareeyo dadka wax lala wadaagayo ilaa iyo intii suura gal ah, waxaana haboon inaad la hadashid hal qof oo kula quman halkii aad ku khaldami lahayd boqolaal qof oo aan kugu qaab sameeyn, waayo shukaansigu maaha ciyaar ku cayisha tira badnaanta inta qof ee aad wax la wadaagtid, waayo waxaad baadi goob ugu jirtaa jaal nolosha kula wadaaga ee muhiimadaadu maaha 100 koob oo kafee ah.

Khuraafiga 2-aad:- Gabadha ugu qurxoon uguna caqli badan ayaa marka hore la guursadaa.!

Mar kasta oo uu dhawaqani dhegeheena kusoo dhibco waxaa maskaxdeena markiiba kusoo dhaca inta gabdhood ee Alle u dhameeyey qurux, qiime, caqli iyo dadnimo ee aan laakiin weli haynin jaal ay nolosha la durduurtaan waayo markasta shukaansiga guurka ku dhamaadaa maha lucbad ama tartan uu qofka ugu dhibcaha badani abaalmarinta qaato ee waa calaf iyo nasiib.

Tusaale ahaan Marwo nolosha ku najaxdey ama soo jiidasho lihi way heli kartaa yaboohyo ama dalabyo ka badan kuwa aynigeeda laakiin in badan oo ka tirsan isma fahmaan waayo waxaa laga yaabaa inuu aad u dheer yahay liiska ay ku taxan yihiin tayooyinka ay tixgelinta siiso, taasoo laga yaabo inay adkeeyso inay gabadhaasi hesho MR Qumane oo ay qof kasta darroowdo.

Laakiin gabadha shukaansiga ugu jirta uun helitaanka qof guursada oo nolosha la wadaaga waxaa dhici karta inay markiiba hesho qof u diyaar ah guurkeeda si kastaba, geedi socodka noocaas ihina waxba kuma xiro quruxda, dabaqadda, caqliga iyo kartida qofkaasi waayo Alle wuxuu qof waliba u abuuray qof ku haboon oo ay is qaadan karaan, ha ahaado cadaan, madoow, faqri, qani, qof dheer ama mig gaaban.

Khuraafiga 3-aad:- hadii aan ka muuqan lahaa xafladaha iyo meelaha la iskugu yimaado mar horaa la i guursan lahaa.!

Maantadan la joogo majiro qof ku doodi kara in guur iyo mustaqbal ka dilaaco meelaha la iskugu yimaado iyo dhacdooyinka waaweyn (mega events) waloow ay mararka qaar dhici karto lkn maaha wax sidaa u sii ridan sababtuna waxay tahay inta badan inta xafladu socoto waxaa isku shushubta intii horay isu taqaaney xitaa hadii ay timaaddo in qof ku dhiirada barashada qof cusub wada sheekeysigoodu wuxuu iska noqdaa mid guud oo aan wax mucayin ah laga hadli karin shaki badanina ku dahaaran yahay ujeedka qofka barashada kaa dalbaya…!

Waxaa jira dad fududeyn kara in ay laba qofi isu bartaan mustaqbal dartii inta dhacdooyinkani socdaan laakiin waa inaad hubisaa heerka aad ka joogto qofka qof kale kugu xiraya iskana ogoow hadii uu qofkaasi yahay saaxiibkaaga dhabta ah, qabanqaabiye caadi ah, qof aad isla shaqeeysaan ama isku xire xirfadle ah (profesional Matchmaker).

Markasta oo uu bato xeydaabyada iyo shabakaadka aad u adeegsanaysid inaad hesho jaal aad isla jaan qaadi kartaan waxaa kordhaya fursadaada iskana jir oo ukumahaaga oo dhan ha iskugu geeynin hal dambiil..!

Khuraafiga 4-aad:- Hadii aan mudo badan ku dhex jirey saaxada shukaansiga waxay ka dhigan tahay inaan si wanaagsan u aqaano waxa aan sameeynayo.!

Marar badan baanu aragnaa ama maqalnaa qof lagu tilmaami karo khabiir dhinaca shukaansiga ah oo hadba hablaha tii wacan la wadaagi jirey wacad oo marka dambe ay ku adkaato in kasoo boxo waxa laga rajeeynayay ama u muuqda dooq digaag kasoo fooca jiho aanba laga fileynin oo markaas la is waydiiyo toloow maxaa ku dhacay qofka?.

Hadaba doobabka mudo kujirey shukaansigu waa inay u dhega nuglaadaan dhegeysiga aragtiyaha cusub ee waxgalka u noqon kara helitaanka qofka ay baadi goobka ugu jiraan iyana waa inay noqdaan kuwa holliya afkaaraha wanaagsan ee ay soo dhega dhegeeyaan balse aanay horay isku deyin dhaqan gelintooda si ay taasi aasaas ugu noqoto sahminta jiho cusub iyo bedelitaanka hadii ay jiraan wax ka khaldan qaabka ay u wajahayaan xodxodashada ama shukaansiga.

Khuraafiga 5-aad:- Hadii aynaan is fahmin maalinta 1-aad ee kulankeena qof kaas iskuma haboonin..!

Maalinta iskugu kiin horeeysa waxaa laga yaabaa inay kuusoo baxdo fikrad ah in adiga iyo qofka aad kulanteen aydnaan isku habooneyn sababtoo ah:-
1- Isku hadaf kama ihidin dhanka higsiga nolosha iyo wixii la sameeynayo mustaqbalka.
2- Waxaad ku kala duwan tihiin waxyaabo badan oo nolosha la xiriira.
3- Waxaan kaa daadegin jawiga uu ku dhacay kulankiinu, dhadhanka shakhsiyadda qofka ayaa kula xirgaxan ama muuqaalkiisa.
4- Waxaa idinku adkaatay inaad waxyaabaha qaarkood isla meel dhigtaan maxaa yeelay waad kala duwantihiin.

Laakiin ha iloobin oo maanka ku hay in aan deg degtan lagu ogaan karin inuu qofkani kugu haboon yahay iyo in kale inta badana suura gal maba aha waayo mararka qaar waqti bay qaadataa inaad si wanaagsan isugu xirantaan ama isu fahantaan adiga iyo jaalkaagu, hadii tusaale ahaan uu shaki jiro bixi fursad 2-aad iyo mid 3-aad, lamaanayaal badan ayaa maanta si farxad leh isku qaba kadib markii ay raaceen taladan.

