27.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Masar iyo Israel ee ka taagan xuduudda Sinai

Qaahira (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin Masri ah ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay si ula kac ah u hurinayso xiisado, kadib markii ay si been ah u sheegtay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda waqooyiga Sinai ay jabinayaan heshiiskii nabadeed ee labada dal ay gaareen.

Diblomaasi sare oo ku sugan Qaahira ayaa u sheegay Middle East Eye (MEE) in xiriirka Masar iyo Israa’iil uu hoos u dhacay ilaa heerkii ugu liitay tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, iyadoo cabsi laga qabo in duullaanka cusub ee Israa’iil uu hordhac u yahay qorshe barakicin qasaba ah oo lagu saari karo Falastiiniyiinta ka harsan gudaha Gaza.

Falanqeeyayaal Israa’iiliyin iyo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale ka digay in maamulka Israa’iil uu xoojinayo khilaafka si uu u beddelo ra’yiga shacabka oo uu uga dhigo mid ka soo horjeeda Masar — arrin lagu micneeyay in lagu fududeynayo barakicinta Gaza, isla markaana lagu horumarinayo yoolalka istiraatiijiyadeed ee Israa’iil ee gobolka.

Assaf David, agaasimaha barnaamijka “Israel in the Middle East” ee Machadka Van Leer ee magaalada Jerusalem ahna bare ka tirsan Jaamacadda Cibraaniyada, ayaa MEE u sheegay: “Hurinta waa muuqataa. Waxaan aaminsanahay in xukuumadda Netanyahu ay si dhab ah ugu go’an tahay qorshaha nadiifinta qowmiyadeed.”

“Haddii dareenka shacabka Israa’iil ee ku wajahan Masar is beddelo, arrintu way u fududaanaysaa. Sidaas darteed, dagaal lagu abuuro Masar wuxuu dhigayaa salka qorshahan.”

Warbixino marin habaabin ah

Warbaahinta Israa’iil ayaa toddobaadkan werisay in Masar ay kordhisay joogitaanka ciidan ee waqooyiga Sinai — xuduudda Gaza — iyadoo ka tallaabeysa xaddiga ciidanka ee lagu oggol yahay heshiiska, isla markaana la dhisay kaabayaal cusub oo ku yaalla dekedaha iyo saldhigyada cirka.

Mas’uuliyiin Israa’iili ah ayaa sheegay in arrimahan lala wadaagay Qaahira iyo Washington. Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa Khamiistii sheegay in Israa’iil aysan oggolaan doonin in Masar ay jebiso heshiiskii Camp David ee 1979.

Balse sarkaal sare oo hore oo Masar ah ayaa u sheegay MEE in aysan jirin wax jabin ah oo dhacay, isagoo xusay in joogitaanka ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ee milatari ay waafaqsan yihiin heshiiskii asalka ahaa iyo wax-ka-beddelladii xigay.

Janaraal Ahmed Ibrahim Kamel — oo hore u soo noqday madaxa hay’adda sirdoonka milatari ee Masar iyo ku xigeenka agaasimaha guud ee sirdoonka — ayaa sheegay in isbeddel lagu sameeyay heshiiska sanadkii 2005 uu Masar u oggolaaday inay geyso hal cutub oo ka tirsan ciidanka ilaalinta xuduudaha, kuwaas oo si buuxda u hubeysan, isla markaasna la geeyay xadka Gaza kadib markii Israa’iil ay ka baxday halkaas.

Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgaladii la dagaalanka argagixisada ee Sinai muddadii u dhexeysay 2013 ilaa 2021 ay ahaayeen kuwa si buuxda loola kaashaday Israa’iil.

Kamel wuxuu MEE u sheegay: “Sida caadiga ah, Israa’iil iyo warbaahinteeda marin-habaabinta ahi ma bixinayaan xaqiiqooyinka oo dhan, gaar ahaan isbeddellada lagu sameeyay lifaaqa milatari ee heshiiska. Waxay si joogto ah u diidaan inay Masar u aqoonsadaan la-hawlgalaha nabadda, iyagoo doorbidaya inay ku muujiyaan Masar mid dhibaatada qayb ka ah. Taasi waxay si gaar ah ugu muuqatay xasaradda Gaza ee sanadkii iyo bar ee la soo dhaafay.”

Sayed Ghoneim, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Sare ee Ciidanka Masar iyo janaraal hore, ayaa isna u sheegay MEE in Israa’iil ay si qaldan u fahantay qodobbada heshiiska.

Wuxuu xusay in ay jiraan hannaan sharci ah oo u oggolaanaya Masar iyo Israa’iil inay wax ka beddelaan abaabulka milatari iyadoo aan la baabi’in heshiiska, isagoo tusaale u soo qaatay ciidamadii Masar ee loo diray xuduudda Rafax sanadkii 2021.

MEE waxay la xiriirtay Ciidanka Caalamiga ah iyo Kormeerayaasha (MFO), hay’adda caalamiga ah ee la aasaasay si ay u kormeerto fulinta heshiiskii 1979, si loo weydiiyo haddii ay diiwaangeliyeen wax jabin ah oo dhowaan dhacay. Hase yeeshee, wax jawaab ah lagama helin waqtiga la daabacayay warbixinta.

Safiiro maqan

Cabsi sii kordheysa oo laga qabo in Israa’iil ay qorshaynayso barakicin qasab ah oo loogu raro Falastiiniyiinta Gaza dhanka Sinai — taasoo ay sal u tahay soo jeedintii hore ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump — ayaa sii xumeysay xiriirka labada dal.

Diblomaasi Masri ah oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa u sheegay MEE in xiriirka hadda uu ka xun yahay sidii uu ahaa tan iyo 7-dii Oktoobar 2023.

Wuxuu sheegay in Masar ay diiday inay aqbasho waraaqaha aqoonsiga safiirka cusub ee Israa’iil, Uri Rothman, oo la magacaabay bishii Sebtembar ee la soo dhaafay.

Shaqaalaha safaaradda Israa’iil ee Masar iyo wadamada kale ee Carabta ayaa intooda badan laga daadgureeyay sababo la xiriira amniga, iyadoo Israa’iil ay kaliya si kooban u joogto safaaraddeeda Qaahira.

Masar iyaduna ma hayso safiir rasmi ah oo jooga Israa’iil kadib markii aan la magacaabin beddelka Khaled Azmi, oo si qarsoodi ah uga tagay xilka toddoba bilood kahor.

Si kastaba, falanqeeyayaal ayaa sheegay in ay jiraan arrimo kale oo ka baxsan barakicinta shacabka Gaza oo sidoo kale saameynaya xiriirka labada dal.

Assaf wuxuu qiray in yoolka ugu weyn ee Israa’iil uu yahay in la abuuro xaalad horseedaysa in dadka Gaza loo raro dhulka Masar.

Laakiin wuxuu sidoo kale xusay in arrintu ay muujinayso khilaafyo siyaasadeed iyo is-qabqabsi ka dhex jira dowladda Israa’iil, iyo sidoo kale loollanka Masar iyo Qatar ee ku saabsan doorka dhex-dhexaadinta wadahadallada xabbad-joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Wuxuu intaas ku daray in xiriirka Masar iyo Israa’iil inta badan gacanta ugu jiray hay’adaha milatari iyo amniga ee Israa’iil, kuwaasoo xiriirkaas u maareeyay si masuuliyadi ku dheehan tahay, iyagoo sal ka dhigaya heshiisyada nabadeed ee labada dhinac.

Assaf wuxuu sidoo kale sheegay in fadeexadda loo yaqaan “Qatargate” — taasoo lala xiriiriyay la-taliyeyaal ka tirsan xafiiska Netanyahu oo lagu eedeeyay xiriirka saraakiil Qataari ah — ay muujineyso in laga yaabo in xukuumadda Israa’iil ay qorsheyneyso in Masar laga riixo doorka dhexdhexaadinta.

Xariiqda cas ee Sisi

Ameer Makhoul, u dhaqdhaqaaqe Falastiini ah oo qoraa ka ah Israa’iil, ayaa sheegay in Israa’iil ay doonayso in xaalad degdeg ah lagu barakiciyo shacabka Gaza, iyada oo la adeegsanayo duqeymo xooggan si ay ugu qasbanaadaan inay u guuraan dhulka Masar.

Wuxuu sidoo kale xusay in Israa’iil ay raadinayso yoolal istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin ballaarinta dekedda Ashdod si ay u gaarto Gaza — qeyb ka ah mashruuc lagu sameynayo marin ganacsi oo isku xira Aasiya iyo Yurub iyada oo loo marayo jasiiradda Carabta — iyo la wareegidda ilaha gaaska badda ee xeebaha Gaza.

Sidoo kale, qorshuhu wuxuu ka mid ahaa dhismaha kanaal cusub oo la tartama kanaalka Suweys — oo laga bilaabo Deir al-Balah ee Gaza loona mariyo dekedda Eilat ee Badda Cas — taasoo sidoo kale ku lug leh barakicinta beelaha Bedouin ee Negev.

“Dhammaan arrimahani waxay khatar ku yihiin ammaanka qaranka Masar waxayna wiiqayaan istiraatiijiyadda gobolka. Arrintaas waxay Israa’iil ku khasbaysaa inay xiriirka ku adkayso ama Masar isku daydo inay cabburiso,” ayuu yiri.

Masar iyo dalalka kale ee Carabta ayaa si adag u diiday in Falastiiniyiinta laga raro Gaza, iyadoo Masar ay soo jeedisay qorshe kale oo ay taageerayso Jaamacadda Carabta oo ku saleysan in Gaza dib loo dhiso iyadoo aan dadkeeda laga raraynin.

Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi ayaa barakicinta ku tilmaamay “xariiq cas” oo khatar ku ah ammaanka qaranka Masar.

Israa’iil ayaa mar kale qaaday duullaan ballaaran oo ka dhan ah Gaza, iyadoo Qaramada Midoobay Khamiistii sheegtay in laba-meelood meel dhulka Gaza ah lagu soo rogay amarro barakicin ah ama uu noqday “goob mamnuuc ah,” waxaana ka mid ah magaalada Rafax iyo inta badan koonfurta Gaza.

 

Somalia: World urges broader scope for national dialogue

Mogadishu, Somalia – The international community is intensifying pressure on the Federal Government of Somalia to ensure its recently announced national consultation, led by President Hassan Sheikh Mohamud, becomes a genuinely inclusive platform for all influential political stakeholders, sources in Mogadishu told Caasimada Online on Saturday.

Diplomats based in the heavily fortified Halane area of the capital have called for the dialogue to extend beyond the government’s primary focus on combating the Al-Shabaab insurgency.

They stressed that critical political issues, including disputes over constitutional amendments and the electoral framework, are essential for lasting stability.

“There is a clear need for an open and comprehensive dialogue that leads to broad political consensus and sustainable peace in Somalia,” a diplomatic source familiar with the discussions told AFP anonymously.

Concerns over limited scope

President Mohamud announced the national consultation earlier this week, stating it would involve political leaders and various segments of society to forge a unified vision against terrorism. The initiative received initial support from opposition groups and civil society organizations.

However, sources within Villa Somalia, the presidential palace, indicate that the planned agenda for the consultation mainly concerns security matters.

This has prompted unease within the international community and among some domestic political actors who fear crucial political grievances could be overlooked.

