28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Wariyaal loo Xiray Qarax ka dhacay Kaniisad ku taal Kenya

Wariyaal Soomaali ah ayaa lagu Xiray Xaafaada Islii ee  Dalka Kenya ka dib markii lagu eedeeya inay wax ka  ogaayeen qarax ka dhacay Dalkaas.

Kadib markii uu qarax ka dhacay Kaniisad ku taala Xaafada Islii ayaa waxaa halkaas tagay wariyasha si xaalada ay u soo ogaadan Sawirana ay ugu soo qaadaan Dhacdadaas waana la xiray mar dambe.

Wariyaasha oo ahaa Tiradooda Sadax ayaa waxaa  xiray Askarta kenya ee qaabilsan baaritaanada Argagixisada

Maxamed Gaarane Aadan oo kamid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Warbaahinta usheegay in ilaa iminka aysan aqoon halka lagu haayo suxufiyiintaasi sidoo kale aysan usuura gelin in lasoo daayo.

Wariye Maxamed Gaarane Aadan ayaa rajo ka muujiyay in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ka bixi doonaan dhibaatada ku heysata meel kasta oo ay joogaan loona baahan yahay dulqaad in la muujiyo.

Soomaaliyey 4 arrimood dartood u midooba! (Aqri afartaas arrin)

Midnimadu waa tan horu Marisa aadmiga, tafaraaruqana waa kan iilka dhiga sharafta,dadnimada,wax wada qabsiga iyo nolol wanaaga walaalaha kala tagsan,

Waxaan hubaa in aanay jirin cid igu diidi kartaa intaas, laba qof walboo soomaali ah ee kulantaba marka ay sheekaysanayaan, waxeey ku dhiiradaan qirida dhaba haboowga heeysta umada soomaaliyeed in ay ugu wacan tahay, qaybsanaanta iyo xishmada ay u hayaan qabyaalada, kursigaas anagaa xaq u leh, waa la qadiyay beesheena, nin jeclaysi iwm. Erayga qabiil. Waxuu ka koobanyahay, lix eray, sadexda hore waa (Qab) waa isla weeyni, sadexda danbana waa (Iil) Waan hubaa in aan cashar badan ka qaadanay.

Waxaa lumay miisaankaan ku lahayn caalamka.waxaan u qaybsanay qaar qaxa,qaar dhinta, qaar naafooba, qaar gaajo la ildarnaada, qaar xanuuno ay haleelaan, qaar asay qaada, qaar agoontooba iyo dhibaatooyin badan oo aan soo koobi Karin. Marna xal kuma heli doono nin jeclaysi, iyo kanaa ina adeerkeey ah. Xalka umada soomaaliyeed wuxuu gacanta ugu jiraa dhamaanteen, qof walbana waxaa ka saran waajib xaga rabi iyo waliba dhanka ayaaheenadanbe, caana daatay waa la daba qabtaa, waxaan si islaam nimo ah iyo waliba soomaalinimo aan idiin soo jeedinayaa in aad ku midoowdaan afar arin aawadood.

1- waxaa nahay dad islaam ah diinteenu waxeey na fareeysaa midnimo, taasuuna allaha awooda leh ee na abuuray raali ka yahay. In aan midnimada uga shaqeeyno illaah fadligiisa.

2- In aan u diir naxno dadka ku dhibaateeysan dalkeena gudihiisa, ee colaad ka gabatku u nugleeyay, abaaraha, xanuunada, dhig baxa, agoontoowga, asay qaadka, iyo waliba dandarada joogtada ah, taasoo mar walba ku beerta rajo beel.

3- Dhaqan dhumida, diin seega, gaalo ku dayadka, xabsi jiifadka, waalid ku caasiga,uu dhalinyaradeenu dhaqanka qurbuhu baray ee aan lagu aqoon markeenii hore markaan ku nooleey wadankeenii hooyo, reer dumida saameeynteedu tahay six un u fahamka qurbaha, taasoo ah tan kala furta ama lumisa dareenka bulshada.

