25.7 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Cristiano Ronaldo oo ka cabanaaya dhaawac garabka ah iyo Real oo baaritaan u dirtay.

Ronaldo, oo ahaa geesigii labada gool ee Nou Camp u dhaliyey Real Madrid ayaa ka cabanaaya dhaawac ka dib markii uu si xun dhulka ugu dhacay qeybtii labaad ee ciyaarta.

“Ciyaaryahanku wuxuu sugayaa shaqaalaha caafimaadka si uu u maro baritaano saacada soo aadan,” ayey tiri Real Madrid.

Ronaldo ayaa ka mid ah xulka Portugal ee ciyaaraya isreebreebka koobka aduunka ee 2014, waxayna [Group F] ciyaar ka mid ah Jimacada booqanayaan xulka Russia iyagoona gurigooda afar maalin ka dib kusoo dhaweyn doona xulka Northern Ireland.

RVP oo wahajaya sedax kulan oo ganaax ah ka dib markii uu xusul ku dhuftay Cabaye.

Robin Van Persie ayey macquul tahay inuu wajaho sedax kulan oo ganaax ah ka dib markii uu xusul ku dhufaty Yohan Cabaye – kulankii ay Manchester United 3-0 ku xaaqday Newcastle.

Tababaraha Magpies Alan Pardew ayaa ugu yeeray Xiriirka FA-gu inay eegaan hardan kubadeedkii dhex maray Van Persie iyo qadka dhexe ee reer France kaasoo madaxiisa uu ku dhacay xusul u muuqday mid ula kac ah.

Tababaraha United Sir Alex Ferguson iyo Wayne Rooney ayaan meel kasoo qaadin shilkaan, waxayna keliya amaaneen daafaca kooxdooda iyadoo Jonny Evans, Patrice Evra iyo Tom Cleverly ay ka caawiyeen guushoodii Premier League.

Van Persie ayaa maanta ganaax kala kulmi kara FA-ga, sababtoo ah garsoore Howard Webb nasiib uma yeelan inuu haleelo shilkii dacay daqiiqadii 84aad, waxayna xaaladaani sababi kartaa ganaax.

Tababare Pardew  ayaa yiri: “Wuxuu u muuqday inuu Yohan ku dhuftay xusul. Taasoo u baahan in dib loo eego. Waxaa jiray taariikh sanadkii hore ah mana garanaayo hadii uu Robin taas milicsanaayo. Wuxuu ahaa shil xun oo ciyaarta ka dhex dhacay.

“Uma maleynaayo inuu Yohan dhulka ku dhici lahaa hadii aysan wax gaarin. Lafsadeydu shilka ma arag horaantii balse waxaan daawaday ku celiskiisii waxayna u muuqatay inuu xusulka ku dhufanaayo.

“Hadii ay FA-gu eegayaan iyada? Iyaga ayey quseysaa waxay ka dhahayaan, aniga maya.”

 

Butragueno: Real waxay u qalantay guul, balse Barcelona nasiibka ayaa u hiiliyey.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Real Madrid Emilio Butragueno ayaan ku sheegin inay wax dhibaato ah kooxdiisu ku qabtay barbarihii ay galeen kulankii axada ee El Clasico, wuxuuna maanka ku haayaa in ciyaartoyda Jose Mourinho ay u qalmeen wax ka badan hal dhibic.

Kooxda jamaahiirta badan ku leh caalamka Madrid iyo Barcelona ayaa is weydaarsaday goolal, Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaana midba midka kale la ekeyeey hugaan uu kooxdiisa u dhiibay.

Butragueno ayaana ku rajo weyn inay kooxdiisu soo kabsato ka dib bilow aan wanaagsaneyn.

“Kama xumin sababtoo ah waan fiicneyn, waxaaa jirtay goolal dhalan karay oo la qasaariyey, laakiin maanta ma noqon maalintii aan goolasha dhalin laheyn. Barcelona, si kastaba, way kasoo kabsadeen xittaa qeybtii labaad wey wanaagsanaayeen,” ayuu Butrageueno u sheegay wargeyska AS.

“Natiijadu ma ahan mid laga xumaado, laakiin uma aana qalmin. Waxaan ka wanaagsaneyn 30kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyey, waxaan helnay fursado waxaana u ciyaarnay si fiican. Xaqiiqdii in lagu kala nastay 1-1 ma aheyn kulan waaqici inoo ah.”

