27.2 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Xogta dagaal iyo duqeymo culus oo ka dhacay GALGADUUD

0

Galcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta deegaanno ka tirsan gobolkaasi ay ka dhaceen duqeymo culus iyo dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Duqeymaha oo ahaa kuwa xooggan ayaa waxaa lasoo wariyay inay ka dhaceen aagga degmada Galcad, waxaana lagu beegsaday bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen xubnaa Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen jugta gantaallada, waxaana lagu garaacay deegaanno ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobaha la duqeeyay ay ku jiraan saldhigyo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd aagga degmada Galcad, waxaana sidoo kale jira khasaare culus oo la gaarsiiyay kooxda.

Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee dhashay weerarkan dhanka cirka ah ee ka dhacay gobolka Galgaduud, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab ayaa isna maanta ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo hoos yimaada degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxaana dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana kadib qarxay dagaal toos ah.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay guul wayn ka gaareen dagaalka ay la galeen Al-Shabaab, ayna jab culus ku gaarsiiyeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen in howlgallada ay sii wadi doonaan, isla markaana ujeedkooda uu yahay in Khawaarijta ay ka saaraan gobolka Galgaduud oo dhan.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa  kordhiyay howlgallada ay ka wadaan Galmudug iyo HirShabelle , kadib markii ay dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen maleeshyaadka Al-Shabaab oo la wareegay deegaanno horay looga xoreeyay.

Jaamac oo ku faanay inuu saxiixay 10 heshiis difaac, uuna galay 200 safar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo warbixin kooban soo saaray ayaa ka hadlay waxqabadkiisa, muudada uu hoggaamnayay wasaaradda difaaca ee dalka, isaga oo ku faanay inuu soo saxiixay illaa 10 heshiis difaac oo lala soo galay dalal kala duwan.

Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in wasaaraddu muddada uu joogay lagu sameeyay isbedallo waa wayn oo ku saleysan aragtida Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuna aadan aragti ah Soomaaliya ammaan ah, midaysan oo madax-bannaan.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay inuu galay illa heshiis oo difaac iyo 200 oo safarro diblomaasiyadeed ah oo uu baxay dibadda.

“10 heshiis oo dafaac ayaanu soo galnay 200 oo safar diblomaasiyadeed ahna waan u baxnay, intii aan haya xilka wasiirka wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya” ayuu yiri

Waxaa kale oo uu tilmaamay in la dilay illaa 5,000 oo Al-Shabaab ah, kadib howlgallo ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya oo loo tababaray in ka badan 20,000 oo askari, kuwaas oo haatan qayb ka ah howlgallada xoreynta ee ka socda dalka.

 Hoos ka akhriso nuxurka warbixinta:-

🔹 In ka badan 20,000 oo askari oo ka tirsan CXDS ayaa la tababaray

🔹 In ka badan 5,000 oo argagixiso Khawarij ah ayaa la diley

🔹 In ka badan 10 heshiisyo difaac ayaa la saxiixay

🔹 In ka badan 200 safarro diblomaasiyadeed ayaa la fuliyay

“Dhaxalkaani waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed ee diiday inay isdhiibaan” ayaa wasiirkii hore gaashaandhigga ku yiri qoraalka kooban ee uu soo saaray.

Dhinaca kale, Wasiir Jaamac ayaa illaa iyo hadda aan xilka ku wareejin wasiirka cusub, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo la magacaabay 17-kii Maarso, taas oo dhalisay hadal-heyn xoogan

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow arrintan ayaa sheegay in Wasiir Jibriil uu weli sugayo wareejin rasmi ah, balse ay muuqato in wasiirkii hore uusan diyaar u ahayn inuu fududeeyo hannaan xil wareejin.

Jaamac ayaa weli sii wata shaqada, waxaana dhowaan uu bartiisa Facebook soo dhigay sawir uu la taagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, arrin loo fasiray inay tahay farriin siyaasadeed oo muujinaysa xiriirka dhow ee uu la leeyahay xukuumadda Ankara.

Sidoo kale Jaamac ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey safarkii uu dhowaan ku tegay Ankara, oo la xiriiray arrimo amni, taasi oo muujisay in uu weli haysto taageerada madaxweynaha iyo dowladda Turkiga.

Arrimahan ayaa imanaya ayada oo Dowladda Federaalka ay weli la daalaa-dhacayso weerarro sii kordhaya oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulinayso gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, taasoo sii xoojisay baahida ay u qabto taageerada milatari ee Turkiga.

 

Culimada Muslimiinta ugu caansan oo soo saaray fatwo jihaad oo aan caadi ahayn

Doha (Caasimada Online) – Culimada Islaamka ee ugu caansan adduunka ayaa si wadajir ah u soo saaray fatwo aan caadi ahayn, iyagoo ugu baaqay dhammaan Muslimiinta iyo dowladaha Muslimiinta in ay qaadaan jihaad ka dhan ah Israa’iil, kadib 17 bilood oo dagaal lagu baabi’inayo Falastiiniyiinta ku sugan marinka go’doonsan ee Gaza.

Sheekh Cali al-Qaradaghi, xoghayaha guud ee Ururka Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta (IUMS), oo horey u hoggaamin jiray caalimkii weynaa Yusuf al-Qaradawi, ayaa Jimcihii ugu baaqay dowladaha Muslimiinta “inay si degdeg ah uga falceliyaan dhibaatada Gaza — milatari ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba — si loo joojiyo xasuuqa iyo burburka baahsan, taasoo waafaqsan masuuliyadooda sharciyeed.”

“Ku guuldareysiga dowladaha Carabta iyo Islaamka ee garab istaagga Gaza xilli la baabi’inayo, waxay shareecada Islaamka u aqoonsan tahay dambi weyn oo lagula kaco walaalaheen la dulmiyay,” ayuu yiri Qaradaghi, oo hadalkiisa uu qayb ka ahaa fatwo ka kooban 15 qodob.

Qaradaghi, oo ka mid ah culimada ugu ixtiraamka badan gobolka, ayaa fatwooyinkiisu culeys weyn ku leh dunida Muslimka ah, gaar ahaan 1.7 bilyan oo Muslimiin Sunni ah.

Fatwo, waa go’aan sharciyeed aan khasab ahayn oo uu bixiyo caalim sumcad leh, laguna saleeyo Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada — hadallada iyo ficilladii Nabi Muxammad (NNKH).

“Waa xaaraan in lala safnaado cadowga gaalka ah”

“Waa xaaraan in lala safnaado cadowga gaalka ah [Israa’iil] xilli uu dabar-goynayo Muslimiinta Qaza, nooca taageeradu ha ahaato sida ay doonto.”

Qaradaghi waxa uu si gaar ah u xusay: “Waa mamnuuc in hub la siiyo, in loo fududeeyo marinada badda, dekedaha, ama hawada, sida Kanaalka Suweys, Baab al-Mandab, Kanaalka Hormuz, ama marin kale oo dhul, cir ama bad ah.”

“Guddigu wuxuu soo saaray fatwo waajib ka dhigaysa in cunaqabateyn buuxda — dhanka cirka, badda iyo dhulka — lagu soo rogo cadowga qabsaday, si loogu hiiliyo walaalaheen Gaza,” ayuu sii raaciyay.

Baaqan waxaa si wadajir ah u taageeray 14 caalim oo kale oo Muslimiin caan ah, kuwaasoo sidoo kale ugu baaqay dowladaha Muslimiinta “inay dib u eegaan heshiisyadooda nabadeed ee ay la galeen Israa’iil,” iyagoo Muslimiinta ku nool Mareykankana ugu yeeray inay cadaadis ku saaraan Madaxweyne Donald Trump si uu “u fuliyo ballanqaadyadiisii ololaha ee ahaa joojinta gardarrada iyo sugidda nabadda.”

“Gaza si aamusan ayaa loo dabar-goynayaa”

Inkasta oo Donald Trump uu marar badan ololihiisa ku ballanqaaday in uu joojin doono dagaalka, sidoo kalena uu horraantii xafiiska ku guuleystay in uu ku meel gaar ah u hirgeliyo xabbad-joojin, haddana warar la helay ayaa sheegaya in bishii la soo dhaafay uu si buuxda u oggolaaday in Israa’iil ay dib u billowdo weerarka.

Tan iyo markii la jebiyay heshiiskii xabbad-joojinta, Israa’iil waxay dishay in ka badan 1,200 oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan boqolaal carruur ah. Guud ahaan, laga bilaabo Oktoobar 2023, tirada Falastiiniyiinta la dilay ayaa ka badan 50,000.

Jimcihii, ciidamada Israa’iil ayaa sii waday duqeymaha ka dhanka ah Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 30 qof laga bilaabo waaberigii, sida ay sheegeen ilo caafimaad iyo waaxda difaaca rayidka ee Gaza.

Weerarradii ugu dambeeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday iskuullo, xarumo hoy ah, isbitaallo, xarumaha cunto qaybin, meelaha ay Israa’iil sheegtay inay yihiin “goobo ammaan ah,” iyo warshad biyo macaaneysa.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday duqeymaha ayaa muujinayay burbur baahsan oo ka dhacay xaafado si aad ah u ciriiri ah. Falastiiniyiinta ayaa baraha bulshada ku wadaagayay fariimo ay ugu yeereen “macasalaama” ay la hadlayaan caalamka.

