25.6 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Dib u dhiska & horumarinta dal ay dagaaladu aafeeyeen ? “Ficil facaa baa ku bara’’ (Qormo cajiib ah)

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Nuxurka Aragtida/Dooda.

Waxaan Rabaa inaan aqristayaasha la wadaago mowduucaan aan u arko in uu mihiim u yahay in ay fahmaan dhamaan dadka soomaalida ah anigoo mowduucaan kusoo qaadan doono 1- Tusaalooyin dalal aduunyada ku yaal oo dagaalo sokeeye aay ragaadiyen hada ka baxay oo dalkooda dib-u-dhis iyo horumar gaarsiiyay sida Angola, Algeria, Rwanda oo ku yaal qaarada Africa oo ah qaaradii dagaalka, faqriga, mugdiga iyo gaajada.

Sidoo kale waxaan ku dari doonaa dalalka kale ee U-S-A iyo Greek oo ku kala yaal qaarada Europe & America. 2- Waxaan isku dayi doonaa inaan tooshka ku ifiyo dhinacyada laga dhisi karo sidoo kalana laga horumarin karo dalalku marka ay dagaalada kasoo baxaan ? & Ugu dambeyn in hogaanku muhiim u yahay dib-u-dhiska iyo horumarinta dalalkaa ?

Dagaaladu iyo qilaafaadku waxeey qeyb ka yihiin taariikhda iyo nolosha aadanaha oo dhan oo hadii aad si fiican u eegto qisaska quraanku ka waramayo waxaad arkeeysaa in Nabi Aadam C.S labadiisii wiil u dagaalameen iskuna dileen qilaaf dartiis ilaa manta ayaa dagaaladu iyo qilaafaadku ka socdaan Syria iyo meelo kale oo aduunyadu ku yaal.Waxaa jira dalal badan oo dagaalamay hadana fahmay in midnimadu iyo wada noolaashuhu tahay mid muhiim ah sidoo kalana lagama maarmaan u ah jiritaankooda, falsafada noloshooda, dhaqankooda, diintooda iyo in ay kasii mid ahaadaan aduunyada waxaa qilaafaad iyo dagaalo ka dhaceen dalalka Angola , Algeria Rwanda iyo Kuwo kale oo aan soo koobi doono taariikhda dagaaladaa iyo meesha ay ka taagan yihiin aduunyada manta balse waxaa sababa dagaalada badankood sad bursasho dhaqaale ama qeyraad oo dadka qaarkii sameeyaan sidoo kale cadaalad darro, ku xad gudubka caqiido, aqoonsi, dhaqan iyo diin.

1}Dagaalkii sokeeye ee Angola

Dagaalki sokeeye ee Angola wuxuu biloowday kadib inyar xurnimadii Angola 1975 wuxuuna ahaa dagaalada sokeeye kii ugu dheeraa ee ka dhaca Africa oo socday mudu dhan 27sanadood. Dagaalkaan oo ka dhexeeyay labbo urur ee MPLA iyo UNITA oo dalkaa ka jiray oo xurnimada dalkaa usoo halgamay ayaa wuxuu salka ku hayay xukunka iyo qeyraadka dalka sidoo kale culimada ka hadasha siyaasada iyo arrimaha bulshada waxeey yiraahdaan in Angola ay garoon kubada cagta lagu ciyaaro u aheyd fikradihii kala duwanaa iyo ururadii kala duwanaa ee aduunyada markaa ugu quwada weeynaa ee NATO IYO WARSAW iyo sidoo kale dalka Portugal oo gumeystay Angola balse dadka Angola ay kaliya dhaxleen dil, dhac , baaba’ iyo Qasaare balse toban sanno kadib Angola waxeey ka dhismeeysaa dhanka amniga, dhaqaalaha, diblomaasiyada iyo Aqoonta oo waxeey ka mid tahay Angola dalalka soo koraya ee Africa ku yaal sidoo kalana dhoofiya.

2}Dagaalkii sokeeye ee Algeria

Waxuu ahaa dagaal u dhexeeyay kooxo islaamiyiin mucaarad iyo dowlada Algeria wuxuu biloowday sanadkii 1991 oo badanaa dalalka Africa ku jireen ama galayeen mucaaradnimo iyo dagaalo sokeeye sida sierraleone, Liberia, itoobiya balse dagaalkan Algeria wuxuu kaga duwanaa dagaalada kale ee Africa waxuu ahaa mid ku saleysan diin iyo caqiido inkastoo hadana dadka Algeria badankoodu yihiin dad muslimiin ah ilaa 99% hadana dagaalkuu wuxuu galaaftay dad la’eg 150; 000 ilaa 20; 000 iyo sidoo kale dhaqaale iyo qeyraad badan balse dadka Algeria waa ay ka baxeen dagaalkaa sokeeye waxeeyna raadiyeen dawadoodii kadibna waa ay is dabiibeen oo maantana waxeey ka mid yihiin dalalka dhoofiya shidaalka ee la isku yiraahdo Organization of Petroleum Exporting Countries sidoo kalana xaga aqoonta iyo horumarka bulshada waxeey ka mid yihiin dalalka uu aad usoo koraayo.

3} Dagaalkii sokeeye ee Rwanda

Wuxuu dagaalkaa u dhexeeyay dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Juvénal Habyarimana iyo mucaaradkii dalkaa ka jiray ee Rwandan Patriotic front wuxuuna salka ku hayay in la qeybsado awooda iyo qeyraadka dalka wuxuu joogsaday kadib markii lagu heshiiyay magaalada caruusha ee dalka Tanzania. Waxaa sidoo kale dagaalku uu sal u ahaa xiisado ka dhexeeyay labbo qowmiyadood oo dagan dalkaa oo kala ahaa Hutu iyo Tutsi oo ugu dambeyntii noqday dagaal ka dhexeeyay labadaa qowmiyadood. Rwanda waxaa ka dhacay xasuuq balaaran oo ka dhacay dalkaa waxaana jiray gacmo shisheeye oo lug ku lahaa dagaalkaa, xasuuqa iyo dhibaatada ka dhalatay dalkaa.Ugu dambeyntii waxaa soo afjaray dagaalkaa guushi RPF ee uu hormuudka u ahaa hogaamiyaha iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo lagu sheege in uu Rwanda ka dhigay dal horay u socda sheekadooduna u noqotay dalalka kale ee Africa in ay ku daydaan Rwanda oo gaartay horumar dhan walba si la mid ah dalaka kale ee sierra Leone iyo Liberia.