Halyeeyga ayaa si gaar ah u amaanay bandhiga Ronaldi iyadoo xidigu uu dhaliyey labada goo lee Madrid, wuxuuna sidoo kale amaanay Mesut Ozil kaasoo ku dhowaad dhamaadkii lagu bedelay Kaka.

“Goolasha Cristiano waxay ahaayeen kuwo cajiib ah. Baasaska Ozil ayaana ahaa kuwo lala cajabo wuxuuna kooxda u daadihinaayey si fiican.”

 

Oscar oo ninka ay isku wadanka yihiin Neymar ku qalqaalinaya inuu kula biiro Chelsea.

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Chelsea Oscar ayaa sameynaya wax walba oo uu kooxdiisa kaga taageeri karo sidii ay ku heli lahaayeen xidiga kooxda Santos Neymar, wuxuuna ugu baaqayaa inuu iska indha tiro hadalada Dani Alves ee uu usoo dhaqaaqo Stamford Bridge.

Alves ayaa doonaya inuu Neymar ka dhaadhiciyo inuu kusoo biiro Barcelona, halka Real Madrid ay sidoo kale heegan u tahay 20 jirkaan heerka caalami ee dalka Brazil.

Oscar ayey wada ciyaarayeen Neymar ciyaarihii Olimbikada ee London 2012, wuxuuna rajo ka qabaa inuu sanado soo aadan kula soo biiro Blues.

Neymar ayaa yiri: “Oscar ayaa fariin iisoo diray si uu iigu sheego inay Chelsea tahay koox weyn London ay tahay Caasimad weyn.

“Isaga iyo Dani labadooduba waxay dulaaliin wanaagsan u yihiin kooxahooda. Markii la gaaro waqtiga saxda ah ayaan dhegeysan doonaa dalabka saxda ah taasna waxay u taalaa wakiilkeyga.

“Waa wax fudud in Barcelona ay ku xiiseyso waadna dhegeysaneysaa, hadii ay Real Madrid ku xiiseyneyso waad dhegeysaneysaa, hadii ay Chelsea ku xiiseyneyso sidoo kale waad dhegesaneysaa.

“Waxaa jira sida aan filaayo shan koox oo caalamka ka dhisan oo sidoo kale aad ogtahay inay u muuqdaan kuwo sidoo kale la dhegeysto dalabyadooda.”

Mourinho: Messi iyo Ronaldo waxay ka yimaadeen Aduun kale.

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa amaanay labada xidig  Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ka dib markii ay Los Blancos barbaro 2-2 ah la dhaafi weysay kooxda Barcelona, kulankii El Clasico.

Tababaraha reer Portugal ayaan go’aamin horyaalka inkastoo ah ku dhow yihiin inay lumiyaan, laakiin Mou ayaa amaanay bandhiga labada xidig isagoo sheegay in aduunka oo dhan ay ku raaxeysteen aab ciyaareedkooda.

“Messi iyo Ronaldo waxay ka yimaadeen caalam kale. Waxaan doonayaa inuu ciyaaryahankeygu guuleysato, balse labadoodu waxay ahaayeen Fantastik,” ayuu yiri Mourinho.

“Aniga Tababare ahaan, waan ku raaxeystay kulanka. Waxay aheyd ciyaar fiican natiijadaani ma go’aanmineyso ilaa maalinta ugu damebeysa. Sidoo kale qof walba ayaa ku raaxeystay ciyaarta.”

Mourinho ayaa sidoo kale amaan kala dul dhacay bandhiga Mesut Ozil wuxuuna u sheegay saxaafada: “Ozil ayaa nasiiyey awood wuxuuna muujiyey ciyaar wanaag.”

Barcelona ayaa horyaalka ku hugaamineysa haatan sedax dhibcood, laakiin waxay kooxda ay xafiiltamaan u jirtaa sideed dhibcood iyadoona ay Madrid fadhiso booska shanaad ka dib todobo kualn oo ay ciyaartay.

Sawiro: Ninka ugu fool xun Zimbabwe: Wejigeyga ayaa iga dhigay Special.

Qofkii ugu dambeeyay ee ku guuleystay tartanka fool xumada dalka Zimbabwe, ayaa damaciisu yahay inuu noqdo qof caan ah oo lacag heysta, hase yeeshee illaa iyo hadda wax suuq ah ma helin.

William Masvinu oo 38 jir ah oo ku guuleystay qeybta labaad ee tartanka oo loo qabtay bishii tagtay ayaa shaqadiisu tahay xamaalinimo isaga oo qaada alaabta culus ee magaalada laga dukaameysto ee Mbare oo ku taalla galbeedka magaalada caasimada ah ee Harare.