Hadii aan si kale usii qodo waxaa jira waxyaabo ku jira maankeena iyo qaab iyo nooc aynu jecelnahay inuu noqdo qofka aan ku taameyno laakiin waxaa marar badan dhacda in qofka noocaas ihi aanu noo muuqanin isla marka ugu horeeysa ee aan la kulano qofkaasi balse in yar kadib waxaa laga yaabaa in soo jiidashada iyo tayooyinka qofkani ay noqdaan kuwa u dhisma si dabiici ah oo aad is tiraahdo Alla qofku ma sidan ayuu u macaanaaaaaa…….marka aan mar kale iraahdo ha degdegin abid ee fursad bixi, waxaa kaloo dhici karta in qofka aad sii sawiratay xitaa hadii aad hesho muuqaal ahaan in uusan noqonin mid leh tayooyinka aad u baahan tahay marka ay timaado in reer la dhoqo.

La soco qaybta kale dhowaan insha Allah………………….

Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto Koronto;. [email protected]
Gothenburg, Sweden

Soomaalida ku nool Switzerland oo si weyn u ciiday [Sawiro-Video]

Maanta oo ah Maalinta 1aad ee Munaasabada Ciidul Udxiyada ama Ciid weynaada ayaa Musliimiinta ku Nool Dalkan Switzeland waxa ay maanta u wada Ciideen si isku Mid ah.

Boqolaal Muslimiinta oo ay  Soomaalida Ku Nool dalkan Switzerland qeyb ka tahay ayaa maanta waxa ay  si weyn  ugu dabaal degay Munaasabada Ciida Carafo.

Musliimiinta Switzerland ayaa salaadii  Ciida waxa ay ku Ogeen Goobo kala gedisan inkastoo Magaalooyinka waa weyn sida Zurich,    Basel, Bern iyo Geneva ay ahaayeen Meelaha shalay sida weyn Loogu dabaal degay Musaanada Ciida Udxiyada.


 


Magaalada Zurich oo ah Magaalada ganacsiga dalka Switerland oo aan saaka  kaga qeyb galay salaadii Ciida, ayaa waxaa goobta lagu tukanayay salaada Ciida  sidoo kale waxaa goo ku sugnaa Soomaalid aad u fara Badan oo wajiyadooda laga dheehan karay farax iyo Reyn Reyn.

[youtube http://www.youtube.com/watch?v=GFZ5Vnj4d1s?list=UU8NDDY6R7XpVnQMOh_Btwuw&hl=en_US]
Qaar ka tirsan Soomaalidii Saakay ku Ciiday Magaalada Zurich ayaa iyagoo aad u Faraxsan waxa ay ka hadleen sida uu dareenlooda yahay iyagoo sidoo kale ka faa’iideestay fursad uu siiyay Radiyaha Kumiyaha si ay Ehaldooda hawada ugu salaamaan.

Munaasabada Ciida Udxiyada ama Ciida Carafo ayaa waxaa ay ka mid tahay Maalmaha Farxada oo ay leeyihiin Dadka Muslimiinta .

Cabdiqani Cali Dalmar
[email protected]
Caasimada-Zurich Switzerland 

Dhageyso Barnaamijka Ciidda iyo Maxamed Suleyman Tubeec.

Barnaamijka Ciidda ee VOA waxaa ka qeybgalay fannaaniin uu ka mid yahay boqorka codka Maxamed Suleymaan Tubeec.

Sidoo kale waxaa barnaamijka VOA ee Cidda Carafo ka qeybgalaya fannaanada Deeqa Axmed oo ku sugan Canada iyo abwaanka weyn ee Axmed Salaabeean Bidde.

Haddaba dhageysi wacan.

Dhageyso barnaamijka Ciidda ee VOA

Madaxwayne Xasan oo u duceeyay shacabka + Sawiro.

Daawo Sawirada Salaadii Ciida Madaxwaynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud uu ku tujiyay Masaajidka Isbahaysiga.

Madaxwaynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay Masaajidka.

Waxaa goob joog ka ahaa Sidoo masaajidka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Gudoomiyaha baarlamanka,Wasiiradii hore iyo mudanayaasha Baarlamanka.

 

Daawo sida looga ciiday Muqdisho.

Aqristayaal, waxaa maanta si wanaagsan looga ciiday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, haddaba halkan ka Daawo Sawirada Sida Caasimada Soomaaliya Muqdisho dadka ay ugu ciideen.

Madaxda dalka oo shacabka kula hadlay Masaajidka Isbahaysiga.

Goordhow Waxaa Saalada Ciida Shacab badan oo madaxda dowlada ay ku jirto ay ku tugteen Masaajidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho kaa oo maalmaha Ciida madaxda dowlada ay isaga bixiyaan salaada.

Madaxwaynaha dowlada soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka shacabka ugu bixiyay salaada Masaajidka isbahaysaiga maanta.

Masuuliyiintii kale ee dowlada ee ka qaybgashay tukashada Salaada waxaa kamid ahaa Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax shirdoon,Gudoomiyaha Baarlamanka soomaaliya Maxamad cismaan Jawaari iyo Masuuliyiin kale oo uu kamid yahay Madaxwaynihii hore ee soomaaliya Shariif sheekh Axmad.

Golaha Wasiirad hore iyo Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka soomaaliya ayaa xaadir ku ahaa masaajidka.

Intaa kadib Madaxwayanaha Soomaaliya oo shacabka kula hadlay Masaajidka ayaa ugu baaqay dadka soomaalida inay is cafiyaan waxaana uu ugu hambalyeeyay dhanka kale maalinta qiimaha leh.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa isaga ugu hambalyeey dadka soomaaliyeed ayaa hadana waxaa uu si gaar ah uu u amaanay ciidamada dowlada ee furumaha dagaalka ku sugan.

Maxamad Cismaan Jawaari oo ah gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya  ayaa shacabka soomaaliyeed ugu gacan haatiyay inay ka shaqeeyaa Midnimada iyo wada jirka.

Magaalada Muqdisho oo si qurux badan looga Ciidayo maanta.

Magaalada Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya ayaa saakay si wanaagasan dadka ay ugu ciidayaan iyadoo magaalada ay qariyeen dadka Ciidaya Saakay.

Wadooyinka Muhimka ah ee Muqdisho waxaa lagu arkayaa waaladiinta iyo Caruurtooda oo ku dabaaldagaya maalinta qiimaha badan ee Ciida.

dadka ayaa goordhow waxaa ay dukan doonaan Saalada Ciida iyadoo loo kala dareeray Masaajidada.

Amaanka Muqdisho waxaa Sugaya Saakay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyadoo ay jiraan mararka qaar weeraro lagu soo beegsado ciidanka.

Madaxwaynaha Dowlada ayaa marka salaada laga baxo waxaa uu ka hadli doonaa saakay Fadliga maalinta Ciida.