Africa oo kaliya ma aha aduunyada meelaha ay dagaaladu ka dhaceen balse waxaa jira dalal kale oo dagaaladu ka dhaceen sida:

> Dagaalkii Sokeeye ee USA

Wuxuu socday dagaalka mudu afar sanadood aheyd 1861-1865 oo u dhexeeyay dadka u dagan dalkaa wuxuuna ka dhashay kadib markii koox ka ka kala timid gobalo ka mid ah dalkaa USA ay ku dhawaaqeen in ay si gooni ah uga go’een dalka mareykanka kadib dowladii waqtigaa jirtay ee madaxweyne Abraham Lincoln uu madaxda ka ahaa waxeey goaansatay in ay la dagaalanto ilaa gooni u goosatkii laga adkaaday oo ay aqbaleen midnimada, wadajirka iyo dowladnimada maraykanka. Maanta waxaa la dhihi karaa in USA tahay hormuudka dunida haba iska jiraan dhaliilo badan balse waxeey hormuud u yihiin dhamaan horumarka ka jira aduunka dhan walba.

> Dagaalkii sokeeye ee Greece { 1946-1949 }

Dagaalkan ka dhacay Greece wuxuu u dhexeeyay dowlada gariiga oo ay caawinayeen sidoo kalane garabtaagnaayeen dowladaha USA iyo Ingriiska iyo Urur la dhihi jiray Xisbigii shuuciyada ee gariga Greece communist party { GCP} oo ay garabtaagnaayeen pulgaria, yoguslavia iyo Albania dagaalkaa ayaa socday wajigiisii hore snadahii 1942-1944 hadana sidoo kale 1946-1949kii waxuuna dhaliyay qasaare iyo bur bur badan. Waxaa la yiraahdaa waxeey aheyd loolan u dhexeeyay NATO IYO WARSAW oo ka biloowday gariiga sidoo kale waxaa jiray heshiisyo iyo isku dayo in la isku keeno oo ay wada noolaadaan neeftoodana is ogolaato. Gariiga oo ah dal khadiimi ah ayaa dagaalo ka dhaceen si la mid ah dalalka kale ayey ayagana ka baxeen hormuudna u noqdeen dhisida iyo horumarinta midowga yurub.

* Sidee dib loo Horumarinkaraa dibna loogu dhisi karaa dalalku dagaaladu ka dhaceen ?

Dagaaladu kadib in dib loo dhiso lana horumariyo waa marxalad aad u adag oo dhib badan sidoo kalana leh caqabado iyo godad fara badan oo celin kara hor joogsan karana in horay loo socdo oo meesha la hiigsanayo la gaaro sidoo kale ma howl yara mana sahlana in lasoo dhiso dal ay dagaalo, qilaafaad, Isfaham la’aan, is aaminaad la’aan iyo midnimo daro ka dhacday waxeey u baahan tahay waqti badan in la geliyo sidoo kale in maskax, dhaqaale iyo howl weyn la geliyo ayey u baahan tahay. Dalka soomaaliya mushkilado badan ayaa horyaal in dib ku dhis iyo horumarin laga hadlo, la qorsheeyo, lana hergeliyo waxaana ka mid ah qodobada soo socda ee u baahan in la fahmo in qasaare mooyee ayaan faa’ido keeneyn sida Qabyaalada, Cadaalad darada, Jahliga iyo qodobo kale oo aad u badan.

Lix dhinac ayaa la dhihi karaa waa ay ka horumari karaan kana dhismi karaan dalalka dagaaladu ka dhaceen oo kala ah:-

1} Dhisida Nabada iyo amniga {Peace & Security Building}

Nabada iyo amniga waxa ay aas aas iyo har u yihiin jiritaanka soo noqoshada, soo bidhaamida iyo soo dhisanka dal dagaaladu aafeeyeen. Dowlad kaliya ma soo celin karto nabad iyo amaan balse waxey u baahan tahay in bulshadana ka qeyb qaataan dhisida nabada iyo amniga si midnimo iyo jaceyl ku jirto waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in heya’daha nabada iyo amniga la xoojiyo sida saldhigyada booliska, ciidamada booliska iyo sidoo kale in laga shaqeeyo maxkamadaha iyo heya’daha cadaalada. Nin qubar ah oo ka hadla waxna ka qora culuunta dhisida nabada & xalinta khilaafaadka oo la yiraahdo John Galtung ayaa waxa ku taliyaa in nabada ku soo noqon karto laguna dhisi karo dhowr sheey oo ay ka mid yihiin hub ka dhigista maleeyshiyaadka, dhaqan celinta dadkii ama dhalinyaradi ka qeyb qaadatay dagaalada iyo bulshada ay ku noolaayeen, in bulshadu wada hadasho iyo in la horumariyo bulshada rayidka ah.

2} Horumarinta waxbarashada

Horumarinta waxbarashadu waxey muhiim u tahay dal dagaalada ka soo baxay oo muddo badan ka oodnaa horumarka iyo koboca tacliinta aduunku gaaray mudadii uu dalkaa mugdigu ku jiray oo dhan. Dalka soomaaliya xaga waxbarashada waxuu u baahan yahay in la mideeyo manhajka waxbarasho iyo in sidoo kale la sooceliyo qawaaniintii iyo sharciyadii wazaarada waxbarashada waxaa kale oo intaa dheer in oo muhiim ah la xoojiyo tayada waxbarashada jaamacadaha iyo la xadido jaamacada soo badanaya oo u ekaanaya ganacsi iyo qaab NGO aha ama qaab qabiileed waxaana ka wanaagsan meeshii magaalo yar ey lahaan laheyd dhowr jaamacadood oon aan tayo laheyn in ay yeelato machadyo tababaro iyo shahaadooyin micne leh bixiyo.

3}Horumarinta Dhaqaalaha .

Hadii nabad la helo waxaa sahlan in la horumariyo dhaqaalaha dal sidoo kale in la uruuriyo macluumaad iyo in la sameeyo daraasadooyin la xiriira ajandayaasha ganacsiga, waxsoosaarka, siyaasada, tamarta, kaabe yaasha dhaqaalaha iyo hogaamiyeyaasha bulshadu goaan waxtar iyo qiime leh ka gaaraan. Waxaa sidoo kale loo baahan karaa qorsheyaal iyo farsamooyin lagu horumariyo dhaqaalaha iyo hanaanka maaliyadeed ee dal sida soomaaliya oo kale ah waxaana muhiim ah in bangiga dhexe ee dalka la xoojiyo awoodna loo siiyo in uu noqdo bangiga bunuugta oo dhan iyo sidoo kale in la sameeyo dhamaan noocyada iyo qeybaha kala duwan ee lacagta shilin somaliga ah Waxaana muhiim ah in si xikmadeysan loo soo dhaweeyo maalgelinta iyo shirakaadka caalamiga ah ee aduunka ka jira.