“Waxa aan rajeynayay inaan sameeyo xayeysiimaha iyo dhinaca dharka fashion-ka ah haddii la i weydiisto, hase yeeshee weli waxaan ahay faqiir, waxaana xamaalaa alaabta dukaamada” ayuu yiri Masvinu

“Waxaan diyaar u ahay inaan dunida tuso hadiyadda aan heysto, inaad fool xumaato ma ahan wax xun waa haddiyada illaah I siiyay, waana ku faraxsanahay, wejigeyga ayaa iga dhigay qof gaar ah (special), wax cudur daar ahna uma raadinayo taas”.

Masvinu ayaa kaga badiyay tartanka afar nin oo kale si uu ugu guuleysto haddiyada la bixinayay oo ahayd boqol dollar iyo hal habeen oo jiif hotel ah.

Inter oo ka talaabsatay kooxda ay isku magaalda yihiin ee AC Milan.

Derby De Milanello caawa ma uusan aheyn mid xamaasad yar ka dib iyadoo maanka lagu haayey in awooda labada koox ee liidataahi ay saameyso kulankaan, balse waa la isku xiiqay iyadoo Inter ay qaadatay guul ay u jilba muruxday.

Goolka keliya ee Inter Milan waxaa daqiiqadii sedaxaad shabaqa ku hubsaday kubad madax ah daafacooda l Walter Adrian Samuel, ka dib markii uu ka faa’iideystay karoos uu soo qaaday Esteban Matias Cambiasso, 1-0 kaas ayaana lagu kala nastay.

Milan ayaa isku dayday inay ciyaarta wax ka bedesho ka dib iyadoo fursad u heleysay todan ciyaaryahan oo kasoo horjeeda ka dib markii daafaca midig ee koox Inter Yuto Nagatomo casaan loo taagay daqiiqadii 48aad, balse Milan kama aysan faa’iideysan iyadoo ku dhibaatooneysay dhameystir la’aan.

Si kastba Inter ayaa gaartay guusheeda jilba muruxa waxayna hada kaalinta 4aad kasoo gashay kala horeyna Serie A, iyadoona leh 15 dhibcood.

Dhanka kale Napoli ayaa hugaanka la qabatay Juventus ka dib markii ay 2-1 isaga reebtay kooxda Udinese, waxaana goolasha u kala dhaliyey ’30 Hamsik iyo ’45 Pandev. Napoli ayaa haatan leh 19 dhibcood, laakiin waxaa hugaanka looga hayaa farqiga goolasha.

 

Cristiano Ronaldo oo Rikoor cusub u dhigay El Clasico (Warbixin)

Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyey todobo gool oo is xig xigta ka dhaliya kulanka EL Clasico ee dhex mara Barcelona iyo Real Madrid.

27 jirkaan ayaa gool dhaliyey daqiiqadii 23aad iyo 66aad, ciyaartii caawa ka dhacay Comp Nou Stadium, wuxuuna fursadii uu u abuuray Karim Benzema iyo goolkii uu lugta ka saaray Mezut Ozil ku dhaafay rikoorkii Ivan Zamorano, kaasoo Los Blancos u dhaliyey shan gool intii u dhexeysay 1992dii ilaa 1996dii.

Ronaldo ayaa goolka dhaliyey Barca markii ay guul darro 2-1 ah August dhabarka u saartay dhigooda Madrid, wuxuuna ciyaaryahankii hore ee Man Utd Blaugrana ka dhaliyey 10 gool intii uu  wajahay, isagoona lix gool ka dameeya Lionel Messi kaasoo halakeeyey daafacyada Madrid.

Barcelona iyo Real oo isku garba dhacay: Messi iyo Ronaldo oo isugu jawaabay Afar gool.

Ciyaar ay inteeda badan heysatay Barcelona ayaa aheyd inay hesho guul ay u qalantay, laakiin kuma aysan naaloon iyadoo kubado dhaadheer ay kala soo horjeeday Real Madrid.

Kooxda ka dhisan caasimada ayaa goolkaba ku hormartay ka dib markii kubad ay isku afgarteen Ozil, iyo Benzema uu markii dambe daqiiqadii 23aad shabaqa ku hubsaday Cristiano Ronaldo.