Dhambaal furan oo ku socda Madaxweynaha Jamhuuirada FS.

Mudane Xasan Sheekh Maxamud

Marka ugu horeysa waxaan kuugu hambalyeynayaa, xilka culus ee aad umadda Soomaaliyeed u qaadday, waxaana Alla SWT kaaga baryayaa in uu ku waafajiyo waddada saxda ah ee caddaaladda, nabadgelyada, dib u dhiska iyo horumarinta dalka oo ay malaayiin Soomaaliyeed kaa sugayaan, waxaanan dareensanahay in aysan sahal aheyn in si dhaqsi ah howlahaas oo dhami aad ku qaban karto, waxaase lagama maarmaan ah in uu jiro qorshayaal aan filayo inay kuu diyaarsan yihiin , kuwaas oo ay ugu horeeyaan sugidda amniga, dib u yagleellidda kaabayashaa dhaqaalaha iyo adeeggii bulshada oo u baahan in dib loo soo nooleeyo.

Ka hor inta aan la qaadin talaabooyin badan, waxaa manta marag ma doonto ah in aan Somalia manta ku dhaqmi kari nidaam federal ah, waxaana anigoon aan meel dheer ka raadin iiga marqaati ah in haddii shantii qof ee Soomaaliyeed ee meel isugu timaado imisa qofood ayaa laga heli karaa nin ku dhashay halka uu aabihiis ku dhashay?, imisa ayaa ummadda soomaaliyeed reer guuraa ah, imisa ayaa magaalo deggan, waxaan jeclaan lahaa in baarlamaka Soomaaliyeed uu meel cad ka istaago nidaamka federalka iyo dhaqanka foosha xun ee 4.5 , taasoo naga horistaagi karto inaan xal helno, maadaama aan sharciyeynayno xaqdaro.

Mudane Madaxweyne, si aad u dib ugu dhisto qarankii bur-buray ee Soomaaliya, waxaan ku xasuusinayaa inay lagama maarmaan tahay in aan dib u eegno halkii uu bur-burka Somalia ka bilowday isla markaana aan dib uga soo bilowno dhismaha qaranka, taasoo aan rajeynayo haddii si taxadar leh loo darso aad si fudud ku heli karto talaabadii aan dib cagaheena ugu istaagi laheen oo aan horey ugu socon laheen, iyadoo ay Alla mahaddii tahay inaan heesano hoggaamiyaal waxbartay baarlamaan 60% aqoon yahano ah, shacabkeenii oo intooda badani ilbaxnimada caalamiga la jaanqaaday iyo xiligan oo lagu jiro qarnigii 21aad intaasoo dhan waxay dadka Soomaaliyeed ee ildheer garadka ahi tuseysaa inay jirto yididiilo iyo rajo aad u weyn oo aan kaga kaban karno dhamaan bur-burkii nasoo gaaray.

Maxaa keenay burburkii Somalia?!

Marka ugu horeysa ee laga hadlayo bur-burkii ku dhacay qarankii Somalia horaantii sagaashamaadkii, waxa haboon in maanka lagu hayo waxa dhaliyey burburkan isla markaana sabab u ah inaan laga soo kaban waxyeeladaas baaxadda weyn ee galaaftay nolosha kumanaan kun oo Soomaaliyeed oo isugu jira Dumar, caruur iyo Waayeel, indheer garad iyo dhaman qeybaha bulsha weynta ay umaddani ka koobneyd. Malaayiin Soomaaliyeed ayaa barakacay bad iyo berriba waxaa daadsan meyd Somaliyed, 20 sano ka dib dhibku wuu sii kordhaayaa, rajana lagama qabo in xal loo helo musiibadan. Haddaba maxaa keenay burburka Soomaaliya?! Ayaa ila gudboon in aynu isweydiino marka hore, marka aanu isla helno jawaabta ayaa ila gudboon inaan is weydiino waa maxay xalka?

Muddo dheer oo aan daraasadaynayey asalka dhibta Somalia iyo raad raac  40kii sano ee lasoo dhaafay  ayaa waxaa ii soo baxay arimahan soo soocda:-

1- Xiriirkii caalamiga ahaa ee dowladdii M/med Siyaad Barre iyo danahii straatijadeed.
2- Dagaalkii qabowaa iyo doorka dowladaha Somalia & Ethiopia.
3- Dhamaadkii dagaalkii qaboobaa iyo saameynta uu nagu yeeshay.

1- Xiriirkii caalamiga ee dowladdii Somalia ay la laheyd dowladda Maraykanka, waxaa halbowle u ahaa danahii Maraykanka ee military base uu ka sameystay Berbera si uu uga ilaashado danihiisa uu kalahaa biyaha gulf-ka. Waxaana baddalkeeda dowladdii Somalia ay uga heli jirtay USA malaayiin Dollar oo u badan gargaar military iwm. Waxaana ay arintani dhamaatay markii uu dhacay dagaalkii gacanka oo uu Maraykanku u ruqaansaday biyaha gacanka oo aheyd halkii uu marka hore danta kalahaa ee isu kaana keenay.

2- Waxana ay sidoo kale dowladda Somalia qeyb lixaad ka qaadatay rididdii taliskii shuuciga ahaa ee ka ariminayay dalka Ethiopia, kaasoo xarumo lagaga soo duulo laga siiyey gudaha Somalia jabhado uu Maraykanku taageero. Arintaas cagsigeedana waxa xarumo Somalia lagaga soo duulo laga siiyey jabhado uu Sovietku taageero , intaas oo dhamina waxay gundhig u ahaayeen doorka ay dowladaha derisku ku lahaayeen dagaalkii qaboobaa , waxana ay arintani sabab u noqotay in labadii talis ee Ethiopia iyo Somalia ay is ridaan,
3- waxaa laga yaabaa in dad badani is weydiiyaan muxuu burburka ugu koobmay Somalia oo Ethiopia ay nabad u noqotay ? Haku daalin jawaabta arintaas meel dheerna haka raadin ee si fudud u fiiri natiijadii dagaalkii qaboobaa , waayo USA ayaa ku adkaatay dagaalkaas jabhaddii ay taageeraysana awooddii ay la wareegtay, nidaamkaasuna wuu soconayaa inta uu jiro xiriirkaas caalamiga, Somaliyana jabhaddii ugu awoodda weyney waa Tii uu M/med Faarax Caydiid waxaana uu taageero ka helayey midiwgii sovieti , midiwgii soviet na waa burburay, awoodkasta oo aad leedahayna mar haddaanu jirin xiriir caalami ee garab kuu ah wax maamul ah oo aad dhisan karto ma jiro. Waan midda keentay in maamulkii Bush uu horaantii 90ka uu 28kun oo Maraykan ah ugu diray Somalia si ay u fuliyaan barnaamij loogu magac daray rajo soo celin ee gargaarka lagu gaarsiinayo malaayiin Soomaaliyeed ee la ildarnaa gaajo iyo macluul, inkastoo dad badan lagaarsiiyey gargaarkaas haddana waxaa ku hoos qarsanaa in la tirtiro awooddii Caydiid oo ahaa ninka kaliyah ee midowga sovieti ee buburay uu taageerayey, taasoo ay Maraykanku u arkayeen in uu yahay nin la jaanqaadi kara awood kasta oo Maraykan kasoo horjeedda ee adduunka kusoo korodho.