4} Horumarinta Caafimaadka

Waxuu sidoo kale door weyn ka ciyaara in guul laga keeno dib u dhiska iyo qorshaha horumarineed ee la rabo wuxuuna mudan yahay in goleyaal iyo qubaro aqoon iyo waayo aragnimo dheer u leh loo xilsaaro si baaritaano iyo hergelin adeegyo caafimaad oo tayo leh uga hergeliyaan dhamaan dalka oo idil.

5} Arimaha Bulshada

Dhanka soomaaliya Dhibaatooyinka bulshada ee mudan in laga hadlo waxaa ugu waaweyn Qaadka, Qabyaalada, Tahriibka,Furiinka iyo kuwo kale oo badan oo u baahan in si cilmiyeysan wax looga yiraahdo iyo in wax laga qabto dhanka bulshada iyo sidoo kale dhanka maamulka dowladeed waxaa sidoo kale jiri kara dhibaatooyin kale oo badan balse intaas aan kor ku sheegnay ayaa ugu waaweyn sidoo kalana mudan in gacmo mid ah ay wax ka qabtaan. Waxaa intaas dheer arrimaha deegaanka oo ayagana mudan in wax laga qabto tusaale ahaan jarida dhirta IWM.

6} Arrimaha Diinta

Sida aadanaha oo idil uu ugu baahan yahay in uu u neefsado ama hawo qaato sidaa si la mid ah ayey diintuna muhiim ugu tahay jiritaanka, soo dhistanka iyo horumar ay bulshadu gaarto. Kaliya ma aha in bulshada laga dhiso dhinacyada horumarineed ee dhaqaalaha, aqoonta iyo wixii la hal maala balse Diintu waxeey jirid u tahay ay ka koraan waxyaabahaa kaaba horumarinta bulsho iyo mid dowladeed intaba . Waxaa kale oo maanka iyo madaxa in lagu haayo mudan in aduunyadu iyo joogitaankeedu tahay inyar balse ay jirto aakhiro oo in loo sad qaato mudan.

> Doorka Hogaamiyaha Wanaagsani & Horumarka ?

Hogaaminta ayaa lagu qeexaa siyaabo kala duwan waxaa sidoo kale lagu macneeyaa siyaabo kala duwan balse hogaamintu Waa hilin, soo jiidasho, hogaaminta waxeey ka dhex dhacdaa koox yar mid weyn ama dal, sidoo kale hogaamintu waxeey la xiriirtaa sidii loo gaari lahaa yoolka. Hogaamintu waa amaano waa masuuliyad adag waa balanqaad mustaqbalka la iskula xisaabtami doono.

Hogaamiyaha wanaagsani waxuu qeyb muhiim ah ku leeyahay horumarinta iyo dhisida dal sidoo kale hogaamintu waa awood lagu odoroso mustaqbalka, dababdeedna lagu soo bandhigo wadadii la qaadi lahaa si loo gaaro mustaqbalkaa. Hogaamiyaha in uu keeno guul iyo rayn rayn waxeey waxeey u baahan tahay waqti badan oo mudan in la sugo. Hogaamiyaha wanaagsani waxuu furre u yahay dalka iyo dadka in ay guuleystaan halka hogaamiyaha xumina marin habaabiyo ummada iyo danahooda.

Si soomaaliya uga baxdo waxii ay soo martay waxeey u baahan tahay hogaamiye leh shantaan tayo ee soo socota waxaana wanaagsan in laga fiiriyo hogaanka cusub ee soomaaliyeed Xasan sh. Maxamuud dhamaan lixdaan tayo iyo kuwo kaleba:-

1} Hiraal {Vision}
Hiraalku waa qodob u aasaas ah hogaamiyaha waxuuna sheegaa meesha uu u wado umada uu hogaanka u yahay iyo dhamaan hanaanka iyo tabta loo baahan yahay in lagu gaaro yoolkaa.

2} Awood & Xamaasad

Sidoo kale Awooda uu go’aan ku gaari karo wax ku diidi karo kuna ogolaan karo waa in uu lahaadaa hogaamiyaha taa oo ku xiran heerka aqooneed iyo waayo aragnimo ee uu hogaamiyahu leeyahay. Hogaamiyaha xamaasadeeysan wuxuu niyad geliyaa shacabka waxna waa laga qaban howlaha hor yaal hadii uu adeegsado xamaasad iyo awood intaba.

3} Dareen fiican u leh dadka uu hogaamiyo

Waa Qasab in hogaamiyuhu dareen iyo dadnimo fiican u yeeshaa dadka uu hogaamiyo oo dantiisa shaqsiga ah ka hor mariyaa tan dadka uu hogaamiyo sidoo kale waa in uu si wanaagsan u yaqaan dadka oo uu ka ilaaliyo waxyaabaha dhibi kara sida nin jecleysiga iyo masuqmaasuqa.

4} Degenaan & Kalsooni

Waa in uu yahay qof dagan oo si qoto dheer ula socda aduunka ku xeeran iyo xiriirka ka dhexeeya isaga iyo dadyoowga kale. Sidoo kale Kalsoonida waxeey abuurtaa wadooyin lagu xalin karo dhibaatooyinka soo booda iyo in hogaamiyaha la adeeco amaradiisa.

5} Sharaf & Firfircooni

Sharaftu waxeey kor u qaadaa in hogaamiyaha noqdo mid la adeeco hadaladiisa iyo amaradiisana loo hogaansamo sidoo kale hogaamiyaha leh firfircooni wuxuu si karti iyo maskax furnaan ku jirto uga soo baxaa howlaha loo igmaday oo idil tusaale ahaan Raisulwasaarihii hore ee dalka Malaysia Dr- Mahathir oo dhamaan Laga heli karo qodobadaan wuxuu ahaa hogaamiye burji leh sidoo kale firfircoon, deggen, sharaf iyo kalsoonina leh.

Gabogabo
Waxaan rabaa in aan ku soo gabogabeeyo Maahmaah soomaaliyeed oo qadiimi ah oo micne weyn ku fadhida fahamkeeduna faa’ido ugu jirto shaqsi walba oo soomaali ah. Maahmaahdu waa ereyo yar oo isku xiran oo kooban oo micne weyn ku fadhiya badanaa waxeey kasoo burqadaan maskax caafimaad qabta oo waayo badan usoo joogtay Maahmaahdan oo ka mid ah dhaqankii soo jireenka ahaa ee soomalida oo dhan lahaayeen ayaa leh : “ Ragii hore waxeey ka irimin jireen sadex waxyaabood”

1} Wixii tagay ka haridii 2} Waxa jooga ka hadalkii & 3} Waxa soo socda ka haloogsigii.

W/Q: Ahmed Mohamed Rooble
Waa arday jaamacadeed, Qoraa & Cilmi bare Madaxbanaan.

Hogaamiye Kooxeed la sheegay inuu ka curtay Sh/dhexe gummaadna ka wado Balcad? (Eedeyn + Video).