Weriyaha Maxamed Abu Mustafaa ayaa bartiisa bulshada ku qoray fariimo uu ku muujinayay niyad-jab iyo cadho: “Nabadgelyo beesha caalamka ee ugu khiyaanada badan taariikhda. Saacado kadib, Gaza way baaba’aysaa. Kaliya jannada ayaad naga heli doontaan.”

Suxufiga iyo u dhaqdhaqaaqaha Falastiiniyaanka ah ee Aboud Battah ayaa ku baaqay in la hadlo: “Ka hadla xaaladdeena. Ilaahay baan ku dhaartaye, si aamusan ayaa nala dabar-goynayaa.”

Netanyahu: “Cadaadiska waan kordhinaynaa”

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ballanqaaday in Israa’iil ay sii kordhinayso weerarada ay ku hayso Gaza, si ay ugu cadaadiso Xamaas in ay sameyso tanaasul dheeraad ah.

“Waqtigan waxaan kala jaraynaa Marinka Qaza, cadaadiskana si tartiib tartiib ah ayaan u kordhinaynaa si ay u soo celiyaan la haystayaasheenna,” ayuu ku yiri muuqaal uu diray Arbacadii.

Netanyahu waxa uu dalbanayaa in Xamaas ay siidaayso 59-ka la hayste ee Israa’iil, si loogu beddelo maxaabiis Falastiiniyiin ah iyo gargaar bini’aadantinimo — balse isagoo aan ballanqaadaynin in dagaalka la joojinayo ama ciidamada la laabanayo.

Israa’iil waxay dalbanaysaa in heshiiska xabbad-joojinta lagu xiro shuruud ah in Xamaas hubka dhigto — arrin ay Xamaas ku tilmaamtay “xariiq cas” — iyadoo sidoo kale si cad u taageeraysa qorsheyaal ay kula wareegayso amniga Qaza isla markaana lagu barakicinayo Falastiiniyiinta.

Xamaas ayaa ugu baaqday in lagu soo laabto heshiiskii hore ee saddexda weji lahaa, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay mar qura siidaayaan dhammaan la haystayaasha haddii la helo xabbad-joojin buuxda.

 

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay Kampala + Ujeedka

0

Kampala (Caasimada Online) –Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow ka dagay magaalada Kampala ee casimadda dalka Uganda, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi, Mudane Yoweri Museveni oo ay yeelan doonaan wadahadallo gaar ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka laba geesoodka dhinacyada badan taabanaya ee labada dal ka dhexeeya iyo xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale booqashada Madaxwaynaha Soomaaliya ku tagay dalka Uganda ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagu cirirbtirayo Khawaarijta, oo ay qayb ka tahay dowladda Uganda.

Sida qorshuhu yahay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa Yoweri Museveni waydiisan doono taageero milatari oo ku aadan dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaab oo hadda sii xoogeystay.

Uganda  ayaa waxaa ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, waxayna askarta ugu badan ku leedahay howlgalka AUSSOM oo sanadkan ka bilowday gudaha dalka, horayna waxay sidaas oo kale ciidamo badan ugu hoggaamineysay howlgalladii ka horreeyay ee ATMIS iyo AMISOM.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Kampala ayaa qayb ka noqonayo dadaallo kala duwan oo uu wado Xasan Sheekh, wuxuuna horay u tegay Turkiga iyo Jabuuti oo uu kala soo hadlay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa gudaha ka soconayo dadaallo kale oo waa wayn, waxaana madaxweynaha uu fidiyay gogol ballaaran oo u jeedkoodu yahay in loo midoobo Khawaarijta, sida ay goor sii horeysay oo maanta ah ay shaacisay Villa Soomaaliya.

“Ujeedka gogosha waxa uu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka Khawaarijta, maadaama ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan”.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta”.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconayo guluf culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah, kaas oo muddooyinkii u dambeeyay sii laba kacleeyay, kadib markii Al-Shabaab ay culeys soo saareen gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada Muqdisho.

Villa Somalia oo shaacisay ajendaha gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay kulan gaar ah oo Muqdisho ku dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, ayada oo sidoo kale shaacisay ajendaha rasmiga ah ee shirweynaha loo ballansan yahay.

Villa Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in ajendaha ugu muhiisam ee shirka soo socda uu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iayada oo sheegtay in ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.

Waxaa kale oo shirkan diiradda lagu saaray u diyaar garowga gogosha uu iclaamiyay madaxweynaha, iyaga oo isku raacay in loo howlgalo si wadajir ah oo niyadsami leh, si loo wada toono talada uu soo bandhigay Xasan Sheekh Maxamuud.

“Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale inta uu socday kulanka waxa ay madaxdu isku dhaafsadeen warbixinno kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo howlgallada hadda socda.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas oo horudhac u ah baaqii Madaxweynaha ee dadaallada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed si loo laba-jibaarro hawlgallada lagu ciribtirayo cadawga Khawaarijta ah.

Kulanka ayaa lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgallada hadda socda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay madaxweynayaasha dowlad-goballeedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Intii uu kulanku socday ayay madaxdu ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka Khawaarijta, maadaama ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xasuusan in guulaha waaweyn ee laga gaaray la-dagaallanka argagaxisada ay ku yimaadeen taageerada hagar-la’aanta ah ee ay shacabka Soomaaliyeed la garab-taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa mudnaanta koowaad siinaya xoojinta midnimada ummadeed ee ku wajahan ka-miro-dhalinta halganka dalka looga xoreynayo cadawga arxanlaaweyaasha ah.

Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta.

Taliyihii Guutada 14-ka October oo toogasho lagu dilay – Yaa ka dambeeyay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho maanta loo gaystay Alle ha u naxariistee Taliyihii Guutada 14-ka October, Gaashaanle Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo lagu dilay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in taliyaha xilliga la dilayay uu ku sugnaa deegaan u dhow Afgooye, isaga oo khudbad u jeedinayay ciidamo saf lasoo geliyay, waxaana rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada, taas oo keentay in isla goobta uu ku geeriyoodo marxuumka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ninka gaystay falkan isna goobta lagu dilay, waxaana dhacdadan ka dhashay hadal-heyn xoogan.

Ma cadda sababta uu askariga u dilay taliyaha, waxaana haatan socda baaritaanno ay wadaan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka oo ku aadan dilka Taliyaha Guutada 14-ka October, waxaana la filayaa in taliska uu ka hadlo.

Alle ha u naxariistee Taliye Nuur Farey ayaa ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo firfircoon, isla markaana tababaro kala duwan ku soo qaatay dalka dibadiisa, gaar ahaan Talyaaniga.

Sidoo kale, waa sarkaal xoreeyay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana haatan uu ka howlgalayay aagga Awdheegle, Afgooye, Sabiid iyo Canoole oo dhowaan ay weeraro kusoo qaadeen maleeshiyaadka kooxda Shabaab.

Dhanka kale, dilka loo gaystay taliyaha ayaa waa ku geedaaman su’aallo la’is waydiinayo oo la xiriira sababta ka dambeysa toogashada lagu dilay iyo waxa uu ahaa askariga ka dambeeyay, iyada oo jawaabta looga fadhiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa sidoo kale kusoo aaday, xilli haatan ay dhaq-dhaqaaqyo ka socdaan aagga degmada Afgooye, kuwaas oo la doonayo in looga hortago duulaanka Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose oo dhowaan uun la wareegay degmada Awdheegle iyo deegaanno kale.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga soo saartay gobollada Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi.

Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay nawaaxiga Madaxtooyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goordhow lagu garaacay agagaarka dhismaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay gudaha caasimada.

Illaa 4 hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafaddo aad ugu dhow xarunta madaxtooyada, gaar ahaan degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay Tiyaatarka Qaranka, waxaana ku dhaawacmay hal oo kamid ah howldeennada Tiyaatarka.

Sidoo kale laba ruux oo ayaa ku dhaawacmay hoobiye kale oo ku dhacay barxadda Warta Nabadda, halka lasoo wariyay in mid kale uu ku dhacay guri ay dagan yihiin dad shacab ah oo isna ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka xarunta Villa Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa madaxtooyada oo ah meesha la weeraray.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan lagu qaaday garoonka Aadan Cadde oo madaafiic lagu garaacay, xilli uu kasoo degagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho hal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabtay.

Waxaa kale oo xigay weerar kale oo hoobiyeyaal ah oo Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan.

Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka.

Kooxda ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga soo saartay gobollada Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca jidka degmada Balcad.

Booliska oo shaaciyay kiis xasaasi oo loo haysto Cabdiraxmaan Saleebaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa looga hadlay xarrigga loo gaystay guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Shacabka, Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac oo u xiran dowladda Soomaaliya, wuxuuna Boolisku soo bandhigay kiis xasaasi ah oo loo haysto siyaasigan.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Cabdiraxmaan laga soo xiray degmada Xamarweyne, loona haysto inuu ku kacay falal liddi ku ah amniga qaranka, balse ma bixin faah-faahin dheeri ah.

Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in guddoomiyaha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamarwayne oo gudanaya waajibaadka Qaranka ayaa soo xiray eedeysane C/Raxmaan Suleymaan Jaamac, kaas oo ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka. Waxaana la horgeyndoonaa Maxkammada Awooda u leh Insh-Allah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan inay dhiirogeliyaan kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Khawaarijta ah Ruux walba oo ku kaca falal liddi ku ah Ammanka Qaranka Waxa uu wajihidoonaa hay,addaha Cadaalada” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si adag u cambaareeyay xarig uu ku tilmaamay sharci darro oo ay laamaha ammaanka dowladda Federaalka u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka, Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

Farmaajo ayaa sheegay in arrintani ay muujinayso jihada siyaasadeed ee uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan nooca doorasho ee uu hiigsanayo.

“Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay,” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo bayaan uu soo saaray maanta.

Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna si xooggan u cambaareeyay tallaabada ee ay ciidamada ammaanka ay ku xireen siyaasiuga Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

“Falkaani oo u dhigma afduub siyaasadeed, wuxuu xisbiga Himilo Qaran u arkaa mid gebi ahaanba baalmarsan shuruucda iyo dastuurka dalka, wuxuuna sidoo kale xarigaani waji gabax ku yahay Xukuumadda Federaalka ah maadama ay madaxda dowladu caado ka dhigteen caburin joogta ah oo taabanaysa ururada siyaasadda iyo saxaafadda xorta ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Xisbi Siyaasadeedka Himilo Qaran.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso xilli hadda dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo ka dhalatay sida loo wajahayo hanaanka doorashooyinka 2026-ka, waxaana haatan laga war sugayaa natiijada kasoo bixi doonto gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xog: Beesha caalamka oo diiday qorshaha gogosha uu fidiyey madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa weli cadaadis xooggan ku haysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayada oo dalbaneysa in gogosha wadatashiga qaran ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga dhigo mid ballaaran oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada saamaynta ku leh siyaasadda dalka.

Diblomaasiyiinta ku sugan Xalane ayaa ku baaqay in aan la koobin wadahadalka oo keliya la-dagaallanka argagixisada, sida ay damacsan tahay Villa Somalia, balse sidoo kale lagu daro arrimaha siyaasadeed ee weli taagan, gaar ahaan khilaafka ka dhashay isbeddelka Dastuurka iyo hannaanka doorasho ee dalka. Waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay wadahadal furan oo horseeda wadar-ogol siyaasadeed iyo xasillooni waarta.

Sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah, safiirradu waxay muujinayaan baahida degdegga ah ee loo qabo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, islamarkaana ka tarjumaya xaqiiqada siyaasadeed ee dalka. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo ilaaliyo midnimada dalka, loogana hortago khilaafyo hor leh oo wiiqi kara dadaallada nabadeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan wadatashi ah la yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo lagu lafaguray sidii loo dardargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida ay sheegeen ilo ku dhow Madaxtooyada.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha toddobaadkan ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran oo uu sheegay in ay ka qeyb geli doonaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo qeybaha bulshada, si loo helo aragti mideysan oo ku saabsan la-dagaallanka argagixisada. Qorshahan ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, gaar ahaan mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Si kastaba, warar hoose oo laga helayo Villa Somalia ayaa muujinaya in wali aan si rasmi ah loo shaacin jadwalka iyo ajandaha gogosha wadatashiga, balse uu qorshuhu yahay in diiradda la saaro la-dagaallanka argagixisada. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta baaq xooggan oo ku wajahan Villa Somalia si ay u ballaariso kulanka, una furto dhinacyada siyaasadda sida Puntland iyo Jubbaland oo aan wali qayb ka ahayn wadahadalka.

Kulanka Madaxweynaha iyo saddexda hoggaamiye goboleed ayaa loo arkaa hordhac u ah wadahadallo isdaba-joog ah oo lagu doonayo in lagu mideeyo aragtida siyaasadeed ee dalka, iyadoo la wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo isbiirsaday.

Madaxweynaha ayaa kulankan ku qabtay magaalada Muqdisho, maalmo kaddib markii uu dalka dib ugu soo laabtay safar hal maalin ah oo uu ku tagay dalka Turkiga.

Xog: Jaamac oo diidan inuu wareejiyo xilka wasiirka difaaca

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa la sheegay inuu diidan yahay inuu xilka ku wareejiyo wasiirka cusub, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo la magacaabay 17-kii Maarso.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow arrintan ayaa sheegay in Wasiir Jibriil uu weli sugayo wareejin rasmi ah, balse ay muuqato in wasiirkii hore uusan diyaar u ahayn inuu fududeeyo hannaan xil wareejin.

Ilaa hadda lama shaacin sabab rasmi ah oo keentay dib-u-dhaca, hase yeeshee warar hoose ayaa tilmaamaya in Ra’iisul Wasaaraha uusan wali ka jawaabin cabasho rasmi ah oo uu gudbiyay wasiirka cusub.

Warbixino lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda Turkiga—oo ah lammaanaha milatari ee ugu dhow Soomaaliya—ay ka soo horjeedo xil ka qaadista Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Turkigu waxa uu door weyn ku leeyahay amniga Soomaaliya, isagoo siiya ciidanka tababar, qalab iyo taageero gaar ah oo loogu talagalay unugyada khaaska ah.

Dhawaan, wasiirkii hore ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawir uu la taagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, arrin loo fasiray inay tahay farriin siyaasadeed oo muujinaysa xiriirka dhow ee uu la leeyahay Ankara.

Jaamac ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey safarkii uu dhowaan ku tegay Ankara, oo la xiriiray arrimo amni, taasi oo muujisay in uu weli haysto taageerada madaxweynaha iyo dowladda Turkiga.

Arrimahan ayaa imanaya ayada oo Dowladda Federaalka ay weli la daalaa-dhacayso weerarro sii kordhaya oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulinayso gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, taasoo sii xoojisay baahida ay u qabto taageerada milatari ee Turkiga.

Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in dhowr dal oo xiriir amni la leh Soomaaliya ay cadaadis ku saareen Villa Somalia in la beddelo wasiirkii hore si loo xoojiyo iskaashiga dhanka amniga, si gaar ahna dowladda Mareykanka.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo horey u soo noqday Qunsulka Soomaaliya ee Turkiga, ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay hay’adaha sirdoonka Turkiga. Arrintan ayaa walaac ku abuurtay qaar ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka howlgala amniga Soomaaliya, kuwaas oo ka cabsi qaba in xogaha sirdoonka muhiimka ah ay si xad dhaaf ah ugu tiirsanaadaan hal waddan oo keliya.

 

Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga jawaabay tallaabo ay qaaday DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyay xarig uu ku tilmaamay sharci darro oo ay laamaha ammaanka dowladda Federaalka u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka, Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

Farmaajo ayaa sheegay in arrintani ay muujinayso jihada siyaasadeed ee uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan nooca doorasho ee uu hiigsanayo.

“Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay,” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo bayaan uu soo saaray maanta.

Isagoo ka hadlayay saameynta arrintan ay ku yeelan karto hannaanka dimoqraadiyadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka, Farmaajo wuxuu ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddiisa dib loogu celiyo Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

“Annaga oo muujinayna iinta uu xadgudubkaani ku yeelanayo xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu xorriyaddiisa si deg deg ah ugu soo celiyo Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka ee sida sharci darrada ah loo beegsaday,” ayuu raaciyay.

“Hay’adaha ammaanka heer Federaal waxaan ku adkaynaynaa waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin, iyaga oo ka fogaanaya tallaabooyinka noocaan ah ee wiiqaya kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo sumcaddooda ciidannimo,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ayaa Madaxweynaha hadda talada haya ugu baaqay in uu ka fogaado ficillo sababi kara hubanti la’aan siyaasadeed, isla markaana uu mudnaan siiyo dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan mar kale ugu baaqaynaa in uu ka waantoobo ficillada keenaya mugdiga iyo hubinti la’aanta siyaasadeed ee uu dalku ku jiro, marxaladdan adagna uu mudnaan siiyo soocelinta wadajirka iyo midnimada, si aynu awood ugu yeelanno in Qaranka Soomaaliyeed aynu ka samatabixinno duruufaha amni iyo jiritaan ee ku xeeran,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Farmaajo.

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Masar iyo Israel ee ka taagan xuduudda Sinai

Qaahira (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin Masri ah ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay si ula kac ah u hurinayso xiisado, kadib markii ay si been ah u sheegtay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda waqooyiga Sinai ay jabinayaan heshiiskii nabadeed ee labada dal ay gaareen.

Diblomaasi sare oo ku sugan Qaahira ayaa u sheegay Middle East Eye (MEE) in xiriirka Masar iyo Israa’iil uu hoos u dhacay ilaa heerkii ugu liitay tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, iyadoo cabsi laga qabo in duullaanka cusub ee Israa’iil uu hordhac u yahay qorshe barakicin qasaba ah oo lagu saari karo Falastiiniyiinta ka harsan gudaha Gaza.

Falanqeeyayaal Israa’iiliyin iyo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale ka digay in maamulka Israa’iil uu xoojinayo khilaafka si uu u beddelo ra’yiga shacabka oo uu uga dhigo mid ka soo horjeeda Masar — arrin lagu micneeyay in lagu fududeynayo barakicinta Gaza, isla markaana lagu horumarinayo yoolalka istiraatiijiyadeed ee Israa’iil ee gobolka.

Assaf David, agaasimaha barnaamijka “Israel in the Middle East” ee Machadka Van Leer ee magaalada Jerusalem ahna bare ka tirsan Jaamacadda Cibraaniyada, ayaa MEE u sheegay: “Hurinta waa muuqataa. Waxaan aaminsanahay in xukuumadda Netanyahu ay si dhab ah ugu go’an tahay qorshaha nadiifinta qowmiyadeed.”

“Haddii dareenka shacabka Israa’iil ee ku wajahan Masar is beddelo, arrintu way u fududaanaysaa. Sidaas darteed, dagaal lagu abuuro Masar wuxuu dhigayaa salka qorshahan.”