4- Dalkeena oo uu cadow badan damac kaga jiro in uu qayraadkiisa dhaco, ama aan maalin walba maqleeyno badaheena oo sun lagu daadiyay.

Waxaan umada soomaaliyeed aan xusuusinayaa wadanka shiinaha, waxaa leh oo kunool dad aad u tira badan, waxeeyna ku mideeysanyihiin oo kaliya, wadaniyada, hadaan anaga aan sameeyno tiro koob dadkeena, dhaxdooda waxaan ku noqon karnaa, hal jilib wax ka yar, waxaa nahay abti seedi iyo wiil, waxaana noo dheer diinteena sharafta badan, waxaan idinku waaninaayaa in aad ka kaaftoontaan cudurka na dilooday iyo kala qoob qoobnaanta dhexdeena taal, aan abuurno kacaan is urursi, is qadarin , is kaalmeeysi iyo waliba wadaniyoow wadankaaga, dadkana aan ugu jeclaano kan waxtarka noo ah, jecelna cadaalada iyo sinaanta, makala maarano, midnimo la,aanteedna wax aan noqon karnaa malaha.

Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin waxaan ilaah ka baryaayaa in uu na dareensiiyo wanaaga, xumaanta iyo xaasidnimada naga dul qaado.

Fadlan hadaan ku hadlay haba yaraatee gaf iga raali ahaada, waxaadna niyadiina galisaan in aan ahay wanaag doon.

Qore Abwaan Cllaahi Bashiir Nuur

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Haddii ilkahaaga Caafimaad qabaan iyo haddii kaleba aqri qormadan.

Bololka/Suuska Ilkaha  (Qoraal cilmiyeed muhim  ah) 

Qurmidda ilkahu waxaa weliba loo yaqaannaa madmadoowga ilkaha. Waxay keentaa iligga oo dalooshama haddii la daawayn waayana waxay ka soo tagi kartaa dheehda (qaybta adag ee dusha ee daboolaysa iligga) ooy ku faafi kartaa qaybta ugu weyn (dentine) ee iligga gudahiisa ee jilicsan.

Qurmiddu waxay si degdeg ah ugu baahi kartaa qaybta ugu weyn ee iligga ee jilicsan waxayna ku dambeyn doontaa oo ay gaari doontaa xubinta jilicsan ee iligga (halbowleyaasha iyo xididdada dhiigga) oo ku taalla badhtamaha iligga waxayna u geysan doontaa xanuun iyo barar.

Marka ay xubinta jilicsan ee iliggu (pulp) ay xanuunsato waxaa laga yaabaa inay dhimato, jeermis ayaana ka dhalan kara qaybta bannaan ee qolka xubinta jilicsan jeermiskaas oo dhaafi doona dhammaadka xididka sal u ah iligga waxuuna soo saari doonaa malax ilig.

Calaamadaha

Qurmidda ilkaha inta ugu horeysa waxaa laga yaabaa in aan la arag wax caalamado ah laakiin waxaa dhici karta in takhtarkaaga ilkuhu uu dalool yar oo hadda soo baxay uu ku arko baaris iyo raajito. Sidaas darteed waa inaad si joogto ah ugu tagtid takhtarkaaga ilkaha maadaama ay daawaynta daloolada yar aad uga dhibyartahay daawaynta qurmidda ilkaha ee heer fog gaartay.

Marka uu daloolku gaaro qaybta ugu weyn ee iligga waxaa dhici karta inaad iska aragtid dareen, gaar ahaan marka aad qaadato cuntooyinka iyo cabbitaanyada macaan, cuntooyinka aashitada leh ama kulul.

