27.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Xogta duqeyn Imaaraadka uu ka fuliyey Soomaaliya

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday aagga buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay Puntland ku qaaday Daacish.

Weerarka oo ahaa mid si aad ah loo soo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday laba goobood oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka kooxda, una u dhow togga Miraale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Imaaraadka Carabta, laguna dilay xubno ka tirsanaa kooxda Daacish.

“Duqeyn kale ayaa caaw ka dhacday labo goobood oo ka tirsan Togga Miiraale, waxaa lagu dilay xubno ka tirsan Argagixisada Daacish, duqeynta waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Puntland.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa aagga buuraha Calmiskaad oo ay weli isku hayaan ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.

Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa haatan kaalin wayn oo muuqata ka qaadaneysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxayna horay sidaan oo kale duqeymo uga fulisay aagga Calmiskaad.

Duqeyntii ugu dambeysay ayuu Imaaraadka Carabta dhowaan ka gaystay deegaanka lagu magacaabo Darar-madoobe, waxaana lagu dilay illaa 12 ka tirsanaa kooxda Daacish, iyada oo sidoo kale lagu gubay gaari xamuul ah oo ay adeegsaneysay kooxda.

Marka laga tego Imaaraadka, waxaa isagunna dagaalkan qayb ka ah Mareykanka oo duqeymo diyaaradeed ka fuliya Puntland, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Daacish.

Si kastaba, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan albaabada u furay cid weliba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleda ah ee gobolka Bari.

Howlgalka ka socda dhulka buuraha ee Puntland ayaa haatan galay wajigiisa saddexaad, waxaana ujeedka uu yahay in argagixisada laga xoreeyo godadka ay muddada dheer ku hoos jireen, waxaana tan iyo markii uu bilowday dagaalka la xoreeyay dhul ballaaran.

Waddooyinka Muqdisho qaarkood oo maanta xiran iyo sababta ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran, xilli ay xarunta Gaashaandhigga ka socota xil wareejinta wasiirka hore iyo kan cusub ee dhawaan loo magacaabay wadaaradda Gaashaandhigga.

Xirnaanshaha waddooyinka ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana si gaar ah loo xusay in wadada Maka Al-Mukarama iyo jidadka kale ee taga Wasaaradda Gaashaandhigga lagu arkay ciidamo badan oo suga ammaanka.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa u dhexeysa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wasiirkii hore, iyadoo uu goobjoog ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xilka u kala wareejinaya Jibriil Xaaji Cabdi oo ah Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo xilkaasi hayey muddo ka badan saddex sano.

Cabdulqaadir Jaamac ayaa markii hore loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa Maxamed Xuseen Rooble, waxaana uu xilka sii hayey illaa laga gaaray March 17, 2025, markaas oo xil ka qaadis lagu sameeyey.

Isbeddelkan wasaaradeed ayaa qeyb ka ah isku shaandheyn dhowaan uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, taasoo saamaysay dhowr wasaaradood oo muhiim ah.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Jaamac, ayaa loo wareejiyey Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, halka Jibriil Xaaji Cabdi oo ahaa Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha, loo magacaabay xilkan cusub.

Si kastaba, munaasabadda xil wareejinta oo dib u dhacday ayaa waxaa maanta si rasmi ah galka difaaca u wareejinaya Wasiir Jaamac, iyadoo amniga guud ee magaalada aad loo adkeeyey, xilli kooxda Al-Shabaab ay kordhisay dhaq-dhaqaaqeeda caasimadda.

Xogta hoobiyeyaal lagu weeraray garoonka Aadan Cadde + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya hoobiyeyaal saaka lagu garaacay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo xaafado ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay gudaha caasimada.

Sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah illaa 6 hoobiye ayaa ku kala dhacay gudaha xerada Xalane oo uu ku dhex yaallo garoonka, ayna dagan yihiin hay’ado caalami ah, safaarado shisheete iyo taliska ciidamada AUSSOM.

Madaafiicda ayaa sidoo kale lasoo wariyay in qaarkood ay ku dhaceen xaafado ku dhow garoonka, waxaana jir khasaare dhaawac u badan oo soo gaaray dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in hoobiye kusoo dhacay xaafadda Kaawo Godey ay ku dhaawacmeen laba qof oo kala ahaa haweeney iyo wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka deegaanka.

“Xaafadda Kaawo Godey waxaa saaka ku dhacay mid kamid ah hoobiyeyaashii lasoo tuuray, waxaana ku dhaawacantay maamo kamid ah dadka deegaanka, waxaa sidoo kale la ii sheegay wiil kale oo dhaawac ah” ayuu yiri mid kamid ah deegaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dareemeen cabsi xooggan iyo walwal la xiriira hoobiyeyaasha saaka lagu garaacay qaybo kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

“Saameyn culus ayay nagu yeesheen hoobiyeyaasha, waana ka argagaxnay, haddii aan nahay dadka deegaanka” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka xarunta Villa Soomaaliya.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo sidaa oo kale shalay madaafiic loogu garaacay agagaarka madaxtooyada qaranka, waxaana mid kamid ah uu ku dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka, kaas oo gaystay dhaawac.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan lagu qaaday garoonka Aadan Cadde oo madaafiic lagu garaacay, xilli uu kasoo degagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho hal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabtay.

Waxaa kale oo xigay weerar kale oo hoobiyeyaal ah oo Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan.

Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoogga soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca waddada Balcad.

Qiimaha lagu iibiyo iPhone oo gaari doona $2,300 kadib tallaabadii uu qaaday Trump

Cupertino (Caasimada Online) – Qiimaha taleefannada caanka ah ee iPhone ayaa laga yaabaa inuu dhowaan sare u kaco sababo la xiriira canshuuraha cusub ee la soo rogay.

Madaxweynihii Maraykanka, Donald Trump, ayaa soo rogay canshuuro culus oo saameyn weyn ku yeelan kara ganacsiga caalamiga ah. Falanqeeyayaasha ayaa Sabtidii sheegay in badeecooyinka ay macaamiishu isticmaalaan sida taleefannada iPhone ay noqon karaan kuwa ugu badan ee uu sicir-bararkani saameeyo, iyadoo qiimaha badeecaduhu uu kor u kici karo 30% ilaa 40% haddii shirkaddu ay kharashaadka dheeraadka ah ku wareejiso macaamiisha.

Taleefannada iPhone badankoodu wali Shiinaha ayaa lagu soo saaraa, waxaana dalkaas lagu soo rogay canshuur gaareysa 54%. Haddii canshuurahaasi sii socdaan, shirkadda Apple ayaa wajihi doonta go’aan adag oo ah inay iyadu qaadato kharashaadka dheeraadka ah ama inay macaamiisheeda ku wareejiso.