Balse sideed daqiiqo ka dib waxaa ka daba keenay Lionel Messi oo ka faa’iideystay kubad ay iska qaldeen daafacyada Real, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Qeybtii labaad ayey ciyaartu ku bilaabatay si degan iyadoo koox walba ay waardiyo ka aheyd inaan shabaqeeda gool la taabsiin, balse qalad lagu galay Messi, oo uu garsoore Carlos ku tilmaamay Laad xor ah ayuu ka faa’iideystay ciyaaryahanka reer Argentina isagoona shabaqa dhex geliyey kubad aad u qurxoon daqiiqadii 61aad.

Laakiin shan daqiiqo ka dib Ronaldo ayaa ka daba keenay, isagoo ka faa’iideystay kubad dhex ka tuur ah oo uu ka helay xidiga Muslimka ah ee Mezut Ozil.

Real Madrid ayaa haatan Barcelona ka dambeysa sideed dhibcood, laakiin wax walba waxay noqon karaan kuwa isbedel ku yimaad, weyse adag tahay inay ku guuleystaan horyaal laga sareeyo sideed dhibcood.

 

Madaxwaynaha Somalia oo qaabilay Safiirka dowlada India + Sawirro.

(Mogadishu, Somalia, October,07, 2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Hindiya ee Soomaaliya Ambasador Sibabrata Tripathia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Safiirka Hindiya ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadda dalka , Ganacsiga, Dib u dhiska, Horumarinta, Ammaanka, iskaashiga labada Dowladood iyo arrimo kale.

Ugu dambeeyntii Ambasador Sibabrata Tripathia ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ugu hambalyeeyey xilalka cusub .

Dhamaad

Faalo: Indheheenu caawa waa El Clasico, maxaad ka fileysaa?

Kooxaha uu kulanku u dhexeeyo: Barcelona vs Real Madrid.

Garoonka lagu ciyaarayo: Comp Nou.

Saacada geeska Africa: 8:50 PM [Sedax saac oo todan daqiiqo dhiman]

Garsooraha kulankaan qaban doona: Carlos Delgado Ferreiro.

Line up-ka macquulka ah ee laga yaabo inay labada koox kusoo galaan:

Barcelona:

Valdes
Alves, Song, Mascherano, Adriano
Xavi, Busquets, Iniesta
Pedro, Messi, Sanchez.

Real Madrid:

Casillas
Arbeloa, Pepe, Ramos, Marcelo
Khedira, Alonso
Di Maria, Ozil, Ronaldo
Benzema.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa is wajihi doona kulankoodii 222-aad ee tartamada oo idil, iyadoo Barcelona ay ka guuleysatay Real 87 jeer, halka kooxda martida ah ay guuleysatay 88 jeer, 47 kulana barbaro ayey ku kala bexeen.

Kulankaan ayaa dhacaaya iyadoo Barcelona ay Real ka dhibco badan tahay dhanka horyaalka waxayna ka sareysaa 8 dhibcood.

Real ayaa heysata natiijooyin niyad dhis ah waxayna gaartay afar guul oo isku xigta, laakiin kooxda martida loo yahay sooma gaarin guul darro uga dambeysay tii ay Real kaga qaaday Super Cup Spain.

Wax badan ka baro kulankaan ‘El Clasico’.

Barcelona ayaa wajaheysa Real Madrid kulankii 222aad ee tartamada oo dhan. Kooxda Catalans waxa ay badisay 87 jeer, halka Real Madrid ay badisay 88 jeer.

Blaugrana ayaa badisay dhamaan lixdii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan ah tan iyo intii guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay Madrid koobkii Supercopa.

Hadii Barca ay badiso caawa, waxa ay ka dhigan tahay ku bilaabashadoodii ugu fiicneyd horyaalka ee abid.

Real Madrid ayaa laga badiyay seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen tartamada oo dhan.

Los Blancos ayaa badisay kaliya hal kulan sideedii kulan ee ugu danbeysay ee La Liga ee ay qoorta isku galaan Barcelona, halka lix kulan laga badiyay kulanka kalena barbaro ayay ku kala baxeen.

Rikoorka Jose Mourinho ee kaga horyimid Barcelona intii uu macalin u ahaa Chelsea, Inter iyo Real Madrid waa sida tan: Waxa uu badiyay lix kulan, waxa ay uu barbaro kala kulmay 7 kulan, waxaana ay guuldarro ka soo gaartay 10 kulan. Barca ayaana ah kooxda ugu badan ee guuldarro soo gaarsiisa Mourinho intii uu macalin ahaa.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 12 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana uu labo gool dheer yahay dhigiisa Barca Lionel Messi.