Warbixino marin habaabin ah

Warbaahinta Israa’iil ayaa toddobaadkan werisay in Masar ay kordhisay joogitaanka ciidan ee waqooyiga Sinai — xuduudda Gaza — iyadoo ka tallaabeysa xaddiga ciidanka ee lagu oggol yahay heshiiska, isla markaana la dhisay kaabayaal cusub oo ku yaalla dekedaha iyo saldhigyada cirka.

Mas’uuliyiin Israa’iili ah ayaa sheegay in arrimahan lala wadaagay Qaahira iyo Washington. Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa Khamiistii sheegay in Israa’iil aysan oggolaan doonin in Masar ay jebiso heshiiskii Camp David ee 1979.

Balse sarkaal sare oo hore oo Masar ah ayaa u sheegay MEE in aysan jirin wax jabin ah oo dhacay, isagoo xusay in joogitaanka ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee milatari ay waafaqsan yihiin heshiiskii asalka ahaa iyo wax-ka-beddelladii xigay.

Janaraal Ahmed Ibrahim Kamel — oo hore u soo noqday madaxa hay’adda sirdoonka milatari ee Masar iyo ku xigeenka agaasimaha guud ee sirdoonka — ayaa sheegay in isbeddel lagu sameeyay heshiiska sanadkii 2005 uu Masar u oggolaaday inay geyso hal cutub oo ka tirsan ciidanka ilaalinta xuduudaha, kuwaas oo si buuxda u hubeysan, isla markaasna la geeyay xadka Gaza kadib markii Israa’iil ay ka baxday halkaas.

Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgaladii la dagaalanka argagixisada ee Sinai muddadii u dhexeysay 2013 ilaa 2021 ay ahaayeen kuwa si buuxda loola kaashaday Israa’iil.

Kamel wuxuu MEE u sheegay: “Sida caadiga ah, Israa’iil iyo warbaahinteeda marin-habaabinta ahi ma bixinayaan xaqiiqooyinka oo dhan, gaar ahaan isbeddellada lagu sameeyay lifaaqa milatari ee heshiiska. Waxay si joogto ah u diidaan inay Masar u aqoonsadaan la-hawlgalaha nabadda, iyagoo doorbidaya inay ku muujiyaan Masar mid dhibaatada qayb ka ah. Taasi waxay si gaar ah ugu muuqatay xasaradda Gaza ee sanadkii iyo bar ee la soo dhaafay.”

Sayed Ghoneim, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Sare ee Ciidanka Masar iyo janaraal hore, ayaa isna u sheegay MEE in Israa’iil ay si qaldan u fahantay qodobbada heshiiska.

Wuxuu xusay in ay jiraan hannaan sharci ah oo u oggolaanaya Masar iyo Israa’iil inay wax ka beddelaan abaabulka milatari iyadoo aan la baabi’in heshiiska, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamadii Masar ee loo diray xuduudda Rafax sanadkii 2021.

MEE waxay la xiriirtay Ciidanka Caalamiga ah iyo Kormeerayaasha (MFO), hay’adda caalamiga ah ee la aasaasay si ay u kormeerto fulinta heshiiskii 1979, si loo weydiiyo haddii ay diiwaangeliyeen wax jabin ah oo dhowaan dhacay. Hase yeeshee, wax jawaab ah lagama helin waqtiga la daabacayay warbixinta.

Safiiro maqan

Cabsi sii kordheysa oo laga qabo in Israa’iil ay qorshaynayso barakicin qasab ah oo loogu raro Falastiiniyiinta Gaza dhanka Sinai — taasoo ay sal u tahay soo jeedintii hore ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump — ayaa sii xumeysay xiriirka labada dal.

Diblomaasi Masri ah oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa u sheegay MEE in xiriirka hadda uu ka xun yahay sidii uu ahaa tan iyo 7-dii Oktoobar 2023.

Wuxuu sheegay in Masar ay diiday inay aqbasho waraaqaha aqoonsiga safiirka cusub ee Israa’iil, Uri Rothman, oo la magacaabay bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.

Shaqaalaha safaaradda Israa’iil ee Masar iyo wadamada kale ee Carabta ayaa intooda badan laga daadgureeyay sababo la xiriira amniga, iyadoo Israa’iil ay kaliya si kooban u joogto safaaraddeeda Qaahira.

Masar iyaduna ma hayso safiir rasmi ah oo jooga Israa’iil kadib markii aan la magacaabin beddelka Khaled Azmi, oo si qarsoodi ah uga tagay xilka toddoba bilood kahor.

Si kastaba, falanqeeyayaal ayaa sheegay in ay jiraan arrimo kale oo ka baxsan barakicinta shacabka Gaza oo sidoo kale saameynaya xiriirka labada dal.

Assaf wuxuu qiray in yoolka ugu weyn ee Israa’iil uu yahay in la abuuro xaalad horseedaysa in dadka Gaza loo raro dhulka Masar.

Laakiin wuxuu sidoo kale xusay in arrintu ay muujinayso khilaafyo siyaasadeed iyo is-qabqabsi ka dhex jira dowladda Israa’iil, iyo sidoo kale loollanka Masar iyo Qatar ee ku saabsan doorka dhex-dhexaadinta wadahadallada xabbad-joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Wuxuu intaas ku daray in xiriirka Masar iyo Israa’iil inta badan gacanta ugu jiray hay’adaha milatari iyo amniga ee Israa’iil, kuwaasoo xiriirkaas u maareeyay si masuuliyadi ku dheehan tahay, iyagoo sal ka dhigaya heshiisyada nabadeed ee labada dhinac.

Assaf wuxuu sidoo kale sheegay in fadeexadda loo yaqaan “Qatargate” — taasoo lala xiriiriyay la-taliyeyaal ka tirsan xafiiska Netanyahu oo lagu eedeeyay xiriirka saraakiil Qataari ah — ay muujineyso in laga yaabo in xukuumadda Israa’iil ay qorsheyneyso in Masar laga riixo doorka dhexdhexaadinta.

Xariiqda cas ee Sisi

Ameer Makhoul, u dhaqdhaqaaqe Falastiini ah oo qoraa ka ah Israa’iil, ayaa sheegay in Israa’iil ay doonayso in xaalad degdeg ah lagu barakiciyo shacabka Gaza, iyada oo la adeegsanayo duqeymo xooggan si ay ugu qasbanaadaan inay u guuraan dhulka Masar.

Wuxuu sidoo kale xusay in Israa’iil ay raadinayso yoolal istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin ballaarinta dekedda Ashdod si ay u gaarto Gaza — qeyb ka ah mashruuc lagu sameynayo marin ganacsi oo isku xira Aasiya iyo Yurub iyada oo loo marayo jasiiradda Carabta — iyo la wareegidda ilaha gaaska badda ee xeebaha Gaza.

Sidoo kale, qorshuhu wuxuu ka mid ahaa dhismaha kanaal cusub oo la tartama kanaalka Suweys — oo laga bilaabo Deir al-Balah ee Gaza loona mariyo dekedda Eilat ee Badda Cas — taasoo sidoo kale ku lug leh barakicinta beelaha Bedouin ee Negev.

“Dhammaan arrimahani waxay khatar ku yihiin ammaanka qaranka Masar waxayna wiiqayaan istiraatiijiyadda gobolka. Arrintaas waxay Israa’iil ku khasbaysaa inay xiriirka ku adkayso ama Masar isku daydo inay cabburiso,” ayuu yiri.

Masar iyo dalalka kale ee Carabta ayaa si adag u diiday in Falastiiniyiinta laga raro Gaza, iyadoo Masar ay soo jeedisay qorshe kale oo ay taageerayso Jaamacadda Carabta oo ku saleysan in Gaza dib loo dhiso iyadoo aan dadkeeda laga raraynin.

Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa barakicinta ku tilmaamay “xariiq cas” oo khatar ku ah ammaanka qaranka Masar.

Israa’iil ayaa mar kale qaaday duullaan ballaaran oo ka dhan ah Gaza, iyadoo Qaramada Midoobay Khamiistii sheegtay in laba-meelood meel dhulka Gaza ah lagu soo rogay amarro barakicin ah ama uu noqday “goob mamnuuc ah,” waxaana ka mid ah magaalada Rafax iyo inta badan koonfurta Gaza.

 

Somalia: World urges broader scope for national dialogue

Mogadishu, Somalia – The international community is intensifying pressure on the Federal Government of Somalia to ensure its recently announced national consultation, led by President Hassan Sheikh Mohamud, becomes a genuinely inclusive platform for all influential political stakeholders, sources in Mogadishu told Caasimada Online on Saturday.

Diplomats based in the heavily fortified Halane area of the capital have called for the dialogue to extend beyond the government’s primary focus on combating the Al-Shabaab insurgency.

They stressed that critical political issues, including disputes over constitutional amendments and the electoral framework, are essential for lasting stability.

“There is a clear need for an open and comprehensive dialogue that leads to broad political consensus and sustainable peace in Somalia,” a diplomatic source familiar with the discussions told AFP anonymously.

Concerns over limited scope

President Mohamud announced the national consultation earlier this week, stating it would involve political leaders and various segments of society to forge a unified vision against terrorism. The initiative received initial support from opposition groups and civil society organizations.

However, sources within Villa Somalia, the presidential palace, indicate that the planned agenda for the consultation mainly concerns security matters.

This has prompted unease within the international community and among some domestic political actors who fear crucial political grievances could be overlooked.