Qiimaha saamiyada shirkadda Apple ayaa Khamiistii hoos u dhacay 9.3%, taasoo noqotay hoos-u-dhacii ugu weynaa ee asiiba tan iyo Maarso 2020.

Shirkadda Apple ayaa sannad kasta iibisa in ka badan 220 milyan oo iPhones ah, iyadoo suuqyadeeda ugu waaweyn ay yihiin Maraykanka, Shiinaha iyo Yurub.

Moodeelka ugu jaban ee iPhone 16 ayaa lagu soo bandhigay qiimo dhan $799 gudaha Maraykanka, balse qiimihiisu wuxuu gaari karaa ilaa $1,142, sida lagu sheegay falanqeyn ay soo saareen khubarada shirkadda Rosenblatt Securities, kuwaas oo saadaaliyay inuu qiimaha kor u kici karo ilaa 43% haddii shirkaddu kharashkaasi macaamiisha ku wareejiso.

Moodeelka qaaliga ah ee iPhone 16 Pro Max, oo leh shaashad 6.9 inch ah iyo kayd dhan 1 terabyte, oo hadda lagu iibiyo $1,599, ayaa laga yaabaa inuu gaaro ilaa $2,300 haddii qiimaha kororka ah la saaro macaamiisha.

Donald Trump ayaa canshuurahan cusub hore ugu soo rogay badeecooyin badan oo laga soo dhoofiyo Shiinaha xilligii uu ahaa Madaxweynaha, isagoo shirkadaha Maraykanka ku cadaadinayay inay soo celiyaan wax soo saarkooda gudaha Maraykanka ama waddamada dariska ah sida Mexico. Apple ayaa horey u heshay ka-dhaafitaan canshuureed, laakiin markan weli lama siin wax dhaafitaan ah.

“Arrinta canshuuraha Shiinaha ayaa hadda u muuqata mid gebi ahaanba ka duwan wixii aan filaynay; waxaan filaynay in shirkadda Apple si gaar ah loogu fududayn doono sidii hore,” ayuu qoraal ku yiri Barton Crockett oo ka tirsan shirkadda Rosenblatt Securities.

Taleefanka cusub ee iPhone 16e oo la soo bandhigay bishii Febraayo, laguna xoojiyay adeegyo casri ah oo ku shaqeeya garaadka macmalka (AI), ayaa hadda lagu iibinayaa qiimo dhan $599. Qiimahaas ayaa gaari kara ilaa $856 haddii qiimuhu kordho 43%. Aaladaha kale ee shirkadda Apple ayaa sidoo kale wajahaya koror qiimo.

Apple wali kama aysan jawaabin codsiyada faallooyinka la xiriira arrintan. Macaamiil badan ayaa taleefannada ku iibsada heshiisyo ay la galaan shirkadaha taleefannada, iyagoo lacagta ku bixiya muddo u dhaxaysa laba illaa saddex sano.

Dhinaca kale, falanqeeyayaal kale ayaa sheegay in iibka taleefannada iPhone uu hoos u dhacay suuqyada muhiimka ah ee shirkadda, sababtoo ah adeegga cusub ee Apple Intelligence oo macaamiisha ka caawiya inay soo koobaan fariimaha, dib ugu qoraan emayllada, iyo inay helaan adeegyada sida ChatGPT, ayaa awoodi waayay inuu soo jiito xiisaha dadka.

Khabiirada ayaa sidoo kale tilmaamay in adeegyada cusub ee shirkadda Apple ay yihiin kuwo casri ah balse aysan u muuqan kuwo ku filan inay dadka ku dhiirrigeliyaan inay u wareegaan moodeellada cusub.

Hoos-u-dhaca dalabka ayaa shirkadda Apple ku kordhin kara cadaadiska dhaqaale, gaar ahaan haddii qiimaha alaabteedu kor u kaco sababo la xiriira canshuurahan cusub.

Angelo Zino oo ah falanqeeye dhaqaale oo ka tirsan CFRA Research ayaa sheegay in shirkadda Apple ay ku adkaan doonto inay macaamiisha ku wareejiso in ka badan 5% ilaa 10% ee kharashaadka dheeraadka ah.

“Waxaan filaynaa in shirkadda Apple aysan samayn doonin koror qiimo oo weyn ilaa dayrta soo socota, marka ay soo bandhigto moodeelkeeda cusub ee iPhone 17, taas oo ah habka caadiga ah ee shirkaddu u wajahdo qiimo-kordhinta qorsheysan,” ayuu yiri Angelo Zino.

In kasta oo wax-soo-saarka qaar loo wareejiyay waddamada Vietnam iyo India, haddana badanka taleefannada iPhone weli Shiinaha ayaa lagu soo saaraa, iyadoo labada waddan ee kale laftooda aysan ka badbaadin canshuuraha, iyadoo Vietnam lagu soo rogay canshuur dhan 46%, halka India canshuurta saaran tahay ay tahay 26%.

Apple ayaa u baahan inay qiimaha celcelis ahaan sare u qaaddo ilaa 30% si ay uga hortagto saamaynta canshuuraha cusub, sida uu sheegay Neil Shah oo ka tirsan Counterpoint Research.

Qiimo-kororkan ayaa sababi kara hoos-u-dhac ku yimaada dalabka iPhone-ka, isagoo faa’iido siin kara shirkadda Samsung Electronics ee Kuuriyada Koonfureed, oo dalkaasi canshuurta ku waajahaysa uu ka yar yahay kan Shiinaha.

“Qiimeyntayada hordhaca ah ee canshuuraha cusub waxay muujinaysaa in shirkadda Apple ay wajihi karto culays dhaqaale oo gaari kara ilaa 40 bilyan oo dollar,” ayuu yiri Crockett, isagoo intaas ku daray inay suurtagal tahay wada-hadallo dhex mara Apple, Shiinaha iyo Aqalka Cad.

“Way adag tahay inaan sawiranno Trump oo dhaawac weyn gaarsiinaya shirkad calaamad u ah Maraykanka sida Apple, laakiin xaaladda hadda taagan waa mid aad u adag,” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Crockett.

Xog: Axmed Madoobe oo Nairobi ku tagay safar ay ogolaatay DF – Maxaa socda?

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmay safiirrada dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Nairobi.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in safarka Axmed Madoobe uu ku tegay Kenya ay ogolaatay dowladda federaalka Soomaaliya, oo hadda ka soo dabacday mowqifkii adkaa ee dagaalka Axmed Madoobe.