Waxaa laga yaabaa inuu ilkuhu ku xanuunaan marka ay qurmiddu u sii dhawaato xubinta jilicsan ee iligga. Haddii xanuunka ilkaha ay sababeeyeen cuntooyin kulul ama macan waxaa laga yaabaa inuu ku sii hayo xoogaa daqiiqado ah. Marka ay qurmiddu ku sii dhawaato xubinta jilicsan ee iligga waxaa laga yaabaa inuu xanuunku kugu sii bato waxaana laga yaabaa inaad u baahatid inaad qaadatid daawooyinka xanuunka yareeya, paracetamol ama ibuprofen, si aad isaga dhowrto xanuunka. Waxaa daruuri ah inaad islamarkaaba u tagtid takhtarkaaga ilkaha haddii kale iliggu waa dhiman doonaa oo waxaa laga yaabaa inaad malax soo saarto.

Xanuunka ilkuhu waa calaamad muujinaysa inay dhibaato jirto, ayna gaartay hal ilig ama in ka badan. Dayacaaddu caadi ahaan xaaladda way sii xumaysaa, waxaana dhici karta in ay suurogal noqoto in khasaare laga dhigo ilig la badbaadin kari lahaa. Xanuunka ilkuhu waa summad kuu sheegaysa inay fiicnaan lahayd inaad islamarkaaba u tagtid takhtar ilkeed.

Sababaha
Qurmidda ilkaha waxaa sababa jeermis ku dhexjira dabarka ilkaha oo kala saarsaarta sonkorta ku jirta cuntooyinka iyo cabbitaanyada aad cuntid aanad cabtid.

Dabarka ilkuhu waa bac yar oo dhuuban oo dhegdheg leh oo marwalba dul saaranta ilkahaaga. Waxaa ku jira jeermis badan, qaarkood waxay qabsadaan sonkorta (karboohaydaraytis qamiirmi kara) ku jirta cuntooyinka aan cunno aanan caabno si ay u sameeyaan aashito. Aashitada waxay markaas bilaabtaa inay burburiso dhismaha dheehda.

Markay ay cuntooyinka sonkorta leh dhaafaan afka milix ka timaadda calyadaada ayaa waxqabad bilaabaysa ay ku dayactirto dheehda waxyeelladu gaartay. Hawshan waxay ku dhammaataa muddo 40 daqiiqo ku dhow.

Qurmidda ilkuhu waxay ka dhalataa kumanaan weerar oo ay aashitadaan ku qaaddo marka ay hawsha burburinta iliggu ay ka xoog badan tahay dayactirka calyada.

Waxaa muhiim ah in aad yareeyso inta jeer ee aad qaadatid cunto iyo cabbitaan sonkor leh.
Waxaa muhiim ah in laga fogaado qaadashada joogtada ah ee cuntooyinka fudud ee sonkorta leh ama kabbashada cabbitaanyada xoorka leh.

Dad tiradoodu aad u yartahay oonsan daryeelin ilkahooda ayaa la moodaa inay si dabiici ah uga difaacsan yihiin qurmidda ilkaha. Laakiin sida ugu badan dadka aanan si joogta ah u dhowrin nadaafadda afkooda qurmid ayaa ugu dambeynta gaari doonta ilkahooda qaarkood ama dhammaantood.

Haddii aanan la daaweyn, dabarku dhawaan wuu adkaan doonaa oo wuxuu noqon doonaa shay tabaashiir (jeesto) u eg oo cufan oo la yiraa ‘calculus’ oo u baahan in uu si xirfad leh meesha uga saaro takhtarkaaga ilkuhu ama qofka ku shaqa leh nadaafadda ilkahaaga.

Ogaanshaha

Kani waxaa sal u ah xanuunka iyo baarista jirka iyo raajitada ilkaha ee uu sameeyo takhtar ilkeed

Daawaynta

Qurmidda waxaa lagu daaweeyaa iyadoo laga soo qodo dhammaan shayada qurmay iyo markaas oo la buuxiyo daloolka. Sidan waxaa la samayn doonaa iyadoo la adeegsanayo suuxin qayb ku kooban. Dhowr nooc oo buuxin ah oo kaladuwan ayaa la isticmaali karaa waxayna ku xirantahay heerka qurmiddu gaarsiisan tahay takhtarkaaga ilkaha ayaana kaala talin doona waxyaabaha suurogal ah in laguu qabto..