Further raising concerns is the apparent non-inclusion of Puntland and Jubbaland, two significant Federal Member States that have historically experienced strained relations with the central government regarding power and resource sharing.

These regions have not yet been part of the consultation process, leading to calls for their immediate involvement to guarantee the dialogue’s legitimacy and effectiveness. A recent report by the International Crisis Group highlights the complexities of Somalia’s federalism and the need for inclusive political processes. 

President holds talks with regional leaders

President Mohamud held a consultative meeting in Mogadishu on Friday with the presidents of South West, Hirshabelle, and Galmudug states. According to sources close to the presidency, discussions centered on intensifying operations against terrorist groups.

This meeting follows President Mohamud’s recent one-day trip to Turkey, a nation increasingly playing a notable role in Somalia’s development and security sectors.

International partners are underscoring the urgency of establishing an inclusive electoral process that reflects Somalia’s intricate political landscape. They also emphasized the need for strong cooperation between the Federal Government and Federal Member States to safeguard national unity and prevent conflicts that could undermine peace efforts.

Somalia has faced decades of political instability and conflict. Disagreements over authority and resources have often marked the relationship between the central government and the Federal Member States.

The ongoing constitutional review and preparations for future elections represent critical junctures requiring broad political consensus to ensure a stable and democratic future for the nation. Reuters reported in March on the pressures facing President Mohamud to foster unity ahead of potential elections.

Diplomats in Halane, a secure compound hosting numerous international missions, are closely monitoring the situation. They advocate for a dialogue that tackles the underlying causes of instability in Somalia, not merely its symptoms.

They believe that a limited focus on counterterrorism, without addressing fundamental political issues, risks providing only a temporary solution and could lead to future tensions and conflicts.

Warlords in suits: How Somalia’s elites undermine the state?

Introduction: A Paradox of Self-Destruction

In a paradox that continues to haunt Somalia’s fragile political landscape, the very architects of the federal state—its politicians, intellectuals, and elite powerbrokers—are now the same forces unraveling the delicate institutions they once championed. While they decry the dysfunction of governance, they simultaneously contribute to its demise through sabotage, egotism, and relentless pursuit of parochial interests. This investigative report peels back the layers of political narcissism, hypocrisy, and elite betrayal that have crippled Somalia’s quest for stability in 2025.

The Perversion of Federalism

When the Federal Government of Somalia (FGS) was conceptualized in the early 2010s, it was hailed as a compromise—a political architecture designed to accommodate Somalia’s clan-based realities, decentralize power, and foster unity in diversity. Yet, more than a decade later, it has become a battlefield for personal gain. Senior politicians, including some former federalists, now openly question the legitimacy of the very system they once helped design. Several regional leaders, after benefiting from federalism’s decentralization to seize regional power, now actively oppose FGS directives and participate in campaigns that weaken national cohesion. “They champion federalism when it suits them and reject it when national interests require cooperation,” says a former advisor to the Prime Minister, who requested anonymity. “It’s not governance. It’s selective loyalty.”

Narcissistic Politics: The Erosion of Statesmanship

At the heart of Somalia’s political dysfunction is a leadership culture shaped less by service and more by self-aggrandizement. Narcissism among elites and politicians has replaced vision and statesmanship. Social media feeds of Somali political figures offer a disturbing glimpse: constant self-praise, minimal policy discussions, and personal attacks. Leaders celebrate their photos more than their programs. Intellectuals act as tribal influencers rather than thought leaders, often wielding their platforms to incite, not inspire. “Somalia is not suffering from a lack of ideas,” notes political scientist Dr. Amina Warsame. “It’s suffering from the ego-driven sabotage of those who think they must either rule or ruin.”

Double Standards and Clan Weaponization

Somali elites exhibit a deeply entrenched pattern of double standards. When the FGS acts in ways that favor their clan or region, it’s “national leadership.” When it doesn’t, it’s “clannism” or “authoritarianism.” This selective outrage has become a form of political currency. Intellectuals, particularly those in the diaspora, have become major culprits. While publishing papers on governance and unity, many secretly fund or cheerlead clan militias, often using academic legitimacy to mask their partisan loyalties. This dual behavior undermines state-building efforts. It creates a society where the loudest voices are also the most duplicitous—and where the government’s legitimacy is determined by its favorability, not its legality.

The Culture of Political Assassination and Elite Hatred

Hatred among the elite is no longer ideological; it is deeply personal. Political rivalries routinely escalate into defamation campaigns, blackmail, and even assassination plots. Reformists within the government are often sidelined, if not targeted outright, by coalitions of the old guard—warlords in suits—determined to maintain their influence at any cost. This has created a toxic political culture where good governance is impossible, and where every appointment, policy, or project is immediately judged not on merit but on perceived loyalty.

Socio-Economic Despair: A Nation Held Hostage

The consequences are devastating. In 2025, Somalia is facing some of its most acute humanitarian and economic crises in recent memory. Inflation has eroded household purchasing power, with consumer price indices soaring by an estimated 25% in the last year alone. Youth unemployment has soared past 70%, and public confidence in institutions is at an all-time low. Yet instead of leading recovery efforts, Somalia’s political elite are locked in endless infighting. Ministries are paralyzed by corruption allegations, such as the widely reported diversion of donor funds intended for drought relief. Regional states refuse to coordinate with Mogadishu. Donor funds are mismanaged or redirected to political campaigns. The nation is held hostage by those entrusted to liberate it.

International Community: Enablers by Inaction

The international community, while vocal on paper, has often enabled this toxic dynamic by rewarding strongmen who appear “stable” or “cooperative.” As long as a leader can deliver a security report or host a donor meeting, they are treated as legitimate—despite their role in undermining federal cohesion and democratic norms. Meanwhile, reformers within the system—civil servants, youth activists, and a handful of honest politicians—are left without allies, isolated and exposed.

Contributing Factors: Climate Change and External Influence

Adding to the instability, climate change has exacerbated existing vulnerabilities. Prolonged droughts, unpredictable rainfall, and rising sea levels have displaced communities, strained resources, and increased competition over fertile land. This climate-induced stress has provided fertile ground for conflict, as marginalized groups are more easily recruited by militant factions. Furthermore, external actors have played a destabilizing role. Regional powers, driven by their own strategic interests, have often supported competing political factions, fueling internal divisions. The flow of arms and financial support to these factions has undermined efforts to build a unified and stable Somalia.

The Way Forward: A National Reckoning

Somalia does not need another donor conference. It needs a cultural and political reckoning. A new leadership ethos must emerge, one grounded in humility, service, and truth. The cult of personality must give way to institutional strength. Diaspora intellectuals must choose: be part of the solution or stop masquerading as neutral actors while fueling divisions. Federalism must be rescued from opportunists and reimagined as a national compact—not a bargaining chip. Donors must tie funding to integrity, not convenience. Supporting corrupt actors for the sake of “stability” only prolongs Somalia’s pain.

Conclusion: The Mirror of Accountability

In the end, Somalia’s tragedy in 2025 is not just about poverty or insecurity. It is about betrayal—the betrayal of a nation by its best-educated, most privileged, and most powerful citizens. If Somalia is to rise, it must first hold a mirror to those who broke it from within.

About the Author

Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond.

As a leading expert in humanitarian, governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments.

You can reach him through email: [email protected]

Xog: Xasan Sheekh oo qaaday tallaabo culus kadib qaraxii lagu weeraray kolonyadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo la aaminsan yahay inay ka dhalatay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee lagu qaaday kolonyo uu la socday maalin uu ku sii jeeday furimaha dagaalka ee HirShabeelle.

Madaxweynaha ayaa baddelay Taliyihii guutada ilaalada Madaxtooyada Qaranka, isagoo xilkaas u magacaabay G/Dhexe Maslax Maxamed Maxamuud oo ah sarkaal uu kalsooni badan ku qabo Xasan Sheekh.

Maslax oo qaraabo dhow ay yihiin Xasan Sheekh waa sarkaalka uu ugu kalsoonida badan yahay, wuxuuna ka soo dalacay Taliyaha Ilaalada Madaxweynaha, isagoo noqday Taliyaha guutada ilaalada Madaxtooyada iyo Madaxda Qaranka ee 77.

Inkastoo natiijo rasmi ah aan laga soo daarin baaritaanadii la sameeyey wixii ka dambeeyey maalintii degmada Xamarjajab lagu qarxiyey Madaxweynaha, hadana waxaa la qaaday tallaabooyin ay ku jirtay magacaabista Maslax oo kalsooni badan uu ku qabo Xasan Sheekh.

Weerarkii loo maleegay Madaxweynaha ee Alle ka badbaadiyey ayaa galaaftay nolosha dad shacab u badan, waxaana ka dhashay baaritaano xoog leh oo ilaa hadda aan natiijadooda la shaacin, balse waxaa la sheegay in magacaabidda sarkaalkaan lagu kalsoonyahay ay jawaab u tahay falkaas oo dunida dhan laga cambaareeyey.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa maalin ka hor baddelay Taliyihii ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha Soomaaliya, waxaana xilkaas laga qaaday sarkaal u dhashay beesha Xawaadle oo Taliyaha Xoogga uu reysteeyey, laguna eedeeyey musuqmaasuq.

Maslax oo ah wiil dhalinyaro ah oo adeer uu u yahay Xasan Sheekh ayaa hadda laga dhigay Taliyaha guutada 77 ee ciidamada koofiya-casta oo ilaaliya madaxtooyada qaranka.