Garsoorka kulankaani waa side.?

Xiriirka kubada cagta dalka Spain ayaa kulankaan u magacaabay inuu dhex dhexaadiyo Carlos Delgado Ferreiro.

Laakiin uma muuqdo inuu yahay nasiibka Barcelona, si gaar ah ayeyna isha ugu heyn doontaa, ka dib markii uu dhex dhexaadiyey  14 kulan oo ay ciyaareysay Barcelona, waxay badisay 11 kulan, 2 kulan waa laga badiyey, kulana barbaro ayey gashay. Wuxuuna ciyaartoyda Barcelona siiyey hal kaar oo casaan ah, iyadoo ay ka roon yihiin dhanka Real.

Dhanka Real Madrid, wuxuu u dhex dhexaadiyey 7 kulan , hal ciyaar lagama badin todobadaas kulan, shan ka mid ah wey badisay, labana barbaro ayey gashay. Wuxuuna mudadaas Real u taagay laba kaar oo casaan ah.

Si kastaba Carlos waa nin ku gaamuray garsoorka wuxuuna La Liga dhex dhexaadiyey 104 kulan.

Aduunku siduu u arkaa El Clasico.?

El Clasico war la’aan waa kulan kubada cagta ah oo ugu weyn caalamka sida uu sheegay Jose Mourinho:

“Marka ay Madrid la ciyaaryso Barcelona, adduunka oo dhan ayaa joogsada” ayuu yiri Mourinho.

“Waa kulan aan jecelnahay inaan ciyaarno, kaliya aniga kaliya ma ahan, laakiin hubaashii iyaga xitaa waa jecel yihiin, xaqiiqdii waa wax ka badan kulan caadi ah oo horyaal ah.”

Laakiin ninka kasoo horjeeda ee Tito Vilanova ulama muuqato sida uu kulankaan u balaariyey Jose wuxuuna keliya ku koobayaa kulan iyagu ay dhibco ka doonayaan:

“Waxaan ciyaareynaa kulanka kale oo kubada cagta kaasoo sheegi doonaa hadii aan shan, sideed ama 11 dhibcood ka sareyn doono Madrid.”

Siduu adiga kuula muuqdaa El Clasico? Fikirkaaga inoo sheeg.

Labada koox ayaa mid waliba u hardameysaa inay gaarto guul, Real kama daadegi doonto bareejo fikirkeedu waa inay ku badisaa Camp Nou, sababtoo ah sideed dhibcood ayey ka dambeysaa kooxda ay xafiiltamaan.

Iyadoo ka war heysa in Horyaalkii sanadii hore ay ku weysay gurigeeda tiiyoo ay Super Cup Spain uga soo tageen guriga Real Madrid, Barcelona ma aqbali karto guul darrado kasoo gaarta Camp Nou.

Si kastaba ha ahaatee waxa aan sugnaa waa waqti kooban oo 90 (Sagaashan) daqiiqo ah, oo ay labada koox garoonka ku wada jiraan.

Balse akhriste sideey kuula egtahay adigoo kaashanaaya Qibrada aad kulankaan u leedahay.

Ma Barcelona ayaa guul gaari doonta, mise Real ayaa sedaxda dhibcood kasoo fara maroojisan doonta, mise waa isku garba dhici doonaan.?

Saadaashaada kulankaan inoo sheeg, hadii aad haleesho saadaasha saxda ah ee goolasha la iska dhalinaayo kulankaan waxaan kugu soo qori doonaa warbixinta natiijada ciyaarta.

 

 

Puntland oo shaacisay go’aankeeda Ra’iisul Wasaaraha cusub ku aadan.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa soo dhoweysey magacaabista Raysal wasaaraha cusub ee DF Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ”Saacid” oo habeenimadii xalay lagu dhawaaqey.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Eng.Maxamud Caydiid Dirir oo saxaafada maanta 07 October,2012 kula hadlay Garowe ayaa ku akhriyey bayaan xukuumadda ka soo baxay oo ku aadan magacaabista Wasiirka Koowaad ee DF Somalia.

Warka Puntland ka soo baxay ayaa lagu sheegey inay ka qayb qaateen hirgelintii qorshaha nabada Somalia ”RoadMap” ,waxana ay sheegeen inay Puntland diyaar u tahay sii xoojinta sidii lagu gaari lahaa Dowladda Somaliyeed oo nidaamka Federaalka ku shaqeysa.