Further raising concerns is the apparent non-inclusion of Puntland and Jubbaland, two significant Federal Member States that have historically experienced strained relations with the central government regarding power and resource sharing.

These regions have not yet been part of the consultation process, leading to calls for their immediate involvement to guarantee the dialogue’s legitimacy and effectiveness. A recent report by the International Crisis Group highlights the complexities of Somalia’s federalism and the need for inclusive political processes. 

President holds talks with regional leaders

President Mohamud held a consultative meeting in Mogadishu on Friday with the presidents of South West, Hirshabelle, and Galmudug states. According to sources close to the presidency, discussions centered on intensifying operations against terrorist groups.

This meeting follows President Mohamud’s recent one-day trip to Turkey, a nation increasingly playing a notable role in Somalia’s development and security sectors.

International partners are underscoring the urgency of establishing an inclusive electoral process that reflects Somalia’s intricate political landscape. They also emphasized the need for strong cooperation between the Federal Government and Federal Member States to safeguard national unity and prevent conflicts that could undermine peace efforts.

Somalia has faced decades of political instability and conflict. Disagreements over authority and resources have often marked the relationship between the central government and the Federal Member States.

The ongoing constitutional review and preparations for future elections represent critical junctures requiring broad political consensus to ensure a stable and democratic future for the nation. Reuters reported in March on the pressures facing President Mohamud to foster unity ahead of potential elections.

Diplomats in Halane, a secure compound hosting numerous international missions, are closely monitoring the situation. They advocate for a dialogue that tackles the underlying causes of instability in Somalia, not merely its symptoms.

They believe that a limited focus on counterterrorism, without addressing fundamental political issues, risks providing only a temporary solution and could lead to future tensions and conflicts.

Warlords in suits: How Somalia’s elites undermine the state?

Introduction: A Paradox of Self-Destruction

In a paradox that continues to haunt Somalia’s fragile political landscape, the very architects of the federal state—its politicians, intellectuals, and elite powerbrokers—are now the same forces unraveling the delicate institutions they once championed. While they decry the dysfunction of governance, they simultaneously contribute to its demise through sabotage, egotism, and relentless pursuit of parochial interests. This investigative report peels back the layers of political narcissism, hypocrisy, and elite betrayal that have crippled Somalia’s quest for stability in 2025.

The Perversion of Federalism

When the Federal Government of Somalia (FGS) was conceptualized in the early 2010s, it was hailed as a compromise—a political architecture designed to accommodate Somalia’s clan-based realities, decentralize power, and foster unity in diversity. Yet, more than a decade later, it has become a battlefield for personal gain. Senior politicians, including some former federalists, now openly question the legitimacy of the very system they once helped design. Several regional leaders, after benefiting from federalism’s decentralization to seize regional power, now actively oppose FGS directives and participate in campaigns that weaken national cohesion. “They champion federalism when it suits them and reject it when national interests require cooperation,” says a former advisor to the Prime Minister, who requested anonymity. “It’s not governance. It’s selective loyalty.”

Narcissistic Politics: The Erosion of Statesmanship

At the heart of Somalia’s political dysfunction is a leadership culture shaped less by service and more by self-aggrandizement. Narcissism among elites and politicians has replaced vision and statesmanship. Social media feeds of Somali political figures offer a disturbing glimpse: constant self-praise, minimal policy discussions, and personal attacks. Leaders celebrate their photos more than their programs. Intellectuals act as tribal influencers rather than thought leaders, often wielding their platforms to incite, not inspire. “Somalia is not suffering from a lack of ideas,” notes political scientist Dr. Amina Warsame. “It’s suffering from the ego-driven sabotage of those who think they must either rule or ruin.”

Double Standards and Clan Weaponization

Somali elites exhibit a deeply entrenched pattern of double standards. When the FGS acts in ways that favor their clan or region, it’s “national leadership.” When it doesn’t, it’s “clannism” or “authoritarianism.” This selective outrage has become a form of political currency. Intellectuals, particularly those in the diaspora, have become major culprits. While publishing papers on governance and unity, many secretly fund or cheerlead clan militias, often using academic legitimacy to mask their partisan loyalties. This dual behavior undermines state-building efforts. It creates a society where the loudest voices are also the most duplicitous—and where the government’s legitimacy is determined by its favorability, not its legality.

The Culture of Political Assassination and Elite Hatred

Hatred among the elite is no longer ideological; it is deeply personal. Political rivalries routinely escalate into defamation campaigns, blackmail, and even assassination plots. Reformists within the government are often sidelined, if not targeted outright, by coalitions of the old guard—warlords in suits—determined to maintain their influence at any cost. This has created a toxic political culture where good governance is impossible, and where every appointment, policy, or project is immediately judged not on merit but on perceived loyalty.

Socio-Economic Despair: A Nation Held Hostage

The consequences are devastating. In 2025, Somalia is facing some of its most acute humanitarian and economic crises in recent memory. Inflation has eroded household purchasing power, with consumer price indices soaring by an estimated 25% in the last year alone. Youth unemployment has soared past 70%, and public confidence in institutions is at an all-time low. Yet instead of leading recovery efforts, Somalia’s political elite are locked in endless infighting. Ministries are paralyzed by corruption allegations, such as the widely reported diversion of donor funds intended for drought relief. Regional states refuse to coordinate with Mogadishu. Donor funds are mismanaged or redirected to political campaigns. The nation is held hostage by those entrusted to liberate it.

International Community: Enablers by Inaction

The international community, while vocal on paper, has often enabled this toxic dynamic by rewarding strongmen who appear “stable” or “cooperative.” As long as a leader can deliver a security report or host a donor meeting, they are treated as legitimate—despite their role in undermining federal cohesion and democratic norms. Meanwhile, reformers within the system—civil servants, youth activists, and a handful of honest politicians—are left without allies, isolated and exposed.

Contributing Factors: Climate Change and External Influence

Adding to the instability, climate change has exacerbated existing vulnerabilities. Prolonged droughts, unpredictable rainfall, and rising sea levels have displaced communities, strained resources, and increased competition over fertile land. This climate-induced stress has provided fertile ground for conflict, as marginalized groups are more easily recruited by militant factions. Furthermore, external actors have played a destabilizing role. Regional powers, driven by their own strategic interests, have often supported competing political factions, fueling internal divisions. The flow of arms and financial support to these factions has undermined efforts to build a unified and stable Somalia.

The Way Forward: A National Reckoning

Somalia does not need another donor conference. It needs a cultural and political reckoning. A new leadership ethos must emerge, one grounded in humility, service, and truth. The cult of personality must give way to institutional strength. Diaspora intellectuals must choose: be part of the solution or stop masquerading as neutral actors while fueling divisions. Federalism must be rescued from opportunists and reimagined as a national compact—not a bargaining chip. Donors must tie funding to integrity, not convenience. Supporting corrupt actors for the sake of “stability” only prolongs Somalia’s pain.

Conclusion: The Mirror of Accountability

In the end, Somalia’s tragedy in 2025 is not just about poverty or insecurity. It is about betrayal—the betrayal of a nation by its best-educated, most privileged, and most powerful citizens. If Somalia is to rise, it must first hold a mirror to those who broke it from within.

About the Author

Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond.

As a leading expert in humanitarian, governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments.

You can reach him through email: [email protected]

Xog: Xasan Sheekh oo qaaday tallaabo culus kadib qaraxii lagu weeraray kolonyadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaaday tallaabo la aaminsan yahay inay ka dhalatay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee lagu qaaday kolonyo uu la socday maalin uu ku sii jeeday furimaha dagaalka ee HirShabeelle.

Madaxweynaha ayaa baddelay Taliyihii guutada ilaalada Madaxtooyada Qaranka, isagoo xilkaas u magacaabay G/Dhexe Maslax Maxamed Maxamuud oo ah sarkaal uu kalsooni badan ku qabo Xasan Sheekh.

Maslax oo qaraabo dhow ay yihiin Xasan Sheekh waa sarkaalka uu ugu kalsoonida badan yahay, wuxuuna ka soo dalacay Taliyaha Ilaalada Madaxweynaha, isagoo noqday Taliyaha guutada ilaalada Madaxtooyada iyo Madaxda Qaranka ee 77.

Inkastoo natiijo rasmi ah aan laga soo daarin baaritaanadii la sameeyey wixii ka dambeeyey maalintii degmada Xamarjajab lagu qarxiyey Madaxweynaha, hadana waxaa la qaaday tallaabooyin ay ku jirtay magacaabista Maslax oo kalsooni badan uu ku qabo Xasan Sheekh.

Weerarkii loo maleegay Madaxweynaha ee Alle ka badbaadiyey ayaa galaaftay nolosha dad shacab u badan, waxaana ka dhashay baaritaano xoog leh oo ilaa hadda aan natiijadooda la shaacin, balse waxaa la sheegay in magacaabidda sarkaalkaan lagu kalsoonyahay ay jawaab u tahay falkaas oo dunida dhan laga cambaareeyey.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa maalin ka hor baddelay Taliyihii ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha Soomaaliya, waxaana xilkaas laga qaaday sarkaal u dhashay beesha Xawaadle oo Taliyaha Xoogga uu reysteeyey, laguna eedeeyey musuqmaasuq.

Maslax oo ah wiil dhalinyaro ah oo adeer uu u yahay Xasan Sheekh ayaa hadda laga dhigay Taliyaha guutada 77 ee ciidamada koofiya-casta oo ilaaliya madaxtooyada qaranka.

Sidoo kale, Maslax ayaa lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa xoreynta deegaanada ay beeshiisu degto ee Ceeldheer iyo Mesegawaa, halkaas oo beesha uu ka abaabulay si cadowga ay isaga difaacaan.

Maslax iyo beeshiisa Waceysle ayaa ku guuleystay inay iska dhiciyaan kooxda Al-Shabaab, kana difaacdaan dhulkooda, iyadoo aan ognahay in beelaha kale ee Abgaal intooda badan dhulkii laga qabsaday.

Soomaaliya illaa Libya: Sidee Imaaraadku u dhisay udubka kooxaha gooni-u-goosadka?

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Eedeynta dhowaan dowladda Suudaan u jeedisay Imaaraadka Carabta oo ah in Abu Dhabi ay ku lug leedahay xasuuqa ka socda dalkaasi, ayaa iftiimisay shabakad ballaaran oo Imaaraadku ku taageerayo Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee dagaalka sokeeye ee Suudaan.

RSF waa qayb ka mid ah shabakad ballaaran oo ay Imaaraadku tobannaan sano ka dhisay dalal ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo gooni-u-goosad, sida Libya, Yemen, Suudaan, iyo Soomaaliya, si ay u kasbato saameyn istiraatiiji ah.

Sida Iran ay u dhistay “udubka iska caabbinta,” Imaaraadkuna wuxuu dhisay “udubka gooni-u-goosadka,” oo ka kooban kooxo aan dowladeed ahayn oo mideysan oo wata aragtiyo ka dhan ah kacdoonnada dimoqraadiga ah.

Abu Dhabi waxay dhistay shabakad adag oo ay ku jiraan kooxo hubeysan, maalqabeenno, ganacsato, siyaasiin iyo saameeyayaal, si ay u yeelato saldhigyo siyaasadeed oo muhiim ah.