Sidoo kale, Maslax ayaa lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa xoreynta deegaanada ay beeshiisu degto ee Ceeldheer iyo Mesegawaa, halkaas oo beesha uu ka abaabulay si cadowga ay isaga difaacaan.

Maslax iyo beeshiisa Waceysle ayaa ku guuleystay inay iska dhiciyaan kooxda Al-Shabaab, kana difaacdaan dhulkooda, iyadoo aan ognahay in beelaha kale ee Abgaal intooda badan dhulkii laga qabsaday.

Soomaaliya illaa Libya: Sidee Imaaraadku u dhisay udubka kooxaha gooni-u-goosadka?

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Eedeynta dhowaan dowladda Suudaan u jeedisay Imaaraadka Carabta oo ah in Abu Dhabi ay ku lug leedahay xasuuqa ka socda dalkaasi, ayaa iftiimisay shabakad ballaaran oo Imaaraadku ku taageerayo Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee dagaalka sokeeye ee Suudaan.

RSF waa qayb ka mid ah shabakad ballaaran oo ay Imaaraadku tobannaan sano ka dhisay dalal ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo gooni-u-goosad, sida Libya, Yemen, Suudaan, iyo Soomaaliya, si ay u kasbato saameyn istiraatiiji ah.

Sida Iran ay u dhistay “udubka iska caabbinta,” Imaaraadkuna wuxuu dhisay “udubka gooni-u-goosadka,” oo ka kooban kooxo aan dowladeed ahayn oo mideysan oo wata aragtiyo ka dhan ah kacdoonnada dimoqraadiga ah.

Abu Dhabi waxay dhistay shabakad adag oo ay ku jiraan kooxo hubeysan, maalqabeenno, ganacsato, siyaasiin iyo saameeyayaal, si ay u yeelato saldhigyo siyaasadeed oo muhiim ah.

Inkastoo Imaaraadku sheegto inuu doonayo xasilooni, ku tiirsanaanta hoggaamiyeyaasha xooggan iyo xoogagga hubeysan ayaa inta badan dhaawacday dowladnimada iyo midnimada dalalka uu saameynta ku leeyahay.

Imaaraadka, oo ah boqortooyo yar oo ku taalla Khaliijka, ayaa si taariikhi ah ugu tiirsanaa wakiillo si uu u gaarsiiyo saameyntiisa meelaha fog. Kacdoonkii Carabta ee 2011 wuxuu sare u qaaday baahidaas, wuxuuna Abu Dhabi ku khasbay inay raadiso siyaabo ay si dadban u saameyso gobolka.

Iyada oo ka cabsi qabtay kacdoonnada siyaasadeed ee ay horkacayaan kooxaha sida Ikhwaanul Muslimiin, Imaaraadku wuxuu bilaabay inuu si firfircoon u taageero wakiillo ka hortaga ficilladaas, si uu u difaaco nidaamyada kali-taliska Carabta.

Bani Fatima: Xarunta Awoodda Imaaraadka

Gudaha federaalka Imaaraadka, Abu Dhabi iyo qoyska Al Nahyan ayaa noqday xarunta dhabta ah ee awoodda, gaar ahaan kadib markii ay bad-baadiyeen Dubai xilligii dhibaatadii dhaqaale ee 2008.

Awooddaas waxaa gacanta ku dhigay saddex walaalo ah—Maxamed, Mansuur, iyo Tahnun bin Zayed—kuwaas oo loo yaqaanno Bani Fatima. Waxay Abu Dhabi ka dhigeen xarunta maaliyadeed ee dalka, iyagoo dhisay shabakad isugu jirta shirkado dowladeed iyo kuwo gaar loo leeyahay si ay u taageeraan istiraatiijiyadda dibadda ee Imaaraadka.

Waxay abuureen kaabayaal dhaqaale oo isku xiraya maalgelin istiraatiiji ah, adeegyo maaliyadeed, saadka, ganacsiga badeecadaha, iyo shirkadaha milateri ee gaarka loo leeyahay. Nidaamkan, inkastoo gudaha uu yahay mid kala sarreyn leh, wuxuu kor u qaaday shabakad ballaaran oo toosan, oo ay ku xeeran yihiin dad, shirkado, iyo hay’ado ku tiirsan xarunta awoodda ee Bani Fatima.

Markii hore waxay diiradda saareen la-dagaalanka Islaamiyiinta iyaga oo adeegsanaya hal ku dhagga la-dagaalanka argagixisada. Si tartiib ahna waxay u bilaabeen inay hirgeliyaan aragti ballaaran oo ah “isku xirnaan hubeysan.”

Taageeradoodii afgambigii 2013 ee Masar kadib, Imaaraadku wuxuu rumaysnaa inuu shabakaddiisa ku maamuli karo siyaasadda gobolka. Madaxweyne Maxamed bin Zayed wuxuu qorsheeyay inuu ku tiirsanaado madaxda gobolka Bariga Dhexe iyo Afrika si ay ugu xirmaan Abu Dhabi, iyadoo la adeegsanayo tusaalaha dhaqaale ee Shiinaha.

 Hoggaamiyeyaasha, ganacsatada, iyo kooxaha hubeysan ayaa ku tiirsan kaabayaasha Imaaraadka, halka Abu Dhabi ay ka hesho saameyn ay u adeegsan karto xiriirka quwadaha sida Mareykanka, Ruushka, iyo Shiinaha.

Shabakado fidsan oo kala madax bannaan

Kooxo gooni-u-goosad ama fallaago ah waxay inta badan dhistaan shabakado si qoto dheer ugu dhex jira bulshada. Sida Iran, Imaaraadkuna wuxuu ogaaday in bulshooyinka leh ujeeddo cad ay yihiin kuwo ku habboon inay martigeliyaan kooxo hubeysan.

Marka aysan awoodin inay qabsadaan talada dalka, Imaaraadku wuxuu adeegsadaa istiraatiijiyadda “qaybi oo xukumo,” isagoo taageera kooxo ka jira Libya, Suudaan, Yemen, iyo Soomaaliya kuwaasoo khilaafsan dowladaha dhexe ee ay taageerto Qaramada Midoobay.

Shabakadaha Imaaraadka waa kuwo kala duwan oo madax bannaani leh. Xiriirkoodu inta badan waa toosan yahay, iyadoo Abu Dhabi ay tahay xarunta isku xirta. In kasta oo kooxaha sida LNA ee Libya, RSF ee Suudaan, SBF ee Yemen, iyo ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Puntland ay si gaar ah u muuqdaan, haddana waxaa jirta shabakad dhaqaale, saadka, ganacsi iyo warbaahineed oo taageerta.

Kooxaha amniga waxaa garab siiya ganacsatada iyo dad saadka qaabilsan, halka shabakadaha maaliyadeed ay fududeeyaan ganacsiga badeecadaha, ka fogaanshaha cunaqabateynta, iyo iibka hubka.

Tijaabadii Libya

Asalka shabakadda Imaaraadka wuxuu dib ugu laabanayaa 2014 markii ay ogaadeen in Khalifa Haftar, taliyihii hore ee Gaddafi, uu isku dayayo kacdoon. Taageerada dhaqaale, milateri, iyo warbaahineed ee Imaaraadku siiyay waxay isbedel ku samaysay howlgalka Haftar, oo loo bixiyay “Hawlgalka Sharaf” si uu uga hortago Ikhwaanul Muslimiin.

Waxaa la dhisay Ciidanka Qaranka Libya (LNA), oo ahaa shabakad kooxo milateri ah. Inkastoo Haftar uusan qabsan Tripoli, wuxuu xoojiyay gacanta uu ku hayay bariga Libya (Cyrenaica), isagoo dib u huriyay dareenkii gooni-u-goosadka.

LNA waxay noqotay xarun ay ku soo xirmaan shabakado amni oo caalami ah, oo ay ku jiraan ciidan joogto ah oo ka yimid Ruushka iyo Afrika. Imaaraadku wuxuu bixiyay tababar, sirdoon, taageero hawada ah iyo hub aad u tiro badan.

Sanadkii 2020, Imaaraadku wuxuu diray 150 diyaaradood oo hub ah oo loo mariyay shirkado gaar loo leeyahay si loo ilaaliyo mas’uuliyadda. Markii kooxda Wagner ee Ruushka timid 2019, oo la sheegay in la maalgeliyay iyadoo loo marayo bankiyada Imaaraadka, Libya waxay noqotay xarun muhiim ah oo Ruushka u suurageliyay inuu ka howlgalo Afrika, isagoo adeegsanaya shabakadaha Imaaraadka.

Kobcinta saameynta ee Yemen

Sanadkii 2015, Imaaraadku wuxuu ka qeyb galay isbahaysigii Sacuudiga ee ka dhanka ahaa Xuutiyiinta, taasoo fursad u siisay inuu saameyn ka helo marin-biyoodka Bab al-Mandab. Kadib weerar khasaaro weyn geystay oo lagu qaaday ciidamo Imaaraad ah, Abu Dhabi waxay beddeshay istiraatiijiyaddeedii, iyadoo hoos u dhigtay tirada askarteeda, kuna beddeshay ciidamo qandaraasleyaal ah iyo kuwo maxalli ah.

Sanadkii 2016, Imaaraadku wuxuu dhisay Ciidanka Suuqa Amniga (SBF), waxaana laga soo xulay beelaha koonfureed. Sannadkii 2017, waxaa la aasaasay Golaha Ku meel-gaarka Koonfureed (STC) oo noqday hoos-taag siyaasadeed oo ay adeegsadaan. Aidarus al-Zoubaidi, oo ahaa jeneraal ka tirsan SBF, ayaa hoggaamiyaha noqday. STC waxay la mid ahayd LNA—waa shabakad cutubyo madaxbannaan ka kooban.