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa lagu eedeeyay inuu wax u eg hogaamiye kooxeednimo cusub uu ka wado degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, isag aoo si gaar ah u bartilmaameedsanaya beesha degta halkaasi.

Beesha Degta Degmada Balcad ee Mataan Cabdulle, ayaa soo saartay bayaan ay eedeyn kulu dusha uga tuurta Mr. Jiinow.

Nuqul ka mid ah bayaankaasi oo lasoo gaarsiiyay Caasimada Online, ayaa u qornaa sidan:-

“Hogaamiye Kooxeed Cabdi Jiinoow, waxa uu dhowaan kusoo biiray masraxa dhiig cabista iyo gumaadka shacbiga Soomaaliyeed, waxaana uu saldhig ka dhigtay gobolka Shabeelaha Dhexe, oo ina adeerkiis ay isku beesha yihiin Ex-Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed uu si sharci darro ah ugu magacaabay guddoomiyaha gobolkaas.

Cabdi Jiinow, kama soo jeedo gobolkaas, dadkiisuna ma degaan, hase yeeshee waxaa Shariif uu halkaasi maamul ugu dhigay inuu xasuuqo dadka nabadda jecel ee halkaas ku nool, xoolahoodana boobo.

Cabdi Jiinoow, waxa uu dhowaan billaabay inuu si gaar ah bartilmaameed uga dhigto dadka degan degmada Balcad ee gobolka, isaga oo dul keenay ciidan xoogan, oo wixii xummaan ah oo ay ka gaaraan ka wada magaalada.

Hogaamiye Kooxed Cabdi Jiinoow, waxa uu billaabay inuu lacag baad ah ka qaato dadka deegaanka isaga oo adeegsanay magaca Canshuur.

Waxa uu xarrig ku billaabay odayaashii deegaankaa, ayada oo dhacdadii ugu naxdinta badneyd ee lasoo weriyay ayay ahayd inuu xiray oday 85 jir ah, oo xabsi ku hoyanaya iminka.

Waxaa jiray odayaal ka qeyliyay falkiisa wuxuushnimada oo isku dayay inay warbaahinta la hadlaan ayagana xabsi ayuu ku shubay.

Ciidankiisu qofkii ay doonaan ayay xabadda cabsiiyaan, ayada oo amar ka qaadanay isaga, waxaana la sheegay in dad dhowr ah oo deganaa magaalada ay dileen

Dagaal Ooge Cabdi Jiinow, ma jiro cid kala hadashay burcadnimadiisa iyo xasuuqa iyo tuugnimada uu ka wado degmada Balcad, laga billaabo beesha uu kasoo jeedo ee Harti Abgaal illaa dowladda Somalia, oo ayada aanba ka war heyn waxa shacabkeeda ku dhacaya.

Hogaamiye Kooxeed Jiinow waxa uu  ka faa’iideysanayaa xilliga kala guurka ah iyo is-beddelka labada dowladood ee Dowladdii Shariif Axmed iyo tan cusub, sidaa darteedna uu ka gaarsiinayo wixii burcadnimo ah ee uu ka gaaro, inta xil ku sheega uu ina-adeernimada ku siiyay Shariif Axmed laga qaadin.

Beesha Mataan Cabdulle ee degta degmada Balcad, waxa ay ka digeysaa in haddii aan si deg deg ah wax looga qaban Tuug Cabdi Jiinow ay tallaabo qaadi doonto, wixii cawaaqib ah ee ka dhashana ay qaadan doonto beesha uu kasoo jeedo, maadaama aysan isku dayeyn inay wax ka qabato”

Si kastaba nooma suurta galin inaan wax jawaab ah ka helno Cabdi Jiinoow, si uu uga hadlo eedeymaha culus ee loo soo jeediyay.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale cabasho ka dhan ah Jiinow muujiyay xubnaha beesha Mataan Cabdulle ee degan magaalada London ee dalka UK, halkan ka daawo.

Weyne Rooney oo kabtan u noqon doona xulkiisa kulanka: Engaland vs San Marino.

Wayne Rooney ayaa kabtan u noqon doona xulkiisa marka uu jimcada isreebreebka koobka aduunaka wajahayo xulka San Marino ciyaar ka dhaceysa garoonka Wembley, sida ay xaqiijiyeen xiriirka kubada cagta Ingiriiska.

Xidiga Manchester United ayaa hugaamin doona Three Lions oo ay ka maqan yihiin kabtan Steven Gerrard oo ganaaxan ka dib markii uu casaan qaatay kulankii Ukraine iyo Frank Lampard kaasoo laga hubinaayo dhaawac jilibka ah ka dib gushii ay Chelsea sabtidii ka gaartay kooxda Norwich.

Sedax sano ayaa kasoo wareegtay markii uu Rooney xulkiisa horkacay ciyaar ay caasimada dalka Qadar ee Doha bishii November 2009kii ay kula ciyaarayeen xulka Brazil, markaasoo England la huwiyey guul darro 1-0 ah.

Weli xilli ciyaareedkaan cusub wax gool ah uma dhalin Manchester United laakiin waxaa lagu amaanay bandhig ciyaareedkiisa wanaagsan ka iyo markii uu dhaawac lugta ah soo gaaray kulankii Fulhan, isagoona laba gool caawiye ka ahaa kulankii ay United 3-0 ku dubatay Newcastle axadii.

Madaxwaynaha oo soo guryo noqday.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo noqday dalka ka dib markii maalmihii la soo dhaafay uu joogay dalka Uganda.

Xildhibaano,Wasiiro iyo Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa garoonka kasoo galbiyay Madaxwayne Xasan iyagoo u galbiyay Aqalka Madaxtooyada.

Xasan Sheekh ayaa waxaa uu guhada Airporka Aadan Cade uu kula hadlay Warbaahinta waxaana uu Warbixin kooban uu ka siyay Safarkiisa Uganda.

Madaxwaynaha ayaa waxyaabihii uu soo hadal qaaday waxaa kamid ahaa inuu Jawi wanaagsan ku Soo dhamaadeen kulamadii uu la qaatay Madaxwaynayaal iyo Siyaasiyiin kaas oo ka dhacay Kampala.

Waxaa uu ku nuux nuuxsaday in la taageeray Hanaanka Dalka Soomaaliya uu laguha la galay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ahaa Madaxwaynayaashii lagu martiqaaday Maalinta Xuska Sanad guuradii 50 aad ee ka soo wareegatay Markii Dowlada Uganda Xuriyadeedii heshay.

Ciidamada DFS oo sabab yaab leh dad rayid ah ugu dilay Muqdisho.

W/Q: Ifrah Mohamud Wehliye

Askar ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa maalita labaad waxaa ay dil ugu gaysteen Magaalada Muqdisho dad rayid ah

Risaas ay fureen Sadax Askari oo ciidamada Dowlada ayaa waxaa ay sababtay Dhimashada Sadax qof iyo Dhaawaca labo kale oo dhamaantoodba ahaa shacab.