Inkastoo Imaaraadku sheegto inuu doonayo xasilooni, ku tiirsanaanta hoggaamiyeyaasha xooggan iyo xoogagga hubeysan ayaa inta badan dhaawacday dowladnimada iyo midnimada dalalka uu saameynta ku leeyahay.

Imaaraadka, oo ah boqortooyo yar oo ku taalla Khaliijka, ayaa si taariikhi ah ugu tiirsanaa wakiillo si uu u gaarsiiyo saameyntiisa meelaha fog. Kacdoonkii Carabta ee 2011 wuxuu sare u qaaday baahidaas, wuxuuna Abu Dhabi ku khasbay inay raadiso siyaabo ay si dadban u saameyso gobolka.

Iyada oo ka cabsi qabtay kacdoonnada siyaasadeed ee ay horkacayaan kooxaha sida Ikhwaanul Muslimiin, Imaaraadku wuxuu bilaabay inuu si firfircoon u taageero wakiillo ka hortaga ficilladaas, si uu u difaaco nidaamyada kali-taliska Carabta.

Bani Fatima: Xarunta Awoodda Imaaraadka

Gudaha federaalka Imaaraadka, Abu Dhabi iyo qoyska Al Nahyan ayaa noqday xarunta dhabta ah ee awoodda, gaar ahaan kadib markii ay bad-baadiyeen Dubai xilligii dhibaatadii dhaqaale ee 2008.

Awooddaas waxaa gacanta ku dhigay saddex walaalo ah—Maxamed, Mansuur, iyo Tahnun bin Zayed—kuwaas oo loo yaqaanno Bani Fatima. Waxay Abu Dhabi ka dhigeen xarunta maaliyadeed ee dalka, iyagoo dhisay shabakad isugu jirta shirkado dowladeed iyo kuwo gaar loo leeyahay si ay u taageeraan istiraatiijiyadda dibadda ee Imaaraadka.

Waxay abuureen kaabayaal dhaqaale oo isku xiraya maalgelin istiraatiiji ah, adeegyo maaliyadeed, saadka, ganacsiga badeecadaha, iyo shirkadaha milateri ee gaarka loo leeyahay. Nidaamkan, inkastoo gudaha uu yahay mid kala sarreyn leh, wuxuu kor u qaaday shabakad ballaaran oo toosan, oo ay ku xeeran yihiin dad, shirkado, iyo hay’ado ku tiirsan xarunta awoodda ee Bani Fatima.

Markii hore waxay diiradda saareen la-dagaalanka Islaamiyiinta iyaga oo adeegsanaya hal ku dhagga la-dagaalanka argagixisada. Si tartiib ahna waxay u bilaabeen inay hirgeliyaan aragti ballaaran oo ah “isku xirnaan hubeysan.”

Taageeradoodii afgambigii 2013 ee Masar kadib, Imaaraadku wuxuu rumaysnaa inuu shabakaddiisa ku maamuli karo siyaasadda gobolka. Madaxweyne Maxamed bin Zayed wuxuu qorsheeyay inuu ku tiirsanaado madaxda gobolka Bariga Dhexe iyo Afrika si ay ugu xirmaan Abu Dhabi, iyadoo la adeegsanayo tusaalaha dhaqaale ee Shiinaha.

 Hoggaamiyeyaasha, ganacsatada, iyo kooxaha hubeysan ayaa ku tiirsan kaabayaasha Imaaraadka, halka Abu Dhabi ay ka hesho saameyn ay u adeegsan karto xiriirka quwadaha sida Mareykanka, Ruushka, iyo Shiinaha.

Shabakado fidsan oo kala madax bannaan

Kooxo gooni-u-goosad ama fallaago ah waxay inta badan dhistaan shabakado si qoto dheer ugu dhex jira bulshada. Sida Iran, Imaaraadkuna wuxuu ogaaday in bulshooyinka leh ujeeddo cad ay yihiin kuwo ku habboon inay martigeliyaan kooxo hubeysan.

Marka aysan awoodin inay qabsadaan talada dalka, Imaaraadku wuxuu adeegsadaa istiraatiijiyadda “qaybi oo xukumo,” isagoo taageera kooxo ka jira Libya, Suudaan, Yemen, iyo Soomaaliya kuwaasoo khilaafsan dowladaha dhexe ee ay taageerto Qaramada Midoobay.

Shabakadaha Imaaraadka waa kuwo kala duwan oo madax bannaani leh. Xiriirkoodu inta badan waa toosan yahay, iyadoo Abu Dhabi ay tahay xarunta isku xirta. In kasta oo kooxaha sida LNA ee Libya, RSF ee Suudaan, SBF ee Yemen, iyo ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Puntland ay si gaar ah u muuqdaan, haddana waxaa jirta shabakad dhaqaale, saadka, ganacsi iyo warbaahineed oo taageerta.

Kooxaha amniga waxaa garab siiya ganacsatada iyo dad saadka qaabilsan, halka shabakadaha maaliyadeed ay fududeeyaan ganacsiga badeecadaha, ka fogaanshaha cunaqabateynta, iyo iibka hubka.

Tijaabadii Libya

Asalka shabakadda Imaaraadka wuxuu dib ugu laabanayaa 2014 markii ay ogaadeen in Khalifa Haftar, taliyihii hore ee Gaddafi, uu isku dayayo kacdoon. Taageerada dhaqaale, milateri, iyo warbaahineed ee Imaaraadku siiyay waxay isbedel ku samaysay howlgalka Haftar, oo loo bixiyay “Hawlgalka Sharaf” si uu uga hortago Ikhwaanul Muslimiin.

Waxaa la dhisay Ciidanka Qaranka Libya (LNA), oo ahaa shabakad kooxo milateri ah. Inkastoo Haftar uusan qabsan Tripoli, wuxuu xoojiyay gacanta uu ku hayay bariga Libya (Cyrenaica), isagoo dib u huriyay dareenkii gooni-u-goosadka.

LNA waxay noqotay xarun ay ku soo xirmaan shabakado amni oo caalami ah, oo ay ku jiraan ciidan joogto ah oo ka yimid Ruushka iyo Afrika. Imaaraadku wuxuu bixiyay tababar, sirdoon, taageero hawada ah iyo hub aad u tiro badan.

Sanadkii 2020, Imaaraadku wuxuu diray 150 diyaaradood oo hub ah oo loo mariyay shirkado gaar loo leeyahay si loo ilaaliyo mas’uuliyadda. Markii kooxda Wagner ee Ruushka timid 2019, oo la sheegay in la maalgeliyay iyadoo loo marayo bankiyada Imaaraadka, Libya waxay noqotay xarun muhiim ah oo Ruushka u suurageliyay inuu ka howlgalo Afrika, isagoo adeegsanaya shabakadaha Imaaraadka.

Kobcinta saameynta ee Yemen

Sanadkii 2015, Imaaraadku wuxuu ka qeyb galay isbahaysigii Sacuudiga ee ka dhanka ahaa Xuutiyiinta, taasoo fursad u siisay inuu saameyn ka helo marin-biyoodka Bab al-Mandab. Kadib weerar khasaaro weyn geystay oo lagu qaaday ciidamo Imaaraad ah, Abu Dhabi waxay beddeshay istiraatiijiyaddeedii, iyadoo hoos u dhigtay tirada askarteeda, kuna beddeshay ciidamo qandaraasleyaal ah iyo kuwo maxalli ah.

Sanadkii 2016, Imaaraadku wuxuu dhisay Ciidanka Suuqa Amniga (SBF), waxaana laga soo xulay beelaha koonfureed. Sannadkii 2017, waxaa la aasaasay Golaha Ku meel-gaarka Koonfureed (STC) oo noqday hoos-taag siyaasadeed oo ay adeegsadaan. Aidarus al-Zoubaidi, oo ahaa jeneraal ka tirsan SBF, ayaa hoggaamiyaha noqday. STC waxay la mid ahayd LNA—waa shabakad cutubyo madaxbannaan ka kooban.

Sanadkii 2019, ciidamo ka tirsan STC ayaa la wareegay madaxtooyada Cadan. Heshiiskii Riyadh ee xigay wuxuu sharciyeyn u sameeyay STC, iyadoo Imaaraadku siiyay taageero diblomaasiyadeed. Zoubaidi wuxuu noqday wakiil rasmi ah xitaa marka uu la kulmayo quwadaha sida Ruushka.

Shabakadaha dhaqaale iyo ganacsi ee Imaaraadka ayaa taageera STC, iyadoo la sheegay in AD Ports—shirkad dowladeed Imaaraati ah—ay la wareegtay maamulka dekedda Cadan. Tani waxay siineysaa Imaaraadka saameyn dhanka ganacsiga iyo marin-u-helka shidaalka, iyadoo shirkadaha Imaaraadka laga leeyahay ay la sheegay inay ku lug leeyihiin tahriibinta saliidda.

Faragelinta Imaaraadka ee Suudaan

Dagaal-yahannada Suudaan, gaar ahaan Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ee uu hoggaamiyo Maxamed Xamdan Dagalo (Hemeti), waxay si hore ah uga qeyb qaateen dagaallada Yemen iyagoo uu dirirayay Imaaraadka, sidoo kalena waxay taageereen Haftar ee Libya. RSF waxay kasoo jeedaan beelaha Darfur oo leh taariikh gooni-u-goosad, waxayna u kobocday qaab dowlad-gudihiis ah, iyadoo dhaqaalahooda ka helaya ganacsiga iyo tahriibinta dahabka—inta badan iyadoo loo marayo Imaaraadka.

Kacdoonkii Suudaan 2019 iyo afgembigii militari ee xigay ayaa abuuray firaaq siyaasadeed iyo loollan awood oo u dhexeeya ciidamada xoogga dalka iyo RSF, taasoo horseeday dagaal sokeeye oo qarxay 2023. Fursaddan waxaa si buuxda uga faa’iidaystay Imaaraadka oo taageero dhaqaale siiyay Hemeti—ninkii xiriirka maaliyadeed kala dhaxeeyay Abu Dhabi—iyadoo milaterigiisu u muuqday xoog gooni-u-goosad ah.

Dagaalyahanno RSF ah oo kasoo laabtay Libya iyo Yemen ayaa keenay hubkii ay halkaas ka heleen. Waxaana suuragal ah in kaydadkii LNA ee dib loo buuxiyay ay Imaaraadku u wareejiyeen RSF, taasoo siisay Abu Dhabi fursad ay ku sii waddo taageerada iyadoo aan si toos ah loo fahmin.

Markii dagaalku kululaaday, Imaaraadku wuxuu adeegsaday xeelado cusub si uu hub ugu gudbiyo RSF. Qalab militari oo lagu sheegay gargaar bani’aadamnimo ayaa loo marsiiyay shirkado saadka ka howlgala Imaaraadka, waxaana loo daabulay wadamada Chad iyo Uganda, kadibna waxaa loo gudbiyay xuduudka Suudaan.