Waxaa suurtagal ah in Axmed Madoobe uu ka mid noqdo madaxda ka soo qeyb gelaysa gogosha wadahadalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku baaqay, safiirrada beesha caalamka ayaa la sheegay inay dhexdhaxaadinayaan Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka.

Markii ay weji yeelato arrinta Axmed Madoobe ayaa la qorsheynayaa in la raadiyo Saciid Deni, keenidda hoggaamiyaha Puntland waxaa Iyana ka shaqeyn doona xubnaha beesha caalamka.

Xasan Sheekh ayaa habeenkii ciidda ku baaqay gogol siyaasadeed oo wax faahfaahin aan laga bixin ilaa hadda ciidda kasoo qeyb gelaysa, balse wuxuu cadeeyey in hoggaamiyaasha siyaasadda iyo bulshada rayidka ay isugu imaan doonaan.

Sidoo kale, goorta iyo goobta ayaa la aaminsan yahay in dowladda federaalka ay shaaci doonto, markii go’aan laga gaaro arrimaha Jubbaland iyo Puntland ee quseeya kasoo qeybgalka gogoshaas.

Xasan Sheekh wuxuu habeenkii uu ku baaqay gogoshaan sheegay in looga hadli doono dagaalka Khawaarijta iyo masiirka siyaasadeed ee dalka, taas oo farxad gelisay dhamaan saamileyda siyaasadda oo si isku mid ah u soo dhaweeyey gogoshaas.

Sidoo kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa dalbaday faahfaahin dheeraad ah, sida cidda lagu casuumayo gogoshaas iyo waxyaabaha mudan in looga hadlo, balse hal arrin oo si weyn ay u soo dhaweeyeen ayaa aheyd in midnimo lagu wajaho dagaalka argagixisada.

Arrinta ugu xiisaha badan ee isha lagu wada hayo waa sida xal looga gaari doono khilaafkii dowladda federaalka iyo Axmed Madoobe oo gaaray gacan ka hadal dhiig badan ku daatay, waaran maxkamadeed iyo in Axmed Madoobe lagu shaabadeeyey inuu Shabaab yahay.

Sawirro: Museveni oo Muqdisho imaanaya iyo Xasan oo kala hadlay 7 qodob

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho hal maalin ah ku tagay dalka Uganda, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, ayaa wada-hadallo miro-dhal ah la yeeshay Madaxwaynaha martida loo yahay Mudane Yoweri Museveni.

Kulanka labada Madaxwayne ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo ay ka mid yihiin:

  1. Labada Madaxwayne ayaa bogaadiyay xiriirka qotoda dheer ee laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhaw ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda.
  2. Labada Madaxwayne ayaa ka wada-hadlay xaaladda amni ee gobolka, iyagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo ilaalinta xasilloonida iyo amniga gobolka Geeska Afrika.
  3. Labada Madaxwayne ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay billaabashada hawlgalka cusub ee AUSSOM.
  4. Labada Madaxwayne ayaa adkeeyay dardargalinta taageerada caalamiga ee ku aaddan dhaqangalinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo kobcinta awoodda Ciidamada Xoogga Dalka.
  5. Labada Madaxweyne ayaa is-dultaagay is-afgaradkii iskaashiga difaaca ee ay labada dal kala saxiixdeen, iyaga oo faray hay’adaha ku shaqada leh in ay dardargaliyaan dhaqan-galintiisa.
  6. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dhiggiisa Uganda soo dhawaynta diirran ee loo sameeyay, isaga iyo wafdigiisa, isagoo casuumaad rasmi ah oo uu ku imaanayo magaalada Muqdisho u fidiyay Madaxwayne Museveni.
  7. Dhankiisa, Madaxwane Yoweri Museveni ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh uga mahad celiyay booqashadiisa, isaga oo dhanka kale aqbalay casuumaadda rasmiga ah ee uu ku imaanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho muddada soo aaddan.

Xogta ninkii dilay Taliye Nuur Farey iyo natiijada baaritaanada hordhaca ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa sida uu u dhacay dilka Taliyihii guutada 14-ka October, G/Sare Nuur Farey oo maanta lagu toogtay aagga deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose, geerida sarkaalkaas muhiimka ah ayaa gilgishay dalka oo dhan.

Ninkii ka dambeeyey dilka Taliyaha ayaa la xaqiijiyey in uusan aheyn askari ka tirsan ciidamada qaranka, waxaana la sheegay in goobta lagu dilay ay deganaayeen ciidan kale.

Taliyaha ayaa goortii la dilay ku sugnaa xerada guutada Cumar bin Khadaab, ninka dilay ayaa ka soo dhex baxay ciidankaas, wuxuuna ku lebisnaa tuutaha ciidamada xoogga dalka.

Ciidankii la socday Taliyaha la dilay ee guutada 14-ka October iyo ciidankii xerada loogu yimid ee guutada Cumar Binu Khadaab oo aan is aqoonin ayuu ka dhex faa’iideystay ninka dilka geystay, wuxuuna toogtay Taliye Nuur Farey oo shir kula jiray saraakiisha kale ee guutadaas.

G/Sare Nuur Farey wuxuu ahaa sarkaalka ugu sareeya dhamaan ciidamada dowladda ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dhex toogtay qol ku dhex yaallay xerada ciidamada guutada Cumar buni Khadaab, halkaas oo saraakiisha guutadaas uu kula shiraayey.

Ninka dilay Taliyaha ayaa dhaawacay Taliye kale, intaas kadib wuxuu isku dayey inuu baxsado, waxaa la dagaalamay ciidamadii goobta ku sugnaa, kuwaas oo labo kale uu ka dilay, iyaguna dilay markii dambe.

Intaas kadib meydkii Taliyaha, dhaawaca labo askari, hal sarkaal iyo meydkii dhagarqabaha dilka geystay ayaa diyaarad militeri looga soo qaaday xerada, waxaana laga soo dejiyey Muqdisho, waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaaday natiijo hordhac ah.

Waxaa la garan waayey wajiga ninkii dilka geystay oo qeybaha sare ee jirkiisa rasaas badan lala dhacay, taasi oo shaki abuurtay, waxaa ciidanka lagu sameeyey tirakoob lagu ogaaday in ninkaas uusan askari dowladda u diiwaan gashan aheyn, sidoo kale waxaa la ogaaday in qoriga dilka lagu geystay aysan dowladdu laheyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta amar ku bixiyey in lasoo xiro ilaaladii taliyaha la dilay iyo dhamaan wixii ciidan iyo saraakiil goobta joogay, si baaritaan loogu sameeyo.