Ciidamada ayaa gaari dad rayid ay saarnayeen ku risaasadeeyay Isgoyska banaadir waxaana Xiligaas uu ku sii jeeday Degmada Afgooye.

Sababta ay risaasta ugu fureen gaariga ayaa waxaa la sheegay inay ka dambaysay in horay gaariga uu u sii qaado lakiin uu ka madax adeegay wadaha gaariga maxaa yeelaya gaariga oo buuxay xiligaas.

Dhaawacyad ka dhashay risaasta ay fureen ciidanka Dowlada ayaa waxaa la dhigay Cisbitaalka Madiina halka iyagana ay goobta ka baxsdeen.

Shalay ayay ahayd Markii Askari dowlada uu qof dumar ah uu ku dilay degmada Hodan.

Vidic oo la sheegay in aanu ku biiri doonin midkoodna kooxaha Barcelona ama Juventus.

Nemanja Vidic ayaa ka tegeyn kooxdiisa Manchester United, sida laga soo xigtay wakiilkiisa.

30 jirkaan kabtanka u ah kooxda United, ayaa kasoo kabsanaaya dhaawac kasoo gaaray jilibka isagoo aan ciyaari doonin shan kulan oo hada ka dambeysa.

Wuxuusanadii hore kubilowday keliya 16 kulan tartamada oo dhan iyadoo uu ku dhibaatonaayey dhaawaca jilibka ah.

Wakiilka Vidic, Silvano Martina ayaa laga soo xigtay: “Vidic ma cayaarayo waqtigaaan sababtoo ah wuxuu kasoo kabsanayaa qaliin.

“Wuxuu ka fakarayaa sidii uu kusoo kabsan lahaa ee kama fakaraayo wax quseeya in la iibiyo.

Wakiilka ayaana sidoo kale sheegay inuusan Vidic wax dalab ah ka helin midkood Juventsu ama Barcelona.

“Vidic inta badan waa mid ka mid ah qeybaha sare ee kooxda mana jiraan wax dalabyo ah ee uu ka helay Juventus ama Barcelona.”

Arsenal oo dooneysa inay midkood soo xero geliso Llorente, Lopez ama Stevan Jovetic.

Arsene Wenger ayaa markaan suuqa u geli doona bedelkii  Robin van Persie wuxuuna mar kale alaabka u garaaci doonaa kooxo ay ka gadoodsan yihiin weeraryahano tayo leh.

Tababaraha Arsenal ayaa si joogta ah maanka ugu haaya inuu Janaayo suuqa ka doonto weeraryahan buuxiya booskii uu Man Utd uga biiray ninka reer Holland.

Waxaana jeebka Wenger ku  jira 35 milyan oo ginni oo uu ku doonto weeraryahan ka ciyaara bartamaha weerarka.

In kastoo uu sanadaan lasoo wareegay Olivier Giroud hadana uma muuqan mid baahi tiray weerarka Arsenal, tiiyoo uu weeraryahanka reer France ka dhaliyey keliya hal gool Premier League.

Waxaa uu horaanba calaamadeytay weeraryahanka Atletico Madrid Adrian Lopez, iyadoo ay soo daawadeen indha-indheeyeyaal ka socda Gunners.

Weeraryahanka Athletic Bilbao Fernando Llorente ayaa ah xidig uu qiimeynaayo Wenger. Iyadoo uu qandaraaskiisu dhacaayo dhamaadka xilli ciyaareedka, taas macnaheeda ayaa ah in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain uu diyaar u noqdo inuu ka tago kooxdiisa.

Qorshaha kale ayaa ah weeraryahanka laga daba dhacay ee Fiorentina Stevan Jovetic kasoo 12 bilood ka hor diirada u saarnaa Arsenal , halka ay kooxda ka dhisan London horay usoo daawatay weeraryahanka Palermo  Abel Hernandez.

Si talaadadii laga soo xigtay Sportsmail, Gunners ayaa sidoo kale dooneya saxiixa garabka Crystal Palace Wilfried Zaha – 19 jirkaan ayaana ka ciyaari kara weerarka dhexe.

Falcao oo madaxiisa la dul dhigay 48 milyan oo ginni iyadoo Man City iyo Chelsea ay doonayaan.

Radamel Falcao ayaa loo ogolaan doonaa inuu ka tago kooxdiisa Atletico Madrid hadii ay Manchester City ama Chelsea midkood bixiso qiimaha lagu doonayo oo ah 48 milyan oo ginni, sida laga soo xigtay madaxweynaha kooxda reer Spain.

Macalinka kooxda City Roberto Mancini ayaa isbuucaan u duulay Spain si uu usoo daawado weeraryahanka. Wuxuuna ninka reer Italy soo arkay weeraryahanka u dhashay dalka Colombia oo dhalinaya goolkiisii sideedaad ee xilli ciyareedkan uu ka dhaliyo La Liga xilli ay kooxdiisu 2-1 ku garaacday kooxda Malaga.

Falcao oo 36 gool dhaliyey sanadii hore ayaan muran ku jirin inuu daneynaayo inu u baqoolo koox weyn, iyadoo ay si diiran sidoo kale isha ugu hayaan kooxaha ugu waa weyn Yurub.

Laakiin 48 milyan oo ginni ayaa madaxiisa la dul dhigay iyadoo kooxda heysta Horyaalka Ingiriiska ee Man City iyo kooxda heysata Horyaalka Yurub ee Chelsea ay doonayaa inay uso dhaqaajiyaan Barclays Premier League.

Agaasimaha guud ee Atletico Gil Marin  ayaa laga soo xigtay: “

Agaasimaha kooxda Atletico Gil Marin ayaa yiri: “48 milyan oo ginni oo aan ku helno Falcao waxa ay xalineysaa dhamaan dhibaatada dhaqaale ee nagu heysata Atletico.

“Waxaan dhihi karaa hubaashiise, inuu nala sii joogi doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Xitaa dhamaan ciyaartoyda uu tababaraha doonayo ayaa nala soo joogi doona.”

 

 

AC Milan oo dooneysa inay Janaayo lasoo wareegto daafaca Chelsea Ashley Cole.

AC Milan ayaa isku diyaarineysa inay Chelsea ka dhaadhiciso inay kala wareegto bisha Janaayo daafaca bidix ee xulka England Ashley Cole.

31 jirkaan ayuu xagaaga ka dhacayaa qandaraaskiisa galbeedka London waxaana lasoo werinayaa in kooxda heysata Horyaalka Yurub ay dooneyso in daaficii hore ee Arsenal ay usoo bandhigto hal sano oo qandaraas kordhin ah, taasoo laga yaabo inuu Cole ka maago.