Shabakaddani waxay noqotay mid is-fundgareysa: dahab laga qodo dhulka RSF ayaa loo dhoofiyaa Dubai, halkaas oo loo beddelo lacag lagu xareeyo bangiyada Imaaraadka, taasoo lagu bixiyo mushaaraadka, duulimaadyada, hubka, suuqgeynta, iyo qandaraaslayaasha dagaalka.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabatayn saartay shirkado Imaaraati ah oo ku lug leh sahayda RSF iyo kooxda Wagner ee Ruushka. Dhammaan silsiladdan waxay ku tiirsan tahay kaabayaasha Imaaraadka. Isla markaana, shirkado xiriir la leh Imaaraadka ayaa ka shaqeynaya sidii loo wanaajin lahaa sumcadda Hemeti, xilli lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo xasuuq.

Soomaaliya: Qaybi oo xukumo

Soomaaliya waxay ka tirsan tahay istiraatiijiyad Imaaraadka uu ku doonayo inuu ku xoojiyo isku xirnaanta gobolka, iyadoo ay u muuqato inay tahay albaabka Geeska Afrika. Iyada oo leh istiraatiijiyad muhiim ah oo la xiriirta marin-biyoodka caalamiga ah iyo marinada ganacsi ee galaya gudaha Afrika, Soomaaliya waxay si gaar ah u soo jiidatay dareenka Abu Dhabi tan iyo 2010.

Imaaraadku wuxuu u arkay Soomaaliya meel ay ku fushan karaan siyaasaddooda ku dhisan “isku xirnaanta hubeysan.” Shirkadaha saadka ee ay dowladdu leedahay sida DP World iyo AD Ports waxay doonayeen inay Soomaaliya ka dhigaan xarumo kala wareejin badeecooyin ah. Hase yeeshee, xiriirka tooska ah ee u dhexeeya Imaaraadka iyo dowladda federaalka ah ee Muqdisho wuxuu noqday mid aan degganeyn, taasoo Abu Dhabi ku riixday inay xiriir si toos ah ula yeeshaan dowlad-goboleedyada, gaar ahaan kuwa leh damaca gooni-u-goosadka.

Sanadkii 2010, Imaaraadku wuxuu Puntland ka hirgeliyay ciidan gaar ah oo loo sameeyay la dagaalanka burcad-badeedda, kaas oo lagu magacaabo Puntland Maritime Police Force (PMPF). Ciidankan waxaa markii hore maamuli jirtay shirkad Imaaraadka ku taalla, waxaana si toos ah loola xiriiriyay madaxtooyada Puntland, iyada oo aan loo marin dowladda dhexe ee Soomaaliya, taasoo ku xad-gudbaysay madax-bannaanida dalka.

Imaaraadku wuxuu bixiyay mushaaraadkii ciidanka, wuxuuna 2022 ka dhisay saldhig milatari magaalada Boosaaso, taasoo noqotay meel sahayda la mariyo oo laga taageero kooxda RSF ee Suudaan.

Tan iyo 2017, Imaaraadku wuxuu ballaariyay xiriirka uu la leeyahay Somaliland—oo ah maamul iskiis u sheegtay madax-bannaani kana tirsan federaalka Soomaaliya. Si uu u xoojiyo sheegashadeeda madax-bannaanida, Somaliland waxay aqbashay dalab Imaaraadka uu ku doonayay inuu saldhig milatari ka dhisto Berbera, oo ah meel istiraatiiji ah oo ku taalla Gacanka Cadmeed.

Imaaraadku wuxuu sidoo kale tababbaray ciidamada Somaliland si uu uga fogeeyo xiriirka ay la leeyihiin dowladda federaalka. Maanta, Imaaraadka waa maalgeliyaha ugu weyn ee Somaliland, waxaana jirta tuhun ah in uu Imaaraadku dabada ka riixay olole uu ku doonayo in maamulka Trump uu u aqoonsado Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan, si uu u helo xuquuq saldhig.

Tan iyo 2023, Abu Dhabi waxay kordhisay saameynteeda Jubbaland—oo ah gobol dhanka koonfureed xiga oo ka tirsan Soomaaliya, xilli uu khilaaf xoog leh kala dhexeeyay dowladda dhexe.

Imaaraadku wuxuu siiyay Jubbaland diyaarado aan duuliye lahayn iyo gaadiid dagaal, wuxuuna dhisay saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Kismaayo. Hogaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe, wuxuu xiriir dhow la leeyahay Imaaraadka, waxaana la rumeysan yahay in uu fududeeyay hawlgalladooda gobolka.

Markii ay arkeen in dowladda federaalka ah ee Muqdisho aysan dooneynin inay si buuxda ugu tiirsanaato Abu Dhabi, Imaaraadku wuxuu doortay inuu kala furo xarumaha awoodda, si uu uga shaqeeyo meelaha uu si toos ah u xakamayn karo taageerada—xitaa haddii ay taasi dhaawaceyso midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dallaal aan la loodin karin

Taageerada Imaaraadka ee kooxaha sida RSF waa qayb ka mid ah istiraatiijiyad ballaaran oo ku dhisan xiriiryo is dhexgal ah oo lagu dhisayo saameyn. Abu Dhabi waxay isu beddeshay xarun ay ku xirmaan shabakado goboleed, taasoo kor u qaaday awooddeeda iyo muuqaalkeeda caalamiga ah, iyada oo abuuraysa nidaam is-qarash gareeya oo ay kooxo kala madax-bannaan ku wada shaqeyn karaan iyadoo la ilaalinayo mas’uuliyad la’aan muuqata.

Shabakadani oo ay Imaaraadku dhiseen waxay u oggolaatay inay ka noqdaan daneeye caalami ah oo lama huraan ah. Kooxda Afrika ee Ruushka waxay ku tiirsan tahay shabakaddan, Shiinuhuna wuxuu u baahan yahay silsilado sahay ah oo nabdoon oo dhex mara marinada Imaaraadka saameynta ku leeyahay, xitaa Mareykanka ayaa si dadban uga faa’iideysta.

Iyada oo loo marayo udubka gooni-u-goosadka, Imaaraadku wuxuu noqday quwad goboleed oo si xeel dheer ugu dhex milantay Bariga Dhexe iyo Afrika, taasoo u suurtagelineysa inuu fushado dano u gaar ah—xitaa marka ay khilaafsan yihiin qiyamka reer Galbeedka.

Warbixintan wxaaa qoray Dr. Andreas Krieg oo ah professor ka tirsan Waaxda Daraasaadka Difaaca ee King’s College London ahna la-taliye istiraatiiji ah oo ku takhasusay khataraha, una shaqeeya macaamiil dawladeed iyo ganacsiyo oo ku yaal Bariga Dhexe. Waxa uu dhawaan daabacay buug la yiraahdo ‘Nidaamka Bulsho-siyaasadeed iyo Amniga ee Dunida Carabta’.

Xogta qodobo xasaasi ah oo looga hadlay kulankii Xasan iyo madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la shiray Madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, iyadoo shirka ay dib uga soo biireen Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Labo qodob ayaa ugu muhiimsanaa kulankii maanta, qodobka koowaad wuxuu ahaa dagaalka Al-Shabaab, kaas oo madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha ay isku aragti ka ahaayeen, waxaana lagu balamay in la dardar geliyo.

Dhinacyada ayaa qeybihii hore ee kulankoodii maanta ku balamay in dagaalka Al-Shabaab si garbo siman ah looga bilaabo deegaanada ay ka joogaan seddaxda dowlad goboleed, iyadoo lagu malamay in waqti kooban lagu soo afjaro kooxda.

Intaas kadib, waxaa loo gudbay gorfeynta qaabka loo dhigayo gogoshii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo aad looga dooday dhinacyada ay tahay in lagu casuumo.

Madaxda dowlad goboleedyadii joogay kulanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyey inuu raadiyo Jubbaland iyo Puntland, iyagoo u sheegay in hadii uu kuwaas soo helo uu wax kasta xalin karo.

Kulanka Madaxda oo caawa soo gaaray ayaa lagu balamay in mar kale la isku soo laabto, si loo sii gorfeeyo qaabka loo dhigayo gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Markii la dejiyo ajendaha gogoshaas, sidoo kalena la isla qaato dhinacyada mudan in lagu casuumo ayaa la iclaamo doonaa, sidoo kale waxaa jira safar dibadda ah oo soo galay Xasan Sheekh, balse markii uu soo laabo ayaa la guda geli doonaa furitaanka gogosha.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo guddoomiye Aadan Madoobe ayaa taladooda ku biiriyey madaxda oo kulankoodii maanta ku gorfeeyey arrimaha dagaalka iyo qorsheynta gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadka deegaanka Al-Kowsar oo maanta cashir u dhigay Shabaab, kana dilay horjooge iyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidanka difaaca deegaanka ee degmada Al-Kowsar ka fuliyeen deegaanka Nuur Gadow, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalkaan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, howl-galkaasi waxaa lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu dilay horjooge sare oo kamid ahaa kooxdaas.

Qoraalka dowladda ayaa si gaar ah u xusin magaca horjoogaha la dilay, iyadoo sidoo kale caddeyn xilkii uu ka hayey kooxda. Dowladda ayaa sheegtay in horjoogahani uu door muhiim ah ku lahaa qorsheynta weerarada kooxda ee gobolka.

Bayaanka kasoo baxay dowladda ayaa lagu yiri: “Taliskii Khawaarijta ay ku lahaayeen deegaanka Nuur Gadow, Geesiyaasha Difaaca ayaa howl-galka ku dilay in ka badan 20 maleeshiyaad ah iyo horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta.”

Howl-galka waxaa lagu tilmaamay mid si gaar ah loo qorsheeyey, iyadoo ciidanku ay heleen xog muhiim ah oo ku saabsan goobta uu ku sugnaa horjoogaha kooxda iyo xubnaha la socday. Tani ayaa horseeday guul deg-deg ah oo ay ciidanku gaareen.

Ciidamada difaaca deegaanka ayaa si weyn loogu amaanay dadaalkooda, waxaana dowladda ay sheegtay in ay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga cirib tiro guud ahaan kooxdaas. Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay taageereen ciidamada howlgalka fuliyey.

Howl-galkaan wuxuu kusoo beegmayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay socdeen dagaalo iyo duqeymo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Deegaano badan oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa lagu qaaday weeraro qorshaysan.

Dowladda federaalka ayaa mar kale ku celisay go’aankeeda ah in aysan joojin doonin dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ilaa laga suuliyo khatarta ay ku hayaan shacabka iyo amniga dalka.

Saciid Deni oo dalbaday liisaska iyo xogta shakhsiga ah ee masuuliyiin gaar ah

0

Garoowe (Caasimada Online) — Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa warqad rasmi ah u diray dhammaan wasaaradaha dowladda, isagoo ka codsaday in ay soo gudbiyaan xog dhameystiran oo la xiriirta shaqaalaha sare ee wasaaradahooda.

Warqaddan ayaa si gaar ah diiradda u saareysa agaasimayaasha guud, agaasimayaasha waaxyaha iyo madaxda qeybaha kala duwan, sida ay aragtay Caasimada Online.

Sida lagu sheegay warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweynaha, waxaa la doonayaa in la helo liisas dhammeystiran oo ku saabsan shaqsiyaadka haya xilalka sare ee wasaaradaha, si loo darso xogtooda shaqsiyeed iyo midda xirfadeed.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Intaas waxaa dheer, xafiiska madaxweynaha ayaa sidoo kale codsaday in la soo gudbiyo faah-faahin buuxda oo ku saabsan shaqaalaha guud ee wasaaradaha, si loo helo aragti cad oo ku saabsan hab-dhiska shaqo iyo baahiyaha jira. Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa sheegay in madaxweynaha uu doonayo inuu dib u eegis ku sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda.