Xiligan oo adduunyadu tahay hal awood kaliya oo dagaal kula jirta waxa loogu yeero argagixisada caalamiga, ayaa qasab ka dhigeysa in Maraykanku saameyn nagu sii yeesho, maadaama Somalia ay lugaha kula jiraan kooxo mabaa’dii islaami lagu sheego wata laakiin xaqiidii aad uga fog islaanimo ay   Dhibaato ka wadaan Somalia , waxaana lagama maarmaan in guud ahaan culumada iyo mashaaiqda Soomaaliyeed meel la isugu keeno isla markaana ay ummadda u sheegaan waxa uu Islaamka saxda ahi yahay, si aan loo helin in dadka la qaldo oo wixii la doono loo sheego, dhibaatada kaliya ee manta adiga iyo umadda Soomaaliyeed idin hortaalana waa middan diinta, waxaan kaa codsanayaa inaadan waqti siinin kuwa sida qaladan fasir uga bixinayo islaanimada. Haddii aad taa ku guuleysatanaSomalia dib ayey isu taagtay horeyna waa u soconeynaa.insha Allaah.

Abdulrahman Ahmed Shiinka

London, United Kingdom

[email protected]

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Aaway kaalinta Turkiga ee Kismaayo?‏

Kadib booqashadii uu RW Turkiga Rajab Dayib Ordogan ku yimid caasimada Muqdisho 19 Agosto 2011 waxaa isa soo tarayay kaalinta Turkiga ee Soomaaliya, kadib boqashadaas Soomaalida ku nool gudaha iyo dibadaba waxay noqotay mid ay aad ugu faanaan, Turkigana waxa uu noqday saaxiibka kaliya muslimka ah ee Soomaaliya, booqashada RW Ordogan waxay ahayd mid ku dayasho mudan islamarkaasna waxa uu kusoo wareegay qaybo farabadan oo magaalada ah isagoona soo booqday Isbitaalada iyo Kaamamka ay ku noolaayeen dadkii kasoo cararay abaaraha.

Ordogaan ayaa 20 sano kadib markii ugu horeesay waxa uu safiir usoo magacaabay Muqdisho isla maalinkaas ayuuna madaxweynihii hore KMG Shiikh Shariif ka gudoomay warqadaha aqoonsiga taasoona calaamad u ahayd walaalnimada iyo taageerada uu noo muujiyay Turkiga.

Dhanka kale 12 hay’adood oo isugu jira kuwo Dowlada Turkiga kasocda iyo kuwo kaloo gaar loo leeyahay ayaa waxay kahowl bilaabeen magaalada Muqdisho, Ordogaan ayaa sidoo kale sheegay in tabarucaad ay iska soo aruuriyeen shacabka turkiga islamarkaasna ay ugu talo galeen walaalahood dhibaateeysan ee Soomaaliya ay gaareeysay 250 milyan oo doolaar.

Turkiga sidoo kale waxa uu Muqdisho kafurtay xafiis Horumarineed kaasoo kashaqeeya horumarinta Caasimada Muqdisho iyo hay’adaha Doowlada, sidokale waxa uu bilaabay duulaamdka diyaarada TURKISH AIRLINE taasoo si toos ah duulimaadkeeda uga bilaawday Muqdisho to Stanbul.

Kumanaan arday Soomaali ah ayay doowlada Turkiga siisay waxbarasho bilaash ah oo lacag la’aan ah kuwaasoo dalbaday kuliyado iyo taqasusyo kala duwan, sidoo kale Turkiga waxa uu Muqdisho kafuray Iskuulo lagu barto luqada Turkiga iyo maadooyinka aas aasiga ah, waxaa kaloo jirtay in dhanka caafimaadka iyo nadaafada caasimadana uu gacan weyn ka gaystay waxayna fureen Isbitaal weyn oo ay ka faa’iideystaan dad aad ufarabadan una badan kuwa tabarta daran.

Turkiga waxay Soomaaliya u muujiyeen kalsooni walaaltinimo ku dheehantahay, waxay cabireen niyadooda iyo ineey doonayaan in mashaariic farabadan oo gorumarineed ay kahir galiyaan Soomaaliya sanadaha soo aadan, sida horu marinta dhanka waxbarashada, caafimaadka, dhaqalaha, waxaana intaasoo dhan kamuhiimsan ayna balanq aadeen ineey ka qayb qaadan doonaan dib udhiska ciidamada Soomaaliya.

Kaalmooyinkaas iyo mashaariicdaas aan kor kusoo xusnay kaliya waxay qayb kayihiin mashaariic farabadan oo laga fuliyay qayb yar kuna kobaan caasimada Muqdisho iyo hareeraheeda.

Muqdisho waa caasimada Soomaliya waana calosha wadanka wayna uqalantaa intaas iyo in kabadan, wayna ku mahadsanyihiin dowladaha gacanta ka gaystay gargaarida shacabka kusoo barakacay ee kasoo cararay abaaraha iyo mashaariicda ay kafuliyeen, laakiin waxaan leenahay Soomaaliya waa wadan weyn Muqdishana waa qayb yar oo kamid ah.

Dadka ka barakacay magaalo xeebeedka Kismaayo waxaa haysato dhibaato iyo nolol aad u adag, marka loo fiiriyo hay’adaha Gar gaarka oo aan ilaa iyo hada gaarin halkaas.

Hay’adaha dowliga ah iyo Turkigaba ayaa waxaa si dhaqso ah looga dalbanayaa ineey gaaraan shacabka dhibaateeysan ee isaga cararay dhibaatooyinka ka taagan Kismaayo, islamarkaasna ay yareeyaan dhibaatooyinka nololeed ee sii kordhaya maalinba maalinka kadanbeeya, si shacabka reer Kismaayo ay iyagana uhelaan nasiibkooda ku aadan doorka turkiga iyo kaalmadoodaba.

Xukunka Salaadaha Jimcaha iyo Ciidda marka ay wada kulmaan!!