G/Sare Nuur Farey oo ahaa sarkaal qaali ah wuxuu heystay tababarro sare oo Turkiga, Talyaaniga iyo dalal kale oo waaweyn uu ku soo qaatay, wuxuu aad ugu dhowaa oo qaraabo iyo saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, oo soo saaray qoraal uu ku codsaday in baaritaan deg deg lagu ah lagu sameeyo ciddii ka dambeysay dilka Taliyaha.

 

DF oo shaacisay natiijada lix howlgal oo lagu dilay 80 Shabaab ah, laguna xakameeyey…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay howlgallo ay ka fulisay lix goobood oo lagu dilay in ka badan 80 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, howlgalladaan ayaa sabab u noqday in toddobaadkii tegay la xakameeyo oo si buuxda looga hor tago dhamaan weerarradii joogtada ahaa ee Al-Shabaab.

Howlgallada ayaa ka dhacay deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyadoona sidoo kale lagu burburiyey xarumo ay Shabaab ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay warbixinta NISA.

Howlgalka koowaad wuxuu ka dhacay deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, duqeymaha waxaa barbar socday howlgal toos ah oo ciidamada dhulka ee NISA ay fuliyeen, waxaana lagu dilay 21 Shabaab ah.

Howlgalka labaad wuxuu ka dhacay goob ay ku shirayeen horjoogeyaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku taalla aagga degmada Al-kowthar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay dhammaan Horjoogeyaashii halkaas ku sugnaa, sida ay shaacisay NISA.

Howlgalka seddaax wuxuu ka dhacay deegaanka Bursha Sheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu khaarijiyay in ka badan 19 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Howlgalka afaraad wuxuu ka dhacay isla deegaanka Bursha Sheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu dilay, 17 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo markii la beegsaday go’doon ku ahaa deegaanka, qaarkoodna ay qabeen dhaawacyo ka soo gaaray weerarkii hore.

Howlgalka shanaad ayaa ka dhacay deegaanka Aw-baalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana lagu burburiyay tiro Mooto FEKON ah oo lagu soo raray miinooyin, iyada oo isla goobta lagu dilay, 7 xubnood oo Khawaarijta ka tirsanaa, sida ku cad war-saxaafadeedka NISA.

Howlgalka lixaad ayaa ka dhacay meel u dhow degmada Al-kowthar, xoogagga difaaca deegaanka ayaa weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana weerarkaas kadib isla goobtaas duqeymo ka fulisay NISA, waxaana lagu dilay 13 xubnood oo Shabaab ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay duqeymaha Al-Shabaab, waxaana toddobaadkii tegay dhacay duqeymo tixane ah, kuwaas oo lagu naafeeyey kooxda Al-Shabaab, una diiday jaanis ay ku soo abaabulaan weerarro kale.

Lafta-gareen oo kulamo xasaasi ah ka bilaabay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo xasaasi ah oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo tan maamulkiisa, kadib markii uu dhowaan soo gaaray gudah caasimada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa maanta la kulmay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga oo ay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah, sida amniga iyo siyaasadda dalka.

Sidoo kale waxaa kulanka labada mas’uul lagu soo qaaday mashaariicda horumarineed ee ka socda guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed iyo sidii loo dardar-gelin lahaa, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi.

Sidoo kale Laftagreen iyo Zenengaayaa iska xog-waraystay xaaladda amni ee deegaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed, taageerada ay u baahan yihiin bulshada deegaanka iyo dadaallada socda ee lagu daadejinayo adeegyada dowladda.

Waxaa kale oo kulanka labada dhinac lagu falanqeeyay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa Koonfur Galbeed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo dardar-geliyo mashaariicda horumarineed iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa Muqdisho u yimid ka qayb-galka gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo looga hadlayo xaaladaha ka jira dalka, sida doorashooyinka 2026 oo uu muran ka taagan yahay iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale haatan socda diyaar garowga shirkan oo la filayo inay ka qayb-galaan madaxdii hore ee dalka iyo kuwa mucaaradka, si looga soo saaro natiijo wax ku ool ah.

Dhanka kale, marka la dejiyo ajendaha gogosha, sidoo kalena la isla qaato dhinacyada mudan in lagu casuumo ayaa la iclaamo doonaa goorta la’isku imaanayo, sidoo kale waxaa jira safar dibadda ah oo soo galay Xasan Sheekh, balse markii uu soo laabo ayaa la guda geli doonaa furitaanka gogosha.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo guddoomiye Aadan Madoobe ayaa taladooda ku biiriyay madaxda haatan shireysa oo ay ugu horreeyaan madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle oo iyagana soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho. 

Si kastaba, waxaa haatan kulamada bilowday ka maqan maamullada Jubbland iyo Puntlnad, mana cadda sida ay ka yeeli doonto dowladda federaalka oo uu haatan kala dhexeeyo khilaaf xooggan oo ka dhashay doorashooyinka & wax ka beddalka dastuurka.

Xogta dagaal iyo duqeymo culus oo ka dhacay GALGADUUD

0

Galcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta deegaanno ka tirsan gobolkaasi ay ka dhaceen duqeymo culus iyo dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Duqeymaha oo ahaa kuwa xooggan ayaa waxaa lasoo wariyay inay ka dhaceen aagga degmada Galcad, waxaana lagu beegsaday bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen xubnaa Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen jugta gantaallada, waxaana lagu garaacay deegaanno ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobaha la duqeeyay ay ku jiraan saldhigyo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd aagga degmada Galcad, waxaana sidoo kale jira khasaare culus oo la gaarsiiyay kooxda.

Ma cadda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee dhashay weerarkan dhanka cirka ah ee ka dhacay gobolka Galgaduud, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo Al-Shabaab ayaa isna maanta ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo hoos yimaada degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, waxaana dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana kadib qarxay dagaal toos ah.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay guul wayn ka gaareen dagaalka ay la galeen Al-Shabaab, ayna jab culus ku gaarsiiyeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen in howlgallada ay sii wadi doonaan, isla markaana ujeedkooda uu yahay in Khawaarijta ay ka saaraan gobolka Galgaduud oo dhan.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa  kordhiyay howlgallada ay ka wadaan Galmudug iyo HirShabelle , kadib markii ay dhaq-dhaqaaqyo horleh ka bilaabeen maleeshyaadka Al-Shabaab oo la wareegay deegaanno horay looga xoreeyay.

Jaamac oo ku faanay inuu saxiixay 10 heshiis difaac, uuna galay 200 safar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo warbixin kooban soo saaray ayaa ka hadlay waxqabadkiisa, muudada uu hoggaamnayay wasaaradda difaaca ee dalka, isaga oo ku faanay inuu soo saxiixay illaa 10 heshiis difaac oo lala soo galay dalal kala duwan.

Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in wasaaraddu muddada uu joogay lagu sameeyay isbedallo waa wayn oo ku saleysan aragtida Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kuna aadan aragti ah Soomaaliya ammaan ah, midaysan oo madax-bannaan.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay inuu galay illa heshiis oo difaac iyo 200 oo safarro diblomaasiyadeed ah oo uu baxay dibadda.

“10 heshiis oo dafaac ayaanu soo galnay 200 oo safar diblomaasiyadeed ahna waan u baxnay, intii aan haya xilka wasiirka wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya” ayuu yiri

Waxaa kale oo uu tilmaamay in la dilay illaa 5,000 oo Al-Shabaab ah, kadib howlgallo ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya oo loo tababaray in ka badan 20,000 oo askari, kuwaas oo haatan qayb ka ah howlgallada xoreynta ee ka socda dalka.

 Hoos ka akhriso nuxurka warbixinta:-

🔹 In ka badan 20,000 oo askari oo ka tirsan CXDS ayaa la tababaray

🔹 In ka badan 5,000 oo argagixiso Khawarij ah ayaa la diley

🔹 In ka badan 10 heshiisyo difaac ayaa la saxiixay

🔹 In ka badan 200 safarro diblomaasiyadeed ayaa la fuliyay

“Dhaxalkaani waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed ee diiday inay isdhiibaan” ayaa wasiirkii hore gaashaandhigga ku yiri qoraalka kooban ee uu soo saaray.

Dhinaca kale, Wasiir Jaamac ayaa illaa iyo hadda aan xilka ku wareejin wasiirka cusub, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo la magacaabay 17-kii Maarso, taas oo dhalisay hadal-heyn xoogan

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow arrintan ayaa sheegay in Wasiir Jibriil uu weli sugayo wareejin rasmi ah, balse ay muuqato in wasiirkii hore uusan diyaar u ahayn inuu fududeeyo hannaan xil wareejin.

Jaamac ayaa weli sii wata shaqada, waxaana dhowaan uu bartiisa Facebook soo dhigay sawir uu la taagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, arrin loo fasiray inay tahay farriin siyaasadeed oo muujinaysa xiriirka dhow ee uu la leeyahay xukuumadda Ankara.

Sidoo kale Jaamac ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey safarkii uu dhowaan ku tegay Ankara, oo la xiriiray arrimo amni, taasi oo muujisay in uu weli haysto taageerada madaxweynaha iyo dowladda Turkiga.

Arrimahan ayaa imanaya ayada oo Dowladda Federaalka ay weli la daalaa-dhacayso weerarro sii kordhaya oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulinayso gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, taasoo sii xoojisay baahida ay u qabto taageerada milatari ee Turkiga.

 

Culimada Muslimiinta ugu caansan oo soo saaray fatwo jihaad oo aan caadi ahayn

Doha (Caasimada Online) – Culimada Islaamka ee ugu caansan adduunka ayaa si wadajir ah u soo saaray fatwo aan caadi ahayn, iyagoo ugu baaqay dhammaan Muslimiinta iyo dowladaha Muslimiinta in ay qaadaan jihaad ka dhan ah Israa’iil, kadib 17 bilood oo dagaal lagu baabi’inayo Falastiiniyiinta ku sugan marinka go’doonsan ee Gaza.

Sheekh Cali al-Qaradaghi, xoghayaha guud ee Ururka Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta (IUMS), oo horey u hoggaamin jiray caalimkii weynaa Yusuf al-Qaradawi, ayaa Jimcihii ugu baaqay dowladaha Muslimiinta “inay si degdeg ah uga falceliyaan dhibaatada Gaza — milatari ahaan, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba — si loo joojiyo xasuuqa iyo burburka baahsan, taasoo waafaqsan masuuliyadooda sharciyeed.”

“Ku guuldareysiga dowladaha Carabta iyo Islaamka ee garab istaagga Gaza xilli la baabi’inayo, waxay shareecada Islaamka u aqoonsan tahay dambi weyn oo lagula kaco walaalaheen la dulmiyay,” ayuu yiri Qaradaghi, oo hadalkiisa uu qayb ka ahaa fatwo ka kooban 15 qodob.

Qaradaghi, oo ka mid ah culimada ugu ixtiraamka badan gobolka, ayaa fatwooyinkiisu culeys weyn ku leh dunida Muslimka ah, gaar ahaan 1.7 bilyan oo Muslimiin Sunni ah.

Fatwo, waa go’aan sharciyeed aan khasab ahayn oo uu bixiyo caalim sumcad leh, laguna saleeyo Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada — hadallada iyo ficilladii Nabi Muxammad (NNKH).

“Waa xaaraan in lala safnaado cadowga gaalka ah”

“Waa xaaraan in lala safnaado cadowga gaalka ah [Israa’iil] xilli uu dabar-goynayo Muslimiinta Qaza, nooca taageeradu ha ahaato sida ay doonto.”

Qaradaghi waxa uu si gaar ah u xusay: “Waa mamnuuc in hub la siiyo, in loo fududeeyo marinada badda, dekedaha, ama hawada, sida Kanaalka Suweys, Baab al-Mandab, Kanaalka Hormuz, ama marin kale oo dhul, cir ama bad ah.”

“Guddigu wuxuu soo saaray fatwo waajib ka dhigaysa in cunaqabateyn buuxda — dhanka cirka, badda iyo dhulka — lagu soo rogo cadowga qabsaday, si loogu hiiliyo walaalaheen Gaza,” ayuu sii raaciyay.

Baaqan waxaa si wadajir ah u taageeray 14 caalim oo kale oo Muslimiin caan ah, kuwaasoo sidoo kale ugu baaqay dowladaha Muslimiinta “inay dib u eegaan heshiisyadooda nabadeed ee ay la galeen Israa’iil,” iyagoo Muslimiinta ku nool Mareykankana ugu yeeray inay cadaadis ku saaraan Madaxweyne Donald Trump si uu “u fuliyo ballanqaadyadiisii ololaha ee ahaa joojinta gardarrada iyo sugidda nabadda.”

“Gaza si aamusan ayaa loo dabar-goynayaa”

Inkasta oo Donald Trump uu marar badan ololihiisa ku ballanqaaday in uu joojin doono dagaalka, sidoo kalena uu horraantii xafiiska ku guuleystay in uu ku meel gaar ah u hirgeliyo xabbad-joojin, haddana warar la helay ayaa sheegaya in bishii la soo dhaafay uu si buuxda u oggolaaday in Israa’iil ay dib u billowdo weerarka.