Warqadda ayaa sidoo kale tilmaamaysa in wasaarad kastaa laga doonayo inay bixiso warbixin ku saabsan hantida ay hayso. Tani waxay noqon kartaa qalab, gaadiid, dhismooyin ama agab kale oo dowladeed, iyadoo la doonayo in si cad loo ogaado hantida dowladda ee yaalla wasaarad kasta.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa warqaddiisa ku xusay muhiimadda ay leedahay in la helo warbixin rasmi ah oo ku saabsan mashaariicda kala duwan ee ka socda wasaaradaha. Warbixintaasi waxay ka caawin doontaa xafiiska madaxweynaha inuu qiimeyn ku sameeyo waxqabadka iyo horumarka la gaaray.

Ugu dambeyn, waxaa sidoo kale warqadda lagu codsaday in wasaaraduhu ka warbixiyaan wixii caqabado ah ee haysta, si xal loogu helo dhibaatooyinka hortaagan hawlaha dowladda. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu dardar-gelinayo shaqada dowladda isla markaana lagu hagaajinayo hab-maamulkeeda.

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda oo qabatay 124 dhallinyaro oo la tahriibinayey

Muqdisho (Caasimada Online – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhawaaqday inay mudooyinkii dambe xoogga saartay ka hortagga, la-dagaalanka tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah, islamarkaana ay xirtay dad badan oo ku lug leh arrimahaas.

War-saxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu yiri: “Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay todobaadyadii ugu danbeeyay hakisay tiro socdaal sharci darro ah oo ay ku tahriibayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo da’dooda u dhaxeyso 18-25 sano, una safrayay wadamada qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Sadexdii bilood ee ugu danbeeyey ee sanadka 2025, Hay’addu waxay ka hortagtay 124 qof oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo qorshaynaayey in ay bilaabaan safaradooda tahriibka ah iyagoo u safraaya qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika.”

Hay’addu waxay intaa ku dartay: “Dhammaan dhallinyarada lagu helay cadaymo muujinaya in ay tahriibayeen ayaa lagu wareejiyay hay’adaha ku shaqada leh ee JFS.”

Qoraalka ayaa sidoo kale ku boorriyay waalidiinta Soomaaliyeed, isagoo yiri: “Hay’adda waxaa waajib ka saaranyahay badbaadinta mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed si aanay ugu halaagsamin badaha iyo khataraha kale ee uu leeya- hay tahrribku,, sidaas awgeed hay’addu waxay waalidiinta Soomaaliyeed ku baraarujineysaa ka warqabka dhaq-dhaqaaqa ubadkooda si aan wadajir uga badbaadino khataraha ay la kulmayaan muddada ay safarka tahriibka ku jiraan.”

“Hay’adda Socdaalka & Jinsiyaddu waxay kaalin buuxda ka qaadaneysaa hakinta socdaalka sharci darrada ah iyadoo diyaarin doonta barnaamijyo wacyi-gelin ah si dhallinyarada Soomaaliyeed fahan buuxa uga helaan khataraha ay wajihi karaan,” ayey tiri hay’adda.

Bayaanka ayaa sidoo kale sheegay: “Maadama hay’adda uu waajib ka saaranyahay badbaadinta dhallinyaradda Soomaaliyeed waxay guud ahaan hakisay socdaalka dadka aan-qaangaarin iyo kuwa lagu qabto cadeymo muujinaya in ay tahriib u socdaan, waxayna hay’addu dabagal iyo baaritaan ku sameyneysaa shaqsiyaadka iyo shirkadaha ka shaqeeya arimaha socdaalka (Travel Agencies) kuwaas oo ku lug leh tahriibinta dhallinyarada Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyntii, bayaanka wuxuu ku soo gabagaboobay: “Ugu dambeyn Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay dhiirigelinaysaa wadashaqeyn dhex marta waalidiinta Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda, iyo ganacsatada Soomaaliyeed si looga miro dhaliyo dadaalada looga hortegayo tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah.”

Taliyaha Africom oo shaaca ka qaaday sababta ugu wacan awoodda cusub ee Shabaab

0

Washington (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa khatar weyn kusii noqonaysa amniga gudaha Soomaaliya, arrintaas oo ay sabab u tahay iskaashi cusub oo ay la yeelatay kooxda Xuutiyiinta Yemen, waxaa sidaas sheegay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Khamiistii.

Ciidanka Maraykanka ayaa kordhiyay hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu xafiiska la wareegay, iyagoo fulinaya olole ballaaran oo lagula dagaallamayo kooxda argagixisada ah ee ka howlgasha gudaha Soomaaliya.

Sabtidii lasoo dhaafay, ciidamada Maraykanka ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, taas oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda ISIS, sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Ciidamada Afrika ee Maraykanka (AFRICOM).

Taliyaha AFRICOM, General Michael Langley, ayaa sheegay in Maraykanku si xooggan u beegsanayo Al-Shabaab.

“Madaxweynaha iyo Xoghayaha Gaashaandhigga waxay ii fasaxeen awoodo dheeraad ah,” ayuu Langley ka sheegay fadhigii Guddiga Adeegyada Ciidamada ee Senate-ka (SASC). “Hadda waxaan haystaa awood aan ku qaado weerarro culus,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Maamulka Trump ayaa awoodda go’aamada weerarrada si toos ah uga wareejiyay Madaxweynaha, una wareejiyay Xoghayaha Gaashaandhigga iyo Taliyaha Hawlgallada, si loo dedejiyo habka go’aan-qaadashada. Tani waxay ka duwan tahay siyaasaddii maamulka Biden, oo ahayd in weerar kasta uu helo oggolaanshaha Aqalka Cad ka hor inta aan la fulin.

Agaasimaha Hawlgallada ee Taliska Guud, Lieutenant General Alex Grynkewich, ayaa horey u sheegay in nidaamkan cusub “uu noo suurtagelinayo inaan la jaanqaadno xaaladaha goobta dagaalka, si aan fursadaha uga faa’iidaysano oo cadaadis joogto ah ugu sii hayno kooxda Xuutiyiinta.”

Jimcihii, Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda iyo Caalamiga ah (CSIS) ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Al-Shabaab ay ka faa’iideysaneyso xiriirka sii kobcaya ee ay la leedahay kooxda Ansar Allah ee Yemen, oo ku caan ah magaca Xuutiyiinta.

Iskaashigan cusub ayaa u suurtagelin kara al-Shabaab inay weerarto maraakiibta iyadoo adeegsanaysa diyaarado aan duuliye lahayn ama xitaa gantaallo, sida lagu sheegay qiimeyn cusub oo ay sameysay Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda iyo Caalamiga ah (CSIS). 

Warbixintu waxay soo xigatay la-taliye sare oo ka tirsan Isbahaysiga Difaaca Qaranka ee kasoo horjeeda Xuutiyiinta, kaas oo sheegay in Xuutiyiintu qorsheynayaan inay siiyaan al-Shabaab hub casri ah si ay u weerari karto maraakiibta maraysa Gacanka Cadmeed.

“Xuutiyiintu waxay siin karaan, ama durba siiyeen, al-Shabaab faa’iidooyinka dawlad taageerta urur argagixiso,” ayaa lagu yiri warbixinta, iyadoo si gaar ah loo xusay tababarro milatari iyo teknoolojiyadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

US warns: Al-Shabaab threat grows via Houthi ties

WASHINGTON, D.C – Somalia’s Al-Shabaab militants pose an escalating threat, potentially amplified by nascent cooperation with Houthi rebels in Yemen, the head of US Africa Command (AFRICOM) warned lawmakers Thursday.

AFRICOM Commander General Michael Langley conveyed the heightened concern to the Senate Armed Services Committee (SASC), emphasizing the evolving capabilities and alliances of the Al-Qaeda-affiliated group amid sustained US counter-terrorism efforts in the Horn of Africa.

The warning highlights the complex interplay of regional conflicts and the potential for extremist groups to share tactics and technology across borders.

General Langley affirmed the US military’s robust posture against Al-Shabaab, confirming he operates with significant authority to target the insurgents who have battled the Somali government for over 15 years.

“The President and the Secretary of Defense have granted me additional authorities,” Langley told the committee. “I now have the authority to conduct significant strikes.”

This current operational authority enables AFRICOM to respond decisively to threats the group poses. US counter-terrorism activities remain ongoing; notably, an American airstrike in Somalia last Saturday targeted the Islamic State (IS) group, a separate jihadist entity and rival to Al-Shabaab, according to AFRICOM.

Houthi link raises maritime alarms

Langley’s assessment is made more urgent by a recent report by the Center for Strategic and International Studies (CSIS), a Washington-based think tank. Published Friday, the report details Al-Shabaab’s apparent exploitation of growing connections with Yemen’s Ansar Allah movement, widely known as the Houthis.

This alleged collaboration, the CSIS analysis suggests, could furnish Al-Shabaab with advanced capabilities, potentially including drones and missiles, enabling attacks against shipping in the vital Gulf of Aden corridor.

The CSIS report references claims, attributed to sources opposing the Houthis, that the Yemeni rebels intend to supply Al-Shabaab with sophisticated weaponry designed explicitly for maritime assaults.

“The Houthis can provide, or may have already provided, Al-Shabaab with the benefits of state sponsorship,” the CSIS report states, pointing specifically to potential military instruction and drone technology transfers.

Nexus of regional instability

The prospect of Al-Shabaab leveraging the Houthis’ recent, high-profile experience in attacking maritime targets presents a serious security challenge.

Al-Shabaab: Primarily operating in Somalia, this Al-Qaeda affiliate aims to topple the internationally backed federal government. Despite counter-offensives, it retains significant capability for lethal attacks within Somalia and periodically in neighboring states.

Houthis (Ansar Allah): Controlling significant territory in Yemen, including the capital, Sanaa, this Iran-aligned group has dramatically disrupted global shipping since late 2023 with drone and missile barrages against vessels in the Red Sea and Gulf of Aden, actions they claim are in solidarity with Palestinians.

A convergence of Al-Shabaab’s regional presence near key sea lanes and Houthi technical expertise or supplied equipment could significantly alter the threat landscape in these strategic waters.

The Gulf of Aden is a critical chokepoint for international commerce, linking the Indian Ocean with the Mediterranean Sea via the Red Sea and Suez Canal. Enhanced threats in this zone could further strain global supply chains and escalate security measures.

Cabdimaalik Coldoon oo la xiray kadib markii uu Burco ka baxsaday + Sababta xarigiisa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo ah suxufi iyo samafale caan ku ah ka shaqaynta arrimaha samafalka ee Somaliland ayaa shalay markale lagu xiray Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera.

Inkasta oo aan si cad loo shaacin sababta rasmiga ah ee xadhigiisa, haddana warar kala duwan ayaa soo baxaya. Cabdimaalik ayaa 22-kii Maarso ka baxsaday magaalada Burco oo uu deggen yahay, kadib markii uu sheegay inuu helay war sheegaya in la doonayo in la xidho.

Wuxuu muddo dhowr maalmood ah ku sugnaa deegaanka Bohol, balse qoyskiisa iyo dad kale ayaa ku qanciyay inuu dib ugu soo laabto Burco.