Milan ayaa si heer xun ku bilaabatay Horyaalka Italian Serie A, waxayna baahi u qabtaa daafac bidixeed iyadoo dooneysa inay horaanta Janaayo keensato Cole, kaasoo xor noqonaaya June-ta soo aadan.

19 jirka Mattia De Sciglio, ayaa inta badan loo dooranaayey daafaca bidix, tiiyoo tababare Massimiliano Allegri uu door bido kulamada Champions League Luca Antonini.

Cole ayaa Chelsea lix sano ka hor uga soo biiray kooxda ay xafiiltamaan ee Gunners, laakin xidiga daacada u ah kooxda Stamford Bridge oo xulkiisa u safanaaya kulankiisii 99aad ciyaarta San Marino ee Jimcada ayaa lasoo werinayaa inuusan hagaagsaneyn sii joogitaankiisa Blues.

 

Robin van Persie oo laga yaabo inuusan xulkiisa Holland u ciyaarin kulanka Andorra + Sababta

Tababaraha xulka Netherlands Louis van Gaal ayaa qirtay inuu Robin van Persie ka door bidaayo Klaas-Jan Huntelaar kulanka isreebreebka koobka aduuna ay la ciyaarayaan xulka Andorra.

Xulka Holland ayaa talaadada Andorrans kula ciyaari doona De Kuip Stadion, wuxuuna tababarihiin hore ee Bayern Munich inuu isticmaalayo weeraryahanka Schalke intii uu door bidi lahaa xidiga Manchester United.

“Waxaan rajo ka qabnaa inaan liinaayada ku dhex jirno inta badan, ciyaaraha sidaan oo kale ah waa inaad u rajeysaa inuu ciyaari doona Klaas-Jan,” ayuu Van Gaal u sheegay shabakada Goal.com

“Waan garanayaa weerar ahaan [Van Persie] wuxuuna xaqiiqo ahaan inta badan aadaa boosas kale.”

Hollandayaa la ciyaari doonta Andorra, iyadoo kulanka xiga talaada wajahaya xulka Romania.

DF “Waan qabsaneynaa Buurhakaba”

Maamulka Dowlada Soomaaliya ugu Magacaaban degmada Buurhakabo ee gobolka Baay ayaa ka hadlay Dagaalka Ciidamada Huwanta ay ku rabaan qabsashada degmadaas.

Guddoomiyaha Dowladda ee Magaalada Buurhakabo Cali Cabdi Cali Garuun oo la hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan Degmadaasi.

Cali Cabdi Cali ayaa sheegay in Degmada Buurhakabo ee Gobalka Baay ciidanka ay ujiraan 8-Km sida uu sheegayna saacadaha soo socda ay rajeynayaan inay gudaha ugalaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadii ay gudaha ugalaan Magaalada Buurhakabo ee Gobalka Baay ay ku dadaalayaan xaqiijinta ammaanka Magaaladaasi.

Wuxuu tilmaamay in marka ay gudaha u galaan Magaalada tallaabada ugu horeysa ee ay qaadayaan ay tahay xaqiijinta ammaanka Magaaladaasi si nabadgalyada aysan gacanta dowladda ugu bixin.

Ciidamada Huwanta ah ayaa Wali waxaa ay ku suganyihiin deegaano duleedka ka ah Degmada Buurhakabo saacad walbana dagaal ayaa la filan karaa.

Wiil iyo Aabehii oo Somali ah oo laga ugaarsanayo Mareykanka + Sababta.

Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI, ayaa baadi goob ugu jirta aabe iyo wiilkiisa Soomaliyeed, oo ku eedeysay inay daroogo iyo khaat iibinayeen.

Waxa kale oo loo heystaa inay si sharci darro ah u kaashi jireen jeegagta, oo muddadii ay howshaas wadeen ay ku kacday  lacag 6 milyan oo dollar dhan.

Waxa ay goob ganacsi ay ku lahaayeen koonfurta magaalada Louisville ee gobolka Kentucky.

Cabdalla Xaji Sufi iyo wiilkiisa Maxamed Xaaji Suufi oo Somalia ka yimid, ayaa seegay ballantii ay maxkamadda ku lahaayeen bishii June.

Labadaas qof ayaan dhaaya la saarin tan iyo bartamihii May, waxaana FBI-du ay ku calaamadeysay inay yihiin “Baxsad”.

Wakiil ka tirsan FBI-da oo lagu magacaabo Andrew Philipps ayaa sheegay in daroogada ay ku iibin jireen dukaankooda Hana Store, halkaasi oo la rumeysan yahay in gacansigooda muddadii uu dukaanka furnaa uu ku kacay 6 milyan oo dollar.

Philipps ayaa sheegay inaysan wiilkaas iyo aabihiis Soomaaliga ah heysan wax shati ah oo u saamaxaya inay kaashaan jeegagta.

Si kastaba Cabdalla iyo Maxamed Xaaji Suufi, ayaan illaa iyo hadda meel lagu sheegin, hase yeeshee dad qoyskooda ku dhow ayaa u sheega booliiska inay bishii May u safreen dalka Canada, lamana oga haddii ay weli halkaas joogaan amay inay kaga sii gudbeen meelo kale.

Beel degta Kismaayo oo diiday in 4.5 lagu qeybiyo maamulka magaalada.

Mid ka mid ah beelaha dega magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo, hab qeybsiga maamulka magaalada oo sida ay sheegtay la doonayo in lagu saleeyo 4.5.

Beesha Cooramle, ayaa kadib shir ay yeelatay Caasimada Online usoo dirtay dhambaal cabasho ah, oo ay ku muujineyso inay kasoo horjeedo qorshe ay sheegtay inay wadaan qaar ka mid ah xidlhibaanada kasoo jeedo gobolka ee ku jira baarlamanka Somalia, oo ah in 4.5 lagu wadaago maamulka magaalada.

Si kastaba Caasimada Online weli ma aysan maqal mana heyso wax war ah oo ku saabsan in maamul 4.5 ku dhisan loo sameynayo magaalada Kismaayo.

Hase yeeshee beesha Cooramle, ayaa ku warrantay in qorshaha ceynkaasi ay ayada ka war heyso, maadaama ay siyaasadda gobolka aad ula socoto.

Sababaha ay ku diiday nidaamka 4.5 ayay ku sheegtay in xittaa iminka aysan wax xubin ah ku lahayn dowladda iyo Baarlamanka Somalia, oo lagu qeybiyay 4.5, sidaa darteedna aysan mar kale nidaamkaas ka sugeynin wax caddaalad ah.

Waxa ay ugu dambeyn ku baaqday in dhammaan beelaha wada dega gobolka ay isugu yimaadaan kullan ay si gaar ah uga wada hadlayaan sidii maamul lagu mideysan yahay loogu sameyn lahaa magaalada iyo guud ahaan gobolka.