Tan iyo markii la jebiyay heshiiskii xabbad-joojinta, Israa’iil waxay dishay in ka badan 1,200 oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan boqolaal carruur ah. Guud ahaan, laga bilaabo Oktoobar 2023, tirada Falastiiniyiinta la dilay ayaa ka badan 50,000.

Jimcihii, ciidamada Israa’iil ayaa sii waday duqeymaha ka dhanka ah Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 30 qof laga bilaabo waaberigii, sida ay sheegeen ilo caafimaad iyo waaxda difaaca rayidka ee Gaza.

Weerarradii ugu dambeeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday iskuullo, xarumo hoy ah, isbitaallo, xarumaha cunto qaybin, meelaha ay Israa’iil sheegtay inay yihiin “goobo ammaan ah,” iyo warshad biyo macaaneysa.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday duqeymaha ayaa muujinayay burbur baahsan oo ka dhacay xaafado si aad ah u ciriiri ah. Falastiiniyiinta ayaa baraha bulshada ku wadaagayay fariimo ay ugu yeereen “macasalaama” ay la hadlayaan caalamka.

Weriyaha Maxamed Abu Mustafaa ayaa bartiisa bulshada ku qoray fariimo uu ku muujinayay niyad-jab iyo cadho: “Nabadgelyo beesha caalamka ee ugu khiyaanada badan taariikhda. Saacado kadib, Gaza way baaba’aysaa. Kaliya jannada ayaad naga heli doontaan.”

Suxufiga iyo u dhaqdhaqaaqaha Falastiiniyaanka ah ee Aboud Battah ayaa ku baaqay in la hadlo: “Ka hadla xaaladdeena. Ilaahay baan ku dhaartaye, si aamusan ayaa nala dabar-goynayaa.”

Netanyahu: “Cadaadiska waan kordhinaynaa”

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ballanqaaday in Israa’iil ay sii kordhinayso weerarada ay ku hayso Gaza, si ay ugu cadaadiso Xamaas in ay sameyso tanaasul dheeraad ah.

“Waqtigan waxaan kala jaraynaa Marinka Qaza, cadaadiskana si tartiib tartiib ah ayaan u kordhinaynaa si ay u soo celiyaan la haystayaasheenna,” ayuu ku yiri muuqaal uu diray Arbacadii.

Netanyahu waxa uu dalbanayaa in Xamaas ay siidaayso 59-ka la hayste ee Israa’iil, si loogu beddelo maxaabiis Falastiiniyiin ah iyo gargaar bini’aadantinimo — balse isagoo aan ballanqaadaynin in dagaalka la joojinayo ama ciidamada la laabanayo.

Israa’iil waxay dalbanaysaa in heshiiska xabbad-joojinta lagu xiro shuruud ah in Xamaas hubka dhigto — arrin ay Xamaas ku tilmaamtay “xariiq cas” — iyadoo sidoo kale si cad u taageeraysa qorsheyaal ay kula wareegayso amniga Qaza isla markaana lagu barakicinayo Falastiiniyiinta.

Xamaas ayaa ugu baaqday in lagu soo laabto heshiiskii hore ee saddexda weji lahaa, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay mar qura siidaayaan dhammaan la haystayaasha haddii la helo xabbad-joojin buuxda.

 

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay Kampala + Ujeedka

0

Kampala (Caasimada Online) –Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow ka dagay magaalada Kampala ee casimadda dalka Uganda, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaasi, Mudane Yoweri Museveni oo ay yeelan doonaan wadahadallo gaar ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka laba geesoodka dhinacyada badan taabanaya ee labada dal ka dhexeeya iyo xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale booqashada Madaxwaynaha Soomaaliya ku tagay dalka Uganda ayaa ujeeddadeedu tahay sidii loo sii dardargelin lahaa dagaalka lagu cirirbtirayo Khawaarijta, oo ay qayb ka tahay dowladda Uganda.

Sida qorshuhu yahay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa Yoweri Museveni waydiisan doono taageero milatari oo ku aadan dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaab oo hadda sii xoogeystay.

Uganda  ayaa waxaa ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, waxayna askarta ugu badan ku leedahay howlgalka AUSSOM oo sanadkan ka bilowday gudaha dalka, horayna waxay sidaas oo kale ciidamo badan ugu hoggaamineysay howlgalladii ka horreeyay ee ATMIS iyo AMISOM.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Kampala ayaa qayb ka noqonayo dadaallo kala duwan oo uu wado Xasan Sheekh, wuxuuna horay u tegay Turkiga iyo Jabuuti oo uu kala soo hadlay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa gudaha ka soconayo dadaallo kale oo waa wayn, waxaana madaxweynaha uu fidiyay gogol ballaaran oo u jeedkoodu yahay in loo midoobo Khawaarijta, sida ay goor sii horeysay oo maanta ah ay shaacisay Villa Soomaaliya.

“Ujeedka gogosha waxa uu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka Khawaarijta, maadaama ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan”.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta”.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconayo guluf culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah, kaas oo muddooyinkii u dambeeyay sii laba kacleeyay, kadib markii Al-Shabaab ay culeys soo saareen gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada Muqdisho.

Villa Somalia oo shaacisay ajendaha gogosha uu fidiyay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay kulan gaar ah oo Muqdisho ku dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Koonfurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, ayada oo sidoo kale shaacisay ajendaha rasmiga ah ee shirweynaha loo ballansan yahay.

Villa Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in ajendaha ugu muhiisam ee shirka soo socda uu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iayada oo sheegtay in ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.

Waxaa kale oo shirkan diiradda lagu saaray u diyaar garowga gogosha uu iclaamiyay madaxweynaha, iyaga oo isku raacay in loo howlgalo si wadajir ah oo niyadsami leh, si loo wada toono talada uu soo bandhigay Xasan Sheekh Maxamuud.

“Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale inta uu socday kulanka waxa ay madaxdu isku dhaafsadeen warbixinno kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo howlgallada hadda socda.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, kaas oo horudhac u ah baaqii Madaxweynaha ee dadaallada lagu mideynayo shacabka Soomaaliyeed si loo laba-jibaarro hawlgallada lagu ciribtirayo cadawga Khawaarijta ah.

Kulanka ayaa lagu wadaagay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo hawlgallada hadda socda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay madaxweynayaasha dowlad-goballeedyada kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan abaabulka iyo isku-duwidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Intii uu kulanku socday ayay madaxdu ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay in loo diyaargaroobo gogosha qaran ee dhawaan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, taas oo ujeedkeedu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka Khawaarijta, maadaama ka-guul-gaarista dagaalkaas ay noqon doonto billowga guul qaran oo dalka iyo dadkuba ay ku diirsadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xasuusan in guulaha waaweyn ee laga gaaray la-dagaallanka argagaxisada ay ku yimaadeen taageerada hagar-la’aanta ah ee ay shacabka Soomaaliyeed la garab-taaganyihiin geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayaa mudnaanta koowaad siinaya xoojinta midnimada ummadeed ee ku wajahan ka-miro-dhalinta halganka dalka looga xoreynayo cadawga arxanlaaweyaasha ah.