Haddii aan ka hadalno kaysaska (xaaladaha) qurmidda ilkaha ee heer fog gaarsisan markaasoo xubinta jilicsan ee iliggu ay saamaysmato ama ay malax ka soo baxdo ilkaha, waxaa dhici karta in ay laga maarmaan noqoto in iligga xididka laga buuxiyo ama in xataa meesha laga soo saaroba qaybta ka hartay iligga

Ka hortaggu wuu ka waxtar badan yahay daawaynta oo nadaafadda taxadarka leh ee afka iyo daryeelka guriga ayaa ka horjoogsan kara daloolada.. Haddii aad si joogto ah ugu tagtid takhtarkaaga ilkaha waxaad sidaas isaga hubsan doontaa inaad si degdeg ah u ogaato wixii dhibaato ah oonad u dhibyarayso daawayntooda..

Dhibaatooyinka iman kara

Dhibaatada mar dambe iman kartaa ee ka dhalan kartaa qurmid ilkeed oo la dayacay waa malax ilkaha ka soo daadata. Marka ay waxyeelladu gaarto xubinta jilicsan ee iligga way dhimataa oo jeermis ayaa ku beerma kanaalka xididka iligga waxayna markaas xoog ugu dhaafaan dhammaadka xididka waxayna halkaas ka sameeyaan malax ilkeed.

Waxaa la dareemaa xanuun gaar ahaan marka wax la goosanayo ama la calalinayo.

Cirridka halkaas ku hareersan ayaa laga yaabaa inuu isaguna ku bararo, kuna danqado.

Mararka qaar malaxdu xoog ayay ku soo dhaafta cirridka waxayna ku soo baxda iyadoo u eeg fin cirridka ku yaalla. Waxaa laga yaabaa inuu xanuunku kaa yaraado laakiin waxaa ahmiyad weli sii leh in iligga la daaweeyo.

Mararka ugu xun waxaa dhici karta in uu wajigu qofka bararo oo uu xumad yeesho. Waxaa suurogal ah in takhtarkaaga ilkuhu uu kuu qoro daawooyinka horjoogsada jeermiska si uu xanuunka uga hortago..

Mararka qaar si loo daaweeyo malaxda waxaa loo baahdaa in iligga meesha laga saaro si ay malaxdu usoo qubato. Hase yeeshee, waxaa badanaa suurogal ah in la badbaadiyo iligga haddii hoos loo qodo oo loo dhaafo malaxda si loo soo daayo dheecaanka, oo markaasna loogu daaweeyo qoditaan lagu sameeyo xididka.

Daawooyinka horjoogsada jeermistu keligood waxtar uma leh daawaynta malaxyada aad u degay.

Ka hortagga

Qurmidda iligga waxaa lagaga hortagi karaa nadaafadda afka oo si fiican loo ilaaliyo. Tani waxaa ka mid ah ilkahaaga oo cadayatid laba jeer maalinwalba adoo isticmaalaya daawo ilkaha lagu cadaydo oo ka samaysan maaddada kiimikada ee fluoride iyo adigoo ilkahaaga dhexdooda maalinkaste ku nadiifiya xarig yar ama caday ilkaha dhexdooda geli kara.

Tani waxay ka nadiifinaysaa dabarka marwalba dul fariista ilkahaaga waxayna yaraynaysaa khatarta xanuun aaysiidhtu ay keento.

Hoos u dhig qiyaasta cuntada iyo cabbitaanyada sonkorta leh si aad u yareyso inta jeer ee uu xanuun ilkahaaga uga yimaaddo aashitada.