Hadaba akhristayaasha sharafta leh waxaan halka idiin ku soo gudbineynaa nuqul kamida bayaankii ka soo baxay dowladda Puntland ,waxana uu u qornaa sidatan:.

Puntland State of Somalia
Garowe

7 October, 2012

War-saxaafadeed
Dawladda Puntland ee Soomaalia waxay soo dhoweynaysaa magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.Waxay Dawladda Puntland hormuud ka ahayd nidaamka Federaalka ee Soomaaliya 1998 iyo 2004, waxayna sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaadatay dhamaystirka geeddi-socodkii lagaga baxayey ku-meel-gaarnimada [Roadmap] iyo dhamaystirka Dastuurka federaalka ah.

Waxay Dawladda Puntland weli diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalinteedii ahayd sidii lagu gaari lahaa Dawlad Somaliyeed oo Federal ah oo dhamaystiran.

Waxay kaloo diyaar u tahay in ay qayb weyn ka qaadato dib-u-heshiisiinta Somaliya oo muddo 22 sano ka badan xad-gudubyo bini-aadanimo iyo mid siyaasadeed ay soo gaareen.

Dawladda Puntland, waxay Dawladda Federaalka ku qiimaynaysaa kulana shaqayn doontaa hadba sida ay u fuliso heshiisyadii hore loo galay iyo nuxurka uu qeexayo Dastuurka Federaalka ee Somaliya [Constitutional provisions]
sida:

• Ilaalina Dastuurka Federaalka ee Somaliya,

• Hirgelinta iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah

• Taageeridda dhismaha Dawladaha xubnaha ka noqonaya Dwladda Federaalka ee Somaliya oo dhismahoodu socdo sida, Jubbaland iyo kuwa kale ee ka dhalanaya deegaanada Digil iyo Mirifle iyo qaybaha kale ee Somaliya

• U sinnaanta deeqaha caalamiga ah ee magaca Dawladda Federaalka lagu helo.

Ugu damayntii waxay Dawladda Puntland si gaar ah isha ugu haynaysaa ku dhaqanka awoodaha Dastuurka ku qeexan ee xafiisyada Dawladda Federaalka.

-Wasaaradda Warfaafinta, isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka DPL

Amancio: C.Ronaldo wuxuu noqon karaa xidiga ugu goolasha badan R.Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa booska sagaalaad kaga jira liiska tobanka ciyaaryahan ee ugu goolasha badan kooxda Real Madrid, waxayna sedaxleydii uu ka dhaliyey Ajax ka dhigeysaa inuu kaalinta sagaalaad ku galo 158 gool oo uu u dhaliyey kooxda reer Spain, waxaana lagu dhiiri geliyey ninka reer Portugal inuu liiskaan hugaamiye ka noqon karo.

Kabtankii hore ee kooxda Real Madrid Amancio Amaro oo ah ninka ku jira kaalinta Tobnaad isagooo leh 155 gool ayaa qaba inuu noqon karo ninkii ugu goolasha badnaa ciyaartoydii soo martay Real.

wuxuuna u sheegay shabakada Goal.com inuu ku faraxsan yahay in Rikoorkiisa laga jebsho.

“Miyey ii keeneysaa aniga murugo hadii ay ciyaartoyda Real Madrid ka gudbaan goolasheyda? Maya,” ayuu yiri.

“Xittaa kama welwel qabo intii gool ee aan Real Madrid u dhaliyey, waxaa jira ciyaaryahano iga sareeya- keliya hada ma ahan Cristiano Ronaldo. Hada ma ahan inaan ka welwelo goolasha uu dhaliyey, laakiin wuxuu noqon karaa huga,miyaha goolasha.”

Tobanka ciyaaryahan ee ugu goolasha badan REAL MADRID

 

Ciyaaryahan

Xiligii

Goolasha

Raul Gonzalez

1994-2010

323

Alfredo Di Stefano

1953-1964

308

Santillana

1971-1988

290

Ferenc Puskas

1958-1966

238

Hugo Sanchez

1985-1992

208

Francisco Gento

1953-1971

179

Pirri

1964-1980

171

Emilio Butragueno

1984-1995

171

Cristiano Ronaldo

2009-

158

Amancio

1962-1976

155

 

Manchester City oo 30 milyan u diyaarineysa inay Janaayo kusoo qaadato Jovetic.