Dhamaan umadaha muslimiinta waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidul Adxa oo ku beegan maanta oo Jimce ah.

Maadaama ay ku soo aaday maalin Jimco ah salaada Ciidane waa la dukanaa jimcane waa la dukanaa, waxaana dalil u ah hadalkii Sayidanaa Cuthmaan Ibnu Cafaan ee ahaa:-

انه خطب عثمان ابن عقان في يوم العيد والجمعة فقال من احب مف اهل العالية ان ينبظر الجمعة فلينتظر ومن احب ان يرجعة فاليرجع رواه مالك في الموطأ وبه قالت الجمهور العلماء.

Xadiiska Macnihisa u dhigmaya sidan:- Cuthmaan Ibnu Cafaan Allaha ka Raali Noqdee, ayaa qudbeeyay maalin ciid ah, waxa uuna yiri “Dadka meelaha fog fog ka yimid hadday jecel yihiin in ay salaada jimcada sugaan, ha sugaan, haday jecel yihiin in ay laabtaan ha iska laabtaan. Dadka loo ruqseeyayne, waa dadka meela fog fog ka soo ciideystay oo ay dhib ku tahay hadday laabtaan in ay jimco u soo laabtaan, dadkaas ayaa loo ruqseyay waana dadka ka soo ciideysanaya magaalooyinka duleedyadooda oo ay dhib ku tahay in ay u soo laabtaan magalada”.

Hadalka cuthman Ibnu Cafaan, waxaa ku qilaafay oo saxaabada ah ma jirin, hadsaba dadka muslimiinta waxaan ugu baaqa in ay dukadaan labada salad ee Jimcada iyo Ciidaba. Mahadsanidiidn

Waxaa diyaariyay Sheikh Cali Maxamed Nuur.

Weli ma aragtay Geel marqaamaya? (Daawo Video-gan, adaa yaabayee!!)

Magaalada Boorama ee gobolka Awdal ee dalka Somalia, ayaa waxaa lagu arkay dad badan ay la yaabeen hal geel ah, oo si aad ah jaadka u cunta, islamarkaana timaada goobaha qaadka lagu iibiyo, marka uu jaadka soo dhaco. Waxaa arrintaas warbixin Muuqaal ah kasoo diray weriye Cabdifatax Aam oo ka tirsan tv-ga Somali Channel.

Fadhi ku dirirka iyo faallada shacabka (Sheeko Siyaasadeed xiiso badan)

Dharaar weliba sheeggeed,

dhacdo weliba hadalkeed,

Arrin laga dhursugayaa,

Ismaan dhaafka keentee.

Waa sheekadeenii taxanaha ahayd ee araahda Dadweynaha iyo kala feker duwanaanshaha, iyadoo aan sidii caadada ahayd ku soo qaadan  doonno, asxaabtii horre iyo Rag cusub ee ka faalloon jirey arrimaha iyo wacyiga dalku hadba meesha uu marayo, bal maantana waa tane ka bogasho  wacan.

Xaaji Ducaale: Hello, Hello, Hello, Asc  war ma ninkii  Doobirbaa?

Xaaji Doobir: Haa Xaaji Ducaaloow, xaggeed joogtaan saaka, waan idinka waayey  Maqaamkeenii horre iyo maqaayaddii oo dhallinyaraa buuxdee, xageed aadeen?

Xaaji Ducaale: War miyaan laguu sheeginba? Meeshii waa lagu kala tegay, oo xitaa Booliis baa yimid, meeshii muran xooggan baa ka dhacay oo ragbaa isku daqrey, waxaana laysku maandhaafey Dowladda cusub iyo qorshaha Golaha WasiirradaDuqa Magaalada Muqdisho, iyo Arrimaha Jubbooyinka. Xaaladdu farahey ka baxdey ee halkii yarayd ee Masaajidka u dhawayd Majliskii Casariyahaan fadhiyaa aniga iyo Xaaji Duulduul oo arrinta ku soo baxaye noogu kaalay.

Xaaji Duulduul: War maxaa dhacay, bal ii warran Xaaji Ducaaloow? Sidee wax u dhaceen? Maxaase nimanka waaweyn isu geeyey?

Xaaji Ducaale: Adeeroow wax laysku dilaa meesha ma oolline, ninkii Xaaji Dirir ahaa iyo Diini ayaa muran xooggani ku dhexmaray meesha, markaasaa Xaaji Dowlad mar keliya  yidhi,  arrintu sidaa maaha Jubbooyinka Soomaali oo dhan ayaa wada degta, waana deegaan Soomaaliyeed, gobollada badankooda waa laysla degaa, deegaanka in la inkiraana ma fiicna, dabadeed wuxuu tiriyey reeraha dega: Jaleefan, Jiic, jadeer, jawdheer, jaleele, jilib, jeerin iqb, intaasiba waa degaan meelahay kala degaana waa sheegay,dee ninkii Dirir ayaaba intuu afka ka xunbeeyey mar qudha dagaal oodda kaga qaaday Xaaji Dowlad, Diinibaa isaguna xanaaqay oo Bakoorad madaxa ku bashaaqiyey Xaaji Dirir, meeshii waa laysla oogsaday, ciyaalkii ayaa mar keliya ku qeyliyey meesha fadhiyey Jubbooyinka waa laysla degaa, ninkii Xaaji Dirir ee aad ogayd dulqaadkiisa, ayaa ilaa saaka ciyaalkii iyo isagu is eryanayeen, oo kii yidhaahdaa waa laysla degaaba dhagax ayuu ku tuuraa ilaa Booliis ka yimaado oo la garbaduubey.

Xaaji Duulduul: Bismilaahi Raxmaani Raxiim, war niyaw Wallaahay waxbaa dhacay, kkk oo hadda ma waxaad i leedahay Xaaji Dirir wuxuu ka xanaaqayaa  Jubbooyinka waa laysla degaa? Waxaan beri anigoo socdaala tegay Magaalada Burco, Masaajid ayaan ku tukadey markaasaan arkay nin waalan oo ciyaalka eryanaya waxaan ku idhi: Odayaal meesha joogay maad ka celisaan? Waxay yidhaahdeen, waxba maqli maayo oo waa noocaasoo, wuxuu ka xanaaqaa waa la dhimanayaa, ninkii oo noo dhaw ayaan eraygii markaan maqlay anigoon is ogayn idhi maxaad tidhi? Waa la dhimanayaa ayuu ka xanaaqaayaa, dee intuu maqlay ayuu dhagaxii igu soo maguujey oo halkaa Salxanta igaga dhuftay oo dhiiggu butaacay, dee iminka waa halis, haddii Xaaji Dirir sidaa ku sii wado waa waalanayaa ee ma laga soo daayey Booliiska mise weli waa xidhan yahay?