Warbixin: Dagaalada Somalia waxa ay badiyeen dadka waalan.

Saamaynta dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ay yeesheen waxa ka mid ah kororka dadka qaada xanuunka maskaxda ku dhaca. (Halkan ka dhageyso warbixin ku saabsan xaaladda xanuunka dhimirka ee Muqdisho).

Dhinaca kale, Ku-dhowaad 450 milyan oo qof ayaa qaba cudurrada maskaxda in ka badan saddex meeloodna waxay ku nool yihiin waddammada soo koraya.

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka, WHO, siddeed ka mid ah tobankii qof ee kasta dadka ku nool waddammada soo koraya ma helaan wax daaweyn ah haba yaraatee.

Qaar badan oo dadkaas ka mid ah waa kuwo ka badbaaday xanuunnada la isqaadsiiyo, masiibooyin dabiici ah iyo dagaal.

Dalka Afqanistaan, qoysaska badankooda waxaa ka dhintay qof ama ka badan muddo 30 sano sano ah oo dalkaas dagaallo ka socdeen.

Waxaana lagu qiyaasay in kala bar dadka reer Afqanistaan ee da’doodu ka weyn tahay 15 jir ay qabaan xanuunnada maskaxda sida murugo, walbahaar ama xanuun laga qaado dhibaatooyin dadka ku dhaca kaddib.

Dibadda caasimadda dalka ee Kabul kama jiro hab daryeel caafimaad ee cudurrada maskaxda.

Dayac

Afqanitaan keliya ma ahan, kudhowaad kala bar dadweynaha adduunka waxay ku nool yihiin meel, celcelis ahaan, laga helo hal qof oo cudurrada maskaxda daweeya ama wax ka yar si loogu adeego 200, 000 oo qof.

Waxaa jirta lacag aad u yar si loo maalgeliyo hay’adaha caafimaadka maskaxda ee waddammada dhakhligoodu hooseeyo ama meel dhexaadka yahay, kuwaas oo xanuunnada maskaxdu ay yihiin kuwa ugu dayaca badan jirrooyinka faraha badan ee aan waxba laga qaban.

Waddammo badan oo dhakhligoodu hooseeyo waxay leeyihiin wax ka yar hal dhakhtar oo ku takhasusay cudurrada maskaxda oo ku soo aadaya halkii milyan ee qofba, sida ay sheegtay WHO.

Dalka Nigeria, afar meelood bukaanka lagu qaabbilo goobaha caafimaadka maskaxda waxay qabaan astaamo murogo aad u weyn haddana in yar ayaa daawo la ogaadaa isla markaana hal qof oo keliya ayaa lixdii qofba wax daaweyn ah hela.

Waddan kasta dhibaatooyin u gaar ah ayuu leeyahay.

Dalka Itoobiya, sababaha keena xanuunnada maskaxda waxaa ugu weyn ninka iyo xaaskiisa oo isdagaala, taas oo la rumaysan yahay inay ka dhacdo saddex meelood oo labo qoysaska reer guuraaga ah.

Dhinaca kale, dadka ku nool Haiti waxay la tacaalayaan sidii ay uga soo kaban lahaayeen burburkii dhulgariirkii sanadkii 2010kii dalkaas ka dhacay oo ay ku dhinteen dad ka badan 300,000 kun oo qof, ayna ku dhaawacmeen in kabadan 300,000 kun, ayna ku gurya beeleen hal miyan iyo lix boqol kun oo qof. Kudhowaad dadka jasiiraddaas ku nool oo dhan way saameysay. Dabayaaqadii isla sanadkaas daacuun ka dillaacay dalkaas waxaa ku dhintay lix kun oo qof oo kale.

Bishii May ee sanadkan 2012, wasiirrada caafimaadka ee waddammada xubnaha ka ah golaha caafimaadka adduunka waxay isku raaceen qaraar ku saabsan caafimaadka maskaxda, iyagoo ballan qaaday in la horumariyo wacyi gelin ballaaran ee arrimaha caafimaadka maskaxda lana hagaajiyo heerarka daryeelka caafimaadka adduunka.

Gargaar soconaya

wax qabad caalami ah ee cudurrada maskaxda ayaa hadda la dejinayaa.

Dowladda Canada waxay sheegtay inay bixin doonto kudhowaad 20 milyan oo dollar si loo taageero 15 mashruuc oo cusub oo loogu tala galay in lagu horumariyo ogaanshaha cudurrada maskaxda iyo daryeelka waddammada soo koraya.

Isha: BBC

Muqdisho: Askari ka tirsan Dowladda oo qof dumar ah ku dilay meel cunto laga qeybinayay, kadibna…….!

Askari ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa qof rayid ah waxaa uu maanta ku dilay Xaafada Soonikey ee Degmada Hodan.

Degmada Hodan ayaa waxaa maanta dad rayid ah oo dhibaataysan waxaa loogu qaybinayay Cuno gar gaar ah waxaana ay damac ka gashay cunadaas Askarta Dowlada.

Askari goobta Cunadada dadkaan loogu qaybinayay joogay ayaa waxaa uu risaas ku faray dadkaas waxaana ay sababtay risaastaas dhimashada Haweenay goobtaas joogtay.

Marka uu dilka gaystay Askariga ayuu goobta ka baxsaday Mana jirin Askari kale oo isku dayay inuu gacanta ku soo dhigo Ninkaas Qofka haweenka dilay.

Dilalka Noocaan oo kale ayaa  ku sii badanayay Mudooyinka Muqdisho oo ciidanka Dowlada Si bareer ah dadka ugu  dilaan cid xaqooda u dhicisana aysan jirin.

Ciidamada Raaskambooni oo la wareegay Qaybo badan oo ka tirsan kismaayo iyo Dowlada oo ka carootay.

Cabsi Dagaal ayaa laga dareemayaa inay ka jirto Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose kaa oo dhexmara Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Jabhada Raaskambooni.

Jabhada Raaskambooni ayaa la sheegay inay damacsantahay in Kismaayo qayb ay ka qabsato maamulkeedana la wareegto.

Dad ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa saakay Shabakada Caasimada u sheegay in Jabhada Raaskambooni ay isku balaarisay qaybaha ugu badan ee Kismaayo iyadoo dowlada Ciidankeeda ay meelo kooban ka joogaan Kismaayo.

Sarakiil ka tirsan Dowlada ayaa ku eedeeyay Raaskambooni inay rabaan in Amaanka Magaalada Kismaayo liin ku dhiijiyaan.

Xildhibaano ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku dhaliilsanyihiin in Jabhad ay ka bar bar dagaasho kulana dagaasha in maamul loo dhiibo.