Cunidda xanjo aan sonkor lahayn muddo toban daqiiqo ah marka aad cuntayso ka dib waxay taasi kordhisaa qulqulka calyada waxayna gargaar ka bixisaa burburinta ashito kaste oo ka samaysmatay cuntada sonkorta leh ee la qaatay.

Takhtarkaaga ilkaha ayay tahay inuu dib u fiiriyo sida aad ugu baahantahay in baaris lagu sameeyo ilkahaaga, taasoo ku toosan waxyaabaha aad u baahan tahay.

Haddii qurmidda hore loo daaweeyo buuxin ayuunbaa caadi ahaan ku filnaan doonta in qurmidda laga horjoogsado inay ku faafto qolka xubinta jilicsan ee iligga gudihiisa.

Waxaa weliba laga yaabaa in takhtarkaaga ilkuhu kugula taliyo inaad aragtid qof u xirfadleh nadaafadda ilkaha oo kaa caawin kara inaad ilkahaaga ka nadiifisid dabarka soo baxay iyo shayada adag ee dul fariistay ilkahaaga waxuuna ku tusi karaa siyaabaha ugu fiican ee aad ilkahaaga nadaafad iyo caafimaad qab ugu dhowri kartid.

Waxaa Diyaariyay Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed

Liverpool oo hogaanka u heysa hardanka loogu jiro saxiixa xidiga Newcastle Demba Ba.

Liverpool ayaa xiiseyneysa inay Anfield keensato weeraryahanka kooxda Newcastle Demba Ba, si uu maareeye ugu noqdo booska gool dhalinta ee ka maqan Reds.

Weeraryahanka reer Senegal ayaa hugaamiye u ah Magpies wuxuuna ka qaataa mushaar cadadkiisu yahay 50 kun oo ginni.

Reds oo shan gool ku xaaqday sabtidii kooxda Norwich ayaa raadsaneysa gool dhaliye ka dib markii uu ka dhaawacmay Fabio Borini kaasoo aan weli shabaqa soo taabsiin gool horyaalka ah.

Demba Ba ayaa Newcastle kusoo biiray 2011kii wuxuuna xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyey kooxda u dhaliyey 17 gool.

Wuxuu ka mid yahay gool dhaliyeyaasha ugu shidan kobaha dahabka ah ee laga bixiyo Barclays Premier League isagoo ilaa iyo haatan shabaqa soo taabtay lix jeer, 7.5 milyan oo ginni ayaana lagu bur-burin karaa qandaraaskiisa.

Waxaa lasoo werinayaa in hadii xidiga laga helo ay fududahay inuu u dhaqaaqo Reds, iyadoo ay Magpies dib usoo ceshaneyso weeraryahankeedii hore ee Andy Carroll.

Horaan ayuuna wakiilka ciyaaryahan Alex Gontran ka dhawaajiyey inuusan Demba la dhacsaneyn siyaasada kooxda ee isaga ku wajahan.

Wararkii ugu dambeeyay Kismaayo.

Wararkii ugu dambeeyay ee Galabta aynu ka helayno Kismaayo oo ah xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ay ku sii fidayaan Goobo muhiim ah oo ka tirsan Magaalada.

Ciidamada Huwanta ayaa ayaa qabsaday Airporka Magaalada Kismaayo,Saldhiga Degmada,Xabsiga dhexe,Bangiga waxaana hada iyagoo raxa raxan u socda ay si tar tartiib ah kula wareegayaan qaybaha kale ee magaalada.

Sidoo kale Ciidamada ayaa saaran Sarta dheer ee Badar oo ku dhow Cisbitaalka Guud ee Magaalada Kismaayo Sidaas Waxaa Shabakada Caasimada u sheegay Qof Degmada ku sugan.