“Cabdimaalik Muuse Coldoon, walaal wax dhiba ma jiraan ee dadkaaga dhinac ka raac markaad wax dhaliilayso, si asluub leh u dhaliil,” ayuu kula taliyay walaalkiis, Cabdiraxmaan Muuse Coldoon. “Xafiiska Cabdiraxmaan Cirro wuu kuu furan yahay. Wixii aad qoonsato waad ula tegi kartaa. Waa nin wanaagsan oo deggan, dadka dhegeysta.”

Intaas kadib, Cabdimaalik wuxuu kusoo laabtay magaalada Burco, hase yeeshee shalay ayaa lagu xidhay magaalada Berbera kadib safar uu kaga yimid Burco. Warar soo baxay ayaa sheegay in xadhigiisu la xidhiidho faallo uu ka bixiyay warbixin ay Al Jazeera Carabi baahisay oo ku saabsaneyd qaxootiga reer Gaza.

Mowqifka Coldoon iyo jawaabta xukuumadda

Cabdimaalik ayaa si adag uga falceliyay warbixintaas, isaga oo yiri: “Waxaan kasoo jeedaa Soomaaliya, wasiirkana nama matalo. Wuxuu matalaa dowlad calooshood u shaqeystayaal ah, reer Falastiin waa walaalaheen, dadka Gaza-na waxay sii ahaan doonaan kuwo sabir iyo adkaysi ku jooga dhulkooda.”

Inkastoo aanay laamaha amniga si rasmi ah u caddeyn waxa lagu haysto Coldoon, haddana hadalkiisa ayaa la rumeysan yahay inuu sabab u noqday xadhigiisa.

Taageeradii xisbiga Waddani ee Coldoon

Xisbiga Waddani ee hadda talada haya ayaa hore marar badan uga hadlay xadhiga Coldoon xilligii xukuumaddii hore ee Biixi, iyagoo xadhigiisa ku tilmaamay sharci darro.

Waxa uu markaas xisbigu sheegi jiray in xadhigiisu ka hor imaanayo xorriyadda hadalka ee uu qaanuunku damaanad qaaday.

“Cabdimaalik waxa lagu haystaa arragtidiisa iyo xorriyadda hadalka ee uu cabiray, taasoo uu xaq u leeyahay muwaadinku. Dastuurkuna wuxuu xaq u siinayaa in uu wax dhaliilo ama taageero. Xadhigiisu waa sharci darro, waxaanu ugu baaqaynaa cidda qafaalatay in ay siidayso,” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda, Yoonis Axmed Yoonis, oo markaas ahaa Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Waddani, laba sano kahor markii la xidhay Coldoon.

Taariikhda xadhigyada Coldoon

Cabdimaalik Muuse Coldoon waxa hore loogu xidhay eedo la xidhiidha magac-dil iyo faafin been abuur ah oo la sheegay inuu u geystay Iskuulka Abaarso iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Eedahaas oo marna lagu xukumay, marna lagu waayay.

Colaadda u dhaxaysa Coldoon iyo xukuumadda Somaliland ayaa bilaabantay sannadkii 2017, xilligaa oo uu taageero u muujiyay madaxweynihii Soomaaliya ee la doortay, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isagoo markaa ahaa saxafi.

Taageeradaas kadib, waxa uu bartilmaameed u noqday xukuumadda Somaliland, taasoo keentay in marar kala duwan la xiro.

Dhinaca kale, taageerayaashiisa iyo ururrada u dooda xorriyadda hadalka ayaa mar kasta ku doodaya in xadhigiisu yahay mid siyaasadaysan, loona adeegsaday cadaadis lagu cabburinayo saxaafadda iyo aragtida madaxa bannaan.

Waxaa la filayaa in arrintan ay sii xoojiso dooda ku saabsan xornimada saxaafadda iyo xaddidaadda xorriyadda hadalka ee Somaliland.

Xogta kulanka maanta u furmaya Xasan iyo qaar ka mid ah madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta uu magaalada Muqdisho ka furmo kulan u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada.

Kulankan, oo ah mid wadatashi ah, waxaa ka qeyb galaya hoggaamiyeyaasha maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle, halka aysan ka qeyb geli doonin Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo xiisad siyaasadeed xooggan kala dhaxeyso dowladda federaalka.

Madaxda maamulladan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inay Madaxweyne Xasan Sheekh talo ka siiyaan gogosha uu ku baaqay, taas oo lagu doonayo in lagu xalliyo xiisadda siyaasadeed ee taagan iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Qabsoomidda kulankan waxaa shaaciyay La-taliyaha Arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha, oo sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu Xasan Sheekh waday wada-tashiyo uu la yeelanayo madaxda siyaasadda dalka, kuwa xilalka hore u soo qabtay iyo hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada.

“Madaxweynaha wuxuu billaabay wada-tashiyo. Maanta wuxuu la kulmi doonaa madaxda dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, iyo Galmudug, wuxuuna kala hadli doonaa gogosha,” ayuu yiri La-taliye Xuseen Sheekh.

Kulankan waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan talooyin ku saabsan gogosha uu madaxweynaha ku baaqay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu fidinayo gogol wadatashi, xilli ay muddooyinkii dambe si weyn isku hayeen siyaasiyiinta mucaaradka oo ka biyo-diiddan hannaanka doorasho ee ay Villa Somalia u mareyso Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si niyad-sami leh u soo dhaweeyay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh. Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli mucaaradka ay muddooyinkii dambe si adag u dhaliilayeen hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xog: Turkiga oo ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah u soo diraya Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa qorsheynaysa inay toddobaadyada soo socda Soomaaliya u dirto cutub ka tirsan shirkadda milatari ee gaar loo leeyahay ee SADAT, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ay soo xigatay xarunta cilmi-baarista Horn Review.

Go’aankan ayaa yimid kadib codsi rasmi ah oo uga yimid madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo todobaadkii hore si rasmi ah loogu soo dhoweeyay Ankara, halkaas oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Ujeeddada socdaalkan ayaa ah in lagu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada ay ka tirsan yihiin gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay isla ilo-wareedyadaas, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in illaa saddex sarkaal oo ka tirsan SADAT loo xil saaro hoggaaminta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shaqadooda ugu weyn ayaa noqon doonta sugidda amniga deegaannada muhiimka ah ee magaalooyinka iyo miyiga, si loo xaqiijiyo xasillooni ka hanaqaadda dooxada Shabeelle – meel istiraatiiji ah oo dowladda Soomaaliya aad uga walaacsan tahay amnigeeda.

Marka laga soo tago howlgallada argagixisada, soo dirista SADAT ayaa la filayaa inay qayb ka noqoto danaha istiraatiijiga ah ee Turkiga. Ilo sirdoon oo uu soo xigtay Horn Review ayaa sheegay in Turkigu qorsheynayo inuu ka hirgeliyo xarun tijaabo gantaalaha ridada fog ah gobolka Shabeellaha Dhexe, waqooyiga Muqdisho – tallaabo muujinaysa xiriirka milatari ee sii xoogeysanaya ee ka dhaxeeya Ankara iyo Muqdisho.

Haddii xaruntan la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa koror la taaban karo oo ku yimaadda istaraatiijiyadda Turkiga ee gobolka, taasoo adkeyn doonta joogitaankiisa muddada fog ee Geeska Afrika.

Turkigu ma ahan ciyaaryahan cusub oo ku sugan Soomaaliya. Tobankii sano ee la soo dhaafay, Ankara waxay noqotay saaxiib dhow oo muhiim u ah Muqdisho, iyadoo bixisay barnaamijyo tababar ciidan, maalgashi dhanka kaabeyaasha dhaqaale iyo gargaar dhaqaale oo ballaaran.

Saldhigga milatari ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho ayaa weli ah mid ka mid ah xarumaha shisheeye ee ugu waaweyn ee ku yaalla gudaha Soomaaliya, waana astaanta sida uga go’an Turkiga inuu qayb ka noqdo qaab-dhismeedka amniga ee dalka.

Haddii dirista SADAT la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa marxalad cusub oo muhiim ah oo ku saabsan siyaasadda difaaca iyo arrimaha dibadda ee Turkiga ee Qaaradda Afrika.

Shirkadda SADAT – oo ah qandaraasle milatari oo gaar loo leeyahay – ayaa si isa soo taraysa loola barbardhigayaa kooxda Wagner ee Ruushka, oo hadda loo yaqaan “Africa Corps,” sababo la xiriira howlaheeda qarsoodiga ah iyo sida ay ugu adeegto danaha istiraatiijiga ah ee Ankara.

SADAT waxay ku takhasustay tababarka ciidamada, adeegyada la-talinta milatari, iyo ka qeybgalka dagaallo toos ah oo ka dhaca meelaha ay Turkigu dano ku leeyahay. Ka qaybgalkeeda Soomaaliya ayaa sii xoojin doona doorka ay Turkigu ka ciyaarayo amniga Afrika.

Warbixinta Horn Review waxay sheegaysaa in qorshahan uu su’aalo muhiim ah ka keenayo habka dib loogu eegayo amniga gobolka. Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay si wanaagsan u soo dhoweysay taageerada Ankara, haddana dalal kale oo saameyn ku leh gobolka ama caalamka ayaa laga yaabaa inay tallaabadan u arkaan mid lagu muransan yahay.

Isticmaalka shirkadaha milatari ee gaar loo leeyahay oo loo adeegsado siyaasad dibadeed ayaa sidoo kale halis u ah inuu kiciyo tartan u dhexeeya quwadaha shisheeye ee ku loolamaya saameynta Geeska Afrika.

Saameynta sii kordheysa ee Turkiga ee gudaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay dhaliso jawaab celin ka timaadda dalalka gobolka sida Isutagga Imaaraadka Carabta, oo isna si firfircoon uga qaybqaata arrimaha amniga Soomaaliya.

Sidoo kale, waddamada reer Galbeedka ee si dhow ula socda xaaladda amniga Geeska Afrika ayaa laga yaabaa inay si dhow u eegaan dhaqdhaqaaqyada SADAT, maadaama ay jiraan walaacyo la xiriira hufnaanta shirkadaha milatari ee gaarka loo leeyahay iyo sida ay ula jaanqaadaan danaha siyaasadeed ee dowladaha ay matalaan.

Iyadoo Turkigu sii ballaarinayo doorkiisa amni ee Soomaaliya, Horn Review waxay sheegtay in bilooyinka soo socda ay muhiim u noqon doonaan in la arko sida ay u saamayn doonto joogitaanka SADAT dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Waxaa weli taagan su’aasha ah in tallaabadan ay keeni doonto xasillooni dheeraad ah mise ay sii murjin doonto faragelinta shisheeye ee milatari ee Soomaaliya – arrin si weyn indhaha loogu hayo oo muhiim u ah istaraatiijiyadda gobolka.

 

 

Amniga Laascaanood oo la adkeeyay xilli Somaliland ay ka digtay imaanshaha Xamza

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Amniga guud ee deegaannada SSC-Khaatumo, gaar ahaan magaalada Laascaanood, ayaa la adkeeyay, iyadoo la kordhiyay goobaha baaritaanka gaadiidka si loo xaqiijiyo nabadgelyada.