Xaaji DucaaleXaaji Duulduuloow, Salxanyaha  mise Bidaarta, oo iminka bahasha miyaa la qariyaa? Waad iga qoslisay qoodhya xero. Ma xidhna Xaajigiiye, waa la soo daayey, oo markiiba Xaaji Dowlad ayaa  soo damiintey iyo Xaaji Diini, isagiina  cadhuu la maqan yahay ee waa inaan la soo hadalnaa oo u sheegnaa in Jubbooyinka la wada leeyahay, hadduu rumaysana waayana aan ugu dhaarana, illeen si kale malahane, haddaan sidaa la yeelin berri sooma bixi karo, oo ciyaalkii  ayaa magaalada ku sugaya.

Xaaji Duulduul: War maxaad tidhi aan u tagnoo u sheegno! War miyaadan ilaahay ka baqayn ma waxaad dooneysaa in sidii horre laygu daqrey inuu mar kale i daqro, intaan idhaahdo Jubbooyinka waa la wada leeyahay! War anigu odhan maayee  anigu waxaan odhanayaa Jubbooyinka, adiguna waxaad tidhaahdaa waa la wada leeyahay, adiga ha ku daqro hadduu doonayo,  laakiin bal aan sugno Xaaji Doonbir wuxuu ka yidhaahdo arrintan, ninkii Darwiish ahaana ninkaasa hadal cadde aan u yeedhno Deyr, Daruur, Damal, Daacad iyo Damac asaxaabtii oo dhan yaan loo kala hadhin.

Xaaji Doobir: Asc  war xaaladdiina iyo Caafimaadka ka warrama?

Xaajiyadoo dhan: Waa ilaahay mahaddiiye soo dhawoow Xaaji Doonbir iminkaanu afka kugu hayneye.

Xaaji Duulduul: Xaaji Ducaaloow u sheegdee sidii wax u dhaceen iyo halka xaal marayo, bal adigaa Goobjoog ahaaye.

(Xaaji ducaale ayaa u guud maray  arrintii Xaaji Doonbir)

Xaaji Doonbir: kkkkk, wallee qosol baa ka dhacay, dee haddaba yaa u sheegaya Xaaji Dirir Jubbooyinka waa la wada degaa? Anigu ninkaas xidid baan nahay kana xanaajin maayo, haddii arrinku sidaa yahayna, waa in aad u tagtaan oo sheegtaan, in waxani iska dhammaanayaan, oo Jubbooyinka iyo Soomaaliya iyo meel walba  la wada dego!

Xaaji Duulduul:Dee Xaaji Diini iyo Xaaji Dowlad wuxuu kula dagaallamay illeen nagama jeclee, hadduu nala dagaallamo ka warran?

Xaaji Deyr: Asc war saw nabad maaha? Dee waan maqlay waxa dhacaye, waase adduunyo iyo xaalkeede nimankii ma lagu baxay ? mise weli waa taagan tahay?

Xaaji Duul duul: Wcs, waa la fiican yahay dhibna ma jiro intaad ogtahay uunbaa dhacday, balse, waxaa la waayey ninkii Xaaji Dirir ku odhan lahaa waad geftey, waadna dagaallantay , nimankii saaxiibbadaana qaladbaad ka gashay, kaftankuna inuu heerkaas gaadho maaha, Xaaji Dirir waa in xaal laga qaadaa oo loo sheegaa in Jubbooyinka la wada degan yahay, dalka oo dhanna la wada deganyahay, balse, yaa u sheegayaa meesha taal? Illeen Xaaji Dirir waa soo jeestaye!

Sheekadii oo halkaa maraysa, ayaa waxaa soo galay Odayadii kale ee la sugayey  si wada jiraa laysu salaamay, xogtiina laysugu sheegay iyo sida wax u jiraan, qosol iyo jareexo ka dib waxaa go’aan lagu gaadhay in  Xaaji Dirir loo tago.

Xaaji Daacad: Nimanyahow, maahmaah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Nin magaalo ka dudoow siigo yare” waxaan ula jeedaa Xaaji Dirir waa nin cidla ka xanaaqey, meel heblaayo waa la wada leeyahay  ceeb maaha oo waddanka oo dhan ayaa la wada leeyahay, waddanka reer gaar ah, iyo beel gooniya ma lahee Soomaalibaa leh nin walbaa halkuu doono ayuu degi karaa,  balse  deegaamaada ayaa loo kala badan yahay, waxaasina wax rag waaweyn ku hadlaan maahee, Xaajiga Maraddaa ka dhacdaye waa inuu xaal gole jooga bixiyaa, nimankuu la dagaallamey ee intey ka roonaadeen soo damiintey weliba, waxaasoo kalena waa ceeb, Odaygii wax dhiqi lahaa  hadduu isagii wax dhimaale geysanayo, dadkan yaw maqan?

Xaaji Damac: War heedheh  dalka waa la wada leeyahay, lahayne, dalka  saw nin weliba ma garanahayo meesha uu degan yahay iyo deegaankiisa, ma cid baa ka xoogahaysa, haddee 20kii sano ee la waalnaa wixii la kala qabsadaa hadda laysu celinahayaa ayaanba maqlahayee, wax cusub ayaa la kala boobahayaa ma sugahayn, Xaaji Dirirna sheekadii afka hadduu gacan u bedelay qoodh iyo xero maraddaa ka dhacdaye, Jubbooyinka waa la wada leeyahay anigaa u sheegahaya, ee ii geeya “Run iyo Ilkoba waa la caddeeyaa” “Hadal aan run laga sheegaynna waa ragaaddaaye” ninkaas ha loo sheego in Jubbooyinka la wada leeyahay.

Xaaji Darwiish: Nimanyahoow hadalka yaan laysa saarin, Xaaji Dirir Jubbooyinka waxba kama geline, Jubbooyinkaas arrintoodu Dowladda Soomaaliya ayay u taalla iyo dadka taladeeda ka go’dee, ninka isaga dhib ayaa gaadhay oo sidaan maqlayo waa daqran yahay, mase dillaacin, isaguna foolxumo ayuu sameeyey, ee arrinta  Odayaasha aan galno, ninka waa inaan ku dhahnaa u dhaqan si dabacna, haddii kale, Wallaahay waa halki “Cigaale waddo ayuu inagu furi doonaa halaq mareena” dagaal sokeeye ayuu ninku billaabay ee waa in  laynaga qabtaa!

Waxaa laysku raacay in loo tago Xaaji dirir, sheekaduna waa madlantahay oo weli guux baa jira waxii lagala kulmi doono Xaaji Dirir oo isaguna cid dirsaday oo Odayaashii markey la hadleen odayaal kale oo xigaalkiisa ah guriga ku diyaarsaday la soco qaybta danbe .