Waxaa kale oo uu sheegay goobjogahan inaysan jirin gawaari Dagaal oo wataan Ciidamada gudaha magaalada ku jira lakiin waxaa uu yiri waxaa ay u socdaan Si raxan raxan ah oo 20-10 5  ayay isula socdaan Ciidankan.

Kismaayo ayaa  waxaa ay ka kooban tahay Shan Xaafadood waxaana ay dowlada la wareegtay labo xaafadood oo kamid ah oo kala ah Calanley iyo Faanoole.

Afhayeenka Ciidamada Amisom Cali Aadan Xumud ayaa sheegay inay ciidamada huwanta  galeen magaalada ayna adkeeyeen Difaacyadii banaanka Magaalada.

Mar hadii habeen ay noqoto waxaan la ogayn in Ciidamada dib ugu noqon doonaan magaalada iyo in kale lakiin Sida Muuqata waxaa ay Ciidamada damacsanyihiin in magaalada Amaankeeda ay la wareegaan Caawa.

Shaqiri: “Bayern Munich waa inay ku dhamayestaa kaalinta koowaad ee Bundesliga”

Xherdan Shaqiri ayaa ku waaniyey kooxdiisa Bayern Munich iyo ciyaaryahanada u ciyaara inay diirada saaraan ku guuleysiga horyaalka Jarmalka ka dib bilowgoodii cajiibka ahaa ee xilli ciyaareedka 2012/13.

Bavarian ayaa ku bilaabatay horyaalka Rikoor 100% [Boqolkiiba boqol] ah, waxayna kulankoodii adkaa guul darro 2-0 ah dhabarka u saartay Werder Bremen, halka ay Champions League 2-1 ku dubtay Valencia.

Ninka u dhashay dalka Switzerland Shaqiri ayaa u sheegay ciyaartoyda kooxda ka dhisan magaalada Munich inaysan u guul darreysan sidii sanadii hore, ayna horyaalka kusoo celiyaan magaalada ugu badan ee laga heysto.

Mar la weydiiyey rajadooda ah inay horyaalka socda ku guuleysan karaan, wuxuu u sheegay bundesliga.com: “Dabcan sidaas ayaan ku rajo weynahay, laakiin weli wado dheer ayaa na hortaal.

“Hada si fiican ayey wax u socdaan. Anaga ayaa ugu dhibca badan horyaalka natiijooyinkuna waa kuwo fiican, laakiin dhamaanteen waan ognahay sida dhaqsaha ah ee kubada cagta gudaheeda wax isaga bedeli karaan. Tani waa keliya sida aan usoo diyaar garownay.

“Dabcan hada xaalku waa mid wanaagsan, laakiin muhiimadeenu waa inaan ku dhameysano kaalinta koowaad. Taas waa inay dhacdaa, waa inaan xooga saarnaa horyaalka aana si fiican ula jaan qaadnaa shaqadeena wanaagsan,. Waxaan leenahay kulamo Horyaalka Yurub ah maalmo gudahood marka kulanka xiga waa inaan fiiro gaar ah u yeelanaa.”

Arag Sawirrada Xujayda Somalida qaarokood oo gaaray Medinah.

Qaar ka mid ah xujeyda Soomaalida ayaa axaddii September 30 gaartay Madina Al-Munawarah:

Tirade xujeydaasi, ayaa lagu sheegay 103, waxaana halkaas geysay shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airways, abaare 7:40 subaxnimo.

Tani waxa ay ka dhigeysa guud ahaan xujeyda halkaas gaartay malmihii laso dhaafay iyo kuwa maanta yimid 308 xaaji.

Xaajiga Soomaaliyeed marka u halkaas gaaro waxyaabaha loo qabto waxaa ka mid ah in la dajiyo Hotel.

Maalinta labaad waxaa loo wadaa booqashooyin sida in lageeyo UXUD ama meeshi uu ka dhacay dagalkii uxud, oo ay ku aasan yihiin saxaabadii ku shahiiday dagalkaas, waxaana ka mid ah XAMZA RC, waxaana sidoo kale la geeyaa Masjid QUBAA.