Kulamo amniga lagaga hadlayay ayaa ka dhacay Laascaanood, waxaana hoggaamiyay madaxda maamulka SSC-Khaatumo, oo ay ka mid yihiin guddiga amniga iyo taliska booliska.

Mas’uuliyiintu waxay warbixin ka soo saareen xaaladda amniga, dadaallada lagu xasillinayo deegaannada, ka hortagga fal-dambiyeedyada iyo la dagaallanka maandooriyaha. Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada booliska iyo nabad-sugidda ay si joogto ah u wadaan hawlgallo amni xaqiijin ah.

Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa ku adkeeyay hay’adaha ammaanka inay sii xoojiyaan dadaallada lagu sugayo amniga, isagoo ballan-qaaday in maamulka uu dhiirrigelinayo tayaynta ciidamada.

Tallaabooyinkan lagu adkaynayo amniga ayaa kusoo beegmaya xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu safar ku tagi doono deegaannada SSC-Khaatumo.

Safarka Xamza ee Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay dhawaan u ambabaxaan magaalada Laascaanood, xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa maalmaha soo socda u bixi doona Laascaanood, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho indho-indheyn ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo-wareedyo xilkas ah oo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ujeedka safarka Xamza Cabdi Barre ayaa la xiriira xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo sii ambaqaado howlaha harsan ee maamulkaasi oo weli KMG ah, isla markaana wajahaya xaalado dagaal.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu kulamo la qaadan doono madaxda maamulkaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isagoo ka xog-wareysan doona horumarka deegaanka, xaaladaha ka jira iyo baahiyaha gaarka ah.

Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in Ra’iisul Wasaare Xamza uu dhagax-dhigo mashaariic horumarineed oo lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarka deegaannada SSC-Khaatumo, kuwaas oo haatan laga hirgelinayo deegaannada maamulkaasi KMG ah.

Diidmada Somaliland ee safarka Xamza

Somaliland ayaa ku hanjabtay in Ra’iisul Wasaare Xamza uu ka qoomamayn doono booqashadiisa magaalada Laascaanood, oo haatan ah xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Somaliland, oo si weyn uga hortimid qorshaha Ra’iisul Wasaare Xamza ee safarkiisa Laascaanood, ayaa sidoo kale ka digtay booqashadan, waxayna sheegtay inuu la xiriirayo arrimo siyaasadeed iyo hurinta colaadda ka taagan gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland, Axmed Faarax Cismaan, ayaa Xamza ku eedeeyay inuu Laascaanood geynayo mashruuc hurinaya colaadda Sool iyo Sanaag. “Ra’iisul Wasaare Xamza wuxuu rabaa inuu Laascaanood yimaado, isaga oo wata mashruuc dagaallo looga hurinayo Sanaag iyo Sool,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan uga digayaa ninka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku magacaaban inuu ka qoomamayn doono hagardaamada iyo mashruuca dagaal ee uu mar labaad u soo wado shacabka gobollada Sool iyo Sanaag.”

Ugu dambayntii, wuxuu hoosta ka xariiqay in Xamza iyo Xasan Sheekh ay yihiin raggii ka dambeeyay dagaalladii ka dhacay Laascaanood, welina ay faraha kula jiraan xiisadda gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka Xamza ayaa la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, oo haatan ay xiisad dagaal kala dhaxayso Somaliland.

Qatar oo war ka soo saartay fadeexadda ‘Qatargate” ee ka taagan gudaha Israel

Doha (Caasimada Online) – Qatar ayaa si cad u cambaareysay islamarkaana u beenisay eedeymo sheegaya inay bixisay “lacago” lagu wiiqayo dadaallada ay wado Masar iyo dhex-dhexaadiyeyaasha kale ee ku lugta leh wadahadallada xabbad-joojinta u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil.

“Dowladda Qatar waxay si adag u cambaareyneysaa wararka ay faafiyeen qaar ka mid ah saxafiyiinta iyo warbaahinta, kuwaasoo ku eedeynaya Qatar inay bixisay lacago lagu carqaladeynayo dadaallada Masar ama dhex-dhexaadiyeyaasha kale ee ka qaybgalaya wada-hadallada socda ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta Caalamiga ah ee Qatar Khamiistii.

Qoraalka ayaa lagu adkeeyay in “eedeymahaasi aysan wax sal iyo raad ah lahayn, isla markaana ay adeegayaan ajandayaasha kuwa raba inay wiiqaan dadaallada dhex-dhexaadinta iyo xiriirka u dhexeeya dowladaha.”

Qatar ayaa ku tilmaamtay eedeymaha “horumar cusub oo ka mid ah olole marin-habaabin ah” oo loogu talagalay in lagu leexiyo dareenka bulshada caalamka ee ku wajahan dhibaatada bani’aadantinimo, islamarkaana lagu sii siyaasadeynayo dagaalka ka socda Gaza.

Doha ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsatay inay weli ka go’an tahay doorkeeda bani’aadantinimo iyo diblomaasiyadeed ee dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya Gaza, iyadoo la shaqeyneysa Masar si loo gaaro xabbad-joojin waarta loogana badbaadiyo rayidka waxyeellada dagaalka.

Sidoo kale, Qatar waxay bogaadisay doorka muhiimka ah ee Masar ku leedahay dhexdhexaadinta, iyadoo xustay in labada dhinac ay si joogto ah u wada shaqeynayaan si loo xaqiijiyo dadaal mideysan oo lagu soo celinayo xasilloonida gobolka.

‘Qatargate’

Falcelinta Qatar ayaa timid kadib markii warbaahinta Israa’iil ay baahiyeen eedeymo sheegaya in la-taliyeyaal ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ay lacag ka heleen Qatar, si ay u faafiyaan warar wiiqaya doorka Masar ee dhex-dhexaadinta u dhexeysa Xamaas iyo Israa’iil, halka ay sidoo kale amaan u jeedinayaan Qatar.

Maxkamadda Rishon LeZion ee Israa’iil ayaa Khamiistii hal maalin oo dheeri ah ku kordhisay xabsiga laba kaaliye oo ka tirsan xafiiska Netanyahu, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay lacag ka heleen Qatar si ay warbaahinta Israa’iil uga abuuraan muuqaal u roon Qatar.

Telefishinka dadweynaha Israa’iil KAN ayaa sheegay in maxkamaddu ay diiday codsi booliisku ku doonayey toddoba maalmood oo xabsi dheeraad ah, balse ay ogolaatay 24 saacadood oo dheeraad ah.

KAN waxay intaas ku dartay in baaritaannada la sameeyay ay muujinayaan is-khilaafyo ku jira markhaatifurradii eedeysanayaasha — kiiskan oo warbaahinta Israa’iil u bixisay magaca “Qatargate.”

Sida laga soo xigtay warbixinta, mid ka mid ah labada eedeysane ayaa been sheegay intii lagu jiray su’aalo-weydiinta, inkastoo aan la shaacin magaciisa.

Arbacadii, Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa cambaareeyay baaritaanka lagu hayo kaaliyeyaashiisa, isagoo ku tilmaamay “mid nacasnimo ah.”

Tifaftiraha wargeyska The Jerusalem Post, Zvika Klein, ayaa Khamiistii laga sii daayay xabsi guri kadib markii la su’aalay xiriirkiisa kiiskan iyo labada sarkaal ee la xiray.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Israa’iil, Gali Baharav-Miara, ayaa sheegtay in laba saxafi oo kale laga yaabo in sidoo kale la wareysto maadaama ay suurtagal tahay in ay kiiskan ku lug leeyihiin.

Trump oo la kulmaya Ahmed Al-Sharca – Yaa ka shaqeeyey?

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu bisha soo socota la kulmo madaxweynaha Suuriya, Ahmed Al-Sharca, kulan la sheegay inuu ka dhici doono Sacuudi Carabiya, sida uu weriyay bogga wararka Israa’iiliga ah ee I-24 News Arbacadii, isagoo soo xiganaya ilo xog-ogaal u ah arrimaha Suuriya.

Warbixinta ayaa sheegtay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga ah, Mohammed bin Salman, oo ah hoggaamiyaha rasmiga ah ee dalka, uu door muhiim ah ku lahaa abaabulka kulankan la qorsheynayo.

Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay inuu booqan doono Sacuudi Carabiya bisha May, islamarkaana ay suuragal tahay inuu sidoo kale tago dalal kale oo ka tirsan Khaliijka.

Madaxweyne Al-Sharca ayaa la kulmay Bin Salman bishii Febraayo ee la soo dhaafay, taasoo ahayd safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo markii uu hoggaamiyay kacdoonkii mucaaradka ee December 2024, kaasoo meesha ka saaray xukunkii muddada dheer haystay Bashar al-Assad.

Sida ay sheegtay mareegta Al-Modon, oo ah farac ka tirsan warbaahinta The New Arab, ilo Suuriyaan ah ayaa xaqiijiyay in Sacuudi Carabiya ay isku dayeyso inay isu keento Trump iyo Ahmed Al-Sharca, hase yeeshee waxa ay xuseen inaan la hubin in dadaalkaasi guuleysan doono.

Isha wararka ayaa tilmaamtay in Sacuudigu doonayo in Mareykanka si rasmi ah u aqoonsado dowladda Al-Sharca, islamarkaana la qanciyo Trump si uu u qaado cunaqabateyntii lagu soo rogay Suuriya xilligii xukunka Assad.

Mareykanka ayaa dhawaan si taxaddar leh u soo dhaweeyay dhismaha dowladda cusub ee Suuriya, isagoo door muhiim ah ka qaatay heshiis dhexmaray dowladda Sharca iyo Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya (SDF) oo ay Kurduudu hoggaamiyaan, heshiiskaas oo dhigaya in SDF lagu daro hay’adaha dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka wuxuu shuruudo ku xiray qaadista cunaqabateynta, oo ay ka mid yihiin: in dagaalyahannada ajaanibta ah laga saaro xilalka dowladda, in laga tanaasulo falalka “argagixisada”, in laga hortago in Iiraan iyo xulafadeeda ay ka faa’iideystaan dhulka Suuriya, in la ilaaliyo xuquuqda diimeed iyo qowmiyadeed ee laga tirada badan yahay, iyo in la sugo xorriyadaha aasaasiga ah ee dhammaan muwaadiniinta Suuriya.

Xulafada Mareykanka ee Israa’iil ayaa tan iyo markii xukunka laga tuuray Assad fulinaysay weerarro joogto ah oo dhanka dhulka iyo cirka ah oo ka dhan ah Suuriya, kuwaasoo sababay dhimashada dad badan.

The New Arab ayaa isku dayday inay la xiriirto Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka si ay u xaqiijiso kulanka la sheegay ee u dhexeeya Trump iyo Sharca, balse wax jawaab ah lagama helin xilliga la daabacay warbixinta.

DF oo war ka soo saartay Soomaali uu soo tarxiilay Trump oo ku xayiran Panama

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan ayay ahayd markii tobanaan soo-galooti ah oo Maraykanka laga soo tarxiilay lagu xiray hoteel ku yaalla Panama – dadkaas waxaa ka mid ahaa Soomaali laga soo celiyay dalka Maraykanka, kuwaasoo dowladda Panama ay dooneyso in ay u dirto waddamada ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaan wax ka weydiinay waxa ay ka ogyihiin dadkaas iyo waxa ay u qorsheeyeen ilaa iyo haatan.