Manchester City ayaa diyaar u ah inay sameyso dhaqaaqoodii labaad bisha Janaayo iyagoona soo xero gelinaaya ninka 30 milyan oo euro lagu qiimeeyo ee weerarka uga ciyaara kooxda Fiorentina Stevan Jovetic.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ay soo xigatay shabakada Goal.com, ayaa sheegaya in City ay xigaan la kulantay isbuucii lasoo dhaafay, laakiin kooxda Serie A ayaan ka fuqin qiimaha ay ku dooneyso xidiga weerarka ku wanaagsan.

Waxaa la fahamsan yahay in Fiorentina ay heshiis shaqsi ah la gaartay Jovetic kasoo lagu iibinaayo sanada soo aadan, taasoo inta badan ay waayihiisa kooxda Viola soo idleynaya dhamaadka sanadka.

Si kastaba, Sky Blue ayaa u dirtay madaxa horumarinta Ispoortiga ee kooxda Patrick Vieira, inuu soo daawado kulankii ay Fiorentina guul darrada 2-1 ka ah kala kulantay kooxda Inter.

Kooxda heysata hotyaalka Premier League ayaana diyaar u ah inay bisha January dhiig cusub kusoo darto ciyaartoydeeda, iyadoo xidigaan lagu qiimeeyo mid ka mid ah dhalinta ugu wanaagsan Yurub.

Laakiin waxay wajihi doonaa dagaal adag oo kala dhexeyn doona Juventus, taasoo 20 milyan oo euro oo ay ku dooneysay weeraryahanka laga soo diiday xagaagii lasoo dhaafay.

Ninka lagu naaneyso ‘JoJo’,  Jovetic ayaa afar gool dhaliyey lixdiisii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka cusub.

Vilanova: Dhib kama taagna booska uu ciyaarayo Messi.

Tababaraha kooxda Barcelona Tito Vilanova ayaa qaboojiyey booska uu ku macaamiloon doono ninka ay kooxdiisu ku duuasho ee Lionel Messi, marka ay caawa ka hor yimaadaan kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid, kulanka loogu magac daray El Clasico.

Ninka reer Argentina ayaan boosna looga cayimin Blaugrana, laakiin waxaa maanka lagu hayaa inuu cayaarayo booskiisa weerarka, iyadoo kooxda difaacaneysa koobka ay diyaarsanayaan inay shabaakad daafac oo celisa u dhigaan ninka jooga gaaban.

“Dhibaato kama taagna halka uu cayaarayo [Lionel] Messi,” ayuu Vilanova ku sharaxay shirkiisa Jaraa’id. “Madrid wey ogaan doontaa sida aan u ciyaareyno.”

El Clasico ayaa caawa bilaaban doonta xiliga geeska Africa marka ay saacxadu ku began tahay 8:50 PM [Laba Saac iyo Konton Daqiiqo].

Man United oo xiiseyneysa ninka lagu niinaaso ‘Messi-ga cusub’ Halilovic.

Manchester United ayaa diirada saaratay  ninka lagu naaneyso Messi-ga cusub ee Alen Halilovic waxaana wararka xanta ah ay sheegayaan inuu usoo dhaqaaqo Old Trafford, sida uu qoray wageyska Daily Mirror.

Waxaa ninakaan si gaar ah loola barbar dhigaa weeraryaahanka kooxda Barcelona Lionel Messi.

Kubad sameeyaha kooxda Dinamo Zagreb ayaa ah keliya 16 jir wuxuuna ka ciyaaraa booska uu kaciyaaro ninka ay isku wadanka yihiin ee Luka Modric.

United wanted Modric this summer but he only had eyes for Real Madrid.

Tababaraha meesha fog wax ka arka Sir Alex Ferguson ayaa dhiiri gelinaaya in da’yarkaan Halilovic uu kusoo biirsho kooxdiisa United.

Laakiin ciyaaryahanka ayaa sheegay inuusan hada maanka ku heyn inuu aado koox kale balse uu doonayo inuu diirada saaro  u ciyaarista Zagreb: “Sheekada ku sabsan Manchester United? Wax badan masii fiirin wararka xanta ah. . Dinamo Zagreb ayaana go’aan ka gaari doonta waxa dhacaaya.

“Waxaan isku deyayaa inaan kor isku qaado inta karaankeyga ah – wax walba oo kale hada ima quseeyaan.”

Arsenal oo diyaar u ah inay Janaayo 35 milyan kusoo xero geliso Falcao.