Iyadoo laga ambaqaadayo ujeeddadaas, Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadu waxa ay isku raaceen in lagu howlgalo niyadsami ay saldhig u tahay tixgelinta talada, tusaalaha iyo taageerada indheergaradka, aqoonyahanka, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo guud ahaan bulshada. Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta.

Taliyihii Guutada 14-ka October oo toogasho lagu dilay – Yaa ka dambeeyay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho maanta loo gaystay Alle ha u naxariistee Taliyihii Guutada 14-ka October, Gaashaanle Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo lagu dilay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in taliyaha xilliga la dilayay uu ku sugnaa deegaan u dhow Afgooye, isaga oo khudbad u jeedinayay ciidamo saf lasoo geliyay, waxaana rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada, taas oo keentay in isla goobta uu ku geeriyoodo marxuumka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ninka gaystay falkan isna goobta lagu dilay, waxaana dhacdadan ka dhashay hadal-heyn xoogan.

Ma cadda sababta uu askariga u dilay taliyaha, waxaana haatan socda baaritaanno ay wadaan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka oo ku aadan dilka Taliyaha Guutada 14-ka October, waxaana la filayaa in taliska uu ka hadlo.

Alle ha u naxariistee Taliye Nuur Farey ayaa ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo firfircoon, isla markaana tababaro kala duwan ku soo qaatay dalka dibadiisa, gaar ahaan Talyaaniga.

Sidoo kale, waa sarkaal xoreeyay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana haatan uu ka howlgalayay aagga Awdheegle, Afgooye, Sabiid iyo Canoole oo dhowaan ay weeraro kusoo qaadeen maleeshiyaadka kooxda Shabaab.

Dhanka kale, dilka loo gaystay taliyaha ayaa waa ku geedaaman su’aallo la’is waydiinayo oo la xiriira sababta ka dambeysa toogashada lagu dilay iyo waxa uu ahaa askariga ka dambeeyay, iyada oo jawaabta looga fadhiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa sidoo kale kusoo aaday, xilli haatan ay dhaq-dhaqaaqyo ka socdaan aagga degmada Afgooye, kuwaas oo la doonayo in looga hortago duulaanka Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose oo dhowaan uun la wareegay degmada Awdheegle iyo deegaanno kale.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga soo saartay gobollada Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi.

Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay nawaaxiga Madaxtooyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goordhow lagu garaacay agagaarka dhismaha xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay gudaha caasimada.

Illaa 4 hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafaddo aad ugu dhow xarunta madaxtooyada, gaar ahaan degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay Tiyaatarka Qaranka, waxaana ku dhaawacmay hal oo kamid ah howldeennada Tiyaatarka.

Sidoo kale laba ruux oo ayaa ku dhaawacmay hoobiye kale oo ku dhacay barxadda Warta Nabadda, halka lasoo wariyay in mid kale uu ku dhacay guri ay dagan yihiin dad shacab ah oo isna ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka xarunta Villa Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa madaxtooyada oo ah meesha la weeraray.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan lagu qaaday garoonka Aadan Cadde oo madaafiic lagu garaacay, xilli uu kasoo degagay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqasho hal maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabtay.

Waxaa kale oo xigay weerar kale oo hoobiyeyaal ah oo Al-Shabaab ay ku garaaceen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan.

Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka.

Kooxda ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoogga soo saartay gobollada Shabeelooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca jidka degmada Balcad.

Booliska oo shaaciyay kiis xasaasi oo loo haysto Cabdiraxmaan Saleebaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa looga hadlay xarrigga loo gaystay guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Shacabka, Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac oo u xiran dowladda Soomaaliya, wuxuuna Boolisku soo bandhigay kiis xasaasi ah oo loo haysto siyaasigan.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Cabdiraxmaan laga soo xiray degmada Xamarweyne, loona haysto inuu ku kacay falal liddi ku ah amniga qaranka, balse ma bixin faah-faahin dheeri ah.

Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in guddoomiyaha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamarwayne oo gudanaya waajibaadka Qaranka ayaa soo xiray eedeysane C/Raxmaan Suleymaan Jaamac, kaas oo ku kacay falal liddi ku ah amniga Qaranka. Waxaana la horgeyndoonaa Maxkammada Awooda u leh Insh-Allah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska.

Taliska Booliska ayaa sidoo kale farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan inay dhiirogeliyaan kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa lagu wargalinayaa muwaadiinta soomaaliyeed in ay ka fogaadaan dhiiragalinta Cadawga Khawaarijta ah Ruux walba oo ku kaca falal liddi ku ah Ammanka Qaranka Waxa uu wajihidoonaa hay,addaha Cadaalada” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si adag u cambaareeyay xarig uu ku tilmaamay sharci darro oo ay laamaha ammaanka dowladda Federaalka u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka, Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

Farmaajo ayaa sheegay in arrintani ay muujinayso jihada siyaasadeed ee uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan nooca doorasho ee uu hiigsanayo.

“Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay,” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo bayaan uu soo saaray maanta.

Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna si xooggan u cambaareeyay tallaabada ee ay ciidamada ammaanka ay ku xireen siyaasiuga Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

“Falkaani oo u dhigma afduub siyaasadeed, wuxuu xisbiga Himilo Qaran u arkaa mid gebi ahaanba baalmarsan shuruucda iyo dastuurka dalka, wuxuuna sidoo kale xarigaani waji gabax ku yahay Xukuumadda Federaalka ah maadama ay madaxda dowladu caado ka dhigteen caburin joogta ah oo taabanaysa ururada siyaasadda iyo saxaafadda xorta ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Xisbi Siyaasadeedka Himilo Qaran.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso xilli hadda dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso madaxda sare ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo ka dhalatay sida loo wajahayo hanaanka doorashooyinka 2026-ka, waxaana haatan laga war sugayaa natiijada kasoo bixi doonto gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xog: Beesha caalamka oo diiday qorshaha gogosha uu fidiyey madaxweyne Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa weli cadaadis xooggan ku haysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayada oo dalbaneysa in gogosha wadatashiga qaran ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga dhigo mid ballaaran oo ay ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada saamaynta ku leh siyaasadda dalka.