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

[email protected]

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Siilaanyo oo hambalyada ciida diray.

(Warsaxaafadeed)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ku hadlaaya magaciisa, magaca golayaasha kala duwan ee qaran, iyo guud ahaanba magaca shacbiga Somaliland, meel kastay joogaan wuxuu hambalyo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland  oo ku hadlaaya magaciisa, magaca golayaasha kala duwan ee qaran, iyo guud ahaanba magaca shacbiga Somaliland, meel kastay joogaan wuxuu hambalyo iyo boogaadin ku saabsan munaasibada islaamigaa ee weyn, ee Ciidal Axda u diraya hambalyo guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana shacabka reer Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu illaahay ka rajeeyey in malaayiinka islaamka ah ee taagan yoomal carafa ducadooda inoo aqbalo,  illaahayna wada jirkooda iyo nabadoodaba uu  kor u qaado .

Shacabka Somaliland-na sanadkan kiisa kale ay ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan, Qeybti 3-aad)

Qeybti 4-aad. Qeybihi hore halkan ka arag 1-aad   2-aad  3-aad.

Laakiin berri maxaad ku gaadhi sow adigan bestaa ah ee dhimasho ku dhow? Dhimasho? Ma naag baa loo dhintaa? Waar isla yaab! Haddaa sow adigan sakaraadka ah ee wada gariiraya? Sowkanwadnahaagii in uu qarxo ku dhow? Adiga oo waxaas oo biyo ah cabbay haddana sow adigan candhuuf aad dhuunto ku engegan ku qoysid afkaaga ka waayey? Malaha naag ma aha ee waxa sidaa kuu gelayaa waa sheydaan? Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Naagaha baas maskaxdaada ka saar oo wax kale ka feker. Haa, wax kale ka feker, aakhiro a feker, iyo cadaabta iyo jannada. Alla cadaabtu kululaa, Ilaahow naga najee! Alla jannadu liibaan badanaa, Ilaahow noogu deeq!

Laakiin haddii adeegtadaba iska daysid oo Siraad qudheeda u gashid maxaa dhici lahaa? Iyaduna miyey kugu qaylin lahayd? Malaha kugama ay qayliseen? Ninkeedu inta uu soo hoydo iyo inta uu dhaxaa way is-la’eg yihiine maxay kuugu qaylinaysaa? Waxaa laga yaabaa sida aad ugu baahan tahay in ay kuugu baahan tahay oo ku soo dhoweyn lahayd.

Berigii aad shaqadan bilawday sidii ay u ahayd miskiinad iyo maanta sida ay u dhaqantaa waa laba kala fog. Waa wax lala yaabo in uu qof bani aadam ahi sidaas isu beddelo! Waa tii ay diintu sheegtay oo maalku waa fidno. Fakhriga qudhiisu waa fidno kale; bal waxa caawa ku haysta fiiri! Barashadii diinta ee aad u bilawdayna diidday in ay sii waddo. Ma iyadaaba diin barasho u soo jeedda bad kale ayey ku jirtaaye. Yeelkeede haddii caawa Alle iskiin bado wallee waxayna ku qayliseen: ”Aaa! Waa halkaas meesha aan diinta Ilaahay ka baran waayay!”.

Haddii ay kugu qaylin weydo jidhkii aad aragtay ayaad deeq u heli lahayd. Ma liibaan taa ka weyn baa jirta? Jaariyadda xun ma hubtid laakiin waad hubtaa Siraad in aad ku bogsan lahayd. Bogsasho? Oo miyaad bugtaa? Maxaa ku haya, ma oofwareen mise daacuun? Waxaa ku haya balaayada jiif iyo joog kuu diidday.

Imika labadooda mid uun ma tijaabin kartaa? Haddii ay kugu qayliso waa maxay waxa ugu daran ee dhici karaa? Fadeexad; wadaad fadeexadoobay oo reerkii uu raatubta u akhriyi jiray waardiyahana u ahaa kufsaday. Ka dibna? Ka dayuuska ah ee qabaa armuu ku dilaa? Oo inta uu ku dilayo maxaa ku dhigaya haddii ay talo dhabaqdo maad baxsatid? Haa, haddii ay wax hagaagaan hagaage, haddii kale magaaladaas Ilaahay kaga dhuumo. Miyuu ku heli karaa? Ab iyo isir toona kuuma yaqaane sidee buu kuu heli karaa? Sinaba. Laakiin waa maxay waxan aad ku fekeraysaa? Miyaad waalatay? Sow adigan habeen keliya sheydaan isu rogay? Kitaab Qur’aan ahna gacanta ayaad ku haysaa! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! .

Sidii aad xaaladdaas ugu jirtay ayey goor dambe noqotay, laba iyo tobankii iyo dheeraad. Nalka aad hoos fadhido ee aad wax ku akhrisatid mooyee beerta inta kale waa mugdi. Degganaanta iyo aamuska ayaa ka daran oo caleenta geed ka soo dhacda waa la maqlayaa. Si aadan marnaba filayn ayaad aragtay nalkii kijada oo la daaray. Kijadu qolalka guriga iyada ayaa ugu sokaysa oo halka aad fadhidid waxay u jirtaa ilaa shan iyo toban tallaabo, laakiin daaqaddu dhan kale ayey u jeeddaa, sidaa darteed qofka nalka daaray ma arki kartid, waadse hubtaa in aan guriga cid aan Siraad iyo adeegtada ahayni joogin. Waa labadii mid uun.

Ta ay doonta ha ahaato ee bal ka warran haddii ay soo baxdo, oo kuu timaado, oo ku tidhaahdo: ”Waan gam’i waayey ee kaalay i weheli?” I weheli?! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Balaayo ku wehelisay!……….LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).

Luis Nani oo sheegay inuusan ogeyn inuu sii joogayo Man United iyo in kale.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Manchester United Luis Nani ayaan fikir ka heysan hadii uu kooxda kusii nagaanayo iyo hadii kale – wuxuuna sheegay in Allah uu ka warhaayo halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka soo aadan.

Ciyaaryahanka reer Portugal ayaan saameyn buuxda sanadaan ku yeelan kooxda, wuxuuna keliya ku bilawday shan kulan 12 kulan oo ay ciyaartay kooxdiisa United.

Waxaa lala xiriirinayaa kooxda ka dhisan Talyaaniga ee Juventus balse wuxuu sheegay inuusan ka war heyn halka uu yaalo mustaqbalkiisu.