Arsene Wenger ayaa isticmaali kara lacagtiisii ugu badneyd ee uu abid ciyaaryahan kusoo iibsado isagoo maanka ku haya inuu 35 milyan oo ginni bisha Janaayo kooxdiisa Gunners ugu soo xero geliso gool ma gafe Radmal Falcao.

Tababaraha Arsenal ayaa laga soo xigtay isuucii lasoo dhaafay inuu u baqooli karo xidiga.

“Hadii uu Arsene doonayo inuu lacagtaas isticmaalo inta uu Janaayo suuqa kala iibsigu furan yahay, xaqiiqdii taas wuu sameyn karaa,” ayuu yiri Gudoomiyaha Arsenal Peter Hill-Wood.

Arsenal iyo taageerayasheeda ayaa baadi goob ugu jira koobkoodii ugu horeeyey ilaa muddo todobo sano ah.

Barcelona iyo Juventus oo diyaar u ah inay Man Utd ka fara maroojistaan Vidic.

Mustaqbalka Nemanja Vidic ee  Manchester United ayaa shaki ku jiraa mar kale iyadoo kooxda reer Spain ee Barcelona iyo kooxda heysata horyaalka Italy ee Juventus ay isku deyayaan inay kabtanka ka dhaqaajiyaan gegeda Old Trafford, sida uu qoray warsidaha The People.

Labada kooxdood ayaa maanka ku haya inay ninka reer Serbia ka dhaqaajiyaan horyaalka Ingiriiska dhamaadka xilli ciyaareedkan, xitta hadii uu kusii jiro xaaladiisa dhaawaca ah.

Dhamaadla xilli ciyaareedka Vidic ayaa heshiiskiisa waxaa ka harsanaan doona hal sano, waxaana nasiib darro noqon doona inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa.

United, ayaa dhibaato kala kulmeysay laba sano ka hor  iyadoo Real Madrid ay xiiseyneysay ninkaan, waana inuu go’aan qaata 30 jirkaani hadii uu qandaraaska dhereynayo iyo hadii kale, kaasoo todobo isbuuc oo kale garoomada ka maqnaanaya.

Barcelona ayaa raadineysa ninkii booska ka bedeli lahaa Carles Puyol, iyadoo Old Lady ay dooneyso inay iska dhisto daafaceeda dambe.

Barcelona ayaa daafacaan ku rabta 12 milyan oo ginni, halka ay Juventus ku rabo ku dhowaad 16 milyan oo ginni.

Sawir gacmeed qosol leh oo laga sameeyay magacaabista R/W Saacid

Farshaxamiistaha Soomaaliyeed ee caanka ah Amin Camir, ayaa sawir gacmeed ka sameeyay magacaabista Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdulqadir Faarax Shirdoon “Saacid”.

Amin ayaa sawir gacmeedkiisa ku muujiyay in dadweyne badan oo Soomaaliyeed ay kasoo horjeedaan magacaabista Saacid, sida isaga fikirkiisa ah ee uu sawiray.

Waxa uu sidoo kale uu kusoo qaatay talo ay Shariif Xasan iyo Gaas siinayaan Madaxweynaha ee ah inaan laga murgoon rabitaanka shacabka.

Waxa uu sidoo kale muujiyay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarahaba ay lasoo shaqeeyeen ururada aan dowliga ahayn “NOGs”,  sidoo kalena la filayo dowlad NGO ah.

Haddaba arag Sawirka Amin

 

 

Cabdi Weli Gaas oo ballan qaad u sameeyay ra’iisul wasaare Saacid.

Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya  Cabdi Wali Maxamad Cali Gaas ayaa u ballan qaaday  inuu la shaqeyn doono Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Garaad Shirdoon Saacid.

C/wali Maxamed Cali Gaas Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya ayaa mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa sidoo kale uu ka codsaday inay la shaqeeyaan Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya si uu uguto waajibaadka shaqo ee horyaala.

Gaas ayaa sidoo kale wuxuu sheegay 06-Septempar sanad kahor ay aheyd maalin taariiqi ah oo dalka Soomaaliya lagu saxiixay Road-mapka shalay oo maalintaasi oo kale ku beegan dalka waxaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare cusub.

Waxuu sheegay Ra’iisul Wasaarihii hore inay hortaalo Shaqo adag oo loo baahanyahay inuu ka gudbo.

Cabdi Faarax Garaad Shirdoon Saacid ayaa balan qaaday dhankiisa inuu dhamaystiri doono dowladiisa uuna wadada u xaarayoMusuqmaasuqa.