Xog hoose ayaa sheegaysa In Ururka Raaskambooni  qaybta ay magaalada Kamaamulaan iyaga ay kala wareegaan Dowlada taas oo keeni kara dagaal Sokeeye.

 

Madaxweyne Xasan Shiikhow aaway calankeeni bulugga? (Arag Sawirkan)

Wax badan oran meyno, hase yeeshee waxaan halkan ku qoreynaa qoraal yar oo xambaarsan micno weyn. Ma nihin mucaarad Dowladda Somalia iyo Madaxweyne Xasan Sheikh intaba. Marka aan saas leenahay waxaan ula jeednaa, waxaa jir dad wixii la qoraba u arka ama ka eega dhinaca xun.

Si kastaba, bal arag sawirkan hoose ee kullanka Madaxweyne Xasan Sheikh iyo madaxweyne Kibakiga Kenya. Waxaa goobta ka muuqda calanka Kenya oo kaliya waxaana ka maqan kii Somalia. Ujeedka ayaa ah in dadka madaxwyenaha u qaabilsan dhinaca nidaamka ay ka feejignaadaan arrimahan oo kale.

Waxaa intan inaga keenay jaceylka aan u qabno calankeena, oo markii aan weynay xoogaa dhiiga ina kacay. Mahadsanidiin.

Bacary Sagna: Waan farax sanahay maadaama aan soo laabtay, mar ayaanse murgooday.

Daafaca midig ee kooxda Arsenal Bacary Sagna ayaa sheegay inay la yaab ku noqotayu inuu soo bogsaday ka dib markii uu kasoo muuqday kulan ay ciyaarayeen ciyaartoyda 21 jirada ka hooseeya ee kooxdiisa.

29 jirkaan ayaa lugta ka jabay markiisii labaad isagoona 12 bilood aan garoomada cag soo dhigin ka dib markii bareelo lagu qaaday kulankii ay kooxdiisu bishii May 2011 wajahday kooxda Norwich. Daafacaan ayaana sugaayey waqti uun inuu dhaawiciisa kasoo bogsoodo.

“La yaab ayey igu noqotay inaan soo laabto, waxaan sugaayey ilaa iyo waqtigaan shan bilood,” ayuu Sagna u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxdiisa Arsenal.

“Tani waxay aheyd mid diiradu ii saarneyd: inaan soo laabto aana ciyaaro, markii iigu horeysay kooxda ka yar 21 jirada. Wax wakba si fiican ayey u dheceen guul ayaana gaarnay, sidaas darteed aad ayaan u farax sanahay.

“Si adag ayaan run ahaantii usoo shaqeeyey. Waqtiyada qaar waxaan joogay xarunta baxnaaninta, ka dibna waan soo laabtay run ahaantii si adag.

“Markii aad mar jabot jab weyn, waad kasoo bogsaneysaa, laakiin laba mar wey adag tahay. Maskax ahaan waa murgoonaayey, laakiin maalintii xigtay tartan ayaan diyaar u ahaa. Markaasoo aan si xoogan usoo kabsaday maantna si wanaagsan ayaan u farax sanahay.”

 

Arsenal, Liverpool iyo Man City oo isku heysta xidig 19 jir ah oo u ciyaara Crystal Palace.

Kooxaha ka ciyaara horyaalka Barclays Premier League Liverpool iyi Manchester City ayaa hugaanka u haaya loolanka loogu jiro da’yarka garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Wilfried Zaha, sida ay ogaatay shabakada Goal.com.

Kooxaha ugu waa weyn horyaalka England ayaa diiwaan gashaday 19 jirkaan tayada leh waxayna sugayaan inay usoo bandhigaan xiisahoodu ku aadan.

Arsenal ayaa sidoo kale dooneysa inay u xaluulato xidiga ka mid ah Under-21 xulka Ingiriiska, laakiin sida ay ogaatay Goal.com kooxda Gunners ayaa xidigaan u tixgelineysa miisaaniyad yar maadaama ay kasoo kexeysaneyso koox ka ciyaarta horyaalka hoose.

Zaha ayaa fure u ahaa kooxdiisa tan iyo markii uu  17 jirsaday wuxuuna ku hugaamiyey afar guul oo isku xigta, isagoona dhaliyey min laba gool labadiisii ciyaarood ee u dambeysay.

Arsenal ayaa xidigaan u aragta bedelka xidiga gadoodka ah ee Theo Walcott, halka Liverpool ay dooneyso inay ku dhisto baahideeda mustaqbalka weerarka Fog, Sky Blue ayaana ah koox uu saameynku yeeshay kuraygaani.

Palace, ayaana laga yaabaa inay madaxiisa dul dhigto aduun dhan 12.5 milyan oo euro, maadaama uu yahay xidig wax tar miiran ah.

Sidee loo baaraa Dhiigga Dhalmada Ama DNA? (wax ka ogow)

DNA Profiling, DNA Testing, DNA Typing, Genetic Fingerprinting Waa hal baaritaan oo dhawr magac leh.

Baaritaankaan aadka u sarreeya oo ay adeegsadaan culumada ku takhasusay climiga dambibaarista (Forensic Scientists) waxaa looga gol leeyahay in lagu ogaado qofka DNA-diisa u goonida ah maadaama qeyb ka mid ah DNA-da uu eebbe qof waliba u gooni yeelay.

Baaritaanka Aabanimada iyo Hooyanimada (Paternal & Maternal Testing)
Baaritaankaan ayaa waxii ka sii farcama qeyb lagu ogaanayo xiriirka ka dhaxeyn kara laba qof oo waalid isku ah.

Baaritaanka haddii la baarayo aabaha cunuga waxaa loo yaqaannaa (Paternal Test) hooyadane waxaa loo yaqaannaa (Maternal Test).
Fikradda baaritaanka waa in la is barbar dhigo labada DNA ee la baarayo kadibna laga soo saaro mid DNA-da ka mid ah in ay ka timid midda kale oo laga soo koobiyeeyay.

Haddii aan kuu sii faafaahiyo DNA-da waxaa loo qeybiyaa marka halkaan la joogo labo

1- Mitochondrial DNA – Tani waxay ka socotaa hoooyada waxa ayna taraysaa kaliya in labada qof ee la baarayo ay xidid yihiin (hooyannimo ma sheegeyso).
2- Nuclear DNA – Tani waxay ka socotaa dhinaca aabaha waxa ayna taraysaa in labada qof ee la baarayo ay is dhaleen iyo in kale.

Sidaa darteed waxaa badanaa la baaraa aabanimada markaa ka dibne baaritaanka hooyada wuu xoojinayaa.

Haddii dhallaanka uu yahay wiil, aad ayay u sahlantahaya in aabihiis la helo iyadoo laga tix raacayo koromosoomka “Y” maadaama aabaha kaliya uu ka qaato.

 

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed

somalidoc.com