Habeenkii marka ay kasoo laabtaan xujeyda masjidka nabiga (SCW) waxaa loo qabtaa muxaadaro ku saabsan Xajka iyo sidii ay ugudan lahaayeen .

Maalmaha ay joogaan xujeyda Soomaalida Madina Al-Munawarah waa 3 malmood , kadib waxaa loo diyaariyaa safarka Makka, si ay u aadan magaaladaas barakeysan.

Daawo Sawirrada

Abdalla Hassan Ibrahim,
Caasimada Online
Madina Al-Munawarah
00996533624119
binhassanyare@hotmail.co.uk

 

Gerrard: “Inaan Liverpool kula guuleysto Horyaal waxay noqon doontaa mucjiso”

Kabtanaka kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa qirtay in baahidiisa ah inuu Reds ku hugaamiyo Premier League inta uusan soo afjarin xirfadiisa kubada cagta ay tahay wax mucjiso ku dhici doona.

Liverpool ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee horyaalka England sedax sano ka hor markaasoo ay aruursatay 86 dhibcood waxayna ku guuleysteen koobab kale, laakiin Gerrard ayaa door bidaya inuu mar uun kooxda ku hugaamiyo EPL.

Laba Manchester iyo Chelsea ayaa ah kooxaha ugu  hardanka adag Horyaalka, 32 jirkaan ayaana arka in hadii uu keeno horyaalka gobolka Merseyside ay ahaan laheyd wax mucjiso ku dhaca, isagoo si gaar ah u eegaya baahida looga qabo guul uu ka gaaro England.

“Waxay noqon doontaa mucjiso hadii aan hada ka hadlo dareenkeyga ku aadan horyaal aan kula guuleysto Liverpool,” ayuu yiri Kabtan Fantastic oo dhowaan la hadlaayey barnaamijka My Liverpool Story.

“Saas ayaan dhahayaa sababtoo ah da’adeyda iyo halka aan ku dhameysaneynay sanadihii lasoo dhaafay. Iyo sidoo kale xaalad xafiiltan oo jirta.

“Hada keliya maahan United iyo Arsenal laakiin City, Chelsea iyo Tottenham. Newcastle ayaa ah kuwo si wanaagsan u ciyaara. Horyaalka Premier League aad ayey u adag tahay inay ku guuleysato koox walba.”

Man Utd oo 6 milyan oo ginni ku dooneysa xidiga kooxda Blackpool Thomas Ince.

Waxaa lasoo werinayaa in Manchester United ay ku dhowdahay inay 6 milyan oo ginni kula soo wareeto xidiga kooxda Blackpool Thomas Ince.

Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu ciyaaryahankaan qadka dhexe marsiiyo wado uu horay u maray aabihii Paul uuna usoo dhaqaajiyo gegeda Old Trafford.

Ince ayaa sanadii hore Blackpool uga soo biiray kooxda Liverpool wuxuuna tayadiisa kusoo bandhigay horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska Championship.

20 jirkaan ayaa diirada u saarnaa intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoydu kooxda Swansea laakiin wuxuu nagi ku ahaa Tangerines, kuwaasoo 3-0 sabtidii ku lumiyey kooxda Cardiff.

United, ayaa si kastaba ha ahaatee, dooneysa inay xidigaan soo kaxeysato, sida uu werinaayo wargeyska England kasoo baxa ee Sunday Express.

Xidigaan ayaa yiri bishii lasoo dhaafay: “Xiisaha la ii qabo waa mid I tusinaaya inaan sameynaayo wax yaabo fiican.

“Laakiin tan keliya ee aan ku saxnaa ayaa aheyd inaan imid Blackpool sababtoo ah waxay I tusiyeen xiisahooda daaacadnimada ku dhisan.

“Wey I caawiyaan sababtoo ah ciyaaryahanku waa aniga.”