Sanadkii 2019, ciidamo ka tirsan STC ayaa la wareegay madaxtooyada Cadan. Heshiiskii Riyadh ee xigay wuxuu sharciyeyn u sameeyay STC, iyadoo Imaaraadku siiyay taageero diblomaasiyadeed. Zoubaidi wuxuu noqday wakiil rasmi ah xitaa marka uu la kulmayo quwadaha sida Ruushka.

Shabakadaha dhaqaale iyo ganacsi ee Imaaraadka ayaa taageera STC, iyadoo la sheegay in AD Ports—shirkad dowladeed Imaaraati ah—ay la wareegtay maamulka dekedda Cadan. Tani waxay siineysaa Imaaraadka saameyn dhanka ganacsiga iyo marin-u-helka shidaalka, iyadoo shirkadaha Imaaraadka laga leeyahay ay la sheegay inay ku lug leeyihiin tahriibinta saliidda.

Faragelinta Imaaraadka ee Suudaan

Dagaal-yahannada Suudaan, gaar ahaan Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ee uu hoggaamiyo Maxamed Xamdan Dagalo (Hemeti), waxay si hore ah uga qeyb qaateen dagaallada Yemen iyagoo uu dirirayay Imaaraadka, sidoo kalena waxay taageereen Haftar ee Libya. RSF waxay kasoo jeedaan beelaha Darfur oo leh taariikh gooni-u-goosad, waxayna u kobocday qaab dowlad-gudihiis ah, iyadoo dhaqaalahooda ka helaya ganacsiga iyo tahriibinta dahabka—inta badan iyadoo loo marayo Imaaraadka.

Kacdoonkii Suudaan 2019 iyo afgembigii militari ee xigay ayaa abuuray firaaq siyaasadeed iyo loollan awood oo u dhexeeya ciidamada xoogga dalka iyo RSF, taasoo horseeday dagaal sokeeye oo qarxay 2023. Fursaddan waxaa si buuxda uga faa’iidaystay Imaaraadka oo taageero dhaqaale siiyay Hemeti—ninkii xiriirka maaliyadeed kala dhaxeeyay Abu Dhabi—iyadoo milaterigiisu u muuqday xoog gooni-u-goosad ah.

Dagaalyahanno RSF ah oo kasoo laabtay Libya iyo Yemen ayaa keenay hubkii ay halkaas ka heleen. Waxaana suuragal ah in kaydadkii LNA ee dib loo buuxiyay ay Imaaraadku u wareejiyeen RSF, taasoo siisay Abu Dhabi fursad ay ku sii waddo taageerada iyadoo aan si toos ah loo fahmin.

Markii dagaalku kululaaday, Imaaraadku wuxuu adeegsaday xeelado cusub si uu hub ugu gudbiyo RSF. Qalab militari oo lagu sheegay gargaar bani’aadamnimo ayaa loo marsiiyay shirkado saadka ka howlgala Imaaraadka, waxaana loo daabulay wadamada Chad iyo Uganda, kadibna waxaa loo gudbiyay xuduudka Suudaan.

Shabakaddani waxay noqotay mid is-fundgareysa: dahab laga qodo dhulka RSF ayaa loo dhoofiyaa Dubai, halkaas oo loo beddelo lacag lagu xareeyo bangiyada Imaaraadka, taasoo lagu bixiyo mushaaraadka, duulimaadyada, hubka, suuqgeynta, iyo qandaraaslayaasha dagaalka.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabatayn saartay shirkado Imaaraati ah oo ku lug leh sahayda RSF iyo kooxda Wagner ee Ruushka. Dhammaan silsiladdan waxay ku tiirsan tahay kaabayaasha Imaaraadka. Isla markaana, shirkado xiriir la leh Imaaraadka ayaa ka shaqeynaya sidii loo wanaajin lahaa sumcadda Hemeti, xilli lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xasuuq.

Soomaaliya: Qaybi oo xukumo

Soomaaliya waxay ka tirsan tahay istiraatiijiyad Imaaraadka uu ku doonayo inuu ku xoojiyo isku xirnaanta gobolka, iyadoo ay u muuqato inay tahay albaabka Geeska Afrika. Iyada oo leh istiraatiijiyad muhiim ah oo la xiriirta marin-biyoodka caalamiga ah iyo marinada ganacsi ee galaya gudaha Afrika, Soomaaliya waxay si gaar ah u soo jiidatay dareenka Abu Dhabi tan iyo 2010.

Imaaraadku wuxuu u arkay Soomaaliya meel ay ku fushan karaan siyaasaddooda ku dhisan “isku xirnaanta hubeysan.” Shirkadaha saadka ee ay dowladdu leedahay sida DP World iyo AD Ports waxay doonayeen inay Soomaaliya ka dhigaan xarumo kala wareejin badeecooyin ah. Hase yeeshee, xiriirka tooska ah ee u dhexeeya Imaaraadka iyo dowladda federaalka ah ee Muqdisho wuxuu noqday mid aan degganeyn, taasoo Abu Dhabi ku riixday inay xiriir si toos ah ula yeeshaan dowlad-goboleedyada, gaar ahaan kuwa leh damaca gooni-u-goosadka.

Sanadkii 2010, Imaaraadku wuxuu Puntland ka hirgeliyay ciidan gaar ah oo loo sameeyay la dagaalanka burcad-badeedda, kaas oo lagu magacaabo Puntland Maritime Police Force (PMPF). Ciidankan waxaa markii hore maamuli jirtay shirkad Imaaraadka ku taalla, waxaana si toos ah loola xiriiriyay madaxtooyada Puntland, iyada oo aan loo marin dowladda dhexe ee Soomaaliya, taasoo ku xad-gudbaysay madax-bannaanida dalka.

Imaaraadku wuxuu bixiyay mushaaraadkii ciidanka, wuxuuna 2022 ka dhisay saldhig milatari magaalada Boosaaso, taasoo noqotay meel sahayda la mariyo oo laga taageero kooxda RSF ee Suudaan.

Tan iyo 2017, Imaaraadku wuxuu ballaariyay xiriirka uu la leeyahay Somaliland—oo ah maamul iskiis u sheegtay madax-bannaani kana tirsan federaalka Soomaaliya. Si uu u xoojiyo sheegashadeeda madax-bannaanida, Somaliland waxay aqbashay dalab Imaaraadka uu ku doonayay inuu saldhig milatari ka dhisto Berbera, oo ah meel istiraatiiji ah oo ku taalla Gacanka Cadmeed.

Imaaraadku wuxuu sidoo kale tababbaray ciidamada Somaliland si uu uga fogeeyo xiriirka ay la leeyihiin dowladda federaalka. Maanta, Imaaraadka waa maalgeliyaha ugu weyn ee Somaliland, waxaana jirta tuhun ah in uu Imaaraadku dabada ka riixay olole uu ku doonayo in maamulka Trump uu u aqoonsado Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan, si uu u helo xuquuq saldhig.

Tan iyo 2023, Abu Dhabi waxay kordhisay saameynteeda Jubbaland—oo ah gobol dhanka koonfureed xiga oo ka tirsan Soomaaliya, xilli uu khilaaf xoog leh kala dhexeeyay dowladda dhexe.

Imaaraadku wuxuu siiyay Jubbaland diyaarado aan duuliye lahayn iyo gaadiid dagaal, wuxuuna dhisay saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Kismaayo. Hogaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe, wuxuu xiriir dhow la leeyahay Imaaraadka, waxaana la rumeysan yahay in uu fududeeyay hawlgalladooda gobolka.

Markii ay arkeen in dowladda federaalka ah ee Muqdisho aysan dooneynin inay si buuxda ugu tiirsanaato Abu Dhabi, Imaaraadku wuxuu doortay inuu kala furo xarumaha awoodda, si uu uga shaqeeyo meelaha uu si toos ah u xakamayn karo taageerada—xitaa haddii ay taasi dhaawaceyso midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dallaal aan la loodin karin

Taageerada Imaaraadka ee kooxaha sida RSF waa qayb ka mid ah istiraatiijiyad ballaaran oo ku dhisan xiriiryo is dhexgal ah oo lagu dhisayo saameyn. Abu Dhabi waxay isu beddeshay xarun ay ku xirmaan shabakado goboleed, taasoo kor u qaaday awooddeeda iyo muuqaalkeeda caalamiga ah, iyada oo abuuraysa nidaam is-qarash gareeya oo ay kooxo kala madax-bannaan ku wada shaqeyn karaan iyadoo la ilaalinayo mas’uuliyad la’aan muuqata.

Shabakadani oo ay Imaaraadku dhiseen waxay u oggolaatay inay ka noqdaan daneeye caalami ah oo lama huraan ah. Kooxda Afrika ee Ruushka waxay ku tiirsan tahay shabakaddan, Shiinuhuna wuxuu u baahan yahay silsilado sahay ah oo nabdoon oo dhex mara marinada Imaaraadka saameynta ku leeyahay, xitaa Mareykanka ayaa si dadban uga faa’iideysta.

Iyada oo loo marayo udubka gooni-u-goosadka, Imaaraadku wuxuu noqday quwad goboleed oo si xeel dheer ugu dhex milantay Bariga Dhexe iyo Afrika, taasoo u suurtagelineysa inuu fushado dano u gaar ah—xitaa marka ay khilaafsan yihiin qiyamka reer Galbeedka.