“Keliya Allah [Waa Allah uu isugu rumeysan yahay] ayaa og halka uu mustaqbalkeygu yaalo,” ayuu u sheegay majalada The Sun.

“Xaaladeydu aad ayey u wanaagsan tahay — jir ahaan wax fiican ayaan dareemayaa.

“Waan hubaa inaan ahay Nani-gii hore.”

Nani ayaa kasoo baxay kursiga keydka isagoo qeybtii labaad bedelay Shinji Kagawa kulankii talaadada ay kooxdiisu 3-2 ku garaacday Sporting Braga ee Champions League.

25 jirkaan ayaa United kusoo biiray lix sano ka hor markaasoo lagu soo iibsaday aduun dhan 14 milyan oo ginni waxaana ku adkaatay inuu helo booskiisa ka dib markii ay kooxda kusoo biireen ciyaartoy cusub.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Costacurta oo sheegay inuu soo dhaweynayo hadii loogu yeero inuu macalin u noqdo Milan.

Daafacii weynaa ee kooxda AC Milan Alessandro Costacurta ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu tababare u noqdo kooxdiisii hore ee Rossoneri.

Daafacii hore ee Milan ayaa lala xiriirinayaa inuuy shaqada ka bedeli doono Massimiliano Allegri, wuxuuna qirtay inuu soo dhaweyno hadii ay wdahadal kooxdu la gasho. Laakiin wuxuu ku xiray inuu macalinka haatan ee kooxda koob u qaado.

“Milan iima wicin,” ayuu u sheegay Sky Sport Italia. “Hadii ay I wacaan? Wey cadahay inaan dhahaayo haa.

“Xaqiiqdii rajo ayaan ka qabaa inaan maalin uun macalin u noqdo, laakiin waa keliya hadii uu Allegri ku guuleysto Serie A ama Champions League.”

Kooxda ka dhisan San Siro ayaa la daalaa dhaceysa xilli ciyaareed xun, iyagoo ku guul darreystay lix kulan 11 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Inter Milan oo dooneysa inay si dhaqso ah kusoo qaadato xidiga reer Brazil Paulinho.

Inter Milan ayaa dooneysa inay soo qaadato ciyaaryahanka reer Brazil ee kooxda Corinthians Paulinho, kaasoo la sheegayo inay qiimo ku dhow 15 ilaa 20 milyan oo ginni kusoo iibsan doonto.

Nerazzurri ayaa sii qaadeysa wadadeeda ay ku raadsaneyso qadka dhexe, waxayna heshiis is afgarad ah la gaartay kooxda ciyaaryahanka ayeyna dooneysay inay kusoo qaadato 8 milyan oo ginni inta uusan go’aan ku gaarin inuu sii joogo Brazil.

Waxaa lasoo werinayaa inuu warkaani yahay keliya in labada koox ay wada xajoodeen, laakiin Inter ayaa rumeysay iyadoo sheegay inay si dhaqso ah kusoo qaadan doonto xidigaan.

Paulinho ayaa waxaa ku bixi kara marka loo fiirsho qiimaha ugu sareeya 20 milyan oo ginni, taasoo la filaayo inay noqoto lacagta uu kusoo caga dhigto San Siro Stadium.

24 jirkaan sidoo kale waxaa doonaya Chelsea, Real Madrid, PSG iyo Arsenal

“Inter ayaa iisoo dirtay dalab rasmi ah, taas waad ogtahay. Codsi ayaan usoo jeediyey ka dib waxaan go’aan ku gaaray inaan joogo Brazil. Laakiin inaan hada wadahadal kula jiro Chelsea, waxba kama jiraan,” Paulinho ayaa sidaasi u sheegay Foot365.

“Waan ku qanacsanahay Corinthians, ilaa iyo waqtigaan. Sidoo kale, waxaan ku leeyahay asxaab aan doonayo inaan kala qeyb galo koobka aduunka. Waana midaas sababtu. Waxaan diirada saarayaa inaan si wanaagsan u ciyaaro.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Anzhi Makhachkala oo dooneysa inay iibsato Weyne Rooney.

Anzhi Makhachkala ayaa dooneysa inay dalab u dirto ciyaaryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney, sida laga soo xigtay agaasimaha kooxda Roberto Carlos.

Anzhi ayaa dalabkeeda ciyaartoyda ugu waa weyn Yurub wuxuu noqday mid iska caadi ah ka dib markii ay lasoo saxiixdeen Samuel Eto’o bishii August ee sanadii hore.

Wuxuu Carlos u sheegay Sky Sports News in Taajirka u dhashay dalka Ruushka ee iska leh kooxda Suleyman Kerimov, uu sii  wadan doono guulihiisa uu kusoo kaxeysanaayo ciyaartoy waa weyn – sida inuu soo dhaqaajiyo Rooney.

“Maxaa diidaya? Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, koox walbana waa ay dooneysaa inuu u ciyaaro,” ayuu yiri.

“Weli waa ciyaaryahan da’ yar. Dabcan ma dhihi karo xilliga, iyo hadii ay dhaceyso inaan la soo wareegeyno.

Keliya ma ahan Anzhi kooxaha doonaya. Waxaa jira kooxo kale oo ka ciyaara Italy iyo Spain, iyo dhamaam caalamka, kuwaas oo jecel ciyaaryahan Rooney oo kale ah.

“Qofkaan [Kerimov] waxa uu awoodaa inuu sameeyo wax walba. Hadii milkiilaha Anzhi uu doonayo inuu qof soo iibsado, waa uu u dhaqaaqaa waana uu soo iibsadaa.

“Laakiin waxaan isku dayaynaa inaan bedelno muuqaalka kooxda. Kaliya ma ahan mid lacag ku dhisan. Dabcan waxaan dooneynaa inaan la soo wareegno ciyaaryahano fiican kaliya ma ahan ciyaaryahano heer caalami laakiin sidoo kale ciyaaryahano fiican oo Russia ah kuwaasoo aan aheyn kuwa qaali ah.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Caasimada Online oo idin leh Ciid Wanaagsan Akhristeyaal.

Ciid Wanaagsan !! dhamaan aqriteyaasheena sharafta iyo qiimiga naga mudanoow, maamulka iyo shaqaalaha Caasimada Online wuxuu idinkugu hambalyeynayaa maalinta barkeysan ee Ciid Al-adxa.

Waxaan idiin rajeyneynaa inaad ciidaan ciideeda kale ku ciidaan bash bash iyo baraare.

Hadii aan nahay Shaqaalaha iyo Maamulka Caasimada Online waxaan idin leenahay “Ciida, Ciida, Ciida. Waa ciid wanaagsane ciida dhamaan soomaaliyey dhamaan inta islaamka ahoow nabad ku ciida.”