“Illaa hadda xogta aan hayno waxay tahay in Panama ay hadda ku sugan yihiin dad Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Maraykanka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Diinaari, oo ah la-taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya illaa iyo hadda ma oga tirada saxda ah ee la keenay Panama, sida uu noo sheegay la-taliye Diinaari oo horey u hoggaamiyay howlgallo ay wasaaraddu dib ugu soo celisay dalka Soomaali muhaajiriin ahaa oo ku sugnaa waddamo kala duwan. Balse waxa uu qiray jiritaanka dadka Soomaalida ah ee Maraykanka laga keenay ee ku sugan Panama.

“Dadkaas illaa hadda lambarkooda sax ah ma hayno, laakiin waxaa naloo hayaa macluumaadkooda,” ayuu yidhi Diinaari isagoo ka warbixinaya xaaladda.

Si xal loogu helo arrinta Soomaalida muhaajiriinta ah ee la keenay Panama, waxa uu sheegay Diinaari in tallaabada ugu horreysa ee ay ugu baaqayaan dadkaas tahay in ay xiriir la sameeyaan safaaradda Soomaaliya ee ku taalla caasimadda Havana ee dalka Cuba.

Waxaa xusid mudan in xiriirka Soomaaliya iyo Cuba dib loo soo celiyay sanadkii 2023, kadib muddo 46 sano ah. Hase yeeshee, Soomaalida la sheegay in ay ku sugan yihiin Panama iyo safaaradda Soomaaliya ee Cuba xad toos ah ma leh, waxaana u dhexeeya badda Karibiyaanka.

“Waxaan rajaynayaa oo aan rabaa in aan dadkaas la socodsiiyo in safaaradda aanu ku leenahay Cuba ay la xiriiraan, si ay u helaan taakulo ama gacan ka helaan sidii ay meeshaas uga soo bixi lahaayeen – waxaan filayaa in safiirku uu diyaar u yahay,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, ma uusan xusin habka ay ula xiriiri karaan safaaradda ama sida ay halkaas ugu tegi karaan, maadaama aysan jirin xad toos ah oo u dhexeeya labada waddan – midka ay ku sugan yihiin iyo halka safaaradda Soomaaliya ay ku taallo, oo ay masaafo ahaan kala fog yihiin 1,478 km.

“Safaaradda Washington iyo xafiiska aanu ku leenahay New York waxay wadaan dadaallo ay kula shaqeynayaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, si dadkaas dib loogu soo celiyo dalkooda. Xiriirkaasna wuu socdaa,” ayuu yiri Diinaari, isaga oo caddeynaya in safaaradda Soomaaliya ee Washington iyo dowladda Maraykanka ay ka wada shaqeynayaan dib u soo celinta dadka Soomaalida ah ee la soo tarxiilay.

Xukuumaddii madaxweyne Donald Trump ayaa bilowday qorshaheeda masaafurinta dadka si aan sharci ahayn ku soo galay dalka Maraykanka, arrintaas oo uu madaxweynuhu si toos ah u amray. Masaafurinta dadkaasi waxay ahayd tiir weyn oo ka mid ahaa ol’olihiisii doorashada.

Turkey to deploy private military contractors to Somalia

Ankara, Turkey – Turkey is reportedly planning to deploy a unit from the private military company SADAT to Somalia in the coming weeks, according to sources cited by the Horn Review research center.

This decision follows a formal request from Somali President Hassan Sheikh Mohamud, who was officially welcomed to Ankara last week and held a meeting with his Turkish counterpart, Recep Tayyip Erdogan.

The deployment aims to bolster the fight against the Al-Shabaab group, particularly in areas within the Middle and Lower Shabelle regions of central and southern Somalia.

According to the same sources, the Somali federal government has requested that up to three SADAT officers be assigned to lead operations against Al-Shabaab.

Their primary task will be to secure key urban and rural areas and ensure stability in the Shabelle Valley, a strategic area of significant security concern for the Somali government.

Beyond counter-terrorism operations, deploying SADAT is also expected to be part of Turkey’s strategic interests. Intelligence sources cited by Horn Review suggest that Turkey plans to establish a long-range missile testing site in the Middle Shabelle region, north of Mogadishu – a move indicative of the deepening military ties between Ankara and Mogadishu.

If this facility is confirmed, it would significantly increase Turkey’s strategic footprint in the region, solidifying its long-term presence in the Horn of Africa.

Turkey is not a new player in Somalia. Over the past decade, Ankara has become a close and crucial ally for Mogadishu, providing military training programs, infrastructure investment, and substantial financial aid.

The Turkish military base in Mogadishu remains one of the largest foreign military installations in Somalia and is a testament to Turkey’s commitment to being part of the country’s security architecture.

If the deployment of SADAT is confirmed, it will represent a significant new phase in Turkey’s defense and foreign policy in Africa.

SADAT – a private military contractor – is increasingly being compared to Russia’s Wagner Group, now known as “Africa Corps,” due to its clandestine operations and service to Ankara’s strategic interests.

SADAT specializes in military training, military consulting services, and participation in direct combat in areas where Turkey has interests. Its involvement in Somalia will further solidify Turkey’s role in African security.

The Horn Review report notes that this plan raises essential questions about the region’s evolving security landscape. While the Somali government has welcomed Ankara’s support, other influential regional and global powers may contend with this move.

Using private military companies in foreign policy also risks triggering competition among foreign powers vying for influence in the Horn of Africa.

Turkey’s growing influence within Somalia could potentially draw a reaction from regional states such as the United Arab Emirates, which is also actively involved in Somalia’s security affairs.

Similarly, Western nations closely monitoring the security situation in the Horn of Africa may scrutinize SADAT’s activities, given concerns about the transparency of private military companies and their alignment with the political interests of the states they represent.

As Turkey expands its security role in Somalia, Horn Review states that the coming months will be crucial in observing how SADAT’s presence will impact the fight against Al-Shabaab.

Whether this move will bring more excellent stability or complicate foreign military intervention in Somalia is a closely watched issue of significant regional strategic importance.

Somalia: Political quagmire fuels humanitarian abyss

The arid plains of Somalia, once a landscape of nomadic resilience, now bear witness to a harrowing spectacle: a nation where natural disasters and political malfeasance converge, creating a humanitarian abyss. In April 2025, the specter of starvation looms over 5.98 million people, including a staggering 1.6 million children teetering on the precipice of acute malnutrition. This catastrophe, as highlighted by recent reports from AP News, The Guardian, and Reuters, is not merely a consequence of relentless climate shocks, but a direct and damning indictment of entrenched political dysfunction. The very architecture of Somalia’s political landscape, riddled with clan rivalries, central-state tensions, and systemic corruption, has transformed a vulnerable population into a casualty of power.

The Political Architecture of Collapse

At the heart of Somalia’s instability lies its clan-based political system, a legacy that continues to fracture the nation. Patronage networks, deeply rooted in lineage, prioritize loyalty over competence, diverting crucial aid and coveted government positions to favored groups. This insidious practice leaves marginalized communities, often the most vulnerable, excluded from essential humanitarian relief, deepening the chasm of inequality. The federal model, intended to decentralize power, has instead devolved into a battleground of competing interests. Federal Member States (FMS) allegedly accuse Mogadishu of monopolizing aid and resources, effectively stalling service delivery. Overlapping authorities and a lack of clear demarcation have created a gridlock, exploited by regional leaders who seize power vacuums for personal gain. This political paralysis is further exacerbated by rampant corruption. International watchdogs estimate that up to 30% of aid funds are lost to embezzlement, a staggering figure that underscores the systemic rot. The recent U.S. aid freeze, justified as a measure against corruption, has inadvertently crippled the already fragile food and medical supply chains, leaving millions without vital assistance. Adding to the volatile mix is Ethiopia’s controversial Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland, a move that has escalated regional tensions and diverted critical attention from the burgeoning humanitarian crisis. Al-Shabaab, ever opportunistic, exploits this rift, portraying the Federal Government of Somalia (FGS) as weak and ineffective, and recruiting disillusioned nationals into its ranks.

The Human Cost

The human cost of this political quagmire is devastating. Internally Displaced Persons (IDPs), numbering 3.8 million, endure unimaginable suffering in overcrowded camps plagued by rampant sexual violence and a severe lack of clean water. The recent aid cuts have left these camps devoid of food, a stark reality underscored by the fact that only 12.4% of the 2025 Humanitarian Needs and Response Plan (HNRP)’s $1.42 billion appeal has been funded. Pastoralist communities, the backbone of Somalia’s rural economy, have been decimated by prolonged drought and escalating land conflicts. Livestock, their primary source of livelihood, has perished, pushing them into abject poverty. The early cessation of the 2024 Deyr rains has further exacerbated water scarcity, igniting violent grazing disputes. Children, the most vulnerable, are bearing the brunt of this crisis. An estimated 1.6 million children face acute malnutrition by mid-2025, a grim statistic that reflects the collapse of the healthcare system. Desperate families are resorting to child labor and early marriage as desperate measures for survival, sacrificing the future of their children for the sake of immediate sustenance.

International Failures

The international community, burdened by competing crises, has demonstrated a troubling degree of donor fatigue. The conflicts in Ukraine and Gaza have diverted crucial funding, leaving Somalia’s aid appeal critically underfunded. Geopolitical maneuvering by Gulf States and Turkey, prioritizing military investments over humanitarian aid, has further compounded the problem. The U.S. aid freeze, while intended to combat corruption, has inadvertently accelerated starvation rates, highlighting the complex and often unintended consequences of international interventions.

Al-Shabaab’s Exploitation

Al-Shabaab, a ruthless and opportunistic extremist group, thrives in the governance voids created by political dysfunction. They offer basic services and security in areas neglected by the FGS, gaining the trust and loyalty of vulnerable populations. They extort NGOs and siphon resources, diverting aid intended for the starving. They capitalize on clan divisions and exploit the nationalist anger over the Ethiopia-Somaliland deal, recruiting disenfranchised youth into their ranks. The group’s ability to exploit the political and humanitarian crisis underscores the urgent need for a comprehensive and multifaceted approach to addressing Somalia’s challenges.

A Path Forward

Breaking the cycle of despair requires a concerted and sustained effort. Governance reforms, including robust anti-corruption measures and equitable aid distribution, are paramount. A genuine national dialogue, aimed at reconciling the deep-seated disputes between the FGS and FMS, as well as the enduring clan rivalries, is essential for lasting peace. Restoring funding, coupled with stringent oversight mechanisms to prevent leakage, is crucial for addressing the immediate humanitarian needs. Long-term climate adaptation strategies, supporting pastoralist communities with drought-resistant initiatives, are vital for building resilience against future shocks.

Conclusion

Somalia’s crisis is not an inevitable tragedy; it is a man-made disaster. Without urgent political accountability, millions will remain trapped in a cycle of despair, their lives sacrificed on the altar of political expediency. The international community must prioritize human lives over geopolitical maneuvering, transcending short-sighted interests to avert a generational catastrophe. The time for decisive action is now, lest the cries of the starving and the suffering become a permanent lament in the heart of the Horn of Africa.

About the Author

Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond.

As a leading expert in humanitarian, governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments.

You can reach him through email: [email protected]