Warbixintan wxaaa qoray Dr. Andreas Krieg oo ah professor ka tirsan Waaxda Daraasaadka Difaaca ee King’s College London ahna la-taliye istiraatiiji ah oo ku takhasusay khataraha, una shaqeeya macaamiil dawladeed iyo ganacsiyo oo ku yaal Bariga Dhexe. Waxa uu dhawaan daabacay buug la yiraahdo ‘Nidaamka Bulsho-siyaasadeed iyo Amniga ee Dunida Carabta’.

Xogta qodobo xasaasi ah oo looga hadlay kulankii Xasan iyo madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la shiray Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, iyadoo shirka ay dib uga soo biireen Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Labo qodob ayaa ugu muhiimsanaa kulankii maanta, qodobka koowaad wuxuu ahaa dagaalka Al-Shabaab, kaas oo madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha ay isku aragti ka ahaayeen, waxaana lagu balamay in la dardar geliyo.

Dhinacyada ayaa qeybihii hore ee kulankoodii maanta ku balamay in dagaalka Al-Shabaab si garbo siman ah looga bilaabo deegaanada ay ka joogaan seddaxda dowlad goboleed, iyadoo lagu malamay in waqti kooban lagu soo afjaro kooxda.

Intaas kadib, waxaa loo gudbay gorfeynta qaabka loo dhigayo gogoshii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo aad looga dooday dhinacyada ay tahay in lagu casuumo.

Madaxda dowlad goboleedyadii joogay kulanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyey inuu raadiyo Jubbaland iyo Puntland, iyagoo u sheegay in hadii uu kuwaas soo helo uu wax kasta xalin karo.

Kulanka Madaxda oo caawa soo gaaray ayaa lagu balamay in mar kale la isku soo laabto, si loo sii gorfeeyo qaabka loo dhigayo gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Markii la dejiyo ajendaha gogoshaas, sidoo kalena la isla qaato dhinacyada mudan in lagu casuumo ayaa la iclaamo doonaa, sidoo kale waxaa jira safar dibadda ah oo soo galay Xasan Sheekh, balse markii uu soo laabo ayaa la guda geli doonaa furitaanka gogosha.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo guddoomiye Aadan Madoobe ayaa taladooda ku biiriyey madaxda oo kulankoodii maanta ku gorfeeyey arrimaha dagaalka iyo qorsheynta gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadka deegaanka Al-Kowsar oo maanta cashir u dhigay Shabaab, kana dilay horjooge iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidanka difaaca deegaanka ee degmada Al-Kowsar ka fuliyeen deegaanka Nuur Gadow, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalkaan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, howl-galkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu dilay horjooge sare oo kamid ahaa kooxdaas.

Qoraalka dowladda ayaa si gaar ah u xusin magaca horjoogaha la dilay, iyadoo sidoo kale caddeyn xilkii uu ka hayey kooxda. Dowladda ayaa sheegtay in horjoogahani uu door muhiim ah ku lahaa qorsheynta weerarada kooxda ee gobolka.

Bayaanka kasoo baxay dowladda ayaa lagu yiri: “Taliskii Khawaarijta ay ku lahaayeen deegaanka Nuur Gadow, Geesiyaasha Difaaca ayaa howl-galka ku dilay in ka badan 20 maleeshiyaad ah iyo horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta.”

Howl-galka waxaa lagu tilmaamay mid si gaar ah loo qorsheeyey, iyadoo ciidanku ay heleen xog muhiim ah oo ku saabsan goobta uu ku sugnaa horjoogaha kooxda iyo xubnaha la socday. Tani ayaa horseeday guul deg-deg ah oo ay ciidanku gaareen.

Ciidamada difaaca deegaanka ayaa si weyn loogu amaanay dadaalkooda, waxaana dowladda ay sheegtay in ay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga cirib tiro guud ahaan kooxdaas. Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay taageereen ciidamada howlgalka fuliyey.

Howl-galkaan wuxuu kusoo beegmayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay socdeen dagaalo iyo duqeymo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Deegaano badan oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa lagu qaaday weeraro qorshaysan.

Dowladda federaalka ayaa mar kale ku celisay go’aankeeda ah in aysan joojin doonin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ilaa laga suuliyo khatarta ay ku hayaan shacabka iyo amniga dalka.

Saciid Deni oo dalbaday liisaska iyo xogta shakhsiga ah ee masuuliyiin gaar ah

0

Garoowe (Caasimada Online) — Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa warqad rasmi ah u diray dhammaan wasaaradaha dowladda, isagoo ka codsaday in ay soo gudbiyaan xog dhameystiran oo la xiriirta shaqaalaha sare ee wasaaradahooda.

Warqaddan ayaa si gaar ah diiradda u saareysa agaasimayaasha guud, agaasimayaasha waaxyaha iyo madaxda qeybaha kala duwan, sida ay aragtay Caasimada Online.

Sida lagu sheegay warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweynaha, waxaa la doonayaa in la helo liisas dhammeystiran oo ku saabsan shaqsiyaadka haya xilalka sare ee wasaaradaha, si loo darso xogtooda shaqsiyeed iyo midda xirfadeed.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Intaas waxaa dheer, xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale codsaday in la soo gudbiyo faah-faahin buuxda oo ku saabsan shaqaalaha guud ee wasaaradaha, si loo helo aragti cad oo ku saabsan hab-dhiska shaqo iyo baahiyaha jira. Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa sheegay in madaxweynaha uu doonayo inuu dib u eegis ku sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda.

Warqadda ayaa sidoo kale tilmaamaysa in wasaarad kastaa laga doonayo inay bixiso warbixin ku saabsan hantida ay hayso. Tani waxay noqon kartaa qalab, gaadiid, dhismooyin ama agab kale oo dowladeed, iyadoo la doonayo in si cad loo ogaado hantida dowladda ee yaalla wasaarad kasta.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa warqaddiisa ku xusay muhiimadda ay leedahay in la helo warbixin rasmi ah oo ku saabsan mashaariicda kala duwan ee ka socda wasaaradaha. Warbixintaasi waxay ka caawin doontaa xafiiska madaxweynaha inuu qiimeyn ku sameeyo waxqabadka iyo horumarka la gaaray.

Ugu dambeyn, waxaa sidoo kale warqadda lagu codsaday in wasaaraduhu ka warbixiyaan wixii caqabado ah ee haysta, si xal loogu helo dhibaatooyinka hortaagan hawlaha dowladda. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu dardar-gelinayo shaqada dowladda isla markaana lagu hagaajinayo hab-maamulkeeda.

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo qabatay 124 dhallinyaro oo la tahriibinayey

Muqdisho (Caasimada Online – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhawaaqday inay mudooyinkii dambe xoogga saartay ka hortagga, la-dagaalanka tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah, islamarkaana ay xirtay dad badan oo ku lug leh arrimahaas.

War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu yiri: “Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay todobaadyadii ugu danbeeyay hakisay tiro socdaal sharci darro ah oo ay ku tahriibayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo da’dooda u dhaxeyso 18-25 sano, una safrayay wadamada qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Sadexdii bilood ee ugu danbeeyey ee sanadka 2025, Hay’addu waxay ka hortagtay 124 qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo qorshaynaayey in ay bilaabaan safaradooda tahriibka ah iyagoo u safraaya qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.”

Hay’addu waxay intaa ku dartay: “Dhammaan dhallinyarada lagu helay cadaymo muujinaya in ay tahriibayeen ayaa lagu wareejiyay hay’adaha ku shaqada leh ee JFS.”

Qoraalka ayaa sidoo kale ku boorriyay waalidiinta Soomaaliyeed, isagoo yiri: “Hay’adda waxaa waajib ka saaranyahay badbaadinta mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed si aanay ugu halaagsamin badaha iyo khataraha kale ee uu leeya- hay tahrribku,, sidaas awgeed hay’addu waxay waalidiinta Soomaaliyeed ku baraarujineysaa ka warqabka dhaq-dhaqaaqa ubadkooda si aan wadajir uga badbaadino khataraha ay la kulmayaan muddada ay safarka tahriibka ku jiraan.”

“Hay’adda Socdaalka & Jinsiyaddu waxay kaalin buuxda ka qaadaneysaa hakinta socdaalka sharci darrada ah iyadoo diyaarin doonta barnaamijyo wacyi-gelin ah si dhallinyarada Soomaaliyeed fahan buuxa uga helaan khataraha ay wajihi karaan,” ayey tiri hay’adda.

Bayaanka ayaa sidoo kale sheegay: “Maadama hay’adda uu waajib ka saaranyahay badbaadinta dhallinyaradda Soomaaliyeed waxay guud ahaan hakisay socdaalka dadka aan-qaangaarin iyo kuwa lagu qabto cadeymo muujinaya in ay tahriib u socdaan, waxayna hay’addu dabagal iyo baaritaan ku sameyneysaa shaqsiyaadka iyo shirkadaha ka shaqeeya arimaha socdaalka (Travel Agencies) kuwaas oo ku lug leh tahriibinta dhallinyarada Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntii, bayaanka wuxuu ku soo gabagaboobay: “Ugu dambeyn Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay dhiirigelinaysaa wadashaqeyn dhex marta waalidiinta Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda, iyo ganacsatada Soomaaliyeed si looga miro dhaliyo dadaalada looga hortegayo tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah.”