Diblomaasiyiinta ku sugan Xalane ayaa ku baaqay in aan la koobin wadahadalka oo keliya la-dagaallanka argagixisada, sida ay damacsan tahay Villa Somalia, balse sidoo kale lagu daro arrimaha siyaasadeed ee weli taagan, gaar ahaan khilaafka ka dhashay isbeddelka Dastuurka iyo hannaanka doorasho ee dalka. Waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay wadahadal furan oo horseeda wadar-ogol siyaasadeed iyo xasillooni waarta.

Sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah, safiirradu waxay muujinayaan baahida degdegga ah ee loo qabo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, islamarkaana ka tarjumaya xaqiiqada siyaasadeed ee dalka. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada si loo ilaaliyo midnimada dalka, loogana hortago khilaafyo hor leh oo wiiqi kara dadaallada nabadeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan wadatashi ah la yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo lagu lafaguray sidii loo dardargelin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, sida ay sheegeen ilo ku dhow Madaxtooyada.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha toddobaadkan ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran oo uu sheegay in ay ka qeyb geli doonaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo qeybaha bulshada, si loo helo aragti mideysan oo ku saabsan la-dagaallanka argagixisada. Qorshahan ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, gaar ahaan mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Si kastaba, warar hoose oo laga helayo Villa Somalia ayaa muujinaya in wali aan si rasmi ah loo shaacin jadwalka iyo ajandaha gogosha wadatashiga, balse uu qorshuhu yahay in diiradda la saaro la-dagaallanka argagixisada. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta baaq xooggan oo ku wajahan Villa Somalia si ay u ballaariso kulanka, una furto dhinacyada siyaasadda sida Puntland iyo Jubbaland oo aan wali qayb ka ahayn wadahadalka.

Kulanka Madaxweynaha iyo saddexda hoggaamiye goboleed ayaa loo arkaa hordhac u ah wadahadallo isdaba-joog ah oo lagu doonayo in lagu mideeyo aragtida siyaasadeed ee dalka, iyadoo la wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo isbiirsaday.

Madaxweynaha ayaa kulankan ku qabtay magaalada Muqdisho, maalmo kaddib markii uu dalka dib ugu soo laabtay safar hal maalin ah oo uu ku tagay dalka Turkiga.

Xog: Jaamac oo diidan inuu wareejiyo xilka wasiirka difaaca

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa la sheegay inuu diidan yahay inuu xilka ku wareejiyo wasiirka cusub, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, oo la magacaabay 17-kii Maarso.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow arrintan ayaa sheegay in Wasiir Jibriil uu weli sugayo wareejin rasmi ah, balse ay muuqato in wasiirkii hore uusan diyaar u ahayn inuu fududeeyo hannaan xil wareejin.

Ilaa hadda lama shaacin sabab rasmi ah oo keentay dib-u-dhaca, hase yeeshee warar hoose ayaa tilmaamaya in Ra’iisul Wasaaraha uusan wali ka jawaabin cabasho rasmi ah oo uu gudbiyay wasiirka cusub.

Warbixino lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda Turkiga—oo ah lammaanaha milatari ee ugu dhow Soomaaliya—ay ka soo horjeedo xil ka qaadista Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Turkigu waxa uu door weyn ku leeyahay amniga Soomaaliya, isagoo siiya ciidanka tababar, qalab iyo taageero gaar ah oo loogu talagalay unugyada khaaska ah.

Dhawaan, wasiirkii hore ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawir uu la taagan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, arrin loo fasiray inay tahay farriin siyaasadeed oo muujinaysa xiriirka dhow ee uu la leeyahay Ankara.

Jaamac ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey safarkii uu dhowaan ku tegay Ankara, oo la xiriiray arrimo amni, taasi oo muujisay in uu weli haysto taageerada madaxweynaha iyo dowladda Turkiga.

Arrimahan ayaa imanaya ayada oo Dowladda Federaalka ay weli la daalaa-dhacayso weerarro sii kordhaya oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulinayso gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, taasoo sii xoojisay baahida ay u qabto taageerada milatari ee Turkiga.

Dhanka kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in dhowr dal oo xiriir amni la leh Soomaaliya ay cadaadis ku saareen Villa Somalia in la beddelo wasiirkii hore si loo xoojiyo iskaashiga dhanka amniga, si gaar ahna dowladda Mareykanka.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo horey u soo noqday Qunsulka Soomaaliya ee Turkiga, ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay hay’adaha sirdoonka Turkiga. Arrintan ayaa walaac ku abuurtay qaar ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka howlgala amniga Soomaaliya, kuwaas oo ka cabsi qaba in xogaha sirdoonka muhiimka ah ay si xad dhaaf ah ugu tiirsanaadaan hal waddan oo keliya.

 

Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga jawaabay tallaabo ay qaaday DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyay xarig uu ku tilmaamay sharci darro oo ay laamaha ammaanka dowladda Federaalka u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka, Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

Farmaajo ayaa sheegay in arrintani ay muujinayso jihada siyaasadeed ee uu qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan nooca doorasho ee uu hiigsanayo.

“Xarigga sharci darrada ah ee laamaha ammaanka Federaalka Soomaaliya ay u geysteen Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac waxa uu muujinayaa nooca doorashada ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hannaanka siyaasadeed ee uu qaatay,” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo bayaan uu soo saaray maanta.

Isagoo ka hadlayay saameynta arrintan ay ku yeelan karto hannaanka dimoqraadiyadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka, Farmaajo wuxuu ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddiisa dib loogu celiyo Cabdiraxmaan Saleebaan Jaamac.

“Annaga oo muujinayna iinta uu xadgudubkaani ku yeelanayo xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu xorriyaddiisa si deg deg ah ugu soo celiyo Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Shacabka ee sida sharci darrada ah loo beegsaday,” ayuu raaciyay.

“Hay’adaha ammaanka heer Federaal waxaan ku adkaynaynaa waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin, iyaga oo ka fogaanaya tallaabooyinka noocaan ah ee wiiqaya kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo sumcaddooda ciidannimo,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ayaa Madaxweynaha hadda talada haya ugu baaqay in uu ka fogaado ficillo sababi kara hubanti la’aan siyaasadeed, isla markaana uu mudnaan siiyo dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan mar kale ugu baaqaynaa in uu ka waantoobo ficillada keenaya mugdiga iyo hubinti la’aanta siyaasadeed ee uu dalku ku jiro, marxaladdan adagna uu mudnaan siiyo soocelinta wadajirka iyo midnimada, si aynu awood ugu yeelanno in Qaranka Soomaaliyeed aynu ka samatabixinno duruufaha amni iyo jiritaan ee ku xeeran,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Farmaajo.